26.2 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Mareykanka oo shaaciyey in ciidanka Danab ay yihiin kuwa ugu awoodda badan Afrika

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) General Dagvin R.M. Anderson, oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan howlgallada Soomaaliya iyo dhismaha ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa gaarka tababaraan ee Danab.

General Dagvin ayaa marka hore sheegay in dhismaha ciidanka kumaandooska Danab ay faa’iido weyn u tahay Soomaaliya, maadaama toban sano kaddib ay haystaan tababar sare iyo awood ciidan oo Afrika ka dhex muuqata, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamadan ay yihiin mid ka mid ah kuwa ugu awoodda badan ee Qaaradda Afrika, ayna tusaale u yihiin dhammaan ciidamada kale.

“Muddo toban sano ah ayaa dhiseynay Ciidanka Danab, waxaan ka dhignay mid kamid ah Ciidanka ugu awoodda badan Afrika, Danab waa tusaale fiican, waxa aan la leenahay taariikh iskaashi oo aan sii wadi doonno” ayuu yiri taliyaha cusub ee howlgalka AFRICOM.

Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay in ujeedka loo kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish ee Soomaaliya ay tahay in meesha laga saaro, si xasilooni loogu soo dabaalo gobolka oo loo arko inay khatar ku yihiin kooxahan gacan saarka la leh argagixisada.

Taliyaha AFRICOM ayaa sidoo kale xusay in isku xiranka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta Yemen uu yahay ujeedka ugu weyn ee Maraykanka, balse ay burburin doonaan, si looga adkaado.

General Dagvin R.M. Anderson, oo maalin kahor la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad u muujiyay sida ay Washington uga go’an tahay inay taageerto Soomaaliya, si loo adkeeyo awoodda ciidamada qaranka.

Mareykanka ayaa qorsheynaya in taageeradiisa cusub ay ku jiraan hawl-gallo cirka ah oo lagu beegsanayo bartilmaameedyada kooxaha argagixisada, is-weydaarsi sirdoon, tababaro ciidan iyo caawimaad kale oo lagu dhisayo awoodda difaaca ee Soomaaliya.

Biixi oo shaaciyey xogta isku daygii Abiy Ahmed uu Farmaajo ku gayn rabay Hargeysa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ka xog warramay arrimo xasaasi ah oo dhacay muddo xileedkiisii, inta uu ahaa madaxwenaha ayaa ka sheekeeyay arrin ku saabsan isku daygii Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ku doonayay inuu Hargeysa ku geeyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Biixi ayaa sheegay in Abiy Axmed uu mar isku dayay inuu heshiisiiyo isaga iyo Farmaajo, si ay uga wada shaqeeyaan arrimaha midnimada, si loo gaaro heshiis miro dhal ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo xilligaas saaxib la ahaa Farmaajo oo uu ku casuumay xafiiskiisa, isla markaana si lama filaan ugu soo hadal qaaday arrinta heshiiska, balse uu isagu ka biyo diiday, sida uu hadalka u dhigay.

“Abiy wuxuu noo yeedhay aniga iyo Farmaajo, markaasuu qudbad noo jeediyay, wuxuuna yidhi ‘heshiisiya’. Waxaan ku idhi: shacabka ayaa i doortay, shacabkuna fariinta kala go’a uun bay ii soo dhiibeen,” ayuu yidhi madaxweynihii hore ee maamulka Somaliland.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in mar kale uu Abiy isku dayay inuu Farmaajo geeyo magaalada Hargeysa si uu booqdo halkaasi, balse uu ka hor istaagay, maadaama ay iyagu ka go’an tahay ka gun-gaaridda arrinta ictiraafka iyo madax bannaani ay hesho Somaliland.

“Farmaajo ayaan toos ula hadlay, waxaanan ku idhi: ‘Maanad ahayn nin Soomaali ah? Haddaad doonayso inaad Hargeysa timaaddo si kale ayaad u imane, inagada.’ Isaguna wuxuu yidhi: ‘Waa hagaag.’ Hase ahaatee, Abiy ayaa dhabarka ka riixayay,” sidaa ayuu sheegay inuu ku joojiyay safarkii Farmaajo iyo Abiy ay ku tagi lahaayeen Hargeysa.

Madaxweynihii hore ee Somaliland ayaa sidoo kale soo hadal qaaday dhacdooyin kale oo xasaasi ah oo la xiriira heshiiskii badda ee Itoobiya iyo arrimaha diblomaasiyadda.

Muuse Biise qiray in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga adkaatay dhanka diplomaasiyadda, gaar ahaan heshiiskii badda ee ay la galeen dowladda Itoobiya, maadaama uu fuli waayey, kadib caqabado soo wajahay Hargeysa iyo Addis Ababa.

Waxa uu carrabka ku dhuftay in dhankooda ay diyaar u ahaayeen dhaqangelinta heshiiska, balse uu ka fuli waayay dhanka Itoobiya, sababo la xiriira culeys ay saartay Soomaaliya oo kasoo martay dowladaha gobolka iyo ururada caalamiga ah.

“Arintaas anaga dhankeena diyaar ayay ka ahayd, laakiin Itoobiya waa ay socodsiin weyday waxaa ku kacay wadamadda Afrika, Jaamacadda Carabta iyo ururka Iskaashiga islaam-ka oo Soomaaliya taageeray” ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Itoobiya xitaa wadamada Afrika waxay ugu hanjabeen in xarunta midowga Afrika laga qaadayo, Carabta oo ay Masar hor kaceysana cadaadis wayn ayay saareen, xitaa urur ka Iskaashiga Islaam-ka ayaa isku raacay in Itoobiya qaldan tahay taas ayaana qasabtay in heshiiskii dhaqan gali waayo”.

Madaxweyne hore Muuse Biixi Cabdi ayaa xilligiisii hoggaaminta Somaliland lagu xasuustaa sida ay uga go’neyd fulinta heshiiska badda, wuxuuna mar kastaa dhaleeceyn jiray Muqdisho, balse markii dambe waxay sheekada kusoo dhammaatay in isagii meesha uu ka baxo, kadib doorashadii ka dhacday Somaliland, Itoobiyana ay heshiis la gasho Soomaaliya.

Mareykanka oo ciidan cusub u tababaray DF + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ciidamo gaar ah u tababartay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo kamid noqonayo ciidanka Kumaandooska Danab ee uu gacanta ku hayo Mareykanka.

Ciidamadan ayaa tababarka ku qaaday xerada Balidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana maanta tababarka usoo xiray taliyaha ciidanka Xoogga dalka Jeneral Odowaa Yuusuf Raage oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka.

Askarta loo soo xiray tababara ayaa intii ay socotay munaasabadda soo bandhigay dhoolatus cajiib ah, iyaga oo fagaaraha ka dhigay wacdaro, soona bandhigay wixii la baray.

Danab ayaa ah ciidamo gaar ah oo uu taageero Mareykanka, wuxuuna siiyaa tababar iyo qalab, iyaga oo sidoo kale la howlgala ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya.

Sidoo kale, ciidamadan ayaa fuliya howlgallada gaarka ah, iyaga oo mararka qaar u daata degaannada ay joogaan Al-Shabaab, kadibna kasoo fuliyo howlgallo bartilmaameedyo ah.

Dhismaha ciidanka kumaandooska Danab ayaa waxaa faa’iido weyn ay u tahay Soomaaliya, maadaama toban sano kaddib ay haystaan tababar sare iyo awood ciidan oo Afrika ka dhex muuqata, sida uu sheegay taliyaha cusub ee AFRICOM General Dagvin R.M. Anderson.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamadan ay yihiin mid ka mid ah kuwa ugu awoodda badan ee Qaaradda Afrika, ayna tusaale u yihiin dhammaan ciidamada kale.

“Muddo toban sano ah ayaa dhiseynay Ciidanka Danab, waxaan ka dhignay mid kamid ah Ciidanka ugu awoodda badan Afrika, Danab waa tusaale fiican, waxa aan la leenahay taariikh iskaashi oo aan sii wadi doonno” ayuu yiri taliyaha cusub ee howlgalka AFRICOM.

Mareykanka ayaa haatan qorsheynaya in taageeradiisa cusub ay ku jiraan hawl-gallo cirka ah oo lagu beegsanayo bartilmaameedyada kooxaha argagixisada, is-weydaarsi sirdoon, tababaro ciidan iyo caawimaad kale oo lagu dhisayo awoodda difaaca ee Soomaaliya.

