27.2 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

DHAGEYSO: Puntland oo isku xirtay la shaqeynta DF iyo xilka Xasan Sheekh

Garoowe (Caasimada online) Wasiirka warfaafinta Maamulka Puntland, Axmed Sheekh Jaamac, ayaa sheegay inaysan wax la qeybsan doonin dowlada Federaalka Soomaaliya inta xilka uu hayo Madaxweynaha iminka Talada dalka Haya ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka ayaa hadalka ka jeediyay kulan ka dhacay magaalada Garoowe oo looga hadlayay Xeerka Saxaafada Puntland, waxaana uu sheegay in go’aankaasi uu yahay mid ay ku mideysan yihiin dhamaan Shacabka iyo Madaxda Maamulka Puntland.

Wasiirka ayaa Tilmaamay in ay dowlada Soomaaliya ay wax la weybsan doonaan Maarka sida uu tilmaamay uu xilka isaga dego Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isla-markaana ay wax la qeysan doonaan dowlada Xigta mida iminka jirta hadii ay nidaamka duwan midkan ay ku dhaqmaan .

Puntland ayaa horay waxay usheegtay inay xiriirka ujartay Dowladda Soomaaliya, kadib markii maamulka Dowladda dhexe ee Soomaaliya uu ku eedeeyay waxkabedelka arimaha Dastuurka Soomaaliya.

Hayeeshee dowlada Soomaaliya ayaa eedeyntaasi waxay ku tilmaamtay mid been abuur ah, inkastoo Puntland ay arintaasi ku adkeysaneyso .

Halkan ka dhageyso Wasirka warfaafinta Puntland 

Caasimada online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

R/W Saacid oo ku dhowaaqaya golaha wasiirada xilli weli muran uu jiro

Muqdisho (Caasimada Online) Shabakadda Caasimada Online ayaa ogaatay in maalmaha soo socota raysal wasaaraha xukuumadda fedaraalka Soomaaliya uu ku dhawaaqi doono golaha wasiiradiisa cusub, kaddib markii uu shaaciyay in isku shaan-dheen ay dhaceyso.

Dad war-gal ah ayaa u sheegay Caasimada Online, uu ku dhawaaqi doono 18 ilaa 20-wasiir iyo hal wasiir ku xigeen iyo agaasimayaal.

Dadka la magacaabi doono waxaa ku jirra dad aan dalka ka bixin burburkii dalka 22-kii sanno ee la soo dhaafay, waxaana arrintaas dabada ka riixaya madaxweynaha Soomaaliya oo qudhiisa ku sugnaa dalka burburkii oo dhan.

Sidoo kale ilaha aan warkan ka soo xiganay ayaa sheegaya in ra’iisal wasaaraha uu ku dhawaaqi doono golihiisa wasiirada ka hor 26-ka bishan oo uu hortagayo mudanayaasha baarlamaanka.

Warar duul dulaya oo laga soo dusiyay xafiiska ra’iisal wasaaraha ayaa sheegaya in uu jirro khilaaf ka dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha kaasoo salka ku haya magacaabista golaha wasiiradda cusub.

Ra’iisal wasaaraha ayaa madaxweynaha u sheegay in uu faraha uga qaado magacaabiista golaha wasiiradiisa isla markaana uu joojiyo faragallinta.

Isku soo duub waxaa jirra wasiiro la cuni doono oo hadda shaqeeya ma na qaano kuwa ay noqon doonaan sidoo kale waxaa jirra kuwa ka soo muuqan doona liiska cusub ee golaha wasiiradda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

VIDEO: Waa aad ka carari lahayd balse dad baa macaansada (Ma taqaan?)

Caasimada Online:   Masolugooleeyda (Uromastyx) oo ah nuuc ka mid ah buluca sayn xarooreedka, (spinytailed lizard) waa xamaarato (reptile) waxaa laga helaa dalalka kulul ee Afrika, Aasiya, Australia iyo bartamaha Yurub. Aalaa, bahalkaan waa cagaarcun. Hase yeeshee marmar wuxuu cunaa cayayaanka, siiba marka ay da,diisu yar tahay.

Wuxuu inta badan waqtigiisa ku qaataa isqondhocayn (basking in the sun), wuxuu isku qariyaa godad dhulka hoostiisa ku yaalo marka ay khatari u muuqato. degaankiisuna waa buuraha oo gabbaad u ah, uuna ka heli karo daaq. Cabbirkiisu waa 25 cm 10 inch, kan dhallaanka waa 7-10 cm 3-4 inch ee nala daawada adinkaa yaabi doono.

HALKAAN KA DAAWO: 

 

Ganacsade Somali ah oo Uganda lagu dilay & ragii dilay oo lagu raad joogo

Kampala (Caasimada online) Wararka ka imaanaya dalka Uganda ayaa sheegaya in Booliska dalka Uganda ay baadi goob ugu jiraan burcad hubeysan oo ganacsade Soomaali ah ku dilay degmada Nakapiripirit ee waqooyiga dalkaas.

Marxuunka ayaa lagu magacaabijiray Cabdiraxmaan, kaasoo ka ganacsan jiray dahabka sida wararka aan heleyno ay sheegayaan.

Okot  Obwona, Taliyaha boliiska ee gobolka Mount Moroto ayaa sheegay in marxuumka  lagu dilay xarun ganacsi oo uu ku lahaa deegaan 12 KM u jira magaaladda Nakapiripirit ee dalka Uganda.

Sida  uu daabacay Wargeyska Sunday Monitor ee ka soo baxa dalka Uganda  Raggii Maxruumkan dilay ayaa boob u geystay Hantidii uu lahaa Marxuumka ay dileen .

Taliyaha boliiska ee gobolka Mount Moroto, ayaa sheegay in aysan weli gacanta kusoo dhigin ragii dhacdadaan Fulyay waxaase wacad uu ku maray inay meel waliba uga daba gali doonaan sida uu sheegay.

Uganda Waxaa kunool Soomaali badan kuwaas oo qaabab kala duwan ugu nool dalkaas, waxaana arintan ay qeyb ka noqoneysa Dhibaatooyinka Soomaalida ay kala kulmaan dalalka ay magangalyo ahaanta ugu nool yihiin.

Caasimada online

Xafiiska Kampala

[email protected]

 

 

 

 

Qaar ka mid ah dhaacyadii Baladweyne oo Muqdisho la keenay

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa goordhow magaalada Muqdisho la keenay qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qarixii shaley ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Wariye ku sugan Baladweyne oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in diyaarad Helicopter ah ay ka qaaday dhaawacyo magaalada taasoo geeneyso caasimada Muqdisho.

Waxaa hadda dadkan lagu daweynayaa Isbitaalka AMISOM ee Xalane, halkaas oo la dhigay sida ay lee yihiin mas’uuliyiin ka tirsan AMISOM.

Dhinaca kale, Tirada dadka ku dhintay qarixii Baladweyne ayaa gaartay iminka 19-qof sida uu warbaahinta u sheegay agaasimaha Isbitaalka Baladweyne.

Ilaa seddax qof ayaa la sheegay in tan iyo xaley ay ku dhinteen Isbitaalka, waxaana jirra qaar wali xaaladooda ay tahay halis.

Xaalladda magaalada ayaa deggan, waxaana caadi ku soo noqday isku socodka dadka iyo ganacsiga magaalada sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Wafti IGAD ah oo tagay KISMAAYO

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaas ay maanta gaareen wafdi ka socda waddamada xubnaha ka ah urur gobaleedka bariga Afrika ee IGAD.

Wafdiga markii ay tageen Kismaayo, waxa ay kulamo la qaateen madaxda  maamul-ku-meel gaarka ee Jubba iyo saraakiisha ciidamada AMISOM.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga qorshaha ay u tageen wafdigan IGAD ka socota, balse illo xog-ogaal ah oo la hadlay Caasimada Online waxa ay lee yihiin waxaa kulamada looga hadlay shirarka dib u heshiisiinta ee ka kala dhacaya Muqdisho iyo Kismaayo.

Saxaafadda waa loo diidday in wax war ah la yeesheen wafdiga IGAD oo ilaa hadda ku sugan garoonka diyaaradaha Kismaayo sida ay lee yihiin dadka aan warkan ka soo xiganay.

Wafdigan ayaa la filayaa muddada ay joogaan Kismaayo in ay ku qalqaaliyaan Axmed Madoobe ka qaybgalka shirka dib u heshiisiinta ee Muqdisho ka dhacaya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Yusur oo shaqadeeda ka billaabeysa dhinaca aan laga fileyn (Warbixin)

Muqidsho (Caasimada Online) Guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Yusur Abraar ayaa gaartay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya kaddib markii dhawaan xilkaas uu u magacaabay madaxweynaha Soomaaliya.

Ms. Yusr oo saxaafadda kula hadlaysay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegtay in shaqooyinka ugu waaweyn oo ay qaban doonto ay ka mid tahay siddii xal loogu heli lahaa xawaaladaha Soomaalida oo hadda noday kuwa la isku xiro markasta.

Waxa ay sheegtay in ay xiriir la sameen doonto baananka adduunka sida Barclay’s Bank oo dhawaan xiray in ka badan 200 oo xawaaladaha Soomaalida.

Guddoomiyaha Baankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa dhinaca kale, sheegtay in Bankiga Adduunka ay kala hadashay arrimo ay ka mid yihiin sidii loo caawin lahaa xawaaladaha Soomaalida ee dibadaha oo dhanka wada shaqeynta ay culeysyo ka heystaan.

Ms. Yusur ayaa tilmaantay in xawaaladaha Soomaalida laga doonayo in ay la shaqeeyaan Bankiga Dhexe, si loo horumariyo adeegyada dhaqaale ee Soomaaliya.

Waa haweeneydii ugu horreysay oo ay sheegto guddoomiyaha Baankiga Dhexe loo magacaabo xilkaas kaddib markii guddoomiyihii hore Cabdisalaam Hadliye uu ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkaas kaddib markii eedeemo uga timid guddiga dabgalka Qaramada Midoobay ee UN-MONITORING.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Accra “Ghana”

[email protected]

Askari ka tirsan DF oo sarkaal dilay

Jowhar (Caasimada Online) Wararka caawa naga soo gaaraya gobalka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegaya halkaas ay ka taagan tahay xiisad kaddib markii askari ka tirsan guutada koobaad uu ku toogtay deegan ka tirsan gobalka Shabeebellaha Dhexe sarkaal ciidamada ah.

Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabo, Ismaacil Laambeey ayaa la sheegay in ay isku dhaceen askariga falkaas geestay sida ay lee yihiin saraakiisha ciidamada guutada koobaad.

Markii dilka uu dhacay waxaa ciidamada ay billaabeen in ay soo qabtaan askariga dilka geestay waana la soo qabtay balse dhowr saacadood kaddib ayaa si qarsoodi ah loo diray.

Arrintaas waxa ay dhalisay in xiisad ay ka dhalato waxaana laga cabsi qabaa in ciidamada halkaas ku sugan labo u qayb samaan.

Ilaa hadda lama sheegin sababta uu askariga ciidamada dowladda uu ku dilay sarkaalkan ka tirsan guutada koobaad.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Hiiraale: 75 maleeshiyo iyo 5 gaadiid dagaal oo gacanta u galay Madoobe

Kismaayo (Caasimada online) Saraakiisha Ciidamada Cornel: Barre Aadan Shire Hiiraale, ayaa xaqiijiyay in Maamulka Jubba 75-Askari, oo ciidamadooda ah iyo Afar Gaadiidka Dagaalka ah , ay la wareegeen isla-markaana haatan ay ku darsadeen Ciidamada Maamulkooda.

Afhayeenka Barre Hiiraale, Xasan Qaasim Warsame, ayaa sheegay in ragan ay yihiin kuwo markii hore Ciidamadooda ka tirsanaa balse dagaalkii Dhowaan kismaayo ka dhacay lagu qabtay , isla-markaana mudooyinkan gacanta ugu jiray Ciidamada Kenya ee Kismaayo jooga

Wuxuu sheegay in 75-askari iyo afarta gaadiidka dagaalka, ay gacanta ku dhigeen ciidanka Kenya, xilligii dagaalka Kismaayo uu Socday, balse dhawaan ciidankaasi loo gacan geliyay Maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Afhayeenka ayaa Tilmaamay in Askariga ka tirsan ciidankaasi ee ay dilaan ciidanka Axmed Madoobe ayuu sheegay ay kula xisaabtami doonaan ciidamada Kenya, ee gacanta ugaliyay Axmed Madoobe  ciidanka Barre Hiiraale.

Arintan ayuu shaaca ka qaaday inay  ka bixin doonaan jawaab cad oo ku aadan ficilka Kenya ay sameeyeen Somalia gaar ahaan Magaalada Kismaayo, kadib markii sada uu sheegay ay uga heeliyeen Axmed Madoobe oo aayaha gobolka kasoo horjeedo inuu horumar sameeyo sida uu hadalka u dhigay.

Maamulka Jubba ayaa ragan dhowaan kusoo Bandhigay gudaha magaalada Kismaayo iyagoona sheegay inay si rasmi ah uga mid noqdeen Ciidamada Maamulka Jubba.

Saraakiisha Ciidamada Barre Hiiraale, ayaa dhowr jeer oo hore waxay sheegeen inay Kismaayo ka qabsan doonaan raga gacanta ku haya.

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

Muqdisho: Arrin dad badan ay ku dhib qabeen oo weli taagan lagana hadlay

Muqdisho (Caasimada Online) Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka Ceydiid Ilka Xanaf ayaa wuxuu ka hadlay arimaha ku aadan dacwadaha la xiriira dhulalka la’isku heysto magaalada Muqdisho , waxaana uu sheegay in iminkaarintaas ay ku wareersan yihiin.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inay Jiraan Hey’ado iyo Shirkado gaar loo leeyahay kuwaas oo ku sugan dal iyo dibad isla-markaana ku xeel dheer qaabka koobiyeenta Saxiixyada iyo sameynta Dukumiintiyada Been abuurka ah.

Ilka Xaanaf wuxuu sheegay in qolada arimahaasi ku shaqeysta markii hore ay ku koobnaayeen Muqdisho gaar ahaan Suuqa Xoolaha Balse iminka ay gaareen dalka iyo Dibadiisa .

Wuxuu sheegay in marka laga soo gudbo Dukumiintiyadii hore iyo Saxiixyada Madaxdii hore ee Maxkamadaha iyo hey’adihii hore ee dowlada ay xitaa garanayaan Saxiixiisa iyo Kan Madaxweynaha sidaasi darteeedna ay adag tahay inay xakameeyaan.

Ceydiid Ilka Xanaf wuxuu tilmaamay inay dhibaato xoogan oo sameynteeeda wadato ay ku qabaan sidaasi darteedna loo baahan yahay iyado dalalka Caalamka lala kaashanayo inay dowlada Sameyso ka hortaga iyo la dagaaalanka dadkaas.

Mudooyinii Dambe waxaa soo baxayay eedeymo ku aadan in maxkamada Sare ee dalka inay u xagliso dadka qaar waxaana jiray tuhun ah inay qarash ku dhameyso arimaha dhulalka la isku heysto inkastoo warkaas ay beenisay

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhacdo xalay ka dhacday Boosaaso oo afka gacmaha la wada saartay + Cod

Boosaaso (Caasimada Online) Waa Dhacdo la yaab iyo naxdin leh oo ka dhacday xaafad ka mid ah Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari, kadib markii nin la dilay shan bil kahor meydkiisa laga soo saaray hooygii uu daganaa.

Maxamed Bashiir ayaa meydkiisa waxaa isaga oo jar-jaran laga soo saaray god lagu riday oo ku dhexyaala guriga uu daganaan jiray, kadib Shanbilood markii ay kasoo wareegatay dilkiisa

Iftin Maxamed Cismaan iyo Tamaam Ahmed oo u dhalatay qowmiyadda Oromada ee Ethiopia ayaa la rumeyan yahay inay  middi ku dileen marxuumka, sida uu sheegay Taliyaha saldhigga booliska Baal-lade ee Boosaaso, Siciid Cali Ibraahim.

Tamaam Ahmed, ayaa la sheegay inay aheyd Xaaska Marxuunka la dilay, waxaana la rumeysan yahay inay iyadu ka dambeysay dilkiisa, waxaana Taliyuhu uu sheegay   in dadkaasi iminka gacanta lagu haayo oo ciidamada Booliiska ay ku wadaan baaritaano, maadaama falka ay geysteen uu ahaa mid naxdin badan oo aan horay Boosaaso uga dhicin.

booliska oo kaashaanaya Ehelada Marxuunka, ayaa Baaritaan ay sameeyeen waxay Shanbilood kadib ogaadeen in Meydkiisa uu ku dhex aasan yahay Guriga isagoo Cad cad loo jaray taas oo markii dambe keentay inay kasoo saaran halkaasi.

Waa dhacdo naxdin iyo amakaag leh, marka loo eego ruux inta la dilay oo mindi lagu jar-jaray kadibna meydkiisa aqalka god ku yaala lagu riday, waxaana arintan si ad ah iminka looga hadal hayaa magaalada Boosaaso.

HaLKAAN KA DHAGEYSO DHACDADA 

Caasimada Online

Xafiiska Boosaaso

[email protected]

JAWAAB: HAWIYE Dhegoole maahee waa dhug badane. (Faallo xasaasi ah)

Waa su’aal culus ee rag ah? Waxaa gole ragga madlanyahay iyo geed la wada fadhiyo layska waydiiyey arrimo dhowr ah, iyadoo xujo, halxiraale iyo nin waliba inta garaadkii la eg-yahay looga golleeyahay. Oday aan timihiisa mid madoobeyn ayaa dhex dhigay su’aal qiraweyn oo ah: Yaa rag lagu tilmaami karaa?. Jawaabtii ayaa ninba meel ula kacay, ninba qaab u tilmaamay. La yiri nin ragg ahi waa deeqsi, geesi, codkar ama aftahan. Odaygii wuxuu ugu warceliyey idinma weydiin astaamaha ninka ragga ahi leeyahay, ee waxaan idin warsaday, inaad ii qeexdaan waa kuma ninka ragga ahi?

Shib ayaa la wada yiri! Arrinkiina adigu sheeg iyo xujada fur ayuu dhaafi waayey, dadkii hore ma ahayn sida dadkan loo abuurey muranka iyo doodda ee waxay ahaayeen dad kala garqaata, qofku wuxuu tahli waayo ee markaa tabari uga deyrisana wuxuu jeclaa inuu ninka uga awoodda badan aqoonta badanna uga dambeeyo. Odaygii baa yiri: “Ninka ragga ahi waa nin tolkiisna u nacasa, cadowgiisana u nacaba, gurigiisana u naag ah!”

Waa nin tolkii u nacasoo haddii dhibaabe iyo dhagax tuur iyo dhaawac ka soo gaaro kuma dhuftee waa is dhayaa oo ka dhaqmaa, kama aarsado utun iyo aanana ma waa la arrinsadaa, kama godob qaato ee waa ka galiin sugaa, gar iyo gardarraba. Cadowgiisa waa u nacaboo, haddii guluf dhex maro iyo gaadde waa gobonimo diriraa, goob laysku galayna weligii gadaal ugama laabto, gar dadban iyo guunyo ka maqanna kama gam’o .

Gurigiisana waa naagoo: Haddii Marantidiisa iyo marwadiisa, jirrato, isagaa midig u noqda oo hawshii reerka marada u xirta, haddey maal tahay iyo haddey mood tahay, maalintaanna xooggiisa iyo dadaalkiisa ayuu ku maareeyaa ubadkiisa iyo ooridiisa, isagaa ariga digada ka gura, isagaa aroorsha oo dhaamiya, isagaa ammin kasta dheriga u dhardhaara ilaa ay ka bogsooto.

Waxaan uga socdaa kaalintaa maanta ee murtidaani cuskan tahay waxaa Soomaali u taagan waa Hawiye, hadduu dhegool yahayna intaa ma dhaadeen mana dhugteen, Hawiye isagaa Soomaalinimona u taagan cadowgii dibadda ka yimaadana af iyo addin kula dagaallamaya, maanta Soomaali waxay u qaybsantahay labada dal ee deriska ah (Itoobiya & Keenya), oo cadaawad durugsan naga dhaxayso, reerka aan ka amar qaadan ee aan wax la wadaagin ee aan ku tiirsanayn waa Hawiye, reerka Calankii 1960kii la saarey weli u hamuun qaba ee u heesayaa waa Hawiye, reerka iyadoo la dilay oo laysugu tegay oo Amxaaro loo soo watey weli aan Soomaali ka bixin waa Hawiye, Reerka inta diin loogu soo gabbadey Soomaali weyn oo dhami gaaleysiisay ee ilaa hadda la dilayo ee aan Soomaalinimada ka bixin waa hawiye. Sida qaalibka ah beelaha waxay doonayaan FEDERAL iyo kala tag balse Hawiye wuxuu doonayaa shanta Soomaaliyeed oo mideysan.

Dhegool intaa ma garto, dhoohanena ma dhaado, haddaba anigoon jeclayn inaan ku fogaado faallada iyo ka hadalka beelaha Soomaaliyeed hasse yeeshee waa lama huraan inaan ka warceliyo qormada Ibraahim Cabdiweli ee cinwaankeedu ahaa Hawiye waa dhegoole dhiban.

Jawaabtii Dhegoolaha Dhibban.

Qormadaydu maaha mid qabiillo Soomaaliyeed ku saabsan iyo inaan wax ugu dhimo, ee waa inaan jawaab ka bixiyo laba maqaal oo uu qorey nin magaciisa la yiraa Ibraahin Shiikh Cabdiweli, maqaalkan ayuu laba jeer ku rakaadey Hawiye waa dhegoole dhibban. Ibraahin Soomaalida haddaad kala taqaan, waa laba uun, dhalyo iyo dhiig wadaag, dhaqan iyo dhur wadaag. Waxaa jira haddaad gobol walba oo Soomaali degto ama tagto, dad isku sidkan oo la walaaleeyey, ama inay is gergertaan ama is gaashaanbuureystaan, dadkaasi waa laba siyood, kuwo isku hayb ah oo tiro yaraan awgeed iyo laf laf meel aan isu taagi karin, waxaad ka helaysaa Jabuuti, Waqooyi Galbeed, Waqooyi Bari, Bartamaha, Koonfurta dhaw iyo Koonfurta Fog, Galbeedka Soomaaliya (Soomaali Galbeed) Haddaba haddiiba ay noqotey arrin dhaqan ah labadan arrimood ee aan kor ku xusay, ee wax lagu qaybsado dhib iyo dheef maaha mid cay iyo aflagaaddo noqonaysa oo waa wax Soomaali u xeera.

Waxaad saluugtey arrin aad ku tilmaantey Shiikhaal ma Hawiyaa mise maaha? Haddaad is haysaan Faarax Cabdulqaadir iyo Daahir Aadan Cilmi Indho-Qarshe iyo NGO Islax ha noqon nin daraaddood qabiil dhan ula colooba, taasi adigey wax kuu dhimaysaa, waxaan ula jeedaa, nin madaxa oo xun reer looma aaneeyo mid wanaagsanna reer looma aaneeyo ee qofnimadiisaa loola diriraa ama loola dagaalaa.

Shiikhaal waa Hawiye dhalasho iyo dhiigba.

Ibraahinow Shiikhaali waa Hawiye, haddiiba Ilma Fiqi Cumar ay yihiin, wixii aan ilma Fiqi Cumar ahaynna gaar baa loo warsan doonaa meesha ay kasoo jeedaan, ninkase ku abtirsada Fiqi Cumar waa Hawiye dhaqan iyo Gaashaanbuurna maaha ee waa niman dhuuxa iyo dhiigga Hiraab ah. Hadalkaaga haddaan u dhabbo galo, adigaa iska hor yimid, oo waxaad sheegtay in waqtigii dowladdii Kacaanka reero badan abtirsiimo qaldan loo sameeyey, balse, aysan qaadan ee toodii ku hawl galeen waqtigii colaadda sokeeye, horta qormadaadu dhan waa ka wanaagsan tahay, oo waxay Soomaali afka ka dhawreen ayaad sheegtay, 1998dii ayaan tegay Boosaaso, markaasaan arkay Gambeelle (jambeelle) oo aan ku aqaannay Jambeele Hawiye oo ku abtirsata Ajuuraan ah iyagoo Majeerteen ah. Waxaan kaloo Majeerteen kusoo arkay beel la yiraah Cabdi Ciise oo magacyadeedu u badan yihiin Hawiye sida: Afrax, Yeberow, Jimcaale, Geedi iyo kuwo kale. Markaan weydiiyey sababta waxay ii sheegeen inay qarniyo ka hor kasoo guureen Hawiye oo ay ku milmeen Majeerteen balse weli ay wax k dambeeyaan magacyadii asalka ahaa.

Waxaad tiri Isaaq ma jiraan reero dhaqan iyo dhur la wadaaga, waxaa ii caddaatey inaadan aqoon u lahayn, Tusaale haddaan kuugu soo qaato kooban, waxaa jira lafo ka mida Sacad Muuse oo la yiraahdo: Madigaan, Daaljire, Maxbuub iyo kuwo kale oo ku milan Sacad Muuse. Waxaa iyana Jira lafo ku dhex jira Ciise Muusaha, Qoyan, Dhogori iyo Cabaasyo, magacyadani maaha kuwo lafo kale oo Isaaq ahi la baxaan.

Waxaa jira laba Lafood oo ku dhex jira, Habarjeclo waa reer Dood iyo Magaadle iyo Yeesif oo ilaa hadda Sanaag bari iyo deggan Togdheerba.

Waxaa jira reero isku magac ah oo is sheegta qoloba qolo sheegato, Reer Isaaq oo Ogaadeen ah isaaq baa sheegta, Abgaalka Ciise Madoobe waxay sheegtaan Abgaal Cismaan, Warsengeliga Harti Daarood, waxaa sheegta Warsengeliga Harti Abgaal. Gumcadle Murusade waxay sheegtaan Gumcadle Ogaadeen.

Lama hayo wax lagu kala saaro, hubaal hadda in la helayo, oo ah dunida maanta joogta in qolo walba oo muran ka dhex jiro ama is sheegta ama is diidda laysaga qaaddo dhiigga hidde-sidaha (DNA) ka dib aynu samaynno kooxaysi iyo gaashaanbuureysi cusub oo ku salaysan dhalasho iyo dhiig, haddii tani dhacdo kun beelood oo walaalo ah ayaa kala guurayaa kuwa isku cadown ahna waxay noqon doonaan dad wada dhashay.

Isku soo wada duubo Mudane Ibraahin sidii horeba laguugu sheegay haddii colaaddaadu ku jiheysantahay Laba qofood iyo Islax waxaan ku dhihi lahaa Shiikhaal laba nin ka weyne shiikhaal waa dhig, haddii aad wax inaad saxdo doonaysona, qoraalka ballaari, oo waxaad ka soo billowdaa qormadaada iyo qoraalkaaga asalka iyo faraca Soomaaliyeed, ka dib waxaad kala saartaa yaa Soomaali ah yaase la Soomaaliyeey, waxaad kala saartaa beelaha Carabnimada sheegta iyo kuwa Carabta dhabta ah, dhammaan Su’aalahan hoos ku qoran Jawaabtooda ayaan kaa filayaa inaad qormadaada dambe ku soo darto.

Xaggee bay ka timid Soomaalidu asal ahaan?

1. Ma carabaa?
2. Ma Barbaribaa?
3. Ma Hindibaa?
4. Ma Faraaciinbaa?
5. Ma Oromaa?
6. Ma Amxaaraa?
7. Ma dad aan lahayn asal iyo meel loo raacaa?.
8. Waxaad soo qortay abtirsigu inuu ku egyahay sagaal qarni, Soomaalidu inay geeska Afrika ku noolayd lix kun oo sano, bal soo sax taarikhdaas
Su’aalahan ayaa mudan in la helo Jawaabtooda oo aan kaa rabaa Mudane Ibraahin Shiikh Cabdiweli.

Qore: Shaafici Shiikh Khaliif
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

VIDEO: Muuqaalladii ugu dambeeyay ee Magaalada Muqdisho. “Daawo”

Caasimada Online:  Magaalada Caasimadda ee Muqdisho muuqaal ahaan iyo Bilic ahaan waxaa is badalay qaabkii ay aheyd Sanadkii la soo dhaafay marka loo fiiriyo Horumarka ay Sanadkaan Sameeysay Magaalo madaxda dalkeena ee Muqdisho.

Dhinac waa horumar ku cusub magaalada dhinac waa is badal dhinaca Bilicda Magaalada dhinacna waa dib u dhis xoogan oo ka socda Magaalada Muqdisho ee nala daawo Video-gaan aan isku keenay waxii cusub ee ugu dambeeyay ee Magaalada.

HALKAAN KA DAAWO:

Xiisad dagaal oo ka taagan degmad Hobyo ee Gobolka MUDUG

Hobyo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya degmada Hobyo ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in halkaas ay ka taagan tahay xiisad dagaal kaddib markii ciimo ka kala tirsan maamulada Ximin & Xeeb iyo Galmudug ay halkaas isku fadhiyaan.

Dadka deeganka ayaa sheegay in ay arkeen ciimo badan oo wata gaadidka dagaalka kuwaasoo ay kala hoggaaminayaan madaxweyne ku xigeenka Ximin & Xeeb iyo madaxweynaha Galmudug.

Xiisadan ayaa billaabatay markii Hobyo uu gaaray madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid kaasoo ay la socdan saraakiil British ah.

Cabdi Qaybdiid ayaa ka sheegay Hobyo in uu dhisaayo dekedda Hobyo kana dhigaayo mid casri lana mid ah kuwa dalka.

Hadalkaas waxaa horey uga jawaabay madaxweynaha maamulka Ximin iyo Xeeb Cabdulaahi Baarleex, kaasoo sheegay hadalka Cabdiqaybdiid in uu hurinaayo colaad maadama deegan uusan maamulin uu sheeganayo.

Baarleex ayaa caddeeyay in Hobyo ay ka tirsan tahay deegannada uu ka arrimio maamulka Ximin iyo Xeeb.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Caddaado

[email protected]