26.4 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Sawirro: DF oo maanta Muqdisho kasoo dejisay dhalinyaro ay ka soo celisay dalka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta markale dalka dib ugu soo celisay dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xanibneyd dalka dibadiisa.

Dowlada Soomaaliya ayaa dalka ku soo celisay 24 qof oo laga soo badbaadiyey gacanta kooxaha sida sharci darrada ah u dhibaateeya muhaajiriinta ee dalka Tunisia ka hawlgala.

Dadka maanta dalka dib ugu soo laabtey ayaa waxaa kamid ah ilmo ka yar 11 bil.

Ergeyga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Soogalootiga iyo xuquuqda carruurta Maryan Yaasiin Yuusuf ayaa sheegtay in dowladda ay ka go’an tahay inay dalka dib ugu soo celiso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gacanta ugu jira kooxaha dembiileyaasha ah .

Dowladda ayaa waxay u mahad-celisay Midowga Yurub oo maal-geliyay fulinta barnaamijkan dalka dib loogu soo celinayo dalka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dibedda ku xanibnaa.

Waxaa sidoo kale ay dowladda Soomaaliya u mahad-celinaysaa hay’adaha kale ee gacanta ka geystay fududeynta barnaamijkan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe dalka dib ugu soo celisay boqolaal ruux oo ku xanibnaa dalka dibaddiisa sida dalalka Suudaan iyo Liibiya.

Ciidanka NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay Shabaab isku aruursanayay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shaacisay xogta howl-gal qorsheysan oo maanta lagu bartilmaameedsaday goob ay isku aruursanayeen dagaal-yahaano Al-Shabaab ah.

Howl-galkan ayaa waxaa lagu dilay illaa 19 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaas oo ciidanka NISA ay ka fuliyeen goob qarsoodi ah oo maleeshiyaadka ay doonayeen inay isku aruursadaan.

Sida ay shaacisay hay’adda NISA, goobtan ayaa waxay u dhowdahay deegaanka Yaaqle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Howl-galkan ayaa yimid kadib markii Maleeshiyaad Khawaarij ah ay isugu yimaadeen goob fariisin qarsoodi ah u ahayd, xilli Sirdoonka Qaranku uu si dhaw ula socday dhaq-dhaqaaqooda,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda NISA.

Goobtan uu howl-galka ka dhacay ee la beegsaday ayaa illaa iyo afar mar waxaa kacay dab xoogan, taasi oo muujinaysa in halkaas lagu gubay qaraxyo iyo saanad kale oo hub ah, sida ay shaacisay NISA.

“Ciidamada qaranka waxaa ka go’an in ay meel kasta ku beegsadaan cadawga Khawaarijta ah ee ku hawlan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda NISA.

NISA ayaa door muhiim ah uga jirta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo haatan dardar cusub lagu wado, kadib hoos u dhac ku yimid muddooyinkii dambe, ayadoo kooxda ay weli muujineyso inay qaadi karto weerarada ka dhanka ah fariisimaha ciidanka.

Fahad oo soo bandhigay 3 qodob oo xal u noqon kara Xamza iyo Axmed Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyihii hore ee amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo, iyo agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin ayaa ka hadlay khilaafka ka dhex aloosan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Fahad ayaa sheegay khilaafka Jubbaland iyo dowladda dhexe uu yahay imtixaankii ugu halista badnaa ee taabanaya mustaqbalka ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Bare.

Agaasimihii hore ee NISA ayaa waxa uu soo bandhigay saddex qodob oo uu ku sheegay “xalka ra’iisul wasaare Xamza iyo Jubbaland” taas oo marka dhan walba laga joogsado ay tahay inuu qaado Xamza.

Hoos ka aqriso qoraalka Fahad

Raysal Wasaare Xamza iyo xalka Jubaland

Khilaafka siyaasadeed ee dhex taalla Jubaland iyo Dowlada Federaalka waa imtixaankii ugu halista badnaa ee taabanaya mustaqbalka Raysul Wasaare Mudane Xamse Cabdi Bare.

Dhan walba oo laga joogsado Mudane Xamse waxaa u furan tubaha soo socda;

1. In uu Axmed Madoobe soo qanciyo, kuna soo celiyo madasha, sidaasna uu ku damiyo xiisada taagan.

2. In Raysal Wasaare Xamse uu muujiyo awooddiisa, siyaasad ahaan iyo degaan ahaan labadaba, uuna caddeeyo in Jubaland aysan ahayn xarun siyaasadeed oo Axmed Madoobe kaligiis u furan.

3. In uu ku dhawaaqo in uusan haysanin awood dowladeed oo uu wax ku maquuniyo ama galaangal qaraabannimo oo uu kursiga kusii haysto, duruuftana ay ku kaliftay inuu noqdo nabadoon deeqsi ah, sidaasna uu ku sadaqeeyo kursigiisa.

Xasan Sheekh oo si weyn loogu dhaliilay tallaabo uu qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn loogu dhaliilay qorshaha ay Soomaaliya iyo Jarmalka ku heshiyeen dhawaan ee ku saabsan dib u soo celinta qaxootiga ku nool dalkaas.

Masuuliyiin ay ku jiraan madaxdii hore ee dalka ayaa meel adag iska taagay tallaabada uu qaaday madaxweyne Xasan, oo ay ku tilmaameen mid aan hadda la joogin waqtigeeda, maadaama ay Soomaaliya ka taagan yihiin daruufihii ay horey uga tageen dadkaasi.

Xildhibaan Maryan Faarax Kaahiye oo kamid ah masuuliyiinta sida adag uga hortimid arrintaan ayaa sheegtay inay sharaf dhac ku tahay madaxweyne Xasan Sheekh.

“Waa xaq in Soomaaliya dalkoodii hooyo tahay balse waxaa sharaf dhac ku ah Madaxweyne Xasan in dalkoodii nabad iyo xasilooni uu ku soo dabbali waayey ka hor inta uusan wadahadal ka gelin arrinkaas,” ayey Maryan ku tiri qoraal ay soo saartay.

Hoos ka aqriso qoraalka;

Waxaa nasiib darro ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku guul daraystay in uu dhallinyaradii Soomaaliyeed dalkooda hooyo shaqo abuur ugu sameeyo, haddana uu ku amray dalalka ay u doonteen nolol iyo waxbarsho in Soomaaliya dib loogu soo celiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ma eegin duruufaha dhallinyarada dibadda u qaxay iyagoo raadinayo amaan,nolol iyo Waxbarasho, sidoo kalana wuxuu halmaamay xaaladda dalku ku sugan yahay oo isaga looga fadhiyo in uu wax ka beddalo!

Waa xaq in Soomaaliya dalkoodii hooyo tahay balse waxaa sharaf dhac ku ah Madaxweyne Xasan in dalkoodii nabad iyo xasilooni uu ku soo dabbali waayey ka hor inta uusan wadahadal ka gelin arrinkaas.

Madaxweynaha waxaa la gudboonaa in uu dalka Jarmalka ka codsado in gacan laga siiyo sidii dhallinyarada dalkoodii loo xasilin lahaa, kaddibna shaqo abuur iyo Waxbarasho loogu helilahaa.

Waxaa uur ku taallo ah in uu aradaydii iyo dadkii maatada ahaa iyagoo guriyihii ka maqan Cagaf la dulmariyo: bal eega calool xumada gabadhaas ardayadda ah (sawir lagu baahiyay baraha bulshda) oo gurigi ay ku nooleyd Madaxweyne Xasan amray in banaanka la dhigo.

Runtii, inta caqliga, damiirka iyo Soomaalinimadu ku dambeyso ayaa garan kara dhibka shacabka loo geystay; waa arrin murug leh, una baahan in si dhab ah looga hortago.

Madaxweyne Xasan waxa uu shacabka Soomaaliyed u wada guri hoog ee halagu soo celiyo jidka saxda ah!.

Maxaad kala socota arrinta ‘uu diiday’ Mareykanka ee uu ku qasbayo dalalka Afrika?

0

Washington (Caasimada Online) – Saddexdii doorasho ee ugu dambeysay waddanka Mareykanka laba kamid ah waxaa ka qeyb-galay dumar.

Hillary Clinton ayaa 2016-kii la tartamtay Donald Trump, waana laga adkaaday, weliba codadka ergooyinka gobollada ee loo yaqaano Electoral College ayaa si weyn looga adkaaday.

Markale sanadkan 2024, dadka waddanka Mareykanka ayaa kala dooranayay gabadha tijaabsan ee Kamala Harris iyo madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, waxaana gacanta sare qaatay Trump oo dib ugu laabtay Aqalka Cad.

Guud ahaan saddex jeer ayey madaxtinimada Mareykanka u tartameen gabdho, iyagoo la baratamaaya rag, saddexdiina waa laga adkaaday. Waa Victoria Wilhelm, Hillary Clinton iyo Kamala Harris.

248 sano oo ay Mareykanka dal madax-banaan yihiin weligood qof dumar ah kuma aaminin xukunka. Qaarada Afrika, Mareykanka wuxuu dalalka Afrika ku cadaadiya marwalba inay ilaaliyaan metelaada siyaasadeed ee dumarka.

Waxay lacag badan ku bixiyaan in dumarka dalalka Afrika hoggaanka u qabtaan. Waxay aamaanan waddan walba oo la kordhiyo xilalka la siinayo dumarka, waxayna colaadiyaan kuwa diida doorka siyaasadeed ee dumarka ama diida inay dumarka madax u noqdaan.

Soomaaliya waxay ku jirtaa dalalka uu Mareykanka ku cadaadiyo inay bixiyaan metelaad dheeri ah oo siyaasadeed oo la siinayo dumarka. Si gaar ah aragtida ah in 30% haweenka Soomaaliyeed laga siiyo baarlamaanka waxay ka timid Mareykanka.

Inay iyaguna diidaan in qof dumar ah madaxweyne ka dhigtaan, dalalka soo koraya iyo kuwa dhaqaale ahaan u liitana ay ku dirqiyaan inay dumar madax ka dhigtaan ayaa bixin doonta farriin taban oo ku laabaneysa Mareykanka ayey leeyihiin dadka aragtida ka dhiibanaya guul-darooyinka ay la kulmaan dumarka damca inay madaxweyne ka noqdaan Mareykanka.

Xog: Ciidamada dowladda oo 11 askari looga dilay dagaal ka dhacay…

Kismaayo (Caasimada Online) – Ugu yaraan 11 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedka Jubaland ayaa lagu dilay dagaal qaraar oo Arbacadii ka dhacay koonfurta dalka, sida ay xog cusub sheegtay.

Dagaalka ayaa ka dhacay agagaarka deegaanka Wayaanta oo qiyaastii 60-KM dhanka Koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland, kadib markii ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen goob la tuhunsan yahay inay isku uruursanayeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Saddex sarkaal oo si toos ah wax uga ogaa dagaalkaas, oo codsaday inaan magacyadooda la aqoonsan, sababtoo ah in loo diiday inay la hadlaan warbaahinta ayaa VOA u sheegay in 11 askari oo ka tirsan ciidamada gobolka iyo kuwa dawladda lagaga dilay dagaalka, in ka badan 20 kalena ay ku dhaawacmeen.

Mid ka mid ah saraakiisha ayaa sheegay in in ka badan 20 ka Al-Shabaab ah ay sidoo kale ku dileen iska horimaadka.

