KASHIFAAD: WFP oo digniin culus u dirtay dadka reer Muqdisho, Sabab?
Nairobi (Caasimada Online) Warbixin ay soo saartay maanta oo Axad ah Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunta adduunka WFP ayaa lagu sheegay in ay soo baxeen kooxo si been abuur ah kaarar uga iibsada dadka barakacayaasha ee ku nool caasimada Soomaaliya.
Hey’adda ayaa cambaareysay tallabadaas, waxaana ay sheegtay in dadkaas matalin Karin WFP isla markaana aan wax cunto lagu helin Karin kaararka ay qaybinayaan.
Hey’adda ayaa uga digtay dadka barakacayaasha in lacag laga qaato iyadoo la siinaayo kaarar been abuur ah oo raashin lagu bixinaayo.
WFP ayaa sheegtay in arrimahan ay ka war heshay dhawaan, waxaana ay cadeesay in aysan jirin raashin kaarar lagu bixiyo oo ay ka wado Muqdisho.
Waxa ay hey’adda sheegtay in magaalada Muqdisho maalin kasta ka bixiso raashin biseel ah, kuwaasoo si lacag la’aan ah loo bixiyo.
Ugu dambeen hey’adda WFP ayaa ugu baaqday madaxda dowladda fedaraalka Soomaaliya in ay tallaabo ka qaadaan kooxaha sidaas sameenaya ee dadka ku dhacaya kaarar been abuur ah oo la sheegay in raashin lagu bixinaayo.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi
VIDEO: Muqdisho & Qurba Joogta.
Caasimada Online: Qurba Joogta Soomaaliyeed ee dalka dib ugu soo noqonaya Magaalada Muqdisho waxey ugu damaashadaan si aan horay loo arag loona maqal marka aad u fiiriso Shacabka Soomaaliyeed ee ku Nool Magaalo Madaxda Muqdisho.
Muuqaal qurux badan oo laga diyaariyay ayaa ku tusinaya sida ay ugu damaashadayaan Shacabka Soomaaliyeed Nabadda iyo Amaanka Muqdisho ka jira ayagoo ku damaashadaya Xeebta Liido ee Degmada Abdiaziz ee Magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DAAWO:
Siyaasiga Mohamed Omar Waayeel oo Sweden lagu soo dhaweyay ” Sawirro”
Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu soo dhaweynayay siyaasiga Maxamed Cumar Waayeel oo booqasho ku jooga dalka Sweden ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Katrineholm ee dalka Sweden, iyadoo xafladdana ay ka soo qeybgalay dad badan oo ka kala yimid magaalooyin kala duwan oo dalka Sweden ka tirsan.
Xafladda ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Odayaasha iyo dhallinyarada magaalada Katrineholm, kuwaas oo isu xilqaamay in ay siyaasiga soo dhaweeyaan. Maxamed Cumar Waayeel oo ka tirsan Agaasinka Baarlamaanka rasmiga ah ee Soomaaliya ayaa wuxuu horay ula soo shaqeeyay xukuumadihii KMG ahaa ee soo maray Soomaaliya, wuxuuna soo qabtay xil wasiirnimo.

Munaasabaddii soo dhaweyntiisa oo uu xiriirinayay aqoonyahan Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad) ayaa waxaa ka hadlay dad badan oo isugu jiray Diblumaasiyiin, Ganacsato, Saraakiil, Duubab iyo Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo u sharraxan in ay ka mid noqdaan baarlamaanka dalka Sweden iyo golayaasha heer gobol iyo heer degmo iyadoo dhalinyaradana uu wakiil u hadlay.
Dadkii ka hadlay munaasabdda ayaa waxaa ka mid ahaa Duqii hore ee magaalada Muqdisho Cabdullaahi Muuse Xuseen, Suldaan Maxamed Deeqow Macallin oo ka tirsan saraakiishii hore ee ciidamada Soomaaliya, Faarax Cali Macallin oo ka mid ah bahda Isboortiga Soomaaliyeed, Abwaan C/kariin Goleey, Ganacsade Cabdullaahi Xaashi Jimcaale, Diblumaasi Soomaaliyeed Prof. Cabdullaahi Axmed Qudde, Cabdullaahi Cali Kamoole (Calool), Diblumaasi Soomaaliyeed Xasan Maxamed Xaaji Dusoos, Yaasiin Maaxi Macallin oo ah xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka degmada Katrineholm, Nuur Cali Gacal iyo Xasan Maxamed Bashiir oo ka tirsan howlwadeennada safaaradda Soomaaliyeed ee Kenya.
