Arag Sawirrda: Qaabka uu u shaqeeyo kawaanka xoolo qalka cusub ee Xamar
Muqdisho (Caasimada online) Halkaan Hoose ka Daawo Sawirda: Qaabka uu u shaqeeyo Kawaanka Xoolo Qalka Muqdisho, oo dhawaan Dib u dayac tir lagu sameeyay.
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
XOG: Saacid iyo Xasan oo isku mari la’ qorshe jiitamayey 3 bilood (Khilaaf)
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda Dowladda Somalia ayaa waxaa soo kala dhex galay Khilaaf xoogan oo dhinaca siyaasada, kaasi oo ku saabsan isku shaandheynta lagu sameynayo Golaha Wasiirada DF, Caasimada Online ayaa ogaatay.
Ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia ayaa sheegaya madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud uu kasoo horjeestay liis uu u soo gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Somalia Saacid Faarax Shirdoon, kaasoo uu ku saabsan habka isbedelka loogu sameynayo golaha Wasiirada.
“Madaxweynuhu wuxuu diiday xubno ku jira golaha Wasiirada, isagoo ku wargeliyay Ra’iisul Wasaaraha inuu kusoo daro liiskiisa xubno uu isagu wato, taasoo keentay muranka xoogiisa” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Villa Somalia oo diiday in magaciisa la sheego sababo la xiriira xogta uu bixiyay.
Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa doodaya in xubno ka tirsan Wasiirada hada shaqeynaya laga eryo Shaqada, kuwaasoo ay ku jirto wasiirada Arimaha dibada Fowsiya Yuusuf, laguna soo daro boosaskooda xubno cusub oo ay isku hayb yihiin.
Laakiin wararka ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu ku gacan-sayray liiska isagoo sheegay in xubnaha uu ka saaray qaarkood lagu soo daro, taasoo uu si aad ah uga soo horjeestay Saacid.
Sida aan xogta ku helnay muranka ayaa gaaray heer Madaxweynuhu culeys ku saarayo Ra’iisul wasaaraha inuu ka tago xilka, uuna u magacaabo shaqsi kale, taasi oo Saacid uu ka biyo diiday.
Sadexdii bilood ee lasoo dhaafay ayaa waxaa jiray muran ku saabsan sidii la isugu shaandheyn lahaa golaha wasiirada loona balaarin lahaa, kaasoo mar walba uu dib u dhigayay muranka labadan mas’uul u dhexeeya.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa la sheegay inuu wado dhexdhexaadinta labada mas’uul, inkastoo uusan weli wax guul ah ka gaarin.
Ra’iisul waasaare Saacid ayaa wuxuu wadaa qorshe ah in Xukuumada uu ka dhigo 25-wasaaradooda iyo 25-wasiir ku xigeeno iyo wasiir u dowlayaal ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]
Cabdi Qaybdiid iyo saraakiil British oo booqanaya deeganno ku yaal Mudug
Hobyo (Caasimada Online) Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Cawaale Qeybdiid iyo Wafdi British ayaa booqanaya deeganno ku yaalla gobalka Mudug.
Meelaha ay booqdeen waxaa ka mid ah Hobyo, Wisil iyo deeganka Ceel Huur oo 100km u jirra magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.
Cabdi Qaybdiib oo saxaafadda kula hadlay degmada Hobyo oo ah meel ay ku xooggan yihiin burcad-badeeda ayaa sheegay in deeganka laga ciribtiray kooxaha burcad-badeeda.
Sidoo kale Cabdi Qaybdiid wuxuu sheegay in deegannada Galmudug laga hirgalin doono mashaariic ballaaran oo la doonayo in looga faa’ideeyo dadka ku dhaqan deegannada Galmudug uu gacanta ku hayo.
Wuxuu sheegay madaxweynaha Galmudug in ay heshiis la galeen shirkad shisheeye oo doonaya in ay mashaariic ka hirgaliyaan deegannada Galmudug si dadka ay uga faa’ideestaan.
Meelaha socdaalka ay ku tageen mas’uuliyiinta Galmudug iyo saraakiisha Biritish-ka ayaa lagu soo dhaweenayay caleemo qoyan iyo farxad.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka
Norway oo laga aqoonsaday mid kamid ah raggii weeraray West Gate + Sawir
Oslo (Caasimada Online) – Nin Booliiska dalka Norway ay u baarayeen weerarkii West Gate, ayaa la aqoonsaday waxaana magaciisa la yiraahdaa Xasan Cabdi Dhuxulow, waxaa sidaas ku warrantay BBC Newsnight.
23 jirkaasi asal ahaan kasoo jeeda dalka Somalia, ayaa la tuhunsan yahay inuu caawimaad ka geystay qorsheynta iyo fulinta weerarkii West Gate.
BBC Newnight ayaa la hadashay mid ka mid ah ehellada ninkaas oo ka tagay magaalada Larvik sanaddii 2009, isaga oo dib ugu laabtay Somalia.
Toddobaadkii tagay, ayaa sirdoonka Norway ee PST waxa ay sheegeen inay saraakiil u direen Kenya si loo xaqiijiyo warbixino ku saabsan in muwaadin Norwegian ah uu ku lahaa weerarkaasi dhacay 21-kii September.
Ma cadda tirada kooxda weerarka qaaday, hase yeeshee kaamirooyinka waxa ay muujiyeen 4.
Xasan Cabdi Dhuxlow, ayaa waxa uu ka mid ahaa afartaas, sida ilo wareedyo ku sugan Kenya iyo Norway ay shaaca ka qaadeen.
Xasan ayaa ku dhashay Somalia, waxaase uu tagay Norway sanaddii 1999-kii, markii qoyskiisa ay halkaasi u muhaajireen.
Caasimada Online
Xafiiska Oslo
[email protected]
Sheeko qosol leh oo ka taagan Marka
Marko (Caasimada online) Gudoomiyaha Magaalada Marka , Maxamed Cusmaan Cali Yariisoow, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wax adeeg Caafimaad ah uusan ka jirin , Cusbitalka Magaalada Marko ee Xarunta Shabeelaha Hoose.
Yariisoow, ayaa sheegay in Guud Ahaan Cusbitaalka aysan ka jirin wax adeeg Caafimaad ah Bukuunada Magaalada iyo qofkii waxyeelo ay soo gaartana loo soo qaado Cusbitaalada Magaalada Muqdisho.
Arintan wuxuu sheegay inuu u gudbiyay Guud ahaan Madaxda dalka oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo dhamaan dhinacyada ay arintan quseyso Sida waaxda Caafimaadka ee Wasaarada Adeega Bulshada Xukuumada Somalia.
Afar Bilood ka hor ayuu sheegay inay arintan Soo bilaabatay, intaasina uu ka hadlayay balse isaga qaab qabiil lagu rixayo , sida uu shaaca ka qaaday hayeeshee wuxuu sheegay in isaga runta uun uu abaarayo taasina ay tahay waxa lagu dhibsanayo sida sheegay.
Agaasimaha Qalabka iyo Daweynta Waaxda Caafimaadka ee Wasaarada Adeega Bulshada Xukuumada Somalia Dr. C/risaaq Yuusud Axmed, ayaa sheegay inay Xaqiiq tahay arintan uu ka dhawaajiyay Gudoomiyaha Magaalada Marka, hayeeshee Amni Xumo ay uga soo carareen Shaqalihii Cusbitaalka.
Wuxuu sheegay in Wasaarada Adeega eee Xukuumada Somalia inay ka war heyso Dawo la’aanta iyo dacdarada ka jirta Cusbitaalka Magaalada Marko hayeeshee qorshihii ay arintaas ay wax uga qaban lahaayeen ay ku guda jiraan .
Shalay ayay aheyd markii ruux ku dhawacmay Magaalada Marko Dhaawaciisa Xilli Muqdisho loola soo cararayay uu wada ku geeriyooday, Waxaana Gudoomiyaha Magaalada Marka uu ku Tilmaamay in wadadaas Bur Burka ka taagan ay iyaduna tahay dhawaac labaad.
Halkaan ka dhageyso Codka Gudoomiyaha Sh/Hoose
Gudoomiyaha Marka Maxamed Cismaan Cali Yariisow Xogta
Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka DR C/risaal Yuusuf
Caasimada online
Xafiiska Marko
DHAGEYSO: CCC Sharma’arke oo xil looga magacaabay maamulka Jubba
Kismaayo – Waxaa maanta shir saacado badan qaatay wada galay Axmed Madoobe hogaamiyaha maamulka Juba iyo Cumar Abdirashiid Ali Sharmarke kuwaasi oo kawada hadlayey howlaha dhameyrtirka maamulka Juba iyo go’aan ka qaadashada shirka Muqdisho.
Qodobka ugu muhiimsan shirka ayaa waxaa uu ahaa sidii go’aan looga qaadan lahaa cidii mas’uulka ka noqon laheyd howsha soo xulista baarlamaanka maamulka Juba, iyaddoona ugu danbeyntii la isku raacay in Cumar Abdirashiid loo magacaabo mas’ulka arrintaasi qaabilsan.
Guddomiyaha gudiga nabadeynta Juba Iimaan Rashiid Gure oo maanta ka qeybgalay kulankaasi ayaa waxaa uu sharaxaad ka bixiyey sababta Axmed Madoobe ugu magacaabay Cumar Abdirashiid xilkaasi soo xulista baarlamaanka.
” Axmed Madoobe iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr, Cumar Abdirashiid Ali Sharmarke waxay kawada hadleen maanta sidii loo soo dhameystiri lahaa amaanka Kismaayo iyo waliba sidii Cumar Abdirashiid u noqon lahaa mas’uulka baarlamaanka cusub ee Juba u qaabilsan” ayuu yiri Iimaan Rashiid Gure.
Dhinaca kale waxaa uu sheegay in kulanka maanta looga dooday tirada baarlamaanka Juba uu noqonayo iyo sida beelaha loogu qeybinayo, balse la iskuma raacin tiro go’an taasi oo ka dhigeysa in aan warbaahinta laga shaacin karin tirada saxda ah.
” Waa jirtay in tirooyin dhowr ah la soo bandhigay balse la iskuma raacin taasi oo anan hadda ka hor dhici karin. ” ayuu yiri Iimaan Rashiid Gure.
Amaanka Kismaayo ayaa uu sheegay in la xoojin doono sidaasina kulanka loogu soo qaaday ka hadalka amaanka, maadaaba buu yiri ay bari imaanayaan Kismaayo wafdiyo ka socda UN, EU iyo AU kuwaasi oo u imaanaya isku soo dhaweynta dowlada Soomaaliya iyo maamulka Juba oo baryahan khilaaf uu ku dhex jiray.
” Barri waxaan imaanaya Kismaayo wafdi ka socda UN, EU iyo AU sababtoo ah waxay doonayaan inay madaxda Juba kala hadlaan xalinta khilaafka kala dhexeeya dowlada Soomaaliya” ayuu yiri Iimaan Rashiid Gure.
Wafdi kale oo uu hogaamin lahaa siyaasiga Abdiqaadir Luga-dheere kaasi oo ah guddoomiyaha xirirka Jubooyinka kaasi oo dib u dhac uu ku yimid, waxaana uu sheegay marka uu Lugadheere yimaado inay dhici karto madaxda dowlada oo timaada Kismaayo ama gudiyaal la is dhaafsado.
‘ Lugadheere waxaa nalagu war geliyey inuu baaqday balse uu dib ka imaan doono. Waxaana uu hogaaminayaa wafdi ballaaran oo reer Jubooyinka ah’
Lama yaqaan sababta uu Axmed Madoobe ugu magacaabay mas’uulka soo xulista baarlamaanka Dr, Cumar Abdirashiid, iyaddoo ay taasi lafteeda shaki weyn ay ka muujiyeen siyaasiyiin kasoo jeeda Jubooyinka oo awalba shaki ka qabay maamulka Juba.
Dr, Cumar Abdirashiid oo ah musharax madaxweyne oo Puntland ah ayaa hadda noqonaya hadda nin soo xulaya baarlamaanka Juba. Waana mida dhalineysaa mugdi ku xeeran sida loo kala saari karo Puntland iyo Juba.
Halkan ka dhageyso Wareysiga
Xigasho: kismaayo24.net
Masjidka Isbaheysiga ee Muqdisho oo laga bad baadiyey musiibo culus
Muqdisho (Caasimada online) Afaayeenka xuukumada Soomaaliya Ridwaan Xaaji CWali ayaa wuxuu sheegay in habeenkii ciida gacanta lagu soo dhigay kooxo kala duwan oo maleegayay sida uu sheegay falal amni daro ah , kuwaas oo Tiro haan gaarayay ilaa 20 Qof
Ragan ayuu sheegay inay doonayeen falal Amni Xumo ah ay ka geystaan Maasjidka Isbahaysiga islaamka ee magaalada Muqdisho halkaasi oo maalitii ciida ay ku Tukadeen madaxa ugu sareesa dowlada Soomaaliya iyo Boqolaal qof oo rayid ah
Ridwaan Xaaji Cwali, oo ka warbixinayay kulankii golaha Wasiirada ee ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay inay Ansixiyeen heshiis dhex maray Wasaarada gaashaan dhiga Soomaaliya iyo Talyaaniga
Waxaa uu sidoo kale sheegay in Golaha Wasiirada ay maanta ka hadleen sidii loo sii deen lahaa Maxaabiis fara badan oo ku xiran qaar ka mid ah wadamada caalamka
Golaha ee xukuumada Soomaaliya ayaa Totobaadkiiba mar waxaa ay kulan ku yeeshaan magaalada Muqdisho kulankaa oo looga hadlo xaalada dalka uu ku sugan yahay.
Kulankii Maanta waxaa shir gudoominaayay ra’isul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cfaarax Shirdoon Saacid.
Halkaan hoose ka dhageyso Afhayeenka Xukuumada Somalia
Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdi Weli sax
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Video: Waxaad arki doonto ma aamini doonaan indhahaaga: CNN oo VIDEO yaab leh ka heshay weerarki Westgate
Nairobi (Caasimada Online) – Taleefishinka CNN ayaa helay Video qaas ah oo ku saabsan dhacdadii West Gate ee 21-kii September ka dhacday dalka Kneya, taasi oo socotay muddo afar maalmood ah laguna dilay 67 qof.
Video-gan cusub ayaa muujiyey muuqaallo aan horey loo arag oo ku saabsan weerarkaasi.
Muuqaalada cusub waxaa ka mid ah kuwa qabtay markii kooxda ay soo galaysay albaabka hore ee West Gate iyo qaar ka mid ah oo taagaan banaanka.
Waxaa sdoo kale ku jira dad si toos ah loo tooganayo iyo rasaas xooggan oo duul duuleysa oo kaamirada ay qabatay.
Waxaa muuqata in dadka weerarka geestay ay ahaayeen kaliya afar qof, halka Kenya ay sheegtay 15 qof, taasi oo muujineysa awood darrada ciidamada Kenya, oo la macaamili waaye 4 qof muddo 4 maalmood ah.
Waxaa sidoo kale muuqaalkan cusub ku jira qaar ka mid ah raggii weerarka fuliyey oo dukanaya salaad iyo ayaga oo sii deynaya haweeney wadatay caruur yar, una ogolaaday inay iska baxdo.
Muuqaalada qaar kuma haboona inay daawadaan dadka yar ama ay adag tahay inay xamilaan video-yada aadka u muujinaya argagaxa, ee haddaadan awoodin fadlan ha daawan
Halkan ka daawo Muuqaalka
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]
Video: Hibo Nuura shaacisay Xilliga ay fanka ka fariisaneyso
Muqdisho (Caasimada online) Fanaanada weyn ee Hibo Maxamed Gudoon Hibo Nuura, ayaa sheegtay inay ku howlan tahay sidii Gabi ahaanba ay uga fariisan laheyd Saaxada Fanka Soomaaliyeed.
Waxay sheegtay inay qorsheyneyso in sanadka Soo socdo inay gabi ahaanba joojiso Fanka isla markaana ay ka fariisato , iyadoona sheegtay ka hor inta aysan fanka ka fariisan inuu qorsheheedu uu yahay inay Soo Xajiso.
Sanadka 2014-ta ayay sheegtay inay tahay waqtiga rasmiga ah oo ay dooneyso inay tagto Beedka Alle iyo inay ka fariisto fanka , waxaana shacabka Soomaaliyeed ay ka dalbatay inay u duceeyaan si sanadka dambo ay uga mid noqto dadka nasiibka u yeesha ka qeyb galka Xajka ..
Halkan ka daawo Hiba Nuura
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Video: Xamar: Nabadda darteed ayaa 22 sano kadib la sameynayaa arrintan
Caasimada Online: Magaalada Muqdisho waxaa waayadaan dambe lagu arkayaa arimo waa hore ugu dambeeysay oo aan la arag sanadihii dambe taa oo lagu arkaya Degmooyinka Gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho.
Shacabka Soomaaliyeed ee Reer Muqdisho ayaa aad u soo dhaweynaya arimahaan aan idiin sii qarinayo oo aad ku arki doontaa Muuqaalka Video-ga ee nala daawada.
HALKAAN KA DAAWO:
Sharma’arke oo Kismaayo tagay (Xog ku aadan qorshe uu damacsan yahay)
Kismaayo (Caasimada online) Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya imaatinka Ra’isul wasaarihii hore eee Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaake, magaalaa Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Warar Soo baxaya ayaa sheegay inuu Kismaayo u yimid ka dhaadhicinta sidii Axmed Madoobe uu ugu adkeysan lahaa go’aankiisa ku aadan Diidmada ka qeyb galka Shirka 21-ka Bishan lagu wado inuu Muqdisho ka furmo kaasoo uu maamulka JUBBA si cad u diiday inu ka qeyb galo.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya inuu doonayo inuu sii kala fogeeyo Siyaasadaha is diidan iminka ee dowlada Soomaaliya iyo Maamulka JUBBE ee ku qotomaha aayaha gobolada Jubbooyinka iyo Gedo .
Warar kale ayaa sheegaya in Cumar C/rashiid uu Kismaayo u yimid ka qeyb qaadashada dhameystirka Maamulka Jubba oo qorshihiisu iminka uu ka socdo gudaha magaala Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose.
Gudoomiyaha Guddiga nabadeynta Jubbooyinka Iimaan Rashiid oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ra’isul wasaarihii ee Soomaaliya uu Kismaayo u yimid ka qeyb galka dhameystirka maamulka jubba .
Wuxu sheegay in Cumar C/rashiid uu Maamulka iyo odayaasha uu ka caawin doona dhanka Talooyinka ku saabsan qaabka ugu macquulsan ee maamulkaas qeybaha ka dhiman lagu soo dhameystiri karo iyadoo cabasho dambe aysan jirin .
Kismaayo mudooyinkii dambe waxaa socday shirar gooni gooni ah oo ku qatoma qaabka dhameystirka maamulka Jubba iyo sida qaab nabadeysan dhamaan shacabka Jubbooyinka iyo Gado ay ku qanacsan yihiin loogu dhameystiro karo Maamulkaas.
Caasimada onine
Xafiiska Kismaayo
Dhageyso: DF Somalia oo u jawaabtay beeshii dhowaan ka baxday dowladda
Baladweyne (Caasimada Online) Dowlada Soomaaliya ayaa waxay ka jawaabtay Cabasho kasoo yeertay beel ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed ee dega gobolka Hiiraan , kuwaas oo sida ay sheegeen lagu sameeyay Musuq Maasuq .
Agaasimaha Wasaarada Arimaha gudah iyo Amniga qaranka Xukuumada Soomaaliye Cali Abtidoon Xalane, ayaa sheegay in Maamul ay yeeshaan reer Hiiraan inay tahay muhiimada Koowaad.
Wuxuu ka dalbaday Beesha Gaal jecel inay is dejiyaan Isla-markaana ay ka laabtaan go’aanka ka dhanka ah dowlada Soomaaliya, isagoo sheegay inay diyaar u yihiin qancinta Beesha sida uu sheegay .
Wuxuu sheegay in Beesha gaal jecel laga doonayo inay ka qeyb qaadato Nabaada gobolka , waxaana uu tilmaamayin dowlada Soomaaliya ay diyaar u tahay dhameystirka maamul ay yeeshaan reer Hiiraan kaas oo sida uu shaaciyay ku imaanaya Rabitaankooda.
Dhamaan beelaha Gobolka ayuu ka dalbaday inay ka fakaraan aayaha gobolka isla-markaan ay gacmaha is qabsadaan beesha gaaal Jecelna aysan jirin Faquuq gooni ah oo ay ku heyso dowlada Soomaaliya.
Rabitaank shacabka iyo dhamaan dadka dega gobolka Hiiraan ayuu sheegay in lagu saleynayo maamulka loo sameynyo gobolka Hiiraan isagoo shaaaca ka qaaday inay muhiim tahay helitaanka maamul ay u dhan yihiin shacabkareer Hiiraan .
Si kasto Odayaasha Beesha Gaal Jecel ayaa sheegay inuu jiro Musuq Maasuq ku adan maaml u sameynta gobolka hiiraan, waxaana iminka muuqanayo in is jiid Siyaasadeed uu ka taagan yahay Gobolka Hiiraan .
Halkaan ka dhageyso codka agaasimaha
Caasimada Online
Xafiiska Baladweyne
Anaga & Belgium maxaa noo xeer ah?
Waxaa Hadal Heynta ugu balaaran ee Maalmahan taagan ay tahay Qabashadii Hogaamihii Burcad Badeedka Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) kaasoo lagu qabtey Magaaladda Brussels ee Dalka Belgium waxaana markaad tegtid Goobaha la isugu yimaado aad arkeysaa Dad si weyn ugu doodaya qabashada Afweyne mar aan saakey aniga oo ku sugan mid ka mid ah Baararka waa weyn Magaalada Muqdisho islamarkaana la fidhiyo dad isugu jira Odyaal iyo Dhalinyaro ayaa waxaa noo yimid nin Odey ah oo aad u Careysan waxaana uu markiiba nagu yiri “Walee waa kala Cadaan doontaa mar ay ahaataba Dadkii gacan geliyey Afweyne waana lala Xisbaatami doonaa,waxaana aan Aaminsanahay in Afweyne lacag lagu kala qaatey Madaxiisa” intaa markuu yiri isagoo taagan ayaa waxaa loo Dalbey Kursi nin kale oo Odey ah ayaa waxaa uu yri “Agteeda soo fariiso waan kula qabaa in Afweyne la Shir Qooley “
Doodii ayaa kululaatey oo waxaa lagu sigtay in Gacanta la isku qaado hase yeeshee nin Odey oo si weyn looga Haybeysto ayaa doodii soo dhex galey oo yiri “Muran iyo Qajajac lama reebee wax Cad maysaan in Afweyne la shir Qooley “inta la is Fiir fiiriyey ayaa nin kaloo meesha ka dhawaa Doodii ku soo Dhawaadey oo yiri “Anaga iyo Belgium maxaa noo xeer ah “Dadkii Goobta ku sugnaa ayaa mar Qura indhaha wada taagey oo la yaabey waxa ka soo yeerey ninka Odeyga ah “markasuu daba Dhigey “Maxaa Indhaha la taageysaa waa runtey” Anagga iyo Belgium bay noo taalaa” Waxaan Odeyaasha meesha fadhiya weydiinayaa oo aan ka rabaa “ Anaga iyo Belgium maxaa noo Xeer ah”
Nin kale o Odey ah ayaa yiri “Maxaa ka wadaa “Anaga Belgium maxaa noo Xeer ah “ Odeygii oo ka jawaabaya ayaa waxaa uu soo qaatey Sheeko hore oo yiri “Hadda ka hor in ka soo jeeda Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu Ganacsi u Aadey Dalka Talyaaniga ,markii uu ka tagey Dalkaas ayuu waxa uu degey Hotel ku yaala Magaaladda Roma , waxaa Habeenkii u soo dhacay Kooxdii Burcadda ahayd ee Birigaato Rooso,waxaa laga qaatey Boorsadii lacagta uga buuxdey oo uu dooneyey in uu ganacsi ku sameyeeyo, inta uu naxay oo isku wareerey ayaa waxaa uu soo wacay Nin Nabadoonkiisa ah waxaa u sheegey wixii ku dhacay markaasuu yiri” Nabadoone anaga iyo Birigaato Rooso maxaa noo Xeer ah” Ninkii Nabadoonka ahaa inta yaabey ayuu ku yiri ninkii la dhacayWar waan raadinayaa ee wax yar I sug markiiba Nabadoonkii waxa uu tagey Safaarada Talyaaniga uu ku lahaa Dalka wuxuuna ku yiri “ Talyaaniyow naga Gar bax, nin aan Nabadoon u ahay ayaa Burcad kiinaa Dhacday,markiiba Talyaaniga arrrintii waa uu baarey marki uu ogaadey in ninkaas la dhacay ayaa Dib loogu celiyey Xoolihiisii” marka waxaan Sheekadaas ku keeney maanta waxay taagan arrintii Birigaato Rooso oo ah” Aniga iyo Belgium maxaa noo xeer ah “
Markii uu sheekadaas halkaa ka sheegey ayaa nin weliba uu Qosol la dhacay waxaana loo qaybsamey rag taageersan Odeyga iyo kuwa ka soo horjeeda waxaa arrinta gaartey meel Qaraar waxaana doodii qaatey nin Odey ah oo si weyn ula dhacsanaa Warka Odeyga oo ah “Anagga iyo Belgium bay noo taalaa, waxaana ka Jawaabaya warka odeyga oo ah in Xeerka Noo yaala Anaga iyo Belgium ay tahay in aan Is Afduubano””waxaa uu sii raaciyey “mid baan ku darayaa Runtii Belgium waa naga Gardaran tahay waayo Afweyne mar hore ayaa la Cafiyey oo uu ka Towbad keeney arrimhii Burcad Badeedka marka maanta Gar uma laha in Afweyne uu Belgium iska Xirto,waxaana arrinta aan Masuuliyadeeda Dusha ka saarayaa Dowladda Faderaalka waayo maanta ma la joogo Xiligii ku meel gaar ka ahaa waxaa noo dhisan Dowlada Rasmi ah ,iyada ayaa laga rabaa in ay arrintaa Dhex gasho oo Tiraahdo ma la joogo Xiligii Dadkeenna la iska qabsan jirey Haddii Maxkamad la saarayo Afweyne anagaa ayaa Saareyna “ markuu uu warkaas ka soo yeerey Dadkii Goobta fadhiyey si weyn ayey Madaxa ugu Ruxeen waxaana uu sii dabadhigey
“Afweyne Dalal badan buu tagey waxaan Xasuustaa in lagu qabtey Dalka Malaysia markii Muddo la baaray waa la sii daayey,marka in maanta uu Belgium Qabsado waa wax aanan u Dulqaadaneyn waxaana leeyahay Dowladda Belgium Afweyne mar hore ayuu ka Toobad keeney arrimihii Burcad Badeedka,waxaana ku Celinayaa ninkaas ma haysan kartaan haddii kale waxa aan kala helno ayaan leedihiin, waxaana Ceeba in Nin Martiqaad loo sameeyey in lagu Xadgudb waa arrin kale oo meesha taal, waxaa ka yaab badan in Belgium ay Xarig kula Dhaqaaqdo Madaxweynihii hore ee Ximan iyo Xeeb Mudane Maxamed Cabdulaahi Aadan Tiicay waana Xadgudub aan Geed loogu soo gaban waxaana u soo jeedinayaa Dowladda Belgium inta ay arrintu meel Xun gaarin iska sii daaya Labadaas Odey welibana Tiicey kuma sii jiro waxaa uu ahaa ninkii lahaa Fikradda in Afweyne iyo Dhalinyaro badan oo Burcad Badeed ah ay ka Tanaasulaan Falkaas Guracan ,Haysigoodana waxaan u arkaa in reer Yurub ay Doonayaan in mar kale Dib u soo nooleyaan Howlihii Burcad Badeedka oo Dhalinyaradii ka soo baxdey Burcad Badeedka oo uu Hormuudka u ahaa Afweyne in hadana Dib u qaataan Qoryahoodii iyo Doomankoodi,waxaana Dhab ah in Belgium uu yahay Dalka ugu Burcad Badeednimada Badan marka la fiiriyo Badeenna ”
Nin kale oo meesha ku sugnaa oo Dhageysanyey waxa meesha ka socda ayaa isna soo dhexgaley oo arrintii sii Kululeeyey ka dib markii uu si Cad u yiri “Belgium nagama Xoog badna waxaana soo jeedinayaa waa haddi aad meel ku Ogtihiin Ruux Belgium oo Dalka jooga waa in aad u Howlgashaan sidii aad ku soo qaban lahaydeen waayo waxaa CadBelgium in Afweyne ay Afduubteen marka maxaa noo Diidaya in aan Anagana aan Afduubano Ma Waadiniintooda Soomaalidu waxay Tiraaadaa “ Qaniinyaa Qaninyo kaa Fujisa” marka Belgium Xadgudub bay geysteen marka waa inoo Il iyo Aragti” waxaana noo Balan ah Belgium Badda” Markii ay Sheekadu halkaa ku Biya Shubatey oo la isku raacay in Belgium la iska Dhiciyo, waxaa soo boodey nin meel sidaa aan uga fogeyn Goobta oo Dhageysanayey waxa meesha ka socda waxaana uu yri
“Waryaada ma Sheekadii Xamar taaley baad Dooneysaan in aad Aduunka ku Deydaan war Ninkaas Waa Dambiile Ummaddaan iyo Adduunkaba Dhib badan u geystey ma waxaa Dooneysaa in Ninkii Abuurey Burcad Badeedka aad Qabiil ku Difaacdaan Walee taasi waa Dhamaatey,waxaan Idiin soo jeedinayaa ka war suga waxa uu ka helo Maxkamadda Aduunka Hadii kale Sheeko aan soconey Nafsadiina ha u sheegina, markii uu Hadalkaas uu Afkiisa ka soo baxdey ayaa waxaa halkaas ka Dhacdey in Gacanta la iskula Tago oo meeshii lagu kala tago iyadoo mid waliba uu isla Quman yahay,halkii uu ka Dhaqaaqo waxaa uu sii raaciyey “waxaan soo Xasuustey mar aan ka qayb galey Beel Kulan isugu timid Xiliyadii Qabqablayaasha Dagaalka waxaan Kulankoodii uu ku soo Gabagaboobey oo Beeshu isku Raacdey in ay Kalsoonidii lagala laabto Qaramada Midoobey marka Sheekadaan ah Aniga iyo Belgium Maxaa noo Xeer waxay ay la mid tahay Beeshaas Kulantey ee tiri “waxaan Kalsoondii kala laabaney Qaramada Midoobey.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail [email protected]
E-Mail [email protected]
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online
Muqdisho: Xaafado laga yaaban yahay
Muqdisho (Caasiada online) Qeybo kamid ah Muqdisho , gaar ahaan Degmada Heliwaa , wax kusoo badanaya Dhaca Xilliyada Habeenkii ah lagula dhaqaaqo , taasi oo dad badan ay cabasho ka muujiyeen.
Xaafada Gumbocoole, waxay ka mid tahay xaafadaha ku yaala degmada Heliwaa ee gobolkan Banaadir , waxaa mudooyinkan ksoo badanayay TuugoXilliyada habeenkii ah u dhaca Guryaha kuwaas oo si raxan raxan ah u socda.
Ragan Burcada ah ayaa sida la tilmaamay ku hubeysan Hubka Fudud sida AK 47 inkastoo aan la shaacin inay sitaan Dareeska ciidamada dowlad iyo in kale , hayeshee dadka deegaanku waxay sheegeen inay dhac iyo Baarashaba Xaafada ku hayaan Ragaas.
Habeeno ka hor ayay ragan mid kamid ah dadka deeganka xilli ay telephone ka dhacayeen waxay ku dhufteen 7 Xabadood , kadib markii uu ka dhago adeegay inuu bixiyo telphone-ka.
Sidoo kale Mid ka mid ah Dadka deegaanka diidayna inuu magaciisa shaaciyo Sababo amniga la xiriira , ayaa sheegay in xilli ay dhac u geysanatyeen ay dhaawac xoogan u geysteen isla-markaana ay ka qaateen telephono dhowr ah.
Telphonadan laga qaatay ayuu tilmaamay in qaar kood ay lahaayeen dad daris la ahaa balse Gurigooda yaalay , laguna dabeynayay , hayeeshee Xilli SAQ DHEXE ah ay usoo dheceen rag gaaraya ilaa 3 ruux kuwaas oo markii uu kusoo toosayna Midi Caloosha kaga Muday isaga .
Dadka deegaanku iminka waxay Muujinayan Cabasho xoogan oo arinaas ku aadan waxaana ay sheegayaan inay ragan caado iyo Shaqaba ka dhigteen arintan , waxaana jira tuhun ah inay ragan ka mid yihiin dadka deegaanka inkastoo warkaas aan la xaqiijin .
Maamulka Degmada Heliwaa wali arintan kama uusan hadlin hayeeshe dhowr jer ooh ore ayuu shegay in xaalka amniga degmada uu yahay mid la isku Hubo oo la isku haleyn karo.
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Video: Maxaa kusoo kordhay horumar-ka Magaalada Muqdisho? (Daawo)
Caasimada Online: Magaalo Madaxda Dalkeena Somalia ee Muqdisho maalinba maalinta xigta waxaa ku soo siyaadaya horumar cusub oo dadka reer Muqdisho oo ay aad ugu farxayaan taa oo macnaheedu ka dhigan yahay in Wadadii Nimcada iyo Barwaaqada dalka ay soo noqoneyso.
Horumarka Muqdisho waxuu isugu jiraa mid nuucyo badan oo dalka ku soo banadaya waxaana taa macnaheedu yahay in Amaanka Dalka uu soo hagaagayo gaar ahaan Magaalada Caasimada ee Muqdisho.
HALKAAN KA DAAWO:
Dhageyso: Qarax ka dhacay Magaalada Marko, iyo Maamulka oo ka hadlay
Marko (Caasimada online) Maamulka Magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha hoose, ayaa wuxuu ka warbixiyay bam gacmeed lagu tuuray askar ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Magaaladaasi.
Guddoomiyaha Degmada Marka Maxamed Cusmaan Yariisoow , oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qaraxa lagu tuuray askar Booliis ah oo ku sugnaa suuqa Qudaarta ee Degmada Marka, hayeeshee aysan jirin khasaaro soo gaaray askartaasi.
Hal ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, halka sidoo kale aysan jirin khasaaro dhimasho oo ka dhashay qaraxaasi lagu tuuray ciidanka Booliiska Dowladda sida Gudoomiyaha Degmada uu sheegay
Wuxuu sheegay inay wadaan howgal ku aadan dadkii ka dambeeyay qaraxaasi inay gacanta kusoo dhigaan, isla-markaana maxkamad ay la tiigsan doonaan.
Mudooyinkii Dambe deegaanada Shabeelaah Hoose gaar ahaan Magaalada Marko waxaa kusoo kordhayay falalka nuucani oo kale ah.
Halkaan hoose ka dhageyso codka Gudoomiyaha Marko
Gudoomiyaha Dagmada marko Maxamed Cusmaan cali (Yariisoow)
Caasimada online
Xafiiska Marko
Warbixin: Maxaa ka jirra in Afweyne uu xil u hayo Dowladda Soomaaliya?
Baladweyne (Caasimada Online) Sida uu warbaahinta u sheegay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo ka tirsan guddigga dhinaca ammaanka baarlamaanka Soomaaliya, wuxuu arrin aad looga xumaado ku tilmaamay xarigga Maxamed Cabdi Xasan oo loo yaqaano Afweyne ayaa oo Sabtidii lagu xilay magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium.
Afweyne ayaa ah nin caan ah oo in muddo ah hoggaaminaayay burcad-badeeda Soomaalida ee qafaasha maraakiibta iyo doomaha ku socdaala biyaha Soomaaliya.
“Waa mas’uul ka tirsan dowladda fedaraalka Soomaaliya, xariggiisana waa xad-gudub” ayuu yiri Daahi Amiin Jeesow oo ku sugan magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.
Ma jirto ilaa hadda cid kale oo dowladda ka tirsan oo ka hadashay xarigga Afweyne oo bishii January ee sannadkan ku dhawaaqay in uu ka baxay falalka burcad-badeednimada.
Wuxuu kaloo sheegay xilligaas in door ka qaadan doono siddii dhallinyarada ku jira burcad-badeeda looga saari lahaa falalka ay ku jiraan.
Dhinaca kale, ehelada Afweyne oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in xirigiisa uu yahay mid xad-gudub oo loo geestay nin ganacsade caan ah.
“Qawaaniinta caalamiga ayaa la tiigan san doonaa Belgium, in muwaadin Soomaali ah la iska xiro ” ayuu yiri Cabdiraxmaan Caruush oo sheegay in uu adeer u yahay Afweyen.
Wuxuu kaloo sheegay in loo dhigay Maxamed Cabdi Xasan Afweyne shir qool isagoona uu ka baxay magaalada Muqdisho kaddibna uu maray Kenya , waxaana lala xiray ayuu yiri Maxamed Cabdulaahi Aadan Tiiceey oo ahaa madaxweyihii hore ee maamulka Ximin iyo Xeeb.
Caasimada Online
Xafiiska Wararaka Muqdisho
Dad loo xir xiray qaraxii ADDIS-ABABA
Addis Ababa (Caasimada Online) Warbaahinta Ethiopia ayaa sheegtay maanta oo Arbaca in dad loo qabtay qarax Axaddii toddobaadkan ka dhacay xaafada A Bole oo ay Soomaali badan ay ku nool yihii kuna taalla caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa.
Talafishanka qaranka Ethiopia oo soo xiganaya saraakiisha ammaanka ayaa ku soo warramay in la xiray seddax ruux kuwaasoo looga shakisan yahay in ay lug ku lahaayeen qaraxa oo ay ku dhinteen labo qof oo Soomaali ah kuwasoo si sharci darro ku joogay Addis Ababa sida booliisku sheegay..
Labadaas nin ayaa la aaminsan yahay in ay ahaayeen raggii isku xirayey qaraxa iyagoona beegsan lahaa meel ay ku sugan yihiin kumanaan qof oo ah taageerayaasha xulka kubadda Ethiopia.
Si kastaba, afhayeenka dowladda Ethiopia Shimeles Kemal ayaa mar sii horeysay warbaahinta u sheegay in labadaas qof ay doonayeen in ay weerarro ka geystaan garoon kubbadda cagta ah oo ay xilligaaas ku cayaarayeen xulalka Ethiopia iyo Nigeria ciyaar ka dhacdo iyo goobaha ay dadka isugu yimaadaan.
Soomaali badab oo ku dhaqan xaafadda Bole ee uu qaraxu ka dhacay una dhow garoonka diyaaradaha Addis Abab waa ay sheegeen in ay cabsi la soo daristay qaraxa kaddib.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi.
















