25.1 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Wasiirkii labaad oo DF iska casilay, shaacana ka qaaday ‘qorshe halis ah oo socda’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Cismaan Daqare ayaa shaaciyay inuu iska casilay xilkii Wasiir ku xigeenka Waxbarashada Soomaaliya, kadib markii sida uu sheegay uu “ku qancay in hoggaanka dalka uusan haynin wadadii saxda ahayd”.

Daqare, ayaa noqday wasiirkii labaad oo maanta iska casilay xukuumada Xamsa Cabdi Barre, sidaan oo kale waxaa maanta duhurkii isku casilay wasiiru dowlihii wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya Cabdirashiid Jiley.

“Mudo dheer markaan isha ku hayay Hab-dhaqanka iyo Hannaanka Hoggaanka Xukuumadda aan ka midka ahay, anigoo xeerinaya waajibka iga saaran dalka iyo dadka aan matalo, waxaan ku gancay in Xukuumadda aan xubinta ka ahay haynin wadadii saxda ahayd ee loo igmaday, ayna baalmartay Dastuurkii lagu soo doortay iyo Barnaamijkii lagu ansaxiyay,” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Cismaan Daqare.

Sidoo kale wasiir ku xigeenkaan iska casilay wasaaradda waxbarashada wuxuu sheegay in si ula kac ah Hoggaanka Xukuumadda uu u maray wado horay aan loo soo mahdin, taas oo laga dhaxlay dhibaatooyin siyaasadeed bulsho iyo kuwo dhaqaale oo la filayay in lagu soo cibro qaato oo Dalka iyo Dadka lagu hoggaamyo dhanka midnimada iyo wadajirka.

“Waxaaan aad oga xumahay in Bulshadii aan matalayay laga dhigay mid laga saaray Soomaalinimada sida SSC, mid laga shaqeeyay burburkeeda, markii lagu fashilmayna la cunaqabateeyay sida Puntland, iyo mid hadda loo masaaro tumanayo burburinteeda sida Jubbaland oo si aan ganbad lahayn looga shaqeynayo in la galiyo jahawareer siyaasadeed iyo afgambi,” ayuu yiri Daqare.

Masuulkaan iska casilay xukuumada Xamsa ayaa sheegay in si bareer ah loo baalmaray hannaankii awood qaybsiga siyaasadeed ee Soomaalidu ku heshiisay, lana qaaday wado kali-talisnimo ah.

“Waxaa halqabsi laga dhigtay loo jooji maayo, taas oo horseedaysa kala irdhow iyo burbur hor leh, iyadoo la wada ogsoon yahay khataraha ku gadaaman maanta Soomaaliya,” ayuu qoraalkiisa is casilaada ku yiri Xildhibaan Axmed Cismaan Daqare.

Wuxuu sheegay inuu ku qancay in Xukuumadaan ay ku hawlan tahay in ay dhiig ku daadiso Jubbaland, kana rido dagaal sokeeye, iyadoo sida uu sheegay rabta in ay ku fushato danaheeda gaarka ah.

“Waxaan go’aansaday markaan damiirkeyga la tashaday in aan iska casilo Xilka Wassiir ku Xigeenka Wassaarada Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare,” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Cismaan Daqare.

Ugu dambeyntii wasiir ku xigeenka is casilay ayaa baaqiisa ku yiri, “Waxaan Umada Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay ku baraarugto, isla markaasna ka hortimaado damaca guracan ee lagu afduubayo mustaqablka Umadda Soomaaliyeed, laguna kala geynayo Umadda walaalaha ah ee la soo daalaa dhacaysay dhibaatooynkii ka dhashay dagaaladii sokeeye.”

Wasiir maanta iska casilay DF oo eedeymo culus u jeediyay Xasan Sheekh iyo kooxdiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha wasaaradda qorsheynta Cabdirashiid Jire ayaa maanta iska casilay xilkii, isagoo istiqaalada is-casilaadiisa u gudbiyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre.

Wasiir Cabdirashiid Jire oo deegaan ahaan kasoo jeeda Jubbaland ayaa is-casilaadiisa ku sababeeyay dhowr arrimood oo intooda badan uu ku eedeeyay xukuumadda iyo xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh ee UPD.

Jire ayaa sheegay in go’aankiisa is-casilaadda ay qeyb ka tahay in dowladda dhexe aysan wax ixtiraam ah u hayn deegaanada uu kursiga ugu fadhiyo, islamarkaana ay ku howlan tahay sidii deegaamadaas aan kor kusoo xusay looga abuuri lahaa colaado iyo xasilooni darro siyaasadeed.

“Markaan arkay hab dhaqanka xukuumadda loogu yeeray Dan-Qaran oo aan u adeegeyn danta umadda Soomaaliyeed ee ay noqotay mid ka shaqeysa dano gar ah. Kadib markaan arkay in hab-dhaqankii aan xukuumaddii 2017-2022-kii kaga hornimid mid lamid ah ay haatan wadaan madaxda dowladda federaalka ee maanta joogta taasi oo dalka galinaysa hubanti la’aan siyaasadeed iyo kala tag bulsho,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Kadib markaan arkay in hanaankii awood qeybsiga 4.5 ee ay Soomaali ku heshiisay, islamarkaana dadku ku qanacsanaayeen uu meesha ka baxay, lana bilaabay in nidaam xisbi (UPD, DAMUL-JADIID) oo aan sharci aheyn lagu maamulo talada dalka.”

Sidoo kale waxaa kamid ah eedaha uu Jire u jeediyay xukuumadda uu iska casilay maanta in hab-dhaqankeeda uu yahay mid aan u adeegeynummadda Soomaaliyeed oo ay noqotay mid ka shaqeyneysa dano gaar ah iyo sidoo kale hal ku dhiggii Soomaali heshiis ah Dunidana la heshiis ah uu noqday wax kama jiraan ah oo dagaallo sokeeye ka socdaan meelo badan, islamarkaana dowladda federaalka aysan wada shaqeyn ka dhaxeyn dowlad-goboleedyada.

“Waxaan go’aansaday in maanta oo ay taariikhdu tahay 3-da November 2024 in aan iska casilo xilkii wasiiru-dowlaha wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, waxaana dadka aan matalo ugu shaqeyn doonaa xilkii ay iisoo wakiisheen ee golaha sharci dejinta, aniga oo marwalba danaha deegaan doorashooyinka aan metelo ka hormarin middayda gaarka ah.”

Somaliland oo sheegtay inay dishay sarkaal sare oo Al-Shabaab ah oo ku sugnaa…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay inay dishay horjooge ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ku sugnaa magaalada Buuhoodle.

Ninkan oo Somaliland ay magaciisa ku sheegtay Cabdiqani Sulub, ayaa waxay sheegtay inuu ahaa taliyaha labaad ee xero ay kooxda Al-Shababa ku leedahay Buuhoodle.

Sida ay sheegtay Somaliland ninkaan ayaa waxaa lagu dilay dagaalkii u dambeeyay ee toddobaadkan ka dhacay aagga Sool.

