27.4 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

Fartaag, iyo Yaasiin Raadeer oo Hub u qeybiyay Ragii kaharay Barre Hiiraale

Kismaayo (Caasimada online) Genenral C/llaahi Sheekh Cismaaciil Fartaag iyo Cornel  Yaasiin Raadeer, oo labaduba ka mid ah Saraakiisha Sar sare ee Maamulka Jubba ayaa maanta waxay Hub u qeybiyeen Ciidamadii ka haray Cornel Barre Aada Shire Hiiraale.

Mas’uuliyiintan oo maanta tagay Xiryaha Ciidamada , ayaa waxay wararku tilmaamayaan  inay hubkii mudo ka hor laga xareeyey dib loo siiyey oo waliba lagu daray ciidanka maamulka Juba ee ka howlgeli doonoa Kismaayo iyo deegaanada kale ee maamulkaasi hoos yimaada.

Fartaag, iyo Raadeer, ayaa labaduba waxay arintan ku tilmaameen dib u heshiisiinta dadka wada dega deegaanada Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo,  kadib markii sida ay sheegeen Ciidamada maanta Hubka la siiyay ahaayeen kuwo dagaalkii kismaayo lagu qabtay iyagoo Barre Aadan u dagaalmaya iyo kuwo isi soo dhiibay .

” Xerada ciidanka ayaan joognaa hadda. Waxaana dib hub usiinay oo waliba aan ciidanka maamulka Juba ugu darnay ciidankii Barre Hiiraale ka haray dagaalkii Kismaayo kadib kuwaasi oo xero ku jiray’ ayuu sheegay Caruush ka mid ah madaxda sida dhaw ula shaqeysa Gen, Fartaag.

Wali arintan kama aysan hadlin dhanka Cornel Barre Aadan Shire ee Mucaaradsan Maamulka Jubba kuna sugan duleedka Kismaayo, Hayeeshee Saraakiisha Cornel Baare ayaa dhowaan beeniyay hadal kasoo baxay maamulka Jubba oo sheegaya inay Saxaafada usoo bandhigeen rag kasoo goostay dhanka Cornel Barre.

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

VIDEO: Horumar cusub oo magaalada MUQDISHO ku soo kordhay

Caasimada Online:  Magaalada Muqdisho maalinba maalinta xigta waxaa ku soo kordhaya horumar dhinacyo badan leh kaas oo ay aad ugu farxayaan Shacabka Muqdisho ayadoo Ganacsiga iyo bilicda Magaalada ay horumar baaxad weyn leh ay sameyneyso.

Muqdisho isma lihid sidaan ayeey noqoneysaa mudo gaaban gudaheeda waxaana haatan ay ku soconeysaa xowli dhinaca horumarka iyo soo celinta Bilicda Magaalada Muqdisho ee daawo Horumarkaan Cusub.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Gudoonka Baarlamaanka oo warqad u gudbiyay Ra’isul Wasaare Saacid

Muqdisho (Caasimada online) Sida warar ay heshay Shabakada Caasimada online ay sheegayaan , Gudoonka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warqad u gudbiyay Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid .

Warqada  oo loo diiday in Saxaafada wax badan ay ka ogaato rasmi ahaan waxa ku qoran ayaa hadana wararku waxay tilmaamayaan inay tahay mid Ra’isul wasaaraha looga dalbanayay inuu Baarlamaanka Soomaaliya hor tago 26-Ka Bishan si su’aalo loo weydiiyo.

Saacid ayaa sida la sheegay laga sugayaa in 26-ka bishan inuu Hor yimaado Baarlamaaka Soomalaiya si su’aalo loo weydiiyo , kuwaasi oo ku qotoma wax qabadkiisa mudadii sanadka aheyd.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Baarlamaanka Soomaaliya laga sugayo inay afti u qaadaan isla markaana ay  Ra’isul wasaare Saacid siiyaan Kalsooni ku aadan inuu sii shaqeeyo ama ay diidaan .

Baarlamaanka Soomaaliya ayaanan la ogeen sida ay ka yeelayaan xukuumada Soomaaliya hadii la hor keeno iyadoo kalsooni raadineysa, waxaana jira Mudanayaal maal mahaan waday Mooshin ka dhan ah Xukuumada Saacid uu hogaamiyo.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

SOMALILAND oo digniin kasoo saartay Isticmaalka Baasaboorka SOMALIA

Wararka aan ka heleyno Deegaanada Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in halkaasi laga Diiday si rasmi ah Baasaboorka Soomaaliya Kadib Shir jaraa’id oo uu qabtay Wasiirka Arimaha gudaha Maamulka Somaliland.

Cali Maxamed Waran Cadde, ayaa si cad u sheegay in cid alaale Cidii lagu arkaa iyadoo kusoo galeysa Deegaanada Maamulka Somaliland , ama uga dhoofeysa Baasaboorka Soomaaliga ah ee E passport.

Wuxuu sheegay in Cidii lagu arkaa iyadoo kusoo galeysa Baasaboorkaas ama uga Dhoofeysa ay ka qaadi doonaan tilabo adag , isla markaana ay marsiin doonaan Ciqaab xoogan sida uu hadalka u dhigay .

Arintan ayaa waxaan la ogeen waxa xilligan kusoo beegay hayeeshee maal mahanba waxaa soo baxayay warar sheegaya in deegaanada maamulkaas aan laga ogoleen Baasaboorka Soomaaliya .