Howlgal ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen sanadkii hore isla deegaanka ayaa lagu dilay horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo la sheegay in uu ahaa Amiir ku xigeenkii deegaankaasi, sida ay sheegeen saraakiisha gobolka.

Intii uu socday howlgalkii sanadkii hore, ciidamada Mareykanka ayaa duqeyn “is-difaac wadareed” ah ka fuliyay deegaanka Wayaanta oo ay ku dileen saddex dagaalyahan.

Dagaalka ayaa imanaya ayada oo gebi ahaan uu qaboobay dagaalkii xoogga badnaa ee dowladda ay ku qaaday maleeshiyada laba sano ka hor.

Kadib markii uu xafiiska la wareegay madaxweynaha Soomaaliya bishii May 2022, dagaalyahanno iskood isu abaabulay oo taageero ka helaya ciidamada federaalka ayaa al-Shabaab ka saaray deegaano badan oo ka tirsan gobollada dhexe.

Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa Axaddii lasoo dhaafay sheegtay in illaa 27 ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgal socday 12-saacadood oo ka dhacay agagaarka deegaanka Yaaqle oo qiyaastii 50-KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho, kana tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

War qoraal ah oo ay hay’addu soo saartay ayay ku sheegtay in howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan uu dhacay xilli ay maleeshiyada isku diyaarinayeen dhibaateynta shacabka. Baabuur iyo qalab kale ayaa sidoo kale la burburiyay intii uu socday howlgalka “guuleystay”, ayaa lagu yiri bayaanka.

Maalintii sirdoonka Soomaaliya ay sheegeen howlgalka, laba askari oo ka tirsan Midowga Afrika ayaa lagu dilay, mid saddexaadna waa lagu dhaawacay weerar madaafiic ah oo Al-Shabaab ay Axaddii ku qaadeen xayndaabka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa garoonka ku riday afar wareeg oo ah hoobiyeyaasha 107mm.

Muxuu ahaa ninkan reer Equatorial Guinea ee caalamku hadal hayo waxa uu sameeyey

Malabo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Guinea Teodoro Mangue, ayaa sheegay in qof kasta oo shaqaale ah oo lagu qabto isagoo galmo ku sameynaya xafiis shaqo uu muteysan doono ciqaab adag.

Arrintan waxay ku soo aadeysaa iyadoo oo ay baraha bulshada ku baaheen muuqaalo nin lagu magacabo Baltasar Ebang Engonga oo sida la sheegay xiriir la sameeyay dhowr haween oo la sheegay inay yihiin xaasaska dadka caan ah uu ku baahay baraha bulshada.

Baltasar Ebang Engonga waa madaxa hay’adda baarista dambiyada la xiriira maaliyadda qaranka, waxa ayna walaalo yihiin madaxwaynaha dalka.

Farriin uu Mangue ku baahiyay baraha bulshada gaar ahaan X ayaa lagu yiri “Waxay sii wadayaan shaqada ay ka joojinayaan dhammaan shaqaalaha ku dhaqma falalka anshax xumadda ah a ee wasaaradaha dalka”.

Mangue waxa uu intaa ku daray in Dawladdu ay ciqaabi doonto cid kasta oo lagu qabto falkan sababtoo ah “wuxuu ka soo horjeedaa” buu yiri sharciga shaqada ee Equatorial Guinea.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in Kaamirooyin lagu rakibay xarumaha kala duwan ee shirkadaha, wuxuuna uga digay shaqaalaha inay ka fogaadaan wax kasta oo ka hor imaanaya sharciga dalka.

“Anshaxa iyo ixtiraamka ayaa aasaas u ah maamulkayaga, mana ogolaanayno in dhaqanka mas’uuliyad-darrada ah uu wax u dhimo kalsoonida shacabka,” ayuu yiri Teodoro Mangue.

“Mas’uuliyadda iyo karti-xirfadeedku waa inay noqdaan tiirarka shaqadayada shaqaale dawladeed,” ayuu intaa ku daray.

Madaxa cadaalada ee dalka Equitorial Guinea ayaa sheegay in ay run tahay in Baltasar Ebang Engonga uu taageero ka helay haweenka ka hor inta uusan sameyn muuqaalkan ku faafay baraha bulshada, balse laga saari karo maxkamadda dambiyada caafimaadka bulshada hadii lagu helo in uu qabo cudur la is qaadsiiyo.

Garsooraha ayaa intaa ku daray in tani ay tahay qorshe dowladeed oo lagu xaqiijinayo in qof kasta oo shaqaale ah uu u hoggaansamo sharciga, si sax ahna u guto shaqadiisa, isla markaana ixtiraamo saaxiibadiis.

Madaxweyne ku xigeenka Teodoro Mangue ayaa xaddiday xiriirka galmada ee u dhexeeya shaqaalaha wuxuuna ka codsaday shaqaalaha inay xoogga saaraan shaqada ay u yimaadeen inay qabtaan.

Waa kuma Baltasar Engonga?

Baltasar Ebang Engonga waxaa uu ka mid yahay madaxda xukuumadda Equatorial Guinea waana siyaasi. Da’diisa ayaa lagu sheegay inay tahay 54 jir.

Waxa uu ahaa madaxa Hay’adda Baaritaanka dambiyada la xiriira Maaliyadda ee Qaranka (ANIF).

1998-kii ayuu shaqada dowladda bilaabay markii loo magacaabay wasiirka waxbarashada.

Mr Engonga wuxuu ka shaqeeyaa wax ka qabashada dambiyada maaliyadeed sida lacagaha sida sharci darada ah loo kala gudbiyo.

Baltasar Ebang Engonga waa wiilka Baltasar Engonga Edjoo, oo ah madaxa bulshada dhaqaalaha iyo lacagta ee bartamaha Afrika (CEMAC). Waa xaas, wuxuuna leeyahay lix carruur ah.

