28.1 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

DF iyo Maamulka Faroole oo mar kale xilli la fashiliyey heshiisyadii P/L

Wasiirka Khayraadka Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiisyadii shidaalka ee maamulada Puntland iyo Somaliland la galeen shirkadaha shisheeye .

”Ruqso walba oo maamul goboleedyadu siiyeen shirkadaha shidaalka baara waa waxba kama jiraan wax ka soo qaadna malahan, Shirkadaha shidaalku waa inay kala xaajoodaan Dowladda Federaalka Khayraadka dalka”Ayuu yiri Wasiirka oo ka hadlayey shir lagu qabtay London kaas oo diirada lagu saarayey khayraadka ku duugan Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu cadeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ku hawlan tahay qorista Xeerkii Shidaalka iyo wax ka badal ay ku samayso Dastuurka KMG ah qodobadiisa ku saabsan Khayraadka dabiiciga ah .

”Dowlada Federaalka Soomaaliya waxay gacanta ku haysaa sidii ay u qori lahayd shuruucda Khayraadka dabiiciga ah ee Dalka iyo weliba waxka bedel Dastuurka ee dhanka khayraadka waxaanuna hor dhigi doonaa Baarlamaanka si ay u meel mariyaan si Dowlada Federaalku ay u noqoto tan keliya ee leh awooda khayraadka dabiciiga ah”Ayuu markal yiri wasiirku .

Dhinaca kale Puntland ayaa ku tilmaantay hadalka ka soo yeeray Dowlada Federaalka mid qayru masuulnimo ah aana ka turjumaynin danaha iyo dib u heshiisiinta umada Soomaaliyeed .

”Waxaanu u aragnaa hadalka DF mid qayru masuulnimo ah hadalada noocaas ahina maahan kuwo ka turjumaya danaha umada Soomaaliyeed waana kuwo sii wiiqaya rajadii laga qabay Xukuumada Madaxweyne Xasan Shiikh, Xaqna uma lahan inay wax ka bedel ku sameeyaan Dastuurkii Soomaali ku heshiisay ” Ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Qorshaynta, Xiriirka Caalamiga ah iyo Arrimaha Federaalka Puntland Dr. Seyid Maxamed Cabdule Xasan mar uu la hadlayey Warbaahinta.

”Dowlada Puntland waxay sii wadaysaa qorshayaasheeda ku aadan sidii ay uga faa’iideysan lahayd khayraadka ku duugan dhulkeeda waana mid aanu xaq dastuuri ah u leenahay oo aanan cidna marti uga noqon doonin anagoo sii xaqiijinayna heshiiyada aanu kula jirno shirkadaha shidaalka”Ayuu yiri Seyid Maxamed Cabdule Xasan .

Wuxuu xusay in todobaadka soo socda ay magaalada Garowe ku qaban doonaan shir weyne kaas oo diirada lagu saari doono sidii looga faa’iideysan lahaa khayraadka Puntland isagoo meesha ka saaray in hadalada ka soo yeeray Dowlada Federaalku ay dib u dhac ku keeni karaan dadaaladii ay ugu jireen ka faa’iideysiga khayraadka ku duugan deegaanada Puntland.

Dhinaca maamulka Somaliland wax war ah kama soo bixin diidmada iyo laalista ay Dowladda ku sameysay heshiisyada ay galeen maamuladaasi.

Safaaradda Turkiga Muqdisho oo dab xooggan uu qabsaday (Faah-Faahin)

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa galabta uu dab xooggan qabsaday safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Safaaradda oo ku taalla KM4, waxaa la sheegay in uu dab xooga uu ka dhacay, waxaana sababay baabuur goobta taalay oo dab uu qabsaday.

Afhayeenka booliska Gen Maxamed Yuusuf Madaale oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ugu yaraan labo baabuur oo gudaha safaaradda ku jiray in uu dabka qabsaday.

Waxaa kaloo uu sheegay  in wax khasaaro ah aan la sheegin.

