28.4 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Guddoomiye Tarsan oo warar culus oo khatar ah sheegay (Muxuu yiri?)

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo maanta ka hadlaayay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayuu ka sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ay ku leh yihiin falalka nabad galyo darada eek a jirta caasimada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in mas’uuliyiintan ay xilal ka soo qabteen dowladihii kumeel gaarka isla markaana ay hadda xil ka hayaan dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Eedeemahan aan caadiga ahayn ee uu sheegay Tarsan ayaa muujinaya in falalka ammaan darada ee ka jirra dalka ay ku lug lee yihiin xubno ka tirsan dowladda.

Tarsan ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ay jiraan ciidamo badan oo dadka dhibaateeya kuwaas oo dhac iyo tacadiyo kale u geesta, wuxuuna sheegay haddii aan wax laga qaban in magaalada Muqdisho aysan ka bixi doonin diihaalka iyo dhibaatada soo martay.

Ugu dambeen, wuxuu guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho uu tilmaamay in maamulkiisa uu wax badan ka qabtay horrumarka dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho, wuxuuna sheegay in qof kasta oo doonaya dib u dhaca caasimada tallaabo laga qaadi doono sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DHAGEYSO: Ahlu Sunna iyo Ciidamada DF oo dagaal xoogan uu dhex maray

Sida wararka aan ka heleyno degmada Balad Xaawo , ay sheegayan Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo sidoo kale Kuwa Ahlu Sunna ayaa ku wada dagaalamay halkaas, kadib markii Khilaaf uu Soo kala Dhexgalay.

Dagaalka maanta ayaa wuxuu daba socdaa qarax Maalin ka hor ka dhacay degmada oo ay waxyeelo xoogan ka soo gaaray Saraakiil ka tirsan kuwa ururka ahlu sunna, inkatoo ilaa iminka aysan jirin Cid si gaar ah qaraxaasi u sheegatay.

Dagaalka maanta ayay dadka deegaanku waxay Sheegayaan in Dhaawac xoogan uu kasoo gaaray Gudooomiye Kuxigeenka Degmada B/Xaawo, Kaas oo lagu magacaabo Buule Qaloocoow, waxaana sidoo kale Dhaawac uu soo gaaray mid ka mid ah ilaaladiisa .

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in wali ciidamadu ay is hor Fadhiyaan isla-markaana y ridayaan Risaas Teel teel ah, waxaan jirta cabsi ku aadan in xilli waliba dagaal labada dhinac ah la filan karo.

Arintan waxay ka dambeysay kadib markii Tuhun uu soo kal dhexgalay labada dhinac, Kaas oo salka ku haya qaraxii Dhowaan Degmada ka dhacay.

Ilaa iminka labada dhinac kama aysan hadlin arintan.

Halkaan hoose ka dhageyso Dagaalkaas Beled Xaawo

dagaal badal xaawo

Wixii warar aruntaasi kasoo kordha ka daalaco  www.Caasimada.com 

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Daawo Video: Muuqaal laga naxo oo laga diyaariyay Waalida Soomaalida

Caasimada Online:  Maanta oo ku beegan 10 bisha Oktoobar waxaa caalamka dhan laga xusaa cudurada ku dhaca dhimirka (Waalida) waxaana dunida ay qadarisaa maalintan si loo hormariyo wax ka qabashada cudurada maskaxda ku dhaca iyo dadka xanuunanadaasi la ildaran. Dalka Soomaaliya lagama yaqaan maalinta oo  kale oo caalamka intiisa kale laga xusayo waalida.

TV-ga Chanal4 ee dalka Ingiriiska ayaa barnaamij gaar ah ka diyaariyay dadka qaba Waalida ee ku nool Somaliland, barnaamijkan ayaa waxaa daadihinayo Jamaal Osmaan oo mar booqasho ku tegay Hargeysa, wuxuuna kusoo bandhigay qaabka loola dhaqmo dadka waalida qaba iyo dhibaatada ay kala kulmaan bulshada, gaar ahaan caruurta.

HALKAAN KA DAAWO: 

 

SOOMAALI ku go’doonsanaa xeebaha Libya & Italy oo la soo bad baadiyey

Roma (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in maraakiibta ilaaliya xeebaha Talyaaniga iyo kuwa ganacsiga ay soo badbaadiyay doomo ay la socdaan dad u badan Soomaali kuwaasoo in ka badan 24-saac ku go’doonsanaa xeebaha Talyaaniga.

Wariyaha BBC-da ee Roma Aadan Sabriye ayaa soo sheegay in dhammaan dadkii la socday doomaha ku go’doonsanaa xeebaha u dhexeeya Talyaaniga iyo Libya in la soo badbaadiyay loona wado dalka Talyaaniga.

Wariyaha ayaa sheegay in doomaha ay gaarayaan ilaa seddax kuwaas oo ay la socdaan ku dhawaad 500 oo qof.

“Waa ay soo socdaan dadka ka imaanaya Libya, waa tii aan sheegnay shaley dad la soo xiriiray BBC-da kuwaasoo ku go’doonsanaa xeebaha u dhexeeya Libya iyo Talyaaniga, dadkaas waxa ay gaarayeen 110-qof laakin doon kale oo ay la socdaan 109 ayaa la soo badbaadiyay oo ay ku jiraan Eritrean” ayuu yiri wariyaha.

Si kastaba, labo toddobaad ka hor ayey ahayd markii doon ay la socdeen in ka badan 500 oo qof ay ku degtay xeebaha Talyaaniga, waxaana doontaas ku dhintay dad kor u dhaafaya ilaa 300.

Ma ahan markii ugu horeysay oo la soo wariyo dhibaato intaas la eg oo  ka dhacday xeebaha Talyaaniga.

Dadkan ayaa jooga xaallad quus ah, kaddib markii ay ka soo carareen waddankooda oo in k Abadan 22-sano dagaallo ay ka socdeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Yurub.

[email protected]

SOOMAALI lagu xiray Jomo Kenyatta

Nairobi (Caasimada Online) Ciidamada ammaanka Kenya ayaa xiray ku dhawaad 20-qof oo Soomaali ah, kuwaasoo ku sii jeeda dalka Saudi Arabia si ay u soo gutaan Xajka.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi Maxamed Cali Nuur Americo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadkan ay kujiraan da’d ah iyo dumar kuwaasoo la rabay in qaab been abuur ah looga dhoofiyo garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta Airport.

Wuxuu sheegay markii ay maqleen warkaas in ay la xiriireen hey’addaha ammaanka kaddibna ay ogaadeen dadkan in ay wateen baasabooro Soomaali ah balse warqado aqoonsi ah oo Kenya laakin been abuur ah la rabaay in looga dhoofiyo dalka Kenya si Xajka u soo gutaan.

“Dadkan muddo seddax cisho ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta Airport, waxa ay wateen warqado been abuur ah, hadda damiin ayaa lagu sii daayay mardhowna maxkamad ayaa la soo taagayaa “ ayuu yiri danjire Americo.

Si kastaba, wixii ka dambeeyay weerarkii Westgate ee Nairobi, waxaa aad loo adkeeyay ammaanka dalka Kenya, waxaana aad loo baaraa dadka Soomaalida ee ku sugan dalka iyo kuwa yimaada dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Erdogan oo dhowaan tagaya Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa sheegay in dhawaan magaalada Hargeysa uu tagi doono wafdi uu hoggaaminaayo ra’iisal wasaaraha Turkiga Recep Tayib Erdogan .

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa hadalkan u sheegay warbaahinta,kaddib markii uu ka soo laabtay dalka Turkiga oo muddo toddobaad uu ku maqnaa.

Siinlaayo ayaa sheegay in mowqifka Somaliland ee ku aadan gooni’ isku taagooda uu yahay mid muqadas haddana lama taabtaan ah.

Wuxuu kaloo sheegay in Turkiga ay kala soo haleen siddii loo xoojin lahaa calaaqaadka ka dhexeeya maamulka Somalialnd iyo Turkiga.

Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay in Turkiga uu xafiis ka furan doono magaalada Hargeysa kaasoo ka shaqeen doono danaha labada dhinac sida uu yiri.

Ugu dambeen wuxuu sheegay in wahadallada u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulkiisa uu sii socon doono dhawaan shirkii seddaxaad uu ka dhici doono dalka Turkiga.

Waa markii ugu horeysay oo hoggaamiye sare uu booqdo Hargeysa haddii ay hubaal noqoto booqashada ra’iisal wasaaraha Turkiga.

Ra’iisal wasaaraha Turkiga ayaa sannadkii 2011-ka isaga iyo xaaskiisa waxa ay booqdeen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, wuxuuna dunidda tusay in Soomaaliya ay tahay meel ammaan ah oo la tagi karo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

DHAGEYSO: Malaaq Cali Shiino: Axmed Diiriye Cadaado iyo Shabeelaha Hoose ayaa isaga qaldamay waase la barayaa

Baydhaba (Caasimada Online) – Ayada oo uu Axmed Diiriye Cali oo ah afhayeenka golaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye uu ka hadlay shirka Baydhabo islamarkaasna uu sheegay in gobolka Shabeelada hoose ay degaan Digil iyo Daame oo uu ku micneeyay Digil iyo Hawiye, ayaa waxaa u jawaabay Malaaq Cali Shiino, oo ah afhayeenka golaha odayaasha dhaqanka beelaha Digil iyo Mirifle.

” Anigu horta ninkaas isaga ah in loo jawaabo maba qabo, waayo ilamaba ahan nin caqligiisu dhan yahay, Axmed Diiriye anigu waan aqaanaa, si fiican ayaan isku naqaanaa, Axmed Diiriye waxana u sheegayaa meesha uu ka yimid waa Cadaado ee Shabeelada hoose ma ahan hadaad aqoon weysidna waa lagu fahansiinaa” Ayuu yiri malaaq Cali Shiino.

Waxa uu sheegay in Axmed Diiriye aan Axmed Diiriye aan waxba laga weydiinayn arrinta Baydhabo iyo gobolka Shabeelada hoose.

Mar aan wax ka weydiinay hadal ku aadanaa inuu dagaal dhici karo oo uu Axmed Diiriye sheegay ayaa uu malaaq Cali SHiine ku jawaabay,
” Axmed Diiriye waxaad haysid cidna ha ugu turin, hadaad leedahay dagaal baan ku qaadayaa goboladaas saacadaan soo dhaqaaq waa lagu sugayaa Axmed Diiriyow”

Halkan ka dhageyso Malaaq Cali Shiino

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
[email protected]

XASAN SHEEKH iyo SAACID: Laba isma Qabaneysee kala Daaya!!

