24.9 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Biden oo qaaday tallaabo la xiriirta Japan iyo Kuuriyada Koofureed

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Joe Biden ayaa Jimcihii bogaadiyay iskaashiga u dhexeeya dowladaha Mareykanka, Kuuriyada Koonfureed iyo Japan, si looga hortago wax uu Biden ku tilmaamay khatarta iyo iskaashiga ku dhisan xasillooni-darrida ee ka dhaxeeya Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa hadalkan ka sheegay kulan doceed uu Jimcihi shalay dalka Peru kula yeeshay Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol iyo Ra’iisul Wasaaraha Japan Shigeru Ishiba.

Mas’uuliyiintan ayaa Peru u jooga ka qeybgalka shir-madaxeedka iskaashiga dhaqaalaha ee Aasiya iyo Baasifiga. Waxana wadahadalladi shalay ay imanayaan xilli uu jiro walaac xoog leh oo laga qabo iskaashiga millatari ee sii kordhaya ee u dhaxeeya Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Kulanka Biden uu la yeeshay madaxda Japan iyo Kuuriyada Koofureed ayaa noqon doona kiisii ugu danbeeyay, ka hor inta uusan xafiiska Aqalka Cad u banneyn, madaxweynaha dooran ee Mareykanka Donald Trump.

Maxaa looga hadlayaa kulanka maanta ee labada GOLE?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku leh xarunta Villa Hargeysa, kaas oo looga hadlayo arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka iyo doorashooyinka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulanka maanta ee labada Aqal ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa xeerarka doorashooyinka oo uu ku howlan yahay Baarlamaanka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in maanta xildhibaannada ay ka doodi doonaan akhrinta 3-aad iyo u codeynta xeerka dhisidda guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka.

Xubnaha Baarlamaanka ayaa goor sii horreysay loo diray farriin wargelin ah, si ay usoo xaadiraan kulanka maanta oo la filayo inuu guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Sidoo kale waxaa isla fadhiga maanta akhrinta 2aad lagu marin doonnaa xeerka ururada/xisbiyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee doorashada dadweynaha ka qaybgalaya, si loo helo xeer qeexaya oo Baarlamaanku u codeeyay.

Kulamada Baarlamaanka oo uu horay u dalbaday madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dardar ku socdo, waxaana qorshaha ugu wayn uu yahay hirgelinta doorashada ee qof codka ah ee ay go’aamiyeen xubnaha golaha wadatashiga qaranka.

Qorshahan ayaa dhaliyay xiisad xoogan, kadib markii ay ka biyo diideen maamullada Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeedo dowladda dhexe.

Si kastaba, waxaa laga war sugayaa tallaabada uu qaado Baaralamaanka Soomaaliyeed oo leh go’aanka ugu dambeeya ee lagu jiheynayo doorashooyinka soo socda ee dalka.

Madaxweyne Xasan oo war deg deg ah ka soo saaray geerida Axmed Siilaanyo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo guud shacabka Soomaaliyeed, geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo caawa ku geeriyooday magaalada Hargaysa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay doorkii taariikhiga ahaa ee Marxuumku kasoo qaatay u adeegidda iyo horumarinta dalkiisa, gaar ahaan meertadiisii hoggaaminta Wasaaradaha Qorsheynta iyo Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Silaanyo ayaa sidoo kale ku suntanaa kaalintiisii lama ilaawaan ee furitaanka albaabka wada hadallada Somaliland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun, Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo caawa ku geeriyooday magaalada Hargaysa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya oo sii hadlayey ayaa yiri, “Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka, innaga oo ku xasuusanayna sida ay uga go’nayd dib usoo celinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed oo uu door lama ilaawaan ah kulahaa furitaanka wadahadallada Somaliland iyo DFS”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Alle u weydiiyay in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowso, sabar iyo iimaanna uu ka siiyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Madaxweyne hore Siilaanyo oo caawa ku geeriyooday Hargeysa ayaa maamulka Somaliland wuxuu sheegay in maalinta Isniinta ah la aasi doono meydkiisa.

Madaxweynihii hore ee Somaliland oo geeriyooday

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa ku geeriyooday magaalada Hargeysa, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Wasiirka Warfaafinta Maamulka Somaliland Cali Xasan Maxamed.

“Wasiirku wuxuu  Eebe uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), qoyska iyo shacbiga Somalilandna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo,” ayaa lagu yiri qoraal uu baahiyey Telefishinka Somaliland.

Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo wuxuu ahaa madaxweynaha Somaliland sanadihii 2010-kii ilaa 2017-kii.

Wuxuu ahaa madaxweynihii labaad ee lagu soo doortay codeyn dadweyne oo qof iyo cod ah, isla markaana lagu soo doortay si dimuqraadi ah.

Geerida Siilaanyo ayaa ku soo aadeysa iyadoo Somaliland ay ka socoto doorashada madaxtinimada maamulkaas oo si weyn isha loogu hayo.

Siilaanyo wuxuu kamid ahaa madaxdii sida dimuquraadiga ah ku soo hoggaamisay Somaliland, wuxuuna 7 sano ka hor xilka ku wareejiyey Muuse Biixi.

Shirkad ku dhawaaqday in 10,000 oo qoys ay guryo uga dhiseyso Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa balanqaaday in 10,000 (Toban kun) oo qoys oo barakacayaal ah ay siineyso dhul ay degaan, una dhiseyso, waana talaabo aan horay loo arag oo badbaado u ah qoysas banaanyaal ku ah daafaha Muqdisho.

Maamulka Hay’adda Hormuud Salaam Fondution ayaa go’aankaan uga dhawaaqay shir ka dhacay magaalada Gineva ee dalka Swizerland.

Wafdiga dowladda Soomaaliya oo wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenabeene uu hoggaaminayo ayuu qeyb ka ahaa guddoomiyaha hey’adda Cabdullahi Nuur Cismaan oo shirkaas uga dhawaaqay yaboohaan.

Dhulka loo dhisayo dadkaan barakacayaasha ah ayaa ku yaalla deegaanka Jazeera ee koonfurta magaalada Muqdisho, waana tallaabadii ugu horeysay oo lagu caawinayo barakacayaasha Soomaaliya.

Qaramada Midoobey iyo dowladda Soomaaliya ayaa soo qaban qaabiyey shirkaan, waxaana ka soo qeyb galay dowladaha iyo hey’adaha caawiya Soomaaliya.

Shirkaas ayaa diiradda lagu saaray sidii xal waara loogu heli lahaa nolosha hal milyan oo barakacayaal ah oo ku nool Soomaaliya, waa barnaamij qeyb ka ah qorshaha istiraatijiyadda qaranka ee xalka waraaha oo dowladda Soomaaliya iyo hey’adaha deeq bixiyaasha ah ay ku howlanaayeen.

Hay’adaha gargaarka bixiya ayaa horay u sheegay inay hayaan dhaqaale guryo loogu dhisayo barakacayaasha Soomaaliya, balse ay u baahan yihiin in laga caawiyo dhulkii laga dhisi lahaa guryahaas.

Shirkaas waxaa lagu go’aamiyo in la bilaabo qorshaha dib u dejinta loogu sameynayo barakacayaasha Soomaaliya, iyadoo la abuuray iskaashi ay ku mideysan yihiin dowladda Soomaaliya, Hormuud Salaam Fondution, Qaramada Midoobey iyo deeq bixiyaasha caalamiga ah.

 

Xog cusub: Ciidamo la wareegay guriga Cirro iyo wararkii u dambeeyey ee doorashada

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee madaxtooyada Somaliland ayaa la wareegay amniga guriga uu magaalada Hargeysa ka degan yahay musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo la saadaalinayo inuu ku guuleysa karo doorashada madaxtinimada maamulkaas.

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada Somaliland aan ka heleyno ayaa sheegaya in Cabdiraxmaan Cirro uu hoggaaminayo natiijada 70% codadka la dhiibtay.

Natiijadaan isisoo tareysa ee codadka uu helayo Cabdiraxmaan Cirro ayaa sababtay in ciidamada ammaanka Somaliland, gaar ahaan kuwa ilaalada madaxtooyada ay la wareegaan amniga musharaxaan ay suurtagalka tahay inuu ku soo baxo doorashada.

Siyaasiyiinta waaweyn ee Somaliland, ganacsatada iyo xisbiyada loogha horeeyo doorashada ayaa salaam iyo hambalyo ugu tegaya Cabdiraxmaan Cirro, waxaana mashquul badan laga dareemayaa guriga uu ka degan yahay magaalada Hargeysa.

Xisbiga Kulmiye ee Muuse Biixi uu hoggaamiyo ayaa heysta ilaa hadda natiijo aad u hooseysa, waxaana muuqata in Muuse Biixi looga adkaaday doorashada maamulkii uu hoggaaminayo muddo 7 sano ah, taasi oo muujineysa in shacabka Somaliland ay doonayaan isbedel ka hana qaada deegaanka.

Doorashada ayaa sidoo kale waxaa galay xisbiyada iyo ururro, waxaana la sheegay in xisbiga Wadani ee Cabdiraxmaan Cirro uu hoggaaminayo codadka, waxaa ku sii xiga Xisbiga Kaah, waxaana haalinta 3-aad ciriirsaday Xisbiga Kulmiye oo markii hore ahaa xisbiga ugu codadka badan deegaanada Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa qoraal ay soo saartay waxa ay  ku bogaadisay hannaanka dimoqoraadiga iyo amnigaba leh ee shacabka gobollada Waqooyi ee Somaliland codkooda u dhibteen, si  madaxdooda ay u doortaan.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si dhow ula socota doorashooyinka madaxtinimo iyo tan xisbiyada ee maamulka Somaliland, waxay ugu hambalyeyneysaa shacabka iyo maamulkaba hannaanka dimoqoraadiga ah ee loogu tartamay kuraasta kala duwan,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ay goordhow soo saartay dowladda federaalka.

Dowladda federaalka ayaa si gaar ah reer Somaliland ugu bogaadisay tartanka furan ee Xisbiyada, Hay’adaha Amniga iyo Musharaxiinta tartantay intaba, kuwaas oo muujiyey xasillooni iyo jawiga nabdoon oo sida muuqata ay doorashadu kusoo gabogabowday.

“Habsami u socodka sooyaalka doorashooyinkan soo dhammaaday sida; hannaanka diiwaangelinta, olalaha doorashada, codbixinta iyo farriimaha kalsooni gelinta ah ee Guddiga Doorashooyinka (Komishanka), dhammaan tallaabooyinkaasi waxay ahaayeen kuwo ay ka muugdeen waayo-aragnnimo, isu dulqaadasho iyo biseyl siyaasadeed,” ayaa lagu yiri qoraalka DF.

 

DF oo war cusub kasoo saartay doorashada Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war cusub kasoo saartay doorashadii ka dhacday Somaliland, taasi oo ay sheegtay inay si dhow ula socoto.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa waxaa lagu bogaadiyay hannaanka dimuqraadiga iyo amnigaba leh ee shacabka gobolada Waqooyi ee Soomaliland codkooda u dhibteen.

“Wasaaradd arrimaha guddaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS oo si dhow ula socota doorashooyinka madaxtinimo iyo tan xisbiyada ee maamulka Somaliland waxay ugu hambalyeyneysaa xasilloonida iyo jawiga nabdoon ee ay doorashadu kusoo gaba-gabowday,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Wasaaradda ayaa si gaar ah waxay ugu bogaadiyay hay’addaha amniga sida ay u sugeen amniga intii ay socotay doorashada, iyadoo Komishanka doorashooyinka Somaliland ku ammaanay hanaankii uu u maamulay ololihii iyo doorashadii dhacday Arbacadii.

“Habsami u socofka sooyaalka doorashooyinka soo dhamaaday sida; hanaanka diiwaan-gelinta, ololaha doorashada, cod-bixinta iyo farriimaha kalsooni-gelinta ah ee guddiga doorashooyinka dhamaan tallaabooyinkaasi waxay ahaayeen kuwo ay ka muuqdeen waayo-aragnimo, isu dulqaadasho iyo biseyl siyaasadeed.”

Qoraalka ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay baahinta dimuqraadiyadeynta dalka, awood siinta shacabka iyo qabashada doorasho qof iyo cod ah oo horseeda horumar iyo barwaaqo.

Doorashooyinka Arbacadii ka qabsoomay Somaliland ayaa ku dhacay hanaan nabad-gelyo, ayadoo goobjoogayaasha caalamiga ah ee doorashada korjoogteynayay ay dhankooda sheegeen inay u dhaceen hanaan cadaalad ah oo hufan.

Nabadoonka guud ee beesha Derisame Gaaljecel oo lagu caleemo-saarey Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabaddoonka guud ee beesha Derisame Gaaljecel Nabadoon Cabdullaahi Cabdi Isaaq (Soojeede) ayaa maanta lagu caleemo-saarey munaasabad ballaaaran oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. 

Munaasabadda ballaaran ayaa waxaa kasoo qeyb-galay dhaqanka beesha Gaaljecel, dhaqanka kale ee beelaha Soomaaliyeed, culimaa’udiin, aqoon yahan, dhallinyaro, haween iyo marti sharaf kale.

Nabadoon Cabdullaahi Cabdi Isaaq (Soojeede) ayaa loo doortey nabaddoonka guud ee beesha Derisame oo ka tirsan beelwaynta Gaalejecel. “Dadkeyga Derisame Gaaljecel shan mar ayaan ka diiday in aan nabadoon u noqdo, maanta waa ka yeelay,” ayuu yiri nabadoon Soojeede. 

Nabadoon Soojeede, nabadoonka beesha Derisame, ayaa horey ugu soo shaqeeyey qeybaha kale ee dhaqanka beesha, waxa uuna baddeley nadoonkii hore ee beeshan, kaas oo ay labo sano ka hor khawaarijta ku dileen gudaha magaalada Muqdisho. 

Nabadoonka ayaa ballan qaadey in uu ka shaqeyn doono hagaajinta dhaqanka beesha iyo ka shaqeynta arrimaha guud ee beelaha walaalaha ah ee ay la degta beesha, si dadka Soomaaliyeed ugu wada noolaadaan nabad iyo horumar.

Nabaddoonka ayaa sidoo kale duubabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacmaha is-qabsadaan oo ay ka shaqeeyaan sidii ay dadka Soomaaliyeed uga saari lahaayeen dhibaatada maanta haysata.

Maxaa ka jira in DF ay xirtay bogagii madaxweyne DENI iyo ku-xigeenkiisa Lugatoor?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedeymo uu ujeediyay maamulka Puntland, kuwaasi oo la xiriiray in dowladda federaalka ay xirtay bogagii Facebook ee madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa.

Wasiirka ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa dowladda ka difaacay eedeyntaasi, taas oo uu ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona laheyn.

Sidoo kale wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay warqadii eedeynta aheyd ee ka timid maamulka Puntland in aysan ahayn mid mas’uuliyad xambaarsan, sida uu hadalka u dhigay.

“Annaga oo sharci mari karna, ma jirto wax nagu qasbaayo tuugeysi, waxaan kuu cadeenayaa in xitaa wasiiro ka tirsan dowladda dhexe la xiray akoonadii ay ku lahaayeen Facebook,” ayuu yiri Al-Cadaala.

Wasiir Al-Caadala ayaa ku cel-celiyay in dowladda aysan wax lug ah ku lahayn arrintaasi, isagoo caddeeyay in baaritaan dheeraad ah lagu sameyn doono sababaha ka dambeeya.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada ka taagneyd dood xoogan oo ka dhalatay tallaabada lagu beegsaday Facebook-yada dad mucaarad ah oo kasoo horjeedo dowladda Soomaaliya, ayna ku jiraan wariyeyaal caan ah, kuwaas oo hal mar hawada laga wada saaray.

Dadka laga xiray boggaga ayaa isugu jiro siyaasiyiin iyo wariyeyaal caan ah oo aad u dhaliili jiray dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheeh Maxamuud.

Arrintan ayaa dhalisay walaac xoogan iyo in eedeymo loo jeediyay dowladda dhexe oo la xiriira ciwaannada shaqsiyaadkaas ee hawada laga saaray.

Dowladda federaalka ayaa sidoo kale horey iskaga fogeysay arrintaas, waxaana la is-weydiinayaa cidda ka dambeysa weerarka lagu qaaday Facebook-yada hawada ka baxay.

Itoobiya oo farriin u dirtay Somaliland kadib doorashadii madaxweyne ee ka dhacday

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowlada Itoobiya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay doorashada Somaliland, ayadoo farriin u dirtay shacabka maamulkaasi.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa waxaa ugu horeyn lagu amaanay sidii ay u dhaceen doorashooyinkii madaxtooyada iyo ururada siyaasada ee Somaliland, taas oo laba maalin kahor u dareereen shacabka weynaha Somaliland.

Doorashooyinkan ayey Itoobiya ku tilmaamtay kuwo “xor iyo xalaal ah” waxayna komishanka doorashooyinka Somaliland ku bogaadisay sida uu u maamulay doorashooyinka maamulka.

“Wasaarada arrimaha dibadda Itoobiya waxay shacabka Somaliland ugu hambalyaynaysaa qabashada doorashadii nabada iyo dimuquraadiga aheyd. Itoobiya waxay Komishanka qaranka Somaliland ugu hambalyaynaysqa doorashada xorta iyo xalaasha ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Itoobiya.

Sidoo kale waxaa qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya lagu sheegay “in qabashada doorashooyinkan ay ka turjumayaan qaangaarnimada dowladnimada Somaliland.”

“Nidaamkani waxa uu ka turjumayaa qaangaarnimada dowladnimada Somaliland iyo nidaamkeeda dimuquraadiyadeed,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Itoobiya.

Doorashooyinka Arbacadii ka qabsoomay Somaliland ayaa ku dhacay hanaan nabad-gelyo, ayadoo goobjoogayaasha caalamiga ah ee doorashada korjoogteynayay ay dhankooda sheegeen inay u dhaceen hanaan cadaalad ah oo hufan.

Natiijada doorashadan oo lagu baaqay inay dhinacyadu aqbalaan ayaa waxaa la filayaa in lagu dhawaaqo 21-ka bishaan, oo ah toddobaad un kadib maalintii loo dareeray doorashada.

 

Wararkii ugu dambeeyay ee tirinta codadka doorashada S/Land – Yaa hoggaaminaya?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa si rasmi ah u soo dhammaaday goordhoweyd tirinta codadka doorashada madaxtinimada iyo tan xisbiyada ee Somaliland.

Wararka hordhaca ah ee aan helayno ayaa sheegaya in loo badinayo inuu guuleystay musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), halka tartankii xisbinimadana la sadaalinayo inuu xisbigiisa Waddani kaalinta koowaad ku soo baxo.

Goobaha guud ahaan laga codeeyay doorashadan ayaa dhanaa 2,337 goobood, iyadoo qiyaasta codadka la kala helay ay muujinayaan in Cirro uu tartanka madaxtinimada ugu guuleysan karo 68-70%, halka uu Muuse Biixi ka heli karo 30-32%.

Tartanka xisbiyada ayaa waxaa loo badinayaa in uu Wadddani ku soo baxo kaalinta koowaad ee xisbul xaakimka, ururka Kaah oo xisbi noqdayna uu labaad geli doono, halka xisbigii talada hayay ee Kulmiye uu kaalinta saddexaad u soo degi doono isaga oo booska kala baxaya xisbiga UCID.

Faysal Cali Waraabe ayaa la sheegaya in uu wax ka yar 1% codadka tartanka madaxtnimada kala huleeli doono saaxada siyaasadda oo ay isaga iyo xisbigiisii UCID sagootin doonaan kadib sannado badan oo ay raadinayeen guul.

Dhinaca kale, waxaa hubin yar ku harsan tahay codad gaaraya 90 kun oo goballada Bariga yaalla, waxa ayna wax ka beddeli karaan natiijada tartanka xisbiyada, gaar ahaan wixii ka soo hara xisbiga Kulmiye ayaa rajo fiican ka qabi kara codadkaas.

Goballada Bari oo ay ku xoogganaayeen isbahaysiga xisbiga Waddani iyo ururka Kaah ayaa ka qeyb-galka codbixinta ugu horreeya, dadkii ugu badnaa ayaana ka codeeyay.

Goballada galbeedka oo uu xisbiga Kulmiye ku tashanayayna ayaa waxaa la sheegayaa in tiradii la filayay inay codbixinta u soo baxaan ay hoos u dhacday in ku dhaw 50%. Arrintaas ayaa qeyb ka noqotay arrimaha go’aamiyay natiijooyinka ay kala heleen xisbiyada iyo musharraxiintu.

Goballada ay codbixiyayaasha badani joogeen ee Bariga waxaa yaraa tirada Muuse iyo xisbigiisa Kulmiye ka heleen. Laakiin goballada galbeedka oo codbixiyayaashoodu ay yaraayeen waxaa intii soo baxday kala qeybsaday Kulmiye oo goballadaas ku tashanayay iyo xisbiiyadii kale oo uu Waddani ku jiro

Xogtan ayaa waxaa laga helay barnaamijyo telefoonnada ku shaqeeya oo ay xisbiyadu si hordhac ah ugu wadaagayeen codadka goobaha doorashooyinka. Waxaase xusid mudan in guddiga doorashadu ay xalay warbaahinta u sheegeen in natiijada rasmiga ah ay noqonayso tan ay iyagu soo saaraan.

Isku soo wada duubo, waxaa la filayaa in guddiga doorashada ay natiijada hordhaca ah ku dhawaaqan kadib marka codadka la isugu soo aruuriyp caasimadda Hargeysa, si tirada guud loogu gudbiyo maxkamadda sare, taas oo qeyb ka ah hannaanka iyo habraacyada doorashada Somaliland.

Xog: Axmed Madoobe iyo Xamsa oo qaaday tallaabooyin hoos u dhigaya xiisadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jubbaland ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ka qaaday ciidamo iyo gaadiid dagaal oo maalmihii lasoo dhaafay uu heegan geliyey, si garoonka aysan uga degin wafdi ka socda dowladda federaalka, sida ay Caasimada Onlime u xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan Kismaayo.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa la sheegay in si buuxda uu uga baaqday safar uu ku tegi lahaa Kismaayo, kaas oo maalmihii lasoo dhaafay uu ka baaqday, kadib markii Axmed Madoobe ciidan badan ku diyaariyey garoonka, si wafdiga Xamsa ay uga hortagaan.

Sidoo kale waxaan xog ku helnay in la kala diray oo xeryahoodii dib loogu celiyey ugu yaraan 300 oo askari oo la qorsheeyey in Ra’iisul Wasaare Xamsa ay Kismaayo ka dejiyaan, iyagoo adeegsanaya awood, halka Axmed Madoobe uu ciidan kale oo awood leh ku diyaariyey garoonka, si damaca DF ay uga hortagaan.

Hadda waxaa la sheegay in xiisadu qabowday oo Axmed Madoobe uu shaqaalaha iyo maamulka garoonka Kismaayo ku wargeliyey in shaqadooda ay sidii caadiga aheyd u wataan, isagoo ka dulqaaday ciidankii, isla markaana u fasaxay in diyaaraduhu soo degaan markii la hubiyo waxa ay sidaan.

Ergo ka socota dowladda Kenya ayaa maalmihii lasoo dhaafay dhexdhexaadin ka dhex waday Jubaland iyo Dowladda federaalka, inkastoo aan la shaacin wax natiijo ah, hadana waxay tageen Kismaayo iyo Muqdisho, iyagoo la kulmay Xasan, Xamsa iyo Axmed Madoobe.

Waxaa jira warar aan aad u soo shaac bixin oo sheegaya in la isku fahmay in Axmed Madoobe iyo Xamsa Barre ay kulmaan, inkastoo aan la shaacin goobta uu kulankaasi ka dhici doono, maadaama Axmed Madoobe uu wafdigaan u sheegay in damaanad qaad amni u heysan inuu tago Muqdisho.

Xubnaha wafdiga ah ee ka yimid dalka Kenya ayaa doonaya in labada dhinac aysan la kala safan, balse ay gaaraan xal rasmi ah, sida ay noo xaqiijiyeen siyaasiyiin xog ogaal u ah wadahadalada ay garwadeenka ka yihiin wafdigaan.

Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ayaa isku heysta khilaaf ka bilowday doorashooyinka, Axmed Madoobe ayaa diiday in dalka loo jiheeyo doorasho qof iyo cod ah, isagoo taas bedelkeeda doonaya inuu qabsado doorasho dadban oo uu ku soo baxo mar kale.

Wafdigaan ka socda Kenya ayaa la sheegay in Madaxweynaha Jubaland ay dalbadeen in dhaqdhaqaaqa doorashada uu joojiyo inta xiisadaan ay xalkeeda ku jiraan, waxaana la sheegay in Axmed Madoobe uu aqbalay dalabkaas.

Guddiga KMG ee diyaarinta xeerarka doorashada oo qaaday tallaabo cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga kumeel-gaarka ah ee labada Gole ugu xil-saaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururada/axsaabta iyo sharciga dhisida guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha ayaa xalay magaaladda Muqdisho ku qabtay kulan.

Kulankaan oo ahaa la-tashiga qeybaha kala duwan ee bulshada iyo ururada siyaasadda ee hindisaha ee xeerka ururada iyo xisbiyadda siyaasadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoonka iyo xubnaha guddiga iyo sidoo kale wakiilo ka socday xisbiyadda siyaasadeed ee dalka, qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka oo ay ku jiraan dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Sudoo kale waxaa kulankaan qeyb ka ahaa cilmi baarayaal daraasado ka sameeyay nidaamka axsaabta iyo sida ay dalka uga suurtageli karto, xilli uu socda qorshaha dalka looga hirgelinayo doorasho qof iyo cod.

Kulanka ayaa waxaa ugu horeyn furay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo sheegay in muhiimadda kulanka uu yahay in hindisahan la tashi lagala sameeyo dhamaan dhinacyada ay khuseyso.

Intaasi kadib ka qeyb-galayaasha kulanka oo goobta ka hadlay ayaa fikirkooda ka dhiibtay hindisahan iyo muhiimadda ay leedahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof cod ah taasoo shacabka Soomaaliyeed u suurtagelin karta in ay hogaankooda doortaan.

Kulankaan oo saacado qaatay ayaa ugu dambeyntiina waxaa soo xiray guddoomiyaha guddiga KMG ee labada gole ugu xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururada/axsaabta iyo sharciga dhisida guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed.

Guddoomiyaha ayaa halkaasi ka sheegay in doodaha iyo fikradaha ka qeyb-galayaasha aysoo jeediyeen inta kulanka uu socday ay wax badan ku kordhin doonto shaqada uu guddiga hayo ayna tixgelin doonaan.

QM oo ku dhowaaqday taageero maaliyadeed oo Soomaaliya ay siineyso

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday inay $5 milyan kasoo saartay Sanduuqa Dhexe ee Gargaarka Degdegga ah (Central Emergency Response Fund).

Lacagtan ayaa lagu taageeraya Soomaaliya, gaar ahaan tallaabooyinka hore ee looga hortagayo abaaraha ku soo wajahan Soomaaliya, sida ay xaqiijisay sii-hayaha gargaarka deg-degga ah ee QM Joyce Msuya.

Soomaaliya ayaa looga cabsi qabaa inay so wajahdo khatar sare oo ah abaaro ay sababtay La Niña, iyadoo ay jirto hoos u dhac 70% ah oo ku yimid roobabki la filaayay inay ka da’aan dalka.

Tan ayaa si gaar ah halis ugu ah bulshada miyiga ee ku nool bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya iyo Puntland.

Saameynta abaaraha ayaa la filayaa inay khatar gelin karto helidda cuntada ee dadka ku nool gobolladaas, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Deeqdan cusub ee 5-ta milyan waxaa ka faa’iideysan doona sida qorshuhu yahay in ka badan 130,000 qof, iyadoo xooga la saarayo arrimaha badbaadada, cuntada, iyo adeegyada biyaha, faya-dhowrka iyo nadaafadda.

Lacagtan ayaa sidoo kale kab u ah shan milyan oo horay loogu qoondeeyay ka hortagga abaaraha ee sanduuqa gargaarka bini’aadantinimo ee Soomaaliya.

Si kastaba, deeqdan ayaa waxay kusoo aadeysa xilli shirweynaha cimilada COP29 uu ka socdo magaalada Baku ee dalka Azerbaijan, iyadoo Soomalaiya ay ku jirto dalalka ka qeyb-galaya, taas oo ay ka rajeynayso inay hesho maal-gelin dheeraad ah oo taageerada dadaallada wax ka qabashada saameynta cimilada ee sii kordheysa.

Maxaa looga hadlay war-saxaafadeedka 31-ka qodob ee maanta ay soo saartay DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan ka kooban 31 qodob oo lagu faah-faahiyey waxyaabihii dhacay toddobaadkaan.

Qoraalkaan oo soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, ayaa wuxuu soo baxaa toddobaadkiiba hal mar, waxaana kolkaan si gaar ah diiradda loogu saaray waxqabadka dowladda iyo guulaha laga gaaray howl-galladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gudaha dalka.

Hoos ka aqriso qoraalka;

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtey kadib markii uu magaalada Riyad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya kaga soo qeyb galey Shir Madaxeed aan caadi ahayn oo waddamada Carabta iyo Islaamka uga arinsanayeen xasaradda bani’aadamnimo ee haysta shacabka reer Falastiin iyo Lubnaan.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka Carabta iyo waddamada Islaamka ee ka dhacaya Sacuudiga, loogana arinsanayay arrimaha Lubnaan iyo Falastiin.

3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socday Kenya.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Cabdimaalik Cabdullaahi Cabdi u magacaabey inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Xafiiska Amniga Qaranka.

5- Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay magacaabista Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage.

6- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheikh Aadan Maxamed Nuur ayaa socdaal shaqo ku tagey dalka Britain.

7- Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo yeelaneysa magaca cusub oo ah Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.

8- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa khudbad ka jeediyay Shirweynaha Caalamiga ah ee Isbeddelka Cimilada, ee COP29, kaas oo ka socda magaalada Baku ee dalka Azerbaijan.

9- Ra’iisul wasaare ku xigeenka Labaad ee XFS Mudane Cabdisalaan Cali Dhaay ayaa kormeeray xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka kaas oo lagu soo bandhigay macluumaad ku saabsan diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025 ilaa 2029.

10- Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay habraaca uu ku shaqeyn doono Guddiga KMG ee u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka.

11- Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa labada Gole ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedyada Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda, Doorashooyinka iyo Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka iyo soohdimaha.

12- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa sheegay in maamulkiisu diyaar u yahay qabashada doorasho toos ah oo qof iyo cod ah una dhacdo qaab hufan si waafaqsan heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka.

13- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya ayaa sheegtay in Guddiga doorashada dadban ee uu magacaabay Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Jubbaland in uu yahay sharci darro, kana soo horjeeda xeerarka dalka iyo heshiisyadii Golaha wadatashiga Qaranka.

14- Kulan wadatashi ah oo dadweynaha looga talo galinayay dib u eegista Dastuurka Ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Laas Caanood ee xarunta maamulka Ku Meel Gaarka ah ee SSC-Khaatuma.
.
15- Wasiirka Caafimaadka Mudane Dr Cali Xaaji ayaa xariga ka jaray qayb cusub oo ah casri ah (CT Scan) oo lagu kordhiyey Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

16- Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Khadija Mohamed Al-makhzoumi, ayaa khudbad ka jeedisay kulan muhiim ah oo looga hadlayay dib u qaabeynta nidaamka maaliyadda adduunka iyo doorka Sanduuqa Maalgalinta Cimiladda (Green Climate Fund)

17- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa guddoomiyay shir muhiim ah oo looga hadlaayey istaraatiijiyadda wasaaradda ee Qorshaha Isbeddelka Qaran ee sanadka 2025-2029.

18- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa u xaqiijiyey in Itoobiya si rasmi ah looga reebay dalalka ka qayb qaadanaya hawlgalka taageerada xasilinta Soomaaliya ee Midowga Afrika ee bilaabanaya 2025,.

19- Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, iyo Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa ka qeyb galay munaasabadda daahfurka hawlgalka cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).

20- Kulanka la xiriira la-tashiga dadweynaha ee dib u eegista Dastuurka ayaa lagu qabtay deegaanka Ari Caddeeye ee maamulka SSC-Khaatumo.

21- Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa bogaadisay doorashooyinka maamulka gobollada woqooyi ee Somaliland.

22- Wasaaradda Waxbarashada ayaa daahfurtay deeq waxbarasho oo la siinayo 3,000 oo gabdhood.

23- Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabadda xuska 11-sano guuradii ka soo wareegtay markii dib loo hawlgeliyay isbitaalka Recep Dayib Erdogan Ex Digfeer.

24- Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan laba-geesood ah kula yeeshay Riyadh Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suudaan, Mudaner Cali Yuusuf Al Shariif, si ay u adkeeyaan xiriirka iyo iskaashiga walaaltinimo ee labada dal.

25- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa dilay 23 xubnood oo ka tirsaan Khawaarijta Al Shabab, hawlgal ka dhacay deegaanka Dharaarweyn ee hoos taga magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud.

26- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kulan la yeeshay Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, isagoo kala hadley kaalinta haweenka ee nabadda iyo amniga.

27- Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed ayaa dilay 6 xubnood ka tirsan argagixisada Al Shabab, hawlgal ka dhacay tuulada Weel-manaas ee degmada Qansaxdheere.

28- Ugu yaraan 19 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa lagu dilay hawlgal ay Ciidanka Nabadsugidda (NISA) ka fuliyeen meel deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

29- Dowlada Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay 24 dhalinyaro oo laga soo badbaadiyey kooxaha dhibaateeya dadka muhaajiriinta ah ee ka hawlgala xeebaha DalkaTunisia.

30- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dilay 8 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab oo isku dayday in ay weerar ka geysato Masagawaay ee Galmudug.

31- Ciidanka Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigay dhagarqabe ku eedeysan in uu ka qeyb qaatay dil dhowaan labo muwaadin loogu geystay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir.

Maxaa yaallay saldhigyada xuutiyiinta ee Mareykanka uu duqeeyey?

0

Sanca (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa shaaciyay in ay fuliyeen weeraro dhowr ah kooban oo ay la beegsadeen Xuutiyiinta Yemen.

Sida lagu xusay war qoraal ah oo ka soo baxay taliska dhexe ee Mareykanka, weerarradan ayaa dhacay 9 ilaa 10 bishan.

Waxaa weerarrada ayaa lala bartilmaamedsaday sida uu Mareykanka sheegay xarumo ay hubka ku keydsadaan Xujutiyiinta oo ku yaalla goobaha ay maamulaan ee dalka Yemen.

Bayaanka ka soo baxay taliska dhexe ayaa lagu xusay in Xarumahan uu yaallay hub casri ah oo kala duwan oo ay adeegsadaan Xuutiyiinta ay Iran taageerto si ay u beegsadaan ciidamada Maraykanka iyo kuwa caalamiga ah iyo maraakiibta rayidka ah ee mara biyaha caalamiga ah ee badda cas iyo gacanka cadmeed.

Hawlgalka ayaa waxaa ka qeyb qaatay ciidamada cirka iyo kuwa badda ee Maraykanka waxaana diyaaradaha la adeegsaday ka mid ah nooca casriga ah ee F-35C.

Mareykanka ayaa sheegay in weeraradan ay jawaab u ahaayeen weerarrada sharci darrada ah ee ay Xuutiyiinta ku qaadaan maraakiibta ganacsiga iyo xulufada Mareykanka ee ku socdaalaya badda cas, gacanka cadmeed iyo baabul Mandab.

Waxaa kale oo weeraradan looga gol lahaa sida saraakiishu sheegeen in hoos loogu dhigo awoodda Xuutiyiinta ee halista ku ah xulufada Mareykanka ee gobolka.

Mareykanka ayaa sheegay in maraakiibta wax burburiya ee Ciidamada Badda Mareykanka ee USS Stockdale (DDG 106), USS Spruance (DDG 111), oo ay weheliyaan Ciidamada Cirka ee Mareykanka iyo Diyaaradaha Ciidamada Badda ay ka guuleysteen hubka ay adeegsadaan Xuutiyiinta ka howlagala marinka Bab al-Mandeb.

Ciidamadani Mareykanka ayaa sida bayaanka lagu sheegay waxay ay ka hortageen siddeed weerar oo hal dhinac ah oo ay Xuutiyiinta soo qaadeen.

Bayaanka taliska dhexe ee Mareykanka ay soo saareen ayaa lagu sheegay in wax khasaare ah uusan soo gaarin ciidamada Mareykanka iyo qalabkooda.

Mareykanka ayaa sheegaya in ciidamadiisu ay weli ka feejigan yihiin Xuutiyiinta, isla markaana dadaalo ay ugu jiraan ilaalinta isu socodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, “ayna sii wadi doonaan qaadista tillaabooyinka ku habboon ee wax looga qabanayo wax kasta oo khatar ku ah xasilloonida gobolka”.

Weerarada Xuutiyiinta ay toddobaadkan ku qaadeen maraakiibta Mareykanka
Howlgalka Mareykanka ayaa ku soo beegmaya xilli maalmo ka hor ay xuutiyiinta Weerar dhowr gantaal ah ay ku qaadeen labo markab oo laga leeyahay dalka Mareykanka .

Weeraradan Xuutiyiinta ayaa la fashiliyay, sida ay sheegtay waaxda gaashaandhiga ee Pentagon-ka.

Ugu yaraan 8 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah, shan gantaal oo nooca ballistic-ga ah ee lidka maraakiibta iyo saddex gantaal oo kuwa maraakiibta ayaa Isniintii lala beegsaday USS Stockdale iyo USS Spruance.

Maraakiibta ayaa soo riday madaafiicdan, “wax khasaare ahi nama soo gaarin, mana jirto cid wax ku noqotay,” ayuu yiri xoghayaha warfaafinta ee Pentagon-ka Sarreeyey gaas Pat Ryder Talaadadii.

TV-ga Al-Masirah oo ah Telefishinka ugu weyn ee ay maamulaan Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in duqeymo xiriir ah oo dhanka cirka ah lala beegsaday labo markab oo kuwa dagaalka ah oo ay leeyihiin Mareykanka iyo markab saddexaad oo marayay badda Carabta.

Horaantii sanadkan, Maraykanka, UK iyo 12 wadan oo kale ayaa bilaabay hawlgalkaloogu magacdaray Guardian si loo ilaaliyo marinnada maraakiibta badda cas ee ay Xuutiyiinta beegsadaan.

Bishii Oktoobar, militariga Mareykanka ayaa sheegay inay duqeymo ka fuliyeen 15 bartilmaameed oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen, iyadoo dhowr qarax laga soo sheegay caasimadda Sanca.

BBC

Xogta 3 kamid ah ergada Kenya ee ku howlan xalinta khilaafka DF iyo Jubaland (Sawirro)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergo ka socota dowladda Kenya ayaa ku soo baxday khilaafka dowladda federaalka iyo Jubbaland, waxayna maalmihii lasoo dhaafay isku mareen Kismaayo iyo Muqdisho, iyagoo kulamo la yeeshay dhinacyada, hada waxaan idinla wadaageynaa xogta xubnaha ugu firfircoon ergadaan.

Waa siyaasiyiin horay xilal uga soo qabtay dowladda Kenya iyo xubno hadda masuuliyad ka haya dalkaas, waxayna dhexda u xirteen sidii khilaafkaan ay xal ugu heli lahaayeen, ragaan ayaa ku heyb ah Axmed Madoobe, balse waa Soomaali Kenyaan aysan dano badan uga dhex xireyn Soomaalida.

Maxamed Cabdi Afey, Maxbuub Macalin iyo Cabdiraxmaan Cali Xasan Colow ayaa ka mid ah siyaasiyiinta rug-cadaaga ah ee ku soo baxay khilaafka dowladda dhexe iyo Jubbaland, sidoo kale waxaa la sheegay in wafdigaan ka socda Kenya uu qeyb ka yahay Agaasimaha Sirdoonka Kenya Nuuradiin iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Kenya.

Danjire Maxamed Cabdi Afry waa siyaasi ka soo jeeda Kenya horeyna xilal kala duwan uga soo qabtay dowladda Kenya, wuxuu ka mid ahaa saddexda shakhsi ee lagu arkay sawirradooda kulamo ay la yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Sidoo kale Danjire Maxbuub Macallin ayaa ka mid ahaa ragga qayb qaadanaya dhexdhexaadinta, kaas oo horey xil weyn ugu soo qabtay Kenya iyo gobolka, waa siyaasi Soomaali Kenyaan ah oo kasoo gobolka Waqooyi Bari Kenya (NFD), 30 sano muddo ku siman wuxuu ahaa shaqaale dowladdeed, isagoo soo qabtay xilal ay ka mid ahayeen xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda biyaha iyo waraabka ee Kenya.

Sidoo kale Danjire Maxbuub wuxuu soo noqday xoghayahii 5-aad ee Urur-goboleedka IGAD, xilkaas ayaa loo doortay sanadkii 2008-dii, isagoo hayey ilaa 2019-kii, wuxuuna door weyn ka ciyaari jiray xalinta khilaafaadka gobolka, sida dadka arrimaha gobolka ka faallooda ay Caasimada Online u sheegeen.

Siyaasiga 3-aad waa Senator Cabdiraxmaan Cali Xasan Colow oo ka tirsan baarlamaanka Kenya, wuxuu horey u soo qabtay xilal xildhibaan golaha shacabka iyo aqalka sare ee Kenya, waa masuul laga soo doorto issmaamulka Wajeer ee Kenya, wuxuuna muddo dheer ku jiray siyaasadda Kenya.

Kulamada ergada Kenyaanka ah ay la qaateen dhinacyada khilaafku ka dhexeeyo ee dowladda federaalka iyo Jubaland ayaan ilaa hadda la ogayn halka ay wax marinayaan iyo natiijada ay ka gaareen, maadaama aan warbaahinta la siin wax faahfaahin ah.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, ergadaan ayaa Axmed Madoobe ka dalbatay inuu joojiyo dhaqdhaqaaqa doorashooyinka ilaa inta ay xal uga helayaan xiisadda kala dhexeysa dowladda dhexe ama ay ka baxayaan dhexdhexaadinta, maadaama arrinta la isku hayo ay tahay doorashada Jubbaland.

Intaas kadib waxay yimaadeen Muqdisho, waxayna la kulmeen ra’iisul wasaare Xamsa, sida uu shaaciyey xafiiska Xamse, sidoo kale kulan aan la shaacin ayey la yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh, weli waxaa socda kulamada sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, waxaana suurtagal ah in xal laga gaaro xiisadaan.

Xog: Sida ay Shabaab ku helaan gaadiidka ay qaraxyada u adeegsadaan iyo khatar weyn oo jirta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab sidee ayey ku heshaa gaadiidka ay ku soo raraan qaraxyada ee dadka badan ay ku laayaan, xog uruurin la sameeyey ayaa lagu ogaaday sida uu kooxda ku soo galo gaadiidkaas.

Al-Shabaab waxay qaraxyada ku soo raraan gaadiidka raaxada ee inta badan aan laga shakin, inkastoo hadda la yareeyey qaraxyada, hadana dad badan ayey ku laayeen.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kooxda Al-Shabaab ayaa dhacda inta badan gaadiidka ay ku soo xirayaan qaraxyada, iyagoo marka hore xira qofka ay doonayaan inay gaarigiisa ku soo raraan qarax.

Inta qofkaasi u xiran yahay waxay qarax ku soo raraan gaarigiisa, markii dad badan lagu halaago kadib ayay xabsiga ka soo daayaan qofka, mararka qaar dowladda ayaa hesha xogta gaariga qarxay, wuxuuna raadku ku soo dhamaadaa in Shabaab dhaceen gaariga oo ay qarxiyeen qofkii lahaa oo iyaga u xiran.

Muwaadiniin badan ayaa la adeegsaday gaadiidkooda, kuwaas oo loo awood sheegtay, kooxda ayaa qofkii ay gaarigiisa ka dhacaan ugu hanjabta dil, waxaa Al-Shabaab ku adkaatay inay soo iibsadaan gaadiid ay qaraxyada ku soo raraan, maadaama la adkeeyey shuruudaha lagu iibsado gaadiidka.

Booliska Soomaaliya ayaa toddobaadyo ka hor milkiilayaasha gaadiidka ku wargeliyey in hadii laga dhaco gaadiidkooda ay ku soo wargeliyaan dowladda, si looga hortago khatarta ka dhalan karta.

Weerarkii ka dhacay Hotel SYL oo ku dhex yaalla Madaxtooyada waxay dowladda Soomaaliya xaqiijisay in gaadiidkii loo adeegsaday mid kamid ah laga dhacay qofkii lahaa, isla markaana hadda la hayo diiwaanka gaadiid badan oo ku maqan gacanta Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa inta badan ka dhaca dadka shacabka ah iyo ganacsatada ay u yeeraan ee ugu tagta dhulka howdka ah, balse waxaa ku adag inay soo geliyaan gudaha magaalada Muqdisho, maadaama amniga la adkeeyey oo gaari kasta lagu baaro bar control kasta oo ciidan joogo.

Xog ka cusub kiiska wiil SOOMAALI ah oo dhawaan lagu dilay Nairobi

0

Nairobi (Caasimada Online) – Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, oo ay ku noolyihiin Soomaali badan ayaa waaydii ugu dambeeysay wajahaysa walaac weyn oo dhinaca ammaanka ah.

Magaaladan ayaa waxaa ka dhacay dilal qorsheysan, oo uu kamid yahay dilkii Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ibraahim oo 25 sano jir ahaa

Booliska dalka Kenya ayaa soo xiray haweeney lala xiriiriyay dilkan, iyadoo afar qof oo kale ay su’aalo weydiiyeen si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo kiiskaan.

Dr. Resila Atieno Onyango, oo ah Afhayeenka booliska Kenya ayaa xaqiijisay in haweeneydan la qabtay ay la taagnayd marxuumka xilligii uu dhacayey dilka.

Cabdiraxmaan iyo haweeneyda la xiray ayaa ku wada taagnaa bannaanka hore ee dhismaha DD Plaza oo ku yaalla waddada 12-aad ee Islii, markaasi oo ay ku soo dhawaadeen dabley hubaysan oo dilka geystay, sida uu sheegay booliska Kenya.

“Ciidamada amniga ayaa ku raadjooga dambiilaha ugu muhiimsan ee loo malaynayo inuu ka dambeeyo dilkaan,” ayuu yiri afhayeenka booliska Kenya.

Nairobi, gaar ahaan Islii ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay la kulmeysay amni darro aad u baahsan oo isugu jira dilal iyo weerarro sharci darro ah, kuwaas oo cabsi weyn ku abuuray bulshada deegaanka, oo ay kamid yihiin Soomaalida.

Ammaanka xaafada Islii ayey dadka ku nool ku baaqeen in la adkeeyo ammaankeeda, ayadoo booliska uu ballan-qaaday in ay xoojinayaan howl-galada ay ku sugayaan badqabka shacabka, si looga hortago falalkan argagaxa leh ee sii kordhaya.

Dhawaan waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu dilay illaa afar haween ah oo hilbahooda la jarjaray, waxaana socda baaritaannada la xiriira dilalkan argagaxa leh, kuwaas oo booliska Kenya usoo qabtay tuhmanayaal dhowr ah.

Sawirro: Muuse Biixi iyo wakiilada caalamka oo maanta kulmay + Ujeedka

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xarunta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay qaar kamid wakiilada caalamka.

Wakiilada uu Muuse Biixi la kulmay ayaa waxay kala yihiin safiirada dalalka, Uk, EU, Denmark, Sweden, Switzerland, Norway, Czech Republic iyo France oo goob-joogayaal ka ahaa doorashadii shalay ka dhacday Somaliland.

Waxay dhammaantood ka markhaati kaceen sida waayo aragnimada leh ee ay shacabka u muujiyeen hannaanka dimuquraadiga ah ee ay u dhacday doorashadii shalay ay u dareereen shacbiga Somaliland.

Doorashada shalay ayaa waxaa loogu codaynayay axsaabta ururada, saddexda xisbi qaran iyo murashixiinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka shanta sanno ee soo socota.

Waxay hambalyo iyo bogaadin u direen bulshada reer Somaliland oo ay ku tilmaameen shacbi bisil oo ay tahay inay wax ka bartaan dalalka Afrika iyo caalamkuba, sida nabad-gelyada iyo waayo aragnimada leh ee ay u dhiibteen codkooda.

Mudane Biixi ayaa waxa kulankan ku wehlinaayey wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, Dr Ciise Keyd iyo Ergeyga gaarka ah ee wada-hadalada Marwo Adna Aadan.

Dhinaca safiiradda iyo dublamaasiyiintuna waxay kala ahaayeen, safiirka dalka UK Amb. Mike Nithavrianakis iyo diblumaasi Ilyas Malek, safiirka dalalka Midowga Yurub Amb. Karin Johanson iyo diblumaasi Thomas Kieler, safiirka dalka Denmark Amb. Steen Sonne Andersen iyo safiir ku’xigeenkiisa Amb Gertrud Birk, Safiirka Sweden Amb. Joachim Waern iyo diblumaasi Johan Svenson, safiirka dalka Switzerland Amb. Mirko Giuletti iyo diblamaasi Natalie Frei.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa safiirka dalka Norway Einar Rystad iyo diblumaasi Narve Rotwitt, Safiir ku xigeenka dalka Czech Republic Amb. Miroslav Balint, Safiirka Dlaka France Lucile Carrez iyo diblumaasi Mohamed Sahardiid Raage oo ah la-taliyaha arrimaha ganacsiga.