26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Jeneraal Odawaa Yuusuf oo mar kale loo magacaabay taliyaha ciidanka xoogga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS, oo caawa yeeshay kulan degdeg ah ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay S/Gaas Odowaa Yusuf Raage, si loo dardargeliyo difaaca dalka iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah.

Magacaabidda Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage waxay ka dhigan tahay in Xasan Sheekh uu soo wajahay culeys sababay inuu dib u raadiyo sarkaal uu horay xilka uga qaaday, taasi oo muujineysa inuu ku qasaaray xulashadiisii Taliyaha hadda laga bedelay hoggaaminta ciidanka xoogga.

Jeneraal Odawaa ayaa lagu amaanaa xoreyntii wadanka mudadii uu Taliyaha xoogga ahaa, waxaana muuqata in shaqadii looga maarmi waayey, waxaana caawa mar kale loo magacaabay Taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr mar oo hore la xaqiijiyey in Jeneraal Odawaa uu ka codsaday inuu aqbalo in mar kale oo noqdo Taliyaha ciidanka xoogga dalka, balse waxaa jiray shuruudo uu la yimid, in kastoo aan hadda la shaacin waxa iska bedelay iyo waxa laga aqbalay shuruudahaas.

Toddobaad ka hor ayay aheyd markii Taliyaha ciidanka dhulka loo magacaabay Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar oo loo yaqaano Khaalid, kaasi oo mar soo noqday Taliyaha Sirdoonka Jubbaland, isla markaana ah sarkaal dhalinyaro ah oo kaalin ka qaadan kara howlgalka la qorsheynayo in mar kale dib boorka looga jafo ee dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

Golaha Wasiirrada oo caawa la isugu yeeray shir deg deg ah – Maxaa ka socda dalka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada XFS ayaa caawa la isugu yeeray shir deg deg ah, kaas oo aan ajendihiisa la shaacin, shirkaas ayaa furmaya 8:00 PM, waxaana xogo hoose laga helayaa arrimaha la qorsheeyey in lagu gorfeeyo.

Sida ilo xog ogaal ah aan ka soo xiganay waxaa caawa shirka golaha wasiirrada lagu magacaabayaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana dib loogu soo celinayaa Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo horay Xasan Sheekh uu xilka uga qaaday.

Sidoo kale waxaa ajendayaasha la sheegay inay ku jirto xiisadda ka dhex qaraxday dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland, taasi oo gaartay heer Jubbaland ay si cad u sheegtay maanta inay xiriirkii wadashaqeynta u jartay dowladda dhexe.

Jubbaland ayaa cagta saartay waddo ay ku qabsaneyso doorasho dadban, halka dowladda federaalka ay dooneyso in doorashadu noqoto mid qof iyo cod ah, isla markaana la qabto sanadka dambe, iyadoo intaas Axmed Madoobe loo ogolyahay inuu xukunka sii joogo.

Hadii caawa shirka golaha wasiirrada lagu magacaabo Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage waxay ka dhigan tahay in Xasan Sheekh uu soo wajahay culeys sababay inuu dib u raadiyo sarkaal uu horay xilka uga qaaday, taasi oo muujineysa inuu ku qasaaray xulashadiisii Taliyaha hadda hoggaamiya ciidanka xoogga.

Jeneraal Odawaa ayaa lagu amaanaa xoreyntii wadanka mudadii uu Taliyaha xoogga ahaa, waxaana muuqata in shaqadii looga maarmi waayey, hadii ay caawa dhacdo in mar kale lasoo magacaabo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr mar oo hore la xaqiijiyey in Jeneraal Odawaa uu ka codsaday inuu aqbalo in mar kale oo noqdo Taliyaha ciidanka xoogga dalka, balse waxaa jiray shuruudo uu la yimid, in kastoo aan hadda la shaacin waxa iska bedelay iyo waxa laga aqbalay shuruudahaas.

Toddobaad ka hor ayay aheyd markii Taliyaha ciidanka dhulka loo magacaabay Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar oo loo yaqaano Khaalid, kaasi oo mar soo noqday Taliyaha Sirdoonka Jubbaland, isla markaana ah sarkaal dhalinyaro ah oo kaalin ka qaadan kara howlgalka la qorsheynayo in mar kale dib boorka looga jafo ee dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

 

Xogta kulan wadatashi oo u socda Axmed Madoobe iyo xildhibaanada baarlamanka

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa kulan wadatashig ah xarunta Madaxtooyada kula yeeshay Xildhibaanada labada Aqal ee BJFS ku matala Jubbaland.

Xildhibaanada oo ku yimid marti-qaadkii madaxweynaha Jubbaland uu u fidiyay Xildhibaanada labada Aqal ayaa waxaa maanta u bilowday shirkii wadatashi ee uu horey u iclaamiyay Axmed Madoobe.

Shirka wadatashi ayaa ku saabsan xaalada guud ee siyaasada dalka, waxayna sidoo kale Xildhibaanada la-tashiyada ay la yeelanayaan qeybaha Kala duwan ee bulshada iyo hogaanka dowlad-goboleedka Jubbaland.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa shirka laga soo saari doonaa war-murtiyeed looga hadlayo arrimaha siyaasadeed ee dalka iyo taageerida “in Jubbaland ay u madax bannaan tahay inay qabsato doorashadeeda si waafaqsan dastuurka Jubbaland.”

Tan ayaa imaneysa xilli uu meel xun gaaray khilaafka Jubbaland iyo dowladda federaalka, iyadoo maanta ay Jubbaland ku dhowaaqday in gebi ahaan xiriirkii ay u jartay dowladda federaalka Soomaaliya, sababo la xiriira khilaafka u dhexeeya labada dhinac.

Go’aankan ayaa daba socda xiisadda kasii dareysa ee labada dhinac, kadib markii Jubbaland ay u dhaq-dhaqaaqday in si gaar ah u qabsato doorashadeeda.

Dowladda dhexe ayaa diiday guddiga doorashada ee uu xalay soo magacaabay Axmed Madoobe, waxayna intaasi ku dartay in aanay aqoonsan doonin doorashada Jubbaland.

Khaatumo oo dalab cusub ka soo saartay maqnaashaha Puntland iyo Jubbaland

0

Laascaanood (Caasimada Online) – SSC-Khaatumo oo ka hadashay maqnaashaha Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegtay inay lagama maarmaan tahay in dowladda federaalka Soomaaliya ay raadiso labada maamul goboleed.

Baarlamaanka SSC-Khaatumo oo maanta ka dooday go’aannada wax ka beddelka dastuurka, kaas oo guddiga gacanta ku haya ay soo gaareen magaalada Laascaanood ayaa waxay bogaadiyeen dadaalada ay xukuumadda federaalka Soomaaliya ku bixineyso dhameystirka dastuurka dalka.

“Goluhu waxa uu bogaadinaya in bulshada reer SSC laga qeyb-galiyay ka tala bixinta arrimaha dhameystirka dastuurka, sidoo kalena wuxuu goluhu lagama maarmaan u arkaan in wax ka beddelka dastuurka JFS uu noqdo arrin loo dhan yahay oo ay ku mideysan yihiin dowladda federaalka ah iyo dhamaan dowladaha xubnaha ka ah,” ayaa lagu yiri go’aanno kasoo baxay golaha baarlamaanka maamulka SSC-Khaatumo.

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka “Waa lagama maarmaan in la raadiyo dowladaha Puntland iyo Jubbaland iyo dhamaan cid kasta oo xaq u leh in wax laga weydiiyo si loo xaqiijiyo tala wadaag iyo isla ogol siyaasadeed, kaas oo bulsjada Soomaaliyeed u horseeda midnimo, horumar iyo xasilooni siyaasadeed.”

Golaha ayaa sidoo kale waxa uu xasuusiyo madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya in ay lagaka maarmaan tahay in maamulka SSC-Khaatumo iyo dadkiisu ay helaan xuquuqdooda ay ku leeyihiin Soomaaliya, sida; arrimaha gargaarka, horumarinta iyo matalaadda siyaasadeed.

“Goluhu wuxuu ugu baaqayaa madaxda dowladda federaalka iyo madaxda dowlasaha xubnaha ka ah dowladda federaalka in ay u midoobaan ka shaqeynta danaha bulshada Soomaaliyeed kana fogaadaan waxkwstsa oo keeni kara is-khilaaf iyo kala fogaan ama ku dhisan dana gaar ah, wixii kala aragti duwanaan ahna lagu dhameeyo wadahadal iyo wada xaajood.”

Maxaa ka jira in mar kale Taliyaha Xoogga loo magacaabayo Jeneraal Odawaa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda loo magacaabo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, taasi oo hadii ay dhacdo ka dhigan in Xasan Sheekh uu magacaabay sarkaal uu horay xilka uga qaaday.

Jeneraal Odawaa ayaa lagu amaanaa xoreyntii wadanka mudadii uu Taliyaha xoogga ahaa, waxaana muuqata in shaqadii looga maarmi waayey.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr mar oo hore la sheegay in Jeneraal Odawaa uu ka codsaday inuu aqbalo in mar kale oo noqdo Taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Jeneraal Odawaa ayaa la sheegay in Madaxweynaha uu dhowr mar hor dhigay shuruudo ay ka mid yihiin in wasiirka gaashaandhigga oo markii hore ay is qabteen uu bedelo, in la burburiyo hoggaanada cusub ee ciidanka xoogga oo hoos u dhigaya awoodii Taliyaha iyo shuruudo kale.

Magacaabista Taliye Odawaa waxaa la sheegay inay soo dedejineyso xaalada adag ee dalku galay, sida dagaalka Al-Shabaab oo cuslaaday iyo tan siyaasadeed ee dalka ka taagan, sida xiisadda Jubbaland ay ugu horeyso, taasi oo suurtagal ah in Xasan Sheekh uu awood ciidan ku xaliyo.

Taliyaha hadda hoggaamiya xoogga dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa ku guul dareystay xoreynta wadanka oo ah shaqada koowaad ee looga fadhiyo taliska xoogga, waxaana istaagay dagaalkii cuslaa  ee Shabaab looga xoreynayey wadanka.

Dad badan ayaa Madaxweynaha ku dhaliilay sababta uu ciidanka xoogga uga bedelay Taliye Odawaa oo wacdare ka dhigi jiray furimaha dagaalka, isla markaana uu u magacaabay sarkaal aan tayo badan laheyn.

Sidoo kale dadka falanqeeya siyaasadda waxay qabaan in hadii Xasan Sheekh uu dib u aoo magacaabo Odawaa Yuusuf Raage ay ka dhigan tahay inuu qirtay inuu ku fashilmay maareynta ciidanka xoogga dalka.

Baarlamanka Jubaland oo maanta qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda taagan

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaannada baarlamaanka Jubbalad oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa qaaday tallaabo kale oo uga sii dareysa xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa maamulkooda iyo dowladda federaalka Soomaaliya oo isku qabtay arrimo la xiriira doorashooyinka dalka.

Golaha Wakiilada Jubbaland ayaa durbo ansixiyay guddiga doorashooyinka maamulkaasi ee uu xalay magacaabay madaxweyne Axmed Madoobe, kaas oo ay diiday dowlada dhexe.

Kulanka oo ay soo xaadireen 66 Mudane ayaa gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan waxa uu sheegay inuu ansax yahay guddiga madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland oo qabanaya howsha soo xulida baarlamaanka cusub ee Jubbaland iyo doorashada guddoonka iyo tan Madaxtooyada.

Arrintan ayaa dab kusii shideysa xiisadda taagan, maadaama ay dowladda dhexe ay si cad u sheegtay in aanay aqoonsaneyn guddiga doorashada ee uu soo magacaabay Axmed Madoobe.

“Waxaa nasiib darro ah in mar kale uu Mudane Axmed Madoobe hadana ka baxay hishiiskii uu la galay saamileyda siyaasadeed ee Jubaland, isaga oo ku andacooday in uu wax ka badalay qodobka 70-aad ee dastuurka Jubaland si uu mar sedexaad fursad ugu helo in uu dib isugu doorto xilka Madaxweynaha Jubaland.” ayaa qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in Madaxweyne Axmed Madoobe waqtigii ka dhammaaday bishii August sanadkii hore ee 2023-kii.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse arrintan ayaa u muuqata inay ku socoto sida doorashadii 2029-kii ee Jubbaland, taas oo dib loogu doortay Axmed Madoobe, waxaana xilligaas dowladdii uu hoggaaminayay Farmaajo ay isku deyday inay ka hor istaagto balse ma dhicin, waxaana dib usoo laabtay Axmed Madoobe oo mar saddexaad sii raba xilka.

Dowladda dhexe iyo Jubbaland ayaa ku kala tegay shirkii ugu dambeeyay ee golaha wada-tashiga qaranka, kadib markii uu Axmed Madoobe ka biyo diiday gebi ahaan qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorashooyin qof iyo cod ah oo laga hirgeliyo dalka.

Xog: Xamza oo qorsheeyay inuu tego Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) –  Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in haatan dowladda federaalka Soomaaliya ay ku howlan tahay qorshe culus oo ka dhan ah maamul goboleedka Jubbaland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo uu hadda khilaaf xoogan kala dhexeeyo hoggaanka sare ee Villa Soomaaliya.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda dhexe ay xiriir toos ah la sameysay taliska ciidamada ATMIS, iyada oo ka dalabtay inay la wareegaan amniga garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo oo hadda gacanta ugu jiro ciidanka Jubbaland.

Dowladda dhexe ayaa qorsheyneysa in ra’iisul wasaare Xamza uu tego Kismaayo, maadaama uu deegaan ahaan uu kasoo jeedo halkaasi, si uu u fashiliyo qorshaha Axmed Madoobe ee ku aadan qabashada doorasho dadban oo ka dhacda maamulka Jubbaland.

Macluumaadka la helayo ayaa intaasi kusii daraya in ATMIS ay dowladda federaalka la wadaagtay  in aysan awoodin tallaabadan, maadaama ay ka dhalan karto gacan ka hadal.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan Kismaayo ay ka socdaan kulamo deg-deg ah oo looga arrinsanayo sii amba qaadida doorashada Jubbaland, maadaama xalay madaxweynaha uu soo magacaabay guddiga doorashada oo ka kooban illaa 7 xubnood.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse arrintan ayaa u muuqata inay ku socoto sida doorashadii 2029-kii ee Jubbaland, taas oo dib loogu doortay Axmed Madoobe, waxaana xilligaas dowladdii uu hoggaaminayay Farmaajo ay isku deyday inay ka hor istaagto balse ma dhicin, waxaana dib usoo laabtay Axmed Madoobe oo mar saddexaad sii raba xilka.

Dowladda dhexe iyo Jubbaland ayaa ku kala tegay shirkii ugu dambeeyay ee golaha wada-tashiga qaranka, kadib markii uu Axmed Madoobe ka biyo diiday gebi ahaan qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorashooyin qof iyo cod ah oo laga hirgeliyo dalka.

Jubaland oo xiriirka u jartay DF Soomaaliya + Sababta

0

Kismaayo (Caasimada Online) – War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Jubaland ayaa waxaa gebi ahaan xiriirkii loogu jaray dowladda federaalka Soomaaliya, sababo la xiriira khilaafka u dhexeeya labada dhinac.

Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay hakisay wada-shaqeyntii ay la laheyd dowladda dhexe, iyada oo ku eedeysay inay jabisay dastuurka dalka.

Sidoo kale Jubbaland ayaa shuruud ku xirtay illaa inta ay dowladda dhexe uga soo noqoneyso dastuurka, una ixtiraameyso rabitaanka shacabka Jubbaland.

“Dowladda Jubbaland waxay caddeyneysaa inay hakisay xiriirikii wada-shaqeyneyd ee ay la laheyd xukuumadda federaalka Soomaaliya inta ay uga hoggaansameyso dastuurka dalka, ixtiraameysana rabutaanka shacabka Jubbaland” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Go’aankan ayaa daba socda xiisadda u dhexeysa maamulka Axmed Madoobe iyo  Villa Soomaaliya, kaas oo kasii dara 24-kii saac ee lasoo dhaafay, kadib markii Jubbaland ay u dhaq-dhaqaaqday in si gaar ah u qabsato doorashadeeda.

Dowladda dhexe ayaa diiday guddiga doorashada ee uu xalay soo magacaabay Axmed Madoobe, waxayna intaasi ku dartay in aanay aqoonsan doonin doorashada Jubbaland.

Waa maamulkii labaad ee xiriirka u jaray dowladda federaalka, waxaana horay sidaan oo kale u baxay Puntland oo illaa iyo hadda uu khilaaf kala dhexeeyaa dowladda federaalka.

 

Qoor-Qoor oo shaaca ka qaaday mowqifkiisa la xiriira doorashada qof iyo codka ah

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cadi Kaariye (Qoor Qoor) oo ka hadlayay furitaanka kalfadhiga 11-aad ee baarlamaanka Galmudug ayaa soo hadal qaaday arrimo ku aadan doorashooyinka dalka.

Qoor Qoor ayaa shaaca ka qaaday in Galmudug ay diyaar u tahay qabashada doorasho qof iyo cod ah, si dadweynaha maamulkaas ay usoo doortaan hoggaankooda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka maamul ahaan ay fulin doonaan go’aannada kasoo baxaya shirkii golaha wadatashiga qaranka ee la xiriiray hanaanka doorashooyinka.

“Golaha Wadatashiga Qaran waxay ku heshiiyeen in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, Galmudug waxaay qaadaneysa kaalinteeda, waxaana diyaar u nahay in deegaanadeena laga qabto doorasho qof iyo cod ah,” ayuu yiri Axmed Qoor Qoor.

Madaxweynaha Galmudug ayaa intaasi kusii daray in guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay dan ugu jirto in dalka uu aado doorasho toos ah, isaga oo qiray in la qaban karo.

“In doorasho qof iyo cod ah laga qabto Galmudug iyo guud ahaan dalka waa guul weyn oo u soo hoyatay dadka Soomaaliyeed, maadama ay muhiim tahay in dib loogu celiyo awooda bulshada Soomaaliyeed si ay u soo doortaan cida ay doonayaan” ayuu yiri madaxweynuhu.

Hadalka Qoor Qoor ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan khilaaf xoogleh uu ka dhashay go’aannadii kasoo baxay golaha wadatashiga qaranka oo ay ka horyimaadeen maamullada Jubbaland, Puntland iyo sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeeda dowladda.

Xisbiga Shariif oo taageero u muujiyay Axmed Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Axmed ayaa taageero wayn u muujiyay madaxweynaha Jubbaland oo xalay soo magacaabay guddiga doorashada ee maamulkaasi.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran ayaa waxaa lagu boggaadiyay tallaabada uu qaaday Axmed Madoobe ee ku aadan qabashada doorashada Jubbaland.

“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ku boggaadinayaa tallaabada dastuuriga ah ee uu qaaday madaxweynaha dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ee ku aadan magacaabista guddiga madaxabanaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale Xisbiga Sheekh Shariif ayaa baaq u diray maamullada kale ee uu ka dhammaaday muddo xileedka, wuxuuna ka codsaday inay qabtaan doorashada, si loo ilaaliyo dastuurka iyo shuruucda heshiiska lagu wada yahay.

Himilo Qaran ayaa sidoo kale uga digtay madaxda dowladda federaalka inay ka fiirsadaan tallaabooyinka ay qaadayaan oo ay ugu horreyso hirgelinta muddo kororsi hal sano ah.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay si xooggan uga hortimid tallaabada uu qaaday madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe, ee uu ku magacaabay guddiga doorashada madaxweynaha Jubaland.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Waxaa nasiib darro ah in mar kale uu Mudane Axmed Madoobe hadana ka baxay hishiiskii uu la galay saamileyda siyaasadeed ee Jubaland, isaga oo ku andacooday in uu wax ka badalay qodobka 70-aad ee dastuurka Jubaland si uu mar sedexaad fursad ugu helo in uu dib isugu doorto xilka Madaxweynaha Jubaland.”

Dhammaan tallaabooyinkan iska soo horjeedo ayaa uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka, kadib markii golaha wadatashiga qaranka ay go’aamiyeen doorasho toos ah, balse waxaa ka horyimid maamul gobileedyada Jubbaland, Puntland iyo xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka Xisbiga Himilo Qaran;-

DF oo jawaab kulul ka soo saartay tallaabada uu xalay qaaday Axmed Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si xooggan uga hor-timid tallaabada uu qaaday madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe, ee uu ku magacaabay guddiga doorashada madaxweynaha Jubaland.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Waxaa nasiib darro ah in mar kale uu Mudane Axmed Madoobe hadana ka baxay hishiiskii uu la galay saamileyda siyaasadeed ee Jubaland, isaga oo ku andacooday in uu wax ka badalay qodobka 70-aad ee dastuurka Jubaland si uu mar sedexaad fursad ugu helo in uu dib isugu doorto xilka Madaxweynaha Jubaland.”

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran 

Dowladda Federalka Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta hannaanka dimoqoraadiyadeynta heerarka kala Dowladnimada dalka si dadka Soomaaliyeed awood loogu siiyo in ay iyagu doortaan madaxdooda. Iyadoo taas laga amba qaadayo wuxuu hoggaanka Dowladda Federaalku wadatashiyo qoto dheer la yeeshay madaxda maamulada dalka, waxayna ku guuleysteen in ay dib u eegis ku sameyaan Dastuurka Qabyada ah, taas oo Baarlamaanka Federaalku uu si aqlabiyad ah ku ansixiyey cutubyo ka mid ah.

Golaha Wadatashiga Qaranka muddadii uu jiray wuxuu ku guuleystay in heshiisyo muhim ah uu ka gaaro arrimo masiiri ah, oo ay ka mid yihiin heshiiska qaab dhismeedka amniga qaranka, heshiiska hannaanka federaaleynta nidaamka maaliyadda dalka, heshiiska wadaagga awoodaha heerarka dowladda, iyo heshiiska nidaamka cadaaladda taas oo fududeysay in uu wadanka guulo waaweyn ka gaaro dhinacyada la dagaalanka argagixisada, dhameystirka dastuurka iyo maqaamka qaranka ee fagaarayaasha caalamka.

Golaha Wadatashiga Qaranka waxa uu sidoo kale dardargeliyay hannaanka geedi socodka dowlad dhiska iyo dimoqoraadiyeynta dalka, waxaa uuna ka gaaray heshiisyo dhaxal gal ah oo dalka looga saarayo nidaamkii doorashada dadban laguna gaarsiinayo nidaamka doorashada tooska ah 00 ku dhacda hannaan dimuqraadiyadeed oo xor iyo xalaal ah.

Sida la wada ogyahay, Madaxweynaha Jubaland Mudane Ahmed Mohamed Islaan waxa uu ka mid ahaa xubnihii go’aannadaas dhaxal galka ah qeybta ka ahaa, door shariif ahna ku lahaa dhamaan hishiisyadii goluhu gaaray mudadii u dhaxeysay Juun 2022 ilaa May 2024, kuwaas oo qeexayey: 

1- In la mideeyo doorashada dalka,
2- In la qabto doorasho qof iyo cod ah iyo
3- In la sameeyo hal guddi oo madax-banaan, isku-dhaf ah oo dalka ku hogaamiya inay ka qabsoonto doorasho dadweynuhu si toos ah uga qeyb galaan.

Waxaa lama filaan iyo wax laga xumaado noqotey in iyadoo waxaas oo dadaal ah la soo sameeyey uu Mudane Ahmed Madoobe ka baxo shirkii 10-aad ee Golaha Wadatashiga Qaranka oo ah halka looga arrinsado masiirka dalka iyada oo muddo dhowr bilood ah shirku u xayirnaa isaga oo mar walba keenayay cudurdaar macquul ah iyo mid aan ahaynba.

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu ka soo qeyb galay Mudane Ahmed Madobe Bishii October ayuu isla markiiba shirka isaga baxay maalinkii 2aad isaga oo ku andacooday in uusan diyaar u aheyn in uu fuliyo heshiiskii lagu hirgelinayay doorasho xor iyo xalaal ah isla markaana caddeystay in uu rabo in uu dib ugu laabto doorasho dadban oo uu isagu maamulo isla markaana isla asagu ku soo baxo. Waxaa dadaal iyo waqti badan lagu bixiyey sidii uu dib ugu soo noqon lahaa shirka balse nasiib darro wuu ku gacan sayray dhammaan dadaaladaas. Taasi waxay ka dhigan tahay in Mudane Ahmed Modoobe si bareer ah ugu balan furay Madasha Wadatashiga Qaran, Ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka oo uu hortooda ku balan qaaday kuna saxiixay heshiisyada la xiriira in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah si ay shacabka Soomaaliyeed fursad ugu helaan in ay madaxdooda doortaan.

Ma aha markii ugu horeysay oo Mudane Axmed Maxamed Islaan balan-bax tan oo kale ah sameeyo tan iyo markii uu noqday Hogaanka Jubaland, waxaa xusid mudan in doorashdii dhacday 2019kii ay ku dhamaatay khilaaf xoogan, taas oo markii dambe keentay in saamileyda siyaasadda Jubbaland ay ku hishiiyeen in doorashada xigta uusan qeyb ka noqon Mudane Axmed Madoobe sida uu qabo dastuurka Jubaland qodobkiisa 70-aad 00 qeexaya in muda xileedka Madaxwaynuhu yahay laba jeer oo kali ah.

Waxaa nasiib darro ah in mar kale uu Mudane Axmed Madoobe hadana ka baxay hishiiskii uu la galay saamileyda siyaasadeed ee Jubaland, isaga oo ku andacooday in uu wax ka badalay qodobka 70-aad ee dastuurka Jubaland si uu mar sedexaad fursad ugu helo in uu dib isugu doorto xilka Madaxweynaha Jubaland.

Dowladda Federalka, waxaa waajib ka saaranyahay ilaalinta iyo fulinta dhammaan heshiisyadii ay Madasha Wadatashiga Qanku hore u gaareen, lagamana aqbali karo cid kasta oo qaada talaabo sharci darro ah oo khilaafsan wixii lagu heshiiyay. Dowadda Federalka, waxay caddeynaysaa in Mudo xileedkii Mudane Ahmed Moobe ka dhammaaday bishii August 2023, wixii ka dambeeyayna uu xilka ku sii hayay heshiis siyaasadeed oo ay wada galeed Dowladda Federalka iyo Dowlad goboleedyadu si looga wada shaqeeyo qabashada doorasho qof iyo cod ah, sidaa owgeedna uusan haysanin sharciyad uu dastuurka ku badalo ama mid uu ku maamulo doorasho ka duwan tii lagu heshiiyay.

Dowladda Federaalka waxey cambaareyneysaa tallaabada sharci darrada ah ee Mudane Ahmed Madobe ku magacaabay Guddi is doorasho, waxeyna uga digaysaa talaabo kasta oo sharci darro ah, taas oo abuuri karta qalalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dhaqaale, isla markaana kala qaybin karta bulshada reer Jubaland ee walaalaha ah.

Dowladda Federalka, waxay ugu baaqaysaa siyaasiyiinta, aqoonyahanka, madaxda dhaqanka, culimada, haweenka, dhalinyarada iyo dhammaan shacabka reer Jubaland ee samirka badan in ay difaacdaan awoodooda dastuuriga ah ee la xiriirta in ay si xor iyo xalaal ah u doortaan cidda xukumaysa, isla markaana ay ilaashadaan nabadooda, midnimada iyo wadajirkooda.

Ciidanka DF oo ka hortegay weerar culus oo Al-Shabaab ay ku qaaday magaalada…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa ka hortagay weerar dagaal-yaahanada Al-Shabaab ay isku dayeen inay kusoo qaadaan bariga gobolka Galguduud.

Weerarka kooxda oo si gaar ah ugu wajahnaa magaalada Masagawaa ayaa waxay ciidanka iskaashanaya oo ka war qabay weerarkan ayaa ka hortegay maleeshiyaadkii Shabaab-ka ahaa ee soo qaaday weerarkam

Ciidamada ayaa sii daba jooga firxad kooxda, waxayna haatan how-lgal ka wadaan dhulka ku teedsan degaanka Dhabaqle.

Dhamme Maxamed Ereg oo kamid ah saraakiisha Guutaadda 77-aad ee Ciidanka XDS ee ku sugan magaalada Masagawaa ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in maleeshiyaadka la gaarsiiyay khasaare xooggan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hadda ay socoto tirinta dagaal-yahaanadii weerarka doo qaaday ee lagu laayey halkaas.

Ciidamada iskaashanaya ayaa sidaan oo kale dhowr jeer kooxda ku jabiyay gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, iyagoo khasaare xooggan gaarsiiyay kooxda soo qaada weeraro u muuqda soo rogaal celin.

Kooxda oo haatan wajahaysa howlgal culus oo ka dhan ah ayaa mararka qaar qaada weeraro ay ku beegsanayaan fadhiisimaha ciidanka dagaalka kula jira.

Taabit oo war lama filaan ah kasoo saaray khilaafka DF Soomaaliya iyo Jubbaland

0

Muqdisho (Caaasimada Online) – Siyaasiga Taabit Cabdi Maxamed oo mar soo noqday guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa si lama filaan ah uga hadlay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeyso dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Taabid ayaa garab istaag u muujiyay Jubbaland, wuxuuna soo dhaweeyay tallaabadii uu qaaday Axmed Madoobe ee ku aadan magacaabista guddiga doorashada maamulkaasi.

“Waxaan soo dhaweynayaa go’aanka dowladda Jubbaland ee qabashada doorashooyinka si waafaqsan dastuurka Jubbaland iyo magacaabista Guddiga Madaxabannaan ee Xuduuddaha iyo Doorashooyinka Jubbaland” ayaa ku yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka inay ilaaliso dastuurka iyo nidaamka federaalka ee uu dalku qaatay, si maamullada ay u adaan doorashooyinkooda.

“Waxaan ugu baaqayaa dowladda federaalka inay ixtiraamto awooddaha kala madaxabannaan ee hannaanka federalka sida ku cad dastuurka dalka iyo midka dowladdaha xubnaha ka ah DFS” ayaa ma kale yiri guddoomiyihii hore ee gobolka.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday go’aankii kasoo baxay golaha wadatashiga qaranka ee muddo kororsiga isaga oo ku tilmaamay mid sharci darro ah.

“Dowladda Federaalka haddii ay muddo kororsi sharcidarro oo ma dhammaato ah caadeysatay, waxay dowladdaha xubnaha ka ah dowladda federaalka xaq u leeyihiin inay doorasho qabtaan sida uu qabo dastuurka dowladdaha xubnaha ka ah dowladda federaalka” ayuu sii raaciyay.

Hadalka Taabit Cabdi Maxamed ayaa kusoo aadayo, ayada oo dowladda Soomaaliya ay ka hortimid tallaabada uu qaaday Axmed Madoobe, waxayna sheegtay in aanay aqoonsan doonin doorasho ka dhacda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Qatar oo madaxda ururka Xamas ka dalbatay in ay ka baxaan dalkeeda + Sababta

Doha (Caasimada Online) – Qatar ayaa ka dalbatay madaxda Xamas in ay dalkeeda ka guuraan kadib cadaadis xooggan oo ka yimid Mareykanka, waxaa sidaas sheegay saraakiil Mareykan ah.

Arrintan ayaa la sheegay in Doha ay sabab uga dhigtay in Xamas aysan daacad ka aheyn wada-hadallada lagu sii daynayo la-haystayaasha Israel ee gacanta ugu jira iyo xabad-joojin ka dhacda Gaza. 

Maamulka Mareykanka ayaa u sheegay Qatar in joogitaanka Xamas ee Doha aysan hadda kadib aheyn mid la aqbali karo, maadaama kooxda Falastiiniyiinta ay diideen hindisihii ugu dambeeyey ee lagu gaari lahaa xabad-joojin iyo sii daynta la-haystayaasha Israel.

“Kadib markii ay Xamas diiday soo jeedinno is-daba joog ah oo lagu sii dayn lahaa la-haystayaasha, madaxdeeda waa in aan lagu soo dhaweyn caasimadaha saaxiibada Maraykanka. Taas waxaan u cadeynay Qatar ka dib markii Xamaas ay diiday toddobaadyo ka hor soo jeedin kale oo lagu sii dayn lahaa la-haystayaasha,” ayuu yiri sarkaal Mareykan ah oo codsaday in aan la magacaabin. 

Si kastaba, sarkaal sare oo Xamas ah ayaa Sabtidii u sheegay AFP, in kooxda aysan weli Qatar ka heli wax tilmaamo ah oo ku saabsan in ay dalka ka tagaan. 

“Ma xaqiijin karno ama beenin karno waxa la daabacay ee laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed oo aan la aqoon, balse aanan helin wax codsi ah oo aan kaga baxno Qatar,” ayuu yiri sarkaalka. 

Dhinaca kale, Qatar ayaa baxday dhex-dhexaadiye nimadii wada-xaajoodyada xabad-joojinta Gaza iyo sii daynta maxaabiista Israel.

“Qatar waxa ay 10 maalmood ka hor ku wargelisay dhinacyada, intii lagu guda jiray isku dayadii ugu dambeeyay ee lagu doonayay in heshiis lagu gaaro, in ay joojin doonto dadaalkeeda ku aadan dhex-dhexaadinta Xamaas iyo Israel, haddii aan heshiis la gaarin,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Doha Majed Al Ansari. 

“Qatar waxay dib u billaabi doontaa dadaalladaas… marka ay dhinacyadu muujiyaan rabitaan iyo dhabnimo” ayuu raaciyay. 

Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay magaalada Masagawaa

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka dagaal xoogan oo u dhexeeyo ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo Al-Shabaab uu ka dhacay deegaanka Masagawaa ee bariga gobolkaasi.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay soo weerareen fariisimo ay halkaas ku lahaayeen xubnaha Al-Shabaab, waxaana kadib xigay dagaal toos ah.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu xoogan yahay, isla markaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka oo weli ka socda agagaarka magaalada Masagawaa ee gobolka Galgaduud.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo si hordhac ah uga hadlay dagaalka ayaa sheegay inay ku gacan sarreeyeen dagaalna, ayna ka hortageen weerarka Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dgaaalka ay barbar socotayduqeyn ay fulinayaan diyaarado dagaal oo hawada ka taageerayo ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana halka lagu dagaalamay gaaray ciidamo kale oo gurmad ah oo ka baxay deegaanno kale oo ka tirsan gobolka.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa gobollada dhexe ee dalka ka socday howlgallo culus oo lagu xoreeyay deegaanno iyo magaalooyin ka tirsan maamulka Galmudug.

Axmed Madoobe oo guddi doorasho magacaabay xilli uu ka sii daray khilaafka DF

0

Kismaayo (Caasimada Online) –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Madoobe ayaa Magacaabay Guddiga Madaxa-banaan ee Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland, waxaana socda qorshe uu ku boobsiinayo doorashada, xilli dowladda federaalka ay diidan tahay in doorasho dadban ay ka dhacdo Jubbaland.

Xubnaha guddiga ayaa ka kooban 7 qof oo lix rag tahay iyo hal gabar, kuwaas oo ka shaqey doona qabashada doorasho oo si deg deg ah uga dhaceysa Jubbaland, sida uu qorsheystay Axmed Madoobe.

Tani waxay soo afjartay aragtidii madaxweyne Xasan Sheekh ee aheyd inuu dalku yeesho hal gudi doorasho, taas oo ah qodobkii ugu weynaa ee Axmed Madoobe uga tagay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.

Guddigan caawa la magacaabay ayaa la filayaa inay soo saaraan jadwalka doorashada Jubbaland, si Axmed Madoobe u helo mudo xilleed cusub, horay waxay Madasho ugu heshiisay in bishaan November doorasho dadban la qabto, balse madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka laabtay go’aankaas, wuxuuna doonaya in dalku yeesho hal guddi doorasho, la iskuna doorto hanaan qof iyo cod ah.

Shalay iyo maanta waxaa Kismaayo ku sugnaa xildhibaanada labada Aqal ee Jubbaland ku metesha dowladda federaalka, intoodii aqbashay casuumaadii Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland oo dhegaha ka fureystay rabitaanka dowladda federaalka ayaa dhowaan soo saaray warqad casuumaad ah oo xildhibaanada federaalka uu ugu yeeray, isagoo iclaamiyey kulan aayo ka tashi ah.

Xubnaha Kismaayo gaaray ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in qorshaha Axmed Madoobe uu yahay inuu qabto doorasho dadban, wuxuuna si cad u diiday inuu kororsado hal sano, isla markaana doorasho qof iyo cod ah u diyaariyo Jubbaland.

Jubbaland ayaa caawa soo saartay qoraal ay ku eedeysay dowladda federaalka, waxayna shaacisay in ciidamada xoogga dalka ee ka howlgala gobolka Jubbada Hoose laga soo saaray furimaha dagaalka, kuwaas oo la isugu geeyey Kismaayo, si qalalaase looga abuuro Jubbaland, sida loo dhigay warka ka soo baxay wasaaradda amniga Jubbaland.

Hoos ka eeg liiska xubnaha guddiga:

 

 

DF oo warbixin kasoo saartay nin la shaqeeya Itoobiya oo ka tirsanaa wasaaradda amniga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa ku wargelisay umadda Soomaaliyeed in shaqsiga magaciisa la yiraahdo Cabdullahi Cabdiraxmaan Aadan oo mar ahaan jiray la-taliyaha barnaamijka dhaqancelinta iyo isa soo dhiibayaasha Serendi xukuumadii hore laga soo bilaabo bilowgii sanadkii 2021-kii, ilaa bilowgii sanadkii 2022-kii, shaqada laga eryay Bishii Maarso 2022-kii.

“Sidaas darteed waxaan u cadeeyneynaa dadka Soomaaliyeed iyo cid walba oo uu la xiriiray in uusan hadda u aheyn xukuumadda Dan-Qaran la-taliye ka tirsan Wasaaradda Amniga Gudaha,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda Amniga Soomaaliya.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa habeen ka hor xili saqdii dhexe weeraray guri uu magaalada Beledweyne ka deganaa nin sheegtay madaxweynaha maamul uu ugu magac daray Hiiraan State, kaas oo la ogaaday in Itoobiya uu gacan saar la leeyahay.

Cabdullahi Cabdiraxmaan Aadan ayaa lagu magacaabaa ninkaas, waxaa calay gurigiisa u dhacay ciidan ka tirsan hoggaanka sahanka iyo sirdoonka ciidanka xoogga dalka, balse kuma guuleysan inay qabtaan.

Gurigii loo dhacay ee ninkaasi deganaa waxaa loogu tegay aqoonsigiisa oo (la-taliye wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya) ay ugu qoran tahay, Calanka Itoobiya iyo agabyo kale oo ciidan, balse xiliga la galay gurigiisa waa uu ka maqnaa.

Saraakiil ka tirsan ciidankii howlgalka fuliyey ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in ninkaasi uu u baxsaday dhanka magaalada Feerfeer, waxaana dabagal ku haya ciidanka xoogga dalka.

Xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada ayey waaran soo qabasho ah ka wateen ciidanka xalay guriga u dhacay, waxaana ciidanka lagu amray inay soo qabtaan ninkaas iyadoo wax khasaare ah uusan dhicin.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, sarkaalka xalay gurigiisa la weeraray waxay Itoobiya u balan qaaday inay u tababareyso ciidamo maleeshiyaad ah oo dhowr kun ah, si danaha Itoobiya ee gudaha Soomaaliya loogu adeegaado.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u sheegay in dowladda Itoobiya ay gudaha Soomaaliya ka wado qorshada maleeshiyaad u fuliya danaheeda gaarka ah, taasna ay ka hortegi doonto dowladda Soomaaliya.

Dhowaan dowladda Soomaaliya ayaa dalka ka ceyrisay sarkaal ka tirsanaa safaaradda Itoobiya ee Muqdisho, kaas oo ku howlanaa abaabulka ciidamo maleeshiyaad ah oo gudaha Soomaaliya uu ka waday, waxaana ku fahantay dowladda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa TV-ga Qaranka u sheegay in lix bilood ay ninkaas ku raad-joogtay dowladda Soomaaliya, si loo ogaado waxa uu ka shaqeynayo, taasi oo fududeysay in ugu dambeyntii dalka laga ceyriyo.

NISA oo soo bandhigtay nin ka tirsan Amniyaadka oo ka qeyb qaatay dilka labo qof

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigay dhagarqabe ku eedeysan in uu ka qeyb qaatay dil dhowaan labo muwaadin loogu geystay Degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

“Dhagar-qabaha oo lagu magacaabo Cabdisamad Axmed Cismaan ayaa ku eedeysan in uu wade ka ahaa Mooto Bajaaj siday labo dhagar-qabe, kuwaas oo 26-kii October degmada Dharkenley dil ugu geystay labo muwaadin,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay NISA.

Sidoo kale Hay’adda ayaa shaacisay magacyada ragga lagu eedeynayo in ninkaan uu dilkooda ka qeyb qaatay, waxaana la kala dhihi jiray Maxamed Cumar Nuur oo ahaa maamulaha Markazka Al-ansaar oo lagu dilay gudaha Markazka iyo Arday lagu magacaabi jiray Muscab Daahir Xuseen.

Wiilka yar ee Ardayga ahaa ayaa xilliga la dilayay ku hawlanaa farsamada Kaamiro ku xirneyd banaanka Markazka, waana sababta la aaminsan yahay in loo beegsaday dadkaas.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa ku raad jooga dhagar-qabeyaasha kale, si caddaaladda loo hor keeno,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

NISA ayaa soo bandhigtay sawirka ninka gacanta lagu dhigay ee loo heysto in dilka labadaas marxuum uu ku lug lahaa, waxaana ku socda baaritaan, si loo soo qabto raggii kale ee dilka gacantooda ku geystay, maadaama kan uu Mootada ay ku baxsadeen uu waday.

Dadkaan ayaa sababsaday kaamiro ay ku xirayeen goobtaas waxbarasho ee ay ku sugnaayeen, waxaana Shabaab ka go’an inay ka hortagaan dadka xiranaya kaamirooyinka wax duuba ee CCTV-ga ah.

Kooxda ayaa sidaan oo kale u dishay ganacsato badan oo xiratay kaamirooyinka, waxaana xusid mudan in maalmihii lasoo dhaafay lasoo qabtay xubno ka qeyb qaadanayey dilalkaas, dowladda Soomaaliya ayaa dadka ku amartay inay xirtaan kaamirooyinka.

Jubaland oo DF ku eedeysay fashilinta dagaalka Al-Shabaab iyo qorshe kale oo xasaasi ah

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay amar ku bixisay in ciidanka xoogga dalka ay kaso baxaan furimaha hore ee dagaalka ee gobolka Jubbada Hoose.

Jubbaland ayaa war-saxaafadeedkaan ku sheegtay in dowladda federaalka ay siyaasadaysay dagaalka dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamadii ka soo baxay furimaha dagaalka ee xoogga dalka ay gudaha u soo galeen magaalooyinka waaweyn ee Jubbaland, gaar ahaan magaalada Kismaayo.

“Dagaaladii dhacay 6-dii bishaan iyo maanta oo ah 9-ka November waxaa kali ku ahaa ciidamada Jubbaland oo kaligood jilibka u aastay Khawaarijta, khasaarihii ka dhashay dagaaladaas waxay ku gaar noqdeen ciidamada Jubbaland,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Jubbaland ayaa sheegtay in ciidamada dowladda federaalka ay waayahaan damacsanaayeen qorshaha ay uga soo baxeen furimaha dagaalka, isla markaana ay Jubbaland sameysay isku day kasta, si loogu qanciyo inay furimaha ku laabtaan oo dalka difaacaan.

“Waxaa lacago lagu bixinayaa in ciidamadaasi ay ka soo baxaan furimaha dagaalka, iyadoo lasoo geliyey magaalooyinka waaweyn oo Kismaayo ku jirto, iyadoo laga leeyahay dano gaar ah oo siyaasadeed,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay wasaaradda amniga Jubbaland.

Sidoo kale Jubbaland ayaa dusha ka saartay wixii cawaaqib xumo ah oo ka dhasha hadii uu fashilmo dagaalka Khawaarijta oo ay ugu horeyso inuu faraha ka baxo amniga magaalada Kismaayo.

“Dadka Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya waxaan ogeysiineynaa in talaabooyinkii ugu dambeeyey ee DF ay furimaha uga soo saartay ciidamada ka jooga Jubbaland, iyadoo adeegsaneysa awood dhaqaale iyo isku dirka beelaha ay ka dhalan karaan barakac iyo dagaala sokeeye oo Jubbaland ka bilowda,” ayaa lagu yiri warkaan.

Hoos ka akhriso

Hal arrin oo ay u hakadeen wada-hadalladii u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa faah-faahiyay sababaha ka dambeeya inay hakad galaan wada-hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka socday magaalada Ankara.

Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in wareegga saddexaad ee wada-hadallada ay hakad u galeen mashquul labada dhinac ah, sida shirkii guud ee Qaramada Midoobay oo soo dhax-galay, intii ay socdeen wada-hadallada, waxaase uu tilmaamay in weli Turkigu uu wado dadaallo xoogan.

“Wadahadalaas way soo socdeen runtii, bishii 7-aad iyo 8-aad waa la fadhiistay wareegga 2-aad, midka 3-aad ayaa loo balansanaa bishii 9-aad taasi ma dhicin, shirkii QM ayaa soo dhax-galay dib ayaa loo dhigay, balse howshaas wali way socotaa dowladda Turkiga dadaal xooggan ayay wadaa” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya.

Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale farriin u diray Abiy Axmed iyo xukuumaddiisa, wuxuuna ugu baaqay inay inay xaqiidda u soo laabtaan oo runta isu sheegaan, si wadahadallo natiijo leh loo gaaro, uuna guuleysto wajiga saddexaad ee kulanka.

“Itoobiya haday maalgalin rabaan Barbara ayay qeyb ka heleen, laakiin marabaan, xitaa Jabuuti ayaa dhahday bad ayaan idin siineynaa marabaan way ka muuqataa inaysan ka jawaabin” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Soomaaliya heshiis ma diidano baddaan Allaa nasiiyay, in laga faa’ideysto oo kheyraadka ku jira laga soo saaro, hadii dowladda Dariska canshuur looga heli karo oo wax kala soo dagaan dowlad Soomaaliyeed heshiis lala galaya wax diidaya majiraan, waxaa la diidanyahay waa ciidan ayaa geysanayaa, waana taas midda dowladda diiday balse waxii heshiis ah diyaar ayay u tahay”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo halkeedii ay tahay xiisadda u dhexeysa Addis Ababa iyo Muqdisho, waxaana weli Itoobiya ay ku adkeysaneysaa heshiiska badda ee ay la gashay maamulka Somaliland, kaas oo ay si weyn uga hortimid dowladda federaalka ah.