Mayeysan Xishoon Madaxda Dowladda ee Federaalka sida Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha, marka aan sidaa leeyahay dad badan ayaa ila yaabaya Sababtoo ah waxaa ka daadegin Dulucda Ujeedada Sheekadeyda Bishii Agoosto Madaxda Dowaldda iyo Xukuumadda waxay ku dhawaaqeen Mashruuc loogu Magacdarey Aadda Dugsiyadda (GO TO SCHOOL) oo SaddexdaSanno ee soo socota oo ay ku egtahay Jiritaanka Dowladda hadda Shaqeysa loogu dirayo Hal Milyan oo Caruur ah Waxbarasho Lacag la’aan ah taasoo haddii xitaa ay kala Bar hirgasho noqneysa Hiigsi wacan oo laga gaarey Dhinaca Waxbarashada

22 Sanno Caruur fara badan ayaa la’aa Waxbarasho Nooc walba leh sababtoo ah Goobihii Waxbarashada ee Sannadahaas ayaa waxay noqdeen kuwa ku Burburey Dagaaladii Sakeeye kuwii dib loo Aas –aaseyna waxay Noqodeen kuwa Jeebka gacanta la gelinayo oo lacag ah taasoo u saamixin Waaalidiin fara badan in Caruurtooda Dugsiyada u diraan.

Iyadoo sidaas ay jirto ayaa Calaamad Su’aal saarey Tayada Waxbarashada ee Lacagta ah oo lagu kala Fikir Duwan yahay , Dad bay waxay qabaan in Waxbarashada Jirtaa Xiligaan mid Jaantaa Rogan ah oo ku dhisan arrimo Ganacsi , halka kuwa kale ay qabaan in loo Mahadceliyo Dadkii Saldhiga u ahaa in Soomaaliya mar kale Waxbarashadeedii dib Boorka looga jafo, Waxaana dad badan ay Eedeynayaan in aan Wax Xil ah iska saarin Dowladihii ku meel gaarka ahaa oo soo taxnaa ilaa Xiligii Carta Tayadda Waxbarashidii jirtey.

Haddii la Saluugay Waxbarashadii Lacagta ahayd ee soo taxneyda Xiliyadii aan soo dhaafney waxay Su’aal ka taagan tahay sida ay noqon karto Waxbarashada lacag la’aanta ee ay Dowladu ku baaqdey , waxaan u jeedaa Tayadeeda , Habka iyo Hanaankeeda.
Iyadoo Madaxda Dowladu ku baaqdey in Dugsiyada loo Dareero ayaa hadana Dhinaca kale waxa Jahwareer uu ka taagan yahay Dugsiyadii la Aadi lahaa Boqolkii Sagaashan ay gacanta ku hayaan dad gaar ah waxaa ka sii yaab badan Qaar ka mid ah Dugsiyadii Iskaa wax u qabso lagu Dhisey Wasaaradda Waxbarashadu u hibeysey Shaqsiyaad leh Dugsiyo gaar ah loo leeyahay

Agaasinka Guud ee Wasaaradda waxbarashada Prof Maxamed Cabduqaadir Nuur ayaa Warbaahinta u sheegey in ay ku rajo weyn yihiin Mashruucaas uu lagu Guuleysto isagoo meesha ka saarin caqabad kasta oo imaan karta , waxaana uu ka gaabsadey in uu farta ku fiiqo inta Dugsi ee Lacag la’aanta ah ee Degmo kasta ku taalo si Cid waliba u Ogaato oo Waalidiintooda ugu Diraan Caruurtooda

Markaan u soo Daadego Biya Dhaca Sheekadeyda oo aan ku Eedeeyey Madaxda Dowlada ugu Sareysa waxaan ula jeeda Laba arrin oo aan Isqaban Karin ah in la yiraahdaan Aada Dugsiyada iyo in wadooyinka Muqdisho loo Xiro marka ay ka dhoofayaan Dalka iyo marka ay ku soo laabanayaan , iyagoo ku Marmarsiiyoonaya in wax waliba ay ka Horeeyaan wax ay ku Tilaamaan Sugida Amaanka.

Waxaa Hubaal ah in Mushruuca Aada Dugsiyada waa haddii uu hirgalee ay Dhabar jab weyn ku tahay Xiritaanka Wadooyinka Magaalada Muqdisho kaaso noqdey mid aan loo meel Dayin, waxaan Teleefoonka kula Xiriirey Agaasinka Tacliinta Sare Wasaaradda Adeega Bulshada Madane Ismaaciil Yuusuf Cismaan waxaan weydiiyey Saameynta aan wanaagsaneyn ee arrinta Jidgooyadu ku keeni karto Mashruuca Aada Dugsiyada waxaana uu ku jawaabey “ Xirnaanshaha Wadooyinka Saameyn aysan ku yeelan Waxbarashada lacagta kuma yeelaneyso Waxbarashada Lacag la’aanta ah ee Dowladu ku baaqdey” waxaa uu intaa ku darey “Ma jiraan maalin ay dhacdey Wadooyinka Muqdisho in la wada Xiro isagoo meesha ka saarey Xirnaashihi Maalinkii uu Madaxweynuhu uu ka soo laabtey Dalka Mareykanka” Waxaa dad badan ay Marag iiga yihiin in Ardeyda Muqdisho Waxbarasho seegeen Imaantinkii Madaxweyne Xasan Shiikh, taasoo haddiiba ay dhacayso ku habooneyd in ugu yaraan la ogeysiiyo Maamuladda Dugsiyada iyo Jaamacadaha .

