25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Sawirro: Muxuu wasiirka amniga Soomaaliya ka sheegay shirka INTERPOL?

0

London (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa ka qeyb-galay shirka guud ee 92-aad ee INTERPOL oo ka dhacay magaalada Glasgow ee dalka UK.

Shirkaan ayaa looga hadlay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada amniga iyo la-dagaalanka argagixisada.

Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa halkaasi ka sheegay in wada-shaqeynta booliska caalamka ay tahay mid fure u ah nabad-gelyada iyo xasilloonida.

Waxa uu intaas kusii daray in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay door muhiim ah ka qaadato iskaashigan si loo xaqiijiyo amniga caalamka oo dhan.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay horumarka laga gaaray dhanka tiknoolajiyada amniga, gaar ahaan tiknoolajiyada biometirka iyo sirdoonka macmalka ah (AI), kuwaas oo dalalka caalamka ay si wadajir ah ugu shaqeynayaan horumarintooda.

Wasiir Fartaag ayaa sheegay in tiknoolajiyadan casriga ah ay muhiim u tahay ka hortagga dambiyada caalamiga ah, isla markaana ay kaalin weyn ka qaadan karto sugidda amniga gudaha ee Soomaaliya iyo guud ahaan caalamka.

Intii uu ka hadlayay shirka wasiirka amniga wuxuu soo dhaweeyay tallaabooyinka ay INTERPOL qaadeyso ee lagu xoojinayo awoodaha booliska caalamka iyo wada-shaqeynta dhinacyada caafimaadka iyo ka hortagga dambiyada khatarta leh.

Waxa kale oo ugu baaqay dalalka ka qeybgalay shirka in la xoojiyo xeerarka iyo nidaamyada is-dhaafsiga macluumaadka si loo gaaro hab amni oo loo dhan yahay oo waara, kaas oo u adeegaya bulshooyinka caalamka si hufan oo nabad ah.

Hadalka wasiirka ayaa wuxuu diiradda u saaray muhiimadda wada-shaqeynta caalamiga ah, horumarinta tiknoolajiyada casriga ah ee amniga, iyo isku xirnaanta booliska caalamka si loo xaqiijiyo amni iyo xasillooni waarta.

A/Madoobe oo kashifay xogta wafdi qarsoodi ah oo DF iyo Kenya u direen Jubaland (Sawirro)

0

Kismaayo (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa caawa kashifay qorshe uu wado madaxweyne Xasan Sheekh oo safar aan la shaacin dalka uga maqan.

Madaxweynaha Jubaland ayaa sheegay in maanta uu magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi dhexdhexaadiyayaal ah oo ka socoday Dowladda Kenya.

Wuxuu sheegay in wadfigaas uu soo diray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Kenya ka codsaday inay ka shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhexeeya Jubaland iyo dowladda federaalka.

“Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi dhexdhexaadiyayaal ah oo ka socoday Dowladda Kenya isla Markana Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  uu ka codsaday inay ka shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhexeeya Jubaland iyo DFS,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Axmed Madoobe.

Wafdigaan waxaa hoggaaminaya Xoghayihii hore ee fulinta IGAD, Amb. Maxbuub Macalin, Ergeygii hore ee IGAD u qaabilsanaa Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey iyo senatorkii hore ee ismaamulka Wajeer Cabdiraxmaan Colow.

Madaxtooyada Jubbaland ayaa sidoo kale baahisay sawirrada xubnaha wafdigaan, arrintaan ayaa uga sii dari karta xiisadda Jubbaland iyo dowladda federaalka, maadaama uu Axmed Madoobe banaanka soo dhigay arrin la doonayey in si hoose loo xaliyo.

Dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa arrintaan ku macneeyey in Axmed Madoobe uusan hadda diyaar u aheyn in la xaliyo xiisadda kala dhaxeysa dowladda federaalka, isla markaana ay ka go’antahay  in doorasho dadban uu qabsado inta aan la xalin xiisadda kala dhexeysa dowladda federaalka.

Malaayiin Mareykan ah oo saaka u dareeraya doorashada madaxtinimada 2024-ka

0

Washington (Caasimada Online) – Malaayin qof oo Mareykan ah ayaa maanta oo Talaada ah u dareeraya goobaha ay yaalaan sanaadiiqda cododka, si ay u soo doortaan madaxweynaha xukumi doona afarta sano ee soo socota.

Doorashadan taariikhiga ah ayaa waxaa si adag ugu loolamaya madaxeynihi hore ee Mareykanka Donald Trump oo ah murashaxa xisbiga Jamhuuriga iyo madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ee xilligan, Kamala Harris oo ka socota xisbiga Dimoqraadiga.

Labada murashax ayaa Isniinti shalay oo aheyd maalinti ugu danbeysay ee ololaha doorashada xoogga saaray gobolka muhiimka ah ee Pennslvania, oo aad loo saadaalinayo in ciddii ku guuleysata uu noqon karo madaxweynaha soo socoda.

Trump ayaa ku billaabay magaalada Reading ee cirifka koofureed ee Pennsylvania. Harris ayaa iyaduna joogtay magaalada Allentown oo 30 mile un u jirta Reading.

Trump ayaa u sheegay dadka gobolkaasi “in haddii uu ku guuleysto codkooda ay arrintu ku dhamaan doonto in uu ku guuleystay madaxtinimada Mareykanka.”
Harris ayaa iyaduna ku boorrisay dhammaan dadka gobolka Pennsylvania in ay codeeyaan, taasoo dhinac u ridi doonta macnana u sameyn doonta doorashadan bey tiri.

Gobolkan ayaa leh 19 codadka loo yaqaanno kuwa ergooyinka. Marka laga soo tago codadka dadweynaha, murashaxi hela ilaa 270 codadka ergooyinka gobollada ayaa noqon doona madaxweynaha soo socda ee Mareykanka.

Trump ayaa ololahiisa ku soo xiray xalay magaalada Grand Rapids ee gobolka Michigan, halka Harris ay ku khatintay ololaheeda doorashada caasimadda Pennsylvania ee Philadelphia.

Lubnan oo shaacisay tirada dadka looga dilay dagaalka Israel iyo Xisbullah

Beirut (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Lubnan ayaa shaacisay in mudada 13-ka bil ah ee uu socdo dagaalka u dhaxeeya Xisbullah iyo Isra’il gudaha Lubnan lagu dilay in ka badan 3,000 oo ruux.

Tiradan ayaa laba jeer ka badan dadki reer Lubnan ee lagu dilay dagaalki Xisbullah iyo Isra’il dhex maray 20 sano ka hor.

Ilaa iyo hadda ma jiraan calaamado muujinaya dhamaadka dagaalkan. Isra’il waxay sheegtay in ay waddo howlgallo ay ku beegsaneyso kaabayaasha Xisbullah meelo badan oo ka mid ah Lubnan, halka Xisbullah ay sii waddo gantaallada culus ee ay ku garaaceyso waqooyiga Isra’il.

Gantaaladaasi waxay billowday maalinti ay Hamaas weerartay koofurta Isra’il, 7-badi bishii October ee sannadki 2023-ki. Weerarkaas oo kiciyay dagaalka hadda socda ee u dhaxeeya Isra’il iyo Xamaas iyo Xisbullah oo dhanka kale ah, kuwaas oo taageero ka helaya Iran.

Dhanka kale Isra’il ayaa Isniinti shalay sheegtay in ay jabisay heshiis horay u jiray oo dhigayay in ay fududeyso shaqada hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka qaxootiga Falastiin ee UNRWA.

Hey’addan ayaa soo mara gargaarka bani’aadannimo ee ugu badan ee ay ku nool yihiin dadka reer Gaza.

Dhamaadkii bishi hore ayay aheyd marki uu baarlamaanka Isra’il ansixiyay sharci uu ku joojinayo wada shaqeynta UNRWA ee gudaha Isra’il.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay cawaaqibka bani’aadannimo ee ka dhan kara tallaabadan.

Xamza oo soo magacaabay wasiirro cusub iyo xiisada Jubaland iyo DF oo ka sii dareysa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa soo magacaabay labo wasiir oo buuxinaya boosaskii ay shalay iska casileen wasiirro ka soo jeeda Jubbaland oo ka carooday siyaasadda dowladda federaalka ay ka leedahay Jubbaland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u magacaabay Axmednur Shiikh Maxamed Loxos Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya.

Sidoo kale Xamsa Cabdi Barre ayaa Cabdirashiid Maxamed Ducaale u magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS.

Labadaan kursi waxaa shalay iska casilay Cabdirashiid Jire iyo Xildhibaan Daqare, kuwaas oo sheegay inay u dul qaada waayeen sida dowladda federaalka ay ula dhaqmeyso Jubbaland, Puntland iyo Khaatumo.

Magacaabistaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo xiisadda dowladda federaalka iyo Jubaland ay ka sii dareyso, kadib markii Axmed Madoobe uu xalay kulan deg deg ah isugu yeeray xildhibaanada baarlamaanka federaalka ku metala Jubbaland.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa maanta xildhibaanada ka diiday inay aadaan Jubbaland, kadib markii ay ugu tageen xafiiskiisa, si ay uga fasax qaataan.

Kulankii Aadan Madoobe iyo xubnaha aqbalay casuumadii Axmed Madoobe ayaa ku soo dhamaaday hanjabaad, waxayna guddoomiyaha u sheegeen inay fowdo ka abuuri doonaan kulamada baarlamaanka.

Xog: Xildhibaano liiskooda la dhigay garoonka oo u hanjabay Aadan Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa si toos u diiday inuu fasaxo oo Kismaayo ay aadaan xildhibaanada uu casuumaadda u fidiyey Axmed Madoobe, kuwaas oo 8-da bishaan loogu yeeray inay la tashi u tagaan Jubbaland.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, in ka badan 30 xildhibaan oo isugu jira labada Aqal ayaa maanta u tegay guddoomiye Aadan Madoobe, kuwaas oo u cadeeyey inay aqbaleen casuumaadii Madaxweyne Axmed Madoobe.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa diiday codsigii xildhibaanada, wuxuuna faray in garoonka aysan ka bixin, kana qeyb galaan kulamada Baarlamaanka oo bil dheeraad ah oo Madaxweynuhu codsaday maalin ka hor.

Sheekh Aadan Madoobe oo dalka hadda ka ah kusime Madaxweyne, maadaama uu safar ku maqan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu amar ku bixiyey in xildhibaanadaas aysan ka dhoofi karin garoonka.

Xogtaan ayaa sheegeysa in Aadan Madoobe Garoonka Aadan Cadde dhigay liiska xildhibaanada aqabalay casuumaada Axmed Madoobe oo ka codsaday inay Kismaayo tagaan.

Aadan Madoobe ayaa xildhibaanada u sheegay in codsiga Axmed Madoobe uu ka horeeyey codsiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo shaqo dheeraad ah Baarlamaanka ka codsaday muddo bil ah oo kamid ah waqtigooda fasaxa.