Muqaalo dhawaan soo baxay ayaa lagu soo waramayaa in la arkayo Baltasar Ebang Engonga oo xafiiskiisa kula galmoonaya dumar kala duwan oo ay ku jiraan xaasaska mas’uuliyiin caanka ah.

Dumarka uu galmada la sameeyey ee uu fiidiyowyada ka duubay ayaa tiradooda lagu qiyaasay ilaa 400.

Muqaalada su’aalaha la iska weydiinayo ayaa la faafiyay ka dib markii Mr Engonga loo xiray eedeymo musuqmaasuq oo kala duwan, waxaa sidaasi sheegay telefishinka dowladda.

Intii lagu guda jiray baaritaanka ayaa waxaa ay saraakiisha gacanta ku dhigeen kombuyuutar uu isticmaalayay Baltasar Ebang Engonga, halkaasi oo laga helay muuqaalo galmo ah ka dibna ku faafay baraha bulshada.

Ilaa iyo hadda ma jirta wax war ah oo ka soo baaxay Baltasar Ebang Engonga.

R/W ku-xigeenka 2 ee dalka oo Qaahira ka furey shir muhiim ah oo ku saabsan…

0

Qaahira (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee xukuumadda Soomaaliya Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay) ayaa maanta si rasmi ah u daah-furey shir looga hadlayay kor u qaadida arrimaha xalka waara ee Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Qaahira.

Kulankani oo si gaar ah diiradda u saarayaa sidii loo maal-gelin lahaa horumarka magaalooyinka ayaa Cabdisalaam oo ka hadlay madasha waxa uu sheegey in mashruucan uu si gaar ah u xoojinayo guryeynta dadka barakacayaasha ah.

Sidoo kale, kulankaan ayaa lagu lafa-gurayaa sidii loo siin lahaa dadkaasi taageero dhaqaale iyo mid farsamo oo ay kaga bixi karaan xaaladaha adag ee ay ku nool yihiin.

Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen khubaro, hay’adaha caalamiga ah iyo aqoonyahanno, ayaa waxaa kale looga hadlay fursadaha iskaashi ee loo abuuri karo xalalka waara ee Soomaaliya.

Ayadoo xoogga la saarayo sidii loo xallin lahaa dhibaatooyinka barakacayaasha iyo horumarinta kaabayaasha magaalooyinka dalka.

Barakacayaal horleh ayaa muddooyinkii dambe kusoo qul-qulayey magaalada Muqdisho, gaar ahaan xeryaha barakacayaasha ee duleedka caasimadda.

Dadkan ayaa waxaa halkaasi ku haysata xaalad adag oo dhinac nolosha ah, kuwaas oo si weyn looga deyrinayo.

Mucaaradka Itoobiya oo 48 qof ku dilay weerar culus

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Hay’adda Xuquuqda Aadanaha Itoobiya ayaa Khamiista sheegtay in ay baarayso dilka 48-ka qof ee lagu dilay gobolka Oromia ee rabshadaha ay ka socdaan, waxayna eedda dhiiggan la daadiyey dusha ka saartay mucaradka.

Weerarkan oo ay fuliyeen Jabhadda Xoreynta Oromada (OLA), oo ah mid Addis-Ababa ay u aqoonsan tahay argagixiso, ayaa toddobadkii tegay ka dhacay degmada waqooyi ee Shewa ee galbeed ka xigta caasimadda, sida uu sheegay Guddiga Xuquuqda Aadanaha Itoobiya (EHRC).

Ugu yaraan 48, oo uu ku jiro mas’uul degmo, ayaa la dilay.

“Xaaladda aagga hadda aad ayay u kacsan tahay,” Ato Badassa, oo ah madaxa gobolka ee ee hay’adda EHCR ee dowladda xiriirka la leh balse madax-banaan ayaa u sheegay AFP.

Tiro dad ah ayaa sidoo kale la afduubay, ayuu yiri, isagoo aan sheegin tirada.

Oromia, oo ah gobolka ugu dadka badan Itoobiya, ayaa tan iyo 2018 waxaa ka socday kacdoo ay wadaan jabhada OLA, ayadoo wadahadallo nabadeed ay ku guuldareysteen inay ka soo baxaan horumar la taaban karo.

Gobolka oo dhaca bartamaha dalka, islamarkaana ku hareeraysan caasimadda, ayaa waxaa hareeyay colaado badan oo ay ka mid yihiin is-qabqabsi siyaasadeed, murano dhul iyo colaado qowmiyadeed.

Ururka OLA waxa ay dawladu ku eedaysay in ay soo abaabushay xasuuqyo, taas oo ay jabhaduhu beeniyeen.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa iyagana lagu eedeeyay inay wadaan olole aan kala sooc lahayoo sii huriyay carada Oromada.

Awoodda OLA, oo lagu qiyaasay dhawr kun oo rag ah sanadka 2018, ayaa kor u kacday sannadihii u dambeeyay, in kasta oo dadka indha-indheeya ay aaminsan yihiin in aanay si ku filan u abaabulneyn ama u hubeysneyn si ay khatar dhab ah ugu noqdaan dawladda.

In kasta dagaalkii arxan darada ahaa ee labada sano ka socday gobolka waqooyi ee Tigray la soo afjaray November 2022, waxaa weli ka socda Itoobiya colaado aad u tiro badan oo ay ku jiro mid ka taagan gobolka Amxaarada.

Dhanka kale, ciidamada Itoobiya ayaa si aan kala sooc lahayn xabsiga ugu guraya kumannaan qof oo rayid ah oo ku jira xeryo ku meel gaar ah oo ku yaalla gobolka Axmaarada, halkaasoo ay ka socdaan kacdoonno hubeysan oo ka dhan ah dowladda federaalka, sida ay Arbacadii ka digtay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International.

