Muqdisho (Caasimada online) Kooxo Ku Hubeysan Bistoolado ayaa Dhaawac xoogan waxay u geysteen Wariye Maxamed Maxamuud Tima Cadde oo kamid ah Wariyaasha TV-ga Universal uga  Howlgalayay Xafiiska Magaalada Muqdisho.
Hani Xaaji Maxamed oo ka mid ah Shaqaala TV-ga Universal ee Xafiiska Muqdisho ayaa warbaahinta u sheegtay In Tima-cade dhawaacan loo geystay Xilli uu kasoo amba baxay Hoygiisa isla-markaana uu kusii jeeday Goobtiisa Shaqo.
Kooxo ku hubeysnaa Bistoolado ayay sheegtay in Wariyaha ay damceen ka hor inta aysan Risaasta ku dhifan inay gaarigiisa Shil Galiyaan hayeeshee ay u suura gali weysay kadibna ay siraas ilaa lix xabo ah ay la dhaceen .
Dhacdadan waxay sheegtay Hani Xaaji inay ka dhacday Degmada wadajir ee gobolka Banaadir halkaas oo uu degenaa wariye Tima Cadde , Waxaana iminka lagu Baxnaaninaya Cusbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.
Dhaqaatiirtu waxay sheegayaan in xaaladiisa Caafimaad ay tahay mid aad u liidata , waxaana soconaya Dadaalo lagu doonayo in noloshiisa lagu bad baadiyo.
Ehelada iyo Asxaabta wariyaha ayaa loo diiday inay gudaha qolka Bukaanka ay u gudbaan sabab la xiriirta inuu xanuunkiisu yahay mid daran isla-markaana uu u baahan a tacaalid badan laga dhowrayo hadalka .
Saraakiisha iyo Maamulka Degmada Wadajir wali faah faahin kama aysa Bixin arintan
Halkan ka dhageyso Codka wariye Hani Xaaji
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho