28.4 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

SOOMAALIYA oo dib u heshay wax ay la’ayd muddo 44 sano ah + Sawirro

Nairobi (Caasimada Online) – Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay inuu si buuxda usoo ceshado xubinnimada Midowga Baarlamaannada Caalamka inter Parliamentary Union IPU  oo ay ku mideysanyihiin Baarlamaannada 165 dal oo Caalamka ah mudo 44 sano ah kadib.

“kadib dadaallo badan oo uu sameeyey Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo soo bilowday tan iyo bishii September ee sanadkii hore waxaan ku guuleysanay inaan si buuxda usoo ceshano ka mid ahaanshaha xubinnimada Midowga Baarlammaannada Caalamka oo Soomaaliya ugu dambeysay sanadka markuu ahaa 1969kii,waana guul aad u weyn oo Baarlamaanka Soomaaliya gaaray” ayuu yiri Xildhibaan Dr Khaalid Cumar Cali oo magaalada Genève  ee caasimadda dalka Switzerland uga qeybgalaya shirka IPU.

“waxaan kusoo dhaweyneynaa Baarlamaanka Soomaaliya IPU waxaan go’aankan uu ka dambeeyey hormarka iyo isbedelka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu sameeyey iyo talaabooyinka uu u qaaday hormarinta dhinaca dimuqraadiyadda, waxaa uu ahaa xiriir hore oo taariikh leh markii Soomaaliya ay IPU ka tirsaneyd hadana waxeynu ka taageeri doonnaa hormarinta hay’addaha Dowliga ah iyo iney kusii talaabsadaan hormarro kale oo dhanka dimuqraadiyada ah”ayuu yiri Madaxweynaha Midowga Baarlammaannada Caalamka Inter Parliamentary Union IPU Abdelwahad Radi.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa isaguna yiri “waa qeyb ka mid ah guullaha dhanka hormarka ah ee uu ku tallaabsaday Baarlamaanka Soomaaliya sidoo kalena waa guul usoo hooyatay dowladda Soomaaliya iyo guud ahaan shacbigeeda,waxaan u mahad celinayaa hogaanka iyo dhammaanba xubnaha Midowga Baarlammaannada Caalamka ee IPU sida ay usoo dhaweeyeen Baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana ay isha ugu hayaan qaabka aynu u shaqeyneyno iyo guullaha aynu gaarnay mudadan kooban,runtii weli wax badan ayaa inoo harsan waxaanna Alle ka rajeyneynaa inuu noogu guuleeyo si lamid ah guushan taariikhiga ah”.

Tallaabadan uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu guuleystay inuu si buuxda uga mid noqdo midowga Baarlammaannada Caalamka ee Internal Parliament Union IPU ayaa waxey ka mid noqoneysaa guullaha ballaaran ee uu ku tallaabsaday Baarlamaanka Soomaaliyeed mudo hal sano ah gudaheed ayadoo dhammaan guulahaanna ay qeyb ka yihiin istiraatiijiyadda uu Gudoonka Baarlamaanka u dejiyey howlaha Golaha Shacabka.

SOM - CopySOM1 - Copy - CopySOM2 - Copy - CopySOM3SOM4 - CopySOM5SOM6SOM7SOM8 - Copy

 

Hibo Nuura oo codsatay dibada loo qaado Fannaan Cabdi Tahliil Warsame

Muqdisho (Caasimada Online) Fannaanada qaran ee Hibo Maxamed Cuddoon (Hibo Nuura) oo dhawaan soo gaartay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay dibadda u qaado fannaanka caanka ah ee Cabdi Tahliil Warsame oo hadda magaalada ku xanuunsanaya.

Hibo Nuura ayaa sheegtay in ay ka xuntahay in loo waayo fannaan qaran daween dibadda ah iyadoo dalka ay ka jirto dowlad rasmi ah.

“Waa nasiib daro in fannaan nagu heer ah oo caan ka ah dalka in uu ka xanuunsanayo dalka iyadoo uu waayay daween dibadda ah” ayey tiri Hibo Nuura oo la hadashay Idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho.

Fannaanada ayaa ugu dambeen madaxda dowladda ugu baaqday in la daryeelo fannaaniinta oo ka mid kuwa qarax gaar ahaan kooxda Waaberi.

Dhinaca kale, Fannaanada oo markii ugu horeysay dib ugu soo laabatay dalka muddo ka badan 22-sanno ayaa sheegtay in magaalada ay ka socdaan dib u dhis xooggan.

“Annagu markii aan joognay dibedda waxaan u heesanay magaalada in ay ahayd magaalo lagu baaba’ay, balse magaaladu waa ay ka duwan tahay arrintaas in kastoo aad is lee dahay magaaladu waa magaalo Sunaami uu ka dhacay, magaalada hadda waxaa ka socda dib u dhis xooggan” ayey tiri Hibo Nuura.

Fannaanada ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay in ay ku soo laabato caasimada Muqdisho maadama ay in muddo ah ka maqneed.

Waxaana ay sheegtay in fannaaniin caana ah sida Qadro Daahir Cige iyo Cadar Kaahin ay mardhow imaan doonaan Caasimada Muqdisho.

si kastaba, magaalada Muqdisho waxaa ku soo qulqulaya fannaaniin caan ah kuwaas ka yimid waddamada qurbaha sida Britain iyo Maraykanka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

SAWIRRO: Xuseen Shire Cayaar-Jecel oo xalay ruxay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Fanaanka Caanka ah ee Hussein Shire Jaamac (Ciyaar Jaceyl) oo ka mid ah Kooxda Qeylo dhaan ayaa xalay si weyn u ruxay Xaflad uu ku qabtay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho

Xafladaan uu qabto Fanaanka Hussein Shire waxaa ka soo qeyb galay Shacabka Muqdisho  Wasiiro, Xildhibaano Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo marti sharaf badan.

Xafladii xalay ee al-fanaan hussein shire horay looma arag looma maqal ayey aheyd kadib markii uu ka duwanaa fanaankani fanaaniintii hore ee Muqdisho imaan jiray.

20131009_100419
20131009_07541820131009_07543420131009_07593420131009_08015420131009_08024720131009_08070420131009_08072520131009_08074720131009_08081320131009_08083520131009_08091820131009_08140820131009_08170820131009_08264420131009_083737_1 (1)20131009_083737_120131009_084121 (1)20131009_08412120131009_08430520131009_08432320131009_08432620131009_09203820131009_092202 (2)20131009_09325720131009_09445720131009_09534220131009_10011420131009_10041120131009_10041920131009_10045120131009_10072720131009_101041

Belgium oo dib u celinaysa Haweeyney Soomaali ah iyo 2 Caruur + Daawo

Zeinab Abdi Omar waa Haweeney Soomaaliyeed oo ku nool dalka Bengium-ka, xiriir ay nala soo sameysay ayaa waxay inoo sheegtay in dacwadeeda qaxootinimo la diiday iyada iyo Labo gabdhood yaryar oo walaalkeed uu dhalay, oo lagu kala magacaabo Ikraan Abdalla Xusen iyo Ayan isla markaana lagu wargeliyay in sida ugu dhaqsiyaha badan dib loogu celinayo dalka Soomaaliya.

Haweeneydan oo mudo Sedax bilood ah dibada ku nooleyd oo aysan jirin daryeel ay haysato iyada iyo labada caruur ah ee ay hayso isla markaana aysan jirin cid wax ku siineysay mudadaasi sedaxda bilood ee bannaanka yaalaan, waxaana hadda lagu wargeliyay iney iska xaadiriso oo ay tagto Kaam loogu talagalay dadka dib u celinta ee dalkooda laga dejinayo.
Zeinab-abdi-warfaafiye
Zeinab waxay sheegtay in 29-05-1012-kii iney isdhiibtay xiligaasi kadibna la siiyay Sedax jeer oo diidmo ah (Negativ) iyadoo lagu haystay Soomaalinimadeeda, markii ay kasoo caddeysayna Safaaradda Soomaaliya ee Brusells oo documentiyada caddeynta sida Paspor-ka Soomaaliga iyo warqada sugnaanta in lagu diiday isla markaana lagu wargeliyay ineysan dowladda Belgium-ka aqoonsaneyn wax la yiraahdo Paasapoorka Soomaaliga.

Maadaama Soomaalinimadeeda shaki la geliyay, haddana markii ay Safaaradda Soomaaliya kasoo caddeysay Zeinab Soomaalinimadeeda ayaa waxaa loo sheegay in dib loogu celinayo dalka Soomaaliya, oo horay loogu siiyay Negativ-ka shaki laga qabay Soomaalinimadeed, taasoo ay sheegtay in aysan is laheyn labada war ee ay ku hadlayaan waaxda qaabilsan qaxootiga, wax is lehna aysan aheyn.

ayan-ikranZeinab waxay kaloo tilmaamtay in Safaaradda Soomaaliya markii ay xiriir la sameysay lagu wargeliyay in uu Safiirka dalka ka maqan yahay, uuna dib usoo laaban doono bil kadib, iyadoo xiriiro kala duwan oo ay la sameysay heli weyday jawaab waafi ah iyo cid si rasmi ah arinteeda wax ugu qabto.

Zeinab oo dalka Belgium-ka soo gashay bishii May 2012-kii waxay ka mid tahay dadka Soomaaliyeed ee dhibaatada iyo saameynta ku yeeshay dagaaladdii xumaa ee ka dhacay Muqdisho, iyadoo ay ku weysay Hooyadeed iyo Aabaheed oo mar qura madfac habow ah ku dul habsaday, dhacdadaasi oo ah mid qalbiga qofka ka dhaqmi doonin.

Ali Muhiaddin
Netherlands
[email protected]

Maxkamadii Racfaanka Sh/Dhexe oo albaabada la isugu laabay (Sabab)?

