26.2 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Kursigii uu baneeyay Cabdirashiid Jibriil oo maanta la buuxiyay – Yaa loo dhaariyay?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa maanta buuxiyay kursigii uu baneeyay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo haatan ah Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Waqooyi Bari.

Kursigan ayaa maanta loo dhaariyay Axmed Jaamac Maxamed Idiris oo si rasmi ah u noqday mudane ka tirsan Baarlamaanka Puntland. Golaha ayaa sheegay in buuxinta kursigaan loo maray habraacyadii sharciga ahaa ee loo baahnaa, ee uu dhigayo xeer-hoosaadka golaha iyo dastuurka Puntland.

Xildhibaan Axmed Jaamac Idiris ayaa hore uga mid ahaa xubnaha sare ee Guddiga Doorashooyinka Puntland (PEC). Khibraddiisa ku aaddan doorashooyinka iyo maamulka ayaa la filayaa inay gacan ka geysato kor u qaadidda hufnaanta iyo nidaamka baarlamaanka.

Cabdirashiid Jibriil oo mar soo noqday guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa bishii July ee sanadkan iska casilay xubinta xildhibaanimo.

Is-casilaaddiisa ayaa timid kadib markii uu si toos uga qeyb qaatay dhismaha maamulka Waqooyi Bari oo si weyn u diidan tahay, kaasi oo uu markii dambena uu ka qabtay xilka madaxweyne ku-xigeenka maamulka.

Maalmo kadib is-casilaadda Jibriil, Baarlamaanka Puntland ayaa ku dhawaaqay inuu xil ka xayuubin ku sameeyay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Fadhigii 16-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha ayaa waxay cod aqlabiyad leh ku meel-mariyeen aqbalaadda luminta xubinnimada golaha ee Cabdirashiid, sida markaas lagu sheegay qoraal kasoo baxay golaha.

Xeer Ilaalinta Puntland ayaa iyadna markaas kusoo eedeysay Cabdirashiid inuu ku kacay fal dambiyeedyo cad-cad ah oo waxyeelaynaya amniga guud ee maamulka Puntland.

Cabdirashiid ayuu maamulka Saciid Deni ku eedeeyay inuu waday abaabul ciidan oo lidi ku ah amniga Puntland iyo kan gobolka Sanaag, markaas oo ay socotay dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari.

Si kastaba, Xildhibaan Axmed Jaamac ayaa hadda la filayaa inuu si buuxda uga qeyb qaato doodaha, go’aamada iyo ansixinta sharciyada muhiimka ah ee hortabinta u leh Baarlamaanka Puntland, taasoo ka mid ah waajibaadka ugu weyn ee xildhibaan kasta oo ka tirsan golahaasi.

Xil wareejin maanta ka dhacday Villa Somalia + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha cusub ee waaxda warfaafinta Villa Somalia, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Golfyare) ayaa maanta si rasmi ah xilka u gala wareegay agaasimihii hore ee waaxdaasi Mudane Maxamed Aadan Maxamed (Dugoow), kadib munaasabad ballaaran oo maanta ka dhacday Xarunta Madaxtooyda.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf ayaa xilka u kala wareejiyey labada agaasime, taas oo u qabsoontay sidii loogu talagalay.

Mudane Cabdixakiim oo goobta ka hadlay ayaa u rajeeyey agaasimaha cusub ee Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada in Alle uu u fududeeyo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday, isaga oo ku adkeeyey howlwadeennada iyo masuuliyiinta dowladda in ay si dhow ula shaqeeyaan.

Cabdicasiis Golfyare oo isna hadalka qaatay ayaa soo bandhigay qorshaha cusub ee Waaxda iyo shaqooyinka horyaalla, isaga oo tilmaamay mudnaanta uu siinayo dib u habaynta Xafiiska iyo xoojinta xiriirka guud ee warbaahinta Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Agaasimihi hore ee Waaxda Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Mudane Maxamed Aadan Maxamed ayaa la wadaagay agaasinka cusub waxqabadkii la xaqiijiyey muddadii uu xilka joogay, isaga oo u mahadceliyey hawl-wadeennadii lasoo shaqeeyay.

Isbeddelkan cusub ayaa imanaya xilli xasaasi ah oo isbeddelo dhowr ah ay ka dhaceen xafiiskan, iyadoo muddo kooban ay soo mareen agaasimayaal dhowr ah, kuwaas oo qaarkood ay xilka hayeen muddo ku siman laba bilood.

Sidoo kalena wuxuu qayb ka noqonayaa dadaallada lagu xoojinayo hab-maamulka iyo hufnaanta warfaafinta ee Madaxtooyada, waxaana la filayaa in agaasimaha cusub uu dardar geliyo howlaha la xiriira warbaahinta iyo xiriirka dadweynaha ee Villa Soomaaliya.

Si guud, Dowladda Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa muujado siyaasadeed oo waa wayn, kuwaas oo ka dhashay muranka hareeyay hannaanka doorashooyinka oo ay kasoo horjeedaan mucaaradka Madasha Samatabixinta iyo maamullada Jubbaland iyo Puntland.

 

Soomaaliya iyo Turkiga oo saddex qorshe ku dhaqaaqaya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo maanta wada-hadallo cusub ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka arrinsaday saddex qodob oo muhiim ah oo ku aadan xoojinta xiriirka ganacsiga ee labada dal.

Kulankan ayaa si gaar ah waxaa u yeeshay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktas, kuwaas oo wada-hadalladooda diirrada ku saaray kobcinta dhaqaalaha, fursadaha maalgashiga iyo ballaarinta iskaashiga warshadeed ee labada dhinac.

“Waxaa kulanka diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal, kobcinta fursadaha maalgashi iyo ballaarinta iskaashiga warshadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga,” ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray kulanka.

Wasiir Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) oo madasha ka hadlay ayaa waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhaqaale oo wax ku ool ah, kaas oo kor u qaadaya horumarinta ganacsiga iyo warshadaha dalka.

Dhankiisa Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, H.E. Alper AKTAŞ, ayaa sheegay in xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid qoto dheer, isla markaana labada dal ay si dhow uga wada shaqeynayaan kor u qaadista ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah.

Waxaa kale oo ay labada dhinac ayaa isku raacay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta iyo iskaashiga dhanka ganacsiga iyo maalgashiga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Turkiga ayaa ah saaxib dhab ah oo ay leedahay Soomaaliya, wuxuuna ka caawiyaa dhinacyo muhiim ah, sida milatariga, dhaqaalaha iyo arrimaha bani’aadannimada.

Sidoo kale, wuxuu toos uga qay-qaataa dagaalka Al-Shabaab, isaga oo sanadihii u dambeeyay xoojiyay taageerada iyo dhismaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Xasan Yare oo ka dhabeeyay ballan qaad uu sameeyay sanad kahor

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Xasan Yare oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn ka dhabeeyay balan-qaad uu sanadkii hore u sameeyay shacabka ku dhaqan deegaanka Diif ee degmada Dhoobley Gobolka Jubbada Hoose, isaga oo xilligaas sheegay in uu ku garab istaagi doono, si ay u helaan adeegyada muhiimka ah.

Xasan Yare oo ka duulayo ballan-qaadka uu horay u sameeyay ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay deegaanka, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo nolosha bulshada deegaanka.

Xildhibaanka oo maalmahan ku sugnaa aagga degmada Dhoobley ayaa xarigga ka jaray xarun caafimaad iyo ceel-biyood uu isagu garwadeen ka ahaa hirgelintooda.

Sidoo kale, wuxuu kormeeray dhismaha Iskuul weyn oo heer gabagabo ah maraya, kaas oo loo dhisayo bulshada deegaanka Diif iyo tuulooyinka ku dhow.

“Maanta waxa ay ii tahay maalin farxad ah waxayna farxad iigu tahay deegaankan Diif wixii aan ku taamayay inay ka hirgalaan in ay hirgaleen oo ah in Diif ay maanta leedahay isbitaal sidaan u quxu badan adeeggii oo dhan uu yaallo” ayuu yiri Xildhibaan Xasan Yare.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in haatan ay dhaqangaleen inta badan ballan-qaadyadii uu sameeyay, isla markana uu ku faraxsan yahay horumarak deegaanka.

“Safarkan safarkii ka horreeyay sanad kahor marka aan imid meesha sida ay u keyd waad ogtihiin daawada qorrax bey taallay markaas ayaan ku iri hay’addii dadkeyga sidaan ma mudna waxay soo jiitantaba, hadda waan ku guuleysanay” ayuu mar kale yiri Xildhibaanku.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Tan labaad waxa ay ahayd iskuul, haddana waxa uu marayaa gabagabo, maantana deegaanka wuxuu leeyahay iskuul dugsi hoose, dhexe iyo sare”.

Cudur halis ah oo Soomaaliya loogu dhimanayo – 87 geeri iyo 1,600 kiis oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 87 qof, oo u badan carruur, ayaa sanadkan Soomaaliya ugu dhimatay dillaac si xawli ah u faafaya oo cudurka gowracatada ah (diphtheria), kaas oo ay dhakhaatiirtu sheegeen inuu ka fara-batay xarumaha caafimaadka, uuna dilayo bukaanno aan weligood helin tallaalka joogtada ah, sida ay ku warramayaan wargayska The New York Times iyo shaqaalaha gargaarka ee goobta jooga.

Cudurkan oo ay keento bakteeriyo, kaas oo barariya dhuunta xiri karana marinka hawada, ayaa waxaa la xanuunsaday in ka badan 1,600 oo qof. Wuxuuna ku faafayaa xeryaha barakaca ee ciriiriga ah iyo xaafadaha aan haysan adeegyada ku filan. Waalidiinta ayaa carruur neef-tuuraysa la soo galaya qeybaha bukaan-jiifka ee culaysku saaran yahay, halkaas oo dhakhaatiirtu ay sheegeen in qaarkood la keeno iyagoo aad u liita oo aan waxba laga qaban karin.

Qayb isbitaal oo saxmad badan oo ku taalla Muqdisho, dhakhaatiirtu waxay la tacaalayaan sidii ay u badbaadin lahaayeen bukaanno yaryar oo uu cudurku dhuunta ka buufinayo neef-mareenkana ka xirayo.

Carruurta qaar ayaa lasoo gaarsiiyaa iyagoo ku dhow miyir-beel, waxaana soo sida waalidiin kasoo lugeeyay meelaha jiidda hore ee dagaalka si ay daaweyn u helaan. Qaar kalena ma soo gaaraanba. Shaqaalaha caafimaadku waxay tilmaameen qaab soo noqnoqda: qandho, kaddib ceejin, dabadeedna neef-qabatin.

Gawracatadu waa caabuq bakteeriya oo ku faafa qufaca iyo is-u-dhawaanshaha. Si degdeg ah ayuu u dili karaa, gaar ahaan carruurta aan la tallaalin. Tobannaan sano, tallaalka joogtada ah — gaar ahaan tallaalka isku-dhafan ee DTP (diphtheria-tetanus-pertussis) — ayaa cudurka xakameyn jiray. Hadda, difaacaas ayaa Soomaaliya meesha ka sii baxaya.

Shaqaalaha caafimaadka iyo hay’adaha gargaarka ayaa sheegaya in dhowr dhibaato oo is-dulsaaran ay sababayaan kororka kiisaska iyo dhimashada.

Tan koowaad waa colaadda. Sannado dagaal ah ayaa qoysaska ka barakiciyay guryahoodii, geynayayna xeryo barakac oo saxmad badan, halkaasoo cudurku si xawli ah ugu faafo, daryeelka caafimaad ee aasaasiga ahna uu ku yar yahay. Waalidiinta ayaa inta badan ku qasbanaada inay kala doortaan inay sii joogaan deegaannada ay maamulaan kooxaha hubeysan ama inay u safraan si halis ah si ay u gaaraan rug caafimaad. Dhakhaatiirtu waxay sheegeen, in marka cunug qaba gawracato lasoo gaarsiiyo isbitaal ku yaalla Muqdisho, ay neef-mareenkiisu markii horeba si halis ah u xirmi karaan.

Tan labaad waa saameynta cimilada. Abaaro iyo fatahaado ayaa malaayiin qof ku barakiciyay guud ahaan Soomaaliya, iyagoo si isdaba joog ah u carqaladeeyay helitaanka daryeelka. Marka ay qoysasku guuraan, waxay ka haraan nidaamyada tallaalka. Carruur badan oo hadda lagu daweynayo isbitaallada Muqdisho, sida uu tebiyay The New York Times, waa carruur “eber-qaadasho ah” — taasi oo macnaheedu yahay in aysan weligood helin hal tallaal oo joogto ah.

Tan saddexaad waa aamin-darrada. Ka-gajiigsiga tallaalka ayaa sii xoogeystay, waxaana sii hurinaya warar xan ah iyo shaki laga qabo farogelin dibadeed. Wargeyska The New York Times wuxuu qeexayaa sida macluumaadka khaldan ay waalidiinta qaar uga dhaadhiciyeen in tallaalladu aysan ammaan ahayn ama ujeeddo siyaasadeed laga leeyahay. Shaqaalaha caafimaadku waxay sheegeen in diidmada ama dib-u-dhigista tallaalku ay carruurta ka dhigayso difaac la’aan cudur laga hortegi karay.

Tan afraad waa dhaqaalaha. Dhimis lagu sameeyay kaalmadii caalamiga ahayd ayaa daciifisay awoodda Soomaaliya ay kaga hortegi karto cudurrada dillaaca inta aysan dilaa noqon. Shaqaalaha gargaarka iyo mas’uuliyiinta Soomaalida ayaa sheegaya in taageeradii Mareykanka ee barnaamijyada tallaalka joogtada ah oo yaraatay ay sababtay in rugaha caafimaadku ay keyd-beel noqdaan, kooxihii tallaalkana ay fariistaan. Iyadoo la bixinayo qaadashooyin yar — iyo shaqaale tababaran oo yar oo gaaraya deegaannada fogfog — carruur badan ayaa halis ugu jira, qaadaya, kuna dhimanaya cudurka.

Natiijadu waa nidaam uu culays saaran yahay. Rugaha caafimaadku waxay soo sheegayaan tallaagado tallaal oo faaruq ah. Xarumo caafimaad qaarkood waxay ku shaqeeyaan shaqaale aan ku filnayn oo fuliya ololeyaasha tallaalka. Meelaha korontadu aysan la isku halleyn karin, dhaqdhaqaaquna uu halis yahay, inta badan suurtagal maaha in tallaallada qabow lagu hayo lana gaarsiiyo waqtigii loogu talagalay.

Mas’uuliyiinta caafimaadku waxay ka digayaan in dhibaatadani aysan ahayn mid Soomaaliya oo keliya ku kooban. Waddamada jilicsan sida Soomaaliya ayaa inta badan ah meelaha ay dib uga soo muuqdaan cudurrada laga hortegi karay. Cudurrada dillaaca ee aan la xakameyn waxay ka gudbi karaan xuduudaha, gaar ahaan marka dad tiro badan ay barakiciyaan colaado iyo dhibaatooyinka cimilada.

Abiy oo beeniyey heshiiskii ay badda ku waysay Itoobiya

Addis Ababa (Caasimada Online) — Raiisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa Talaadadii sheegay in “aysan jirin diiwaan rasmi ah ama go’aan hay’adeed” oo caddaynaya sida Ethiopia ay ku weyday marin-badeedkeedii. Wuxuu ku tilmaamay xaaladda dalka ee ah inuusan bad lahayn “arrin masiiri ah” oo ay waajib tahay in si nabad ah lagu xalliyo.

Isagoo kula hadlayay xildhibaannada magaalada Addis Ababa Oktoobar 28, 2025, Abiy wuxuu ku dooday in aysan jirin hay’ad Ethiopian ah oo si rasmi ah u ansixisay arrintaas.

“Haddii uusan shacabku ogayn, uusan baarlamaankuna ogayn… haddaba, waa kuma cidda go’aanka qaadatay?” ayuu Abiy is-weydiiyay. “Ma heli karno hal dukumeenti oo qura oo ku saabsan arrintan.”

Ethiopia waxay noqotay waddan aan bad lahayn sanadkii 1993-kii markii ay Eritrea xornimadeeda qaadatay kaddib dagaal 30 sano socday iyo afti ay kormeertay Qaramada Midoobay, sida ku cad diiwaannada taariikhiga ah. Lumitaanka marin-badeedka ayaa dalka ka reebay xeebtiisii hore, oo ay ku jiraan dekedaha muhiimka ah ee Massawa iyo Assab.

Xukuumadda Abiy ayaa dhowaan xoojisay dadaalladeeda ay ku doonayso helitaanka deked, taasoo sare u qaadday xiisadaha gobolka.

Xiisadda dekedaha ee Ethiopia iyo Eritrea

Khudbaddiisa, Abiy wuxuu sheegay inuu kala hadlay dalabka Ethiopia ee marin-badeedka Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, kaddib heshiiskoodii nabadda ee 2018.

Wuxuu sheegay in Ethiopia ay dib u dayactirtay jidka aada dekadda Assab, ayna soo bandhigtay inay bixiso koronto ay kharashkeeda iska bixinayso. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay in dhinaca Eritrea “uusan muujin wax diyaar garow ah” oo lagu hawlgelinayo dekadda.

“Waxaan isku daynay inaan gacan ka geysanno annagoo ka soo dirnay wiishash iyo matoorro dal saaxiib ah oo saddexaad, balse Eritrea way diidday qalabkaas,” ayuu Abiy raaciyay.

Raiisul wasaaraha ayaa sidoo kale xiisadihii u dambeeyay ee kala dhexeeyay Asmara ku xiray Heshiiskii Pretoria ee 2022, kaasoo soo afjaray dagaalkii labada sano ka socday gobolka Tigray ee Ethiopia.

“Balse Eritreanku waxay qaateen mowqif ah, ilaa iyo inta TPLF iyo Tigray aan si buuxda loo baabi’in, inaan la heli karin nabad waarta,” ayuu yiri. “Dadkaasi, waa dadkeenna. Waxaan diidnay inaan aqbalno fikradda ah in la baabi’iyo.”

Abiy ayaa markaas ku eedeeyay dowladda Eritrea inay “u dhaqmeyso sidii qof rasaasta u sida” wuxuuna ku boorriyay “inay dowlad ahaato, ee aysan noqon kontarabaanle hubka.”

Eritrea oo ka digtay ‘gardarro’

Hase yeeshee, Eritrea ayaa si xooggan u beenisay hadalka Ethiopia horaantii Oktoobar.

Qoraal uu Oktoobar 7 soo dhigay barta X, Wasiirka Warfaafinta Yemane G. Meskel wuxuu ku tilmaamay hadalka Ethiopia ee isku xiraya Wabiga Niilka Buluugga ah iyo Badda Cas mid “qariib ah” oo “aan la rumeysan karin.”

Meskel wuxuu sheegay in hadalkani uusan lahayn wax “sal-dhig juqraafi, sharci, ama juqraafi-siyaasadeed” ah, wuxuuna ku eedeeyay xukuumadda Abiy inay “abuurayso dhalanteed” ay ku marmarsiyooto damaceeda gobolka.

“Taariikh ahaan, hagardaamada noocan ah waxay gogol-xaar u ahayd gardarro,” ayuu Meskel qoray, isagoo ku tilmaamay “isku day xun oo lagu doonayo in lagu boobo kheyraadka dalal kale.”

Bayaanka ayaa ka digay in ku adkeysiga Ethiopia ee dalabkeeda ah helitaanka deked ay halis u tahay “hurinta iska horimaad kale oo aan loo baahnayn.”

Asmara waxay carrabka ku adkeysay “inaysan lahayn hammi dagaal” balse ay “difaaci doonto madax-bannaanideeda haddii lagu xadgudbo,” waana qodob uu Madaxweyne Afwerki ku celiyay waraysi uu bixiyay.

Hadal-is-dhaafsiga kulul ee diblomaasiyadeed ayaa daba socday warqad ay Ethiopia Oktoobar 2 u dirtay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres.

Warqaddaas, oo uu saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda Gedion Timothewos, ayaa Eritrea iyo “xubno mayal adag” oo ka tirsan TPLF ku eedaysay inay samaysteen isbahaysi cusub, “Tsimdo,” si ay “dagaal ula galaan” dowladda Ethiopia.

Waxaase muhiimsan, warqaddu waxay ku celisay qorshaha Ethiopia ee ah inay ku hesho “marin-badeed madax-bannaan waddo sharci ah haddii ay suurtagal tahay, iyo awood militari haddii ay lagama maarmaan noqoto,” kuwaasoo ah hadallo argagax geliyay caasimadaha gobolka.