Kulankii manata ay xildhibaanadaasi ugu tageen guddoomiye Aadan Madoobe ayaa ku soo dhamaaday hanjabaad, iyadoo xildhibaanadu ay guddoomiyaha u cadeeyeen in hadii loo diido safarkooda Kismaayo aysan imaa doonin kulamada golaha, tallaabooyin kalena ay qaadi doonaan.

Sidoo kale, hanjabaada xildhibaanada waxaa ku jirtay in kulamada baarlamaanka aysan dhici doonin oo shaqadii Xasan Sheekh uu codsaday aan la qaba doonin hadii safarkooda Kismaayo aan loo fasixin, xubno kulankaas ka qeyb galay ayaa xogtaan u xaqiijiyey Caasimada Online.

 

Maxay xildhibaanada BF ee Jubbaland ka yiraahdeen shirka wadatashi ee Axmed Madoobe?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doortay deegaanada Jubbaland ayaa badankood aqbalay shirka wada-tashi ee dhawaan ka dhacaya magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ee Jubbaland.

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shalay shir wada-tashi ah isugu yeeray xildhibaanada labbada aqal ee baarlamaanka JFS ku metela Jubbaland, iyadoo uu xildhibaannada casuumay 8-da bishaan.

Xildhibaannadan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay tagayaan Kismaayo, yna aqbaleen casuumaadda Axmed Madoobe, oo haatan is-hayaan dowladda Xasan Sheekh Maxamuuf.

In ka badan 40 Mudane ayuu qorshuhu yahay inay gaaraan Kismaayo, kuwaasi oo ka qeyb-galaya shirka wadatashiga ee ugu yeeray madaxweyne Axmed Madoobe, sida uu shaaciyay Xildhibaan Xasan Yare.

“Waxaan rabaa in aan idin sheego in aan aqbalnay inaan aadno Kismaayo, waxaan u tageynana waa wada-tashi, waana la soconaa daruufaha siyaasadeed ee dalka marayo, Xildhibanada labada aqal ee baarlamaanka ku matala Jubaland waxa ay ka kooban yihiin 51, in kabadan 40 ayaa gaari doonto Jubbaland oo u diyaar ah inay gaari doonaan,” ayuu yiri Xildhibaan Xasan Yare.

Xiisadda siyaasadeed ee Jubbaland iyo dowladda federaalka ayaa cirka isku shareertay wixii ka dambeeyey markii Axmed Madoobe uu ka tegay shirkii golaha wadatashiga qaranka oo Muqdisho ka socday.

Arrinta ugu weyn ee la isku hayo waa nooca doorasho ee Xasan Sheekh uu rabo oo qof iyo cod ah iyo qorshaha Axmed Madoobe oo doorasho dadban ah, waxaana muuqata in khilaafka labada dhinac uu cirka isku sii shareerayo.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu qorsheynayo inuu qabsado doorasho dadban, taas oo bilaaban doonta toddobaadyadaan.

Dhankiisa Xasan Sheekh ayaa gadaal ka riixaya qorshihii lagu ansixiyey shirka golaha wadatashiga qaran oo dowlad goboleedyada loogu ogolaaday muddo kororsi hal sano ah, si sanadka dambe loo bilaabo doorashooyin qof iyo cod ah oo ka dhaca dowlad-goboleedyada.

Axmed Madoobd oo qodobkaas ka carooday ayaa isaga baxay shirka, waana diiday muddo kororsiga halka sano ah ee dowlad-goboleedyada kale ay ogolaadeen, maadaama ay ku adag tahay in doorasho qof iyo cod ah uu galo.

Si kastaba, tan ayaa ka dhigan in Axmed Madoobe uu qaaday jidkii Saciid Deni oo horey u kala furteen dowladda dhexe, waxayna midaan cadaadiska siyaasadeedka ku kordhineysa ra’iisul wasaare Xamza oo isagu horey u lumiyay taageerada inta badan maamullada dalka.

Turkiga oo soo jeediyay in deked badeed la siiyo Itoobiya – Sidee?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga oo weli ku howlan xalinta xiisadda diblumaasiyadeed ee ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sameeyay soo jeedin cusub.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo haatan ku sugan dalka Jabuuti ayaa shaaciyay muhiimada ay leedahay in la aqoonsado madax-banaanida Soomaaliya, taas oo macnaheedu tahay in Itoobiya dib uga joogsato is-afgaradkii horaantii sanadkaan ay la gaartay Somaliland.

Sidoo kale waxa uu muujiyay sida ay lagama maarmaa u tahay in Itoobiya ay hesho marin badeed, isagoo sheegay in dalkiisu uu ka shaqeynayo heshiis guud oo ku habboon labada dhinac.

Fidan waxa uu carabka ku adkeeyay in heshiis la gaaro uu u baahan yahay in shuruud la’aan ah loo aqoonsado madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, ayadoo intaas dheer tahay in baahida ay Itoobiya u qabto badda lagu gaaro hab nabadeed.

“Itoobiya oo ah dal aan bad laheyn oo ay ku nool yihiin dad aad u badan waxay gebi ahaanba ku tiirsan yihiin ganacsiga badda,” ayuu yiri Fidan oo sheegay in tani ka dhigeyso gelitaanka badda mid muhiim u ah danaha dhaqaale ee Itoobiya.

Turkiga ayaa haatan dadaal badan ku bixinaya sidii labada dal u gaari lahaayeen heshiis, xilli ay fashilmeen wada-hadalladii u dambeeyay ee Turkiga uu garwadeenka ka ahaa.

Ankara ayaa xaqiijisay in ay la shaqeynayaan dhammaan dhinacyada ay khuseyso arrintaan, iyadoo ujeedadu tahay in la gaaro heshiis guud oo qanciya dhammaan dhinacyada oo ula jeedo Soomaaliya iyo Itoobiya, si gobolka u noqdo mid xasiloon.

Jabuuti ayaa dhawaan usoo bandhigtay Itoobiya deked ay si gaar ah u isticmaasho, taasi oo noqon doonta dekedda magaalada Tadjoura oo 100 KM u jirta xuduudka Itoobiya, islamarkaana leh waddo horay loo dhisay

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa diidaneyn in Itoobiya hesho deked ay isticmaasho, taas oo loo marayo sifo sharci ah, oo ka gedisan wadada ay hadda Itoobiya ku raadineyso dhul badeedka.

IRAN oo xukun dil ah ku fulisay muwaadin Yahuudi ah

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Iran ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay muwaadin Yuhuudi ah, kaasi oo lagu helay dambi dil ah, sida uu sheegay urur aan dowli aheyn, xilli ay sare u sii kacayso xiisadda kala dhaxaysa Israa’iil.

Arvin Ghahremani ayaa lagu daldalay xabsi ku yaalla magaalada galbeed ee Kermanshah kadib markii lagu helay dambi ah in uu dil gaystay intii uu socday gacan ka hadal, sida ay sheegtay kooxda xuquuqul insaanka Iran (IHR) ee fadhigeedu yahay Norway.

“Ayadoo ay jirto halista dagaal ay la gasho Israa’iil, Jamhuuriyadda Islaamiga ah waxay dil toogasho ah ku fulisay Arvin Ghahremani, oo ahaa muwaadin Yuhuudi ah oo Iran u dhashay,” ayuu yiri agaasimaha IHR Mahmood Amiry-Moghaddam, isaga oo intaa ku daray in kiis sharciyeedkan uu lahaa “cillado weyn”.

“Si kastaba ha ahaatee, waxaa tani dheer, Arvin wuxuu ahaa Yuhuudi, islamarkaana nacaybka heer dowladeed ee ka dhanka ah Yuhuudda Iran ayaa shaki la’aan ah kaalin muhiim ah ka cayaaray fulinta xukunkiisa,” ayuu Amiry-Moghaddam ku daray.

IHR waxa ay sheegtay in Ghahremani lagu eedeeyay in uu nin dilay intii uu socday gacan ka hadal ka dhacay Kermanshah laba sano ka hor. Balse waxa ay sheegtay in sida qoyskiisu ay sheegeen in lagu weeraray mindi, uuna isku difaacay hubkii uu watay.

Hooyada Ghahremani, Sonya Saadati, waxay codsatay in naftiisa la badbaadiyo.

Qoyskiisu waxa ay ku booriyeen qaraabada dhibbanaha in ay qaataan lacag diyo ah sida uu dhigayo sharciga Islaamiga Iran ee ciqaabta (qasaasidda), kaas oo ogolaanaya bedelkan.

Shabakadda Mizan Online ee garsoorka Iran ayaa xaqiijisay xukunka Ghahremani, iyadoo sheegay in qoyska dhibbanaha ay “diideen inay aqbalaan” heshiiskan oo kale.

Mizan, oo aan warbixinteeda ku xusin caqiidada Yuhuudda ee Ghahremani, ayaa sheegtay in gacan ka hadalka uu dhacay November 2022 sababo la xiriira khilaaf dhaqaale. Ghahremani ayaa toori ku dilay dhibbanaha.

Qareenada eedaysanaha ayaa codsaday in dib loo maxkamadeeyo saddex jeer, balse codsi kasta waa la diiday, ayay raacisay.

Mizan waxa ay sheegtay in Ghahremani uu ahaa 21 jir wakhtigii gacan ka hadalka. Si kastaba ha ahaatee IHR waxa ay sheegtay in uu ahaa 18 jir markaas, iyada oo warar kale ay sheegayaan in uu ahaa 20 ama 21 jir markii la dilayay.

Sida ay sheegtay IHR, Iran waxaa ku soo badanaya dilalka, iyadoo ugu yaraan 654 qof la daldalay sanadkan oo ay ku jiraan 166 bishii October oo kaliya.

Voa

Sababta ay Soomaaliya u qaadi la’dahay tallaabo adag oo ka dhan ah Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay bilaabatay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa la sugayay tallaabo adag oo ay qaado Soomaaliya, maadaama ay Itoobiya ku xad-gudubtay qarannimadeeda.

Dowladda Soomaaliya ayaa la filayay inay xirto safaaradda Itoobiya ee Muqdisho, taas oo dad badan qabeen inay tahay tallaabada ugu adag ee ay ku muujin karto mowqifkeeda, balse wey ka baaqsatay.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo bixiyay wareysi cusub ayaa sheegay in sababta ka dambeysa arrintaan ay tahay in uusan si rasmi ah u go’in xiriirka labada dal, ayna weli safaaradda Soomaaliya ka furan tahay Addis Ababa.

