Xasan Sheekh iyo Saacid oo is fahmay

Muqdisho (Caasimada online) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa isku fahmay qaabka loo wajahayo isku shaandheynta iyo habka xulista Golaha Wasiirada Somalia.

Xog ay heshay Shabakada Caasimada online ayaa sheegeysa in xafiisyada Madaxweynaha dowlada  iyo Ra’iisul wasaaraha ay iminka ka dhex jirto is afgarad ku aadan Halka Soo xulista iyo Isku Shaandheynta Wasiirada Xukuumada, kadib markii Muddooyinkan uu jiray mugdi soo kala dhexgalay Labada Mas’uul.

Inkastoo ay adagtahay in arintaan xog rasmi ah laga helo , ayaa hadana Caasimada online, waxay ogaatay in Qilaafka labada Mas’uul uu iminka sidii hore kaso dabcay arimo badana  oo markii hore lagu kala fogaana iminka laga heshiiyay.

Ra’isul wasaare Saacid ayaa ka biyo diidanaa in qaar ka mid ah golaha Wasiiradiisa oo uu u rakay inay ka falaagoobeen isaga in lagu soo daro Liiska Xubnaha wasiirada , inkastoo Madaxweynuhu uu arintaa ka biyo diiday,

Waxaa jira kulamo gaar gaar ah oo uu la qaadanayo Ra’isul wasaare Saacid qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Xubno la taliyaashiisa ah , kuwaas oo ku qotoma habka uu u wajahayo wax ka badalka iyo isku shaandheyta Golaha Wasiirada Xukuumadiisa, waxaana jira warar sheegaya inuu Badi Gudbiyaya xubnaha Golaha Wasiirada.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxayta qaabka iyo Tirada golaha wasiirada Cusub waxaana jira warar sheegaya in 20-25 Wasiiro  laga dhigayo wasiirada Xukuumada Somalia hayeeshee arintaas wali si dhab ah looguma dhawaaqin maadaama wali arintu ay tahay mid ugub ah .

Ugu dambeysn Ku dhawaaqista Golaha Xukuumada waxaa la filayaa in dhamaadka bishan ay dhacdo ama bisha November.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com