 

Xildhibaannada mucaaradka oo qaylo dhaan soo saaray kadib arrrin soo korortay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Samatabixinta Qaran oo maanta soo saaray warsaxaafadeed ayaa si adag uga haday xaaladda cakiran ee uu ku jiro Baarlamaanka iyo habac-sanaanta ku timid guud ahaan shaqadii socotay ee Golaha.

Xildhibaannada soo saaray warqadda oo u badan kuwa mucaaradka ayaa ku eedeeyay guddoonka Baarlamaanka inuu gabay shaqadii loo igmaday, isla markaana uu ku milmay xukuumadda, sida ay ku caddeeyeen qoraalkooda.

Sidoo kale Xildhibaannada Golaha Samatabixinta ayaa nasiib darro ku tilmaamay inuu sii xirnaado Baarlamaanka, iyada oo dalka uu ku jiro marxalad xasaasi ah oo siyaasadeed, waxaana ahayd in kalfadhigooda uu furmo 22-ka bishii hore ee Agoosto ee 2025.

“Waxaa nasiib darro ah, iyadoo waddanka ku jiro marxalad cakiran oo siyaasadeed, mid amni iyo mid dhaqaale uu guddoonka iclaamin waayay furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka sida uu dhigayo heer hoosaad golaha iyo dastuurka ku-meelgaarka  ah ee 2012” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xubnaha Baarlamaanka ayaa sidoo kale ku wargeliyay shacabka iyo dalalka taageera Soomaaliya in wixii fashil ah ee ku yimaada golaha uu qaadi doono guddoonka sare ee Baarlamaanka, gaar ahaan guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo labadiisa ku xigeen.

Waxaa kale oo ay sheegeen in guddoonka u uu caado ka dhigtay in uu ka gaabiyo howlihii loo igmaday, isla markaana ay guud ahaanba fariisatay shaqadii Golaha.

Dhawaan xildhibaannadan ayaa si weyn u taageeray warsaxaafadeedkii kasoo baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo iyadu dalbatay in la gaaro heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, isla markaan si deg-deg ah loo qabto doorashada maamullada dalka oo sidoo kale la’isugu imaanayo shir wadatahi ah.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale boggaadiyay bayaanka kasoo baxay maamullada Jubaland iyo Puntland ee lagu ayiday qodobada ay soo saareen siyaasiyiinta mucaaradka ee uu hogaaminayo madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd, Mudane Shariif Sheekh Axmed.

Arrimahan ayaa kusoo aadaya, iyada oo dhawaan heshiis siyaasadeed ay gaareen madaxweyne Xasan Sheekh iyo 4 kamid ah xubnihii mucaaradka ee isaga baxay Madasha Samatabixinta, kuwaas oo isla meel dhigay qodobo taabanaya dastuurka iyo doorashada.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo keentay hubanti la’aan, waxaana xoogeysanaya dhaq-dhaqaaqyada iska soo horjeedo ee dowladda iyo xubnaha mucaaradka.

Assab port return ‘a matter of time,’ says Ethiopia’s PM

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed has declared it is “only a matter of time” before his country regains access to the Red Sea port of Assab, framing the potential move as the correction of a historic error and dramatically escalating tensions with neighboring Eritrea.

Eritrea swiftly condemned the remarks, labeling them “reckless saber-rattling” and a “disdainful distortion” of its history, signaling a dangerous new chapter in the volatile relationship between the two Horn of Africa nations.

The pointed exchange threatens to unravel a fragile 2018 peace accord that ended decades of hostility and earned Abiy the Nobel Peace Prize.

In a recent interview with state broadcaster EBC, Abiy argued that Ethiopia’s landlocked status was a “mistake made three decades ago” that “will be corrected tomorrow.”

“The Red Sea was part of Ethiopia before thirty years ago,” Abiy stated, linking the lack of a coastline to a series of persistent “little challenges” facing the nation of over 120 million people.

His comments were echoed by other senior officials, suggesting a coordinated government effort to press the issue. State Minister of Finance Eyob Tekalign asserted that “Ethiopia’s national interest is more definitive” now and that the country is “ready to stand strong against anyone who opposes” it.

Ethiopia’s military has also adopted the assertive new tone. Brigadier General Teshome Gemechu, a senior defense ministry official, described sea access as a matter of “national survival,” claiming Ethiopia has a “historical” right to the Port of Assab.

“Assab was part of our territory. We lost it due to the illegitimacy of the then transitional government,” Teshome said, referencing the administration in power when Eritrea gained its independence. He added, however, that a diplomatic solution remains Ethiopia’s priority.

Ethiopia became the world’s most populous landlocked country after Eritrea, a former Ethiopian province, formally seceded in 1993 following a three-decade war for independence and a UN-monitored referendum. The secession deprived Addis Ababa of its entire coastline, including the crucial ports of Assab and Massawa.

Lingering border disputes between the two nations later erupted into a devastating war from 1998 to 2000, which killed tens of thousands and resulted in a lengthy, frozen conflict.

Eritrea condemns “reckless saber-rattling”

Eritrea’s government has forcefully rejected Ethiopia’s claims. In a social media post on September 3, Information Minister Yemane Gebremeskel dismissed the statements as a “resurgence of reckless saber-rattling.”

He defended the legitimacy of Eritrea’s 1993 independence vote, calling it an “inalienable and exclusive national political prerogative” that was not subject to approval from Ethiopia.

Yemane characterized Ethiopia’s historical arguments as “political hogwash” that is “too boring and fallacious for serious discourse.”

The public dispute marks a severe deterioration in relations since the 2018 peace agreement. Abiy and Eritrean President Isaias Afwerki became close allies, most notably during the recent two-year war in Ethiopia’s Tigray region, where Eritrean forces fought alongside the Ethiopian army.

The push for sea access is a cornerstone of Abiy’s foreign policy. This determination was highlighted in January 2024 when Ethiopia signed a controversial preliminary deal with Somaliland, a breakaway region of Somalia, to lease a port in exchange for potential recognition of its sovereignty.

The memorandum of understanding with Somaliland outraged Somalia, which considers Somaliland part of its territory, and drew condemnation from regional and international partners.

Analysts fear that Ethiopia’s increasingly vocal claims on Eritrean territory, combined with its actions regarding Somaliland, could further destabilize a region already grappling with conflict, climate change, and economic hardship. The Red Sea is a vital artery for global trade, and any conflict there could have far-reaching consequences.

While Ethiopian officials maintain that diplomacy is their preferred path, their recent rhetoric has placed the Horn of Africa on high alert for a potential new conflict.

Xubnihii ka baxay Madasha Samatabixinta oo maanta qaaday tallaabo xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xubnihii mucaaradka ee ka baxay Madasha Samatabixinta, kadib heshiiskii ee la galeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qaaday tallaabo kale oo xasaasi ah, iyaga oo tegay xarunta guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka ee ku howlan arrimaha doorashada.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kamid ah ragga isaga baxay Madasha Samatabixinta ayaa maanta diiwaangeliyay xisbiyadooda cusub.

Xisbiyadan oo dhawaan lagu dhawaaqay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ka qayb-galka doorashooyinka dalka ka dhacaya ee qof iyo codka ah, kadib markii ay la heshiiyeen Villa Somalia.

Guddiga Doorashooyinka ayaa maanta shahaadada siiyay xisbiyada cusub oo gaaraya illaa 14 uruur oo soo buuxiyay shuruudiihii laga rabay, sida uu shaaciyay Cabdikariin Axmed Xasan oo ah guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooynka qaranka.

“Waxaa sharaf wayn innoo ah in 14 urur aan maanta shahaado siinay oo soo buuxiyay dhammaan shuruudihii looga baahnaa waxaa kale oo qiimo noogu fadhiyo in rag badan oo siyaasiyiin ay kamid yihiin dadka maanta ururadooda ku guuleystay inay helaan urur ahaan iyo siyaasad ahaan” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo xubnaha mucaaradka ee uu hoggaaminayo Shariif Sheekh Axmed ay weli maqan yihiin, kadib markii ay burbureen wada-hadallo la’isla gaaray 5-ta wareeg oo ay Villa Soomaaliya kula galeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hase ahaateen Villa Somalia waxaa ka dhacay shir kale oo ay heshiis ku gareen Madaxweyne Xasan, Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Wasiir hore Daahir Maxamuud Geelle iyo guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Sidoo kal Bayaan ka soo baxay kulankooda ayaa waxaa lagu sheegay in dhinacyadu ku heshiiyeen in Baarlamaanka uu doorto Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Hoggaamiyayaasha iyo ku-xigeennada dowlad-goboleedyada waxaa soo dooranaya golayaasha wakiillada dowlad-goboleedyada,” ayaa lagu yiri bayaanka ay si wadajir ah u soo saareen dowladda iyo xubnihii ka baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Heshiiskan ayaa sidoo kale qeyb ka ah in magacaabista Ra’iisul Wasaaraha uu leeyahay Madaxweynaha, iyadoo codka kalsoonida u qaadi doono Baarlamaanka, uuna awood u yeelanayo inuu kala laabtana.

Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh dusha u saaray quusta ka taagan Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed oo qoraal soo saaray ayaa weerar xun ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo soo bandhigay dhibaatooyin ka dhashay barakicinta dhulka danta-guud.

Shariif ayaa shaaca ka qaaday in maamulka hadda jira uu ku takri-falay awooda dowladda ee maamulka iyo maareynta khayraadka bulshada, gaar ahaan dhulka danta-guud, wuxuuna tilmaamay in arrintan ay dhaawac wayn u gaystay kalsoonoda shacabka.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in arrintan ay saameyn gaar ah ku yeelatay dhalinyarada oo ka quustay dalkooda, maadaama ay bilaabeen inay tahriibaan.

“Waxaan maalin walba daawanaa dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka tahriibaya dalkooda iyagoo sheegaya inay raadinayaan fursado iyo rejo. Waxay taasi meel ka dhac ku tahay qof walba oo masuul ah iyo nidaamka dowladnimadda oo ku dhisan adeeg iyo daryeel bulsho” ayuu yiri Shariif.

Madaxweynihii hore ayaa ku baaqay in hoos loo eego xaalka dhalinyarada Soomaaliyeed, lana siiyo kalsooni ay dalkooda ku maalgashadaan.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran:-

Dhibaatada ka dhalatay cadaalad darrada iyo ku takri-falka awooda dowladda ee maamulka iyo maareynta khayraadka bulshada gaar ahaan dhulka danta-guud, kaliya ma uusan saameyn hab-nololeedka qoysaska danyarta ah ee Magaaladda Muqdisho, ee waxaa uu sidoo kale dhaawac wayn u gaystay kalsoonida dhalinyarada Soomaaliyeed ay ku qabaan dalkooda.

Waxaa nasiib darro ah in dowladu ay dayacday waajibaadkii loo igmaday oo ay mid tahay yarenta shaqo la’aanta iyo abuurista fursadaha, iyadoo taa bedelkeeda la burburiyay goobo ganacsi oo ay shaqaale ka ahaayeen dhalinyaro Soomaaliyeed, iyaguna ay maalgashadeen.

Waxaan maalin walba daawanaa dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka tahriibaya dalkooda iyagoo sheegaya inay raadinayaan fursado iyo rejo. Waxay taasi meel ka dhac ku tahay qof walba oo masuul ah iyo nidaamka dowladnimadda oo ku dhisan adeeg iyo daryeel bulsho.

Waxaan u soo jeedinayaa madaxda maanta talada haysa in dhalinyarada Soomaaliyeed il gaar ah lagu fiiriyo, la siiyo kalsooni ay dalkooda ku maalgashan karaan, isla markaana lagu dhiirragaliyo abuurista shaqooyinka iyadoo loo fududeynayo hab-raacyada dowladeed ee lagama maarmaanka ah.

Ciidanka Jubaland oo jawaab deg-deg ah ka bixiyay kadib dagaalkii ka qarxay…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Daraawiishta iyo kuwa Nabad-sugidda ee Jubbaland oo iskaashanayaa ayaa jawaab deg-deg ah ka bixiyay dagaal culus oo Jimcihii shalay ka qarxay duleedka magaalada Kismaayo, kaas oo dhex-maray iyaga iyo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo soo buux dhaafiyay.

Ciidamada oo ka duulaya ka hortagga weerarada Al-Shabaab ayaa saaka iyo xalay howlgallo culus ka sameeyay deegaannada hoos yimaada magaalada Kismaayo, halkaas oo ay isku fidiyeen, iyaga oo bartilmaameedsaday goobo lagu tuhmayo maleeshiyaadka Khawaarijta.

Sidoo kale, ciidamada ayaa weeraray deegaanno la sheegay inay isku uruursanayeen xubnaha Al-Shabaab, halkaas oo iska hor imaadyo kooban ay ku dhex-mareen labada dhinac.

Sarkaal sare oo u hadlay ciidanka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka uu yahay sidii loo xaqiijin lahaa amniga, deegaannadaas oo dhana looga saari lahaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in howlgalka uu u dhacay sidii loo qorheeyay, isla markaana ciidamadu ay ka gaareen guullo waa waayn oo wax ku ool ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Howlgalka wuxuu ahaa mid qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday kooxaha argagixisada ee khatarta ku haya amniga Kismaayo, waxana weli socota baaritaanka ku aaddan raadinta xubnaha firxadkooda,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Daraawiishta Jubbaland ee la hadlay warbaahinta.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana Kismaayo iyo hareeraheeda laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq culus oo halkaas ay ka wadeen ciidankada Jubbaland iyo kuwa Kumaandooska Danab.

Deegaannada howlgalka laga sameeyay ayaa waxaa badanaa weeraro ka fuliyay Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyay shalay oo ay dagaal ku ekeeyee saldhig ay ciidanka Danab ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad-goboleedka Jubbaland.

Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ku sugan ciidamo kooban oo ka tirsan Danab, halka meel u dhowna saldhig ku leeyihiin ciidanka Daraawiishta Jubbaland. Isla xeradaas waxaa sidoo kale ku sugan saraakiil iyo askar kooban oo Mareykan ah oo la shaqeeya ciidanka Danab.

Muuse Biixi oo shaaciyey sida uu Xasan kiiskii badda uga guuleystay isaga iyo Abiy

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxwyenihii hore ee maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo markii ugu horreysay bixiyay wareysi xasaasi ah, tan iyo markii uu banneeyay xilka ayaa ka sheekeeyay dhacdooyin uu la kulmay muddadii uu xilka hayay, isaga oo si gaar ah uga hadlay heshiiskii badda ee Itoobiya iyo arrimaha diblomaasiyadda.

Muuse ayaa intii uu ku guda jiray wareysiga qiray in Dowladda Federaalka ay uga adkaatay dhanka diplomaasiyadda, gaar ahaan heshiiskii badda ee ay la galeen dowladda Itoobiya, maadaama uu fuli waayey, kadib caqabado soo wajahay Hargeysa iyo Addis Ababa.

Madaxweynihii hore ee Somaliland ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u ahaayeen dhaqangelinta heshiiska, balse uu ka fuli waayay dhanka Itoobiya, sababo la xiriira culeys ay saartay Soomaaliya oo kasoo martay dowladaha gobolka iyo ururada caalamiga ah.

“Arintaas anaga dhankeena diyaar ayay ka ahayd, laakiin Itoobiya waa ay socodsiin weyday waxaa ku kacay wadamadda Afrika, Jaamacadda Carabta iyo ururka Iskaashiga islaam-ka oo Soomaaliya taageeray” ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.

Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay in dowladdo waa wayn iyo ururada caalamiga ah ay la safteen Soomaaliya, ayna kasoo horjeesteen Itoobiya, kadibna uu sidaas ku hakaday heshiiskii, maadaama uu yimid culeys wayn oo la saaray Abiy Axmed iyo xukuumaddiisa.

“Itoobiya xitaa wadamada Afrika waxay ugu hanjabeen in xarunta midowga Afrika laga qaadayo, Carabta oo ay Masar hor kaceysana cadaadis wayn ayay saareen, xitaa urur ka Iskaashiga Islaam-ka ayaa isku raacay in Itoobiya qaldan tahay taas ayaana qasabtay in heshiiskii dhaqan gali waayo” ayuu mar kale wareysiga ku yiri.

Biixi ayaa intaasi ku daray in arrintan ay lama filaan ku noqotay isaga iyo Abiy, sidaasna uu kusoo afjarmay qorshahoodii, maadaama ay ka guuleysatay Dowladda Soomaaliya.