“Weli labada dal cilaaqaadkii ma go’in safaaraddeenna weli waa ka furan tahay Addis Ababa diblumaasiyiinteenna way jiraan,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay sababta ay dowladda Soomaaliya u qaadan la’dahay go’aan rasmi ah oo lagu xirayo gabi ahaan safaaradda Itoobiya, waxa uuna sheegay in aan loo baahneyn caadifad, balse dowlada federaalka ay ku dhaqmeyso diblumaasiyad

“Horta safiirka sida uu u baxay ayuu maqan yahay diblumaasiyiinta kale ee meesha joogay way joogaan, fasaxyo iyo dalalkooda si ikhtiyaar ah kuwa ugu maqan maahinee way ku qoran yihiin meesha” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa meel adag iska taagtay heshiiskii ay Itoobiya la gashay Somaliland ee dhabaha u xaarayay damaca badda, iyadoo caalamka ku dacweysay xukuumadda Abiy, oo ayadu qaadaay tallaabada qaras ka tuurnimada.

Xildhibaanada labada Gole oo go’aan ka gaaray miisaaniyaddda DF ee 2025 + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Villa Hrageysa ayaa ansixiyay qoondada miisaaniyadda dowladda federaalka ah ee sanadka 2025 oo gaaraysa $1,359,714,328.

Sida uu ku dhowaaqay guddoonka baaralamaanka waxaa in la ansixiyo miisaaniyadda ogolaatay 172-Xildhibaan, 2 Xildhibaan ayaa diiday, hal Xildhibaanna waa uu ka aamusay.

Intaas kadib waxaa hadalka qaatay wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Cabdiqafaar Xaange oo ka warbixiyay heerarka ay soo martay miisaaniyadda la meel-mariyay, wuxuuna sheegay in wasaaradda iyo guddiga maaliyadda ay qabteen shaqo adag.

“Waxaan rabaa inaan halkan ka xuso inay miisaaniyaddaani ahayd miisaaniyadihii laga shaqeynayay kuwa waqtiga badan la geliyay” ayuu yiri wasiir ku xigeenku

Sidoo kale wuxuu u mahadceliyay labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, maadaama ay cod aqlabiyad leh ku meel-mariyeen miisaaniyadda dowladda ee 2025-ka.

Waxaa kale oo uu wasiirku ka hadlay horumarka dakhliga gudaha, isaga oo tilmaamay sanadka soo socda wasaaradda laga rabo 72 milyan oo dheeri ah oo lagu fududeyn howlaha dowladda.

“Guud ahaan baarlamaanka waan u mahadcelinayaa annaga wasaaradda maaliyadda waxaa dusha nagala saaray 70 milyan oo dheeri ah inaan soo saarno sanadka 2025 oo dowladda howlahadeeda ay ku socon doonto” ayuu mar kale yiri Cabdiqafaar Xaange.

Hoos ka daawo Sawirrada:-

Jubbaland oo qaaday dhabihii Puntland xiriirka ugu jartay DF – Maxaa socda?

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Kadib shirkii golaha wadatashiga qaranka ee dhowaan lagu soo gabagabeeyay Muqdisho ayaa waxaa dowladda federaalka lugta u furay maamul goboleedka Jubbaland oo noqday maamulkii labaad ee ay isku dhacaan dowladda dhexe.

Jubbaland ayaa u muuqata inay qaaday dhabihii ay martay Puntland oo iyadu horay uga baxday xeyndaabka dowladda dhexe, waxayna gebi ahaan xiriirka u jartay Villa Somalia.

Dhowr arrimood ayaa muujinayo in Jubbaland ay sii fogaaneyso, isla markaana sare usii qaadayo khilaafka Kismaayo iyo Muqdisho oo bannaanka usoo baxay kadib markii uu Axmed Madoobe ka biyo diiday go’aannadii kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa si cad u diiday qorshaha Villa Soomaaliya, gaar ahaan doorasho qof iyo cod ah oo ay ku hoos duugan tahay muddo korordhin hal sano ah, waxaana taasi ay keentay in Axmed Madoobe uu ku laabtay Kismaayo, isaga oo diiday dadaallo iyo isku dayo ay sameysay dowladda dhexe, si dib loogu soo celiyo shirka.

Jubbaland ayaa dooneysa inay qabsato doorasho dadban oo ku dhacda waqtigeeda, ayada oo ku dooday in maamullada ay u madax bannaan yihiin doorashooyinkooda gaarka ah.

Sidoo kale waxaa arrinta uga sii daray tallaabooyin ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay qaadeen wasiirro ka tirsanaa xukuumadda Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Bare oo shaqada uga tegay khilaafka jira dartiis, waxaana kamid ah wasiiradaas Mudane Cabdirashiid Jire oo ahaa wasiiru dowlihii wasaaradda qorsheynta Soomaaliya iyo Axmed Cismaan Daqare oo isna ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya.

Labada nin oo kasoo jeedo dhanka Jubbaland ayaa eedeymo u jeediyay maamulkii ay ka tirsanaayeen, waxaana kamid ah eedahaasi in dowladdu ixtiraami weysay deegaanada ay kuraasta ku metalaan, isla-markaana ay ku howlan tahay sidii looga abuuri lahaa colaado iyo xasilooni darro siyaasadeed.

Waxaa kale oo arrintan ka dambeysay tallaabo kale oo uu qaaday madaxweyne Axmed Madoobe oo shir deg-deg ah oo wadatashi ah isugu yeeray xildhibaannada labada gole ee Jubbaland ku metala baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kaas oo dhacaya 8 bishaan, iyada oo la filayo in kulanaas balaaran laga soo saaro go’aano ka dhan ah dowladda dhexe.

Horay Puntland ayaa u qaaday tallaabooyin kuwaan lamid ah, waxayna shirisay dhammaan xildhibaannadeeda ku metala dowladda dhexe oo ka horyimid qorshaha dowladda, gaar ahaan qodobadii kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga ee la xiriiray doorashooyinka.

