25.4 C
Mogadishu
Wednesday, October 29, 2025

Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda caafimaad ee Trump kadib arrin soo shaac baxday

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa Talaadadii ka hadlay wararka isa soo taraya ee ku saabsan xaaladdiisa caafimaad, xilli uu wariyeyaasha kula hadlayay qolka Oval Office ee Aqalka Cad, taasoo ahayd markii ugu horreysay ee uu bulshada horteeda ka soo muuqdo muddo toddobaad ah.

Ka hor intii aanu su’aalo ka jawaabin, Trump ayaa ku dhawaaqay in Taliska Hawada Sare ee Mareykanka (U.S. Space Command) laga wareejin doono Colorado, lana gayn doono Alabama. Wariyaha Fox News, Peter Doocy, ayaa weydiiyay madaxweynaha warar xan ah oo internet-ka ku faafay intii lagu jiray fasaxa, kuwaas oo sheegayay inuu geeriyooday.

Trump ayaa sheegay inuusan maqal wararkaas.

“Waan maqlay, waa wax lala yaabo, laakiin toddobaadkii hore waxaan qabtay shir-jaraa’idyo dhowr ah,” ayuu yiri madaxweynuhu. “Markii aan labo maalmood wax shir ah qaban waayay, waxay isla markiiba dhaheen ‘waxaa hubaal ah in wax ka qaldan yihiin’.”

Trump ayaa sheegay inuu “aad u firfircoonaa dhammaadkii asbuuca,” isagoo xusay inuu booqday garoonkiisa Golf-ka ee Virginia, sidoo kalena uu qoraallo badan soo dhigay bartiisa Truth Social, ka hor inta uusan u soo laaban ka jawaabista xanta ku saabsanayd geeridiisa.

“Middaas ma aanan maqlin,” ayuu yiri madaxweynuhu. “Taasi waa arrin aad u culus.”

Fariin kooban oo uu Axaddii soo dhigay bartiisa Truth Social, ayuu Trump ugu muuqday mid beeninaya mala-awaalkii la xiriiray xaaladdiisa caafimaad ee sii xumaanaysa.

“NOLOSHAYDA OO DHAN MA JIRTO MAR AAN KA CAAFIMAAD FIICANAHAY HADDA,” ayaa lagu yiri fariinta uu baahiyay madaxweynaha, kaasoo maalmo aan qaban wax munaasabado rasmi ah oo fagaare ah.

Sabtidii, ayaa sawir laga qaaday Trump oo ay la socoto gabar uu awoowe u yahay, iyagoo ka soo baxayay Aqalka Cad kuna sii jeeday garoonkiisa Golf-ka ee Sterling, Virginia. Dhanka kale, Axaddii ayuu madaxweynuhu soo dhigay sawir isaga iyo tababarihii hore ee horyaalka NFL, Jon Gruden, oo ku wada sugan garoonka Golf-ka, inkastoo aan la ogeyn xilliga rasmiga ah ee sawirka la qaaday.

Bishii Luuliyo, Aqalka Cad ayaa shaaciyay in Madaxweyne Trump laga helay cudurka chronic venous insufficiency (daciifnimada joogtada ah ee xididdada), kaasoo ka dhasha marka ay xididdada lugaha ku adkaato inay dhiigga dib ugu celiyaan wadnaha. Qoraal uu soo saaray dhaqtarka Trump, Sean Barbabella, wuxuu ku sheegay inay tahay xaalad “aan halis ahayn” oo ku badan dadka da’doodu ka weyn tahay 70-ka sano.

Barbabella wuxuu sheegay in madaxweynaha la marsiiyay baaritaan caafimaad oo dhammaystiran.

“Waxa ugu muhiimsan, ma jirin wax caddeyn ah oo muujinaya dhiig-xinjirowga xididdada hoose (deep vein thrombosis) ama cudurrada halbowlayaasha,” ayuu yiri. “Madaxweyne Trump wuxuu weli ku jiraa xaalad caafimaad oo heer sare ah.”

Shaacintan ayaa timid ka dib markii sawirro muujiyeen barar ka muuqda qeybta hoose ee lugaha Trump.

Sidoo kale, sawirro horraantii sanadkan muujiyay nabarro ka muuqday dusha gacanta midig ee Trump ayaa huriyay hadal-hayn ku saabsan caafimaadkiisa. Xilligaas, afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, waxay sheegtay in nabarradaas ay sababeeyay “gacan-qaad joogto ah oo uu madaxweynuhu sameeyo maalin walba.”

Qoraalkiisa, Barbabella wuxuu ku sheegay in nabarradu ay “la jaanqaadayeen cuncun fudud oo unugyada jilicsan ee maqaarka kasoo gaaray gacan-qaadka joogtada ah,” isla markaana ay yihiin saameyn caan ah oo ka dhalata isticmaalka daawada Asbiriinka, oo uu u qaato ka-hortag ahaan cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga.

Nabarradaas ayaa mar kale kasoo muuqday sawirro la qaaday 25-kii Agoosto, taasoo sii hurisay wararkii xanta ahaa ee dhowaanahan ku baahsanaa baraha internet-ka.

Sawirro Talaadadii lagaga qaaday gacanta midig ee Trump gudaha Xafiiska Oval Office, laguma arag wax nabarro ah oo muuqday.

 

DF Soomaaliya, Somaliland iyo Puntland oo fasaxay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamullada Somaliland iyo Puntland ayaa shaqaalaha dowladda ku wargeliyay in ay fasax ka yihiin shaqada maalinta berri ah.

Fasaxan ayaa ku beegan xuska dhalashada Nebbi Muxamed (Naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee), taas oo ku aaddan 12 Rabiicul Awwal, 1447 Hijriya.

Shaqaalaha dowladda ayaa shaqada dib ugu soo laaban doona maalinta Sabtida ee ku taariikhaysan 06 September, 2025.

Dhinaca kale, qoraal kasoo baxay Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Somaliland ayaa waxaa si gaar ah loogu wargeliyay dhammaan loo-shaqeeyayaasha iyo shaqaalaha in ay xuska dhalashada nebiggeena suuban awgeed ay fasax ka ahaan doonaan goobaha shaqada maalinta Khamiista.

“Xuskan waxa uu daaran yahay weyneynta iyo karaamaynta maalinka dhalashadda nebiggeena suuban ee Muxamed (NNKH), kaas oo ku weyn quluubta shucuubta Islaamka meel kasta oo ay joogaan, waajibna ka saaran yahay in hab diini ah loo xuso, laguuna qaabilo, Idamka Alle,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey maalmaha fasaxa ugu dartay Mowliidka, iyadoo shaqaalaha rayidka ah ee dowladdu fasax ka yihiin shaqada maalintaas.

Si kastaba, 12-ka bisha Mowliid, sida caadiga ah dhamaan dadka Soomaaliyeed waxay xusaan dhalashadii Nabigeenna Muxamed NNKH, waxaana xuskaan caan ku ah culimada Ahlusunna Waljamaaca iyo dhamaan umadda muslimiinta ah ee jecel Nabigooda.

Mas’uul ka tirsan maamulka Puntland oo maanta is-casilay

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maayirka degmada Gaalkacyo ee dhinaca Puntland, Maxamed Cabdirisaaq Daacad, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii uu warqad is-casilaad ah si hoose ugu gudbiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Daacad ayaa maalintii shalay shir deg-deg ah la yeeshay xubnaha golaha degaanka magaalada, halkaas oo uu ku soo bandhigay rabitaankiisa ah inuu xilka ka dago. Si kastaba, kulankaasi waxa uu galay jahawareer iyo buuq markii qaar ka mid ah xildhibaanada taageersan maayirka ay ka hor yimaadeen tallaabadiisa.

Is-hor istaaggaas ayaa sabab u noqday in kulankaas lagu kala tago natiijo la’aan, iyadoo aan go’aan rasmi ah laga gaarin is-casilaadda uu soo jeediyay.

Xog lagu kalsoon yahay ayaa muujinaysa in Daacad uusan ka tanaasulin go’aankiisa, balse uu si qarsoodi ah warqaddiisa iscasilaadda ugu wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland. Tallaabadan ayaa meesha ka saartay jahawareerkii ka dhashay kulankii golaha.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa la xaqiijiyay inay aqbashay codsiga is-casilaadda ee uu gudbiyay maayirku. Aqbaliddaas ayaa soo afjartay xiisaddii siyaasadeed ee ka taagnayd gudaha golaha deegaanka Gaalkacyo.

Go’aanka Daacad ayaa yimid xilli uu wajahayay mooshin ka dhan ah oo ay diyaariyeen xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka. Mooshinkaasi ayaa lagu eedeeyay maayirka, waxaana cadaadis badan kusii kordhay saaxadda siyaasadeed ee magaalada.

Si kastaba, is-casilaadda Maxamed Cabdirisaaq Daacad ayaa si rasmi ah u dhaqan gashay, taas oo ka dhigan in Gaalkacyo ay u baahan tahay hoggaan cusub oo buuxiya booskii uu baneeyay maayirkii hore.

NISA oo dishay madax Shabaab ah oo si weyn loo raadinayay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka (NISA) ayaa shaacisay in howl-gal qorsheysan lagu khaarajiyay afar horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo kamid ah madaxda kooxda ee sida weyn loo raadinayo.

Howl-galka oo si gaar ah loo qorsheeyay ayaa ka dhacay deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay horjoogayaasha Shabaabka iyo maleeshiyaad badan.

Howl-galkan oo ay iska kaashadeen ciidanka hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamka ayaa waxaa lagu dilay horjooge Cabdullaahi Xasan Cumar, oo Al-Shabaab ugu magacownaa waxa ay ugu yeeraan Amniyaadka Hirshabeelle.

Sidoo kale waxaa howl-galka lagu dilay horjooge lagu soo koobay magaciisa Cusaam, oo ka tirsanaa qaybta Maaliyadda; iyo labo horjooge ah, kuwaasi oo kala ahaa Horjooge Qudaame Dheere iyo Cabdul Ladhiif.

Ciidamada ayaa si gaar ah u beegsaday xarun ay horjoogeyaashan ku sugnaayeen, iyada oo si buuxda loo soo afjaray dhammaan horjoogeyaashan iyo ku dhowaad 10 ka tirsan maleeshiyaadka Argagixisada.

Howl-galkan ayaa qeyb ka ah bartilmaameedyada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka ay kula dagaalamayaan kooxda Al-Shabaab.

Daawo: Geelle oo si heer sare ah u qaabilay Qoor-Qoor

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa waxaa maanta si heer sare ah u qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulankan oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyada dalkaasi ayaa labada madaxweyne uga wada-hadleen arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan kor u qaadista xiriirka labada dhinac.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale diirada saaray dagaalka kooxda Al-Shabaab iyo howl-gallada xoreynta Soomaaliya, maadaama ay Jabuuti qeyb ka tahay dalalka ciidamadoodu nabad ilaalinta u joogaan dalka.

Madaxweynaha Qoor-Qoor ayaa uga mahad-celiyay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, dadaalka uu ku bixinayo dhismaha dowladdnimada Soomaaliya iyo garab istaaga shacabka Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb-galay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Jabuuti iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Galmudug.

Maalin ka hor ayay aheyd markii Maraxweyne Qoor-Qoor iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo uu gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jabbuuti, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweyne Geelle.

Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir wanaagsan, ayada oo kaalin weyn ka soo qaadatay dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya kadib bur-burkii dalka, waxay sidoo kale qeyb ka tahay howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM.

Hoos ka daawo muuqaalka

Madaxweyne Firdhiye oo durba bilaabay abaal-gudka Xasan Sheekh + Sawirro

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdulqaadir Axmed Aw-cali (Firdhiye) ayaa durbadii qaaday tallaabo uu ugu abaal gudayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kadib guushiisii oo ay ka taageertay dowladda dhexe.

Firdhiye oo ka duulayo garab istaaga Villa Somalia ayaa haatan u dhaqaaqay inuu soo celiyo abaalka la gashtay, wuxuuna maanta guda galay inuu fuliyo qorshaha doorasho ee Xasan Sheekh.

Madaxweynaha  Maamulka Waqooyi Bari ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray goobaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha dadweynaha, wuxuuna isku diiwaan geliyay doorashada qof iyo codka ah ee ay haatan qorsheyneyso inay dalka gaarsiiso kooxda Villa Soomaaliya.

“Waxaa sharaf weyn ii ah inaan si rasmi ah u daahfuro diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka DG Waqooyi Bari. In shacabka talada loo soo dhaweeyo oo ay doortaan cid kasta oo ku metelaysa golayaasha deegaanka, Wakiilada iyo Baarlamaanka Federaalka waa waajib ku xusan Dastuurka Waqooyi Bari iyo kan Qarankaba,” ayuu yiri C/qaadir Firdhiye.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in reer Waqooyi Bari ay wacdaro ka dhigi doonaan goobaha diiwangelinta, isla markaana ay la shaqeyn doonaan dowladdooda.

“Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa in Waqooyi Bari ay wacdaro ka dhigi doonto doorashooyinka heer Dawlad Goboleedka iyo kuwa qarankaba ayna ka cod bixin badanto maamulo badan oo dalka ah” ayuu mar kale yiri Madaxweynaha Waqooyi Bari Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray shacabka oo uu ugu baaqay inay qaataan shahaadada isdiiwaangelinta, si ay u helaan xuquuqda dastuuriga ah ee muddada dheer ka maqneyd.

“Waxaan ugu baaqaayaa dhammaan shacabka Waqooyi Bari in ay is-diiwaangeliyaan oo ay noqdaan codeeyayaal codkooda ku doorta cidda metelaysa” ayuu sii raaciyay.

