25.1 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Somalia iyo Denmark oo maanta kala saxiixday heshiis cusub oo looga cafinayo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda Denmark ayaa maanta heshiis cusub ku saxiixay magaalada Muqdisho, kaasi oo Soomaaliya looga cafinayo deyn.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo safiirka dowladda Denmark u jooga Soomaaliya Mr. Steen Sonne Andersen ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiiskan oo dowaldda Soomaaliya looga cafinayo lacagihii deynta ahaa ee dowaldda Denmark ay ku laheyd Soomaaliya.

Heshiiskaan ayaa daba socda wada-xaajoodyo gaar gaar ah oo wasiirka maaliyadda Soomaaliya uu la lahaa dhammaan xubnaha dalalka Paris Club oo horay u go’aamiyay Bishii Maarso 2024, in ay cafiyeen daymihii Soomaaliya ay ku lahaayeen.

Go’aankaas ayaa sidoo kale wuxuu waajibinayaa in dowladda Soomaaliya ay si gaar ah ula macaamisho dalalka deymaha kulahaa.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa dowladda Denmark uga mahad-celiyay tallaabadan, isaggoo ku sifseryay saaxiib qiimo leh oo qeyb ka ah horumarka maaliyadeed ee dalka

“Waxaa dhaboobay miraha ka dhashay barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo guulihii laga gaaray hannaankii deyn cafinta, waxa aan u mahadcelineynaa Dowladda Denmark oo ah saaxiib qiimo leh oo qeyb ka ah horumarka maaliyadeed ee Soomaaliya,” ayuu wasiir Biixi ku yiri qoraal kooban oo uu soo saaray heshiiska kadib.

Waxaa xusid mudan in safiirka uu maanta wasiirka maaliyadda la saxiixday deyn cafinta ay dhawaan ku eedeysay Soomaaliya inuu jeediyey hadallo xad-gud ku ah wadajirka iyo qaranimada Soomaaliya.

Inkasta oo dowladda Denmark ay raali-gelin deg deg ah ka bixisay hadalkii ay ka carootay dowladda federaalka Soomaaliya ee safiirkeeda uu ka sheegay magaalada Hargeysa, ayey weli dowladda federaalka ka laaban yeeristii safiirka ee Arbacada, si su’aalo looga weydiiyo hadalkii kuu ka sheegay Hargeysa.

Sawirro: Taliye Odowaa oo xilka la wareegay iyo arrin culus oo hortaalla

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xillka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxiyadiin.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in labadii sano ee lasoo dhaafay ciidanku xorreeyay deegaanno badan oo ay khawaarijtu haysteen, islamarkaana ay xukuumaddu gaarsiisay adeegyadii aas-aasiga ahaa ee bulshadu u baahnayd.

Taliyaha cusub ayuu ra’iisul wasaaraha sheegay in laga doonayo dardar-gelinta dagaalka dalka lagaga xorreynayo kooxaha argigixisada, oo ay ugu horeyso Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay xoojinta iyo tayeynta dhismaha qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida, la wareegidda amniga dalka iyo in ciidanka laga wacyigaliyo waxyaabaha maanka dooriya.

Mudan Xamza ayaa xusay in dalka la gaarsiiyay horumar dhinacyo badan leh oo dowlada Soomaaliyeed ku tallaabsatay intii xukuumaddan ay jirtay oo ay markhaati ka yihiin shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo kamid yihiin;

  1. Qaadista cunaqabatayntii hubka, taas oo ku timid dedaal badan oo dowladu bixisay.
  2. Ku biirista bulshada bariga Afrika.
  3. Xubinnimada golaha ammaanka Qaramada Midoobay.

Axmed Madoobe oo ka shaqeynaya in la rido xukuumadda Xamza – Maxaa cusub?

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Hoggaanka maamulka Jubbaland ayaa haatan ka shaqeynaya isku-day lagu rido xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha laftigiisa.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo maanta khudbad ka jeediyay munaasabad uu xilka kula wareegayay taliyaha cusub ee ciidanka xoogga ayaa arrintaan ka sheegay, xilli ay meeshii ugu xumeyd gaartay xiisadda maamulka Jubbaland iyo dowladda dhexe.

Ra’iisul wasaaraha oo deegaan ahaan kasoo jeedo Jubbaland ayaa wuxuu si weyn u duray Axmed Madoobe oo uu ku eedeeyay inuu doonayo inuu isku caano shubo markale.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in hoggaamiyaha maamul goboleedka Jubbaland uu ka shaqeynayo qorshe lagu ridayo xukuumadda Dan-qaran, sida uu hadalka u dhigay Xamza.

“Hoggaanka Jubbaland wuxuu rabaa inuu isku caano shubo iyo in la isku dayo in la rido Xukuumadda Dan-Qaran” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Madaxweyne Axmed Madoobe ma uu haysto sharciyad uu ku maamulo Jubbaland waxaana uga digayaa inuu adeegsado awood Ciidan”.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha ayaa farriin u diray shacabka Jubbaland, oo oo ugu baaqay inay ka tashadaan aayahooda, sidoo kale wuxuu faray ciidamada in aysan ku milmin siyaasadda, ee ay diiradda saaraan howlgallada iyo xoreynta deegaannada Jubbaland.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Jubbaland ay ka socdaan abaabulkii ugu dambeeyay ee doorashada maamulkaasi, taas oo ay si weyn uga biyo diidan tahay dowladda federaalka, maadaama Axmed Madoobe uu doonayo inuu qabsado doorasho gaar ah.


Ninkii Shabaab u sameyn jiray gawaarida qaraxyda oo usoo gacan galay NISA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa shaaca ka qaaday in howlgal ay sameeyeen ciidamada NISA lagu soo xiray Cabdinaasir Maxamed Xasan (Xaaji) oo ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

NISA ayaa sheegtay in ninkan uu halis ahaa, isla-markaana uu kooxda u qaabilsanaa hubinta iyo sameynta gaadiidka ay u adeegsadaan qaraxyada.

Hay’adda ayaa sidoo kale tilmaamtay in Cabdinaasir uu  cillad-bixiyay illaa 9 gaari oo qaraxyo loo adeegsaday, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawacyo badan.

Si gaar ah ninkan ayaa waxaa loogu eedeeyay inuu ku lug lahaa weerarkii hotel SYL oo loo adeegsaday gaari noociisu yahay Harrier oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, wuxuuna deegaanka Ceelasha Biyaha uga soo dhiibay Cabdinaasir Daahir Nuur Jimcaale (Guri ma leedahay) oo hadda xukunsane ah, sida ay shaacisay hay’adda Nabad-sugidda Qaranka.

“Haya’adda NISA waxa ka go’an ciribtirka cadowga khawaarijta ah ee beegsanaya dadka Shacabka soomaaliyeed iyo cid walba oo kaalin ku leh la shaqayntooda” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay NISA

Soo qabashadan ninkan waxaa ka horreeyay laba xubnood oo kale oo maalin ka hor lagu qabtay magaalada Muqdisho, kuwaas oo Khawaarijta u qaabilsanaa isbitaallada, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay Kooshin Maxamuud Axmed iyo Keyse Faarax Xasan (Axmed yare).

NISA ayaa sidoo kale todobaadkii hore gacanta kusoo dhigtay Cali Hilowle Ibraahim iyo Axmed Samatar Cali oo loo haysto inay saddex nin oo ganacsato ahaa dhowaan ay ku dileen degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir.

Horay ayaa sidaan oo kale ayaa gacanta loogu soo dhigay eedeysanayaal loo haysto inay dileen ganacsato xirtay Kaamirooyinka CCTV oo ay ku amartay dowladda Soomaaliya.

Ku dhawaad 30,000 oo Itoobiyaan ah oo soo galay Soomaaliya – Sidee?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamul gobolka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa qaylo dhaan ka muujiyay qulqulka qaxootiga Itoobiyaanka ee soo galaya gudaha Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntand Cabdi Saciid Faarax (Juxa) oo khudbad ka jeediyay baarlamaanka maamulkaas ayaa sheegay in ku dhawaad illaa 30,000 oo qaxooti Itoobiyaan ay 10-kii bilood ee ugu dambeysay ay soo galeen deegaannada maamulka Puntland.

Juxa ayaa walaac xooggan ka muujiyay culeys ay ku hayso arrintaasi, wuxuuna tilmaamay in qulqulka qaxootiga uu noqday mid xirgaha goostay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Puntland aysan u awood u heynin xakameynta dadka Itoobiyaanka ee kasoo tallaabaya xadka, ayna sii kordhayaan tiro ahaan.

“Waxaa horey Puntland ugu sugnaa 15,000 oo qaxooti ah iyo 450,000 oo barakacayaal ah. Waxaana xaaladda hadda jirta ka dhigtay mid kasii daran qulqulka muhaajiriinta Ethiopian-ka ah ee maalmihii ugu dambeeyay kordhay,” ayuu yiri Wasiir Cabdi Saciid Faarax (Juxa).

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo sii hadlayay ayaa intaasi kusii daray in wada-hadallo ay la yeesheen dowladda Itoobiya, isla markaana diiradda lagu saaray xakameynta qaxootiga iyo dib u celinta kuwa hadda ku sugan deegaannada maamulka Puntland.

Waxaa kale oo uu ku booriyay dowladaha iyo hay’adaha caalamiga in ay taageero degdeg ah u fidiyaan Puntland, si wax looga qabto dhibaatooyinka bini’aadanimo ee ka dhashay tirada sii kordhaysa ee qaxootiga iyo barakacayaasha ku sugan deegaannada Puntland.

Qaxootiga ka imaanaya Itoobiya kuma eka Puntland oo kaliya, waxay gaareen gobollo kale, sida Galmudug oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka socdeen howlgallo ka dhan ah Oromada ku sugan deegaanadaas oo lagu eedeeyay inu biro aruurin ka sameeyeen gobollada dhexe.

Al-Shabaab oo dhexdooda isku laayay duleedka MUQDISHO

0

Afgooye (Caasimada Online) – Macluulmaad dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal dhex maray maleeshiyaad ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab oo shalay iyo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo dhaliyay khasaare soo gaaray kooxda dhexdeeda.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Jambaluul oo qiyaastii illaa 35 km u jira magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxaana ka dhacay dagaal toos ah oo dhex-maray maleeshiyaad ay kala wateen laba sarkaal oo ka wada tirsan kooxdaAl-Shabaab.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Maxamed Ibraahim Barre oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa xaqiijiyay jirtaanka dagaalka dhex-maray maleeshiyaadka Al-Shabaab, wuxuuna sheegay inay iska laayeen xubno badan inta uu socday dagaalkooda.

“Deegaanka Jambaluul ee u dhow degmada Afgooye waxaa kamid ah dhacdooyinka ka dhacay in iyaga ay isku laayeen deegaankaasi, shalay galabtii iyo maanta waxaa ka dhacay dagaal dhexdooda ah” ayuu wareysiga ku yiri guddoomiye Maxamed Ibraahim Barre.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in xubnaha dagaalamay ay isku qabteen arrimo la xiriira maamulka deegaanka, kadib markii xilkii laga qaaday mas’uuliyiinkii horay u joogay, mid kale oo lasoo magacaabayna ay isku dhaceen, sidaasna uu ku qarxay dagaalka.

“Waxay isku qabteen in mid kamid ah oo meesha mas’uul ka ahaa laga qaaday jagadii kadibna mid kale oo lasoo magacaaay uu meesha yimid uu diiday inuu xilka ku wareejiyo” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Arrintan waxay caddeyneysaa inay yihiin dad sii dabar go’aya diinta iyo waxyaabaha ay dadka qaldaayeenna ay sii dhamaatay”.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda oo ku aadan dagaalka ka dhacay Jambaluul ee u dhexeeyay maleeshiyaadkooda, welina xaaladda ayaa kacsan.

Marar badan ayaa Shabaab dhexdooda sidaan oo kale ay ugu dagaalameen deegaannada ay ka arrimyaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana ka dhasha khasaare ay dhexdooda isu gaystaan maleeshiyaadka Khawaarijta oo sidoo kale halis ku haya shacabka.

Denmark oo raali-gelin ka bixisay hadalkii ka caraysiiyey DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Denmark ayaa raali gelin deg deg ah ka bixisay hadalkii ay ka carootay dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo safiirka Denmark ee Soomaaliya uu ka sheegay magaalada Hargeysa.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo shalay shir jaraa’id qabtay ayaa in safiirka Denmark oo ka mid ahaa koox safiirro ah oo Hargeysa tegay uu jeediyey hadallo xad-gud ku ah wadajirka iyo qaranimada Soomaaliya.

Ilo wareedyo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Denmark ay deg deg uga soo jawaabtay hadalkii wasiir Fiqi.

Denmarka ayaa Soomaaliya ka raali gelisay hadaladii xanafta lahaa ee Hargeysa uu ka jeediyey safiirkooda Muqdisho, waxayna cadeysay in isla xisaabtan diblomaasiyadeed lagu sameynayo safiirka.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo u yeertay safiirka Denmark ee Muqdisho ayaa balamisay maalinta Arbacada ah ee soo socota, waxaana su’aalo laga qeydiinayaa hadalkii kuu ka sheegay Hargeysa.

Somaliland oo si caro leh uga soo jawaabtay hadalkii wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa masuuliyiinta u hadlay waxay sheegeen in Wasiirku ka xunyahay horumarka ay gaareen reer Somaliland iyo doorashooyinka guuleystay oo ay qabsadeen.

Siyaasiyiinta Somaliland ayaa ku dooday in Fiqi uu quuri waayey inuu hambalyeeyo guulaha ay gaareen reer Somaliland, taas bedelkeedna uu kiis ku soo oogay safiiradii Hargeysa u tegay inay taageeraan oo korjoogteeyaan doorashada.

Siyaasiyiin kale oo u badan reer SSC Khaatumo iyo reer Muqdisho ayaa Wasiir Fiqi ku amaanay doorkiisa firfircoon ee diblomaasiyadeed iyo sida uu uga jawaabay xadgudubkii safiirkaas uu kula kacay qaranimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.

Macawiisleyda oo weeraray goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab + Khasaaraha

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada Macawiisleyda ay weerar culus ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku taalla deegaanka Hilowle Gaab ee gobolkaasi.

Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa lagu beegsaday koontarool ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, waxaana xigay dagaal toos ah.

Saraakiil u hadashay ciidamada deegaanka ayaa sheegaya in weerarkan ay ku dileen ugu yaraan illaa saddex xubnood oo ka tirsanaa kooxda, ayna kasoo furteen iyo hub saanad.

Sidoo kale Macawiisleyda ayaa muddo kooban la wareegtay fadhigii Al-Shabaab, kadib markii ay isaga baxeen goobta la weeraray.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkan ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dadka deegaanka ee ka dhacay Hilowle Gaab.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo qaybo badan oo kamid ah gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.

Gobolkan oo intiisa badan laga xoreeyay Khawaarijta ayaa waxaa weli kasii soconayo guluf ka dhan ah deegaannada kooban ee ay weli ka joogaan gobolkaasi.

Gaari ay la socdeen SHACAB oo lagu qarxiyay SH/HOOSE

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo gelinkii dambe ee Axaddii shalay ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa qabsaday gaari ay la socdeen dad shacab ah oo marayay deegaanka Doonka oo illaa 7 KM u jira magaalada Afgooye.

Ugu yaraan illaa saddex qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay qaraxan, halka uu ku dhaawacmay qof kale oo kamid ahaa rakaabkii la socday baabuurka, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Maxamed Ibraahim Barre.

Dadka dhintay ayaa kala ahaa gabar dhaqtarad ah iyo gabar yar oo ay dhashay iyo darawalkii gaariga, halka qofka dhaawacmay uu yahay wiil dhalinyaro ah oo la geeyay degmada Afgooye.

“Nabad-diidka ayaa qarxiyay gaari ay la socdeen dad shacab ah waxaa ku dhintay gabar dhaqtara ah iyo gabar yar oo ay dhashay iyo darawalkii gaariga ayaa ku geeriyooday” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Gaariga waxa uu kasoo baxay degmada Wanlaweyne, waxayna kusoo socdeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose”.

Xaaladda ayaa maanta deggan, inkastoo geerida ka dhalatay qaraxan ay saameysay ehellada dadka shacabka ah ee lagu beegsaday weerarkaasi miino.

Inta badan qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa waxaa waddooyinka galiya maleeshiyaadka Al-Shabaab oo beegsaday ciidamada, balse waxaa khasaare uu kasoo gaaraa rayidka.

Israel oo dishay afhayeenkii kooxda Xisbullah

0

Beirut (Caasimada Online) – Duqeyn naadir ah oo ay Israa’iil Axaddii shalay ku garaacday bartamaha Beyruut ayay ku dishay afhayeenkii guud ee Xisbullah Maxamed Cafiif Al Naabulsi.

Sarkaalkan ayaa lagu weerar lagu qaaday xafiiska xisbiga hantiwadaaga Carabta ee Bacas ee magaalada Beirut, sidaasi waxaa lagu xaqiijiyay bayaan kasoo baxay Xisbullah.

Maxamed Cafiif ayaa si weyn u muuqday wixi ka danbeeyay billowga dagaalka culus ee hadda u dhaxeeya Isra’il iyo Xisbullah kaas oo xoogeysay bishi September.

Bayaan kasoo baxay milatariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in Al Naabulsi uu saamayn weyn ku lahaa hawlgallada milatari ee Xisbullah isla markaana uu dhiirrigelin jiray weerarrada ka dhanka ah Israa’iil.

Wasaaradda caafimaadka Lubnan ayaa sidoo kale sheegtay in duqeyn kale oo xalay ay Isra’il ku duqeysay dukaan lagu garo kambuyuutarrada lagu dilay 2 qof laguna dhaawacay 22 kale.

Dhanka Gaza, saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in duqeymo ay ciidamada Isra’il ka geysteen deegaanka Beyt Laxiya ay ku dileen ugu yaraan 30 qof.

Agaasimaha Isbitaalka Kamal Adwan ee Beyt Laaxiya, Hosam Abu Safiya ayaa sheegay in dad badan ay ku dhaawacmeen weerarka ciidanka Isra’il. Goor sii horeysay oo Axaddii shalay aheyd, 10 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay deegaannada Nuseyrat iyo Bureyj ee Marinka Gaza, halkaas oo ka mid ah xerooyinka qaxooti ee ugu waaweyn Gaza

“Badbaado Qaran 2 ayaa u soconaa, maadaama uu Xasan Sheekh u socdo…”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa cirka isku shareertay xiisadda ka dhalatay qorshaha doorasho ee uu rabo madaxweyne Xasan Sheekh, kadib markii uu shalay baarlamaanka marsaday sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha, kaas oo ujeedkiisu yahay in la hirgeliyo nidaamka doorashada qof iyo cod.

Qorshahan iyo tallaabadan baarlamaanka uu qaaday ayaa waxaa si adag uga horyimid madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo ku tilmaamay “mid dhabaha u xaaraya muddo kororsi sharci darro ah” oo uu damacsan yahay madaxweyne Xasan Sheekh.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah mudanayaasha golaha shacabka ee ka horyimid qorshahan ayaa sheegay in hadii ay sidaan wax kusii socdaan ay aadi doonaan Mirinaayo iyo Badbaado Qaran 2.

Xildhibaan Jeesow oo wareysi siiyay telefishanka Somali Cable ayaa caddeeyay in aan sanadka cusub lagu qaban karin doorashooyinka qof iyo cod ee maamullada oo ay dowladda dhexe dooneyso inay ka qabato dowlad-goboleedyada, si hoggaanka maamullada loo soo doorto.

Sidoo kale wuxuu uga digay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh inuu dalka u horseedo colaad hor leh, si arimahaasi looga fogaadana weli la haysto fursad looga fikiri karo hanaan doorasho oo aan aheyn midka qof iyo cod.

Heshiiskii dhawaan kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaran oo ka maqnaayeen maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa muddo kordhin hal sano ah loogu sameeyay dowlad-gboleedyada Koofur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle.

Go’aannada shirkaan oo uu qaadacay madaxweynaha Jubbaland ayaa waxa uu ku dhaqaaqay sidii uu u qabsan lahaa doorasho uu kusoo laabto, isagoo guddi doorasho oo uu magacaabay u muddeeyay in 25-ka bishan November ay qabsoomeyso doorashada madaxtinimada maamulka.

Sawirro: FIQI oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay madaxa cusub ee…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga madaxa cusub ee hay’adda caalamiga ah ee socdaalka (IOM) ee Soomaaliya, Manuel Marques Pereira.

Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta wasaaradda Manuel lagaga guddoomay warqadaha aqoonsiga, ayadoo kadib ay labada masuul yeesheen kulankan gaar ah.

Kulanka wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo madaxa cusub ee IOM ayaa waxaa diirada lagu saaray xoojinta iskaashiga ku aaddan horumarinta Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda waxay hormuud u tahay dadaallada lagu aasaasayo Xarunta Qurbajoogta si ay uga faa’iidaysato in ka badan 4 milyan oo Soomaali ah oo ku nool qurbaha.

Xaruntan ayaa waxay si gaar ah muhiim ugu tahay kobcinta doorka qurbajoogta ee horumarka dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale soo dhaweeyay mashaariicda xasilinta ee IOM, kuwaas oo si dhow ula jaanqaadaya qorshaha xukuumadda ee dib-u-soo celinta adeegyada dowladda ee deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab.

Wasaaradda ayaa ugu dambeyntiina xaqiijisay inay sii wadayso iskaashiga dhow ee hay’adda caalamiga ah ee socdaalka (IOM), si loo xaqiijiyo yoolalka wadajirka ah.

BF Somalia oo dhalleeceyn xooggan kala kulmay tallaabadii uu qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay meel-mariyay hindise sharciyeed ku saabsan dhismaha guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha, taas oo ujeedkeedu yahay in la hirgeliyo nidaamka doorashada qof iyo cod.

Tallaabada uu qaaday baarlamaanka ayaa si weyn loogu dhalleeceeyay, waxayna madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaridka ku tilmaameen mid dhabaha loogu xaarayo “muddo kororsi sharci darro ah”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, ayaa dhaliilo kulul u jeediyay baarlamaanka, isagoo sheegay in uu ka liito baarlamaankii xilligii kali-taliska.

Sidoo kale wuxuu shaki geliyay in xildhibaanada soo xaadira fadhiyada baarlamaanka ay buuxi karaan kooramka, uuna qorshahan yahay mid guddoonka marinayo baarlamaanka oo ay ka dambeyso Villa Somalia.

“Waan ognahay xildhibaanada jooga inaysan 120 ka badnayn oo kooram xitaa aysan dhamayn una badan yihiin wasiiradii xukuumadda iyo dad ay duruufo ku kalliifeen,” ayuu yiri Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta sida weyn uga horyimid tallaabadan.

Cabdiraxmaan ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu doonayo muddo kororsi, isaga oo ku soo gabanaya doorasho qof iyo cod ah, xilli ay maqan yihiin maamul goboleedyada qarkood.

Madaxweynihii hore ee dalka Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa isna shalay ka digay in loo baahdo badbaado qaran oo dib loo aas-aaso, isagoo tusaale ka bixiyey in sida ay wax u socdaan aysan wanaagsaneyn.

Shariif ayaa sidoo kale xusay in dhag jalaq loo siin waayay xildhibaannada laga soo kala doortay Puntland iyo Jubbaland oo iyagu cadeeyey mowqifkooda, iskana diiday qorshaha socda.

Isku soo wada duubo, sharcigan maray baarlamaanka ayey dowladda federaalka u aragtaa guul muhiim ah oo loo qaaday dhanka dimuqraadiyadda, xilli ay si adag uga horyimaadeen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka, islamarkaana ay maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland.

SOMALILAND oo si adag ugu jawaabtay DF kadib hadalkii kasoo yeeray

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u jawaabtay hadallo kasoo yeeray dowladda federaalka Soomaaliya.

Hadalladan oo uu jeediyay wasiir Fiqi, kaasi oo uu ku sheegay in dowladdiisu ay danjirayaasha caalamiga ah kula xisaabtami doonto hadalkii ay ka jeediyeen Hargeysa, oo uu sheegay inay ku xad-gudbeen madax-banaanida iyo midnimada dalka.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cali Mareexaan oo ka jawaabay hadalkaasi ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ka xuntahay horumarka dimuqraadiyadeed ee Somaliland sanadaha badan ka hanaqaaday, taasi oo ay ugu dambeysay doorashadii 13-ka bishaan.

Wasiirka ayaa ku tilmaamay hadallada kasoo yeeraya dowladda federaalka ay yihiin kuwa muujinaya sida ay uga xumaatay horumarka Somaliland oo ay xaasidayso, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladahan uu maagaya waa kuwa iyaga oo aan meelna xukumin ku sheegay dowlad ee aqoonsaday in ay Somaliland yimaadan oo ay qiraan dimuquraadiyada iyo wanaaga ka socdana wax ay isaga uga soo fasax qaadanayaan maaha,” ayuu yiri wasiir Cali Mareexaan.

Sidoo kale wuxuu si gaar ah ugu mahad-celiyay wakiilada caalamka ee bogaadiyay doorashadii ka dhacday Somaliland, isagoo ku bogaadiyay shacabka sida qaangaadhnimada leh ee u dhacday doorashada.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya warqad u dirtay safiirka Denmark u fadhiya dalka Steen Sonne Andersen, ayna ugu yeertay inuu yimaado xafiiska, kadib markii ay ku eedeysay inuu ku xad-gudbay midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Wasiir Axmed Fiqi oo arrintan si adag uga hadlay ayaa xaqiijiyay in wasaaradda ay u yeertay safiirka Denmark, wuxuuna sheegay in hadallo ka dhan ah madax-banaanida dalka uu ku dhawaaqay inta uu joogay magaalada Hargeysa.

Sidoo kale wasiirka ayaa ku eedeeyay qaar kamid ah safiiradii tegay Somaliland in ay qariyeen halka ay safiirka ka yihiin, taasina ay u arkaan arrin khalad ah, isagoona caddeeyay in safiiradu aanay ka aqbali doonin “in sida dal oo kale ama dowlad gaar ah ay ula macaamilaan maamulka Somaliland.”

Dadka sharci la’aanta ee Mareykanka iyo arrinta wal-walka badan ku haysa

0

Washington (Caasimada Online) – Gabriela, waxay gashay Maraykanka muddo labaatan sano ka hor iyadoo neef-qabatinowday markii la galiyey qeybta dambe gaari ay ku rasaysnayd galay oo ay wateen koox wax tahriibisa.

Hadda waa gurlai ialiso gobolka Maryland, muwaadinkan Boliviyanka ah waa mid ka mid ah ugu yaraan 13 milyan oo muhaajiriin aan la diiwaan galin oo ku nool Mareykanka.

Dhammaan Maraykanka, muhaajiriinta sida Gabriela, oo kale ayaa la tacaalaya waxa ay ka dhigan tahay ballanqaadka maamulka Trump ee ku saabsan fulinta musaafurinta ballaaran iyo sida ay u saameyn karto mustaqbalkooda.

In ka badan daraasiin waraysi, muhaajirint aan diiwaan gashnayn ayaa sheegay in doodadaha ugu badan ee ugu kulul ee ku dhexmara baraha bulshada sida whatsappka ay tahay mowduucaas.

Qaar, sida Gabriela, waxay aaminsan yihiin inaysan saameyn ku yeelan doonin iyaga.

“Waxba kama baqayo, dhab ahaantii,” ayay tiri. “Taas waa in dambiilayaashu ay ka werweraan, canshuur baan bixiyaa, waana shaqeeyaa.”

“waxay doontaba, ma diiwangashani,” eyey intaa ku darta. “[Sidee] xitaa ayay igu ogaan lahaayeen?”

Xilligii ololaha doorashada, muhaajiriintu waxay ahaayeen mowduuca walaaca wayn ay ka muujinayeen codbixiyaasha Maraykanka, Trump-na wuxuu si joogta ah u ballan qaaday inuu si weyn muhaajiriinta ugu musaafurin doono ciida maraykanka maalinta kowaad ee uu xafiiska tago, haddii uu ku guulaysto madaxweynanimada.

Laakiin ku dhawaad laba toddobaad ka dib markii uu si weyn ugu guulaystay doorashada, ma cadda sida dhabta ah ee hawlgalladan fulinta socdaalka ay u ekaan doonaan.

Madaxweynaha la doortay ayaa ku adkeystay in qarashka uusan noqon doonin dhibaatada, laakiin khubarada ayaa ka digay in ballanqaadyadiisa ay la kulmi karaan caqabado dhaqaale iyo saadka oo aad u weyn.

Tom Homan, oo uu dhawaan loo magacaabay “qofka ugu sarrreeya arrimaha xaduudaha”, ayaa sheegay in muhaajiriinta aan sharciga haysan ee loo arko inay khatar ku yihiin ammaanka qaranka ama amniga bulshada ay noqon doonaan kuwa mudnaanta leh.

Isagoo la hadlayey la hadlayey Fox News sabtidii, kusimihii hore ee waaxda socdaalka haddana loo magacaabay arrimaha xaduudaha ayaa si weyn uga horyimid firkadaha qaar oronaya “in kuwa la sharciga dhaqan galinaya ay yihiin kuwo xun xun halka kuwa sharciga jabinayana ay yihiin dhibanayaal”.

“Waa xildhibaan kee, waa guddoomiye goboleed kee, ama waa duqee kan ka soo horjeeda in khataraha amniga bulshada laga saaro bulshadaas?” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in maamulka cusub uu “fulin doono wajibaadka ay shacabka Ameerikaanku siiyeen Madaxweyne Trump.”

Qorshaha mas’uuliyiinta Mareykanka ee ah inay tarxiilaan muhaajiriinta wax cusub maaha. In ka badan 1.5 milyan oo qof ayaa la tarxiilay xilligii madaxweyne Joe Biden, marka lagu daro malaayiin laga celiyay xadka intii lagu jiray masiibada Covid-19.

Muddadii siddeedda sano ahayd ee maamulkii Barack Obama – oo dadka qaar ay ugu yeeri jireen “Madaxa musaafuriska” – ilaa saddex milyan oo qof ayaa la tarxiilay, iyadoo diiradda la saaray ragga doobabka ah ee ka imaanayey dhanka Mexico, kuwaas oo si fudud looga soo tarxiilay gobollada xadka.

Si kastaba ha ahaatee, qorshayaasha uu Trump ballanqaaday ayaa ah kuwo baaxad weyn oo ah kuwo xooggan. Sida la sheegayo, mas’uuliyiintu waxay sidoo kale ka fiirsanayaan in ay isticmaalaan Ciidanka Qaranka iyo diyaaradaha milateriga si ay u xirxiraan dadka ugu dambeyntiina u tarxiilaan

Madaxweyne xigeenka Maraykanka JD Vance, ayaa sheegay in tarxiilku ku bilaan doono hal milyan oo qof.

Ilaa hadda qaar ka mid ah muhaajiriinta aan diiwan gashanyn ayaa aaminsan inay ka faa’iidi doonaan Madaxtinimada Trump halkii laga tarxiili lahaa

“Dad badan oo Laatiinays ah kuwaas oo xaq u lahaa in ay codeeyaan ayaa sheegay in Trump u fiican yahay dhaqaalaha, taasi ayaana annaga sidoo kale noo fiican” ayuu Yiri Carlos, oo aan sharci haysan una dhashay Mexico balse haatan ku nool New York. Wiilkiisa ayaa haysta dhalashada Marayakanka.

Sida laga soo xigtay Golaha Socdaalka ee Maraykanka – oo ah urur aan dhinacna ka tirsanayn oo sameeya cilmi-baaris, una dooda in dib u habeyn lagu sameeyo nidaamka socdaalka Mareykanka – waxaa jira in ka badan shan milyan oo Maraykan ah oo ay dhaleen waalidiin aan sharci lahayn.

Carlos, wuxuu sheegay “inuu ka yar ka walwalsan yahay in lagu qabto howlgallada socdaalka.

Waxaa jira qaar kale oo badan oo aan rajooyinkaan oo kale qabin, oo ku nool cabsi.

Dadkaas waxaa ka mid ah Eric Bautista, oo deggan California, kuna magac dheer “Dreamer”, wuxuu ka faa’iidaysanaya sharci muddo dheer jiray oo musaafurinta ka ilaalinaya dadka iyagoo yar Maraykanka ku soo gala tahriibta.

Hadda waa 29 sano jir, wuxuu xasuustaa noloshii Mexico – wadankii uu ku dhashay ee uu ka soo tagay isagoo toddobo sano jir ah.

Afartii sano ee la soo dhafay, wuxuu baranayey taariikhda Maraykanka isagoo ku jiray dugsiga sare, waxaana ka mid ah waxyaabaha uu darsay sida mowjado muhaarijiinta ah oo ka imaanayey dalalka Talyaaniga, Shiinaha, Japan iyo Mexico ay ula kulmeen falal shisheeye nacayb ah.

Wuxuu BBC-da u sheegay Bautista “inuusan waligiisa waxaas oo kale arkin muddo labaatan sano oo ku noolaa dalka Maraykanka”

Qareennada iyo khubarada sharciga ayaa sheegay in aanay jirin dammaanad qaad ah in muhaajiriinta aan sharciga haysan aan lagu dari doonin dadaallada tarxiilka ee kor loo qaaday.

Soogalootiga aan sharciga haysan ayaa ka shaqeeya dhaqaalaha Maraykanka oo dhan – laga bilaabo beeraha ilaa bakhaarada iyo goobaha dhismaha.

BBC

R/Wasaare Xamza oo maanta magacaabay xil cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.

Xilkan ayaa waxa uu ra’iisul wasaare Xamza u magacaabay Axmed Maxamuud Muxumed, sida lagu shaaciyay wareegto kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Ninkan oo ku-xigeen u noqonaya Xisaabiyaha Guud ee Dowladda ayaa waxay xafiiskan shaqadiisu tahay dardar-gelinta iyo nidaaminta dhaqaalaha waddanka.

Magacaabistan ayaa imanaysa xilli uu dhawaan ra’iisul wasaaraha magacaabay xilal cusub, halka kuwa horena uu buuxiyay kadib markii ay iska casileen masuuliyiintii hayay.

Arbacadii ayey aheyd markii uu ra’iisul wasaare Xamza uu Agaasimaha Guud ee Xafiiska Amniga Qaranka u magacaabay Cabdimaalik Cabdullaahi Cabdi.

Waxaa kasii horeeyay Axmednur Sheekh Maxamed Loxos iyo Cabdirashiid Maxamed Ducaale oo Xamza u magacaabay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa muddooyinkii dambe wajahayay culeys siyaasadeed, kaas oo sii xoogeystay kadib markii ay isa seegeen dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland oo kasoo jeedo.

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka lagu hoobtay ee GALGADUUD

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –  Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaan hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, kaas oo gaystay khasaare aad u xooggan.

Dagaal oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed ayaa si gaar ah uga qarxay deegaanka Labi-caano oo bari uga beegan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana maleeshiyaadka ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay ug yaraan 11 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan oo isugu jiro dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in maleeshiyaadka dagaalamay ay isku heystaan daaq iyo waraab, waxayna kasoo kala jeedaan magaalooyinka Ceelgaras iyo Dhuusamareeb.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana dhinacyada dagaalamaya ay helayaan gurmadyo, taas oo uga sii dareysa xiisadda ka taagan halkaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Galmudug, balse waxaa lagu soo warramayaa in ciidamo ka tirsan maamulka ay ku baxeen dagaalkaasi, si loo qaboojiyo dagaalka.

Gobollada dhexe ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay colaad beeleedyo saameyn ku yeeshay dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaannada hoostaga gobolladaasi.

Mas’uulkii ugu horreeyay oo soo dhaweeyay jadwalka doorashada JUBBALAND

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, ahna duqii magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa noqday mas’uulkii ugu horreeyay ee soo dhaweeyay jadwalka doorashada Jubbaland.

Taabit ayaa shaaca ka qaaday inuu boggaadiyay tallaabada uu qaaday guddiga doorashada Jubbaland, isaga oo u rajeeyay guul ku aadan doorashada ay u dhaqaaqeen.

“Dani waa seeto. Waxaan boggaadinayaa jadwalka doorashada ee #Jubbaland, waxaana u rajeynayaa nabad iyo guul” ayaa ku yiri qoraalka uu soo saaray guddoomiye hore Taabit.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray maamullada kale ee oo ugu baaqay inay aadaan doorashooyin, maadaama uu ka dhammaaday muddo xileedka.

“Koonfur Galbeed, GalMudug iyo HirShabeelle waxaa u furan oo kaliya inay sharciga u soo laabtaan inta aan berri iyagoo uur-ku-jirayaal ah loo shirin ama laga shirin” ayuu ku daray.

Wxaa kale oo uu baaq u diray madaxda dowladda dhexe oo uu ka dalbaday inay kusoo laataan xeyndaabka sharciga, si looga fogaado qalalaase siyaasadeed oo horleh.

“Madaxda DFS waxaan ugu baaqayaa inay xayndaabka sharciga ku soo noqdaan iyo ku dhaqanka dastuurka JFS” ayuu mar kale yiri Taabit Cabdi Maxamed.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo doorashada madaxweynaha Jubbaland loo asteeyay 25-ka bishaan November, sida ku cad jadwalka xalay soo baxay.

18 ilaa 19 isla bishaan ayaa sidoo kale lasoo saarayaa liiska xildhibaanada la doortay ee baarlamaanka Jubbaland, sida uu shaaciyey guddiga doorashada Jubbaland

Safiirka Denmark ee Somalia oo loo haysto kiis xasaasi ah, loogana yeeray…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo banddhigtay kiis xasaasi ah oo loo haysto safiirka dowladda Danmark u fadhiya Soomaaliya Steen Sonne Andersen, kaas oo kamid ahaa wafuuda caalamiga ah ee qaybta ka ahaa kormeerka doorashadii madaxweynaha ee dhowaan ka dhacday deegaannada maamulka Somaliand.

Wasaaradda arrimaha dibadda oo warqad u dirtay Danjiraha ayaa ugu yeertay inuu yimaado xafiiska, waxayna ku eedeysay inuu ku xadgudbay midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo arrintan si adag uga hadlay ayaa xaqiijiyay in wasaaradda ay u yeertay safiirka dowladda Danmark ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in hadallo ka dhan ah madax banaanida dalka uu ku dhowaaqay inta uu joogay magaalada Hargeysa,

“Runtii waxaa ayaan daro ah in safiirro halkaas hadallo ka jeediyeen oo qarinayo dalka uu safiirka ka yahay uuna leeyahay Ambassador hebel ayaan ahay, qaarkoodna ayba ku tilmaameen dal, waxana u yeernay safiirka Danish-ka markuu arintaasi ku dhawaaqay, wuuna noo balansanyahay” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka ayaa ku eedeeyay qaar kamid ah safiiradii tegay Somaliland in ay qariyeen halka ay safiirka ka yihiin, isla markaana taasi ay u arkaan arrin khalad ah.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in safiiradu aanay ka aqbali doonin in sida dal oo kale ama dowlad gaar ah ay ula macaamilaan maamulka Somaliland.

“Safiirrada ajanabiga ah ee dalkan ku sugan qaarkood waxay tageen Hargeysa oo doorasho ka socotay, dowladda Soomaaliya mowqifkeeda way cadeysay oo ku saabsan doorashada, Soomaaliya waa hal dal, waxii dhaxdeenna aan isku haysaneyno aan isku heysano, laakiin nin safiir ah oo dowlad u soo xilsaaratay inuu safiir ka noqdo halkan, kama yeeleyno inuu dal ku tilmaamo, kama yeeleyno inuu qariyo dalka Safiirka uu ka yahay” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu uga digay safiirrada jooga Soomaaliya inay soo saaraan qoraallo ka dhan ah midnimada dhuleed ee JFS marka ay soo baxdo natiijada doorashada maamulka gobollada waqooyi ee Soomaalind, isagoo tilmaamay wixii dhaxdeena ah inay Soomaali u taallo.

Khayre oo sheegay in aanu shaqeyn doonin qorshaha Xasan hal sabab darteed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si adag uga horyimid hannaanka uu wax ka wado madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna sheegay in qorshaha hadda Villa Soomaaliya ay wax ku waddo aanu ka shaqeyn doonin dalka.

Khayre ayaa si gaar ah uga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaadeen golaha xukuumadda iyo xubnaha baarlamaanka.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka oo hadda kamid ah xubnaha mucaaradka ayaa marka hore ka horyimid tallaabadii baarlamaanka ee shalay lagu ansixiyay dhismaha guddiga doorashada, wuxuuna tilmaamay in dalka ay gelin karto hubanti la’aan siyaasadeed.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha inuu adeegsanayo guddoonka baarlamaanka, si loogu fuliyo qorshaha xafiikiisa ee ku aadan doorashooyinka.

Xasan Cali Khayre ayaa intaasi kusii daray in aanu marnaba dalka ka shaqeyn doonin qorshaha hadda socda, illaa inta laga helayo guddi iyo shuruuc heshiis lagu wada yahay.

“Soomaaliya horay ugama shaqeyn, mana ka shaqeyn doono guddi iyo shuruuc doorasho oo aan heshiis lagu ahayn. Khibrad nagu filan ayaanna u leennahay natiijada iyo cawaaqibka khilaafka iyo damac gurracan oo ku dhisan dano gaar ah” ayuu yiri Xasan Cali Khayre.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiranm:-

Waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo madaxda dalka horay uga dignay halista iyo hubanti la’aanta siyaasadeed ee ku geedaaman jidka qardajeexa ah ee uu dalka ku wado Madaxweyne Xasan Sheekh, oo laalay dastuurkii qaranka, wiiqayna midnimadii dalka iyo wadajirkii ummadda.

Waxaa ayaandarro ah in Madaxweynaha oo dalka ku sii wada dariiqii khatarta badnaa ee aan uga dignay, uu maanta si sharcidarro ah u meelmariyay Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka, isagoo isticmaalaya Guddoonka Baarlamaanka. Tallaabadan waxa ay sii kala dhantaalaysaa midnimadii ummadda, waxayna dalka u horseedaysaa khilaaf hor leh iyo xasillooni la’aan siyaasadeed.

Soomaaliya horay ugama shaqeyn, mana ka shaqeyn doono guddi iyo shuruuc doorasho oo aan heshiis lagu ahayn. Khibrad nagu filan ayaanna u leennahay natiijada iyo cawaaqibka khilaafka iyo damac gurracan oo ku dhisan dano gaar ah.

Haddaba, waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoonka Baarlamaanka ugu baaqayaa in aaney iska indhatirin xaqiiqada hortaalla dalka, dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeedna aaney waqti uga lumin guddi iyo shuruuc doorasho oo aan marnaba laga aqbali doonin, degdegna loo furo madal qaran oo looga heshiiyo doorashooyinka dalka, taas oo ay qeyb ka yihiin Puntland, Jubbaland, iyo saamileyda kale ee siyaasadda, si dalka iyo dadka Soomaaliyeed looga samatabixiyo jahawareerka iyo hubanti la’aanta siyaasadeed.