Eritrea ayaa meesha ka saartay sheegashooyinkaas, iyadoo ku tilmaantay “shirqool la isku sirayo” iyo “daandaansi halis ah oo lagu soo dhex qariyay luqad diblomaasiyadeed.”

Dowladda Jarmalka oo ku dhowaaqday malaayiin dollar oo lagu maal-gelinayo Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Jarmalka ayaa ballanqaadday €75 milyan ($80 milyan) oo ay ku taageerayso horumarka bulshada iyo dhaqaalaha Soomaaliya labada sano ee soo socda.

Heshiiskan, oo Talaadadii magaalada Muqdisho ay ku kala saxiixdeen Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, Maxamed Cabdiraxmaan Beene Beene, iyo wakiillo ka socday Wasaaradda Federaalka Jarmalka ee Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta (BMZ), ayaa diiradda lagu saarayaa waxbarashada farsamada gacanta iyo tababarrada (TVET), maareynta kheyraadka biyaha, beeraha, iyo horumarinta reer miyiga.

Wasiir Beene Beene ayaa iftiimiyay in maalgelintani ay ka tarjumayso iskaashiga soo jireenka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jarmalka, kaasi oo soo taxnaa tan iyo 1961-kii, ayna la jaanqaadayso Qorshaha Isbeddelka Qaran ee Soomaaliya iyo dib-u-habeynta dhaqaale ee socota.

“Heshiiskan wuxuu hagi doonaa mashaariicda horumarineed ee labada sano ee soo socota. Anigoo ku hadlaya magaca dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaan dowladda iyo muwaadiniinta Jarmalka uga mahadcelinayaa taageeradooda joogtada ah ee ay ku horumarinayaan ajandaha horumarka Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Beene Beene.

Qaab-dhismeedkan cusub ee iskaashiga ayaa qayb ka ah wadatashiyada horumarineed ee laba-sanadlaha ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jarmalka, kuwaasi oo loogu talagalay in dib loogu eego mashaariicda socda lana dejiyo mudnaanaha maalgashi ee cusub.

Mashaariicdii hore ee uu Jarmalku taageeray ayaa diiradda saarayay waxbarashada, tababarrada xirfadaha, tamarta dib loo cusboonaysiin karo, iyo dib-u-habeynta maamulka dadweynaha.

Mas’uuliyiinta ayaa xaqiijiyay in lacagaha la ballanqaaday si degdeg ah loo bixin doono si loo dardargeliyo mashaariicda socda looguna taageero fulinta labada sano ee soo socota.

Wasiir Beene Beene wuxuu ku nuuxnuuxsaday in heshiiskani uu gacan ka geysan doono sidii loo hubin lahaa in kheyraadka deeq-bixiyeyaasha la waafajiyo mudnaanaha horumarineed ee qaranka Soomaaliya, uuna si toos ah uga qayb qaadan doono korriin waara iyo horumar bulsho.

Wararkii ugu dambeeyay duqeymaha Israel ee Gaza

0

Gaza (Caasimada Online) – Ugu yaraan 33 qof oo ay ku jiraan carruur ayaa lagu dilay weerarro joogta ah oo ay Israa’iil ka wado marinka Gaza tan iyo xalay, halka in ka badan boqol ah ay ku dhaawacmeen, sida ay werisay Al Jazeera.

Weerarada ayaa ku dhacay guryo, iskuulo iyo xaafado ku yaal magaalada Gaza, Beit Lahia, al-Bureij, Nuseirat iyo Khan Younis.

Israa’iil ayaa sheegtay in duqeymahan ay jawaab u yihiin  waxa ay ku tilmaamtay xadgudubka heshiiskii xabbad joojinta ee uu Mareykanku garwadeen ka ahaa.

Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz ayaa Xamaas ku eedeeyay in ay Talaadadii weerar ku qaadeen askarta Israa’iil ee ku sugan Gaza, ayna jabiyeen shuruudaha soo celinta maydadka la haystayaasha dhintay.

Kooxda hubaysan ee falastiiniyiinta ayaa sheegtay, in aysan wax xiriir ah la lahayn weerarka, waxayna ku adkaysteen in ay ka go’an tahay heshiiska xabad joojinta.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Arbacada maanta sheegay in “waxba” aysan khatar gelin doonin xabbad joojinta Gaza, xitaa iyadoo Israa’iil ay sii waddo duqeymaha ay ka geysatay Gaza oo ay ku dhinteen ku dhawaad 60 qof

“Waxay dileen askari Israa’iili ah, sidaas darteed Israa’iiliyiintu way ka jawaabeen, waa inay ka jawaabaan,” ayuu Trump u sheegay saxafiyiinta xili uu la socday diyaaradda Air Force One intii uu ku guda jiray safarkiisa Asia, eedeymahaas oo Xamaas ay beenisay.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, J.D. Vance, ayaa sidoo kale mar sii horeysay xaqiijiyay in xabad joojinta Gaza ay sii socoto inkastoo Israel ay duqeymo ka geysatay magaalada Gaza, iyadoo Israa’iil iyo Xamaas ay is dhaafsadeen eedeymo ku saabsan in la jabiyayheshiiska.

“Xabbad joojintu waa ay socotaa. Taas macnaheedu maaha inaysan dhici doonin isku dhacyo yar yar oo xagan iyo xagaas ah,” Vance ayaa sidaa u sheegay wariyaasha.

Waxaa uu intaa ku daray, “Waan ognahay in Xamaas ama koox kale oo ku sugan Qaza ay weerar ku qaadeen askari Israa’iil ah, waxaan filaynaa in ay jawaab ka bixiso Israa’iil, laakiin waxaan aaminsanahay in heshiiska nabadeed ee uu madaxweynuhu sameeyay uu noqon doono mid sii jiri doonta.

 

Kenya oo guul ka sheegatay dagaal ay la gashay Shabaab

0

Garissa (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Kenya, gaar ahaan cutubka gaarka ah ee Special Operations Group (SOG) ayaa maanta howlgal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka fuliyay aagga magaalada Garissa ee gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

Kenya ayaa guul wayn ka sheegatay howlgalkan, waxayna shaacisay inay ku fashilsay weerar argagixiso oo Al-Shabaab ay qorsheeyeen inay ka fuliyaan deegaan u dhexeeya Welmerer iyo Yumbis ee magaalada Garissa.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xarunta Qaranka ee La-dagaalanka Argagixisada (NCTC) ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay xog ka heleen dadka deegaanka, oo kusoo wargeliyay in ay arkeen dhaq-dhaqaaqyo laga shakiyay, oo ay ku lug lahaayeen 8 dagaalyahan oo ku hawlanaa diyaarinta qaraxyada la dhigo waddooyinka.

Intaas kadib ciidamada ayaa deg-deg uga howlgalay goobta, waxayna beegsadeen halka ay joogeen xubnaha Al-Shabaab, iyaga oo la galay dagaal kooban, kadibna ka adkaaday.

Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay walxo qarxo oo ay doonayeen in Al-Shabaab ay u adeegsadeen weerarkooda, balse la fashiliyay.

Sidoo kale ciidamada ayaa u mahadceliyay dadka deegaanka ee xogta soo gudbiyay, taas oo suuragelisay inay ka hortagaan weeraro ay maleegayeen xubnaha Al-Shabaab.

“Ciidanka SOG waxay uga mahadcelinayaan bulshada deegaanka wada-shaqeynta wanaagsan, waxayna ku boorinayaan inay sii wadaan feejignaanta si loo joojiyo qorshayaasha argagixisada,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Saraakiisha laamaha amniga ayaa sidoo kale shacabka deegaanka ku amaanay sida ay uga feejigan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab ee sida dhuumaaleysiga ah ku tega halkaasi.

Inta badan kooxda ayaa weeraro gaadmo ah ka fulisa gobolka, waxayna beegsataa ciidamada iyo dadka safarreyda ah ee isaga kala gooshayo deegaannada dhaca xadka Somalia iyo Kenya.

Koonfur Galbeed oo ciidamo gaysay Deynuunaay

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed ayaa maanta howlgao culus ka fuliyay deegaanno hoostaga magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, gaar ahaan ahaan tuulooyin u dhow deegaanka caanka ah ee Deynuunaay.

Ciidamada ayaa gaaray tuulooyinka Buula Jadiid, Baal Yaala iyo Buur Fuula oo hoostaga deegaanka Deynuunaay, halkaas oo ay kula hadleen dadka deegaanka.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay iyo  Guddoomiyaha deegaanka Deynuunay ayaa shacabka ka wacyigeliyay colaad beeleedyada, waxayna ugu baaqeen inay kala shaqeeyaan nabad-gelyada guud ee deegaannadaasi.

Sidoo kale waxa ay ka dalbadeen shacabka in ay ka fogaadaan kicinta iyo colaadaha, isla markaana ay door muuqda ka qaataan nabadeynta.

“Ujeeddada howlgalka ayaa ahayd wacyigelinta bulshada, ka hortagga colaadaha beeleed, iyo xoojinta amniga deegaanka. Saraakiisha iyo mas’uuliyiinta howlgalka hoggaaminayey ayaa si toos ah ula hadlay shacabka, iyagoo ugu baaqay in ay ka fogaadaan kicinta iyo colaadaha, isla markaana ay door muuqda ka qaataan nabadeynta” ayaa lagu yiriq qoraal kasoo baxay Maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa kale oo ay saraakiishu intaasi ku dareen inay sii wadi doonaan howlgallada, isla markaana ay xoogga saari doonaan sidii loo xaqiijin lahaa nabad-gelyada deegaanka.

Koonfur Galbeed ayaa waxaa muddooyinkan kusoo badanayay dagaal beeleedyada oo ka qarxay deegaanno kala duwan oo ka tirsan saddexda gobol ee maamulkaasi.

Sidoo kale waxaa usii dheer dagaalka kooxda Al-Shabaab oo iyana weli go’doomin ku hayso magaalooyinka waa wayn ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

Gaza oo gashay xaalad adag kadib amarkii Netanyahu

0

Gaza (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ciidamada milatariga ku amray in ay si degdeg ah u fuliyaan duqeymo “xooggan” oo ka dhan ah Gaza, sida goor sii horreysay laga soo xigtay xafiiskiisa.

Arrintan waxay timid kadib markii Israa’iil ay sheegtay in naxash ay Xamaas ku wareejisay Isniintii aanu ku jirin maydka mid ka mid ahaa lahaystayaasha Israa’iil.

Waxay ku eedeeyeen Xamaas “in ay si cad u jabisay” heshiiskii xabbad-joojinta Gaza ee laba toddobaad jirsaday.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa waxa ay haatan sheegayaan in duqeymo ay ka sii socdaan marinka Gaza, iyadoo weerarradii u dambeeyay ay diyaaradaha Israa’iil ka fuliyeen xaafadda Saytuun ee bariga Gaza oo ah goobta ay ku noolyihiin dadka ugu badan ee barakaca ah.

Al Jazeera ayaa dhankeeda werisay inay duqeymo ka socdaan Gaza, iyada oo goobaha la duqeeyay ay ku jiraan agagaarka isbitaalka ugu weyn Gaza ee Al-Shifa, oo hoy u ah kumannaan qoys oo guryahooda dagaalka lagu burburiyay.

Sidoo kale waxa ay weli Israa’iil ballaarinaysa aagga ay ciidanka ka joogaan gudaha Gaza, tallaabo ay ku sheegeen in lagu cadaadinayo Xamaas oo lagu yareynayo aagga ay maamulaan, sida uu baahiyay raadiyaha ciidanka Israa’iil, balse tani waxay ka dhigan tahay inay Israa’iil ka baxday heshiiskii Masar.

Xamaas waxay dhankeeda sheegtay in Israa’iil ay isku dayayso “in ay samayso marmarsiyo been abuur ah si ay ugu diyaar garowdo tallaabooyin cusub oo gardarro ah” oo ku wajahan gudaha Gaza.

Fal-celin aan caadi ahayn oo ka dhalatay tallaabadii uu maanta qaaday Deni

0

Garoowe (Caasimada Online) – Falcelin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay tallaabadii uu maanta qaaday Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo kala diray maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus ee maamulkaasi.

Sababta keentay kala dirista maxkamadda ciidamada ayaa lagu sheegay in cabasho isdaba joog ay soo gaartay Madaxweynaha, taasi oo ay la kulmayaan dadka rayidka ah.

“Waxaa la kala diray dhammaan Guddoomiyeyaasha, Garsoorayaasha iyo Xeer- ilaaliyayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee Dowladda Puntland,” ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland.

Go’aannada xabsi-xalaalaynta ah ee la xiriira denbiyada culus ayaa la sheegay in ay gaarayaan maxkamadaha racfaanka ee maamulka Puntland, inta laga soo dhisayo maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus.

Hadabba sidee looga falceliyay tallaabada uu qaaday Saciid Deni?

Maliika Maxamed: “Xilku waa meerto inta ay soo shaqeeyeen waa ku mahadsanyihiin. Waaxyaha garsoorka dumarka halo badiyo iyaga halkaas ku daacadsane”.

Sihaam Cabdalle: “Weli yaaa is gaaray is badalllo waaa dhiman yihiin dhuuuqsada suuumanka”.

Cali Cabdullahi Cali: “Isla xisaabtanka wax ma haleeyo rukub dheh Saciid Deniyoow”.

Jaamac Cabdullahi: “Kolba dad fiican oo diin iyo imaan leh la keeni maayo caada-qaatayaal baa la keeni”.

Saxardiid Qaaje: “Kuwa rayidka jooga ayaa iyagana kala diris u baahan iyo la xisaabtan dhab ah”.

Muna Kaamil: “Waa arrin fiican. Dowladdu nidaam adag ha soo dhisto oo cadaalad ah meeshaana ha u dhiibto dad aqoon leh”.