Intii ka hadashay munaasabadda ayaa dhammaantood waxay soo diirran u soo dhaweeyeen Maxamed Cumar Waayeel, waxayna si weyn u ammaaneen doorarkii kala duwanaa ee uu ku lahaa siyaasadda Soomaaliya iyadoo la xusay in uu Waayeel yahay shakhsi karti leh oo howlaha uu bulshada Soomaaliyeed u hayo si weyn uga soo dhalaala, waxayna u rajeeyeen in xilka agaasin ee uu Baaralmaanka Soomaaliya u hayo uu Alle la garabgalo.

Siyaasiga Maxamed Cumar Waayeel oo cod baahiyaha lagu wareejiyay ayaa waxaa ka mahadceliyay soo dhaweynta qiimaha leh ee loo soo sameeyay, wuxuuna caddeeyay in uusan qiyaasi karin farxadda uu dareemayo bacdamaa ay soo dhaweeyeen dad qiimo leh oo qaarkood ay soo wada shaqeeyeen iyo kuwo sida uu yiri Macallimiintiisa ahaa.
Wuxuu uga warbixiyay halka ay mareyso siyaasadda dalka Soomaaliya iyo marxaladihii adkaa ee la soo maray, isagoo ku rajo geliyay dadkii uu la hadlayay in xaaladda Soomaaliya ay ka wanaagsan tahay sidii hore siyaasad ahaan iyo amni ahaan. Wuxuu carrabka ku dhuftay in dadka Soomaaliyeed ee dibadaha u soo baxay ay dhahaan dalka amni darro ayaa ka jirta oo nafteena ayaan uga baqeynaa, hayeeshee wuxuu ku shaafiyay dadkaas in qof kasta oo nool uu dhimman doono ama xabbad ha disho, biyo ku dhinto ama sariirtiisa haku dhintee, dhimashadana aysan ahayn wax laga baxsan karo meel kasta oo la joogo. Intaas kaddib waxaa dardaaran iyo talooyin isweydaarsaday Siyaasiga iyo dadkii xaafladda soo dhaweynta ah u sameeyay.
Waxaa xusid mudan in dadka ka soo qeybgalay munaasabadda waxaa ayaa ka socday Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Magaalooyinka Katrineholm, Västrås, Esklistuna iyo Norrköping, wuxuuna ujeedkooda ahaa in ay weyneeyaan oo ay sharfaan Maxamed Cumar Waayeel, waxayna munaasabadda ku soo gebagebowday jawi aad u wanaagsan.












Salaad Iidow Xasan (Xiis)
Shirkadda Favori iyo wax-qabadkeeda oo maanta la horgeeyay Baarlamaanka
Muqdisho (Caasimada Online) Baarlamaanka Soomaaliya, waxaa maanta hortagay wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, waxaana uu uga warbixiyay heshiiska dowladda Somalia ay la gashay shirkadda Vavori ee laga lee yahay dalka Turkiga.
Wasiirka ayaa mudanayasha baarlamaanka u faah-faahiyay sababta keentay in shaqada laga wareejiyo shirkadii SKA, wuxuuna sheegay in shirkadaas ay ka soo bixi weysay howshii laga rabay, sidaas darteedna ay keentay in lagu wareejiyo shirkadda Turkige ee Vavori.
Cabdulaahi Cilmooge Xirsi ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay u hamuun qabto shirkaddan Vavori isagoona intaas ku daray in howsha laga rabo ay ka soo bixi doonto muddada 15-ka.
“Shirkaddan haddii ay muddada aan kula ballannay ay ku sameen weyso shaqada waa laga ceyrinayaa tu kale ayaan u dhiibenyaa” ayuu yiri.
Wasiirka ayaa ku soo bandhigay goobta Khalfoof ama Jaantuus muujinaya sida loo dhisi doono garoonka Aadan Cabdulle Cismaan ee magaalada Muqdisho.
Fadhigga maanta baarlamaanka oo uu shir guddoominaayay guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa la sheegay in markale baarlamaanka uu hor imaan doono wasiirka isla markaana laga doonayo in heshiiska dowladda iyo shirkadda Vavori lagu soo qoro af Soomaali ah.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Axmed Madobe & Fartaag oo is haya
Kismaayo (Caasimada online) Warar Soo ifbaxaya ayaa sheegaya in Hoogaamiyaha Mamulka Jubba, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, iyo Kuxigeenkiisa General C/laahi Sheekh Ismaaciil fartaag, uu khilaaf soo kala dhexgalay.