Laga soo bilaabo April 2023, dawladda federaalku waxay dagaal kula jirtay Fano, oo ah maleeshiyo “is-difaac” oo muddo dheer ay laheyd qowmiyadda Axmaarada, oo ah tan labaad ee ugu tirada badan Itoobiya.

Bishii September, ciidanka federaalku waxa ay gobolka oo dhan geeyeen ciidamo aad u badan, ayaga oo ay weheliyaan maamulka amniga Amxaarada.

Jamhuuriyiinta oo la wareegay aqlabiyadda Aqalka Senate-ka Mareykanka

0

Washington (Caasimada Online) – Mudanayaasha Xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa dib u soo ceshtay aqlabiyadda Aqalka Odayaasha, kaddib markii ay saddex kursi oo kamid ah kuraasta Senatka kaga guuleesteen mudanayaashi horay ugu fadhiyay ee xisbiga Dimoqraadiga.

Aqalka Senate-ka oo ka kooban 100 kursi ayay Jamhuuriyiintu ku guuleysteen 52 ka mid ah, halka Dimoqraadiyiintu ay heystaan 48. Tani ayaa u sahli doonta madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump marka xilka loo dhaariyo kadib in uu si fudud ku marsiiyo ajandayaashiisa siyaasadeed.

Mitch McConnell, oo noqon doona guddoomiyaha aqlabiyadda ee Aqalka Senatka ayaa sheegay in Aqalka Odayaasha ee soo socda uu waardiye muhiim ah u noqon doono America.

“Maalin wanaagsan ayay u tahay Xisbiga Jamhuuriga,” ayuu McConnell u sheegay wariyaasha Arbacadi shalay.

Hase ahaatee, waxaanan wali go’aan laga gaarin halka uu dhici doono Aqalka Wakiillada, oo aaney wali soo bixin natiijada rasmiga ah ee qaar kamid ah kuraasta lagu tartamay Talaadadi.

Dhammaan kuraasta Aqalka Wakiillada oo ka kooban 435 ayaa lagu tartamay. Wali Aqlabiyadda waxaa heysta Jamhuuriga, lamana oga in ay sii heyn doonaan iyo in Dimoqraadigu heli doono.

Xog: Ciidanka xoogga u dhacay guriga nin arrimo xasaasi kala shaqeeya Itoobiya

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xalay saqdii dhexe weeraray guri uu magaalada Beledweyne ka deganaa nin sheegtay madaxweynaha maamul uu ugu magac daray Hiiraan State, kaas oo la ogaaday in Itoobiya uu gacan saar la leeyahay.

Cabdullahi Cabdiraxmaan Aadan ayaa lagu magacaabaa ninkaas, waxaa calay gurigiisa u dhacay ciidan ka tirsan hoggaanka sahanka iyo sirdoonka ciidanka xoogga dalka, balse kuma guuleysan inay qabtaan.

Gurigii loo dhacay ee ninkaasi deganaa waxaa loogu tegay aqoonsigiisa oo (la-taliye wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya) ay ugu qoran tahay, Calanka Itoobiya iyo agabyo kale oo ciidan, balse xiliga la galay gurigiisa waa uu ka maqnaa.

Saraakiil ka tirsan ciidankii howlgalka fuliyey ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in ninkaasi uu u baxsaday dhanka magaalada Feerfeer, waxaana dabagal ku haya ciidanka xoogga dalka.

Xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada ayey waaran soo qabasho ah ka wateen ciidanka xalay guriga u dhacay, waxaana ciidanka lagu amray inay soo qabtaan ninkaas iyadoo wax khasaare ah uusan dhicin.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, sarkaalka xalay gurigiisa la weeraray waxay Itoobiya u balan qaaday inay u tababareyso ciidamo maleeshiyaad ah oo dhowr kun ah, si danaha Itoobiya ee gudaha Soomaaliya loogu adeegaado.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u sheegay in dowladda Itoobiya ay gudaha Soomaaliya ka wado qorshada maleeshiyaad u fuliya danaheeda gaarka ah, taasna ay ka hortegi doonto dowladda Soomaaliya.

Dhowaan dowladda Soomaaliya ayaa dalka ka ceyrisay sarkaal ka tirsanaa safaaradda Itoobiya ee Muqdisho, kaas oo ku howlanaa abaabulka ciidamo maleeshiyaad ah oo gudaha Soomaaliya uu ka waday, waxaana ku fahantay dowladda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa TV-ga Qaranka u sheegay in lix bilood ay ninkaas ku raad-joogtay dowladda Soomaaliya, si loo ogaado waxa uu ka shaqeynayo, taasi oo fududeysay in ugu dambeyntii dalka laga ceyriyo.

Baarlamanka oo magacaabay guddi ka shaqeynaya arrin aad looga horyimid (Warbixin)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo magacaabay Guddi kumeel gaar ah oo ka kooban 15 xubnood oo Xildhibaanada iyo Senatorrada labada Aqal isugu jira.

Guddigaan ayaa ka shaqeynaya diyaarinta xeerarka doorashooyinka Ururada iyo Xisbiyada, xeerka doorashooyinka iyo sharciga dhismaha Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka.

Baarlamaanka labada Aqal ayaa toddobaadkan muddo bil ah dib u dhigay fasaxooda, kadib codsi uu ka hor jeediyay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh.

Waxaa la filayaa in dhawaan uu Baarlamaanka Soomaaliya bilaabo doodaha la xiriira xeerarka doorashooyinka, maadaama deg deg looga sugayo guddiyadii jiheyn lahaa doorashooyinka.