Sawirro: DF oo tallaabo deg-deg ah qaaday kadib weerarkii xalay ee gudaha Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo deg-deg ah oo ku aadan weerarkii tooska ahaa ee ay xalay Al-Shabaab kusoo qaadeen fariisimo ay ciidanka ammaanka ku leeyihiin duleedka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay kontoroolka Buurta Cali Janaale, oo ka mid ah meelaha muhiimka ah ee laga ilaaliyo amniga caasimadda. Dagaal culus ayaa halkaas ku dhexmaray labada dhinac, kaas oo socday ku dhowaad 30 daqiiqo.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa markii hore adeegsatay baasuukeyaal, waxaana xigay iska horimaad fool ka fool ah oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogeyn tirada rasmiga ah ee khasaaraha.

Dowladda oo ka duuleysa ka hortagga weerarada Al-Shabaab ayaa isla maanta ciidamo ka tirsan Haramcad gaysay daafaha caasimada, gaar ahaan dhinaca Shabeellaha Hoose, kuwaas oo haatan howlgallo ka bilaabay deegaannada u dhow magaalada Muqdisho.

“Iyada oo la fulinayo amarka Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guud Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa cutubyada Ciidanka Haramcad maanta sameeyay howlgal ballaaran oo lagu sifeynayo kooxaha Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanayay deegaannada Maracade iyo Galla Saalimow ee gobolka Shabeellaha Hoose” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska ciidanka gaarka ah ee Haramcad.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Howlgalka ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo ammaanka iyo xasilloonida caasimadda Muqdisho, iyadoo ciidanku ay wadaan baaritaanno iyo burburin fadhiisimadii ay kooxdaasi hore ugu dhuuman jirtay”.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ay weli ku raad joogaan xubno ka tirsan Khawaarijta oo dhuumaaleysi ku joogay halkaasi, balse ka cararay goobta.

“Markii ay maqleen dhaq-dhaqaaqa ciidamada, xubnihii ka tirsanaa kooxda ayaa si baqdin leh uga kala cararay goobihii ay ku sugnaayeen. Ciidanka Haramcad ayaa weli raadin iyo baaris joogto ah ka wada aagagga lagu tuhunsan yahay inay ku sugan yihiin kooxahaas nabad-diidka ah” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Horay dowladda ayaa ciidamo u gaysay waddooyinka lasoo gala caasimada, si ay ula socdaan dhaq-dhaaqa dadka soo galaya iyo kuwa ka baxaya magaalada Muqdisho.

Aabe iyo wiilkiisa oo si arxan darro ah loogu dilay Galgaduud

0

Balanballe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dhacdo kale argagax leh ay maanta ka dhacday gobolkaasi, kadib markii si arxan darro ah aano qabiil darteed loogu dilay Aabe iyo wiil uu dhalay.

Falkan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaan hoostaga degmada Balanballe, waxaana ka dambeeyay maleeshiyaad hubeysan oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Labada marxuum ayaa waxaa  lagu kala magacaabi jiray Cabdullahi Maxamed Lugtii Jiic iyo wiilkiisa Baashi Cabdullahi Maxamed, kuwaas oo lagu dilay deegaanka Labi Kooraale ee gobolka Galgaduud.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in maleeshiyaadka dilka gaystay oo haatan la baadi goobayo ay kasoo jeedaan dhanka degmada Balanballe, kuwaas oo wiilka iyo Aabihiisa u dilay aargoosi aano qabiil ah.

Dilkan ayaa sidoo kale dhaliyay xiisad xoogan oo ka taagan deegaanka, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo madaxda sare ee Galmudug.

Dhowaan ayay ahayd markii sidaan oo kale loo laayay hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay, iyada oo loo beegsaday aano qabiil oo ka taagan gobolka Galgaduud.

Allaha u naxariistee marxuumiintaas ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Hooyo Sahro Cartan Xirsi iyo saddexdeeda gabdhood oo kala ah Nuurto Axmed Maxamuud, Xaawo Axmed Maxamuud & Faa’iso Axmed Maxamuud, iyadoo falkan ay ka argagaxeen shacabka.

Si kastaba, Galgaduud ayaa waxaa ku badan dilalka salka ku haya aanooyinka qabiil, mana jiro illaa iyo hadda tallaabo wax looga qabanayo oo ay qaaday Galmudug.

Imaaraadka Carabta oo loo haysto inuu jebiyay xayiraad saarneyd Soomaaliya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa ku eedeysay Imaaraadka Carabta inuu jebiyay xayiraadda hubka ee saaran dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

Tan ayaa imaneysa kadib markii la ogaaday in qalab milatari oo laga keenay Boqortooyada Ingiriiska oo loo iibiyay Imaaraadka lagu arkay gudaha Soomaaliya, iyadoo uu gacanta u galay kooxo hubeysan oo ka howl-gala Soomaaliya iyo Liibiya.

Warbixin ay soo saareen khubarada Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Imaaraadku uu qayb ka yahay shabakado si qarsoodi ah hubka u kala gudbiya, waxaana marar badan la arkay gaadiidka dagaalka ee nooca Nimr Ajban oo ay soo saarto shirkad Imaaraad ah, oo lagu isticmaalayo dalal ay ka jiraan dagaallo iyo cuna-qabateyn hub.

Warbixinta oo ay akhriyeen xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale xustay in Imaaraadku uu hub British ah siiyay kooxda RSF ee Sudan, taas oo dhalisay su’aalo cusub oo ku saabsan doorkiisa ku aaddan dagaallada gobolka Bariga Afrika iyo Saaxil.

Khubarada Qaramada Midoobay ayaa uga digay in dhaqanka noocan ahi uu khatar ku yahay xasilloonida gobolka, islamarkaana uu sii hurin karo ganacsiga hubka sharci darrada ah ee Soomaaliya, halkaas oo amni darro wali ka jirto.

Dowladda Imaaraadka ayaa si adag u beenisay eedeymahaas, balse dalal reer galbeed ah ayaa cadaadis saaraya in dib loo eego dhoofinta hubka iyo qalabka dagaal ee loo diro Imaaraadka, maadaama uu suuragal yahay in lagu isticmaalo goobaha ay colaadaha ka socdaan, sida Soomaaliya iyo Sudan.

Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer wajahayay eedeymo sheegaya inuu taageero oo uu hubeeyo ciidanka RSF, inkastoo Abu Dhabi ay iska fogeysay ku lug lahaanshaha colaadda. Si kastaba ha ahaatee, baaritaanno dhowr ah ayaa muujinaya doorka istaraatiijiyadeed ee magaalada Boosaaso ay ku leedahay hawl-gallada gobolka ee Imaaraadka.

Sawirro dayax-gacmeed ah oo la daabacay bishii Abriil 2025 ayaa muujiyay diyaarado waaweyn oo xamuul ah oo taagan Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso, taasoo sii kicisay walaaca ah in goobtaasi ay noqotay xarun saadka looga daabulo RSF.

Saldhigga Boosaaso, oo markii hore uu Imaaraadku u dhisay xarun tababar oo loogu talagalay ciidanka badda ee Puntland, ayaa hadda la aaminsan yahay inuu yahay saldhig si buuxda uu Imaaraadku u maamulo oo aysan wax kormeer ah oo macno leh ku lahayn mas’uuliyiinta Soomaalida.

Dhanka kale, warar kale oo soo baxay ayaa sheegaya in falanqeeyayaal sirdoon ay horraantii sanadkan sheegeen inay arkeen Raadaarka Hawlaha Badan ee ELM-2084 (ELM-2084 Multi-Mission Radar) oo lagu sameeyay Israel, kaasoo la dhigay meel u dhow isla saldhiggaas.

Nidaamkan, oo ay samaysay shirkadda ELTA Systems ee laga leeyahay Israel oo awood u leh inuu la socdo in ka badan 1,000 bartilmaameed, ayaa waxaa loo malaynayaa inuu Imaaraadku rakibay iyadoo aysan ka warqabin dawladda federaalka Soomaaliya iyo baarlamaanka Puntland midna.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu oggolaaday meelaynta raadaarka iyadoo la raacayo heshiis qarsoodi ah oo lala galay Abu Dhabi.

Wararkan soo baxay waxay ku soo beegmayaan xilli ay jiraan caddeymo muujinaya istaraatiijiyad ballaaran oo Imaaraadku ku doonayo inuu saameyntiisa ku fidiyo guud ahaan Geeska Afrika.

Xulufo goboleedyada Imaaraadka

Falanqeeyayaasha amniga ayaa ku tilmaamay abuuritaanka Abu Dhabi ee wax ay ugu yeereen “isbahaysiga gooni-u-goosad”, oo ah shabakad ka kooban hoggaamiyeyaal maxalli ah oo awood leh iyo maamul-goboleedyo madaxbannaan sida Somaliland iyo Puntland, kuwaasoo loo adeegsado in lagu muujiyo awoodda Imaaraadka iyadoo laga tallaabsanayo dawladaha dhexe.

Warbixintaasi waxay faah-faahisay sida Imaaraadku u abuuray isbahaysiyo gobol oo uu u maray heshiisyo dekedo, shirkado amni oo gaar loo leeyahay, iyo shabakado maaliyadeed si uu u helo saameyn istaraatiiji ah oo ka soo billaabata Liibiya ilaa Yemen iyo Soomaaliya.

Waxa kale oo ay iftiiminaysaa raadka militari ee sii fidaysa ee Imaaraadka Carabta ee guud ahaan Geeska Afrika, oo ay ku jiraan xarumo militari oo ku fidsan jasiiradaha Suqadara ee Yemen ilaa Berbera oo ku taal Somaliland iyo Boosaaso oo ku taal Puntland.

Saraakiil Colombian ah ayaa qiray in boqollaal askari oo hore ay shaqaaleysiiyeen shirkado gaar loo leeyahay oo ku xiran colaadaha dibadda, iyadoo qaarkood la sheegay inay tababaraan askarta cusub ee RSF, oo ay ku jiraan carruur aan qaan-gaarin, sida ay sheegtay warbaahinta La Silla Vacía.

Wararkan soo shaac baxay ayaa su’aalo cusub ka keenay madax-bannaanida Soomaaliya iyo heerka dhulkeeda loo adeegsan karo hawlgallo militari oo shisheeye.

Dawladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland weli kama aysan hadlin eedeymahan, Imaaraadka Carabtuna weli jawaab rasmi ah kama uusan bixin.

Dagaalka Sudan wuxuu qarxay bishii Abriil 2023, wuxuuna u dhexeeyaa ciidanka RSF oo uu hoggaamiyo Janaraal Maxamed Xamdaan Dagalo (Xameti), iyo Ciidanka Qalabka Sida ee Sudan oo uu hoggaamiyo Janaraal Cabdifataax al-Burhan.

Colaaddu waxay barakicisay malaayiin qof, waxay sababtay macaluul baahsan, waxayna dhalisay in dib loogu kuurgalo doorka shisheeyaha ee lagu eedeeyay inay sii hurinayaan dagaalka.

Ciidamo ka tirsan kuwa Jubaland oo lagu weeraray…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax culus oo maanta ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland lagula eegtay deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo dhaliyay khasaare xoogleh.

Qaraxa ayaa lasoo wariyay in ciidamada lala eegtay xilli ay howlgal ka wadeen halkaasi, waxaana uu haleelay qaar kamid ah kolonyada oo goobta ku burburay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxa uu xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac, kaas oo saacado qaatay, waxaana guul ka kala sheegtay Jubbaland iyo Shabaab.

Qoraal ay baahiyeen Al-Shabaab waxa ay ku sheegeen in qaraxa iyo dagaalka xigay ay ku dileen illaa 5 askari, kuna dhaawaceen 4 kale, sidoo kalena waxa intaasi ku dareen in ay gubeen qaar kamid ah gaadiidka dagaalka oo ay wateen ciidamada maanta la qaraxiyay.

Dhanka kale, saraakiisha ciidamada Jubbaland oo iyana hadlay waxa ay sheegeen in dagaalka ay galeen A-Shabaab ay ku jabiyeen, isla markaana ay goobta ku dileen ugu yraan 6 xubnood, ayna ku dhaawacen 4 kale oo kamid ah xubnaha weerarka soo qaaday.

Ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijin kara sheegashada labada dhinac, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobolka Jubbada Hoose.

Xaalada ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo iyo guluf ay wadaan labada dhinac laga dareemayaa aagga Qooqaani oo ah meesha la’isku fara saaray.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa deegaannada Jubbaland ka socday howlgallo culus oo ay iska kaashanayeen ciidanka maamulkaas & kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

Saciid DENI oo maanta kala diray maxkamadda ciidamada

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kala diray maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus ee maamulkaasi.

Sababta keentay kala dirista maxkamadda ciidamada ayaa lagu sheegay in cabasho isdaba joog ay soo gaartay Madaxweynaha, taasi oo ay la kulmayaan dadka rayidka ah.

“Waxaa la kala diray dhammaan Guddoomiyeyaasha, Garsoorayaasha iyo Xeer- ilaaliyayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee Dowladda Puntland,” ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland.

Go’aannada xabsi-xalaalaynta ah ee la xiriira denbiyada culus ayaa la sheegay in ay gaarayaan maxkamadaha racfaanka ee maamulka Puntland, inta laga soo dhisayo maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus.

Hoos ka akhriso wareegtada:

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 09 ee 28-da Oktoobar 2025, kuna saabsan kala dirida Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Denbiyada Culus ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland:

Markuu arkay: Qodobka 80-aad, faqraddiisa 19-aad iyo Qodobka 87-aad ee dastuurka dowladda Puntland

Markuu arkay: Cabashooyinka taxanaha ah ee caddaalad-darro ee ka imaanaya guddoonka iyo Ggarsoorayaasha maxkamadda ciidamada qslabka sida iyo denbiyada culus.

Markuu tixgeliyey: Baahida dib-u-habeyn ee ka jirta guddoonka iyo xafiiska xeer-ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa la kala diray dhammaan guddoomiyeyaasha, garsoorayaasha iyo xeer- ilaaliyayaasha maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus ee dowladda Puntland.

2. Go’aannada xabsi-xalaalaynta ah ee la xiriira denbiyada culus waxa gaaraya Maxkamadaha Racfaanka ee dowladda Puntland, inta laga soo dhisayo maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus

3. Saraakiishii hore ee garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus ee dowladda Puntland waxay dib ugu laabanayaan talisyadoodii.

4. Xeerkani wuxuu dhaqan-galayaa marka uu madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Khasaare culus oo ka dhashay diyaarad ku burburtay Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) –  Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa diyaarad yar oo maanta ku burburtay degmada Kwale ee gobolka xeebta ee dalka Kenya.

Agaasimaha guud ee hay’adda duulista rayidka ee Kenya Emile Arao ayaa xaqiijiyay in diyaaradda oo lambarkeedu ahaa 5Y-CCA, ayna siday dad dalxiis u socday oo ku sii jeeday Kichwa Tembo oo ka tirsan gobolka Maasai Mara.

Stephen Orinde oo ah guddoomiyaha gobolka Kwale ayaa sheegay in diyaaradda ay ku dhacday qiyaastii meel qiyaastii 6 mayl u jirta magaalada Kwale, iyadoo ka duushay garoon yar oo ku yaalla magaalada Diani.

Waxaa dhintay dhammaan dadkii saarnaa diyaaradda oo ahaa illaa 12 qof, waxayna ahaayeen dalxiisayaal kusii jeeday Maasai Mara oo inta badan loo dalxiis tego.

Sidoo kale, Sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday goobta uu shilka ka dhacay ayaa muujinayo diyaaradda oo gubaneysa.

Weli lama oga halka ama waddamada ay ka soo kala jeedaan, balse dhammaantood waxay ahaayeen dad ajnabi ah oo dalxiis u yimid.

Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay shilkan diyaaradeed, waxaana durba goobta gaaray kooxaha gurmadka.

Dhanka kale, dowladda Kenya ayaa goobta ay ku dhacday diyaaradda u dirtay ciidamo boolis ah waxaana socda gurmad deg-deg ah.

Si kastaa Shilalka nuucaani ah ayaa ku badan gudaha dalka Kenya, waxaana ahayd dhawaan markii diyaarad yar oo ay lahayd hay’adda caafimaadka Amref ay ku dhacday duleedka magaalada Nairobi, taas oo dishay 6 qof isla markaana dhaawacday laba kale.

Kadib weerarkii xalay, Duqa Muqdisho oo guddoomiyey kulan xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka amniga, oo ay goobjoog ahaayeen guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda, ku-xigeenka arrimaha bulshada, xoghayaha guud ee maamulka gobolka iyo guddoomiyeyaasha 20-ka degmo ee caasimadda.

Kulanka ayaa looga hadlay dardar-gelinta qorshayaasha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda iyo degmooyinka gobolka, xoojinta wada-shaqeynta iyo isku xirnaanta maamullada degmooyinka.

Sidoo kale waxaa diirada lagu saaray ka hortagga falalka amni-darrada dhaliya sida maandooriyaha iyo la-dagaallanka burcadda abaabulan ee weerada ku gambada, xilli uu xalay magaalada Muqdisho ka dhacay weerar ay fulisay kooxda Al-Shabaab.

Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa hoosta ka xarriiqay in ilaalinta nabadda iyo degganaanshaha ay aasaas u tahay horumarka guud ee dalka, isla markaana maamulkiisu uu diiradda saarayo gaaridda in bulshadu nabad ku leddo.

Shirka ayaa soo saaray in la sii joogteeyo tallaabooyinka lagu xaqiijinayo nabad-gelyada iyo difaaca shacabka ku nool caasimadda iyo daafaheeda, si’ aan loo wiiqin kobaca iyo horumarka magaalo-madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Kulankan ayaa imanaya xilli ay xalay kooxda Al-Shabaab weerar ku qaadeen kontoroolka Buurta Cali Janaale, oo ka mid ah meelaha muhiimka ah ee laga ilaaliyo amniga caasimadda.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa markii hore adeegsatay baasuukeyaal, waxaana xigay iska horimaad fool ka fool ah oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, kaas oo socday ku dhowaad 30 daqiiqo.

Fariisinka ciidan ee weerarka lagu qaaday waxaa degenaa ciidanka booliska ee gaarka u tababaran ee Haramcad, kuwaas oo si wadajir ah ula shaqeeya ciidanka Polizia Militare ee sugaya amniga magaalada.

Si kastaba, amniga caasimadda oo sanadihii dambe si weyn usoo hagaagayay ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro iyo falal lidi ku ah amniga oo ay fuliyaan dagaal-yahaanada kooxda Al-Shabaab.

Dowladda oo shaacisay inay diyaaradaha ku qasbi doonto…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday qorshe cusub oo lagu doonayo in lagu qasbo shirkadaha diyaaradaha ee gudaha dalka inay qaadaan qudaarta iyo miraha laga soo saaro gobollada.

Qorshahan ayaa looga dan leeyahay in kor loogu qaado amniga cuntada iyo suuq-geynta wax-soo-saarka maxalliga ah, sida uu sheegay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Maxamed Cabdi Xayir.

Wasiirka oo ka hadlayey Madasha Horumarinta Beeraha ee Wasaaraddu qabatay Axaddii, ayaa xusay in beeraha iyo xoolaha ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, hase yeeshee ay jiraan caqabado badan sida dagaallo iyo burbur ku yimid kaabayaasha dhaqaale.

“Diyaaradaha waxaan ku qasbi doonaa inay qaadaan khudaarta gobollada laga soo saaro, si loo geeyo suuqyada dalka. Tani ma aha hadal cusub ee hore ayaan u sheegay,” ayuu yiri Wasiir Xayir, isagoo tilmaamay in shirkadaha diyaaradaha qaarkood aanay danaynin wax-soo-saarka gudaha.

Wuxuu ku eedeeyay shirkadaha diyaaradaha inay mudnaan siiyaan qudaarta laga keeno dalalka shisheeye, halka ay dayacaan midda laga soo saaro Soomaaliya.

“Nasiib-darro ayay tahay in diyaarado Soomaaliyeed ay khudaar dibadda ka keenaan, halka ay Baydhaba ka soo qaadi waayeen,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Wasiir Maxamed Cabdi Xayir.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in la ballaarin doono qeybta suuq-geynta qudaarta iyo miraha si loo kordhiyo wax-soo-saarka iyo tayada dalagyada gudaha, isagoo xusay in qorshahan uu qayb ka yahay dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo amniga cuntada iyo horumarinta dhaqaalaha reer miyiga, gaar ahaan suuqyada gudaha, si loo kordhiyo dakhliga iyo shaqo-abuurka bulshada reer miyiga.

Soomaaliya ayaa weli soo dhoofsata qudaar iyo miro, inkastoo ay leedahay dhul bacrin ah oo dabooli kara baahida gudaha haddii si buuxda loo maalgashado.