Khilaafkan soo kala dhexgalay labada Mas’uul ayaa la tilmaamayaa inuu salka ku hayo Dhameystirka Maamulka Jubba , kaas oo ay wada sugayaan Shacabka Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo isla-Markaana ay hadal hayaan.
Labada Mas’uul ayaa isku fahmi waayay goorta, iyo qaabka loo dhameystirayo maamulka Jubba ee wakiilka ka Gobolada Jubbooyinka gado aqoonsigana ka heysta dowlada Soomaaliya, inkastoo haatan qilaaf uu u dhexeeyo maamulkaas iyo dowlada Somalia.
Warar ayaa sheegaya in Khilaafka Labada Mas’uul uu salka ku hayo Dowladaha Kenya iyo Ethiopia oo labada Mas’uul kala tageeraya , taasina ay tahay sababta mid waliba uu u doonayo in tiisa ay noqoto mid hir gasha.
General Fartaag, oo taageero ka heysta dowlada Ethiopia ayaa ku adkeysanaya inaan la dhameysti karin Maamulka Jubba inta laga Xaqiijinayo Heshiiska dadka dega deegaanada gobolalada Maamulkaas uu ka taliyo.
Waxaana Fartaag, uu ku adkeysanayaa in la xaliyo khilaafka ka dhexjira iminka Siyaasiyiinka kasoo jeeda deegaanada gobolada Jubbooyinka iyo Gedo , oo mudooyinkan Murankiisu uu cirka isku sii shareerayo .
Hogaamiyaha Maamulka JUBBA Axmed Madoobe, ayaa isagu wuxuu doonayaa in laga baaaqsado Shirka Muqdisho , taasi Badalkeedana la dhameystiro Maamulka Jubba , waxaana arintaas ku racsan Ciidamada Kenya ee Kismaayo ku sugan sida warar hoose ay sheegayaan.
Waxaa Kismaayo ka soconaya Dadaalo la doonayo in labada Mas’uul loogu kala dabqaado kaas, si mar kale aayaha Maamulka ay meel uga soo wada jeestaan isla-markaana ha mowqif ay ka wada qaataan sidii kol horaba ay ahaayeen.
Hore Muran iyo Mugdi Soo kala dhex galay Ragii wada dhistay Maamulka Jubba qaar kood uga baxeen Sida Awlibaax , halka rag ay ku jiraan Cali Madoobe, iyo Yaasiin Raadeer laga waayay Saaxada Siyaasada Maamulka Jubba.
Maamulka Jubba ayaa dhowaan Si cad wuxuu u diiday inuu qeyb ka noqdo shur aayaha gobolada Jubbooyinka iy Gedo looga hadlayo oo Muqdisho lagu wado inuu ka furmo 23-ka Bishan Muqdisho.
Dowlada dariska ayaa lagu eedeyaa inay gadaal ka riixayaan maamulada dalka , sida dad badan ay qabaan , waxaana lagu eedeeyaa inay dano gaar ah ka leeyihiin dalkeena Soomaaliya.
Caasimada online
Xafiiska Kismaayo
Khilaafka Maamul usameynta Hiiraan oo sii xoogeystay, Sabab? (Dhageyso)
Baladweyne (Caasimada Online) Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan waxaa wali ka taagan murunka iyo dooda ku aadan maamul u sameynta gobolka Hiiraan, iyadoo qaar kamid ah beelaha daga gobolkaasi ay ka biyo diideen dhismaha maamulkaasi.
Waxaa magaalada ku sugan Maamu u sameynta gobolka qeyb ka ah Wafdi uu horkacayo wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyada xukuumada Soomaaliya kuwaasi oo wada kulamo kala duwan inay la qaataan waxgaradka gobolka Hiiraan.
Sheikh Xuseen Cismaanm Cali oo kamid ah waxgaradka beesha Gaaljecel oo kasoo horjeeda maamul u sameynta Hiiraan ayaa sheegay in kulamo kala duwan ay dhaceen,Balse wuxuu qeexay sababta khilaafka keentay.
Wuxuu sheegay in Maamu u sameynta Gobolkaas aysan u dhameyn Dhamaan qabaa’ilada dega gobolka sidaasi darteenda loo baahan yahay in iminka mamulka gobolkaas loo dhisayo inuu noqdaa mid ka yimaada rabitaanka shacabka ayna u siman yihiin dhamaan beelaha gobolkaas.
