29.9 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

Dhageyso;- Xaaska Wariye Tima-Cadde oo ka sheekeyneysa Dhawaaciisa

Muqdisho (Caasimada online) Qadiijo Cali Cadow, waa Xaaska Wariye Maxamed Maxamuud Tima Cadde, Warbaahinta ayay uga warbixisay Sida ay wax u dheceen Saaka, iyo dhaawaca soo gaaray Seygeeda

“Saaka inagoo isku faraxsan ayuu iga soo tagay Wuxuu ii sheegay inuu aadayo Uganda si uu halkaas Simi nar uga qeyb galo , xitaa waxaa ka muuqatay Farxad saa’id Balse nasiib xumo daqiiqado kadib markii iga soo tagay Dhaawaciisa ayaa la ii soo sheegay inuu laamiga yaalo” ayay Tiri Qadiijo Cali

Raga dilay waxay sheegtay inay wateen gaari , waxaana ay tilmaamtay inay gaarigiisa ku hor jareen gaarigii ay wateen Xabado badana ay ku rideen inkastoo lix ka mid ah ay qeybta sare ee Jirka ay ka haleeshay.

“Markii la isoo wacay ee la ii sheegay dhaawaciisa Laamiga ayaan usoo cararay, intii aan usoo socday waxaa iga hor yimid Gaarigii ay wateen Ragga Dilay Laakin wajiyadooda ma arki karin waayo gaariga Xowli ayay u wadeen Bus xoogan ayayna wada ku reebeen, ayay Hadalkeeda Sii raaciysay.

Waxay sheegtay in dad goob joog ahaa Xillga wariyaha la dhaawacayay inay u sheegee in raga Dhaawacay ay ahaayeen ilaa 3 nin Mid ka mid ah oo Shaati cad watayna uu ku dhiftay Risaasta ugu badan ee  Jirkiisa haleeshay.

“Hada wali xaalkiisa Ma wanaagsan dhaqaatiirtu rajo ayay Muujinayaan inkastoo Xaala liidato uu ku jiro Seygeyga, waxayse dhaqaatiirtu ay ii shegeen inuu wanaagsanaan doono  wax walibana waa qadar RABBI ” Sidaasi yiri Qadiijo Cali Xaaska Wariye Tima-Cadde.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Arrimaha Bulshada degamda Wadajir,Macallin Max’us Saneey Warsame  ayaa sheegay  in howl gallo ay wadaan ciidamada Ammaanka degmada kuwaasi oo lagu baadi goobayo Kooxihii ka dambeeyay  dhaawaca Wariye Tima-Cadde.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga Qadiijo Cali Cadow

Qadiijo Cali Cadow

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

WAR HADDA SOO DHACAY: Wafdi uu ku jirro Gen Gabra oo tagay Kismaay

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbadda Hoose, ayaa sheegaya in halkaas ay gaareen wafdi ka socda Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.

Wafdiga gaaray Kismaayo ayaa waxaa ku jirra xubno ka socda waddamada Kenya iyo Ethiopia, gaar ahaan Gen: Gebra oo ahaa sarkaalkii hoggaaminaayay ciidamada Ethiopia ee tagay Soomaaliya sannadkii 2006-da. waxaana hadda ay kulamo la lee yihiin mas’uuliyiinta maamulka kumeel gaarka ee Jubba.

Ma cadda wax yaabaha ay u tageen wafdigan Kismaayo, sidoo kale ma jirto wax war ah oo la sii yay warbaahinta, waxaana la adkeeyay ammaanka magaalada iyadoo la jaray Isgaarsiinta.

Imaashiyaha wafdigan ayaa ku soo aadaya iyadoo shaley magaalada Kismaayo ay tageen wafdi ka socda dowladda oo uu hoggaaminaayay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Wixii ku soo kordha kala soco Shabakadda Caasimada Online.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

GABDHO SOOMAALI ah oo ka bar bar dagaalamaya mucaaradka dalka Syria

Oslo (Caasimada Online) Booliska caalamiga ah ee Interpol ayaa raadinaya labo gabdhood oo walaalo ah, haystana dhalashada dalka Norway, balse asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, kuwaas oo u safray dalka Syria si ay uga garab dagaallamaan kooxaha Mucaaradka ah ee Dalka Syria

Da’da labadan Gabdhood ayaa lagu sheegay inay u dhexeyso 16- sano jira ilaa 19-Sano jir sida uu shaaciyay Booliska Oslo , Waxaala la sheegay in la waayay Maalintii Jimcaha kadibna laga war helay inay ku sugan yihiin meel u dhow Soohdinta Syria.

