25 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Gudoomiyaha baarlamanka Jubbaland oo la doortay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa haatan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland lagu soo gaba-gabeeysy doorashada guddoonka cusub ee golaha wakiilada Jubbaland.

Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa markii saddexaad loo doortay xilka guddoomiyaha golaha wakiilada dowlad-goboleedka Jubbaland.

Guddoomiyaha cusub ayaa wuxuu helay 65 cod, halka Ismaaciil Cabdi Keerow oo ahaa musharaxa kaliya ee la tartamayay Sheekh Cabdi uu helay 7 cod, halka ay xumaadeen 3 cod, sida uu shaaciyay natiijada guddigii doorashada ee guddoonka golaha wakiilada Jubbaland.

Xildhibaannada codeeyay ayaa ka kooban illaa 75 xubnood oo ay dhowaan soo xuleen odayaasha dhaqanka ee beelaha Jubbaland.

Doorashada guddoonka ee maanta dhacday ayaa waxaa xigi doonto midda madaxtooyada oo iyana la qabanayo isla 25-ka bishaan Novermber, taas oo lagu wado in mar kale lagu soo doorto madaxweyne Axmed Madoobe.

Dhaq-dhaqaaqa doorasho ee haatan ka socda Jubbaland waxaa diidan dowladda dhexe oo horay u sheegtay in aanay aqbali doonin natiijada kasoo baxda, waxayna ku eedeysay Axmed Madoobe inuu doonayo inuu mar kale isku caana shubo hoggaanka Jubbaland.

Dowladda Xasan Sheekh ayaa ku andacooneysa inay dalka gaarsiineyso doorasho qof iyo cod ah, ayadoo baarlamaanka federaalka Soomaaliya marsatay sharciyo dhowr ah oo dhabaha u xaaraya nidaamkan doorasho.

Daawo: Sakariye Asad oo lagu toogtay Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay Sakariye Asad Faarax oo horay dil uga gaystay deegaan hoostaga magaalada Guriceel ee gobolkaasi.

Sakariye ayaa lagu helay inuu dilay Allaha u naxariistee Cabdullaahi Khaliif Faarax, waxaana maxkamadeyntiisa ay soo martay heerar kala duwan.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha Galmudug Cabdixakiin Maxamed Xirsi oo warbaahinta kula hadlay fagaaraha toogashada oo ka dhacday Dhuusamareeb ayaa bulshadal la wadaagay sida ay qisaastaasi u dhacday.

Xirsi ayaa sheegay in Sakariye lagu helay dambiga lagu soo eedeeyay, kadibna uu qaatay racfaan mar kalena lagu xukumay dil toogasho ah oo saaka lagu fuliyay.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 21-11-2024 waxaa gacan ku dhiigle Sakariye Asad Faarax, waa billaahi Towfiiq” ayuu yiri  ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Galmudug.

Goobta toogashada waxaa u sugna mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, saraakiisha maxkamadda, ehellada iyo boqalaal shacab ah oo tegay baxaradda lagu qisaasay marxuumka.

Horay sidaan oo kale ayaa maxkamadda gobolka Galgaduud waxay toogasho ugu fulisay shaqsiyaad dilal ka gaystay deegaanada Galmudug, si xal loogu helo dilalka socda.

Doorasho maanta ka dhaceysa Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa haatan ka socota qaban-qaabada doorashada guddoonka cusub ee golaha wakiilada Jubbaland, taas oo maanta ka dhaceysa gudaha magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada guddoonka ay hadda ka socoto Kismaayo, waxaana aad loo adkeeyay amniga magaaladaasi.

Musharixiinta tartamaya ayaa la diiwaan-geliyay shalay, waxayna u badan yihiin xubno taabacsan madaxweynaha hadda talada haya Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Xildhibaannada cusub ayaa ka kooban illaa 75 xubnood oo ay dhowaan soo xuleen odayaasha dhaqanka ee beelaha Jubbaland, waxaana sidoo kale hadda guddoomiye KMG u ah Mudane Sheekh Cabdi Yuusuf Cali oo xalay kulan la yeeshay Axmed Madoobe.

Labada nin ayaa ka wada-hadlay arrimaha doorashooyinka iyo sidii si nabdoon oo hufan ay ugu dhammaan lahayeen qeybaha dhiman ee doorashooyinka Jubaland.

Doorashada guddoonka ee maanta dhaceysa waxaa xigi doonto midda madaxtooyada oo iyana la qabanayo isla 25-ka bishaan Novermber, taas oo lagu wado in mar kale lagu soo doorto madaxweyne Axmed Madoobe.

Si kastaba, dhaq-dhaqaaqa doorasho ee ka socda Jubbaland waxaa diidan dowladda dhexe oo horay u sheegtay in aanay aqbali doonin natiijada kasoo baxda, waxayna ku eedeysay Axmed Madoobe inuu doonayo inuu mar kale isku caana shubo hoggaanka Jubbaland.

Beesha caalamka oo war culus ka soo saartay khilaafka DF Soomaaliya iyo Jubaland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa soo saaray war-saxaafadeed wadajir ah oo ay kaga hadleen xiisadda dowladda federaalka iyo Jubbaland, iyagoo ku baaqay in hoos loo dhigo khilaafka siyaasadeed ee cirka isku sii shareeraya.

Sidoo kale, Beesha Caalamka ayaa Madaxweynaha Jubbaland ugu baaqday inuu ku soo laabto shirka golaha wadatashiga qaranka, si khilaafka loo xaliyo inta aan la dhameystirin ansixinta baarlamaanka ee shuruucda doorashooyinka.

Qoraalkaan waxaa sidoo kale farriin loogu diray siyaasiyiinta mucaaradka ah, waxaana loogu baaqay inay tagaan miiska wadahadalka, iyadoo la joojinayo kicinta xiisadaha siyaasadeed ee dalka.

Hoos ka aqriso qoraalka beesha caalamka:

Muqdisho, 20 Nofeembar 2024 – Saaxiibada Caalamka ayaa ka walaacsan khilaafka cirka isku shareeray ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedka Jubaland, kadib kulankii dhowaan u qabsoomay Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ).

Waxaan ku boorrineynaa dhammaan saamilayda inay ka qaybgalaan doodo wax ku ool ah oo loo dhan yahay oo ku saabsan hannaanka doorashada.

Dowlad Goboleedka Jubaland waxaa lagu boorrinayaa inay dib ugu laabato GWQ si wadahadal furan looga yeesho dhammaan arrimaha taagan, loona  soo celiyo xiriirkii kala dhaxeeyay DFS.

Waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan dhinacyada inay joojiyaan xiisad-abuuridda oo ay dib u billaanaan wadahadal furan, ka-hor inta aan la dhamaystirin geeddi-socod kasta ee doorasho.

Saaxiibada Caalamku waxay Soomaaliya ka taageeraan horumarinta ajendaha dawlad-dhisidda, oo ay ku jiraan hanka/hamiga loo qabo in si hore-u-socod leh loogu gudbo doorasho qof-iyo-cod ah, iyadoo loo marayo nidaamyo doorasho oo si isasoo taraysa looga wada qayb qaato, loona dhanyahay.

Tani waxaa kamid ah kasbashada taageero dadweyne iyo mid siyaasadeed, iyadoo la horumarinayo hababka doorashada, iyo jadwal waqtiyaysan oo shaqayn kara oo lagu dhameystiro doorashooyinka, kuwaas oo ah kuwo loo dhan yahay, oo si mug leh loo aqbalo, lana xaqiijin karo, isla markaana damaanad qaadaya amniga iyo xasilloonida qaran.

*Belgium, Boqortooyada Midowday ee Britain, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Dowladda Maraykanka, Finland, Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Iswiidhan, Iswisarland, Jabuuti, Jarmalka, Qadar, Qaramada Midoobay, Ruushka, Spain, Talyaaniga, Turkiga, Urur-Goboleedka (IGAD), Ururka Jaamacadda Carabta (LAS) iyo Wafdiga Midowga Yurub.

Turkiga oo markab kale u soo diray Soomaaliya iyo safiirka oo kusoo dhaweeyey Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Markab kale oo dowladda Turkiga ay leedahay ayaa manta ku soo xirtay dekedda weyn ee magaalada Muqdisho, sida ay shaacisay saraafadda Turkiga ee Muqdisho.

Safiirka Turkiga ee Muqdisho ayaa maanta booqday Markabka TCG Ütğm oo ku soo xirtay dekadda magaalada caasimada ah ee Muqdisho, kaasi oo ka yimid dalka Turkiga

“Waxaan booqanay markab TCG Ütğm. Arif Ekmekçi oo ku xirnaa Dekedda Muqdisho, taasoo qayb ka ah hawsha uu ku caawinayo markabka Oruç Reis Seismic Research Vessel ee baaritaanka kheyraadka shidaalka ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray “Waxaan u rajeyneynaa guul howshan iyo dhammaan hawlaha mustaqbalka,” qoraalkaan ayaa lagu daabacay barta Facebook ee safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Ma jirin faahfaafin dheeraad ah oo laga bixiyey markabkan, shaqada uu qabanayo, qorshaha safarkiisa Soomaaliya iyo meelaha uu tagayo, toona.

Horraantii sanadkaan dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiisyo Turkiga u ogolaanaya inay xeebaha Soomaaliya ka sameeyaan baaritaan shidaal.

Shirkadda Turkish Petroleum, oo ah shirkadda shidaalka qaranka ee Turkiga ayaa la siiyey qandaraas 3 aag ah oo shidaalka Soomaaliya qoditaankiisa bilow u ah.

Aagaggaan shatiga loo heysto ayaa laga sameyn doonaa sahano, cabbirka goobahaan ayaa lagu sheegay qiyaastii 5,000-KM oo laba jibbaaran iyo 1,930 mayl oo laba jibbaaran, natiijada hordhaca ah oo maalmahaan ay hadal heyso warbaahinta caalamka ayaa muujineysa in Soomaaliya ay ku jirto 10 dal ee ugu keydka shidaalka badan caalamka.

Sawirro: Xasan Sheekh oo war cusub ka soo saaray qorshihiisa doorashada dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku celiyay sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka Soomaaliya horumarinta hannaanka dimuqraadiyadda dalka.

Madaxweynaha ayaa cadeeyey in dowladiisu ay shacabka fursad u siineyso in ay doortaan madaxda hoggaaminaysa, si looga gudbo inay marti ka aahaadaan masiirkooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo khudbad ka jeediyay munaasabadda Boqorka Dalka Ingiriiska Charles III oo ka dhacday xarunta Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ee magaalada Muqdisho ayaa bogaadiyey xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo boqortooyada Ingiriiska. Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo bandhigay ahmiyadda ay u leedahay xoojinta dowladnimada iyo horumarinta dalka hirgalinta doorashooyin dimuquraaddi ah iyo in dib awoodda loogu celiyo dadweynaha.

“Doorashadu waa tiirka ugu muhiimsan dimuqraadiyad ku saleysan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, dowladdu waxay ka shaqeynaysaa in shacabka Soomaaliyeed ay si buuxda uga qeyb qaataan hagidda mustaqbalkooda iyo in ay helaan xaqa Dastuuriga ah ee doorashada cidda hoggaaminaysa masiirkooda,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa Saaxiibada caalamiga ah ka dalbaday in dowladda Soomaaliyeed ay ku garab istaagaan marxaladdan taariikhiga ah, si loo helo daganaansho siyaasadeed, amni iyo horumar waara oo ka hanaqaada dalka.

May be an image of 4 peopleMay be an image of 1 person and text

 

Mareykanka oo sameeyey ‘khalad weyn’ iyo Erdogan oo digniin culus ka soo saaray

0

Ankara (Caasimada Online) – Ogolaanshaha Washington ee ah in Ukraine ay gantaallada Mareykanka u adeegsato bartilmaameedyo militari oo gudaha Ruushka ku yaalla waa “khalad weyn” oo dunida u jiidi kara dagaal weyn”, waxaa sidaas maanta yiri madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan.

Tallaabada Kyiv loogu ogolaaday inay isticmaasho gantaallada riddada dheer ee ATACMS ayaa ka dhiggan isbedel weyn oo ku yimid siyaasadda Maraykanka, taasi oo dhalisay jawaab caro leh oo ka timid Moscow.

Moscow ayaa Talaadadii ballaarisay baaxadda marka ay isticmaali karto hubka nukliyeerka, taasi oo ah digniin cad oo ku wajahan Ukraine iyo Reer Galbeedka.

“Tallaabadan uu qaaday (Madaxweynaha Mareykanka Joe) Biden kaliya ma sii kordhin doonto colaadda, laakiin waxay horseedi doontaa falcelin weyn oo ka timaada Ruushka,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

“Waxayna gobolka iyo caalamka qarka u saari kartaa dagaal weyn,” ayuu sidoo kale madaxweynaha Turkiga u sheegay saxafiyiinta ka hor inta aanu raacin diyaaraddii uu kaga soo laabatay shirkii G20 ee Rio.

Sidoo kale wuxuu sheegay in go’aanka Mareykanka loo fasiran karaa inuu yahay tallaabo lagu hurinayo dagaalka, si loo hubiyo inuusan waligiis dhammaanin oo xitaa sii fido.

Waxa uu tilmaamay in wareegtada Talaadadii uu saxiixay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ay u ogolaaneyso Moscow inay bixiso jawaab Nukliyeer, haddii lagu soo qaado weerar cirka ah oo baaxad leh, xitaa haddii kaliya loo isticmaalo hub caadi ah.

“Khaladka ugu yar ee lagu sameeyey khaladkan weyn. Wuxuu la mid noqon doonaa sida budo lagu shubay dab, marka waxaan kula talinayaa qof walba inuu taxaddaro,” ayuu yiri.

Turkey oo xiriir saaxiibtinimo la leh labadan dal ee jaarka kala ah ee Badda Madow, ayaa Ukraine siisay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, balse waxay ka fogaatay inay dhaqan-geliso cunaqabataynta reer galbeedka ee Moscow.

Dib u eegista uu Putin ku sameeyay siyaasadda Nukliyeerka ee Ruushka ayaa waxaa si degdeg ah u cambaareeyay Washington, Brussels iyo London oo ku tilmaamay “mas’uuliyad darro,” waxaana Erdogan uu sheegay in tallaabadan ay tahay in NATO ay darasto.

“Tallaabada uu qaaday Ruushka waa in ay ka fakaraan mas’uuliyiinta NATO sidoo kalena dib u eegis lagu sameeyo,” ayuu ku sheegay shir jaraa’id oo uu Talaadadii ku qabtay magaalada Rio.

“Ruushka waxa uu leeyahay awood iyo tallaabooyin uu isku difaaco, si la mid ah, sida wadamada NATO, waa in aan qaadnaa tallaabooyin aan ku ilaalineyno nafteena,” ayuu yiri.

Falcelin culus oo ka dhalatay tallaabo uu maanta qaaday BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa meel-mariyay xeerka dhismaha ururada iyo xisbiyada siyaasadda ee ka qayb-galaya doorashada.

Dhamaan xildhibaannada soo xaadiray kulanka ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey xeerkaan, sida uu sheegay guddoonka, waaxaana ogolaatay 177 Xildhibaan, ma jirin Xildhibaan diiday ama aamusay, sida uu kulanka ka sheegay guddoonka barlamanka.

Tallaabadan uu qaaday maanta baarlamaanka Soomaaliya ayaa durba waxaa ka dhalatay fal-celin xooggan, ayadoo horey u diideen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka kulamada uu baarlamaanka ku ansixinayo sharciyada la xiriira doorasho qof iyo cod.

Haddaba, sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Cabdirisaaq Calinuur: “Waxba soo kordhin mayso waxaan ummada Soomaaliyeed heshiis iyo raali iskaga ahayn meel ay ka shaqeynayaana ma jirto waa un ijiid aan ku jiidee iyo gacmo daalis in xeer la ansixiyo oo aad soo sartaan Xasan saxiixo, umalayn maayo in ay dhaqan-gali doonto marka iska qaata xoogagiina gacmahana kor u taaaga.”

Xuseen Maxamed: “Filim horay loo daawaday baad dib u jilaysaan, waxba niima soo kordhineyso ee daal baad kororsateyn uun.”

“Shaqo wanaagsan ayaad shacabka Soomaaliyeed u heysaan guuleeysta,” ayuu yiri Bashiir Cali oo kamid ah dadka ka fal-celiyay ansixinta uu maanta sameeyay baarlamaanka ee la xiriirta nidaamka doorash qof iyo cod.

Maxamed Faarax “Xildhibaanada maba joogaane maxay ansixiyaan bal noo sheega yaa ansixiyay xildhibanada Jubbalanf iyo Puntland wax ka jooga malahane oo aan ka aheyn 1 & 2.”

Maxamed Sheikh Xasan ayaa sidoo kale wuxuu isna yiri “Kuwan waxaan kaga yaabay xishood la’aanta, waayo waxay na la yihiin hal qof ayaa isaga aamusay, balse sawirka waxaad ka dhex arki kartaa hal qof wax ka badan!.”

Xasan Nuur: “Shaqo wacan guddoomiye shuruucda waddanka waa muhiim in la dhamestiro.”

“170 iyo dhowr xildhibaan ayaa ansixisay waa nagu badan tahay waayahan intaas ma dhaafaan miyaa xildhibaanadu,” ayuu yiri Cabdullaahi Warsame.

Cabdirashiid Yaxye ayaa isna wuxuu yiri: “329 xildhiban marki 177 hadasho away 157-kii kale, iyagu ma diidin miyaa mase tiradaas lama so gudbiyo iyagu wa khiyaanoleyaal qaran.”

Yoonis Cali Axmed: “Qof iyo cod hadey tageyso cid waliba wey dooneysa laakiin dariiqa loo maraayo mid loo dhan yahay oo heshiis lagu yahay bal ha laga dhigo.”

“War ani wan wareerayee barlamaanka wax ma diido miyaa wuu ansixiyey unbaa lagu jirayee yaab,” ayuu yiri Sakariye Aadam Cabdisalaan.

Safiirka DENMARK oo u hoggaansamay amarkii DF, kadibna bixiyay raali-gelin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka dowladda Denmark u fadhiya Soomaaliya Steen Sonne Andersen ayaa u hoggaansamay u yeeristii wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, isaga oo tegay xarunta wasaaradda, kadibna la kulmay Axmed Macallin Fiqi.

Ugu horreyn Danjire Steen Sonne Anderse ayaa raaligelin iyo cudur daar ka bixiyay hadal uu ugu gefay madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, kadib markii uu tegay Hargeysa, isaga oo kamid ahaa kormeerayaasha caalamiga ah

Safiirka ayaa sheegay in Denmark ay ixtiraameyso midnimada Soomaaliya, isla-markaana hadalka uu jeediyay uu ka bixinayo raalligelin buuxda oo rasmi ah.

“Denmark waxay ixtiraamaysaa midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland,” ayuu ku yiri qoraal uu ku baahiyey bartiisa X Danjire Steen Sonne Andersen, kadib kulanka uu la qaatay wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in labada dowladood uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan, ayna ka wada shaqeeyaan arrimo dhowr ah oo ay ugu horreyso dowlad dhiska.

“Denmark iyo Soomaaliya waa labo dal oo uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan, kana wada shaqeeya arrimo badan oo ay ku jiraan dhismaha dowladnimada, isbedelka cimillada iyo nabadda iyo amniga,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay safiiirka.

Arrintan ayaa dhalisay caro xoogan, waxaana Somaliland dhankeeda ay kasoo jawaabtay hadalkii wasiir Axmed Macalin Fiqi, iyada oo sheegtay inuu ka xunyahay horumarka ay gaareen reer Somaliland iyo doorashooyinka guuleystay oo ay qabsadeen.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa horay digniin ugu dirtay diblomaasiyiinta qaar, iyadoo uga digtay inay ku xadgudbaan madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. See less

Siyaasiyiinta Somaliland ayaa sidoo kale ku dooday in Wasiir Fiqi uu quuri waayey inuu hambalyeeyo guulaha ay gaareen reer Somaliland, taas bedelkeedna uu kiis ku soo oogay safiiradii Hargeysa u tegay inay taageeraan oo korjoogteeyaan doorashada.

Siyaasiyiin kale oo u badan reer SSC Khaatumo iyo reer Muqdisho ayaa dhankooda Wasiir Fiqi ku amaanay doorkiisa firfircoon ee diblomaasiyadeed iyo sida uu uga jawaabay xadgudubkii safiirkaas uu kula kacay qaranimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.

Gavin Williamson oo sheegay in madaxweyne Trump uu aqoonsanayo Somaliland

0

London (Caasimada Online) – Xoghayihii hore ee difaaca ee Boqortooyada UK, ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalkaasi oo laga soo doorto koonfurta Straffordshire, Sir Gavin Williamson ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan aqoonsiga Somaliland.

Ninkan oo si weyn ugu u ololeeyo inay ictiraaf hesho Somaliland ayaa hadda ka dhawaajiyay in madaxweynaha dib loo doortay ee Mareykanka Donald Trump uu aqoonsi siinayo maamulka Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Gavin Williamson ayaa shaaca ka qaada in Trump uu dhowaan wadahadallo la yeesheen kooxdiisa, ayna isla soo qaadeen aqoonsiga Somaliland, isaga oo intaas ku daray inay arrintan noqon doonto tallaabo muhiim ah oo siyaasadeed oo ay qaadeen kooxdiisa.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu si weyn ugu kalsoonyahay Donald Trump, isla markaana arrintan uu sameyn doono marka uu xafiiska la wareego bishaJanaury ee sanadka 2025-ka.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay leedahay muhiimad Geostrategic, gaar ahaan marka loo eego badda Cas, ayna mudan tahay in laga faa’iideysto.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo haatan Somaliland ay ka dhacday doorasho la boggaadiyay oo uu kusoo baxay Cabdiraxmaan Cirro waxaana soo dhaweeyay Mareykanka.

“Sooyaalka doorashooyinka dimuqraadiga ah ee Somaliland iyo xil wareejinta sida nabad ah ku dhacda waxay tusaale u yihiin Gobolka Geeska Afrika iyo meelaha ka baxsan,” ayaa lagu yiri qoraal ay shalay soo saartay Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Mareykanka ayaa guul u rajeeyay madaxweynaha cusub ee la doortay Cabdiraxmaan Cirro, wuxuuna ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda culus ee loo igmaday.

Si kastaba, Somaliland ayaa muddo ka badan 30 sano raadineyso ictiraaf, welina ma helin waxaana ka taagan muran xooggan oo kala dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya

Muuse Biixi oo hadlay, kadib guul darradii ku dhacday

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay guul-darrada kasoo gaartay doorashadii qofka codka ahayd ee 13-kii bishaan ka dhacday deegaanada maamulkaasi.

Muuse Biixi ayaa shaaca ka qaaday inuu aqbalay natiijada soo baxday ee doorashada, wuxuuna u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay Cabdiraxmaan Cirro.

“Waxaan halkan ka caddaynayaa inaanu aqbalnay natiijadii doorashada kasoo baxday oo uu ku guulaystay xisbiga WADDANI, sharcigana ay tahay sharafta iyo qaran-dhiskuna sidaa yahay” ayuu yidhi madaxweynaha talada haya ee maamulka Somaliland.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in doorashada loo galay sidii bulshadu ay u dooran lahayd cidda ay rabaan, wuxuuna ballan qaaday inuu la shaqeyn doono madaxweynaha dooran.

“Hambalyo madaxweynaha la doortay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi guusha aad gaadhay. Waxaan balan qaadayaa taageero buuxda kula barbar istaago iyo in aan xilka si hufan kuugu wareejiyo, Allaha xilkaaga ka dhigo mid horseeda nabad, horumar, iyo guulo waara oo dalkeenna qaaliga ah u soo hoyda” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxaa kale oo uu farriin u diray shacabka Somaliland oo uu ka dalbaday inay garab istaagaan xukuumadda cusub, si ay ugu guuleysato waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Ugu damebyn wuxuu u mahadceliyay taageerayaashiisa dadaalkii ay la garab istaageen iyo sidii ay fursada ugu siiyeen in uu muddo todobo sanno xilka hayo, isaga oo uga digay caadifada iyo waxyaabaha aan midnimada bulshada u fiicnayn ee ay dadka qaar faafiyaan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada maalin kahor guddiga doorashada Somaliland uu shaaciyay natiijada doorashada oo uu kusoo baxay Cabdiraxmaan Cirro.

Waxaa kale oo tartanka xisbiyada kaalinta 1-aad kusoo baxay Wadani, halka 2-aad uu galay Kaah iyo ayada oo xisbiga hadda talada haya ee Kulmiye uu hoos ugu soo dagay kaalinta saddexaad, halka gebi ahaan uu haray xisbiga mucaaradka UCID ee Faysal Cali Waraabe.

Xogta horjooge sare oo Al-Shabaab ah oo maanta la horgeeyay maxkamadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa shaaciyay in maanta uu maxkamadda gobolka Banaadir horgeeyay eedeysane horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Horjoogahan oo lagu magacaabo Cabdifitaax Cabdullahi Maxamed Geeseey, loona garan ogyahay Xaaji Kaash ayaa kooxda u qaabilsanaa dhanka maaliyadda.

Xaaji Kaash ayey maxkamadda gobolka Banaadir isla maanta u gudbisay xabsi ku hayn kumeel-gaar ah, kadib markii maxkamadda ay ku qanacday cadeymaha hordhaca ah ee xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.

“Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa waxa uu horgeeyay maxkamadda gobolka Banaadir Xaaji Kaash oo argigixisada u qaabilsanaa maaliyadda. Xafiiska ayaa markuu soo dhameystiro baaritaanka ayaa waxaa la bilaabi doona maxkamadeynta eedeysanaha,” ayaa lagu yiti qoraal kasoo baxay xafiiska xeer ilaalinta qaranka.

Ninkan ayaa loo haysta fal-dambiyeedyo kala duwan oo ay kamid yihiin; maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqid, sida uu qoraalka uu maanta soo saaray ku sheegay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.

Maxkamadeynta horjooge Xaaji Kaash ayaa dib u bilaaban doonta kadib marka uu xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka uu soo dhameystiro kiiskiisa oo xasaasi ah.

Xeer ilaalinta ayaa xaqiijisay inay ka go’an tahay la-dagaalanka dabar-goynta dhaqaalaha iyo maaliyadda argagixisada, xilli uu dalka ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

 

Ilhaan Cumar oo ka digtay qorshe xasaasi ah oo Donald Trump uu damacsan yahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo laga so doortay gobolka Minnesota ayaa wacad ku martay in ay ka hor iman doonto qorshayaasha Trump ee ku aaddan dadka soo galootiga ah, oo Soomaali badan ay ku jiraan.

Waxay sheegtay in ay la dagaallami doonaan qorshayaasha Trump uu doonayo inuu fuliyo

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa qoraal ay soo dhigtay boggeeda Facebook waxay tallaabada Trump ku tilmaamtay “Shisheeye nacayb iyo mid naxariis darro ah islamarkaana aan Ameerika laga oggolaan”.

“Waxaan la dagaallami doonaa tallaabo kasta oo jidka ku soo jirta” ayay inta aku dartay.

Hadalkeeda ayaa ku soo beegmaya xilli madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump uu bartiisa bulshada ku xaqiijiyay in uu qorsheynayo in uu isticmaalo militariga Mareykanka si uu u fuliyo musaafurinta dadka sharci la’aanta ku soo galay Mareykanka.

Isniintii, waxa uu bartiisa kusoo qoray “TRUE!!! (waa run) isaga oo ka jawaabayay faallooyinka muxaafidka ee ah in Trump uu ku dhawaaqi doono xaalad degdeg ah oo qaran oo uu isticmaalo hantida milatari si uu u hoggaamiyo “barnaamijka masaafurinta ballaaran”.

Xilligii ololihii doorashada, Trump wuxuu si isdaba joog ah u ballan qaaday inuu abaabuli doono Ilaalada Qaranka si ay u caawiyaan laanta Socdaalka iyo Dhaqangelinta Kastamka (ICE), oo ah wakaaladda federaalka ee u xilsaaran fulinta masaafurinta.

Hadalkan u dambeeyay ee Trump ayaa imaanaya iyadoo ay isa soo tarayaan su’aalaha ku saabsan sida uu u dhaqan-galin doono ballan-qaadkiisii ahaa in uu fulin doono masaafurintii ugu ballaarneyd ee taariikhda Mareykanka.

Wuxuu ku celceliyay in uu bilaabayo masaafurinta maalinta ugu horreysa ee xafiiska, taas oo noqon doonta 20-ka Janaayo 2025.

Laakiin xitaa haddii maamulka Maraykanku uu awoodo inuu si sharci ah ugu dhaqaaqo qorshayaashan, mas’uuliyiintu wali waa inay la daalaa-dhacaan caqabado dhanka saadka iyo tisiilaadka oo aad u weyn.

Tusaale ahaan, khubarradu waxay shaki ka muujinayaan in ICE 20,000 oo wakiil iyo shaqaalaha taageerada ay ku filnaan karaan raadinta iyo musaafurinta malaayiinta muhaajiriinta sharcidarada ku jooga dalka.

Waxaa sidoo kale jiri doona kharashaad lacageed oo weyn oo loo baahnaan doono, laakiin Trump ayaa dhawaan u sheegay NBC News in tani aysan joojin doonin dadaalka maamulkiisa.

Qoraalka Trump ayaa imaanaya isagoo sii wada inuu ku dhawaaqo magacaabista jagooyinka muhiimka ah ee maamulkiisa.

Trump ayaa dhowr ka mid ah xulufadiisa daacadda u ah u magacaabay jagooyin sare oo ay ka mid tahay mas’uulka kormeeraya siyaasadda socdaalka iyo masaafurinta, oo ay ku jiraan Kristi Noem oo loo magacaabay inuu hoggaamiyo Waaxda Amniga Gudaha, iyo madaxii hore ee ICE Tom Homan oo Trump uu u magacaabay arri,maha xudduudaha.

Kooxda Trump ayaa ilaa hadda soo saartay faahfaahin yar oo ku saabsan sida qorshahan musaafurinta dadka sharci darada ku jooga Mareykanka loo fulin doono.

Waxa uu horey u sheegay inuu qorsheynayo inuu ku dhawaaqo xaalad degdeg ah oo qaran, taasoo awood u siineysa inuu ciidamo geeyo xuddduuda Mareykanka.

Caqabadaha sharciga ee ka hor imaan kara

Tirakoobkii ugu dambeeyay ee ka soo baxay Waaxda Amniga Gudaha iyo Cilmi baarista Pew ayaa tilmaamaya in ay jiraan ku dhawaad 11 milyan oo muhaajiriin sharci darro ah oo hadda ku nool Mareykanka, tiradaas oo aan buurneyn tan iyo 2005tii.

Badankoodu dadka waa kuwa muddo dheer halkaas ku sugnaa – ku dhawaad afar-meelood meel ayaa dalka joogay in ka badan toban sano.

Soo-galootiga dalka ku jooga bilaa sharci waxay xaq u leeyihiin inay helaan nidaam cadaalad ah, oo ay ku jirto dhageysi maxkamadeed ka hor intaan la tarxiilin. tira badan oo la musaafuriyo in ay mashquul noqdaan islamarkana la abuuro maxkamada badan oo ah kuwa dhageysta kiisaska socdaalka.

Inta badan dadka soogalootiga ah ee horeyba u joogay dalka waxay galaan nidaamka masaafurinta iyagoo aan la kulmin wakiilada laakiin waxay soo maraan sharci fulinta maxalliga ah.

Si kastaba ha ahaatee, qaar badan oo ka mid ah magaalooyinka iyo degmooyinka dalka ayaa soo saaray sharci xaddidaya wada shaqaynta booliiska deegaanka ee Ice.

Trump waxa uu ballan-qaaday in uu tallaabo ka qaadi doono “magaalooyinkan”, laakiin hannaanka Ameerika ee dhanka sharciyada maxalliga ah, gobolka iyo federaalka ayaa sii adkeynaya arrinta.

Kathleen Bush-Joseph, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo ka tirsan Machadka Siyaasadda Socdaalka ee fadhigeedu yahay Washington, , ayaa sheegtay in wada-shaqeynta Ice iyo saraakiisha maxalliga ah ay noqon doonto “mid muhiim ah” barnaamij kasta oo masaafurin ah.

Barnaamij kasta oo masaafurin wadareed ah sidoo kale waxay u badan tahay in isla markiiba uu la kulmo caqabado sharci oo badan oo ka imanaya socdaalka iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha.

Isha: BBC

Xog: Soomaaliya oo ka mid noqon karta 10 dal ee ugu keydka badan calamka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga dalka Turkiga Dr. Alparslan Baytaktar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, si uu markaasi uga qeyb galo munaasabadda soo dhaweynta Markabla shidaalka sahminaya Oruc Reis, kaasi oo ku soo xirtay Dekedda Muqdisho, balse haatan sahmin ka wada 3 Xermo oo ku teedsan Xeebaha magaalooyinka Mareeg ilaa Hobyo ee Maamul Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in tani ay muujineyso walaaltinimada labada Dal iyo labada Shacbi. “Imaatinka Mudane Baytaktar iyo wufuudda kale ee dalka soo gaaray ayaa caddeyn u ah loo daahfurka marxalad cusub oo horumar ku soo kordhinaya xiriirka iskaashiga dhaqaale ee labada dal” ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Keyraadka Dabiiciga ee XFS Cabdirisaaq Cumar.

“Anigoo ku hadlaya magaca Umadda Soomaalyeed waxaan u mahadcelinayaa shacabka, Dowladda Turkiga iyo hoggaankeeda Mudane Rajab Dayib Ordogan oo markasta oo aad istiraahdid Soomaaliya waa laga sii jeestay dib u xasuusiya caalamka. Maanta mar kale ayaad qaadateen go’aan ku saabsan xoojinta horumarka, dhaqaalaha iyo awoodda Soomaaliya”, sidaasi waxaa yiri:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, “Soomaliya waa cusub ayaa u baryey Shidaalka dalkeena ku jiro ayaan la soo baxeena”, ayuu sii raaciyay.

Haddaba Warar hordhac ah ayaa laga helayaa sahanka baariseed ee laga bilaabay Soomaaliya, taasi ee uu bilaabay Markabka laga leeyaha dalka Turkiye, islamarkaana ay wehlinayaan maraakiib kale oo isugu jira kuwa caawinaya isaga iyo kuwa ay saara yihiin ciidamada badda ee Turkiye oo u ah ilaalo gaar ah, bal aan eegno warbixin dhawaan la helay, sida uu ku waramayo Wargeys laga leeyahay dalka aannu Walaalaha nahay ee Turkiye, kaasi oo lagu magacaaboTurkish Century ayaa Boggiisa lagu shaaciyay in sahminta hordhaca ah ee uu sameeyay Markabka Oruc Reis inay Soonaaliya ay qarka u saran tahay inay noqoto dalkii ugu dambeeyey ee ku soo biira dalalka Tamarta iyo Shidaalka Adduunka.

Warbixinta ayaa sheegaysa in sahmintan oo socota wax ka yar bil, sidoo kalena laba Xirmo (block) kaliya oo la fiiriyay lagu ogaaday in keyd  Gaaska dabiiciga ah u ceegaago goobaha kala ah Xirmooyinka ama  block-yada 152 iyo 153, waxaana la qiyaasayaa inay Soomaaliya dhawaan ka mid noqon doonto 10ka dal ee ugu keydka badan Shidaalka iyo Gaaska Caalamka, taasi oo u ah  bishaaro weyn haddii bil ka yar intaasi oo keyd ah lagu ogaaday, waxaana la filaaya in baarista iyo sahminta sii socoto ilaa bisha May 2025-ka, si loo sii ogaado Kheraadka uu Eebbe ku maneystay Dhulka iyo Badda Soomaaliya.

Wargeysa Turkish Century ee ka soo baxa dalka Turkiga ee walaalaha aan nahay ayaa qoray warbixin hordhac ah oo ku saabsan arimaha sahminta shidaalka Soomaaliya, waxa uuna yiri:- “Soomaaliya waxay u muuqataa inay noqon doonto meesha laga bilaabo is-bahaysiga cusub ee Tamarta Adduunka, ka dib markii Markabka sahaminta ee loo yaqaano seismic survey oo ah kii waday baarista gunta hoose ee dhulka ee  Markabka Turkida OrucReis  uu sameeyay baaritaanno hordhac ah oo ku saabsan dhulka hoostiisa ee badda dhacda Deegaanka Mareeg ee Degmada Ceeldheer ee Goboka Galguduud ee Baloogyada 152 iyo 153 oo ay Shati ka haysato TPAO, kuwaasi oo la sheegay inay muujinayaan keyd aad u weyn oo Gaaska dabiiciga ah iyo Shidaalka Ceyriin”, waxuuna Wargeysku isticmaalay ereyga ‘MASSIVE’ oo ah ‘aad u weyn ama aad u badan’ islamarkaana uu Far waaweyn ku qoray, taasi oo ula jeedo in xaddi badan oo shidaal ah ku jiro badda gunteeda hoose.

Inkastoo baaritaanku socdo ilaa iyo hadda waxaa la  ogaaday ‘waa in uu jiro keyd Gaas dabiici ah oo aad u faro badan, haddii baaristaasi lagu baahiyo Aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Soomaaliya (EEZ), waxaa la rumeysan yahay in aan faqri dambe laga soo sheegi doonin Soomaaliya, “Haddii uu keydkaan ku sii fido inta kale ee Aagga dhaqaale ee gaarka ah ee badda Soomaaliya (EEZ), waxa ay dalka Walaalaha ah ee Geeska Afrika ee Soomaaliya ka dhigi kartaa mid ka mid ah tobanka dal ee ugu kaydka badan shidaalka iyo Gaaska Aduunka”, sidaasina waxaa qoray  Wargeysa Turkish Century ee ka soo baxa dalka Turkiga.

Markabka Turkida OrucReis  ayaa 24-kii saacba macluumaadka la wadaaga Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Xukuumadda Soomaaliya, waxaana la filaayaa in maalmaha soo socda ay Dadweynaha Soomaaliyeed la wadaagi doonaa wararka sahan baariseedka shidaalka Soomaalida ee hordhaca ah, iyagoo aad u faahfaahin doona ilaa iyo hadda waxa ka soo baxay sahankaasi, iyadoo la filaayo in uu Markabku u sii gudbi doono magaalo xeebeedka Hobyo oo iyana lag filaayo in laga helo mid kaa ka sii baaxad iyo mug weyn kii laga helay Magaalada Xebeedka Mareeg.

Isha Sonna

Cirro oo tallaabadiisii ugu horreysay qaaday + Sawirro

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha la doortay ee maamulka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa maanta qaaday tallaabadiisii ugu horreysay, wuxuuna kulan la yeeshay saraakiisha kala duwan ee ciidamada maamulkaasi.

Cirro ayaa kulan is xog wareysi ah la qaatay taliyaha ciidanka milatariga Somaliland, Nuux Ismaaciil Taani iyo saraakiisha kala duwan ee ciidanka Qaranka, isaga oo kala hadlay arrimaha ammaanka ee maamulkaasi.

Taliye Nuux iyo saraakiisha kale ee kulanka ka qayb-galay ayaa madaxweynaha cusub ugu tegay salaan, waxayna la wadaageen warbixin la xiriirta xaaladda ammaanka.

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cirro ayaa kulan kale la yeeshay taliyaha ciidanka Dabdamiska Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili) iyo saraakiil uu hogaaminaayo oo salaan ugu tegay.

Taliye Sawaaxili ayaa bogaadiyay Madaxweynaha cusub ee la doortay, isaga oo ugu duceeyay in Alle ku asturo masuuliyada culus ee loo igmaday.

Kulamadan ayaa qayb ka ah dadaallo uu haatan bilaabay Cabdiraxmaan Cirro oo kusoo baxay doorashadii ka dhacday Somaliland, kadib markii uu ka guuleystay Muuse Biixi.

Madaxweynaha cusub ayaa lagu wadaa inuu dhawaan xilka la wareego, wuxuuna hadal uu jeediyay kadib guushiisa sheegay in aanu jiri doonin dabaaldagyo maadaama ay Somaliland ay u taalo tacsida madaxweynihii hore ee maamulka Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

 

 

Kheyre oo taageeray arrin uu diiday markii uu ra’iisul wasaaraha ka ahaa dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si weyn u taageeray arrin uu diiday xilligii uu ahaa wasiirka koowaad ee xukuumadda, taas oo la xiriirta doorashooyinka Jubbaland.

Khayre ayaa soo dhaweeyay xildhibaannada cusub ee Jubbaland oo shalay lagu dhaariyey magaalada Kismaayo, kuwaas oo soo dooran doono madaxweynaha cusub ee Jubbaland.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa ugu baaqay golaha wakiilada 3-aad ee Jubbaland inay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, ayna ka shaqeeyaan horumarka Jubbaland.

“Dowlad-Goboleedka Jubaland ee ay soo xuleen Odayaasha Dhaqanka Jubbaland. Waxaana ugu baaqayaa in ay si hufan u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, kana shaqeeyaan horumarinta shuruucda iyo hay’adaha Jubbaland, ayna mudnaan siiyaan ilaalinta danta guud, iyo xoojinta nabadda iyo wadajirka bulshada Jubbaland” ayuu yiri Khayre.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in soo xulista xildhibaannada Jubbaland ay tahay tallaabo loo qaaday dhanka doorashooyinka oo horay ay uga jirtay hubanti la’aan.

Waxaa kale oo uu farriin u diray maamullada kale ee dalka oo uu ugu baaqay inay deg-deg u qabtaan doorashooyinka, maadaama uu ka dhamaaday muddo xileedka.

“Dhismaha Baarlamaanka 3aad ee Jubbaland waa tallaabo loo qaaday dhanka doorashooyinka dalka oo hubanti la’aan ku jiray. Waxaana madaxda dolwad-goboleedyada Galmumug, Hirshabeelle, iyo Koonfur-Galbeed ugu baaqayaa in ay degdeg ah u qabtaan doorashooyinka oo ah xuquuq aasaasi ah oo dastuurka dalku u madaxbanneeyay dowlad-goboleedyad” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaarihii hore ee xukuumadda Soomaaliya.

Xasan Cali Khayre oo ahaa ra’iisul wasaarihii koowaad ee dowladdii Farmaajo ayaa lagu xusuustaa sida ay uga biyo diideen doorashadii 2019-kii ee Jubbaland oo ay ku qaadeen dagaal culus oo gaaray heer ay ciidamo kula wareegaan gobolka Gedo ee maamulkaasi.

Arrinta ihadda sbeddalka keentay ayaa ah in maanta Khayre iyo Farmaajo ay yihiin mucaarad, kana soo horjeedan madaxweyne Xasan oo isna xilligaas taageero u ahaa Axmed Madoobe, balse maanta diidan doorashadii Jubbaland ee uu shalay la dhacsanaa.

Labada Gole BF oo qaaday tallaabo kale oo la xiriirta doorashooyinka dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada Gole ee baarlamaanka federalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa meel-mariyay xeerka dhismaha ururada iyo xisbiyada siyaasadda ee ka qayb-galaya doorashada.

Dhamaan xildhibaannada soo xaadiray kulanka ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey xeerkaan, wwxaana ogolaatay 177 Xildhibaan, ma jirin Xildhibaan diiday ama aamusay, sida uu shaaciyay guddoonka baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo kulanka goobjoog ahaa ayaa sidoo kale u mahadceliyay labada gole oo tallaabo kale u qaaday doorashada qof iyo codka ah.

Sabtidii ayaa sidaan oo kale ay xildhibaanada labada Gole u meel-mariyeen xeerka dhismaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo sohdimaha, kaas oo ay isna si aqlabiyad leh ku ansixiyeen xildhibaannada Golaha Shacabka iyo senatorada Aqalka Sare.

Tallaabooyinka baarlamaanka uu qaaday ee la xiriira doorashooyinka ayaa waxaa diidan maamullada Jubbaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka oo sheegay in waddada loo maray dhismaha guddiga doorashada ay tahay mid ka hor imaaneyso dastuurka KMG ah.

Kulamada Baarlamaanka oo uu horay u dalbaday madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dardar ku socdo, waxaana qorshaha ugu wayn uu yahay hirgelinta doorashada ee qof codka ah ee ay go’aamiyeen xubnaha golaha wadatashiga qaranka.

Qorshahan ayaa dhaliyay xiisad xoogan, kadib markii ay ka biyo diideen Saciid Deni, Axmed Madoobe iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeedo dowladda dhexe.

Ukraine oo Ruushka ku ridday gantaallada Mareykanka

0

Kyiv (Caasimada Online) -Ukraine ayaa Talaadadi shalay marki ugu horreysay Ruushka ku ridday dhowr gantaal oo ah nuuca riddada dheer, kuwaas oo ka mid ah hubka culus ee uu Mareykanka geeyay Ukraine, iyadoo tallaabadaasi lagu beegay maalinti kunaad ee kasoo wareegatay billowga dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

Adeegsiga gantaallada loo yaqaanno ATACMS, ayaa yimid xilli uu madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu si rasmi ah hoos ugu dhigay marinka isticmaalka hubka niyukleerka, taas oo albaabada u fureysa suurtagalnimada jawaab ay Moscow ka bixiso weerar kasta oo yimaada quwadaha ku hubeysan niyukleerka ee taageera Ukraine.

Sida laga soo xigtay sarkaal Maraykan ah, Ukraine ayaa ridday ilaa siddeed ka mid ah gantaallada, hase yeeshee gantaallada difaaca cirka Ruushka ayaa ka hortagay laba ka mida. Sarkaalku waxa uu sheegay in Maraykanku uu wali qiimaynayo khasaaraha dagaalka, balse waxa uu sheegay in gantaaladu ay ku dhaceen goob sahayda rasaasta ah oo ku taal Karachev, oo ah magaalo ay ku nool yihiin 18,000 oo qof oo ku taal gobolka Bryansk ee Ruushka.

Adeegsiga gantaalladaasi ee Ukraine ayaa laga cabsi qabaa in ay sii huriso xiisadda u dhaxeysa Ruushka, iyo xulufada galbeedka ee taageera Ukraine.

Shariif oo ka hadlay xulista xildhibaannada Jubaland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee Sheekh Shariif hoggaamiyo oo war ka soo saaray doorashada iyo dhaarinta xildhibaanada Jubbaland oo galabta liiskooda lagu dhawaaqay ayaa ugu horeyn hambalyo u diray Baarlamaanka 3-aad ee Jubaland, waxaana warkaan lagu bogaadiyey guddiga doorashooyinka maamulkaas.

“Sida uu qabo godobka 120-aad ee Dastuurka KMG ah, Dhismaha laamaha xeer-dejinta iyo fulinta ee maamullada Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka waa arrimo lagu nidaaminayo Dastuurrada maamul-goboleedyada, sidaa awgeed Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay u hogaansamaan Dastuurka Dalka,” ayaa lagu yiri warkaan uu soo saaray Xisbiga Sheekh Shariif.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray “Xisbiga Himilo Qaran wuxuu kula dardaarmayaa Baarlamaanka Jubaland in ay xilkoodu u gutaan sida sharciga uu qabo oo ay danta Jubaland ku jirto.”

Shacabka reer Jubaland ayaa loogu baaqay inay ilaashadaan nidaamkooda, amnigooda iyo wadajirkooda.

Dhinaca kale Baarlamaanka Puntland ayaa qoraal ka soo saaray doorashadaan, war-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Wakiillada Puntland ayaa hambalyo loogu diray dhammaan xildhibaanada baarlamaanka 3-aad ee Jubbaland.

“Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa si weyn u soo dhaweeynaya tallaabadan muhiimka ah ee ay qaadeen Dawladda Jubbaland, waxaana rajaynaynaa inay si guul leh u gudan doonaan masuuliyadaha culus ee loo dhaariyey,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka ka soo baxay baarlamaanka Puntland oo dhameystiran:

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland wuxuu kaloo ku rajo weyn yahay in Xildhibaannadani ay ka shaqeyn doonaan sidii doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada ee Jubbaland ay ugu dhammaan lahaayeen si nabad ah, hufan, oo guul leh, waafaqsana dastuurka Dawladda Jubbaland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon. Abdirisak Ahmed Said, wuxuu yiri:

“Waxaa annigoo ku hadlaya Afka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland hambalyeynayaa dhammaan Xildhibaanada cusub ee Golaha Wakiillada Jubbaland. Tallaabadani waxay muujineysaa guul laga gaaray Hanaanka hirgalinta nidaamka Federaalka, kaas oo dhigayaa in Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ay masuul ka yihiin Arrimohoda gudaha. Waxaan rajeynayaa inay si hufan oo mas uuliyad leh uga shaqeyn doonaan horumarinta iyo daryeelka shacabka Jubbaland, iyo sidii ay ugu guuleysan lahaayeen waddooyinka nabadda iyo horumarka.”

Mudane Guddoomiye Cabdirisaq Axmed Siciid wuxuu sidoo kale si gaar ah u mahadceliyay Odayaasha Dhaqanka iyo guddiga madaxa banaan ee doorashoyinka Jubbaland, kuwaas oo si wanaagsan u gutay waajibaaadkooda soona xulay xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada, iyadoo loo maraaayo hanaanka dooorasho iyo dastuuur ee Juballand.

Golaha Wakiillada Puntland wuxuu EEBBE uga baryeynaa in Xildhibaanada cusub ay si wanaagsan ugu adeegaan shacabka Jubbaland, ayna ka shaqeeyaan sidii ay gobolka ugu horseedi lahaayeen horumar, nabad, iyo xasilooni waarta.

MUUNGAAB oo ka hadlay doorashada baarlamaanka Jubaland, farriin u diray DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Xasan Maxamed Muungaab ayaa qoraal ka soo saaray doorashada xildhibaanada Jubbaland oo maanta lasoo saaray liiskooda, wuxuuna garab istaagay go’aanka Jubbaland, isagoo farriin u diray madaxda dowladda federaalka.

Muungaab ayaa sheegay in Jubbaland ay ku saxan tahay go’aankeeda doorashada, isagoo yiri “Loo joojin mayo waxay dhashaa kuu joojin mayo.”

Muungaab ayaa madaxda DF ugu baaqay inay dhowraan dastuurka dalka oo ka tanaasulaan muddo kororsiga ay ku heshiiyeen, isla markaana ay ka waantoobaan farogelinta iyo car-qaladeynta doorashooyinka dowlad goboleedyada.

Hoos ka akhriso qoraalka Muungaab

Waxaan halkaan Hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa Baarlamaanka 3aad ee Dowladda Jubbaland oo Galabta lagu dhaariyay Magaalada Kismaayo.

Waa tallaabo wanaagsan oo Jubbaland ka ilaalineysa inay ku dhacdo Marnaasho (Firaaq) Dastuuri ah, sida uu dhigayo Dastuurka Jubbaland oo xaq u siinaya inay waqtigeeda ku qabsato Doorashadeeda.

Waxaan Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha ku bogaadinayaa howsha ay qabteen, waxaana rajeynayaa Doorashada Jubbaland inay sidii loogu talogalay kusoo dhammaato nabadgelyo iyo xasilooni.

Madaxda Dowladda Federaalka waxaan ugu baaqayaa inay dhowraan Dastuurka Dalka, kana tanaasulaan inay muddo kordhin sharci darro ah u sameeyaan madaxda Maamul Goboleedyada waqtigu ka dhammaaday, isla markaana ay ka waantoobaan faragelinta iyo carqaladeynta joogtada ah ee ay ku haayaan Dowlad Goboleedyada doonaya inay qabsadaan Doorashooyinkooda.

“LOO JOOJIN MAAYO WAXAY DHASHAA…KUU JOOJIN MAAYO, Liikiin Tan Jubbaland waa gar waafaqsan Dastuurka Dalka ee aan garab istaagno.”