“Arinta inay sidaas u dhici karto aniga iyo Abiy Axmed ma aanan filanaynin  oo qorshaha kuma darsan” sidaas ayuu u sheegay warbaahinta hogaamiyihii hore ee maamulka Soomaalilaan Muuse Biixi.

Madaxweyne hore Muuse Biixi Cabdi ayaa xilligiisii hoggaaminta Somaliland lagu xasuustaa sida ay uga go’neyd fulinta heshiiska badda, wuxuuna mar kastaa dhaleeceyn jiray Muqdisho, balse markii dambe waxay sheekada kusoo dhammaatay in isagii meesha uu ka baxo, kadib doorashadii ka dhacday Somaliland, Itoobiyana ay heshiis la gasho Soomaaliya.

Xaaska Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland oo kiis xatooyo loogu xiray Mareykanka

Minneapolis, (Caasimada Online) – Dacwad-oogayaasha federaalka Mareykanka ayaa xiray oo dacwad ku soo oogay qofkii 75-aad oo loo haysto in ay ku lug laheyd kiis musuq-maasuq oo baaxad weyn, kaasoo lagu lunsaday $250 milyan oo doollar oo laga dhacay barnaamij Mareykan ah oo loogu talagalay in lagu quudiyo carruurta xilligii uu socday cudurka safmarka ah ee COVID-19.

Muna Wacays Fidhin, oo 44 jir Soomaali ah, gaar ahaan reer Somaliland, ayaa Jimcihii lagu xiray magaalada Minneapolis, waxaana lagu soo oogay toban dacwadood, oo ay ku jiraan khayaano xagga isgaarsiinta ah, laaluush, iyo been xalaaleyn lacag, sida uu sheegay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Mareykanka ee Minnesota.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Muna Wacays Fidhin ay tahay xaaska wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan, iyo guddoomiyaha xisbiga Waddani ee Mareykanka.

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha, Muna waxay jeebka ku shubatay qiyaastii $1 milyan oo doollar iyadoo si been ah u sheegatay inay siisay boqollaal kun oo cunto ah carruur u baahneyd. Hay’adaha sharci-fulinta waxay ku eedeeyeen inay taa beddelkeeda lacagtaas ku bixisay deyn guri oo lagu lahaa, ku iibsatay gaari, ayna lacag ugu dirtay dibadda.

“Iyadoo dacwad lagu soogay eedeysanihii 75-aad ee fadeexadda Feeding Our Future, farriintu intan kama sii caddaan karto,” ayuu yiri Ku-simaha Xeer-ilaaliyaha Guud ee Mareykanka, Joseph H. Thompson. “Haddii aad door ku lahayd musuq-maasuqan, taleefanka qaado oo la hadal FBI-da maanta.”

Xuddunta kiiskan ayaa ah Feeding Our Future, oo ah hay’ad aan faa’iido doon ahayn oo fadhigeedu yahay Minnesota, mas’uulna ka ahayd qaybinta lacagaha federaalka ee ka imaanayay barnaamijyada nafaqeynta carruurta ee Wasaaradda Beeraha Mareykanka (U.S. Department of Agriculture’s – USDA).

Intii lagu jiray COVID-19, USDA waxay debcisay sharciyadeedii si carruurta ka soo jeedda qoysaska danyarta ah ay weli u heli karaan cunto marka ay iskuullada ka maqan yihiin. Dacwad-oogayaashu waxay sheegeen in dabacsanaantaasi ay albaabka u furtay shabakad ballaaran oo musuq-maasuq ah, iyadoo shirkado magac u yaal ah iyo goobo cunto-qaybin oo been abuur ah ay dowladda uga qaateen lacag cunto aan weligeed la bixin.

Hay’adda Feeding Our Future, oo ay hoggaaminaysay aasaasaheeda Aimee Bock, ayaa si weyn u kortay muddadaas—iyadoo maamulaysay kaliya $3.4 milyan oo kaalmo federaal ah sannadkii 2019, marka la barbar dhigo ku dhowaad $200 milyan sannadkii 2021. Bock waxaa lagu helay dambiyo musuq-maasuq iyo laaluush bishii Juun 2024, waxaana hadda ay sugaysaa xukunkeeda.

“Xarigga maanta ee Muna Wacays Fidhin wuxuu astaan u yahay tallaabo kale oo weyn oo horumar ah oo laga gaaray baaritaankan,” ayuu yiri Alvin M. Winston, Sr., oo ah Sarkaalka Sare ee Mas’uulka ka ah xafiiska FBI-da ee Minneapolis.

“Muna, iyo dhammaan kuwa lagu soo eedeeyay qorshahan, waxaa laga yaabaa inay dhayalsadeen awoodda FBI-da ee ay ku dabageli karto kuwa xada lacagta canshuur-bixiyeyaasha—gaar ahaan marka lacagta loogu talagalay in lagu quudiyo carruur gaajeysan.”

Qaansheegyo been abuur ah iyo kharash dhab ah

Dacwad-oogayaashu waxay ku andacoonayaan in Muna ay adeegsatay laba hay’adood—M5 Café iyo urur aan faa’iido doon ahayn oo ay markii dambe aasaastay oo la yiraahdo M5 Care—si ay isugu diiwaan geliso inay yihiin goobo cunto qaybin ah oo hoos taga Feeding Our Future iyo hay’ad kale oo kafaala-qaad ah.

Waxay sheegatay inay quudin jirtay 500 oo carruur ah maalin kasta, toddobada maalmood ee toddobaadka. Si ay u xoojiso sheegashadaas, saraakiishu waxay sheegeen inay gudbisay qaansheegyo cunto oo been abuur ah, iyadoo ugu dambayn dowladda u dirtay biilasha in ka badan 300,000 oo cunto ah oo aan marnaba jirin.

Dowladda waxay sheegtay in lacagtaas $1-ka milyan ah ee ay heshay loo isticmaalay in lagu bixiyo deyn guri, lagu iibsado gaari, lagu daboolo kharashyadeeda gaarka ah, iyo in tobanaan kun oo doollar loo diro dibadda.

Baarayaashu waxay sidoo kale ku eedeeyeen inay bixisay ku dhowaad $27,000 oo laaluush ah (kickbacks) oo ay siisay shaqaale ka tirsanaa Feeding Our Future si uu qorshuhu si habsami leh ugu socdo.

Baaritaankan, oo ay si wadajir ah u hoggaaminayaan FBI-da, Waaxda Dambi-baarista ee Hay’adda Canshuuraha (IRS Criminal Investigation), iyo Adeegga Baarista Boostada Mareykanka (U.S. Postal Inspection Service), ayaa iftiimiyay waxa ay saraakiishu ugu yeereen musuq-maasuq baahsan oo ka jira barnaamijyada kaalmada ee dowladda.

“Baaritaanka musuq-maasuqa Feeding Our Future wuxuu kiciyay wacyigelin ku saabsan musuq-maasuqa baahsan ee ka jira barnaamijyada ay dowladdu maalgeliso ee gobolkan,” ayuu yiri Adam Jobes, oo ah Sarkaalka Sare ee Mas’uulka ka ah Waaxda Dambi-baarista ee IRS ee Chicago.

In kasta oo xarigga Jimcihii uu ahaa guul kale oo la gaaray, Jobes wuxuu ka digay in “ay weli jirto shaqo intan ka badan oo u baahan in laga qabto kiiskan iyo qorshayaasha kale ee musuqmaasuqa.”

Eedeymaha loo jeediyay Muna waa kuwo aan weli la xaqiijin, waxaana loo aqoonsan yahay inay tahay dembi laawe ilaa maxkamad ay si kama dambays ah dembi ugu hesho.

Kiiskan ballaaran ayaa horay u horseeday in tobanaan qof ay dembiga qirteen iyo dhowr xukun oo la riday, iyadoo dacwad-oogayaashu ay sii wadaan inay kala furfuraan waxa ay ku tilmaameen mid ka mid ah shabakadaha musuqmaasuqa ee ugu dhiirran taariikhda gobolka Minnesota.

Amarkii Duqa magaalada Muqdisho oo shaqeyn waayay iyo xaalad weli ka taagan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Amar culus oo uu todobaadkii hore soo saaray Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa shaqeyn waayay, isaga oo markaas 48 saac u qabtay shirkadda dhiseysa laamiga Zoobe oo haatan dhibaato wayn ay ku qabaan shacabka mara waddadaas.

Muungaab oo kormeer ku tagay dhismaha Laamiga Zoobe ayaa sidoo kale ka raalli geliyay ciriiriga ka dhashay dhismaha waddadan iyo dib-u-dhaca ku yimid, wuxuuna kadib soo saaray mar 48 saac, kaas oo illaa iyo hadda aan dhaqan-gelin, waxaana weli culeys uu ka taagan yahay waddadaasi.

“Waxa aan ka xumahay saxmadda ka dhalatay dhismahan, waana ka warqabnaa cabashadiinna. Sababta dib-u-dhaca ayaa ah in aan dhisno laami tayo leh oo aysan biyuhu fariisan karin. Waa in 48 saac gudahood laamigaan lagu furo,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Arrintan ayaa keentay walaac xooggan iyo tabasho ay qabaan shacabka, waxaana si weyn maamulka gobolka loogu dhaliilay inuu ka gaabiyay inuu fulo amarkaas.

Guddoomiyaha Hay’adda Hormuud Salaam Foundation Cabdullahi Nuur Cismaan oo qoraal soo saaray ayaa baaq u diray guddoomiye Muungaab, wuxuuna ka codsaday inuu mar kale kusoo laabto waddada, uuna arko dhibaatada haatan ka jira halkaasi.

“Amarkii Duqa Magaalada Muqdisho ee dhawr maalin ka hor ee ahaa in 48 saacadood lagu furo Jidka Zoppe, ma fulin. Aad ayaana loogu Dhib qabaa xirnaanshaha Jidkaas ee Duqa haku soo laabto” ayuu yiri Cabdullahi Nuur Cismaan.

Xasan Maxamed-Deeq oo isna kamid ah dadka ka falceiyay ayaa yiri “Waddooyin badan ayaa saakay jaam ah waxaa ugu daran mida Zoobe oo halbowle ah dadka shaqaalaha ah dhib weyn ku qabaan maadaama shaqada laga daahaayo”.

Fiidow Maxamuud Fiidow ayaa isna yiri “Waa run agaasime, wali howshaas dhib wayn ayaa lagu qabaa”.

Si kastaba, ha’ahaateen Dhismaha waddada Zoobe ayaa aad u daahay, waxaana sababta lagu sheegay inay tahay roobka xilliga iyo in shirkadda dhismaha lagula heshiiyay in ay dhisto laami tayo sare leh oo aysan biyuhu fariisan karin.

Donald Trump oo shaaca ka qaaday inuu wada-hadallo qoto dheer kula jiro kooxda….

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay Jimcihii in Washington ay “wada xaajoodyo aad u qoto dheer” kula jirto kooxda Falastiiniyiinta ah ee Xamas, wuxuuna ku boorriyay inay sii daayaan dhammaan la haystayaasha Israel ee lagu hayo Marinka Gaza.

“Waxaan wada xaajoodyo aad u qoto dheer kula jirnaa Xamas,” ayuu Trump u sheegay weriyeyaasha, isagoo sheegay in xaaladdu ay noqon doonto mid “adag” oo “xun” haddii Xamas ay sii haysato la haystayaasha reer Israel.

“Waxaan ku niri sii daayaa dhammaantood, hadda isla markiiba ha soo wada daayaan. Waxyaabo aad uga wanaagsan ayaa ku dhici doona, laakiin haddii aadan dhammaantood sii dayn, waxay noqon doontaa xaalad adag, oo fool xun,” ayuu yiri Trump, isagoo intaas ku daray in Xamas ay “codsanayso waxyaabo qaarkood oo wanaagsan.”

Trump ma uusan bixin faahfaahin intaas dhaafsiisan.

Dagaal-yahannada Falastiiniyiinta ayaa in ka badan 250 la hayste u kaxaystay Marinka Gaza kaddib weerar bishii Oktoobar 2023 ay ku qaadeen Israel, kaasoo ay ku dhinteen ilaa 1,200 oo qof, sida lagu sheegay tirokoobyada Israel.

Weerarkii xigay ee ay Israel, oo xulufo la ah Mareykanka, ku qaadday Marinka Gaza ayaa waxaa ku dhintay tobanaan kun oo qof, wuxuuna barakiciyay dhammaan dadweynihii Gaza, isagoo sidoo kale horseeday eedeymo isir-sifeyn iyo dembiyo dagaal oo looga soo jeediyay maxkamadaha caalamiga ah iyo kooxo badan oo xuquuqda aadanaha u dooda. Israel way beenisay eedeymahaas.

Trump wuxuu intii uu ku jiray ololihiisa doorashada madaxweynenimada ballanqaaday inuu si degdeg ah u soo afjari doono dagaalka Gaza, balse xal laga gaaro ayaa weli ah mid aan la helin.

Ku dhowaad 50 la hayste oo Israeli ah ayaa weli ku jira gacanta Xamas ee Gaza, iyadoo la aaminsan yahay in 20 ka mid ah ay weli nool yihiin.

Ururka Xamas wuxuu sheegay inuu sii deyn doono qaar ka mid ah la haystayaasha si loogu beddesho xabbad-joojin ku-meelgaar ah, halka Trump uu si isdaba joog ah u sheegay inuu doonayo in la sii daayo dhammaan la haystayaasha.

Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dagaalka Gaza uu dhammaan doono oo keliya haddii la sii daayo dhammaan la haystayaasha, hubka laga dhigo Xamas, Israel-na ay la wareegto gacan ku haynta amniga marinkaas, lana dhiso maamul rayid ah oo beddela kii hore.

Dhanka kale, Xamas waxay dalbanaysaa in dagaalka la joojiyo oo Israel ay ka baxdo Marinka Gaza.

War kasoo kordhay ciidanka ay Masar keeneyso Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa maanta qaaday tallaabadii ugu dambeysay ee ay ciidamadeeda ku keeneyso gudaha dalka Soomaaliya, si ay ugu biiraan howlgalka cusub ee Ururka Midowga Afrika ee magaciiisa loo soo gaabiyo AUSSOM.

Masar ayaa todobaadkii hore soo dirsatay guddi qiimeyn ah, kaas oo u kuurgalayay halka la dejin lahaa ciidamadooda, waxaana haatan ay soo gabagabeeyeen qiimeyntooda.

Socdaalka guddiga qiimaynta ee Masar ayaa u dhexeeyay 30-kii Agoosto ilaa 5-ta Sebtembar 2025, waxaana uu qeyb ka yahay istaraatiijiyadda lagu horumarinayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Midowga Afrika iyo sidoo kale dalalka xubnaha ka ah.

Intaasi kadib guddiga ka socday Masar ayaa kulan gaar ah la yeeshay wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxahowwlgalka AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyaga oo ka wada-hadlay imaanshaha ciidamada cusub ee Masar.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada-hadlay sidii loo diyaarin lahaa ku biirista ciidanka Masar ee Hawlgalka AUSSOM, taasoo qayb ka ah dadaallada Midowga Afrika ee lagu xoojinayo taageerada la siiyo Soomaaliya xilligan kala guurka ah.

Danjire El Hadji Ibrahima oo madasha ka hadkay ayaa uga mahadceliyey dowladda Masar iyo kooxda qiimaynta dadaallada ay wadaan, isaga oo ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay soo daabulida guutada cusub ee Masar ee ka qayb qaadanaya howlaha xaslinta ee Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii in kusoo biirista ciidanka Masar ay sare u qaadi doonto awoodda AUSSOM ee taageeridda dadaallada xasilinta, nabadeynta iyo amniga Soomaaliya.

Dhankiisa sarkaalka hoggaaminayay kooxda ka socotay Masar oo lagu magacaabo Sareeye Gaas Islam Aly Ibrahim Radwan ayaa isaguna meesha ka shaqeyn in dowladdiisa ay ka go’an tahay in ay door muuqda ka qaadato xoojinta dadaallada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa imaaneyso, iyada oo dhowaan safiirka Itoobiya u fadhiya magaalada Muqdisho, Suleymaan Dedefo uu ka digay ciidanka Masar ee imaanaya Soomaaliya, isaga oo sheegay in aysan keeneen nabad, balse ay horseedi doonaan dhibaato horleh.

Suleymaan Dedefo ayaa sidoo kale tilmaamay in Itoobiya aysan wax cabsi ah ka qabin haddii la keeno ciidanka Masar, wuxuuna diray farriin cad oo uu ku sheegay inay awood u leeyihiin inay is difaacaan goor kasta.