Arrintan ayay ku shaacisay Somaliland qoraal ay kasoo saartay dagaalka kasoo cusboonaaday gobolka Sool, iyadoo oo ku eedeysay dowladda federaalka Soomaaliya inay gadaal ka riixayso dagaalamayaal ay sheegtay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo ciidamada SSC-Khaatumo.

Somaliland ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in weerarkan uu yahay isku day lagu doonayo in lagu carqaladeynayo doorashooyinka la qorsheeyay inay dhacaan 13-ka Noofembar 2024.

Horay maamulka KMG ee SSC-Khaatumo ayaa ku eedeyeyey ciidammada Somaliland inay soo weerareen saldhigyo ay ku leeyihiin degmada Buuhoodle. SSC-Khaatumo ayaa ku tilmaamay weerarkan mid loogu tala-galay in lagu wiiqo nabadda iyo xasilloonida ka hanaqaaday gobolkaasi.

Tan ayaa imaneysa xilli ay habeen hore dowladda federaalka Soomaaliya soo saartay baaq nabadeed ay ku wargelinayso dhinacyada colaadda ka dhex taagan tahay inay joojiyaan dagaalka.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ku boorrisay odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka iyo dhammaan bulshada inay door muuqda ka qaataan joojinta colaadaha iyo xasilloonida degaannada ay dirirtu ka jirto.

1-dii bishaan ayey ahayd markii dagaal u dhaxeeya maleyshiyo beeleed kasoo kala jeeda Somaliland iyo SSC-Khaatumo uu ka dhacay deegaano miyi ah oo hoosyimaada degmada Buuhoodle. Waxaa dagaalkaas ka dhashay khasaare nafeed oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Labada dhinac ayaa lagu eedeynayaa inay dabada ka riixayaan colaadda, iyadoo ciidamo iyo gaadiid dagaal oo ka kala tirsan labada dhinac ay qeyb ka yihiin colaadda.

Wasiirka Gaashaandhigga: Waqti dhow wax weyn oo aadan fileyn ayaa ku dhici doona

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa si faah-faahsan uga hadlay howlgallada xoreynta ee dalka ka socda, isla markaana ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Jaamac oo khudbad ka jeediyay munaasabad xarrig jarayay dhismaha cusub ee xarunta Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka ayaa sheegay in guullo waa wayn laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, welina uu sii socdo gulufka ka dhanka ah kooxdaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in howlgalladu ay sii socon doonaan, isaga oo sheegay in waqti dhow uu jab culus oo lama filaan ah ku dhici doono Khawaarijta.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale digniin u diray dadka rayidka ah ee jooga deegaannada Al-Shabaab, wxuuuna ugu baaqay inay ka fogaadaan aaggooda.

“Waqti dhow wax weyn oo aadan filanayn ayaa ku dhici doonna Al-Shabaab ee shacabkow ka fogaada” ayuu yiri Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Duqeymaha ayuu sidoo kale tilmaamay inay sii socon doonaan, ujeedkana waxa uu tilmaamay inuu yahay in lagu naafeeyo Khawaarijta.

“Waxa aad ogtihiin dagaal in lagu jiro, Shabaab iyo innaga waxa aan xabbad ahayn in aysan naga dhaxeyn, Waxa aad ogtihiin in uu Madaxweynaha ku baaqay dagaal cir & dhul ah laga weerari doonno, haddana waxaa la arkay dad Shacab ah oo leh Shabaab wixii lagu duqeeyay ayaa wax naga soo gaaray baa la arkay” Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa weli ka socda dagaallo ka dhan ah Shabaab, waxaana barbar socda duqeymo diyaaradeed oo lagu taageerayo ciidamada.

Cawaaqibka go’aankii kasoo baxay shirkii Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Machadka cilmi barista Haritage ayaa Sabtidi shalay soo saaray, warbixin uu diiradda ku saaray xaaladaha siyaasadeed ee hadda ka taagan Soomaaliya, gaar ahaan natiijooyini dhawaan kasoo baxay shirki Golaha Wadatashiga Qaran.

Warbixinta ayaa saluugtay ka maqnaansha Puntland iyo Jubaland ee muddadii uu socday kulankii u dambeeyay ee madaxda sare ee dalka.

Hoos ka aqriso warbixinta Haritage oo dhameystiran;

Go’aankii ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka 30-kii, Oktoober 2024, ayaa
dood weyn oo culus ka dhex dhaliyay hormuudka siyaasadda dalka. Go’aamadan ayaa
taabanaya arrimo xasaasi ah oo la xiriira doorashooyinka soo socda ee heer faderaal
iyo heer dowlad goboleedba.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo qaba, kuna adkaysanaya, in dalka laga qabto doorashooyin qof iyo cod ah ayaa ah ayaa dooddan xuddun u ah. Mabda’an, doorashooyin qof iyo cod ah, waxa uu ka turjumayaa rabitaanka inta badan ee shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo u hanqal taagaya in ay ka gudbaan nidaamka doorashada dadban taas oo ragaadisay doorashooyinkii dhowaan dalka ka qabsoomay.

Doorashooyinka dadban waxa si weyn u saameeya musuq-maasuq iyo nin jeclaysi ay ku kacaan hoggaamiyeyaasha faderalka iyo dowlad goboleedyaduba, kuwaas oo keena xasilooni darro siyaasadeed iyo niyadjab baahsan.

Dadka Soomaaliyeed waxa ay si weyn u xasuustaan jaahwareerkii iyo qalalaasihii
siyaasadeed ee 2016/2017 iyo kii 2021/2022, xilliyadaas oo ay doorashooyinkii dhacay
ku suntanaayeen ku shubasho, faragalin iyo musuq-maasuq baahsan. Qaran uu
hareeyay degenaansho la’aan siyaasadeed tan iyo doorashooyinkii musuqmaasuqa
ba’naa ee dhacay 1969-kii, oo uu ka dhashay afgambigii militariga, in lagu soo
dabbaalo doorashooyin qof iyo cod ahi waa yididiilo iyo rajo dimuqraaddiyadeed oo
Soomaaliya gaadhitaankeeda u halgamayso, balse ka miradhalinteedu u baahan tahay
feejignaan dheeraad ah.

Aragtida ku salaysan doorashooyin qof iyo cod ah, oo ay wehilso siyaasad ku dhisan
xisbiyo siyaasadeed salka ku haya tartan fikradeed, ayaa ah mid ay dadka
Soomaaliyeed ku helayaan fursad ay ku kala xushaan, kulana xisaabtamaan
madaxdooda.

Aragti ahaan, in loo guuro mabaadi’da dimuqraaddiyaddu waa arrin ay
soo dhowaynayaan dhammaan dadka doorka ku leh siyaasadda Soomaaliya. Laakiin,
in kastoo ay tahay arrin soo jiidasho leh, in badan oo ka mid ah mawaadiniinta iyo
dadka doorka siyaasadeed lihi shaki weyn ayay ka qabaan ujeeddooyinka
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo weliba awoodda uu u leeyahay in uu fuliyo
ballanqaadka doorashooyin qof iyo cod ah, marka loo eego sababahan soo socda:

Tan koowaad, Madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha
Wadatashiga Qaranka (marka laga reebo Puntland), ayaa 2023 sameeyay ballan kan la
mid ah, isaga oo sheegay in doorashooyin qof iyo cod ah lagu soo dooran doono
golayaasha deegaanka ee dalka iyo hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada, kuwaas
oo dhicitaankooda loo qoondeeyay 2024; balse waa uu ku guuldarreystay fulinta
ballanqaadkaas. Taasi waxa ay sabab u noqotay in dad badani su’aal galiyaan sida uu
madaxweynuhu uga dhabayn karo ballanqaadkiisan cusub.

Tan labaad, madaxweynuhu waxa uu heshiiskan la galay hoggaamiyeyaasha
dowlad goboleedyada oo uu muddo-xileedkoodu dhammaaday sannad ka hor.

Hoggaamiyeyaashan ayaa cimri-dherer siyaasadeed ka dhex arka dibudhaca
doorashooyinka ee soo noqnoqday, maadaama muddo-kororsigu u suuragalinayo in
ay sii haystaan xilal aan lagula xisaabtamin ama aan sharci ku dhisnayn. Soomaali
badan ayaan liqi karin in sannad kale loo kordhiyo hoggaamiyeyaasha dowlad
goboleedyada, taasina waxa ay kor u qaadday shakiga laga qabo sida ay madaxda
madashu u hir-galin karaan doorasho qof iyo cod ah oo dhab ah.

Tan saddexaad, ballanqaadka Madaxweyne Xasan Sheekh, ee ku saabsan
doorashooyin qof iyo cod ah, waxa uu noqon lahaa mid lagu kalsoonaan karo haddii
uu ku guulaysan lahaa in uu gobolka Benaadir ka hirgaliyo doorasho deegaan oo qof
iyo cod ah, maadaama ay tahay gobolka kaliya ee ay si buuxda u xukunto dowladda
faderaalku. In kasta oo ay jiraan ballanqaadyo soo noqnoqday, oo markasta bura,
haddana ku dhowaad saddex milyan oo qof oo deggan gobolka Benaadir ayaa weli ku
hoos jira maamul kor laga soo magacaabay, taas oo duudsiday xuquuqdoodii ay u
lahaayeen doorashada hoggaamiyayaashooda. Ballanqaadyadaas aan la fulin ayaa
shaki weyn gelinaya in uu madaxweynuhu ka dhabeeyn doono qabashada
doorashooyin qaran oo qof iyo cod ah, sababta oo ah waxa muuqda isdiiddooyin u
dhaxeeya hadalka iyo ficilka.

Tan afaraad, abaabulka doorashooyinka qof iyo codka ah ee soo cusboonaaday,
ayada oo la dhaafay bartamihii muddo-xildeedka madaxwaynaha, ayaa sii xoojiyey oo
kaliya shakiga u dhexeeya daneeyayaasha siyaasadda. Dad badan ayaa ka walaacsan in
ay arrintani noqon karto xeelad siyaasadeed oo uu madaxweynuhu muddo-xileedka
ku kororsanayo marka ay ka dhamaanto afarta sano, taas oo la mid
ah isku daygii madaxweynihii isaga ka horreeyay sanadkii 2021.

Isku daygaas ayaa horseeday iska hor-imaadyo rabshado wata oo ka dhacay Muqdisho, taas oo muujisay cawaaqibxumada ka dhalan karta doorashooyinka sida xun loo maamulo.

Tan shanaad, caqabadda ugu weyn ee hortaagan ka dhabaynta doorashooyin qof iyo
cod ah, waa maqnaanshaha laba gobol ee xubnaha ka ah dowladda faderaalka oo kala
ah Puntland iyo Jubbaland, oo uu weliba weheliyo maamulka dhowaan la aqoonaday
ee SSC-Khaatumo.

Bulsho aad u kala qaybsan, wadajirka iyo wadar-oggolku waa u lafdhabar, sidaas darteed doorasho kasta oo la doonayo in lagu qanco waxa ay u baahan tahay in ay qayb ka noqdaan gobollada maqan iyo siyaasiyiinta mucaarku. Haddii aanay heshiis ku ahayn daneeyayaasha siyaasaddu, oo ay ku jiraan mucaaradku, helis weyn ayaa ku gadaamnaan karta sharcinimada doorashooyinka qof iyo cod ah.

Marka loo eego caqabadahan, madmadow badan ayaa ku gadaaman
dooraashooyinka qof iyo cod ah ee ku qabsooma jawiga siyaasadeed ee hadda jira.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhowaan ku dhawaaqay in uu
gogol turxaanbixin ah u dhigayo dowlad goboleedyada fikirkan ka soo horjeeda ayaa
ah tallaabo wanaagsan. Tallaabadani waxa ay abuuraysaa rejo wanaagsan oo weli
suuragalin karta in is-afgarad iyo dhab-u-heshiin siyaasadeed laga gaaro doorashada
soo socota.

Hoggaamiyayaasha Puntland iyo Jubbaland waxaa ku gudboon in ay soo
dhaweeyaan gogosha uu madaxweynuhu ku baaqay, oo ay dib ugu soo biiraan Golaha
Wadatashiga Qaranka, iyaga oo qiimaynaya danta midnimada qaranka.
Sida oo kale, waa in uu Madaxweyne Xasan Sheekh muujiyaa dabacsanaan iyo
xilkasnimo hoggaamineed, isaga oo u tanaasulaya, isla markaana tixgelinaya
tabashooyinka dowlad goboleedyada maqan iyo kooxaha mucaaradka. Ruuxdaas
wadashaqayneed waa jidkii uu Madaxweyne Xasan Sheekh laftiisu u ololaynayay
markii uu ahaa hogaamiye mucaarad ah sannadihii 2021 iyo 2022.

Si hore loogu tallaabsado, waxa ay talooyinkan soo socda tibaaxayaan jidka loo mari
karo hannaan doorasho oo xasilloon, loo dhan yahay, islamarkaana lagu kalsoonaan
karo:

1. Abuuridda hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay: In la sameeyo hannaan
doorasho oo ay heshiis ku yihiin dowladda faderaalka, dawladaha xubnaha ka ah
federaalka, mucaaradka iyo bulshada rayidka ah. Hannaanka noocan ahi waxa uu
horseedayaa aasaas waara loo dhigo doorashooyinka 2026, wuxuuna kobcinayaa
midnimo qaran. Degdegga iyo meel soke wax ka raadinta waxaa laga dhaxlayaa
kala qaybsanaanta iyo kalsooni darroda oo sii xoogeysta.

2. Abuuridda hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay: Hufnaanta hannaanka
doorashadu waa lama huraan. Iyada oo aan loo eegin in doorashadu tahay mid
toos ah ama mid dadban, hannaan doorasho hufan oo caddaalad ahi waa inuu
Meesha ka saaraa dhaqannadii musuqmaasuqa, isla markaana dammaanad
qaadaya islaxisaabtan. Xarumo dhawr ah, oo uu ka mid yahay machadka Heritage,
ayaa soo bandhigay hannaano doorasho macquula ah, lana hirgelin karo, kuwaas
oo horseedi kara hab doorasho hufan, oo lagu kalsoonaan karo, taas oo ay
habboon tahay in ay dowladda faderaalku dhaqangaliso.

