25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Soomaaliya oo ku biirtay dalalka hambalyada u diray TRUMP

0

Washington (Caasimada Online) – Donald Trump ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha cusub ee Mareykanka, wuxuuna ka adkaaday Kamala Harris oo ka socotay Xisbiga Dimuqraadiga, isaga oo sidaas ku noqday Madaxweynaha 47-aad ee dalkaasi.

Trump ayaa helay codadka ugu badan, waxaana meesha ka baxay awoodda maamul ee Xisbiga Dimuqraadiga.

Taageerayaashiisa ayaa dubro isugu soo baxay magaalooyinka waa wayn ee Mareykanka, iyaga oo sameynayo dabaal-degyo ay ku muujinayaan guusha Donald Trump.

Sidoo kale waxaa iska soo daba dhacayo farriimaha hambalyada ah ee loo dirayo Trump, waxaana hambalyeeyay madax kala duwan oo uu ku jiro madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo sheegay inuu rajeynayo in lasii wado iskaashiga labada dowladood.

“Waxaan kuugu hambalyeynayaa Mudane Donald Trump guushaada taariikhiga ah ee doorashada Mareykanka. Waxaan rajeynayaa inaan sii wadno iskaashiga xooggan ee labadeenna wadan, si loo horumariyo nabadda, amniga, iyo horumarka” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxda kale ee caalamka ee hamblayada diray waxaa kamid ah ra’iisul wasaare Israel Benjamin Netanyahu “Mudane Donald & Marwo Melania Trump, hambalyo, taariikh weyn oo dib usoo laabasho ah, dib ugu soo noqoshadiina aqalka Cad waxa ay aasaas u tahay Ameerika awood leh oo xulufo la noqota Israa’iil, Benjamin iyo Sara Netanyahu” ayuu yiri.

Dhankooda hoggaamiyeyaasha dalalka Yurub, Afrika iyo Asia ayaa iyahina tahniyado u direy Donald Trump, iyaga oo ku boorrinaya in uu horseedo nabad iyo xasillooni.

Gaadiid ay lahaayeen Al-Shabaab oo maanta lagu gubay dagaal ka dhacay…

0

Ceeldheer (Caasimada Online) – Wararka nagaa soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay weerar culus ku qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugaan  aagga degmada Ceeldheer.

Ciidamada huwanta ayaa si wadajir ah duulaan ugu qaaday Al-Shabaab, waxayna isku fidiyeen deegaano ay ka mid yihiin Maraayga Oomane iyo Isgoyska Macallin Abuukar oo dhaca bariga Galgaduud, halkaas oo ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan Khawaarijta.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in howlgalka uu xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo saacado qaatay balse ma cadda khasaaraha ka dhashay.

Saraakiil ka tirsan milatariga Sooaaliya oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay iay gubeen gaari Cabdib Bile ah iyo mooto ay lahaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxayna intaasi kusii dareen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan halkaasi.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana deegaannada lagu dagaalamay gaaray ciidamo horleh oo gurmad ah, si dhulkaasi looga saaro Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka iyo Macawiisleyda.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa gobollada dhexe ee dalka ka socday dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab oo lagu xoreeyay magaalooyin waa wayn oo ka tirsan maamulka Galmudug.

Wasiirkii saddexaad oo iska casilay xukuumadda Xamza

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenkii wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda Soomaaliya, xildhibaan Saddaam Maxamuud Cabdi ayaa noqdey wasiirkii saddexaad ee iska casila xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, muddo maalmo gudahood ah.

Is-casilaadda Wasiirada ayaa salka ku haysa khilaafka u dhexeeya Dowaldda Federaalka ah iyo Jubaland. Xildhibaan Sadaam ayaa ka soo jeeda Puntland, waxaana uu ku eedeeyey xukuumaddii uu ka tirsanaa in ay baalmartay dastuurkii dalka, siyaasadeysey mashaariicda Puntland, burburineyso nidaamka federaalka, colaadna ka abuureyso deegaanada Jubaland.

Xildhibaan Saddaam ayaa kamid ahaa Xildhibaanadii dhawaan oggolaadey casumaadii Puntland uga timid kadibna soo saarey baaqa ay ku taagerayaan mowqifka Puntland ee ku aadan Dowladda federaalka, waxaana uu ahaa Wasiirka keliya ee kamid ahaa dhawr iyo tobanka xildhibaan ee Garoowe ka degay dhamadkii bishii hore.

Hoos ka akhri qoraalka ka soo baxay Xildhibaan Saddaam maxamuud ee iska casiley golaha xukuumadda:

Ku: Ra’iisal wasaaraha XFS
Og: Xafiiska Madaxweynaha JFS
UJEEDDO: Is casilaad

Mudane Ra’iisal wasaare:

  1. Markii aan arkay in horumarkii iyo howlihii Qaran in looga Mashquulay kala dhantaalida iyo dhaawacida midnimada iyo wadajirka ummada Soomaaliyeed.
  2. Markii aan arkay in shaqadii Xukuumaddu ku soo ururtay danaysi iyo damac gaar ah.
  3. Markii aan arkay in Xukumada shaqo ka dhigatay abuurida colaado sokeeye iyo kala qaybinta bulsha weynta Soomaaliyeed gaar ahaan dadka iyo deegaanka aan ku metalo Kursi Xildhibaanimo iyo kan Golaha Xukumada ee Dowlada Puntland.
  4. Markii aan arkay in la siyaasadeeyey mashaariicdii horumarineed si toos ahna loogu diiday dadkii iyo dowladii aan metelay ee Puntland.
  5. Markii aan xaqiiqsaday in XFS Shaqayso burburinta nidaamkii lagu heshiiyey ee Federaalka ahaa.
  6. Markii aan arkay in XFS ay baalmartay dastuurkii dadka Soomaaliyeed heshiiska ku ahaayeen.
  7. Markii ay ii cadaatay in XFS ku howlan tahay in ay deegaanada Jubbaland ka wadato abuurista colaado iyo xasilooni darro siyaasadeed.