“Annagu ma nihin kuwa cabsi qaba ama dareemaya khatar, waana awoodnaa inaan is difaacno,” ayuu ku yiri wareysi uu dhawaan Danjiruhu siiyay Telefishinka Universal.

Si kastaba, Masar ayaa si rasmi ah usoo geba-gabeysay tababarkii ugu horreeyay ee ciidanka usoo direyso gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ku biiraya howl-galka cusub ee Midowga Afrika (AUSSOM), waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay soo gaaraan dalka.

Neymar oo dhaxal $1 bilyan ah ka helay ganacsade uusan weligiis arag oo geeriyooday

Rio de Janeiro (Caasimada Online) – Bilyaneer reer Brazil ah ayaa la sheegay inuu hantidiisa oo dhan dardaaran ahaan ugu reebay cayaaryahan Neymar, inkastoo la sheegay in labadoodu aysan weligood is arag.

Neymar, oo 33 jir ah, ayaa lagu warramayaa in loo ballanqaaday lacag aad u badan oo dhan hal bilyan oo dollar, taasoo uu uga tagay nin reer Brazil ah oo geeriyooday oo aan magaciisa la shaacin, kaasoo la sheegay inuu ahaa bilyaneer.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Brazil ee RIC, dardaaranka waxaa si rasmi ah loogu diiwaan geliyay xafiis ku yaalla Porto Alegre, waxaana la ansixiyay Juun 12, iyadoo la sheegay inay goobjoog ka ahaayeen labo markhaati.

Arrintan ayaa hadda la sheegay inay u baahan tahay ansixinta maxkamadaha Brazil si Neymar loogu magacaabo dhaxal-sugaha ninkaas – kaasoo suurtagal ah inuu u doortay sababtoo ah inuusan lahayn carruur uuna ahaa doob.

Neymar weli si fagaare ah ugama hadlin wararka la xiriira hantidan – laakiin dardaaranka ayaa la kulmi kara caqabado sharciyeed xitaa haddii la ansixiyo.

Ganacsadahan ayaa la sheegay inuu u doortay inuu hantidiisa siiyo Neymar sababtoo ah ‘wuxuu shakhsi ahaan isaga arkaa isaga,’ sida ay sheegeen warbaahinta maxalliga ah.

Waxa la sheegay inuu la dhacsan yahay xiriirka qoysnimo ee adag ee Neymar, gaar ahaan xiriirka uu ciyaaryahanku la leeyahay aabbihiis, Neymar Sr., kaasoo ‘xusuusinaya aabbihiisii geeriyooday’.

Cayaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa hadda ku soo laabtay Brazil, isagoo bishii Janaayo doortay inuu dib ugu biiro kooxdiisii carruurnimada ee Santos, kaddib waqti aan u guulaysan oo uu ku qaatay kooxda Al-Hilal ee Horyaalka Sucuudiga.

Wuxuu dhaliyay saddex gool 14 kulan oo uu saftay qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii 2024-25 – isagoo horey u dhaliyay 136 gool 225 kulan oo uu u saftay kooxda intii u dhaxeysay 2009 iyo 2013.

Bishii Juun, wuxuu doortay inuu cusbooneysiiyo heshiiskiisa kooxda Santos, taasoo suurtagal ah inay u gogol xaarto waddo uu kaga soo muuqan karo xulka Brazil ee Koobka Adduunka ee sannadka soo socda.

Warbixin lagu daabacay website-ka kooxda, wuxuu ku yiri: ‘Go’aan ayaan qaatay, waxaana dhagaystay qalbigayga.’

‘Santos ma ahan oo kaliya kooxdayda, waa gurigayga, xididdadayda, taariikhdayda iyo noloshayda.’

‘Halkan waxaan ku ahaa wiil yar oo nin ku noqday, si dhab ahna waa la i jecel yahay. Halkan waxaan ku noqon karaa naftayda, oo aan si dhab ah u faraxsanahay. Waana halka aan doonayo inaan ku xaqiijiyo riyooyinka ka dhiman xirfaddayda ciyaareed.’

‘Waxna ima joojin doonaan. Waan tagaa, waan soo laabtaa, waana joogayaa. Meeshii ay wax walba ka bilowdeen iyo meesha aysan weligood ku dhammaan doonin.’

Wuxuu rajeynayaa inuu helo muddo joogto ah oo uu u ciyaaro kooxda Santos isagoo ka fogaanaya dhaawacyo, kaddib markii uu la daalaa dhacayay dhaawacyo intii lagu jiray 18-kii bilood ee uu joogay Sacuudi Carabiya.

Kama uusan soo muuqan xulka Brazil tan iyo markii uu soo gaaray dhaawac jilibka ah (anterior cruciate ligament – ACL) bishii Oktoobar 2023, laakiin wuxuu weli yahay gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda dalkiisa isagoo leh 79 gool.

 

Dagaalka ciidamada DF iyo kuwa Jubbaland oo xiisad culus ka buuray KENYA

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa mar kale ka hadashay arrimo la xiriira dagaalkii ka dhacay Beledxaawo ee u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland, kaas oo haatan xiisad cusub ka dhex abuuray gudaha dalkaasi.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenay Kipchumba Murkomen oo ka hadlayay madal amni, xilli uu ku sugnaa magaalada Kakamega  ayaa sheegay in dagaalladi dhex maray ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul-goboleedka Jubbaland ee ka dhacay xaduuda aanay halis gelin amnigeeda, isla markaana xaaladda ay tahay mid wanaagsan.

Kipchumba Murkomen ayaa tilmaamay in shacabka Mandera ay ku sugan yihiin xaalad amni ah oo deggan, isla markaanay aysan halis ugu jirin dagaalka xuduuda ee u dhexeeya ciidanka Dowladda Soomaaliya, kuwa Jubbaland iyo xiitaa weerarada kooxda Shabaab.

Wasiirka ayaa si weyn u dhaleeciyay mucaaradka dalkiisa, oo uu tilmaamay in siyaasad ay ka dhex raadinayaan amniga, gaar ahaan xaaladda Mandera, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxay banaanka u soo baxayaan iyaga oo si aan xadidneyn uga hadlaya arrimo amni. Waa maxay nooca siyaasadda ay ka raadinayaan arrimaha noocaas ah? Dhab ahaantii, nasiib-darro ayey ahayd in dad noocaas ah ay waligood ka mid noqdeen Golaha Amniga Qaran,” ayuu yiri Murkomen.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhawaan qaylo dhaan ay kasoo yeertay shacabka ku dhaqan magaalada Mandera, kuwaas oo dhigay dibadax ay uga cabanayaan ciidamada Jubbaland ee looga adkaaday dagaalkii Beledxaawo, kadin u firxaday magaaladaasi.

Dadweynaha dibad-baxa dhigay ayaa dalbaday in si deg-deg ah ciidamada Jubbaland looga saaro gudaha deegaanka, iyaga oo ku eedeeyay inay dhibaato ka gaysteen halkaasi.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada maamulka Jubbaland ee ku sugan Mandheera ayaa wajahayay xaalad adag, kadib markii lagu eedeeyay dilal ka dhacay gudaha magaaladaasi.

Si kastaba, Kenya oo saaxiib dhaw la’ah Jubbaland ayaa haddane ka gaabsanaysa in si toos ah ugu lug yeelato dagaalka Kismaayo iyo Muqdisho, iyadoo toddobaadkii u dambeeyay qaaday dadaallo ay ku dooneyso in hoos loo dhigo xiisadda labada dhinac.

Mareykanka oo walwal ka qaba in sirtiisu u gacan gasho…

0

Washington (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa shaaciyay xog xasaasi ah oo dhalisay walaac amni, taas oo ku saabsan qorshe Shiinuhu kor ugu qaadayo basaasida Washington.

Xogtan ayaa sheegaysa in Shiinuhu maalgelin ku taageerayo muwaadiniin ka soo jeeda Bartamaha Ameerika si ay gudaha dalkaasi ugu gudbiyaan siraha muhiimka u ah Washington.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio ayaa sheegay in warbixin ay heleen muujineyso sida Shiinaha uu dhaqaale fara badan ugu bixinayo dhisidda shabakad basaasiin ah oo gudaha Mareykanka ka hawl-gasha.

Rubio wuxuu intaa ku daray in dowladdiisu qaadeyso tallaabooyin lagu adkeynayo nidaamka dal-ku-galka, si gaar ahna loogu bartilmaameedsanayo dadka ka imaanaya Bartamaha Ameerika, si loo jaro xiriirka ka dhexeeya Shiinaha iyo shabakadaha khatarta ku noqon kara amniga qaranka.

