26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Jubaland oo DF ku eedeysay fashilinta dagaalka Al-Shabaab iyo qorshe kale oo xasaasi ah

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay amar ku bixisay in ciidanka xoogga dalka ay kaso baxaan furimaha hore ee dagaalka ee gobolka Jubbada Hoose.

Jubbaland ayaa war-saxaafadeedkaan ku sheegtay in dowladda federaalka ay siyaasadaysay dagaalka dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamadii ka soo baxay furimaha dagaalka ee xoogga dalka ay gudaha u soo galeen magaalooyinka waaweyn ee Jubbaland, gaar ahaan magaalada Kismaayo.

“Dagaaladii dhacay 6-dii bishaan iyo maanta oo ah 9-ka November waxaa kali ku ahaa ciidamada Jubbaland oo kaligood jilibka u aastay Khawaarijta, khasaarihii ka dhashay dagaaladaas waxay ku gaar noqdeen ciidamada Jubbaland,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Jubbaland ayaa sheegtay in ciidamada dowladda federaalka ay waayahaan damacsanaayeen qorshaha ay uga soo baxeen furimaha dagaalka, isla markaana ay Jubbaland sameysay isku day kasta, si loogu qanciyo inay furimaha ku laabtaan oo dalka difaacaan.

“Waxaa lacago lagu bixinayaa in ciidamadaasi ay ka soo baxaan furimaha dagaalka, iyadoo lasoo geliyey magaalooyinka waaweyn oo Kismaayo ku jirto, iyadoo laga leeyahay dano gaar ah oo siyaasadeed,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay wasaaradda amniga Jubbaland.

Sidoo kale Jubbaland ayaa dusha ka saartay wixii cawaaqib xumo ah oo ka dhasha hadii uu fashilmo dagaalka Khawaarijta oo ay ugu horeyso inuu faraha ka baxo amniga magaalada Kismaayo.

“Dadka Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya waxaan ogeysiineynaa in talaabooyinkii ugu dambeeyey ee DF ay furimaha uga soo saartay ciidamada ka jooga Jubbaland, iyadoo adeegsaneysa awood dhaqaale iyo isku dirka beelaha ay ka dhalan karaan barakac iyo dagaala sokeeye oo Jubbaland ka bilowda,” ayaa lagu yiri warkaan.

Hoos ka akhriso

Hal arrin oo ay u hakadeen wada-hadalladii u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa faah-faahiyay sababaha ka dambeeya inay hakad galaan wada-hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka socday magaalada Ankara.

Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in wareegga saddexaad ee wada-hadallada ay hakad u galeen mashquul labada dhinac ah, sida shirkii guud ee Qaramada Midoobay oo soo dhax-galay, intii ay socdeen wada-hadallada, waxaase uu tilmaamay in weli Turkigu uu wado dadaallo xoogan.

“Wadahadalaas way soo socdeen runtii, bishii 7-aad iyo 8-aad waa la fadhiistay wareegga 2-aad, midka 3-aad ayaa loo balansanaa bishii 9-aad taasi ma dhicin, shirkii QM ayaa soo dhax-galay dib ayaa loo dhigay, balse howshaas wali way socotaa dowladda Turkiga dadaal xooggan ayay wadaa” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya.

Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale farriin u diray Abiy Axmed iyo xukuumaddiisa, wuxuuna ugu baaqay inay inay xaqiidda u soo laabtaan oo runta isu sheegaan, si wadahadallo natiijo leh loo gaaro, uuna guuleysto wajiga saddexaad ee kulanka.

“Itoobiya haday maalgalin rabaan Barbara ayay qeyb ka heleen, laakiin marabaan, xitaa Jabuuti ayaa dhahday bad ayaan idin siineynaa marabaan way ka muuqataa inaysan ka jawaabin” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Soomaaliya heshiis ma diidano baddaan Allaa nasiiyay, in laga faa’ideysto oo kheyraadka ku jira laga soo saaro, hadii dowladda Dariska canshuur looga heli karo oo wax kala soo dagaan dowlad Soomaaliyeed heshiis lala galaya wax diidaya majiraan, waxaa la diidanyahay waa ciidan ayaa geysanayaa, waana taas midda dowladda diiday balse waxii heshiis ah diyaar ayay u tahay”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo halkeedii ay tahay xiisadda u dhexeysa Addis Ababa iyo Muqdisho, waxaana weli Itoobiya ay ku adkeysaneysaa heshiiska badda ee ay la gashay maamulka Somaliland, kaas oo ay si weyn uga hortimid dowladda federaalka ah.

DF oo war yaab leh ka soo saartay doorashada Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay doorashooyinka qof iyo codka ah ee dhowaan ka dhacaya Somaliland, taas oo ah mid xasaasi ah.

Wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday iney taageereyso hanaanka doorashooyinka ee Somaliland ee la filayo in 13-ka bishaan ay ka dhacaan deegaanada maamulkaasi.

Sidoo kale wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa sheegtay in is dhow ay isha ugu heyn doonto doorashadaas, iyada oo guul u rajeysan shacabka iyo hoggaanka maamulka.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyada oo aqoonsanaysa doorka muhiimka ah ee geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyadoo xoojinaysa muuqaalka doorashada Soomaaliya, waxay si dhow ula socotaa doorashada soo socota ee gobolka waqooyi ee Somaliland” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hadalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo dhowaan kasoo baxay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo boggaadiyay doorashada dadweyne ee ka dhaceysa Somaliland. wuxuuna qiray in aysan ahayn tii ugu horreysay ee ka dhacda halkaasi.

