26.4 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Muuse Biixi oo qaaday tallaabo kale oo la xiriirta heshiiska BADDA

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa mar kale qaaday tallaabo la xiriirta heshiiska badda ee uu horraantii sanadkan la saxiixday ra’iisul wasaaraha Itoobiya, isagoo ku adkeysatay dhaqan-gelinta heshiiskaasi.

Muuse Biixi Cabdi oo hadda ku jiro ololihiisii ugu dambeeyay ee doorashada hoggaanka Somaliland ayaa xusay in dhankooda ay diyaar u yihiin in horay loo sii dhaqaajiyo heshiiska, isla markaana la fuliyo, si  marin biyood loo siiyo dowladda federaalka Itoobiya.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in fulinta heshiiskan ay dano badan uga xiran yihiin Somaliland, isaga oo carabka ku dhuftay in Itoobiya ay tahay dal muhiim ah oo aad loo daneeyo, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi in heshiiskan ay faa’iido wayn ugu jirtay iyaga, isla markaana uu muhiim u yahay ictiraaf ay hesho Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

“Heshiiskaasi wax badan ayaa inooga xiran, Itoobiya waa dal muhiim ah cid kastana daneynayso in ay xiriir la yeelato – wuxuu sidoo kale muhiim u yahay heshiiskaasi in aan helno Ictiraaf” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweynaha maamulka Somaliland.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay haddii dib loo doorto inuu kasii shaqeyn doono horumarinta Somaliland, gaar ahaan saaxibada ay ku leedahay gobolka iyo caalamka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkiisii yahay xiisadda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya, oo si weyn looga dareemay gobolka, waxaana fashilay dadaallo la sameeyay, si la’isugu soo dhaweeyo labada dowladood.

Dowladda Federaalka ayaa si weyn uga carootay heshiiska Abiy uu la galay Muuse Biixi, waxayna ku tilmaamtay inuu xadgudub ku yahay madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay howlgalka cusub ee ka bilaabanaya Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan wadda u diyaar garow ku aadan howlgalka cusub ee beddalaya ATMIS, kaas oo uu qorshuhu yahay inuu bilowda sanadka soo socda ee 2024-ka, si loo helo ciidamo bedala kuwa hadda jooga.

Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay wadday dadaallo dheeraad ah, waxaana madaxda sare ee dalka oo ugu horreeyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhawaan booqashooyin kusoo kala bixiyay waddamada ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya, isaga oo kala hadlay kaalintooda ku aadan howlgalka cusub ee ka bilaabanaya dalkeenna.

Sidoo kale waxaa haatan safar kale oo la xiriira qorshaha dowladda ee xiga ATMIS u baxay wasiirka gaashaandhigga oo uu wehliyo taliyaha ciidamada Xoogg dalka oo gaaray dalka Jabuuti, waxayna kala hadleen qorshaha dowladda ee la xiriira howlgalka cusub oo ay qayb ka noqon doonaan ciidamada Jabuuti.

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in Jabuuti ay kala hadleen arrimaha howlgalka iyo sidoo kale xaaladda guud ee Geeska Afrika.

“Waxaa maanta si guul ah noogu soo gabagaboobey booqasho rasmi ah oo aan ku joogney dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Waxay ahayd fursad aan kaga wada hadalnay amniga gobolka iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee bilaabanaya 2025,” ayuu yiri.

Intaas kadib wasiirka iyo taliyaha ayaa usii gudbay dalka Uganda oo ay madaxdiisa kala hadli doonaan isbeddalka dhacaya iyo doorkooda ku aadan howlgalka cusub ee Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi kusii daray in sidoo kale ay usii gudbi doonaan Kenya iyo Burundi oo qayb ka ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, si ay ugala hadlaan qorshaha socda.

Dhammaan kulamadan ayaa daba socda ka bixitaanka ATMIS ee Soomaaliya iyo hirgelinta howlgalka cusub ee loo yaqaan AUSSOM, oo qorshuhu yahay in lagu beddelo hawlgalka ATMIS ee ka bixi doona dalka.

Si kastaba, howlgalka cusub ayaa waxaa kamid noqon doonin Itoobiya, sababo la xiriira xiisadda haatan kala dhexeysa Soomaaliya ee ka dhalatay heshiiska badda.

Kheyre oo ka horyimid heshiis uu soo saxiixay Xasan Sheekh oo saameynaya…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna u jeediyay eedeymo culus oo xasaasi ah.

Khayre ayaa si gaar ah uga hadlay booqasgada uu haatan madaxweynaha ku joogo dalka Jarmalka iyo arrinta la xiriirta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Xasan Sheekh Maxamuud uu saxiixay heshiis Jarmalka looga soo celinayo dad Soomaaliyeed, wuxuuna arrintaas ku tilmaamay mid nasiib darro ah.

“In Madaxweynaha Dalku saxiixo heshiis dalka Jarmalka looga soo tarxiilayo dad Soomaaliyeed, iyadoo aysan dowladdu wax ka beddelin duruufihii dalka ee ay ka tahriibeen, una diyaarin qorshe nololeed, fursado shaqo, iyo mustaqbal yididiilo leh oo ay u soo noqdaan, waxay muujinaysaa qorshe la’aanta iyo mas’uuliyad-darrada dowladda. Waxaana ayaandarro ah in Madaxweynaha Dalku uusan fahamsaneyn saameynta uu go’aankani ku yeelanayo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool daafaha dunida” ayuu yiri Mr. Khayre.

Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale sheegay in go’aankan uu saameyn karo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dibadaha, taasina ay noqon doonto caqabad horleh oo soo korortay.

Waxaa kale oo uu ku eedeeyay dowladda federaalka in ay faham la’aan ka haysato heshiiskan, wuxuuna kula taliyay in marka hore ay la timaado qorshe wax looga qabanayo daruufaha ka jira dalka, isla-markaana ay ka carareen dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran;-

Waxaa nasiibdarro ah in seddaxdii sano ee la soo dhaafay ay dalka ka qaxayeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo dalka wax ku baratay, kuna tababartay hay’adaha dalka. Dhallinyaradaas iyo qurbajoogta kale ee Soomaaliyeedba dalka ugama tegin jaceyl ay u qabaan dalal shisheeye ee waxaa ku khasbay duruufaha ka jira dalkeenna.

Madaxda dowladda waxaa mas’uuliyad qaran ka saaran tahay in ay wax ka beddelaan duruufaha murugsan ee sababay in dadkeennu qaxooti ku ahaadaan qurbaha, dadka Soomaaliyeedna u abuuraan rajo iyo mustaqbal ifaya, oo dadka dalka ku nool ku dhiirrigelinaya in ay ku nagaadaan dalkooda hooyo, ayna ku soo hiran karaan qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku firirsan dunida dacalladeeda.

In Madaxweynaha Dalku saxiixo heshiis dalka Jarmalka looga soo tarxiilayo dad Soomaaliyeed, iyadoo aysan dowladdu wax ka beddelin duruufihii dalka ee ay ka tahriibeen, una diyaarin qorshe nololeed, fursado shaqo, iyo mustaqbal yididiilo leh oo ay u soo noqdaan, waxay muujinaysaa qorshe la’aanta iyo mas’uuliyad-darrada dowladda. Waxaana ayaandarro ah in Madaxweynaha Dalku uusan fahamsaneyn saameynta uu go’aankani ku yeelanayo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool daafaha dunida.

Waxaan madaxda qaranka ugu baaqayaa in ay marka hore u istaagaan diyaarinta qorshe qaran oo fursado nololeed iyo shaqooyin loogu abuurayo dhallinyarada ku nool gudaha dalka, xal waarana loogu helayo dhallinyarada dalka ka sii hayaamaysa inta aanan la qaadin tallaabooyin dalka dib loogu soo celinayo dad Soomaaliyeed oo qurbajoog ku ah dalka dibaddiisa.

Haashim: Ninka ku eedeysan inuu 3 hablood ku dilay Nairobi oo loo heysto dilka gabar afaraad

0

Nairobi (Caasimada Online) – Waaxda Dambi-baarayaasha Kenya ee DCI ee baaraya meyd la jarjaray oo laga helay qabuuraha Langata 31-kii bishii Oktoobar ee sandkan ayaa helay arrin hor leh oo la xiriirta kiisaska loo haysto Hashim Dagane oo ah ninka sida weyn loogu huhunsan yahay dilka hooyo, gabadheeda iyo labo gabdhood.

Baarayaasha ayaa aqoonsaday haweeneyda loo maleynayo in la dilay oo ka adeeganeysay dukaamada Quickmart Oktoobar 29-keedi. Muuqaallada kaamerada dukaanka ayaa laga helay caddeyn muhiim ah oo la xiriira kiiska, sida lagu sheegay qoraalka bogga Facebook ee waaxda.

Intaa waxaa dheer oo warku intaa ku darayaa in la ogaaday in marka ay dukaanka ka adeegatay qofka dumarka ee muuqaallada kaamerada laga arkay ay aaddey guri ku yaal xaafadda Lavington ee magaalada Naiorbi, halkaas oo markale laga arkay kaamirada iyadoo sii galeysa.

Baarayaasha waxay kaloo heleen in la arkay dhibbanaha oo Haashim la joogta gurigiisa. Muuqaallada kaamerada ee 31-kii Oktoobar waxay muujinayaan Haashim oo labo bac gacamaha ku wata oo ka baxaya dhismaha. Waxaa la rumeysan yahay in bacahaasi ay ku jireen wixii ka haray dhibbanaha.

Haraaga meydka ayaa markii dambe laga helay qabuuraha lagu magacaabo Langata, sida ay waaxdu sheegtay.

Waxaa sidoo kale la caddeeyay markii Haashim uu ka baxay guriga in milkiilaha uu ogaaday waxa ka dhacay dhismahiisa. Milkiilaha ayaa kaddib nadiifiyay oo dib riinji u mariyay guriga sidaasina ku dhuuntay.

Mas’uuliyiinta ayaa hadda raadinaya, waxayna aaminsan yihiin in muddo kooban lagu soo heli doono markaasna caddaaladda la horkeeni doono.

Mas’uuliyiinta ayaa aaminsan in gabadha ay tahay Deeqa Cabdinuur Gorone oo la waayay, laguna wargeliyay booliiska 24kii Oktoobar. Kooxaha baaraya ayaa ka shaqeynaya sidii ay u caddeyn lahaayeen qofka uu yahay meydka la helay.

Waaxda dambi-baarista DCI waxay sheegtay in ay ka go’an ahay in ay caddaalad helaan dhibbanayaasha. Baarayaasha ayaa sidoo kale isku keenaya qeybo kala duwan si ay u ogaadaan lugta uu Hashim ku leeyahay dambiyada kale ee dalka ka dhacay.

Sidee boolisku ku soo qabteen Haashim?

Waaxda dambi-baarista Kenya ayaa qoraal ay ku daabacday boggooda Facebook ku sheegtay in baaritaan ay sameeyeen lagu ogaadeena “tuhmanaha ugu weyn” ee dilkii loo qeytay saddexda hablood ee isku qoyska ahaa.

“Dembi-baarayaasha ku daba jiray dilalka foosha xun ee loo geystay saddex xubnood oo hal qoys ah oo kala ahaa hooyo, gabadheeda iyo gabar 12 jir ah oo ay habaryar u ahayd – ayaa aqoonsaday tuhmanaha ugu weyn ee looga shakisan yahay dilkaas,

Waaxda dambi-baarista Kenya ayaa soo bandhigtay sawirka iyo magaca Haashim oo ay sheegeen in uu ahaa darawalkii waday gaariga qaaday gabdhaha la dilay.

“Baaritaanada ilaa hadda la sameeyay ayaa lagu ogaaday… in [tuhmanaha] uu dhibbanayaasha ka soo qaaday gurigooda Islii 21-kii October, 2024, saacado ka hor inta aan meydkooda la helin oo meelo kala duwan la dhigay,” qoraal barta Facebook ay ku daabacday waaxda dambi-baarista Kenya ee DCI ayaa sidaasi lagu yiri.

Markaa kaddib Hashim Dagane Maxamed oo ah eedeysanaha ayaa la qabtay isagoo loo haysto dilka saddex dumar ah. Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay ayaa saddexda haween ah oo hal qoys ka soo wada jeeda lagu dilay Nairobi.

Hay’adda dambi-baarista Kenya DCI ayaa soo qabtay eedeysanaha kaddib baaritaanno ay sameeyeen isagoo ku dhuumanayay goob ku taal Kamukunji Nairobi.

Eliud Lang’at oo ah ku xigeenka hoggaanka booliska Kenya oo warbixinta soo saaray ayaa sheegay in howshan ay aheyd in degdeg loo soo farageliyo ka hor inta aysan noqon mid aan suuragal aheyn wax ka qabadkeeda.

“Isbeddelkan murugada leh wuxuu muujinaya baahida degdegga ah ee loo qabo ficilada diiradda lagu saarayo iyo iskaashiga si wax looga qabto dhibaatada baahsan ee xadgudubka ku saleysan jinsiga ee ka dhexjira bulshadeena”

Saddaxda haween ee la dilay ayaa ahaa hal qoys. Dahabo Daa’uud Siciid, Aamina Cabdirashiid iyo Muuseiba Cabdi Maxamuud oo 12 jir aheyd. Mid ka mid ah haweenka oo aheyd hooyada qoyska ayaa maydkeeda laga helay magaalada Machakos oo caasimadda Nairobi u jirta 61 kilo mitir, sida ay sheegeen qoyskeeda.

Maamada la dilay ayaa la sheegay in ay aadday isbitaal. Gurigeeda ayaa waxay ka baxday labo saac oo habeennimo kaddib dib dambe uma aysan soo hadlin, meel ay jirto ayaa la wayay ayey sheegeen qoyskeeda.

Isha: BBC

ISRAEL oo 40 qof ku dishay duqeyn ay ka fulisay Lubnan

Beirut (Caasimada Online) – Sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Lubnan, ugu yaraan 40 qof ayaa lagu dilay duqeymo ay ciidamada Isra’il Arbacadi shalay ku garaaceen magaalada Baclabak ee ku taalla Dooxada Beqaa cee dalka Lubnan.

Weeraro kale oo dhanka cirka ah ayay wasaaraddu sheegtay in Isra’il ay shalay ku garaacday nawaaxiga koofureed ee magaalada caasimadda ah ee Beuyruut.

Guddoomiyaha gobolka bari ee Baclabak-Xermel, Bashir Khodri ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X ku sheegay, in ugu yaraan 40 madfac oo soo tuureen ciidamada Isra’il ay ku naf-waayeen 38 qof ayna ku dhaawacmeen 54 kale. Wuxuu sheegay in howlaha gurmadka ee lagu baadi goobayo dadka la la’yahay ay wali socdaan.

Dhanka kale, hogaamiyaha cusub ee Xisbullah Nacim Qasim ayaa ka digay in dagaalyahannadiisu ay la dagaallami doonaan Isra’il ilaa ay ka aqbaleyso nabad. Hadalkaasi ayuu ku sheegay qudbad lasoo duubay oo laga baahiyay telefishannada.

Wuxuu sheegay in ay jiri karaan wadahadallo aan toos aheyn, haddii Isra’il ay joojiso weerarka.

Tan iyo marki uu billowday dagaalka muddada 13-ka bil socda ee u dhaxeeya Isra’il iyo Xisbullah, Lubnan waxaa lagu dilay in ka badan 3,000 oo ruux, dadkaas intooda badan waxaa la dilay wixi ka danbeeyay bishi September.

Asad Diyaano oo Muqdisho kula kulmay saraakiil ka socota Sirdoonka Mareykanka (Sawirro)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay khubaro ka socota FBI-da Mareykanka.

Taliye Asad ayaa Saraakiisha Khubarada ah kala hadlay sidii ay kaalin uga qaadan lahaayeen tababarada Saraakiisha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo xoojinta dib u habeynta ciidanka.

Saraakiisha FBI-da ka socotay ayaa bogaadisay dardargelinta, horumarinta iyo dib u casriyeynta hanaanka shaqo ee Ciidanka Booliska.

FBI-da Mareykanka ayaa qeyb ka ah hay’adaha Booliska Soomaaliya ka taageera la dagaalanka kooxaha argagixisada ah.

Saraakiishaan ayaa dhowaan soo gaalay magaalada Muqdisho, horay waxaa Muqdisho u yimid madaxa ugu sareeya sirdoonka Mareykanka, kaasi oo la kulmay Madaxweynaha iyo Agaasimaha Sirdoonka Soomaaliya.

Mareykanka ayaa kaalin muuqata ka qaata qorshaha amni ku soo dabaalidda iyo taageerada dowladda Soomaaliya, waxaana xusid mudan in doorweyn uu ka qaato dhismaha ciidamada Soomaaliya iyo dagaalka Khawaarijta.

Hadda isbedel weyn ayaa ka djacay Mareykanka waxaana maanta Madaxweyne dib loogu doortay Trump oo Soomaaliya, lamana saadaali karo siyaasadda uu ku wajihi doono arrimaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh, Madaxweynihii hore Farmaajo, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo inta badan madaxda Adduunka ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald J. Trump.

Farmaajo oo war ka soo saaray dib u doorashada Donlad Trump

0

Doha (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donlad Trump, kaas oo dib u doorashadiisa ay mucjiso ku noqotay adduunka.

“Hambalyo Madaxweynaha la doortay Donald Trump. Waxaad sharaf u leedahay inaad mar labaad u adeegto dadka Mareykanka sanadaha soo socda, waxaan rajeynayaa in Soomaaliya iyo Mareykanka ay sii xoojiyaan xiriirka laba geesoodka ah ee dhammaan dhinacyada faa’iidada u leh labada dhinac, oo ay ku jiraan amniga iyo ganacsiga” ayuu qoraalkiisa ku yiri Farmaajo.

Donald Trump ayaa mar kale oo doortay Madaxweynaha Mareykanka, xiligii uu Farmaajo Madaxweynaha ka ahaa Soomaaliya ayuu Trump Madaxweyne ka ahaa Mareykanka, waxayna ahaayeen Madaxweynayaal soo wada shaqeeyey.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka mid noqday madaxdii ugu horeysay ee hambalyo u dirtay Trump, isagoo ka rajeeyey in iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka uu ka sii amba qaado halka uu joogo.

Guusha Donald Trump waxay ka dhigan tahay soo laabasho cajiib ah, wuxuu ahaa nin xukunka kaga dagay sumcad xumo ka soo gaartay lixdii Janaayo, taas oo dhawac u geysatay, balse 4 sano kale oo safar ah ayuu u soo galay in uu xukunka ku soo laabto, dhowr mar ayaa maxkamad lala tiigsaday.

Isniintii ayuu Trump sheegay in ololihiisa uu guul weyn ka gaaray isbahaysiga Carabta iyo Muslimiinta ee Michigan, kuwaas oo uu sheegay inuu ku soo jiitay ballan-qaadkiisa nabadda.

“Waxaan dhiseynaa isbahaysigii ugu weynaa, uguna xoog balaarnaa taariikhda Mareykanka, waxaa ku jiri doona tiro badan oo ah muslimiinta iyo Carabta Michigan oo doonaya nabad,” ayuu Trump ku soo qoray bartiisa X, ka hor codeynta inta aysan dhicin.

Soomaalidu inta badan waxay u codeyn jireen xisbiga Dimuqraadiga, balse hadda waxaa la xaqiijiyey inay jirto tiro badan oo taageeray Donald Trump, waxayna Soomaalidu ku taageertay in dhaqaalaha dalku xoogaanaa markii uu xilka hayay, inkastoo ay jireen walaac ku saabsan siyaasadihiisa soo galootiga oo aad u adkaa.

Fiqi oo ka warbixiyey xiriir uu la sameeyey dhiggiisa Sudan iyo waxay ka wadahadleen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa qadka taleefanka ugu hambalyeeyey Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Suudaan Dr. Cali Yuusuf Axmed, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Danjire Fiqi ayaa Dr. Axmed u rajeeyay guul ku aaddan xilka cusub, isagoo ku dhawaaqay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Suudaan.

“Labada wasiir waxay dib u xaqiijiyeen ballan-qaadkooda ku aaddan xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo walaaltinnimada ka dhexeysa Soomaaliya iyo Suudaan,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Fiqi.

Labada Wasiir ayaa isku raacay inay sii horumariyaan iskaashiga dhinacyada diblomaasiyadda, dhaqaalaha iyo dadaallada xasilloonida gobolka ee ku qotoma danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan.

Suudaan waa saaxiibka dhow ee Soomaaliya, waana wadan ay ka taagan yihiin colaado sokeeye oo dhowaan ka qarxay wadankaas.

Tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii mudada dheer awooda militeri ku xukumi jiray Suudaan Cumar Al-Bashiir, waxay Suudaan cagaha la gashay mushkilado sokeeye iyo dagaalo aan kala joogsi laheyn, kadib markii dhinacyo kala duwan ay isku qabsadeen xukunka.

Dowladda Soomaaliya ayaa abaal badan u heysa Suudaan, maadaama sanadihii uu burbursanaa dalkeenu ay ardayda Soomaaliyeed ka caawi jireen waxbarashada, sidoo kale dib u dhiskii dowladnimada Soomaaliya ayay door muhiim ah ka qaateen.

Fragmented federalism: Puntland and Jubaland’s quest for autonomy and its impact on Somali sovereignty

0

Summary:

This article will examine how Puntland and Jubaland’s quest for greater autonomy has strained Somalia’s fragile federal framework, with a particular focus on security, economy, and legitimacy. It would examine the historical foundations of Puntland and Jubaland’s desire for self-government, their justifications for remaining independent of Mogadishu’s authority, and the impact on Somalia’s stability and sovereignty. The security and counterterrorism coordination part would investigate how fragmented federalism impedes coordinated responses to security challenges. Economic fragmentation would handle trade, resource management, and revenue distribution issues interfering with national cohesion. The legitimacy and political alignment part would evaluate competing regional and national interests. Furthermore, investigating the involvement of foreign players would demonstrate how external factors influence internal power dynamics. The paper will finish with a policy-focused road forward, noting potential opportunities for Somalia to establish trust, foster cooperation, and reinforce its national identity.

Challenges to National Unity: Security and Counterterrorism Coordination

Somalia’s federal system was designed to promote unity while preserving the sovereignty of its many regions. However, the experiences of Puntland and Jubaland demonstrate how federalism has occasionally exacerbated rather than healed divides within Somalia. In the northeast, Puntland and Jubaland in the south have both sought extensive autonomy from Mogadishu, focussing on local government and resource management. While these quests for independence have contributed to regional peace and self-government, they also offer substantial difficulties to Somalia’s national sovereignty, notably regarding security and counterterrorism coordination.

The campaigns for autonomy in Puntland and Jubaland have political and historical foundations. Puntland became an autonomous province in 1998, partially due to the turmoil in Mogadishu and a desire to rule autonomously. With its closeness to Kenya’s border and significant links to cross-border commerce, Jubaland has preserved its independence, emphasising the necessity for locally directed security and administration. These areas see themselves as separate entities inside Somalia, frequently demanding their autonomy at the expense of national unity. This autonomy hinders the federal government’s efforts to build a cohesive and autonomous Somali state capable of addressing security and governance concerns.

Puntland and Jubaland want independence for political and economic reasons. Politically, these regions have strong clan ties and local power structures that oppose federal intervention. Economically, Puntland and Jubaland want to control local resources, including trade income and possible oil deposits, which has significant consequences for national revenue-sharing policies. This quest for economic self-sufficiency frequently clashes with Mogadishu over resource management, causing economic friction and further separating these areas from the central authority.

These contradictions become even more pronounced in the realms of security and counterterrorism. Groups like Al-Shabaab, which take advantage of Somalia’s fragmented federal government, continue to pose a threat to the country. Puntland and Jubaland have established their own security forces, frequently outside the federal military, creating operational problems that impede collaborative counterterrorism activities. In Puntland, security forces periodically conflict with federal soldiers, but regional forces prioritise border security concerns over national objectives in Jubaland. This dispersion of security organisations exposes loopholes that extremist groups might exploit, threatening the federal government’s capacity to coordinate a national response to terrorism.

Foreign influence exacerbates these issues. Puntland and Jubaland have tight relations with regional actors like Kenya and Ethiopia and financial help from the UAE. While these partnerships give economic and political assistance, they also allow regional leaders to act more independently, often at the price of Somalia’s sovereignty. Kenya, for example, is involved in Jubaland’s security activities, which strengthens Jubaland’s independence and causes issues with Mogadishu. Similarly, Puntland’s financial and political links with the UAE generate external dependencies that impede Somalia’s efforts to establish federal sovereignty over its territories. These external ties undermine Somalia’s sovereignty, putting the federal government in a difficult position to balance regional autonomy with national cohesiveness.

The implications of Puntland and Jubaland’s autonomy go beyond security, affecting the federal system’s capacity to unite the country. As these areas establish independence, they risk setting a precedent that may inspire other states to follow suit, undermining Somalia’s unity. The idea of a divided Somalia erodes popular faith in the federal system, fuelling a cycle of regionalism that hinders efforts to establish a united Somali identity. Citizens who see the inequalities between autonomous regions and federal territories may feel estranged from the national government, resulting in a weak state subject to internal conflict and external interference.

Somalia must balance regional autonomy (such as Puntland and Jubaland) and national unity to solve these difficulties. Collaborative security frameworks might provide a more integrated approach to counterterrorism by allowing regional forces to work with federal soldiers as part of a nationally coordinated effort. Joint security structures, backed by regional and federal governments, might build confidence and facilitate effective intelligence sharing, eliminating weaknesses that extremist organisations could exploit.

International mediation might also help define the functions of regional and federal administrations in Somalia. A mediated approach might provide a neutral platform for Mogadishu and regional leaders to make accords that respect regional autonomy while strengthening Somalia’s sovereignty. These agreements might resolve economic issues, clarify resource management, and provide the groundwork for a more integrated federal government that fosters security and governance in all areas.

Finally, Puntland and Jubaland’s push for autonomy underscores Somalia’s federalism issues. Without a determined effort to bridge these gaps, Somalia risks becoming fragmented and subject to internal and external forces. The route forward is to build a federal system that respects regional identities while assuring a cohesive approach to government and security. This results in a resilient Somalia capable of defending its sovereignty in a complex regional terrain.

Legitimacy and Political Alignment

Somalia’s federal system has made achieving political cohesion and legitimacy difficult. Puntland and Jubaland’s desire for autonomy, motivated by diverse regional identities and historical grievances, has hindered efforts to form a unified national government. These areas function with a high degree of independence, causing political conflict with the federal administration in Mogadishu, which aspires to consolidate Somali authority. As Puntland and Jubaland establish their right to self-government, Mogadishu’s central authority is undermined, resulting in rival claims of legitimacy and split loyalties among Somali residents.

These legitimacy challenges are partly caused by the lack of an inclusive federal accord that addresses regional ambitions while promoting national unity. Puntland and Jubaland regularly criticise the federal government for overreach, claiming that their regional administrations are more responsive to local concerns and, hence, more legitimate in the eyes of their constituents. This discrepancy affects the formation of a national vision since Mogadishu frequently interprets the region’s activities as direct threats to its authority. The ongoing impasse on political alignment demonstrates the significant distrust between the core and the periphery, which prevents effective collaboration on security, development, and governance. Efforts to strengthen Somalia’s sovereignty are thwarted without alignment, making long-term stability impossible.

The Role of International Stakeholders

International stakeholders have an intricate role in the interactions between Somalia’s federal government and its semi-autonomous provinces. External players, such as surrounding states, international organisations, and foreign governments, have a vested interest in Puntland and Jubaland, and they frequently provide economic, security, and political support. This support occasionally allows Puntland and Jubaland to exercise their autonomy more aggressively, hindering Somalia’s efforts to develop a unified national policy. The engagement of surrounding governments, like as Kenya and Ethiopia, is especially significant since they frequently work with Puntland and Jubaland to handle cross-border security issues. However, such partnerships may be interpreted as compromising Somalia’s sovereignty since they give regional leaders resources and recognition, thereby weakening Mogadishu’s central authority.

The presence of foreign players can further exacerbate differences in Somalia since various governments and organisations frequently assist opposing factions or prioritise rival strategic objectives. This international fragmentation enables Puntland and Jubaland to function more freely, knowing that foreign assistance would protect them from Mogadishu’s pressure. Furthermore, while foreign players advocate for Somalia’s stability, their activities frequently unintentionally promote regional autonomy, contributing to a fractured approach to nation-building. A cohesive Somalia needs internal alignment and a coordinated and supportive international approach that upholds the country’s sovereignty. Without a change towards such a policy, foreign stakeholders’ influence may remain a double-edged sword, ensuring stability while fostering fragmentation.

Path Forward: Building Trust and National Identity

Puntland and Jubaland’s desire for autonomy threatens Somalia’s national sovereignty, highlighting the fragility of Somalia’s federal structure. This dispute brings to light deeper structural concerns that stem from the complexity of regional identity, political independence, and the legacy of civil strife. As Puntland and Jubaland exercise greater autonomy over their political and economic affairs, their efforts put extra strain on Somalia’s sovereignty, creating serious concerns about the survival of a unified state.

This federal fragmentation is rooted in a long-standing distrust between the central authority and these autonomous areas. The lack of a unified national identity, which is still eclipsed by regional attachments, exacerbates this split. Puntland and Jubaland’s unwillingness to completely integrate into Somalia’s national framework reflects a long-standing distrust of central authority and practical concerns about resource control, security, and political representation. This climate has developed a parallel political structure, reducing Somalia’s ability to function coherently and increasing its susceptibility to external influence and internal opposition.

The economic implications of this fragmentation are as substantial. Puntland and Jubaland frequently circumvent the central government to pursue their own economic objectives, including direct international partnerships and local resource control. This financial independence has increased prosperity in certain regions but has reduced the federal government’s ability to implement a coordinated national monetary strategy. Such a system risks developing regional economic imbalances, exacerbating division and limiting the government’s ability to engage in national infrastructure and development initiatives.

Addressing these difficulties necessitates a new federal structure that values regional sovereignty while supporting common national objectives. Building confidence between the central government, Puntland, and Jubaland is critical to resolving these conflicts. This method calls for open communication and explicit power-sharing agreements that accommodate both sides’ concerns. Establishing procedures for open resource sharing, maintaining equal representation in federal institutions, and developing collaborative economic ventures are crucial to accomplishing these goals.

For national identity to take root, the government must participate in significant nation-building programs honouring regional and Somali identities. These might include educational reform, inclusive cultural initiatives, and increased investment in infrastructure projects that connect various communities. By demonstrating the real benefits of federal unity, the Somali government can foster a feeling of shared belonging and heal historical differences.

Finally, overcoming the fractured federalism that undermines Somalia’s sovereignty necessitates a long-term commitment to cultivating mutual respect, trust, and common identity. By using a collaborative and inclusive approach, Somalia has the potential to convert its patchwork of autonomous regions into a robust, cohesive federation.

Conclusion

Puntland and Jubaland’s ambition for autonomy has significantly strained Somalia’s national unity and sovereignty, highlighting crucial challenges that threaten the country’s stability. Fragmented federalism has resulted in ineffective security and counterterrorism cooperation, as regional authorities prioritise local defence over a coherent national approach. This schism undermines Somalia’s reaction to challenges such as Al-Shabaab, which exploits these divisions to maintain power. Economically, Puntland and Jubaland’s independent objectives complicate national resource management and trade strategies, hurting Somalia’s economic coherence and raising the possibility of unequal regional growth.

Politically, the regional and federal authority conflict highlights weaknesses in Somalia’s legitimacy as a centralised state. The opposing loyalties diminish trust in Mogadishu’s ability to represent and administer a diverse nation, resulting in rival power structures. Furthermore, foreign parties drawn to Somalia’s strategic position frequently engage directly with regional administrations, unwittingly increasing autonomy and undermining national unity.

The route forward is to foster mutual trust and a shared national identity. A stable Somalia requires a federal system that preserves regional authority while encouraging unification. This includes honest resource sharing, equal political representation, and initiatives that address regional gaps. By matching regional and national interests, Somalia may transform into a robust and cohesive federation capable of facing its difficulties.

Mohamed H Salad

Researcher and Analyst, Studied International Security & Peace Conflict, Specialist in the Horn of Africa, and Secretary of former President of Somalia Dr Abdikasim Salad Hassan (TNG).

Maxaan ka naqaana ‘ninka aan la joojin karin’ ee kusoo baxay doorashada Mareykanka

Washington (Caasimada Online) – Donald Trump waxa uu hadda ka hor ku faanay “inuu waxa uu doono sameyn karo,” taasi oo qeexday ololihiisii koowaad ee doorashadii uu ku guuleystay 2016 – isaga oo sheegay inuu qof ku toogan karo Waddada 5th Avenue ee New York, haddana oo aanu lumineyn xitaa hal cod.

Sideed sano kadib, madaxweynaha soo socda ee 47-aad ee Mareykanka, wuxuu u muuqdaa nin aan la joojin karin, isaga oo ku guuleystay furayaasha Aqalka Cad Arbacada maanta ah.

Waa ninka ugu muranka badan dalka, isagoo si dirqi ah uga badbaaday isku day dil, waxaana isaga oo 78 jir ah uu noqonayaa qofkii ugu da’da weyn ee qabta Xafiiska Oval Office taariikhda Mareykanka. Madaxweyne ku xigeenkiisa, oo 40 jir ah Sen. JD Vance oo laga soo doorto Ohio, ayaa noqon doona qofka xilkii ugu sarreeyey ka qabta Mareykanka ee ka tiirsan jiilka mileeniyaalka.

Taasina, waa inta aan lagu daran in Trump uu damaanad banaanka ugu joogo saddex dacwad dambiyeed iyo kuwa madani oo la xiriira khiyaameyn iyo xadgdub galmo.

Inkasta oo uu guuleystay, waxa uu haddana wajahayaa xukun maxkamadeed dhowr toddobaad gudahood ah, kuwaas oo la xiriira saddex daraasin oo dambiyo ah oo la xiriira ololihiisii madaxtinimada ee 2016-ka.

Sidaas oo ay tahayna, isaga oo ka adkaaday musharaxa Dimoqraadiga Kamala Harris, Trump waxa uu mar kale muujiyay inuu beenin karo dhammaan culeysyada siyaasadeed iyo sharci.

Dad badan ayaa u haystay in markan uusan awoodi doonin. Balse waxa uu Arbacada maanta ah noqday kaliya madaxweynihii labaad ee inta xafiiska laga tuuro, mar kale soo tartama ee guuleysta.

Trump oo ka dhashay qoys maal-qabeen ah, islamarkaana ku taajiray ganacsiga hantida ma guurtada ah, ayaa dunida ka yaabiyey isaga oo doorashadii 2016 si dirqi ah uga guuleystay Hillary Clinton.

Trump waa madaxweyne hore kii ugu horreeyay ee ku soo noqda awoodda tan iyo markii Grover Cleveland uu dib u helay Aqalka Cad doorashadii 1892-kii. Sidoo kale, waa qofkii ugu horeeyay ee lagu helo dambi culus ee haddana loo doorto madaxweyne.

Donald Trump waxa uu hadda ka hor ku faanay “inuu waxa uu doono sameyn karo,” taasi oo qeexday ololihiisii koowaad ee doorashadii uu ku guuleystay 2016 – isaga oo sheegay inuu qof ku toogan karo Waddada 5th Avenue ee New York, haddana oo aanu lumineyn xitaa hal cod.

Sideed sano kadib, madaxweynaha soo socda ee 47-aad ee Mareykanka, wuxuu u muuqdaa nin aan la joojin karin, isaga oo ku guuleystay furayaasha Aqalka Cad Arbacada maanta ah.

Waa ninka ugu muranka badan dalka, isagoo si dirqi ah uga badbaaday isku day dil, waxaana isaga oo 78 jir ah uu noqonayaa qofkii ugu da’da weyn ee qabta Xafiiska Oval Office taariikhda Mareykanka. Madaxweyne ku xigeenkiisa, oo 40 jir ah Sen. JD Vance oo laga soo doorto Ohio, ayaa noqon doona qofka xilkii ugu sarreeyey ka qabta Mareykanka ee ka tiirsan jiilka mileeniyaalka.

Taasina, waa inta aan lagu daran in Trump uu damaanad banaanka ugu joogo saddex dacwad dambiyeed iyo kuwa madani oo la xiriira khiyaameyn iyo xadgdub galmo.

Inkasta oo uu guuleystay, waxa uu haddana wajahayaa xukun maxkamadeed dhowr toddobaad gudahood ah, kuwaas oo la xiriira saddex daraasin oo dambiyo ah oo la xiriira ololihiisii madaxtinimada ee 2016-ka.

Sidaas oo ay tahayna, isaga oo ka adkaaday musharaxa Dimoqraadiga Kamala Harris, Trump waxa uu mar kale muujiyay inuu beenin karo dhammaan culeysyada siyaasadeed iyo sharci.

Dad badan ayaa u haystay in markan uusan awoodi doonin. Balse waxa uu Arbacada maanta ah noqday kaliya madaxweynihii labaad ee inta xafiiska laga tuuro, mar kale soo tartama ee guuleysta.

Trump oo ka dhashay qoys maal-qabeen ah, islamarkaana ku taajiray ganacsiga hantida ma guurtada ah, ayaa dunida ka yaabiyey isaga oo doorashadii 2016 si dirqi ah uga guuleystay Hillary Clinton.

Trump waa madaxweyne hore kii ugu horreeyay ee ku soo noqda awoodda tan iyo markii Grover Cleveland uu dib u helay Aqalka Cad doorashadii 1892-kii. Sidoo kale, waa qofkii ugu horeeyay ee lagu helo dambi culus ee haddana loo doorto madaxweyne.

AP, AFP + VOA

Muxuu Xasan Sheekh ka sheegay shirka Jarmalka iyo Afrika? + Sawirro

0

Frankfurt (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qeyb-galay shirka maalgashiga Jarmalka iyo Afrika ayaa soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira dalkeenna iyo dadaallada dowladda ee horumarka iyo xasilloonida.

Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah oo aasaas u ah kobaca dhaqaale, shaqo abuur, la tacaalida isbedelka cimilada iyo amni darrada.

Sidoo kale wuxuu madaxweynaha bogaadiyay shirkan oo diiradda saaray sidii loo abuuri lahaa nidaam soo jiita maal-gashadayaasha.

Xasan ayaa xusay in Soomaaliya ay ku guulaystay qorsheyaal isbeddel dhaqaale iyo diyaarinta sharciyada dhowrista maal-gashadayaasha, iyadoo hiigsaneysa in la xoojiyo kaalinta ganacsiga gaarka loo leeyahay ee kobcinta dhaqaalaha.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay soo dhaweynayso maalgashideyaasha caalamiga ah, islamarkaana ay heleyaan shacab ku tilmaaman firfircooni iyo hal abuur ganacsi.

Shirkaan ayaa waxaa madaxweyne Xasan Sheekh ku wehlinayey wafdi uu kamid yahay wasiirka qorsheynta iyo maalgashiga xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan (Beene-Beene).

Sawirro: Taliye Asad Diyaano oo tegay xarunta ciidanka birmadka kadibna…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta ciidanka birmadka booliska.

S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa faray saraakiisha iyo ciidanka birmadka booliska ee uu la kulmay inay dardar-geliyaan howlaha amni ee horyaala, isagoo kula dardaarmay in loo turo bulshada loo adeegayo.

Ciidanka birmadka booliska ayaa u xil-saaran ka hortagga rabshadaha, ilaalada xarumaha dowlada iyo garab siinta ciidamada sida gaarka ah ugu tababaran la-dagaalanka argigixisada iyo badbaadinta bulshada Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Diyaano ayaa kormeer ku tagay xarumo kala duwan oo ay kamid yihiin taliska ciidanka nabad-galyada waddooyinka (Taraafiko) iyo saldhigga booliska garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Taliyaha ayaa sidoo kale tegay xarunta Akadeemiyada booliska Soomaaliyeed ee General Kaahiye, iyo hoggaanka baarista dembiyada ee CID-da.

Intii uu kormeerka ku jiray taliyaha wuxuu warbixin ka dhageystey madaxda fadhiyada uu kormeerey, isaga oo kula dardaarmay inay laba-jibaaraan dadaalkooda shaqo, si ay u gutaan waajibka ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa sidoo kale wuxuu la kulmay dadweynihii adeegyada kala duwan loogu hayay goobaha uu booqday, isaga oo warbixino ka dhageystay shacabka halkaas usoo doontey adeega.

Ilhaan Cumar oo guul muhiim ah ka gaartay doorashada xilli uu Trump soo baxay

Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar ayaa guul muhiim ah ka gaartay doorashadii ay gashay ee ka dhacday dalka Mareykanka.

Ilhaan ayaa waxay u mahad-celisay dadkii u codeeyay, iyada oo sheegtay in ay ka shaqeyneyso tallaabooyinka lagu horumarinayo bulshada ay metasho ee soo doortay.

Dad badan ayaa hadal heyn ka dhaliyay baraha bulshada markii la xaqiijiyay in ay guuleysatay Xildhibaan Ilhaan Cumar, xilli Donald Trump mar kale dib loo doortay, kadib doorasho adag oo shalay ka dhacday dalkaasi, isaga oo ka guuleystay madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Kamala Harris.

Waxyaabaha lasoo qaadayo waxaa kamid ah in Ilhaan iyo Trump marar badan ay is dhaafsadeen hadallo adag, haddii ay markale saaxada siyaasadda isku arkaan howshu halkeeda kasii socon doonto waa sida hadalka loo dhigay.

Inkasta oo weli natiijada gobollada qaar aan si rasmi loo go’aamin, ayaa haddana Trump waxaa illaa la saadaaliyey inuu ku guuleysatay tirada ergada codeynta ee ku filan, si uu madaxweyne u noqdo.

Trump ayaa illaa hadda xaqiijiyey 277 oo ah ergada codeynta ama Electoral College, halka Kamala Harris ay illaa hadda ku guuleysatay 224. Trump ayaa u baahnaa 270 si uu noqdo madaxweyne.

Trump ayaa goor-dhow la saadaaliyey inuu ku guuleysan doono gobolka Wisconsin iyo 10-kii ergo cod, taasi oo dhaafsiisay 270-ka ergada codeynta ee uu u baahahn yahay.

Trump ayaa ku guuleystay gobollo badan oo muhiim ah, oo ah kuwa aadka loogu loolamo, sida Pennsylvania, Georgia iyo Wisconsin. Saddexdan gobol ayaa waxaa 2020 ku guuleystay madaxweyne Joe Biden.

Dhinaca kale, Jamhuuriyiinta ayaa waxay la wareegeen aqlabiyadda Aqalka 100-ka xubnood ka kooban ee Senate-ka, laakiin weli lama oga xisbiga maamuli doono Aqalka Wakiilada Mareykanka.

Sidee guusha Donald TRUMP u saameyn kartaa xaalka Bariga Dhexe?

0

Washington (Caasimada Online) – Doorashada dalka Maryekanka ayaa maanta soo gabagabowday, waxaana mar kale dib loogu doortay Donald Trump oo noqday madaxweynaha 47-aad, isaga oo ka adkaaday Kamala Harris iyo Xisbigeeda Dimuqraadiga.

Trump ayaa illaa hadda xaqiijiyey 277 oo ah ergada codeynta ama Electoral College, halka Kamala Harris ay illaa hadda ku guuleysatay 224. Trump ayaa u baahnaa 270 si uu noqdo madaxweyne.

Waa markii labaad ee uu xilkan qabanayo Donald Trump, waxaana guushiisa wel-wel ku abuurtay Madowga, Muslimiinta, dadka soo-galootiga iyo Iran oo uu muddo xileedkiisii hore 2016-2020 saarey cunaqabateyntii ugu adkayd ee dhaqaalaha waddankaasi.

Haddaba sidee guusha TRUMP u saameyn kartaa Bariga Dhexe?

Maxamed Cali Biixi oo ah Wariye Soomaaliyeed oo deggan Nairobi, isla markaana ka faallooda arrimaha Bariga Dhexe oo xiisado dagaal ay ka jiraan ayaa sheegay in natiijada soo baxday ee doorashada Mareykanka ay saameyn wayn ku yeelaneyso gobolkaas iyo dalal Islaamka, isaga oo sheegay in Washington ay si gooni ah ugu lug leedahay.

“Mareykanka waa waddan wayn oo dhinaca dhaqaalaha iyo milatarigaba adduunka hoggaamiya, mar kastaana doorashadiisa saameyn ayay ku leedahay marka la eego dunida Islaamka, saameynta goonida ah ee iyaga ku leedahay waxaa weeyaan gobolkan oo ay ku badan yihiin oo ah gobol ay xasarado ka jiraan, si weyn loogu loolamayo” ayuu yiri Biixi.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrinta magaalada Gaza iyo dagaalka cusub ee ka dhex-qarxay Israel, Lubnaan iyo Iran, kaas oo hadda gaaray meeshii ugu xumeyd.

“Waxaan ognahay xaaladda Gaza oo uu Mareykanka saameyn ku leeyahay oo dagaallada halkaasi ka socda ay Israel ka waddo, Mareykankan si gooni ah ayuu ugu lug leeyahay iminkana waxaa sii dheer Lubnaa iyo Iran oo uu dagaalka kusii fiday” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Isbeddelka ka dhacay Mareykanka ayaa isha lagu haayaa, maadaama Trump uu yahay nin ad-adag oo siyaasaddiisa ku dhufta meelo badan, sida la xasuusto muddo xileedkiisii hore.

Xasan Sheekh oo waxqabadkii laga sugayay ku beddelay saddex arrin oo yaab leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga mucaaradka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Warsame ayaa eedeymo culus u jeediyay madaxweynaha, wuxuuna soo bandhigay saddex qodob oo uu saldhig uga dhigay eedeymihiisa.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu wax-qabadkiisa ku beddalay qabuuro soo faagid, guryo la burburiyo iyo inuu dalka kusoo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee dibadda.

“Madaxweyne Xasan, waxqabadkii ay dadka ka sugayeen wuxuu ugu beddelay; kuwo uu qubuuraha ka soo faago, kuwa uu guryaha ku dul-dumiyo iyo kuwa uu dibadda ka soo tarxiilo. Madaxweyne shacabka u tur” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay howlo burburin ah, waxaana uu haddda howlgalka uu ka socdaa agagaarka Ex-kontrool Afgooye.

Halka horay loo burburiyay xaafaddii Dab-damiska, waxaana lagu sii socdaa xaafadda Kalluunka oo iyana ku dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba, dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadda wajaheyso mucaaradad xoogan, oo ka dhan ah qorshaha Villa Somalia ee ku aadan sida loo wajahayo doorashooyinka oo ay ka horyimaadeen Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Soomaaliya oo ku biirtay dalalka hambalyada u diray TRUMP

0

Washington (Caasimada Online) – Donald Trump ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha cusub ee Mareykanka, wuxuuna ka adkaaday Kamala Harris oo ka socotay Xisbiga Dimuqraadiga, isaga oo sidaas ku noqday Madaxweynaha 47-aad ee dalkaasi.

Trump ayaa helay codadka ugu badan, waxaana meesha ka baxay awoodda maamul ee Xisbiga Dimuqraadiga.

Taageerayaashiisa ayaa dubro isugu soo baxay magaalooyinka waa wayn ee Mareykanka, iyaga oo sameynayo dabaal-degyo ay ku muujinayaan guusha Donald Trump.

Sidoo kale waxaa iska soo daba dhacayo farriimaha hambalyada ah ee loo dirayo Trump, waxaana hambalyeeyay madax kala duwan oo uu ku jiro madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo sheegay inuu rajeynayo in lasii wado iskaashiga labada dowladood.

“Waxaan kuugu hambalyeynayaa Mudane Donald Trump guushaada taariikhiga ah ee doorashada Mareykanka. Waxaan rajeynayaa inaan sii wadno iskaashiga xooggan ee labadeenna wadan, si loo horumariyo nabadda, amniga, iyo horumarka” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxda kale ee caalamka ee hamblayada diray waxaa kamid ah ra’iisul wasaare Israel Benjamin Netanyahu “Mudane Donald & Marwo Melania Trump, hambalyo, taariikh weyn oo dib usoo laabasho ah, dib ugu soo noqoshadiina aqalka Cad waxa ay aasaas u tahay Ameerika awood leh oo xulufo la noqota Israa’iil, Benjamin iyo Sara Netanyahu” ayuu yiri.

Dhankooda hoggaamiyeyaasha dalalka Yurub, Afrika iyo Asia ayaa iyahina tahniyado u direy Donald Trump, iyaga oo ku boorrinaya in uu horseedo nabad iyo xasillooni.

Gaadiid ay lahaayeen Al-Shabaab oo maanta lagu gubay dagaal ka dhacay…

0

Ceeldheer (Caasimada Online) – Wararka nagaa soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay weerar culus ku qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugaan  aagga degmada Ceeldheer.

Ciidamada huwanta ayaa si wadajir ah duulaan ugu qaaday Al-Shabaab, waxayna isku fidiyeen deegaano ay ka mid yihiin Maraayga Oomane iyo Isgoyska Macallin Abuukar oo dhaca bariga Galgaduud, halkaas oo ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan Khawaarijta.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in howlgalka uu xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo saacado qaatay balse ma cadda khasaaraha ka dhashay.

Saraakiil ka tirsan milatariga Sooaaliya oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay iay gubeen gaari Cabdib Bile ah iyo mooto ay lahaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxayna intaasi kusii dareen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan halkaasi.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana deegaannada lagu dagaalamay gaaray ciidamo horleh oo gurmad ah, si dhulkaasi looga saaro Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka iyo Macawiisleyda.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa gobollada dhexe ee dalka ka socday dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab oo lagu xoreeyay magaalooyin waa wayn oo ka tirsan maamulka Galmudug.

Wasiirkii saddexaad oo iska casilay xukuumadda Xamza

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenkii wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda Soomaaliya, xildhibaan Saddaam Maxamuud Cabdi ayaa noqdey wasiirkii saddexaad ee iska casila xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, muddo maalmo gudahood ah.

Is-casilaadda Wasiirada ayaa salka ku haysa khilaafka u dhexeeya Dowaldda Federaalka ah iyo Jubaland. Xildhibaan Sadaam ayaa ka soo jeeda Puntland, waxaana uu ku eedeeyey xukuumaddii uu ka tirsanaa in ay baalmartay dastuurkii dalka, siyaasadeysey mashaariicda Puntland, burburineyso nidaamka federaalka, colaadna ka abuureyso deegaanada Jubaland.

Xildhibaan Saddaam ayaa kamid ahaa Xildhibaanadii dhawaan oggolaadey casumaadii Puntland uga timid kadibna soo saarey baaqa ay ku taagerayaan mowqifka Puntland ee ku aadan Dowladda federaalka, waxaana uu ahaa Wasiirka keliya ee kamid ahaa dhawr iyo tobanka xildhibaan ee Garoowe ka degay dhamadkii bishii hore.

Hoos ka akhri qoraalka ka soo baxay Xildhibaan Saddaam maxamuud ee iska casiley golaha xukuumadda:

Ku: Ra’iisal wasaaraha XFS
Og: Xafiiska Madaxweynaha JFS
UJEEDDO: Is casilaad

Mudane Ra’iisal wasaare:

  1. Markii aan arkay in horumarkii iyo howlihii Qaran in looga Mashquulay kala dhantaalida iyo dhaawacida midnimada iyo wadajirka ummada Soomaaliyeed.
  2. Markii aan arkay in shaqadii Xukuumaddu ku soo ururtay danaysi iyo damac gaar ah.
  3. Markii aan arkay in Xukumada shaqo ka dhigatay abuurida colaado sokeeye iyo kala qaybinta bulsha weynta Soomaaliyeed gaar ahaan dadka iyo deegaanka aan ku metalo Kursi Xildhibaanimo iyo kan Golaha Xukumada ee Dowlada Puntland.
  4. Markii aan arkay in la siyaasadeeyey mashaariicdii horumarineed si toos ahna loogu diiday dadkii iyo dowladii aan metelay ee Puntland.
  5. Markii aan xaqiiqsaday in XFS Shaqayso burburinta nidaamkii lagu heshiiyey ee Federaalka ahaa.
  6. Markii aan arkay in XFS ay baalmartay dastuurkii dadka Soomaaliyeed heshiiska ku ahaayeen.
  7. Markii ay ii cadaatay in XFS ku howlan tahay in ay deegaanada Jubbaland ka wadato abuurista colaado iyo xasilooni darro siyaasadeed.

Hadaba, waxaan maanta oo taariikhdu tahay 05/11/2024 go`aansaday in aan iska casilo xilkii Wasiir ku xigeenka Wasaarada dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS.

ALLAA MAHAD LEH.
Xill,Sadam Mohamud Abdi

Maxaa ka jira in DF ay dib usoo celineyso qaxootiga Soomaalida ee Jarmalka?

0

Berlin (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Jarmalka ayaa kulan gaar ah Berlin kula yeeshay Chancellor-ka dalkaasi, Mudane Olaf Scholz oo ay ka wada-hadleen arrimo kala duwan oo ku saabsan iskaashiga labada dawladood iyo xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed.

Inta uu socday kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray danaha labada dal iyo joogteynta iskaashiga dhinacyada; cimillada, horumarinta dhaqaalaha, taageeridda dadaalka DFS ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga ka dib dhammaadka hawlgalka ATMIS, tababbarista iyo tayaynta ciidankw Booliska Soomaaliyeed si ay ugu filnaadaan xaqiijinta nabadgeliyada dalka, iyo arrimaha kale ee ahmiyadda weyn u leh geeddi-socodka dawlad-dhiska Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha waddanka Jarmalka, iyada oo labada dhinac is weydaarsadeen sidii xal loogu helaa dhibaatooyinka ay wajahayaan muwaadiinta Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalkaasi.

Chancellorka Jarmalka oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in Soomaali kummaanaan gaaraysa ay qeyb ka yihiin dadka magangalyada ka helay Jarmalka, kuwaas oo hadda kaalin wanaagsan ku leh horumarka iyo wada-noolashaha guud ee bulsho-weynta dalkaas.

Olaf Scholz ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in ay jiraan tiro aad u yar oo muhaajiriin Soomaaliyeed ah oo sharc idarro ku jooga dalka ka dib markii ay dambiyo galeen oo sidaas ay ku lumiyeen xuquuqdii magangalyo.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo isna soo hadal qaaday arrinta qaxootiga ayaa meesha ka saaray cabsida ay qabaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Jarmalka, wuxuuna sheegay in dowladdiisu danaynayso in dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ah ay helaan xuquuqda caalamiga ah ee ay ku leeyihiin shuruucda magangalyo-doonka, isaga oo caddeeyay in aysan jirin baahi loo qabo dib-u-celin qasab ah, balse qofkii si sharci ah u lumiya xuquuq magangaliyo ee iskiis u doonaya in uu dib u soo gurya-noqdo ay mar kasta u furan tahay in uu dalkiisa iyo dadkiisa ku soo laabto.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale boggaadiyay kaalinta Jarmalka ee soo-dhawaynta iyo fursad-siinta qaxootiga Soomaaliyeed, maadaama ay qaabileen Soomaali badan.

Ugu dambeyn, kulankan oo qeyb ka ahaa booqasho rasmi ah oo uu Madaxweyne Xasan ku joogo Jarmalka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad dhabbaha u xaaraya sii-joogteynta wada-shaqaynta labada dal oo ah mid ka tamar-qaadaya xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah.

TRUMP oo ku guuleystay doorashada Mareykanka

0

Washington (Caasimada Online)Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale dib loogu doortay xilkaas, kadib doorasho adag oo shalay ka dhacday dalka, isaga oo ka guuleystay madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Kamala Harris.

Ayada oo weli natiijada gobollada qaar aan si rasmi loo go’aamin, ayaa Trump waxaa illaa la saadaaliyey inuu ku guuleysatay tirada ergada codeynta ee ku filan, si uu madaxweyne u noqdo.

Trump ayaa illaa hadda xaqiijiyey 277 oo ah ergada codeynta ama Electoral College, halka Kamala Harris ay illaa hadda ku guuleysatay 224. Trump ayaa u baahnaa 270 si uu noqdo madaxweyne.

Trump ayaa goor-dhow la saadaaliyey inuu ku guuleysan doono gobolka Wisconsin iyo 10-kii ergo cod, taasi oo dhaafsiisay 270-ka ergada codeynta ee uu u baahahn yahay.

Donald Trump ayaa ku guuleystay gobollo badan oo muhiim ah, oo ah kuwa aadka loogu loolamo, sida Pennsylvania, Georgia iyo Wisconsin. Saddexdan gobol ayaa waxaa 2020 ku guuleystay madaxweyne Joe Biden.