Dhageyso: Axmed Madobe oo aqbalay ka qeyb galka Shirka Muqdisho

Kismaayo (Caasimada online) Hogaamiyaha  Maamulka Jubba ayaa aqbalay ka qeyb galka Shir dowlada Soomaaliya ay qorshihiisa ay wado isla-markaana looga hadlayo aayaha gobolada Jubbooyinka iyo Gado,  kaas oo qorshuhu uu ihaa in maanta Muqdisho uu ka furmo.

Axamed Maxamed Islaam Axmed Mdoobe, ayaa sheegay in kadib kulan mudo labo maalin  ah u socda wasiirka arimaha gudaha ee Soomaaliya iyo wafdi uu hgaaminayo ay isla af garteen in Muqdisho ay kaga qeyb galaan shirka arimaha gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Axmed Madoobe oo dhowaan si cad u diiday ka qeyb galka shirka Muqdisho , isla-markaana sheegay in uusan qeyb ka aheyn qodobadii lagu soo heshiiyay xilliga Maamulka Jubba iyo dowlada lagu dhex dhexaadinaya magaalada Adis Ababa ayaa haatan si cad u sheegay inay soo dhaweynayaan Baaqa dowlada Somalia.

Wuxuu hore u sheegay in Kaliya Go’aanku uu ahaa inay Muqdisho ay tagaan balse aysan aheyn taasi micnaheeda inay Muqdisho shir Aayaha Jubbooyinka ah inay kaga qeybgalaan , hayeeshee iminka wuxuu sheegaya in arintan ay qeyb ka tahay heshiiskii Magaalada Adis ababa.

Hogaamiyaha Maamulka Jubba wuxuu sheegay kadib markii ay arkeen talo soo jeedinta dowlda Somalia iyo madaxda wadamada daneeya arimaha Somalia inay arin wanaagsna  oo horumar leh ay u arkene ka qeyb galka shirka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in wajjiga Labaad ee Shirkaas in lagu qaban doono magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, taasina ay qeyb ka tahay waxyaabihii ay kusoo heshiiyeen iyaga iyo dowlada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayuu sheegay inuu dhowaan ku wajahan yahay Magalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose , taasi oo qeyb ka ah socdaala uu ku kala bixinayo gobolada dalka inta uu xulka hayo.

Ciidmada dowlada Soomaaliya ee ku sugan duleedka Magalaadaas ayuu sidoo kale Hogaamiye Axmed Madoobe aqbalay in dib loogu soo celiyo Gudaha Magaalada Kismaayo kadib kulankii ay wada qaateen isaga wasiirka arimaha gudaha Somalia

Axmed Madobe ayaa hore u diiday ka qeyb galks shirka aayaha Jubbooyinka ee Muqdisho uu qorshihiisa ka soconayo, kaas oo lagu waday inuu Maanta Muqdisho ka furmo , inkastoo xukuumadu aysan wali shaacin Xilliga rasmiga ah ee loo wareejiyay qabsoomida Shirkaas hayeeshe waxaa muuqata inuu dib u dhac ku yimid.

Halkaan ka dhageyso Codka Axmed Madoobe

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com