 Qoyska labadan gabdhood oo booliska ay wax ka weydiiyeen halka ay gabdhohoodu aadeen ayaa sheegay inay ka wlaacsan yihiin In ay jiraan Syria Sida saraakiil ooliska Oslo ka tirsan ay shaaciyeen .

Booliska Norway oo kaashanaya Booliska Caalamiga ah ee Interpol ayaa raadin kula dhaqaalay Labadan Gabdhood , oo la sheegay in Fariin  Email- ah ay u qoreen Qoyskooda oo ku nool dalka Norwey , waxaana sharadaax ay ka bixiyeen Bixitaankooda.

“Muslimiinta waxaa lagu soo qaaday dagaal jihooyin badan, waana in arrintaas wax laga qabtaa. Waxaan rabnaa inaan caawinno Muslimiinta, habka kaliya ee aan ku caawin karnana waa inaan la qeybsannaa xannuunkooda iyo farxaddooda,” ayay ku qoreen qeyb ka mid ah farriinta iimaylka, sida laga soo xigtay jariiradda yar ee afka Norwiegan-ka wax ku qorta ee Verdens Gang.

“Wax ma tarayso in kaliya guryaha la iska joogo oo lacag la diro. Sidaas awgeed, waxaan go’aansannay inaan aadno Syria si aan u caawinno Muslimiinta intii awooddeenna ah.

Lama shaacin magacyada labadan gabdhood ee walaalaha ah , hayeeshe waxaa la sheegay in iyaga iyo qoyskooda ay dalka Norwey ku noolaayeen Tan iyo Sanadkii 2000 kadib markii Magan galyo ay ka heleen

Wararku waxay Sheegayaan in qoyska Gabdhan aysan aheyn reer mayal adag Hayeeshee waxaa la tilmaamay in lagada Gabdhood mida weyn Mudooyinka laga dheehan karay is badal iyo ad adeeg weyn , iyadoona bilowday qaadashada Xijaab weyn iyo Indho shareer sida la sheegay

30 ilaa 40 qof ayaa ka tagay Norway si ay uga qeyb-qaataan dagaalka Syria, sida lagu shaaciyay qiyaas ay sameysay hay’adda sirdoonka Norway.

Caasimada Online

Xafiiska Oslo

[email protected]

Danjire Key oo Faroole u sheegay in ay xal ugu jirto in uu la heshiiyo DFS

Garoowe (Caasimada Online) Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, oo tagay magaalada Garoowe eexarunta Puntland ayaa sheegay in madaxweyne Faroole laga doonayo siddii uu xiriir fiican ula sameesan lahaa dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Danjire Key ayaa ku celceliyay inuu rajeynayo in maamulka Puntland ay soo celiso xiriirka kala dhexeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, si loo xaqiijiyo horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Wuxuu ku amaanay maamulka Puntland in kaalin muhiim ah ay ku leedahay nidaam federaal ah oo ka hirgala Soomaaliya iyo nabad ku soo dabbaalidda dalka.

Dhinaca kale, Key ayaa soo jeediyay in doorashada lagu wado inay horraanta sanadka soo socda ka dhacdo deegaannada maamulka Puntland ay noqoto mid xor ah oo xalaal ah.

Wuxuu shegay danjire Kay inay muhiim tahay in la hubiyo in baarlamaanka soo socda ee maamulka Puntland laga qeyb galiyo dumarka iyo in la dhowro xuquuqda suxufiyiinta.

Si kastaba, dajire Nicholas Kay ayaa shaley soo gabagabeeyay booqasho labo maalmood qaadatay oo uu ku joogay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, waxuu la kulmay madaxweyne Faroole, xubno ka tirsan wasiirrada iyo baarlamaanka maamulka, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada, isagoo kala hadlay sidii loo xaqiijin lahaa in ay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo dhacda waqtigeeda.

Puntland ayaa isku diyaarineysa doorashadii afaraad tan iyo markii la unkay sanadkii 1998-dii.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]  

 

Jubba: Heshiiska aan DF la galnay waa in ciidanka Barre ay isku soo dhiibaan boqol boqol hubkana laga dhigo

Kismaayo (Caasimada Online Maamulka KMG ah ee  Jubba ee Magaalada Kismaayo oo ka hadlay qaabka Ciidamada dowlada Somalia iyo Kuwa Barre Aadan Shure Hiiraale, ay magaalada Kismaayo kugaarayaan ayaa sheegay inay tahay qaab isku dhiibtaan ah sida uu sheegay.

Cabdi Qani Cabdi Jaamac, wuxuu ka mid yahay la taliyeyaasha hogaamiyaha Maamulka Jubba Wareysi uu siiyay BBC -da ayuu ku sheegay in Ciidamada Barre Hiiraale iyo Kuwa dowlada laga doonayo in marka ay Kismaayo ay gaarayaan Ciidamada in Maamulka Jubba iy isku Dhiibaan si Hubkadhigis loogu sameeyay.

Arintan ayuu sheegay inay qeyb ka tahay waxyaabihii ay ku wada heshiiyeen Dowlada Federaalka Somalia iyo Maamulka Jubba, Kadib kulankoodi Mudada labada maalin ah uga soconayay Magaalada Kismaayo.

Isagoo Faah Faahinaya qaabka Kismaayo ay ugaarayaan ayuu sheegay in Boqol Boqol, ama Koox Koox, ay u gaarayaan Magaalada Kismaayo , isla markaana markii ay Magaalada Kismaayo tagaana Hubka dhigis lagu sameynayo laguna Xareynayo Xiryaha Ciidamada  .

Cabdi Qani Cabdi Jaamac, wuxuu sheegay in maamulka Jubba ay aqbaleen arintaasi, ciidamada marka lakala saaro kadibna qaar la howlgelinayo, halka qaar kalena uu sheegay in lagu haynayo xerada ilaa dhaqancelin lagu sameeyo.

Gudi isku dhaf ah oo ka kala socda dowlada Somalia , Maamulka Jubba iyo Ciidamada AMISOM, ayuu shegay inay ka shaqeyn doonaan Soo xareynta Ciidamada dowlada ee la sugayo inay Kismaayo tagaan .

Wuxuu sheegay in aan la isku soo hadal qaadin isla-markaana uusan ka war heyn wararka sheegaya in Barre Hiiraale uu isi soo dhiibayo kadibna lagu soo wareejinayo dowlada Federalka Somalia

Dhanka kale Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Dheere, oo isna Dhankiisa BBD-da la hadlay wuxuu sheegay in ciidanka soo xareyntooda ay ka shaqeyn doonaan guddiyo kala duwan , Balse wuxuu Meesha ka saray arinta hub ka dhigista iyo isa soo dhiibitaanka in heshiiska uu ku jiray.

Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxaa Heshiis ku kala saxiixday dowlada Somalia iyo maamulka Jubba oo mudooyinka isku qilaaf sanaa shirka aayaha Gobolada jubboouyinka iyo Gedo ee Muqdisho iyo dib u  celinta ciidamada dowlada ee Magaalada Kismaayo.

Si kastaba, Axmed Madoobe ayaa oggolaaday in uu ka qaybgallo shirka 2-da bisha November ka dhacaya Muqdisho, kaasoo looga hadlaayo arrimaha Jubbooyinka.

Sidoo kale waxaa la isku raacay in shirka wajiga labaad uu ka dhaco magaalada Kismaayo isla halkaasna uu tago madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

VIDEO: Tallaabooyinka ay ku farxeen Shacabka ee Muqdisho ka socda.

Caasimada Online: Maamulka Gobolka Banaadir oo horay u qaaday Talaabo wanaagsan oo ku dayasho mudan taas oo wax badan looga qabanaya 16 degmo ee Gobolka Banaadir uu ka kooban yahay waxaana arinkani ku farxay Shacabka Magaalada Muqdisho.

Arinkani uu Maamulka Gobolka uu ku dhaqaaqay ayaa waxaa soo dhaweeyay Shacabka ku nool gobolka Banaadir waxeeyna arinkani ku tilmaameyn arin aan horay looga baran Dowladihii hore.

HALKAAN KA DAAWO:

Xaalka Wariye Tima-Cadde oo halis ah

Kampala (Caasimada Online) Wariye ka tirsan Shabakadda Caasimada Online oo goordhow tagay Isbitaalka Madiina oo la dhigay wariye Maxamed Maxamuud Tima-Cadde oo saakay kooxo hubeysan ay dhaawaceen ayaa soo sheegaya in xaaladda wariyaha ay tahay mid halis ah.

Tima-Cadde ayaa la sheegay in lagaliyay qolka xaaladda degdega ah halkaasoo lala tacaalayo dhaawaca soo gaaray.

Wariyaha ayaa la sheegay in ay ku dhaceen lix xabadood waxaana ay uga dhaceen jirka qaybta kore sida ay lee yihiin dhakhaatiirta la tacaalaysa wariyaha.

Wariyaha ayaa la sheegay in xaalad miir-dabool ah uu ku jirro, waxaana laga deyrinayaa xaaladiisa caafimaad maadaha meello khatar ah ay xabadaha uga dhaceen.

Si kastaba, waxaa Isbitaalka ku sugan wariyaal badan oo qaar kood ay ka socdaan TV-ga Universal.

Si dhab ah looma oga ujeedka loo dhaawacay weriye Maxamed Maxamuud Tima-cadde, oo ka tirsan howl wadeennada Talafishanka Universal xaruntiisa muqdisho.

Wariyaha ayaa dhowr jeer la sheegay in uu la kulmay hanjabaad waxaana uu ka badbaaday isku day dil sida uu lee yahay wariyaha Shabakadda Caasimada Online.

Soomaaliya waxa ay kamid tahay meelaha ugu khatarta badan ay ka howlgalaan saxaafadda waxaana sannadkii hore lagu dilay 18-wariye.

1 2 3 4

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kampala

[email protected]  

DFS iyo hey’adda Saxaafadda oo cambaareeyay dhaawaca Tima-Cade

Muqdisho (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay dhaawaca wariye Maxamed Maxamuud Tima-Cadde oo saakay lagu dhaawacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo tagay Isbitaalka Madiina oo la geeyay dhaawaca Tima-Cadde ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin dhaawaca soo gaaray wariyaha.

Wuxuu sheegay in weerarkaas uu muujinaayo sidda ay u doonayaan kooxaha nabad diiddka in la baahiyo nabadda iyo horrumarka ka jirra caaasimada.

Sidoo kale, xoghayaha ururka Nusuj garabka Pakistan ayaa cambaareeyay iyana weerarkaas, waxaana dowladda ay ka codsadeen in ay ilaaliyaan bad-qabka wariyaasha ka howlgalada Muqdisho.

Dhinaca kale, waxaa laga soo saaray qolka qaliinka wariye Tima-Cadde kaasoo hadda la jiifiyay mid ka mid ah qolalka Isbitaalka Madiina.

Wariyaha ayaa la sheegay in ay ku dhaceen lix xabadood, waxaana ugu daran mid uga dhacday caloosha.

Ma jirto illaa hadda koox shegtay dhaawaca wariyaha, waxaana socda baaritaan sida ay lee yihiin saraakiisha dowladda.

Halkan hoose ka dhageyso Codka Afhayeenka

 Ridwaan

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maamulka Isbitaalka Madiina oo ka hadlay xaaladda Wariye Tima-Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) Maamulka Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay xaaladda weriye Maxamed Maxamuud Tima-cadde, oo ka tirsan howl wadeennada TV-ga Universal xaruntiisa muqdisho.

Duniyo Maxamed oo ka mid ah saraakiisha Isbitaalka Madiina ayaa ku sifeesay xaaladda wariyaha mid garaab ah sida ay hadalka u dhigtay, maadama ilaa lix xabadood ay ku dhaceen.

“Sida aad soo aragteen wariye Tima-Cadde xaaladiisa aad ayey garaab u tahay, waayo ilaa lix xabadood ayaa ku dhacday, qaar kood xangulaha ayey uga dhaceen, dhakhaatiirta ayaa la tacaaleysa xaaladiisa waxaana la dhigay qolka naaxinta” ayey tiri Duniyo Maxamed Madaxa caafimaadka Isbitaal Madiina.

Wariyaha ayaa saakay lagu dhaawacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho kaddib markii kooxo hubeysan oo watay baabuur ay ku horgooyeen baabuurkii uu watay wariyaha sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay meelaha lagu dhibaateeyo wariyaasha ka howlgala caalamka, waa wariyihii labaad ee lagu dhaawaco Soomaaliya tan iyo sannadkan iyadoo lix kalena la dilay.

Sannadkii hore ayaa lagu dilay Soomaaliya 18-suxufi, waxaana ay ka dhigeysaa sidaas meelaha ugu khatarta ugu badan oo ay ku howlgalaan saxaafadda adduunka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Weriyihii Univesal TV ee Muqdisho la dhaawacay

Muqdisho (Caasimada online) Kooxo Ku Hubeysan Bistoolado ayaa Dhaawac xoogan waxay u geysteen Wariye Maxamed Maxamuud Tima Cadde oo kamid ah Wariyaasha TV-ga Universal uga  Howlgalayay Xafiiska Magaalada Muqdisho.

Hani Xaaji Maxamed oo ka mid ah Shaqaala TV-ga Universal ee Xafiiska Muqdisho ayaa warbaahinta u sheegtay In Tima-cade dhawaacan loo geystay Xilli uu kasoo amba baxay Hoygiisa isla-markaana uu kusii jeeday Goobtiisa Shaqo.

Kooxo ku hubeysnaa Bistoolado ayay sheegtay in Wariyaha ay damceen ka hor inta aysan Risaasta ku dhifan inay gaarigiisa Shil Galiyaan hayeeshee ay u suura gali weysay kadibna ay siraas ilaa lix xabo ah ay la dhaceen .

Dhacdadan waxay sheegtay Hani Xaaji inay ka dhacday Degmada wadajir ee gobolka Banaadir halkaas oo uu degenaa wariye Tima Cadde , Waxaana iminka lagu Baxnaaninaya Cusbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Dhaqaatiirtu waxay sheegayaan in xaaladiisa Caafimaad ay tahay mid aad u liidata , waxaana soconaya Dadaalo lagu doonayo in noloshiisa lagu bad baadiyo.

Ehelada iyo Asxaabta wariyaha ayaa loo diiday inay gudaha qolka Bukaanka ay u gudbaan sabab la xiriirta inuu xanuunkiisu yahay mid daran isla-markaana uu u baahan a tacaalid badan laga dhowrayo hadalka .

Saraakiisha iyo Maamulka Degmada Wadajir wali faah faahin kama aysa Bixin arintan

Halkan ka dhageyso Codka wariye Hani Xaaji

Waraysi Hani Xaaji Maxamed

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Axmed Madobe oo aqbalay ka qeyb galka Shirka Muqdisho

Kismaayo (Caasimada online) Hogaamiyaha  Maamulka Jubba ayaa aqbalay ka qeyb galka Shir dowlada Soomaaliya ay qorshihiisa ay wado isla-markaana looga hadlayo aayaha gobolada Jubbooyinka iyo Gado,  kaas oo qorshuhu uu ihaa in maanta Muqdisho uu ka furmo.

Axamed Maxamed Islaam Axmed Mdoobe, ayaa sheegay in kadib kulan mudo labo maalin  ah u socda wasiirka arimaha gudaha ee Soomaaliya iyo wafdi uu hgaaminayo ay isla af garteen in Muqdisho ay kaga qeyb galaan shirka arimaha gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Axmed Madoobe oo dhowaan si cad u diiday ka qeyb galka shirka Muqdisho , isla-markaana sheegay in uusan qeyb ka aheyn qodobadii lagu soo heshiiyay xilliga Maamulka Jubba iyo dowlada lagu dhex dhexaadinaya magaalada Adis Ababa ayaa haatan si cad u sheegay inay soo dhaweynayaan Baaqa dowlada Somalia.

Wuxuu hore u sheegay in Kaliya Go’aanku uu ahaa inay Muqdisho ay tagaan balse aysan aheyn taasi micnaheeda inay Muqdisho shir Aayaha Jubbooyinka ah inay kaga qeybgalaan , hayeeshee iminka wuxuu sheegaya in arintan ay qeyb ka tahay heshiiskii Magaalada Adis ababa.

Hogaamiyaha Maamulka Jubba wuxuu sheegay kadib markii ay arkeen talo soo jeedinta dowlda Somalia iyo madaxda wadamada daneeya arimaha Somalia inay arin wanaagsna  oo horumar leh ay u arkene ka qeyb galka shirka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in wajjiga Labaad ee Shirkaas in lagu qaban doono magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, taasina ay qeyb ka tahay waxyaabihii ay kusoo heshiiyeen iyaga iyo dowlada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayuu sheegay inuu dhowaan ku wajahan yahay Magalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose , taasi oo qeyb ka ah socdaala uu ku kala bixinayo gobolada dalka inta uu xulka hayo.

Ciidmada dowlada Soomaaliya ee ku sugan duleedka Magalaadaas ayuu sidoo kale Hogaamiye Axmed Madoobe aqbalay in dib loogu soo celiyo Gudaha Magaalada Kismaayo kadib kulankii ay wada qaateen isaga wasiirka arimaha gudaha Somalia

Axmed Madobe ayaa hore u diiday ka qeyb galks shirka aayaha Jubbooyinka ee Muqdisho uu qorshihiisa ka soconayo, kaas oo lagu waday inuu Maanta Muqdisho ka furmo , inkastoo xukuumadu aysan wali shaacin Xilliga rasmiga ah ee loo wareejiyay qabsoomida Shirkaas hayeeshe waxaa muuqata inuu dib u dhac ku yimid.

Halkaan ka dhageyso Codka Axmed Madoobe

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]