Hadaba, waxaan maanta oo taariikhdu tahay 05/11/2024 go`aansaday in aan iska casilo xilkii Wasiir ku xigeenka Wasaarada dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS.

ALLAA MAHAD LEH.
Xill,Sadam Mohamud Abdi

Maxaa ka jira in DF ay dib usoo celineyso qaxootiga Soomaalida ee Jarmalka?

0

Berlin (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Jarmalka ayaa kulan gaar ah Berlin kula yeeshay Chancellor-ka dalkaasi, Mudane Olaf Scholz oo ay ka wada-hadleen arrimo kala duwan oo ku saabsan iskaashiga labada dawladood iyo xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed.

Inta uu socday kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray danaha labada dal iyo joogteynta iskaashiga dhinacyada; cimillada, horumarinta dhaqaalaha, taageeridda dadaalka DFS ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga ka dib dhammaadka hawlgalka ATMIS, tababbarista iyo tayaynta ciidankw Booliska Soomaaliyeed si ay ugu filnaadaan xaqiijinta nabadgeliyada dalka, iyo arrimaha kale ee ahmiyadda weyn u leh geeddi-socodka dawlad-dhiska Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha waddanka Jarmalka, iyada oo labada dhinac is weydaarsadeen sidii xal loogu helaa dhibaatooyinka ay wajahayaan muwaadiinta Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalkaasi.

Chancellorka Jarmalka oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in Soomaali kummaanaan gaaraysa ay qeyb ka yihiin dadka magangalyada ka helay Jarmalka, kuwaas oo hadda kaalin wanaagsan ku leh horumarka iyo wada-noolashaha guud ee bulsho-weynta dalkaas.

Olaf Scholz ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in ay jiraan tiro aad u yar oo muhaajiriin Soomaaliyeed ah oo sharc idarro ku jooga dalka ka dib markii ay dambiyo galeen oo sidaas ay ku lumiyeen xuquuqdii magangalyo.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo isna soo hadal qaaday arrinta qaxootiga ayaa meesha ka saaray cabsida ay qabaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Jarmalka, wuxuuna sheegay in dowladdiisu danaynayso in dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ah ay helaan xuquuqda caalamiga ah ee ay ku leeyihiin shuruucda magangalyo-doonka, isaga oo caddeeyay in aysan jirin baahi loo qabo dib-u-celin qasab ah, balse qofkii si sharci ah u lumiya xuquuq magangaliyo ee iskiis u doonaya in uu dib u soo gurya-noqdo ay mar kasta u furan tahay in uu dalkiisa iyo dadkiisa ku soo laabto.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale boggaadiyay kaalinta Jarmalka ee soo-dhawaynta iyo fursad-siinta qaxootiga Soomaaliyeed, maadaama ay qaabileen Soomaali badan.

Ugu dambeyn, kulankan oo qeyb ka ahaa booqasho rasmi ah oo uu Madaxweyne Xasan ku joogo Jarmalka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad dhabbaha u xaaraya sii-joogteynta wada-shaqaynta labada dal oo ah mid ka tamar-qaadaya xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah.

TRUMP oo ku guuleystay doorashada Mareykanka

0

Washington (Caasimada Online)Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale dib loogu doortay xilkaas, kadib doorasho adag oo shalay ka dhacday dalka, isaga oo ka guuleystay madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Kamala Harris.

Ayada oo weli natiijada gobollada qaar aan si rasmi loo go’aamin, ayaa Trump waxaa illaa la saadaaliyey inuu ku guuleysatay tirada ergada codeynta ee ku filan, si uu madaxweyne u noqdo.

Trump ayaa illaa hadda xaqiijiyey 277 oo ah ergada codeynta ama Electoral College, halka Kamala Harris ay illaa hadda ku guuleysatay 224. Trump ayaa u baahnaa 270 si uu noqdo madaxweyne.

Trump ayaa goor-dhow la saadaaliyey inuu ku guuleysan doono gobolka Wisconsin iyo 10-kii ergo cod, taasi oo dhaafsiisay 270-ka ergada codeynta ee uu u baahahn yahay.

Donald Trump ayaa ku guuleystay gobollo badan oo muhiim ah, oo ah kuwa aadka loogu loolamo, sida Pennsylvania, Georgia iyo Wisconsin. Saddexdan gobol ayaa waxaa 2020 ku guuleystay madaxweyne Joe Biden.

DF oo qaaday tallaabo la xiriirta dad Soomaali ah oo Sacuudiga uu dil ku xukumay

0

Riyadh (Caasimada Online) – Maxaabiis Soomaali ah oo ku xiran dalka Sacuudiga kuna xukuman dil ayaa dalbanaya in xukunka laga khafiifiyo, iyagoo loo heysto inay dalkaasi soo geliyeen daroogo.

Maxaabiistan oo xilliyo kala duwan la qabtay ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa 50 qof.

Ehellada maxaabiistan oo dhalinyaro u badan oo qaarkood BBC la hadlay ayaa sheegay in markoodii hore ay dalkaasi u tageen inay ka shaqeystaan.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdiweli oo ay ilmo adeer dhow yihiin mid ka mid ah maxaabiista ayaa sheegay in maxaabiistan oo tahriib ku galay dalkaas siina maray Yemen lagu khiyaamay inay daroogo geliyaan Sacudiga.

“Maaddaama dadkan ay duruufo ku xeeran yihiin, waxaa dhacda in lagu baraarujiyo inay daroogo u badan kaniini iyo xashiish ay geeyaan Sacuudiga. Waxaa lagu yiraahdaa haddii aad intaas oo kiilo oo daroogo ah Sacuudiga ii geliso intaas oo lacag ah ayaa lagu siinayaa,” ayuu yiri.