Dowlada Soomaaliya , wali dhankeeda kama aysan hadlin arintan hayeeshee Soomaaliland ayaa inta badan waxay sheegtaa inay tahay dowlad ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale inkastoo wali aqoonsi caalami ah aysan helin .

waxaa jira wada hadalo u soconaya Soomaaliland iyo dowlada Soomaaliya oo ku aadan sidii loo xalin lahaa qilaafaadka ka dhex jira labada dhinac loona soo celin lahaa Gobonimada Soomaaliya inkastoo warkaas aysan Somaliland ku qancin .

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Ingiriiska oo sameynaya qorshe lagu badbaadinayo dhaqaalaha Soomaalida

 UK (Caasimada online) Dowlada Ingiriiska ayaa qorsheynaysa  inay abuurto hab cusub oo lagu badbaadinayo dhaqaalaha Somalida dalkaasi ay usoo diri jireen dalkeena, kadib markii baqdin darteed loo joojiyay xiriirka Bankiga Barclays iyo xawaaladaha UK.

Arintaan ayaa lagu dhawaaqay maalmo ka dib  markii bangiga Barclays uu joojiyay account xawaaladaha Soomaalida ay lacagaha kasopo diri jireen, waxaana badankood ay kasoo dirayeen dalkaasi.

Somalida ku nool kana shaqeysata dalkaasi ayaa ku dhawaad 500 milyan oo Pound usoo diri jiray dalka Soomaali sanad kastaa kuwasi oo ay usoo dirayaan saaxiibadooda iyo qoysaskooda.

Dad badan oo Soomaali ah oo ku nool dalkaasi Uk ayaa ka walaacsan qaabka ay eheladooda ay lagacaha ugu soo diri doonaan, laakiin dowlada Ingiriiska ayaa sheegtay inay qorshe sameyn doonto.

“Lacagaha aan dirto waxaa loo adeegsadaa cunto, waxbarasho, caafimaad, waxyaabaha aasaasiga ah, shacabka Soomaaliyeed aad ayay ugu baahan yihiin”sidaasi waxaa yiri Farxaan Xasan oo ka mid ah Somalida Uk.

Bangiga Barclays ayaa qorsheynaya  2 maalin kadib inuu xero account ay laheyd shirkadaha Dahabshiil oo ah shirkada Africa ugu weyn ee dhaqaale lagu kala gudbiyo.

Caasimada online

Xafiiska UK

[email protected]

Italy oo ku dhaaratay joojinta Tahriibka

Roma (Caasimada Online ) Ciidamada Badda Talyaaniga ayaa maanta oo Isniin ah bilaabaya kormeerka xeebaha Mediterranean, xilli todobaadyadii la soo dhaafay ay ku soo qul qulayeen muhaajiriin Afrikaan ah oo doomo macmal ah ka soo raacaya waqooyiga Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Enrico Letta ayaa sheegay in cirka iyo badda ay kormeerayaan ciidamada ilaalada xeebaha, si ay u joojiyaan qul qulka tahriibayaasha afrikaanka ee soo gaaraya xeebaha bari dalka Talyaaniga.

Jimcihii la soo dhaafay ayaa waxaa ku dhintay xeebaha u dhaxeeya Talyaaniga iyo Malta ilaa 33-ruux, kadib markii doonidiida ay degtay

Todobaad ka hor ayay aheyd markii ilaa 350 muhaajiriin ah ay ku dhinteen xeebta Jaziirada Lampedusa.

Talyaaniga ayaa ka dalbaday Midowga Yurub inay ku taageerto kumanaanka tahriibayaasha ee ku soo qul qulaya dalkaas, kuwaasoo ka imaanaya Afrika iyo Bariga Dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Roma

[email protected]

Dhageyso: S/L: Aroos isubedelay goob 4 qof ay ku dhinteen + 9 Dhaawac

Hargeisa (Caasimada online) Tani waxay qeyb ka noqoneysaa Dhacdooyinka Xanuunka Badan ee ka dhaca Dalkeena  Soomaaliya, Xiliyada qaar Farxada dadka waxay isku badali kartaa Muro, Murugaduna waxay noqon kartaa , wax walibana waa qadar rabi .

Tuulo lagu magacaabo Ceel-xaddi oo dhinaca Waqooyi kaga beegan magaalada Arabsiya ee degmada Gabilay ee Maamulka Somaliland, Waxaa ka dhacay Dhacdo dadka yaab iyo ama kaak ku reebtay Kadib markoo goob aroos mar qura ay isku badashay meel murugo iyo Tiiraan ah.

Gahayr Xasan Muudeey , oo sida la sheegay ah nin Madaxa looga Jiro ayaa la tilmaamay in mar qura goobtii Damashaadka iyo Xaflada arooska ay ka dheceysay inuu Risaas xoogan ku furay taas oo dhalisay Geerida 4 qof iyo Dhaawaca 9 Ruux .

4-ta Ruux ee geeriyootay ayaa dhamaantood waxaa lagu sheegay inay yihiin haween , waxaana 9-ka qof ee dhaawacantay oo rag iyo Dumar isugu jiray loola Cararay cusbitaalo ku kala yaalla magaalooyinka gabilay iyo hargeysa.

Dhacdada tuuladaasi ka dhacday, ayaa farxaddii arooska ee halkaasi ka jirtay u badashay  murugo, Maamulka deegaanka ay mashaqadan ka dhacday ayaanan wali ka hadlin , iyadoo aanan la ogeen halka ruuxa dhibtangeystay uu u baxsaday.

Halkaan hoose ka dhageyso Sida ay wax u dheceen

halkaan ka dhageyso dhacdo xanuun badan

Caasimada online

Xafiiska Hargeisa

[email protected]

Ciidamada DF oo is hor fadhiya & qeyb la safatay A/Madoobe + Cabsi dagaal

Balad-Xaawo (Caasimada Online) Gudoomiyaha degmada Beledxaawo Cadow Nuur Xasan, ayaa qiray in laga baqanayo in dagaal uu ka dhaco deegaanka Tuulo Amiin oo kamid ah deegaanda hoos yimaada degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo.

Wuxuu Sheegay Gudoomiyuhu in Ciidamadada is hor fadhiya inay yihiin kuwo kala daabacsan Maaamulka Dooloow, iyo sidoo kale Degmada Balad-Xaawo, waxaana uu sheegay in baqdin xoogan laga qabo in dagaal uu dhex maro labada Ciidan.

Gudoomiyaha Degmada Balad-Xaawo, Cabdi Nuur, ayaa sheegay in Ciidamada dhanka Dooloow ka yimid ay taageersan yihiin Kuwa Maamulka Jubba, isla markaana ay doonayaan in degmada iyo Deegaanada ku dhaw dhaw inay u gacan geliyaan Maamulka Axmed Madoobe.

Ciidamada ku sugan Balad-Xaawo, ayuu sheegay inay taageersan yihiin dowlada Soomaaliya, dhowaana lagu Biiriyay kuwa ururka Ahlu Sunna .

Ciidamada Ururka Ahlu Sunna ayuu sheegay inay yihiin kuwo taageersan kana mid ah Ciidamada dowlada Soomaaliya, isla markaana hal hadaf ay wada leeyihiin , ayna ka mideysan yihiin aayaha gobolka Gedo.

Xiisadan ka taageen Balad-Xaawo, ayaa waxaa laga Baqanayaa inay isku Badasho Gacan ka hadal, waxaana dadka deegaanka ay muujinayaan Cabsi xoogan oo arintaasi ku aadan .

Maamulka Junna wali arintan kama uusan halin , sidoo kale Saraakiisha ciidmada dowlada Soomaaliya ee gobolkaas ayaanan dhankooda ka hadlin .

Caasimada Online

Xafiiska Balad-Xaawo

[email protected]

WARCELINTA MAQAALKII HAWIYE WAA DHAGOOLE DHIBAN (AQRI)

Dhowaan Caasimada Online, waxaan ku faafiyey maqaal cinwaankiisu ahaa Hawiye waa degoole dhiban. Maqaalka Murtidiisu waxay ku uruursaneyd shan qodob oo kala ah:

1.NGOleyda Islax oo ah kaligood cuneyaal ku takrifal kaalmada loogu yabooho Soomaalida tabaaleysan, bal Soomaaliyey arka.

2.Jilibyo Sheekhaal ah sida Aw Xasan Kalweyn oo aan gaashaanbuurta Hawiye ka mid ahayn, balse xil iyo hantiba ku hela haybta Hawiye.

 3.Shaqaalaha qaranku waa Islax iyo Abgaal, hoggaankuna waa Damul-jadiid suurtagal maaha oo Siyaad Barre ayey u socon weyday dheefta qaranka oo dhan waxay gaar u tahay gaashaanbuurta Mareexaan-Ogaadeen-Dhulbahante.

4.Wasiiradii 1960-90 hantida ay ka boobaan qaranka waxay ku keydsan jireen Bankiyada Shisheeye, maantana Madaxweynaha dahsoon Faarax Topaz iyo khasnajigiisa Axmed Galool hantidii ay qaranka ka boobeen shirkadaha ay ku iibsadeen waxaa ka mid ah Telcom Somalia oo hadda isu beddeshay Telcom Aw Xasan wal Topaz. Gabyaa Qaasim wuxuu yiri (Isma doorin Gaalkaan diriyo daarta kii galaye).

5.Madaxda Mudulood ha fahmeen nuxurka Xadiiska ka hadlaya iimaanka Abubakar Sadiiq, waxaana ku booriyey inay iska dhaafaan ku tiirsanaanta qof ku caanbaxay jallaafo iyo luggooyo, sida: Maxamed Abshir, Shariif Sakiin & Faarax Topaz.  

Xikmadii maqaalku xambaarsanaa, akhristeyaal badan ayaa si khaldan u fahmey, gaar ahaan shaqsiyaad haybtoodu tahay Qudub iyo Xasan Kalweyn. Doodeydii ku wajahnayd haybta Sheekhaal biyadhaceedu wuxuu ahaa in Sheekhaal ka kooban tahay Loobege Fiqi Cumar oo abtirkiisu yahay Hawiye iyo Xertiisii oo ka kooban Soomaaliweyn. Maqaalkaasi wuxuu dhaliyey muran xad-dhaaf ah, waxaa la ii soo tebiyey naqdin nuxurkeedu ahaa (dhaliil iyo dhaleeceyn) ka timid Xerta, waxaa ka mid ah dad ku andacoonaya Sheekhaal waa Yuhuud oo Soomaali maba ahan, bal u fiirso erayada hoose oo aan ka helay akhriste aad u careysan.