Markii dabka uu ka kacay gudaha safaaradda waxaa la adkeeyay ammaanka dhismaha safaaradda, waxaana la diidday in ay dadka iyo wariyaasha gudaha u galaan safaaradda.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha uu geestay dabka galabta ka ka cay safaaradda Turkiga Muqdisho.

Waa markii horeysay oo dab uu qabsado safaaradda Turkiga ee Soomaaliya oo ka mid ah saafaaradaha caalamka ay ku lee yihiin caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected] 

Saiwrro Shirka Hogaamiyaasha Africa oo furmay iyo madaxda Soomaaliya iyo Jabuuti oo kulmay + Warbixin

Adis Ababa (Caasimada online) Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya ahna la taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya Eng C/raxmaan Cusmaan Yariisoow ayaa  warbaahinta u sheegay  inuu furmay shir madaxeedka wadamada Midowga Afrika oo ka socda Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Shirka ayuu sheegay in looga hadlayo , arimaha Maxkamada Dambiyada Dagaalka ICC oo sida la tilmaamay beegsi ku heysa Hogaamiyaasha dalalka Africa.

Eng Yariisoow, wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kahor shirka inta uusan furmin uu la kulmay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, uuna kala hadlay arimaha labada dal iyo ciidanka dalka Jabuuti ee Soomaaliya jooga.

Madaxweyne Xasan Shiekh Maxamud ayaa si gaar ah uga mahadceliyey Madaxweyne Ismail Omar Gelle doorkiisa ku aadan arrimaha Soomaaliya iyo sida ciidamada Djibouti ay howlo wanaagsan uga hayaan dalka Soomaaliya oo ay bulshada Soomaaliyeed kalsooni buuxda ka sameysteen.

Afhayeenka oo wax laga weydiiyay waraka sheegaya in Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Jubba inuu Khilaaf xogan Soo kala dhexgalay waxaana uu sheegay in arimahaasi uusan garan karin meesha laga keenay.

Wuxuu tilmaamay inuusan Jirin  wax khilaaf ah oo ka dhaxeeya maamulka Jubba iyo Dowladda Soomaaliya isla m-markaana ay Been abuur yihiin wararka arintaas ku aadan .

Madaxda Maamulka Jubba ayaa dhowaan iska diiday ka qeyb galka Shir dowlada Soomaaliya ay qorshihiisa kawado magaalada Caasimada ah ee Muqdisho kaas oo looga hadlayo aayaha Jubbooyinka iyo Gedo

Madaxda Africa ayaa ku shirsan dalka Ethiopia gaar ahaan magaalada Caasimada ah ee Adis ababa,  waxaana laga sugayaa inay soo saaraan go’aan cad oo ku aadan Maxkmada Dambiyada Dagaalka ee ICC-da

Halkaan Hoose ka daawo Sawirada LABADA Madaxweyne

3 2 1 4 5

Caasimada online

Xafiiska Adis abab

[email protected]

Somaliland oo u digtay DFS iyo QM

Hargeysa (Caasimada Online) Maamulka Somaliland ayaa maanta oo Sabti ah u digay dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Wasiirka duulista iyo hawada maamulka Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay maamulkooda in uu ka soo horjeedo heshiis dhawaan ay kala saxiixdeen dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo Laanta maamusha hawada ee QM.

Wasiirka ayaa sheegay in heshiiskaas uu dhigaayo siddii dowladda Soomaaliya loogu soo wareejin lahaa maamulka hawada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay wasiirka in dowladda Soomaaliya aysan wada maamulin dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in heshiiskaas uu dhaawacayo wahadallada u socda dowladda fedaraalka iyo maamulka Somaliland.

“Waxaan qaadan doonaa tallaabo saameen adag ku yeelaneysa Qaramada Midoobay iyo walaalahayn Soomaaliya ma dhaheyno tallabaada nooc ayey noqoneysa, balse waxaa qaadan doonaa go’aan cad “ ayuu yiri wasiirka duulista iyo hawada maamulka Somaliland.

