25.1 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Wasiirka caafimaadka DF oo dhagax-dhigay dhismaha cusub ee shaybaarka qaranka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS Dr. Ali Haji Adam, ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha cusub ee Shaybaarka Qaranka (BIOSAFETY LEVEL 3) taasoo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo tayada adeegyada caafimaadka ee dalka munaasabaddan ayay sidoo kale goob joog ku ahaayen Dr. Guuled Abdijalil, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Hussein Abukar Muhidine, Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka, Howl wadeenada Wasaaradda iyo Machadka Caafimaadka iyo marti sharaf kale oo ay ka mid yihiin saamileyda caafimaadka dalka.

Shaybaarka Qaranka oo kamid ah xarumaha hoos yimaada Machadka Caafimaadka Qaranka sidookalena hirgelinta dhismahan cusub uu kamid yahay qorshayaasha ay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS ku hormarinayso adeegyada caafimaad ayadoo kaashanaysa UNICEF sidookalena horgelinta Shaybaarkan ayaa kordhin doona tayada baaritaanka caafimaadka wuxuuna xoojin doonaa awoodda baaritaanka iyo ka hortagga cudurrada halista ah ee saameeya bulshada Soomaaliyeed.

Dr. Ali Haji Adam, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegay in dhismaha Shaybaarka Qaranka uu bixin doono fursado cusub oo xirfadlayaasha caafimaadka ay ku heli doonaan qalab casri ah iyo fursado waxbarasho Waxana uu intaa ku daray in horumarkan uu yahay mid ka mid ah himilooyinka Wasaaradda Caafimaadka iyo Machadka caafimaadka Qaranka ayadoona la filayo in uu saameyn togan ku yeesho adeegyada caafimaadka ee dalka.

Ugu Danbayn Wasiirka ayaa xusay in dhismahan cusub uu muhiim u yahay xaqiijinta caafimaadka guud ee bulshada isagoona tilmaamay in fursadaha baaritaanka ee la heli doono ay ka caawin doonaan in la ogaado cudurrada waqtigooda si loo yareeyo faafitaanka iyo saameynta ay ku yeelan karaan bulshada.

Jubaland oo eedeyn culus u jeedisay DF kadib arrintii shalay ka dhacday Muqdisho

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa ku eedaysay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay caadaysatay ku tumashada dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka u yaalla, islamarkaana aysan wax la-tashi ah u ogolayn Dowlad Goboleedyada dalka.

“DFS waxay caadaysatay ku tumashada Dastuurka, xeerarka kale ee dalka u yaala iyo latashi la’aanta Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Somaaliya ee arrimaha masiiriga ah ee taabanaya masiirka ummada Soomaaliyeed,” ayay Jubaland ku sheegtay war-saxaafadeed ay soo saartay.

Dowlad Goboleedka Jubaland waxay mar kale caddaysay in aysan qayb ka ahayn, kana ahaandoonin, xeerarka Doorashooyinka oo ay ku tilmaantay kuwa ee sharci-darro ah oo  aan heshiis lagu aheyn oo Baarlamanka Somaaliya uu isku dayayo in la meel mariyo, iyadoo aan xitaa Koorumku u dhamaystirnayn.

“Dawladda Jubaland waxay mar kale cadeeynaysaa in aysan qayb ka ahayn, kana ahaandoonin, xeerarka Doorashooyinka ee sharci darada ah ee aan heshiiska lagu aheyn ee Baarlamanka Somaaliya uu isku dayayo in la meel mariyo iyadoo aan xitaa Koorumku u dhamaystirnayn,” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka Jubaland.

“Talaabada sharcidarada ah ee maanta Baarlamanka qaaday iyadoo wadahadalo iyo waan waan socotay Waxay cadeyn u tahay in madaxda dalka aysan diyaar u ahayn wadahadal, isdhagaysi, isixtiraam, iyo tanaasul loo sameeyo ummada Somaliyeed lana dhawro dastuurka, iyagoo caadeysatey dhaqanka ah ‘loo joojin mayo’ oo keenaysa Qalalaaso iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo hada sii xoogaysanaysa.”

Jubaland waxay sidoo kale ayaan darro ku tilmaaantay in Madaxda DFS ay dhegaha ka fureysteen baaqyada iyo talooyinka siyaasiyiinta iyo Bulashada Somaliyeed, iyagoo ay u cadaha waxa ay rabaan oo kaliya oo ah in labada Aqal ee Baarlamaanka ay marsadaan xeerar iyo habraacyo aan loo dhamayn.

Madaxweyne Farmaajo oo jawaab kulul ka soo saaray tallaabadii uu qaaday BF

0

Doha (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray qoraal uu eedeyn kulul ugu jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, xukuumadda uu hoggaamiyo iyo baarlamaanka dalka, isagoo ka soo horjeestay xeerka lagu dhisayo guddiga doorashooyinka dalka ee maanta baarlamaanka Soomaaliya ansixiyey.

“Waxaan caddeynaynaa in aanan aqoonsanayn hindiseyaashaas iyo guddiyada lagu dhisayaba, oo ay hubaal tahay in aan lagu salayn maslaxadda guud ee qaranka Soomaaliyeed iyo duruufaha siyaasadeed ee ka jira dalka,” ayuu yiri Farmaajo.

Wuxuu sheegay in la sii fogeeyey dowlad goboleedyada qaar, iyadoo ay dhinac uga baxeen arrimaha socda xildhibaanada ka soo jeeda Jubbaland iyo Puntland, wuxuuna Farmaajo farriin culus u diray guddoonka Baarlamaanka dalka.

Hoos ka akhriso qoraalka uu soo saaray Farmaajo:

Tallaabada uu maanta qaaday Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ansixinta sharci darrada ah ee xeerka lagu sheegay dhisidda Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha waxa ay sii fogaynaysaa xal u helidda tabashooyinka ay qabaan Dowlad-goboleedyada ka maqan Madasha Wadatashiga Qaranka, madaxdii hore iyo siyaasiyiinta dalka.

Isku-milanka labada hay’adood ee fulinta iyo sharci-dejinta waxa ay sii kala qeybisay shacabka Soomaaliyeed, iyadoo aqlabiyadda xildhibaannada heer Federaal ee matala Jubbaland iyo Puntland ay si cad uga soo horjeesteen meelmarinta sharciyadan iyo guddiyadan aan loo dhammayn, taas oo muujinaysa in xitaa Golihii Baarlamaanka la kala qaybiyey.

Haddaba, annaga oo tixraacayna waaqaca siyaasadeed ee dalka iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara sharciyo, guddiyo iyo hannaan doorasho oo aan heshiis lagu ahayn waxaan caddeynaynaa in aanan aqoonsanayn hindiseyaashaas iyo guddiyada lagu dhisayaba, oo ay hubaal tahay in aan lagu salayn maslaxadda guud ee qaranka Soomaaliyeed iyo duruufaha siyaasadeed ee ka jira dalka.

Nidaamka uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa ay qaadeen jiho khilaafsan dastuurkii lagu doortay iyo shuruucdii loo dhaariyey, sidaas awgeed waxa ay qaadayaan mas’uuliyadda taariikhiga ah iyo cawaaqib ka dhalanaya qorsheyaashooda gurracan ee kala qaybinaya shacabka Soomaaliyeed.

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaan xasuusinaynaa muhiimadda ay leedahay in ay joojiyaan ka qayb-qaadashada isku dayga hirgelinta hindiseyaasha ku saleysan danaha gaarka ah ee wiiqaya dowladnimada iyo dib u kabashada dalka, door hoggaamineedna ay ka qaataan ilaalinta midnimada iyo dowladnimada dalka.

DHAMMAAD

Joe Biden iyo Xi Jinping oo ku kulmay dalka Peru

0

Lima (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo Sabtidi shalay ku kumay magaalada Lima ee dalka Peru, ayaa ayaa ku celceliyay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo wada-hadallada lagu maareynayo xafiiltanka u dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha.

Labada masuul ayaa Lima uga qeybgalaya Shirweynaha Madasha Iskaashiga Dhaqaalaha Aasiya iyo Baasifigga ee Lima, Peru.

Xiriirka Maraykanka iyo Shiinaha ayaa ah “kan ugu muhiimsan” adduunka, ayuu yiri Biden, isaga oo ku nuux-nuuxsaday mas’uuliyadda labada hoggaamiye ee ah in aan loo oggolaan in tartanka uu galo colaad.

“Wadahadalladani waxay ka hortagayaan xisaab-xumo,” ayuu Biden ka yiri kulanka. Wuxuu intaasi ku daray in “Afartii sano ee la soo dhaafay, ay xaqiijiyeen suurtagalnimada in xiriir la yeesho.

Madaxweynaha Shiinaha Xi ayaa isna muujiyay dareen la mid ah, isaga oo sheegay in labada waddan “ay tahay in ay maskaxda ku hayaan danta adduunka oo dhan oo ay ku duraan hubanti iyo tamar wanaagsan oo dunidaan qalalaasaha badan.

Shiinaha iyo Mareykanka ayaa hadda ah labada waddan ee ugu awoodda badan dhaqaalo ahaan iyo milatari ahaan dunida.

Jadwalka doorashada Jubaland oo la shaaciyey

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga doorashada Jubbaland ayaa xalay soo saaray jadwalka doorashada guddoonka Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo goorta la shaacinayo xubnaha baarlamaanka Jubbaland.

Doorashada Madaxweynaha Jubbaland ayaa la qabanayaa 25-ka bishaan November, sida ku cad jadwalka caawa soo baxay.

18 ilaa 19 bishaan ayaa lasoo saarayaa liiska xildhibaanada la doortay ee baarlamaanka Jubbaland, sida uu shaaciyey guddiga doorashada Jubbaland.

20-ka bisha ayaa la shaaciyey in la qabanayo codsiyada musharaxiinta guddoonka baarlamaanka, iyadoo 21-ka bishaan la qorsheeyey inay khudbadahooda jeediyaan, isla markaana la gudagalo doorashada.

21-ka ilaa 23-ka ayaa la qorsheeyey in la qabto araajida Musharaxiinta Madaxweynaha, iyagoo khudbadahooda jeedin doona 24-ka bishaan.

Ugu dambeyntii 25-ka bishaan ayaa la qorsheeyey in la qabto doorashada Madaxweynaha Jubbaland, taasi oo ka dhigan in 9 cisho kadib la dooranayo Madaxweynaha Jubbaland ee 5-ta sano ee soo socota.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la aaminsan yahay in doorashadaan uu ka shaqeynayo sidii uu ugu soo laaban lahaa kursiga, waxaana taas ka dagaalamaysa dowladda federaalka.

Xiisad culus oo ka dhalatay doorashadaan ayaa ka dhextaagan madaxda dowladda federaalka iyo madaxweynaha Jubbaland, waxaana suurtagal ah in xiisadaan ay gaarto gacan ka hadal.

Daawo: Sheekh Shariif oo shaaciyey arrimo yaab leh oo Xasan Sheekh ay ku heystaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee dalka Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed oo kamid ahaa xubno mucaarad ah oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh aan waqtigiisa lagu heysan, balse lagu heysto ku tumushada sharciga.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa si cad u sheegay in Xasan Sheekh ay ku heystaan boobka dhulka danta guud ah ee dowladda uu hoggaamiyo ay Muqdisho ka wado, sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Madaxweynaha waqtigiisa laguma heysto, balse waxaa lagu heystaa ku tumashada sharciga, boobka hantida qaranka, iyo burburinta hay’adaha dowladda sida Baarlamaanka,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweyne hore Shariifka ayaa ka digay in loo baahdo badbaado qaran in dib loo aas-aaso, isagoo tusaale ka bixiyey in sida ay wax u socdaan aysan wanaagsaneyn.

“Waxaa loo baahan yahay in qaranimada la badbaadiyo, talo wadaagna la isugu yimaado, haddii arrimahaan aan la joojin, talo qaran ayaa la iskugu imaan doonaa,” ayuu hadalkiisa ku sii dharay Shariif Sheekh Axmed.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Mashruucan waa mashruucii hore loo soo diiday, kan waxaa sii raacday xishood la’aan, waana isla same scenario.”

Sheekh Shariif ayaa sheegay in xildhibaano laga soo kala doortay Puntland iyo Jubbaland ay cadeeyey mowqifkooda, isla markaana dheg jalaq loo sii diiday, “waxaan aragnay in baarlamaanka laga ansixiyey heshiis aan la arkin, waa arrin laga naxo oo aan weligeed horay loo arkin,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Wuxuu cod dheer ku sheegay in qaranimadii Soomaaliya ay god-dheer ku sii dhaceyso, “wax dambe oo maanta la is weydiiyo ma harin, waxaan ka fekereynaa sidii dalka loo badbaadi lahaa, lamana huri doono in talo la isugu yimaado,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Sheekh Shariif ayaa sheegay in dalkaan lagu samata bixi karo talo qaran, “dalkaan meel fog ayaa laga keenay in maanta dib loo celiyo ma ogolaa karno, dadaal ayaa naga galay dalkaan,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Hoos ka daawo

Wasiir FIQI oo kashifay mas’uuliyiin caan ah oo lacago kasoo qaatay dalal shisheeye

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa kashifay sirta mas’uuliyiin caan ah oo uu ku eedeeyay inay dalal shisheeye lacag uga soo qaataan magac dilka Soomaaliya.

Ugu horreyn wasiirka ayaa beeniyay  in ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ay kasoo baxeen furimaha dagaalka ay kaga jiraan gobolka Mudug, wuxuuna sheegay in weerarkaasi ay faafiyeen dad kasoo horjeedo dowladda federaalka oo leg dano gaar ah.

Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in dadka faafinaya wararkaasi ay liidaan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu tilmaamay in guullo waa wayn ay kasoo hooyeen dagaalka Shabaab.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dadaalka ciidamada iyo howlgalladooda ay sababeen in todobaadkii lasoo dhaafayay dowladda iskusoo dhiibeen 10 xubnood oo ka tirsan Alshabab, isaga oo u sheegay inay u adkaysan waayeen go’doominta lagu hayo kooxda.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa carabka ku dhuftay inay jiraan mas’uuliyiin lacago dowlado shisheeye uga soo qaato beentaasi, si ay u niyad jabiyaan ciidanka Soomaaliyeed, balse ma shaacin magacyada shaqsiyaadkaasi ee uu eedeeyay.

“Dalkaan waxaan ognahay niman masuuliyiin ah oo lacag lagusoo siiyay, oo dowlado kale ay lacag soo siiyeen. Waxaan haynaa xaqiiqdooda, oo ah inay biil ku qaataan magac dil sameeya. Dadkaas waa naqaanaa, iyaguna way is yaqaanaan. Waan ka shifaynaa hadday xishoon waayaan,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo marar badan la siyaasadeeyay arrimaha ciidamada, taas oo dhowr jeer oo hore looga digay madaxda talada haysa iyo kuwii hore.

Itoobiyaankii ugu badnaa oo lagu xiray Caabudwaaq

0

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta Itoobiyaankii ugu badnaa lagu xir-xiray gudaha degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolkaasi, kadib howlgal ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen halkaasi.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo Itoobiyaan badan oo ay xabsiga usii wadaan ciidamada ammaanka ee degmada Caabudwaaq ee gobolka Glagaduud.

Dadka la xir-xiray ayaa isugu jiro Amxaaro iyo Oromo kasoo jeeda dalka Itoobiya, kuwaas oo indhaawanahan ku sugnaa deegaannada maamulka Galmudug.

Oromada iyo Amxaarada lasoo aruuriyay ayaa lagu eedeeyay inay biraha ka aroori jireen magaalooyinka waa weyn, heer ay gaareen inay biraha kala baxaan qabuuraha, taas oo keentay cabasho ay ka muujiyeen dadka deegaanka.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo mas’uuliyiinta maamulka Galmuudg oo ku aadan ajaaniibtaasi gacanta lagu so dhigay.

Dhowaan ayay ahayd markii magaalada Guriceel lagu dilay laba nin oo Itoobiyaan ah, kadib markii uu rasaas ku furay nin ku labisnaa dareenka ciidamada oo goobta ka baxsaday.

Horay ayaa la sheegay in loogu digay Oromada ku sugan deegaannada maamulka Galmudug, waxaana hanjabaadyo ay kala kulmayeen maleeshiyaad deegaanka ah.

DF Somalia oo baroordiiq u sameyneyso SIILAANYO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, kana soo jeedo gobollada waqooyi ayaa maanta ka hadlay geerida ku timid allaha u naxariistee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ahaa madaxweynihii hore ee Somaliland.

Xubnahan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Siilaanyo, waxayna tacsi u direen guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Wasiirka beeraha iyo waraabka, ahna xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in marxuumka ay u sameyn doonaan kulan baroordiiq ah, looguna duceynayo Axmed Maxamed Siilaanyo.

“Waxaanu sameyn doonaa kulan duco ah oo aan ugu duceyneyno marxuumka, Ilaahey naxariis iyo Janno ha siiyo” ayuu yiri wasiirka beeraha iyo waraabka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Qofka marka uu dhinto dadka oo dhan uma wada tegaan, laakiin qiimaha uu lahaa awgiis qofba meesha uu joogo uga tacsiyeeyo ayaa ujeedkeenu yahay”.

Dhankiisa, wasiirka howlaha guud  iyo dib u dhiska xukuumadda Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo hadalka qaatay ayaa ka hadlay taariikhda Siilaanyo, wuxuuna sheegay in door wayn uu ka qaatay wada-hadalladii hore u dhacay ee Soomaaliya iyo Somaliland.

“Siilaanyo waxaan ku xasuustaa wada-hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland, Ummadda waan uga tacsiyadeynayaa” ayuu isna yiri Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

Geerida Siilaanyo ayaa ku soo aaday iyadoo Somaliland ay ka socoto doorashada madaxtinimada maamulkaas oo si weyn isha loogu hayo.

Siilaanyo wuxuu kamid ahaa madaxdii sida dimuquraadiga ah ku soo hoggaamisay Somaliland, wuxuuna 7 sano ka hor xilka ku wareejiyey Muuse Biixi.

Marxuumka ayaa ku dhashay gobolka Togdheer qiyaasti sannadki 1938-ki. Wuxuu jagooyin kala duwan kasoo qabtay dowladihii rayidka iyo tii kacaanka ee Soomaaliya, isaga oo soo noqday wasiirka ganacsiga iyo wasiirka qorsheynta iyo jagooyin kale.

Shariif iyo CC Shakuur oo ka horyimid tallaabadii uu maanta qaaday BF + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta si wadajir ah shir saxaafadeed ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga horyimid tallaabadii ay maanta qaadeen xildhibaannada labada Gole, kadib markii ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen xeerka dhismaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka dalka.

Sheekh Shariif oo madasha ka hadlay ayaa marka hore su’aal ka keenay qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay ka taagan tahay dood xooggan, maadaama ay diideen maamullada Jubbaland, Puntland iyo Mucaaradka.

“See lagu gaari karaa qof iyo cod magaaladaan aan maanta joogno oo caasimada ah oo dowladda ay ku shaqeyneyso ma ka dhici kartaa qof iyo cod dadka inta ay baxaan si xor ah oo xalaal ah cod ma u dhiiban karaan?, su’aashaas ayaa ku taallo” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la cuuryaamiyay shaqadii baarlamaanka dalka, isla markaana shuruucda hadda la meel-marinayo oo uu ugu horreeyo guddiga doorashooyinka loo maray hannaan qaldan oo aan sax ahayn, sida uu hadalka u dhigay.

“Baarlamaanka afka ayaa lagu dhagay waa hay’addii koowaad oo wax dooraneysay, haddii uu shaki soo galo xubnaha codeeyay ma dhan yihiin mise ma dhama? arintaas ogaada waa mid aad u u culus. Sharciyadaan hadda la ansixinaayo nidaamka loo maraayo waa khaldan yihiin, waxa ka dhalanaaya waa in lasii kala fogaado” ayuu mar kale yiri Sheekh Shariif.

Dhankiisa xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hadalka qaatay ayaa shaaca ka qaaday in baarlamaanka hadda jiro uu kasii liito meesha uu joogay baarlamaankii xukunkii milatariga, wuxuuna eedeyn culus u jeediyay guddoonka sare ee labada Gole.

“Runtii waa waa ayaan darro wayn in baarlamaanka  labadiisa Aqal ay noqdaan meel ka liidatay baarlamaankii xukunka milatariga oo la leeyahay maanta waxaa timid 173 xildhibaan gacanta ayay wada taageen qof diiday maleh, qof ka aamusay maleh” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Golihii shacabka wuxuu noqday meel lagu sacab tumo oo lagu guul wadeeyo, waana ognahay in xildhibaannada joogay aysan ka badneyn 120 xuldhibaan oo u badan wasiirada”.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in ansixinta dhismaha guddigga doorashooyinka uu khilaafsan yahay nidaamka federaalka ee dalka, isaga oo ku dooday in dowlad goboleedyada ka jira dalka ay u madax banaan yihiin doorashooyinkooda gaarka ah.

“Meeshaas waxa kasoo baxay sharci ma’aha nidaamka federaalka waa khilaafsan tahay oo ma ogol hal guddi doorasho wax la yiraahdo, maxaa yeelay waa laba heer dowladeed” ayuu mar kale yiri.

Sawirro: NISA oo Muqdisho ku qabatay xubno Shabaab ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Nabad-sugidda Soomaaliya oo maanta howlgal ka sameeyay magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay laba xubnood oo ka tirsan kooxd Al-Shabaab, sida lagu shaacitat warsaxaafadeed kasoo baxay hay’adda/

Laba xubnood oo sawirradooda lasoo bandhigay ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Kooshin Maxamuud Axmed iyo Keyse Faarax Xasan(Axmed yare)sida lagu sheegay warka kasoo baxay NISA.

Kooshin ayaa kooxda u qaabilsanaa isbitaalada iyo bukaanadooda la keeno magaalada Muqdisho, halka Kayse lagu eedeeyay inuu dhaqtar u shaqeynayay Al-Shabaab, uuna qaabilsanaa n daaweynta bukaanadooda jooga degmada Jilib sidoo kale waxaa NISA ay sheegtay inuu Adeer u yahay horjoogaha khawaarijta ee arrimaha Siyaasadda Xuseen Fiidow.

“Haya’adda NISA waxa ka go’an ciribtirka cadowga khawaarijta ah ee beegsanaya dadka Shacabka soomaaliyeed iyo cid walba oo kaalin ku leh la shaqayntooda” ayaa lagu yiri qoraalka.

NISA ayaa sidaan oo kale todobaadkii hore gacanta ugu soo dhigtay Cali Hilowle Ibraahim iyo Axmed Samatar Cali oo loo haysto inay saddex nin oo ganacsato ahaa dhowaan ay ku dileen degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir.

Horay ayaa sidaan oo kale ayaa gacanta loogu soo dhigay eedeysanayaal loo haysto inay dileen ganacsato xirtay Kaamirooyinka CCTV oo ay ku amartay dowladda Soomaaliya.

Ganacsatada ayaa dhibanayaal u noqday amarkaas, waxayna beegsi kala kulmeen kooxda Al-Shabaab oo dil ku bilowday, sidoo kalena qarxisay goobo ganacsi oo ku yaal caasimada.

Xildhibaannada labada Gole oo ansixiyay dhismaha gudigga doorashooyinka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada Gole ee baarlamaanka Federalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa meel-mariyay xeerka dhismaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo sohdimaha.

Sida uu ku dhawaaqay natiijada guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe waxaa xeerkan ogolaaday dhammaan xildhibaannadii iyo senatorada xaadiray kulanka oo gaaraya illaa 173 mudane, mana jirin xildhibaan diiday ama ka aamusay.

“Aan is dhageysano natiijada ayaan ku dhawaaweynaa kooramka wuxuu ahaa 173 Mudane, cid ka aamustay ma jirto, cid diidayna ma jirto dhammaan waxay ku codeeyeen wada ogol, sidaas daraadeed waa ansax xeerka dhismaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyox xuduudaha” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Intaas kadib xildhibaannada ayaa guda galay akhrinta 2aad ee xeerka ururada/xisbiyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee doorashada dadweynaha ka qaybgalaya, si loo helo xeer qeexaya oo baarlamaanku u codeeyay.

Kulamada Baarlamaanka oo uu horay u dalbaday madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dardar ku socdo, waxaana qorshaha ugu wayn uu yahay hirgelinta doorashada ee qof codka ah ee ay go’aamiyeen xubnaha golaha wadatashiga qaranka.

Qorshahan ayaa dhaliyay xiisad xoogan, kadib markii ay ka biyo diideen maamullada Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeedo dowladda dhexe.

Si kastaba, waxaa laga war sugayaa tallaabada uu qaado Baaralamaanka Soomaaliyeed oo leh go’aanka ugu dambeeya ee lagu jiheynayo doorashooyinka soo socda ee dalka.

Xog: DF oo qaaday tallaabo milatari oo ka dhan ah JUBBALAND

0

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gedo ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya ay gobolkaasi gaysay ciidamo milatari ah oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay halkaasi, taas oo loo arko tallaabo milatari oo ka dhan ah Jubbaland.

Ciidamadan oo ka tirsan qeybta 43-aad ee Xoogga dalka ayaa gaaray degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaas oo lasoo wariyay inay fariisimo cusub ka sameysteen halkaasi.

Saraakiil ka tirsan milatariga ayaa sheegay in ciidamada halkaasi loo geeyay inay qaadaan duulaan ka dhan ah Al-Shabaab, iyaga oo diiradda saaraya qaybta koonfureed ee dalka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dib-u-dejinta ciidamada aan lagu wargelin Jubbaland oo haatan khilaaf xoogleh uu kala dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo ka dhashay sida loo wajahayo doorashooyinka dalka.

Arrintan ayaa u muuqata in dowladdu qaadeyso tallaabo milatari oo ka dhan ah Jubbaland, waxaana sida oo kale horay u sameeyay Farmaajo oo ciidamo ku qabsaday gobolka Gedo.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana gobolka laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo ka dhashay ciidamada ay dowladda dhexe geysay aagga degmada Ceelwaaq.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Jubbaland oo ku aadan dhaq-dhaqaaqa milatari ee ay dowladdu ka bilowday gobolka Gedo.

Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo aadayo, kadib markii ay guul darreysteen dadaallo dhex-dhexaadin ah oo ay garwadeen ka ahayd dowladda Kenya, si la’isugu soo dhaweeyo Villa Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, mana jiro illaa iyo hadda wax kasoo naasa cadaaday.

Itoobiya oo war cusub soo saartay ka dib go’aankii wasiirka difaaca Soomaaliya

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in dadaalkeeda lagu wiiqayo al-Shabaab ay u sii wadi doonto si kasta oo suurtagal ah si loo hubiyo in kooxdu aysan khatar ku ahayn amniga qaranka iyo in “guulaha la gaaray ilaa hadda aan laga soo laaban.”

Warbixin kooban oo toddobaadle ah ayaa danjire Nebiat Getachew, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, wuxuu kaga hadlay doorka muhiimka ah ee Itoobiya ee dhimista khatarta al-Shabaab ee gobolka. 

“Al-Shabaab waxay weli walaac ku yihiin amniga qarankeena, dadaallada looga hortagayana waa ay sii socon doonaan xaalad walba, si looga hortago inay mar kale khatar noqdaan ama ay dib usoo laba kacleeyaan,” ayuu yiri afhayeenka.

Nebiat waxa kale oo uu xusay in maadaama ay Itoobiya iyo Soomaaliya yihiin deris “aan kala maarmin”, ay Itoobiya sii wadi doonto fulinta aragtideeda istiraatiijiyadeed si ay u “xoojiso is-dhexgalka gobolka ee mustaqbalka fog”.

Hadalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa daba socda war uu Sabtidii hore soo saaray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, kaasi oo shaaciyey in Itoobiya aysan ka qeyb qaadan doonin howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee soo socda, ee la qorsheeyay inuu bilowdo Janaayo 2025.

Hadallo laga sii daayey Telefishanka dawladda, ayuu wasiir Cabdulqaadir ku dooday in heshiiskii dhawaan ay Itoobiya la gashay Somaliland uu wax u dhimayo “madax-banaanida iyo midnimada qaranka Soomaaliya”.

Midowga Afrika ayaa howlgalkiisa nabad ilaalinta ah ka billaabay Soomaaliya sanadkii 2007-dii, isagoo u diray ciidamo si ay u taageeraan halganka ay Soomaaliya kula jirto al-Shabaab.

Ayada oo markii hore loo yaqaanay AMISOM kadibna loo bixiyay ATMIS, howlgalka ayaa lagu wadaa in lasoo gaba-gabeeyo bisha December 2024. AUSSOM waxaa loogu talagalay in ay sii waddo taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya illaa 2028, laguna billaabo ku dhawaad 12,000 oo askari. 

Xiriirka diblomaasiyadeed ee Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa xumaaday ka dib markii ay 1-dii Janaayo 2024 ay heshiis is-afgarad ah kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland.

Is-afgaradku ayaa ujeedadiisu tahay in Itoobiya loo fududeeyo helitaanka bad, taas beddelkeedna ay aqoonsato Somaliland. Hase yeeshee, is-afgaradkaas oo qorshuhu ahaa in heshiis rasmi ah loogu beddelo saddex bil gudahood, ayaa ku dhowaad sanad kadib weli halkiisa taagan. 

Al-Shabaab oo jab culus lagu gaarsiiyay SH/HOOSE

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal culus oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay aagga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah u sameeyay Ururada 175-aad, guutada 17-aad ee Gorgor iyo 146-aad ee guutada 14-ka October, waxayan gaareen deegaanka Jowhar-awdheegle oo ay ku dhuumaaleysanayeen xubnaha Al-Shabaab.

Inta uu socday howlgalka ayaaa waxaa lagu dilay xubno iyo saraakiil ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya,.