3. In Midnimada Qaranka laga hormariyo danaha siyaasadeed ee muddada dhow:
Madaxda Soomaalidu waa in ay damacooda shaqsiga ah ka horraysiiyaan
xasilloonida qaranka. Ma jiro hoggaamiye Dowladda Faderaalka Soomaaliya oo
keligii rabitaankiisa ku jujuubi kara qaranka; hoggaamin dhab ah ee Soomaaliya
waxa ay u baahan tahay isu-tanaasul, wadaxaajood, iyo ku mitid xukun la
wadaago.

Ugu danbayn, madaxda dowladda faderaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyadu
waa in ay mudnaanta siiyaan hufnaanta iyo xalaalnimada doorashada, marka loo
barbardhigo nooca doorashada.

Ama halla hirgeliyo doorasho toos ah ama mid dadbane, jidka kaliya ee lagu soo
noolayn karo kalsoonida shacabku waa in Soomaaliya laga hirgaliyo doorasho
caddaalad ah oo ka madax bannaan talo-marooqsiga iyo musuqa madaxda federalka
iyo kuwa goboladda, taas ayaana lagu gaari karaa nidaam dimuqraadiyadeed iyo
mustaqbal siyaasadeed oo xasilloon. In dalka oo dhan laga qabto doorashooyin qof
iyo cod ah ayaa lafdhabar u ah guusha safarka doorashooyinka Soomaaliya.

Hirgelinta doorasho hufan loona dhan yahay, ayaa ah rejada ugu wanaagsan ee ay
Soomaaliya ku gaari karto nabad waarta iyo mustaqbal hagaagsan. Ka dhabaytna iyo
xaqiijinta riyadaasi waa masuuliyad saaran dhammaan hoggaanka siyaasadda
Soomaaliya.

Fiqi oo shaaciyey qorshaha DF ee safaaradda Itoobiya ee Villa Somalia ku dhex taalla

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo wareysi siiyey Telefishinka Qaranka ayaa ka hadlay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo si adag uga hadlay goobta ay degan tahay safaaradda Itoobiya.

Wasiir Fiqi ayaa balan qaaday in deg deg safaaradda Itoobiya ay dowladda Soomaaliya uga rari doonto goobta ay degan tahay.

Safaaradda Itoobiya ayaa ku dhex taalla Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana arrintaan caro xooggan ka muujiyey shacabka Soomaaliyeed oo dalbaday in goobtaas xasaasiga ah laga raro safaaradda Itoobiya.

“Safaaradda Itoobiya madagana dhulkeedii inay ku dhextaal xeyn daabka Madaxtooyada Qaranka waa arrin laga haboon yahay, waxaan ka shaqeyn doonaa sidii ay dhulkeedii hore u dhisan laheyd kaas oo hadda u banaan,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa wareysigaan ku sheegay in safaaradda Itoobiya Madaxtoyada la dejiyey xiligii uu dalka Madaxweynaha ka ahaa Cabdullahi Yuusuf, isagoo nasiib darro ku tilmaamay inay halkaas sii deganaato safaaradda Itoobiya.

“Dareenka shacabka Soomaaliyeed ee ku saabsan goobta ay degan tahay safaaradaas waa ku saxan yihiin, si deg deg ah ayaan talaabo u qaadi doonaa, waxayna degi doontaa goob kale oo ka baxsan Madaxtooyada,” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka ayaa cadeeyey in safaaradda Itoobiya ay dhul ku leedahay Magaalada Muqdisho, “dhulkoodii inay degaan ama meel kale ha degaane ay ka guuraan gudaha Madaxtooyada ayaan ka shaqey doonaa, waana awoodaa dowladda Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Fiqi.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa ku dooday in dowladda Soomaaliya ay xujo hor dhigi doonto Itoobiya, taasi oo ah inay ka dalba doonaan in safaaradda Soomaaliya dhul laga siiyo gudaha Madaxtooyada Itoobiya ama ay ka guuri doonaan Madaxtooyada Soomaaliya.

“Si labada dalka ay u sinaadaan, Itoobiya waxay safaaradeedna dhul ka siineysaa madaxtooyada Addis Ababa ama waxay ka guuri doonaan Villa Somalia, wax ka dhexeeya ma jiraan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya.

Hoos ka daawo

Islow oo si lama filaan uga hadlay qorshaha Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga gudaha Soomaaliya, haddana ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si lama filaan ah uga hadlay qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan doorasho qof iyo cod ah, kaas oo dhaliyay muran siyaasadeed oo xooggan.

Islow ayaa taageero wayn u muujiyay madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna soo dhaweeyay qorshihiisa ku aadan in dalka la gaarsiiyo qof iyo cod, isaga oo shacabka ugu baaqay inay garab siiyaan dowladdooda.

“Waxay ila tahay in ‘Doorashada QOF IYO COD’ aysan ahayn wax la isku khilaafo oo mucaarad iyo muxaafid loogu qeybsamo. Dhammaanteen waa inaan taageernaa oo dowladda ku garab istaagnaa sidii Dadku u dooran lahaayeen Madaxdooda” ayuu yiri wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu u jawaabay siyaasiyiinta ka horyimid go’aanka dowladda, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay inay u dhaqmaan sida in la joogo oo kale xilliga doorashada oo ku asteysan sanadka 2026-ka.

“Ilama ahayn in iyadoo Sanad iyo Bar ka harsan tahay muddo xileedka Dowladda, ay xilligan soo bixi doonaan Siyaasiyiin iyo Musharixiin hore oo u dhaqmaya sida in la joogo 2026” ayuu mar kale yiri xildhibaanku.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Iima muuqato weli in Siyaasiga Soomaaliyeed uu ka koray fashilinta dowlad kasta oo aanu isaga ka mid ahayn”.

Ugu dambeyntii wuxuu farriin culus u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu tilmaamay in laga rabo inuu ka shaqeeyo in doorashada ay noqoto wadar ogol, loona baahan yahay inuu raadiyo maamullada Jubbaland iyo Puntland oo diiday qorshaha dowladda dhexe.

“Madaxweynaha Hassan Sheikh Mohamud waxaa looga fadhiya inuu dib u raadiyo Maamul Goboleedyada maqan, kana shaqeeyo Doorasho la isku raacsan yahay” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Sawirro: Ciidanka dhulka Somalia oo maanta yeeshay xarun cusub oo heer sare ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFJS Sheekh Aadan Madoobe oo ay wehliyaan wasiirka gaashaandhiga Cabdulqaadir Jaamac iyo taliyaha ciidanka xooga dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa ka qeyb-galay xarig jarka xarunta cusub ee taliska ciidanka dhulka xoogga dalka.

Sheekh Aadan Madoobe oo si rasmi ah xarigga uga jaray xarunta cusub ee taliska ciidanka dhulka xoogga dalka ayaa bogaadiyay furitaanka xaruntan, isaga oo u mahadceliyay taliska ciidanka xoogga dalka iyo qof walba oo ka qeyb qaatay dhismaha xaruntan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in qalabeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo xarumahooda ay guul iyo sharaf u tahay dowladnimadda Soomaaliyeed.