Kalfadhigaan ayuu qorshuhu ahaa in toddobaadkii hore uu xirmo xildhibaanaduna ay galaan fasaxooda caadiga ah oo labo bilood ah, balse muddo bil ah ayaa lagu daray kulamada golaha, waxaana sidaas baarlamaanka ka codsaday Xasan Sheekh.

Guddiga ay Guddoomiyayaasha labada Gole ee BFS soo magacaabeen ayaa kala ah:

  1. Xil. Mahdi Maxamed Guuleed
  2. Sen. Iftiin Xasan Imaan
  3. Xil. Xiis Xasan Aadan
  4. Sen. Zamzam Daahir Maxmuud
  5. Xil. Cabdi Ibraahim Warsame
  6. Xil. Ilyaas Sheekh Axmed Ibraahim
  7. Xil. Nurulcayn Khaliif Sheekh Abuu
  8. Sen. Cabdiqani Ugaas Geele Maxamed
  9. Xil.Maxamed Muxumed Maxamed
  10. Xil. Sayid Cali Isxaaq Maxamed
  11. Sen.Aadan Cabdinaasir Maxamed
  12. Xil.Dahabo Suusow Maxmuud
  13. Sen. Bilaal Idiris Cabdullahi
  14. Xil. Cali Xasan Ibraahim
  15. Xil. Yuusuf Xeyle Jimcaale

Waajibaadka Guddiga ayaa ah:

  1. Ka baataandegga iyo Diyaatinta Xeerarka Doorashooyinka, Ururrada iyo Xisbiyada siyaasideed, iyo Sharciga dhismaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha.
  2. U soo gudbinta labada aqal oo wadajira warbixin dhamaystiran oo ku saabsan xeetarka kor ku xusan.

PUNTLAND oo ka hortimid tallaabo uu qaaday XASAN

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo wariyeyaasha kula hadlay magaalada Garoowe ayaa ka horyimid tallaabo uu qaaday madaxweynaha Soomaaliya oo ku aadan Soomaalida ku nool dalka Jarmalka.

Caydiid ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu aqbalay in lasoo masaafuriyo qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalkaas, taasina ay tahay arrin nasiib darro ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in maalmahan oo dhan ay dowladdu qaadeyso tallaabo ka dhan shacabka, isaga oo soo hadal qaaday howlaha burburinta ee ka socda Muqdisho.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in dhulalka danta guud ee lala wareegayo ay ka dambeyso dan dhaqaale, isla markaana laga macaashayo ganacsato la siinayo dhulkaasi.

“Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu ka shaqeenayo waa in dadka Soomaaliyeed ee masaakiinta ah laga saaro guryahoodii oo kaliya in laga dudumiyo guryahan si loo helo dhul ay dad gaar ah ka macaashi doonaan in dadka magan-gelyo-doonka ah ee Yurub jooga dib loogu celiyo Soomaaliya” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamul goboleedka Puntland.

Waxaa sidoo kale arrinta soo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Jarmalka ka hadlay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo sheegay in Xasan Sheekh Maxamuud uu saxiixay heshiis Jarmalka looga soo celinayo dad Soomaaliyeed.

“In Madaxweynaha Dalku saxiixo heshiis dalka Jarmalka looga soo tarxiilayo dad Soomaaliyeed, iyadoo aysan dowladdu wax ka beddelin duruufihii dalka ee ay ka tahriibeen, una diyaarin qorshe nololeed, fursado shaqo, iyo mustaqbal yididiilo leh oo ay u soo noqdaan, waxay muujinaysaa qorshe la’aanta iyo mas’uuliyad-darrada dowladda. Waxaana ayaandarro ah in Madaxweynaha Dalku uusan fahamsaneyn saameynta uu go’aankani ku yeelanayo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool daafaha dunida” ayuu yiri Mr. Khayre.

Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale sheegay in go’aankan uu saameyn karo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dibadaha, taasina ay noqon doonto caqabad soo korortay.

Si kastaba, arrintan ayaa dhalisay hadal heyn xoogan oo qabsatay baraha bulshada, wuxuuna warkan noqday mid faafay oo walaac ku abuuray Soomaalida dalka Jarmalka.

Biden oo shaaciyey goorta uu xilka ku wareejinayo Trump

0

Washington (Caasimada Online) –Madaxweynaha xilka ka degaya ee dalka Mareykanka Joe Biden ayaa jeediyey hadalkiisii ugu horreeyay ee fagaare uu ka jeediyo tan iyo markii xisbigiisa Dimuqraadiga ah uu lumiyay Aqalka Cad.

Joe Biden ayaa sheegay in guulaha madaxweynanimadiisa la dareemi doono toban sano, isagoo ballan qaaday in uu si habsami leh oo nabad ah ugu wareejin doono xilka Madaxweynaha la doortay Donald Trump.

“Waxa aan ka tageynaa Mareykanka oo leh dhaqaalaha ugu xooggan adduunka,” ayuu yiri Joe Biden oo xisbigiisa looga guuleystay doorashada Mareykanka.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Hadda waxa aan haysanaa 74 maalmood oo aynu ku dhameeynayno waqtiga muddo xileedkayagu, aynu maalin walba xisaabinno.”

Madaxweynaha Mareykanka ee xukunka ka sii degaya ayaa hoosta ka xariiqay in masuuliyadi ay ka saaran tahay horumarinta wadanka inta uusan wareejin xukunka, isagoo ka faa’iideysanaya fursada uu weli heysto.

“Guuldaradu waa mid aan laga maarmi karin, laakiin quusashadu waa mid aan la cafin karin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne Joe Biden.

Isagoo kaftamaya ayuu Biden yiri “Dhammaanteen waa nalaga adkaaday, laakiin cabbirka dabeecaddeena.”

Hadal-jeedinta Biden ayaa aheyd mid loogu niyad qaboojinayo taageerayaasha xisbiga, maadaama laga guuleystay, wuxuuna yiri, “Aan dib isugu noqono oo wixii naga qaldamay saxno.”

Golaha wasiirada Galmudug oo ansixiyay heshiiskii golaha wadatashiga

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta shir guddoomiyay shirka Golaha wasiirada maamulka Galmudug.

Golaha Wasiirada Galmudug ayaa shirkaan cod aqlabiyad leh ugy ansixiyay miisaaniyadda Galmudug ee 2025 oo sameysay koror ka badan boqolkiiba labaatan.

Golaha ayaa sidoo kale meel-mariyay heshiiskii golaha wadatashiga qaranka, kaas oo muran badan ka taagan yahay, islamarkaana muddo kororsi loogu sameeyay dowlad goboleedyada qaarkood.

Sidoo kale waxaa shirkaan warbixin looga dhageystay wasaaradda amniga gudaha, oo ka warbixisay amniga guud ee Galmudug iyo howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo maalmihii lasoo dhaafay si dardar leh uga socda deegaannada maamulka.

Waxaa sidoo kale warbixin looga dhageystay wasaaradda howlaha guud oo ka warbixisay mashaariic kaabayaal dhaqaale ah oo dhawaan ka billaabanaya deegaanada Galmudug.

Mashaariicdan ayaa kala ah; dekedda Hobyo, dhismaha waddooyinka caasimadda Galmudug iyo wsdddada weyn ee isku xirta magaalooyinka Dhusamareb iyo Cadaado, dhismaha xarunta baarlamaanka oo hadda maraya meel gebo-gebo ah iyo sidoo kale dhismaha garoonka caasimadda oo si dardar ah ku socda.

Golaha wasiirada ayaa waxa kale oo maanta loo qeybiyay nuqullo ka mid ah qabyo qoraalka sharciga maalgashiga shisheeye ee Galmudug.

Xildhibaanno ka tirsan BF oo maanta gaaray Kismaayo iyo qorshe culus oo socda

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Xildhibaannadan oo laga soo doortay deegaanada maamulka Jubbaland ayaa waxay halkaasi uga qeyb-galayaan shir wadatashi ah oo uu isugu yeeray madaxweyne Axmed Madoobe

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, iyadoo intaas kadib loo sii galbiyay madaxtooyadda maamulkaasi.

Xildhibaannadan oo dhawaan shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa aqbalay shirka wada-tashi ee ugu yeeray Axmed Madoobe, iyaga oo ugu dambeyn maanta ka degay Kismaayo.

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhawaan shir wada-tashi ah isugu yeeray xildhibaanada labbada aqal ee baarlamaanka JFS ku metela Jubbaland, iyadoo uu shirka wadatashi furmi doono maalinta berri ah, haddii uusan wax iska beddelin qorshaha.

Xiisadda siyaasadeed ee Jubbaland iyo dowladda federaalka ayaa cirka isku shareertay wixii ka dambeeyey markii Axmed Madoobe uu ka tegay shirkii golaha wadatashiga qaranka ee Muqdisho ka qabsoomay.

Arrinta ugu weyn ee la isku hayo waa nooca doorasho ee Xasan Sheekh uu rabo oo qof iyo cod ah iyo qorshaha Axmed Madoobe oo doorasho dadban ah, waxaana muuqata in khilaafka labada dhinac uu cirka isku sii shareerayo.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu qorsheynayo inuu qabsado doorasho dadban, taas oo bilaaban doonta toddobaadyadaan.

Dhankiisa Xasan Sheekh ayaa gadaal ka riixaya qorshihii lagu ansixiyey shirka golaha wadatashiga qaran oo dowlad goboleedyada loogu ogolaaday muddo kororsi hal sano ah, si sanadka dambe loo bilaabo doorashooyin qof iyo cod ah oo ka dhaca dowlad-goboleedyada.

Axmed Madoobd oo qodobkaas ka carooday ayaa isaga baxay shirka, waana diiday muddo kororsiga halka sano ah ee dowlad-goboleedyada kale ay ogolaadeen, maadaama ay ku adag tahay in doorasho qof iyo cod ah uu galo.

Maxkamadda gobolka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka oo ay ka dhex tafatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir, Saalax Cali Maxamuud (Dabaan) iyo guddoomiyeyaasha maamullada degmooyinka ee gobolka ayay ka dhex tafatay, waxaana la’isku qabtay fulinta xukunnada ay soo saarto maxkamadda.

Arrintan ayaa daba socoto, kadib markii qaar kamid ah qaar kamid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ay sheegeen in aan lasoo wargelin marka la fulinayo xukunnada dhulka ku yaalla degmooyinkooda, taasina ay tahay mid laga haboon yahay.

Saalax Dabaan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si adag ula hadlay maamullada degmooyinka, wuxuuna sheegay in aysan ka hadli karin xukun maxkamad ay riday oo ku saabsan guryaha ama dhulalka ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in guddoomiyeyaashu shaqadooda ay tahay kaliya inay ka shaqeeyaan nadaafadda degmooyinka, isla markaana aanay shaqo ku lahayn xukunnada.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in xukun ay rideen aysan kusoo wargeli doonin gudoomiye degmo, shaqadaasna ay leedahay maxkamadda gobolka.

“Guddoomiye Degmo waxa ay mas’uuliyadiisu tahay inuu naadafad ka shaqeeyo, maahan inuu sharci ka shaqeeyo, sharci mas’uuliyad kama saarna, xaq uu kuleeyahay ma jirto, shaqo uu ku leeyahayna ma jirto, maxkamad ayaa ka garnaqda doodaha dadka ee u dhaxeeya xaqqa iyo miilkiilaha laisku haysto cidda mas’uuliyadeeda is kaleh waa Maxkamad” ayuu yiri gudoomiyaha maxkamada gobolka Banaadir.