Xaggee ku dambeeyay safiirka Itoobiya ee Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo wareysi siiyay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda Muqdisho iyo Addis Ababa, gaar ahaan halka uu ka dambeeyay safiirka Itoobiya.

Wasiir Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in dalka uu ka maqan yahay safiirka Itoobiya, Mukhtar Mohamed Ware, wuxuuna tilmaamay in aanu soo laaban sidii uu u baxay, kadib xiisaddii ka dhalatay heshiiska is-afgaradka ahaa ee uu Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland.

“Horta safiirka sida uu u baxay ayuu maqan yahay diblumaasiyiinta kale ee meesha joogay way joogaan fasaxyo iyo dalalkooda si ikhtiyaar ah kuwa ugu maqan maahinee way ku qoran yihiin meesha” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaliya.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Weli labada dal cilaaqaadkii ma go’in safaaraddeenna weli waa ka furan tahay Addis Ababa diblumaasiyiinteenna way jiraan”.

Dhinaca kale wasiirka ayaa ka hadlay sababta ay dowladda Soomaaliya u qaadan la’dahay go’aan rasmi ah oo lagu xirayo gabi ahaan safaaradda Itoobiya, wuxuuna sheegay in aan loo baahneyn caadifad, balse dowladd federaalka ay ku dhaqmeyso diblumaasiyad.

“Dad Soomaaliyeed oo tiro badan oo safaaradda maa la xiro dhahayo way jiraan, laakiin caadifad laguma shaqeynayo” ayuu mar kale yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Shalay ayaa wasiirku isaga oo ka hadlayay isla xiisadda Itoobiya wuxuu soo hadal qaaday arrimo ku aadan halka ay ku taallo safaaradda Itoobiya oo ah xarunta madaxtooyada qaranka, wuxuuna sheegay in deg deg looga rari doono goobta ay hadda degan tahay.

“Safaaradda Itoobiya ma dagana dhulkeedii inay ku dhextaal xeyn daabka Madaxtooyada Qaranka waa arrin laga haboon yahay, waxaan ka shaqeyn doonaa sidii ay dhulkeedii hore u dhisan laheyd kaas oo hadda u banaan,” ayuu horay u yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Xogta khasaaraha weerarkii shalay lagu qaaday Xalane

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa si kulul u cambaareeyay weeraradii madaafiicda ahaa ee subaxnimadii Axadda lagu qaaday xerada Xalane, taas oo sababtey dhimasho iyo dhaawac.

War-saxaafadeed ATMIS soo saartay ayaa lagu sheegay in weerarku ahaa mid wuxuushnimo ah, kaas oo hawlaha ay u joogaan oo u taagan yihiin leexleexad ka gelin doonin. 

“Weerarkan waxashnimada ah kama celin doono annaga iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya inaan raadino nabad waarta iyo amni ka dhalata Soomaaliya, waxaan mar kale xaqiijineynaa sida ay uga go’an tahay la dagaallanka argagixisada iyo inaan dhisno Soomaaliya oo nabad ah oo barwaaqo ah,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika. Guddiga (SRCC) iyo madaxa ATMIS, Ambassador Mohamed El-Amine Souef. 

Iyada oo weerarkan Dowaldda Soomaaliya ka hadlin tacsina ka dirin ayaa war saxaafadeedka ATMIS lagu xaqiijiyey in ay sababtay dhimasho, waxaana tacsi loo direy dadkii waxyeeladu ka soo gaartey.

ATMIS waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoysaska, asxaabta, iyo qaraabada dadkii ku dhintay, waxayna caafimaad degdeg ah u rajaynaysaa kuwii ku dhaawacmay weerarka, ayaa lagu yiri war saxaafadeedka. 

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in ay saddex qof ku dhaawacmeen weerarka. Xogtu waxay sheegaysaa in qaar ka mid ah dadkii dhaawacmey ay dhinteen, kuwaas oo ahaa ajaanibta ka shaqeeya xarunta Xalane. 

Weerarkan waxaa sheegtay argagixisada al-Shabaab, oo qoraal ay warbaahintooda ku baahiyeen ku sheegay in ay ku dileen saddex qof oo caddaan ah, iyo laba qof oo Ugandan ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Weerarka hoobiye ayaa la aaminsan yahay in laga soo tuurey isla gudaha magaalada Muqdisho, taasi oo calaamad su’aal saareysa waxqabadka hay’adaha amniga Soomaaliya. 

Booliska Kenya oo qabtay ninka lagu tuhmayo dilka saddex gabar oo Soomaali ah

Nairobi (Caasimada Online) – Booliska Kenya ayaa gacanta ku dhigey Haashim Dhaqane Maxamuud oo loo haysto saddex haween oo Soomaali ahaa, oo kala ahaa Waris Daa’uud, gabadh yar oo ay dhashey iyo mid kale oo walaasheed ay dhashay.

Saddexdan haween ayaa meykooda oo la jarjaray laga helay xaafad ka tirsan magaalada Nairobi, 21-kii Oktoobar 2024.

Eedeysanaha ayaa Axaddii shalay laga qabtay xaafadda Isareeha, waxaana lagu xirey saldhigga booliska ee Kamarkuchi. Haashim ayaa ku eedeysan inuu afduubtay, kadibna si arxan darro ah u dilay Waris Daa’uud, Aamina Cabdirashiid, iyo Nuseyba Cabdi Maxamed.

