29.9 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

VIDEO: Muqdisho hadii aad shalay ku ogey burbur Maanta waa Sidaan…?

Caasimada Online:  Wadooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu arkayaa gawaari nuucyadii ugu dambeeyay ee caalamka laga isticmaalo kuwaa oo aad ugu soo madanaya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Shacabka Muqdisho ayaa ku damaashaadaya Wadooyinka waaweyn ee halboowlaha u ah isu socodka Gawaarida iyo Dadweynaha taa oo amcnaheedu yahay in amaanka Magaalada ay soo hagaageeyso.

Amaanka Mqudisho waxuu ka soo hagaagayaa siduu uu ahaan jiray ayadoo xoogaa cabsi dhanka in gawaarida laga iska dhaco ay taa meesha ka baxday oo haatan uu jiro ilaada wadooyinka iyo ciidamo boolis ah oo daadsan wadooyinka Muqdisho ee nala daawo Damaashaadka Shacabka Muqdisho iyo Wadooyinka waaweyn ee Magaalada.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Maxaad ogeyn oo ka socda Baydhaba?

Baydhabo (Caasimada Online) Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, waxaa ku qulqulaya ergooyin ka qaybgalaya shirka maamul u sameenta gobalada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Malaakh Cali Shiino oo ah afhayeenka odayaasha dhaqanka Digil iyo Mirifle, oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in meel gabgabo ah uu soo gaaray dhismaha maamulka lixda gobal loo sameenaayo.

“Magaalada waxaa soo gaaray xubno badan oo ah dadkii lagu casuumay shirka looga hadlaayo maamul gobaleedka Koonfur Galbeed” ayuu yiri Malaakh Cali Shiino.

Maalakha ayaa sidoo kale tilmaamay in maalinta berri ah ay Baydhabo soo gaari doonaan wafdigii ugu badnaa kuwaasoo gogol xaar u ah shirka maamul u sameenta gobalada Koonfur Galbeed.

Inta badan ergooyinka ka qaybgalaya maamulka lixda gobal waxa ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, halkaasna ayaana ay ka ambixi doonaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

[email protected]

Odayaasha Beesha Hawiye oo weerar afka ah ku qaaday Axmed Madoobe

Kismaayo (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho, waxaa maanta shir saxaafadeed ku qabtay odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye, iyagoona ka hadlau arrimaha Jubbooyinka.

Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka, Maxamed Xasan Xaad, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan shirkii labo maalin ka hor ay ku yeesheen magaalada Kismaayo dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe.

Xaad ayaa sheegay in wax kasta oo nabad lagu raadinaayo ay soo dhaweenayaan maadama dadka reer Kismaayo ay ka daaleen dagaallo.

Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka, ayaa dhinaca kale caddeeyay in dadka reer Kismaayo ay dhibaatooyin kala kulmaan ciidamada Axmed Madoobe, qaar kooxd waa la iibsadaa gacansatadana lacago baad ayaa laga qaadaa ayuu yiri.

Ugu dambeen guddoomiyaha Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye, Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in wax kasta oo dhibaato ah oo loo geesto dadka reer Kismaayo in ay mas’uul ka yihiin maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

 Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected] 

Puntland & Khaatumo oo is haya kadib amar kasoo baxay maaamulka Faroole

Taleex (Caasimada online) Maamulka Puntland ayaa wuxuu amar kasoo saaray shirar uu sheegay in lagu qabto degmada Taleex, ee Maamulka Puntland , kuwaasi oo uu sheegay in Maamulku uusan ka warheyn.

Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Puntland C/samad Cali Shire oo booqasho ku jooga Degmada Taleex ee gobolka Sool,  ayaa wuxuu sheegay inay ka war hayaan in shir uusan maamulku ka warheyn lagu qabtay degmada balse aysann mar dambe dhici doonin .

Shaqsiyaadka lagu arka iyagoo degmada ku qabanaya shir uusan maamulka Puntland uusan ogeen ayuu sheegay inay muteysan doonaan ciqaab iyo in tilaabo sharci ah laga qaado sida uu shaaciyay.

Wuxuu sheegay in loo baahan marka shir lagu qabanayo degmada iyo guud ahaan deegaanada Maamulka Puntland warqad ruqsa ah ama amar in laga heysto Maamulka isla-markaana maamulku uu ka war hayaa waxa y ka hadlayaan.

“Intarnetyada ayaa lagu faafiyay , waan ka waeheyna waxa Degmada Taleex ka dhacay, laakiin waxaan ka digayna Cid kasta oo dooneysa iminka imay Shir Maamulka aan lagu war galin inay degmada ku qabato waana digniin kama dambeys ah” Ayuu yiri C/samad Cali.

Bisha Janaayo ee sanadka Cusub ee 2014, Waxaa lagu wadaa in deegaanada Maamulka Puntland ay ka dhacdo Doorasha Madaxtimada ee Maamulkaas.

Caasimada online

Xasfiiska Taleex

[email protected]

Maamulka Jubba oo DFS uga adkaaday awoodda shirka Muqdish, qaabee?

Kismaayo (Caasimada Online) Sida intiina badan aad la socotaan, waxaa maalintii Isniinta toddobaadkan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbadda Hoose, heshiis ku gaaray dowladda iyo maamulka Axmed Madoobe, waxaana heshiiskaas ku jiray in magaalada Muqdisho lagu qabto wajiga koobaad ee shirka arrimaha Jubbooyinka.

Maxaa kaloo ka mid ah heshiiska.?

Sida ay lee yihiin maamulka kumeel gaarka ee Jubba, waxaa lagu heshiiyay in 2-da bisha soo socota ee November Muqdisho uu ka dhaco shir looga hadlaayo arrimaha Jubbooyinka.

1-Shirka maalinta koobaad waa furitaan iyo isbarasho.

2- Maalinta xigta shirka waxaa looga hadlayaa siddii loo heshiisiin lahaa qabaa’ilka ka soo jeeda Jubbooyinka, mana looga hadli doono wax siyaasad ah.

3-Iyo maalinta seddaxaad waxaa looga dooddi doonaa wax yaabaha laga hadlay labadii cisho ee la sood haafay.

Siddee loo xullayaa ergada ka qaybgaleysa shirka Muqdisho?

Sida qorshaha uu yahay waxaa shirka Muqdisho ka qaybgalaya ilaa 150-xubnood waxaa 100 ka mid ah soo xulaya maamulka Kismaayo.

Boqolkaas diyaarad ayaa looga soo qaadayaa Kismaayo iyadoo la geenayo Muqdisho.

Waxaa kaloo jirra 50 xubnood oo ay keeneyso dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Yaa awooda shirka leh ama garwadeen ka noqonaya.?

Ilaa hadda wax faah-faahin lagama hayo goobta uu ka dhici doono, balse waxaa jirra guddi 10 xubnood ka kooban oo loo magacaabay shirkaas, kuwaasoo qaban qaabin doona sida uu u dhacaayo shirkaas.

Maamulka Axmed Madoobe, wuxuu doonayaa in shirka intiisa badan uu ka dhaco Kismaayo, maadama halkaas ay tahay meesha loo loobanaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected] 

Axmed Madoobe iyo Waftigii Kismaayo tagay maxay ka hadleen? (Dhageyso)

Kismaayo (Caasimada Online)  Maamulka Jubba ayaa Faaaf faahin ka bixyay Wefdi ka kala socday Midowga Yurub, Qaramada Midoobe, Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka Igad, oo booqasho ku tagey Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’Urso oo Shir Jaraa’id Magaalada Kismaayo ku qabtay  ayaa Faah faahiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Axmed Madoobe, ayaa sheegay in ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin bili’aadanimada, ammaanka iyo arrimaha Maamulka Jubba, oo shirarka Muqdisho & Kismaayo ay qeyb ka yihiin.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya  Michele Cervone d’Urso, ayaa wuxuu soo dhaweeyay Soo dhaweynta Maamulka Jubba iyo waliba Cilaaqaadka labada dhinac , iyo sidoo kale sida Maamulkaas ay ka go’antahay Horumarinta deegaanadsa Gobolada Jubbooyinka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Shirkoodu uu quseeyay Heshiiskii Laba Maalin ka hor Magaalada Kismaayo ay ku kala Sixiixden dowlada Somalia iyo Maamulkaas, inkastoo Warkaas aan la xaqiijin.