Ugu dambeen wuxuu sheegay in wax Soomaali weyn la dhaho aysan jiri doonin , Somalilana ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Wasiirka wuxuu kaloo digniin u diray Qaramada Midoobayy gaar ahaan wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee arrimaha Somalia. Danjire Nichols Key.

Horey ayaa maamulka Somaliland waxa ay si kumeel gaar ah u hakisay diyaaradiha Qaramada Midoobay ee tagi jiray Hargeysa iyo Burco, balse markii dambe ayaa loo oggolaaday.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

VIDEO: Fanaaniin caan ka ah Somalia oo amaanay horumarka Muqdisho

Caasimada Online:  Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho Iyo Horumarka xoogan ay ku talabsaneyso ayaa waxaa si weyn u amaanay Wajiyo Caan ah oo Umadda Soomaaliyeed sumacad iyo karaamo badan ku leh kuwaa oo ka dhawaajiyay hadalo ku qiiro gelinaayo.

Shaki kuma jiro in Muqdisho ay soo laabatay maantana ay cagta saartay Wadadii nabada Horuamrka xoogana ee ka socdana waa mid dardar ku socda waxaana taa macnaheedu yahay in Amaankii Dalka uu soo laabtay Sanado badan oo burbur ah kadib.

HALKAAN KA DAAWO:

Daawo Sawirada: Diyaar garoowga Ciida iyo Suuqyada xoolaha Muqdisho

Muqdisho (Caasimada online) Dhaq Dhaqaaqyo Ganacsi oo ku aadan dhanka Xoolaha ayaa laga Dareemaya Suuqyada kala duwan ee lagu iibiyo Xoolaha Nool Xilli ay Foodanagu soo heyso Maalinta Ciidul Adxa AMA Ciida Arafo

Suuqa Ariga ee Bakaaraha ayaa ka mid meela Suda aadka ah looga Dareemayo

Hadaba Nalada Daawada Qaabka Ganacsiga ee Suuqaasi iminka

1 2 3 4 5 6 7

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xujey Soomaaliyeed oo Kenya Ku xaniban & Safaarada oo ka hadashay

Nairobi (Caasimada online) Safaaradda Soomaalida ah ee dalka Kenya, ayaa waxay ka hadashay Soomaali loo diiday inay Xajka u duulaan , xilli ay doonayeen inay ka Amba Baxaan Garoonka Diyaarahada ee dalka kenya .

Safiirka Safaarada Soomaalida ah ee Dalka Kenya Maxamed Cali Nuur Americo, oo warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in dadkaas Soomaalida ah ee Garoonka Diyaarahada Kenya lagu Xanibay ay ka kala Yimaadeen Magaalooyinka Kenya iyo Xiryaha Qaxootida Dalkaas.

Wuxuu sheegay in Sababta Bixitaankooda loo hor istaagay inay tahay kadib markii lagu arkay Sharciyo Been Abuur ah oo ay wateen , kadib markii Dad Sida uu sheegay Muqalasiin ah ay ka iibsadeen Shiciyo Been Abuur ah .

Safiirka ayaa sheegay inay ka safaarad ahaan ay dadaal dher u gali doonaan sidii dadkaan aysan kaga Baaqan gudashada Waajibaadka XAJKA .

Soomaali aad u badan ayaa ku xaniban iminka Garoonka Diyaaradaha Kenya, Kuwaas oo doonayay inay qeyb ka noqdaan Muslimiinta Sanadkan Gudanaya Waajibaadka Xajka , Waxaana lagu eedeynayaa inay Sharciyo Been abuur ah Ku bixi rabeen.

Caasimada online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Khilaafka DFS iyo Jubba oo meel xun gaaray & Ethiopia oo soo fara gelisay

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Wafdi kasocda dowladda Ethiopia ayaa lagu wadaa in maanta uu gaaro magaalada Kismaayo, oo ah xaruunta maamulka KMG ah ee Jubba, isaga oo xal raadinaya.