Dabaan ayaa sidoo kale ugu goodiyay guddoomiyihii ka hor yimaado go’aanka maxkamadda isaga qudhiisa laga saari doono guriga uu dagan yahay, lana xiri doono.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oohaatan caasimada ay ka taagan yihiin murano xoogan oo ka dhashay dhulalka la’isku haysto iyo kuwa danta-guud oo ay dowladda federaalka Soomaaliya bilowday in laga saaro shacab ku dhowaad 30 sano kusoo noolaa.

Xogta heshiis ay maanta saxiixday Somalia oo looga cafinayo Malaayiin dollar + Sawirro

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya kubsaxiixday heshiis cusub oo looga cafinayo lacag in ka badan 100 milyan oo dollar.

Heshiiskan oo si wada-jir ah u saxiixeen wasiirka maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo safiirka dowladda Japan ee dalka Kenya Ogihara Hiroshi, ayaa waxay dowladda Japan ku cafinaysa lacag dhan 14-Bilyan oo lacagta Japan ah, doolar ahaan u dhiganta in ka badan 100 milyan oo dollar.

Heshiiskaan uu maanta saxiixay wasiirka maaliyadda ayaa daba socda dhameystirka hannaanka deyn cafinta ee dal walba gaarkiisa loola xaajoonayo, taas oo aheyd go’aankii ka soo baxay dalalka ku bahoobay naadiga Paris horraantii bishii Maarso ee sanadkaan.

Munaasibadda saxiixa oo koobneyd kadib, wasiir Biixi ayaa u mahad-celiyay shacabka iyo dowladda Japan ee sida deeqsinimada leh ugu dhawaaqay in ay saamexeen dhammaan deymihii ay ku lahaayeen dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu wasiirka sheegay in tani ay dhiirigalin u tahay dowladda Soomaaliya oo dadaal xoogan ugu jirtan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo sare u qaadidda Dakhliga si loo gaaro isku filanaan dhaqaale.

Safiirka dowladda Japan oo isna hadalo kooban ka jeediyay goobta saxiixa ayaa dhankiisa ballan-qaaday in dowladdiisu ay sii wadi doonto la shaqeynta dowladda Soomaaliya.

Waxa uuna xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay si weyn ugu garabsiin doonaan mashaariicda horumarineed ee laga fulinayo gudaha dalka, taas oo muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya.

Al-Shabaab oo jab culus la gaarsiiyay maanta – Sidee wax u dhaceen? (Sawirro)

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgal qorshesan oo maanta ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Qoraalka kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka ay qaadeen ciidamada Xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland, isla markaana lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo ku sugnaa dhulka hawdka ah ee gobolkaasi.

Howlgallada oo ahaa mid qorsheysan ayaa gaar ah uga dhacay inta u dhexyesa deegaanada Cag Libaax iyo Orgiyoow oo ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda Jubbalnd ayaa howlgal jab lagu gaarsiiyay Khawaaeijta kasameeyay Gobolka Jubbada Hoose. Dhulka howdka ah ee u dhaxeeyo degaanka Cag Libaax iyo Orgiyoow oo ka Tirsan Gobolka Jubbada Hoose” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalkan lagu dilay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, balse ma shaacin tiradooda, waxayna sidoo kale intaasi ku dartay laga soo furtay saanad ciidan iyo mootada nooca Sadax lugooleeyda ah oo ay ku qaadayeen dhaawacyo

“Ciidanka ayaa dilay maleeshiyaad ka tirsan  Khawaarijta iyagoona kasoo furtay Mootada nooca Sadax lugooleeyda ah oo ay dhaawacyo ku qaadayeen iyo saanad kale oo ciidan” ayaa mar kale la sii raaciyay warka qoraalka ah ee kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Xaaladda deegaannada howlgallada laga sameeyay ayaa kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guusha ka sheegatay dowladdu.

Jubbooyinka ayaa waxaa maalmahan oo dhan ka socday howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ku xoogan gobolladaasi, waxaana la saaray deegaano ku yaalla halkaasi.

Maxay yihiin warbixinnada maanta lagu soo bandhigay shirka golaha wasiirada?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda todobaadlaha ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo diiradda lagu saaro xaaladda guud ee dalka iyo waxqabadka xukuumadda DanQaran.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana goob joog ka ahaa inta badan xubnaha golaha wasiirada ee dalka.

Inta uu socday kulankan ayaa lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo ku saabsan qiimeynta qaranka ee la-dagaallanka argagixisadda iyo lacag dhaqista maadama dowlada Soomaaliya hirgelisay joojinta ilaha dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen kooxaha Khawaarijta.

Sidoo kale golaha ayaa lala wadaagay warbixinno gaar ah oo ka hadlaya amniga guud ee dalka iyo guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Warbixinnada kale ee muhiimka ah ee shirka lagu soo qaaday waxaa kamid ah Qorshhaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025 —2029) oo hadda qoristiisu ka socoto magaalada Muqdisho

“Shirka oo uu guddoominaayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa  lagu soo bandhigay Warbixinno ku saabsan xaaladda amniga dalka, gaar ahaan guulaha ciidamada qalabka sida ay ka gaareen dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada iyo Qorshhaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025 — 2029)” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Shirkan oo la qabto todobaadkii mar maanta oo kale ayaa kusoo aaday, ayada oo haatan dowladda federaalka ay wajaheyso xaalad adag oo ku aadan khilaaf ka dhashay hannaanka loo jiheynayo doorashooyinka dalka oo durbo dhaliyay xiisad siyaasadeed oo u dhexeyso Villa Soomaaliya, maamullada Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.