Booliska ayaa aaminsan in uu ninkaani yahay tuhmanaha ugu weyn ee kiiskan, waxaana ninka ay baahiyeen sawiradiisa toddobaadkii hore, isaga oo xilligaas baxsad ahaa.

Haashim ayaa la sheegay in uu ka tirsanaan jiray ciidanka Booliska Itoobiya, islamarkaana uu dalkiisa ka soo baxsadey kadib markii uu dilay xaaskiisi. 

Ninkan ayaa markii uu Kenya u soo baxsaday noqday taksiile ka dhex shaqeysta xaafadaha Islii iyo Parkland, waxaana laga aqoonsadey kaamaradaha CCTV, isaga oo dhibanayaasha ka qaadayada gurigooda oo ku yaalla xaafadda Islii.

Dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan Kenya oo arrintan ay fajaciso ku noqotay ayaa soo dhaweeyey qabashada eedeysane Haashim Dhaqane Maxamuud.

Kiiskan ayaa waxaa kale oo u xiran nin kale oo Soomaali ah.

Warsame Barre Sugow oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubada Hoose

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Jubbaland ay ka sameeyeen aagga deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalkan oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda, kaas oo magaciisa lagu sheegay Warsame Barre Sugow, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

“Deegaan u dhow deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubada hoose waxaa lagu khaarijiyay horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta laguna magacaabi jiray Warsame Barre Sugow” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa la sii raaciyay “Geesiyaasha Xooga dalka iyo Kuwa Jubbaland ayaa Cashiro lama ilaawaan ah u dhigaya khawaarijta ku dhuumaaleysaneyso dhulka Howdka ee Jubada Hoose”.

Ciidamada huwanta ayaa howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab in dhowanahaan ka waday Jubbooyinka, waxaana lagu naafeeyay maleeshiyaadka Khawaarijta.

Dilka Warsame Barre Sugow waxaa ka horreeyay howlgal kale oo isna dhawaan ka dhacay Jubbada Hoose, kaas oo isna lagu khaarijiyay Maxamuud Cali Xuseen oo afgarshadiisu ay tahay (Qayliyoow), isla markaana kooxda u qaabilsanaa sahanka, sirdoonka iyo qaraxyada.

Si kastaba, Jubbooyinka ayaa waxaa haatan ka socdo howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca dagaallo u dhexeeyo kooxda iyo ciidamada huwanta ee ku sugan furimaha hore ee Jubbaland

ISRAEL oo xasuuq horleh ka gaysatay marinka GAZA

0

Gaza (Caasimada Online) – Saraakiisha caafimaadka Falastiin ayaa sheegay, in duqeymo ay ciidamada Isra’il Axaddii shalay ka fuliyeen Marinka Gaza lagu dilay 31 Falastiiniyiin ah.

Ku dhawaad kala bar dadka la dilay ayaa ku sugnaa dhinaca waqooyi ee Marinka Gaza, halkaas oo ay ciidamada Isra’il howlgallo ka wadaan muddo ka badan hal bil.

Ila wareedyada caafimaadka waxay sheegeen, in 13 ka mid ah dadka la dilay Axaddii ay ku sugnaayeen deegaannada Beyt Laaxiya iyo Jabaaliya, oo ah laba ka mid ah xerooyinka qaxootiga ee siddeeda ah eek u yaalla Marinka Gaza.

Meelaha kale ee Falastiiniyinta lagu dilay shalay waxaa ka mid ah deegaannada koofurta, oo ay ku jirto degmada Khan Younis oo ay saraakiishu sheegeen in lagu dilay 8 qof oo afar ka mid ahi ay carruur ahaayeen.

Isra’il waxay sheegtay in Waqooyiga Gaza ay weerartay si ay uga sifeyso dagaalyahanno ka tirsan Xamas oo ay sheegtay in ay halkaasi dib isugu urursadeen.

Falastiiniyiinta ayaa ku sheegay duqeymaha cirka ah, dagaalka dhunka ah iyo daad-gureynta qasabka ah ee ka socda dhinaca waqooyi ee Gaza ay tahay isir sifeyn lagu sameynayo dadka ku nool laba magaalo oo ku yaalla waqooyiga Gaza iyo xerooyinka qaxootiga ee aaggaasi oo ay ku noolyihiin boqollaal kun oo ruux.

Isra’il ayaa taasi beenisay, isla markaana sheegtay in ay la dagaallamayaan Xamaas oo halkaasi kasoo weerarto.

Axmed Madoobe oo kulan deg deg ah isugu yeeray xildhibaanada Jubaland DF ku metela

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Madoobe ayaa shir wada-tashi ah isugu yeeray xildhibaanada labbada Aqal ee Baarlamaanka JFS ku metela Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa xildhibaanadaan casuumay 8-da bishaan, kulanka wadatashiga ah ee uu la yeelanayo ayaa ka dhacaya Kismaayo, sida uu qorsheeyey Axmed Madoobe.

“Xildhibaanada sharafta leh ee labbada Aqal ee BFS ku matala Dowladda Jubaland, waxaan ku casuumayaa kulan wada-tashi ah oo aan kaga tashan doono xaalada siyaasadeed ee dalka oo ka dhacaya magaalada Kismaayo ee caasimada kumeel gaadhka ah ee Jubaland, taariikhda 8-11 November 2024,” ayuu Axmed Madoobe ku yiri qoraal ka soo baxay xafiiskiisa.

Xiisadda siyaasadeed ee Jubbaland iyo dowladda federaalka ayaa cirka isku shareertay wixii ka dambeeyey markii Axmed Madoobe oo ka tegay shirkii golaha wadatashiga qaranka oo Muqdisho ka socday.