Cabdulqaadir Firdhiye ayaa toos ugu xiran Villa Somalia, wuxuuna horay ugu biiray Xisbiga uu dhisay Xasan Sheekh Maxamuud ee JSP, isagoo taageeradaas ku caana maalay, maadaama uu mar kale ku guuleystay inuu sii hogaamiyo maamulkan cusub.

Si kastaba, Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaare Xamse ayaa la filayaa inay dhawaan gaaraan magaalada Laascaanood, iyaga oo ka qayb-geli doono caleema saarka Firdhiye, sida uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Cabdullaahi Timacadde oo ku bogaadiyey Dowladda kaalintii ay ku lahayd dhismaha Waqooyi Bari.

Kiiska yaabka leh ee ‘naagta Sacuudiga’ ee qabsaday maxkamadda ciidamada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta guda gashay kiis xasaasi ah oo la xiriira rag loo haysto inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, waxaana kasoo muuqday nin odey ah oo Nabadoon ah, kaas oo taleefankiisa gaarka ah laga helay ‘lambarada xubno halis ah oo ka tirsan Al-Shabaab’ iyada oo mid kamid ah ay ugu qorneyd “Naagta Sacuudiga” arrintaas oo dhalisay hadal-heyn xoogleh.

Nabadoonka lasoo eedeeyay ayaa waxaa lagu magacaabaa Diini Xasan Axmed Hilowle, wuxuuna ka mid yahay 135-ta oday ee u diiwaangashan wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, iyada oo loo haysto inuu ahaa basaas ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kalena gabaad siin jiray maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee yimaada Muqdisho.

Kiiskan ayaa waxaa hormuud u ah Maxamed Deeq Axmed Jeelle oo magaciisa afgarshadu yahay (Xidig), kaas oo ah farsamaqaan qaraxyada u sameyn jiray Al-Shabaab, waxaana sidoo kale dhalay horjooge ka tirsan kooxda oo fadhiya Maktabka Dabagalka, sida ay sheegtay xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada oo soo bandhigtay caddeymo waa wayn.

Xidig oo soo galay gacanta dowladda ayaa kasoo shaqeeay meelo kala duwan, illaa dalka Kenya oo uu geeyay qaraxyo, sida laga hor sheegay Maxkamadda Ciidamada oo baahisay muuqaallo ay ku jiraan macluumaad dheeraad ah iyo dukumintiyo muhiim ah.

Eedeysanaha ayaa hadda laga qabtay Muqdisho dhexdeeda, wuxuuna la noolaa Nabadoon Diini Xasan oo isna hadda eedeysane ah, kana soo muuqday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, walow uu dafiray dhammaan eedaha waa wayn ee loo soo jeediyay.

Nabadoonka ayaase qirtay inuu aqoon u leeyahay Xidig, ayna qaraabo yihiin, sidoo kalena uu garanayo Aabihiis oo hadda ah horjooge sare oo weli jira dhanka Al-Shabaab.

“Axmed Jeelle waxaa igu dambeysay 2016-kii wuu isoo wacay markii la xiray wiilka, qaarabada waa iska war haysaa anne waa maqlay in la xiray, wuxuu igu yiri wiilkeyga ayaa xiran odayaasha qaraabada ah waxaa ka codsanayaa inay wiilka raadiyaan” ayuu yiri Diini.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Lambarkeyga waxaan aaminsanahay oo hadda ay hay’adda NISA iigu timid canugan ayaa la wareystay oo yiri adeerkey waayay nabadoonkeyga waayay sidaas in laygu soo xiray”.

Intaas kadib xeer ilaalinta ayaa soo bandhigtay caddeymo ay hayso, waxaana ku jiray lambaro laga helay taleefanka Nabadoonka, kuwaas oo ay ugu qornaayeen magacyo yaableh, sida “Naagta Sacuudiga” isaga oo sheegay inay tahay gabar uu shukaansado oo Sacuudiga ka timid, balse uu ka qarinaayay xaaskiisa, si aysan uga maseerin, sida uu ku dooday.

“Lambarka waxaa ku qoran naagtii Sacuudiga gabar aan shukaansaday weeye xaaskeygana inay joogtaa laga yaabaa gabadhaas Suuq Liif ayay joogtaa naagtaas waa la wici karaa xitaa ama waa loo tagi karaa” ayuu yiri Nabadoonka loo haysto Shabaabnimada.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Naagta Sacuudi ayay ka timid aniga waxaa ugu talagalay inaan isku qariyo, maadaama aan xaas leeyahay”.

Dhankale, xeer ilaalinta Maxkamadda oo ka hortimid arrintan ayaa sheegtay in lambarada kale ee laga helay taleefankiisa uu ku jiro nin lagu magacaabo Abuu Hani oo isna odey ah, kaas todobaadkii hore lagu xukumay xabsi daa’in kadib markii lagu helay inuu la shaqeyn jiray Shabaab, isla markaana raggooda is qarxiya uu gayn jiray bartilmaameedyada ay rabaan ee magaalada Muqdisho, sida hoteellada iyo goobaha kale ee muhiimka ah.

Kiiskan yaabka leh ayaa dhaliyay hadal-heyn xooggan, waxaana dadka ay ka fal-celiyeen arrinta “Naagta Sacuudiga” ee hareysay doodda Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Garyaqaan Yaasiin Yare: “Odey Diini kiiska loo heysto waxaa kaga daran islaanta uu qabo, haddii la deeyo odeyga wuxuu sii wajihi doonaa su’aalo la xiriira naagta Sacuudiga.”

Cabdixakiin Maxamuud: “Odeyga 2 baxar ayuu isku dul galay maxkamada Shuute kadib maxkamada naagtaada isku diyaari”.

Xamdiya Abshir: “Shuute haddii uu ka badbaado maxkamad kale sugee odeyga fuusto iska riixay mid kale neh wuu isku soo riixay islaanta Sacuudiga kulahaa”.

Cabdisalaan Qoorsool: “Laba daran mid dooro weeye !!Balse wuxuu door biday intii xabsi la gelin lahaa, inuu xaasaskii uu kala qarin jiray sheego!!”.

Jaamacadda Carabta oo qaaday tallaabo taariikhi ah oo Soomaaliya ku wajahan

0

Qaahira (Caasimada Online) – Ururka Jaamacadda Carabta ayaa tirtiray 75% daynta lagu lahaa Soomaaliya, arrin uu safiirka Soomaaliya ee Masar iyo wakiilka joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Cali Cabdi Awaare, ku tilmaamay “guul taariikhi ah.”

Safiir Awaare ayaa hadalkan ka jeediyey kulankii 164-aad ee joogtada ah ee Wakiillada Ururka oo Talaadadii ka dhacay magaalada Qaahira.

Wuxuu uga mahadceliyey Jaamacadda Carabta iyo dowladaha xubnaha ka ah taageerada ay siiyeen codsiga Muqdisho ee ahaa in laga cafiyo deymo ku urursanaa 38 sano oo ku baxayey khidmadaha xubinnimada sanadlaha ah ee aan la bixin.

Jaamacaddu waxay ansixisay in 75% laga dhaafo deyntaasi.

Inkasta oo aan si cad loo shaacin cadadka guud ee Soomaaliya ku lahayd Jaamacadda Carabta, haddana Awaare ayaa xusay in cafiskaasi uu ka dhashay “dadaallo diblomaasiyadeed oo joogto ah” oo ay safaaradda Soomaaliya ee Qaahira wadaysay, taasoo waafaqsan tilmaamaha hoggaanka qaranka Soomaaliya.

Deyntan ayaa la sheegay inay ku soo ururtay Soomaaliya muddo ku dhow afartan sano, xilli dalka uu wajahayay dagaallo sokeeye iyo burbur dhaqaale oo joogto ah.

Tan iyo 1991-kii, markii dowladdii dhexe ay dhacday, Soomaaliya ma aysan awoodin inay bixiso waajibaadkeeda xubinnimo ee Jaamacadda Carabta, taasoo deynta sii kordhisay sannadba sannadka ka dambeeya.

Sidoo kale, waxaa jiray isku dayo hore oo lagu yareeyo deyntan, balse tani waa markii ugu horreysay ee Jaamacadda Carabta ay qaaddo tallaabo ballaaran oo 75% ka cafis ah, taasoo muujinaysa taageerada ay dowladaha Carabtu u hayaan dib-u-soo kabashada Soomaaliya.

Go’aankan cafiska ah ayaa loo arkaa inuu qayb ka yahay dadaallada Soomaaliya ay ku dhimayso culayska daynta caalamiga ah, gaar ahaan iyadoo ku jirta barnaamijka Deyn Cafiska Adduunka (HIPC Initiative) ee ay hoggaamiyaan IMF iyo Bankiga Adduunka.

Khabiirro dhaqaale ayaa sheegaya in tallaabadan ay Soomaaliya u sahli karto inay hesho maalgelin iyo taageero cusub oo caalami ah, maadaama wadamada daynta leh ay arkaan in dalka uu si dhab ah u wado dadaal lagu hagaajinayo dhaqaalaha.

Waxaa sidoo kale la filayaa in lacagaha badbaada laga helo bixinta dayntan lagu maalgaliyo adeegyada bulshada, sida waxbarashada, caafimaadka iyo dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, kuwaas oo muddo dheer hoos u dhacay.

Soomaaliya waxay ku biirtay Jaamacadda Carabta sanadkii 1974, 14 sano kaddib markii ay qaadatay madaxbannaanideeda, waxaana maanta tallaabadan lagu tilmaamay mid muujinaysa in dalka dib loogu soo celinayo kaalintiisii muhiimka ahayd ee ururrada gobolka.

Maydka gabar Soomaali ah oo laga helay hoteel ku yaalla magaalada Nairobi

0

Nairobi (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo Isniintii ka dhacday gudaha Nairobi, kadib markii mid kamid ah hoteellada ku yaal magaaladaasi laga helay maydka gabar Soomaali ah oo si xun loo dilay.

Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Farxiyo Axmed, waxaana laga helay iyada oo mayd ah qolka huteel ku yaalla xaafadda South B ee magaalada Nairobi, subaxnimadii Isniinta, eee kowdii bishaan September, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Warbixinno hordhac ah oo laga helay dhanka Booliska ayaa muujinayo in Farxiyo ay hoteelka gashay habeenimadii Axadda, 31-kii August 2025-ka, waxaana la socday nin u dhashay dalka Kenya oo magaciisa lagu sheegay Chelsea Mwangi .

Sidoo kale maamulka hoteelka ayaa Booliiska u xaqiijiyay in Mwangi uu bixiyay lacag dhan 400, ka hor inta aysan labada qof qolka kiraysan, kadibna ay halkaasi ku wada hoydeen labadooda.

Intaasi kadib ayaa haweeney shaqaale ah oo hawlo nadaafadeed ku jirtay waxa ay ka war heshay in albaabka qolka uu furan yahay, kadibna markii ay gudaha u gashay ay aragtay meydka Farxiyo oo sariirta dul yaalla, iyadoo uu dhiig ka qubanayay afka iyo sanka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in uu baxsaday eedeysanaha, waxaana ehellada marxuumadda ay dalbanayaan cadaalad, si loo soo qabto ninka lagu tuhmayo falkaasi.

Waxaa haatan socda baaritaanno dheeraad ah oo lagu hayo eedeysanaha, waxaana dhacdadan dabagal ku haya saraakiisha Booliska ee dalka Kenya.

Kenya ayaa marar badan oo hore waxaa ka dhacay dhibaatooyin kala duwan oo loo gaystay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugan Nairobo, kuwaas oo loo gaystay dil iyo afduub.

Iska hor imaad hubeysan oo ka dhacay Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa isku dhacyo hubeysan oo maanta barqadii ka dhacay xaafadda Buundoweyn ee magaalada Baledweyne.

Dagaalka ayaa dhex maray ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya iyo koox maleeshiyaad ah oo taageero ka helayay qaar ka mid ah askarta militeriga gobolka Hiiraan.

Labada dhinac ayaa rasaas xooggan is weydaarsaday intii uu socday iska hor imaadkaasi, waxaana la xaqiijiyay in uu ku dhaawacmay sarkaal ka tirsan Booliiska magaalada iyo qof rayid ah.

Sarkaalka dhaawacmay ayaa la sheegay inuu ahaa macallin tababare ka tirsan ciidamada Booliiska Soomaaliya, kaas oo lagu magacaabo Dhaqane Cabdullaahi Wehliye, waxaana loo yaqaannaa Xiirane.

Isku dhaca ayaa ka dhashay kadib markii maleeshiyaadka hubeysan ay ka hor istaageen koox injineerro ah oo ku hawlanaa cabbirka wado laami ah oo la qorsheynayo in dhawaan laga hirgeliyo xaafadda Buundoweyn.

Ilaa hadda ma jirto wax faah-faahin ah oo ka soo baxay laamaha amniga magaalada Baledweyne ku saabsan dhacdadan maanta ka dhacday halkaasi.

Mareykanka oo soo saaray xeer quseeya Soomaalida dooneysa fiisaha socdaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonaya fiisaha socdaalka Maraykanka ayaa laga bilaabo 1-da Nofeembar 2025 lagu qasbi doonaa inay u safraan Nairobi si ay halkaas ugu galaan wareysiyada, kadib markii Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ay ku dhawaaqday xeerar cusub oo ballaaran.

Isbeddelkan siyaasadeed wuxuu dhigaya in dhammaan codsadeyaasha looga baahan yahay inay wareysiga fiisaha ku galaan xarunta qunsuliyadda Maraykanka ee mas’uulka ka ah dalka ay ku nool yihiin, ama — haddii ay doortaan — dalka dhalashadooda. Soomaaliya oo aan lahayn safaarad Maraykan oo si buuxda u shaqaysa, ayaa Nairobi loogu asteeyey xarunta dhexe ee habaynta codsiyada.

Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ayaa hadda qaban doonta wareysiyada fiisaha socdaalka ee aan kaliya Kenyanka ahayn, balse sidoo kale muwaadiniinta ka imaanaya Soomaaliya iyo Koonfur Suudaan. Muwaadiniinta Eritrea waxaa lagu qaabili karaa Nairobi ama Addis Ababa, halka kuwa Suudaan loo gudbin doono Qaahira. Muwaadiniinta Suuriya ayaa loo dirayaa Amman, halka xaalado gaar ahna loogu oggolaan karo Beirut.

Qorshayaal la mid ah ayaa caalamka laga hirgeliyey: Afghanistaan waxaa lagu qaabili doonaa Islamabad, muwaadiniinta Belarus magaalada Warsaw, kuwa Haiti Nassau, Iran Abu Dhabi, Ankara ama Yerevan, Venezuela Bogotá, Yemen Djibouti, halka Zimbabwe ay wareysiyada ku geli doonaan Johannesburg.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in isbeddelkan loogu talagalay in lagu mideeyo habraacyada fiisaha, isla markaana loo caddeeyo muwaadiniinta ka imaanaya dalalka aan lahayn adeegyo qunsuliyadeed oo joogto ah. Hore, qaar ka mid ah codsadeyaasha ayaa dooran jiray meelo kale oo saddexaad oo u fudud wareysiga.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladaha bani’aadannimo, caafimaad ama siyaasadda dibadda ayaa weli la tixgelin doonaa, balse codsadeyaasha waa inay keenaan caddeymo xooggan oo taageeraya codsigooda in wareysiga lagu qabto meel ka baxsan xarunta loo asteeyey.

Xeerarkan cusub ma saamayn doonaan ballamaha hore loo qabtay. Xarunta Qaranka ee Fiisaha (National Visa Center – NVC) ayaa sii wadi doonta dejinta ballamaha cusub iyadoo la raacayo tilmaamaha la cusboonaysiiyey. Kuwa doonaya inay kiisaskooda u wareejiyaan kadib ballan-dejin waa inay soo gudbiyaan Foomka Baaritaanka Dadweynaha (Public Inquiry Form) ee NVC.

Isbeddeladan ayaa sidoo kale lagu dabaqi doonaa codsadeyaasha fiisaha lottery-ga (Diversity Visa – Green Card Lottery) laga bilaabo barnaamijka DV-2026, taas oo micnaheedu yahay in guuleystayaasha Soomaaliyeed ay khasab ku tahay inay wareysiyadooda ku galaan Nairobi.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku boorrisay dhammaan codsadeyaasha inay si joogto ah ula socdaan bogagga safaaradaha iyo qunsuliyadaha si ay u helaan warbixinno ku saabsan shuruudaha fiisaha, adeegyada iyo xaaladda shaqo. Waxaana lagu adkeeyey in tilmaantan cusub ay meesha ka saarayaan dhammaan hannaankii hore ee ku saabsanaa habaynta wareysiyada fiisaha socdaalka.

Sawirro: Xasan Sheekh oo maanta warqadaha aqoonsi ka guddoomay laba Danjire

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo laba safiir oo loo soo magacaabay Soomaaliya.

Labada safiirka ayaa kala ah: Safiirka cusub ee Midowga Yurub (EU) u fadhiya Soomaaliya Danjire Francesca Di Mauro iyo Safiirka cusub ee Boqortooyada Nederland ee Soomaaliya Danjire Henk Jan Bakker.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa safiirrada ugu hambalyeeyey in ay ka mid noqdeen diblumaaaiyiinta ka howl-gala Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay wada-shaqeyn iyo soo dhawayn wanaagsan kala kulmayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Danjireyaashan ayaa dhankooda uga mahad-celiyey Madaxweynaha qaabilaadda uu u sameeyey, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan xoojinta iskaashiga nabadda, horumarka iyo dib-u-dhiska.

Midowga Yurub ayaa ka mid ah dhinacyada sida weyn u taageera Soomaaliya, gaar ahaan dhanka ammaanka, isagoo dhaqaale badan ku bixiya howl-galka ATMIS, kaas oo uu horay u siiyay ku dhawaad 2.87 bilyan oo dollar tan iyo 2007.

Si kastaba, madaxweynaha ayaa muddooyinkii dambe qaabilayay safiirada cusub ee dalalka caalamka u soo magacaaban Soomaaliya oo haatan soo kabsaneysa, isla markaana xiriir diblumaasiyadeed oo qota dheer la’leh dalal badan oo caalamka.

Taliyaha cusub ee AFRICOM oo soo gaaray Muqdisho + Qorshaha Mareykanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee howlgalka Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee (AFRICOM) Jenaral Dagvin Anderson oo soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in maanta uu kulan la yeesho Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa labada mas’uul ku wehlin doono Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jnaraal Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiil kale oo Mareykan ah oo wafdiga qayb ka ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka ayaa sheegaya in labada dowladood ee Soomaaliya iyo Mareykanka ay ka wada-hadlayaan dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda dalka.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada-hadli doono wada shaqeyntooda, maadaama uu isbeddal ku yimid hoggaanka Taliska AFRICOM, oo si weyn muhiim ah ugu ah howlgallada socda, maadaama dhanka hawada ay ka taageeraan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka horreeyay kulamo kale oo hordhac oo Anderson la yeeshay saraakiisha Maraykanka ee jooga Soomaaliya, kuwa Midowga Afrika ee AUSSOM iyo diblumaasiyiin kale.

Ujeedka kulamadaas ayaa ahaa isbarasho, kaddib waxa uu kala hadlay sidii loo dardargelin howlgallada lagu beegsanayo Shabaab iyo amniga guud ee dalka.

Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa waxaa ka dhexeeya wada shaqeyn xooggan, waxaana sidoo kale Washington ay taageero milatari siisaa Dowladda Federaalka, waxaana intaas dheer in sidoo kale ay ka qayb qaadato dagaalka tooska ah ee lagula jiro argagixisada.

Afarta xeelad ee Firdhiye u sahashay in uu ku guuleysto doorashadii Waqooyi Bari

LAASCAANOOD, Soomaaliya — Soo bixitaankii Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) iyo ku guuleysigiisii xilka madaxweynaha ee maamulka cusub ee Waqooyi Bari kuma imaan nasiib, balse waa cashar muujinaya sida xeeladdu uga adkaato maqaamka iyo magaca.

Firdhiye, oo markii hore loo arkayay hoggaamiye ku-meel-gaar ah oo aan mustaqbal lahayn, ayaa ka fajaciyay siyaasiyiin ruug-caddaa ah markii uu hirgeliyay qorshe si xeeladaysan loo soo diyaariyay.

Guushiisu waxay ku taagnayd afar tiir oo asaasi ah: isbahaysi lala yeeshay dowladda dhexe, waji cusub oo loo yeelay saaxadda doorashada, gacan ku haynta buuxda ee goobtii codbixinta, iyo awood dhaqaale oo aanay gaari karin xulafadiisii la tartamaysay.

Xulafaysiga Muqdisho

Tallaabadiisii ugu horreysay ee istaraatiijiga ahayd waxay ahayd inuu kasbado taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya. Isagoo garwaaqsan in maamulkiisu aanu lahayn aqoonsi rasmi ah, wuxuu si degdeg ah isugu xiray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, xilli ay hoggaamiyeyaasha kale ee maamul-goboleedyadu ka gabannayeen.

Go’aankaasi wuxuu noqday mid miro-dhal ah. Daacadnimadii uu muujiyay darteed, Firdhiye waxaa loo gogol-xaaray saaxadda siyaasadda qaran. Wuxuu kursi ka helay Golaha Wadatashiga Qaranka (National Consultative Council), wuxuu ku biiray xisbiga madaxweynaha, waxaana loo aqoonsaday madaxweyne sharci ah. Taageeradaas heer federaal waxay siisay wax aysan haysan xafiiltamayaashiisu: gabbaad siyaasadeed, sharciyad, iyo dhaqaale.

Halka ay tartamayaashiisu ololahooda ku saleeyeen arrimo deegaan oo keliya, Firdhiye wuxuu isu muujiyay sidii buundo isku xirta SSC-Khaatumo iyo Muqdisho, isagoo wax markii hore loo arkayay daciifnimo u rogay awooddiisii ugu weyneyd.

Ballaarinta fagaaraha loollanka

Iyadoo ay xafiiltamayaashiisu ku loollamayeen saldhigyadii siyaasadeed ee soo jireenka ahaa ee Sool iyo Cayn, Firdhiye wuxuu gebi ahaanba beddelay xeerarkii ciyaarta. Wuxuu diiradda u weeciyay gobolka Sanaag, oo ah deegaan inta badan siyaasad ahaan la dayaco, balse xagga tirada miisaan culus ku fadhiya.

Tallaabadiisii ugu caqliga badnayd waxay ahayd markii uu ku-xigeenkiisa u diyaariyey Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaan), oo ka soo jeeda Sanaag. Abwaan wuxuu si aamusan u dhisay shabakaddii ololaha ee heerka hoose, isagoo si hufan u maareeyay xulista ergooyinka iyo abaabulkooda.

Tartamayaashiisu waxay dhayalsadeen saameynta Abwaan iyo miisaanka codadka Sanaag labadaba. Markii la gaaray waqtigii codbixinta, waxaa caddaatay in kursiga madaxweynaha aan lagu kala adkaan Sool iyo Cayn toona, balse lagu go’aamiyay gobolkii ay iyagu iska indhatireen.

Maamulidda hoolka doorashada

Doorashada madaxweynaha waxay ka dhacday Hoolka Jidbaale ee Laascaanood — goob ay xerada Firdhiye u rogeen hub xeeladaysan. Waxay si fiican u fahmeen in doorashooyinka dadban aan lagu guuleysan tiro keliya, balse sidoo kale lagu helo saameynta iyo joogitaanka muuqda.

Gudaha hoolka, taageerayaashiisa ayaa hagayay jawiga guud. Ergooyinkii isaga daacadda u ahaa waxay u dhaq-dhaqaaqayeen si xor ah, farriimihiisii siyaasadeed ayaa meesha qabsaday, waxaana laga dheehan karay dareen ah in guushiisu ay tahay mid lama huraan ah. Dhanka kale, xafiiltamayaashiisu waxay ku mashquulsanaayeen sugidda ammaankooda gaarka ah.

Maamulidda goobtii lagu gaarayay go’aamada waxay kooxda Firdhiye u sahashay inay adeegsadaan cadaadis nafsi ah oo aan muuqan balse saameyn weyn leh, taasoo gebi ahaanba geeddi-socodkii doorashada u leexisay dhankooda.

Ballanqaadyada iyo ilaha dhaqaale

Ugu dambayn, agabka iyo dhaqaalaha ayaa noqday qodobka go’aamiyay natiijada. Isagoo kaashanaya taageerada Muqdisho, ololaha Firdhiye wuxuu lahaa dhaqaale, abaabul, iyo awood hay’adeed oo ka sarraysay tan tartamayaashiisa.

Awooddaas dheeraadka ah waxay u sahashay inay bixiyaan dhiirrigelino lagu soo jiito codbixiyeyaasha. Xildhibaannada waxaa lagu sasabay baasaboorro diblomaasiyadeed, gunnooyin sare, iyo tilmaamo ku saabsan jagooyin mustaqbalka laga siin doono dowladda dhexe. Xitaa ergooyinkii dhex-dhexaadka ahaa ayaa loo ballanqaaday xilal ay ka qabtaan maamulka cusub.

Halka ay xafiiltamayaashiisu ku tiirsanaayeen shabakado shakhsiyeed iyo dhaqaale ururin maxalli ah, Firdhiye wuxuu dhisay isbahaysi ka faa’iideysanaya awoodda heer federaal, isagoo sidaas ku xaqiijiyay in tiradu ay dhankiisa u badato xilligii ugu muhiimsanaa.

Firdhiye xukunka kuma imaan si kadis ah ama nasiib ah. Wuxuu ku guuleystay sababtoo ah wuxuu ka qorsheyn wanaagsanaa cid kasta oo kale. Isagoo abuuray isbahaysi heer federaal ah, dib u qaabeeyay saaxadda siyaasadeed, si buuxda u maamulay fagaarihii doorashada, isla markaana si xeeladaysan u adeegsaday kheyraadkiisa, wuxuu gaaray guul taariikhi ah oo si hufan loo soo agaasimay.

Ciidamada PUNTLAND oo saldhigyo waa weyn maanta kala wareegay DAACISH

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada difaaca ee Puntland ayaa maanta howlgallo culus oo ay ku beegsadeen firxadka kooxda Daacish ka sameeyay aagga buraha Calmiskaad ee goboka Bari, kawaas oo ay guullo waawayn ka gaareen ciidamadu.

Ciidamada ayaa la wareegay saldhigyo muhiim ah oo ay horay ugu sugnaayeen argagixisada, waxaana kamid ah deegaannadaas Ceelka Al-Baraka, Af-ka Dharimood, Ceelasha Burti-Ciise iyo deegaano kale oo ka tirsan isla Togga Baallaade ee gobolka Bari.

Sidoo kale inta uu howlgaka uu socday ciidamada ayaa la dilay ilaa 15 xubnood oo ka tirsaan kooxda Daacish, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.

Wuxuu talisku sheegay in howlgalladan oo qaatay 72 saacadood jab culus lagu gaarsiiyay argagixisada, isla markaana ay sii wadi doonaan baacsiga maleeshiyaadka Daacish.

