24.9 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Sawirro: Muuse Biixi iyo wakiilada caalamka oo maanta kulmay + Ujeedka

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xarunta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay qaar kamid wakiilada caalamka.

Wakiilada uu Muuse Biixi la kulmay ayaa waxay kala yihiin safiirada dalalka, Uk, EU, Denmark, Sweden, Switzerland, Norway, Czech Republic iyo France oo goob-joogayaal ka ahaa doorashadii shalay ka dhacday Somaliland.

Waxay dhammaantood ka markhaati kaceen sida waayo aragnimada leh ee ay shacabka u muujiyeen hannaanka dimuquraadiga ah ee ay u dhacday doorashadii shalay ay u dareereen shacbiga Somaliland.

Doorashada shalay ayaa waxaa loogu codaynayay axsaabta ururada, saddexda xisbi qaran iyo murashixiinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka shanta sanno ee soo socota.

Waxay hambalyo iyo bogaadin u direen bulshada reer Somaliland oo ay ku tilmaameen shacbi bisil oo ay tahay inay wax ka bartaan dalalka Afrika iyo caalamkuba, sida nabad-gelyada iyo waayo aragnimada leh ee ay u dhiibteen codkooda.

Mudane Biixi ayaa waxa kulankan ku wehlinaayey wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, Dr Ciise Keyd iyo Ergeyga gaarka ah ee wada-hadalada Marwo Adna Aadan.

Dhinaca safiiradda iyo dublamaasiyiintuna waxay kala ahaayeen, safiirka dalka UK Amb. Mike Nithavrianakis iyo diblumaasi Ilyas Malek, safiirka dalalka Midowga Yurub Amb. Karin Johanson iyo diblumaasi Thomas Kieler, safiirka dalka Denmark Amb. Steen Sonne Andersen iyo safiir ku’xigeenkiisa Amb Gertrud Birk, Safiirka Sweden Amb. Joachim Waern iyo diblumaasi Johan Svenson, safiirka dalka Switzerland Amb. Mirko Giuletti iyo diblamaasi Natalie Frei.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa safiirka dalka Norway Einar Rystad iyo diblumaasi Narve Rotwitt, Safiir ku xigeenka dalka Czech Republic Amb. Miroslav Balint, Safiirka Dlaka France Lucile Carrez iyo diblumaasi Mohamed Sahardiid Raage oo ah la-taliyaha arrimaha ganacsiga.

Yaa si buuxda ula wareegay awoodda Congress-ka Mareykanka?

0

Washington (Caasimada Online) – Jamhuuriyiinta ayaa lagu dhowaaqay in ay ku guuleysteen aqlabiyadda Aqalka Wakiilada Mareykanka, ayaga oo dhameystiray isku mar ay kula wareegeen awoodda Aqalka Cad iyo Congress-ka Mareykanka, una gacan gelinaya madaxweynaha cusub Donald Trump awood sharci-dejin.

Ka dib in ka badan toddobaad tirin codadka ah, CNN iyo NBC ayaa saadaaliyay in xisbiga Trump uu gaaray 218-ka kursi ee loo baahan yahay si ay u sii haystaan aqlabiyadda aqalka hoose ee ka kooban 435-ka kursi, iyagoo horey ugala wareegay Senate-ka xisbiga Dimoqraadiga.

“Waa subax aad u qurux badan Washington. Waa maalin u cusub Ameerika,” ayuu yiri afhayeenka Aqalka Wakiilada Mike Johnson, oo qabtay shir jaraa’id oo uu ugu dabaaldegayo guusha Talaadadii ka hor inta aysan natiijadu noqon mid rasmi ah.

Qoraxdu way ifaysaa, taasina waxay ka tarjumaysaa sida aynu dhammaanteen dareemayno, wakhtigani waa wakhti aad iyo aad muhiim ugu ah dalka, uma qaadaneyno si fudud.”

Trump ayaa ku guuleystey gobol kasta oo ka mid ahaa 7-dii gobol ee aadka loogu loolamaya ama loo yaqaan Swing States doorashadii madaxtinimo ee November 5, waxaana uu sidoo kale uu u muuqdaa in uu ku guuleystey codadka guud ee qaranka.

Ayada oo tirooyinka horudhaca ah ay muujinayaan in uu kaga horeeyo musharraxa xisbiga Dimuqraadiga Kamala Harris 3.2 milyan oo cod.

Haysashada labada aqal ee Congress-ka waxay u xaareysa dariiqa uu ku xaqiijin karo magacaabistiisa jagooyinka maamulkiisa ee muhiimka ah, waxayna sidoo kale u oggolaan doontaa inuu ku riixo ajandihiisa xagjirka ah ee masaafurinta ballaaran, canshuur dhimista iyo baabi’inta sharciyada qaar.

Luminta Aqalka Wakiilada ayaa daminaysa rajo kasta oo Dimoqraadiyiinta ay ka qabeen in ay awood u yeeshaan in ay hor istaagaan ajandaha Trump.

Dhinaca kale, xubnaha Jamhuuriga ee Senate-ka ayaa u doortay John Thune, inuu noqdo hogaamiyaha cusub ee aqlabiyadda, iyagoo codbixin sir ah ku diiday Rick Scott oo taageero ka haystay Trump.

Sababta ka dambeyso in la eryo agaasimihii hay’adda dhowrista xogta ee DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Macallin (Soomaali) ayaa shaqadii ka joojiyay agaasimihii kumeel gaarka ee hay’adda dhowrista xogta, Maxamed Axmed Cali (Royal)

Wareegto kasoo baxday xafiiska wasiir Maxamed Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay shaqo ka caryinta maareeyaha oo loo jeediyay eedeymo culus.

Maxamed Soomaali ayaa howlwadeennada kale ee hay’adda ku wargeliyay in shaqadii laga joojiyay maareeyahooda, laga bilaaabo 13 Novermber, 2024 oo shalay ku beegneyd.

“Wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda, kadib markii uu arkay qodo. 102aad ee dastuurka ku meelgaarka ah ee JFS, wuxuu idin ku wargelinayaa shaqo ka joojinta maareeyaha KMG ee hay’adda dhowrista xogta Mudane Maxamed Axmed Cali laga bilaabo 13 Novermber, 2024” ayaa lagu yiri warqadda lagu ereyay maareeye Maxamed Royal.

Sababta ayaa waxaa wasiirku uu ku sheegay in agaasime Maxamed Axmed Royal uu diiday talooyin la xiriira mas’uuliyaddiisa oo lasiiyay iyo inuu gudan waayay shaqada hay’adda.

“Wuxuu fulin waayay talooyin badan oo ku saabsan toosin masuuliyadeed iyo gudashada waajibaadka hay’adda, islamarkaana uu ku kacay falal lagu curyaaminayo habsami u socodka hay’adda, kana baxsan hab-dhaqanka saraakiisha sarsare ee dowladda” ayaa lasii raaciyay.

Sidoo kale waxaa la faray maareeye ku xigeenka hay’adda dhowrista xogta, Mudane Daud Abdi Husein uu sii qabto xilkan, inta laga soo magacaabayo maareeyaha cusub.

“Haddaba waxaa la farayaa ku-xigeenka maareeyaha guud ee hay’adda Mudane Daud Abdi Husein inuu noqdo ku-simaha cusub ee maareeyaha guud ee hay’adda inta laga soo magacaabayo maareeyaha guud ee hay’adda” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Tallaabada ayaa kusoo aadeyso, iyada oo maalmihii ugu dambeeyay maareeyaha la eryay uu boggiisa baraha bulshada kusoo qorayay eedeymo ka dhan hoggaanka Villa Somalia.

Jubbaland oo jawaab ka bixisay weerar ASKAR looga dilay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Jubbaland ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kadib markii  maleeshiyaadka kooxda ay weerar ku qaadeen deegaanka Buulo-xaaji, kaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ciidamada daraawiishta ayaa saaka isku fidiyay aagga Buulo-xaaji, waxayna beegsadaan goobo lagu tuhamayay maleeshiyaadka Al-Shabaab, si ay uga jawaabay weerarka.

Howlgalka oo weli sii socda ayaa lagu warramayaa in ay barbar socdaan iska hor imaadyo ay kala kulmayaan xubnaha Al-Shabaab oo weli ku xoogan halkaasi.

Saraakiisha ciidanka Jubbaland waxa ay sheegeen inay sii dhaqaaqi doonaan, si kooxda looga fogeeyay aagga magaalada Buulo-Xaaji oo dhawaan uun laga xoreeyay.

Weerarkii shalay oo ahaa mid xoogan ayaa Al-Shabaab waxa ay sheegeen inay ku dileen 3 askari, kuna dhaawaceen 9 kale, balse ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Jubbaland.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalladan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay dagaalka keli ku noqdeen ciidamada Jubbaland, kadib markii dhowaan maamulka uu sheegay in ciidamada dowladda ay kasoo baxeen furimaha hore, iyaga oo arrintaas ku eedeeyay hoggaanka Villa Soomaaliya.

Jubbaland iyo dowladda dhexe ayaa waxaa haatan soo kala dhex-galay khilaaf salka ku haya doorashooyinka, kaas oo sababay in Jubbaland ay xiriirka u jarto dowladda dhexe.

DF Soomaaliya oo gashay heshiis cusub oo xal loogu raadinayo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta heshiis cusub la gashay hay’adda Global Center for Climate Mobility, waxaana heshiiskan saxiiday wasiirka deegaanka iyo isbeddalka cimilada Marwo Khadiija Al-Makhzoumi.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda deegaanka ayaa waxaa lagu sheegay in heshiiskan uu la xiriira raadinta xalka waara ee adkeysi u leh Soomaaliya.

“Heshiiskan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca horumar waara oo adkaysi leh oo Soomaaliya ku habboon” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda.

Sidoo kale iskaashigan cusub wuxuu ahmad siinayaa awood siinta bulshooyinka u nugul  deegaanka, iyadoo la hubinayo badbaadada iyo wax ku oolnimada istaraatiijiyadda la qabsiga isbeddelka cimilada ee dalka.

Waxaa kale uu heshiiskan uu maalgelin doono mashaariic gaar ah oo ka turjumaya baahiyaha dadka, isla markaana lagu xoojinayo maamulka maxalliga ah si loo dhiso kalsooni iyo iskaashi bulsho oo xooggan.

Wasaaradda deegaanka ayaa muddooyinkan wadday dadaallo guud oo hormarin ah, waxaana wasiir Khadiija ay soo gashay dhowr heshiis oo muhiim ah.

Hoos ka daawo saxiixa heshiiska iyo sawirrada:-

Daawo: Hirgelinta qorshaha Villa Somalia oo ka bilowday Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada waxaa si rasmi ah uga bilowday hirgelinta qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay ka taagan tahay xiisad xoogan.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa bilaabay dadaal xoogan oo ku aadan meel-marinta qorshaha Villa Soomaaliya, waxaana degmooyinka ka bilowday dhaq-dhaqaaq xoogan.

Guddoomiyaha maamulka degmada Yaaqshiid Suleymaan Maxamuud Fargax oo kulan la qaatay bulshada ku dhaqan xaafadda Towfiiq ayaa kala hadlay arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan sidii ay dalka uga dhici lahayd qof cod, wuxuuna sheegay inay u diyaar garoobaan, si ay kaalintooda u qaataan.

“Maanta waxay mareee codkaaga ku ciil bax, waa inaan u diyaar garownaa doorasho qof iyo cod ah, reer Towfiiqna ay ku ka noqdaan” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Yaaqshiid.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Guddoomiyaha degmada waa inaad amri kartaa oo dhihi kartaa maxaa i qabatay anaa shalay codkeyga kuugu keenay maxaad degmadaan kusoo kordhisay?”.

Fargax ayaa sidoo kale u jawaabay xubnaha mucaaradka ee diiday doorashooyinka qof iyo codka ah, wuxuuna tilmaamay in aan loo joojin doonin, horana loo sii socon doono.

Annaga lix qof todobo qof miyaan xabsi ugu jireynaa waxaa la rabaa Soomaali in shacabka loo soo celiyo awoodda degmadaan Yaaqshiidna ay ka bilaabato illaa dalka oo dhana ay gaarto”. ayuu mar kale yiri guddoomiye Suleymaan Maxamuud Fargax.

Horay sidaan oo kale waxaa arrimaha doorashooyinka uga hadlay guddoomiyaha degmada Kaaraan Faarax Cadaani oo sheegay in degmadiisa ay kow ka noqon doonto qof iyo cod.

Soomaaliya ayaa waxaa ka taaganxiisad culus oo ka dhalatay sida loo wajahayo doorashooyinka soo socda, waxaana qorshaha Villa Soomaaliya ee qof iyo cod diidan Jubbaland, Puntland iyo sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Muqdisho.

Si kastaba, waxaa arrinta ay hadda u gudubtay baarlamaanka Soomaaliya oo guda galay doodda la xiriira doorashooyinka iyo xeerarkooda, isaga oo kasoo saari doono go’aan rasmi ah.

Wararkii ugu dambeeyay natiijada doorashada SOMALILAND – Yaa ku horreeya?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Somaliland ayaa sheegaya in weli ay socoto tirinta codadka doorashadii shalay ka dhacday deegaannada maamulkaasi, taas oo si weyn loo sugayo natiijadeeda.

Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa codadkooda dhiibtay shacabka Somaliland oo soo dooranayo madaxweynaa cusub ee maamulkaasi.

Saddexda xisbi ee Somaliland Kulmiye, Wadani iyo UCID ayaa ku tartamay doorashadan, waxaana u kala sharaxan Muuse Biixi, Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in natiijada hordhaca ah ee illaa iyo hadda la helay uu ku horreeyo musharaxa xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro oo haysta in ka badan 60% codadka la dhiibtay, halka uu kaalinta 2-aad ku jiro madaxweynaha hadda talada haya Muuse Biixi oo ka socda xisbiga Kulmiye.

Sidoo kale ururada siyaasadda Kaah iyo Horseed ayaa iyaguna natiijo wanaagsan ka ka helay codadkii la dhiibtay, waana laba urur oo ku cusub saaxadda siyaasadda Somaliland.

Weli waxaa sii soconaya tirinta codadka, waxaana go’aanka ugu dambeeyay ee natiijada doorashada laga sugayaa guddiga doorashada Somaliland oo haatan haya shaqo adag.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Xaaji Yuusuf oo la hadlay BBC ayaa sheegay in natiijada degmo iyo goob kasta oo codka laga dhiibtay ay ku soo baxi doonto laba maalmood gudahood.

“Guud ahaan isu gaynta natiijooyinkaas kala duwan ee heer goobeed, heer degmo iyo heer gobol, waxay qaadan doonaan toddobo cisho,”ayuu yiri guddoomiye Muuse.

Si kastaba, Somaliland waa maamulka kaliya ee qabta doorasho qof iyo cod ah, isla markaana shacabka ay soo doortaan hoggaankooda, taas oo aad loogu boggaadiyo.

Xog: Kenya oo ku soo baxday xiisadda Jubaland iyo DF + Shuruudaha labada dhinac

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa si cad u diiday dalab uga yimid Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, sida ay ilo wareedyo xog ogaal ah u xaqiijiyeen Caasimada Online, waxaa waan-waanta Axmed Madoobe Muqdisho keenay Taliyaha Sirdoonka Kenya.

Axmed Madoobe ayaa codsaday in la joojiyo dhaqdhaqaaqa shuruucda doorashooyinka ee baarlamaanka Soomaaliya uu wado, isagoo balan qaaday in doorashada Jubbaland uu haki doono, isla markaana uu ogolaanayo in wadahadal uu la galo madaxda dowladda federaalka.

Axmed Madoobe ayaa farriintaan u soo dhiibay wafdi ka socda dowladda Kenya oo Taliyaha Sirdoonka Kenya Nuuradiin uu hoggaaminayo, wafdiga oo yimid Muqdisho ayaa xalay la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa, balse wax natiijo ah kama soo bixin kulamadii dhacay.

Kulanka xalay ka dhacay Muqdisho waxaa ka horeeyey kulamo wafdigaan ka socda dowladda Kenya ay la soo qaateen madaxweyne Axmed Madoobe, si loo qaboojiyo xiisadda Jubbaland iyo DF oo salka ku heysa doorashada Jubbaland.

Sida aan xogta ku helnay wafdiga Kenya ka socda ayaa Axmed Madoobe ka codsaday in wax tallaabo ah uusan qaadin ilaa inta xal looga helayo xiisadaan ama ay ka baxayaan dhexdhexaadinta, arrintaasna waa aqbalay Madaxweynaha Jubbaland.

Sidoo kale wafdigaan ayaa dowladda federaalka ka codsaday inay joojiso wax kasta oo ku saabsan doorashada Jubbaland, inta ay socoto shaqada duexdhexaadinta ah oo ay bilaabeen.

Taliyaha Nabad Sugidda Kenya oo wafdigaan hoggaaminaya ayaa Xasan iyo Xamse u sheegay in guddigii uu magacaabay Axmed Madoobe aysan wax talaabo ah qaadi karin, sida laga soo balan qaaday, ilaa inta arrintaan ay dhinac u dhaceyso.

Intii ay socdeen kulamada madaxda dowladda federaalka iyo wafdiga ka socda Kenya, waxay Xasan iyo Xamse ku adkeysteen in dalkaan ay ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah, iyagoo hoosta ka xariiqay in aysan wax kale aqbali doonin.

Caasimada Online oo baaritaan ku sameysay damaca ku jira labada dhinac ayaa ogaatay labo arrin.

1-In dowladda federaalka ay ka go’antahay in dalka oo dhan ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo doorasho dadban aan dib loogu laaban, hadii taas Axmed Madoobe ogolaadana ay suurtagal tahay inay kala shaqeyso in Axmed Madoobe talada ku soo laabo, balse shuruudaas in la fuliyo ay muhiim u tahay dowladda.

2-Axmed Madoobe ayaa doonaya in damaanad qaad rasmi ah oo adag la siiyo in hadii uu ogolaado qorshaha dowladda federaalka ay kala shaqeyneyso inuu ku soo laabto kursiga.

Dhinacyo kala duwan oo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in kulamadaan ay suurtagal tahay in natiijo laga gaaro oo dhinacyadu ay wax isku raacaan, maadaama Kenya oo saaxiib dhow la ah Jubbaland ay ku jirto xal u raadinta xiisadaan.

Mareykanka oo 30 sano ku xukumay laba Soomaali ah oo horey xilal u soo qabtay

0

Minneapolis (Caasimada Online) – Laba nin oo Soomaali ah oo lagu kala magacaabo Abdi Yuusuf Hassan iyo Mohamed Tahlil Mohamed ayaa waxaa lagu xukumay min 30 sano oo xabsi ah kadib markii lagu eedeeyay in ay afduubteen suxufi Maraykanka ah sanadkii 2012-kii, sida ay sheegtay Waaxda Cadaaladda Maraykanka.

Abdu Yusuf oo ah 56 jir ku sugan magaalada Minneapolis ee dalka Marayknaka iyo Mohamed Tahlil oo reer Muqdisho ah ayaa waxaa lagu soo oogay dacwado ay ka mid ahaayeen afduub, argagixisanimo iyo danbiyo hub loo adeegsaday, kuwaas oo sababay in 977 maalmood ay qafaal ku haystaan suxufi Maraykan ah gudaha Soomaaliya.

Labada nin ayaa waxa la sheegay in ay xilal ka hayeen dowladda Soomaaliya ayna si xun u isticmaaleen boosaskii ay hayeen.

Sida ay muujiyeen cadeymihii la keenay dhagaysiga dacwadda, Michael Scott Moore oo ah suxufi madaxbanaan oo Maraykan ah ayaa waxa uu u safray Soomaaliya si uu xog baaris ugu sameeyo arimaha burcadda Soomaaliya iyo sidoo kale dhaqaalaha dalka.

Mar ay taariikhdu ahayd bishii Janaayo 21-keedii sanadkii 2012-kii, ayaa Moore gaadiid ku safraya meel u dhow magaalada Galkacyo waxaa hareereeyay rag ku hubaysnaa qoryaha fudud iyo qoriga loo yaqaano sabanka (RPG). Ragga ayaa la sheegay in Moore ay ka soo dajiyeen gaariga kadibna ay garaaceen lana dhaceen qoryihii ay wateen. Gaari kale ayay kuu riteen waxayna la aadeen jiho kale, halkaas oo ay horay ugu heysteen laba nin oo kale oo ahaa kaluumeysato u dhalatay Seychelles.

Waxa la sheegay xilligaas kadib in Moore ay ku haysteen raggaais meel kala duwan oo Soomaaliya ah una dhow magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, halkaas oo ay ku hayeen muddo lagu qiyaasay ilaa saddex bilood.

Bishii April ee sanadkaas ayaa waxa la sheegay in Moore ay kooxihi I haystay ay u wareejiyeen doon u afduubneed iyaga oo magaceedu ahaa F/V Naham III, halkaas oo uu kula kulmay shaqalaahii doonta oo iyaguna qafaalnaa, tiradooduna ahayd ilaa 28 ruux oo u kala dhashay Vietnam, China, Philippines, iyo Taiwan.

Moore waxa uu xilligaas ogaaday in kooxdii gacanta ku haysay oo ahayd burcad badeed in ay dileen kabtankii waday doontaas, maydkiisana ay galiyeen talaagada wax qaboojisa ee doonta.

Waxaa la sheegay in Moore gacanta lagu hayay ilaa iyo bishii August ee sanadkii 2012 kii.

Intaa ka dib ayaa la sheegay in suxifiga ay dhowr qolo isku wareejiyeen gacan ku hayntiisa muddo laba sanadood ahay.

Xilliga la haystay ayaa la sheegay in dadka uu u afduubnaa ay kú hayeen guryo aamin ah, habeenkiina ay silsiladeyn jireen si uusan uga fakan, sidoo kale waxay ku hareereyn jireen rag aad u hubaysan oo marwalba ugu hanjabi jiray in ay dili doonaan.

Sidoo kale Moore waxa uu sheegay in marar kala duwan ay ku qasbeen kooxdu in uu duubo muuqaalo uu ku muujinayay in uu nool yahay kuwaas oo ku codsanayay in ay la dhiibo lacag madaxfurasho ah oo ay dalbanayeen burcaddu.

Bishii September ee sanadkii 2014 kii kadib markii la bixiyay madaxfurashadii ay dalbadeen dadkii haystay ayay sii daayeen oo siiyeen xoriyadiisa.

Sida ay sheegtay Waaxda Cadaaladda ee Maraykanka Hassan iyo Mohamed oo ah ragga la xukumaya “ayaa waxay kaalin muhiim ah ka qaateen afduubkii lagu haystay Moore”.

Hassan oo noqday muwaadin Maraykan ah ayaa waxaa uu horay u soo noqday wasiirka arimaha gudaha ee Galmudug tii jirtay sanadkii 2012-kii. Dhanka kale Maxamed ayaa waxay sheegtay waaxda Cadaaladda ee Maraykanka in uu ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliya kaas oo korjoogto u ahaa kooxdii haysatay Moore.

Kaaliyaha Xeer ilaaliyaha guud Natthew G. Olsen, Xeer ilaaliya Damian Williams oo ka howlgala degmada koonfureed ee New York iyo Kaaliyaha sare ee Agaasimaha FBI da laanteeda Amniga Qaranka Robert Wells ayaa ku dhawaaqay kiiska.

Xaafiiska FBI da ee Boston iyo Minneapolis ayaa waxa uu baaritaan ku sameeyay iyaga oo caawimaad ka helaya Waaxda Adeegga Amni ee Diblumaasiyadda.

TRUMP oo xilal u magacaabay siyaasiyiin daacad u ah

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadi magacaabay qaar ka mid ah xubnaha golahiisa wasiirrada ee soo socda, kuwaas oo dhammaantood ka mid ah siyaasiyiinti daacawadda u ahaa, hase yeeshee lagu tilmaamay kuwo aanan khibrad u laheyn jagooyinka uu u magacaabay.

Tallaabadaas ayaa ka yaabsatay qaar ka mid ah xulufadiisa midigta, iyada oo ay dadka lafa gura siyaasadda Mareyka ay ku tilmaameen sida ay dhab uga tahay Trump ballan qaadkiisii ahaa in uu dib u qaabeyn doono hey’adaha dowladda federaalka.

Trump ayaa Wasiirka Caddaaladda u magacaabay Matt Gaetz oo ah 42 jir ka tirsan Koongareeska Mareykanka lagana soo doorto degmada koowaad ee gobolka Florida. Matt oo horay u soo noqday garyaqaan ayaanan waligiis kasoo shaqeyn Waaxda Caddaaladda.

Trump wuxuu sidoo kale shalay haweeneyda lagu magacaabo Tulsi Gabbard u magacaabay Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka Qaranka. Tulsi, oo horay u aheyd mudane Dimoqraadi ah oo ka tirsan Koongareeska balse isu baddashay Jamhuuri, ayaanan laheyn khibrar toos ah oo dhanka mukhaabaraadka Mareykanka, hase yeeshee maamuli doonta hey’addaan oo ay hoos yimaadaan ilaa 18 laamood oo ka mid ah hey’adaha sirdoonka Mareykanka.

Talaadadi, Trump ayaa wariye ka tirsan telefishanka Vox News, Pete Hegseth u magacaabay Wasiirkiisa Difaaca ee soo socda. Sidoo kale Senator Marco Rubio ayuu u magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa xilka la wareegi doona 20-ka bisha January ee sannadka foodda nagu soo haya ee 2025-ka.

Daawo: Taliyihii xilka laga qaaday ee xoogga dalka oo hal arrin ku amaanay Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Sahal Cabdullaahi ayaa caawa xilka kala wareegay taliyihii hore Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle.

Taliyihii xilka laga qaaday ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxuyidiin oo hadal ka jeediyey xafladda xil wareejinta ayaa is bedelkaan uga mahadceliyey madaxweyne Xasan Sheekh.

“Waxaan aad ugu mahad naqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo soo magacaabay Taliyaha Xoogga iyo Taliyaha dhulka oo aan aamin sanahay inay yihiin rag dhalinyaro ah oo aad u fir fircoon” ayuu yiri Jeneraal Ibaarim Sheekh.

Taliyaha ayaa sheegay in saraakiishaan ay u muuqdaan kuwo dhiig cusub ku shubi kara halganka dalka looga xoreynayo Khawaarijta, maadaama ay yihiin dhalinyaro firfircoon oo horay u soo hoggaamisay ciidanka.

“Ciidanka xoogga dalka waa in goor kasta la garab istaago, shaqada maanta dalkaan ay ka hayaan waxaa muuqata inay ku guuleysteen,” ayuu yiri Taliye Ibraahim.

Wuxuu sheegay in Ciidanka Xoogga ay dagaal saf balaran ah uga jiraan Gaalkacyo ilaa Raaskambooni – Jubbaland, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyey in waqti dhow dalka looga xoreyn karo Al-Shabaab.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa caawa ka dhacday Talis cusub oo ciidanka dhulka ee xoogga dalka uu yeeshay oo ku yaalla Kuliyadda Jaalle Siyaad.

Jeneraal Dayax oo caawa xilka wareejiyey ayaa toddobaadkii hore xarigga ka jaray xaruntaan oo la dhisay intii uu xilka hayey, balse nasiib uma yeelan inuu ku shaqeeyo.

Hoos ka daawo

Goorta lasoo saarayo natiijada doorashada Somaliland oo la shaaciyey

0

Hargeysa (Caasimada Online) –Dadweynaha Somaliland ayaa saakay u dareeray doorasho is huwan oo si weyn isha loogu hayo, taasi oo soo idlaaneysa caawa fiidka hore, xilka Madaxweynaha waxaa u tartamaya Muuse oo ka socda Xisbiga Kulmiye, Cabdiraxmaan Cirro oo ka socda Xisbiga Waddani iyo Faysal Cali Waraabe oo ka socda xisbiga Ucid.

Sidoo kale waxaa jira ilaa toddobo urur siyaasadeed oo kale oo u tartamaya sidii ay uga mid noqon lahaayeen saddexda xisbi ee la doonayo in ay ka soo baxaan doorashadaan Xisbiyada, si ay sal ugu noqdaan jaangoynta arrimaha Somaliland.

Dadka ayaa xilli hore sii tagay goobaha codka laga dhiibanayo, waxaana qaar ka mid ah ay warbaahinta u sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin codeyntaan, isla markaana muddo ay sugayeen in madaxdooda ay soo doortaan.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Xaaji Yuusuf ayaa warbaahinta u sheegay in natiijada degmo iyo goob kasta oo codka laga dhiibtay ay ku soo baxi doonto laba maalmood gudahood.

Markii natiijada degmooyinka ay soo baxdo waxaa loo gudbayaa heer gobol, kadiba ilaa xarunta dhexe ee guddiga.

“Guud ahaan isu gaynta natiijooyinkaas kala duwan ee heer goobeed, heer degmo iyo heer gobol, waxay qaadan doonaan toddobo cisho,”ayuu yiri guddoomiye Muuse oo la hadlay Idaacadda BBC.

Toddobadaas cisho halka ay wax marayaan waxaa lagala soconayaa warbaahinta, sida uu guddigu ka balan qaaday shacabka Somaliland.

Murashaxiinta Madaxweynaha ee tartamaya oo hadlay ayaa cadeeyey in ay aqbali doonaan markii ay soo baxdo natiijada doorashada.

Dadweynaha codkooda dhiibanaya waxay rajeynayaan horumar, waxayna ku taamayaan inay soo doortaan madax ku hoggaamisa fursado waxbarasho, caafimaad, biyaha nadiif ah iyo baahiyo kale oo ka jira Somaliland.

Walaaca kororka ciidamada ITOOBIYA ee ku sugan Soomaaliya oo sii kordhaya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka ayaa kordhay, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ciidamada Itoobiyaanka ee haatan ku sugan Soomaaliya ayaa gaaray ku dhawaad 10 kun oo askari, iyadoo saddex meelood meel kaliya ay qeyb ka yihiin howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS.

Tan ayaa ka dhigan in Itoobiya ay sidaas ku noqotay dalka ciidamada ugu badan ay ka joogaan gudaha Soomaaliya, sida ay muujineyso isku geynta ciidanka uga diiwaan gashan ATMIS iyo kuwa iskeed ay usoo galisay gudaha dalka.

Dalka 2-aad oo ah Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga wax ka yar 7 kun oo askari oo ka tirsan howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS.

Addis Ababa ayaa ayadu si iskeed ah ciidamo dheeraad ah usoo gelisay Soomaaliya, si ay u xakameyso weerar ay Al-Shabaab ku qaado Itoobiya, sida laga soo xigtay Machadka caalamiga ah ee Jarmalka (SWP) oo fadhigiisu yahay Berlín.

Ciidamada Itoobiya ee kasoo gudbaya xadka ayaa kordhay tan iyo markii ay Soomaaliya dhinaca saartay Masar, oo ayadu haatan ciidamadeedu kamid noqonayaan howl-galka cusub ee beddelaya ATMIS.

Dowladda Soomaaliya ayaa meel adag iska taagtay ciidamada Itoobiya ee ku howl-gala si ka baxsan sharciga Midowga Afrika, ayadoo dhawaan shaacisay in Itoobiya aysan kamid noqon doonin howl-galka cusub ee nabad ilaalinta, illaa ay ka laabato heshiiskii badda ee ay la gaartay Somaliland.

Si kastaba, tan ayaa kordhineysa walaaca laga qabo kororka ciidamada Itoobiya ee gudaha Soomaaliya, ayadoo uu horey madaxweyne Xasan Sheekh walaac uga muujiyay saameynta ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin gudaha dalka, dhaq-dhaqaaqooda hubeynta qabiilada.

BFS oo maanta ka dooday warbixin xasaasiya oo doorasho qof iyo cod ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-simaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo ay wehliyaan guddoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa shir guddoomisay kulanka wadajirka ee labada Aqal.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ahaa akhrinta labaad ee hindisaha xeerka dhisida guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga kumeel-gaarka ah ee labada Aqalka Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed ayaa mudanayaasha labada Aqal u aqriyay warbixinta akhrinta labaad ee hindisaha xeerka dhisida guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka iyo Soohdimaha.

Mudanayaasha labada Aqal ayaa dood ka yeeshay warbixinta guddiga, iyagoo aragtidooda ka dhiibtay qodobada dhismaha guddiga, xubnaha ay ka kooban yihiin, sida lagu soo xulayo iyo sidoo kale ilaalinta qoondada haweenka Soomaaliyeed.

Mudanayaasha labada Aqal ayaa isla gartay muhiimada uu guddigaan u leeyahay qaranka iyo hirgelinta doorashada qof iyo codka ee la filayo in guud ahaan dalka ay ka qabsoonto, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay kulankii maanta.

Kulanka wadajirka ee labada Aqal waxaa goobjoog ahaa wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cali Xoosh iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan easaaradda.

Ku-simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Sacdiyo Yaasiin oo kulanka soo xirtay ayaa sheegtay in guddiga wadajirka ee labada Aqal laga doonayo iney soo diyaariyaan warbixinta akhrinta saddexaad, islamarkaana talooyinka mudanayaasha baarlamaanka ku soo daraan dibna golaha ugu soo celiyaan.

Dhinaca kale, waxaa kulankii maanta lagu dhaariyay Senator Cabdiweli Ibraahim Garyare oo dhowaan loo doortay kamid noqoshada Golaha Aqalka Sare, wasiiru-dowlaha cusub ee wasaaradda qorsheynta Axmed Nuur Sheekh iyo weliba wasiir ku-xigeenka cusub ee wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare Cabdirashiid Maxamed Ducaale.

Wasiirka amniga iyo James Swan oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga gudaha XFS Cabdullaahi Fartaag ayaa kulan lagu xoojinayo amniga la yeeshay ku-simaha ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray iskaashiga dhinacyada amnig iyo sidii loo horumarin lahaa nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Intii kulanku socday labada masuul ayaq waxay isla soo qaadeen istiraatiijiyadda lagu xoojinayo iskaashiga amni ee u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray sidii loo taageeri lahaa hey’adaha amniga dalka iyo sidii looga adkaan lahaa kooxaha argigixisada ah ee khatarta ku haya xasilloonida dalka.

James Swan ayaa bogaadiyay dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku horumarinayso amniga, isagoo ballanqaaday in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya si loo gaaro yoolalka amniga iyo horumarka waara.

Wasiir Fartaag ayaa dhankiisa xusay muhiimmadda iskaashiga caalamiga ah, xoojinta amniga gudaha iyo sidii loo abuuri lahaa jawi nabdoon oo ay bulshada Soomaaliyeed ku horumari karto.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda howlgal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo wejigiisa hore lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan ay ka talinaysay kooxda.

Somalia iyo Masar oo dib u eegis ku sameeyay go’aanadii Asmara iyo Masar oo ku dhowaaqday…

0

Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya iyo Masar ayaa dib u eegis ku sameeyay go’aanadii kasoo baxay shirkii saddex geesoodka ahaa ee magaalada Asmara ku dhex-maray madaxweynayaasha Soomaaliya, Masar iyo Eritrea, bishii lasoo dhaafay ee October.

Wasiirradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Masar oo ku kulmay Riyadh ayaa ka wada-hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka, iyadoo Masar ay ku dhowaaqday markale in lama taabtaan tahay midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Masar Badr Abdelatty ayaa ku celiyay mowqifka Masar ee ku aaddan ixtiraamidda iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyada oo loo hoggaansamayo xeerarka caalamiga ah.

Sidoo kale wuxu caddeeyay sida ay Masar diyaar ugu tahay ka qayb qaadashada ​​howl-galka cusub ee Soomaaliya, kaas oo billaaban doona sanadka cusub ee 2025.

“Masar iyadoo gudaneyso mas’uuliyadda ka saaran nabadda iyo amniga gobolka si wafaaqsan mabaadi’da iyo axdiga QM iyo Midowga Afrika waxay diyaar u tahay ka qeyb qaadashada howlgalka cusub,” ayuu yiri wasiirka oo tilmaamay sida ay Masar uga go’an tahay ku garabsiinta xasilloonida.

Badr Abdelatty ayaa waxa kale oo uu sheegay in dalkiisu ka caawin doono Soomaaliya taageerida dhanka dib u dhiska hay’adaha amniga iyo militariga, si ay ugu guuleysato dagaalka ay kula jirto kooxaha argagixisada ah.

Kulamada mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo Masar ayaa xoogeysatay tan iyo markii ay Itoobiya heshiis dhanka badda ah la gashay Somaliland horaantii sanadkan, waxayna xukuumadda Qaahira si cad u sheegtay inay taageeri doonto ilaalinta midnimada Soomaaliya, iyadoo si adag uga hortimid is-afgaradkaasi.

Labada dal ayaa tan iyo markaas waxay gaareen heshiisyo dhanka difaaca ah, iyadoo Masar-na ay gudaha Soomaaliya keentay hub iyo saanad ciidan, kaas oo ciidamada xoogga dalka ka caawinaya dagaalka ay ku jiraan.

Sawirro: Taliye Asad oo kulan isugu yeeray saraakiisha Booliska, kadibna faray…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano) ayaa maanta kulan ballaaran isugu yeeray saraakiisha ciidanka booliska, isaga oo ka dhageystay warbixinno la xiriira amniga dalka.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa goobjoog ahaa inta badan saraakiisha booliska, kuwaas oo warbixin la xiriirta amniga u gudbiyay taliye Asad Diyaano.

Warbixinta ayaa si gaar ah uga hadleysa amniga caasimada, howlgallada ka socda iyo howlaha ay booliska u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa kulanka inta uu socday lagu falanqeeyay arrimo ay ka mid yihiiin, adkaynta amniga, dabar goynta Khawaarijta, hirgalinta saraynta sharciga.

Waxaa kale oo la isla qaaday in la dar dargaliyo  arimaha amniga,  iyadoo xooga la saarayo ku dhaqanka saraynta sharciga wacyigalinta shacabka si wadajir loogu istaago ilaalinta xasalinoonida  dalka.

Taliyaha booliska oo madasha ka hadlay ayaa faray saraakiisha amniga in ay laba jibaaraan shaqada ay u hayaan bulshada, waxaana uu tilmaamay in la joogteyn doono kulamada noocan oo kale ah ee looga hadlayo Amniga.

Maalmihii u dambeeyay booliska Soomaaliya ayaa waxa uu waday howlgallo amni xaqiijin ah, sidoo kalena looga hortegayay beegsiga ay Al-Shabaab u bilaabeen ganacsatada Muqdisho ee hoggaansamay amarka dowladda, isla markaana xirtay kaamirooyinka.

Maanta ayaa ugu dambeysay ciidamada ammaanka ayaa gacanta kusoo dhigay labada eedeysane oo loo haysto inay ganacsato ku dileen gudaha degmada Daarusalaam.

Rajada Muuse Biixi, tan C/raxmaan Cirro iyo Faysal ee doorashada Somaliland

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Deegaannada Somaliland waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay doorashada guud ee hoggaanka maamulkaasi, taas oo ah qof iyo cod, waxaana codadkooda si xor ah u dhiibanayo shacabka ku dhaqan deegaanada Somaliland.

Sawirro laga soo qaaday Hargeysa iyo deegaannada kale ee Somaliland ayaa la arkayaa shacab fara badan oo safaf dhaadheer ugu jiro inay codkooda dhiibtaan, si ay usoo doortaan madaxweynaha ee cusub ee Somaliland.

Doorashadan ayaa waxaa ku tartamaya saddexda Xisbi ee kal ah Kulmiye, Wadani iyo UCID, waxaana u kala sharraxan Muuse Biixi, Cabdiraxaam Cirro iyo Faysal Cali Waraabe.

Haddaba waa sidee rajada Muuse Biixi , tan Cirro iyo Faysal ee doorashada SOMALILAND?

Madaxweynaha hadda talada haya, ahna musharraxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo saaka xilli hore dhiibtay codkiisa ayaa ka hadlay dareenkiisa iyo rajada uu ka qabo doorashada Somaliland, wuxuuna muujiyay kalsooni wayn, isaga oo sidoo kale shaaca ka qaaday inuu aqbali doono natiijada xittaa haddii looga guuleysto tartanka doorashada.

“Natiijada uu soo saaro komishinka dabadeed yaa la hadlin?, aniga kama hadlayo oo waan ku gowracanahay, waxa maanta ii muuqda kama welwelayo oo inta aan noolaa waala soo tartami jiray” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo kalsooni weyn muujiyay.

Musharraxa Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Cirro oo loo arko ninka sidan wayn ula loolamayo Muuse Biixi ayaa isaguna soo hadlay, wuxuuna muujiyay rajo uu ka qabo doorashada maanta ka bilaabatay Somaliland, isaga oo is xijiyay guusha doorashada.

“Dareenkayga wu fiican yahay, waan faraxsanahay in aan codeeyey maanta 7 sanno ka dib, doorashada waxa aan ka rajeynaa guul Somaliland ah iyo guul Xisbiga Waddani.” ayuu yiri.

Dhankiisa, Faysal Cali Waraabe oo isna hoggaamiyo xisbiga UCID ayaa shalay khudbaddii ugu dambeysay jeediyay, wuxuuna isna muujiyay ifafaalo ah inuu noqonayo madaxweynaha cusub, laakiin wax kasta waxay ku xiran yihiin natiijada iyo cidda ay doortaan shacabka.

Somaliland waa maamulka kaliya ee qabta doorasho qof iyo cod ah, isla markaana shacabka ay soo doortaan hoggaankooda, taas oo aad loogu boggaadiyo Somaliland.

 

NISA oo gacanta ku dhigtay raggii ka dambeeyay dilka ganacsatada + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa soo bandhigtay laba xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuna eedeysan dil ka dhacay magaalada Muqdisho.

NISA ayaa shaaca ka qaaday in lasoo xiray Cali Hilowle Ibraahim iyo Axmed Samatar Cali , kuwaas oo loo haysto inay saddex nin oo ganacsato ahaa dhowaan ay ku dileen degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir.

Hay’adda ayaa sheegtay in raggaan lagu soo qabtay howlgal ka dhacay Muqdisho oo ay sameeyeen ciidamada ammaanka, waxayna intaasi ku dartay in cadaaladda la horgeyn doono.

Sidoo kale NISA ayaa xustay in lagu raad-joogo nin kale oo baxsad ah, qaybna ka ahaa dilka loo gaystay ganacsatada.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa kale oo lagu sheegay in NISA ay sii wadi doonto howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, si loo ciribtiro.

Horay ayaa sidaan oo kale ayaa gacanta loogu soo dhigay eedeysanayaal loo haysto inay dileen ganacsato xirtay Kaamirooyinka CCTV oo ay ku amartay dowladda Soomaaliya.

Ganacsatada ayaa dhibanayaal u noqday amarkaas, waxayna beegsi kala kulmeen kooxda Al-Shabaab oo dil ku bilowday, sidoo kalena qarxisay goobo ganacsi oo ku yaal caasimada.

 

Maxaa ka jira in DF ay xirtay Facebook-yada suxufiyiin iyo siyaasiyiin caan ah?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa taagan dood xoogan oo ka dhalatay tallaabada lagu beegsaday Facebook-yada dad mucaarad ah oo kasoo horjeedo dowladda Soomaaliya, ayna ku jiraan Wariyeyaal caan ah, kuwaas oo hal mar hawada laga wada saaray.

Dadka laga xiray boggaga ayaa isugu jiro siyaasiyiin iyo wariyeyaal caan ah oo aad u dhaliili jiray dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheeh Maxamuud.

Arrintan ayaa dhalisay walaac xoogan iyo in eedeymo loo jeediyay dowladda dhexe oo la xiriira ciwaannada shaqsiyaadkaas ee hawada laga saaray.

Wasaaradda warfaafinta Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in arrintan ay ka dambeyso Villa Soomaaliya, isa markaana si gaar ah loogu beegsanayo dadka kasoo horjeedo dowladda, si loogu caburiyo fikirkooda gaarka ah.

“Waxaa mas’uuliyad darro iyo xad-gudub ah in la isku dayo in la afqabto aragtiyaha toosinta iyo tilmaamaha ah ee ka imaanaya bulshadda Soomaaliyeed loona adeegsanaayo qolooyin burcad Internet-ka oo si gaar ah u beegsanaya mas’uuliyiinta iyo shacabka ka soo hor jeeda  aragtida Siyaasadeed ee kali-talisninadda ah ee uu dalka u horseedaayo Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud taasoo muujineysa dul qaad la’aanta Xasan Sheekh Maxamuud ee aragti iyo maqal kasta oo ka duwan aragtidiisa” ayaa lagu yiri qoraalka.

Intaas kadib waxaa hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo beeniyay in dowladda ay beegsatay Facebook-yada dadka mucaaradka ku a madaxda sare ee dalka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda federaalka ay ka shaqeyso horumarinta xorriyatul qowlka, isla markaana ay qawaaniin ku dhisan tahay.

“Waxaas waxba kama jiraan, waa war iska raqiis ah dowladda Soomaaliyeed waxa ay ka shaqeysaa waa inay xorriyatul qowlku hormariso, waana dowlad qawaaniin ku dhisan” ayuu yiri wasii ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Haddii ay dowladda federaalka Soomaaliya iska fogeysay arrintan ayaa haddane waxaa la’is weydiinayaa cidda ka dambeysa weerarka lagu qaaday Facebook-yada hawada ka baxay.