“Howlgalka ayay Geesiyaasha Qarankeenna si gaar ah ugu beegsadeen deegaanka Jowhar-awdheegle iyo tuulooyin ku xeeran, waxayna Ciidanka ku guuleysteen khaarijinta dhagar-qabayaal Khawaarijta katirsan oo si dhuumaaleysi ah baad uga qaadan jiray Shacabka iyo gaadiidka isticmaala inta udhaxeysa degmada Awdheegle iyo deegaanka Janaale” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale taliyaha guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Nuur Maxamed Gaabow (Nur Farey) ayaa xaqiijiyay in howlgalka uu si guul ah ku soo dhammaaday, isla markaana shacabka laga horleexiyay Al-Shabaab.

Dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca dagaallo iyo duqeymo ka dhan maleeshiyaadka kooxda.

ELON MUSK oo qaaday tallaabo cajiib ah oo la xiriirta xiisadda Mareykanka iyo Iran

New York (Caasimada Online) – Elon Musk, bilyaneerka sida aadka ah ugu dhow madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump, ayaa la kulmay safiirka Iran u fadhiya Qaramada Midoobay si uu u qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa Tehran iyo Washington, waxaa sidaas Khamiistii weriyey wargeyska The New York Times.

Wargeyska ayaa ka soo xigtay ilo-wareedyo aan la magacaabin oo Iiraaniyiin ah in ay ku qeexeen kulanka dhexmaray ninka ugu taajisan adduunka iyo danjire Amir Saciid Iravani “mid wanaagsan.”

Labada nin waxay in ka badan hal saac ku kulmeen goob qarsoodi ah Isniintii, ayuu yiri wargeyska.

Kooxda kala-guurka ee Trump iyo ergada Iran ee Qaramada Midoobay midna si degdeg ah uma xaqiijin kulanka, iyadoo howlgalka Iran ee QM uu sheegay in aysan wax faallo ah ka bixineyn.

Kulanka, haddii la xaqiijiyo, wuxuu bixin karaa tilmaam horudhac oo ah in Trump ay dhab ka tahay diblomaasiyadda Iran, oo uusan dooraneyn habka dagaalka ahaa ee ay doorbidayaan xubno badan oo ka tirsan xisbigiisa Jamhuuriga iyo Israa’iil.

Waxay sidoo kale muujin doontaa mar kale saameynta aan caadiga ahayn ee Musk, milkiilaha Tesla iyo X, oo si joogta ah ugu dhow dhinaca Trump, ayada oo lagu soo waramayo inuu xitaa kala qeyb-galayey wada sheekeysiyada taleefoon ee hoggaamiyeyaasha adduunka.

Trump ayaa muddo xileedkiisii koowaad ee xafiiska waxa uu jeex-jeexay heshiis ku saabsan barnaamijka Nukliyeerka Iran oo uu ka shaqeeyey madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Barack Obama, taa beddelkeeda waxa uu doortay siyaasad “cadaadiska ugu sarreeya”ah oo ay ka mid tahay in uu ka shaqeeyo in uu ku qasbo waddamada kale in aysan iibsan saliidda Iran.

Balse Trump waxa uu isu muujiyey inuu yahay heshiis sameeye weyn, waxaana ololihiisii ugu dambeeyey uu ka dhawaajiyey inuu u furfuran yahay diblamaasiyadda, inkasta oo ay jirto taageeradiisa xooggan ee ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, kaas oo horey u amray weerar ka dhan ah Iran.

Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian, oo loo arko inuu yahay qunyar socod ka tirsan dowlad wadaaddo ah, ayaa Khamiistii u sheegay madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta Nukliyeerka ee booqanaya Iran, in Tehran ay doonayso inay meesha ka saarto shakiga ku saabsan barnaamijkeeda Nukliyeerka ee “nabadda ah”.

Safiirka Iran ayaa sidoo kale ku booriyay Musk intii uu socday kulankooda inuu raadiyo in uu ganacsi ka sameeyo Tehran, ayada oo laga reebayo cunaqabateynta Mareykanka, ayuu yiri wargeyska The Times, isagoo soo xiganaya sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran.

Trump ayaa Musk iyo musharaxii hore ee madaxweynaha Mareykanka ee Jamhuuriga Vivek Ramaswamy u magacaabay in ay hoggaamiyaan wax cusub oo lagu soo daray dowladda oo lagu magacaabo “Department of Government Efficiency” ama “Waaxda Wax-ku-oolnimada Dowladda,” oo la doonayo inay wax ka qabato shaqo xumada hay’adaha dowladda.

Hindisaha cusub ayaa dhaliyay su’aalo ku saabsan dano is-diidan oo arrintan ka dhallan kara, sababo la xiriira is-dhexgalka ballaaran ee ganacsiyada Musk iyo dawladda.

Cinwaanka Waaxdan cusub ayaa laga abuuray X, oo hore u ahaan jirtay Twitter, halkaasi oo dadka laga codsaday in ay kusoo shaqo codsadaan ayaga oo soo diraya farriin toos ah.

“Waxaan u baahanahay shaqaale caqligoodu sarreeyo oo kacaani ah oo asbuucii shaqeeya 80+ saacadood,” ayaa lagu yiri qoraalka, oo intaas ku daray Elon iyo Vivek ay eegi doonaan codsadayaasha ee ugu sarreeya ee ah 1%.