Halkaan Hoose ka dhageyso codka Axmed Madoobe

Axmed Madoobe

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

Dhageyso: Axmed Madoobe & Fartaag oo ay ka dhex tafan tahay, sabab?

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlada iyo maamulka Juba ayaa waxay hishiis ku gaareen magaalada Kismaayo kaasi oo  qodobada ugu muhiimsan ay ahaayeen ka qeybgalka Shirka Muqdisho iyo dib usoo celinta ciidanka fadhiya deegaanka Goobweyn ee uu Col, Barre Hiiraale wato.

Waxaase durba soo baxay in madaxda maamulka Juba ee kala ah Axmed Madoobe iyo Gen, Fartaag ku kala aragti duwan yihiin arrinta ciidanka la soo xareynayo ee uu hogaaminayo Col, Barre Hiiraale kadib markii madaxda dowlada ay ku noqdeen Muqdisho.

Abdiqani Abdi Jama oo ah lataliyaha hogaamiyaha maamulka Juba Axmed Madoobe ayaa isaga oo jooga magaalada Nairobi wareysi waxa uu siiyey warbaahinta BBCSOMALI waxaana uu sheegay in ciidanka Barre Hiirale isa soo dhiibaan, iyaga oo waliba ah boqol boqol kadibna la baari doono.

“Ciidamadan waxay ahaayeen dhallinyaro reer Jubaland ah oo dagaaladii bishii Juun ka qeybgalay. Waxaana ay ku sugnaayeen deegaanka Goobweyn. Iyagoona halkaasi joogay sadexdii bilood ee la soo dhaafay. Waxaana intaasi oo dhan socday doodo badan oo ah dhinaca dowlada, UN iyo AMISOM-ba. Haddana qaladaadkii dhacay la isaga garaabay oo la iska arkay.Marka waxa la doonayaa in dib loo soo celiyo” ayuu yiri Abdiqani Abdi Jama.

Hadalkiisa isaga oo sii wata ayuu sharaxaad ka bixiyey qaabka ay ciidankaasi Kismaayo ugu soo noqon karaan oo ku ku tilmaamay nidaam isa soo dhiibis ah .

“Qaabka ay ku imanayaan waxay noqoneysaa inay isa soo dhiibaan oo waliba isku soo dhibaan boqol boqol, kadib marka ay isa soo dhiibaana hub ka dhigis lagu sameeyo,kadibna meel lagu xereeyo,iyaddoo gudi wada -jir ah oo 11 qof ka kooban howshan ay qaban doonaan kuwaasi oo isugu jira AMISOM, UN,Maamulka JUBBA iyo Dowlada Federaalka ah markaasina xeryo lagu xareen doono oo la kala sooco doono oo dib u howlgelin lagu sameyn doono, Haddii alle idmo” ayuu yiri Abdiqani Abdi Jama oo ah lataliyaha Axmed Madoobe.

Waxaa uu sidoo kale toos uga hadlay arrinta Col, Barre Hiiraale in hishiiskii dowlada iyo Juba lagu soo hadalqaaday iyo waxa la isku afgartay. Waxaana uu yiri .

“Waxaan isku soo hadal qaadnay oo aan kawadahadalnay arrinta Barre Hiiraale kaasoo qaabka ay dowlada Soomaaliya ay u dooneysay uu yahay inuu isa soo dhiibo, marka la soo qaadana laga dhoofiyo garoonka Kismaayo  oo Muqdisho la geeyo sidaasi ayey dowlada soo jeedisay, Maamulkeenana uu yahay bal arrintaasi waanu ka fiirsan doonaa kadibna ay yiraahdeen haddii sidaasi la yeelayo waa wax suuragal ah” ayuu hadalkiisa ku soo xiray Abdiqani Abdi Jama oo ah Lataliyaha hogaamiyaha maamulka Juba Axmed Madoobe oo wareysi Nairobi ku siiyey idaacada BBCSOMALI iyo Wariye Abdirisaq Xaaji Catoosh.