(Aniga waan jir adkahay wax shaqo ahna kuma lihi qabiil laakiin article like this will damage your outstanding website. Freedom of expression is sacred to me, but not to express heresy, innuendos and libelous accusation without facts.  Lighter side, Iranian researcher inform me who is well known Ethnologist that Faqi Omar or founder of Shiikhaal was a Jew, He showed me pictures he took Harar Shiikhaal cemetery, old graves has star of David, could be that religious Shiikhaal accommodated  some fellow Jews out of kindness and Islamic religious doctrine?  Could be that since most of Shiikhaal knew how to write and read before most of Somalis that they knew in Islam mixing graves is not sin? 

I am also disappointed how this man to ridicule the great effort of those pioneer Somalis who thought thousands of Somalis how to read and write in Arabic and understand holly Koran and now after 200 years all they got is comparison to Hyenas! From Abdi)

Laguma dhaamee dhaqaaq, iska hadal afkaagu waa qoyan yahee, naqdin la cuskiyey ayaa la ii soo diray, malaha waa ma gudbeyaal aan aqoon sida wax loo qoro, malaha waa dad aan fahmin murtida maqaalka oo aan ku soohay af Somaali hufan oo laaxintiran. Fadlan isbarbardhig wixii aan ka qoray Gen. Daahir Indhaqarshe iyo jawaabta laga bixiyey.

Qoraalkeygii hore (Daahir Indhaqarsho waa technician wuxuu xariif ku yahay madaafiicda goobta Artillery waxaa loo aqoonsan yahay sarkaal dagaalyahan ah oo aan seereyn shiishka kuna hoodo leh aagga dagaalka, dhowr dagaal oo uu ka qeyb galay dallacaad buu ku qaatay sida dagaalkii 1982 ka dhacay Yeed. Daahir Indhaqarsho maamul ciidan iyo si nabadgelyo loo sugi aqoon iyo waayo-aragnimo toona uma lahan, xilka loo dhiibey wuxuu la mid yahay geel caloosha laga raray oo tuurta laga caynshay. Dagaal jabhadeed ka socda daaraha Xamar wuxuu u baahan yahay aqoon gaar ah, farsamo xeeladeysan oo looga libkeeno, taas ka sokow Jeneral Daahir waa hawlgab 20 sano qurbaha ku noolaa)

Jawaabta (Adigoo aan meel kaga dhicin madaxda dalka, Gen Dahir Aden Elmi Indho-Qarsho, Taliyaha ciidanka Somaliyeed oo dagaalkii 1977ku helay bilad geesinimo, kuna taqasusuay xeeladaha dagaalka & madaaficda, waa sarkaal Russia wax ku soo bartay, Mareykan Boston University Shahado Master ka qaatay, in reerkiisa aad aflagadeyso waa ceeb, caqli-yari kugu jirto, hadii aad dooni inaad wax ka shegto soo weydii sarakisha Somaliyeed ee la soo shaqeyey, waa dhab 20 sano howlgab inuu ahaa, from Ahmed)

Waxaa haboon in la fahmo ulajeedada qoraalkii Hawiye waa dhegoole dhiban oo aan marnaba la geesimarin halbeegga hawraarta iyo murtida hadalka. Cudarka geela ku dhaca gammaanka lagama daweeyo. Waxaan qirsanahay Beesha Loobege inay ka mid tahay gaashaanbuurta Hawiye, waxaase mugdi iiga jiraa haybta (Qudub, Aw Xasan & Gendershe) waxaan codsanayaa xujada aan soo oggay in si waaqici ah la ii qanciyo oo la ii caddeeyo gaashaanbuurta ay qaaraanwadaag la yihiin seddaxdaas beelood. Weli waxaan doon-doonayaa yaan toleystaa yaanse ka tagaa (Al walaa wal baraa). Aqoon durugsan ayaan u leeyahay beelaha Soomaalidu inay yihiin gaashaanbuur ku mideysan hayb qabiil oo haba yaraatee aysan jirin wada dhalasho iyo abtir ku aroora hal oday, oo horaa loo yiri (tol waa tolane. Tol xeer baa mideeyee xinjir ma mideyso). Waxaan shalay ahaa iyo abtirkeyga runta ah Allaa yaqaan, waxaanse maanta ahay Hawiye u abaabulan sida Xisbiga Dimoqoraadiga ah oo loolan kula jira Xisbiga Jamhuuriga oo ah Daarood, mana aaminsani inuu jiro oday la yiraah (Hawiye, Daarood, Dir & Raxanweyn) oo ubadkey dhaleen ay ku abtirsadaan.

Gobolka Banaadir, waxbarasho iyo dhaqaaleba waxaa gacanta ku haya NGO Islax oo deeqaha waxbarashada dibeddea iyo Jaamacadda Muqdisho waxay u xiran tahay (Monopoly) Qudub iyo Aw Xasan, Soomaalida kale waa xaqlaaweyaal, xataa beesha Loobege dheefta waxba lagama siiyo. Maanaboligaas Hawiye kama hadlee sababtu maxay cuskan tahay? 1980-yadii ilaa 1990kii Wasaaradii Tacliinta Sare iyo Jaamacadii Soomaaliya waxay gacanta ugu jirtay Daarood, waxaa Jaamacadda loo diiday arday magacoodu yahay (Culusow, Jamcaale, Geedi iwm) balse waxaa la ogolaay inay magaca beddeshaan oo ay la baxaan (Calas, Jaamac, Guuleed iwm) Hawiye jowrfalkaas waa ka gilgishay waana ka dagaallamay, balse maanta ardayda Hawiye NGO Islax kama helaan xataa magac beddelashadii Daarood ogolaa lagma helo, isla markaana Hawiye wax cabasho kama muujiyo caddaaladdarradaas ee sababtu maxay tahay? Gammaanka (faras, baqal & dameer) marka la jara-barayo ama la rarayo cod gurxan iyo danan leh ayey ku qayliyaan, balse marka libaax ama dhurwaa cunayo waa aamusaan waxayna muujiyaan inay ku raaxaysanayaa dugaagga halakeeyey ee hilibkooda feentay. Mufakereenta caqliga leh waxay mucjisadaas ku tilmaameen in gammaanku dugaagga cunaya ku leeyahay iska key cun adiga ayaan afar lugoodle isku nahay oo laba lugoodle ayaa i rartay oo i dhibay. Sida la qiyaasi karo Hawiye wuxuu leeyahay Sheekhaaley iska keen cuna kolley Daarood waad ka sokeysaane.

Riyo run ma noqoto:

Dagaalka ciidamadu ku faltamaan, dabridka iyo gacan ka hadalka waxaa ka horreeya sahan iyo sirdoon. Dagaal-gelinta ciidanka waxaa muhiim u ah taliyaha aaggu inuu si dhab ah oo hubsiimo leh u yaqaan cadowga kasoo horjeeda awoodda ay leeyihiin sida: tiro, tababar, tayo, noocyada hubka, saad iyo saanada. Haddii taliyuhu xog la’aan si hawtulhamag ah ciidanka ku dagaal-geliyo aagga dagaalka waxay kala kulmaan hoog iyo halaag, guuldarro iyo jab.

Dagaalka dhexmara beelaha Soomaalida isla nidaamkaas ayuu ku dhisan yahay. Tusaale 1991-92 dagaallada Koofurta Soomaaliya ku dhexmaray Hawiye iyo Daarood, jabkii Daarood ku dhacay waxaa loo aaneeyaa dagaalka oo ay ku galeen hawtulhamgnimo iyo islweyni. 1980-yadii gabaygii Ergo Daarood kadib Madaxdii Daarood wey kibreen waxaana ka lumay caqligii iyo garashadii habooneyd. Beelo aan Daarood ab iyo isir la wadaagin ayaa si ka fiirsi la’aan ah loogu abtiriyey Daarood, waxay kaloo aamineen qowmiyadda Soomaalidu 90% inay Daarood tahay oo mar baa lagu sigtay in magaca dalka loo beddelo Jamhuuriyada Daarood. Madaxdii Daarood waxay iska dhaadhiciyeen beelyarta Galgalo oo 50% Abgaal ka ah inay tahay Nuux Majeerteen. Beesha Tunni inay tahay Ogaadeen Bah Geri. Ciidankii Gobolka laga soo qoray waxaa loogu sheekeeyey inay Daarood yihiin balse 90% waxay ahaayeen Soomaali kale sida: Allagumar, Dagoodi, Fiqi Muxumud, Raxanweyn, Beydiisle, Booran iwm. Ciidankaas oo lagu soo guubaabiyey yaa Daarood ah, Jannaayo 1991 markii aagga dagaalka la geeyey 80% waxay kasoo safteen dhankii jabhadda USC oo horaa loo yiri dhalasho iyo dhego geel meeshood ma dhafaan. Farriinteydu waa Hawiye iska hubi beelaha ku mideysan gaashaanbuurta oo sidii Daarood hayska dhaadhicin been iyo dhalanteed. Abshir Bacadle (AUN) wuxuu ku shirbay (Jananku jees yaruu hagaa waa lagu jabee ka joog). Dagoodi waa Daarood iyo Tunni waa Bah Geri, horaa Daarood ugu jabee Hawiye ka joog. 

Gaashaanbuurta Beelaha:

Dhulbaareyaasha (Archaeological) ku xeesha dheer raadraaca taariikhda dadkii hore, waxay qeexeen qowmiyadda Soomaalidu inay geeska Afrika deganay afar kun oo sano ka hor dhalashadii Nabi Ciise CS. Haweeneydii Hatshepsut oo dhalashadii Nabi Ciise CS ka hor (1457-1479 BC) ahayd boqorradii Faraaciinta Masar oo booqatay Mandaqada Puntland waxaa la sheegay inay Woqooyi-Bari kula kulan shacab Soomaaliyeed oo boqorkooda lagu magacaabi jirey Caluula. Gaashaanbuurta beelaha Somaalida oo intooda badan lagu magacaabo Afar iyo Adeer, abtirkoodu waa 30 fac, halkii facna waa 30 sano (30 fac X 30 sano = 900 sano). Afar kun sano ka hor dhalashadii Nabi Ciise CS waxaa laga joogaa lix kun sano iyo dheeraad, abtirka gaashaanbuurta Afar iyo Adeer waa 900 sano, halkaas waxaa ku lunsan 5100 sano oo aan raadraceeda la hayn. 900 boqol sano ka hor waxaa hanaqaaday gaashaanbuur beeleed magacyo kala duwan leh, waxaa ka mid ah: Deyr-yahan, Ugaar-yahan, Biciid-yahan, Cawl-yahan, Cusba-yahan, Lohod-yahan iwm. Magacyadaasi waxay qeexayaan xirfad koox ay ku midowday ee marnaba ma tilmaamaan dhalsho isir.