Warbixin ay baahisay Reuters ayaa tilmaamaysa in cabsida Mareykanka ka qabto dhaq-dhaqaaqyadaas ay la xiriirto tartanka xooggan ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo milatariga ee kala dhexeeya Shiinaha.

Arrintan ayaa lagu tilmaamay mid kale oo hurdada u diiday maamulka Washington, oo horey uga walaacsana tabaha basaasnimo ee Shiinaha.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in isbahaysiyo cusub oo ka dhan ah danihiisa ay samaysanayaan dalal ay ka mid yihiin Shiinaha, Ruushka, Kuuriyada Waqooyi iyo qaar kale oo ku yaalla Aasiya iyo Afrika.

NISA oo shaacisay khasaaraha howlgal lagu beegsaday 400 oo Shabaab ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu faah-faahiyay howlal culus oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Galgaduud, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgalka oo ay ka qayb qaateen saaxibada caalamiga lagu beegsaday goob ay isku uruursanayeen 400 oo Al-Shabaab oo ku taalla deegaanka Ceel-dhiiqo Weyne, oo u dhexeeya deegaannada Ceel-lahelay iyo Ceel-garas ee gobolka Galguduud.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, isla markaana lagu dilay illaa 12 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare oo ka tirsanaa kooxda.

Sidoo kale inta uu socday howgalka ayaa waxaa lagu dhaawacay 13 kale oo kamid ah maleeshiyaadka lagu diyaarinayay deegaanka la duqeeyay ee Ceel-dhiiqo Weyne.

“Howlgalkaas waxaa lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, oo ay ku jiraan horjoogayaal, halka 13 kalena dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay, iyada oo la beegsaday xarun lagu diyaarinayay in ka badan 400 oo maleeshiyaad ah, waxaana lagu raad-joogaa haraadigii Maleeshiyaadka oo u firxaday dhanka degmada Ceelbuur.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Galgaduud, gaar ahaan deegaannada Ceel-lahelay iyo Ceel-garas oo ah halka lagu beegsaday Al-Shabaab, isla markaana jabka culus maanta lagu gaarsiiyay.

NISA ayaa maalmihii u dambeeyay xoojisay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada HirShabelle iyo Galmudug oo ay weli ku xoogan tahay kooxda.

Howlgalka ugu dambeeyay oo dhacay todobaadkii hore ayaa waxaa lagu khaarajiyay afar horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo kamid ah madaxda kooxda ee sida weyn loo raadinayo, isla markaana ku sugnaa  deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada ayaa si gaar ah u beegsaday xarun ay horjoogeyaashan ku sugnaayeen, iyada oo si buuxda loo soo afjaray dhammaan horjoogeyaashan iyo ku dhowaad 10 ka tirsan maleeshiyaadka Argagixisada.

Si kastaba, Howl-galkan ayaa qeyb ka ah bartilmaameedyada joogtada ah ee Dowladda Federaalka oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka ay kula dagaalamayaan kooxda Al-Shabaab.

Somali woman in Minnesota arrested in $250M fraud

0

MINNEAPOLIS, United States – Federal prosecutors have charged the 75th person in a sweeping fraud case that siphoned off $250 million from a U.S. program meant to feed children during the COVID-19 pandemic — the largest pandemic-related fraud uncovered in the country to date.

Muna Wais Fidhin, 44, was arrested Friday in Minneapolis and indicted on ten counts, including wire fraud, bribery, and money laundering, the U.S. Attorney’s Office in Minnesota said.

According to prosecutors, Fidhin pocketed approximately $1 million by falsely claiming to have provided hundreds of thousands of meals to children in need. Instead, authorities allege she paid off her mortgage, bought a car, and wired money overseas.

“With the 75th defendant charged in the Feeding Our Future scandal, the message could not be clearer,” Acting U.S. Attorney Joseph H. Thompson said. “If you had any role in these frauds, pick up the phone and call the FBI today.”

A scheme of ‘staggering proportions’

At the center of the case is Feeding Our Future, a Minnesota nonprofit responsible for distributing federal funds from the U.S. Department of Agriculture’s (USDA) child nutrition programs.

During the pandemic, the USDA loosened its rules so low-income children could still access meals outside of school. Prosecutors say that flexibility opened the door to a sprawling network of fraud, with shell companies and fake meal sites billing the government for food that was never served.

Feeding Our Future, led by its founder Aimee Bock, ballooned during this period — handling just $3.4 million in federal aid in 2019 compared with nearly $200 million by 2021. Bock was convicted in June 2024 of fraud and bribery and now awaits sentencing.

“Today’s arrest of Muna Wais Fidhin represents yet another major milestone in this investigation,” said Alvin M. Winston, Sr., Special Agent in Charge of the Minneapolis FBI office.

“Fidhin, and all of those charged in connection with this scheme, may have underestimated the FBI’s ability to track down those who steal from taxpayers — especially when the money was meant to feed hungry children.”

Fake invoices, real spending

Prosecutors allege Fidhin used two entities — M5 Café and a nonprofit she later set up called M5 Care — to enroll as food distribution sites under Feeding Our Future and another sponsor organization.

She claimed to serve 500 children every single day, seven days a week. To support those claims, officials say she filed fake food invoices, ultimately billing for more than 300,000 meals that never existed.

The government claims that the $1 million she received was used to pay down her mortgage, purchase a vehicle, cover personal expenses, and transfer tens of thousands of dollars abroad.

Investigators also accuse her of paying roughly $27,000 in kickbacks to a Feeding Our Future employee to keep the scheme running smoothly.

‘More work to be done’

The investigation, led jointly by the FBI, IRS Criminal Investigation, and the U.S. Postal Inspection Service, has highlighted what officials call widespread fraud in government aid programs.

“The Feeding Our Future fraud investigation ignited an awareness of the pervasive fraud that exists in government-funded programs in this state,” said Adam Jobes, Special Agent in Charge of IRS Criminal Investigation in Chicago.

While Friday’s arrest marked another milestone, Jobes cautioned that “there is still more work to be done on this and other fraud schemes.”

Fidhin’s charges remain allegations, and she is presumed innocent until proven guilty in a court of law. The broader case has already led to dozens of guilty pleas and several convictions, with prosecutors continuing to unravel what they call one of the most brazen fraud networks in Minnesota’s history.

Dagaalka Gaza oo weji cusub galay kadib markii qaar ka mid ah ciidanka Israel ay diideen…

Tel Aviv (Caasimada Online) – Tobanaan kun oo askar kayd ah ayaa lagu amray inay ku biiraan Ciidanka Difaaca Israel (IDF), abaabul loo arkay inuu yahay kii ugu ballaarnaa tan iyo markii dagaalka uu bilowday ku dhawaad laba sano ka hor.

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegaysa in ka-qaybgalka iyo askarta aqbashay baaqaas uu aad u hooseeyo, iyadoo tiro yar oo askarta kaydka ah ay soo xaadireen.

Warbaahinta ku hadasha afka Cibraaniga ayaa sheegtay in abaabulkan — oo ah wejiga koowaad ee qorshe ballaaran oo lagu doonayo in lagu qabsado magaalada Gaza — uu wajahayo caqabado, maadaama askar badan oo kayd ah ay ka caga-jiidayaan inay dib ugu laabtaan dagaal soo jiitamayay laba sano, marar badan oo adeeg ciidan ah, iyo dareen ah in culayska dagaalka aanu si siman bulshada ugu qaybsanayn.

Qiyaastii 60,000 askari ayaa lagu talo galay in lagu abaabulo mowjado kala duwan, iyadoo 40,000 ilaa 50,000 la faray inay soo xaadiraan Talaadada, hal maalin kaddib bilowga sannad-dugsiyeedka.

Askarta kaydka ah ee badan ayaa codsaday in laga dhaafo, iyagoo ku sababeeyay arrimo shaqsi iyo dhaqaale, halka cutubyadu ay ka arkeen ka-qaybgal ka yar intii hore ee xaaladaha degdegga ah. Boqolaal askari ayaa saxiixay warqad ballanqaadaysa inaanay iman doonin, iyadoo mid ka mid ah ku tilmaamay howlgalka Gaza “mid sharci-darro cad ah.”

Saraakiil sare ayaa tilmaamay in xitaa cutubyada joogtada ahi ay yaraadeen tirada guutooyinka iyo kooxaha, halka qaar badan oo ka mid ah kuwii yimid ay ahaayeen mutadawiciin aan asal ahaan qayb ka ahayn cutubyada. “Markan kooxo yar ayaa xaqiijiyay imaanshahooda marka loo eego waqtiyadii hore. Guutooyinka iyo kooxuhu si buuxda uma jiraan — waa inaan sugno cidda imaan doonta,” ayuu yiri sarkaal aan magaciisa la shaacin oo la hadlay TV-ga Kan.

Tababar iyo qorshayaal cusub

Askarta kaydka ah ee la abaabulay, oo ka maqnaan doona guryahooda inta lagu jiro ciidaha Yuhuudda ee soo socda, ayaa la filayaa inay qaataan tababarro maalmaha soo socda. Qaar ka mid ah ayaa lagu beddeli doonaa ciidammada joogtada ah ee ku sugan woqooyiga Israel iyo Daanta Galbeed, iyadoo IDF ay qorsheyneyso in ugu dambayn ay afarta qaybood ee ciidan ku daadgureyso Gaza City.

Warbixin uu qoray Wall Street Journal ayaa sheegtay in saraakiil sare ay adeegsanayaan xeelado cusub si ay u helaan ciidamo ku filan. Mid ka mid ah saraakiisha ayaa u qoray WhatsApp Group ay leeyihiin arday jaamacadeed: “Waxaan raadinayaa askar dagaal — gaar ahaan kalkaaliyaal caafimaad iyo kuwa wax toogta — muddo 70 maalmood ah oo ka bilaabanaysa 11-ka Sebtembar. Haddii ay jiraan kayd xiisaynaya, fadlan ila soo xiriira si gaar ah.”

Omer Ben Hemo, oo ka tirsan ururka Israeli Reservists – Generation of Victory, ayaa ugu baaqay ragga xagjirka diinta ee Ultra-Orthodox inay ku biiraan ciidanka si ay u fududeeyaan culayska.

Qiyaastii 80,000 oo rag ah oo da’doodu u dhexayso 18 ilaa 24 ayaa la aaminsan yahay inay u qalmaan adeeg ciidan balse aan weli ku biirin. IDF ayaa sheegtay inay si degdeg ah ugu baahan tahay 12,000 askari cusub, sababo la xiriira culayska dagaalka Gaza iyo jiidaha kale ee milatari.

“Xaaladda dadka, ciidanka kaydka iyo askartuba way adagtahay. Haddii aad walaalaheen tihiin, waa inaad na garab istaagtaan,” ayuu Ben Hemo u sheegay Channel 12. “Ma macno badna in 300 maalmood sanadkii lagu qaato adeeg kayd ah. Ma nihin ciidan joogto ah ee waxaa nahay ciidan kayd ah. Waxaan leenahay qoysas, ganacsiyo iyo waxbarasho — arrintu sidan uma ekaan karto,” ayuu raaciyay.

Talaadadii, koox ka badan 300 askari kayd ah oo ka soo horjeeda qabsashada Gaza ayaa ku dhawaaqay inaysan iman doonin haddii la abaabulo. Qoraalkooda ayaa lagu sheegay in dadaalkani uu xiriir la leeyahay ururka bidixda ee nabad-doonka Standing Together.

“Waxaan nahay in ka badan 365 askari oo dagaalka ka qeyb qaatay, balse hadda caddeeyay inaanan mar kale iman doonin haddii naloo yeero,” ayuu ku yiri sarkaal Max Kresch shir jaraa’id oo ka dhacay Tel Aviv. “Waxaan diidanahay inaan ka qeybgalno dagaalka sharci-darrada ah ee Netanyahu, waxaana u aragnaa waajibaad qaran inaan diidno oo aan hogaamiyeyaasha mas’uuliyad ka dalbanno.”

Qoysaska iyo culayska dagaalka

Saraakiil iyo askar badan ayaa sheegay in culayska uu sidoo kale ku dhacay qoysaskooda. Hillel, oo ah sarkaal ka tirsan Ciidanka Gaashaaman ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu soo xaadiro si uu ugu adeego danta dadka la haysto iyo kuwa ku nool xadka Gaza. “Qiimuhu wuu sii kordhayaa, waxaadna ka arkeysaa carruurta. Waxaan joogayaa maalinta koowaad ee dugsiga, balse inta kale ma joogi doono,” ayuu yiri.

Dalit Kislev Spektor, oo hoggaamisa kooxda Ima Era, ayaa sheegtay in rag badan oo ku jiray cutubka ninkeeda oo ka koobnaa 150 askari ay hadda yihiin shaqo la’aan, furriin soo maray ama dhaqaale burbur ku dhacay. Waxay intaa ku dartay in ninkeeda si weyn uu uga naxay markii uu aqoonsaday maydka askari saaxiibkood ah oo isdilay.

Warbixinnada gudaha ciidanka ayaa muujinaya in dhimashada ismiidaaminta ah ee askarta Israel ay sii kordhayaan, kuwaas oo lala xiriiriyay dhaawacyo nafsiyeed oo ka dhashay dagaalka socda.

Askari kayd ah Avshalom Zohar-Saar ayaa sheegay inuu ka carooday hogaanka siyaasadeed ee dalka, balse weli uu u iman doono adeeg “sababo la xiriira aaminaadda muhiimadda ilaalinta dadka Israel.”

Hawlgalka cusub ee Gaza waxaa markii hore lagu qiyaasay inuu socon doono afar ilaa shan bilood, balse saraakiisha ayaa sheegaya in dhaqaaqyada iyo daadgureynta dadka rayidka ah ay ka dheer yihiin intii la qorsheeyay. Qoysaska dadka la haysta ayaa si adag uga soo horjeeda qorshaha, iyagoo ka baqaya in nolosha dadkooda khatar gasho. In ka badan hal milyan Falastiiniyiin ah ayaa lagu qiyaasaa inay ku sugan yihiin magaalada Gaza.

Taliyaha Guud ee IDF, Maj. Gen. Eyal Zamir, ayaa ku digay in qorshaha Gaza uu Israel ku riixi doono duullaan buuxa oo qabsasho ah, isagoo ku taliyay in la raadiyo heshiis lagu beddelanayo dadka la haysto. Si kastaba ha ahaatee, Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa diiday in cod loo qaado heshiiskaas, isagoo ku adkeystay “in uusan miiska saarnayn.”

Masar oo wacad ku martay in aysan aqbali doonin…

0

Qaahira (Caasimada Online) – Masar ayaa si cad u sheegtay in aysan aqbali doonin barakicinta xooggan ee lagu hayo shacabka Falastiin, iyadoo si kulul u cambaareysay duullaanka Israa’iil ku hayso Gaza.

Tallaabadan ayaa timid xilli kumannaan qof oo ku nool magaalada Gaza ay diideen amarro ka yimid Israa’iil oo ku saabsan in ay ka guuraan guryahooda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badar Abdelatty ayaa warbaahinta u sheegay in barakicintaasi aan marnaba la aqbali karin, isagoo ku tilmaamay arrin ka dhan ah qadiyadda Falastiin. “Barakaca ma aha ikhtiyaar, waa khad cas oo Masar aysan ogolaan doonin,” ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii watay ayuu sheegay in dadka laga saaro dalkooda ay micnaheedu tahay in la burburiyo halganka iyo jiritaanka Falastiin, ayna arrintaasi tahay mid aan sharci iyo sabab midna loo heli karin.

Hadalka wasiirka ayaa sii adkeynaya mowqifka adag ee Masar sanadkan ka qaadatay dhaqanka Israa’iil, iyadoo mararka qaar la kaashatay dalalka Qatar iyo Maraykanka si ay u fududeeyaan dadaallada xabbad-joojinta dagaalka muddada dheer socday.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku celiyay eedeymaha xasuuqa ee Masar hore ugu jeedisay Israa’iil, isagoo sheegay in dhacdooyinka ka socda dhulka Falastiin ay ka sii fog yihiin wax kasta oo lagu malayn karo.

Dhanka Israa’iil weli jawaab kama aysan bixin hadalka Masar.

Si kastaba, Israa’iil ayaa weli ku adkaysanaysa in Gaza aysan ka wadin xasuuq, balse ay tahay inay xaq u leedahay is-difaac. Hase yeeshee, waxaa weli socda dacwad ka dhan ah oo looga furay maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee Hague.