27.2 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

Xasan Sheekh iyo Saacid oo is fahmay

Muqdisho (Caasimada online) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa isku fahmay qaabka loo wajahayo isku shaandheynta iyo habka xulista Golaha Wasiirada Somalia.

Xog ay heshay Shabakada Caasimada online ayaa sheegeysa in xafiisyada Madaxweynaha dowlada  iyo Ra’iisul wasaaraha ay iminka ka dhex jirto is afgarad ku aadan Halka Soo xulista iyo Isku Shaandheynta Wasiirada Xukuumada, kadib markii Muddooyinkan uu jiray mugdi soo kala dhexgalay Labada Mas’uul.

Inkastoo ay adagtahay in arintaan xog rasmi ah laga helo , ayaa hadana Caasimada online, waxay ogaatay in Qilaafka labada Mas’uul uu iminka sidii hore kaso dabcay arimo badana  oo markii hore lagu kala fogaana iminka laga heshiiyay.

Ra’isul wasaare Saacid ayaa ka biyo diidanaa in qaar ka mid ah golaha Wasiiradiisa oo uu u rakay inay ka falaagoobeen isaga in lagu soo daro Liiska Xubnaha wasiirada , inkastoo Madaxweynuhu uu arintaa ka biyo diiday,

Waxaa jira kulamo gaar gaar ah oo uu la qaadanayo Ra’isul wasaare Saacid qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Xubno la taliyaashiisa ah , kuwaas oo ku qotoma habka uu u wajahayo wax ka badalka iyo isku shaandheyta Golaha Wasiirada Xukuumadiisa, waxaana jira warar sheegaya inuu Badi Gudbiyaya xubnaha Golaha Wasiirada.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxayta qaabka iyo Tirada golaha wasiirada Cusub waxaana jira warar sheegaya in 20-25 Wasiiro  laga dhigayo wasiirada Xukuumada Somalia hayeeshee arintaas wali si dhab ah looguma dhawaaqin maadaama wali arintu ay tahay mid ugub ah .

Ugu dambeysn Ku dhawaaqista Golaha Xukuumada waxaa la filayaa in dhamaadka bishan ay dhacdo ama bisha November.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

VIDEO: Maanta oo kale ma xasuusataa sida uu ahaan jiray Dalkena. “Daawo”

Caasimada Online:  21 Oktobar maanta oo kale Wadankeena waxuu ahaa maalin si weyn looga xuso Kacaankii Dalka ka talinayay muddadii 21 sano waxeey aheyd mid wax badan uu qabtay kacaanka wanaagii uu jiray.

Dadka Soomaaliyeed midba si ayuu uga hadlaa xukunkii Kacaankii ee dalka ka talinayay qofba aragtidiisa waa u gooni ah ee nala daawo Kumanaanka kun ee Shacabka Soomaaliyeed ee maanta oo kale banaanka u taagnaa damaashaadkaan.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Dhageyso: Rajada Hirgalinta Nidaamka Xisbiyada Siyaasadeed ee Somalia

Muqdisho (Caasimada online) Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya proff Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ,  wuxuu sheegay in howl adag ay tahay hirgalinta Nidaamka Xisbiyada Badan ee Dalka, Kaas oo uu sheegay in Somalia 44 sano ka hor  ah ay ugu dameysay

Gudoomiye Jawaari, wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay ka hor inta aan nidaamkaas laga hirgalin dalka , in labaro shacabka Waxa uu yahay nidaamka markii ay u qancaan ka dibna la hir galiyo.

Sidoo kale Gudoomyaha Baarlamaanka Somalia ayaa wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay Hirgalinta Doorasho Afti dadweyne ah oo ka dhacda dalka sanadka 2016-ka markii dowlada iminka jirta waqtigeeda uu dhamaado.

Shacbaka Soomaaliyeed ayuu ka dalbaday inay Muujiyaan Kalsooni ku aadan Golaha Barlamaanka Somalia isagoona balan qaaday inay ka dhabeyn doonaan balantii ay ka qaadeen shacabka.

Dhamaan dadka daneeya arimaha fadhiyada golahha baarlamaanka ayuu sheegay inay kala socon karaan Idaacadaha, waxaana uu tilmaamay cidii dooneysa inay golaha shacabka kala qeyb gasho Fadhiyada Baarlamaanka ay soo dhaweynayaan.

Somalia ayaa lagu wadaa inay yeelato Mustaqbalka Dhow Nidaamka Xisbiyada Badan , kaas oo ka jira dalal  badan oo Caalamka ka mid ah.

Halkaan hoose ka dhageyso Hadalka Gudoomiyaha Baarlamaanka

Gudoomiyaha Baarlamaanka

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Faroole iyo Gaas oo is haya & Diyaargarowga doorashada P/Land

Garoowe (Caasimada online) Ra’iisul Wasaarahii hore ee dowladii KMG aheyd C/wali Maxamed Cali Gaas, iminkana ah musharaxa madaxtinimada maamulka Puntland, ayaa deegaanada Maamulka Puntland uu ka arimiyo ku tilmaamay mid Nasiib darro ay ku dhacday .

Isagoo Magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraadka carabta kula hadlaye dad isaga taageersan, ayuu sheegay in maamulka Puntland uu yahay maamul ayaandaro ay haysato oo xilli waliba hogaanka uu uqabto qof aan wanaagsaneyn, isla markaana aan u qalmin hogaaminta Shacabka reer Puntalnd .

“Puntland waa gabar qurux badan oo gaari ah, laakiin ayaandaradeeda marwaliba Aalkoliiste ayaa guursada oo qamriya cab ah”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladii KMG aheyd C/wali Maxamed Cali Gaas.

Wuxuu kula dardaarmay reer Puntland inaysan guursan Aalkoliiste danbe isagoo yiri “ Marka waxaan leeyahay Puntlandneey Aalkoliiste danbe ha guursan, ee ka fiirsada aayaha shacabkiina iyo cida aad dooneysaan”

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxmuud Faroole, ayaa dhankiisa ugu Baaqay odayaasha iyo Waxgaradka reer Puntland inay ka fiirsadaan Cida ay usoo xulayaan ka mid noqoshada gobolaha Baarlamaanka Puntland.

Wuxuu ka dalbaday inay soo doortaan Xildhibaano karti leh isla-markaan ka fakari kara aayaha Deegaanada maamulka Puntland uu ka arimiyo Isbadal wanaagsan shacabka u horseedi kara,

Faroole ayaa sheegay in maamulkiis uu damaanad qaadayo sugidda dhanka amniga ee deegaanada maamukaas inta lagu guda jiro doorasha heerka madaxtinimo ee Puntland .

Sanadka cusub Bisha January ayaa lagu wadaa in deeganada Puntland ay ka dhacdo doorashooyinka Madaxtinimada maamulkaasi oo hada diyaargaroowgooda laga dareemayo deeganada maamulka Puntland.

Halkaan hoose ka dhageyso

Madaxweynaha maamulka puntland

Caasimada online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

Daawo: Wixii la xumeeyaba, Muqdisho bilicdeeda waa sidaan maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho oo labadii sano ee u danbeeyay ku tallaabsatay horumar dhan walbo leh ayaa waxaa laga dareemayaa iney sii fideyso caasimada, oo dhismooyin qurux badan ay kusoo kordhayaan maalinba maalinta ka danbeysa, waxaana sare xooggan oo sal laheyn laga dareemayaa qiimaha dhulka iyo guryaha dhisan oo aan loo dhawaan karin heerka qiimaha lagu kala iibsanayo.

Hadaba waxaa halkan idinkugu soo gudbin doonaa Sawiradii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho, iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee ka jira.

xamar4341390628_657938660893425_1867930114_n1374055_657938757560082_208415679_n1378055_657938690893422_755822830_n1378773_657938674226757_1037988836_n1382375_657938747560083_2023598776_n1393995_657938740893417_1025348760_n1394154_657938730893418_1989254336_nDSC01336DSC01341DSC01342DSC01343DSC01344DSC01350DSC01351DSC01352xamar-m

Video: Madaxda DFS & saraakiishooda oo qaati laga taagan yahay, Muqdisho?

0

Caasimada Online:   Magaalo Madaxda Muqdisho waxaa ka hana qaaday Nidaam rasmi ah oo leh sharci kala qabanaya Shacabka Iyo Madaxdooda taas oo aan weli laga helin in ay u hogaan samaan Madaxda Dowlada Iyo Saraakiisha Ciidan.

Hadaba Maxeey tahay Arintani aan laga helin Madaxda Dowlada iyo Saraakiishooda taa oo ah arin aad looga cabanaya oo dacwad xoogan laga gudbiyay.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Wiil uu dhalay Faroole oo la soo dagay hub badan (Siddee wax u jiraan)

Boosaaso (Caasimada Online) Ilo Xog-Ogaal ah oo la hadlay  Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegaya in maanta dekedda Boosaaso ay ku soo xirteen seddax doon oo sida hub noocyo kala duwan kuwaasoo loo qaaday magaalada Garoowe markii lagu daad gureeyay gawaarida xamuulka.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in hubkan uu ka yimid dalka Yemen, oo isla toddobaadkii hore labo diyaarad oo iyana wada hub ay ka dageen garoonka diyaaradaha AUN Cabdulaahi Yuusuf Axmed.

Labada jeer waxaa hubka la socday soo dakitaankiisa wiil uu dhalay Faroole kaasoo joogay goobta ay maanta ku soo xirteen doomaha hubka siday.

Hubkan dowladda Yemen ayaa soo siisay Faroole oo isku diyaarinaya doorashooyinka madaxweynaha oo dhacaya sannadka na soo aadan.

Intii doomaha laga dajinyay hubka waxaa si kumeel gaar ah loo joojiyay dhammaan howlihii marsada Boosaaso oo ah isha dhaqaalaha Puntland.

Madaxweyne Faroole ayaa billaabay in takoor ku sameeyo kooxaha ka sooo horjeeda

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]  

Shirka Jubbooyinka ee Muqdisho oo dib-u-dhacay (Maxaa is-beddelay?)

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in halkaas uu caawa ka socdo kulamo looga hadlaayo shirka dib u heshiisiinta arrimaha Jubbooyika kaasoo sida qorshaha ahaa in furmo 21-ka bishan oo berri ah.

Shirka ayaa la sheegay in lagu ballamay mar kale in la qabto maadama maamulka Axmed aan uusan u dhammeestirneen.

Magaalada waxaa maanta gaaray wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo xubno kale oo dowladda ah.

Si dhab ah looma oga qorshaha safarka tagay Kismaayo,balse waxaa jirra shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen wasiirka iyo Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe oo hadalka ku hormaray ayaa si kooban u sheegay in ay soo dhaweenayaan wafdiga dowladda ee maanta tagay Kismaayo

“Aad ayaan ugu faraxsanahay booqashada wasiirka , wasiir ku-xigeenka gaashandhigga iyo dad kale ee la socda, waxa ay soo baqdeen dalkooda, baryahan waa ay naga gaabiyeen laakin hadda kaddib waa ay soo laaban doonaa” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ma sheegin wax yaabaha ay kala hadli doonaan wafdiga dowladda iyo in uu ka qaybgalaayo shirka arrimaha Jubbooyinka ee Muqdisho ka dhacaya.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha gudaha ayaa isna saxaafadda u sheegay in ay u faraxsan yihiin qaabka loo soo dhaweeyay.

Wuxuu ku celceliyay in hoggaamiyaha kumeel gaarka ee Jubba ay kulamo la qaadan doonaan, kulamadaas wixii ka soo baxa ay faah-faahin doonaan.

Si kastaba, Axmed Madoobe ayaa horrey u sheegay in aysan ka qaybgali doonin shirka lagu qabanaayo Muqdisho maadama uu kal hore Muqdisho tagay.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay markii wafdiga dowladda uu soo gaaray magaalada Kismaayo.

Caaasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Arag Sawirrada: Garoonka Adan Cadde International oo la qurxinayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa howlo dib u dhis, casriyeen iyo mid balaaran ah ka bilawday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay dhawaan la wareegtay shirkada FAVORI LLC oo ah shirkad laga leeyahay dalka Turkiya, kadib markii in muddo ah maamulka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay gacanta ku heysay shirkad la yiraahdo SKA.

Dib u dhiska haatan ka bilaawday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in uu yahay wejiga 1-aad ee la doonayo in lagu casriyeeyo Garoonka, iyadoona sida horey u sheegtay Shirkada ay Garoonka Aadan Cadde ka dhisi doonto dhismo caalami ah oo la mid ah Dhismayaasha garoomada ugu caalamisan caalamka.

adan 1adan 2adan 3adan 4adan 5adan 6adan 7adan 8adan 9

Maxaa ka jirra in weerarkii WESTGATE MALL in lagu diyaariyay Dhadhabaab?

Nairobi (Caasimada Online) Wargayska The Standard ee ka soo baxa dalka Kenya, ayaa maanta oo Axad ah qoray warar uu sheegay in uu laga helay hey’addaha sirdoonka dalkaas, kuwaasoo ah in raggii fuliyay weerarkii bishii hore lagu qaaday xarunta dukaamada ee Westgate ee Nairobi laga soo qaaday xerada qoxootiga Dhadhaab ee gobalka Waqooyi Berri Kenya.

Wargeyska ayaa leh dhammaan lixda nin ee fuliyay weerarkaas ayaa bishii September waxaa diyaarad nooca Helicopters -ka looga qaaday xerada Dhadhabaab isla markaana loo duuliyay magaalada Nairobi.

Saraakiisha warkan laga soo xigtay, ayaa leh diyaarada ay raaceen raggan waxaa leh sarkaal ka tirsan dowladda Kenya.

Si kastaba, wararkan ilaa hadda lama hayo wax faafin ah oo intaas ka ballaaran, waxaana socda weli baaritaano sida ay lee yihiin laamaha sirdoonka Kenya.

Dhowr cisho ka hor ayey ahayd markii la helay heybta mid ka mid ah raggii fuliyay weerarka Westgate, wuxuuna noqday Soomaali heesta dhalashada dalka Norway, Xuseen Cabdi Dhuxulow.

Dhuxulow oo 23-jir ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa ragga laga arkay kaamirada CCTV ee ku xirneed xarunta, mana cadda ninkan in uu ku dhintay weerarka inta uu socday iyo in nool yahay.

Dad qaar ayaa aaminsan in eedeynta cusub ee Kenya ay tahay mid ay ugu sii gogol xaaraneyso inay dib usoo celiso qaxootiga Soomaalida ee Dhadhaab, taasi oo caalamka hore uu uga diiday.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Video: 23 sano kadib, Maxaa dhibatada dalka Somalia laga dhaxlay? “Daawo”

Caasimada Online:  Magaalada Muqdisho tan iyo 1991 waxii ka dambeeyay waxeey marti galisay burbur, dagaal iyo is qabqabsi aan dhamaan balse waxaa haatan moodaa 23 sano kadib in Shacabka Soomaaliyeed ay fahmeyn qiimaha Dowladnimo iyo sida lagu baadi goobi karo.

Odayaal, Aqoonyahano Soomaaliyeed ayaa ka hadlaya Dhibaatada laga dhaxlay dagaaladii sukeeyay iyo sida uu haatan dalka yahay ee nala daawo Muuqaalkani oo ku dhiira gelinayo hadaad daawato.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Wafti ka socda DF oo Kismaayo tagay

Kismaayo (Caasimada online) Wafdi ka socda Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow waxay gaareen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kadib markii Maanta muqdisho ay ka amba baxeen .

Wafigan Kismaayo gaaray waxaa hogaaminayay wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumada Soomaaliya , C/akiin Xuseen Guuleed,  waxaana ku jiray Wasiir ku xigeeno ka tirsan xukuumada Ra’isul wasaare Saacid.

Wafdigan oo si wanaagsan loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo,  ayaa waxaa loo galbiyay Gudaha Magaalada Kismaayo , si ay kulamo ula qaataan Madaxda maamulka Jubba.

Si rasmi ah looma oga Ujeedka wafdigan ee magaalada Kismaayo , hayeeshee mudooyinkan waxaa soo if baxayay khilaaf soo kala dhexgalay dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Jubba kadib markii la isku af garan waayay shir aayaha Jubbooyinka looga hadlayo oo lagu wado inuu Muqdisho ka dhoco.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa si cad usheegay inuusan marnaba ka qeyb galeyn shirka aayaha Jubbooyinka ee Muqdisho lagu wado in lagu qabto isla-markaana uu ka fogyahay waxyaabihii lagu soo heshiiyay .

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]