28.4 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

La xisaabtanka Maamulada hotelada Muqdisho oo ajandaha Baarlamaanka lagudaray

Muqdisho (Caasimada online) Gudoonka sare ee baarlamaanka Somalia ayaa aqbalay la xisaabtatanka Maamulka iyo milkiilayaasha hotelada ku leh magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Si hey’adaha amnigu ay wax uga badalaan amniga Caasimada Somalia ee Muqdisho gaar ahaan goobaha hotelada ah ayay mudanyaal ka tirsan baarlamaanka Somalia oo tiro ahaan gaaraya ilaa 50 Mudane waxay soo jeediyeen inuu jiraa la xisaabtan ku aadan Maamulataasha hotelada Muqdisho.

Xildhibaan C/kariin Ciise Gurey,  wuxuu ka mid yahay mudanayaasha  soo jeedisay in ajandaha Baarlamaanka lagu daro la xisaabtanka Hay’adaha ammaanka iyo Maamulada Hoteelada,  wuxuu sharaxaad ka bixiyay  fadhiga Baarlamaanka, ee ka qabsoomay Xarunta Golaha Shacabka.

Wuxuu sheegay inaan la aqbali kareyn, in qarashaad badan looga cunteeyo, looguna seexdo Hoteelada Magaalada Muqdisho. Hadana inaanay suggi karin ammaanka shacabka, uu yahay wax aan la aqbali karin, sida uu yiri.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in Hay’adaha ammaanka ee Dowladda, ay ku fashilmeen wax ka qabashada, weerarkii labaad ee ka dhacay Hotel Maka Al-mukarama. Haddii weerarkii 1-aad uu fashilmay, ayuu su’aal ka keenay waxa ay u xiri kari waayeen Xeendaabka Hotelka.

Mahad Cabdalla Cawad,Gudoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka oo shir gudoominaayay fadhigaan, ayaa  aqbalay soo jeedinta Xildhibaanada, ee ku aadan in Ajandaha Baarlamaanka lagu soo daro la xisaabtanka Hay’adaha ammaanka iyo Maamulada Hoteelada ku yaala Caasimada.

Sida la isku raacay Xildhibaanada Baarlamaanka, ayaa bil kasta hal ama laba jeer u yeeri doona Maamulada Hoteelada, si ay wax uga weydiiyaan ammaanka Hoteeladooda. Haddii ay adeegsanayaan dad u badan qurbo joog.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Siyaasiyiin Loolan adag ugu jira ka mid noqoshada Wasiirada Cusub ee DF

Muqdisho (Caasimada online Tan iyo markii uu Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid uu ku dhawaaqay inuu isku shaandheyn ku sameynayo golahiisa Wasiirada lana kordhindoono tirada xubnaha wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa Magaalada Muqdisho LAGA Dareemayaa dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo galaangal ay wadaan siyaasiyiin iyo aqoonyahanno doonaya inay iska dhex arkaan Golaha Wasiirada cusub.

Dhaqdhaqaaqyadan ay wadaan siyaasiyiintaasi ayaa sii xoogeystay ka dib markii ay soo baxday in tirada wasiirada cusub la kordhinayo, ugu yaraanna ay noqnonayaan labanlaabka tirada hadda ay yihiin tirada golaha wasiirada haddiiba aysan ka badan.

Waxaana Jira Tuhun ah in qaar ka mid ah wasiirada hadda jira  laga yaabo inay xilalka waayaan, taas oo ka dhigeysa haddiiba ay dhacdo in Wasiirada cusubi ay la yimadaa Isbadal, inkastoo aan la ogeyn inay tayo ahaan ka bedelnaandoonaan kuwii hore.

Dadka dhaliila qaab dhismeedka dowladaha Soomaaliya lagu dhiso ayaa sheegaya in dhibta ugu weyn ee haysata dowlada Soomaaliya ay tahay iyadoo aan dadka loo soo xulayo inay noqdaan xubnaha golaha wasiirada aan loo fiirin aqoonta Wasaaradda loo dhiibayo.

Waxaana la tilmaamayaa in arintaas ay Meesha ka saareyso waxqabadkii laga doonayey inay wasaaradduhu dalka u qabataan, inkastoo  loo aaneynayo arimahan nidaamka awood qeybsiga beelaha.

Illaa hadda lama oga waqtiga rasmiga ee isku shaandheyntani ay dhacaayso ,waxaase dib u dhacay qorshe uu ra,iisulwasaaruhu Barlamaanka ku hor tagi lahaa  ,kaas oo hadda laga dhigay 26-bishan oktoobar lamana oga in ko hor la Magacaabi Doono  Wasiirada cusub iyo in kadib la soo dhisidoono.

Ra’isul Wasaare Saacid ayaa si cad u sheegay dhowaan inuu isku shaandheyn ku sameyn doono sida ugu dhaqsiyaha badan Xubnihiisa golaha Wasiirada Soomaaliya,

 Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Daawo: Haddii Muqdisho iminka ay ku socoto sidan, ka waran waxa harsan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Aqristayaasheena sharafta lahoow sidaad nooga barateenba, waxaan halkaan idinkugu soo gudbin doonaa Muuqaalka iyo Horumarka ka socda magaalada Muqdisho, waxaana magaalada maalinba maalinka ka danbeeya si xoogan uga socda dib u dhis iyo Ganacsi baaxad leh.

Halkaan ka daawo Sawirada:

529192_650820751605216_221424325_n537865_650820728271885_713878590_n564033_652592678094690_775723652_n994936_652592604761364_785010778_n1374761_652592544761370_1086868132_n1375975_650820744938550_532846719_n1376624_650820768271881_2133596971_n

 

Qarax xoogan oo Kismaayo kadhacay

Kismaayo (Caasimada online) Sida warark magaalada Kismaao aan ka heleyno ay sheegayaan Qarax khaaso sababay ayaa wuxuu ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxa waxaa lala damacsanaa ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Jubba oo ku sugnaa halka uu Qaraxu ka dhacay, waxaana uu ahaa Bambada Nuuca gacanta laga tuuro .

Laba ruux ayaa la xaqiijiyay in Qaraxaas ay ku geeriyoodeen halka in kabada 3 ruuxna uu dhaawc ka soo garay , kuwaas oo ka ag dhawaa halka ay wax ka dheceen , waxaana la sheegay in dhamaan dadka Qaraxaasi ku wax yeeloobay ay Shacab ahaayeen.

Wararku waxay sheegayaan in Qaraxan uu ka dhacay Suuq kuyaal bartamaha magaalada Kismaayo oo ay ku badan yihiin dad Shacab ah, inkastoo xilliga uu qaraxasi uu dhacay ay ku sugnaayeen ciidamo maamulka Jubba ka tirsan.

Ciidamada Maamulka Jubba ayaa iminka waxay baaritaano xoogan ka wadaan magaalada Kismaayo

Taliyaha Ciimada Maamulka Juba Maxamuud qalib Oo La Hadalay Risaala Ayaa Waxba Kamajiraan Waxa Uu Ku Tilmaamay Qarax Maanta kadhacay  ka dhacay Gudaha magalada kismaanyo

Waraka qaar Ayaa Waxa AY Shegayaan In Ciimada Mamaulka Juba La Beegsaday qaraxaasi  Dad shacan ahna Ay Waxyeelo  Ka soo Gaartay

Taliyaha ciimada mamulka Juba ayaa sheegay in uu jiro qaraxaasi basle uusan ka dhicin gudaha magallada Kismaanyo ee uu ka dhacay duleed Magaladaasi.

Wuxuu sheegay in Qaraxu uu ahaa Miino dhulka lagu aasay ayna  qarxday kadib markii gari nooca Rakaabka uu dulmaray .

 

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

Faallo: Talo xumada Raaskanboni waa tiiraanyada Jubba (Fashil soo socda)

Waqtiyo Qaraar , Waayo Colaadeed , & Marxalado Kala duwan oo uu dalku Soo maray Waxaa Haatan Laguda Galay Waqti Shacabka Soomaaliyeed ay Gaareen Bisayl Wadaniyadeed & Waayo aragnimo Ku Filan Waxayna Haystaan Tusaalo Wanaagsan oo ay ka dhexleen Waayihii Cakirnaa & Marxaladihii Qalafsanaa ee ay Maganta u ahaayeen 22 Sano ee Tagtay , Waxaadse Moodaa inay Jiraan wali dad aan Ka Tanaasulin Fikirkii Lagu Halaagsamay ee Qabyaalada & Qooraansiga Foosha xun ee Qabiilka doonaayana Soo noolaynta Colaado Hor leh & in dib loogu Noqdo Wax laga Soo gudbay & dhiig Soomaaliyeed oo Markale daato , Waxaanse Jeclahay inaan Qoraalkaygaan Ku Qaadaa dhigo Fikirkayga ku aadan Xaaladaha adaga & waaqiciga Qariban ee Ka Taagan Gobolada Jubboyinka , Fashilkii Kuyimid heshiiskii Addis Ababa , Kala Qaybsanaanta Ragii dhistay Maamulka Axmed Madoobe , & Siyaasada Mugdiga Sii galayso ee Gobolada Jubooyinka , Tacadiyada Taagan Maalin Walbo , & Xadgudubyada ay gaysanayaa Xarakada Raaskanbooni oo isku halaynta ugu Weyn & Xaniinyaha ay Ku Faanaayaan uu Yahay Ciidamada Kenya ee Wato Magaca AMISOM laakiin aad Moodo Dano Ka baxsan Waajibadkii Loo idmaday inay Fushanayaan.

Sida aan La Socono 28 Aug. ee Sanadkaan Waxaa Magaalada Addis Abba ee Dalka Itoobiyo Heshiis Muran & Buuq Badan dhaliyay Ku Saxiixday Dowlada Soomaaliya & Maamulka uu Axmed Madoobe Hogaamiyo inkastoo Heshiiskaas inta Badan Bulshada Soomaaliyeed ayna Soo dhaweyn Xasarad & Xasaasiyad Xoogana uu ku Beeray guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaana inta u Nasab sheegato Gobolada Jubooyinka hadana Waxaad Moodaa in Dowlada Soomaaliya Ku Guulaysatay inay Bulshada Jubbaland ay ku Qanciso Aqbalaada Heshiiskii Addis Ababa taa badalkeedina Dowlada Soomaaliya waxay Balanqaaday in Magaalada Muqdisho lagu Qabto Shir dib u Heshiisiin oo ay Ka Soo qayb galaan dhamaan Kooxaha isku Hayo iskuna Diidan Hogaanka & Maamulka Jubbooyinka & Sidoo Kale in Miiska Wada Xaajoodka La isugu Yimaado Si Loo soo Afjaro Colaada ka Aloosan Gobolada jubooyinka.

Waxaase Arintaas Gaashaanka u duruuray Kooxda Raaskanbooni oo Si Cad u diiday inay Tagaan Xamar Koleey Sababta ay u diidayaan waa arin aan la garan laakiin Markaad Miisaanka Saarto waxaa Kuu Soo Baxaayo in Maamulka Axmed Madoobe aysan doonayn Xal waaro & Xasilooni ka dhalato deegaanda Jubooyinka Taasna Waxaa daliil & Cadayn u ah diidmada ay Ka Muujiyeen Shirka Dib u Heshiisiinta ee Magaalda Muqdisho Kaas oo Horay Oga Mid ahaa Qodobadii Magaalada Addis Ababa Loogu Soo saxiixday Dowlada Soomaaliyana ay Ku qancisay Beelaha Soomaaliyeed ee Dago Jubbaland oo Tabasho & Tirsi Xoogan Ka Muujiyay Heshiiskii Addis Abababa , Haatana Dowlada Soomaaliya ayaa Laga doonayaa in Shirkii ay Madashiisa Qabatay Gogoshiisna ay Fidisay inay Hirgaliso Kooxdii ay u Saxiixday inay Maamulka Jubba Hogaamiyaana ay keento Madasha ileen Jini Ninkii Keeno ayaa Bixiyo , Beelaha Jubbaland ee Shirka Muqdisho Ka dhursugaayana waxaa La gudboon inay Kawar dhowraan Waxa Ka Suuragalo Shirkii la iclaamiyay & gogoshii la fidiyay ileen Cimri Tagay Ceeb laguma Sogoontiyee.

Sida Runta ah in Xal Lagaaro oo La isa soo hor fariisto wax ay ku dhaanto Malahan Soomaalina Mudo kabadan 20 Sano ayay isdilaysay oo ay Cadow isku adeegsanaysay dhib & Qasaaro Waxaan ahayna Lagama dhaxlin inaan Lakala Adkayn waa ay Cadaatay Danta dalka & dadkana Maanta waxay Ku jirtaa in ismaadhaaf walbo oo Jiro Miiska wada hadalka lagu dhameeyo laakiin Saansaanteedi Ma Muuqato oo Jabhada Raaskanbooni oo Quwad Shisheeyo ku gabanayso ayaa diidmo Qayaxan Saartay inay Ka Soo qayb galaan Shirkii la isugu Soo dhawaan lahaa Nabadana Lagu dhex dhigi lahaa intii is dishay & intii isdirirtay intaba Waxaysase Meesha Ka Saareen in ay Ayaga Dan ugu Jirto inay Qaataan Nabada & Wada Xaajoodka Maadaama Axmed Madoobe Loo Ogolaaday inuu Sii Hogaamiyo Gobolada Jubbooyinka Taas oo u Muuqato inay tahay Tuko Nasiib uu Caano ku Helo Wuu leeyahaye ee Nasiib Lagu Cabo Malahan waayo Ayadoo lagu Kala Bixin Doorasho Xalaal ah & Rabitaanka Bulshada Deegaanka ayaa Xal loo arkay inuu Axmed Madoobe Hogaamiyo Goboladaas oo Dowladii Soomaaliya ee cadaalada Laga Sugaayay ayaa sidaas Garatay Bulshada Reer Jubbalandna Waxay Dagaal & Qas danbe ka doorteen Wadiiqo Nabad ah & wada Xaajood in lagu dhameeyo Wixii Jiro oo Mugdi ah.

Taariikhda Jubooyinka Marka dib loo Milicsado Xusuustana dib loo Celiyo wa Gobolada ugu Qanisan dalka Soomaaliya waaa Kuwa ugu Nasiibka daran dadkoodana ay Macluul & Gaajo la dhamaanayaan waxa Sababta u ahna waa Dagaalka & Colaadaha aan dhamaadka Lahayn ee Ka jiro Goboladaas Waxaase Maanta Nasiib Daro ah in Maanta dad Sheeganaayo inay Yihiin Soomaali ay Gurbaanka u Tumaan Qalalaasaha Jubooyinka Ka jiro Waxaase Ka Sii daran in Ashqaas Gashay Qiyaano qaran ay ku lug leeyihiin Mushkilada Ka aloosan Jubooyinka Waxaana Jiro Fikrado isdiidan & aragtiyo aan isqaadan Karin oo isa soo taraayo Kuwaas oo u Muuqdo inay Horseedi Karaan Colaado Sii Socdo & Dagaalo lagu hoobto Waxaana Jeclahay inaan Xuso Fikradahaas & dadka Qaska Kawado Jubbaland waa ay dhici kartaa in Qaar badan oo Ka Tirsan Bulshada ii arkaan nin Diidan Axmed Madoobe & XUlufada La Socoto amaba nin jeclaysi & Fikir gaar ah taageeraayo Waxaanse leeyahay Xaqa in La Sheego Waa Waajib hadalna Run Kama Raysto aragtida aadanahana Ma Sino oo horaa looyiri Wixii nin la Toosan Nin Ayay La Tuurleeyihiin , Waxaanse leeyahay aragtidayda gaarka taas oo aan Ku Muujinaaypo Fikirkayga Ku aadan Fashilka Maamulka Axmed Madoobo , Mustaqbalka Jubooyinka Dadka Hurinaayo Colaad Jubooyinka.

Soomaalida waxay Ku Maahmaahdaa Hal Booli ah nirig Xalaal ah Ma dhasho Maamulkii Axmed Madoobe ee Sida Xooga ah Lagu dhisay ayadoo Lagu Faanaayo Taangiga & Taageerada Dowlada Kenya Wuxuu u Muuqdaa Mid Guuldaraystay Fashil lixaad leh & Ceebna Lagalay Lugalay Waxaana Jiritaanka Maamulka Axmed Madoobe Soo Afjaray Khilaafka ba’an & Kala Duwanaashiyaha Ka Muuqato Xubnihii Salka u Tagaay isla Markaana Waqtiga badan Galiyay unkida & dhismaha Maamulka jubbaland Waxaana iska cad in Madasha Kismaayo ay Ku hareen Raaskanbooni oo ah Qoys & Qabiil gaar ah oo u Muuqdo inay halkaas ku Joogaan Damaanad & ilaalada Ciidamada Kenya , Waxaana dhabarka Xijiyay Mas’uuliyiin badan oo Bulshada soomaliyeed u arkayeen inay Muhiim & Halbowle u Yihiin Maamulka Axmed Madoobe Kuwaas oo ay Kamid Yihiin Sheekh Maxamed Yuusuf Aw-libaax & Yaasiin Raadeer oo Labaduba aad ugu dhawaa Siyaasada Hada Fashilantay ee Kismaayo Ka Jirto.

Sheekh Aw-libaax oo ahaa Gudoomiyaha Gudiga Aasaasayaasha Jubbaland aya Si Cad u Qeexay in Magaalada Kismaayo uusan Ka Jirin Amni Buuxo oo La isku Halayn Karo Suurtagalna ka dhigaayo in Shir Weyne uu Ka dhaco & in Aayaha Jubbaland an lagu Xiri Karin dad Qaas ah & Qolo gooni ah Shirka Dib u Heshiisiinta ee Muqdisho Ka dhacaayana ay Ka Qayb galayaan Axmed Madoobana uu Yahay Shaqsi Kamid ah Maamulka Jubbaland oo uusan Afduuban Karin Aayaha & Masiirka Reer Jubbaland.

Waxaa Asaguna Kismaayo Ku Sugano o aan La dhacsanayn arimaha Raaskanbooni ay Wado Col Yaasiin Raadeer oo Kamid ahaa Ragii u Soo dhabar adaygay Maamulka Axmed Madoobe Markaad isku Soo uruuriso Raaskanbooni Ma ahane inta Kale Tixgalin Malahan inta Taangiga Kenya uu Joogo Kismaayana Raaskanbooni ayaa Madax ah hasa ahaatee Away dadkii u dhashay 3 Gobol ? Away Dowladii Soomaaliya ee sharciga Lagu Soo doortay Mas’uuliyadana ay Ka Saarnayd ilaalada dalka , dadka & diinta Walibana u dhaartay Waxay qabtaan Daaye Xitaa Ma Maqal Mas’uul Ka hadlaayo Tacadiyada & Xasuuq isdaba yaal ee Ka Socdo Kismaanyo Xaalkuna Wuxuu u Muuqdaa Gumaadka Kenya Taangigeeda Lagu gaysanaayo & Gabood Falada Soomaalinimada Ka Baxsan ee ay Raaskanbooni gaysanayso waxaa Ka daran Aamusnaanta Dowlada.

Maxaa Keenay Fashilka Axmed Madoobe

Ninkii Soo joogay Waayaha Qariban ee Soomaaliya wuu Fahmi Karaa Wadiiqada Fashilka ah ee u ku Soo Afjarmay Maamulkii Axmed adobe & Hankii Raaskanbooni ee Ahaa inay Taliyaan ayagoo Saaran Taangiga Itoobiya Waxaanse Xusayaa dhowr Qodob oo aan is iri Xusid & Sheegid ayay Mudanyihiin:-

1. Axmed Madoobo & Xarakadiisa waxay Ku Fashilmeen inay Kasbadaan Bulshada Deegaanka taa badalkeedina waxay gaysteen Gabood Falyo & Xasuuq Lagu Bartilmaamaysanaayay dad Birmagaydo ah taas oo u Sii Abuurtay Cadaawad .

2. Waxay Fahmi Waayeen Ahmiyada ay leedahay Nabada & Wada Noolaanshiyaha

3. Waxay u dhurteen Qabiil & Ku dhaqanka Qabyaalada Taas oo Ka horkeentay Ragii ay isku aragtida ahaayeen .

4. Waxay waxyeelo & dhibaato Joogta ah Ku hayaan Ragii Taabacsanaa ayagoo dharaar Cad dilay Qaar Katirsan ilaalada Gen. Fartaag oo dadkiisi Oga Go’ay Qaadashada Aragtida Raaskanbooni .

5. Waxay Jabiyeen Heshiiskii Muranka badan dhaliyay ee Addis Ababa ayagoo si Cad u sheegay inaysan Tagayna Muqdisho dadka Ka Soo horjeedana aysan imaan Karin Kismaayo .

6. Waxay agabka Warbaahinta Marinayaa Dacaayada & Barobagaando ka dhan ah Dowlada Soomaaliya taas oo Calool Jileec & Taageero looga raadsanaayo Dowlada Kenya.

Qodobadaas & Kuwa Kalo oo badan ayaa Sababay Guuldarada Axmed Madoobo & Saansaanta Colaadeed ee ay Rimantahay Magaalada Kismaanyo taas oo hadii aan Xal loo Helin Ka dhigan Dagaal dhiig ku daato & geeri hor leh oo dhalato Qodobka Xasaasiyada Keenay ayaa Axmed Madoobe Diid Xamar Ragii Kalana diido Kismaanyo oo kuwii asaga La Socday ayaaba Qeexay Waxa Ka jiro Kismaayo Sidoo Kalana waa cadahay inuusan Axmed Madoobe Tagayn Gedo Xaalkuna wuxuu u Muuqanayaa Jug-Jug Meeshaadi Joog .

Yaa Mas’uul Ka ah Dhibaatada Jubooyinka ?

Dhibaatooyinkii badnaa & Marxaladihii adkee ee la Soomaray waxaa gaysanaayay oo Mas’uul ka aha ashqaas Danaystayaal ah doonaayana Muuqsho Siyaasadeed & Mansab Aragtida ay adegsanaayaana ay ahayd Qabyaalada & Qarleexiska Qabiilka Waxa Ka taagan Gobolada Jubooyinkana Ma ahan Wax Ka badalan dibin daabyadii Soomaaliya Loogaysan jiray Waxaysa dheertahay Xusuus Xanbaarsan Taariikh Mugdi ah hadaanse Carabaabo Raga Horboodaayo Hogaankana u hayo dhibkaas waxaan Ka Xusi Karaa :-

1. Madaxweynah Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo Xasaasiyad & Xiqdi Ka Qaaday Magacaabistii R/Wasaare Saacid Wadana Caga Juglayn & Cabsiin Socon Weyday Wuxuuna Ka Shaqaynayaa oo uu Geed dheer & Mid gaabanbo u Fuulay inuu Sii Kala Fogaynta Maamulka Axmed Madoobe & Dowlada Soomaaliya Mana ahan Jeceyl uu u Qabo dadka Reer Jubbaland wuxuu doonayaa inuu Helo Xulufo & Garab uu gurmad ka helo si Dowlada Soomaaliya loo Minjo Xaabiyo .

2. Cumar Cabdirashiid oo ahaa Ninkii Saxiixay Bada Soomaaliya danta uu leeyahayna ay tahay inuu Fuliyo Qorshii Qabyada u ahaa & Qiyaanooyinkii u Qarsoonaa Meesha kaliya uu Ka Fulin Karana u arkay Kismaayo .

3. Maxamed Cabdi Gaandi oo saaxiib dhow La ah Cumar Cabdirashiid Laguna Xanto inuu Wax ka Ogaa Qorshihii Bada Soomaaliya Lagu Gatay Olale xoogana ugu Jiro inuu Saldhig Siiyo Shirkado Shidaal oo Caalami ah doonaayana gurashada Kheyraadka Jubooyinka Horayna isugu dayay inuu Xoog isku Magacaabo Sida Axmed Madoobe oo Kale .

4. Gen. Darwiish oo ahaa Taliyihii Nabad Sugida Soomaaliya ee Dowladii C/laahi Yuusuf Waxaa Lagu eedeeyaa in uu Xasuuq Xamar ka gaystay Xiligiii Dowladii C/laahi Yuusuf Xarigii & Tacadiyo Joogta ahna uu u gaysan Jiray Shacabka Muqdisho , Haatan Wuxuu Gaada kacayaar ugu jiraa inuu Xil Ka Helo Maamulka la Damacsanyahay in Laga Hirgaliyo Jubbaland waxaana La Rumaysanayahay inuu Yahay wakiilka C/Raxmaan Faroole Jubbaland .

Markaad eegtid Si Qoto dheer oo Cilmiyaysana aad u Fiirisid Marxalada Qasan & Qalalaasaha Ka taagan Gobolada Jubooyinka waxaa Kuu Muuqanaayo in uusan Jirin Xal waaro & Xasilooni Ka Hanaqaado Gobolada Jubbooyinka Sababtoo ah Habdhaqanka Qaswadayaasha aan ku Soo Xusay & dhoohnaanta Raaskanbooni oo Jaraajarada Lagu gumaadaayo Shacabka Jubooyin &Waliba Faragalinta Dowlada Kenya oo Leh Dano u gaar ah & Xaajo u gooni.

Gabagabadii Waxaan Xalka Jubbalan wuxuu Ku jiraa ayadoo Talada Loo Madax baneeyo Bulshada deegaanka la isa soo Horfariisto wada Xaajoodna Waana Xalka Kaliya ee haatan Lagu Soo Afmeeri Karo Howsha Jirto , Dowada Soomaaliyana waxaa La gudbooni Hirgalinta Heshiiskii Addis Ababa Hadii Kalana ay Cadayso Mowqifkeeda Ku aadan Axmed Madoobe & Kooxdiisa ama ay Qirato in aysan Jubbaland Kamid ahayn dhulka Soomaaliya Waana doorimadka Kaliya ee u Furan Dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh.

W/Q Maxamed Xasan Haliil 

E-Mail [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

VIDEO: Dib u dhiska iyo horumarka ka socda magaalada Muqdisho

Caasimada Online:   Sanadkaan 2013 waxaa si xowli ah Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho uga soconaya Dhismooyin iyo dib u dhis xoogan oo lagu soo celinaya Bilicda Magaalada iyo Ganacsiga magaalada oo si wanaagsan u kobcaya.

Muqdisho isma lihid sidaa ayeey noqoneysaa kadib isbadalka magaalada iyo soo celinta Bilicda Magaalada waxaad moodaa in aysan dowlad la’aan aheyn 22 sano iyo burburkii magaalada oo isku badalay magaalo dhismeysa waxaana kaa yaabin doono muuqaalada iyo sida ay uga hadlayaan Magaalada Muqdisho iyo sida ay tahay haatan.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Hargeisa: Internetka oo la diiday

HARGEISA (Caasimada online) Sida wararka aan ku heleyno Shaqaalaha wasaaradda maaliyadda ee maamulka Somaliland ayaa gabi ahaanba laga Mamnuucay inay wakhtiga shaqada isticmaalaan Internet-ka.

Qof kasta oo ka mid ah hawl-wadeenada Wasaaradda ayaa  la siiyey digniin adag oo ku aadan isticmaalka Internet-ka xilliyada shaqada, kadib go’aan kasoo baxay Wasaarada Maaliyada Maamulka Somaliland

Agaasimaha guud ee wasaaradda Maaliyadda ee Maamulka Somaliland Saleebaan Jaamac Diiriye, ayaa qoraal digniin ah oo uu ku dhajiyey dibadda xafiisyada Wasaaradda Maaliyadda shaqaalaha ku wargaliyey in aanay wakhtiga shaqada isticmaali Karin Internet-ka,

Qoraalka waxaa lagu sheegay in Wasaaradda Maaliyaddu ay tahay hal-bowlaha Wasaaradaha Somaliland internet-kuna uu carqalad ku noqonayo habsami u socodka hawl-maalmeedka Wasaaradda.

Sidoo kale Qoraalka waxaa lagu sheegay in Tilaabo adag ay wasaaradu ka qaadi doonto Cidii alagu arko iyadoo xilliyada Shaqada adeegsaneysa Internet-ka Wasaarada.

Amarkan ayaa yimid kadib markii isticmaalka bogga xiriirka bulshada ee Facebook ay inta badan shaqaalaha wasaaraddaha Somaliland si aad ah u isticmaalaan wakhtiyada ay xafiisyada ku sugan yihiin.

Waxaan Wasaaraha kale ee Maamulkaas ay bilaabeen iyagoo arintan ka duulaya kuna dayanaya inay sameeyaan arintaas oo kale , balse maamulkaas ayaa u arkay inay dib u dhac dhanka shaqada ah ay arintani keeeni karto iyo waliba in xogo sir ah Wasaaradaha  Somaliland laga helo .

 Caasimada online

Xafiiska Hargeisa

[email protected]

KASHIFAAD: Axmed Madoobe oo lagu dacweeyay dowladda Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) Ilo Xog-ogaal ah oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in Axmed Maxamed Islaam oo ah hoggaamiyaha maamulka kumeel gaarka ee Jubba lagu dacweeyay dowladda Ethiopia gaar ahaan wasiirka arrimaha dibedda.

Siyaasiga Maxamed Cumar Geedii oo ka mid ah xubnaha ka qaybgalay heshiiskii Addis Ababa ay ku kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe ayaa u sheegay mid ka mid ah Idaacadaha maxaliga ee Muqdisho in Axmed Madoobe lagu dacweeyay guddoomiyaha wasiiradda arrimaha dibedda Ethiopia.

Siyaasigan ayaa tilmaamay in wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia loo sheegay Axmed Madoobe in uu diidday ka qaybgalay shirka wada-tashiga ee ka dhacay Muqdisho 21-ka bishan October.

Waxaa kaloo uu sheegay in dowladda Ethiopia iyo wasiirkeeda loo sheegay in Axmed Madoobe uu jabiyay heshiiskii Addis Ababa.

Wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia ayaa goobjoog ka ahaa heshiiskii dowladda Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe, wuxuuna madax u ahaa wakiilo loo xilsaaray in ay la socdaan dhaqan galida heshiiska.

Axmed Madoobe wuxuu sheegay in aysan ka qaybgali doonin shirka dowladda ay ku qabaneyso 21-bisha October, kaasoo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

XOG: Dadkii ku dhintay XEEBAHA Italy Soomaali kuma jiraan

Roma (Caasimada Online) Warar lagu kal soon yahay oo ay heshay Shabakadda Caasimada Online ayaa muujinaya in wax Soomaali ah aysan ku jirin dadkii la socday dooni ku degtay xeebaha Talyaaniga toddobaadkii hore.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee Roma oo warbaahinta kula hadashay Jaziirada Lampdusa ayaa sheegtay in la ogaaday wax Soomaali ah in aysan la socon doonta degtay toddobaadkii hore oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya ilaa 300 oo qof.

Ilaa-lada xeebaha Talyaaniga iyo qaar ka mid ah dadka ka badbaaday dadkii la socday doonta degay oo u dhashay dalka Eretria oo la hadlay warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegay in doonta degtay ee gubatay ay la socdeen Eritrean oo kaliya.

Si kastaba, dad badan oo la wareestay iyo meydadka dadka la soo badbaadiyay oo la arkay waxa ay dhammaan muujinayaan in dadka la socday doonta aysan ku jirin Soomaali.

Doonta oo ay la socdeen in ka badan 500 oo qof ayaa ku degtay xeebaha Talyaaniga toddobaadkii hore, waxaana la soo badbaadiyay 150 qof oo kaliya.

Si kastaba, Soomaalida waxa ay ka mid tahay dadka ku dhinta mar kasta xeebaha Talyaaniga.

Jasiirada Lampdusa waxaa maanta tagay madax ka socota Midowga Yurub oo uu ku jiro madaxweynaha Midowga Yurub, waxaana ay soo arkeen meydadka dadkii la socday doonta ku degtay xeebaha Talyaaniga.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Yurub

[email protected]

Maamulka Jubba oo jawaab ka bixiyey hadalkii Aw-Libaax iyo khilaaf jira

Kismaayo (Caasimada Online) Maamulka kumeel gaarka ah ee Jubba ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeeray mid ka mid ah raggii soo dhisay maamulka Axmed Madoobe, kaasoo sheegay in shirka labaad ee dib u heshiisiinta Jubbooyinka in aan lagu qaban karin magaalada Kismaayo.

Hilowle Aaan Maxamuud oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee maamulka Axmed Madoobe ayaa sheegay in hadalkaas laga fiicnaa in uu yiraahdo qof soo dhigay maamulka Jubbooyinka.

“Sheekh Maxamed Maxamuud Aw-Libaax waa nin oday ah oo muhiim ah isla markaana saciim ah, haddii ay jiraan wax uu saluugsan yahay waa in laga qaniciyo, isaga kaligiis ma ahan dad badan ayaa jira oo saluugsan maamulkan” ayuu yiri Hilowle Aadan.

Wuxuu ku celceliyay in Kismaayo ay diyaar u tahay qabashada shirka labaad ee dib u heshiisiinta Jubbooyinka.

“Sida lagu heshiiyay waa in wajiga labaad ee shirka lagu qabto magaalada Kismaayo, annaga waxaan tagnay Muqdisho oo ay gogol nabadeed ay dhigtay dowladda Soomaaliya, waxa hadda haray waa shirka ka dhacay Kismaayo” ayuu yiri markale sarkaalkan.

Si kastaba, Sheekh Maxamed Maxamuud Aw-Libaax oo shaley shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ammaanka Kismaayo aan la isku haleen Karin waxaana uu ku baaqay in shirka wajiga labaad ee dib u heshiisiinta Jubbooyinka lagu qabto Gedo oo ammaan ah ayuu yiri.

Axmed Madoobe wuxuu dhowr cisho ka hor shaaciyay in aysan ka qaybgali doonin shirka ka dhacaya magaalada Muqdisho 21-ka bishan.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama jawaabin hadalka Axmed Madoobe, maadama labada dhinac ay bishii hore heshiis ku gaareen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DHAGEYSO: Axmed Madoobe iyo Beel uu horey ula heshiiyey oo kala furtay

Muqdisho (Caasimada Online)  Xubnaha Beesha Sheekhaal oo ka mid ah Beelaha Dega gobolada Jubbooyinka, horeyna ula heshiiyey Hogaamiyaha Maamulka Jubba , ee Axmed Maxamed Islaam Axmedd Madoobe, ayaa Shir jaraa’id oo ay ku qabteen Muqdisho waxa ku dhaliileen Siyasada Maamulkaas.

Gudoomiyaha Siyaasadda Beesha Sheekhaal Salaad Cilmi Axmed, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ujeedka kulankooda uu yahay ka hortaga qaladaadka Hogaamiyaasha Maamulka Jubba ee Madaxda ka ah deegaanada jubbooyinka iyo Gedo.

Wuxuu sheegay in iminka ay muuqaneyso in Si cad ay Maamulka Jubba u jabinayaan qodobadii lagu soo heshiiyay , isla-markaana maamulkaasi uusan ka shaqeyneyn Nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya.

“In midnimada Umada laga shaqeeyo waa muhiimada Koowaad, Sidaasi darteed waa in la raacaa Qodobadiilagu soo heshiiyay , taas ayaa dan noo ah, Waxaan arkeynaa inuu Baaqday Shirkii 5-ta Bishan lagu waday inuu Muqdisho ka furmo Sababo jira Darteed dib loogu dhigay ila 21-ka Bishan, waxaana Muuqanaya Khilaaf Maamulka Jubba uu wado” Ayuu Yiri Salaad Cilmi Axmed

Salaad Cilmi, ayaa sheegay in aysan waxba u arkin wararkii Maal mahan maamulka Jubba kasoo baxayay ee ka dhanka aha Shirka Muqdisho Balse Axmed Madoobe, marnaba aysan ka filaneyn inuu hadalka ku aadan inuusan ka qeyb galen shirkaas uu ku dhawaaqayo.

“Maslaxad Uguma Jirto in Dadka Somaliyed ay Heshiin waayaan , waana in la fahma Cidda wado Khilaafka , waana in la aqbalaa waxa ay dowladu ku dhawaaqday , waxaana lSaaxiibadeen reer Jubba ugu baaqaynaa inay Yimaadaan oo ay ka qeyb galaan Shirka Muqdisho ” Ayuu yiri  Salaad Cilmi.

Wuxuu sheegay in qofkii Kismaayo aadaa isagoo ka qeyb galaya kulan halkaasi laga qaban qaabinayo uu lammid yahay sida uu sheegay qof dhabar jabinaya dowlada Soomaaliya shacabkana aan dantiisa wadin  sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu si cad u sheegay inay ka hor imaanayaan cid waliba oo kasoo horjeesatay dowlada Soomaaliya iyo Nabadda ay dooneyso iminka ee ku wajahan Deegaanada gobolada Jubbooyinka iyo Gedo .

Ugu dabeyn wuxuu sheegay in Beesha Sheekhaal aysan jirin cid matasha oo ka qeyb gali karta Shirka Kismaayo qaban qaabadiisa ay ka socoto, waxaana uu tilmaamay in cidii ka qeyb gasha aysan matalin Beesha Sheekhaal.

Maamulka Axmed Madoobe ee Jubba ayaa si cad u sheegay inaysan ka qeyb galeyn Shirka 21-ka Bishan lagu wado in Muqdisho uu ka Furmo , kaas oo loga hadlayo aayaha Gobolada Jubboyinka iyo Gedo.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Siyaasadda Beesha

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

VIDEO: Ma ogtahay in Badda Somalia sidan loo xaalufiyo (Daawo Fadeexad)

Caasimada Online:  Caalamka meel kasta uu joogo waxuu si cad u xaalufinayaa Badeena Soomaaliya asagoo ku soo gambanaya waxaan la dagaalameynaa Burcad badeed taa oo macnaheedu yahay in kheyraadka badeena ay xaalufinayaan.

Muuqaalkani waxuu ku tusinayaa sida maalinta cad loo boobaya kheyraadka dalkeena Somalia ayadoo aan cid ka hadasha aysan jirin taa oo ku tusineysa in aysan jirin Dowlada u hadasha Dalkeena Somalia.

Hadaba Daawo Muuqaalkani kadib nala wadaag fikirkaada adoo Comment ka bixinaya sida aad u aragto.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Dhacdo Naxdin leh: Gabar 13-Sano jir ah oo inta la Kufsaday la gubay

Muqdisho (Caasimada Online) Degmada Balanbaale, oo ka tirsan NDF Somalia  Balse Kenya ay u taqaan Waqooyi Bari Kenya ayaa waxaa ka dhacday Dhacdo Xanuun iyo Murugo ku reebtay Dadka deegaanka, kadib markii Gabar 13-Sano jir ah inta la kufsaday , hadana la gubay.

Waa dhacdo Xnuun iyo muro ku reebtay ehelada iyo dadka deegaanka ay mashaqadan ku dhacday , waxaana xilliga gabadhan arintaasi lagu sameynayay ay la jirtay Geel , maadaama halka dhacdadu ay ka dhacday ay tahay dhul miyi ah .

Qadiijo Diiri Dhicis, waa Eedada gabadhasida xun loo galay waxaana ay sheegtay in iyadu ay soo korsatay gabdha, BBC-da Qeybta Afka Soomaaliga ayayna uga warbixysay sida ay wax u dheceen .

Waxay sheegtay in Gabadha ay ka shaqeyn jirtay raacistay Geela, hayeeshee Maalintii Dambo ay waayeen , Ninkii Geela lahaa ayay sheegtay inuu baadi goob u galay Gabadhii iyo Geeliisi balse Nasiib Xumo uu kaliya Soo helay Geelii Gabdhiina uu waayay.

Ninkii Geela lahaa ayaa arintan kusoo war geliyay Ehelada Gabadha gaar ahaan Maamo Qadiijo, oo aheyd Eedada gabadha ,waxaana ay shaacisay in durba ay raadin kula dhaqaaqeen gabadha .

Muddo Sideed Maalin kadib ah ayay sheegtay in ay Heleen Meydka Gabadha oo inta Cad Cad loo jaray misna lagubay, waxaana ay sheegtay in Xitaa Meydkeeda uu arkay Wiil ari ilalinayay , kadibna uu iyaga kusoo war geliayay .

Waxay sheecisay in Gabdha Cadba meel  ladhigay Xitaa Dharki ay wadatay iyo weelkii Biyaha ay ka soo qaadeen meelo kala duwan , waxaana sida ay sheegtay Meydka gabadha laga soo Hoos qaaday Qashin iyo Cows , .

Iyadoo ilmeyneysa ayay Sheegtay in Xitaa qoorta ay ka jareen Hilibkeedana uu Bislaaday SABAB la xiriirta Dabka , ama Holaca ay ku dhexrideen darteed .

Inta badan Dadka ayaa isku racay in gabdha la Kufsaday ka hor inta aan la dilin , waxaana Cabasho iyo Baqdinba ay ka muujiyeen arinytan , oo ay  ku tilmaameen mid Musiibo ah .

Qadiijo Diiriye, ayaa sheegtay in Gabadha markii iyada lagu soo wareejiyay ay aheyd Shan sano Jir iminkana ay aheyd 13-sano intaasina ay kusoo dadaaleysa Korinteeda , waxaana ay shaacisay inuu dhaalay walaalkeed iyaduna ay eedo utahay .

Halkaan hoose ka dhageyso Dhacdo Naxdin leh oo ka dhacday NFD

Dhageyso Dhacdo xnuun Badan

Caasimada online

Xafiiska NFD

[email protected]

Siyaasiyiin ku Baaqay in Guddi loo Diro Axmed Mdoobe (Sababtu waa maxay)?

Muqdisho (Caasimada online) Qaar ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa waxay ku baaqeen in guddi loo diro Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe hogaamiyaha maamulka Jubba si ay ugu qanciyaan ka qeyb galka shirka Muqdisho ka furmi doona 21-ka bishan .

C/qaadir Xaaji Max’ed Luga dheere wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta kasoo jeeda Jubbooyinka,  waxaana uu sheegay inay wanaagsan tahay si Axmed Mdoobe loogu qanciyo Shirka Muqdisho in loo baahan yahay in loo diro guddi arintraasi kasoo dhaadhiciya.

Odayaal iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo muqdisho kulan ku yeelshay ayuu sheegay inay isku afgateen in guddi loo diro axmed madoobe si waan wan loogu dhameeyo khilaafka hadda soo curtay e ka dhex aloolsan maamulka juuba iyo dowlada Soomaaliya.

Waxaana odayaashaas ay sheegen in muhiimad gaar ah reer Jubba uu uleeyahay shirka Muqdisho qabsoomidiisa ay ka wado xukuumada Soomaaliya hayeeshee Axmed Madoobe uu diiday inuu ka qeyb galo .

Hogaamiyaha mamulka Jubba Axmed Maxmed Islaam Axmed Madoobe, ayaa si cad uga soo horjeystay ka qeyb galka shir 21-ka bishaan ka furmi doono Muqdisho kaas oo looga hadlayo aayaha gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Dowlada Soomaaliya wali kama aysan hadlin arinta ku aadan Diidmada Axmed Madoobe ee ku aadan Shirka Muqdisho ka furmaya ee aayaha Jubbooyinka iyo Gedo looga hadlayo.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Axmed Madobe oo kulamo xiriir ah ka wada Kismaayo + Ujeedka

Kismaayo (Caasimada Online) Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose waxaa ka socda kulamo uu la qaadanayo hoggaamiyaha maamulka kumeel gaarka ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) qaybaha kala duwan ee bulshadda.

Sida ay lee yihiin ilo ku dhowdhow maamulka Axmed Madoobe, kulamadan oo shaley iyo xaley socday ayaa looga hadlayaa siddii loo soo dhammeestiri lahaa maamulka kumeel gaarka.

Magaalada waxaa laga dareemayaa guux iyo qaban qaabada dhismaha maamulka Axmed Madoobe, waxaa magaalada soo gaaray ergo dooneysa in ay qayb ka noqdaan maamulka.

Ammaanka magaalada gaar ahaan xarunta madaxtooyada ee maamulka iyo Jaamacadda Kismaayo ayaa la adkeeyay waxaana la dhigay ciidamo badan oo baaraya dadka iyo gawaarida.

Isku soo duub maamulka Axmed Madoobe ayaa hadda waxaa ka dhisan isaga iyo ku xigeenkiisa Gen Fartaag, balse maamulka sida qorshaha uu yahay waxaa la doonayaa in uu yeesho golle fulin (Wasiiro) iyo golle sharci dajin (aqalka Baarlamaanka).

Axmed Madoobe oo labo cisho ka hor dib ugu laabtay Kismaayo ayaa sheegay in aysan ka qaybgali doonin shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka ee ka dhacaya Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]