“Ciidanku waxay weli kujiraan hawlgalo ay Firxadka Daacish uga sifeynayaan meelaha yar ay uga dhuumanayaan togga Baallade, Hawlgalada ugu danbeeyay waxay kula wareegeen Ceelka Al-Baraka, Af-ka Dharimood , Ceelasha Burti-Ciise iyo deegaano kale oo ka tirsan isla Togga Baallaade, waxaa ay laayeen ku dhowaad 15 ka mid ahaa firxadka Argagixisada Daacish intii ay socdeen Hawlgalada 72 saacadood ee u danbeysay.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Howlgalka oo muddo socdo ayaa haatan galay wajigiisa 4-aad, waana cir iyo dhul, iyada oo Puntland ay ka sheegatay guullo waawayn oo wax ku ool ah.

“Wejiga 4-aad ee Hawlgalka Hilaac oo lagu ciribtirayo firxadka Daacish ayaa si quwad iyo xawli ah kusocda, iyadoo laga fulinaayo Dhul, Cir iyo Badba, waxaana laga-gaaray intii uu socdey natiijo wanaagsan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed horay uga soo baxay Puntland.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo howlagallo ay weli kasii socdaan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari oo ay isku hayaan Puntland iyo Daacish.

Waqooyi Bari caqabad ma ku noqon kartaa hanka Saciid C/llaahi Deni ee federaalka?

Garoowe (Caasimada Online) – Reer Puntland dharbaaxo culus ayay ku noqon doonta haddii ay isku dayaan inay sii wadaan diidmada dhismaha maamulka Waqooyi Bari, oo si rasmi ah loo dhameystiray 30-kii August.

Horey Puntland waxay u diiday dhismihii maamulka Galmudug, laakiin waa joojin waayeen, aakhirkiina waxay ku qasbanaadeen inay xaqiiqada la macaamilaan.

Haddana iyadoo ugu dambeyn ay Puntland iyo Waqooyi Bari isa soo garab fariisan doonaan iyagoo laba maamul goboleed ah, waxaa Puntland la gudboon inay maamulkan dhismay dhabaha ula wareegaan, la dhaqmaan oo dhinacooda ka koriyaan.

Hoggaamiyaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni waa musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya doorashada soo socota. Sida iska cadna waxaa xildhibaannada Sool iyo Sanaag ee heer federaal kuraastooda la gayn doonaa magaalada Laascaanood, xitaa haddii la aadayo doorasho dadban. Sidaas awgeed, Saciid Deni uma baahna inuu furintaasi colaadeed kusii jiro.

Siyaasadda iyo siyaasiyiinta waa guur-guuraan, waana xaalad la xiriirta isbeddelka duruufaha. Firdhiye hadda waxa dhisay oo xoog iyo xoolaba geliyay madaxweyne Xasan Sheekh, laakiin xilli walba ayuu Firdhiye ku dhici karaa isbeddel siyaasadeed oo uu sida Xasan Sheekh si ka duwan u arki karaa doorashada heer federaal.

Sidaa darteed, Saciid Deni uma baahna inuu albaabada Firdhiye iyo kuwa Waqooyi Bari iska xiro oo xaqiiqada kasii dhuunto.

Firdhiye, isna ma dafiri karo wixii maamulka Puntland naf iyo maal geliyay in Somaliland laga saaro magaalada Laascaanood, wuxuuna ku qasban yahay Firdhiye inuu dabacsanaan siyaasadeed u muujiyo mashruuca kala gurashada Puntland iyo Waqooyi Bari.

NISA oo howlgal ku dishay sarkaal sare oo Shabaab ah

0

Jalalaqsi (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo maanta ciidamada NISA ay ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday sarkaal sare oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Howlgaka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Shaw oo qiyaastii 20 KM dhanka galbeed ka xiga demada Jalalaqsi, iyada oo uu weerarka u dhacay sidii loo qorsheeyay.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in ciidamada howlgalka qaaday ay soo dileen horjooge sare oo lagu magacaabi jiray Xuseen Cabdullahi Dalab, isa markaana magaciisa afgarashadu ahaa (Caamir), kaas oo ka tirsanaa amniyaadka kooxda Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaana ayaa sidoo kale sheegay in ninkan uu ahaa halis, isla markaana uu ka howlgali jiray gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee HirShabelle.

Ciidamada NISA ayaa soo afjaray, kadib markii ay beegsadeen goob uu ku sugnaa Caamir, waxaana sidoo kale jira khasaare kale oo Al-Shabaab lagu gaarsiiyay howlgalkaasi.

NISA ayaa maalmihii u dambeeyay xoojisay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada HirShabelle iyo Galmudug oo ay weli ku xoogan tahay kooxda.

Howlgalka ugu dambeeyay oo dhacay bartamaha Agoosto ayaa lagu beegsaday guri ku yaalla deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo uu shir uga socday horjoogayaal iyo xubno la shaqeynayay Khawaarijta, waxaana halkaas dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyada oo la burburiyay goobtii ay ku shirayeen.

Sidoo kale, 13-kii Agoosto howlgal kale oo laga fuliyay deegaanka Daarunimca ee Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa looga hortagay maleeshiyaad qorsheynayay weerar ka dhan ah ciidamada difaaca shacabka kaddib markii la helay xogtooda, waxaana halkaas lagu dilay afar xubnood uu ku jiro horjooge Cabdullaahi Ganeey oo ilaa sanadkii 2009, door weyn kulahaa hoggaaminta dagaallada kooxda Khawaarijta ah, sida lagu sheegay qoraalka.

Howlgalka kale oo isna dhammaadkii Agoosto ka dhacay deegaanka Nooleeye ee gobolka Galgaduud, ayaa lagu burburiyay gaari Cabdi Bile ah oo ay Khawaarijtu si xad-dhaaf ah ugu soo rareen saanad ciidan, kaas oo ay u wadeen maleeshiyaad qorsheynayay inay carqaladeeyaan amniga degmada Ceeldheer, Ciidanka NISA ayaana ku guuleystay in guud ahaan la gubo gaarigii iyo saanaddii uu siday taas oo fashilisay dhagartii argagixisada.

Taliska NISA ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan beegsiga kooxda Khawaarijta, si looga xoreeyo deegaannada ay ku sugan yihiin ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Somalia backs Serbia on Kosovo, breaks with Muslim allies

0

BELGRADE, Serbia – Somalia has thrown its weight behind Serbia’s stance on Kosovo, reaffirming Belgrade’s territorial integrity in a move that sets it apart from most Muslim-majority nations and the United States.

The announcement came during a visit in which Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre also met with his Serbian counterpart, Đuro Matsut, in Belgrade.

Their talks focused on expanding cooperation in education, security, and economic development, while also producing a new health agreement that will see the two countries share medical expertise, research, and training.

Serbian Foreign Minister Marko Đurić, who also held separate talks with Somalia’s Foreign Minister Abdisalam Abdi Ali, welcomed Mogadishu’s refusal to recognize Kosovo’s 2008 independence — a stance Serbia regards as a key diplomatic victory.

“We are grateful for Somalia’s support for the territorial integrity and sovereignty of Serbia,” Đurić said. “Serbia also fully respects the territorial integrity and sovereignty of Somalia.”

More than 50 Muslim-majority countries — among them Turkey, Saudi Arabia, Egypt, and the UAE — have recognized Kosovo, along with the United States and most Western powers. Somalia, however, has charted its own path, siding with Serbia’s position that Kosovo remains an inseparable part of its territory.

Đurić stressed the value of that alignment: “Serbia is proud of its traditionally good relations and decades-long friendship with Somalia,” he said.

“We are firmly committed to further developing and deepening relations with this African country — in the economy, agriculture, construction, education, and through cooperation in international forums.”

Shared sensitivities on sovereignty

For Serbia, Kosovo is not just about borders.

“Kosovo and Metohija carry exceptional significance for the Serbian people — historically, in state-building, religiously, economically, and politically,” Đurić explained. “Its unilateral secession has serious geopolitical consequences for international relations.”

Both ministers agreed that international law and the principles of the UN Charter must remain at the center of global diplomacy, warning that unilateral secession sets “dangerous precedents.”

For Somalia, the issue resonates on a personal level. Mogadishu continues to reject Somaliland’s claims of independence, made in 1991 but still unrecognized internationally.

Just as Serbia insists Kosovo is part of its sovereign state, Somalia maintains that Somaliland remains an integral part of its own. That shared experience has drawn Mogadishu and Belgrade closer together.

At their meeting in the Palace of Serbia, Prime Ministers Barre and Matsut looked beyond geopolitics, pledging to deepen ties across key sectors. The newly signed health memorandum will promote cooperation in medical training, research, and the exchange of expertise.

Barre pointed to opportunities in education and technology, with an emphasis on empowering young people and encouraging cultural exchange. Matsut, in turn, promised Serbia’s backing for Somalia’s security priorities, including counterterrorism and regional stability.

The talks were hailed as a step forward in building a lasting partnership — one that could open the door to closer collaboration in the years ahead.

Đurić also used the meetings to restate Belgrade’s broader foreign policy vision: “Serbia pursues an independent foreign policy, based on the principles of military neutrality, which entails cultivating relations and cooperation with all relevant geopolitical, military, and economic partners worldwide,” he said.

“Conducting such a policy in the current international environment is not easy, but it is the right course of action and in the interest of the Republic of Serbia.”

For Serbia, Somalia’s backing carries both symbolic and strategic weight. It reinforces Belgrade’s campaign to block Kosovo’s full international recognition, while showing that not all Muslim countries stand with Pristina and its Western supporters.

Somalis directed to Nairobi by new U.S. Visa interview rules

0

MOGADISHU, Somalia — Somalis seeking U.S. immigrant visas will now be required to travel to Nairobi for their interviews, under sweeping new rules announced by the U.S. Department of State that take effect on November 1, 2025.

The policy overhaul means that all applicants must attend their visa interviews at the U.S. consular post responsible for their country of residence, or — if they choose — in their country of nationality. For Somalia, which lacks a fully functioning U.S. embassy, Nairobi has been designated as the central processing hub.

The U.S. Embassy in Nairobi will now handle immigrant visa interviews not only for Kenyans but also for applicants from Somalia and South Sudan. Eritrean applicants may be processed either in Nairobi or Addis Ababa, while Sudanese will be referred to Cairo. Syrians will need to travel to Amman, or in special cases, Beirut.

Globally, similar arrangements have been made: Afghans will be processed in Islamabad, Belarusians in Warsaw, Haitians in Nassau, Iranians in Abu Dhabi, Ankara, or Yerevan, Venezuelans in Bogotá, Yemenis in Djibouti, and Zimbabweans in Johannesburg.

The State Department said the changes are intended to standardize visa processing, ensuring clarity for applicants from countries without routine U.S. consular services. Previously, some could choose interview locations in third countries for convenience.

Humanitarian, medical, or foreign policy exceptions may still be considered. However, applicants must provide strong supporting documents to justify interviews outside the designated centers.

The new rules will not affect interviews already scheduled. The National Visa Center (NVC) will continue scheduling new appointments in line with the updated guidelines. Those wishing to transfer cases after scheduling will need to submit a Public Inquiry Form through the NVC.

The changes will also apply to Diversity Visa (green card lottery) applicants starting with the DV-2026 program year, meaning Somali winners will have to attend their interviews in Nairobi.

The State Department advised all applicants to monitor embassy and consulate websites for updates on visa requirements, services, and operating status, noting that this new guidance supersedes all previous instructions on immigrant visa interview arrangements.

Banaanbax ka dhan ah Jubbaland oo maanta ka dhacay Kenya

0

Mandheere (Caasimada Online) – Dibad-bax ballaaran oo ka dhan ah ciidanka Jubbaand ee firxadka ku galay gudaha dalka Kenya ayaa maanta ka dhacay magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari, halkaas oo ay isugu soo baxeen shacab kasoo horjeedo ciidankaasi.

Dadweynaha dibad-baxa dhigay ayaa dalbaday in si deg-deg ah ciidamada Jubbaland looga saaro gudaha deegaanka, iyaga oo ku eedeeyay inay dhibaato ka gaysteen halkaasi.

Sidoo kale dibad-baxayaasha oo watay boorar iyo calaamado ay ku qornaayeen ereyo ay ka mid yihiin “Murkomen ha iscasilo”, ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya in ay halis gelisay madax-bannaanida dalka, ayna ogolaatay in ciidamo shisheeye ay si xor ah ugu dhaqaaqaan gudaha Mandheera.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in joogitaanka ciidamada Jubaland ee ka talaabay xadka ay sii kordhiyeen xiisadaha ka jira halkaasi, ayna ka cabsi qabaan dagaallo horleh.

“Maxaa ciidamo shisheeye ugu socdaan waddooyinkeenna halka booliska iyo militarigeenna la hareer mariyay?” ayuu yiri mid ka mid ah dadka mudaharaaday.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada maamulka Jubbaland ee ku sugan Mandheera ayaa wajahayay xaalad adag, kadib markii lagu eedeeyay dilal ka dhacay gudaha magaaladaasi

Ciidankan ayaa ka baxay magaalada Beledxaawo kadib markii ay dagaal uga soo saareen ciidanka dowladda federaalka oo haatan ku sugan magaaladaasi, waxaana weli ay ku sugan yihiin xaalad adag, taas oo keentay inay galaan dhibaatooyin horleh oo ku haysta Kenya.

Si kastaba, Kenya oo saaxiib dhaw la’ah Jubbaland ayaa haddane ka gaabsanaysa in si toos ah ugu lug yeelato dagaalka Kismaayo iyo Muqdisho, iyadoo toddobaadkii u dambeeyay qaaday dadaallo ay ku dooneyso in hoos loo dhigo xiisadda labada dhinac.