Guntii iyo Gabagabadii haddii laga maarmo Codka Da’yarta oo la hubo in Mustqablka Beri yihiin sidaan halagu sii socdo , haddi kale sidaan ha la isku Dhaamo oo wax laga bedelo Dhaqanka aan la jecleysan , marka Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Raiisul Wasaare Saacid laba isma Qabaneysee kala Daaya oo ah in Wadooyinka la Xirto iyo Dugsiyada Aada la yiraahdo.

WD Qoraa iyo Wariye Cabadinaasir Xirsi Iidle
E-Mail [email protected]
Tel 00252615503978

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

110 Qof oo Soomaali ah (30 Dumar + 20 Caruur) oo halis ku sugan (Warbixin)

Roma (Caasimada Online) Waxaa faah-faahin laga helayaa doon ay la socdaan tahriibayaal Soomaali ah kuwaasoo ku go’doonsan xeebaha u dhexeeya Libya iyo Talyaaniga.

Doonta waxaa la socda 110-qof oo ay ku jiraan 30 dumar iyo 20-carruur ah, kuwaasoo tan iyo shaley ku go’doonsan xeebaha u dhexeeya Talyaaniga iyo Libya.

Gabar la dhalatay mid ka mid ah dumarka la socda doontan ku go’doonsan oo ku sugan xerada IFO ee dalka Kenya ayaa BBC-da u sheegtay in ogaadeen in ay ka mid tahay dadka la socda doonta.

Sahro Nuur Cabdulaahi Faarax ayaa sheegtay in markii ay ka maqleen Idaacadda warka ku saabsan doon ay la socdaan dad Soomaali ah oo ku go’doonsan xeebaha u dhexeeya Liibya iyo Talyaaniga, waan naxnay ayey tiri.

Mar la weydiiyay wax yaabaha ku kalifay in walaasheed ay u bareerto khatartaas, waxaa ay sheegtay in waxyaaba ku kalifaya dhallinyaro badan oo isaga taga dalka ay sabab u tahay sida ay hadalka u dhigtay.

Si kastaba, Soomaalida la socota doonta ku go’doonsan xeebaha u dhexeeya Libya  iyo Talyaaniga ayaa wax gurmad ah helin tan iyo shaley markii ay ka soo baxeen dalka Libya.

Labo toddobaad uun ayaa laga joogaa markii doon ay la socdeen in ka badan 500 oo qof oo Afrikan ay ku degtay xeebaha Talyaaniga.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Yurub

[email protected]

Somalia oo kaalinta 1-aad ka gashay FIFA Futuro III + Sawirro

Muqdisho (Caasimada online) Gabagabadii tababarka caalamiga ah ee FIFA u qabato macalimiinta garsooreyaasha ee loo yaqaano FIFA Futuro III Course ayaa Soomaaliya waxaa la siiyay kaalinta 1-aad kaddib markii Cali Maxamed Axmed oo ka socda Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta la siiyay abaal marinta kaalinta 1-aad isagoo noqday qofkii ugu dhibcaha badnaa imtixaankii khubarada FIFA ay qaadeen.
Sharaf weyn ayay u ahayd Soomaaliya in dhacdadan caalamiga ah laga garaacay musikada astaanta calanka Soomaaliya iyadoo meesha ay ku sugnaayeen wufuud ka kala socotay dalal aad u farabadan kuwaas oo aan nasiib u yeelan in astaanta calankooda meesha laga tumo, balse mar qura goobta laga maqlay astaanta calanka Soomaaliya.
Munaasabadii gabagabada ayaa lagaga dhawaaqay in Cali Maxamed Axmed oo ka socday Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta uu galay kaalinta 1-aad halka kaalimaha 2-aad iyo 3-aad ay kala galeen ABASI oo ka socday Uganda iyo GIZETE oo ka socday dalka Itoobiya oo koorsadana lagu marti geliyay.
Waxaa tani ay ahayd talaabo kale oo guul xambaarsan oo usoo hoyatay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo dhawaana ku guleystay in markii ugu horeysay dalka Soomaaliya lagu qabto tababarka noociisu yahay FIFA Grassroots course oo Soomaaliya waligeed aanay horay u helin.
Cali Maxamed Axmed oo saxaafada hadal siiyay ayaa sheegay in dhacdadani ay tusaale weyn u ahayd in horumar weyn oo xaga kubada cagta ah uu ka jiro dalka Soomaaliya oo soo maray dagaalo kuwii ugu xumaa  ee dunida ka dhaca dhwoir iyo labaatankii sano ee lasoo dhaafay.
Cali Maxamed Axmed oo ka mida macalimiinta garsooreyaasha dalka Soomaaliya waxaa l oo aqoonsaday hormuudka koorsada waxaana isla goobta lagu gudoonsiiyay abaal marin heer caalami ah.
Astaanta calanka Soomaaliya garaacitaankeeda ayaa lagusoo beegay markii wakiilkan ka socday xiriirka Soomaaliyeed uu guddoomayay abaal marinta caalamiga ah.
Soomaaliya ayaa waxaa barnaamijkan heerka caalami ah ku matalayay sadex ka mida macalimiinta ugu sareysa ee garsoorka dalka Soomaaliya kuwaasoo kala ahaa: Ali Mohamed Ahmed, Abdi Abdulle Ahmed (Baasaale) iyo Aweys Ahmed Jimale.
Halkaan hoose Ka Daawo Sawirada
DSC08402 DSC08403 DSC08404 DSC08405 DSCF4220 DSCF4220[1] DSCF4294 DSCF4312
Somali Football Federation Media Department
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho

VIDEO: Horumarka ka socda dalka oo kusii baahay duleedka Muqdisho

Caasimada Online:  Duleedka Muqdisho waxaa ka soconaya dib u dhis xoogan oo ka baxsan Muqdisho waxaa taa macnaheedu yahay in Magaaladii ay buuxsantay horumarka ka socdana dalka uu gaaray in Magaalada Banaankeeda la dhisto.

