Belgrade (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u taageertay mowqifka Serbia ee ku aaddan arrinta Kosovo, iyadoo mar kale ku celisay sida ay u dhowrayso midnimada dhuleed ee Belgrade ay sheegato, go’aan Soomaaliya ka soocaya mowqifyada ay qabaan badi waddamada Islaamka iyo Maraykanka.
Go’aankan ayaa lagu dhawaaqay xilli uu booqasho ku joogay magaalada Belgrade Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane XamzaCabdi Barre, halkaas oo uu kula kulmay dhiggiisa dalka Serbia, Đuro Matsut.
Wada-hadalladooda ayaa diiradda lagu saaray ballaarinta iskaashiga dhinacyada waxbarashada, amniga, iyo horumarinta dhaqaalaha. Waxaa sidoo kale kulanka lagu saxiixay heshiis is-afgarad oo cusub oo dhanka caafimaadka ah, kaas oo labada dal ay ku wadaagi doonaan khibradaha caafimaad, cilmi-baarista, iyo tababarrada.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Serbia, Marko Đurić, oo isaguna si gaar ah ula yeeshay wada-hadal Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa soo dhoweeyay diidmada Muqdisho ee aqoonsiga madax-bannaanidii Kosovo ee sannadkii 2008-dii — mowqifkaas oo Serbia ay u aragto guul diblomaasiyadeed oo miisaan culus.
“Waxaan si weyn uga mahadcelineynaa Soomaaliya taageerada ay u muujisay midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Serbia,” ayuu yiri Đurić. “Serbia sidoo kale waxay si buuxda u ixtiraamaysaa midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya.”
In ka badan 50 waddan oo Muslimiin ay u badan yihiin — oo ay ku jiraan Turkiga, Sacuudi Carabiya, Masar, iyo Imaaraadka Carabta — ayaa aqoonsaday Kosovo, waxaana sidoo kale aqoonsaday Mareykanka iyo quwadaha Reer Galbeedka intooda badan. Hase yeeshee, Soomaaliya waxay dooratay waddo u gaar ah, iyadoo la safatay mowqifka Serbia ee qaba in Kosovo ay weli tahay qayb aan ka go’i karin dhulkeeda.
Đurić ayaa carrabka ku adkeeyay qiimaha isbahaysigan: “Serbia waxay ku faanaysaa xiriirkeeda soo jireenka ah ee wanaagsan iyo saaxiibtinimada faca-weyn ee kala dhaxaysa Soomaaliya,” ayuu yiri.
“Waxaa si dhab ah naga go’an horumarinta iyo sii qotodheeraynta xiriirka aan la leenahay dalkan Afrikaanka ah — gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, beeraha, dhismaha, waxbarashada, iyo iskaashiga fagaarayaasha caalamiga ah.”
Mowqif ay ka siman yihiin labada dal
Dhinaca Serbia, arrinta Kosovo ma aha mid ku kooban xuduud oo keliya.
“Kosovo iyo Metohija waxay muhiimad aan la soo koobi karin u leeyihiin shacabka Serbia — taariikh ahaan, dowlad-dhisid ahaan, diin ahaan, dhaqaale ahaan, iyo siyaasad ahaanba,” ayuu sharraxay Đurić. “Goosashadeeda hal-dhinaca ah waxay cawaaqib xun oo juqraafi-siyaasadeed ku yeelatay xiriirka caalamiga ah.”
Labada wasiir waxay isku raaceen in sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay ay qasab tahay inay ahaadaan udub-dhexaadka diblomaasiyadda adduunka, waxayna ka digeen in goosashada hal-dhinac ah ay abuurayso “tusaalooyin khatar gelin kara xasiloonida.”
Dhanka Soomaaliya, arrintani waxay leedahay macne gaar ah. Muqdisho waxay si joogto ah u diidan tahay sheegashada madax-bannaanida ee Somaliland, taas oo la iclaamiyay sannadkii 1991-kii balse aan ilaa maanta helin aqoonsi caalami ah.
Sida ay Serbia ugu adkaysanayso in Kosovo ay tahay qayb ka mid ah dalkeeda madax-bannaan, ayaa Soomaaliyana u aragtaa in Somaliland ay weli tahay qayb ka mid ah dhulkeeda oo aan la kala qaybin karin. Aragtidaas ay wadaagaan ayaa si weyn isugu soo dhoweysay Muqdisho iyo Belgrade.
Kulankoodii ka dhacay Qasriga Serbia, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo dhiggiisa Matsut waxay eegeen arrimo ka ballaaran siyaasadda, iyagoo ballanqaaday inay xoojin doonaan xiriirka dhinacyada muhiimka ah. Heshiiska is-afgaradka ee caafimaadka ayaa dhiirrigelin doona iskaashiga tababarrada caafimaadka, cilmi-baarista, iyo is-dhaafsiga khibradaha.
Ra’iisul Wasaare Xamza wuxuu farta ku fiiqay fursadaha ka jira waxbarashada iyo teknolojiyadda, isagoo xoogga saaray awood-siinta dhallinyarada iyo kobcinta is-dhaafsiga dhaqanka. Dhankiisa, Matsut wuxuu ballanqaaday taageerada Serbia ee arrimaha mudnaanta u leh amniga Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin la-dagaallanka argagixisada iyo xasiloonida gobolka.
Wada-hadallada ayaa lagu tilmaamay tallaabo hore loogu qaaday dhismaha iskaashi waara — kaas oo horseedi kara iskaashi dhow oo labada dhinac ah sannadaha soo socda.
Đurić wuxuu sidoo kale kulammada uga faa’iidaystay inuu ku celiyo aragtida ballaaran ee siyaasadda arrimaha dibadda ee Belgrade: “Serbia waxay ku dhaqantaa siyaasad arrimo dibadeed oo madax-bannaan, taas oo ku dhisan mabaadi’da dhex-dhexaadnimada militari, taas oo macnaheedu yahay inaan kobcino xiriirka iyo iskaashiga aan la leenahay dhammaan saaxiibbada muhiimka ah ee juqraafi-siyaasadeedka, militariga, iyo dhaqaalaha ee caalamka,” ayuu yiri.
“In la raaco siyaasad noocan oo kale ah jawiga caalamiga ah ee maanta ma aha wax fudud, balse waa jidka saxda ah waxayna danta ugu jirtaa Jamhuuriyadda Serbia.”
Dhinaca Serbia, taageerada Soomaaliya waxay leedahay miisaan calaamadeed iyo mid istiraatiiji ah. Waxay xoojinaysaa ololaha Belgrade ee lagu hor istaagayo aqoonsi caalami ah oo ay hesho Kosovo, iyadoo isla markaas muujinaysa inaanay dhammaan waddamada Muslimiintu la safnayn Pristina iyo xulafadeeda Reer Galbeedka.
Xiisadda Kosovo iyo Serbia
Kosovo iyo Serbia waxaa dhex-taalla xiisad asalkeeda salka ku haysa dagaalkii Balkans-ka.
Dagaalkii Kosovo wuxuu dhacay intii u dhexeysay 1998 iyo 1999, xilli gobolkaasi uu ku jiray hoos tagga Serbia oo qayb ka ahayd Jamhuuriyaddii Federaalka Yugoslavia. Dadka deegaanka intooda badan waxay ahaayeen Albanian doonayay madax-bannaani, halka dadka Serbka ahi ay taageero ka helayeen Belgrade.
Markii Jabhadda Kosovo Liberation Army (KLA) ay qaaday kacdoon hubaysan, ciidamada Serbia iyo Yugoslavia ayaa si xooggan uga jawaabay, taas oo sababtay tacaddiyo iyo barakac ballaaran. Qiyaastii hal milyan oo qof ayaa ku qasbanaaday in ay ka cararaan guryahooda.
Si loo joojiyo xadgudubyada, NATO ayaa bishii Maarso 1999 qaaday olole duqeymo cirka ah oo socday 78 maalmood, taas oo ku qasabtay hogaamiyihii Serbia, Slobodan Milošević, inuu ciidamadiisa kala baxo Kosovo. Bishii Juun 1999, gobolka waxaa gacanta ku dhigay NATO iyo Qaramada Midoobay. Ugu dambayntii, Kosovo waxay ku dhawaaqday madax-bannaani sanadkii 2008, inkasta oo Serbia iyo qaar ka mid ah quwadaha caalamka sida Ruushka iyo Shiinaha ay wali diidan yihiin aqoonsigeeda.
Dhacdadii kale ee ugu naxdinta badnayd ee Balkan-ka waxay ahayd xasuuqii Srebrenica ee Bosnia 1995. Ciidamada Serbka oo uu hoggaaminayay General Ratko Mladić ayaa qabsaday magaaladaas oo ahayd aag Qaramada Midoobay ku dhawaaqday “ammaan”. Si kastaba ha ahaatee, maalmo gudahood in ka badan sideed kun oo rag iyo wiilal Muslimiin ah ayaa si qorshaysan loo dilay, halka haween iyo carruur la barakiciyay.
Maxkamadaha caalamiga ah ayaa go’aamiyay in xasuuqaasi ahaa dil-wadareedkii ugu weynaa ee Yurub ku dhaca tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka, waxaana dambiyadaas lagu xukumay saraakiil sare oo Serb ah, oo ay ku jiraan Mladić iyo Radovan Karadžić.
Labada dhacdo ee Kosovo iyo Srebrenica waxay astaan u yihiin burburkii Yugoslavia iyo colaaddii dhiigga badnayd ee Balkan-ka, midna waxay horseedday dowlad cusub oo madax-bannaan, midna waxay caalamka xusuusisay murugada xasuuqa iyo nadiifinta qowmiyadeed.