Gobolka Hiiraan, ayuu tilmaamay iny degaan Qabaa’ilo badan oo kal duwan, waxaana uu tilmamay inay waajib tahay in Maamulka gobolka laga hir galinayo uu ahaado mid ay dhaman u simanyihiin balse qolo gaar ah aan sadka badan midka ay xaqa u leedahay aan la siin sida uu sheegay.
Qorshaha ayaa ahaa in gobolkaas markii ugu hhoreysan laga hir galiyo maamul ku yimaada afti dad weyne hayeeshee waxaa iminka muuqaneysa in taasi laga hor yimid khilaafna uu ka jiro sameynta maamulka Gobolka Hiiraan.
Halkana hoose ka dhageyso Khilaafka Maamu u sameynta hiiraan
Caasimada online
Xafiiska Baladweyne
R/W Saacid” Qaranimada Somalia qatar ayay ku jirtaa hadii aan wax laga qaban
Muqdisho (Caasimada online) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in xaalka dalka uu ayhay mid murugeysan, waxa uuna tilmaamay in hadii Soomaaliya ay sidan kusii jirto ay khatar galeyso Qarannimada dalka.
Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ayaa arintan wuxuu Sabab uga dhigay Qabiilka iyo isku duubni la’aanta umada Soomaaliyeed Sida uu sheegay , waxaana uu shaaca ka qaaday inaan qaranimo la sugeyn inta qabiil uu jiro la iskuna Faquuqayo .
“Waxaanu mareynaa meel qaranimadeena ay qatar ku jirto waxaanu mareynaa meel hadii ay sii socota madaxnimada iyo karaamo badan ay lumayso”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.
Xilliyada qaar Muqdisho waxaa ka dhac Falal Lid ku ah Amniga , waxaana jira eedeyno ku aadan in Hey’adaha amnigu ay ka gaabiyeen wax ka qabashada dhanka amniga oo la sheegayo inaysan u gudan sidii loo baahnaa.
Hey’adaha amniga dalka oo amaro la dul dhigay iyo Kulan aan caadi aheyn
Muqdisho (Caasimada online) Ra’isul WasaarahaXukuumada Soomaaliya ayaa kulan deg deg ahoo aan Caadi aheyn isugu yeeray Taliska ciidamada dowlada Soomaaliya, Wasaarada Arimaha Gudaha iyo gaashaandhiga.
Kulanka oo ka dhacay aqalka Ra’isul wasaare Saacid , ayaa arimihii diirada lagu saaray wxaa ka mid ahaa Xaalka amniga ee Magaalada Caasimada ah ee Magaalada Muqdisho oo Mudooyinka aan caga badan ku taagneyn isla-markaana ay Falal amni xmo ka dhacayeen.
Saxaafada ayaa kulankan dibad joog aha kadib markii loo diiday Ka qeyb galka kulankaas waxaana Saacado badan kadib kulankaas kasoo baxay Qodobo dhowr ah oo la tilmaamay in wax looga badalo amniga magaalada Muqdisho.
Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya oo kadib kulankan saxaafada lahadlay ayaa sheegay in ciidamada loo sameyn doono kaarar aqoonsi oo dadka ay ku gartaan isla markaana la xaqiijin doono amaanka caasimada ah ee Muqdisho
Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa Amray amray in lasii wado barnaamijka daraseynta degmooyinka gobolka Banaadir kaasi oo uu sheegay in wax badan uu ka tari karo amaanka, iyo wada shaqeynta Shacabka iyo Hey’adaha amniga dalka .
Dhamaan Saraakiisha Hey’adaha Amniga dalka ayaa lagu amray inay la yimaadaan is badal muuqda oo ay wax kaga badalayaan sida ay iminka u shaqeeyaan si Amniga dalka uu u noqdo mid la xaqiijiyay oo xil la iska saaray balse aan howsha amniga la sahal san .
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Arag: Farriiin ay DF ku dirtay Mobile-da Puntland oo carro xoogan dhalisay
Garowe (Caasimada Online) – Shirkadda Isgaarsiinta Golis ee deegaanada Puntland ka hawlgasha ayaa waxa loo haystaa farriin la sheegay in ay Mobile-ka ugu direen dadweynaha taasi oo horey u diideen inay baahiyaan saxaafadda Puntland.
Fariinta oo qayb ka ahayd saddex kale kuwaasi oo saxaafada Puntland la doonayay in loo soo marsiiyo dadweynaha ayna ka dib shir ay yesheen ururka suxufiyiinta MAP iyo xarumaha idaacaduhu isla qaateen inaysan baahin.
Waxa la sheegay in wada hadal u socdo Puntland iyo Golis taasi oo shirkadda laga doonayo inay jawaab ka bixiso fariimahan ay taleefanka gacanta ugu direen dadweynaha.
Ilo wareedyo Golis ka tirsan ayaa sheegaya in diirtaanka fariimahan ay yihiin wax ka baxsan awoodooda, waxaana wararka la isla dhex marayo Puntland ay sheegayaan in DFay lacag siisay Shirkadd Belgium ku taal oo Sattelite ka adeegsatay diritaanak fariimahan.
Waxa ku soo beegantay arintan laba maalin ka dib markii uu xilka iska casilay maareeyihi guud ee shirkadda Golis Cali Xaaji Warsame kaasi oo la hadal hayo inuu isku soo taago madaxtinimiada Puntland.
Fariimahan ayaa dhamaadka waxaa lagu sheegaya mid weliba inay tahay mid ka timid Dowladda Somalia.
Masuuliyiin ka tirsan Puntland ayaa sheegaya in talaabadan qayb ka tahay wax ay ugu yeereen farogelinta DF Somalia ay ku hayso doorashooyinka Puntland.
Dowladda Somalia illaa iyo hadda wax war ah kama aysan soo saarin arrintan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Somalia iyo Brazil oo wada cayaaraya
Muqdisho (Caasimada Online) Iyadoo magaalada Perth ee galbeedka dalka Australia uu ka soconayo tartanka Perth World cup 2013 ayaa cayaartoyda ku cayaareysa magaca dalka Soomaaliya waxaa ay cayaarta ugu soo horeysa ee tartankan la yeelanayaan cayaartoy dalka Brazil, waxaana xulka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2009 ay ahaayeen xulka ugu adag tartankan caalamiga ah.
Cayaarta dhex mareysa Somalia iyo Brazil ayaa dheceysa maalinta Axada ah oo taariikhuduna ay ku beegan tahay 13-ka October 2013 . Xulka Soomaaliya ayaa waxaa hogaaminaya Macalinka Khabiirka ah Macalin Cabdul Xaq Maxamed Axmed Gool hayihii hore ee cayaartoydii gobalka Jubada hoose bari samaadkii, gobalkaas oo ahaa kii ugu guulaha badnaa cayaarihii gobalada dalka Soomaaliya.
Sanadkii 2009-kii waxaa Macalinka iyo wiilashiisu ay wacdare ka dhigeen cayaaraha koobka aduunka ee Magalada Perth oo ah tartan caalami ah oo loo qabto jaaliyadaha kala duwan ee ku nool dalka Australia, waxaana sanadkaas ay Soomaaliya tartanka kaga qeyb gashay laba xul oo kala ahaa xulka waaweyn iyo kuwa da’doodu ka yartahay 18-ka sano.
Sanadkaas xulka Soomaaliya ee U 18 waxaa ay ku guuleysteen koobkii dhalinyarada oo ay cayaarti finalka xulka South Afrika kaga adkaadeen 1-0. Sidoo kale xulka waaweyn ee Soomaaliya waxaa sanadkaas ay galeen kaalinta labaad.
Macalinka Xulka Soomaalida ku nool Australia Macalin Cabdul Xaq Maxamed Axmed waxaa uu shgeegay inuu kalsooni buuxda ku qabo wiilashiisa uuna rajeynayo in ay ka adkaadaan xulka la dagaalami doona ee Brazil oo uu sheegay in ay ku jiraan cayaartoy ay dalkooda kasoo kexeysteen oo horyaalkda Brazil ka dheela.
“Waxa aan u socono waa tartan mar kasta oo aad tartan galeysana waxaad ku talagaleysaa guul ama guul darro, laakin anigu qof ahaan kalsooni weyn ayaan ku qabaa wiilasheyda waxaana rajeynayaa in ay gacan sareyn doonaan”ayuu yiri macalinka kooxda Soomaalida Macalin Cabdul Xaq Maxamed Axmed.
Cayaarta dhex mari doonta Somalia VS Brazil ayaa ah mid aad looga hadal hayo dalka Australia gaar ahaan magaalada Tartanku ka socdo ee Perth maadaama labada xul loo arko kuwa ugu awooda badan tartanka. Cayaartan adag waxaa la dheeli doonaa Axada 13 October 2013 saacadu marka ay tahay 16:45 daqiiqo xiliga dalka Brazil.
Tartankii 2009-kii waxaa uu ahaa kii ugu horeeyay ee macalinku uu ku hogaamiyo xulka Soomaalida waxaana ay isla sanadkaas dhigeen wacdare iyadoo guulihii la yaabka lahaa ee xulka Soomaaliya ay u dheceen sidan: Somalia 10 Ukraine 2, Somalia 6 Colombia 1 iyadoo cayaarti kama dambeysta ahadyna ay wiilsha Soomaaliya ka adkaadeen south Africa 1-0.
Axada oo bishu tahay 13 waxaa jira cayaaro aad u ad adag oo group-ka Soomaaliya ku jirta ay dheelayaan waxaana leysu arkayaa sidan hoose:
10:00 hrs England v Australia (M)
11:30 hrs CROATIA v IRAQ (S)
13:15 hrs ZIMBABWE v GREECE (S)
15:00 hrs ITALY v S. LEONE (S)
16:45 hrs BRAZIL v SOMALIA (S)
Hadaba xiririka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa si weyn usoo dhaweeyay talaabooyinka uu qaadayo macalin Cabdul Xaq Maxamed Axmed oo isaga iyo wiilashiisu ay guulo waaweyn usoo hooyeen Soomaaliya tan iyo 2009-kii markii ugu horeysay oo ay ka qeyb galeen Perth World Cup.
“Inkastoo ay yihiin dad dalkoodii ka cararay kuna nool dal shisheeye hadana waa kuwo niyadoodu ay dhisan tahay waxaana ay qabaan rajooyin waaweyn –waxay xambaarsan yihiin calanka Soomaaliya waxaana aad ugu farax-sanahay howsha ay hayaan”ayuu yiri guddoomiyaha xiririka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cali siciid Guuleed Rooble.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in sanadkii 2010 uu xiriirka Soomaaliyeed qoraal u diray xiriirka kuabda cagta dalka Australia kana codsaday in macalinkaas iyo cayaartoydiisa la gacan siiyo waxaana wixii ka dambeeyay macalinka lagu marti qaaday ka qeyb galka tababarada heerkoodu sareeyo ee xiriirka Australia qabto iyadoo maclainka oo khibradiisu aad u dareyso uu mar kale Soomaaliya usoo hooyay guulo la taaban karo kaddib markii uu kaalinta ugu horeysay ka galay koorsooyinkii la qabtay dhowr jeer oo kala duwan.
Waxaa uu guddoomiyuih sheegay in xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta uu si buuxda uga war qabo howsha macalinku uu u hayo umada Soomaaliyeed waxaana rajeyneynaabuu yiri in uu mustaqbalka dhow la yimaado cayaartoy tayo leh oo magaca soomaaliyeed ku matala cayaaraha caalamiga ah ee FIFA iyo kuwa Afrika.
Sanadkii 2009 ayay ahady markii maclainka Soomaalida loo aqoonsaday macalinkii ugu wanagsanaa tartankii Perth World cup oo ay ahayd sanadkii ugu horeyeey ee uu ka qeyb galo isagoo wata xul Soomaaliya matalaya.
Tartankan caalamiga ah oo lagu qabto magaalada Perth ee galbeedka dalka Australia caasimada u ah ayaa ah mid taariikh fog leh waxaana lasoo bilaabay qabashadiisa sanadkii 1977-kii, laakin Soomaaliya ayaa ku biirtay tartankaas 4 sanadood ka hor. Isla sanadkaas Soomaaliya waxaa macalinkeeda la siiyay abaal marinta macalinkii ugu fiicnaa tartanka.
Somali Football Federation Media Department
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Ciidamada DF oo laga yaaban yahay
Daawo Video: Bilicda & quruxda goobo taariikhi ah oo ku yaalla Muqdisho
Caasimada Online: Muuqaalka Maanta waa Goobo badan oo Taariikhi ah oo ku yaalo Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo haatan dib lo dhisay ayadoo aa dareemeeyso in Muqdisho ay tahay Muqdishadii hore.
Bilic ahaan Muqdisho waxeey la mid tahay Magaalooyin badan oo ku yaalo Qaarada Afrika waxeey haatan ku socotaa dib u kabasho burbur iyo dagaal sokeeyay oo hareeyay sanadihii dambe ee nala daawo Muuqaalkaan indhahaada aad la ilmeyn doonto.
HALKAAN KA DAAWO:



