26.4 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Maxaa ka jira in DF ay xirtay Facebook-yada suxufiyiin iyo siyaasiyiin caan ah?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa taagan dood xoogan oo ka dhalatay tallaabada lagu beegsaday Facebook-yada dad mucaarad ah oo kasoo horjeedo dowladda Soomaaliya, ayna ku jiraan Wariyeyaal caan ah, kuwaas oo hal mar hawada laga wada saaray.

Dadka laga xiray boggaga ayaa isugu jiro siyaasiyiin iyo wariyeyaal caan ah oo aad u dhaliili jiray dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheeh Maxamuud.

Arrintan ayaa dhalisay walaac xoogan iyo in eedeymo loo jeediyay dowladda dhexe oo la xiriira ciwaannada shaqsiyaadkaas ee hawada laga saaray.

Wasaaradda warfaafinta Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in arrintan ay ka dambeyso Villa Soomaaliya, isa markaana si gaar ah loogu beegsanayo dadka kasoo horjeedo dowladda, si loogu caburiyo fikirkooda gaarka ah.

“Waxaa mas’uuliyad darro iyo xad-gudub ah in la isku dayo in la afqabto aragtiyaha toosinta iyo tilmaamaha ah ee ka imaanaya bulshadda Soomaaliyeed loona adeegsanaayo qolooyin burcad Internet-ka oo si gaar ah u beegsanaya mas’uuliyiinta iyo shacabka ka soo hor jeeda  aragtida Siyaasadeed ee kali-talisninadda ah ee uu dalka u horseedaayo Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud taasoo muujineysa dul qaad la’aanta Xasan Sheekh Maxamuud ee aragti iyo maqal kasta oo ka duwan aragtidiisa” ayaa lagu yiri qoraalka.

Intaas kadib waxaa hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo beeniyay in dowladda ay beegsatay Facebook-yada dadka mucaaradka ku a madaxda sare ee dalka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda federaalka ay ka shaqeyso horumarinta xorriyatul qowlka, isla markaana ay qawaaniin ku dhisan tahay.

“Waxaas waxba kama jiraan, waa war iska raqiis ah dowladda Soomaaliyeed waxa ay ka shaqeysaa waa inay xorriyatul qowlku hormariso, waana dowlad qawaaniin ku dhisan” ayuu yiri wasii ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Haddii ay dowladda federaalka Soomaaliya iska fogeysay arrintan ayaa haddane waxaa la’is weydiinayaa cidda ka dambeysa weerarka lagu qaaday Facebook-yada hawada ka baxay.

Caro ka dhalatay dhalinyaro kasoo jeedo KGS oo lagu dhibaateeyay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Car xooggan iyo falcelin ayaa ka dhalatay dhibaato xalay Muqdisho loogu gaystay dhalinyaro kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo ku maalinta aas-aaska calankooda u dabaal-dagayay, kadib markii ay weerareen ciidamo hubeysan.

Falkan oo ka dhacay agagaarka isgoyska KMG ayaa sababay waxyeelo soo gaartay qaar kamid ah dhalinyarada isku soo banaan-baxay, oo ay ka cariyeen ciidanka ammaanka.

Arrintan ayaa dhalisay walaac xoogan, waxaana xildhibaan Maxamed Abuukar oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed uu yiri “”Reer Koonfur Galbeed haday cyaar u imaadeena waa la dhibaateeyey haday calankooda u dabaal degaana waa ka dhibaateeyey lama ogalaanayo qofkii dhacdadan ka dambeeyeyna waan la xisaabtamaynaa”.

Sidoo kale waxaa kiiskan ka hadlay Xisbiga Himilo Qara ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Axmed oo si weyn u cambaareeyay xadgudub uu sheegay in loo gaystay dhalinyaradaasi.

“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu si adag u cambaaraynaayaa dhibaatada caawa loo geystey dhallinyarada reer KGS ee iyagoo si nabad ah ugu dabaal degaayey ciidanka loo adeegsadey halkaasna ay dhaawacyo iyo dhibaato kasoo gaartay” ayaa lau yiri qoraalka.

Sidoo kale Xisbiga ayaa tilmaamay in si gaar ah loo beegsaday dhalinyarada Koonfur Galbeed, taasina ay tahaya wax laga xumaado, maadaama munaasabada noocaan kale ah ay dadka kasoo jeeda maamullada kale ay ku qabsadaan gudaha caasimada.

Himilo Qaran ayaa sidoo kale ku baaqay in lasoo qabto askarii ka dambeysay dacaddigaaas, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Waa wax laga xumaado in si gooni ah loo beegsado dhalinyaro aan wax dambi sameynin.Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa laamaha ammaanka inay tallaabo deg-deg ah ka qaadaan ciidanka ku xad-gudbay muwaadiniin si nabad u damaashaadayay” ayaa lasii raaciyay.

Koonfur Galbeed ayaa marar badan ka cabatay dhibaato loogu gaystay gudaha caasimada, waxaana la xasuustaa weerarkii lagu beegsaday ciyaartoydooda, xilli uu u socday tartanka ciyaaraha mamul goboleedyada, kaas oo sababay inay gabi ahaan ka baxaan tartankaasi.

Xog cusub oo laga helay qarax ka dhacay Dayniile

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Macluumaad dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo xalay ka dhacay gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa loo dhigay gaari Cabdi Bile oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya, xilli uu marayay agagaarka Xero Bangalo oo ku taalla laamiga dheer ee degmada Dayniile.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku dhintay illaa 3 askari, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale oo kamid ah ciidamada la socday baabuurka la qarxiyay.

Sidoo kale waxaa saacado kadib goobta gaaray ciidamo kale oo gurmad ah oo maydadka iyo dhaawacyada kasoo qaaday halkaasi, waxayna sameeyeen howlgallo kooban, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Mas’uuliyadda qaraxan waxaa durbo sheegatay kooxda Al-Shabaab oo inta badan weerarada noocaan oo kale ah ka fuliso gudaha caasimada.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya oo ku aadan qaraxaasi waxyeelada kasoo gaartay ciidamada dowladda.

Dayniile ayaa waxaa horay sidaan oo kale weeraro qaraxyo ah uga fulisay kooxda Al-Shabaab, kawaas oo badi lala eegtay ciidamo ku sugnaa gudaha degmadaasi.

Maalmihii lasoo dhaafay ammaanka Muqdisho ayaa ahaa mid deggan, waxaana howlgallo guuleystay oo amni xaqiijin ah ka waday qaybaha kala duwan ee ciidamada dowladda.

Ma la gaaray xilligii uu R/W XAMZA is-casili lahaa?

0

Jawiga siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa muddo dheer ahaa mid jaahwareersan  oo cakiran. Saddex xilli ayaa la dhihi karaa waxay ahaayeen kuwii ugu muhimsanaa ee dalka soo mara kadib qaran jabkii dhacay 1991.

1- Soomaaliya oo ka maqneyd fagaarayaasha dowladnimada ee caalamka muddo 10 sanno ah, ayaa la isugu keenay shirkii Carta ee laga ilaaliyey kooxaha hubeysan iyo kuwa awoodda leh, waxaana Carta lagu soo dhisey Dowladdii u horreysey taas oo gudaha dalka ka shaqeyn weydey.

2- Xilliga labaad ee muhimka ah ayaa ahaa dhismihii Dowaldda Federaalka ee hadda taas oo awoodda wax laga siiyey hoggaamiye kooxeedyadii hubeysanaa, kuwaas oo aqoonyarida ka haysa dowladnimada iyo xaaranta ay ku naaxeen u geeysey in ay ka horyimaadaan dowladdii ay ka tirsanaayeen oo ay wasiirada ka ahaayeen, waxaa hoggaamiyaashaas afka ciida u daray Maxaakiimtii Islaamiga ahayd sannadkii 2006, waxaana ay ku kalifeen in ay Baydhabo iska dhiibaan oo ay u tagaan Dowladdii ay mucaaradka ku ahaayeen iyaga oo wasiiro ah.  Dowalddii u Madaxweynaha ka ahaa Cabdullaahi Yusuf (aun) waxay awood u isticmaashey maxaakiimtii waxayna dowaldnimada geysey ilaa Villa Somalia, kadib markii uu arkey Madaxeyne Yusuf inuusan sii wadi karin shaqada iyo caqabadaha jira waxa uu si iskiis ah u banneeyey xafiiska  waxaana uu is-casiley dhamaadkii 2008.

3- Xilliga saddexaad ayaa ahaa 2011 iyo heshiiskii “Kampala Accord” ee horseedey in muddo sannad ah lagu dhamaystiro dastuurkii qabyada ahaa, dalkana kumeel-gaar looga saaro, in doorashooyinka dalka gudihiisa lagu qabto waxaa si weyn uga faa’ideystey kooxihii qunyar socodka islaamiyiinta ahaa oo horey ugu mashquulsanaa waxbarashada.

Xasan Sheekh Maxamuud oo aan laga aqoon fagaarayaasha siyaasadda ayaa sameystey Xisbi uu ugu magacdaray Nabadda iyo Horumarka (PDP), waxaana dhaq-dhaqaqiisi ololaha doorashada si weyn uga dhex muuqan jirey Xamza Cabdi Barre oo waagaas loogu yeeri jirey Xamza Cabdi Aar.

Doorashadii Xassan Sheekh Maxamuud ee hore 2012, Xamza Cabdi Barre wax fursad xil uu ku qaban karo kama helin, si lamid ah kaadiriintii Xisbiga iyo  bahda waxbarashada ay ka soo wadajeedeen ee Xisbiga PDP ka tirsaneyd, waxayna taasi ku noqotey Xamza filan waa in Xasan Sheekh albaabada ka xirto, taasi waxay keentey in uu u wareego dhanka Jubaland oo uu ka soo jeeday, mar danbe waxa uu xil la-taliye ka helay Wasaaradda caddaaladda iyo dastuurka ka hor inta aan Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ugu yeerin in uu noqdo Guddoomyaha Guddiga Doorashooyinka ee Jubaland oo xilligaas si weyn la isugu khilaafsanaa. Xamza waxa uu hoggaamiyey guddigii keenay in dib loo doorto Axmed Madoobe 2019 oo Dowladdii Farmaajo aad uga soo horjeedey waxaana uu la yimid hab cusub oo  odoyaasha dhaqanka xujo ku noqotey, “Saddex Xildhibaan ii keen, midkii aan rabno annaga ayaa la baxayna”.

Bilowgii waayaha siyaasaddeed ee Xamza Cabdi

Xamza Cabdi Barre sida aan sheegney ma ahayn qof laga yaqaan saaxadda siyaasadda Soomaaliya marka laga reebo in uu kamid ahaa ololihii doorashada ee xisbigii PDP kadib markii dib loo raacey taariikhdiisa.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo ogsoon dedaalkii Xamza Cabdi ee dib-u-doorashadiisi 2019 ayaa siiyey Xildhibaanka jifidiisa hoose Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda 2022-2026, ka mid noqoshadiisa Golaha Shacabka ma muuqan  jihada siyaasadeed ee Xamza inkasta oo la ogaa in uu ka soo baxay madarisada Damul-jadiid.

Mudane Xamza Cabdi Barre, ololihii dib-u-doorashada Xasan Sheekh Maxamuud 2022 ma ahayn xubin fir-fircoon oo ka dhex-muuqata, kama mid noqon kaadiriinta Xisbigii UPD ee beddalay PDP, sidoo kale kama mid ahayn xildhibaanada bareerahooda bannaanka keenay ee garbaha ka taagnaa Xasan Sheekh Maxamuud.

Kadib guushii Xassan Sheekh ee May 2022 oo meesha laga saarey Madaxweyne ka soo jeeda beesha Daarood, waxaa la isku raacsanaa in Dowladda lagu qaybsadey 4.5, Ra’iisul Wasaaraha waxaa la hubey in uu ka imaanayo Beesha Daarood, waxaana looga fadhiyey qofka xilkaas qaadanaya in uu saamigiisa ka qayb-qaadashada geedi socodka dowladnimadaa la yimaado  oo ay dowladda wax ka dhisaan oo garbaha ka istaagaan, si kale haddaan u dhigno in uu helo taageerada beesha Darood.

15 June 2022 waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu  garabkiisa taagan yahay Xamza Cabdi Barre u magacaabey ra’iisul wasaare, waxay ahayd markii u horeysey ee Ra’isul Wasaare  ka soo jeeda beesha Absame ee ka tirsan beelaha Daaroodka la magacaabo tan iyo markii Dowladda Soomaaliya dib loogu dhisay magaalada Carta sanadkii 2000, waxaana uu noqdey Raysalwasaarihii 11aad ee Dowladda Federaalka.

Xamza Cabdi Barre ma ahayn nin meel dheer laga keenay, waxa uu ka mid ahaa dadka aadka ugu dhaw Madaxwaynaha xilka u magacaabey, marka laga yimaado khibrad yaridiisa dowladnimo iyo fikirka uu ka haystey ee ahayd in uu siyaasadda ugu jiro “Cibaadeysi” uu Jannada ku gelaayo, sida isagu sheegay waxa loo keensadey xafiiska waxay ahayd “sabab” taas oo ahayd in hoos loo dhigo awoodda dastuuriga ah ee Ra’iisul Wasaaraha oo uu noqdo maqaar-saar. Xamza waxa uu noqdey Raysal Wasaarihii saxiixey in xilka uu hayo meesha ka baxo, awooda dalka oo dhan uu yeesho Madaxweynuhu.

Dowladnimadu waa aragtiyo is-diidan in la is-fahamsiiyo oo lagu wada shaqeyn karo. Aragti kala duwan miiska la soo saari karo, haddii gurigaaga inta qof ee kugula nooleyd oo sheekada wadaagteen aad dowladnimada ku soo koobto waxaa lumaya tiir weyn oo Dowladnimada ah, Madaxweynaha la doortey Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu doorbidey in aragti kale oo ka duwan tiisa aysan miiska siyaasadda imaan, waxaana uu noqdey qof meel kasta oo shaqada dowladda ah ka muuqda lana wareegay shaqooyin badan oo golaha xukuumaddu iska lahayd.

Shaqooyinka ugu muhimsan ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah hagidda iyo isku-dubaridka shaqooyinka dowladnimada, isku haynta dalka midnimadiisa, kobcinta dhaqaalaha iyo jiheynta arrimaha siyaasadda, mudadii uu xilka hayey Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre dowladiisu waxay ku faantaa in ay gaartey guulo la taaban karo, sidoo kale waxaa taas barbar socdey in ay ku fashilantey wax badan oo muhimad u lahaa dowladnimada koreysa ee dalka.

Dowladda uu Raysalwasaaraha ka yahay Mudane Xamza Barre ayaa noqotey midii ugu musuqa badneyd ee abid dalka soo marta,  taas oo aan dhaca hantida dowladda laga xishoon marka la eego ku tumshada sharciga, iibsiga dhulka dowladda Soomaaliyeed leedahay, bixinta qandaraasyada, iyo sida loo boobayo hantida dowladda.

Muddadii uu xafiiska joogey waxaa maamulkiisu uu ku calaamadeysan yahay in dastuurkii lagu heshiiyey oo la isla oggolaa la beddeley, iyada oo nidaamkii awood qaybsiga meesha laga saarey oo laga dhigay Madaxtooyo sida in dalku yeesho Madaxweyne iyo Ra’iisul wasaare awood lahayn oo Madaxweynuhu cayrin karo markuu doono, waxaa laga guuray nidaamkii Baaralmaaniga ahaa ee heshiiska lagu ahaa, iyada oo aan la isla oggoleyn.

Marka laga yimaado  guulaha siyaasadeed sida deyn cafinta, qaadista cunno-qabateynta hubka iyo  xubin ka noqoshada  Bulshada Bariga Afrika, Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre waxa uu miiska siyaasadda ku soo celin waayey Puntland oo uu siyaasadda ku metelo marka la tixraaco nidaamka hab-qeybsiga beelaha, Puntland waxay ka hor timid sida Madaxweyne Xassan Sheekh dalka ku hoggaaminaayo, Xamza waxa uu hormuud ka noqday in Puntland laga joojiyo mashaariicdii hormarineed ee beesha  caalamku Soomaaliya ugu deeqday  oo la siyaasadeeyay, Mudane Xamza Cabdi marna xiriir wanaagsan lama yeelan Dowlad  goboleedyada dalka ka jira. Booqashadii uu ku tegay Baydhabo waxay ahayd mid gadaal ka timid, bishii September 2024 kadib markii Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Laftagareen diidey in uu ka soo qayb-galo shirkii  Golaha Wadatashiga Qaranka, Ra’iisul wasaare Xamza waxa uu kala soo noqdey Baydhabo gacmo madhan, taas oo muujisey  inta ay gaarsiisan tahay awoodiisa siyaasadeed ee  dalka.

Ugu danbeyn Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi wuxuu lumiyey taageeradii dowladd goboleedka Jubaland ee uu ka soo jeedo oo ahayd halkii uu dowladda ka soo galay isaga oo xildhibaan ah, waxaa ka hor yimid Xildhibaanadii ugu badnaa  ee ka soo jeeda beeshiisa. Dadka fallanqeeya arrimahan ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaare Xamza uu waayey kalsoonida beesha uu ka soo jeedo oo uu habqaybsiga siyaasada ku metalaayey kuna qancin kari waayey taageerada dowladda. Mudane Xamza wax taageero ah waa u soo jiidi waayey Xukuumadda uu hoggaamiyo, waxaana ay ku soo ururtay Muqdisho oo keliya.

Kala qaybsanaanta dalku waxay gaartey heerkii ugu xumaa marka loo bar-bar-dhigo dowladdii tan ka horreysey oo arrimaha la isku hayo iyo kuwa la isla-oggol yahay ay badnaayeen inta la isla-oggol yahay, maadaama asaaskii heshiiska nidaamka federaalka hadda la isku khilaafsan yahay oo dastuurkii laga beddalay qodobo  asaas u ahaa nidaamka federaalka iyo wax qaybisaga, taas oo sharciga baal marsan.

Xamza ma is-casili doonaa?

Mar haddii siyaasadda Soomaaliya ay noqotay mid mugdi sii galaysa, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre waxa uu wajahayaa su’aalo badan oo jira: “Ma samatabixin karaa mustaqbalkiisa siyaasadeed?, mise maalmihiisi xafiiska ayaa la tirinayaa?

Xaqiiqdu waxay tahay in rayslawasaare Xamza caawa dareemaayo in uu fadhiyo goob cidlo ah hareerihiisa ay ku soo hareen Xildhibaano aad u yar. In uu ku guul daraystay inuu mideeyo dalka,  taageero la’aanta ka haysata  gurigii uu ka soo jeeday  ee muhiimka u ahaa. Dad badan ayaa u arka in waqtigiisi uu ahaa fursad dalka laga dhumiyay – taasoo ah mid uu ra’iisul wasaaruhu ku guul-darreystay inuu ka soo baxo caqabadaha hortaagan Soomaaliya oo ku jirta marxalad xasaasi ah.

Hadda waxa si weyn loo hadal hayaa in Ra’iisul wasaare Xamza la kulmaayo cadaadis isa soo taraya oo lagu doonaayo in uu xilka ka dago ka hor inta aan xilka laga qaadin. Dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee gudaha iyo loolanka ka dhex jira dowladda federaalka ayaa si cad u muujinaya in hoggaankiisa ay hareeysay awoodda xad-dhaafka ah ee madaxweyne Xasan Sheekh oo isku koobay waxkasta. Inuu Xamza iskiis isu casilo waxaa la aaminsan yahay in uu diidan yahay Madaxwayne Xasan Sheekh oo u arka in dhiiqada isaga looga baxaayo, mana oggolaan karo karo qofkii aad magacawday sidaas hakuu galo.

Si kastaba ha ahaatee, hal arrin ayaa iska cad: haddii uusan helin dariiq uu ku maareeyo siyaasadda murugsan ee dowladnimada Soomaaliya, waxaa laga yaabaa in uu xilka hayo maalmo kooban.

Ugu dambeyntii, mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya wuxuu ku xirnaan karaa jiil cusub oo hoggaamiyeyaal ah oo ka gudbi kara kala qeybsanaanta qabiilka, mideyn kara nidaamka siyaasadeed ee dalka ee burburay, soona celin kara xasilloonida. Xamza Cabdi Barre in uu mustaqbalkan door ka ciyaari karo, iyo in uu taariikhda ku dhex milmi doono oo uu yahay hoggaamiye kale oo ku guul-darraystay wixii laga filayey, waa mid taariikhdu xusi doonto.

Mohamed Osman

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

SHACABKA Somaliland oo u dareeray goobaha cod-bixinta + Sawirro

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Somaliland ayaa sheegaya in saaka dadweynaha ku dhaqan deegaannada maamulkaasi ay u dareereen goobaha cod-bixinta doorashada ee maamulkaasi, taas oo ah mid xasaasi ah oo loolan adag loogu jiro.

Sawirro laga soo qaaday Hargeysa iyo deegaannada kale ee Somaliland ayaa la arkayaa shacab fara badan oo safaf dhaadheer ugu jiro inay codkooda dhiibtaan, si ay usoo doortaan madaxweynaha ee cusub ee Somaliland.

Doorashadan ayaa waxaa ku tartamaya saddexda Xisbi ee kal ah Kulmiye, Wadani iyo UCID, waxaana u kala sharraxan Muuse Biixi, Cabdiraxaam Cirro iyo Faysal Cali Waraabe.

Madaxweynaha hadda talada haya Muuse Biixi Cabdi oo goordhoweyd dhiibtay codkiisa ayaa ballan qaaday inuu aqbali natiijada doorashada, haddii xittaa looga guuleysto.

Dhankiisa musharraxa Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Cirro oo aad ula loolamayo Muuse Biixi ayaa ku baaqay in la aqbalo natiijada doorashada, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay inuu isaga ku guuleysan doono xilka madaxweynaha ee maamulka Somalilad.

Faysal Cali Waraabe oo isna hoggaamiyo xisbiga UCID ayaa shalay khudbaddii ugu dambeysay jeediyay, wuxuuna isna muujiyay ifafaalo ah inuu noqonayo madaxweynaha cusub, laakiin wax kasta waxay ku xiran yihiin natiijada iyo cidda ay doortaan shacabka.

Dhinaca kale ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana gebi ahaan bandow lagu soo rogay magaalooyinka waa weyn oo lagu soo daadiyay ciidan sugaya amniga doorashada.

Somaliland waa maamulka kaliya ee qabta doorasho qof iyo cod ah, isla markaana shacabka ay soo doortaan hoggaankooda, taas oo aad loogu boggaadiyo Somaliland.

Mucaaradka Jubaland oo ku dhowaaqay tallaabo xasaasi ah oo ay qaadayaan (Warbixin)

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah mucaaradka Jubaland ayaa ku hanjabay in ay qaban doonaan doorasho hal dhinac ah, kaddib markii ay ka hor yimaadeen guddiga doorashada Jubbaland. 

Mucaaradka ayaa ku gacan sayray magacaabista madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe uu Sabtidii ku magacaabay guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka (IBEC) oo ka kooban 7 xubnood. 

Waxay su’aal galiyeen kalsoonida uu guddigan ku maamuli karo doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka ee lagu wado inay dhacdo dabayaaqada 2024-ka. 

Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu kala tashaday madaxweyne ku xigeenada Jubaland magacaabista guddigan oo ka kooban 7 xubnood. 

Cabdullaahi Cali oo ah musharax u taagan xilka madaxtinimo ee Jubbaland, horeyna qaxooti uga soo noqday dalka Kenya ayaa sheegay in madaxweynaha uusan awood u laheyn inuu soo magacaabo mas’uuliyiinta guddiga doorashada..

“Habka lagu soo xulayo guddigan doorashada gabi ahaanba waa hal dhinac, iyadoo aan la tixgalin baahida loo qabo wada tashi ballaaran iyo daah-furnaan, mucaaradku waa inay xaq u leeyihiin inay soo magacaabaan in ka badan 50 boqolkiiba xubnaha guddiga doorashada si loo helo matalaad isku dheeli tiran,” ayuu yiri Cabdullaahi Cali. 

Waxa uu sheegay in habka uu u dhaqmayo Madoobe ay meesha ka saartay kalsoonidii lagu qabay hannaankan.

Si kastaba ha ahaatee, baarlamaanka Jubaland ayaa meel mariyay guddigan la magacaabay, kuwaas oo shalay iska dhex doortay guddoo hoggaamiya.

Isha: HOL

Nin ka careysan furriinka xaaskiisa oo dilay 35 QOF

0

Zhuhai (Caasimada Online) –  Ugu yaraan 35 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 43 kalana ay dhaawacmeen, kaddib marki nin 62 jir ah uu baabuur uu watay jiirsiiyay dad badan oo hor dhoobnaa goob lagu dheelo ciyaaraha kala duwan oo ku taalla magaalada Zhuhai ee koofurta Shiinaha.

Booliska ayaa sheegay in ninkani oo ay magaciisa kusoo koobeen Van uu si xowli ah ku soo galay goob ay dad badan ku jimicsanayeen. Boolisku waxay sheegeen in ninkani la qabtay ka hor inta uusan goobta ka baxsan.

Waxay kaloo sheegeen in eedeysanaha uu hadda koomo ku jiro laguna daweynayo isbitaalka, kaddib marki ay dhaawacyo kasoo gaareen qoorta iyo qeybo kale oo ka mid ah jirkiisa.

Baaritaan horudhac ah ayaa muujiyay in ninka weerarka geystay uu ka xumaa qeybta kasoo gaartay hanti uu lahaa oo loo kala qeybiyay isaga iyo xaas uu furay.

Dhacdadan ayaa dhacday habeenki Isniinta, balse warbaahinta caalamiga ah ayaa heshay gelinki danbe ee Talaadadi shalay. Inta badan wararka iyo dhacdooyinka waaweyn ee ka dhaca Shiinaha ayaa waxaa jasuureeya oo faafreebta dowladda.

Isha: VOA

Wasiir ka tirsan DF oo farriin culus u diray xildhibaanada laga soo doorto Jubaland iyo Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya Cismaan Maxamed Cabdi (Daalo) sidoo kalena ah Xildhibaan ka tirsan BFS ayaa soo saaray qoraal ku socda xildhibaanada Jubbaland iyo Puntland ku metela dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiir Daalo ayaa qoraalkiisa ciwaan uga dhigay “TALO IYO TOOSIN KU SOCOTA XILDHIBAANADA LABADA GOLE.”

Cismaan Daalo ayaa sheegay in maalmahaan ay soo bateen xildhibaanno saaxiibadiis ah oo dano gaar ah isku uruursaday, kadibna iska soo daba soo saaraya qoraalo ay taageero ku muujinayaan ama wax ku diidayaan.

“Xildhibaane/Senator waxaan ku xusuusinayaa marka hore inaad tahay xildhibaan Qaran, marka xiga xildhibaan ahaan waxaad sharci u leedahay ‘Cod’ wuxuuna yaalaa Baarlamaanka gudihiisa,” ayuu yiri Cismaan Daalo.

Daalo ayaa intaas ku sii daray “Marka kaliya ee xildhibaanow aad wax saxiixi karto waa marka aad qoreyso ‘MOOSHIN’, balse waxaa nasiib darro ah adigoo shaqadaadii fasax la’aan uga maqan, waajibaadkii aad u dhaaratay kasoo bixi waayey inaad sida Hay’ado iyo dowlado shisheeye qoraallo u soo saarto.”

Ugu dambeyntii Xildhibaan, Wasiir Cismaan Daalo ayaa talo siiyey xildhibaanada saaxiibadiis ah, isagoo u sheegay inay yimaadaan fadhiyada baarlamaanka oo ah halka lagu kala baxo.

“Xildhibaannow codkaada, sharaftaada iyo waajibaadkaada Baarlamaanka ayey yaallaan ee ka shaqee midnimada dalka iyo dadka oo taageer dowladnimada,  I Aamina Doorasho qof iyo Cod wey dhaceeysaa” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cismaan Cabdi Daalo oo ah xildhibaan iyo wasiir ka tirsan xukuumadda.

Xildhibaanada laga soo doortay Jubbaland iyo Puntland ayaa intooda badan kasoo hor jeestay dowladda federaalka, iyagoo taageero u muujiyey madaxda maamuladaas, taasi oo dhabar jebin ku ah meel marinta qorshaha dowladda federaalka.

 

Shabaab-kii ugu badnaa oo Xarardheere iska dhiibay iyo sababta kaliftay (Dhageyso)

0

Xarardheere (Caasimada Online) –  Tiradii ugu badneyd ee dhalinyaro ah oo wada socda, kana soo goostay Al-Shabaab ayaa maanta isku dhiibtay ciidamada dowladda iyo maamulka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug Maxamed Abshir Jiirow ayaa Warabaahinta Qaranka u sheegay in 7 kamid ah Khawaarijta ay maanta isku soo dhibeen Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere.

Dhallinyaradaan ayaa markii la wareystay waxay sheegeen inay u adkeysa waayeen duqeymaha iyo weerarrada tooska ah ee Ciidamada Xoogga Dalka iyo shacabka deegaanada Galmudug ay kala kulmeen.

Sidoo kale raggaan ayaa sheegay in ay go’aansadeen inay isku soo dhiibaan dowladda kadib markii ay u adkeysa waayeen rafaadka, oonka iyo gaajada ku heysata duurka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ragaani aysan wadan wax hub ah, isla markaana ay ka soo tageen qoryahoodii, waxaana ku adkaatay inay Shabaab kala soo baxsadaan qoryahooda.

Kooxda Al-Shabaab ayaa aad uga taxadartay in dagaalyahanada ka soo baxsanaya ay horay u sii qaataan qoriga, waana arrin shaki badan abuurtay.

Inta badan xubnaha ka soo goosta kooxda Al-Shabaab waxay sheegaan inay ku adkaatay inay lasoo goostaan qoryaha, maadaama laga hayo ilaalo adag, isla markaana uusan jirin askari qoriga kala bixi kara xerada ay ciidanka Shabaab degan yihiin.

Hoos ka dhageyso

https://www.facebook.com/share/v/1FHsmFP9mD/?mibextid=WC7FNe

CC Shakuur: Hadii Hawiye isku soo haray maa xilka R/W la siiyo Koonfur Galbeed?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay khilaafka ka dhashay arrimaha doorashooyinka iyo is qabqabsiga ka dhex jira dowladda federaalka iyo Jubbaland.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dowladda Xasan Sheekh ku eedeeyey karti-xumo, eex, musuq iyo maareyn xumo, sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Sida aad ogtihiin qaranka Soomaaliyeed waxaa horay uga maqneed Somaliland, mar dhexe waxaa Tareenka ka booday Puntland, maantana waxaa maqan Jubbaland,” ayuu yiri CC Shakuur.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya uu isugu soo haray hal qoys, oo uu kala jeedo Hawiye “Waxaan nin kula kaftamay maa reer Koonfur Galbeed Ra’iisul Wasaare la siiyo? Hadaan inteenaan isku soo harnay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray CC Shakuur.

Xildhibaan CC Shakuur ayaa sheegay in horay uu uga digay wadada uu Xasan Sheekh ku hoggaaminaayo dalkaan, “Jidkaan qarda jeexa ah ee loo joojin maayo qof Xasan Sheekh uga khibrad badan ma jiree aan aragno halka uu gaarsiiyo,” ayuu yiri.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale dhaliilay guddoonada labada Aqal ee Baarlamaanka “waa odayaal laga sugaayey inay dalka badbaadiyaan oo isku baheystay sharci darro, baarlamaankii ayaa si xaaraan ah ku wada fadhiya maanta, waxaasna sharci maaha,” ayuu yiri.

Xildhibaan CC Shakuur ayaa sheegay in arrinta Jubbaland ay soo noqnoqotay, isagoo Xasan iyo Xamsa ku cadeeyey in horay ay u taageeri jireen hanaanka ay Jubbaland u qabsato doorashada, balse maanta ay indhaha is tirayaan.

Hoos ka daawo

Xildhibaannada kasoo jeedo Puntland oo taageero wayn u muujiyay maamulka Jubaland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada Aqal ee laga soo doorto Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka cusub ee ka dhashay doorashooyinka, waxayna taageero u muujiyeen Jubbaland.

Warsaxaafadeedkan oo ay si wadajir usoo saareen illaa 26 xildhibaan oo kasoo jeedo Puntland ayaa waxaa garab istaag loogu muujiyay Jubbaland oo haatan khilaaf siyaasadeed uu kala dhexeeyo Villa Soomaaliya, waxayna soo dhaweeyeen doorashada ay galeyso.

“Waxaan si buuxda u garab u taaganahay in dowladda Jubbaland ay qabsato doorashooyinkeeda si waafaqsan dastuurka DFS qodobkiisa 120-aad iyo dastuurka iyo xeerarka iyaga u degsan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay xildhibaannada.

Sidoo kale waxa ay taageereen warsaxaafadeed shalay kasoo baxay xildhibaannada dhigooda ee laga soo doorto Jubbaland oo qaadacay tallaabada uu qaaday baarlamaanka Soomaaliya oo haatan guda galay diyaarinta xeerarka muhiimka u ah doorashooyinka.

Waxa ay warmurtiyoodkooda ku caddeeyeen in aysan qayb ka ahayn arrin ay ku tilmaameen juub juub oo la rabo in si sharci darro ah lagu marsado goleyaasha sharci dejinta federaalka sharciyada guddiga doorashooyinka, axsaabta iyo doorashooyinka, kuwaas oo dhamman baalmarsan dastuurkii ay dadka ku heshiiyeen August 1, 2012.

Xildhibaanada kasoo jeeda Puntland ayaa sidoo kale diiday dhismaha guddiga labada Aqal ee loo xilsaaray soo diyaarinta xeerarka doorashooyinka, kaas oo uu hoggaaminayo xildhibaan Mahdi Guuleed.

Sidoo kale waxa ay dowladda dhexe ugu baaqeen inay joojiso siyaasadeynta mashaariicda dalka, iyaga oo ka digay inay isticmaasho cunaqabateyn ka dhan ah maamullada kasoo horjeedo.

Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyaa dowladda federaalka ah, kaas oo salka ku hayo dastuurka iyo sida loo wajahayo doorashooyinka

Wafdiga Kenya ee dhex-dhexaadinta DF iyo Jubaland oo maanta la kulmay Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Onine) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta soo gaarayw wafdiga Kenya ee ku jira dhex-dhexaadinta dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, kuwaas oo horay u tegay Kismaayo, lana soo kulmay Axmed Madoobe.

Wafdigan culus ayaa waxaa maanta hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo ay ka wada-hadleen xiisadda taagan.

Ugu horreyn xubnaha wafdiga ayaa ra’iisul wasaaraha la wadaagay dhambaal iyo salaan ay ka wadeen Madaxweynaha Kenya, William Ruto, waxayna kadib ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee dariska ah iyo iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda iyo ganacsiga.

Inta uu socday shirkooda ayaa waxaa si gaar ah loogu falanqeeyay dadaallada ay wadaan wafdigan Kenyaanka ah oo kala ah Amb Mahboub Moallin, Amb Mohamed Abdi Affey iyo Hon Abdirahman Ali Hassan Colow, kuwaas oo ra’iisul wasaaraha u gudbiyay qorshahooda iyo halka uu marayo dadaalka ay wadaan ee dhex-dhexaadinta.

Dhankiisa ra’iisul wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wafdigan ka socday dowladda Kenya, doorkooda  ku aaddan taageerada dowlad dhiska Soomaaliya iyo xasilloonida gobolka.

Kulankan ayaa ah mid hordhac ah, waxaana la filayaa in Villa Soomaaliya ay kasii socdaan shirar looga hadlayo xiisadda u dhexeyso dowladda dhexe iyo Jubbaland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Kenya ka dalbaday inay arrinta soo gasho, si ay ula hadasho Axmed Madoobe, siday ay horay u xaqiijisay madaxtooyada Jubbaland oo booqashadooda koowaad ku tageen wafdiga Kenya, si u guda galaan arrinta loo xilsaaray.

Si kastaba, illaa iyo hadda mamuuqato wax u qabsoomay ergada Kenyaanka ah, waxaana weli Axmed Madoobe uu wataa qorshihiisa gaarka ah ee qabashada doorashada Jubbaland.

DF oo war xasaasi ah kasoo saartay doorashada berri ka dhaceysa Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay doorashada madaxweyne ee beri ka dhici doonta deegaanada Somaliland, taas oo ah mid toos ah oo qof iyo cod ah.

Doorashada ayaa waxaa ku loolamaya saddexda Xisbi ee kal ah Kulmiye, Wadani iyo UCID, waxaana u kala sharraxan Muuse Biixi, Cabdiraxaam Cirro iyo Faysal Cali Waraabe.

Dowladda Federaalka ayaa si weyn u boggaadisay hannaanka ay ku socota doorashada Somaliland, waxayna farriin culus u dirtay guddiga maamulaya doorashadaasi.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa waxaa looga codsaday guddiga doorashada Somaliland inay hubiyaan maamulka doorashada uu jiro gacan ammaan ah, si looga hortego qalalaase ka dhashay natiijada soo bixi karta.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay guddiga doorashooyinka Somaliland ugu baaqeysaa inay hubiyaan in maamulka doorashada gacan ammaan ah ku jirto” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Doorashooyinka maamulka Somaliland waxay ahmiyad gooni ah u leedahay dowlad wanaagga iyo dowlad dhiska Soomaaliya”.

Hadalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo dhowaan kasoo baxay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo boggaadiyay doorashada dadweyne ee ka dhaceysa Somaliland. wuxuuna qiray in aysan ahayn tii ugu horreysay ee ka dhacda halkaasi.

“Waxaan boggaadinayaa walaalaha Somaliland oo maalmo gudahood u dareeri doona doorasho dadweyne, taas oo aanan ahayn markii koowaad iyo markii labaad” ay yiri.

Si kastaba, waxaan haatan soo dhammaaday ololihii doorashada Somaliland, waxaana berri oo Arbaco ah 13-ka Novermber loo dareeri doonaan codeynta doorashada oo ah xasaasi.

Axmed Madoobe oo abaabul culus wada iyo dhinac kale oo ku soo biiray xiisadda

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa abaabulay kulan la isugu keenay dhalinyarada ku nool magaalada Kismaayo, waxaana laga soo saaray go’aano lagu taageerayo qorshaha Jubbaland ay ku geleyso doorasho aysan raali ka aheyn dowladda federaalka.

Qeybaha kala duwan ee Dhalinyarada degmada Kismaayo ayaa shalay galab magaalada ku qabtay kulan balaaran, waxayna si cad u taageereen mowqifka madaxweynaha Jubbaland ee arimaha doorashooyinka.

“Haldoorka Dhalinyarada oo inta badan kulanka ka hadlay, ayaa sheegay in aysan gorgortan ka galaynin, taageerada iyo garab istaagga dowladda ee arimaha doorashooyinka iyo xoojinta amniga deegaanada Jubbaland,” ayaa lagu yiri qoraal iyo sawirro uu baahiyey TV-ga Jubbaland.

Xildhibaanada BFS ee ku sugan magaalada Kismaayo oo war-saxaafadeed ka soo saaray maanta arrimaha doorashootinka ayaa la saftay Axmed Madoobe waxayna dowladda federaalka uga digeen inay soo faragashato ama qalalaase ka abuurto doorashada Jubbaland.

“Xildhibaannadu waxay ugu baaqayaan DFS in ay joojiso fara-gelinta sharci darrada ah ee ay ka wado deegaannada Dowlada Jubbaland, gaar ahaan faragalinta doorashada, Amniga iyo kala qcybinta Bulshada,” ayaa lagu yiri qeyb ka mid ah qoraalkii xildhibaanada.

Sidoo kale, Xildhibaanada ku sugan Kismaayo ayaa dowlad goboleedyada kale ugu baaqay in ay qabsadaan Doorashadooda, si waafaqsan Dastuurka KMG ah ee dalka iyo Dastuurradooda, kana waantoobaan muddo korarsi sharci darro ah.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Jubbaland in ay garab istaagaan Dowladda Jubbaland, kalana shaqeeyaan Amniga, la dagaallanka Khawaarijta iyo
xasiloomida dhammaan Deegaamada Jubbaland,” ayaa lagu yiri warkii ka soo baxay xildhibaanada federaalka ee laga soo doortay Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa abaabul culus ka wada Kismaayo, waxaana ka go’an inuu qabsado doorasho uu hubo inuu ku soo laabanayo, balse dowladda federaalka ayaa sameysay qorshe kasta oo damaca Axmed Madoobe ay uga hortegi karto.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa ka baaqday Ra’iisul Wasaare Xamsa oo damcay inuu u safro Kismaayo, balse waxaa si cad ugu diiday maamulka Axmed Madoobe oo gacanta ku haya maamulka garoonka diyaaradaha.

Muwaadiniin Itoobiyaan ah oo dil iyo dhaawac loogu geystay GURICEEL – Xog

0

Guriceel (Caasimada Online) –  Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya muwaadiniin Itoobiyaan ah oo maanta dil iyo dhaawac loogu geystay gudaha magaalada Guriceel ee gobolka Galgauud.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in nin ku labisan dareeska ciidamada milatariga uu rasaas ku furay goob ay ku sugnaayeen muwaadiniintaasi u dhashay Itoobiya, oo ka soo jeeda qowmiyadda Oromada, waxaana soo gaaray dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa goobta ku dhintay ugu yaraan 1 qof oo Itoobiyaan ahaa, halka uu ku dhaawacmay mid kale oo la geeyay goob caafimaad oo ku taalla magaaladaasi oo hoostagta maamul goboleedka Galmudug.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in Itoobiyaanka ku sugnaa goobta ay aruurinayeen biro, gaar ahaan birta ka sameysan maarta, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Ninka falkan gaystay ayaa lasoo wariyay inuu goobta ka baxsaday, mana jiro wax war ah oo weli kasoo baxay mas’uuliyiinta degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka.

Horay ayaa la sheegay in loogu digay Oromada ku sugan Guriceel, waxaana hanjabaadyo ay kala kulmayeen maleeshiyaad deegaanka ah.

Xaaladda magaalada ayaa hadda deggan, waxaana laga war sugayaa talaabada ay qaadaan maamulka iyo hay’adaha amniga Guriceel.

Soomaaliya oo heshay maal-gelin fursad u siinaysa…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada JFS, Amb. Khadija Mohamed Almakhzoumi ayaa ka qeyb-gashay kulan muhiim ah oo looga hadlayay dib u qaabeynta nidaamka maaliyadda aduunka iyo doorka sanduuqa maalgalinta cimiladda ee ku saabsan taageerada maaliyadeed ee dalalka u nugul isbeddelka cimilada.

Kulankan oo barbar socda shirweynaha COP29 ee ka socda Baku, dalka Azerbaijan, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo abuuri lahaa nidaam dhaqaale oo casri ah, kaas oo bixiya maalgelin hufan oo wax ka qabta caqabadaha isbeddelka cimilada.

Wasiirka ayaa madasha ka sheegtay in Soomaaliya ay uga mahad-celineyso taageerada GCF, oo ansixiyay mashruuc taariikhi ah oo $100M ah.

Tan ayaa Soomaaliya ka caawinaysa in ay dhisto adkeysi bulsho iyo in ay awood siiso dadka ay saameeyeen isbeddelka cimilada si ay uga jawaabaan dhibaatooyinkaasi.

Maalgelintan waxay muhiim u tahay Soomaaliya, iyadoo fursad u siinaysa inay hore ugu sii socoto oo ay abuurto xalal waara oo wax ka qabta isbeddelada cimilada ee dalkeenna.

Intii uu socday kulanka, GCF ayaa soo bandhigtay qorshaha dib-u-habeynta si loo yareeyo caqabadaha habka maalgelinta, iyadoo loogu talogalay in la gaarsiiyo $50 bilyan oo maalgelin ah sanadka 2030.

Wasiirka ayaa bogaadisay qorshahan, iyadoo ku baaqday in si wadajir ah loo abuuro nidaam dhaqaale oo waxtar leh oo taageero buuxda siin kara dalalka sida Soomaaliya oo kale ah, si ay awood ugu yeeshaan la tacaalida saameynta isbeddelka cimilada.

Maxamed bin Salmaan oo weerar culus ku qaaday Israel

0

Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan ayaa ku baaqay xabad-joojin deg deg ah oo ka dhacda Gaza iyo Lubnaan, iyo dal ay helaan Falastiiniyiinta, isaga oo hadal ka jeediyey shir madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka.

Hogaamiyayaasha Carabta iyo Muslimiinta ayaa isugu yimid magaalada Riyadh, ayada oo ay sanad dhaafeen dagaalka Israel iyo Xamaas iyo xiisadda gobolka, taasi oo loo arko fursad ay fariin ugu dirayaan madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump.

Dhaxal sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan oo furay shir madaxeedka ayaa sheegay in beesha caalamka ay tahay in ay “sida ugu dhaqsaha badan u joojiso falalka Israa’iil ee ka dhanka ah walaalaheen Falastiin iyo Lubnaan,” isagoo cambaareeyay ololaha Israa’iil ee Gaza oo uu ku tilmaamay “xasuuq”.

“Sacuudi Carabiya waxay xaqiijinaysaa taageerada ay siiso walaalaha Falastiin iyo Lubnaan si ay uga gudbaan cawaaqib xumada masiibada ah ee ka dhalata gardarrada joogtada ah ee Israa’iil,” ayuu yiri.

Qaraar qabyo ah oo laga soo saarayo shir madaxeedka ayaa carabka ku adkeeyay “taageerada adag” ee “xuquuqda qaran” ee dadka reer Falastiin, “oo ay ugu horeyso xaqa ay u leeyihiin xoriyad iyo dal madax-banaan”.

Saacado ka hor, wasiirka cusub ee arrimaha dibadda ee Israa’iil Gideon Saar ayaa sheegay in aanay “waaqici ahayn” in la dhiso dawlad Falastiini ah, isaga oo meesha ka saaray kuna qeexay “dawlad Xamaas”.

“Uma maleynayo in mowqifkani uu maanta yahay mid waaqici ah, waana in aan noqono kuwo waaqici ah,” ayuu yiri Saar oo ka jawaabayay su’aal la weydiiyay isaga oo ku sugan Qudus.

Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday qorshayaasha shir madaxeedka dabayaaqadii October intii lagu jiray kulan, sidoo kale ka dhacay magaalada Riyadh, oo ay yeesheen “isbahaysiga caalamiga ah” ee cusub ee lagu cadaadinayo dhismaha dawladda Falastiin.

Waxa ay ku soo beegantay hal sano ka dib kulan kan la mid ah oo ka dhacay magaalada Riyadh oo ay yeesheen Jaamacadda Carabta ee fadhigeedu Qaahira iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ee fadhigiisu yahay Jeddah, kulankaas oo ay hoggaamiyeyaasha ku cambaareeyeen falalka ciidammada Israa’iil ee Gaza.

Wax ka ogow dhowr arrin oo doorashada Somaliland ee sanadkan ku cusub

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa Somaliland ka socda u diyaargarowgii u dambeeyey ee doorashooyinka isku sidkan ee madaxtinnimada iyo ururrada siyaasadda, oo labadii sano ee u dambeeyey qabashadooda muran uu ka taagnaa.

Doorashadan oo loo ballansan yahay inay qabsoonto berri ayaa noqonaysa tii siddeedaad ee ka dhacaysa Somaliland tan iyo intii ay ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale 33 sano ka hor.

Waxaa xilka madaxwaynenimada ku tartamaya saddexda musharrax oo kala ah Muuse Biixi Cabdi oo ka socda xisbiga talada haya ee Kulmiye, Cabdiraxmaan Cabadillaahi Cirro oo ka socda xisbiga Wadani iyo Feysal Cali Waraabe oo ku tartamaya xisbiga UCID.

Muuse Biixi oo la doortay sanadkii 2017 ayaa mar labaad u sharraxan dorashadan. Doorashada. Muddo-xileedka doorashada Somaliland ayaa ah shan sano, balse maamulka Muuse Biixi ayaa talada hayay toddoba sano.

Saddexda musharrax ayaa midkoodba sameeyay ballan-qaadyo intii ay socdeen ololaha doorashada;

Muuse Biixi – oo 1-dii January ee sanadkan heshiis is af-garad oo Badda Cas ah la saxiixday Itoobiya – ayaa sheegay inuu sii wadayo heshiiskaas oo weli aan hirgelin, maaddaama uu sheegay inuu muhiim u yahay aqoonsiga Somaliland.

Soomaaliya oo u aragta Somaliland inay ka tirsan tahay dhulweynaha Soomaaliya ayaa si caro leh uga jawaabtay heshiiskaas, waxayna ku tilmaantay faragalin arrimaha gudaha Soomaaliya lagu sameeyay.

Heshiiska is-afgaradka ee labada dhinac oo weli aan loo beddelin heshiis sharci ah, ayaa waxaa muuqata in Somaliland ay diyaar u tahay inay Itoobiya u oggolaato in ay baddeeda ka dhisato dekad ganacsi.

Somaliland waxaa kale oo ay sheegtay in dhul dhan 20 Km oo xeebaha ah ay ka kireyn doonto ciidamada badda ee Itoobiya, arrintaas oo ay Addis Ababa xaqiijisay.

Laakiin halka arrinta adag ay ka jirto ayaa ah in Itoobiya ay sheegtay in ay Somaliland u aqoonsanayso dal madax-bannaan, tallaabadaas oo aanay jirin waddan kale oo sameeyey 30-kii sannadood ee Somaliland ay tilmaantay in madax bannaanideeda ay Soomaaliya kala soo laabatay.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa isagana mar uu wareysi gaar ah siiyay BBC wuxuu sheegay inuu soo celinayo heshiiska Somaliland iyo Soomaaliya “haddii ay ku jirto danta Somaliland”. Wuxuu sidoo kale ballan-qaaday xoojinta amniga iyo isu soo dumidda shacabka.

Feysal Cali Waraabe ayaa isaguna sheegay in ahmiyaddiisa koowaad ay tahay aqoonsi u raadinta Somaliland.

Haddaba, waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa dhowr arrimood oo doorashadan ku cusub.

Tirada cod-bixiyeyaasha oo kordhay

Doorashada berri ayaa waxyaabo badan kaga duwan kuwii hore Somaliland uga dhacay.

Waxaa sanadkan kordhay tirada dadka codkooda dhiibanaya oo kor u dhaafay hal milyan oo codbixiye.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf oo BBC la hadlay ayaa sheegay in guddiga ay sanadkan si wayn u diyaar garoobeen maaddaama tirada codbixiyayaasha ay kordheen oo ay howl badan u taallo.

“Tirada codbixiyayaasha kama dambeysta ahi ee xaqa u leh inay codeeyaan waxaa weeye 1,227,48 qof, goobaha laga codeynayana waa 24,650 goobood” ayuu yiri Muuse.

Labo doorasho oo isku-sidkan

Dadka ayaa sidoo kale u codeyn doona madaxwayne iyo ururrada siyaasadda.

Cabdinaasir Axmed Aadan, oo ah falanqeeye siyaasaddeed oo Hargeysa ku sugan ayaa BBC u sheegay in ay doorashada ka baaxad wayn tahay madaxwayne la soo doorto oo kali ah, balse sida lagu go’aaminayo xisbiyada jiri doona mustaqbalka siyaasadda ee 10 sano ee soo socda.

“Doorashada waxa ay kaga duwan tahay kuwii hore, codeeyuhu wuxuu yeelanayaa laba cod oo uu mid madaxwayne iyo madaxwayne ku xigeen ku dooranayo, midna ku dooranayo ururka uu ugu codaynayo inuu ka mid noqonayo sadexda xisbi ee jiri doona tobanka sano ee soo socda.” Ayuu yiri.

Dhowr urur siyaasadeed ayaa u tartmaya sanadkan in ay noqdaan xisbiyo siyaasadeed oo rasmi ah.

Waxaa xusid mudan ee doorashada sanadkan in shacabku toos u dooranayaan saddexda xisbi ee 10 sano ee soo socda ka jiraya Somaliland doorashadooda lagu sidkay ta madaxtooyada, halkii markii xisbiyadu ay doorashada deegaannada la soo baxayeen.

Isticmaalka qalab casri ah

Waxyaabaha ku cusub doorashooyinka waxaa kale oo ka mid ah – oo markii u horreysay la isticmaalayaa – in dadka codaynaya lagu hubiyo nidaamka hubinta indhaha, si looga fogaado in codbixiyeyaashu aanay ku codayn kaarar aanay lahayn, inkasta oo deegaannada oo dhan qalabkaas aan la wada dhigi doonin.

Arrintan oo muddo khilaaf ka taagnaa ayey xisbiyada iyo komiishanku ku heshiiyeen bishii August ee sanadkan.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf ayaa sheegay in qalabkan casriga ah uu yahay mid gacan ka geysanaya hubinta cod-bixiyaha.

“Doorashada waxaa ku cusub isticmaalka xaqiijinta codbixiyaha ama waxa afka qalaad lagu yiraahdo (Biometric) oo gacan ka geysanaya xaqiijinta codbixiyaha,” ayuu sheegay Muuse.

Waxaa uu xusay guddoomiyaha in si gaar ah qalabkan xaqiijintiisa loogu isticmaali doono indhaha codbixiyaha oo laga qaaday xilligii diiwaangalinta.

“Waa nidaam la isticmaalayaa bu’da isha si loo xaqiijiyo codbixiyaha ka hor inta aanu codeyn marka qalabkan ayaa ku cusub sanadkan doorashada,” ayuu intaa ku daray.

Goobo doorashooyinkii hore ay ka dhaceen oo aan laga codeyn doonin imika

Waxa xusid mudan in doorashada Somaliland ee sanadkan aysan ka dhaceyn goobo ay ka dhacday doorashadii tan ka horeysay.

Waxaa ka mid ah goobaha aysan sanadkan ka dhaceyn magaalada Laascaanood iyo magalooyin kale oo ay doorashada ay horey uga dhaci jirtay.

Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii uu dagaal ka dhacay magaalada Laascaanood islamarkana lagala wareegay Somaliland.

Ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaad deegaanka ah ayaa wuxuu dagaal ku dhex maray Laascaanood billowgii bishii February ee sanadkii hore.

Laascaanood waxaa imika ka jira maamul cusub oo la magac-baxay Khaatumo.

Ammaanka doorashada oo la adkeeyay

Waxaa sanadkan si ka duwan sidii hore aad loo adkeeyay ammaanka goobaha ay doorashada ka dhaceyso.

Waxaa si gaar ah ammankooda loo adkeeyay goobaha laga cabsi qabo ammaankooda doorashada ay qalqal gasho.

Taliyaha Booliiska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale ayaa sheegay in ay diyaariyeen ciidamo heegan ah oo haddii ay amni daro dhacdo ka jawaaba.

“Waxaan diyaarinnay ciidan heegan ah iyadoo dee marka la codeynayo lagu talagalayo in ay amni darro iman karto, ciidan heegan ah oo ka jawaaba wixii amni daro ah ee yimaada” ayuu yiri taliyaha.

Waxaa xusid mudan in sidoo kale qeyb ka mid ah militariga ay ka qeyb qaadanayaan sugidda amniga doorashada Somaliland oo waxaa loo diyaariyay ciidamo militari ah oo kor u dhaafaya 2,500 oo askari.

Taliyaha militariga Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo dhawaan hadal jeediyay ayaa isna sheegay in inkastoo amniga gudaha ay booliiska leeyihiin hadana ay gacan ka siinayaan sugidda amniga doorashada maaddaama sida uu yiri aysan ku filnayn booliiska.

“Horta guud ahaan arrimaha gudaha waxaa lahaa booliiska maadaama ay ka bateen goobaha booliiska, wuxuu booliisku na waydiistay inaan caawino ka dib waan caawinay, ciidanka qaranak waxaa uu qeyb ahaan u helay 2,629 askari oo ka howlgalaya ciidanka qaranka.” ayuu yiri Taani.

BBC

Waa kuma xoghayaha cusub ee arrimaha dibedda ee maamulka Donald Trump?

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu u magacaabo Senetor-ka gobolka Florida Marco Rubio inuu noqdo xoghayaha arrimaha dibadda, waxaa sidaas habeenkii Isniinta weriyey wargeyska New York Times.

Waxa ay soo xigatay saddex qof oo sheegay in go’aanku aanu ahayn mid kama dambays ah, balse Trump uu u muuqdo in uu ku saldhigtay Rubio, oo ahaa nin daacad u ah oo uu Trump la dhaafay xilka ku-xigeenkiisa madaxweyne.

Rubio ayaa si joogta ah loogu sheegayey toddobaadkii tegay inuu yahay mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad ee hogaaminta diblomaasiyadda Mareykanka, isaga oo uu weheliyo safiirkii hore ee Jarmalka, Ric Grenell.

Waxa uu noqon doonaa naqshadeeye muhiim u ah siyaasadda arrimaha dibedda Trump ee “Mareykanka Kow”, iyadoo Trump uu ballanqaaday inuu soo afjarayo dagaallada ka socda Ukraine iyo Bariga Dhexe oo uu ka fogaado in militariga Mareykanka ay dagaal ku lug yeeshaan.

Magacaabista Rubio, oo ah nin aaminsan siyaadaha adag ee dagaal, asal ahaanna qoyskiisa kasoo jeedaan Cuba, ayaa ka dhiggan isbeddel weyn oo ku yimid xiriirkiisa Trump.

Sannadkii 2016, markii ay u tartamayeen magacaabista madaxweynaha ee xisbiga Jamhuuriga, Rubio waxa uu Trump ugu yeeray “khiyaanoole” iyo “qofka ugu dhaqanka xun ee abid u hanqal taaga madaxtinimada.”

Trump ayaa isna wuxuu Rubio ku liiday oo uu ugu yeeray “Little Marco” isaga oo ku sheegay mid dhidida ama soo marsada walxaha la isku qurxiyo marka uu ka soo muuqanayo taleefishinka.

Rubio ayaa markii ugu horeysay ku caan baxay siyaasad arrimo dibad, oo uu aad uga soo horjeeda Cuba iyo xulufadeeda bidixda ee Latin America, gaar ahaan Venezuela.

Waxa uu kadib noqday mid ka mid ah Senatarrada sida aadka ah uga soo horjeeda Beijing, isaga oo u arka China mid khatar weyn ku ah danaha Mareykanka.

Rubio oo magaalada Miami ugu dhashay qoys Cuban ah, waxa uu 1993-kii shahaadada cilmiga siyaasadda ka qaatay Jaamacadda Florida.

Waxaa markii ugu horreysay Senate-ka Mareykanka loo doortay 2010, ayada oo ololihiisa uu taageero xooggan ka helay Tea Party oo aheyd koox midig-fog oo ka dhex sameysantay Xisbiga Jamhuuiga kadib markii Barack Obama loo doortay madaxweynaha Mareykanka.

NISA oo howlgal ku dishay Shabaab badan, kadib gubtay…

0

Galcad (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA) ayaa waxaa looga hadlay howlgal culus oo xalay ka dhacay duleedka degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkaas lagu khaarijiyey ugu yaraan illaa 23 ka tirsanaa Khawaarijta oo ku sugnaa deegaanka Dharaarwey oo hoostaga magaalada Galcad.

Sidoo kale Hay’adda Nabad-sugidda ayaa tilmaamtay inay gubtay saddex gaari oo ay lahaayeen Al-Shabaab, kuwaas oo uu mid kamid ahaa baabuur Cabdi Bile ah.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa xalay fuliyay howlgal lagu dilay in ka badan 23 Khawaarij ah, sidoo kalena lagu burburiyay gaadiid ay wateen, howlgalkaas ayaa ka dhacay deegaanka Dharaarweyn ee hoos taga magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedk kasoo baxay NISA.

Hay’adda ayaa sidoo kale intaasi kusii dartay inay ku raad joogto xubno kale oo firxad ah, kana tirsan kooxda Al-Shabaab, si loo soo afjaro.

Xaaladda deegaanka uu howlgalka ka dhacay ayaa hadda deggan, waxaana ciidamada weerarka qaaday ay dib ugu soo laabteen degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Gobollada dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca dagaallo iyo duqeymo xoogan oo is barbar socda.