“Waxaan boggaadinayaa walaalaha Somaliland oo maalmo gudahood u dareeri doona doorasho dadweyne, taas oo aanan ahayn markii koowaad iyo markii labaad” ay yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan rajeyneynaan inay nabad iyo guudl ugua soo dhammaato ama aanay u horseedo deganaasho iyo dimuquraadiyad”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo 13-ka bishan Novermber la filayo in Somaliland ay ka dhacdo doorashada hoggaanka mamulkaasi, waxaana haatan soconayo ololaha doorashooyinka oo u dhexeeyo hoggaanka saddex xisbi ee Kulmiye, Wadani iyo UCID.

R/W Xamza oo magaca ka beddelay wasaarad ka mid ah DF iyo falcelin ka dhalatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta qaaday tallaabo culus, isaga oo magacii ka beddalay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, kadib wareegto uu soo saaray.

Magaca wasaaradda ayaa waxaa hadda laga dhigay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, sida lagu caddeeyay go’aanka kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo saaray digreeto magaca looga beddelayo Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, oo hadda laga dhigay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka” ayaa lagu yiri digreetada.

Horay ayaa sidan oo kale magacyada looga beddalay qaar kamid ah wasaaradaha dowladda federaalka, waxaana ugu dambeysay wasaaradda haweenka oo loo beddalay wasaaradda qoyska iyo arrimaha bulshada, iyada oo kadib loo magacaabay Bashiir Goobe.

Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn xoogan, waxaana ka falceliyay qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaalaha baraha bulshada ee Internet-ka.

Nuur Xaaji Adduunyo “Wasiirka diinta ayaa jidka kuso jiro miyaa oo wasaarad kaligeed ah laga dhigo rabo saas ayaa fiican ee nin Sheekh ah halo magacaabo wasaarada diinta kaligeed?”

Kamaal Xuseen “Doodda laga sameeyay iyo sabahaha noo sheega si aan u fahano ula jeedka”.

Garaad Caaqil Sheekh “Tani waa tallaabo wanaagsan waxay meesha ka saareysaa diin aan ahayn midda ISLAAMKA inaysan khuseynin oo uu dalka iyo dadka Soomaaliyeed leeyihiin hal diin oo ISLAAM ah”.

Ciise Amiin ayaa isna yiri “Waa magac aad u wanaagsan Mudane Xamsa Cabdi Barre. Guuleyso”.

Maxkamadda ciidamada oo heshay qoondada ugu badan ee miisaaniyada DF + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Onine) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa qoondada ugu badan ee Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ku yeelatay marka la barbardhigo maxkamadaha kale sida tan Sare, tan Gobolka Banaadir iyo midda racfaanka.

Qoondada Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Miisaaniyadda ku leedahay waa $3,740,000 halka Maxkamadda ku xigta ee tahay tan Sare ee Dalka oo loo qoondeeyay $2,715,177, farqiga u dhaxeeya waa $1,024,823.

Maxkamadda saddexaad ee qoondada ugu badan ka heshay Miisaaniyadda waa kan Gobolka Banaadir, $2,312,104 Doollar ayaa u diiwaangashan, halka tan racfaanka qoondadeedu tahay $1,194,399 waxaana Guddiga Adeegga Garsoorka ku baxaya qoondo dhan $195,192.

Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku kala badan qoondada Miisaaniyadda guud ee dhowaan ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada iyo labada Aqal ee Baarlamaanka 11aad ee JFS.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo howsheedu tahay xukun ku ridista Dadka ku eedeysan dambiyada kala ee salkeedu ku dhammaanayo ciqaabka Ciidanka sida Ciidamada Qalabka sida, iyo Kooxaha hubeysan.

Xigasho: Mustaqbal

Dil kale oo ka dhacay Nairobi iyo cabsi xooggan oo soo wajahday Soomaalida

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dalka Kenya ayaa sheegaya in xalay dil kale oo loo gaystay muwaadin Soomaaliyeed uu ka dhacay gudaha magaalada Nairobi, gaar ahaan xaafadda Islii oo ay ku badan yihiin Soomaalida ku dhaqan dalkaasi.

Marxuumka la dilay oo 25 sano jir ah ayaa kamid ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Nairobi, waxaana dilkiisa ka dambeeyay kooxo hubeysan oo baxsaday.

Mid kamid ah Soomaalida ku sugan Nairobi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kooxda dilka gaysatay ay burcad ahayd, isla markaana ay taleefanka ka qaateen marxuumka.

“Xalay muwaadin Soomaaliyeed ayaa lagu khaarijiyay xaafadda Isliil, dilkiisana waxaa ka dambeeyay koox hubeysan oo lagu sheegay tuugo waxayna ka qaateen taleefan” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Xabadda waxaa looga dhuftay qaybaha sare ee jirkiisa, nafna dhulka lama dhicin”.

Goobjoogaha oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaaday in dhacdooyinka dilalka ah ee kusii badanaya Nairobi ay walaac xoogan ku reebeen Soomaalida oo ay lasoo daristay cabsi.

“Arrintan waxay walaac ku abuurtay Soomaalida ku dhaqan Nairobi, iyada oo aad la socotid in dhowaan 4 dumar ah lagu dilay gudaha xaafadda Islii” ayuu mar kale yiri goobjooguhu.

Dilka kadib waxaa lasoo wariyay inay goobta tageen ciidamada ammaanka oo illaa iyo haatan wada baaritaanno ku aadan dhacdadaasi.

Dhowaan ayaa Nairobi waxaa si arxan darro ah loogu dilay hooyo iyo labadeeda gabar, waxaana ka horreeyay gabar kale oo maydkeeda la jarjaray, waxaana loo soo qabtay eedeysane oo Soomaali ah oo lagu magacaabo Haashin, kaas oo lagu hayo baaritaanno.

Soomaaliya oo guul wayn ka gaartay Itoobiya, oo laga saaray…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa guul weyn ka gaartay Itoobiya, kadib markii ay ku guuleysatay in laga saaro howlgalka cusub ee beddalaya ATMIS, kaas oo bilaaban doono sanadka soo socda ee 2025-ka.

Wasiir Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xaqiijiyay in ciidanka Itoobiya aysan qayb ka noqondoonin howlgalka AUSSOM oo ka bilaabanaya dalka.

Sidoo kale wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Itoobiya gabi aan laga saarayo dalka dhammaadka sanadkan 2024, si loo soo afjaro joogitaankooda, muddo ka badan 15 sano oo xiriir ah.

Jaamac ayaa sababta Itoobiya looga reebay howlgalka cusub ku sheegay inay la xiriirto xadgudubka ay kula kacday Soomaaliya kadib heshiiskii badda ee ay la gashay Somaliland.

“Ciidamada Itoobiya si rasmi ah ayaa looga reebay howlgalka cusub ee ciidamada ka socda Midowga Afrika ee Soomaaliya ka bilaabaya horaanta sanadka 2025-ka, sababto ah Itoobiya waxay kusoo xadgudubtay madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya.

Howlgalka cusub ayaa waxaa la xaqiijiyay inay kamid noqon doonaan dalalka kala ah Jabuuti, Kenya, Uganda, iyo Brundi, kuwaas oo sheegay inay u diyaarsanyhiin howlgalka Soomaaliya, waxaana booqashooyin kala duwan ku bixiyay madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale waxaa jira codsiyo ay soo gudbisteen waddamada Masar iyo Eritrea, si ay qayb uga noqdaan howlgalka AUSSOM ee ka bilaabanaya dalka, balse weli codsigooda lama aqbalin, waxaana uu hoos yaallaa Guddiga Nabad iyo Amniga ee Ururka Midowga Afrika.

Tallaabadan ayaa haddii ka dhabeyso dowladda dhexe waxa ay dharbaaxo kulul ku noqon doontaa Itoobiya oo hadda ciidamo badan ay ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo si gaar ah uga howlgala gobollada Gedo, Baay, Bakool iyo qaybo kamid ah gobolka Hiiraan.

Qorshihii Axmed Madoobe oo hirgalay – Maxaa ka socda magaalada Kismaayo? + Sawirro

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa hirgeliyay qorshe uu todobaadkii hore dajiyay oo ku aadan u yeerista xildhibaannada labada gole ee Jubbalabd ku metala baarlamaanka Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa kulan casho sharaf ah la qaatay xildhibaannada iyo senatorada aqbalay dalabkiisa ee tegay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay isku xog wareysteen.

Kulanka ayaa waxaa kasoo muuqday xildhibaanno kala duwan oo saameyn leh, kana soo jeedo deegaanada Jubbaland, kuwaas oo buuxiyay garabka madaxweynahooda oo haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo Villa Soomaaliya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu faahfaahiyay kulanka xildhibaannada iyo Axmed Madoobe, waxaana warsaxaafadeedka lagu sheegay inuu hordhac u yahay wadatashiyo ka bilaabanayo magaalo xeebeedka Kismaayo.

“Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa Xarunta Madaxtooyada casho sharaf ugu sameeyay qeybtii ugu horeysay ee Xildhibaanada labada Aqal ee BJFS ku matala Jubaland ee Magaalada Kismaayo u yimid shirka-watashiga” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa la raaciyay “Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ku casuumay Xildhibaanada Jubaland ku matala heer Federaal latashi guud oo ay yeelanayaan Dowladda Jubaland, Xildhibaanada labada Aqal ku mata Jubaland iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada oo lagaga arinsanayo xaalada siyaasada dalka.”

Khilaafka u dhexeeya  dowladda federaalka iyo Jubbaland ayaa bannaanka usoo baxay kadib shirkii golaha wadatashiga qaranka ee uu isaga baxay Axmed Madoobe, kaas oo laga soo saaray go’aanno la xiriira doorashooyinka guud ee dalka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa si cad u diiday qorshaha Villa Soomaaliya, gaar ahaan doorasho qof iyo cod ah oo ay ku hoos duugan tahay muddo korordhin hal sano ah, waxaana taasi ay keentay in Axmed Madoobe uu ku laabtay Kismaayo, isaga oo diiday dadaallo iyo isku dayo ay sameysay dowladda dhexe, si dib loogu soo celiyo shirka.

Jubbaland ayaa dooneysa inay qabsato doorasho dadban oo ku dhacda waqtigeeda, ayada oo ku dooday in maamullada ay u madax bannaan yihiin doorashooyinkooda gaarka ah.

Si kastaba, waxaa fashilmay dadaallo iyo isku dayo ay sameysay dowladda federaalka, si xal loogu helo khilaafka labada dhinac, waxaase diiday hoggaamiyaha maamulka Jubbaland.

Ka faa’iideyso: Hindisaha maal-galinta beeraha casriga ah

Muqdisho (Caasimada Online) – RAAS Agribusiness Solution waxa ay shaqo abuur dhanka beeraha ah u sameeyneeysaa 365 qof si kor loogu qaado wax-soosaarka beeraha una xoojiso suuqeeda gudaha.

Mashruucaan wuxuu diiradda saarayaa kor u qaadista shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo dadka danyarta ah iyada oo la adeegsanayo teknoolojiyadda casriga ah ee beeraha sida Greenhouse-yada iyo nidaamka waraabka tuubooyinka (drip irrigation).