Wafdigaan ayaa sida la sheegay halkaas u tagi doona ineey dhex dhexaadiyan Khilaaf soo cusboonaaday oo markale soo kala dhexgalay doowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba.

Waftiga dowladda Ethiopia u dirayso Kismaayo ayaa la sheegay in dhex dhexaadin cusub ay doonayan inay ka dhex bilaaban dowladda faderaalka iyo maamulka Jubba,maadamaa la sheegay in xiligaan markale ay maamulka Jubba ka soo hor jeesten baaqyo ka soo baxay dowladda oo ay ugu horeyso shir dhawaan ay dowladdu ku baaqday in lugu qaban doono magaaladda Muqdisho,waxana maamulka Jubba uu sheegay inaysan shirka ka qeyb galeen taas badalkeeda shirkaasi lugu qaban doono Kismaayo.

Waxaa maalmahaanba soo if baxayay oo circa isku sii shareerayay khilaafka u dhaxeeya labada dhinac, khilaafkaasi oo salka kuhaya shirka arrimaha Jubbooyinka ee dowladu iclaamisay in 21-ka Bishan uu Muqdisho ka furmayo, ayadoona hogaanka ugu sareeyay maamulka Jubba ay sheegeen inaysan ka qeyb geli doonin shirkaasi.

Maamulka Jubba ayaa iyagu qaba ama aaminsan in heshiiskii iyaga iyo DFS ay kusoo kala saxiixdeen magaalada Addis-Ababa uu ka harsanyahay oo kaliya shirka ka dhici doona magaalada Kismaayo, halka DFS ay iyaduna qabto in shirka Muqdisho uu asal u yahay heshiiska ay labada dhinac wada gaareen.

Caasimada Online

Xafiiska Addis-Ababa

[email protected]

Farriin ka timid Madaxweyne XASAN

Muqdisho (Caasimada online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa Umda Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Munaasabada 59-Guuradii ka soo wareegatay Maalinta Calanka Soomaaliyeed .

12-Kii, Octobar, 1954, Tii ayay aheyd markii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed laga taago Ciideena Soomaaliya, waxaana maalintaasi laga joogaa, 59, sano sida uu ka dhawaajiyaya madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu sheegay inay jiraan Dad badan oo nasiib u yeeshay ka qeyb galka Munaasabadan kuwaas oo goob joog u ahaa maalintii ugu horeysay ee Calankeena laga taago Ciida Dhulkeena Hooyo , taas oo uu sheegay inay u tahay Mid Farxad u ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in umada Soomaaliyeed gar ahaan Bahda warbaahinta laga doonayo weyneynta Maalintan iyo in ay ka sameeyaan Barnaamijyo Gaar ah oo ka hadlaya ahmiyada Maalintan.

Sanada Soo aadan ayuu sheegay inay isku diyaarinayaan Dabaal Dagga 60, Sano guuradii kasoo wareegatay Markii Soomaaliya ay ciidadeeda Calan ay iyady leedahay ay ka mudato Taas oo uu sheegay inay tahay waxa kaliya ee Umadaha kale aan kaga Muuq Duwanahay .

Calankeena ayaa ah mid ka duwan Calamada kale ee Wadamada Caaalamka Muuq iyo Midab intaba, Waana Baluug Cirka oo kale ah Dhex Bartamahana ku leh Xidig Cad oo Shan Gees leh , Mid walibana uu ka turjimayo qeyb Dalkeena Kamid ah .

Halkaan ka dhageyso Fariinta Madaxweynaha

halkaan ka dhageyso FARIINTA madaxweynha Somalia

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Masiibo kale oo ka dhacday xeebaha Talyaaniga (Faah-faahin)

Roma (Caasimada Online) War naxdin leh ayaa naga soo gaaray xeebaha Talyaaniga,kaasoo ah in doon ay la socdeen 250 oo qof ay ku degtay xeebaha Talyaaniga.

Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay  in ugu yaraan 27-qof oo la socday doonta degtay ay ku dhinteen, waxaana la soo badbaadiyay 100 dad ku dhow.

Doonta ayaa la soo wariyay in ay degtay habeenkii xaley sida uu goordhow sheegay wariyaha BBC-da Roma ee Aadan Sabriye.

Ra’iisal wasaaraha Malta ayaa ku tilmaamay musiibadan in xeebaha Talyaaniga iyo Malta ay noqdeen qabuuraha dadka.

Ilaalada xeebaha Talyaaniga iyo kuwa Malta ayaa wada baaritaan tan iyo xaley, waxaana ay raadinayaan dad tiradooda u dhexeeya 30 ilaa 50.

Dhacdadan ayaa timid  maalin uun kaddib markii la soo badbaadiyay 500 00 qof oo la socday dooni in ka badan 24-saac ku jiray badda.

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii doon ay la socdeen in ka badan 500 oo qof ay ku degtay xeebaha u dhexeeya Libya iyo Talyaaniga.

In ka badan 300 oo kalena waa ay ku dhinteen, dhacdadaas halka 150 kalena meydkooda laga soo saaray badda.

Ma ahan markii ugu horeysay oo shilal noocan oo kale lagu soo wariyo xeebaha u dhexeeya Talyaaniga iyo Libya, waxaaba la lee yahay xilligan waa xilligii ugu darnaa waayo badda ayaa kacsan dabeelna waa ay socotaa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Yurub

[email protected]

Video qosol badan: Maqaayad dadkii ka cunteenayay mar qura laga yaabiyey

Caasimada Online:  Caalamka maanta wax kasta waa la filan karaa waxeey aheyd Maalin xusuus leh Boqolaal qof oo ka mid ah Shacab ka cunteynayay maqaayad caan ah oo aad loogu soo damashaad tago ayaa mar qura farxadii iyo baashaalkii uu isku badalay kala carar iyo naxdin xoogan.

Hadaba marka aa daawato Muuqaalkani waxaad la yaabeysaa qaabka loo duubay iyo sida ay dadka uga argagaxeyn arinta cajiibka ah ee maqaayada ka dhacday ee Shacabkii halkaa u soo damaashaad tagay looga yaabsaday ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Cabdikariin Laqanyo: Gal Hiiraan iyo Gobalada dhexe wax la dhaho ma jirro

Baladwayne (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maalmahan ka socda kulamo looga hadlaayo siddii maamul gobaleed loogu sameen lahaa gobalada dhexe ee Soomaaliya sida Hiiraan. Galgaduud iyo Mudug.

Kulamada waxaa ka qaybgalaya madax ka kala socota maamulada Galmudug, Ximin iyo Xeeb, Ahlu Sunna iyo dad ka soo jeeda gobalka Hiiraan.

Guddoomiyaha gobalka Hiiraan Cabdikariin Lanqanyo oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baladweyne ayaa sheegay in wax Gal Hiiraan ama gobalada dhexe la dhaho aysan jiri doonin.

Wuxuu sheegay in gobalka Hiiraan loo sameen doono maamul isaga gaar u ah oo la dhaho maamulka gobalka Hiiraan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in maamulkiisa uusan ka warqabin maamul gobaleedka loo sameenaayo gobalada dhexe.

Si kastaba, waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray madaxweynaha maamulka Ximin iyo Xeeb, waxaa kaloo magaalada ku soo fooleh madaxweynaha Galmudug Cabdi Qeybdiid iyo maamulka Ahlu Sunna.

Qorshahan waxaa wax ka wada xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasoo doonaya in maamul gobaleed ay u sameeyaan seddaxda gobal ee kala ah Hiiraan, Koonfurta Gaalkacyo iyo Mudug.

Magaalada Baladweyne waxaa ku sugan wafdi ka tirsan dowladda kuwaasoo ku howlaan dhismaha maamul cusub oo uu yeesho gobalka Hiiraan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

 

SAWIRRO: BILICDA BEERAHA AFGOYE

Halkaan hoose ka daawo Bilicda iyo Il doogsiga Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose,

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19