Laakiin xafiiska Hogaamiye kuxiigeenka Maamulka Juba Gen, Abdilaahi Shiikh Ismaciil ” Fartaag ” ayaa arrintaasi jawaab kulul ka bixiyey, iyagoona gebi ahaanba shakigeliyey darajada inuu Abdiqani uga hadlay BBC iyo inuusan aheyn nin ay yaqaanan.

Sharmaarke Abdilaahi oo ah afhayeenka Gen, Fartaag oo wareysi siiyey warbaahinta K24 ayaa waxaa uu sheegay in ciidanka jooga Goobweyn iyo Col, Barre Hiiraale midna uusan isa soo dhiibi doonin oo ay si sharci ah ku imaan doonaan magaalada Kismaayo, waliba soo dhaweyn ballaaran loo sameyn doono.

“Dowlada, Maamulka Juba iyo wafdiyada kale ee shalay  yimid  waxay dhamaantood isla qabaan in la soo xareeyo ciidankaasi Goobweyn fadhiya oo ay ka mid noqdaan ciidamada kale ee magaalada jooga, Waliba loo sameyn doono soo dhaweyn ballaaran. Waxaana lagu soo xareyn doonaa si wadar ah (Si wada jir ah oo aan kala qeybin laheyn) Waxaana ay kusoo biiri doonaan ciidamadii walaalahooda ahaa oo ay shalay isku dhaceen. Rajada aan qabnaha ay tahay inuusan wax khilaaf ah uusan dib danbe u dhici doonin”

Waxaase Warbaahinta K24 ay wax ka weydiisay arrinta uu sheegay Abdiqani Abdi Jama afhayeenka Gen, Fartaag  ee ah inay Barre Hiiraale iyo ciidankiisa isa soo dhiibaan oo waliba boqol boqol ku imaanayaan ayuu ku sheegay warkaasi wax aan lagu wada hadlin. Waxaase uu intaasi raaciyey.

“Walaahi ninyahow BBC-da waan ka dhageystay saaka nin ka hadlay arrintaas,mana garanayo aniga darajada uu ku hadlayey, waxa uu ka hadlay ee ah in ciidanka boqol  boqol isku soo dhiibayaan waa arrin uu isaga jeebkiisa kala soo baxay. Wax ay dowlada iyo maamulka Juba ku wada hadleyna ma ahan. Waxaana filayaa inuu joogo Nairobi oo ma ahan nin hadda Kismaayo nala jooga iyo goobta shirku ka socday.” Ayuu yiri Sharmarke Abdilaahi afhayeenka Gen, Fartaag. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yiri .

“Waxaan u maleynaya inuusan hadalkaasi ka fiirsan (Abdiqani Abdi Jama) Waana laga fiican yahay inuu qofka bini’aadamka ah uu wax iska qiyaasto. Sida aan horeyna kuugu sheegay arrintaasi waxay u baahan tahay in gudi loo saaro. Ninkaasina waxa uu ka hadlayo waa wax iska farsamo ah, hadde farsamadiina wali lama gaarin oo waxaan dhihi karaa hadalka kasoo yeeray waa wax jeebkiisa uu kala yimid (Wax isag un u gaar ah ).” Ayuu yiri Sharmarke Abdilaahi.

Sidoo kale mar uu ka hadlayey xilka uu Abdiqani Abdi Jama wareysiga ku siiyey idaacada BBC ayuu sheegay inuusan garaneyn. Inkastoo BBC  ay xilka Abdiqani kusoo koobtay oo kaliya inuu mas’uuliyiinta maamulka Juba ka mid yahay.

“Darajada uu hada ku hadlay ma aqaan, sababtoo ah maamulka Juba laba xil oo kaliya ayaa u magacaaban kuwaasi oo kala ah Madaxweyne iyo Madaxweyne kuxigeen wax aan iyaga aheyna ma jiraan ilaa hadda. Kolleeyna wax sal iyo raad ay arrintan ku leeyahay ma jiro. Waana arrin aan laga fiirsanin” ayuu yiri Afhayeenka Gen, Fartaag oo u jawaabayey lataliyaha Axmed Madoobe oo isagana war ka duwan kiisa BBC siiyey shalay

Haddala ay warbaahinta isku marinayaan labada xubneed ee ka kala tirsan xafiisyada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka maamulka Juba ayaa muujineysa sida aysan isku aragti uga heyn qaabka loo wajahayo Barre Hiiraale iyo ciidankiisa oo yimaada Kismaayo.

Dhanka dowlada Soomaaliya oo arrinta ciidankaasi wax laga weydiiyey ayaa sheegtay in ciidanka banaanka magaalada jooga iyo kuwa gudaha Kismaayo joogaba ay rabaan in la isku daro oo ay wada noqdaan ciidanka qaranka Soomaaliya.

Wasiir kuxigeenka gaashaandhiga dowlada Soomaaliya oo ka mid ahaa wafdigii dowlada ee Kismaayo tagay ayaa BBC wax ka weydiisay qaabka ciidankaasi loo soo xareynayo. Waxaana uu isagana sheegay inay arrintaasi tahay mid ay kasoo shaqeyn doonaa gudi farsamo oo dhinacyo kala duwan leh.

“Waxaa muhiim ah in la isla gartay inay ciidanka la soo xareeyo, qaabka loo soo xareynayo waxay u taalaa gudiga farsamo ee la isla dhisi doono kuwaasi oo ka shaqeyn doona in ciidanka banaanka jooga iyo kuwa gudaha  jooga la isku daro islamarkaana laga wada dhigo ciidanka qaranka” ayuu Abdirahmaan Kulmiye Xirsi wasiir kuxigeenka gaashaandhiga dowlada Soomaaliya oo u waramayey Abdirisaq Xaaji Catoosh oo ka tirsan BBCSOMALI.

Waxaase lagu ballansan yahay in la dhiso gudi farsamo oo isugu jira dowlada, Juba, UN iyo AMISOM kuwaasi oo si wada jir ah uga shaqeyn doona arrinta ciidamadaasi lagu soo celinayo iyo sidii Col, Barre Hiiraale looga qeybgelin lahaa shirka magaalada Muqdisho loogu  ballansan yahay inuu ka dhaco.

Halkan ka dhageyso La taliyaha Axmed Madoobe

Halkan ka dhageyso Jawaabta Afhayeenka Fartaag

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

 

Arag Sawirrada: Isbitalka ugu qurxoon ee Turkiga uu ka dhisay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxyaabaha ugu weyn uguna muhiimsan ee Turkiga uu ka qabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, waxaa ka mid ah dib u dayictirka isbitaalka Digfeer oo in muddo ah bur bursanaa.

Ma ahan kaliya in isbitaalka Digfeer dayactir lagu sameeyey, ee waxaa laga dhigay isbitaal aad u qurux badan una qalabeysan, oo iminka ka mid ah kuwa ugu casrisan ee ku yaalla Bariga Africa.

Haddaba aan idinla wadaagno sawirrada Isbitaalka Digfeer iyo bilicda ka muuqata.

digfeer 1digfeer 2digfeer 3digfeer 4digfeer 5digfeer 6digfeer 7

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

Arag Sawirrada: Muddo 5 sano kadib, Kenya oo u ogolaatay Soomaali in ay…!

Nairobi (Caasimada Online) – Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku eedeysnaa falal Burcad Badeednimo, isla markaana ku xirnaa Xabsiyada qaar ee Wadanka Kenya ayaa la sii daayey, kadib markii ay dhameysteen Xukunadoodii.

Todobo ruux oo horaanta sanadkii 2008-dii ay ciidamada Badda ee wadanka Spain ay gacanta ku dhageen xilli ay ku howlanaayeen sida la sheegay ugaarsiga Maraakiibta goosha Biyaha Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.