Mashruucani wuxuu siinayaa dhallinyarada fursado tababar iyo ganacsi si ay ugu horumariyaan xirfadaha beerashada casriga ah, taasoo qayb ka ah xalalka shaqo abuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. 

Si aad uga qayb gasho mashruucan, fadlan Akhi shuruudaha oo buuxi foomka codsiga ee ku lifaaqan halkaan.

Halkan guji si aad codsigaaaga u soo gudbiso:
https://forms.gle/Xj5X1PzjvdAosMT16

Waqtiga kama dambaysta codsiga: 15-ka November, 2024. Guul ayaa idin rajeyneynaa.

DF Soomaaliya oo shaacisay xogta iyo tirada Soomaalida laga soo celinayo Jarmalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay Soomaali la sheegay in laga soo celinayo dalka Jarmalka, arirntan oo looga hadlay kulan dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmauud iyo ra’iisul wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz.

Wasiiru Dowlaha arrimaha dibada Soomaaliya Cali Cumar Cali Balcad ayaa sheegay in Soomaalida lasoo celinayo ay yihiin kuwa dambiyo kala duwan kagalay wadanka Germany sida dil iyo kufsi, kuwaasi oo maxkamad ay xukuntay.

Balse waxa uu beeniyey inay jiraan Soomaali dalkaas sharci ku joogta ama aan gelin wax dambi ah oo lagu soo celinayo dalkooda. 

Cali Balcad waxa uu carabka ku adkeeyay in dowladaha Soomaaliya iyo Germany ay ku heshiiyeen in 20 qof oo xukun xabsi oo lagu riday dhameystay dib loogu soo celiyo Soomaaliya, kuwaas oo aad u yar marka loo eego 80 kun oo Soomaali ah oo la rumeysan yahay inay dalkaas ku nool yihiin. 

Cali Balcad oo la weydiiyay sida ay dowladda Soomaaliya dalka ugu soo celineyso dad gaystay dambiyo khatar ah sida dil iyo kufsi iyo waxa uga qorsheysan marka ay yimaadaan, waxa uu sheegay in qofka haddii uu dhameystay xukunkii iyo ciqaabtii lagu riday aysan jirin sabab uu ciqaab akle u maro. 

Cali Balcad ayaa sheegay in dowladda ay baaritaan ku sameyn doonto in 20 kaasi ay yihiin Soomaali maadama wadamada jaarka la ah Soomaalida muwaadiniintooda qaar ay sheegtaan inay Soomaali yihiin markeey Yurub tagaan, oo sidaas isku dhiibaan, waxaa uu sidoo kale sheegay in ay xaqiijin doonaan haddii ay yihiin kuwa galay dambiyada lagu xukumay. 

Dhowaan, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmauud ayaa booqasho ku tegey dalka Jarmalka, halkaasi oo uu kula kulmay hogaamiya dalka Jarmalka Olaf Scholz.

Xasan Sheekh iyo Scholz ayaa ka wada hadley arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay sidii Soomaaliya dib loogu celin lahaa muwaadiniin Soomaali ah oo dalka Jarmalka ku sugan, balse arrimahasi ayaa baraha bulshada ka dhaliyey dood xooggan, ayada oo warar been abuur ah laga faafiyey kulanka.

Diidmo xooggan oo ka timid tallaabada muranka leh ee uu qaaday Aadan Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa aad uga horyimid guddi ka tirsan labada Aqal ee Baarlamanka, oo uu magacaabay guddoomiye Aadan Madoobe, kuwaas oo ka shaqeyn doona xeerarka doorashooyinka ururada iyo asxaabta siyaasadda, iyo sidoo kale gudiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in shaqada keliya ee labada Aqal ay wada qaban karaan ay tahay doorashada madaxweynaha, dib u eegista dastuurka iyo xeerka qoondada miisaaniyadda, sida uu qabo dastuurka dalka.

Sidaas darteed, ayuu yiri, in ay ka wada shaqeeyaan xeerarka doorashooyinka, xisbiyada iyo guddiga doorashooyinku, waa mid aan sharci ahayn waxaana iska leh guddiga arrimaha gudaha ee Golaha Shacabka oo keliya.

Xildhibaan Cabdiraxmaan waxa uu ku eedeeyey guddoonka golaha shacabka mid jeebka ugu jira madaxtooyada Soomaaliya. Hoos ka aqriso qoraalka xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Dastuurku wuxuu dhigayaa in labada aqal ee Baarlamaanka ay hawl wadajir ah qaban karaan oo keli ah marka;

  1. Doorashada Madaxweynaha
  2. Dib u eegista Dastuurka iyo
  3. Xeerka qoondada miisaaniyadda oo ay labada aqal ku heshiiyeen.

Sababtoo ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka waxaa loo dhisay in sharciyadda iyo xeerarka ka soo gudba Golaha Shacabka uu turxaan-bixiyo, kana eego danta shacabka guud ahaan iyo tan dowlad goboleedyada ay matelaan.

Tan kale, waa sharci daro in guddi ku meelgaar ah (Ad hoc committee) la dhiso, iyada oo aan sharciyada loo xilsaaray aan Golaha la horkeenin. Waxay ahayd in Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha Shacabka loo geeyo, haddii markaa ka dib ay baahi keento Guddiga ku meelgaarka uu Guluhu ansixiyo.

Guddoonka Golaha Shacabka hore ayey jeebka Madaxtooyada ugu jireen, waxayna ku caanbaxeen ku tumashada Dastuurka iyo xeer-hoosaadka Golaha, waxaase wax laga xumaado ah in Guddoomiyaha Aqalka Sare, Senator Cabdi Xaashi oo rajo laga lahaa uu ku biiray kooxdaas.