Qofka aaminsan qabiilku inuu dhalasho yahay waxbaa ka khaldan ee ha aamino qabiilku inuu dhaqan wadaag yahay, taasna waxaa laga dheehan karaan murtida lagu muujiyey iskaashiga tolka. Sida qaalibka ah boqolkii sanoba beeluhu wey kala guuraan oo jilib tiro yari lagu ciilay ayaa ka rugdoorsata tolkii hore kuna biirta tolweyne cusub, tusaale: Dhulmareen Ingiriiska ah ee lagu magacaabo Richard Burton buugiisa First foot steps in East Africa, wuxuu ku qoray 1850 inuu Jijiga ku arkay qabiil la yiraah Cusba-yahan oo Hawiye ah, waxaa la sheegay Cusba-yahan inuu muddo kadib ku biiray gaashaanbuurta Ogaadeen. Sidoo kale jilibyo badan oo waaggii hore ahaan jirey Warro-Warro (Dir) ayaa gadaalkii dambe ku biiray Ogaadeen, waxaa ugu dambeeyey Warro-dhaqo oo 1970 kadib ku biirtay Ogaadeen. Waxaa kaloo Ogaadeen ku biiray jilibyo Gugundhabe Hawiye ah. Qabiil kasta waa gaashaanbuur aan wax wada dhalasho ah aysan ka dhaxeyn. Heesta Xildhibaan xaal qaado oo loogu hiilliyey Ra’iisul Wasaare Farmaajo, abwaanka allifey iyo kan ku heeseyba maanta waa Cumar-dheer Mareexaan, balse shalay 1955 waxay ahaayeen Cumar-dheer Cayr. Dabayaaqadii 1980kii shaqaale iyo ciidanba dadkii ka shaqeynaayey Gobollada Woqooyi Galbeed waxay u badnaayeen Daarood. Seddax sarkaal oo ka shaqeynayey Hargeysa ayaa la weydiiyey haybtooda qabiil: nin wuxuu yiri waxaan ahay Dashiishle ku abtirsada Harti, nina wuxuu yiri waxaan ahayd Kaskiqabe ku abtirsada Harti, nina wuxuu yiri waxaan ahay Geesaguulle ku abtirsada Harti. Oday Isaaq ah oo aan weligi maqlin beelahaas ayaa yiri (walaal oo Harti miyuu nool yahay oo weli dhalaa) oraahdaasi waxay noqotay halhays ka hirgalay Hargeysa. Burburkii boqortooyadii Ajuuraan, kala firxadkii jilibyada kala ah: Jambeel iyo Walamege waxay ku biireen gaashaanbuurta Majeerteen.

Saadaal Farxad leh:

Weli waxaa jira beelo yaryar oo hantid la’aan, firiirsanaan iyo tiro yari darteed lagu hayb sooco, xulashada geyaanka waxaa loo arkaa dad aan xalaal ahayn oo aan laga guursan karin loona guurin karin. Gobollada qaar dadkaas waxaa dulsaaran gumeysi, kadeed iyo silic xad-dhaaf, kana baxsan diinta islaamka iyo aadaminimada. Nasiibwanaag gobollada qaar si wanaagsan ayaa loo la dhaqmaa, walow weli isguursigu uusan ahayn caadi si rasmi ah laysula ogol yahay, laakiin labadii calafku mideeyo lama takooro sida gobollada qaar ka jirta. 20 sano ee soo socda Gabooyaha la degan beelaha kala ah: Gudabiirsay, Isaaq, Dhulbahante, Xawaadle iyo Abgaal, hubaal wey ka haajiri doonaan waxayna la degi doonaan beelaha kala ah: Majeerteen, Mareexaan iyo Habargidir, seddaxdaas beelood oo ku wanaagsan la dhaqanka dadka laga badan yahay (Minority), 50 sano ee soo socdana Gabooyuhu waxay ku milmi doonaan (assimilated) beelahaas, guurkuna caadi buu noqon insha-Allaah. Beelaha sida foosha xun oo naxariis la’aanta ah u faquuqa Gabooyaha ha garwaaqsadeen murti leh ninkii Tumaalkiisa ka taga, nin Tumaalkiisa wata ayaa dila.

Ibrahim Sh. Cabdiweli

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

Xafiisyada ra’iisul wasaare SAACID iyo Tarsan oo is weeraray (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf (Max’ed Siqi) ayaa ka jawaabay eedeyn ka timid masúul ka tirsan Xafiiska R/wasaaraha, laguna magacaabo Cali Cabdi Wardheere (Cali yare) oo ku dhaliilay Guddoomiyaha & Duqa Gobolka Banaadir Max’ed Nuur (Tarzan) in maamulka gobolku ku soo uruuray degmooyinka X/weyne & Xamar-jajab, oo aanu tegi karin degmooyin ay ka mid tahay Huriwaa.

Maxamed Yuusuf oo saxaafadda la soo xiriiray, kana fal-celinayey eedaasi Tarzan ayaa sheegay in aaney waxba ka jirin in Guddoomiyuhu uusan tegin Huriwaa, isaga xusay in marar badan Guddoomiyuhu kormeer ku tegay Huriwaa & degmooyinka ku teedsan.

“Qofka eedeyntiisa sidaa u dhigaya 2 ayeey mid tahay, ama inuu war-moog yahay ama inuusan kala aqoon degmooyinka Gobolka, Guddoomiyuhu wuxuu tegay marar badan degmada Huriwaa, wuxuuna muddo daganaa hoteel Gur-guurte” ayuu yiri Maxéd Yuusuf, wuxuuna intaa ku daray in ay nasiib darro tahay in shaqsiyaad sheeganaya in ay dowladda ka tirsan yihiin haddana masúuliyiintii dowladda ee Qaranka u shaqeynayey in ay hawada ka xagxagtaan.

“Dad shaqaale dowladdeed in ay yihiin sheeganaya, haddana in ay masúuliyiintii dowladda eedeeyaan, waxey wax u dhibeysaa hanaanka dowladeed, Tarzan waxa uu Qaranka u qabtay waxey ku taalaa diiwaanka taariikhda, taariikhduna ma ahan mid uu ka been sheegi karo wiil yar oo doonaya in Guddoomiyaha Gobolka uu (face book) ku shaxaado” ayuu yiri Maxéd Yuusuf, isaga oo intaa ku daray in Cali yare lagu yaqaan in maalin uu koox ammaano, kooxna eedeeyo.

“Cali yare waa nin shaqo ka dhigtay marna inuu masúul aflagaadeeyo masúulna ammaano halkaas ayey ka gashay bahasha” ayuu yiri Maxéd Yuusuf.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

CARAFAH CAJAA’IB BADANAA (Faallo)

0

Maalmuhu waa is daba joog, cimrigu wuxuu ku socdaa xawaare doqoni ma garatay ah, Alle wuxuu addoomadiisa u diyaariyey xilliyo ay ku soo kabtaan, oo khayr fara badan laga helo dunuubtana la dhaafo, haddaba waxaa xilliyadaa ka mid ah maalinta carafah, runtii carafah oo ah maalinta sagaalaad ee bisha Arrafo (Dilxijah) waxay ku beegantahay 14-October-2013 ka oo ah maalinta isniinta ee foodda inagu haysa, Carafah cajaa’ib door ah ayaa lagu sheegay.

1. Waa maalintii la ebyay (la dhammaystiray) diinteena toosan, nin yuhuud ah ayaa Cumar ina Alkhadaab AKR ku yiri aayad ka mid ah kitaabkiina oo aad akhridaan hadday anaga reer Israa’iil ah noo soo degi lahayd maalintaas ciid ayaan ka dhigan lahayn, waa aayadda 5aad ee suuradda Almaa’idah, Cumar AKR ugu jawaabey waxaan garanaynaa maalintii ay Nabiga SCW ku soo degtay, wuxuu taagnaa Carafah waliba maalin Jimce ah.

2. Waxaa lagu dhaafaa soonka la soomo maalintaan sannad tegay dambigiis iyo mid soo socda dambigiis sida ku cad xadiiska uu soo saaray Imaam Muslim, laakiin waa qofka aan Xaajiga ahayn, qofkii xaaji ah oo xajka gudanaya asagu ma soomayo.

3. Dadka xujeyda ah waxay ugu tirsantahag ciidda sida ku cad xadiiska uu soo saaray Imaam Abuu-Daa’uud Sheekh Albaanina uu saxiixiyey.

4. Ducada la duceysto maalintaas waa ducada ugu khayrka badan duco sida ku cad Xadiiska uu Sheekh Albaani ku saxiixiyey Silsiladdiisa Saxiixa ah. Ibnu Cabdilbar Allaha u raxmadee ayaa yiri xadiiskanu wuxuu tusinayaa dheeraadka iyo milgada maalinta carafo ay dheertahay maalmaha kale.

5. Waa maalinta uu Alle addoomada ugu badan naarta ka xoreeyo sida ku muujisan xadiiska uu wariyey Imaam Muslim.

6. Alle ayaa dadka carafah taagan ugu faanaya malaa’igta samada sida ku qeexan xadiiska uu soo saaray Imaam Axmed Sheekh Albaanina saxiixiyey.

7. Waa tiirka ugu mudan tiiraka xajka oo qofkii aan Carafah istaagin xilli ka mid ah maalinta sagaalaa iyo habeenka ka dambeeya xaj uma jiro sida ku cad xadiiska ay weriyeen Bukhaari iyo Muslim.

Salafkii ummaddu waxay dadaali jireen maalintaan dadaal gaar ah, qaarkood waxay u badan jireen xagga baqdinta Alle iyo xishoodkiisa, Mudaffar ina C/llaahi iyo Bakar Almuzani Allaha u raxmado e ayaa istaagay Carafah markaas ayaa mid kood yiri (Allahayoow ha hungeyn (ha qadin) dadka halkaan taagan aniga dartay) wuxuu isu arkaa nin laga yaabo in dartiis dadkaas oo dhan loo aqbali waayo!!!, kii kale ayaa yirj (Alla maxaa ka sharaf badan taagnaanta meeshaan oo maxaa looga rajo badanyahay Alle marka halkaan la joogo waase haddii aanan anigu ku jirine) isna sidii saaxiibkiis ayuu isu arkaa nin dartiis loo waayi karo khayrkaas!!, Allaahu akbar maxaad ka taqaan raggaas bal isku day in aad baartid taariikh nololeedkoodii adaa yaab arag e.

Qaarkoodna waxay u badan jireen xagga rajada, C/llaahi in Mubaarak Allaha u raxmadee ayaa u yimid Sufyaan Althawri Allaha u raxmadee maalintii Carafah isaga oo jilbaha (ruugagga) ku taagan ilmaduna ka qubanayso markaas ayuu milicsaday C/llaahi markaas ayuu C/llaahi yiri Sufyaanoow yaa dadka halkaan taagan u liita?, wuxuu yiri Sufyaan waxaa u liita kan moodaya in aan Alle u dambi dhaafayn!!!.

Ugu dambayn haddaadan xaaji ahayn soon maalinta Carafah, oo badi qur’aan akhriska, dikriga iyo ducada si aad u heshid khayr fara badan cadaankana lagaaga xoreeyo, haddaad tahay xaaji istaag carafah marka sawaalku dhaco ilaa qorraxdu ka dhacdo si aad maalin iyo xilli habayn ah aad u kulmisid, badi dikriga, qur’aan akhriska iyo ducada si xajkaagu u asaxo asd u heshid khayr fara badan, dembi dhaaf iyo cadaabka oo lagaa xoreeyo.

Ikhyaareey rag iyo dumar, carruur iyo cirroole, culimo iyo caamo, madax iyo majo dadaal ayaan idinku ogahay (Jacaylna waa kii isoo kacshay tabarina waa tan halkaa I dhigtay!!!).

 W/Q: SH. Fu’aad Maxamuud X. Nuur

Malaayin Muslim ah oo maanta taagan Banka Carrafo (Masha Allah)

Makkah (Caasimada Online) Malaayin qof  oo muslimiin ah ayaa maanta taagan buurta carrafo iyagoona gudana mid ka mid ah waajibaadka xajka.

Xajka oo ah rukniga shannaad ee Islaamka, waxa la sheegayaa in sannadkan ay ka yar yihiin tirada xujeyda tagi jirtay dalka Saudi Arabia, sababtana waxa weeye iyadoo lagu wado dhismooyin goobaha xajka ee halkaas ku yalla, maadama ay soo bateen dadka ku dhinta ama ku dhaawacma ee gudanaya waajibaadka xajka.

Dadka ku sugan buurta carrafo waxaa ka mid ah xujeey Soomaali ah, waxaana la sheegayaa in si fiican ay uga qaybqaadanayaan waajibkaadka xajka.

Ma jirto ilaa hadda wax dhimasho ah oo laga soo wariyay goobaha ay booqanayaan xujeyda sannadkan gudanaya waajibaadka xajka.

Dowladda Saudi Arabia ayaa ballaarisay adeega caafimaad ay u baahan yihiin xujeyda gudaneysa waajibaadka xajka, waxaana jira diyaarado helicopters oo dul xognaya goobaha ay booqanayaan xujeyda.

Wariye ku sugan xajka oo soo hadlay wuxuu lee yahay xujeyda ka imaaneysa Somaliland waxa ay heestaan culimo wacdiya oo barraya goobaha la booqdo sida loo guto xajka, balse kuwa ka imaanaya Soomaaliya ma heestaan culimo iyo dad hagga.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Jeddah

[email protected]

KASHIFAAD: Faroole oo hub badan ka soo degsaday Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) Ilo xog-ogaal oo ah ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in maanta duhurkii waqtiyo isku dhow ay ka dageen garoonka Cabdulaahi Yuusuf Axmed ee magaalada Gaalkacyo labo diyaarad oo ka yimid dalka Yemen kuwaasoo siday hub aad u badan.

Ilaha aan warkan aan ka  soo xiganay oo aan u qarinay sababo dhinaca ammaanka, waxaa kaloo ay lee yihiin hubka laga dejiyay Gaalkayco ayaa loo wadaa maamulka Putland.

Waxa ay ka dambeesay markii dhawaan uu tagay dalka Yemen madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole, kaasoo dowladda Yemen ka codsaday hub si gaar ah loo siiyo maamulkiisa si loogu xoojiyo ammaanka deegannada Puntland.

Hubka ay wadeen labada diyaarad ayaa lagu raray gaadiidka waaraadka loo yaqaano, waxaana waardiyeenayay gaadidka dagaalka iyo ciidamada ammaanka Puntland, waxaa loo qaaday dhinaca waqooyiga Gaalkacyo.

Puntland ayaa la sheegay in ay u ololeeneysay siddii cuna-qabateenta hubka looga qaadi lahaa dalka Soomaaliya.

Saxaafadda goobjoog kama ahayn hubka maanta ka dagay garoonka Gaalkacyo, waxaana la sheegayaa in hubkan uu si gaar u lee yahay madaxweyne Faroole.

Intii hubka la dajinayay, waxaa la adkeeyay ammaanka garoonka, waxaa kaloo hakad lagaliyay duulimaadyadii caadiga ee garoonka iyadoo la mamnuucay  socdka garoonka.

Hubka ayaa u badnaa qoriga AK47 iyo dabajeex iyo kuwa boobaha loo yaqaano ee garabka laga tuuro.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Faah-Faahin:Ciidamada dowladda oo ku dagaalamay duleedka Muqdisho

Lafoole (Caasimada Online) Inta la ogyahay afar qof oo ku jiro sarkaal ciidamada ayaa ku dhintay dagaal ka dhacay galabta deeganka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay markii ciidamo ka tagay degmada Dharkeenleey ay weerar ku qaaday Isbitaal ku yaalla deeganka Siinka dheer.

Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan deeganka Siinka dheer oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in dagaalka uu billowday markii ciidamo ka tirsan kuwa degmada Dharkeenleey ay isku dayeen in ay lacago baad ka qaadaan Isbitaalka Al-birri oo xilligaas uu ka socday howllo dhismo ah.

Waxaa kaloo jirra ciidamo labada dhinac ka dhaawacmay sida ay lee yihiin dadka goob-joogga ah.

Ciidanka soo weeraray Isbitaalka ayaa laga dhigay wax la dilo, wax la dhaawaco iyo kuwa carara oo baxsaday.

Ma jirto cid ka hadashay dagaalka maanta ku dhexmaray ciidamada dowladda deeganka Siinka dhee oo u dhow degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho.

[email protected]