26.4 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

NISA oo howlgal ku dishay Shabaab badan, kadib gubtay…

0

Galcad (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA) ayaa waxaa looga hadlay howlgal culus oo xalay ka dhacay duleedka degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkaas lagu khaarijiyey ugu yaraan illaa 23 ka tirsanaa Khawaarijta oo ku sugnaa deegaanka Dharaarwey oo hoostaga magaalada Galcad.

Sidoo kale Hay’adda Nabad-sugidda ayaa tilmaamtay inay gubtay saddex gaari oo ay lahaayeen Al-Shabaab, kuwaas oo uu mid kamid ahaa baabuur Cabdi Bile ah.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa xalay fuliyay howlgal lagu dilay in ka badan 23 Khawaarij ah, sidoo kalena lagu burburiyay gaadiid ay wateen, howlgalkaas ayaa ka dhacay deegaanka Dharaarweyn ee hoos taga magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedk kasoo baxay NISA.

Hay’adda ayaa sidoo kale intaasi kusii dartay inay ku raad joogto xubno kale oo firxad ah, kana tirsan kooxda Al-Shabaab, si loo soo afjaro.

Xaaladda deegaanka uu howlgalka ka dhacay ayaa hadda deggan, waxaana ciidamada weerarka qaaday ay dib ugu soo laabteen degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Gobollada dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca dagaallo iyo duqeymo xoogan oo is barbar socda.

 

Xog: Guddiga doorashada Jubaland oo maanta qaadaya tallaabadii u horeysay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha maamulka Jubbaland ayaa maanta la filayaa inuu qaado tallaabadii u horeysay ee doorashada, taas oo ah soo saarista habraaca ay marayaan soo xulista xildhibaanada cusub.

Guddiga ayaa isbeddel ku sameeyay qaabkii 2019-kii loo soo xulay Xildhibaanada hadda jooga ee baarlamaanka maamulka Jubbaland, sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno ka agdhow guddiga.

Guddigan oo uu dhawaan magacaabay madaxwayne Axmed Madoobe ayaa waxaa si adag uga soo horjeestay dowladda federaalka oo ayadu sheegtay “in aan la aqbali doonin in dalka ay ka dhacdo wax aan ka ahayn doorashooyinka qof iyo cod.”

Axmed Madoobe oo kala furteen dowladda dhexe ayaa haatan u muuqda in uu dhagaha ka xirtay amar kasta oo kaga yimaada dowladda federaalka, islamarkaana uu qabsanayo doorasho uu u madax-banaan yahay maamulkiisa.

Kadib soo xulista Xildhibaanada maamulka waxa la guda gali doonaa doorashada madaxweynaha Jubaland, taas oo ay u muuqataa in markale dib loo dooran doono Axmed Madoobe, oo asagu caan ku ah qabsashada doorasho uu kusoo laabto.

Axmed Madoobe ayaa abaabul culus ka wada Kismaayo, waxaana ka go’an inuu qabsado doorasho uu hubo inuu ku soo laabanayo, balse dowladda federaalka ayaa sameysay qorshe kasta oo damaca Axmed Madoobe ay uga hortegi karto.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa ka baaqday ra’iisul wasaare Xamza oo damcay inuu u safro Kismaayo, balse waxaa si cad ugu diiday maamulka Axmed Madoobe oo gacanta ku haya maamulka garoonka diyaaradaha.

Trump oo magacaabay xilal cusub ka hor inta uusan xafiiska qaban

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa Thomas Homan, oo mar soo noqday ku simaha Madaxa Waaxda Socdaalka teeramki koowaad ee Trump, Isniinti shalay u magacaabay in uu noqdo agaasimaha arrimaha xuduudaha Mareykanka.

Trump ayaa u arka Homan nin fulin kara ballan-qaadkiisii ololaha doorashada ee ahaa in uu Mareykanka ka masaafurin doono malaayiin muhaajiriin ah oo aanan heysan dukumintiyada sharciga ah ee dalkaan, arrintaas oo uu ku tilmaamay Trump tarxiilki ugu weynaa taariikhda Mareykanka.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa arrimaha bulshada ee Truth, ayuu Trump ku sheegay habeenki ay Isniinta soo galeysay in Homan oo 62 jir ah uu madax ka noqon doono arrimaha xuduudaha, laga soo billaabo xadka koofureed ee Mexico ilaa xadka waqooyi ee Canada.

Trump ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu agaasime ku xigeenka madaxtooyada Aqalka Cad u magacaabo Stephen Miller, oo lagu sheego in uu yahay maskaxda ka danbeyso siyaasadda dhanka socdaalka ee madaxweyne Trump.

Warbaahinta Mareykanka ayaa dhanka kale Isniinti ku warrantay in Trump uu Wasiirka Arrimaha Dibadda uu u magacaabi doono
Marco Rubio oo ah senator laga soo doorto Florida.

haddii ay dhabowdo, waxa uu Rubiyo noqon doonaa, qofki ugu horreeyay ee kasoo jeedo bulshooyinka Laatiinooga-Mareykanka ah ee madax u noqda Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Madaxweynaha dooran ee Mareykanka, Donald Trump ayaa dib ugu laaban doono Aqalka Cad, 21-ka bisha January markaas oo uu xilka kala wareegi doono madaxweynaha xafiiska ka sii tagaya ee Joe Biden.

Maxay ka dhigan tahay magacaabista Gen. Odowaa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa habeen hore dib xilka Taliyaha ciidanka xoogga dalka ugu magacaabay Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.

Wuxuu beddelaya ninkii isaga beddelay markii hore Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, kaas oo dhowr jeer lagu eedeeyay inuu ku fashilmay hoggaaminta ciidanka xoogga dalka iyo dhinaca dagaalka.

Jeneraal Odowaa ayaa ahaa mid kamid ah askartii uu eedda ugu badan u jeedin jirey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud markii mucaaradka ahaa, iyada oo xubnihii midowga musharaxiinta ay dhowr jeer safaaradaha Xalane degan ka dacweeyeen Taliye Odowaa, iyaga oo ku eedeynaya in ciidankii uu dhex galiyay siyaasad iyo in uusan qaadi karin mas’uuliyadda xilliga kala guurka.

Inkasta oo la sheegay inuu yahay nin ku fiican furinta oo dagaal gelin kara ciidanka xoogga dalka, haddana waxay dib usoo celintiisa ku siinaysa in madaxweyne Xasan Sheekh uu inta badan eedihiisa ku raadinayay kursi oo keliya, balse uusan xitaa isagu hab u aaminsaneyn wixii u sheegayay dadweynaha.

In ninkaan dib loo soo celiyo waxay ka dhigan tahay in laga maarmi waayay, iyada oo in muddo ah uu hakad ku jiro dagaalkii lagula jiray kooxaha argigixisada.

Jeneraal Odowaa marka lagaga barbar-dhigo ninka hadda shaqada laga qaaday ee Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, wax badan Odowaa ayaa hoggaaminta ciidanka iyo dagaalka ku fiican ayey leeyihiin askartu.

Taliyaha dib loo magacaabay oo horey ugu lug yeeshay eeddo siyaasadeed ayaa la ogeyn inuu sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh doonayo inuu u isticmaalo dagaallo siyaasadeed, maadaama ay kusoo wajahan yihiin mucaaradad xoog leh.

Odowaa waa Taliyihii difaacay muddo kororsigii sharci darrada ahaa ee Farmaajo ee dagaalka geliyay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho bishii April ee 2021. Mana cada inuu markale taas aqbali doono iyo inkale.

Kooxaha argigixisada ayaa weli ka taliya dhul badan oo ku yaalla Soomaaliya, waxaan Taliyaha cusuhb hortaalla shaqo dagaal. Wuxuu sidoo kale kusoo aadaya, iyada oo bisha December ee sanadkan uu dhamaanayo howl-galka ATMIS, uuna bilaabanayo howl-gal cusub oo Midowga Afrika.

Soo laabashada Taliye Odowaa ayaa sidoo kale kusoo aadeysa, iyadoo la filaayo inay ciidanka Itoobiya dalka ka baxaan daba-yaaqada sanadkaan, waana arrin uga baahan doonta hubin dhab ah iyo ka warqab joogto ah.

Daawo: Xasan oo shir caalami ah uga dhawaaqay qadiyadda Soomaaliya ee reer Falastiin

0

Riyaad (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbad ka jeediyay, Shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee dowladaha Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

Shirkaan ayaa ka socda magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga, waxaana looga hadlayaa xaaladaha bini’aadannimo ee ay wajahayaan shacabka ree Falastiin iyo Lubnaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadaljeedintiisa ku dul istaagay mugga khasaaraha gaaray shacabka biri mageydada ah ee reer Falastiin iyo Lubnaan, xasuuqa aan loo meel dayin iyo burburka kaabayaasha nolosha dadkaas.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay mowqifka dowladda Soomaaliya ee xalka Nabad waarta oo ka hanaqaada Bariga Dhexe.

“Qadiyadda Gaza, waa mid ka gun weyn siyaasad iyo afkaar intaba, waxayna salka ku haysaa xuquuqda aadanaha, karaamada iyo caddaaladda,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo sii hadlayey ayaa yiri, “Xalka nabad waarta oo bariga dhexe ka dhalata, waxa uu ku imaan karaa oo kaliya in la sameeyo dowlad Falastiini ah oo leh xuduudaheedii 1967-kii, caasimadeeduna tahay Qudus.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ugu baaqay madaxda dowladaha Shirka ka qayb galaya iyo beesha caalamka in la qaado tallaabooyin wadajir ah oo gurmad degdeg ah lagu gaarsiinayo shacabka dhibaateysan.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo jeediyay in la dhaqan galiyo xabad joojin degdeg ah, isla markaana dib loogu laabto miiska wada hadallada.

Hoos ka daawo

Maxaa ka jira in Donald Trump uu fasaxayo Netanyahu?

0

Washington (Caasimada Online) — Israel way sugi la’dahay inta madaxweyne Trump ka bilaabaneyso muddo xileedkiisa, maadaama oo ay horey usoo arkeen Trump oo madaxweyne ah.

“Aad ayaa ugu faraxsanahay” ayuu yiri Raphael Shor oo ah wadaad ku nool magaaladii hore ee Jerusalem. Si fiican ayuu u yaqaan luuqadda Bariga Dhexe ayuu yiri. Wax kasta oo Iran ay dooneyso waxay ku xiran tahay welwelka ay ka qabto natiijada ka imaaneysa.

“Waxay ila tahay hadii Kamala la dooran lahaa, ma jiri laheyn cabsida ah weerar ay qaadaan Mareykanka ama Israel”.

Qofkii ugu horeeyay ee u hambalyeeyay markii la doortay madaxweyne Trump wuxuu ahaa raysalwasaare Benjamin Netanyahu. Bartiisa X waxa uu qoray “ Hambalyo soo noqoshadii ugu weyned abid”.

Netanyahu hore waxa uu ugu tilmaamay Trump saaxiibka ugu wanaagsan ee Israel ay weligeed ku yeelato aqalka cad.

Trump markii ugu horeysay ee la doorto wuxuu sumcad weyn ka helay ka bixista heshiiska Nukliyeerka Iran kaas oo ahaa mid ay Israel ka horjeeday.

Wuxuu sameeyay heshiiskii taariikhiga ahaa ee lagu dhisayay xiriirka u dhexeeya Israel iyo dalalka Carabta. Sidoo kale wuxuu beddelay siyaasadii muddada dheer Mareykanka ku dhaqmayay ee dibadda isagoo u aqoonsaday Jerusalem caasimadda Israel.

“Israel waxay rajeyneysaa in uu isla wadadii ku soconayo. Balse waa in aan wajahnaa runta shaqsiyadda Trump iyo waxa uu yahay iyo halka uu taagan yahay” ayuu yiri safiirkii hore Israel ee Mareykanka Michael Oren.

Ugu horeyn safiirka waxa uu sheegay in Trump uusan jacleyn dagaalka sababtoo ah wuxuu u arkaa in lacag badan ku baxeyso. Trump wuxuu ka dalbaday Israel in ay dagaalka degdeg u joojiso.

Sidoo kale kama mid ahan taageerayaasha waa weyn ee in Israeliyiinta la dajiyo Daanta Galbeed, wuxuuna ka horjeestay dalabka qaar ka mid ah Israeliyiinta ee ah in dhulkaas ay qaataan.

Labada siyaasadood ayaa laga yaabaa in ay ka horkeenaan xisbiyada garabka midig ee isbahaysiga kula jira Netanyahu kuwaas oo ku hanjabay in ay ridayaan dowladda hadii uu qaato siyaasad aysan dooneyn.

Intii uu socday dagaalka Gaza, markii Netanyahu lagu qasbay in uu kala doorto dalabka Mareykanka oo ah isbahaysiga Israel ugu weyn oo dhinac ah iyo dalabka isbahaysiga dowladiisa oo dhinac kale ah, wuxuu u janjeersaday dhinaca Isbahaysiga.

Yaa ku haray isbahaysigii dhaliyay isbedelkii uu kusoo baxay Xasan Sheekh?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jubaland waxay kamid ahayd isbahaysigii mucaaradka ee lagu soo afjaray xukunkii Nabad iyo Nolol, waxayna kaalin muuqatay ka qaadatay isbedelkii dalka ka dhacay 15-kii May 2022 ee dib loogu doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Jubaland kuma qasaarin isbedelkaas, waxayna federaaalka ka heshay maamuuski ugu waynaa dhanka siyaasadda, iyada oo la siiyay wasiirka koowaad ee xukuumadda.

Labadi sanoo ee lasoo dhaafay, waxaa lagu wada socday degganaan iyo feejignaan u muuqatay in la leeyahay hal hiigsi laakin wax kasta waxay si kedis ah isku bedeleen markii la furay faylka doorashooyiinka.

Mucaaradkii saldhigoodu ahaa Muqdisho ee ka tirsanaa isabahasyigaas maanta intooda badan waa mucaarad, waxayna xukuumadda hadda joogta u jiraan masaafo la eg tii ay u jireen dowladdii Farmaajo.

Puntland kuma negaan agjooga iyo la shaqaynta federaalka waxayna xuduudkeeda xiratay markii isbedel lagu sameeyay qaybo ka mid ah cutubyada dastuurka, inkasta oo la aamisanyahay inuu markii horeba jiray salluug siyaasadeed .

Villa Somalia waxay geed dheer iyo mid gaaban u fuushay sidii ay dalka uga hirgelin lahayd doorasho qof iyo cod ah. Doorashadaas waxaa lagama maarmaan u ah in loo helo heshiis siyaasadeed oo ay qalinka ku duugaan madaxada federaalka iyo kuwa dowlad goboleeyada. Sharciyeynta heshiiskaas waxaa u xilsaaran Baarlamaanka halka ay xukuumaddu leedahay hirgelin doorashada qof iyo codka.

Ilaa iyo hadda waxaa intaas ogol gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Dhacdooyinka ka dhashay khilaafka Dowladda Dhexe iyo Jubaland

7dii October- Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Jubbaland, Axmed Sheekh Maxamed iyo wafdigiisa ayaa isaga baxay shirkii Golaha wadatashiga Qaran ee xilligaas ka socday magaalada Muqdisho, iyada oo aan wax heshiis ah laga soo saarin shirka.

13-kii October- Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa booqday Kismaayo si uu Axmed Madoobe ugu qanciyo dib ugu soo laabaashada shirka basle Axmed Madoobe wuu ka biya diiday.

16-kii October- Xafiiska Ra’iisul wasaaruhu waxay uu sheegay in shirka GWQ uu weli socdo iyada oo uusan Axmed Madoobe joogin Muqdisho.

27 October- Waxaa dib loo billaawday kulamdii shirka Golaha Wadatashiga Qaranka iyada oo aysan Jubaland qayb ka ahayn.

30 October- waxaa shirka olaha Wadatashiga Qaran laga soo saaray go’aan ah in sanandka 2025 si toos ah loosoo doorto dowladaha hoose iyo Madaxda Dowlad Goboleedyad

31- October- Jubaland ayaa ka hor timid go’aankaas waxayna caddeysay inay qabsan doonto doorasho u gaar ah oo dadban.

2dii bishaan November, Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ogolaaday inu muddo bil dib loo dhigo fasaxa xildhibaanada si loo meelmariyo shuruucda doorashooyinka

3dii Bishan November- Waxaa is casilay Wasiiru Dowlihii wasaaradda Qorsheynta C/rashiid Jire iyo Axmed Cismaan Daqare oo ahaa Wasiir Kuxigeenka Waxbarashada. Labaduba waxay kasoo jeedaan Jubaland

Islama maalintaas, Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa shir wadatashi isugu yeeray Xildhibaannada Labada Aqal ee Jubaland ku matala Baarlamaanka JFS

4tii bishaan November- Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa wasiiradii is casilay ku bedelay Xildhibaan Axmednuur Sheekh Maxamed C/rashiid Maxamed Ducaale

Isla maalintaas, Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay usoo dirtay wafdi dhexdhexaadiyayaal ah oo ka yimid dhanka Kenya.

7dii bishaan November- Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa magacaabay Guddi Kumeel gaar ah oo qaabilsan diyaarinta Xeerarka doorashooyinka iyo Xisbiyada.