Biden oo qaaday tallaabo la xiriirta Japan iyo Kuuriyada Koofureed

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Joe Biden ayaa Jimcihii bogaadiyay iskaashiga u dhexeeya dowladaha Mareykanka, Kuuriyada Koonfureed iyo Japan, si looga hortago wax uu Biden ku tilmaamay khatarta iyo iskaashiga ku dhisan xasillooni-darrida ee ka dhaxeeya Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa hadalkan ka sheegay kulan doceed uu Jimcihi shalay dalka Peru kula yeeshay Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol iyo Ra’iisul Wasaaraha Japan Shigeru Ishiba.

Mas’uuliyiintan ayaa Peru u jooga ka qeybgalka shir-madaxeedka iskaashiga dhaqaalaha ee Aasiya iyo Baasifiga. Waxana wadahadalladi shalay ay imanayaan xilli uu jiro walaac xoog leh oo laga qabo iskaashiga millatari ee sii kordhaya ee u dhaxeeya Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Kulanka Biden uu la yeeshay madaxda Japan iyo Kuuriyada Koofureed ayaa noqon doona kiisii ugu danbeeyay, ka hor inta uusan xafiiska Aqalka Cad u banneyn, madaxweynaha dooran ee Mareykanka Donald Trump.

Maxaa looga hadlayaa kulanka maanta ee labada GOLE?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku leh xarunta Villa Hargeysa, kaas oo looga hadlayo arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka iyo doorashooyinka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulanka maanta ee labada Aqal ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa xeerarka doorashooyinka oo uu ku howlan yahay Baarlamaanka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in maanta xildhibaannada ay ka doodi doonaan akhrinta 3-aad iyo u codeynta xeerka dhisidda guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka.

Xubnaha Baarlamaanka ayaa goor sii horreysay loo diray farriin wargelin ah, si ay usoo xaadiraan kulanka maanta oo la filayo inuu guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Sidoo kale waxaa isla fadhiga maanta akhrinta 2aad lagu marin doonnaa xeerka ururada/xisbiyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee doorashada dadweynaha ka qaybgalaya, si loo helo xeer qeexaya oo Baarlamaanku u codeeyay.

Kulamada Baarlamaanka oo uu horay u dalbaday madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dardar ku socdo, waxaana qorshaha ugu wayn uu yahay hirgelinta doorashada ee qof codka ah ee ay go’aamiyeen xubnaha golaha wadatashiga qaranka.

Qorshahan ayaa dhaliyay xiisad xoogan, kadib markii ay ka biyo diideen maamullada Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeedo dowladda dhexe.

Si kastaba, waxaa laga war sugayaa tallaabada uu qaado Baaralamaanka Soomaaliyeed oo leh go’aanka ugu dambeeya ee lagu jiheynayo doorashooyinka soo socda ee dalka.

Madaxweyne Xasan oo war deg deg ah ka soo saaray geerida Axmed Siilaanyo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo guud shacabka Soomaaliyeed, geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo caawa ku geeriyooday magaalada Hargaysa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay doorkii taariikhiga ahaa ee Marxuumku kasoo qaatay u adeegidda iyo horumarinta dalkiisa, gaar ahaan meertadiisii hoggaaminta Wasaaradaha Qorsheynta iyo Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Silaanyo ayaa sidoo kale ku suntanaa kaalintiisii lama ilaawaan ee furitaanka albaabka wada hadallada Somaliland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun, Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo caawa ku geeriyooday magaalada Hargaysa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya oo sii hadlayey ayaa yiri, “Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka, innaga oo ku xasuusanayna sida ay uga go’nayd dib usoo celinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed oo uu door lama ilaawaan ah kulahaa furitaanka wadahadallada Somaliland iyo DFS”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Alle u weydiiyay in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowso, sabar iyo iimaanna uu ka siiyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Madaxweyne hore Siilaanyo oo caawa ku geeriyooday Hargeysa ayaa maamulka Somaliland wuxuu sheegay in maalinta Isniinta ah la aasi doono meydkiisa.

Madaxweynihii hore ee Somaliland oo geeriyooday

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa ku geeriyooday magaalada Hargeysa, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Wasiirka Warfaafinta Maamulka Somaliland Cali Xasan Maxamed.

“Wasiirku wuxuu  Eebe uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), qoyska iyo shacbiga Somalilandna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo,” ayaa lagu yiri qoraal uu baahiyey Telefishinka Somaliland.

Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo wuxuu ahaa madaxweynaha Somaliland sanadihii 2010-kii ilaa 2017-kii.

Wuxuu ahaa madaxweynihii labaad ee lagu soo doortay codeyn dadweyne oo qof iyo cod ah, isla markaana lagu soo doortay si dimuqraadi ah.

Geerida Siilaanyo ayaa ku soo aadeysa iyadoo Somaliland ay ka socoto doorashada madaxtinimada maamulkaas oo si weyn isha loogu hayo.

Siilaanyo wuxuu kamid ahaa madaxdii sida dimuquraadiga ah ku soo hoggaamisay Somaliland, wuxuuna 7 sano ka hor xilka ku wareejiyey Muuse Biixi.