Burcad Badeeda ayaa dib uhelay Xoriyadoodi,i kadib markii ay soo dhameysteen Xarig Shan sanadood ahaa oo ay kolhore ku riday maxkamad ku taala Magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Afar ka mid ah Kooxdani ayaa ku xirnaa Xabsiga Shimo la Tewa ee magaalada Mombasa, halka sadexda kalena ay ku xirnaayeen Xabsi ku yaala magalada caasimadda ee Nairobi.

Wararka ayaa sheegaya in Waaxda Socdaalka Kenya ee Immigration-ka loo yaqaan lagu wareejiyey raggani si ay ugu masaafuriyaan dalka Soomaaliya, balse safaaradda dowladda Soomaaliya ay ku leedahay wadanka Kenya ayaa Xusul duub ugu jirta sidii gacantooda loo soo gelin lahaa, maadaama ay iyadu ka mas’uul tahay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Wadanka Kenya.

Danjire Maxamed Cali Ameerika ayaa Warbaahinta u sheegey in Dowladda Kenya ka codsadeen inay gacantooda ku soo simaan Maxaabiistani, si Safaaradda Soomaaliya ay ugu shaqeyso qaabkii dib loogu celin lahaa gudaha Soomaaliya.

Sanadkaan bilowgiisii ayay ahayd markii uu Danjire Maxamed Cali Ameerika uu ku booqaday maxaabiistan Xabsiga Shimo La Tewa ee Magaalada Mombasa,isagoo xilligaas sheegey in dowladda Kenya ay kala hadleen sidii Maxaabiista Soomaaliyeed loogu celin lahaa Wadankooda Hooyo Maadaama buu yiri laga baxay ku meel gaarnimadii oo ay iminka Soomaaliya haysato Dowlad buuxda oo Federaal ah.

Ma’ahan markii ugu horeysay oo Burcad Badeed Soomaali ah lagasii daayo xabisyada dalka Kenya, iyadoona tani ay kusoo beegemeyso waqti ay sii yaraanayaan falalka afduub ee Shufta Badeedka Soomaaliya.

america 1america 2america 3

W/Q: Abdulkadir Jeylani Abukar
Mombasa, Kenya

Video: Xusuustii Xamar & Xeebta Liido (Muuqaal cusub oo Muqdisho ah)

Caasimada Online:   Muuqaal Qurux Badan oo ku saabsan Magaalo Madaxda Muqdisho kaas oo laagu magac daray “Xusuustii Xamar & Xeebta Liido” kaas oo wax badan oo kaa ilmeysiinaya marka aa daawato Bilicdii hore iyo tan maanta.

Bilic ahaan Muqdisho waa soo hagaageysaa Balse Taariikhda Caasimada iyo Bilicdii bariisamaadka ma’ahan mid isla maanta la heli karo ee nala daawo Muuqaalkaan qiirada leh ee laga soo duubay Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO:

Qalab ciidan oo loogu deeqay Ciidamo ka tirsan DF iyo Saraakiil ka hadashay

Beydhabo (Caasimada online) Taliyaha Ciidanka Degmada Bardaale, ee gobolka Baay, Ibraahim Rooboow, ayaawarbaahinta uga warbixiyay Agab ciidan oo loogu deeqay Ciidmaada Booliska Degmadaas.

Wuxuu sheegay in deeqdan ay kaga timid dhanka wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumada Somalia isla-markaana ay ka caawin doonto arimo badan oo markii hore ay dhib ku qabeen .

Qalabkan loogu deeay ayuu sheegay inay qeyb ka yihin Gawaari logu talo galay Ciidamada Booliska, Hub, iyo sidoo kale adeegyada kale ee lagama maar maanmka u ah shaqada Ciidamada Booliska.

Ibraahim Rooboow, waxaa  wax laga weydiiyay Cidda ka gacan siisay iyaga sugidda dhanka Amniga, waxaana uu sheegay in shacabka degmada ay taageero ka heystaan , isla-markaana ay garab istaag buuxda ay ka heystaan.

Saraakiisha Ciidamada dowlada Soomaaliya ee gobolada dalka ayaa inta badan ka cawda agab yari dhanka ciidanka ah , inkastoo iminka ay soconaya dadaalo saraakiisha ugu sareysa ciidamada ay kudoonayaan dhameystirka adeegyada ciidamada ay u baahan yihiin.

