Nairobi (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa ku eedeysay Imaaraadka Carabta inuu jebiyay xayiraadda hubka ee saaran dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.
Tan ayaa imaneysa kadib markii la ogaaday in qalab milatari oo laga keenay Boqortooyada Ingiriiska oo loo iibiyay Imaaraadka lagu arkay gudaha Soomaaliya, iyadoo uu gacanta u galay kooxo hubeysan oo ka howl-gala Soomaaliya iyo Liibiya.
Warbixin ay soo saareen khubarada Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Imaaraadku uu qayb ka yahay shabakado si qarsoodi ah hubka u kala gudbiya, waxaana marar badan la arkay gaadiidka dagaalka ee nooca Nimr Ajban oo ay soo saarto shirkad Imaaraad ah, oo lagu isticmaalayo dalal ay ka jiraan dagaallo iyo cuna-qabateyn hub.
Warbixinta oo ay akhriyeen xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale xustay in Imaaraadku uu hub British ah siiyay kooxda RSF ee Sudan, taas oo dhalisay su’aalo cusub oo ku saabsan doorkiisa ku aaddan dagaallada gobolka Bariga Afrika iyo Saaxil.
Khubarada Qaramada Midoobay ayaa uga digay in dhaqanka noocan ahi uu khatar ku yahay xasilloonida gobolka, islamarkaana uu sii hurin karo ganacsiga hubka sharci darrada ah ee Soomaaliya, halkaas oo amni darro wali ka jirto.
Dowladda Imaaraadka ayaa si adag u beenisay eedeymahaas, balse dalal reer galbeed ah ayaa cadaadis saaraya in dib loo eego dhoofinta hubka iyo qalabka dagaal ee loo diro Imaaraadka, maadaama uu suuragal yahay in lagu isticmaalo goobaha ay colaadaha ka socdaan, sida Soomaaliya iyo Sudan.
Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer wajahayay eedeymo sheegaya inuu taageero oo uu hubeeyo ciidanka RSF, inkastoo Abu Dhabi ay iska fogeysay ku lug lahaanshaha colaadda. Si kastaba ha ahaatee, baaritaanno dhowr ah ayaa muujinaya doorka istaraatiijiyadeed ee magaalada Boosaaso ay ku leedahay hawl-gallada gobolka ee Imaaraadka.
Sawirro dayax-gacmeed ah oo la daabacay bishii Abriil 2025 ayaa muujiyay diyaarado waaweyn oo xamuul ah oo taagan Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso, taasoo sii kicisay walaaca ah in goobtaasi ay noqotay xarun saadka looga daabulo RSF.
Saldhigga Boosaaso, oo markii hore uu Imaaraadku u dhisay xarun tababar oo loogu talagalay ciidanka badda ee Puntland, ayaa hadda la aaminsan yahay inuu yahay saldhig si buuxda uu Imaaraadku u maamulo oo aysan wax kormeer ah oo macno leh ku lahayn mas’uuliyiinta Soomaalida.
Dhanka kale, warar kale oo soo baxay ayaa sheegaya in falanqeeyayaal sirdoon ay horraantii sanadkan sheegeen inay arkeen Raadaarka Hawlaha Badan ee ELM-2084 (ELM-2084 Multi-Mission Radar) oo lagu sameeyay Israel, kaasoo la dhigay meel u dhow isla saldhiggaas.
Nidaamkan, oo ay samaysay shirkadda ELTA Systems ee laga leeyahay Israel oo awood u leh inuu la socdo in ka badan 1,000 bartilmaameed, ayaa waxaa loo malaynayaa inuu Imaaraadku rakibay iyadoo aysan ka warqabin dawladda federaalka Soomaaliya iyo baarlamaanka Puntland midna.
Ilo wareedyo ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu oggolaaday meelaynta raadaarka iyadoo la raacayo heshiis qarsoodi ah oo lala galay Abu Dhabi.
Wararkan soo baxay waxay ku soo beegmayaan xilli ay jiraan caddeymo muujinaya istaraatiijiyad ballaaran oo Imaaraadku ku doonayo inuu saameyntiisa ku fidiyo guud ahaan Geeska Afrika.
Xulufo goboleedyada Imaaraadka
Falanqeeyayaasha amniga ayaa ku tilmaamay abuuritaanka Abu Dhabi ee wax ay ugu yeereen “isbahaysiga gooni-u-goosad”, oo ah shabakad ka kooban hoggaamiyeyaal maxalli ah oo awood leh iyo maamul-goboleedyo madaxbannaan sida Somaliland iyo Puntland, kuwaasoo loo adeegsado in lagu muujiyo awoodda Imaaraadka iyadoo laga tallaabsanayo dawladaha dhexe.
Warbixintaasi waxay faah-faahisay sida Imaaraadku u abuuray isbahaysiyo gobol oo uu u maray heshiisyo dekedo, shirkado amni oo gaar loo leeyahay, iyo shabakado maaliyadeed si uu u helo saameyn istaraatiiji ah oo ka soo billaabata Liibiya ilaa Yemen iyo Soomaaliya.
Waxa kale oo ay iftiiminaysaa raadka militari ee sii fidaysa ee Imaaraadka Carabta ee guud ahaan Geeska Afrika, oo ay ku jiraan xarumo militari oo ku fidsan jasiiradaha Suqadara ee Yemen ilaa Berbera oo ku taal Somaliland iyo Boosaaso oo ku taal Puntland.
Saraakiil Colombian ah ayaa qiray in boqollaal askari oo hore ay shaqaaleysiiyeen shirkado gaar loo leeyahay oo ku xiran colaadaha dibadda, iyadoo qaarkood la sheegay inay tababaraan askarta cusub ee RSF, oo ay ku jiraan carruur aan qaan-gaarin, sida ay sheegtay warbaahinta La Silla Vacía.
Wararkan soo shaac baxay ayaa su’aalo cusub ka keenay madax-bannaanida Soomaaliya iyo heerka dhulkeeda loo adeegsan karo hawlgallo militari oo shisheeye.
Dawladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland weli kama aysan hadlin eedeymahan, Imaaraadka Carabtuna weli jawaab rasmi ah kama uusan bixin.
Dagaalka Sudan wuxuu qarxay bishii Abriil 2023, wuxuuna u dhexeeyaa ciidanka RSF oo uu hoggaamiyo Janaraal Maxamed Xamdaan Dagalo (Xameti), iyo Ciidanka Qalabka Sida ee Sudan oo uu hoggaamiyo Janaraal Cabdifataax al-Burhan.
Colaaddu waxay barakicisay malaayiin qof, waxay sababtay macaluul baahsan, waxayna dhalisay in dib loogu kuurgalo doorka shisheeyaha ee lagu eedeeyay inay sii hurinayaan dagaalka.