Waxa uuna bogaadiyay howl-galada dalka looga ciribtirayo Khawaariijta ee ay geesiyaasha qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ka wadaan gobolada dalka iyo guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray.

Ugu dambeyn ku-simaha madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyay in goordhow kooxaha khawaariijta laga ciribtiri doono guud ahaan dalka.

Xafladda xarig jarka xarunta cusub ee taliska ciidanka dhulka xooga dalka, waxaa sidoo kale ka qeyb-galay guddoomiyaha guddiga difaaca ee Golaha Shacabka, taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka, taliyaha ciidanka cirka, talisyada qeybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka, saraakiil ka socotay dowladda Turkiga oo uu ka mid yahay taliyaha xerada tababarka ciidanka ee Turksom iyo sidoo kale marti sharaf kale.

Si kastaba, xaruntan ayaa ah mid heer sare ah oo taliska ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed uu hadda kadib ku howl-gali doono.

NISA oo howlgal ku dishay horjoogayaal Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa faah-faahin ka bixisay howlgal culus oo ay ka fulisay gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo lagu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan  Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan oo qaatay in ka badan 10 saacadood uu si gaar ah uga dhacay deegaanka Yaaqle ee Shabeelaha Dhexe.

NISA ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalka lagu soo afjaray maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda oo isku uruursanayay deegaanka uu howlgalka ka dhacay.

“Howlgalkan oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa lagu afjaray maleeshiyaad Khawaarij ah oo cadowgu kasoo aruuriyay deegaanno kala duwan isla markaana loo diyaarinayay in ay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay NISA.

Hay’adda Nabad-Sugidda ayaa xaqiijisay in howlgalkan lagu khaarijiyay 27 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, ayna ku jiraan horjoogayaal sar sare oo lagu beegsaday howlgalka.

“Horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo gaaraya 27 xubnood ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay howlgal Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ay ka sameeyeen deegaanka Yaaqle ee Gobalka Shabeellaha Dhexe” ayaa lasii raaciyay.

Sidoo kale waxaa inta uu socday howlgalkan lagu burburiyay gaadiid iyo ciidan ciidan oo Al-Shabaab u tiilay deegaanka Yaaqle ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

“Howlgalka oo qaatay in ka badan 12 saacadood ayaa sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan oo dhagar qabayaasha Khawaarijta ay wateen, waxa uuna ku soo dhammaaday guul” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay hay’adda NISA.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gudaha dalka, kuwaas oo lagu xoreeyay dhul aad u ballaaran.

 

 

Ayatollah Ali Khamenei oo hanjabaad culus u diray Mareykanka iyo ISRAEL

Tehran (Caasimada Online) – Mareykanka iyo Israa’iil “waxaa hubaal ah inay heli doonaan jawaab celin xun”, ayuu yiri hoggaamiyaha ugu sarreeya Iran, ka dib weerar ay Israa’iil ku qaadday Iran toddobaad ka hor.

Ayatollah Ali Khamenei, ayaa hadalkan u sheegay isagoo la hadlayey arday sabtidii ka hor sanad guuradii 45-aad ee ka soo wareegtay markii la weeraray safaarada Maraykanka ee Tahran sanadkii 1979-kii

Hanjabaada ayaa imaanaysa iyadoo Iran ay qiimeyneyso haddii iyo sida laga yeelayo weerarkii Israa’iil ee bishii hore.

Iran ayaa sheegtay in weerarkaas looga dilay afar askari kaas oo aargoosi u ahaa gantaallo ay Iran ku weerartay Israa’iil horraantii Oktoobar.

Weerarka Iran ayaa jawaab u ahaa dilka hogaamiyayaasha Xisbullah iyo Xamaas – kooxaha hubaysan ee Iran taageerto ee dagaalka kula jira Israa’iil iyo taliye sare oo Iran ah.

Khamenei, waxa uu sheegay in cadawga Iran, oo ay ku jiraan Israa’iil iyo Maraykanka, “hubaashii ay heli doonaan jawaab adag oo ku saabsan waxa ay ku hayaan Iran, dadka Iran, iyo kooxaha iska caabinta”.

Iran waxa loogu yeero “ dhidibka wax iska caabinta” waa isbaheysiga kooxaha ay taageerto Tehraan oo ay ka mid yihiin Xamaas ee Qasa, Xisbullahee Lubnaan, Xuutiyiinta Yemen, iyo kooxaha sida fiican u hubaysan ee Ciraaq iyo Suuriya. Badi waxa ay dawladaha reer galbeedka qaarkood u aqoonsadeen inay yihiin ururo argagixiso.

Israa’iil ayaa la sheegay in ay burbur xooggan u geysatay difaaca hawada Iran iyo awoodda gantaallada weerarkeeda 26-kii Oktoobar, inkastoo Iran aysan arrintaas qiran.

Israa’iil ayaa Iran u aragta in ay tahay taageeraha muhiimka ah ee weerarrada Xamaas ee lagu dilay 1,200 oo qof 7-dii Oktoobar ee sannadkii hore.

In ka badan 250 ayaa sidoo kale loo qafaashay Marinka Qasa iyagoo afduub ahaan halkaasi loogu haysto.

Wixii markaas ka dambeeyay Israa’iil waxay Qasa ka billowday howlgal ballaaran, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 43,300 oo qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dhulkaas oo ay maamusho Xamaas.

Israa’iil ayaa sidoo kale bishii Sebtembar ee sannadkan qaaday weerar ka dhan ah ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan, kaddib muddo sannad ku dhow oo ay dagaallo ka socdeen xuduudda, kuwaasoo ay Xisbullah billaabeen inay ku taageerto Falastiiniyiinta maalin kaddib weerarrada Xamaas.

Israa’iil waxay sheegtay inay doonayso inay xaqiijiso inay si nabad ah ku soo laabteen tobanaan kun oo qof oo ka barakacay waqooyiga Israa’iil dib colaada halkaasi ka oogan.

In ka badan 2,800 oo qof ayaa lagu dilay Lubnaan tan iyo markaas, 1.2 milyan oo kalena waa ay barakaceen, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Lubnaan.

Maamulka Israa’iil ayaa sheegay in in ka badan 60 qof ay ku dhinteen weerrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo gantaallada Hezbollah ee waqooyiga Israa’iil iyo buuraha Golan ee la haysto.

Saraakiil sarsare oo Maraykan ah ayaa ku laabtay Bariga Dhexe si ay isugu dayaan in ay xabbad joojin ka dhex dhaliyaan Israa’iil iyo Xisbullah ee Lubnaan.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in wada xaajoodyadu ay “horumar wanaagsan” sameeyeen Khamiistii heshiis suurtagal ah.

Brett McGurk oo ah isku duwaha bariga dhexe ee madaxweyne Biden iyo Amos Hochstein oo hormuud ka ahaa wada xaajoodka khilaafka Xisbullah ayaa gaaray Israa’iil inkasta oo Maraykanku hadda ku jiro doorashada madaxtinimada oo dalkaasi ka dhacaysa bilowga Bishan Nofember.

Tan iyo markii ay colaaddu sii korortay shan toddobaad ka hor, Israa’iil ayaa duqeymo cirka ah oo baahsan ka wadda guud ahaan Lubnaan iyo duullaan dhanka dhulka ah oo ay ku qaadday deegaannada u dhow xadka.

Isha: BBC

Bulshada rayidka ah oo war culus kasoo saaray khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha ururka bulshada rayidka Soomaaliyeed  Cismaan Muxidiin Shaatax oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, wuxuuna caddeeyay mowqifkooda ku aadan khilaafka taagan.

Shaatax ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay kala fogaashaha maxda dalka iyo siyaasiyiinta oo isku qabto arrimo la xiriira sida loo wajahayo doorashooyinka dalka.

“Daladda bulshada rayidka Soomaaliyeed waxay aad uga xun tahay qoraallada kala duwan ee kasoo baxay madaxda dalka heer federaal iyo heer dowlad goboleed, taas oo muujineyso khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka in aan weli xal loo helin” ayuu yiri.

Guddoomiyaha ururka bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale ka horyimid go’aannadii kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaranka, wuxuuna tilmaamay in dalka ay geliyeen kala qaybsanaan aad u baahsan.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay in xubnaha golaha wadatashiga qaranka ay isku soo koobeen talada, taasina ay uga sii dartay xaaladda cakiran ee uu ku jiro dalka.

“Bulshada rayidka ah waxa ay aaminsan tahay in khilaafyada siyaasadeed ee soo noq-noqday inay salka ku hayaan talada oo ay isku koobeen golaha wadatashiga qaranka” ayuu raaciyay.

Waxaa kale oo uu kaa digay sii socoshada khilaafkan oo uu tilmaamay inuu saameyn ku yeelan karo geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya iyo horumarka dalka.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in la ballaariyo la tashiyada lagana qayb-galiyo maamullada maqan, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka qaybaheeda kala duwan.

Mareykanka oo diyaarado dagaal geeyey Bariga Dhexe

0

Washington (Caasimada Online) – Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee loo yaqaanno B-52 bombers ayaa Sabtidi shalay gaaray Bariga Dhexe, maalin kaddib marki ay Washington ku dhawaaqday in qalabkaasi milltari ay direyso, tallaabadan oo ah digniin ku socota Iran.

Bayaan kasoo baxay taliska dhexe ee ciidanka millatariga qeybtiisa Bariga Dhexe iyo hareerihiisa ayaa lagu sheegay, in diyaaradahan bambooyinka xambaara ay gaareen saldhigga loogu tala galay.

Waxay kasoo kicitimeen saldhiga ciidanka cirka Mareykanka ee Minot ee gobolka North Dakota.

Mareykanka ayaa fiidnimadii Jimcaha ku dhawaaqay inuu u dirayo Bariga Dhexe, diyaaradaha wax duqeeya, kuwa dagaalka iyo kuwa xambaara booyadaha iyo hubka burburriya gantaallada.

Afhayeen u hadlay xarunta Pentagon-ka ee gaashaandhiga Mareykanka, Major General Pat Ryder ayaa sheegay in Washington ay qaadi doonto tallaabo walba oo lagama maarmaan ah oo ay ku difaaceyso dadkeeda, haddii Iran iyo kooxaha ay taageerto isku dayaan in bartilmaameedsadaan shakhsiyaad ama danaha Mareykanka ee gobolka.

Daawo: Sheekh Shariif oo dhinac kasta ka weeraray Xasan Sheekh, kana hor yimid …

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, isagoo si weyn u dhaliilay siyaasadda uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku hoggaaminayo dalka.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu ku mitidayo doorasho qof iyo cod ah oo danihiisa gaarka ah uu ka dhex arkay, isagoo sheegay in dalkaan aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah.

“Degmooyinka Heliwaa iyo Kaxda Kaamirooyin laguma xiri karo goobaha ganacsiga oo Shabaab dilaya ayey dadku ka baqayaan, dowladuna amar ayey ku bixineysaa in la xirto. Marka ma is leedihiin doorasho qof iyo cod ah ayaa dalkaan ka dhici karta?” Ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif oo ka hadlay dadka dhulkooda laga kicinayo ayaa yiri. “Waan ka xumahay wiixi maanta ka dhacay Ex-Kontarool Afgooye. Waayo Wiilka dhalinyarada oo Qaranka naftiisa u huray in qoyskiisa la barakiciyo ma ahan wax saxan. Halkee la geeyey dhulalkii laga barakiciyey Shacabka.”

Sidoo kale Madaxweyne hore Sheekh Shariif oo ka hadlay talaabadii uu Xasan Sheekh maanta qaaday ayaa yiri, “Waa nasiib darro in Madaxweynihii Qaranka ee Xasan Sheekh inta Baarlamaanka hortago uu yiraahdo Bilaha fasaxa shaqeeya weliba si sharci darro ah”.

Dhinaca kale, Shariifka ayaa sheegay Xukuumadda kaligeed aysan doorasho qaban karin, “Waa waajib in doorashada ka heshiiyaan dhinacyada galaya, balse doorasho Qof iyo Cod ah waqtigeeda maku dhici kartaa?”

Sheekh Shariif oo sii hadlayey ayaa yiri “Wadajirka umadda iyo wada socodkeeda ayaa muhiim ah, waxaana rabnaa inay talada miiska soo dhigaan oo u soo laabtaan dariiqa saxda ah.”

Hoos ka daawo

Xog: Taliyihii Sirdoonka Axmed Madoobe oo loo magacaabay ciidanka dhulka ee xoogga dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, Taliyihii Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa xilkii laga qaaday, waxaana la magacaabay sarkaal kale oo reer Jubbaland ah.

Korneyl Khaalid Cabdullahi Cumar oo soo noqday Taliyihii Ciidanka Sirdoonka Jubbaland ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo xog ogaal ah.

Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo magacaabistaan ku soo saari lahaa dikreeto ayaan weli soo saarin, balse Caasimada Online waxay heshay xogta sababta aan loo soo saarin dikreetada.

Taliye Dayax Cabdi Cabdulle ayaa berri xarigga ka jaraya xarunta cusub ee Taliska ciidanka dhulka ee xoogga dalka, waxaana markaas kadib lasoo saarayaa dikreetada magacaabista Taliyaha cusub ee ciidanka dhulka.

Taliyaha cusub ayaa ku heyb ah Madaxweynaha Jubbaland iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka, wuxuuna muddo dheer soo ahaa Taliyaha Nabad Sugidda Jubbaland.

Taliye Dayax ayaa kamid ah saraakiisha ugu firfircoon xoogga dalka, waxaana la magacaabay markii ay ciidanka xoogga dalka ku soo jabeen deegaanka Cawsweyne ee gobolka Galgaduud oo dagaal qaraar uu ka dhacay.

Sidoo kale Dayax ayaa toos uga howlgeli jiray furimaha dagaalka, wuxuuna ku guuleystay inuu yareeyo weerarradii Al-Shabaab ay ku qaadi jireen xeryaha ciidamada xoogga dalka ee furimaha dagaalka.

Maxaa la filayaa in xubnaha BF ay qabtaan muddada bisha ee dib loo dhigay fasaxooda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta xildhbaanada labada aqal ka codsaday inay bishaan ka shaqeeyaan howlaha hortabinta u leh shuruucda doorashooyinka qof iyo codka ah ee la rabo in dalka ay ka qabsoonto.

Xildhibanada ayaa sidoo lale laga dalbaday inay dhammeystiraan qorshooyin ay soo ansixiyeen golaha wasiirada, kuwaas oo la arabay inay meel mariyaan baarlamaanka.

Dhanka kale xildhibaanada ayaa bishaan ka shaqeyn doona meel marinta war murtiyeedkii ka soo baxay shirka madasha wadatashiga qaran oo ay yeesheen dowladda iyo maamul goboleedyada qaar, inkasta oo ay ka maqnaayeen labada maamul ee Puntland iyo Jubaland.

Aragtida xildhibaanada aqlabay codsiga madaxweynaha

Xildhibaan Mohamud Abdirahman Beenebeene ayaa sheegay in kalfadhiga lagu jiray ee baarlamaanka uu xirmayay asbuuca koowaad ee bishaan November, ayna jireen shuruuc badan oo ay soo ansixiyeen golaha wasiirada kuwaas oo laga rabay in xildhibaanada ay aqriyaan oo ay ansixiyaan, balse laga gaari waayay.

Waxa uu intaa hadalka ku daray in xirnaashaha kala fadhiga la gaaray balse loo baahday in muddo lagu daro si howsha taala loo dhameystiro.

“Maadaama uu kalafadhiga xirmaayo ayuu madaxweynuhu codsaday in bil lagu daro si loo dhameystiro shuruucdaan muhiimka ah,” ayuu yiri wasiir Beenebeene.

Aragtida xildhibaanada diiday codsiga madaxweynaha

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah mudanayaashii maanta xaadiray kulanka labada gole ee baarlamaanka ayaa BBC-da u sheegay in sharciga uusan dhigayn in baarlamaanka fasixiisa hal bil dib loo dhigo.

“Qodobka 66 ee dastuurka waxa uu leeyahay baarlamaanka waxa uu yeelanayaa sanadkii laba kala, oo midkiiba uu yahay afar bilood, kadib laba bilood oo fasax ah,” ayuu yiri xildhibaan Jeesow.

Waxaa kale oo uu ka dhawaajiyay sababta uu madaxweynaha u dalbaday in baarlamaanka ay shaqeeyaan in aysan sharci ahayn sida ay isaga ula muuqato.

“Ujeedada fasaxa waa in madaxweynaha uu keeno shuruucda doorashooyinka, taasna badalkeeda xeer hoosaadka baarlamaanka golaha shacabka qodobka 71- waxa uu leeyahay labada bilood ee ugu horreysa kala fadhi walba ayaa sharci loo gudbin karaa xildhibaanada, haddii muddadaas la dhaafana wax sharci ah oo la soo gudbin karo malahan,” ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin.

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in xittaa haddii muddada bisha ah ee uu madaxweynaha dalbaday la siiyo aan la ansixin karin qodobo uu haatan soo gudbiyo.

Isha: BBC

Soomaaliya oo dood ka keentay sababta xarunta Midowga Afrika ugu sii taallo Addis Ababa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ay mar kale ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda diblumaasiyadeed ee haatan Soomaaliya kala dhexeyso dowladda Itoobiya.

Madaxweynaha oo maanta ka hor hadlayay baarlamaanka ayaa su’aal ka keenay sababta xarunta Ururka Midowga Afrika ay ugu sii dhex taallo magaalada Addis Ababa, wuxuuna ku eedeeyay inay ku tumatay axdigii lagu aas aasay ururka oo ay ku wada jiraan labada dowladood.

“Itoobiya iskuma heli karto inay ahaato xarunta Ururka Midowga Afrika iyo inay ku tumato axdigii lagu aas aasay Ururka Midowga Afrika” ayuu yiri madaxweynuhu.

Sidoo kale wuxuu jawaab adag ka bixiyay hadalkii kasoo yeeray Itoobiya oo dhowaan taliyaheeda ciidamada difaaca uu ku sheegay in Soomaaliya aysan ka jirin dowlad leh oo awood buuxda, ayna qabsan karto Al-Shabaab haddii ay ka baxaan ciidamadooda.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay isku filan tahay, isla markaana ay xoreysatay dhul ballaaran, iyadoo aan garab ka helin Itoobiya.

“Cabsi gelinta Itoobiya ee ah dalka Khawaarijta ayaa qabsaneyso xaqiiqo ma ah, annaga Soomaalida ah ayaa Khawaarijta ka xoreysanay qaybo badan oo kamid ah dalka, nalama jirin Itoobiya hal maalina madfac nooma ridin” ayuu mar kale yiri madaxweyne Xasan.

Wuxuu kusii daray “Waxaan cod-dheer ku leeyahay annaga ma nihin dadka xumeynaya amniga Geeska Afrika ee cida diidan in lagu dhaqmo xeerarka caalamiga ah waa Itoobiya”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkeedii ay tahay xiisadda u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda ee uu Abiy la galay Somaliland.

Hoos ka daawo:-

Saraakiil iyo askar badan oo loo soo xiray dagaalkii maanta ee Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada booliska Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo la xiirta dagaal maanta ka dhacay xaafado ku dhow Isgoyska Ex-kontarool ee magaalada Muqdisho, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeenka booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dagaalka ay soo qaadeen ciidamo u abaabulan hab beeleed, wuxuuna tilmaamay inay beegsadeen ciidamo boolis ah oo howlgal waddo furis ah ka waday halkaasi.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo muhiimad siinayo nolol wadaagga bulshada Soomaaliyeed oo gacan siinayo maamulka degmada si loo bixiyo waddooyin ayaa waxaa soo weeraray koox gaar ah oo heybeysan, kuwaas oo shaqadii qaranka loo hayay ka horyimid” ayuu yiri afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in lasoo saray askar iyo saraakiil ku eedeysan dhacdadaasi, kuwaas oo uu tilmaamay in la horgeyn doono maxkamad.

“Waxaa lasoo qabtay illaa 12 maxbuus oo ku xiran saldhigga degmada Hodan oo la rabo 24 lagu horgeeyo maxkamad” ayuu mar kale yiri afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “”Waxaa la yaab noqotay in iyadoo 2024 lagu jiro in Shaqsiyaad Ciidanka ka tirsan in ay ku fikirayaan in ay la saftaan qabiilkooda”.

Xaaladda goobta lagu dagaalamay ayaa hadda deggan, inkastoo ay weli ku sugan yihiin ciidamada ammaanka oo weli howlgallo burburin ah ka wada Ex-Kontarool Afgooye

Mid kamid ah dadka deegaanka oo goor sii horeysay la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa ka warbixiyay xaaladda, wuxuuna sheegay inay iska dhicin doonaan cid kasta oo ku howlan burburinta.

“Annagu ma yeeleyno dadka deegaanka oo isku xiran ayaa nahay dowladdana, waa iska dhicineynaa” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Dagaalka ka dhacay Ex-kontarool Afgooye ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan laba qof, halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 5 kale oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah.