Caasimada online

Xafiiska beydhabo

[email protected]

Madaxweyne Xasan oo si caro leh uga hadlay falkii maanta ka dhacay Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa si kulul u cambaareeyey falkii isku dayga dilka ee loo geystay Wariye Maxamed Maxamud Timacadde oo u shaqeynayey Universal TV, isla markaana hay’adaha amniga ku amray in sharciga la horkeeno cidii isku dayga dil u geystay Timacadde oo haatan isbitaal ugu jira dhaawacii ka soo gaaray falkaas arxan la’aanta ah.

Madaxweynaha ayaa yiri ” Waa in sharciga la horkeeno cidii isku daydey inay disho wariye Timocadde. Maamulka Universal TV, shaqaalaha iyo dhammaan bahda saxaafadda waa inaad sii labo jibaartaan howlaha muhiimka ah ee aad ummadda u heysaana, si loo tuso kooxahan dhagar qabayaasha ah inaysan marnaba ku guuleysaneynin inay aamusiyaan saxaafadda.

Waxaana EEBBE ka baryayaa inuu dhaawaca u sahlo Timocadde si uu si dhaqso leh uga soo kabto dhaawacii saakay ka soo gaaray isku daygii dilka ee kooxaha nabad diidka ah ay marwalba doonayaan inay caalamka tusaan in Soomaaliya aysan nabad aheyn.”

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii yiri “Looma dulqaadan doono falalka sida tooska ah loogu raadsanayo wariyeyaasha Soomaaliyeed, dowladdana waxaa ka go’an in maxkamadda la soo hortaago cid allaale iyo cidii lagu helo inay ka danbeeyaan falalka noocan oo kale ah.”

-DHAMAAD –

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

FEYSAL CALI Waraabe: Madaxtooyada Somaliland ayaa iigu hanjabtay dil”

Hargeysa (Caasimada Online) Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Feysal Cali Waraabe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa ku eedeeyay ciidamada booliska maamulka Somaliland in ay ka dambeeyeen rasaas habeenkii xaley lagu furay mudane ka tirsan xildhibaannada Somaliland.

Feysal Cali Waraabe, ayaa si cad ah u sheegay in ninka rasaasta ku furay Maxamed Faarax oo ka tirsan UCID in uu bar garanaayo oo ay isku reer yihiin.

“Waxaan waa ay iska cad yihiin cida geesatay waa booliska, anniguna markii aan la hadlay Universal TV, waxaa ii hanjabay mas’uuliyiin ka tirsan madaxtooyada, arrintan waa caburin, waxaana dalkan u baahan yahay badbaado” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Eng. Feysal ayaa tilmaamay in Somaliland ay ku socoto wado halis oo u baahan in la badbaadiyo, wuxuuna intaas ku daray in ay xukunka isku baheesteen hal jufo sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland, Cali Maxamed Waran-Cadde oo wax laga weydiiyay falkii lagu rasaaseeyay mudanaha ka tirsan UCID ayaa sheegay in maalinta berri ah ay ka hadli doonaan.

Feysal Cali Waraabe ayaa dhowr jeer weerar afka ah ku qaaday maamulka uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxaana taasi ay keentay in laga reebo ergada Somaliland u mataleysay wadahadallada DF Somalia iyo maamulka Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]  

VIDEO: Maxuu Sameeyay Obama oo aad loogu hadal hayaa Caalamka?

Caasimada Online: Madaxweynaha Mareykanka Obama ayaa sameeyay talaabo ka gidisan Madaxda Caalamka kadib markii mar qura uu joojiyay Qudbad uu jeedinayay asagoo sameeyay arin aad u wanagsan oo caalamka ka yaabiyay.

Arinka uu sameeyay Obama waxaa si aad ah looga sii deynayaa Tv-yada Caalamka waana arin ka yaabiyay Malaayiin qofood sida uu u sameyay Ficilkaa Obama oo kaftamaya ee nala Daawo Muuqaalka.

HALKAAN KA DAAWO: