25 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Shan qodob oo xasaasi ah oo lagu qiimeyn doono Cirro

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxaa hor yaalla qodobo dhawr ah oo uu ballan qaaday muddadii uu ku jiray ololaha doorashooyinka Somaliland iyo kuwo aan huri doonin dadkuna ay eegayaan sida uu u wajaho.

Waxaan eegi doonaa 5 qodob oo lagu qiimey doono hoggaaminta Cirro:

1 – Qodobka koowaad ee maamulka Cirro lagu qiimey doono waa sida uu u wajaho heshiiskii sharci darrada ahaa ee Muuse Biixi uu la galay Itoobiya.

In kastoo is-afgaradkaas uu diidmo caalami ah la kulmay Soomaaliyana ay garab istaag ku heshay, waxaa la eegi doonaa sida Madaxweynaha la doortay uu arrinta Itoobiya u wajaho.

Dad badan waxay qabaan in Cirro ka xeeladeysa doono heshiiskaan, isla markaana ay suurtagal tahay inuu u daayo baarlamaanka, si ay u eegaan oo go’aan uga gaaraan, maadaama dadka yaqaana Cirro ay qabaan inay adag tahay in si toos ah uu u wajaho go’aan ka qaadashada heshiiskaan ama u bareeridda Itoobiya.

2 – Xiisadda gobolka Sool iyo qadiyadda SSC Khaatumo oo galaafatay nolosha boqolaal qof, halkaas oo Somaliland ay ku weysay dhulkii ay maamuleysay waayaha badan, sida magaalada muhiimka ah ee Laascaanood.

Cirro, waxaa hor talla in nabad uu kula deganaado reer Khaatumo, maadama aysan dooneyn inay dib ugu laabtaan Somaliland iyo inuu dagaal wax ku raadiyo sidii Muuse Biixi.

3 – Wadahallada Soomaaliya iyo Somaliland, Cirro waxaa lagu tiriyaa shakhsiyaadka aan mayalka adkeyn eek u dhaqma siyaasadda furfuran, waxaana loo badinayaa in wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland uu sii amba qaado, kuwaas oo hakadday markii Muuse Biixi uu badda u saxiixay Itoobiya.

Inkastoo qadiyadda gooni isu-taagga ay weli xoogan tahay, hadana waxaa Cirro loo arkaa nin aan ka didsaneyn wadahadallada midnimo doonka ah, waxaana rajo badan laga qabaa inuu soo fariisto miiska wadahadalka.

4 – Ilaalinta xorriyadda iyo isku heynta bulshada: 7-dii sano ee Muuse Biixi uu joogay xukunka waxaa cadaadis la kulmay bulshada, iyadoo la adkeeyey isku socoda iyo xorriyadda hadalka, waxaana la xiray, la jirdilay ama loo diiday inay Somaliland dhex joogaan dad badan.

Cirro, waxaa hortaalla wax ka bedelidda arrintaan, isla markaana uu fasaxo xorriyadda hadalka iyo isku socodka bulshada, si uu ula yimaado siyaasad ka duwan tii Muuse Biixi.

5 – In Siyaasadiisa aan dhibane loo noqon: Cirro wuxuu jeediyey khudbad xambaarsan farriin midnimo, wuxuuna balan qaaday in aysan jiri doonin cid dhibane u noqon doonta hoggaamintiisa, waxaana muhiim ah in balan-qaadkaas uu ka dhabeeyo.

Laftagareen walaalkiis oo kusoo baxay doorasho maanta ka dhacday Baydhaba

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta lagu qabtay doorashada kursi kamid ah Golaha Shacabka, waxaana kusoo baxay wiil la dhashay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Kursiga oo uu tirsigiisu yahay HOP 172 ayaa waxaa ku guuleystay Aadan Xasan Maxamed (Lafgareen), wxuuuna sidaas ugu biirayaa xubnaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Aadan ma gelin tartan adag, waxaana malxiisad looga dhigay gabar yar oo dhalinyaro ah, sida ay muujinayaan sawirro laga soo qaaday hoolka ay ka dhacday doorashada.

Xildhibaanka guuleystay ee la dhashay Cabdicasiis Laftagareen ayaa goobta hadal ka jeediyay, wuxuuna ballan qaaday inuu xoogga saari doono waxqabad iyo in uu si daacad ah u matalo dadka deegaanka.

Kursigan waxaa horay u baneeyay soddoga madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaano (Taliye SHUB) oo hadda ah taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Arrintan ayaa dhalisay hadal heyn xooggan, waxaana si aad ah loogu weeraray madaxweynaha Koonfur Galbeed, maadaama uu kursigan u xiray walaakiisa ka yar oo sidaas ku noqday xildhibaan heer federal ah.

Horay Laftagareen ayaa loogu xasuustaa sida uu u maamulay kuraasta xildhibaannada Golaha Shacabka ee Koonfur Galbeed, wuxuuna dhammaan tartanka u diiday rugcadeyaal siyaasadeed oo ay ka mid ahaayee  Porf, Maxamed Cumar Dalxa, Cabduweli Muudey iyo Allaha u naxariistee Prof, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaawri.

Mareykanka oo war kasoo saaray natiijada doorashada S/L

0

Washington (Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay natiijada kasoo baxday doorashadii ka dhacday Somaliland ee uu ku guuleystay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro).

Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in doorashada ka dhacday Somaliland ay tusaale u tahay Geeska Afrika, wuxuuna boggaadiyay hoggaanka iyo shacabka maamulkaasi.

“Sooyaalka doorashooyinka dimuqraadiga ah ee Somaliland iyo xil wareejinta sida nabad ah ku dhacda waxay tusaale u yihiin Gobolka Geeska Afrika iyo meelaha ka baxsan,” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Mareykanka ayaa guul u rajeeyay madaxweynaha cusub ee la doortay, wuxuuna ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda culus ee loo igmaday.

Cirro iyo ku-xigeenkiisa ayaa musharaxa Kulmiye uga guuleystay ku dhowaad 200 kun, taas oo muujineysa sida shacabka reer Somaliland u naceen xukunka Muuse Biixi oo intii uu tallada hayay ku kacay gabood-falo waa wayn.

Cabdiraxmaan Ciro oo shacabka Somaliland ay cod aqlabiyad ah ku doorteen ayaa haatan Somaliland hoggaamin doona shanta sano ee soo socota.

Natiijada doorashadan oo lasii saadaalinayay ayaa waxaa saameyn ku yeeshay tallaabooyinkii u dambeeyay ee xukuumadda Muuse Biixi ay qaaday, sida; heshiiskii badda iyo dagaalkii Laascaanood.

Si kastaba, hoggaanka cusub ee Somaliland ayaa waxaa horyaalla arrimo badan oo kamid tahay wax ka qabashada xaaladda nololeed ee deegaanka oo gaartay halkii u hooseysay kadib sicir bararka xarka goostay.

Liiska xildhibaannada cusub ee Jubbaland oo la shaaciyay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga madaxa-banaan iyo xuduudaha doorashada Jubbaland ayaa maanta qaaday tallaabo kale oo la xiriira doorashada maamulkaas oo haatan si dardar leh ku socoto, iyada oo wlei halkiisii yahay khilaafka dowladda iyo Axmed Madoobe.

Guddiga doorashada Jubbaland ayaa maanta shaaciyay liiska xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiilada, kaas oo ay soo xuleen odayaasha dhaqanka maamulkaasi.

Liiska la shaaciyay ayaa ka kooban illaa 75 xildhibaan, kuwaas oo soo dooran doono madaxweynaha Jubbaland oo loo balansan yahay 25-ka bishaan Novermber.

Inta ugu badan xildhibaannada lasoo xulay ayaa ah baarlamaankii hore ee maamul goboleedka Jubbaland.

Waa tallaabo kale oo uu Axmed Madoobe u qaaday doorashada dadban ee uu ku qabsanayo magaalada Kismaayo, oo haatan ay ka socoto diyaar garowgii u dambeeyay.

Waxaa sidoo kale magaalada ku sugan musharixiinta mucaaradka oo iyagana diidan hannaanka uu wax ka wado madaxweynaha Jubbaland oo ay ku eedeeyn boob doorasho.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, laakiin arrinta ayaa muuqato mid kasii dareyso, maadaama ay doorashadan kusoo aaday xilli xasaasi ah oo dalka loo jiheeyay doorashooyin qof iyo cod ah, sida ay ku heshiiyeen dowladda dhexe iyo saddex maamul goboleed.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in aanay aqbali doonin natiijada doorashada Jubbaland oo ay sheegtay inuu mar kale isku caana shubayo Axmed Madoobe.

Hoos ka akhriso liiska xildhibaannada:-

Fahad oo shaaciyay 5 cashir oo ku jira natiijada kasoo baxday doorashada Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugidda iyo sidroonka qaranka, haddana ah siyaasi dibad joog ah ayaa war xasaasi ay kasoo saaray natiijada kasoo baxday doorashada Somaliland oo uu ku guuleystay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), sida uu shaaciyay guddiga doorashada maamulkaasi.

Fahad Yaasiin ayaa sheegay in doorashada ka dhacday Somaliland ay tahay mid taariikhi ah oo laga baran karo cashir ku aadan sida ay shacabka gobollada waqooyi usoo doorteen hoggaankooda.

Sidoo kale wuxuu soo saaray 5 qodob oo uu ku cabiray qaan gaarnimada ay Somaliland ka gaartay doorashada iyo natiijada soo baxday, sida ay shacab iyo maamulba ugu qanceen.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran:-

𝐍𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐛𝐚𝐫𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐜𝐚𝐬𝐡𝐚𝐫𝐫𝐨 𝐬𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝;

1. Siyaasadda han iyo hoggaan bey ku bulaashaa, saadaal wacan iyo sabir baana yoolkeeda looga gungaaraa. Tusaale waxaa u ah Mudane Cabdiraxman Cirro.

2. Xisbiyada soo baxay waxay marag u yihiin in siyaasaddii Somaliland uu jiil cusub dhaxlayo, odayaashii hore iyo kuwii dhexe labadaba, waxaa ugu dambeeya Madaxweyne Cirro.

3. Madaxweyne Axmed Siilaanyo, Alle ha u naxariistee, waa Ustaadka siyaasada Somaliland, waayo jiilka cusub ee dhaxlay siyaasadda waa ardaydii kasoo aflaxday dugsigii siyaasadda Siilaanyo.

4. Mudane Cirro guushiisa waxay ku qurxanayd inuu Siilaayo dhaxlo. Horumar iyo hiigsi sare ayuu gaarsiin lahaa Somaliland. Nasiib darro, wuxuu dhaxlay Muuse Biixi oo uga tagaya masas iyo musiibooyin in la saxaa ay Cirro ka cuni doonto kala bar wax ka badan muddo xileedkiisa.

5. Mudane Cirro, hab xukunkiisa kama duwanaan doono hab xukunkii Madaxweyne Daahir00 Riyaale. Haddii Riyaale isticmaalay tabihii sirdoonka, Cirro wuxuu isticmaali doonaa ilbaxnimo diblomaasiyadeed.

Guddiga doorashooyinka oo kulamo ka wada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga KMG ah ee labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururrada iyo xisbiyadda iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha ayaa kulan wadatashi ah magaaladda Muqdisho kula qaatay ururrada bulshada rayidka.

Kulanka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha guddiga Xil. Mahdi Guuleed oo ay wehliyaan ku-xigeenkiisa iyo xoghayaha guddiga ayaa waxaa wakiilada matalayay ururada bulshada rayidka looga talo-geliyay akhrinta labaad ee hindisaha xeerka doorashooyinka qaranka oo uu guddiga gacanta ku hayo dhawaana la filayo in la horgeeyo baarlamaanka.

Xubnaha ka socday bulshada rayidka qeybaheeda kala duwan ayaa talooyinkooda ku biiriyay xeerkan uu ka shaqeynayo guddiga.

Guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Mahdi Guuleed ayaa dhankiisa sheegay in ujeedkoodu yahay si talooyinka iyo aragtida bulshada rayidka loogu daro xeerkan muhiimka u ah doorashooyinka qof iyo codka ah ee la rajeynayo in ay dalka ka qabsoomaan.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan meel-mariyay hindise sharciyeed ku saabsan dhismaha guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha, taas oo ujeedkeedu yahay in la hirgeliyo nidaamka doorashada qof iyo cod.

Tallaabada uu qaaday baarlamaanka ayaa si weyn loogu dhalleeceeyay, waxayna madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaridka ku tilmaameen mid dhabaha loogu xaarayo “muddo kororsi sharci darro ah.

Sharcigan maray baarlamaanka ayey dowladda federaalka u aragtaa guul muhiim ah oo loo qaaday dhanka dimuqraadiyadda, xilli ay si adag uga horyimaadeen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka, islamarkaana ay maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland.

Waa kuma Cabdiraxmaan Cirro? – Aqriso taariikhdiisa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka Somaliland oo saakay shir jar’aaid ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa shaaciyay in musharraxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro uu ku guulaystay marka la eego natiijada ku meel-gaarka ah.

Arrintaas ayaa ka dhigan in musharrax Cirro uu ka guulaystay madaxweynaha xilka haya ee Muuse Biixi oo u sharraxnaa xisbiga Kulmiye iyo Faysal Cali Waraabe oo isna u sharraxnaa xisbiga UCID.

Dhanka dhibcana ay kala haleen markaan eegno sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka Somaliland musharaxa madaxweyne ee Xisbiga Waddani waxaa uu ku guulaystay codadka ugu badan oo gaaraya boqolkiiba 63.92 cod.

Xisbiga Kulmiya musharraxna uu u ahaa madaxweynaha xilka haya Muuse Biixi Cabdi ayaa helay codad gaaraya 34.81 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

Faysal Cali Waraabe oo musharrax u ahaa Xisbiga Ucid ayaa isna ka helay codadkii la dhiibtay 0.74 boqolkiiba.

Doorashadan ayaa waxay ahayd mid si wayn loogu tartamay, islamarkana waxyaabo badan kaga duwanayd doorashooyinkii ka horreeyay.

Doorashadan ayaa marar badan dib loo dhigay waxaana taasi ka dhshay dibaxyo iyo is qabqabsi badan, balse ugu dambeyntii waxa ay qabsoontay 13 bishan November.

Madaxwaynaha imika xilka haya Muuse Biixi Cabdi ayaa muddo xileedkiisa oo ku ekaa sanadkii 2022 waxaa uu ku darsaday labo sano.

Waa kuma Cabdiraxmaan Cirro?

Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi gudooomiyaha xisbiga Waddani islamarkana imika loo doortay madaxwaynenimada Somaliland wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa sanadkii 1955.

Markii waxbarashadiisii hoose iyo dhexe uu ku soo dhamaystay Burco, Berbera iyo Hargeysa wuxuu u wareegay dugsiga sare ee caanka ah ee magaalada sheekh oo uu dhamaystay 1977.

Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi mudadii u dhaxaysay 1978 ilaa 1981 wuxuu ka soo shaqeeyay hay’ad la oran jiray horumarinta danwadaagaha ee muqdisho.

Sanadkii 1981 ilaa 1988 wuxuu ahaa dibloomaasi xaruntii wasaaradda arimaha dibedda ee Soomaaliya , gaar ahaan waaxda iskaashiga dhaqaalaha . Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi bishii May 1988 ilaa iyo 1996 wuxuu ahaa ku-xigeenka danjiraha iyo sii hayaha safaaradii somaliya ee dalka Ruusha ee Moosko.

Wuxuu markaa ka dib u guuray Cabdiraxmaan Cirro dalka Finlad oo uu joogay ilaa iyo 1999 oo uu ku soo labtay Somaliland.

Sannadii 2000 Cabdiraxman Cirro wuxuu ka mid noqday Aasaasayaashii xisbiga ah ee UCID oo uu ku xigeenka xoghayaha guud ka soo noqday.

Doorashadii baarlamaanka Somaliland ee September 2005 ayaa uu Cabdiraxmaan Cirro ka mid noqday xubnihii laga soo doortay gobolka Saaxil ee Berbera . Kadibna waxaa baarllamaanku u doorteen Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi gudoomiyaha baarlamaanka oo uu hayay 12 sano ilaa 2-dii August 2017 oo uu iska casilay.

Sanadii 2011 Cabdiraxman Cirro wuxuu aasaasay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani kadib markii ay isku dhaceen oo maxkamad isla galeen gudoomiyaha xisbiga UCID.

Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi wuxuu ku hadlaa luqadaha English, Carabi, Russian iyo Finish. Wuxuu ku haystaa shahaadada masterka ee MBA maamulka ee kulliyadii SIDAM iyo diplomaasiyadda xallinta khilaafaadka ee jaamicadda Hargeysa.

BBC

Mucaaradka DF oo farriin u diray Somaliland kadib natiijadii ka soo baxday doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada Somaliland ka dhacday toddobaadkii hore ayaa lagu kala baxay kadib markii uu maanta komishanka doorashooyinka ku dhawaaqay natiijada KMG ah ee doorashada.

Doorashada madaxtinimada Somaliland ayaa waxaa ku guuleystay musharaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro, iyadoo Muuse Biixi looga adkaaday codad ku dhow 200 kun.

Qaar kamid ah mucaaridka Soomaaliya ayaa qoraal ay gooni-gooni usoo saareen ugu hambalyeeyay musharaxa la doortay, iyagoo farriin u direy shacabka Somaliland.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo hambalyeeyay Cirro ayaa wuxuu guushiisa ku tilmaamay mid muujineysa kalsoonida iyo rajada ay shacabka Somaliland ku qabaan biseylkiisa, hoggaamintiisa, iyo aragtidiisa siyaasadeed.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo shacabka Somaliland ay cod aqlabiyad ah ugu doorteen in uu hoggaamiyo shanta sano ee soo socota. Waxaan sidoo kale u hambalyeynayaa xisbiyada Waddani, Kaah, iyo Kulmiye oo ku guuleystay tartanka Xisbiyada Somaliland,” ayuu yiri Kheyre.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa Guddiga Doorashooyinka oo si hufan u maareeyay doorashadan, iyo shacabka Somaliland oo mar kale soo bandhigay qaangaarnimadooda dimoqraadiyadeed, iyagoo si xasilloon, oo xor iyo xalaal ah u doortay hoggaankooda siyaasadeed.”

Kheyre ayaa wuxuu u rajeeyay madaxweyne Cirro inuu Somaliland ku hoggaamiyo jidka nabadda, horumarka, iyo dimoqraadiyadda, kaalin hoggaamineedna ka qaato adkeynta walaalnimada, midnimada, iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa hambalyeeyay Cirro, isagoo Muuse Biixi ku bogaadiyay sida uu u aqbalay natiijada doorashada looga guuleystay.

“Waxaan hambalyo u dirayaa madaxweynaha la doortay ee maamulka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamad Cabdullaahi Cigaal (Ciro). Shacabka iyo maamulka Somaliland waxay muujiyeen qaan gaarnimo siyaasadeed oo ku dayasho mudan. Waxaa kaloo ammaaan mudan Madaxweyne Biixi oo maamulkiisu qabtay doorashooyinkii Baarlamaanka, Xisbiyada iyo Madaxtinimada aqbalayna natiijada looga guulaystay.”

Waxa uu intaas kusii daray “Doorashadan casharka ugu wayn ee laga baran karo wuxuu yahay in nacaybka iyo aflagaaddada shacabka Soomaaliyeed, gacalaysiga iyo isku dhiibka ajnabiga iyo mansab ku raadinta daadinta dhiiga Soomaaliyeed uu aduun iyo aakhiro beelba leeyahay. Soomaali isma necba, waana gacal iyo xigaal, kuwa kala geynaya, dano siyaasadeedna isku nacsiinaya way dhacayaan dhan walba oo ay joogaan.”

Jubbaland oo si adag uga jawaabtay weerarkii uu ku qaaday R/Wasaare Xamza

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa ka soo jawaabay hadalka Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo shalay ka sheegay wasaaradda gaashaandhigga ee khilaafka dowladda federaalka iyo Jubaland uu kaga hadlay, isla markaana ugu hanjabay Madaxweyne Axmed Madoobe.

Xamsa Barre  ayaa Axmed Madoobe ku eedeeyey inuu ka baxay heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu saxiixay, kuwaas oo dhigayey in la mideeyo guddiga doorashada maamullada iyo dowladda federaalka, iyadoo dalka oo dhan laga qabanayo doorasho qof iyo cod ah.

Wasiirka Warfaafinta ee Jubaland, Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar oo la hadlay Idaacadda BBC ayaa sheegay in dastuurka Jubbaland uu qabo in ay iyagu qabsan karaan doorasho, isagoo aad u dhaliilay hadalkii maanta ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha.

“Ra’iisulwasaaruhu waa in uu isagu dib iskugu noqdaa, waxaan xasuustaa xilli uu ku doodayey in Jubaland ay doorasheedada u madaxbanaan tahay, halka uu maanta ku doodayo doorashada Jubaland ma aha mid sharci ah,” ayuu yiri.

Wasiir Cabdifitaax Mukhtaar ayaa waxaba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha ra’iisul wsaaraha, isagoo sheegay in dalku yahay federaal waxa laga wadahadlayana ay tahay in ay noqdaan wax loo wada dhanyahay.

“Shirka Wadatashiga Qaranka ee aan ka qeybgalnay aragtida ay gadayeen xilligaas kuma aysan qanacsaneyn Jubaland, waana ay qaadacday shirkaas, marka waxaba kama jiraan hadalka Xamse oo sheegay in Jubbaland saxiixday heshiiskaas,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Jubbaland Cabdifitaax.

Wuxuu sheegay in aysan marna Jubbaland ogolaa doonin doorasho waqtigeeda dhaaftay, halka dowlada federaalka ay dooneyso in hal sano loo kordhiyo madaxda dowlad goboleedyada, si sanadka dambe loo qabto doorasho qof iuo cod ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u cadeysay doonisteeda ah in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, balse uma muuqato in go’aankaas uu ka hirgelayo Kismaayo, sida ay qabaan dadka ka faalooda siyaasadda gudaha, maadaama Axmed Madoobe uusan ogoleyn doorasho furan.

Jubaland ayaa horay u caddeysay in doorasho qof iyo cod ah aysan suurtagal ahayn inay ka dhacdo dalka, iyadoo Madaxweyne Axmed Madoobe uu si cad uga baxay shirkii madasha wadatashiga Qaran ee ugu dambeeyey, kaas oo hal sano loogu kordhiyey madaxda dowlad goboleedyada, waxaana soconeysa halkaas sano diyaarinta doorasho dadweyne oo qof iyo cod ah.

Jubbaland ayaa xiriirkii wadashaqaynta u jartay dowladda federaalka ee Soomaaliya intii uu jiray khilaafkaan, waxaana socda dadaalo lagu dhexdhexaadinayo labada dhinac in kastoo aan wax xog rasmi ah aysan wali ka soo bixin dadaalada socda oo siyaasiyiin ka soo jeeda Kenya ay wadaan.

Guddiga doorashada Jubbaland ayaa habeen ka hor ku dhawaaqay in 25-ka bishaan ay qaban doonaan doorashada madaxweynaha, halka maalmaha ka horeeyana ay ka shaqey doonaan xulashada baarlamaanka, doorashooyinka guddoonka baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa, waxaana toos loo guda galay shaqada.

Mareykanka oo Turkey uga digay inay marti-geliso Xamas

0

Washington (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa Isniintii uga digay dalalka caalamka in ay marti-geliyaan xubnaha Xamaas, ayada oo si gaar ah loo xusay Turkey kadib markii warbixino ay tilmaameen in laga yaabo in hoggaanka kooxda Falastiiniyiinta ay u guuraan halkaas.

“Waxaan arkay warbixino sheegaya in qaar ka mid ah hoggaanka Xamaas, oo Doha ku sugnaa, ay hadda u guureen Turkiga,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Matthew Miller oo shir jaraa’id qabtay Isniintii.

Miller ma uusan xaqiijinin warbixinada, laakiin wuxuu sheegay “in uusan joogin meel uu muran kaga keeno.”

“Waan u caddeyn doonnaa dowladda Turkiga, sida aan ugu caddeynay dal kasta oo caalamka ah, in Xamaas aan sidii hore loola macaamili karin,” ayuu sii raaciyay.

“Ma aaminsanin in hoggaamiyeyaasha urur argagixiso oo xun ay meelna si raaxo leh ugu noolaadaan,” ayuu yiri Miller, isagoo intaa ku daray in dhowr ka mid ah xubnahan uu dacwad kusoo oogay Mareykanka “ayna tahay in la soo gacan geliyo.”

Qatar, oo xulufo la ah Mareykanka, islamarkaana dhex-dhexaadiye muhiim u ah colaadda Gaza, ayaa tobankii sano ee la soo dhaafay waxay caasimadda Dooxa ku marti-gelinaysay xubnaha hoggaanka Xamaas.

Madaxii hore ee Xamaas, Ismail Haniyeh, ayaa ku noolaa Qatar ilaa laga dilay 31-kii July isaga oo booqasho ku jooga Tehran, weerarkaas oo si weyn loogu tiriyey Israel.

Qatar ayaa dhawaan hakisay dhex-dhexaadintii Israa’iil iyo Xamaas ee dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro heshiis xabbad-joojin ah oo ka dhacay Gaza, oo ay barbar socoto sii deynta la-haystayaasha Israel.

Qatar oo ay wehliyaan Mareykanka iyo Masar ayaa fududeynayey wada-xaajoodyada diblomaasiyadeed tan iyo markii dagaalka Gaza uu ka billowday weerarkii Xamas ay ku qaaday Israel October 7, 2023.

Xasan iyo Xamza maxay ka yiraahdeen guusha Cirro?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo si dhow ula socday doorashada Somalilan ayaa hambalyo u diray madaxweynaha la doortay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo ku xigeenkiisa Amb. Maxamed Aw-Cali Cabdi.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey xisbiyada kala ah; Waddani, Kaah iyo Kulmiye natiijada ay ka gaareen doorashada, waxa uuna bogaadiyey bisaylka iyo fahanka dowladnimada ee ay muujiyeen bulshada Somaliland.

Mudane Xasan ayaa u xaqiijiyey madaxweynaha la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dhammaystirka wada-xaajoodyada dib u heshiisiinta labo geesoodka ah, taas oo muhiim u ah horumarka iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyey Madaxweynaha, Madaxweyne Kuxigeenka iyo Xisbiyada la doortay in Alle uu u fududeeyo qorsheyaasha horumarinta nolasha iyo kobcinta dhaqaalaha ee bulshada deegaannada Soomaaliland ay u doorteen.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa dhambaal hambalyo ah u diray madaxweynaha la doortay ee Maamulka Somaliland oo ku guulaystay doorashadii Madaxtinimada.

“Waxaan u hambalyeynaa Walaalkay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo loo doortay Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Waxaan u rajeynayaa Madaxweynaha inuu Alle u fududeeyo gudashada waajibaadka culus ee loo doortay. ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in madaxweynaha cusub laga rajaynayo inuu dardargeliyo himillada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan midnimada iyo wadajirka dalkeenna iyo dib usoo celinta wada hadaladii lagu mideynayey dowladnimada Soomaaliyeed.

Turkiga oo war kasoo saaray in xafiiska ururka Xamaas ee QATAR loo raray dalkaas

Ankara (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo diblomaasi oo Turkish ah ayaa Isniinta maanta ah ku gacan sayray warar sheegaya in Xamas ay xafiiskeeda siyaasadeed ay ka rartay dalka Qatar una guurtay Turkey, ayaga oo intaas ku daray in xubnaha kooxda reer Falastiin ay kaliya mar mar booqdaan dalkaas.

Doha ayaa sheegtay toddobaadkii hore inay ku wargelisay Xamas iyo Israa’iil inay joojineyso dadaallada lagu dhex-dhexaadinayo xabbad joojin ka dhacda Gaza iyo heshiis lagu sii daynayo la-haystayaasha ilaa ay ka muujiyaan rabitaan iyo dhabnimo.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in wararka ay warbaahintu qortay ee ah in Xamas ay u sheegtay in ay dalka ka baxdo aysan ahayn mid sax ah.

Turkiga oo xubin ka ah NATO ayaa si kulul ugu dhaleeceeyay Israa’iil weerarrada ay ku hayso Gaza iyo Lubnaan, islamarkaana uma aqoonsan Xamas urur argagixiso. Qaar ka mid ah saraakiisha siyaasadda Xamas ayaa si joogto ah u booqda Turkiga.

“Xubnaha xafiiska siyaasadda ee Xamas ayaa mar mar booqda Turkey. Wararka tilmaamaya in Xafiiska Siyaasadda Xamas uu u guuray Turkey, kama tarjumayaan xaqiiqda,” ayuu yiri ilo-wareedka diblomaasi.

Xamas ayaa markii hore xafiis ka sameysatay Qatar 2012-kii ayada oo Mareykanka iyo Israel ay raali ka yihiin, kuwaas oo doonayey in la helo hab lagula macaamilo kooxda reer Falastiin.

Reuters

Natiijada doorashada Somaliland oo la shaaciyey

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa goordhoweyd ku dhawaaqay natiijada doorashadii Somaliland ka dhacday 13-kii bishaan.

Guddiga doorashooyinka ayaa ku dhowaaqay in doorashadan looga adkaaday madaxweyne Biixi oo markale u tartamay kursiga, waxaana madaxweynaha Somaliland ku guuleystay musharaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro.

Ciro iyo ku-xigeenkiisa ayaa musharaxa Kulmiye uga guuleystay ku dhowaad 200 kun, taas oo muujineysa sida shacabka reer Somaliland u naceen xukunka Muuse Biixi oo intii uu tallada hayay ku kacay gabood-falo sharci.

Cabdiraxmaan Ciro oo shacabka Somaliland ay cod aqlabiyad ah ku doorteen ayaa haatan Somaliland hoggaamin doona shanta sano ee soo socota.

Guddiga doorashooyinka ayaa sidoo kale shaaciyay in tartanka xisbiyada ay kusoo baxeen Waddani, Kaah iyo Kulmiye, waxaana sidaas saaxada siyaasadda Somaliland uga baxay xisbiga Ucid oo asagu xajisan waayey booskiisa.

Natiijada doorashadan oo lasii saadaalinayay ayaa waxaa saameyn ku yeeshay tallaabooyinkii u dambeeyay ee xukuumadda Muuse Biixi ay qaaday, sida; heshiiskii badda iyo dagaalkii Laascaanood.

Hoggaanka cusub ee Somaliland ayaa waxaa horyaalla arrimo badan oo kamid tahay wax ka qabashada xaaladda nololeed ee deegaanka oo gaartay halkii u hooseysay kadib sicir bararka xarka goostay.

8 askari oo maanta weerar gaadmo ah loogu dilay…

0

Islamabad (Caasimada Online) – Maamulka Waqooyi-galbeed ee Pakistan ayaa sheegay in mintidiin ay weerar gaadmo ah ku qaadeen kolonyo ciidan oo marayey meel u dhow xuduudka Afghanistan, ayna dileen ugu yaraan 8 askari.

Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Khyber oo ah degmo xuduudeed ka tirsan gobolka Khyber Pakhtunkhwa, waxaana lala beegsaday askar ku soo laabatay saldhigooda kadib howlgal ka dhan ah fallaagada.

Weerarka gaadmada ah ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan saddex askari, oo mid ka mid ah xaaladdiisu ay aad u liidatay sida ay sheegeen qaar badan oo ka mid ah saraakiisha amaanka oo diiday in la maagcaabo kuwaas oo la hadlay VOA.

Iska horimaad kaa xigay ayaa la sheegay in sidoo kale ay ku dhinteen dhowr qof oo weerarka soo qaaday.

warbaahinta militariga Pakistan ayaan si degdeg ah uga hadlin weerarka dadku ku dhinten iyo khasaaraha la sheegay ee ka dhashay.

Daawo: Haweeney Muqdisho ku keydin jirtay qaraxyada iyo gabdho badan oo la qabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasho Cabdullahi Maxamed oo 14 sano ka tirsaneed Al-Shabaab ayaa maanta lasoo taagay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waxay Shabaab u qaabilsaneed keydinta iyo kala gudbinta Qaraxyada.

Sidoo kale ku dhowaad 10 gabdhood oo ahaa xaasaskii Al-Shabaab ayaa maanta Caasho lala keenay Maxkamadda, kuwaas oo guddoomiye Shuute uu toos u weydiiyey su’aalo lala yaabay sida ay uga jawaabeen.

Gabdhahaan oo intooda badan ka yimid deegaanada Koonfur Galbeed ayaa laga qabtay busteejooyinka Muqdisho, waxayna u socdeen rag ka tirsan Al-Shabaab oo haasaawe ama shukaansi dheer kadib ku qanciyey inay ugu tagaan deegaanada ay ka joogaan Galmudug.

Arrinta lala yaabay waa in gabdhahaani aysan garaneyn ragga ay u socdeen, balse ay ku dhiiradeen inay gaari raacaan oo duurka ugu tagaan, gabdhaha qaar waxaa bixiyey waalidkood, waana arrin murugo leh oo ka yaabisay dadka.

Caasho oo aheyd haweeneyda ugu weyn hablihii maanta lasoo taagay maxkamadda ayaa sheegtay in Muqdisho ay joogi jirtay, isla markaana ay ka ganacsa jirtay Qudaarta, iyadoo shaqadeeda Shabaabnimada ku dhex wada jirtay.

Lacag dhan $120 ayey Shabaab ugu shaqey jirtay Caasho, waxayna keydi jirtay oo kala gudbi jirtay qaraxyada, waxaana kiiskeeda ka sheekeeyey xeer ilaalinta.

14 sano oo Muqdisho ay isku dhex qarineysay kadib waxaa kashifay wiil ay Shabaab u qorsheeyeen inuu is qarxiyo, balse isku dhiibay ciidanka dowladda, kaas oo sheegay Caasho inay tahay keyd hayaha Al-Shabaab.

Rag badan oo ka tirsan Al-Shabaab ay qiratay inay soo guursatay oo caruur badan u dhashay, iyadoo sheegtay in caruurteedii ay jiraan gudaha Al-Shabaab oo aabahood oo Amiir ah uu heysto.

Hoos ka daawo maxkamadeynta haweenkaas

Fahad Yaasiin oo ka hadlay dagaalka siyaasadeed ee R/W Xamza iyo Axmed Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa soo saaray qoraal uu kaga hadlay go’aanka ra’iisul wasaare Xamsa uu ku wajahayo khilaafka ka dhashay doorashada Jubbaland iyo qorshaha meel ku dhegga ah ee Axmed Madoobe.

Fahad Yaasiin ayaa horay u sheegay in khilaafka siyaasadeed ee dhex yaalla Jubaland iyo Dowlada Federaalka uu yahay imtixaankii ugu halista badnaa ee taabanaya mustaqbalka Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

“Ra’iisul Wasaare 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐞 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 wuxuu doortay inuu muujiyo awooddiisa, siyaasad ahaan iyo degaan ahaan labadaba, uuna caddeeyo in 𝐉𝐮𝐛𝐚𝐥𝐚𝐧𝐝 aysan ahayn xarun siyaasadeed oo 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐌𝐚𝐝𝐨𝐨𝐛𝐞 kaligiis u furan,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Fahad Yaasiin iyo Farmaajo ayaa horay dagaal siyaasadeed ugu qaaday Axmed Madoobe, balse waxaba waa ka qaadi waayeen, wuxuuna hadda muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay in mar kale ay Axmed Madoobe iyo Xamsa Barre ay galaan loopan siyaasadeed, si Axmed Madoobe looga saaro saaxada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa maanta si cad u sheegay in Axmed Madoobe aan laga aqbali doonin in dadka Soomaaliyeed uu dhaafiyo fursadda dib loogu celinayo awoodooda doorashada madaxdooda.

Xamsa ayaa maanta tusaale u soo qaatay sida madaxda kale ee dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka ay xilalka sugu wareejiyeen, intii Axmed Madoobe uu heystay Jubbaland, isagoo si murtiyeysan u yiri “Hadii gugii kuu kordhaa uusan garaad kugu kordhin, maxaad geedka dhaantaa?”

Axmed Madoobe oo madaxda dowladda federaalka ka diiday in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah ayaa hadda guda galay qabashada doorasho dadban, si mar kale uu ugu soo noqdo xukunka.

Dowladda Federaalka ayaa mowqif adag ka istaagtay doorashada Axmed Madoobe ku qabanayo Kismaayo, waxayna isugu dartay hanjabaad, waano iyo cagajugleyn, balse ma jirto cid dheg jalaq u siineysa oo Madaxweynaha Jubbaland wuxuu ka shaqeynayaa sidii xukunka uu u sharciyeysan lahaa 25-ka bishaan oo doorashada maamulkaas la soo gabagabey doono sida ku cad jadwal uu soo saaray guddiga doorashada Jubaland.

Xamza oo kusoo hal-qabsaday Somaliland si u dhaqaaqo qorshaha Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa si weyn u bogaadiyay doorashadii 13-kii bishaan ka dhacday Somaliland, taas oo aheyd mid qof iyo cod ah oo si xor ah uga dhacday deegaanada maamulkaasi.

Xamza ayaa waxa uu sheegay in shacabka Somaliland ay ku ciqaabeen doorashadii dhacday xukunkii Biixi, oo uu sheegay inuu isku-dayey inuu dooriyo isirkooda Soomaalinimo, isagoo doorashadaas ugu soo hal qabsaday qorshaha doorasho qof iyo cod ee damcsan yahay madaxweyne Xasan Sheekh.

“Waxaan hambalyeenayaa oo aan bogaadinayaa doorashada xorta ah ee ka dhacay Somaliland, shacabka Somaliland waa shacab leh biseyl iyo wacyi sare oo ay ku codkoodi ku ciqabeen madaxdooda,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxay ciqaabeen kuwii isku dayay inay beddelaan abtirka iyo isirkooda Soomaaliyeed, kuwii isku dayay in ay baddooda iyo barrigooda laaluush ku bixiyaan, kuwii aloosay colaadda iyo dagaalada sokeeye oo boqolaal qof ay ku dhinteen, hambalyo ayaan leeyahay shacabkaas.”

Sidoo kale wuxuu sheegay in waxa ugu yar ay sameyn karaan ay tahay wixii ka dhacay deegaanada Somaliland oo kale inay ka qabtaan guud ahaan Soomaaliya, si shacabka ay u doortaan hoggaankooda.

“Waxa ugu yar ee aan idinku abaal-gudi karno waa in aan waxa quruxda badan ee aad sameyseen u ogolaano shacabka Soomaaliyeed intiisa kale inay sameeyaan, islamarkaana ay ku ciil baxaan codkooda si xor iyo xalaal ah.”

Xukuumadda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe ka shaqeynaysay nidaamka doorasho qof iyo cod ah oo uu ku dhagan yahay Xasan Sheekh, iyadoo uu baarlamaanka meel-mariyay hindise sharciyeedka dhismaha guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha.

Nidaamka doorasho ee ay rabto Villa Somalia ayaa wajahaya diidmo xooggan, iyadoo madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaridka ay ku tilmaameen mid dhabaha loogu xaarayo “muddo kororsi sharci darro ah”.

Guddiga doorashada Jubbaland oo bilaabay habraaca xulista xildhibaanada

0

Kismaayo (Caasimada Online) — Guddiga doorashada iyo xuduudaha Jubbaland ayaa bilaabay hirgelinta habraaca soo xulista xildhibaannada baarlamaanka Jubbaland.

Guddiga ayaa shalay la kulmay odayaasha dhaqanka ee doorka ku leh soo xulidda xildhibaannada, iyagoo ka wada-hadlay hannaanka lagu soo xulayo xildhibaannada cusub, si waafaqsan qaabka awood qaybsiga ee beel walba u soo xulato xildhibaannada matalaya.

Habraacan cusub ayaa ka duwan kii sanadkii 2019-kii oo ahaa mid saddex xubnood kasta xubin laga xulayay beelaha, waxaana oday dhaqameed kasta uu soo gudbinayaa hal xubin oo Bbesha metela.

Guddiga doorashada Jubbaland ayaa dhawaan soo saaray jadwalka doorashada guddoonka baarlamaanka, madaxweynaha iyo goorta la shaacinayo xubnaha baarlamaanka Jubbaland, iyagoo u muddeeyay doorashada madaxweynaha maamulka inay qabsoomto 25-ka bishaan November.

18 ilaa 19 bishaan ayaa lasoo saarayaa liiska xildhibaanada la doortay ee baarlamaanka Jubbaland, sida uu shaaciyey guddiga doorashada Jubbaland.

20-ka bisha ayaa guddiga qorsheeyay in la qabto codsiyada musharaxiinta guddoonka baarlamaanka, iyadoo 21-ka bishaan la qorsheeyey inay khudbadahooda jeediyaan, islamarkaana la gudagalo doorashada.

Sidok kale, 21-ka ilaa 23-ka ayaa la qorsheeyey in la qabto araajida musharaxiinta madaxweynaha, iyagoo khudbadahooda jeedin doona 24-ka bishaan.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la aaminsan yahay in doorashadaan uu ka shaqeynayo sidii uu ugu soo laaban lahaa kursiga, waxaana taas ka dagaalamaysa dowladda federaalka, oo ka hortimid qorshahaan.

Sawirro: Wafdi sare oo ka socda Itoobiya oo maanta Hargeysa uga qeyb-galay…

0

Hargeysa (Caasimada Online) — Allaha u naxariistee waxaa maanta xabaalaha Baqiic ee duleedka Waqooyi ee magaalada Hargeysa loogu sameeyey aas qaran madaxweynihii Afraad ee Somaliland, marxuum Axmed Siilaanyo oo dhawaan geeriyooday.

Aaska Qaran ee loo sameeyey madaxweyne hore ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, shir-guddoonka goleyaasha wakiillada iyo guurtida, xildhibaanno, wasiirro iyo wufuud ka socotay Itoobiya iyo dalalka deriska.

Sidoo kale waxaa ka qeyb-galay aaska madaxda axsaabta Somaliland, siyaasiyiin, haldoor, culimo iyo dadweyne aad u tiro badan oo isaga kala yimi daafaha dunida iyo dalka gudihiisa, iyada oo halkaas laga jeediyey hadallo loogu ducaynayo marxuumka, laguna sharraxayo sifooyinkii wanaagsanaa ee uu lahaa iyo waxqabadkii ballaadhnaa ee Somaliland ka hirgeliyey muddadii uu hoggaaminayey.

Madax kala duwan oo halkaas ka hadashay ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada, qaraabada iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay marxuum Axmed Siilaanyo.

Waxay dhamaantood ka marag kaceen dedaalkii iyo naf-hurkii uu horumarka Somaliland ka geystay muddadii uu hoggaanka hayay Axmed Siilaanyo.

Wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ra’iisal wasaare ku-xigeenka dowladda federalka Ethiopia Aadan Faarax, xubinna uu ka yahay madaxweynaha dowlad-deegaanka Soomaalida, Mustafe Cagjar ayaa ka qabgalay aska qaran ee madaxweyne hore ee Somaliland, waxana ay ku sifeeyey siyaasi iyo cabqari weyn oo geeska Afrika ka baxay.

Madaxweynihii Afraad ee Somaliland ayaa kamid ahaa tiirarkii ugu waaweynaa ee hoggaaminayey Somaliland, waxaana uu muddo ka badan toddoba sannadood ahaa madaxweynaha maamulka.

Siilaanyo ayaa intii uu talada hayay fuliyey waxqabad ballaaran oo gobollada iyo degmooyinka Somaliland, kuwaas oo kamid ah waxyaabaha ugu mudan taariikhdiisa muddadaas uu hoggaaminayey.

Daawo: Xamza oo u digay Axmed Madoobe, farriina u diray reer Jubbaland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa uga digay in madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu ciidamada amniga u adeegsado danihiisa siyaasadeed ee gaarka ah.

Xamza oo ka hadlayay munaasabadda xil-wareejinta taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa Axmed Madoobe u direy digniintan, isaga oo tilmaamay inay tahay dambi aan la isaga hari doonin haddii ay dhacdo.

“Walaalkey (Axmed Madoobe) waxaa ugu baaqayaa in uusan ciidamada marna u adeegsan arrimaha siyaasadda, waana dambi aan la iskaga hari doonin haddii ay dhacdo. Waxayna keeni doonta haddii ay dhacdo burbur ku yimaada ciidamada muhiimka ah ee mudada lasoo dhisayay,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale wuxuu ciidamada kala duwan ee ku sugan Jubbaland ugu baaqay inay ka fogaadan arrimaha siyaasadda, isagoo dadka reer Jubbaland u jeediyay inay ka tashadaan sidii uusan u dhici laheyn firaaq siyaasi ah.

“Ciidamada ammaanka ee kala duwan waxaan ugu baaqayaa inay ka fogaadaan siyaasada, si professional ahna ay shaqadooda u qabsadaan, difaacan dalka, lana jihaadan oo la dagaalamaan cadowga oo ay joogaan furimahooda, ilaaliyaana nabad-gelyada shacabka.”

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan guud ahaan reer Jubbaland ugu baaqayaa inay ilaaliyaan midnimadooda, nabadooda iyo xasiloonaatooda.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntiina wuxuu reer Jubbaland ka dalbaday inay taageeraan dadaalka ay dowladda federaalka ugu jirto sidii ay awoodooda ugu soo celin laheyn, una dooran lahaayeen madaxdooda.

“Waxaan diyaar u nahay in aan tagno deegaanka, kana qeyb qaadano isku keenida dadka, maslaxayntooda, mideyntooda iyo walaaleyntooda, islamarkaana ka ilaalino waxkasta oo keeni kara inay dhacaan qalaalaso iyo qul-qulatooyin aan loo baahneyn.”

Hoos ka daawo muuqaalka