27.4 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

DHAGEYSO: Cabsi heysata Soomaalida kadib 2 gabdhood oo lagu gowracay…

Muqdisho (Caasimada online) Wararka ka imaanaya Tuulo Duleedka ka ah Magaalada Johannespergl ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay iminka Xiisad kac sanaan ah oo u dhexeysa Soomaalida ku ool halkaasi iyo Dadka deegaanka.

Wararka waxay Tilmaamayana in arintan ay timid kadib markii Goobo Gancsi oo ay Soomaalidu leeyihiin Meel u dhow lagu arkay Meydadka laba Gabdhood oo la gowracay , taasi oo Caro iyo Naxdin ku abuurtay dadka deegaanka.

Gabdhaha la dilay meydkoodana laga helay Goobaha Qashinka ayaa Da,doodu waxaa lagu kala sheegay 5 Sano Jir iyo 6 sano jir , kuwaas , oo xilliga Meydooda la arkayay ay ayaaheen kuwa qoorta ka go’an .

Soomaalida ayaa arintan waxay ku tilmaameen mid Shirqool ah , Balse dadka degaanka oo Soomaalida  Ganacsatada ah Falkan ku eedeeyay ayaa Bilaabay durba boob iyo Dhac ay kula dhaqaaqayaan Dukaamada Soomaalida ay leeyihiin.

Dowlada Koonfur Afrika wali arintan wax war ah kama aysan soo saarin hayeeshee Xaafada ay Mashaqadan ka dhacday ayaa la sheegay inay ku badan yihiin dadka Sambabwiyaanka ah , waxaana Jira sida wariye ku sugan halkaasi uu soo sheegayo Xurguf hore oo u dhexeysay.

Wariye Maxamed Cali Guleed, oo ka mid ah Wariyaasha Soomaalida ah ee dalkaasi ku nool aya Xilli uu BBC-da la hadlayay wuxuu sheegay in iminka wali ay jirto  Cabso iyo Xiisad kacsanaan ah oo  ka taagan halka ay Rabshadu ka dhacay .

Halkaan ka dhageyso Waxa Koonfur Africa ka dhacay

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DAAWO: Muqdisho iyo amniga ka jira

Caasimada Online:  Wariye Caan ah oo Warbixin xasaasi ah ka diyaariyay Muqdisho & Amingeeda Maanta waxuuna ka hadlayaa xaalada amaan ee muqdisho Iyo Nolosha Muqdisho ka jirta Maanta.

Dhanka kale Warbixintani waxey ku tusineysaa heerka nololeed iyo Amaan ee dalka ka jiro iyo dhinaca horumarka Magaalada ee soo kordhaya iyo sdia ay Muqdisho tahay Maantan.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Beel ku dhowaaqday inay ka baxda DF

Baladweyne (Caasimada Online) Mid ka mid ah beelaha ugu waaweyn gobalka Hiiraan ayaa ku dhawaaqay in kal soonida kala laabteen dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Shir ay ku yeesheen BEESHA GAALJECEL magaalada Baladweyne  wax-garadkooda, siyaasiyiintooda iyo odayaasha ayaa looga dhawaaqay in ay kalsoonida ay kala laabteen.

Cumar Aadan Dhigood oo loo yaqaano Cumar Dheere kana mid ah xubnaha ka qaybgalay shirka ka dhacay Baladweyne ,ayaa sheegay in dowladda ay xad-gudub kula dhaqaaqtay beeshooda, kaddib markii ay waxbo ka siin waayeen, safiirada, la taliyaasha, ciidamada iyo heykalka dowlad nimo sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda Fedaraalka waxa ay noqotay Kud ka guur oo qanjo u guur, madaxweynaha wuxuu ku tuntay dastuurka isagoo waxbo ka siin dowladda Beesha Gaaljecel sidaas darteed annaga oo ah siyaasiyiin, xubnaha nooga jira dowladda iyo odayaasha waxaan ku dhawaaqeenaa in ay aan kalsoonida kala baxnay” ayuu yiri Cumar Dheere.

Wuu sii hadlay “Annaga degmooyin aan lahayn oo dowladii Siyaad Barre ay magacowday ayuu diiddan yahay madaxweynaha” ayuu yiri Cumar Dheere.

Dhinaca kale, shirka ka dhacay Baladweyne waxaa lagu qaaday maamulka loo sameenaayo Gobalka Hiiraan, waxaana ay sheegeen in maamulkaas uu yahay mid  aan loo dhammeen.