Arrinta ugu weyn ee la isku hayo waa nooca doorasho ee Xasan Sheekh uu rabo oo qof iyo cod ah iyo qorshaha Axmed Madoobe oo doorasho dadban ah, waxaana muuqata in khilaafka labada dhinac uu cirka isku sii shareerayo.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu qorsheynayo inuu qabsado doorasho dadban, taas oo bilaaban doonta toddobaadyadaan.

Dhankiisa Xasan Sheekh ayaa gadaal ka riixaya qorshihii lagu ansixiyey shirka golaha wadatashiga qaran oo dowlad goboleedyada loogu ogolaaday muddo kororsi hal sano ah, si sanadka dambe loo bilaabo doorashooyin qof iyo cod ah oo ka dhacay dowlad goboleedyada.

Madaxweynaha Jubbaland oo qodobkaas ka carooday ayaa isaga baxay shirka, waana diiday muddo kororsiga halka sano ah ee dowlad goboleedyada kale ay ogolaadeen, maadaama ay ku adag tahay in doorasho qof iyo cod ah uu galo.

Lama oga sida ay ugu suurtageli doonto in Axmed Madoobe ay Kismaayo ugu tagaan xildhibaanada uu u yeertay, waxaana suurtagal ah xitaa hadii ay ogolaadaan oo is abaabulaan in dowladda federaalka ay hor istaagto safarkaas.

Swan oo kulan xasaasi ah la yeeshay Aadan Madoobe kadib wixii shalay ka dhacay BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kusimaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka dalka Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay ergayga gaarka ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Aadan Madoobe ayaa lagu sheegay in ergayga ugu horeyn baarlamaanka dalka uga mahad-celiyay howlaha la xiriira sameynta shuruucda muhiimka u ah dowladnimada Soomaaliya, waxaa uuna si gaar ah u amaanay shaqada laga qabtay dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka iyo guulihii laga gaaray shirarka Golaha Wadatashiga Qaran.

Ergayga gaarka ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa sidoo kale soo dhoweeyay qorshaha dowladda Soomaaliyeed ee ah in dalka looga qabto doorasho qof iyo cod ah, sida lagu sheegay qoraal uu kulankaan kasoo saarya xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay xafiiska ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya taageerada ay mar walba la garab taaganyihiin dadka Soomaaliyeed, waxaa uuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siineyso in dalka ay ka dhacdo doorasho qof igo cod ah, si dadka Soomaaliyeed talada gacantoodu loogu celiyo islamarkaana ay hogaankooda u doortaan.

Marka laga imaado qoraalka uu kulankaan kasoo saaray xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaa soo baxaya xogo dheeraad ah oo sheegaya in kulankaan uu qeyb ka ahaa wixii shalay ka dhacay baarlamaanka iyo in uu golaha ka fiirsado tallaabooyinka uu qaadayo.

Shalay ayey aheyd markii qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa mucaaradka oo qaylo dhaan afka furtay ay ka horyimaadeen tallaabadii uu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh uu xildhibaannada uga codsaday inay kalfadhiggooda ku daraan hal bil oo dheeraad ah, islamarkaana fasaxooda ugu hiilayaan dalka iyo dadka, maadaama ay taallo shaqo adag, lagana sugayo inay go’aan ka gaaran heshiiska la gaaray.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xubnaha ku kacsan dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xubnaha golaha wasiirada ee ku jira baarlamaanka ay fuliyeen dan uu sheegay inay ka lahaayeen codsiga madaxweynaha.

Dhankiisa Xildhibaan Yuusuf Gamaa’diid oo ka tirsan xisbiga Himilo Qaran ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isaguna ka biyo diiday qorshaha Villa Soomaaliya, wuxuuna sheegay in xilligan aysan Soomaaliya ka dhici karin doorashooyin qof iyo cod ah.

Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo khilaaf siyaasadeed oo horleh uu ka dhashay go’aannada kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaranka, waxaana ka horyimid Puntland Jubbaland iyo Mucaaradka.

Xog: Maraakiib hub cusub ka soo dejisay Muqdisho iyo dowladda soo dhiibtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in maanta labo Markab oo dowladda Masar ay u soo dirtay Soomaaliya ay ku soo xirteen dekedda Muqdisho.

Gelinkii hore ee maanta ayaa la hakiyey shaqadii caadiga aheyd ee ka socotay dekedda Muqdisho, si loo dejiyo hub culus oo Masar ay u soo dirtay Soomaaliya.

Labada Markab mid ayaa hub sida, halka midka kale uu yahay Markab Dagaal oo ilaalinaya Markabka kale ee hubka sida.

Shixnadaan hubka ah waa tii labaad oo Masar ay u soo dirtay Soomaaliya, waxaana lagu taageerayaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waddooyinka halbowlaha ah ee caasimadda Muqdisho ayaa caawa loo xiray si loo daabulo hubka saaran Markabkaan ay soo dirtay dowladda Masar.

Dowladaha Masar iyo Soomaaliya ayaa dhawaan kala saxiixday heshiis iskaashi amni iyo difaac, kaasi oo qalqal ku abuuray Itoobiya, maadaama imaashaha Masar ee Geeska Afrika ay khatar u arkaan Itoobiyaanku.

Dowladda Masar ayaa waligeed garab taageed Soomaaliya, labada dal ayaa hada isku kaashanaya cadowgooda dibadda oo ah Itoobiya oo dhibaato ku heysa labada dalba.