Qurba Joogta Soomaalida ayaa la tagay fikrado wax badan ku soo kordhin kara dhanka Bilicda Magaalada Horuamrka Ganacsiga iyo kan deegaankaba waxaana arinkaasi laga dareemayaa Guud ahaan magaalada Caasimadda ee Muqdisho iyo Duleedkeedaba.

Muuqaaladaani waxana ugu tala galnay Qurba Joogta  in aan tusino Horuamrka iyo sida ay u dhismeyayaan Gobolada Dalka iyo Magaalada Caasimada ee Muqdisho ee nala Daawo.

HALKAAN KA DAAWO.

 

Mucaaradka A/Madoobe oo war cusub kasoo yeeray & Go’aan ay ka laabteen

Muqdisho (Caasimada online) Madaxweynayaashii isku magacaabay Jubbaland ,ee Iftiix Xasan Baasto, Cabdi Baaleey, Cumar Buraale, iyo wakiil ka socday Barre Hiiraale ayaa waxay ka wada hadleen arimo ay ka mid yihiin Heshiiskii Adis Ababa iyo Shirka 21-ka Bishan lagu wado inuu Muqdisho ka furmo.

Kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, ayuu Cabdi Shire Warsame , Wakiilka Barre Aaadan Shire Hiiraale wuxuu  sheegay inay soo dhaweynayaan , isla-markaana ay taageeerayaan Heshiiskii Maamulka Jubba iyo sidoo kale dowlada Federaalka Soomaaliya ay kusoo kala saxiixdeen magaalada Adis Ababa.

Raggan ayaa hore waxay u sheegeen inay kasoo horjeedaan heshiiskaas, waxaana ay ku tilmaameen mid xaaran ah , isla markaana dowlada ay uga hiilisay rag ay diriri kala dhexeyso .

Cabdi Shire, wuxuu tilmaamay in iyagoo tix raacaya qodobo Dastuuri ah una hogaansamaya dowlada Soomaaliya ay soo dhaweynayaan Heshiiskaas iyo qodobadii labada dhinac ay kal Sixiixdeen

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay isku raacsan yihiin wax waliba oo kasoo baxa shirka looga hadlayo aayaha gobolada Jubbooyinka iyo Gedo , ee lagu wado inuu Muqdisho ka furmo 21-ka bishan kaaas oo qabanqaabadiisa ay wado dowlada Soomaaliya.

Raggan ayaa dhowaan waxay dagaal magaalada Kimsaayo kula galeen Hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, inkastoo markii dambe laga soo saaray Magaalada .

Hogaamiyaha maamulka Jubba ay dhowaan ayaa si cad u sheegay inuusan ka qeyb galeyn Shirka qorshihiisu uu ka socdo magaalada Muqdisho ee looga hadlayoaayaha Jubbooyinka iyo Gedo.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Cabdi Jiinoow: Maxkamad ayaan la koreyna Hey’ada ICRC-da

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe, Cabdi Jiinoow Calasoow, ayaa sheegay Inay Maxkamad la korayaan Mas’uuliyiinta Hey’ada ICRC-da sababo la xiriira Musuq Maamuq  uu sheegay inay gobolka ku sameeyeen .

Wuxuu sheegay Cabdi Jiinoow, isagoo ku sugan  magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya inay musuq maasuq sameeyeen shaqaalaha hay’ada ICRC markii ay xirayeen buqatada Tuulada Baareey oo fatahaada Webiga Shabeelle uu ka bilowday dhawaan kadib markii Wegiga oo Soo goostay.

Gudoomiyaha ayaa Tilmaamay in arintaasi kulamo  kusaabsan uu la qaadan doonaan mas’uuliyiinta Hay’ada oo kusugan magaalada Nairobi,waxaana sidoo kale uu tilmaamay inay jiraan tuhuno kale oo ay ka sameeyeen tuulada Maandheere sida uu sheegay .

Wuxuu sheegay in arimhaas oo dhan Baaritaan lagu sameyn doono isla markaana hadii ay ku cadaato ay maxkamad la fuuli doonaan Shaqaalaha hey’da , isla markaana aan la isaga  haro doonin arintan .

Wabiga Shabeelle ayaa Fatahaad wuxuu ka sameeyay deegaano iyo degmooyin Hoos yimaada Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabaleeha dhaxe , Taasi oo sababtay inay xirmato wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Jowhar.

Waxaa jira cabdi ku aadan in biyaha wabiga ay usoo tilaabaan dhanka Magaalada Jowhar kadib markii Biyaha wabiga ay kasoo fakadeen djanka Tuulada Baareey , waxaana gudoomiyaha gobolku uu shacabka ugu baaqay inay ku dadaalaan ka hor tagidda arintan .

Halkaan ka dhageyso Codka Gudoomiyaha

Cabdi Jiinoow

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Adduunka waxaa berri qabsanaya Filim ay wax ka jilayaan Soomaali

Washington DC (Caasimada Online) Maalinta berri ah, waxaa meelo badan oo dunida ah laga daawan doonaa filim laga sameeyay burcad-badeeda Soomaalida iyo sida ay u afduubtaan maraakiibta iyo doomaha adeegsada xeebaha Soomaaliya.

Filimkan waxaa laga soo saarayaa xarunta ugu caansan Filimada aduunka ee Hollywood-ka oo ku taalla dalka Maraykanka.

Waxaa filimka wax ka jilya labo wiil oo Soomaali ah, kuwaasoo ka tagay magaalooyinka Minneapolis iyo Birmingham oo ka kala tirsan waddamada Maraykanka iyo Britain.

Filimkan waxaa la yiraahdaa Captain Philips, waa ninkii waday markab laga lee yahay dalka Maraykanka  oo la yiraahdo Maerska Alabama, markabkan iyo shaqaale la socday waxaa la afduubtay bishii April ee sannadkii 2009.

Markabkan ayaa xilligaas ku gooshayay Xeebta degmada Eyl u jirta 240 Notical Meyl, waxaana dubka soo weeraray burcad-badeed Soomaali ah oo watay labo doon, durba captainkii ayaa lagu amray in uu doonta joojiyo,

Si kastaba, burcad-badeedu waxay si dhib yar ku fuuleen Markabka, waxaana Markabka Alabama uu noqday Markabkii ugu horeeyay ee wata Calanka Mareeykanka ee ay afduubaan Burcad-badeeda Soomaalia.

Maalin markii ay heesteen waxaa soo weeraray ciidamada sida gaarka u tabbabaran ee Maraykanka, kuwaasoo xoog ku soo furtya bad-maaxiyaasha ay heesteen.

Filimka waxaa director ka ah Tom Hankies waa nin aad ugu xeel dheer filimada, waxaa kaloo filimka ku jira labo wiil oo la kala yiraado Barkhad iyo Ceyduruus, waxa ay ku jilayaan filimka burcad-badeednimo.

Sida qorshaha uu yahay filimkan dalka Maraykanka gudihiisa waxaa lagu fiirsan doonaa maalinta berri marka uu soo baxo 800 oo shaleemo, sidoo kale meelo badan oo adduunka ayaa si weyn looga dalbay.

Waa filimkii labaad oo laga soo saaro shirkada filimada ugu caansan aduunka ee Hollywood-ka, waxaa horrey loo soo saaray filimkii caanka ahaa ee Black How-down, oo laga sameeyay dagaalkii dhexmaray taageerayaashii Allaha ha u naxariisto Gen Ceydiid iyo Maraykanka sannadkii 1992-dii.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Washington DC

[email protected]

Soomaali badan oo xaalad khatar ah ay ku heesato xeebaha Talyaaniga

Roma (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya xeebaha Talyaaniga ayaa sheegaya in halkaas ay ku go’doonsan yihiin tahriibayaal Soomaali ah oo ka yimid waddanka Libya ee ku yaalla waqooyiga Afrika.

Wariyaha BBC-da Roma Aadan Sabriye oo la hadlay qaar ka mid ah dadkaas ayaa sheegay in 110-qof oo Soomaali ah kuna jiraan 30 dumar iyo 20-carruur ah ay ku go’doonsan yihiin xeebaha Talyaaniga.

Wariyaha ayaa sidoo kale sheegay in dadkan markii la xiriireen ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga kuwaasoo ku wargaliyay in goobta ay ku go’doonsan yihiin ay ka tirsan tahay dalka Libya, sidaa daraadeed loo soo diri doono markab.

Si kastaba, qaar badan oo dadka la socda doonta ku go’doonsan xeebaha Talyaaniga ayaa markii loo sheegay in ay ku sugan yihiin xeebaha Libya waxa ay isku darsameen qaar kooxd waaba ay miir-daboolmeen gaar ahaan dumarka.

Dhacdadan aadka xanuunka badan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo t oddobaadkii hore doon ay la socdeen in ka badan 500 oo Afrikan ah ay ku degtay xeebaha Talyaaniga.

Ku dhawaad 300 oo ahaa dadkii la socday doonta ayaa la sheegay in dhinteen kuwa kalena weli waa ay maqan yihiin.

Iyadoo ay dhibaatadaas la soo warrinaayo haddana Soomaalida ma ahan kuwa wax maqlaya waa ay soo socdaan, waxaana ay u maleeyaan in ay barwaaqo kasoo horeyso, sidaas waxa yiri Aadan Sabriye wariyaha BBC-da ee Roma.

Soomaalida ayaa ka yimaada meelo badan oo  dalka sida Puntland iyo Somaliland, waxaana dhinaca Somaliland ka jira dad burcad ah oo dadka ka soo wada Hargeysa iyo Burco.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Yurub

[email protected]

Dhageyso: Hawiye iyo Raxa-weyn oo is qabtay & Axmed Diiriye oo Afka furtay

Muqdisho (Caasimada Online) Afhayeenka Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali, oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa digniin wuxuu u jeediyay Beelaha Digil iyo Milifle iyo waliba kulamada lagu doonayo in lagu soo dhiso maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya.

Nabadoonka ayaa Sheegay in Beeshahaas ay abuurayaan kala qeybsanaan ku aadan dhanka beelaha, gaar ahaan beelaha  Hawiye, isagoo sheegay in qeyb ka mid ah Beelaha Hawiye ay u yeere si ay kulama Maamul u sameynta gobolada Koonfur galbeed ay uga qeyb qaataan .

“Dhulkaan Baay iyo Bakool dadka dega waxaa la oraj jiray Digil iyo Daami, Dadka Taariikhda Soomaalida wax ka yaqan ayaa aad u garanaya, Marka Daami rajo kama qabo wax dad leeyahay inay qaataan, laakiin dadka waxa kale wada waxaan uga digeynaa inay ka digtoonadaan “ayuu yiri Axmed Diiriye Cali.

Wuxuu sheegay in maal mahanba ay isha ka eeganayeen sida Beelahaasi ay wax u wadaan balse iminka uu dulqadkii ka dhamaaday , waxaana uu tilmaamay in wali xalka si nabadeed ay ku raadinayaan balse hadii laga diido ay xoog isku badali doonto ida uu tilmaamay.

Nabadoon Axmed Diiriye ayaa eedeyn kala dul dhacay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari , taasi oo ku aadan inuu garab siiyay Beeshiisa isla mmarkaana uu colaad ka Hurinaya gobolada Koonfurta Soomaaliya.

Wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamay in Odayaasha Beelaha Digil iyo Milifle ay yiraahdaan lix gobol ayaanu maamul u sameyneynaa , isagoo sheegay in waligiiba  uu Odayaashaasi ku maqli jiray gobolada Baay iyo Bakool sida uu hadalaka u dhigay.

Soomaalida ayuu sheegay inay yihiin dad is garanaya isla markaana isla soo dhamay, waxaana uu xusay in cid cid kale ka sareysa iminka aaneyn jirin sida uu tilmaamay gobolada Koonfur Galbeedna ay degaan dhamaan umada Soomaaliyeed  balse Qabiilo gaar ah aysan laheyn inkastoo lagu kala awood badan yahay sida uu shaaciyay.

Beydhabo waxaa ka soconaya Abaabulka maamul la doonayo in lagu mideeyo gobolada Baay , Bakool , Shabeelaha Hoose labada  Jubbo iyo Gedo , in kastoo deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo uu ka howl galo maamulka Jubba ee Axmed MADOOBE uu hogaamiyo.

Halkaan ka dhageyso Codka Axmed Diiriye

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DF Somalia oo ku tumatay xuquuqda 11 gobol oo aysan jirin cid u hadasha

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda adeega bulshada oo ay hoos tagaan wasaarado badan sida Waxbarashada, Caafimadka ayaa noqotay wasaarad lumisa xaquuqda dadka ku nool koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Wasaaradaan oo ay wasiirad ka tahay Haweeneyda Drs Maryan Qaasin ayaa Maamulkeeda dhanka Waxbarashada iyo Caafimaadkaba ee Dawladda Federaalka kusoo koobtay Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya, Wasaaradaha hoostaga haweeynaydaan ayaan wax la tashi ah la sameynin gobolada hoostaga Maamulkeeda ee ka kooban 11-ka gobol oo ka mid ah 18-ka gobol ee soomaaliya, 11-kaan gobolna waxaa ay ka dhigtay gobolo la xaquuq ah amaba ka xaquuq yar Maamulada Somaliland iyo Puntland.

Drs Maryan Qaasim oo ah Wasiirka adeega bulshada ayaa dhowaan ku dhawaaqday in ay dalka Soomaaliya ka hergelinayso Barnaamij waxbarasho oo hal milyan oo arday dugsiyada dib loogu celinayo, Mashruucaan ayaa la sheegayaa in loo qoondeeyay aduun lacageed oo ka badan 100 milyan doolar.

Mashruucaan ayaa loo qorsheeyay in dalka Soomaaliya laga shaqaaleeyo Macalimiin gaaraya 1500 Macalin, Macalimiintaan ayaa loo kala qeybiyey 500 Macalin Somalilan, 500 Macalin Puntland iyo 500 Macalin Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya, arintaan wasaaradu ogolaatay ayaa ah mid luminaysa xuquuqda dadka kunool gobolada kala ah Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Sh/dhexe, Banaadir, Sh/hoose, Bay, Bakool, Jubada dhexe, Jubada hoose iyo Gobolka Gedo, Goboladaan oo ah 11 gobol oo kamid ah 18-ka gobol Soomaaliya, Laba jibaarna ka dad badan Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa loo qorsheeyay macalimiin lamid ah inta loo qorsheeyay Maamulada somaliland iyo Puntland.

Mashruucaan ayaa waxaan is waafaqeynin higsiga ah hal milyan oo arday in dib Iskuulada loogu celinayo iyada oo la shaqaaleynayo sida la sheegay 1500 Macalimiin, Macalimiin ayaa wax bari karta arday gaaraysa halkii Macalinba 35 arday fasal ka kooban sanad dugsiyeedkiiba, taas oo ka dhigaysa tirada rasmiga ah ee ay wax bari karaan 52,500 arday. Mashruucaan ma cadda loomana faahfaahin sida gobolada Soomaaliyeed ee ka kooban 18-ka gobol ay uga faaiideysanayaan, Iskuulaadka la sheegay in la dhisayo sida gobolada dhan looga hergelinayo, Macalimiinta la tababarayo ama la shaqaaleynayo sida loo xulayo iyada oo si cadaalad ah loogu qeybinayo dhowr iyo sagashanka degmo ee dalku ka kooban yahay.

Mashruucaan aya marka laga reebo document-gaan sida qurxan loo qoray balse aan cadaaladda ku dhisneyn ayaa gobolada Soomaaliyeed ee bartamaha iyo koofurta inta badan aanba warkiisa laga heynin marka laga reebo gobolo ku dhow caasimada oo isku duwayaal waxbarasho oo qaab qabiil ah lagu magacaabay ay si suuq madoow ah u qoreen shaqsiyaad aan horey macalimiin u ahaan jirin. Mashruucaan oo dhan ayaa ku socda si mugdi ah oo aan faahfaahsanayn waxa laga qabanayo 18-ka gobol ee Soomaaliya, Mashruucaan ayaa la sheegayaa inay maalgelinayaan deeq bixiyayaal caalami ah oo ka kooban EU, DFID, USAID, the Netherlands, and the Global Partnership for Education (GPE). Mashruucaan ayaa haddii la sameyn lahaa in lagala tashado dhamaan Maamulada Gobolada, si simana loo qorsheeyo in gobolada Soomaaliyeed loo gaarsiiyo wax badan kusoo kordhin lahaa nambarka ardada Soomaaliyeed ee ka faaiideysata.

Mashruucaan oo loogu magac daray Go to School (G2S) 2013 – 2016 ayaan ahayn mid aan faahfaahsanayn wuxxuna u qoran yahay qaab guud, inkastoo qorshaha mashruucaan cinwaanka (header) looga dhigay Somalia Federal Republic G2S Initiative: Educating for Resilience (2013‐2016) Strategy Document, haddana mashruucaan wuxuu dawlada Federaalka Soomaaliya u aqoonsan yahay oo kaliya Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya kaliya, Goboladaas oo ay wasaaradu maamulayso, aqri link-gaan http://www.unicef.org/somalia/SOM_resources_gotoschool.pdf Halka Maamulada Somaliland iyo Puntland uu si la siman Dawladda Federaalka u aqoonsan yahay Wasaaradahooda Waxbarashada .

Dhibaatada haysata gobolada Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya ayey tahay in horumarinta iyo wax u qabadka goboladaan oo ka kooban ilaa 11 gobol loo daayey Dawladda lagu magacaabo Federaalka Soomaaliya, balse xaqiiqada dhabta ahi ay tahay gobolada shirkadda lagu yahay Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya, Masuuliyiinta Dawladda Federaalka ayaa ka imaanaya dhamaan gobolada iyo Maamulada sida la siman dawladda federaalka loo aqoonsan yahay balse masuuliyiinta ka imaanaya Puntland iyo Somaliland ayaan masuuliyad iska saarin sidii goboladaas u hoos imaan lahaayeen Dawladda Federaalka balse taas cagsigeeda waxay taageerda Caalamka Soomaaliya siiyo marka la isugu yimaado shirarka deeq bixiyayaasha oo looga qeyb galo qaab ah 3 dawladood oo siman ayba u xagliyaan in horumarinta Nabadgelyada, waxbarashada, caafimaadka, kaabayaasha kale ee dhaqaalaha in la geliyo gobolada ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan sida joogtadaba noqotay.

Si kastaba ha ahaatee Deeq bixiyayaasha Caalamka iyo Masuuliyiinta Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku tuntay xaquuqda dadka Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya oo aan lahayn siyaasiyiin iyo aqoonyahan ilaaliya xaquuqda goboladaas.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maxaa ka cusub afduubkii R/W Libya?

Tripoli (Caasimada online) Ra’isul wasaaraha dalka Liibiya Ali Zeidan oo goor sii horeysay oo maanta ah lagala baxay Hotel uu ka deganaa Magaalada Tripoli ayaa saacado ka hor Xoryadiisa dib u helay,Sida Dowlada ay shaacisay.

Kooxo Falaago ah oo Xiriir ay la leeyihin Dowlada Liibiya , ayaa la sheegay in Gacanta ay ku dhigeen Mr Zeidan,iyagoo ku eedeeynaya inuu ku dhaqmay ama bixiyay amar aysan ku qancin.

Maleeshiyaadkaan  Gacanta ku dhigay Ra’isul wasaaraha ayaa waxay ka mid yihiin Kooxo dhowr ah oo ka gil gishay Weerarkii Mareynkanka uu Liibiya kagala Baxay Hogaamiyaha sare ee ka Tirsan Al-Qaa’ida ee Anas Al-Liibiya.

Ma jiraan ilaa iyo Hada war cad oo ka soo baxay Xukuumada Liibiya oo ku aadan Afduubka Ra’isul wasaaraha Liibiya.

Kooxda Ra’isul  wasaaraha Afduubatay Maanta ayaa sheegtay in Xariga Mr Zeidan uu la xiriiro damaanad qaad dhanka dacwad Oogayaasha ah, Laakiin Dowlada ayaa arintaasi beenisay.

Dadka Liibiya ayaa ka careysan Talaabadii Kumaandooska Mareynkanka Sabtadii ugu Qaadeen Weerarka Liibiya,iyagoo damacooda uu ahaa inay soo qabtaan Sarkaal sare oo ka tirsan Liibiya oo lagu Magacaabo Anas Al-libya.

Dad badan oo Reer Liibiyaan ah ayaa u arka Weerarkii Mareynkanka Mid ka dhac ah ku ah Qaranimada Liibiya,waxaana Sii kordhaya Cadaadiska lagu saarayo Xukuumada inay arintaasi sharaxaad ka bixiso.

Maalintii Isniinta ahayd ayaa Dowlada Liibiya waxay Mareynkanka ka dalbaday inay ka jawaabto Talaabadii ay ku weerartay Liibiya Muwaadin dalkaasi si sharcidaro ah kula baxday.

Caasimada online

Xafiiska Tripoli

[email protected]