Si kastaba, shirka waxaa goob-joog ka ahaa wasiiro, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kuwaasoo sheegay in ay isku fikir yihiin odayaasha iyo waxgaradka beesha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baladweyne

[email protected]

 

VIDEO: Ma runbaa in codka kalsoonida loo qaaday Ra’iisul wasaare SAACID?

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamayaa war been abuur ah oo ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta gudaha qaarkood kaasi oo ku saabsanaa in Gudoonka Baarlamaanka uu u qoray Ra’isulwasaaraha Xukuumadda warqad looga dalbanayo inuu Baarlamaanka soo weydiisto codka kalsoonida.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux)oo saxaafadda la hadlay ayaa yiri “shalay waxaa kasoo baxay Websiteyada iyo idaacadaha qaarkood war been ah oo laga sheegayo Baarlamaanka,anigu waxaan ahay xoghayaha guud ee Baarlamaanka waxaad la socotaan in Baarlamaanka uu u furanyahay dadweynaha taasina waa qodob dastuuri ah sababtuna waxey tahay howlaha Golaha Shacabka iney had iyo goor la socdaan marka ma ahan shaqada Baarlamaanka wax qarsoon”

Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka ayaa tilmaamay in websiteyada qaar ee warkaasi been abuurka ah baahiyey waxey yiraahdeen mooshinbaa Ra’isulwasaaraha laga keenay kadibna Gudoonka ayaa warqad u qoray Ra’isulwasaaraha oo looga dalbanayo inuu Golaha shacaka kalsooni soo weydiisto laakiinse waxa uu si cad u sheegay in warkaasi uu yahay mid been abuur ah.

“waxaan doonayaa inaan shacbiga u iftiimiyo arinta u yeerista Ra’isulwasaaraha ee 26ka bishan waxa loogu yeeray waa inuu Baarlamaanka u jeediyo khudbadiisa uu kaga hadlayo xaalada dalka waana khudbad dhammaanba Baarlamaannada caalamka ay ka jeediyaan madaxdu waxaana afka qalaad lagu yiraahdaa (The state of the nation) wuxuuna Baarlamaanka kala hadli doonaa miisaaniyadiisii hore sida ay u hirgashay,caqabadaha ka hor yimid iyo sidoo kale inuu Golaha Shacabka horkeeno miisaaniyadda sanadka soo socda ee 2014 ayadoo kadibna uu Wasiirka Maalliyadda imaan doono oo arinta Miisaaniyadda sii amba qaadi doono taasi ayaana ah xaqiiqda jirta oo ma jiro wax mooshin ah oo la keenay”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa ka hadlay nidaamka mooshin keenista waxaana uu xusay in marka ay XIldhibaannada mooshin soo diyaariyaan ay isaga oo xoghayaha guud ee Golaha ah kadibna uu lifaaq ku daro sidaasina uu gudoonka Baarlamaanka ugu gudbiyo,si cadna waxa uu u sheegay inaanay hada jirin wax mooshin ah.

Ugu dambeyntii waxa uu fariin u diray tafaftireyaasha warbaahinta qaarkood oo uu kula taliyey iney ka fekeraan warka ay daabacayaan saameynta uu yeelanayo dhinac kastaba oo aysan ku deg degin baahinta war aysan hubin loona baahanyahay in tan hada dhacday ay ku qaataan tusaale,wararka ceynkaasi ahina waxa uu ku tilmaamay iney yihiin kuwo looga golleeyahay in hormarka dowladnimada lagu dhaawaco.

Halkan ka daawo shirka Jaraa’id

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Awooda hay’adaha sirdoonka KENYA iyo Weerarkii Westgate (WARBIXIN)

Madaxda baarlamaanka iyo khubarada ammaanka ayaa codsanaya in awoodda Hay’adda Sirdoonka Qaranka Kenya (NIS) la balaadhiyo iyada oo la doonayo in hay’adda laga baddalo ahaanta ay tahay mid aan waxba qabanaynin lagana dhigo awood tayo leh oo wax ka qabata la dagaallanka argaggixisada.

NIS oo ah hay’adda kaliya ee waddanka ee u xilsaaran ururinta iyo falanqaynta sirdoonka, ayaa waxaa soo gaadhay dhaleecayn badan oo ku aaddan guul darradii ay ku guul darraysatay in ay baajiso weerarkii bishii hore loo gaystay suuqa laga dukaamaysto ee Westgate ee Nairobi.

September 27-deedii, ayaa NIS ay is difaacday, iyada oo sii daysay warbixnno sireed oo ay siisay warbaahinta taas oo ah si tafaasiil ah ay ugu sheegayso in ay uga digtay dawladda, oo ay ku jiraan booliiska Kenya, weerar laga yaabo in Westgate iyo meelo kale oo caam ahba lagu qaado.

Waxqabad la’aanta booliiska ayaa dhalisay codsiyada ah in NIS la awood galiyo si ay tallaabo toos ah u qaaddo marka ay warar sireed hesho intii ay sugi lahayd ama ku tiirsanaan lahayd wada shaqaynta hay’adaha kale ee ammaanka.

“Sida ay hadda NIS u samaysan tahay waxaa weeye uun sidii machad cilmi baadhis. Ma awoodi karto in ay iyadu wax ku qabato sirdoon [xasaasiyadda wakhtiga iyada oo la fiirinayo] ay leedahay iyada oo dastuurku uu awooddaas siinayo booliiska,” Asman Kamama, oo ah guddoomiyaha Guddiga Ammaanka Qaranka iyo Maamulka ee baarlamaanka Kenya ayaa sidaas yidhi.

“Weerarkii suuqa Westgate wuxuu ahaa weerar lala beegsaday dawladnimada Kenya iyo ku daandaansi ah,” Kamama ayaa sidaas yiri. “Waxaan fiirinaynaa dulduleelada waxqabad ee Sharciga Hay’adda Sirdoonka Qaranka, si aan u baddalno sida ugu fiican oo aan hay’adda ugu awood siinayno in ay si toos ah wax uga qabato xadgudubka argaxixisada.”

Jimcaha (October 18-keeda) ayaa Maamulaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Michael Gichangi, Isbatooraha Guud ee Booliiska David Kimaiyo, Maamulaha Baadhitaanka Dambiyada Ndegwa Muhoro iyo Xoghayaha Arrimaha Gudaha iyo Iskaashiga Dawladda Qaranka Joseph ole Lenku la rajaynayaa in ay ka warbixiyaan iyaga oo hor fadhiisan doona Guddiga Maamulka iyo Ammaanka Qaranka iyo Guddiga Difaaca iyo Xidhiidhka Dibadda ee baarlamaanka, kuwaas oo baadhaya arrimihii la xidhiidhay weerarkii Westgate.

“Labdan guddi ma laha hadaf faadhfaadhid ama dhaleecayn,” Kamama ayaa sidaas yidhi. “Waxaan wadnaa shaqo muhiim ah oo xaqiiqo raadis ah oo ay waddo doonitaan ah in aan farta ku fiiqno daldaloollada shaqo iyo qaab-dhismeed ee NIS kadibna aan soo jeedino waxyaabo awood siinaya hay’adda sirdoonka.”

Kamama ayaa sheegay in NIS ay ka shaqeeyaan dadka ugu maskaxda badan shaqadaasna si fiicana loo maal galiyo. “Wax sabab ah ma jirto [oo ay] warbixinnada NIS ay u taalo xafiisyada hay’ado kale,” ayuu yidhi. “Haddii NIS la awood galiyo, waxaa laga yabaa in ay nolol badbaadiso. Hadafkaanagu waa xoojinta NIS ee ma aha curyaaminteeda.”

NIS waa ‘shabeel waraaq ku sawiran’

NIS, oo loo yaqaanay Adeegga Sirdoonka Qaranka Kenya ka hor inta aan sharciga NIS la oggolaanon sanadkii 2012, waxaa si toos ah u maamula Guddiga Ammaanka Qaranka oo qof shibil ah hoggaamiyo.

Dastuurka saddexda sano jira ee Kenya ayaa awodii ay NIS lahayd ee ahayd in ay tallaabo toos ah qaadan ka xayuubisay si ay u ilaaliso xadgudub ka dhan ah xuquuqda insaanka, laakiinse Raymond Kipkorir Cheruiyot, oo ah kornayl ka tirsanaa ciidanka Kenya haddana ka kid ah milkiilayaasha Multi Security Consultants Limited ee Nairobi ku taala, ayaa sheegay in doonitaanka ixtiraamka xuquuqda insaanka iyo dalabka xisaab shaqeedka ay curyaamisay hay’adda.

“[Sharciga] ayaa ka dhigay NIS shabeel waraqeed. Sidani ma aha sidii la rabay. Waxaa jira habab badan oo wax looga qaban karo xad gudubka hay’adda sirdoonka sida maamul baarlamaan oo daba gal ah ama hay’ad shibil ah oo madax bannaan,” ayuu yidhi.

“Haddii aysan NIS dammaano qaadi karin ammaanka Kenyaanka iyo dadka waddanka booqda hadda sababta oo ah sharciga ayaa xakamaynaya, waxaa la gaadhay wakhtigii si feejigan loo fiirin lahaa Sharciga NIS gabi ahaanba,” ayuu yidhi.

Cheruiyot ayaa sheegay in Kenya ay tahay in ay ku dayato waddamada horay u maray ee leh hay’ado sirdoon oo xoog leh tayana leh.

“Fikradayda, NIS waa in la siiyo awood sharciyeed oo ay ku galayso hawlgallo qarsoon oo ka dhan ah argaggixisada Kenya ku sugan iyo dibadaba. Hawlaha ka dhanka ah argaggixisada ee aduunka oo dhan waxay noqdeen kuwo aan sahal ahayn khatartoodana leh. Argaggixisada ayaa heegan ah lehna xirfado ciidan,” Cheruiyot ayaa sidaas yidhi.

“Hay’ad sirdoon oo awood leh ayaa ah indhaha, dhegaha iyo sanka dawladda. Waa habka lagu dhisay ammaanka waddanka,” Cheruiyot ayaa sidaas yidhi. “Awood siinta NIS waxay ka dhigan tahay dammaano-qaadka ammaanka Kenyaanka iyo xaqiijinta ammaanka waddanka guud ahaan.” Warbixinnada NIS ayaa la siiyaa xoghayaha golaha wasiirada ee arrimaha gudaha iyo xidhiidhka dawladda qaranka, xoghayaha joogtada ah ee wasaarada, isbatooraha guud ee booliiska, labadiisa ku xigeen iyo maamuulaha qaybta dambi baadhista ee booliiska.

“Sirdoonka ayaa macno samaynaya markii si wakhtiyaysan loo istcimaalo si saamayntii la rabayna loo helo,” Ndungu Gathinj, guddoomiyaha guddiga difaaca iyo xidhiidhka dibadda ayaa sidaas yidhi.

“Si kastaba ha ahaatee, sirdoon muhiim ah, haddii aan waxba lagu qabanin, wax faaiido ah ma laha, [waxaana weeye] dhumin lacagta canshuur bixiyayaasha iyo ka gaabin masuuliyadeed,” ayuu yiri.

U baddalida sharciga si xilkasanimo ah

Agaasimaha PeaceNet Kenya Stephen Kirimi Mwamba ayaa sheegay si ay NIS u hesho awoodda shaqo ee loo bahaan yahay, waa baarlamaanku inuu wax ka baddalo Sharciga NIS ee 2012.

“NIS waa in la siiyo awoodda ay u baahan tahay si ay wax uga qabato dambiyada abaabulan sida argaggixisada, laakiinse isla markaana waa in uu baarlamaanku la xisaabtamaa,” ayuu yiri.

“Shaqaalaha sirdoonka ee NIS, ayay waajib tahay in ay haystaan awoodda ay guryo ku baadhi karaan kuna qaban karaan tuhmanayaasha argaggixisada,” Mwamba ayaa sidaas yidhi. “Sharciga NIS ayaa xakamaynaya awoodda hay’adda sirdoonka iyada oo lagu sheegay in ay tahay hay’ad shibil kana mamnuucaysa qaadidda shaqooyinka booliiska ama shaqooyinka milatarigu qabto, laakiinse shaqada sirdoonka ayaa ay tahay in ay qabtaan shaqooyin milatari iyo xirfado hawlgalo khaas ah ama ay lahaadaan khibrado dagaal.”

Dadka qaar ayaa qaba, si kastaba ha ahaatee, in Kenya ay taxaddar ka muujiso in awood dheeraad ah la siiyo hay’adda sirdoonka.

Ilaa iyo inta aysan Hay’adda Sirdoonka Qaranka Kenya istcimaalaynin qaabab sharciga ka baxsan sida ciqaab iyo xidhitaan sharci darro ah ee tuhmanayal, waan taageerayaa awoodda dheeraadka ah ee la siinayo,” David Koros, oo ah isku dubaride barnaamij oo ka shaqeeya Xarunta Kenya ee la Dagaalanka Ciqaabta, oo ah hay’ad u go’day dhawritaanka xuquuqda insaanka iyo dhaqan celinta dhibbanayaasha ciqaabta oo ay ciqaaban shaqaalaha ammaanka iyo kooxaha hubaysan ayaa sidaas yidhi.

“Si kastaba ha ahaatee, taladaydu waa in argaggixisada looga hor tago caddaalad,” ayuu sheegay. “Si NIS loogu aamino awood badan, waa in ay la socotaa qaabab lagu eegayo in aysan qabashooyin sharci daro ah, dil sharciga ka baxsan iyo caddaymaha oo ay been abuuraan aysan samaynin. Muhiimaddu waxaa weeye, in shaqaalaha NIS ay si akhlaaqda iyo anshaxa waafaqsan ku shaqeeyaan.”

Isha: Sabahi Online

Video: 4 jir malaayiin qof ka yaabsaday

Caasimada Online:  Wiil Afar Sano jir oo dalka Belgium-ka kaga qeybgalayay tartanka Got Talent oo habeen walbo Jimca ah laga sii daayo Tv-yada dalkaasi, wiilkaasi yar oo lagu magacaabo Tristan ayaa wuxuu soo bandhigay ciyaar Malaayiin qof ka yaabisay.

Tristan oo kasoo jeeda asal ahaan South Korea, isagoo ciyaarta uu soo bandhigayna ay aheyd heesta No 1 ka gashay caalamka ee looga daawasho badnaa inta la og yahay ee Gangnam Sytle oo uu ku luuqeeyo Fannaanka PSY ee isla South Korea kasoo jeedo.

Wiilkan yar ayaa kaalinta koowaad ka galay Tartanka Got Talent ee dalka Belgium-ka oo si toos ah looga daawanayay MTV iyo Tv-yada kale ee dalkaasi.

HALKAAN KA DAAWO

KASHIFAAD: MAXAMED TIICEEY ayaa shirqoolay Afweyne (Qaabkee?)

Brussels (Caasimada Online) Shabakadda Caasimada Online ayaa ogaatay in ninka lala xiray hoggaamiyihii hore ee burcad badeedda Soomaalida Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) in uu ahaa Maxamed Aadan Tiiceey.

Tiiceey waa qof noo cee ah?

Maxamed Aadan Tiiceey wuxuu soo noqday madaxweynaha maamulka Ximin iyo Xeeb, wuxuu dhowr jeer ku guuleestay in uu soo daayo dad ajaaniib ah oo ay afduubteen burcad-badeeda Soomaalida.

Dadka uu soo badbaadiyay waxaa ka mid ah gabar British oo laga soo afduubtay xeebaha Kenya ninkeediina lagu dilay intii uu socday afduubkaas David Tibet.

Tiiceeey-1Sida ay lee yihiin dadka aan ka soo xiganay warkan, Tiiceey ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay shirqoolka loo dhigay Afwweyne oo Sabtidii ay booliiska Belgium ay ku xireen garoonka diyaaradaha magaalada Brussels.

Si kastaba, mar sii horeysay horey maanta ayaa dacwad oogaha dalka Belgium Johan Delmulle oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay  in Maxamed Cabdi Xasan oo loo yaqaano Afweyne loo heysto afduub uu u geystay markab waddankaas laga leeyahay iyo sagaal shaqaale ah oo la socday sannadkii 2009 iyo in uu sidoo kale ka qeyb ka ahaa urur dambiile ah.

Qaramada Midoobay ayaa Afweyne u aqoonsatay mid ka mid hoggaamiyayaasha ugu  waa-weyn ee burcad badeeda Soomaalida, kaasoo lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa afduub loo geystay markab laga lahaa  dalka Sacuudiga oo laga qaatay madax furasho gaaraysa malaayiin doolar.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka London

[email protected]

Xaflad ay ka qaybgalayaan 1000 qof oo Muqdisho ka socoto (Maxay tahay?)

Nairobi (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho, waxaa caawa ka socota xaflad ballaaran oo loogu dabaal dagaayo munaasabada ciidda barakeysan ee ciidul Adxaa.

Xafladda oo ay ka qaybgalayaan 1000 qof, waxaa ka mid ah fannaaniin caan ah sida fannaanada heerka qaran ee Hibo Nuura, kooxda Qaylo Dhaan iyo kooxo kale.

Waxaa kaloo xafladda goob-joog ka ah mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, siyaasiyiin iyo marti sharraf kale oo lagu casuumay xafladda.

Wariye ka tirsan Shabakadda Caasimada Online, oo xafladda ku sugan ayaa soo sheegaya in xafladda ay ka muuqato damaashaad ballaaran.

Fanniinta ayaa maawelinayay dadka ka soo qaybgalay xafladda, waxaana magaalada caawa ay ka badallan tahay habeenadii hore sida uu lee yahay wariyaheena.

Hibo Maxamed Cudoon (Hibo Nuura) oo dhawaan ku soo laabatay Muqdisho, ayaa si kooban saxaafadda ula hadashay waxaana ay sheegtay in Muqdisho ay ku aragtay wax yaabo badan oo horrumar ah isla markaana caawa ay soo bandhigi doonto heeso badan oo dadka qiiro galin doona.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

BELGIUM oo ka hadashay xarigga aas aasihii burcad-badeeda Soomaalida

Brussels (Caasimada Online) Dowladda Belgium ayaa maanta oo Talaado ah ka hadashay xarigga nin caan ah oo horrey uga tirsanaa kooxaha burcad badeedda Soomaalida Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne).

Afweyne ayaa la sheegay in Sabtidii la soo dhacay lagu xiray garoonka diyaaradaha magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub.

Ninkan ayaa la sheegay in loo dhigay shir-qool aad cajiib u ah, kaddib markii ciidanka dhar cadka ah ee dalka Belgium, ay ku wargaliyeen in uu ka soo qaybgalo dikumiti laga sameenaayo burcad-badeeda iyo khataraha ay lee yihiin, laakin markii la ogaaday in uu soo dagay in la xiray.

Dacwad oogayaasha dowladda Belgium oo uu ka mid yahay Johan Delmulle ayaa sheegay in Afweyne loo heysto afduub uu u geystay markab waddankaas laga leeyahay iyo sagaal shaqaale ah oo la socday sannadkii 2009.

Waxaa la sheegay Afweyne in ka qayb qaatay afduub iyo in uu sidoo kale ka tirsanaa urur dambiile ah oo ka macaashay afduubka maraakiibta iyo shaqaalaha la socda.

”Waa mid kamid ah kuwa ugu muhimsan, uguna caansan hoggaamiyeyaasha burcad badeedda oo mas’uul ka ahaa afduubka maraakiib badan oo ganacsi intii u dhexeysay 2008-2013’’, ayuu yiri Mr. Delmulle oo saxaafadda la hadlay.

Sida ay lee yihiin warbaahinta dalka Belgium Afweyne ayaa la filayaa maanta in maxkamad la soo taago.

Si kastaba, nin kan ayaa bishii January ee sanadkan wuxuu ku dhawaaqay in ka baxay falalka burcad badeednimada uu ku jiray muddo siddeed sano ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Yurub

[email protected]

DHAGEYSO: FANAANIINTA IYO CIIDA

Muqdisho (Caasimada Online) Qaar ka mid ah Fanaaniinta Soomaaliyeed ayaa Hambalyada Maunaasabada Maalinta Ciidul Adxa waxay u direen shacabka Soomaaliyeed, taageerayaashooda .

Fanaantiintan oo ku nool dal iyo dibad ayaa waxay sheegeen inay jeclaan lahaayeen in Muqdisho ay yimaadaan isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay kal qeyb qaataan Dib u dhiska iyo nabada ka curatay gayiga Somalia.

Fanaanada Caanka ah ee Hodan Cabdi araxmaan waxay ka mid tahay fanaaaniinta ku nool deegaanada Maamulka Somaliland Xili ay waxbaahinta la hadlaysay waxay sheegtay in wali aysan imaan Muqdisho oo ah Caasimada Soomaaliya balse waxay sheegtay in iminka ay jeceshahay inay sida ugu dhaqsiyaha badan ay kusoo gaarto . isla-markaana ay ku qabato bandhig faneed sida ay sheegtay .

Sidoo kale Fanaanka Cabdi Baadil ayaa sheegay in Xiiso weyn uu u qabo inmaatinka Muqdisho waxaana uu shaaca ka qaaday inuu Xiisaha Muqdisho uu u qabo uu ka sameeyay Heeso dhowr ah sida uu sheegay .

Al-Fanaan Digriyoow oo ka mid ah kooxda waayaha Cusub ayaa shaaciyay inuuan marnaba ilaaweyn Farxadii iyo Dmaashiidka maalmihii Kooxdaas ay joogtay Muqdisho , waxaana Shacabka Soomaaliyeed iyo dhamaan taageerayaashiisa ugu hambalyeeyay Munaasabada Ciida.

Sidoo kale Fanaan  Ciiro, oo ka mid ah Fanaaniinta ku nool Somaliland qaadayna Heeso dhowr ah ayaa sheegay in Muqdisho ay tahay Xudunta Somalia isla-markaana uu jeclaan lahaa in mar uun soo caga dhigto, waxaana  uu tilmaamay in imaatin uu yimaada iska daayee xitaa wali aan laga wareysan idaacad xamar ku taal.

Fanaanka ayaa muujiyay Xiisaha iyo Doon doonkiisa ku aadan imaanshiyaha Magaalada Muqdisho, waxaana Shacabka iyo guud ahaan Muslimiinta Caalamka uu ugu hambalyeeyay Maalinta Ciidul Adxa.

Guud ahana Shacabka Muslimiinta ah ayaa maant u dabaal degaya Munaasabada Maalinta Ciidul Adxa .

Halkaan hoose Ka dhageyso Fanaanada Hodan C/raxmaan

Hodan cabdi raxmaan

Halkaan Hoose ka Dhageyso Fanaanka Cabdi Baadil

Fanaaka Cabdi Badil

Halkaan Hoose Ka dhageyso  Al-fanaan Dogriyoow

Fanaanka Digroyoow

Halkaan Hoose Ka dhageyso Fanaanka da’da yar ee Ciiro

Fanaaka Ciiro

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Faa’iidooyinka iyo dhibaatooyinka ay leedahay Galmada. (Wax ka ogow)

FAA’IIDOOYINKA GALMADA:

     Kolka ay galmadu ku dhacdo tabihii iyo tiradii looga baahnaa, waxa ay qofka u leedahay dhowr faa’iido:-

1-        Jirka iyo maskaxda ayay firfircooneysaa.

2-        Dareemayaasha ayay fududeysaa .

3-        Madax wareerka ayay bi’isaa.

4-        Waswaaska ayay qofka ka qaaddaa.

5-        Waxay xoojisaa aragga, wanaajisaa wadnaha, kaalmeysaana qashin saarka kilyaha.

6-        Dhiiggay cusbooneysiisaa.

7-        Waxaa ku bogsada dadka balqanku faraha ba’an ku haayo.

DHIBAATOOYINKA GALMADA

     Galmada oo uu qofku iska badbadiyo, jirkiisu inta uu xamili karo ka badanna ku khasbo dhibaatooyinka ka dhasha waxaa kamid ah:-

1-        Maskaxda iyo murqaha ayay qallajisaa.

2-         Fahmada iyo fudaydka ayay qofka ka qaaddaa.

3-        Jirka iyo lafaha ayay daalisaa. 

4-        Cumriga qofka ayay soo dedejisaa. 

W/D: Sabriye Macallin Muuse

VIDEO: GANACSI cusub oo xoolaha ah oo lagu tartamayo SOOMAALIYA

Caasimada Online:  Maalgashiga iyo dhaqashada Xoolaha nool, gaar ahaan Geella ayaa waayadii hore ahayd mid ku kooban Baadiyaha, laakiin waayadii danbe waxaa soo if baxay in shirkadaha Soomaaliyeed ay bilaabeen ineey maalgashtaan Geella.

Shirkado waaweyn oo ay ugu horeyso shirkada Isgaarsiinta Hormuud, ayaa waayadii danbe bilaabay iney maalgashtaan Geela, iyagoo sameeyay shirkado gaar ah oo Caanaha Geela usoo iib geeya magaalada Muqdisho.

Shirkadahaas waxaa kamid ah, “Iisoo Maal”, “Iisoo Lis” iyo shirkado kaloo hada iyagana bilaabay ineey ka faa’iideystaan Caanaha Geela.

HALKAAN KA DAAWO:

Hambalyada CAASIMADA ee CIIDA

Gutenberg (Caasimada Online) Maamulka iyo Shaqaalaha Shabakadda Caasimada Online, waxa ay hambalyo ku aadan munaasabadda ciidul-adxaa u dirayaan ummada muslimiinta meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan kuwa Soomaalida.

Waxaan lee nahay dhammaan nagula damaashaada maalintan farxada badan, waxaan idiin rajeeneynaa in ciiddan ciiddeeda kale aad ku gaartaan nabad, horumar iyo caafimaad.

Haddaba annagoo ka faa’ideesanaya munaasabbadan qiimaha iyo qaayaha leh, waxaan si gaar ah ugu hambalyeeneynaa Akristayaasha sharrafta leh ee nagu taxan maadama idinka aan u joogno, waxaan idiin lee nahay maalmaha ciidda farxad kula damaashaadaan eheladiina iyo asxaabtiina.

Ugu dambeen noo soo dira sida aad u aragtaan shaqada aan idiin heyno iyo dhaliisha aan lee nahay, waxbaan ka badali doonaa in shaa allah.

Mahadsanidiin kun-jeer.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Yurub

[email protected]

Puntland oo hanjabaad culus u dirtay DF Somalia (Maxay Tahay?)

Garoowe (Caasimada Online) Maamulka Puntland ayaa si cad ah uga soo horjeestay shir dhawaan ka dhacay Magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska kaasoo ay soo qaban qaabisay shirkadda Som Oil and Gas, oo dhawaan dowladda Soomaaliya ay la gashay heshiis sahmin shidaal ah oo laga sameeyo dalka Soomaaliya.

Shirkaas ayaa lagu martigaliyay shirkado, aqoonyahno Soomaali iyo ajaaniib ah oo si fiican ugu xeel dheer arrimaha shidahaalka iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdi Samad Cali Shirre oo ka hadlaayay shirk ka dhacay Garoowe ayaa sheegay in Puntland aysan aqoonsaneen wax yaabaha looga hadlay shirkaas isla markaana ay cid kasta oo ay u aragto in ay shidaal ka soo saari karaan deegannadooda ay si madax banaan heshiis ula sameen san karaan.

Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland oo isna ka hadlay shirka ayaa madaxda dowladda ku eedeeyay in ay wadaan qorshe lagu kala fogeynaayo ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna ku eedeeyay in wax badan ka badaleen dastuurka kumeel gaarka sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka Kheyraadka Puntland ayaa isna ku cel-celiyay in Puntland ay mar hore ay ka tashatay dowladda fedaraalka Soomaaliya isla markaana ay heshiis lagaleen shirkado shidaalka ka baaraya deegannada Puntland.

Wasiirka ayaa dhinaca kale ku tilmaamay shirkii London mid aan wax badan laga sugeynin maadama uu gaar u ahaa dowlada Soomaaliya isla markaana xaq u lahayn in ay heshiis la gasho shirkad shidaalka sahmiya.

Wuxuu sheegay in cid kasta oo lagu arko iyagoo shidaal ka sahminaya deegannada Puntland haddii ay yihiin madaxda dowadda fedaraalka iyo shirkadda ay heshiiska lagaleen in laga qaadi doono tallaabo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

 

Aabihii Burcad-badeedda oo lagu xiray Belgium kadib shirqool caajiib ahaa

Brussels (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium, ayaa sheegaya in halkaas lagu xiray hoggaamiye sare oo ka tirsanaa burcad-badeeda Soomaalida.

Ninkan ayaa lagu magacaabaa Maxamed Cabdi Xasan Af-Weyne, waxaana lagu xiray maalintii Sabtidii magaalada dalka Belgium sida ay lee yihiin ilo xog-ogaal ah oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online.

Afweyne ayaa bishii January ee sannadkan wuxuu ku dhawaaqay in uu ka baxay howsha burcad-badeeda isagoona sheegay in uu billaabay siddii uga soo bixin lahaa dhallinyarada burcad-badeeda ku jiray.

Si kastaba, war hadda na soo gaaray waxa uu sheegayaa Maxamed Cabdi Xasan Afweyne waxaa loo dhigay dabin ah in uu ka soo qaybgalo filim looga hadlaayo burcad-badeeda Soomaalida laakin sidaas ma ahan in la xiro ayaa la doonayay.

Waxaa doonayay Afweyne  booliska aduunka ee Interpol sidoo kale waxaa ku raadjoogay oo dambiyo u heesta dowladdo badan oo ay ku jirto Belgium.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Yurub

[email protected]

KASHIFAAD: Yey ahaayeen labadii nin ee uu dilay qaraxii ETHIOPIA + Halkee ayey ka yimaadeen? + Qorshahooda

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Shalay waxaa Ethiopia ka dhacay qarax ay ku dhinteen laba qof, waxaase maanta soo baxay xog cusub oo qaraxaas ku saabsan, oo ilo xog ogaal ah ay siiyeen Caasimada Online.

Sida Caasimada Online ay xogta ku heshay, labada qof ee qaraxa ku geeriyootay ayaa waxaa ku qaraxday miinao ay xirayeen ayaga oo ku sugan guri ku yaalla xaafadda Bole ee Soomaalidu ay ku badan tahay.

Waxaa qorshuhu ahaa in marka ay miinada xiraan ay la beegsadaan goob dadu ku badan yihiin, maadaama meel kasta la isugu soo baxay Addis-Ababa, xilli Ethiopia ay la cayaareysay Nigeria, cayaar ka tirsaneyd is-reeb-reebka qaaradda Africa ee koobka adduunka.

Labada qof ee qaraxa diyaarinayey ayaa Caasimada Online waxa ay xog ku heshay inay ahaayeen dad kasoo jeeda kana yimid Somaliland sida laga arkay documents-yadooda.

Ethiopia ayaa diiwaan gelisa qof kasta oo Soomaali ah oo dalkeeda soo gala, sida halka uu ka yimid iyo qabiilkiisa, taasi oo sahashay aqoonsiga labada qof.

Dad badan oo dowladda Ethiopia ay xirtay markii uu qaraxa dhacay kadib ayaa lasoo daayey, kadib markii la aqoonsaday labadii nin ay geeriyootay.

Soomaalida ku nool xaafadda Bole ayaa niyadda u qabowday, kadib markii la aqoonsaday kuwii qaraxa agaasimayey, taasi oo yareysay carrada iyo baaritaanada xoggan oo ay wajihi lahaayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]