Jowhar (Caasimada online) Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka gobolka Shabellaha Dhexe Shiikh Axmed Xaaji Ibraahim (Siid) ayaa sheegay in albaabada la iskugu dhuftay xaruntii Maxkamadaasi.

Arintan ayuu ku eedeeyay inuu ka dambeeyay Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Shabeelaha Dhexe Yuusuf Cbadi Cabdule oo uu sheegay in Shalay Maxkamadaasi uu tagay isagoo Ciidamo lixaad leh wato.

Wuxuu sheegay in isaga iyo Gudoomiye ku xigeenka Gobolku ay isku af fahmi waayeen Shaqaale Xamar laga keenay oo Maxkamada ka howlgalayay kadib uu amar ku bixyay in la xiro Maxkamada sidaasina lagu xiray.

Shaqaalahan la isku qabsaday ayuu sheegay in Gudoomiye ku xigeenku uu ku tilmaamay kuwo aan u diiwaan gashaneyn sidaasi darteedna aysan xaruntaasi ka howl gali Karin halka ,

Dhanka kale Qaar ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka kasoo jeeda gobolka Sh/Dhexe ayaa waxay eedeyn u jeediyeen Maamulka Ka arimya gobolka Shabeelaha Dhexe ka arimya .

Afhayeen uhadlay beelaha Shiidle, ayaa sheegay in Maamulka gobolkaas ay Xabsiga utaxaabeen dad shacab ah oo Shir ku lahaa Jowhar, waxaana uu tilmaamy inuusan garaneyn sababta arintaasi ka dambeysa.

Afhayeenka Beelahaasi Islow Xasan Islow wuxuu sheegay in dadka la xiray ay ka shirayeen aayaha deegaanadooda sida uu sheegay .

Dhowaan maamulka gobolkaas wuxuu sheegay in Gudaha magaalada Jowhar aan lagu qaban Karin shir maamulka gobolku naysan ka war heyn.

Caasimada online

Xafiiska Jowhar

[email protected]

Aw-Libaax iyo Axmed Madoobe oo ay ka dhex tafan tahay (Muxuu Aw-Libaax maanta ka yiri shirka Jubba?)

Muqdisho (Caasimada Online) Maamulka Ahlu Sunna ee gobalka Gedo ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin shirka toddobaadka dambe ka dhacaya magaalada Muqdisho ee looga hadlaayo arrimaha Jubbooyinka.

Shirkan waxaa qabaneysa dowladda fedaraalka Soomaaliya, waxaana ka soo qaybgalaya beelaha degga gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

Guddoomiyaha Ahlu Sunna ee gobalka Gedo, Sheekh Maxamed Yuusuf Aw-Libaax oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in maamulkooda uu ka qaybgali doono shirka arrimaha Jubbooyinka ee ka dhacaya Muqdisho.

Wuxuu sheegay oo kale in ay ka soo horjeedaan hadal uu shaley sheegay hoggaamiyaha maamulka Jubba Axmed Madoobe kaasoo ah in aysan ka qaybgali doonin shirka ka dhacaya Muqdisho.

“Annaga reer Jubbooyinka iyo Gedo ayaan nahay waan nimid Muqdisho, waana ka qaybgalaynaa shirka waa in Axmed Madoobe uu yimaadaa halkan” ayuu yiri Aw-Libaax.

Aw-Libaax ayaa tilmaamay in hadalkaas uu sheegay Axmed Madoobe uu ku kooban yahay isaga balse aysan la qabin dadka degga seddaxda gobal.

Ugu dambeentii wuxuu sheegay in wajiga labaad ee shirka Jubbooyinka lagu qabto Gedo maadama aysan ammaan ahayn Kismaayo.

Si kastaba, waxaa sheegis mudan in Sheekh Maxamed Aw-Libaax uu ka mid ahaa ragga sida dhow ula shaqeen jiray Axmed Madoobe, balse dhawaan ayaa laga soo ceyriyay magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale, magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan ballaaran oo ay ka qaybgaleen beelaga degga Jubbooyinka kuwaasoo dhawaan tagi doona Kismaayo si ay ugu soo qalqaaliyaan Axmed Madoobe in uu ka soo qaybgalo shirka Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

S/Land : Turkiga waxaan u sheegnay in aan ka madax banaan nahay Somalia

Istanbul (Caasimada Online) Dalka Turkiga waxaa maalmahan ku sugan wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Waxa ay kulamo la qaateen madaxda dalka Turkiga iyagoona ka hadlay dhinacyo badan oo ay ka mid tahay xiriirka Somaliland iyo Turkiga.

Wasiirka arrimaha dibedda maamulka Somaliland Maxamed Yoonis Biixi oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in madaxweyne Siilaanyo uu la kulmay madaxweynaha Turkiga,raysal wasaaraha Turkiga iyo madaxda dalka Turkiga.

Wuxuu sheegay in madaxda Turkiga ay kala hadleen siddii loo baallaarin lahaa mashaariicda ay ka wadaan deegannada Somaliland iyo in gargaar la siiyo.

Mar la weydiiyay halka uu ka dambeeyay wadahadallada dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland, wuxuu sheegay in dhawaan labada dhinac ay ugu kulmi doonaan dalka Turkiga.

“Wadahadallada waxa ay u badnaayeen in Turkiga ay wax ka ogaadaan kheyraadka iyo wadashaqeen dhexmara labada Somaliland” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Somaliland.

Wuu sii hadlay “ Turkiga waxaan ka codsanay in ay naga taageeraan dhinaca waxbarashada iyo isbitaalada, waxaana u sheegnay in aan ku martigalin Somaliland” ayuu yiri wasiirka.

Turkiga ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay garwadeen ka ahaa wadahadallada u dhexeeya DF Somalia iyo maamulka Somaliland, waxaana wajiga seddaxaad ee wadahadallada lagu wadaa in uu dhaco 9-ka ama 10-ka bisha soo socota.

Ugu dambeen, wuxuu sheegay in Somaliland ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, oo ay hadda tahay dal madax bannaan.

“Walalaheen Soomaaliya waxaan rabnaa in ay fahmaan in aanu nahay labo qaran oo sidaas ku caano maala wax yaabaha ay doonayaan” ayuu yiri.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Istanbul

[email protected]

 

Warbixin: Rag lacag badan watay kuna soo wajahnaa Somalia oo la qabtay

Nairobi  (Caasimada Online) Saraakiil ka tirsan Waaxda Safarada iyo Jinsiyadaha ee Kenya ayaa Saakay Gacanta ku dhigay Sedex nin oo Turkish ah oo watay Lacag Kash ah oo aad u farabadan kuna sii Jeeday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Raggaan ayaa wexey wateen aduun Lacageed oo dhan 350,000 oo Doolarka Mareykanka ah, wexeyna Aroornimadii hore ee saakay ay Diyaarad ka raacayeen Garoonka Diyaaradaha ee Juma Kenyatta International Air port ee Magaalada Nairobi.

Raggaan ayaa wexey sheegeen in ay la shaqeeyaan Hey’adda Bisha  Cas ee Turkiga, Balse waxa loo heysto ayaa wexey tahay Sababta ay Lacagtaan Faraha badan u wattaan.

Markii ay Qabteen Ciidamada Imagaration-ka ayaa wexey ku wareejiyeen Waaxda Canshuuraha iyo Ciidamada la dagaalanka Argagixisada ee Kenya oo iminka Su’aalo weydiinaya.

Kenya ayaa wali baaritaan iyo jeejignaan dheeri ah Muujineysa wixii ka dambeeyay weerarkii 21-kii Bishii hore lagu qaaday daarta Ganacsi ee Westgate Mall.

Caasimada online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

 

Dhageyso: Saraakiisha Barre Hiiraale oo war kasoo saaray Diidmada Maamulka Jubba ee Shirka Muqdisho

Kismaayo (Caasimada online) Afhayeenka ciidamada Cornel: Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa ka jawaabay diidmaday Maamulka Jubba ee ka qeyb galka Shirka 21-ka Bishan lagu wado inuu Muqdisho ka furmo kaas oo looga hadlayo aayaha Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Afhayeenku wuxuu sheegay in Markii horeba uu xaaraan ahaa aqoonsiga maamulka Jubba ee dowlada Soomaaliya iyo Heshiiska Adib ababa, waxaana uu sheegay in iminka diidmada maamulka Jubba uu muujinayo inay kasoo horjeedaan midnimada iyo wada jirta shacabka Jubbooyinka iyo Gedo.

Wuxuu sheegay in iminka ay dafirayaan waxyaabihii ay kusoo Heshiiyeen iyaga iyo waliba dowlada Soomaaliya, isagoo sheegay in qodobka ugu horeeya ee Heshiiska Jubba iyo dowlada Soomaaliya uu dhigayo in Ciidamada dowlada Soomaaliya la geeyo Gudaha Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose

Afhayeenka Barre Aadan Cornel: State Man oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maamulka Axmed Madoobe, uu ka tilaabay qodobadii ay ku heshiiyeen isaga iyo dowlada Soomaaliya taasina ay tahay mid ay soo dhaweeeynayaan , isagoo sabab uga dhigay in caalamku iminka uu arkay cidda aayaha gobolka ka talineysa .

Wuxuu soo hadal qaaday go’aankii dhawaan ay maa mulka Jubba ugu diideen Abaanduulaha ciidamada xooga dalka in gudaha magaalada uu u gudbo, waxaana ay taasi ku midneeyeen inay qeyb k tahay dagaalka maamulka Jubba y u kala jiraan madaxda dowlada inay arintaasi muujineyso.

kaliya General C/risaaq Khaiif Cilmi ayuu sheegay inaan loo diidaneyn kismaayo hayeeshee wuxuu sheegay in ay diidan yihiin inay u hogaansamaan amarka dowlada Soomaaliya , waxaana uu sheegay in taasi badakeeda ay wax ku raadinayaan qorayga caradiisa sida uu sheegay .