Durbaanka la xadayo halkii lagu yeerin lahaa ayaan sugaynaa.

Guddiga BF ee loo xil-saaray xeerka doorashada oo qaaday tallaabadii ugu horeysay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga ku-meel gaarka ah labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliyeed ee loo xil-saaray diyaarinta xeerarka doorashooyinka dalka ayaa maanta kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay magaalada Muqdisho, tan iyo markii la magacaabay Khamiistii lasoo dhaafay.

Guddigan ayaa sidoo kale qaabilsan xeerarka Ururada iyo Xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo sidoo kale soohdimaha, sida horay loogu sheegay wareegtada ay soo saareen gudoonka labada Gole.

Tallaabadii ugU horreysay ee uu guddigu qaaday maanta ayaa waxa ay guddoomiye ugu doorteen xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed, halka Sanator Iftiin Xasan Iimaan Baasto isna loo doortay guddoomiye ku xigeenka Guddiga

Doorashada ayaa u dhacday hab gacan taag ah, waxaana goob joog ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abahirow oo ay wehliyaan hab-dhowraha Golaha Aqalka Sare Sanatar Samsam Ibraahim Cali iyo sidoo kale xoghayayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka.

Dhisamaha guddigan ayaa waxaa ka taagan dood xoogan, maadaama weli lagu muransan yahay sida loo wajahayo doorashooyinka guud ee dalka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay ayaa sheegay in shaqada keliya ee labada Aqal ay wada qaban karaan ay tahay doorashada madaxweynaha, dib u eegista dastuurka iyo xeerka qoondada miisaaniyadda, sida uu qabo dastuurka dalka.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa ku eedeeyay guddoonka labada Gole inay ku milmeen madaxtooyada isla markaana taas ay caqabad ku tahay daah-furnaanta shaqada baarlamaanka.

“Guddoonka Golaha Shacabka hore ayey jeebka Madaxtooyada ugu jireen, waxayna ku caanbaxeen ku tumashada Dastuurka iyo xeer-hoosaadka Golaha, waxaase wax laga xumaado ah in Guddoomiyaha Aqalka Sare, Senator Cabdi Xaashi oo rajo laga lahaa uu ku biiray kooxdaas” ayuu yiri siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame/

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan dood xoogan oo ka dhalatay go’aannadii kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaranka oo lagu go’aamiyay doorasho qof iyo cod ah, balse waxaa ka horyimid Jubbaland, Puntland iyo sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka.

Al-Shabaab is urursanayay oo jab culus la gaarsiiyay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta howlgal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka sameeyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee maamulkaasi, kaas oo jab culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda.

Howlgalkan oo ay qaadeen ciidanka Guutada Birjeex ee Daraawiishta Jubbaland ayaa waxaa lagu beegsaday xubno isku aruursanayay aagga deegaanka Lagta-Caanoole, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal foolka fool ah oo dhex-maray labada dhinac.

Taliyaha Guutada Birjeex Korneel Cabdikaafi Dayib oo ka warbixiyay howlgalka ay qaadeen ayaa sheegay in khasaare lixaad leh ay u gaysteen Al-Shabaab, kadib xog ay ka heleen dadka deegaanka.

Dayib ayaa shaaca ka qaaday in inta uu socday howlgalka ay khaarijiyeen illaa 12 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, ayna dhaawaceen tiro kale oo intaasi kasii badan.

Xaaladda deegaannada uu dagaalka ka dhacay ayaa weli kacsan, waxaana ka socda dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan labada dhinac.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada maamulka Jubbaland.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa howlgallo culus ay ka socdeen gobolka Jubbada Hoose, waxaana lagu xoreeyay deegaano ay horay ugu sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Hoos ka daawo:-

Mareykanka oo ka hortegay qorshe ay Iran ku rabtay inay ku khaarajiso Donald Trump

Washington (Caasimada Online) –  Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa Jimcihi shalay shaaca ka qaadday, qorshe ay sheegtay in ay Iran soo maleegtay kaas oo ay ku rabtay in ay ku khaarijiso madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump, ka hor iyo kaddib doorshadi dhacday Talaadadi aanu kasoo gudubnay.

Waaxda Caddaaladda waxay sheegtay in qorshaha dilka Trump ay Iran u adeegsatay nin lagu magacaabo Farhad Shakeri, kaas oo muddo ku qaatay xabsiyada Mareykanka, isla markaana gudaha Mareykanka ku leh saaxibbo khatar ah oo uu ku dhex bartay xabsiyada.

Shakeri waxa uu FBI-da u sheegay in uu bishii September uu xiriir la sameeyay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran, kuwaas oo u sheegay in uu dhinac iska dhigo shaqooyinka uu hayo, isla markaana uu xoogga saaro kor kala socoshada dhaq-dhaqaaqa Trump kaddibna uu dilo.

Warkaan ayaa laga soo xigtay bayaanka ku qoran dacwad ay Waaxda Caddaaladda Mareykanka ka gudbisay Farxan Shakiri, kaas oo shalay loo diray Maxkamadda Federaaliga ah ee degmada Manhattan ee magaalada New York.

Ninkan lagu eedeeyay qorshaha dilka Trump ayaa sheegay in uu rabay in uu khaarijinta u adeegsado shabakad danbiilayaal ah oo uu ka sameeyay gudaha Mareykanka, sida ay warbixintu sheegtay.

Shakiri ayaa hadda baxsad ah kuna sugan Iran. Ciidanka ammaanka Mareykanka ayase falkan u xiray laba nin oo lagu eedeeyay in uu Shakiri qortay, kuwaas oo rabay in ay dilaan saxafiyadda caanka ah ee Irani-Mareykanka ah Masiix Cali-najaad.

Masiix oo ka mid ah dadka naqdiyadda siyaasadda Dowladda Iran, ayaa saddex jeer ka badbaaday isku day dil gudaha Mareykanka.

Isha: VOA

ASKAR ka tirsanaa ciidanka Uganda oo lagu dilay weerar

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ay Al-Sabaab ay ku qaadeen kolonyo ka tirsan ciidamada ATMIS oo ku socdaalayay qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay duleedka deegaanka lambar 60 ee gobolkaasi, waxaana xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac.

Al-Shabaab oo guul ka sheegatay weerarkan ayaa shaacisay inay goobta ku dishay ugu yaraan 5 askari oo ka tirsanaa ciidanka Uganda ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS.

Ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijin kara sheegashada Al-Shabaab ee ku aadan khasaaraha dagaalkaas iyo weerarka ka horeeyay, mana jiro war kasoo baxay ATMIS.

Dhinaca kale weerar kale oo loo adeegsaday madaafiic ayaa isla xalay kooxda Al-Shabaab waxa ay ku qaaday saldhig kale oo ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Bur-Culow oo hoosataga magaalo xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose, mana cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobolka Shabeelaha Hoose oo ay ku xoogan tahay Al-Shabaab.

Inta badan kooxda ayaa beegsata saldhigyada ATMIS ee gobolka, waxaana la xasuustaa weerarkii Buulo-mareer oo lagu dilay  ugu yaraan 57 askari oo ka tirsanaa ciidanka Uganda.

Daawo: Xaaskii iyo caruurtii Shaahmacabe oo ku jira xaalad quus ah iyo Xasan oo dayacay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta warbaahinta la hadashay iyadoo xaalad quus ah ku jirta Xaaska Taliyihii hoggaaminayey ciidankii xoogga dalka ee sanad ka hor lagu laayey deegaanka Cawsweyne ee gobolka Galgaduud Korneyl Mukhtaar Shaah-macabe.

Gabadhaan oo timid kulan loogu duceynayey Taliyaha oo nolol iyo geeri aan midna meel lagu sheegin muddo ka badan hal sano ayaa sheegtay inay la daalaa dhaceyso korinta carruurtii ay u dhashay Korneyl Shaahmacabe oo 3-sano jir uu u yaryahay.

Madaxda qaranka oo Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay saaxiibo ahaayeen Taliyaha uu ugu horeeyo waa dayaceen carruurtii uu ka tegay Shaahmacabe oo ahaa sarkaal qaali ah oo lagu xusuusto sidii uu u difaacay Xasan Sheekh, markii ay Mirinaayo ku weerareen ciidan uu u diray Xasan Sheekh.

Gabadha ilmaha u dhashay Taliye Shaahmacabe ayaa maanta sheegtay inay ku dhiban tahay korinta carruurtii uu uga tegay ninkeedii ay jecleyd, kaas oo nolol iyo geeri aysan meel ku sheegin dowladii uu u shaqeynayey.

Waxaa soo baxaysa xog sheegeysa in Madaxweynaha loo sheegay in Shaahmacabe reerkiisa laga warqabo oo nolol wanaagsan ay ku jiraan, balse taasi waa beenowday, waxaana maanta xaqiiqada soo bandhigtay gabadha ilmaha u dhashay Korneyl Shaahmacabe.

Xubno u badan agaasimayaal oo Taliye Shaahmacabe ku heyb ahaa ayuu Madaxweynuhu u xilsaaray inay ka warqabaan caruurta Shaahmacabe, balse waxaa la sheegay inay dayaceen, waxaana qeylo dhaan loo diray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Gabadha ayaa sheegtay in carruurta ay u heyso Shaahmacabe oo afar ah kan u weyna uu yahay 8-sano jir aysan geyn waxbarasho, dhowr gurina laga saaray markii ay kirada iska bixi waayeen, waxayna cadeysay inay ku jiraan xaalad quus ah oo tan iyo markii ay Aabahood waayeen ay qalbiga ka ooynayaan.

Korneyl Mukhtaar Shaahmacabe wuxuu saaxiib dhow la ahaa Xasan Sheekh, balse markii uu qarankiisa u shahiiday kama helin abaalkii uu mudnaa, iskadaa nolol kalee mushaarkiisii xitaa ma helaan carruurta uu ifka uga tegay sida ay cadeysay xaaskiisa oo maanta warbaahinta la hadashay.

Hoos ka daawo

Xogta Soomaalida guusha ka gaartay doorashooyinkii ka dhacay Maraykanka

0

Washington (Caasimada Online) – Doorashada Maraykanka ee maalmo ka hor dhacday waxay aad indhaha caalamka u hayeen tartanka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee loollanka uu ku dhex maray labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimoqaraadiga.

Balse waxaa kaloo jira xilal kale oo loo tartamay, kuwaasoo isugu jira heer federal iyo heer gobol, waxaana ka mid ah kuraasta senetka, kuwa aqalka wakiillada iyo kuwa baarlamaannada gobollada.

Soomaalida xaqa u leh inay ka qayb galaan doorashooyinkaas ayaa qaarkood waxay u istaageen inay u tartamaan kuraastaas, waxayna intooda badan ka soo galeen tartanka labada gobol ee ay Soomaalidu u badan yihiin ee Minnesota iyo Ohio.

Haddaba waxaan eegi doonnaa qaar ka mid ah siyaasiyiintaas oo isugu jira kuwo siyaasaddaa ku cusub iyo qaar kuraastooda dib u soo ceshtay.

Ilhaan Cabdullaahi Cumar waa shaqsiga kaliya ee u tartamay xil federal.

Siyaasiyaddan 43jirka ah waxay aqalka wakiillada xubin ka ahayd tan iyo 2019, waxayna kursigeeda difaacatay 4 doorasho oo codbixin dadweyne ahaa.

Xilligaa ka hor waxay xubin ka ahayd aqalka wakiillada ee gobolka ee gobolka Minnesota, ayadoo ka soo geli jirtay degmada 60B.

Ilhaan Cumar waxaa lagu xusuustaa inay noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ka soo jeedda ee xubin ka noqota Koongareeska Maraykanka.

Laakinse muddo xileedkii ugu horreeyey madaxweyne Donald Trump ayey aad isku dhaliileen, ayagoo fagaarayaasha iska cambaareyn jiray.

Ilhaan waxay isbahaysi adag la samaysatay siyaasiyiin kale oo Koongareeska xubno ka ahaa, kuwaasoo ku magac dheer ‘the squad’.

Fikradda kooxdaas ayaa u janjeerta siyaasadaha garabka bidix, waxaana loollanki adkaa ee dhex maray ayada iyo Trump uu keenay in Ilhaan laga saaro sannadkii hore guddiga arrimaha dibadda ee aqalka wakiillada oo ay xubin ka ahayd.

Ilaa hadda Ilhaan waxaa loo arkaa siyaasiga ugu shacbiyadda badan siyaasiyiinta Soomaalida ee Maraykanka.

Maxamuud Nuur waa siyaasigii xilka kala wareegay Ilhaan Cumar, wuxuuna xafiiska la wareegay Bishii Janaayo 2019.

Waa 45 jir xaasle ah, waana aabbe dhalay 4 carruur ah, isagoo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga wuxuuna hadda soo ceshtay kursigii degmada 60B.

Muddadii uu siyaasadda ku jiray wuxuu xubin ka soo noqday guddi hoosaadyada aqalaka wakiillada gobolka Minnesotta ee qaabilsan Waxbarashada, maaliyadda, sharciga iyo siyaasadda.

Wuxuu kaloo aad ugu ololeeyey, wakhti badanna geliyey arrimaha caafimaadka, helitaanka shaqooyinka iyo guryaha, iyo caawinta dadka sharci darrada ku soo gala Maraykanka.

Ka hor intii uusan siyaasadda ku soo biirin wuxuu hawlo ka soo qabtay ururrada jaaliyadda Soomaalida.

Samakaab Xuseen waa 44 jir dhowr sano ku jiray siyaasadda gobolka Minnesota, Gaar ahaan magaalada Saint Paul, waana aabbe dhalay laba carruur ah.

Wuxuu siyaasadda soo galay 2022 markii gabadhii golaha wakiillada ee gobolkaas xubinta uga ahayd degmadiisa Ramsey county aysan tartamayn. Wuxuu iminka xubinka yahay guddiga maaliyadda ee qaabilsan maalgelinta, dhaqaalaha lagu dhiso guryaha iyo shaqooyinka.

Samakaab wuxuu xisaabaadka iyo ganacsiga shahaadada 1aad ka qaatay Saint Mary’s University of Minnesota, isagoo shahaadada labaad ee ah hogaaminta siyaasaddana ka qaatay Metropolitan state university sannadki hore.

Ancaam Maxamuud Waa 35 jir ka soo shaqaysay arrimaha caafimaadka ee magaalooyinka mataanaha ee Minneapolis iyo St Paul, gaar ahaan maamulka daryeelka xanuunnada dhimirka.

Waxay ku soo kortay, waxana ku soo baratay dalka Maraykanka oo la geeyey ayadoo 8 jir ah.

Degmada ay hadda ku guulaysatay ee 62B waxaa hore uga soo geli jirtay Hodan Xasan, waxayna guusha Ancaam suurtogal noqotay markii ay ku dhawaaqday Hodan in aysan doorasho u soo istaagai doonin, ka dib seddex xilli doorasho oo ay degmadaas ka soo galaysay aqalka wakiillada ee gobolka.

Muniira Yaasiin Cabdullaahi waa gabadhii ugu horreysay ee muslim ah ee xubin ka noqota aqalka wakiillada ee gobolka Ohio, waana siyaasiyad ka soo gasha degmada 9aad.

Waxay guusheedii ugu horreysay gaaratay isreebreebkii Agoosto 2022, waxayna gool aysan cidna ka hor imaanin ku guulaysatay doorashooyinkii guud ee Nofeembar 2022.

Ayadoo 3 jir ah ayey qoyskeedu soo degeen Maraykanka, gaar ahaan magaalada Columbus, halkaas oo ay iskuul iyo jaamacadba ka gashay, waxayna cilmiga siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ka baratay jaamacadda Ohio State University.

Ismaaciil wuxuu sida Muniira ku guulaystay inuu aqalka wakiillada ee Ohio ka soo galo degmada 3aad.

Isaga iyo Muniira waxay noqdeen labadii qof ee Soomaali – Ameerikaanka ahaa ee ugu horreeyey ee aqalka wakiillada ee Ohio ku biira.

Markii ugu horreysay ee uu aqalka wakiillada ku biiro ayaa ahayd Janaayo 2023.

Shahaadada 1aad iyo tan 2aad ee sharciga ayuu ka qaatay Ohio State University 2013 iyo 2017, wuxuuna ka tirsan yahay xisbiga Dimoqaraadiga.

Isha BBC

Diyaarad dagaal oo militariga Mareykanka ay leeyihiin oo ku soo dhacday Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad Drone ah oo ay leeyihiin militariga Mareykanka ah, ayaa ku soo dhacday oo ku burburtay koonfurta Soomaaliya horraantii toddobaadkan, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).

Diyaaradda ayaa markii ay soo dhaceysay ku jirtay howlgal indha-indheyn ah, oo ka mid ah kuwa ay sida joogtada ah ciidamada Mareykanka uga sameeyaan Soomaaliya.

AFRICOM ayaa sheegtay in baaritaan la bilaabay si loo go’aamiyo sababta ay u dhacday diyaradda oo neeceedu yahay MQ-1C Gray Eagle. 

Shilka, si kastaba ha ahaatee, uma eka inuu ka dhashay isku day lagu doonayey in lagu soo rido diyaaradda, ayuu yiri taliska fadhigiisu yahay magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka. 

Diyaaradaha Gray Eagle, oo aan duuliye laheyn, ayaa loo isticmaalaa kor joogteyn ama indha-indheyn iyo sidoo kale in ay fuliso weeraro. 

Waxay ka howlgali kartaa hawo ilaa 29,000 oo feet u jirta dhulka, waxayna awood u leedahay inay xambaarto afar gantaal oo culus. 

Ciidamada AFRICOM ayaa sanado badan si joogto ah u joogay Soomaaliya, si ay u caawiyaan ciidamada maxalliga ah ee ku lugta leh dagaalka tobanaan sano socday ee lagula jiray kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Marka laga soo tago tababarka iyo la-talinta ciidamada Soomaaliya, ciidamada Mareykanka ayaa fuliya howlgalo indha-indheyn ah, iyo duqeymo ka dhan ah bartilmaameedyada cadowga ayaga oo kaashaanaya dowladda federaalka Soomaaliya.

Labadii sano ee la soo dhaafay, tirada duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa aad hoos ugu dhacay Soomaaliya. Sanadkii 2020, AFRICOM waxay dalka ka fulisay 63 weerar. Sannadkan wax ka yar 10 weerar ayaa dhacay, sida lagu sheegay xogta AFRICOM.

Xog: Dad ka soo jeeda hal beel iyo nabadoonkooda oo lagu laayey magaalada…

0

Xudur (Caasimada Online) – Dad badan ayaa maanta lagu dilay rabshado ka qarxay degmada Xudur ee gobolka Bakool, dadka dhintay waxaa kamid ah nabadoon caan ah oo ka soo jeeday beesha tabashada qabta.

Khilaafka sababay rabshadaan maanta dadku ku dhinteen ayaa ka bilowday go’aankii maamulka Cabdicasiis Laftagareen ku kala diray maamulkii iyo golihii deegaanka ee degmada Xudur.

Dad u badan hal beel oo ka horyimid go’aanka Laftagareen ee lagu kala diray golaha deegaanka, kuna doodaya in Cabdicasiis Laftagareen uu doonayo in dad taabacsan uu halkaas geysto ayaa lagu xiray saldhigga degmada Xudur.

Dad kale oo careysan oo nabadoonkii beeshaas uu ku jiro ayaa maanta tegay saldhigga, balse waxay rasaas toos ah kala kulmeen askartii joogtay Saldhigga, dad badan ayaa ku dhintay halkaas.

Xaaladda degmada Xudur ayaa kacsan, waxaana ka qaraxday xiisad colaadeed, xili degmadaas aysan laheyn wax maamul ah, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan Xudur.

Maamulkii uu kala diray Laftagareen ee Xudur ka dhisnaa ayaa dhowr toddobaad ku kacay ‘qiyaano qaran’ kadib markii ay abaabuleen banaanbaxyo lagu taageerayo ciidamada Itoobiya oo dowladda Soomaaliya ay qorsheysay inay dalka ka saarto dhamaadka sanadkaan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la sheegay in xiligaas uu ka dambeeyey abaabulkaas, balse markii dambe wuxuu ku kaarta baxay oo kala diray maamulkii uu adeejiyey ee soo abaabulay banaanbixii lagu taageeray Itoobiya ee shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay ka xumaadeen.

Sawirro: DF oo maanta Muqdisho kasoo dejisay dhalinyaro ay ka soo celisay dalka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta markale dalka dib ugu soo celisay dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xanibneyd dalka dibadiisa.

Dowlada Soomaaliya ayaa dalka ku soo celisay 24 qof oo laga soo badbaadiyey gacanta kooxaha sida sharci darrada ah u dhibaateeya muhaajiriinta ee dalka Tunisia ka hawlgala.

Dadka maanta dalka dib ugu soo laabtey ayaa waxaa kamid ah ilmo ka yar 11 bil.

Ergeyga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Soogalootiga iyo xuquuqda carruurta Maryan Yaasiin Yuusuf ayaa sheegtay in dowladda ay ka go’an tahay inay dalka dib ugu soo celiso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gacanta ugu jira kooxaha dembiileyaasha ah .

Dowladda ayaa waxay u mahad-celisay Midowga Yurub oo maal-geliyay fulinta barnaamijkan dalka dib loogu soo celinayo dalka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dibedda ku xanibnaa.

Waxaa sidoo kale ay dowladda Soomaaliya u mahad-celinaysaa hay’adaha kale ee gacanta ka geystay fududeynta barnaamijkan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe dalka dib ugu soo celisay boqolaal ruux oo ku xanibnaa dalka dibaddiisa sida dalalka Suudaan iyo Liibiya.