Ninka ay Cabdiraxmaan ehelka yihiin ayaa la qabtay intii u dhaxeysay sanadihii 2018 iyo 2019 markaas oo xabsi la dhigay. Qaar ka mid ah dadka dembiyadan oo kale lagu helay ayaa cafis loo fidiyay amaba xukunka loo beddelay, balse isaga iyo dhalinyaro kale oo gaareysa 45 qof aa feylashooda waxba laga beddelin.

Dalka Sacuudiga ayaa dadka gala dembiyada ay ka midka tahay daroogada waxaa lagu xukumaa xabsiyo muddo dheer amaba dil qoor-goyn ah.

Heerka dilalka dalka Sacuudiga ayaa laba laabmay tan iyo sanadkii 2015 -sida laga soo xigtay warbixin xuquuqda aadanaha oo sanadkii lasoo dhaafay soo baxday – waana sanadkii Boqor Salmaan iyo wiilkiisa Maxamed bin Salmaan ay xukunka qabteen.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixin ay soo saartay bishii September ee sanadkan waxay ku sheegtay in dowladda Sacuudiga ay xukun dil ah ku fulisay in ka badan 198 qof sanadkan 2024 keliya.

Inkastoo marar badan uu Sacuudigu ballan-qaaday yareynta adeegsiga xukunka dilka, ayaa haddana ay sii kordhiyeen, sida ay sheegtay hay’adda.

Fulinta xukunka dilka ee dembiyada la xiriira daroogada ayaa kordhay sanadkan, iyadoo celcelis ahaan uu dalkaasi dil ku fuliyo hal qof labadii maalmoodba, sida ku xusan warbixinta hay’adda.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dhalinyaradan Soomaalida ah lala qabtay kuwo u dhashay dalalka Yemen iyo Itoobiya, kuwaas oo sida uu sheegay qaarkood xukunka dilka ah lagu fuliyay.

“Markii xukunka dilka lagu fuliyay dhalinyaradii lala xukumay ayay cabsi gashay dhalinyaradan oo ay qeylo bilaabeen,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay “inay la xiriireen dowladda Soomaaliya balse aan arrinkooda wax laga qaban.”

Ehelka ayaa dalbanaya in dhalinyaradan laga khafiifiyo xukunka isla markaana loogu beddelo xabsi.

Qunsuliyadda Soomaaliya ee magaalada Jeddah ayaa xaqiijisay in ay jiraan Soomail ku xiran meel u dhow xuduudda Sacuudiga iyo Yemen. Qunsulka Soomaaliya ee magaalada Jeddah Axmed Maxamuud Diiriye (Macaruuf) ayaa sheegay inay ka war hayaan maxaabiistaas oo tiradooda uu ku qiyaasay 45 – 50, ayna maalmo ka hor ugu tageen halka ay ku xiran yihiin.

Wuxuu intaa ku daray in lagu qabtay ayagoo Sacuudiga soo gelinaya xaddi badan oo daroogo ah, sida uu dhigayo sharciga Sacuudigana lagu xukumay dil, laakinse aan lagu fulinin dilka maadaama dawladda Soomaaliya ay arrinta soo fara gelisay oo ay kala hadashay mas’uuliyiinta sacuudiga, kuwaasoo tixgelin siiyey codsiga dawladda Soomaaliya.

“Waxaan u sheegnay sacuudiga in dadkaas Soomaalida ah ee la qabtay ayagoo dalka daroogo soo galinaya ay isugu jireen kuwo aan ogsoonayn dambiga ay mutaysan karaan oo jahli uu u geeyey iyo qaar lagu khasbay in ay daroogada qaadaan, sidaa darteedna waxaan dawladda Sacuudiga ka codsannay in dilka loogu beddelo xabsi” ayuu yiri qusulka Soomaaliya ee Jeddah, Macaruuf.

Wuxuu kaloo qunsulku sheegay in wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya uu arrinta kala hadlay dawladda Sacuudiga, ayadoo dhawaanna la filayo in wasiirka garsoorka ee Soomaaliya uu kiiska maxaabiistaas kala hadlo dhigiisa Sacuudiga.

Caadi ahaan, qoor-goynta ayaa ahayd habka ugu badan ee xukunka dilka loo fuliyo Sacuudi Carabiya – dilalka ayaa ka dhaca meelo fagaare ah – iyadoo magacyada kuwa xukunka lagu fuliyay, iyo dembiyada ay galeen, lagu daabaco baraha internet-ka ee dowladda.

Guud ahaan dunida, 106 dal ayaa meesha ka saaray xukunka dilka ee dhammaanba dembiyada, balse weli dalal badan oo Soomaaliya ay ka mid tahay ayuu ka jiraan xukunka dilka.

Isha: BBC

Benjamin NETANYAHU oo eryay wasiirkiisii difaaca

Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa Talaadadi shalay ceyriyay wasiirkiisii gaanshaandhigga Yoav Gallant, tallaabadaas oo dad badan yaab ku noqotay, xilli Israel ay ku jirto dagaal dhinacyo badan leh guud ahaan gobolka.

Go’aanka xil ka qaadista Gallant ayaa markiiba ka kiciyay gudaha Israel dibadbaxyo, gaar ahaan bartamaha Tel Aviv oo uu ka dhacay bannaanbixii ugu weynaa.

Netanyahu iyo Gallant ayaa si aad ah ugu kala aragti duwanaa dagaalka Gaza. Hase yeeshee, Netanyahu ayaa eryidda wasiirka awoodda lahaa ku aadiyey Talaadadi shalay oo ay indhaha caalamka ku jiheysnaayeen doorashada muhiimka ah ee madaxtinimada Mareykanka.

Israel Katz, oo ahaa wasiirka arrimaha dibadda, kana mid ah dadka sida aadka ah daacadda ugu ah Netanyahu ayaa lagu baddalay Gallant.

Katz ayaa u mahad-celiyay Netanyahu isla markaana ballan qaaday in uu hoggaamin doono dagaalka ka dhanka ah “cadawga Israel.”

Dhinaca kale, saraakiisha caafimaadka Falastiin ayaa sheegay in ugu yaraan 20 qof lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay ciidamada Israel ku bartilmaameedsadeen waqooyiga Gaza shalay.

Dadka la dilay ayaa la xaqiijiyay in ay ku jireen dumar iyo carruur, iyada oo inta badan dadka ku go’doonsan dhinaca waqooyi ee Gaza aysan heysan wax ay cunaan kaddib todobaadyo ay halkaasi go’doon ku hayaan ciidamada Israel oo sheegay in ay ka wadaan howlgallo millatari.

Israel waxay sheegtay in dhinaca waqooyiga shishe ee Gaza ay tan iyo bishi hore ku beegsanayeen dagaalyahanno ka tirsan Xamaas oo halkaasi isku urursaday.

Meelaha la duqeeyay ayaa waxaa ka mid ah guryo ay ku noolaayeen dad isugu jiray qaxooti iyo barakac oo ku yaalla deegaanka Beyt Laaxiya oo u dhaw xadka Israel, sida uu xaqiijiyay agaasimaha isbitaalka Kamal Cudwan oo isugana todobaadsan ay duqeeyeen ciidamada Israel.

Tobnaan kun oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Gaza tan iyo bishi October ee sannadki hore, markaas oo uu billaabatay colaadda hadda taagan.

Isha: VOA

Xog: Toogashadii ay Maxkamadaha Muqdisho fuli jireen oo arrin yaab leh u joogsatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa joogsatay toogashadii ay fuli jireen maxkamadaha dalka, markii la xukumo dambiilaha, hal sabab darteed, waxaana arrintaan baaritaan ku sameysay Caasimada Online.

Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waxaa joogsaday fulinta kiisaskii dilka ahaa ee maxkamadaha dalka ay ku fuliyeen dambiilayaasha lagu xukumo in la qosaaso, si looga oofiyo dunuubta ay galeen.

Ragga xabsiyada ku jira ee lagu xukumay in tiirka la geeyo, balse la waayey meel lagu toogto waxaa ka mid ah, Taliyihii Booliska Degmada Heliwaa Cabdifitaax Qoslaaye iyo Qoonr oo askartiisa ka tirsanaa oo qaab bahalnimo ah u dilay ganacsade Abuukar Kaabax oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo nolol wanaagsan ku heystay Muqdisho.

Sidoo kale waxaa kamid ah Sayid-cali Macalin Daa’uud oo lagu helay inuu xaaskiisii gubay oo dilay iyo tobanaan Shabaab ah oo dad badan laayey, dilna lagu xukumay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, arrintaan waxaa sabab u ah in la waayey goob lagu toogto, laguna aaso, xugmanayaasha ku jira xabsiyada Muqdisho ee geystay dilalka iyo dunuubta bareerka ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay dhulkii Iskuul Buluusiya ee xeebta degmada Xamarjajab, halkaas oo tiirka toogashada iyo qabuuraha lagu aaso meydadka ay ku yaaleen.

Dowladda ayaa derbi ku wareejisay dhulkaas, kana soo fogtay dadkii ku aasnaa, in kastoo aan dhulkaas weli laga faa’iideysan, hadana waxaa caqabad adag kala kulmay maxkamadaha dalka oo dembiilayaal badan ay xabsiyada ugu jiraan.

Saraakiil ka tirsan maxkamadaha dalka ayaa Caasimada Online u sheegay in ilaa madaxweyne Xasan Sheekh, maamulka gobolka Banaadir iyo hey’adaha kale ee dowladda ay kala hadleen, balse ilaa hadda aan la helin dhul u diyaarsan ama loo diyaariyey in lagu fuliyo xukunada dilka ah.

Maxkamadda Ciidamada ayaan ogaanay inay codsatay in la siiyo qeyb kamid ah fagaarihii toogashada ee dowladdu la wareegtay, balse waa laga diiday, waxaana la waayey dhul kale oo amaan ah oo lagu toogto dembiilayaasha, laguna aaso meydkooda.

Waxaa la go’aansaday in dambiilayaasha xabsiyada lagu sii hayo ilaa inta laga helayo goob munaasab ah oo lagu toogto, taasina waa khatar kale, maadaama xubnaha qaar ay suurtagal tahay inay xabsiyada ka baxsadaan ama dad kale dilaan oo dagaalamaan, sida marar horaba dhacday.

Sawirro: Ansixinta Golaha Maamulka Midowga Yurub oo ka socota xarunta Brussels

0

Brussels (Caasimada Online) – Waxaa si habsami leh magaalada Brussels uga biloowday dhagaysiga baarlamaanka Yurub ee ansixinta ee Golaha Maamulka ee Midoowga Yurub, kuwaas oo shanta sano ee soo socota majaraha u hayn doona siyaasadda Yurub.

Xoghayeyaasha kala duwan ayaa mid mid u hor imanaya guddiyada baarlamaanka Yurub , iyaga oo marka hore jeedinaya qorshahooda waxqabad ee shanta sano, kadibna ka jawaanaya suaalo ay xildhibaanada weeydiinayaan.

Waxaan goobjoog ka ahayn ansixinta Mudane Micheal McGarth oo ah xoghayaha magacaaban ee Dimoqoraadiyadda , Caddaaladda iyo Sharciga .

Khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu jeediyay ayuu sheegay in qorshihiisa ay saldhig u noqon doonaan illaalinta dhammaan xoriyadaha,  oo ay ku jirto tan saxaafadda , la dagaalanka dambiyada iyo illaalinta danaha shacabka Yurub ee dhanka badeeco iibsiga,  gaar ahaan in ay helaan badeeco bad qabka,  lagana hortago dhammaan badeecooyinka banaanka ka imanaya ee aysan tayadooda fiicnayn.

Waxa kale oo uu ka hadlay isticmaalka internetka iyo Baraha Bulshada , oo uu sheegay in sharciyo laga soo saarayo si hoos loogu dhigo halista ay da’ yarta kala kulmaan. Waxa uu sheegay in la dabogeli doono dadka caanka ah ee badeeco ama waxyaabo aan badqabkooda la hubin dadka ku dhiirogaliya in ay iibsadaan.

Dalalka Midoowga Yurub ka tirsan ayuu sheegay in lacagaha la siinayo lagu xirayo shuruud ah u hoggaansanaanta sharciga iyo kala dambeynta,  isaga oo farta ku fiiqay dalalka qaxootiga ula dhaqma sida xun ama ka gaabiya waajibaadkooda ka saaran dadka soogalootiga ah.

Markii uu soo dhamaaday fadhigii baarlamaanka,  ayuu Mudane McGarth warbaahinta kula hadlay banaanka , wuxuuna sheegay in uu rejo fiican ka qabo in la ansixiyo.

Midoowga Yurub ayaa leh 27 xoghaye, 8 madaxweyne ku xigeen iyo madaxweynaha oo gaar loo doorto. Marka mid mid ay guddiyada u ansixiyaan,  ayaa haddame iyaga oo isku duuban uu baarlamaanka wadajir u ansixinayaa.

Waa galaha ugu sareeya Yurub ee gaara go’aanada waaweyn, islamarkaasna u xilsaaran fulinta xeerarka iyo qaraarada baarlamaanka Yurub uu soo saaro. Waxay saamayn toos ah ku leeyihiin siyaasadda , dhaqaalaha iyo amniga dunida oo dhan.

Mudane McGarth ayaa muddo 17 sano ah kasoo mid ahaa baarlamaanka Ireland,  isaga oo mar noqday wasiirka maaliyadda,  wuxuuna sheegay in qibradiisa shaqo ay ka caawin doonto gudashada xilka.

Mareykanka oo Bilyan doolar ka cafiyey Somalia, xogta heshiis ka dhacay Xalane (Sawirro)

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Munaasabad kooban oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa si wadajir ah loogu saxiixay heshiis Dowladda Soomaaliya looga cafiyay in ka badan $1 Bilyan oo Dollarka Mareykanka ah.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Richard H. Riley ayaa si wadajir ah heshiiskaan ugu kala saxiixday xarunta Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Heshiiskaan taariikhiga ah ee Dowladda Mareykanka uga caafisay Soomaaliya Deymihii ay ku lehayd ayaa daba socda, kadib markii bishii March ay Soomaaliya ka cafiyeen Deymihii lagu lahaa Soomaaliya dalalka Naaadiga Paris club, Ruushka, iyo dalalka kale oo badan.

Arrintaan ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadaaladii hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya ee in muddo ah Dowladda Federaalka Soomaaliya soo wadday.

Saxiixa heshiiska kadib, waxaa Warbaahinta si wadajir ah ula hadlay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Safiirka Dowaldda Mareykanka ee Soomaaliya, iyagoo sheegay in heshiiskaan uu yahay mid taariikhi ah, oo Soomaaliya  fursad muhiim ah siinaya.

“Waxa aan maanta magaalada Muqdisho uga dhawaaqay dhammaystirka heshiiska Deyn Cafinta ee Dowladda Mareykanka isaga oo uu i weheliyo Danjiraha Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley. Wadarta guud ee deynta Dowladda Mareykanka ay maanta Soomaaliya ka cafisay ayaa ah, $1 billion (1 bilyan) oo doollarka Mareykanka ah” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka iyo Shacabka Mareykanka taageerada muhiimka ah ay siiyaan Soomaaliya ee dhanka horumarinta dhaqaalaha iyo dib-u-habaynta hannaanka Maaliyadda dalka.

DF Soomaaliya oo heshay gaadiid dagaal oo casri ah + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta saanad milatari oo leh noocyo duwan kala wareegtay Ururka Midowga Yurub, kadib munaasabad ballaaran oo maanta ka dhacday gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi oo la wareegay saanaddan ayaa faah-faahin ka bixiyay, wuxuuna sheegay inay ka kooban tahay dhowr nooc, sida gaadiidka xamuulka ee ay adeegsadaan ciidamada qalabka sida.

Agabka milatari ee ay maanta dowladda la wareegtay waxaa kale oo kamid ah qalabka ka hortegga miinooyinka iyo kuwo caafimaad oo loogu talagalay ciidamada Xoogga dalka.

“Halkan waxaan maanta kula wareegeynaa qalab muhiim u ah ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan gaadiidka waa wayn ee xamuulka qaada, sidoo kale ay ku jiraan qalabkii caafimaadka oo dagaallada lagu galayay” ayuu yiri Wasiir Cumar Cali Cabdi.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa kale oo alaabta aan la wareegnay ku jiro qalabka miinooyinka, intaan waa kasii badan qalabka laakiin waa tusaale inta aan soo bandhigtay”.

Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga oo hadalkiisa sii wata ayaa Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada ay marweliba la garab taagan yihiin ciidamada Soomaaliya.

“EU-da sida aad ogtihiin Soomaaliya wax badan ayay garab siisay haddii ay ahaan lahayd tababarrada ciidamada iyo qalabeyntooda, waana uga mahadcelineynaa” ayuu ku daray.

Muddooyinkii lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa heleysay kaalmo milatari oo caalami ah, waxaana dhawaan ay la wareegtay markab hub siday oo ay usoo dirtay Masar.

Dhammaan tallaabooyinka ayaa kusoo beegmaya, kadib qaadistii cunaqabateynta hubka ee muddada dheer saarneyd Soomaaliya, taas oo ugu dambeyn guul wayn laga gaaray.

Xogta diyaarad milatari oo ku dhacday deegaan ay maamulaan Shabaab + dalka leh

0

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta diyaarad nooca dagaalka ah ay ku dhacday duleedka degmada Qoryooley, gaar ahaan tuulo ay maamulaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Xog heshay Caasimada Online ayaa ku warrameysa in diyaaradda ay ahayd Drone  siday gantaallo waxayna ku dhacday tuulo lagu magacaabo Farsooley, oo ay gacanta ku heyso Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in diyaaraddan ay leedahay dowladda Turkiga oo kamid ah dalalka waa weyn ee taageerada milatari siiya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Macluumaadka la helayo ayaa muujinayo in Al-Shabaab ay gacan gashay diyaaradda iyo agabkii ay sidday, inkastoo ay ahayd nooca yaryarka ee loo adeegsado duqeymaha.

Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo Turkiga oo ku aadan diyaaradda ku dhacday tuulada Farsooley oo ku dhow degmada Qoryooley.

Turkiga ayaa indhowaanahan ka qayb-qaadanayay dagaalka Al-Shabaab, waxaana diyaaradihiisa dagaalka ay duqeymo ka wadeen koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Si kastaba, ma’aha diyaaraddii ugu horreysay oo ku dhacda dhul ay maamulaan Al-Shabaab, waxaana dhacdooyin soo laa laabtay oo su’aallo iyo shaki xoogan dhaliyay.

Ganacsato horleh oo dil iyo dhaawac loogu geystay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya ganacsato dil iyo dhaawac maanta loogu gaystay gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka isgoyska Fagax.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in rag ku hubeysan bistoolado ay weerareen kaalin shidaal oo ku taalla halkaasi, waxayna dileen mid kamid ah wiilashii ganacsatada ahaa ee ku sugnaa, iyaga oo dhaawacay mid kale.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kaalinta shidaalka ay ku xirneyd kaamirada qarsoon ee CCTV oo ay dhowaan ganacsatada inay xirtaan ku amartay dowladda Soomaaliya.

Kooxda dilka fulisay ayaa durbadii meesha ka baxsatay, waxaana goor dambe goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo howlgallo kooban ka sameeyay aagga isgoyska Fagax.

Weerarkan ayaa qayb ka noqonayo beegsiga lagu hayo ganacsatada Muqdisho oo dhibane u noqday amarka dowladda, waxaana weeraro ay kala kulmayaan kooxda Al-Shabaab.

Maalmo ka hor ayaa sidaan oo kale xaafadda Soona-key loogu dilay mid kamid ahaa ganacsatada, iyada oo isla goobtaas lagu dhaawacay mid kale, waxaana loo beegsaday kaamiro ay ku xireen dukaankooda.

Waxaa sidoo kale kasii horreeyay dhacdo kale oo lagu dilay saddex ganacsato ahaa oo dhowaan dil loogu gaystay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kuwaas oo goobahooda ganacsi ku xiray Kaamiro CCTV, waxaana toogasho ku dilay rag afka soo duubtay oo ugu tegay xarumahooda.

Horay sidaan oo kale Al-Shabaab ayaa u beegsatay goobo ganacsi oo lagu xiray kaamirooyinka CCTV, kadib amar kasoo baxay dowladda, waxaana xarumaha qaar lala beegsaday qaraxyo u geystay khasaarooyin lixaad leh.

Inta badan ganacsatada reer Muqdisho ayaa u hoggaansamay amarka dowladda, laakiin waxa ay u noqdeen dhibanayaal, maadaama ay beegsanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta gaaray dalka…

0

Berlin (Caasimada Online) – Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Berlin ee caasimadda dalka Jarmalka.

Safarka madaxweynaha Soomaaliya ee Berlin ayaa yimid kadib markii uu martiqaad ka helay ra’iisul wasaaraha Jarmalka Mr, Olaf Scholz.

Madaxweyne Xasan ayaa kulamo muhiim ah la qaadan doono ra’iisul wasaaraha dalka Jarmalka Olaf Scholz, iyaga oo ka wada-hadli doono xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya ee Jarmalka.

Sidoo kale waxay labada masuul kulankooda diirada ku saari doonaan sida dib u soo nooleynta mashaariicdii farsamada gacanta, isbedelka cimilada, horumarnita booliska Soomaaliyeed iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika iyo arimo kale.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qeyb-galayo Shirweynaha maalgashiga Afrika iyo Jarmalka, oo muhiimad gaar ah u leh maalgashiga Soomaaliya, maadaama dalkeenu labadii sano ee la soo dhaafay ku guuleysatay arimaha deyn cafinta, la dagaalanka argagixsada, ku biirista ururka iskaashiga Bariga Afrika.

Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa leh taariikh soo jireen ah, waxa uuna safarka madaxweynaha door weyn ka qaadanayaa iskaashiga Jarmalka oo ah dal muhiim u ah Soomaaliya taageerada tooska iyo midda Midowga Yurub.

Axmed Madoobe oo u jiheystay doorasho iyo 5 qodob culus oo kasoo baxay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa soo saaray amaro culus oo uu ku sheegay “in lagu adkeynayo nabad-gelyada doorashooyinka soo socda” ee maamulkaasi.

Digniintan oo loo diray dhammaan ciidamada iyo daneeyayaasha siyaasadda gobolka, ayaa waxay kusoo baxday wasaaradda wasaaradda amniga Jubbaland, iyadoo uu ku saxiixnaa wasiir ku-xigeenka ahna ku-simaha wasiirka amniga maamulka, Gen. Aadan Axmed Xaaji.

Warqaddan oo ka kooban illaa 5 qodob ayaa lagu cadeeyay arrimaha loogu tala-galay sugidda amniga doorashada iyo xakameynta falalka amni-darrada.

Maamulka ayaa mamnuucay ilaalada gaarka ah ee musharaxiinta, iyadoo lala socod-siiyay dhamaan musharixiinta iyo daneeyayaasha ka qeyb-galaya doorashada maamulka Jubbaland in amaankooda ay sugayaan ciidanka booliska Jubbaland, sidaas darteedna ay la xiriiraan taliska ciidanka booliska maamulka, si loo siiyo ciidan sharci ah oo suga amaankooda, sida lagu yiri awaamiirta uu soo saaray maamulka Jubbaland.

Wasaaradda amniga ayaa sidoo kale mamnuucday in la abuuro ciidamo beeleedyo ama kooxo hubeysan oo khatar gelin kara amniga doorashada, si looga hortago isku dhac beeleed iyo khataraha kale ee nabadgelyo, iyadoo maamulka u digay cid kasta oo ka qeyb qaadata falal argagixiso ama amni-darro, kuna goodisay in tallaabo adag laga qaadi doono.

Halkan ka aqriso qodobada kasoo baxay maamulka Jubbaland;

Ayadoo lagu guda jiro u diyaar-garoowga qabsoomida doorashooyinka heerarka kale duwan ee dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa waxaa la farayaa dhamaan ciidamada kala duwan ee Jubbaland qodobada hoos ku xusan;

Sidoo kale waxaa la wargelinayaa dhamaan Musharaxiinta iyo daneeyayaasha doorashooyinka dowladda Jubbaland;

1. Dhamaan ciidamada kala duwan ee Jubbaland waxaa la farayaa in ay galaan heegan buuxa oo lagu xaqiijinayo amniga dhamaan deegaanada Jubbaland.

Sidoo kale dhamaan ciidamada waxaa la farayaa in aysan ku milmin siyaasadda oo ay joogaan xerooyinkooda iyo goobahooda shaqo.

2. Waxaa mumnuuc ah askari hubeysan oo aan waajib shaqo ku jirin in lagu arko goob aan ahayn goobtiisa shaqo.

3. Dhamaan Musharixiinta iyo daneeyayaasha ka qeyb-galayo doorashada Jubbaland waxaa lagu wargelinayaa in amaankooda ay sugayaan ciidanka booliska Jubbaland, sidaasi darteed waa in ay la xiriiraan Taliska Ciidanka Booliska Jubbaland si loo siiyo ciidan sharci ah oo suga amaankooda.

4. Amaanka deegaanada Jubbaland waa mid la isku halleyn karo waxaana mamnuuc ah in la abuuro ciidamo beeleedyo u abaabulan qaab qabiil oo lagu qal-qal gelinaayo amaanka iyo nabadda ka jirta Jubbaland.

5. Ugu dambeyn cid kasta oo ka qeyb qaadata falal amni darro ama u hogaansami weyso qodabada kor ku xusan waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan.

Sawirro: DF Somalia oo maanta AFAR diyaarad u dirtay Baydhabo – Maxay sidaan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta afar diyaaradood u dirtay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfut Galbeed.

Diyaaradahan oo sida shixnado gargaar mucaawino ah ayaa waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka dirtay hay’adda maareynta musiibooyinka qaran ee SODMA, taas oo dowladda federaalka u qaabilsan arrimaha gargaarka iyo taakuleynta.

Ujeedka gargarkaan ayaa lagu sheegay in shacabka magaladaas uga gaashaantaan abaarta cabsida laga qabo, waxaana hore gargarkaan Soomaaliya ugu deeqay dowladda Shiinaha.

Agasimaha waaxda gargaarka SODMA Sahra Cali Yuusuf oo warbaahinta kula hadashay gudaha garoonka Aadan Cadde ayaa sheegtay in gargaarkan looga jawaabayo baaqii madaxda qaranka iyo guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka.

“Waxaan halkan maanta ka dirnay afar flight oo aan u dirnay degmada Baydhabo, iyada oo aan ka jawaabeyno baaqii naga soo gaaraya madaxda qaranka iyo shacabka ku dhaqan degmada Baydhabo, iyadoo laga digayo abaaraha ba’an ee hadda la saadaalinayo,” ayey tiri Marwo Sahra Cali

Waxay intaas kusii dartay “Waxaan rajeynaynaa in ay sii socon doonaan baaqyada iyo ka jawaabitaanka hay’adda maareynta masiibooyinka, iyada oo marwalba u taagan inay gargaar bini’aadannimo gaarsiiso dadka Soomaaliyeed ee inta badan abaaraha iyo ilinadu ku habsadaan.”

Tan ayaa bilow u ah ka jawaabida xaaladda ka taagan Baydhabo iyo in shacabkeeda helaan gargaar deg-deg ah, si looga gaashaanto abaarta laga cabsi qabo, sida ay sheegtay hay’adda SODMA, oo ayadu dowladda federaalka Soomaaliya ugu xilsaaran howlahaan.

Howlgal khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo ka dhacay SH/HOOSE + Sawirro

0

Marka (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi, kuwaas oo ay guullo ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa si gaar ah looga fuliyay deegaano dhowr ah, waxaana kamid ah Jeeroow, Atuunyo, Libsoome, Safaari, Mudulow iyo kuwa kale

Howlgalladan ayaa waxaa horkacayay taliyaha ururka 26-aad ee guutada 6-aad G/Le Faarax Maxamuud Xersi oo uu wehliyo taliyaha gorinta 1-aad Dhamme Cabdisalaam Aadan Cali, waxaana khasaaro lixaad leh lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

“Geesiyaasha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Howlgallo Khasaaro lagu gaarsiiyey Khawaarijta ka sameeyey deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana haatan dhaq-dhaqaaqyo xoogan ciidamadu ay ka wadaan deegaanada ay maanta gaareen, si ay u xaqiijiyaan amniga.

Dhinaca kale, ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalka maanta ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka.

Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin Khawaarijta, waxaana howlgallo ka wada ciidamada dowladda Soomaaliya, si looga xoreeyo gobolkaasi.

Maxaa looga hadlay kulanka Aadan Madoobe iyo safiirka UK? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-simaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis.

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo safiirka dowladda Ingiriiska ayaa kulankooda uga wada-hadlay xoojinta xiriirka labada waddan, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska guddoonka barlamaanka.

Danjirahe Mike Nithavrianakis ayaa sheegay in dowladda Ingiriiska ay ku faraxsan tahay xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Ingiriiska iyo Soomaaliya, wuxuuna Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ugu hambalyeeyay ansixinta shuruucda muhiimka u ah dowladnimada Soomaaliya iyo sidoo kale ansixinta miisaaniyadda qaranka ee 2025, oo uu shalay ansixiyay baarlamaanka labadiisa aqal, sida lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale, safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowladiisa ay soo dhoweyneyso dimuqraadiyadda iyo qorshaha dowladda Soomaaliya ay wado ee ah in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Ku-simaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa safiirka ku bogaadiyay taageeradda dhinacyada kala duwan leh oo ay dowladda Ingiriiska la garab taagantahay dowladda Soomaaliya.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay horumaro la taaban karo ka sameysay dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo sidoo kale dagaalka dalka looga ciribtirayo kooxaha argagixisada.

Sawirro: Muxuu wasiirka amniga Soomaaliya ka sheegay shirka INTERPOL?

0

London (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa ka qeyb-galay shirka guud ee 92-aad ee INTERPOL oo ka dhacay magaalada Glasgow ee dalka UK.

Shirkaan ayaa looga hadlay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada amniga iyo la-dagaalanka argagixisada.

Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa halkaasi ka sheegay in wada-shaqeynta booliska caalamka ay tahay mid fure u ah nabad-gelyada iyo xasilloonida.

Waxa uu intaas kusii daray in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay door muhiim ah ka qaadato iskaashigan si loo xaqiijiyo amniga caalamka oo dhan.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay horumarka laga gaaray dhanka tiknoolajiyada amniga, gaar ahaan tiknoolajiyada biometirka iyo sirdoonka macmalka ah (AI), kuwaas oo dalalka caalamka ay si wadajir ah ugu shaqeynayaan horumarintooda.

Wasiir Fartaag ayaa sheegay in tiknoolajiyadan casriga ah ay muhiim u tahay ka hortagga dambiyada caalamiga ah, isla markaana ay kaalin weyn ka qaadan karto sugidda amniga gudaha ee Soomaaliya iyo guud ahaan caalamka.

Intii uu ka hadlayay shirka wasiirka amniga wuxuu soo dhaweeyay tallaabooyinka ay INTERPOL qaadeyso ee lagu xoojinayo awoodaha booliska caalamka iyo wada-shaqeynta dhinacyada caafimaadka iyo ka hortagga dambiyada khatarta leh.

Waxa kale oo ugu baaqay dalalka ka qeybgalay shirka in la xoojiyo xeerarka iyo nidaamyada is-dhaafsiga macluumaadka si loo gaaro hab amni oo loo dhan yahay oo waara, kaas oo u adeegaya bulshooyinka caalamka si hufan oo nabad ah.

Hadalka wasiirka ayaa wuxuu diiradda u saaray muhiimadda wada-shaqeynta caalamiga ah, horumarinta tiknoolajiyada casriga ah ee amniga, iyo isku xirnaanta booliska caalamka si loo xaqiijiyo amni iyo xasillooni waarta.

A/Madoobe oo kashifay xogta wafdi qarsoodi ah oo DF iyo Kenya u direen Jubaland (Sawirro)

0

Kismaayo (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa caawa kashifay qorshe uu wado madaxweyne Xasan Sheekh oo safar aan la shaacin dalka uga maqan.

Madaxweynaha Jubaland ayaa sheegay in maanta uu magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi dhexdhexaadiyayaal ah oo ka socoday Dowladda Kenya.

Wuxuu sheegay in wadfigaas uu soo diray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Kenya ka codsaday inay ka shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhexeeya Jubaland iyo dowladda federaalka.

“Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi dhexdhexaadiyayaal ah oo ka socoday Dowladda Kenya isla Markana Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  uu ka codsaday inay ka shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhexeeya Jubaland iyo DFS,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Axmed Madoobe.

Wafdigaan waxaa hoggaaminaya Xoghayihii hore ee fulinta IGAD, Amb. Maxbuub Macalin, Ergeygii hore ee IGAD u qaabilsanaa Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey iyo senatorkii hore ee ismaamulka Wajeer Cabdiraxmaan Colow.

Madaxtooyada Jubbaland ayaa sidoo kale baahisay sawirrada xubnaha wafdigaan, arrintaan ayaa uga sii dari karta xiisadda Jubbaland iyo dowladda federaalka, maadaama uu Axmed Madoobe banaanka soo dhigay arrin la doonayey in si hoose loo xaliyo.

Dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa arrintaan ku macneeyey in Axmed Madoobe uusan hadda diyaar u aheyn in la xaliyo xiisadda kala dhaxeysa dowladda federaalka, isla markaana ay ka go’antahay  in doorasho dadban uu qabsado inta aan la xalin xiisadda kala dhexeysa dowladda federaalka.