Xasan Sheekh oo war culus kasoo saaray doorashada SOMALILAND

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyay xarunta baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday arrimo ku aadan doorashada madaxtinimo ee Somaliland.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boggaadiyay doorashada dadweyne ee ka dhaceysa Hargeysa, wuxuuna tilmaamay in aysan ahayn tii ugu horreysay ee ka dhacda halkaasi.

“Waxaan boggaadinayaa walaalaha Somaliland oo maalmo gudahood u dareeri doona doorasho dadweyne, taas oo aanan ahayn markii koowaad iyo markii labaad” ay yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan rajeyneynaan inay nabad iyo guudl ugua soo dhammaato ama aanay u horseedo deganaasho iyo dimuquraadiyad”.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday dagaalladii dhex-maray SSC-Khaamtumo iyo Somaliland, isaga oo ku baaqay in laga fiirsado colaad dambe oo dhacda.

“Walwal waxaa lagu soo kordhiyay maalmihii u dambeeyay ifafaalalaha colaadeed ee kasoo muuqday meelo kamid ah deegaanada Somaliland iyo Khaatumo, kuwaas oo aanan habooneen inay sii socdaan” ayuu mar kale yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo 13-ka bishan Novermber la filayo in Somaliland ay ka dhacdo doorashada hoggaanka mamulkaasi, waxaana haatan soconayo ololaha doorashooyinka oo u dhexeeyo hoggaanka saddex xisbi ee Kulmiye, Wadani iyo UCID.

Xildhibaanada mucaaradka oo qaylo dhaan kasoo saaray arrintii maanta ee BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa mucaaradka oo qaylo dhaan afka furtay ayaa ka horyimid tallaabadii uu maanta qaaday madaxweynaha Soomaaliya, kadib codsi uunu gudbiyay labada Gole.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday xildhibaannada inay kalfadhiggooda  ku daraan hal bil oo dheeraad ah, isla markaana fasaxooda ugu hiilayaan dalka iyo dadka, maadaama ay taallo shaqo adag, lagana sugayo inay go’aan ka gaaran heshiiska la gaaray.

“Waxaab ka codsanayaa baarlamaanka in shacabka Soomaaliyeed ay siiyaan fursadda doorasho xor ah, iyadoo loo marayo ansixinta sharciyada lagama maarmaanka u ah, Waxaa Baarlamaanka ka codsanayaa in xilliga fasaxa bil ka mid ah inay dib u dhigtaan, si dalka looga hirgeliyo shuruucdii lagu hoggaamin lahaa ee doorasho qof iyo cod ah ay u dhaqan gasho” ayuu mar kale yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Intaasi kadib waxaa codsiga madaxweynaha dood ka yeeshay xildhibaanada baarlamaanka oo ugu dambeyn aqbalay in bisha ugu horreeya fasaxooda ay sii shaqeeyaan, laakiin waxaa jirtay buuq hareeyay kulanka oo sameeyeen xildhibaannada kasoo horjeedo baarlamaanka.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xubnaha ku kacsan dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xubnaha golaha wasiirada ee ku jira baarlamaanka ay fuliyeen dan uu sheegay inay ka lahaayeen codsiga madaxweynaha.

“Dadka guul-wadeynaayay oo sacbinaayay waxaa lasoo siiyay wasiirro niic ah, danahooda ayay fiirsanaayeen” ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Waxaa kale oo uu yiri “Danaha shacabka Soomaaliyeed xildhibaannada u doodayay waxaa dhegaha ka fureystay Aadan Madoobe, waxayna arrintaas dhibaato u keeni doontaa baarlamaanka”

Dhankiisa Xildhibaan Yuusuf Gamaa’diid oo ka tirsan xisbiga Himilo Qaran ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isaguna ka biyo diiday qorshaha Villa Soomaaliya, wuxuuna sheegay in xilligan aysan Soomaaliya ka dhici karin doorashooyin qof iyo cod ah.

“Waaqaca ayaa diiday mana hir galidoonto doorasho Qof iyo Cod ah,Hortiis jiraa waayay” Xildhibaan Yuusuf Gamaa’diid.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo khilaaf siyaasadeed oo horleh uu ka dhashay go’aannada kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaranka, waxaana ka horyimid Puntland Jubbaland iyo Mucaaradka.

Agaasimihii warfaafinta Villa Soomaaliya oo is-casilay + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cali Dige oo qoraal soo saaray ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay xilka uu ka hayay ee Villa Soomaaliya, wuxuuna soo saaray warbixin dheer.

Mr. Dige ayaa qoraalkiisa ku caddeeyay inuu maanta ka tegay shaqada, isaga oo u mahadceliyay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 2’da Nofeembar 2024 waxa aan halkan ku soo gudbinayaa warqadda shaqo ka tegista xilka Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka (Villa Soomaaliya) aniga oo Madaxwaynaha JFS uga mahad celinaya fursaddii uu ii siiyay in aan la shaqeeyo laba xilli oo xasaasi ahaa” ayuu ku yiri warqadda is-casilaadda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in muddada uu joogay xafiiska uu hirgeliyay olole warbaahin oo door wayn ka qaatay dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh.

“Waxaa xusid mudan in aan hirgeliyay olole warbaahin oo miradhalay, kaas oo madaxweyne hore loo soo tijaabiyay uu markii ugu horreysay taariikhda Soomaaliya ku guuleystay tartanka madaxtinimada muddo xileed labaad” ayuu mar kale ku yiri Mr. Dige.

Agaasimaha is-casilay ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in muddada uu joogay xafiiska uu ka shaqeeyay xoojinta xiriirka ka dhexeeyay madaxweynaha iyo shacabka.

Waxaa kale oo uu yiri ““Sida hagar la’aanta ah ee Madaxweynaha Qaranku uga shaqeynayo hirgalinta qorsheyaasha qaran, waxaa barbar yaalla hab-dhaqanka madaxda iyo shaqsiyaadka qaar oo ku dhisan dano gaar ah, inta badan wararka taban ee bulshada iyo dowladda kala fogeeya waa kuwo ay abuureen ama ay sababeen shaqsiyaadkaas. Arrimahan ayaa daboola guulaha waaweyn ee la gaaray”.

Sida ogaatay Caasimada Online, sababta ka dambeysa is-casilaada Cabdulqaadir Cali Dige ayaa la xiriirta khilaaf muddo soo huursanaa oo ka dhexeey isaga iyo Cabdiraxmaan Xudeyf oo ah afhayeenka cusub ee madaxweynaha, kaas oo lasoo magacaabay bilooyin ka hor.

Khilaafka labada nin ayaa si weyn loo dareensanaa, wuxuuna gaaray heer bogga Villa Soomaaliya aan lagu baahin shirarka jaraa’id ee uu qabto afhayeenka, wuxuuna taasi bedddalkeeda adeegsanayay  warbaahinta dowladda iyo midda madaxa banaan.

Si kastaba, arrinta ayaa hadda u muuqata inay dhinac u dhacday, maadaama uu gabi ahaan shaqadii isaga tegay agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya.

Hoos ka akhriso:-