Maamulka Jubba ayaa shegay in marnaba uusan ka qeyb galeyn Shirka 21-ka Bishan Muqdisho lagu wado inuu ka furmo , inkastoo Dhanka Barre Aadn Shire oo  mucaradsan siyaasada Axmed Madoobe ay soo dhaweeyeen

Dhageyso: Codka Cornel:State MAN

State-Man-Waraysi

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

DIGNIIN loo jeediyay Shirkadaha Kenya

Nairobi (Caasimada online) Waxaa wali kenya ka soconaya sabaha keenay weerarkii 21-kii bishii aynu kasoo gudubnay ka dhacay dalka Kenya ,gaar ahaan daar ganacsi oo ku talaa magaalada Nairobi ee caasimada dalkaas.

Sirdoonka Kenya ayaa wada baaritaano arintaas ay kaga sal gaarayaan, waxaana jira rag badan oo weerarkaas lagu soo eedeeyay imikana ku jira xabsiyada Kenya, inkastoo  la sii daayay wiil Soomaali Britain ah oo Garoonka Diyaarahada dalkaas laga qabty intuu uu socda weerarkii Westgate lasii daayay.

Sirdoonka kenya ayaa Afar kamid ah shirdahaha Taleefoonada dalka kenya awaxay u jeediyeen digniin ku aadan in shirkadahooda la xeri doono haddii madaxyadooda ay adeegsadaan dad wata Sim Card aan diiwaan gashaneyn.

Shirkaha digniinta loo jeediyay waxaa kamid ah shirkadaha Safaricom, Airtel iyo shirkado kale oo ka howl gala dalkaasi Kenya,

Arintan waxay ka dambeysay kadib markii ay soo baxeen warar ku aadan in kooxdii weerartay Westgate Mall la sheegay inay adeegsadeen Sim Card aan diiwaan gashaneyn.

Saraakiishu waxay sheegyaan in arintan ay kaga gol leeyihiin xaqiijinta iyo sugidda dhanka amniga Wadanka Kenya si mar kale aysan u dhicin weerar la mid ah kii Westgate

Caasimada online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

VEDIO: lyaas Barre oo DFS dhaliilay kana nixiyey Qaxootiga Soomaalida

Dhadhaab (Caasimada online) lyaas Barre Shiil oo ah Muane katirsan  barlamaanka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in Kenya ay ku saxan tahay dib ucelinta qaxootiga Soomaalida ah ee ku dhaqan Kenya Sida uu sheegay .

Xildhibaankan oo kaoo Jeeda gobolka Waqooyi Bari, ayaa ku eedeeyay DF Soomaaliya inay ka gaabisay wax uqabashada dadka qaxootiga ah ee ku nool Waqooyi Bari Kenya.

Wuxuu shegay in arintan ay tahay mid ay ugu daneynayaan Soomaaliya, isagoo sheegay in wali Mas’uul ka tirsan dowlada Soomaaliya oo Booqday Xiryahaasi inuusan Jirin.

Arintan ayaa Timid Xilli Qaar ka mid ah Qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool Xiryaha Dalkaasi ay Cabasho ka muujiyeen arintan ku aadan dib Ucelinta halka Qaarna ay soo dhaweeyeen .

Mas’uuliyiinta Dowlada Soomaaliya ayaa dadka qaar waxay kuu sheegayaan inay Ceeb iyo Sharaf Xumo u thay ARintan Maadaama Xiryahaasi ay dadka kunool ay Soomaali yihiin Waajibna ay ku tahay inay ka war hayaan.

Caasimada online

Xafiiska Dhadhaab

[email protected]

Khaasaraha qaraxii ka dhacay Buulo-Xaawo oo kordhay iyo xog kale

Buulo-Xaawo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Buulo-Xaawo ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in ay sii kordheen tirade dadka ku dhintay weerar bambaano oo xaley fiidkii lagu weeraray goob ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan maamulka Ahlu Sunna iyo kuwa dowladda.

Inta la ogyahay seddax qof oo labo ka mid ah askar ayaa ku dhintay weerarkaas in ka badan afar kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Taliyaha ciidamada dowladda ee gobalka Gedo oo saakay la hadlay BBC-da ayaa sheegay in dhowr qof ay u qabteen weerrarkaas balse ma sheegin tira rasmi ah.

Weerarka kaddib ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna ayaa sameeyay howlogallo dad lagu soo qabtay, waxaana bandow lagu soo rogay magaalada.

Xaalladda magaalada ayaa saakay deggan, waxaana la sheegayaa in caadi ay tahay isku socodka dadka iyo gaadidka ee gudaha magaalada.

Ma ahan weerarkii ugu horeeyay ee ka dhaca Buulo-Xaawo oo ka tirsan gobalka Gedo ee koonfur galbeed ee dalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Soomaali isku dayaya in maanta uu taariikh cusub ka dhigo CANADA

Edmonton (Caasimada Online) Magaalada Edmonton ee dalka Canada waxaa maanta oo Talaado ah ka dhacaysa doorashada golaha deeganka.

Doorashadda waxaa ka qaybgalaya nin Soomaali ah oo doonaya in uu ka mid noqdo golaha deeganka Edmonton ee dalka Canada.

Cabdikaxakiin Axmed Ciise, waa qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo isku soo taago doorashadda golaha deeganka Edmonton ee gobalka Alberta ee dalka Canada.

Mar uu la hadlaayay VOA-da ayuu sheegay in uu rajo fiican ka lee yahay doorashadda maanta ka dhaceysa magaalada Edmonton ee gobalka Alberta.

Wuxuu sheegay musharraxan in Soomaali badan ay ku nooshahay dalka Canada gaar ahaan magaalada Edmonton.

Waxaa la weydiiyay sababta ku kaliftay in uu isku soo taago doorashada golaha deeganka, wuxuu yiri waxaa igu kalifay markii aan arkay Soomaali badan oo lagu dhiibaateeyo dalka Canada.

“Markii aan arkay dhibaatooyinkaas waxaan codsaday in aan noqdo Police officer, balse waa la igu dhibay, waxaan ogaaday sida kaliye ee aan uga dhexmuuqan karo ay tahay in aan ka qaybgalo nidaamka siyaasiga” ayuu yiri Cabdixakiin.

Ugu dambeen wuxuu sheegay in 54,000 oo qof ay ku nool yihiin magaalada Edmonton, kuwaasoo u badan soo galooti.

Wuxuu sheegay 80% uu ku kal soon yahay in codad badan uu ka heli dooni dadka ku dhaqan magaalada Edmonton.

Dalka cannada Soomaalida waxa ay gaareen sannadkii 1975-tii waxaana tiradooda lagu qiyaasaas 20,000 sida ay lee yihiin saraakiisha jaaliyadda Soomaalida ee Canada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Ottawa

[email protected]

 

 

 

 

Siyaasiyiin ka qayb galay shirkii Addis Ababa oo weeraray A/Madoobe & DF

Muqdisho (Caasimada Online) Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka  qaybgalay shirkii dowladda Soomaaliya iyo maamulka kumeel gaarka ee Jubba ku wadagaareen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa sheegay in dowladda ay ku qaladaneed in markii horeba ay heshiis la gasho maamulka Axmed Madoobe.

Maxamed Nuur Geedi oo ka mid ah siyaasiyiinta ka jeeda gobalada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa caawa sheegay in Axmed Madoobe markii horeba la ogaa in uusan ka dhabeen doonin heshiiska uu la saxiixday dowladda fedaraalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in horey loo ogaa Axmed Madoobe in uu ka baxayo heshiiska isla markaana uu diiddi doono shir looga hadlaayo maamul u sameenta Jubbooyinka iyo Gedo oo dowlada Soomaaliya ay ku qabaneyso 21-ka bishan.

Siyaasi Maxamed Nuur Geedi ayaa tilmaamay in dowladda ay markii hore ku qaladaneed in ay heshiis la gasho isla markaana ay aqoonsi siiso nin hoggaamiye kooxeed ah oo xoog ku heesta gobalo uusan ka tallin.

Si kastaba, hadalka siyaasigan ayaa jawaab u ah war uu sheegay Axmed Madoobe hoggaamiyaha maamulka Jubba kaasoo sheegay in shirka ka ka dhacayo Muqidsho aysan ka qaybgali doonin maadama uusan wax micno sidaas u buuran ugu jirin dhinacooda.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in shirweyn looga hadlaayo masiirka seddaxda gobal iyo dhammeestirka maamul hadda jira uu ka dhacayo Kimaayo isla markaana  madaxweynaha Soomaaliya uu tagi doono magaalada dekedda leh ee Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video: Muuqaallo muujinaya dib u soo noqashada qarannimada Somalia

Caasimada Online:   Waxaa maalinba maalinta ka dambeeysa Qalabka Warbaahinta Muuqaalka ah lagu soo bandhigayaa Arimo ku farxad gelinaya oo ku tusinaya in Astaamihii Dowladnimo iyo Qaranimo aan dib u heleyno 23 sano kadib.

Muddo Burbur ah kadib waxaa haatan moodaa in aan helno Dowlad Rasmi ah oo la aqoonsan yahay taa oo fududeyneyso wax yaabo badan oo ka mid ah soo noqoshada astaamihii Dowladnimo ee nala daawo Muuqaalkaan ku farxad gelinaya waa mid cuusb oo haatan la soo duubay.

HALKANA KA DAAWO:

 

Qarax ay ku dhaawacmeen saraakiil sar sare oo goor dhow ka dhacay…

Baladxaawo (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray Magaalada Buulo-Xaawo ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax xooggan, kaasoo lagu weeraray mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo maamulka Ahlu Sunna.

Qaraxa oo ahaa bambo gacmeed waxaa lagu weeraray guri ku yaalla magaalada Balad-Xaawo sida uu lee yahay goobjooge ku sugan halkaas oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online.

Si dhab ah looma oga khasaaraha soo gaaray saraakiishii sar sare ee lagu weeraray qaraxa ka dhacay magaalada Balad-xaawo.

Inta la ogyahay labo qof ayaa ku dhintay afar kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxa ka dhacay Balad-Xaawo.

Qaraxa kaddib waxaa soo gaaray goobta ciidamo badan, kuwaasoo howgallo ay sameeyeen ku soo qabqabtay dhowr qof oo u badan dhallinyaro kuwaasoo lagu tuhmaayo weerarka.

Ma jirto ilaa hadda cid ka hadashay qaraxa ka dhacay magaalada Balad-Xaawoo, waxaana socda wali howgallo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xildhibaannada BF oo ku baaqay in dib loo eego heshiiska DF iyo Favori

Muqdisho (Caasimada Online) Fadhi baarlamaanka Soomaaliya uu maanta ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa looga doodday siddii dib u eegis loogu sameen lahaa heshiis dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda gaadidka dhulka iyo cirka ay la gashay shirkad laga lee yahay dalka Turkiga oo maamulaysa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Qaar ka mi dha xildhibaannada maanta ka qaybgalay kulanka ayaa guddoonka baarlamaanka ka codsaday in la horkeeno heshiiskaas oo mugdi badan ku jira sida ay hadalka u dhigeen.

Waxaa jirra warar badan oo sheegaya in si qaldan loo saxiixay heshiiskii xukuumadda ay la gadashay shirkadda Vavori oo laga lee yahay dalka Turkiga, taasoo maamulaysa garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaddib markii lagu badalay shirkadii SKA.

Xildhibaannada soo gudbiyay hindisahan ayaa ku dooddaya in heshiiskaas uu wax badan ka qaribi doono dalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii shannaad ee sannadkan waxa ay magaalada Muqdisho heshiis kula saxiixatay QM kaddib markii ay dalbatay in lagu soo wareejiyo maamulka hawada Soomaaliya.

Heshiiskaas oo lagu waday in uu dhaqangalo bisha January ee sannadka na soo aadan 2014-ka waxaa hada lagu dilay muddo seddax bil oo kale sida uu sheegay wasiirka warfaafinta, gaadidka isgaarsiinta.

Dad badan oo arrimahan yaqaana waxa ay lee yihiin dowladda awood uma lahan in ay maareeyso maamulka hawada Soomaaliya mana heesato dad aqoon iyo khibrad u leh maamulka hawada Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

KASHIFAAD: Qoomaal: Eebow Oohintii beenta ee Muqdisho waa fashilantay (Video caddeynaya qalbigiisa dhabta)

Muqdisho (Caasimada Online) – Fanaanka Maxamed Axmed Qoomaal waxa uu ka degay Muqdisho isaga oynaya, waxa uu si lama filaan ah sujuud ugu dhacay ciida Muqdisho isaga oo dhunkanaya, muujinayan jaceyl uu u qabo dhulkiisa hooyo.

Waxaa is weydiiyey ma xuma in uu daltabyo darteed uu magaaladiisii  dib ugu soo laabto, laba maalin gudahood waxa uu ku soo bandhigay hees uu ugu magac daray Xamareey, taas oo uu ku muujinayey midnimada umada Soomaaliyeed.

Waxaa is weydiin mudan shalay Qoomaal waxa uu heeso qaran dumis ah u qaaday Somaliland, waxa uu horseed ka noqday in uu dalka kala qeybiyo,  isaga oo huwan calanka Somaliland, waxa uu ku baaqayey in  in Somaliland faraha laga qaado, isaga oo habaaray Soomaali inteeda kale.

Waxa uu qaaday heeskaasi la yiraah KALA GURASHO MAAHEE WAA KALA GUUR, isaga oo dhaafsanaya xoogaa lacag ah, maantana Xamar ayuu oohin been ah la tagay.

Waddaniga dhabta ah marnaba isma beddelo, mana dhiiri geliyo in dalkiisa kala goo go’o, kaba sii darran marka uu yahay Fanaan oo shacbiyad badan leh.

Qoomaal-kii shalay sidaa ahaa maanta Xamar ha ku dul ooyo, hana muujiyo dal jaceyl, waxbaa ka horeeyey, diiwaankana waa loogu qoray, bal nala daawada Qoomaal Muqdisho jeceloow iyo Qoomaal qaran dumiyoow

Oohintii Beenta ahayd ee Qoomaal Xamar ka sameeyey iyo heeskiisii Xamareey ee aan qalbiga laga qaadin

qomal

Heeskii Qoomaal ku taageeray gooni u goosadka Somaliland

Axmed Madoobe oo ku ballan furay DF & been uu sheegay + Cod + Caddeyn

Kismaayo (Caasimada online) Hogaamiyaha maamulka Kmg ah ee Jubba oo Shirjaraa’id ku qabtay maamnta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hooe ayaa si cad, wuxuu u sheegay in marnaba aysan ka qeyb galeyn Shirka 21-ka Bishan ka furmaya Muqdisho

Axmed Madoobe, wuxuu daboolka ka qaaday in mamulka Jubba uusan marnaba ka qeyb gali doonin Shirka 21-ka Bisna ka furmi doona Muqdisho, kaasi oo uu ku sheegay inuusan qeyb ka aheyn heshiiskii Addis Ababa.

Wuxuu sheegay in heshiiska Adis Ababa uu dhigaya in madaxda maamulka Jubba inay tagaan magaalada Muqdisho balse qorshaha uusan ku jirin in Shir Jubooyinka iyo Gedo looga hadlayo  Muqdisho lagu qabto  , taasi badalkeeduna qorshuhu uu ahaa in Shirkaas uu Kismaayo ka dhoco.

Waxaa xusid mudan iyo shir Muqdisho lagu heshiiyey, balse dowladda ay dhankeeda qalad ku leedahay in waqtigii loogu tala galay aysan ku qaban, inkasta oo taas loo macneeyey diidmada Jubba darteed.

Hase yeeshee Caasimada Online, ayaa dib ugu laabtay buugeeda “Xaqiiq hubinta”,  (Fact Check Book), waxaana soo baxay in Axmed Madoobe been cad sheegayo uuna ka baxay ballantii.

Qodobka 4-aad, faraciisa 20-aad ee heshiiska Addis-Ababa, ayaa u qornaa sidan:-

heshiisa 20

Qodobka 4-aad: Dhismaha kalsooni iyo dib-uheshiisiin

20 – Dowladda federaalka ah ee Somalia waxa ay laba toddobaad gudahood ku qaban doontaa shir dib u heshiisiineed oo ka dhacaya Muqdisho. Shirka xiga midkaas  oo kalsooni abuuridda waxaa lagu qaban doonaa Kismaayo

Axmed Madoobe, wuxuu tilmaamay in arintaas ay u hogaansameyn isla markaana ay tageen magaalada Muqdisho ee Caasiada Soomaaliya , isdaasi si lamid ahna madxada dowlada Soomaaliya laga rabo inay Kismaayo  tagaaan .

In Googol nabadeed Kismaayo la dhigo si Beelagha Jubbooyinka iyo Gedo dega ay  heshiis nabadeed u fariistan  ayuu sheegay in balantiu ay aheyd , waxaana uu shaaca ka qaaday inay diyaar u yihiiin balse wax aan u cuntameyn ay tahay in Muqdisho xilligan xukuumada Somalia ay ku amarto madaxda Jubba inay tagaan shirna ay uga soo qeyb galaan sida uu sheegay.

Dowlada Soomaaliya oo u muuqatay inay ka guul gaartay arinta Jubbooyinka iyo Gedo ayaa iminka waxaa muqaanaya in xaalku uu yahay Faanoole fari kama qodna sida dad badan ay kuu sheegayaan .

HALKAN KA DHAGEYSO AXMED MADOOBE

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

Fadeexaddii Xabsiga Dhexe ee Xamar oo dhalisay in DF Somalia ay maanta…

Muqdisho (Caasimada online) Kadib markii Arbacadii aynu kasoo gudubnay dib Xuriyadiisa uu u helay Taliyihii hore ee Xabsiga Dhexe ayaa maanta Dowladu waxay xilka Xabsigaasi u magacaawday hogaan cusub.

Munaasabadda xil wareejinta oo kadhacay Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa waxa la sheegay in hogaaminta iyo Talada Xabsigaasi loo gacan galiyay G/sare Maxamed Xirsi , oo sida la tilmaamay ay is xigaan Sheekh Xasan Daahir Aweys oo wali u xiran dowlada Soomaaliya.

G/sare Maxamed Xirsi, ayaa maanta xilkaas si rasmi ah kala wareegay Taliyihii hore ee Xabsiga Dhexe Maxamed Xuseen Axmed “Sabdoow” kaas oo lagu eedeeyay dhowaan inuu si Qarsoodi kusii diiyay Nin dil ku xukunaa.

Taliyaha cusub ee xabsiga dhexe  G/sare Maxamed Xirsi ayaa kaga mahadceliyay Taliyihii hore, mudadii uu ka soo shaqeynaayay Xabsiga Dhexe iyo shaqooyinkii kala duwanaa, ee uu ka soo qabtay.

Sidoo kale Munaasabada, ayaa waxaa looga soo dhameystiray Waaxyada Ciidanka Asluubta. Waxaana kamid ah Waaxyada maanta lagu dhawaaqay Waaxda Dhismaha, Waaxda Hay’adaha iyo Waaxda Agoonta.

Sabdoow, oo ahaa talihii xabsiga dhexe ee xamar ayaa isagu waxaa loo magacaabay Taliyaha Waaxda Dhismaha.

Arintan waxa ay timid, xilli la hadal haayo in Sheekh Xasan Daahir Aweys, loo wareejin doono Xabsiga Dhexe ee Xamar. Waxaase jira warar sheegaya in qorshahaasi uu noqday mid fashilmay. Ma cadda haddii magacaabista taliyaha cusub iyo wareejinta Xasan Daahir ee Xabsiga dhexe ay xiriiraan.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]