9kii bishaan November- Jubaland ayaa magacawday guddiga doorashooyinka dadban, dowladda federaalka ayaa ka hortimid, waxayna ku tilmaamtay sharci darro.

10 ka bishaan November- Jubaland ayaa hakisay xiriirkii ay la leheed dowladda federaalka. Haddaba, Maxay kula tahay tillaabada xigi doonta?

Isha: Dawan

Xildhibaanada BF ee metala JUBALAND oo qaadacay go’aan uu maanta gaaray BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada kasoo jeeda Jubbaland ayaa goordhoweyd qaadacay shuruucda la xiriirta doorashooyinka ee baarlamaanka la horgeeyay, kuwaasi oo maanta la ansixiyey habraaca fadhiyadooda.

Illaa 35 Xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka labada aqal ee ka soo jeeda Jubbaland ayaa sidoo kale qaadacay tallaabadii guddiga kumeel-gaarka loogu saaray diyaarinta xeerarka doorashooyinka, taas oo ah mid baalmarsan dastuurka.

“Xildhibaanada waxay si adag uga soo horjeedaan, una cambaareynayaan in xeerarka doorashooyinka, xisbiyada, guddiga doorashooyinka la horkeeno labada aqal ee baarlamaanka, maadaama aan lasoo marin habraacii sharciga ahaa ee goleyaasha lagu horgeyn lahaa,” ayey Xildhibaannada Jubbaland ku metela baarlamaanka ay ku yiraahdeen war-murtiyeed ay soo saareen maanta.

Xildhibaannada ayaa taageero weyn u muujiyay doorashada uu maamulka Jubbaland galayo, taasi oo ay ku tilmaameen inuu yahay mid waafaqsan sharciga iyo dastuurka dowladda Federaalka iyo kan Jubbaland.

“Waxaa nasiib darro iyo lama filaan ah in anagoo weli ku hawlan xal u helida iyo isuo soo dhaweynta kala aragti duwanaanta iyo xalinta khilaafka u dhexeeya Jubbaland iyo Federaalka in xukuumadda DFS iyo guddoonka labada aqal ee sharci-dejinta ay qaadaan tallaabooyin shrci darro ah oo sii hurinaya khilaafka, iyadoo ay waajib ku aheyd inay xalka qeyb ka noqdaan kana warsugaan natiijada wadatashiga aan ku jirno,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Xildhibaannada ayaa tilmaamay in ficiladan ay calaamad muuqata u yihiin in dowladda federaalku iska indho tireyso xaqiiqada iyo in aanay jirin cid ay ixtiraam u hayso, kuna sifoowday oraahdeedii aheyd “loo joojin maayo”.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale waxay war-murtiyeedkan kusoo saareen qodobo dhowr ah oo ku saabsan dhinacyada; siyaasadda iyo amniga iyo weliba baaq ku socda dowladda federaalka Soomaaliya.

Hoos ka aqriso qodobadda war-murtiyeedka

BFS oo maanta qaaday tallaabadii ugu horeysay ee doorashada qof iyo cod

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mudaneyaasha labada Aqal ee BJFS oo maanta yeeshay kulan wadajir ah ayaa ansixiyay habraaca fadhiyadda wadajirka ah ee ansixinta saddex hindise sharciyeed oo la xiriira qorshaha doorasho qof iyo cod ah.

Saddexdan hindise sharciyeed ayaa waxaa ku shaqeyn doono guddiga kumeel-gaarka ah ee labada aqal ee baarlamaanka dalka ee u xil-saaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururrada iyo xisbiyadda iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka, soohdimaha iyo sidoo kale qorshe howleedka guddiga.

170-Xildhibaan ayaa u codeysay maanta, mana jirin xildhibaan diiday ama ka aamusay, waxaana sidaas ansax ku noqday habraaca fadhiyada wadajirka ah ee ansixinta saddexda hindise-sharciyeed, sida uu sheegay guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa labada gole ka hor akhriyay ahmiyadda ay shurucdaan u leeyihiin dalka iyo dadka, isagoo sheegay in seddexda hindisa sharciyeed ee golaha horyaal dib u babeen iyo wax kabadal lagu sameeyay.

Xildhibaan Mahdi Guuleed oo ah guddoomiyaha guddiga KMG ah ee labada gole u qaabilsan diyaarinta xeerarka doorashooyinka ayaa golaha ka hor akhriyay habraaca fadhiyadda wadajirka ah ee ansixinta seddaxda hindise shharciyeed ee uu ku shaqeyn doono guddiga kumeel-gaarka ah.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diiradda saareyso qorshaha iyo dadaallada lagu gaarayo doorasho qof iyo cod ah, xilli uu dhawaan golaha wadatashiga uu gaaray heshiis ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland.

Si kastaba, tallaabada uu maanta qaaday baarlamaanka ayaa imaneysa kadib markii uu aqbalay codsi uga yimid madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si looga shaqeeyo arrimaha doorashooyinka iyo xeerarka kale ee muhiimka ah.

Galmudug oo dagaal qarka u saaran – Maxaa soo kordhay?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –  Wararka naga soo gaaraya gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa sheegaya in saaka xaalad kacsanaan ah ay ka taagan tahay magaaladaasi, taas oo u dhexeyso laba ciidan oo ka wada tirsan dowladda.

Xiisadda ayaa salka ku heyso muran xoogan oo ka dhashay dhul ku yaalla halkaasi oo u dhexeeyo ganacsade dagan magaalada iyo maamulka Galmudug, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Galmudug ayaa lasoo wariyay in ganacsadaha ay ku amartay inay ka guuro dhulkaasi oo ay leedahay dowladda Soomaaliya, balse uu ka biyo diiday, waxaana kadib sidaas ku qaraxday xiisadda u dhexeysa labada dhinac.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ganacsadaha uu wato ciidamo taabacsan oo ka tirsan kuwa milatariga oo kasoo baxay furimaha hore ee dagaalka, si ay u garab istaagaan waxayna soo galeen magaalada oo saaka laga dareemay dhaq-dhaqaaq xoogan.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa cabsi xoogleh ka muujinayo suurtagalnimada dagaal ka qarxa caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda Galmudug, kuna aadan xiisadda dagaal ee saaka taagan maagalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Si kastaba, xiisadda taagan ayaa saameyn ku yeelatay dhaq-dhaqaaqa guud ee ganacsiga magaalada oo saaka xiran, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Midowga Afrika oo shardi ku adag Itoobiya ku xiray ka qeyb-galka howlgalka Soomaaliya

0

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Midowga Afrika ayaa go’aan ku gaaray in ciidamada ka qeyb galaya howlgalka nabad ilaalinta ee soo socda ee Soomaaliya (AUSSOM) ay ka imaanayaan oo kaliya waddamada ixtiraamaya madax banaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

Arrintan ayaa caqabad ku ah Itoobiya, oo dowladda Soomaaliya ay horey ugu eedeysay inay ku xadgudubtay madax-banaanida Soomaaliya kadib markii ay heshiis la saxiixatay maamulka Somaliland ee waqooyiga Somaliland.

Guddiga Midowga Afrika oo fulinaya go’aannada iyo hawl-maalmeedka Midowga Afrika, ayaa la-tashiyo la sameynaya dalalka Afrikaanka ah ee muujiyay inay diyaar u yihiin inay ciidammo ku biiriyaan Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee loo diro Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa ka hadlay go’aanna ka soo saaray arrimaha la xiriira taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaasoo bedeli doona ATMIS. Waxa kale oo uu soo saaray bayaan uu ku faahfaahiyey nuxurka shirka iyo go’aamadii ka soo baxay golaha ammaanka.

Iyadoo dowladda Soomaaliya ay qaabili doonto isla markaana ay martigelin doonto howlgalka xiga ee nabad ilaalinta ayaa golaha ammaanka waxa uu ku dhawaaqay in guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika uu la kulmayo dowladda federaalka Soomaaliya si uu wadatashi ugala sameeyo qaabka ay noqon doonaan ciidamada howlgalka ku jira iyo dalalka ay ka imaanayaan.

Dhinaca kale, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika ayaa ka hadlay oo go’aan ka soo saaray khilaafkii u dhexeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya, iyadoo go’aankaas uu Guddoomiyaha Midowga Afrika ku sheegay inay si dhow ula shaqeeyaan dhinacyada dhaqaalaha ee Qaaradda Afrika, hay’adaha gobolka iyo kuwa kale ee ay khusayso si khilaafka labada dal si degdeg ah loo xalliyo.

Si loo xaliyo khilaafka labada dal, guddiga Midowga Afrika ayaa faray in la isticmaalo dhammaan kanaalada  diblomaasiyadeed ee ay awoodaan.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dadaallada lagu xallinayo khilaafka labada dal lagu saleeyo qodobka 4-aad ee Axdiga Midowga Afrika, Hab-maamuuska dhismaha Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo sidoo kale mabaadi’da deris wanaaga ee Midowga Afrika iyo shuruucda caalamiga ah.

Isha: HOL

Soo laabashada Odowaa oo rajo cusub abuurtay – Sidee?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa mar kale kusoo laatay hoggaaminta ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, kadib markii ay xalay golaha wasiirada ansixiyeensoo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabistiisa.

Sababta loo soo celiyay Odowaa ayaa ah si loo dardargeliyo difaaca dalka iyo ciribtirka kooxda Al-Shabaab oo dagaal ay ku jirto dowladda federaalka Soomaaliya.

Jeneraal Odawaa ayaa lagu amaanaa xoreyntii wadanka mudadii uu Taliyaha Xoogga ahaa, waxaana muuqata in shaqadii looga maarmi waayey, waxaana xalay mar kale loo magacaabay Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed,

Tallaabadan ayaa sidoo kale abuurtay rajo cusub, waxaana si weyn ugu farxay shacabka oo intooda badan soo dhaweeyay magacaabista taliye Odowaa Yuusuf Raage.

Cabdirashiid Muxumed Cali “Hambalyo S/Gaas Odowaa ciidanka waa kuu baahnaa gadaashaana waa liicay”.

Axmed Naaji Cabdalla “Nin wayn baa ku soo laabtay hogaanka ciidanka Xoogga dalka, hambalyo Taliye”.

Axmed Gaashaan “Allaha kula qaado masuuliyadda Culus Moralka ciidanka xooga ayaa dib usoo noqday. Gen. Odowaa Yuusuf Raage, hambalyo Taliye”.

Cabdulqaadir Beddal “Qofka in shaqadii shalay laga qaaday looga maarmi waayo ee mar kale lagu soo celiyo qiimo ayay u samayneysaa!”.

Maxamed Geeddi “Libaax labo ma ahan waxaa tahay halyay ay tabeen Umadda Soomaaliyed iyo CXDS soo dhawoow mudane”.

Maxamuud Cabdisalaan “Odowaa waa mudanyahay inuu hoggaamiyo ciidanka qaranka mar labaad i kastoo wakhtigii uu mudnaa xilka lag qaaday,”.

Macruuf Mataan “Waa howlkar laga maarmi waayay guul ayaan u rajayn dhammaan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed”.

Center for Media & Dialogue (CMD) oo abaal-marin guddoonsiisay Cabdi Nageeye

0

Amsterdam (Caasimada Online) – Xarunta Warbaahinta iyo Wadahadalka ee Center for Media and Dialogue (CMD) ayaa abaal marin gudoonsiisay orodyahanka Soomaaliyeed ee heer caalami ee Cabdi Nageeye oo asbuucii la soo dhaafay ku guulaysaty orodka dheer ee New York Marathon. 

Gudoomiyaha CMD Cabdullaahi Maxamed Xuseen Taajirow, oo ay wehliyaan xubano ka tirsan CMD, ayaa gudoonsiiyey Cabdi Nageeye abaal-marin dhiiri galin ah oo ay ugu talogashay Center for Media and Dialogue. 

Taajirow ayaa sheegay in Negeeye oo sare u qaaday magaca umadda Soomaaliyeed, islamarkaana uu soo hooyey guul ay ku faanaan. 

Abaal-marintan oo ka dhacaday Grand Hotel ee magaalada Amsterdam ayuu Mr Nageeya ka mahad-celiyey abaalmarinta ay siiyeen CMD, isaga oo xusay in uu ku farxay sida sharafta leh ee loo maamuusay.

Center For Media and Dialogue ayaa qabata abaalmarin la siiyo dadka Soomaalida ah ee gaaray guulo lataaban karo oo micno iyo milgo u samaynaya sumacadda Soomaaliya, islamarkaana ku dhiiri-galinaya bulshada inay hiigsadaan yoolalka ay gaareen dadka iskood u dadaalay ee magaca soo hooyey.

Maxaa dhacaya haddii ay Jubaland qabato doorasho?

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Jubaland ayaa sheegay iuu hakiay xiriirkii wada-shaqeyn ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, xilli uu sii xoogeystay khilaafka labada dhinac.

Khilaafka, oo ku soo shaac baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee uu horraantii October ka baxay madaxweyaha Jubaland Axmed Madoobe, ayaa ka sii daray shalay kadib markii Axmed Madoobe uu magacaabay guddi doorasho oo ka kooban 7 xubnood.

Hase yeeshee, waxaa isla saacado gudahood ku gacan sayrtay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya oo ku tilmaamtay sharci-darro.

Ayada oo ka jawaabeysa qoraalkaas, ayaa wasaaradda arrimaha gudaha Jubaland waxay sheegtay in ay Jubaland ay xaq u leedahay qabashada iyo maamulka doorashadeed.

“Iyadoo raacaysa dastuurka ku-meel gaarka ah ee DFS iyo kan Jubaland kana dheeraanaysa wax kasta oo horseedi kara sharci daro iyo firaaq dastuuri ah in ay u madax-banaan tahay qabashada iyo maamulidda doorashada Jubaland, sida uu qabo qodboka 120-aad ee dastuurka ku meel gaarka ah ee DFS iyo qodobada 62-aad iyo 80-aad ee dastuurka Jubaland,” ayey ku tiri war-saxaafadeed.

Maxay kala doonayaan Jubaland iyo DF?

Sida ku cad qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee Soomaaliya, dowladda Federalka ayaa doonaysa saddex qodob oo kala ah.

1- In la mideeyo doorashada dalka, 2. in la qabto doorasho qof iyo cod ah, 3. in la sameeyo hal guddi oo madaxbannaan oo isku dhaf ah oo Soomaaliya ka hirgaliya doorasho dadku codkooda dhiibtaan.

Dadka ka faalooda arrimaha siyaasadda ayaa sheegay in qodobadaas dhanka dowladda ay wehilisay muddo kordhin sanad ah oo loo sameeyey madaxda maamulada dalka marka laga reebo Puntland oo iyadu doorashadeedii qabsatay sanadkan 2024-kii.

Inkasta oo dowladda Soomaaliya aysan qarin doonisteeda ah in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah uma muuqato inay arrintani ka miro dhalayso Kismaayo, sida ay qabaan dadka ka faalooda siyaasadda gudaha.

Jubaland ayaa caddeysay in doorasho qof iyo cod ah aysan suura gal ahayn inay ka dhacdo dalka iyadoo Madaxweyne Madoobe uu ka soo baxay shirkii madasha wadatashiga Qaran isagoo sheegay in Jubaland aysan doonayn muddo kordhin.

Maxamed Mukhtaar, oo ah falanqeeye arrimaha Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in wax la isku yahay ay tahay awoodaha ayna arrintan taagnaan doonto ilaa go’aan laga gaaro sida ay noqoyso awoodaha dowladda federalka iyo Maamulada.

“Doorashadu waa cudurka laysku hayo calaamadihiisii laakiin waxa la isku hayo waa awoodda. Haddii Farmaajo shalay joogay, maanta Xasan Sheekh joogo, barina qof kale joogi doonno doodaasi waa taagnaanaysaa ilaa iyo go’aanka laga gaaro awood qaybsiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyo sida ay kala noqonayaan,” ayuu yiri Mukhtaar.

Go’aanno isku eg

Sanadkii 2018 bishii June, madaxda dowladda federaalka iyo Maamulada ayaa shirkoodii wadatashiga qaran ku yeeshay magaalada Baydhabo kaas oo lagaga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen hannaanka doorashada ee dalka iyo qaybsiga qayraadka.

Bishii September isla sanadkaas, madaxda dowlad goboleedyada ayaa ku shiray magaalada Kismayo iyagoo sheegay inay xiriirka u jareen dowladda federalka.

Sida uu qabo Maxamed Mukhtaar, waxaa haatan humaag u eg tan sanadkii 2019 kii.

Sanadkii 2019 kii, Jubaland ayaa sheegtay inay qabsanayso doorashadeed iyadoo bishii Agoosto isla sanadkaas ay dhacday doorasho lagu murmay oo mucaaradku diideen taas oo lagu doortay Madaxweyne Axmed Madoobe.

Dowladda Federalka ee xiligaas ayaa sheegtay inaysan aqoonsanayn natiijada doorashadaasi.

Cilme-baare Axmed Shire oo la hadlay BBC ayaa sheegay in “haddii doorashada ka dhacda Jubaland ay noqoto mid si saxa u dhacda loona tartamo waxaa la aadi doonaa dhanka Jubaland haddiise siduu hadalka u dhigay ay la mid noqoto iyadoo ay haysato caqabada ah inaa labada heer la isla socday waxay u ekaanaysaa in sharciyadeeda su’aal ku timaado, sidaas daraadeedna doodda laga yaabo in ay dowladda dhankeeda ka timaado ay xoogeysato.”

Balse Mukhtaar ayaa qaba in waxkasta oo dhaca ay ku dhammaan doonto in laga gudbo oo laga heshiiyo marka la is mari waayo.

“Runtii sida horrey u soo aragnay, waa la kala caroon, ayaanbaa la kala qaylin, cid xoog cid ku maquunin kartana ma jirto, waxay ku dhammaan doontaa aan hore u socono iyo aan heshiino” ayuu yiri Maxamed Mukhtaar oo la hadlay BBC.

Saylici oo taageeray Cirro, shaaciyey arrin khiyaano ah oo uu ku kacay Muuse Biixi

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-igeenka maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, isagoo uu garab taagan musharaxa madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa ku dhowaaqay inuu taageersan yahay Cirro, doorashada dhaceysa Arbacada. 

Saylici ayaa si adag uga hadlay xaaladda Somaliland, wuxuuna si gaar ah u eedeeyey madaxweynihiisa Muuse Biixi oo sheegay inuu ka baxay wixii lagu dhaariyey, dastuurkiina jabiyey. 

“Muuse Biixi dalka laguma sii aamini karo, anigaa dad ugu dhawaaa wixii na lagu dhaariyey, Muuse Biixi wuu ka baxay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Saylici. 

Saylici oo muddo ka badan 14 sanno ahaa madaxweyne ku xigeen ayaa sidoo kale si cad u sheegay inuu dhisayo musharax Cirro, waxayna talaabadani dhabar-jab ku tahay madaxweynaha xilka ka dagaya ee Somaliland Muuse Biixi.

“Waxaan ummadda reer Somaliland ugu baaqayaa inay taageeraan isbaddalka socda uu hoggaaminayo xisbiga Waddani oo uu hoggaaminayo musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Saylici. 

Si la mid ah dhawaqii ka soo yeeray maalmo ka hor, waxa uu taageero u muujiyay ururka Barwaaqo oo kasoo jeeda bogolka Awdal, isaga oo kasoo horjeestay ururka Hilaac oo xaga xisbiga Kulmiye u janjeedha.

Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa isaguna soo dhaweeyay taageerada Saylici, isaga oo bulshada ugu baaqay in ay taageeraan xisbiga Waddani iyo ururada kale ee bahwadaagta la ah.

Musharax Cirro ayaa taageero is daba joog ah ka helaya siyaasiyiinta, ganacsatada iyo dadka magaca ku leh Somaliland, waxaana raja wayn laga qaba in uu ku guulaysto doorashada 13 November.

Horjoogayaal Shabaab ah iyo ilaaladooda oo hal goob lagu dilay + Magacyada

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta ciidanka daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ay howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ka sameeyeen aagga degmada Qansaxdheere ee gobolkaasi.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan, laguna dilay xubno ka tirsanaa Khawaarijta ayaa si gaar ah uga dhacay tuulada Weel-manaas oo 15 kiilo miitir u jirta degmada Qansaxdheere, waxaana lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ilaalo u ahaa, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysay howlgalka.

Ugu yaraan illaa 6 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo horjoogayaashooda ayaa lagu dilay goobta ay weerareen ciidanka Koonfur Galbeed, waxaana kamid ah saraakiisha la khaarijiyay Nuur Keerow Xaydar iyo Sheegow Aadan Macalin.

Labada horjooge ayaa kooxda u qaabilsanaa cunaqabeteynta degmada Qansaxdheere iyo lacagaha baadda ah ee sida qasabka ah looga qaado shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Sidoo kale waxaa howlgalkan ay ciidamada kusoo furteen mooto Fekon ah iyo saanad ciidan oo ay lahaayeen xubnaha Al-Shabaab ee lagu dilay duleedka Qansaxdheere.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana ciidanka Koonfur Galbeed ay weli howlgallo kasii wadaan qaybo badan oo kamid ah gobolka Baay, kuwaas oo lagu beegsanayo Shabaab.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Khawaarijta ee ku aadan howlgalkaasi khasaaraha lagu gaarsiiyay ee ay guulaha ka sheegatay Koonfur Galbeed.

Gobollada Baay iyo Bakool ayaa waxaa si aad ah ugu xoogan dagaalyahannada Al-Shabaab, waxayna go’doon geliyeen dhammaan degmooyinka muhiimka ah ee gobolladaasi oo ay xittaa ku jirto magaalada Baydhabo oo hadda xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed.

ISRAEL oo dilal hor leh ka gaysatay Gaza iyo Lubnaan

0

Gaza (Caasimada Online) –  Saraakiisha caafimaadka Falastiin ayaa sheegay in ugu yaraan 40 qof oo Falastiiniyiin ah lagu dilay Gaza, kaddib duqeymo dhinaca cirka ah oo ay ciidamada Isra’il ku bartilmaameedsadeen guryo ku yaalla waqooyiga Gaza.

Xarunta Xuquuqda Aadanaha ee Falastin ayaa sheegtay, in ugu yaraan 24 ka mid ah dadkaasi lagu dilay madaafiic lagu burburiyay guri ka koobnaa saddex dabaq oo ku yaallay xerada Jabaaliya. Dadka la dilay ayaa waxaa ku jiray dumar iyo carruurr sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Milatariga Isra’il ayaa sheegay in ay duqeeyeen guri ku yaalla deegaanka Jabaaliyah, halkaas oo ay sheegeen in ay ka howlgalayeen kooxo argagixiso ah. Isr’ail ma aysan bixin wax caddeyn ah oo arrintaasi muujinaya.

Duqeyn kale oo ay ciidanka Isra’il ka fuliyeen xaafadda Sabra ee magaalada Gaza ayay ku dileen sarkaal ka tirsanaa wasaaradda daryeelka, kaas oo lagu magacaabi jiray Waa’il Al Khuur. Weerarkaas ayaa sidoo kale lagu dilay xaaskiisa, wiil iyo laba gabadh ay dhaleen iyo carruur uu awoode u ahaa.

Dhanka Lubnan, duqeymo ay Isra’il ku garaacday tuulada Caalmat ee waqootiga Lubnan, ayay saraakiishu sheegeen in lagu dilay 23 qof oo ay ku jireen 7 carruur ah.
Ra’isulwasaaraha Isra’il Banjamin Natanyahu ayaa isna Axaddii shalay sheegay in saddex jeer uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump tan iyo Talaadadi.

Sawirro: Xasan Sheekh oo safar deg deg ah ugu baxay Sacuudi Carabiya + Ujeedka

0

Riyadh (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa halkaas uga qeyb galaya shirar degdeg ah oo ay yeelanayaan madaxda dalalka Islaamka iyo Carabta.

Madaxda ayaa ka wadahadlaya colaadda iyo gumaadka ka dhanka ah dadka Falastiin iyo Lubnaan, gaar ahaan joojinta xasuuqa iyo sidii gurmad degdeg ah ay u heli lahaayeen dadka reer Qasa ee dhibaataysan.

Shirarkaas oo ah kuwo xasaasi ah waxaa ka soo qeyb galaya madax iyo wufuud ka socota dowladaha xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.

Inta lagu guda jiro shirarkaas ayay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa waxay kulamo doceedyo la qaadan doona Madaxda, Boqorrada, Amiirrada iyo Hoggaamiyeyaasha Islaamka ee shirka ka soo qeyb-galaya.

Dowladda Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ah siineysa xoojinta xiriirka dalkeennu uu la leeyahay Caalamka Islaamka iyo Carabta.

Sidoo kale Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa aad u difaacda qadiyadda dadka reer Falastiin, waxayna Soomaalidu ugu horeysaa muslimiinta u hiilisa dadkaas islaamka ah ee Israa’iil ay xasuuqeyso.

 

Golaha Wasiirrada DF oo ansixiyey heshiis Soomaaliya ay la gashay Sacuudiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo caawa lagu magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Odowaa Yusuf Raage, si loo dardargeliyo difaaca dalka iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ayaa sidoo kale lagu ansixiyey heshiis cusub.

Golaha Wasiirrada ayaa caawa shirkooda deg degga ah ku ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Diiwaangalinta Mulkiilaha shirkadaha iyo Heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Sacuudiga, kaas oo ku saabsan horumarinta arrimaha dhallinyarada iyo isboortiga.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulanka shir guddoomiyey, waxaana looga hadlay xaaladda amni ee dalka iyo dardargalinta howlaha Xukuumadda, sida lagu shaaciyey qoraal laga soo saaray shirkaas.

Magacaabidda Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage waxay ka dhigan tahay in Xasan Sheekh uu soo wajahay culeys sababay inuu dib u raadiyo sarkaal uu horay xilka uga qaaday, taasi oo muujineysa inuu ku qasaaray xulashadiisii Taliyaha hadda laga bedelay hoggaaminta ciidanka xoogga.

Jeneraal Odawaa ayaa lagu amaanaa xoreyntii wadanka mudadii uu Taliyaha xoogga ahaa, waxaana muuqata in shaqadii looga maarmi waayey, waxaana caawa mar kale loo magacaabay Taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr mar oo hore la xaqiijiyey in Jeneraal Odawaa uu ka codsaday inuu aqbalo in mar kale oo noqdo Taliyaha ciidanka xoogga dalka, balse waxaa jiray shuruudo uu la yimid, in kastoo aan hadda la shaacin waxa iska bedelay iyo waxa laga aqbalay shuruudahaas.

Toddobaad ka hor ayay aheyd markii Taliyaha ciidanka dhulka loo magacaabay Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar oo loo yaqaano Khaalid, kaasi oo mar soo noqday Taliyaha Sirdoonka Jubbaland, isla markaana ah sarkaal dhalinyaro ah oo kaalin ka qaadan kara howlgalka la qorsheynayo in mar kale dib boorka looga jafo ee dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

Jeneraal Odawaa Yuusuf oo mar kale loo magacaabay taliyaha ciidanka xoogga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS, oo caawa yeeshay kulan degdeg ah ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay S/Gaas Odowaa Yusuf Raage, si loo dardargeliyo difaaca dalka iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah.

Magacaabidda Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage waxay ka dhigan tahay in Xasan Sheekh uu soo wajahay culeys sababay inuu dib u raadiyo sarkaal uu horay xilka uga qaaday, taasi oo muujineysa inuu ku qasaaray xulashadiisii Taliyaha hadda laga bedelay hoggaaminta ciidanka xoogga.

Jeneraal Odawaa ayaa lagu amaanaa xoreyntii wadanka mudadii uu Taliyaha xoogga ahaa, waxaana muuqata in shaqadii looga maarmi waayey, waxaana caawa mar kale loo magacaabay Taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr mar oo hore la xaqiijiyey in Jeneraal Odawaa uu ka codsaday inuu aqbalo in mar kale oo noqdo Taliyaha ciidanka xoogga dalka, balse waxaa jiray shuruudo uu la yimid, in kastoo aan hadda la shaacin waxa iska bedelay iyo waxa laga aqbalay shuruudahaas.

Toddobaad ka hor ayay aheyd markii Taliyaha ciidanka dhulka loo magacaabay Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar oo loo yaqaano Khaalid, kaasi oo mar soo noqday Taliyaha Sirdoonka Jubbaland, isla markaana ah sarkaal dhalinyaro ah oo kaalin ka qaadan kara howlgalka la qorsheynayo in mar kale dib boorka looga jafo ee dalka looga xoreynayo Khawaarijta.