29.9 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

QM oo abaal marineysa suxufiyiinta dalka Somalia

Nairobi (Caasimada Online) Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Jimco ah, waxa ay daahfureysa qorshe ku aadan siddii abaalmarin loo siin lahaa wariyaasha ku hadla af Soomaaliga ee ka howgala dalka.

Abaalmarintan ayaa looga gun lee yahay siddii loo niyad dhisi lahaa wariyaasha ka howgala dalka, waxaana la eegi doona sida ay wax u qoraan ama ay uga soo warramaan warbixinada ay ka diyaariyaan dalka.

Philip Lazarani waa wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha xuquuqda aadanaha Soomaaliya, wuxuu saxaafadda u sheegay in wariyaasha Soomaalida ay qabteen howllo aad u fiican oo lagu wacyi galinaayo shacabka Soomaaliyeed.

Bandhigga daahfurka abaalmarintan ayaa maanta si isku mid ah looga dhawaaqi doonaa magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa iyo Garoowe.

Soomaaliya oo 22-kii sanno ee la soo dhaafay waxaa ka socday dagaallo sokeey, waxaana ka soo warramayay wariyaasha Soomaalida, kuwaasoo dhibaatooyin kala kulmay shaqadooda.

Wariyaasha ku guuleesta abaalmarintan waxaa la siin doonaa qalab iyo abaalmarino qaali ah sida ay lee dahay QM, waxaana lagu dhawaaqi doonaa maalinta xuquuqda aadanaha ee bisha December ee sannadkan.

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay waddamada lagu dhibaateeyo suxufiyiinta caalamka, waxaana sannad kasta lagu dilaay wariyaal iyadoo ay ugu dambeesay markii toddobaadkan lagu dhaawacay caasimada Muqdisho wariye u shaqeenaayay TV-ga Universal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]  

Dhageyos: Waalidka 2 gabdhood oo ku biiray mucaaradka Syria oo hadlay

Istanbul (Caasimada Online) Waalidka dhalay labo gabdhood oo ku biiray kooxaha ka dagaalama dalka Syria ayaa ka hadlay sababta ku kaliftay in gabadhahooda ay tagaan dalkaas oo in ka badan labo sanno uu ka socdo dagaal sokeeye.

Saadaq Cabdulaahi, oo ah aabaha dhalay labada gabdhood ayaa isaga ku sugan dalka Turkiga wuxuu u sheegay caawa VOA in dhowr cisho markii uu raadinayay gabadhihiisa ay kala soo hadleen dalka Syria.

Wuxuu sheegay in gabadhihiisa laga waday dalka Norway, isla markaana lagu qalqaaliyay in ay ku biiraan kooxaha ka dagaalama dalka Syria ee ku kacsan dowladda Bashar Al-Asad.

Mar  la weydiiyay magacyada iyo da’da gabdhihiisa, wuxuu sheegay in gabdhihiisa lagu kala magacaabo Ubaad iyo Raxmo, waxaana weyn ayuu yiri Ubaad oo ah 18-jir halka mida kalena ay jirto 16-sanno.

Wuxuu sheegay in ay haboon tahay in lala socdo carruurta masaajida iyo malcaamada qur’aanka ay wax ka baranayaan iyo cida halkaas joogta.

Mar la weydiiyay in la soo hadleen, wuxuu sheegay in ay la soo hadashay gabadha weyn taasoo u sheegtay in la joogo xilligii wax loo qaban lahaa muslimiinta iyo dadka dhiman.

Ugu dambeen Aabo  Saadaq ayaa sheegay in ay hadda wadaan baaritaan ku saabsan siddii lagu ogaan lahaa dadkii ka dambeeyay in gabdhihiisa ay ka tagaan dalka Norway isla markaana ay aadaan dalka Syria.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Ankara

[email protected]

DAAWO Sawirrada: Taliyaha ciidamada Talyaaniga oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho, waxaa maanta soo gaaray wafdi uu hoggaaminaayo taliyaha guud ciidamada Talyaaniga, waxana ay kulamo la qaateen madax ka socota dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Wafdiga Talyaaniga ayaa shir albaabada u xiran waxa ay gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho kula qaateen wasiirka gaashandhigga, taliyaha ciidamada xoogga, abaandulaha ciidamada iyo saraakiil kale oo ciidan.

Labada dhinac ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay xoojinta xiriirka labada dowladood iyo siddii Talyaaniga uu door uga qaadan lahaa dib u dhiska iyo tayeenta ciidamada dowladda.

Kulanka markii uu soo dhammaaday waxaa si wadajir ah saxaafadda ula hadlay wasiirka gaashandhigga Soomaaliya iyo Taliyaha guud ee ciidamada Talyaaniga.

Wasiirka gaashandhigga Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa ugu horeen sheegay in taliyaha ciidamada Talyaaniga ay ka hadleen siddii uu iskaashi caalami ah u dhexmari lahaa labada dowladood gaar ahaan dhinaca ciidamada.

Wuxuu kaloo sheegay wasiir Fiqi in taliyaha uu u ballan qaaday in ay gacan ka geesan doonaan dib u dhiska iyo qalabeenta ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dhinaciisa taliyaha guud ee ciidamada Talyaaniga,Admiral Andrei Masela ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu soo booqdo Muqdisho, wuxuuna sheegay imaashiyihiisa in ay ka dambeesay heshiis dhawaan magaalada Roma ay kula saxiixdeen isaga iyo wasiirka gaashandhigga Soomaaliya.

Taliyaha waxaa ku wehlinaayay safarkiisa saraakiil ciidan, wariyaal iyo danjiraha Soomaaliya u fadhiya magaalada Roma Gen Muuse.

Halkaan Hoose ka daawo Sawirada

DSC08506 DSC08513 DSC08524 DSC08527 DSC08527(1) DSC08529 DSC08530 DSC08534 DSC08545 DSC08550 DSC08560 DSC08567 DSC08575 DSC08581 DSC08588 DSC08598 DSC08606 DSC08619

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

 

VIDEO: Muqdisho iyo horumar cusub

Caasimada Online: Sanadkaan 2013 waxaa si xowli ah Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho uga soconaya Dhismooyin iyo dib u dhis xoogan oo lagu soo celinaya Bilicda Magaalada iyo Ganacsiga magaalada oo si wanaagsan u kobcaya.

Muqdisho isma lihid sidaa ayeey noqoneysaa kadib isbadalka magaalada iyo soo celinta Bilicda Magaalada waxaad moodaa in aysan dowlad la’aan aheyn 22 sano iyo burburkii magaalada oo isku badalay magaalo dhismeysa waxaana kaa yaabin doono muuqaalada iyo sida ay uga hadlayaan Magaalada Muqdisho iyo sida ay tahay haatan.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Shan ka mid ah Xujeyda Somalia oo la xaqiijiyay inay Xajka ku Geeriyoodeen

Muqdisho (Caasimada online) Wasiirka Garsoorka Mudane Cabdullaahi Ebyan Nuur ayaa ka warbixiyay gudashada Xajka ee sanadkan oo uu ka soo laabtay, waxaana uu sheegay in sanadkan ay Xajiyeen 7440 xujjay Soomaali ah, ayna ku dhacday si habsami leh, isaga oo dhanka kale xusay in 5 ka mdi ah Xujeyda Soomaaliyeed ay geeriyoodeen, 8 kalena ay dhaawacmeen.

Sidoo kale Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya Mudane Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Golaha Wasiirada Somalia ay ka doodeen in la kordhiyo Miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2014-ta, si loo xoojiyo waxqabadka hay’addaha dawladda ee sanadka soo socda. Waxaa goluhu ay isugu iman doonaan kulan gaar ah oo dhici doona maalinta Axadda, kaasoo gebi ahaanba looga hadli doono qorshaha Miisaaniyadda sanadka 2014.

Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi ayaa warbixin ka siiyay golaha Wasiirada dib u howlgelinta Boostadii dalka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in shirkii ka dhacay 22 April ee sanadkan magaalada Dubai ee Isu-taga Imaaraadka Carabta lagu go’aamiyay in 1-da November ee sanadkan 2013 ay noqoto maalinta ay sida rasmiga ah u howlgeli doonto Boostada Soomaaliya, waxaana la filayaa in 193 wadan oo Caalamka ah ay qoraalada lasoo marsiiyo boostada soo gaarsiin doonaan Soomaaliya, iyada oo dalka Imaaraadka Carabta uu noqon doono xarunta qabadashada, gudbinta iyo maamulka Boostada Soomaaliya, oo horay ay labada dawladood ugu heshiiyeen.

Sidoo kale, golaha Wasiirada ayaa soo dhoweeyey hoos u dhacca ku yimid falalkii afduubka Maraakiibta ganacsiga ee badweynta Indian Ocean, waxaana golaha ay warbixin ka dhegeysteen Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Fowsiyo Yuusuf X. Aadan, waxayna Wasiiraddu sheegtay in sanadkan ay aad hoos ugu dhacday falalkii afduubka ee Burcad badeedu ay gaysan jireen.

“Burcad badeedu waxay ku bilowdeen rajo xumo soo wajahday noloshooda, maantana intooda badan wey isaga baxeen iyaga oo ka raja qaba isbedelada dalka ka dhacay iyo horumarka la hiigsanayo”  ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon mar uu ka hadlayay shirka Golaha.

Shirka Khamiislaha ah oo Maanta golaha Wasiirada ay Maanta Muqisho ku yeesheen waxaa shir gudoominayay Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cabsi Faarax Shirdoon Saacid

 Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

Faah-Faahin: Qarixi maanta ka dhacay..

Janaalle(Caasimada Online) Faah-faahin dheeri ah ayaa laga helayaa qarax nooca gacanta laga tuuro oo maanta duhurkii ka dhacay degmada Janaalle ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Qaraxa oo ka dhacay suuqa degmada Janaalle oo mashquul ahaa ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay afar qof in ka badan 1o kalena waa ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo dhammaantood ah rayid ah sida uu lee yahay guddoomiyaha degmada Maxamed Idiris oo la hadlay warbaahinta Muqdisho.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayaa loo qaaday Isbitaal AMISOM ay maamusho oo ku yaalla degmada Janaalle.

Qaraxa ayaa ku soo aaday iyadoo maanta oo kale uu mashquul  yahay suuqa degmada Janaalle maadama dadka ku nool degmadaas ay yihiin beeraleey.

Ma jirto ilaa hadda koox sheegatay qaraxa maanta ka dhacay degmada Janaalle ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Faah-Faahin: Qarixii ka dhacay Janaalle

Janaalle(Caasimada Online) Faah-faahin dheeri ah ayaa laga helayaa qarax nooca gacanta laga tuuro oo maanta duhurkii ka dhacay degmada Janaalle ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Qaraxa oo ka dhacay suuqa degmada Janaalle oo mashquul ahaa ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay afar qof in ka badan 1o kalena waa ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo dhammaantood ah rayid ah sida uu lee yahay guddoomiyaha degmada Maxamed Idiris oo la hadlay warbaahinta Muqdisho.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayaa loo qaaday Isbitaal AMISOM ay maamusho oo ku yaalla degmada Janaalle.

Qaraxa ayaa ku soo aaday iyadoo maanta oo kale uu mashquul  yahay suuqa degmada Janaalle maadama dadka ku nool degmadaas ay yihiin beeraleey.

Ma jirto ilaa hadda koox sheegatay qaraxa maanta ka dhacay degmada Janaalle ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Fartaag oo ka hadlay Shirka Muqdisho & DF oo la dhaliilay

Kismaayo (Caasimada online) Saraakiisha ciidanka Dowladda Soomaaliya ee Gobalada Jubbooyinka ayaa si cad  waxay uga soo horjeestay heshiiskii Dowladda Soomaaliya iyo Axmed Madoobe ay ku kala saxiixdeen magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose.

Maxamed Ibraahin Buule, Wuxuu kamidyahay Saraakiisha ciidanka Dowladda ee kusugan deegaanka Goobweyn ee duleedka Magaalada Kismaayo wuxuu  cadeeyay inaysan marnaba qaadan doonin go’aanada ay wada gaareen Dowladda iyo Axmed Madoobe,

Wuxuu dhaliilay Dowlada Somalia waxaana wax aan u cuntamin uu ku tilmaamay In hubka dhigis lagu sameeyo iyaga , waxaana uu sheegay inaysan tagi doonin Magaalada Kismaayo iyaga oo isdhiibaya.

Cornel Buule, Wuxuu  eedeeyay Wasaarada difaaca Soomaaliya oo uu sheegay inay hoostagaan balse, aan lasiin ahmiyad ku aadan kamid ahaanshaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya, waxaana uu u sheegay inay dayacday iga oo aaney ka war heyn waxa ayu ku sugan yihiin xilligan.

Dhanka kale Kuxigeeenka Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee  Jubba General  C/laahi Sheekh ismaaciil Fatraag, wuxuu sheegay in Shirka Muqdisho ee aayaha Jubbooyinka looga hadlayo uu yahay mid go’gol xaar u ah Wajiga labaad ee Shirkaas oo Kismaayo ka dhicidoona.

General Fartaan, wuxuu tilmaamay in Shirka Muqdjsho uu soconayo muddo seddex Maalin ah oo kaliya isla markaana Seddex maalin aan lagu wada heshiin karin Khilaaf soo jireen ahna aan lagu xalin karin Balse Shirka Kismaayo ka dhicidoona ayuu shaaciyay inuu yahay midka rasmiga ah ee Xalka dadka dega gobolada Jubbooyinka iyo Gedo khilaafkooda lagu dhameynayo  sida uu sheegay.

Labada Bishan  Soo aadan ayaa la filaya in shirka Muqdisho ee Jubbooyinka looga hadlayo uu si rasmi ah u furmo , inkatoo wali si dhab ah dowlada Federaalka Somalia aysan  u cadeyn xilliga rasmiga ah ee uu Furmayo shirkaas.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Fartaag

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

Ghana oo ciidan soo diraysa Somalia

Accra (Caasimada Online) Sida uu qoray maanta oo Khamiis ah, wargeys ka soo baxa Accra, dowlada Ghana ayaa shaaca ka qaaday in ay ciidamo boolis ah u direyso dalka ku yaalla bariga Afrika ee Soomaaliya.

Madaxa tabbabarka ciidamada loo dirayo Soomaaliya, Fanny Aboagye oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamadan ay qayb ka qaadan doonaan xoojinta dadaallada nabadda ee ka socda  dalka Soomaaliya.

Ciidamadan oo tiradooda gaareyso 90 askari oo boolis, waxaa loogu talagalay in ay ka shaqeeyaan goobaha ay joogaan ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee (AMISOM).

Sida uu sheegay Wargeysha ciidankan ayaa iminka ku tababaranaya xarunta tabbabarka caalamiga ee nabad ilaalinta Kofi Anan ee dalka Chana .

Waxaana  lagu wadaa toddobaadkan in loo soo xiro tababarka, kaasoo uu maalgalinayo xafiiska arrimaha dibadda ee dalka Jarmalka oo kaashanaya wakaaladda iskaashiga caalamiga ah ee dalkaas.

Ms Fanny Aboagye oo ah haweeneyda bixineyso tabbabarkan ayaa xustay in ciidanka la siinayo tababar ku saabsan dhowrista xuquuqda, wacyigelinta dhibaatada miinada iyo taageerada nolosha aasaasiga ah.

Si kastaba, waxaa hadda magaalada Muqdisho iyo goobaha ay joogaan ciidamada AMISOM la geeyay ciidamo boolis ah, waxaana ciidamada halkaas jooga ay ka kala socdaan waddamada Nigeria iyo Uganda.

 Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Farmaajo oo muddo kadib soo hadlay & arimo badan oo uu shaaca ka qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) Isagoo ka qeyb galayay Barnaamij dood ah oo ka baxayay Tv-ga Universal oo looga hadlayay qaabka Ciidamada dowlada Somalia lagu caawin karo isla-markaana loo dhiso karo ciidan qaran oo Karti leh, ayuu sheegay Ra’isul wasaarihii hore ee dowladii KMG aheyd Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, in Taasi ay tahay mid  sahlan laakiin u baahan go’aan dhab ah .

Farmaajo, ayaa dib u milicsaday waqtigii uu Somalia Ra’isul wasaaraha ka ahaa ,  waxaana uu sheegay in shaqadii ugu horeysay ee uu wax ka badalay inay aheyd nidaaminta iyo dhismaha Niyada Ciidamada dowlada Somalia.

Maxamed C/laahi Maxamed Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia isla-markaana  Taariikh wanaagsan ku leh Dalka Ciidamaduna ay aad u jeclaayeen, ayaa tilmaamay in Ciidamadu ay Yihiin Muhiimada ugu horeysa , isagoo sheegay in ay leeyihiin karti iyo awood xoogan balse waxa ka maqan ay tahay Dhiiri galin iyo in Niyad dhis joogto ah la siiyo.

” Anigu Talo uma soo jeedinayo waayo dowladu waxay leedahay Nidaam u degan oo ay qorsheyneyso inay wax uga badasho qaabka ciidamada , laakiin wixii talo ah oo ay iiga baahdaan waan siiyaa walina diyaar ayaan u ahay ” ayuu yiri Farmaajo.

Wuxuu sheegay markii Xilka loo dhiibayay in ciidamadu ay ahaayeen kuwo niyad aan heyn balse uu ku fakaray sidii uu damiirkooda usoo nooleyn lahaa  rag badan oo ay ganacsato ku jiraan ayuu tilmaamay inay ka gacan siiyen arintaas , waxaana uu shaaciyay in dhamaan dadkii lasoo shaqeeyay uu u mahad celinayo.

“Hadii Akariga Niyad dhis loo sameeyo Agabka uu u baahan yahay la siiyo Baahidiisa iyo dharatiisa la ogaado  Raashinkiisa Mushaarkiisa, iyo Dawadiisa la ogaado kii Dhintana reerkiisa laga war hayo oo aan la dhihin bel wuu geeroyooday kaliya waxaan hubaa in Ciidamadu ay kusoo laaban doonaan sidii waagii Bari samaadkii ay ahaan jireen oo kale ama kuwa hada caalamka ka jira ee awooda lagu tiriyo.

Ugu dambeyn wuxuu u mahad celiyay  isla-markaana Salaan hawada uu u mariyaya Saraakiishii Ciidamada ee Xilligii uu Ra’isul wasaaraha ahaa Sida , General Dhaga badan, General Saneey, General Maaalin iyo saraakiil kale oo   intooda badan aan xilal ka heyn dowlada iminka Jirta.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Khaatumo & P/Land oo laga cabsi qabo in xaalku kasii daro kadib…

Taleex (Caasimada online) Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha ee maamul Khaatumo State  Maxamuud Sheekh Cumar Xasan, ayaa Hanjabaad Kulul Oo Ku Adaan Deganaada uu Ka Arimo Maamulkaas Ujeediyaay Maamulka Puntland .

Wuxuu sheegay inay ka war hayaan in Puntland ay qorsheyneyso qorshe ay ku dooneyso inay weerar ku qaado deegaanada Maaamulkaas, isla markaaana ay jiraan Ciidamo laga soo diray Garoowe oo Khaatumo ku wajahan.

” Waa Puntland waxa diidan jiritaanka Maamulka Khaatumo State, iyaga ayaa hada ka hor soo weerartay  walina waxay wadaan daan  daansi xoogan , Laakiin ma aqbali doono in gumaad lagula dhaqaaqo shacabkeena” ayuu yiri Maxamuud Sheekh Cumar Xasan

Wuxuu sheegay inay Jiraaan Ciidamo Khaatumo ah oo u diyaarsan inay la dagaalamaan maamulka Puntland kuwaas oo ka careysan waxa Puntland ay ka sameysay Khaatumo markii ay weerartay.

Khaatumo ayuu sheegay inaysan marnaba raali ka aheyn dagaal dhex mara labada Maamul Balse maamulka Puntland ayuu sheegay inay mar kasto daan daansi ku heyso Maamulkooda .

Wuxuu shaaca ka qaaday in Puntland ay faragalin qaawan ku heyso Maamulkooda hayeeshee wuxu tilmaamay hadi ay joojin weyso ay la kulmi doonto jawaab cad dagaalna ay arintu isku badali doonto

Maxamuud Sheekh Cumar Xasan, Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha ee maamul Khaatumo State wuxuu sheegay in  hadii Puntland ay weerar kasuoo qaado Khaatumo ayuu sheegay inay Gaari doonaan Caasimada Puntland ee Garoowe awoodna ay u leeyihiin  sida uu sheegay”

Shalay ayay aheyd markii Madaxweyne kuxigeeenka Maamulka Puntland uu shaaciyay in Shir aysan ka war heyn Maamulka Puntland aan lagu qaban karin Degmada Taleex ee gobolka Sool ee Maamulka Khaatumo State.

Halkaan Hoose ka  dhageyso Maxamuud Sheekh Cumar Xasan

Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha ee maamul goboleedka khaatumo

Caasimada online

Xafiiska Taleex

[email protected]

Dhageyso: Maamulka Juba oo jawaab kasoo saaray Arrin la isla dhexmarayay

Kismaayo (Caasimada online) Sarkiisha Ciidanka Maamulka Maamulka Juba ayaa waxay ay  Waxba Kamjiraan Ku Tilmaamay In Madaxtooyada Maamulkaas  Lagu Toogtay Askari Katirsan Ciimada Maamulka Juba oo Lagu edeeyay Dilka  sakari Kale .

Xilli Shalay Wabsite-yada qaar ay baahiyeen inMadaxtooyada Maamulka Jubba Xukun Qisaas ah lagula Fuliyay Askari dil kula dhaqaaqay Askari kale oo ka tirsan Maamulka Jubba ayaa Taliyaha qeybta Booliska Maamulkaas Maxamuud Qaaalib wuxuu sheegay in arintaas ay tahay mid been abuur ah.

Wuxuu sheegay inaysan waxba ka jirin in Shalay Madaxtooyada Maamulka Jubba ee Magaalada Kismaayo in askari lagu qisaasay, balse wuxuu sheegay inay jiraan kuwo badan oo ore xukuno dil ah lagu fuliyay , inkastoo uu ka biyo diiday in shalay wax xukun dil ah uu Kismaayo ka dhacay.

Taliyaha ayaa sheegay in howlgalo Ciidamada Maamulka Jubba ay ka sameeyeen magaalada Kismaayo inay kusoo qab qabteen dad badan oo dhambiyo kala duwan lagu soo eedeeyay , waxaana uu tilmaamay inay ku howlan yihiin kala saaritaanka dadkan lasoo qabtay .

Qoflkii dambi uu ku cadaado ayuu sheegay in maxkamad la soo taagi doono , waxaana uu tilmaamay in qofkii dambe lagu waayo iyada oo qanacsan lasii deyn doono lagana raali galindoono mudadii ay xirneyd .

Guud ahaan maamulka Jubba deegaanada uu ka arimiyo ayuu sheegay inuu ka dhaqan galay amar ah in qofkii qof dila in la dilo, waxaana uu meeshja ka qaasray wax la yiraahdo xeer soomaali iyo in si hoose kiisaska dilalka ah in loo xaliyo .

” Qofkii Qof dilaa sharciga ka yaala waa in la dilaa laakiin Reerka wax laga dilay diyo wey qaadan karaan taas iyaga xur u ah , laakiin waa waajib in sharciga islaamka lagu dabaqo wax waliba oo shaca ma dhici doonto in qof dilaa ah uu bulshada isaga dhex noolaado. ayuu yiri Maxamuud Qaalib.

Warar soo baxayay ayaa sheegayay in madaxtooyada Maamulka Jubba xukun  Qisaas ah lagula fuliyay Askari dil kula dhaqaaqay Askari kale oo ka tirsan Maamulka Jubba.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Maxamuud Qaalib

Taliyaha Ciimada Maamulka Juba Maxamuud qalib

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

 

Geedi & Villa Somalia oo isu jawaabay

Nairobi (Caasimada Online) Ra’isul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo weerar afka ah ku qaaday Dowlada Somalia ayaa sheegay in loo baahan yahay in dowladu ay qaadato dhaliilaha soo jeedinayo dadka siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Somaaliyeed.

Dhaliisha ayuu sheegay inay tahay mid aan aheyn neceyb ay u qabaan hogaamiyaasha xilka haya balse ay qeyb ka yihiin muwaadiniinta dalka xaqna ay u leeyihiin inay ka hadlaan waxa dib udhaca keeni kara.

Cali Maxamed Geedi, wuxuu sheegay in dowlada Somalia looga baahan yahay ahmiyada Koowaad inay siiso ciidamada dowlada Somalia isla-markaana xilligan dhaqaalaha dowlada ay hesho uu kaafiyo Mushaaraadka ciidamada .

“ Dhaqaale laga aruuriyo Jaaliyadaha ama Caalamka uu Soomaaliya siiyo xilligan ahmiyad saas ah ma laha waayo dowada Qasnadeeda lacagta ku jirto waa mid ku fulin dib u qalabeynta iyo mushaaraadka ciidamada “ ayuu yiri Cali Maxamed Geedi xilli uu ka qeyb galayay Barnaamij Dood wadaag ah oo ka baxay Tv-ga Universal

Geedi, oo dib u milicsaday mudadaii uu xilka hayay ayaa sheegay in wax badan uu ka badalay ciidamada dowlada Somalia , waxaan uu sheegay in ciidamada iminka shaqeeyo ay u badan yihiin kuwii la dhisay intii uu xilka hayay

Afhayeenka Xukuumada Somali ahna la taliyaha Madaxweynaha Somalia Engneer C/raxmaan Cumar Cusmaan oo ka jawabayay eedeynta Geedi ayaa sheegay in la hayo Taariikhdiisa isla-markaana uu ka mid yahay ragga caalamka ka hor istaagay in Somalia la caawiyo.

Yariisoow, wuxuu sheegay in mudadii ay xukuumadasii ay jirtay inuu Musuq Maasuq xoogan geystay,  waxaana uu sheegay in la og yahay isla-markaana uu qof walib ka war hayo Geedi waxa uu sameeyay sida uu shaaciyay.

Eedeynta geedi ayuu sheegay inay tahay mid aan sal iyo raad toona laheyn isla-markaana ay dowlada Somalia ka go’an tahay horumarinta ciidamada balse Cali Geedi uu caadeystay Dacaayaddeynta dowlada Somalia.

Sidoo kale Cali Maxamed Geedi oo ka jawaabay hadalka Afhayeenka Madaxweynaha ayaa sheegay in xilligan waxa ay harsanayaan ay tahay hooskii ay keeneen isaga iyo madaxweynihii hore ee Somalia C/laahi yuusuf.

“Ma Jecli inaan cunug yar oo Food dheere ah aan u jawaabo laakiin Aniga Cali Geedi ahaan hadii aan wax musuq maasuqay iyadoo war qad la wato ayaa la ii imaan lahaa  ama qoladii  hantida aan muqus maasuqay ayaa eedeyn kala kulmi lahaa , kooxda daba galka xitaa wali magaceyga sooma ayan hadal qaadin balse hadalka Yariiisoow waxaan u arkaa in la yiri ninkaas naga soo celi “ ayuu yiri Ra’isul Wasaaarihii hore ee dowladii KMG aheyd

Dowlada Somalia ayaa inta badan mucaarado kala kulanta siyaasiyiin ku sugaan dalka dibadiisa gaar ahaan magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya , inkastoo Ra’isul wasaarihii hore ee dowlada KMG aheyd Cali Maxamed Geedi uu ugu cad cad yahay

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

VIDEO: Aabaha gabdho Somali ah oo u jihaad tagay Syria oo sharaxad bixiyey

Caasimada Online:  Warbaahinta Wadanka Norway waxaa ay si aad ah uga hadleysaa Laba Gabdhood oo Soomaali ah oo la sheegay in Wadanka Suuriya ay u aadeyn Jihaad sida ay ka soo xiganayaa ilo wareedyo kala duwan.

Maxamuud Abdulaahi oo ah Aabaha Dhalay Labadaa Gabdhood oo lagu kala magacaabo Raxmo & Ugbaad oo 16 jir iyo 19 jir ah ayaa waxuu ka hadlayaa asagoo baadi goobaya Gabdhahiisa waxuuna joogaa Xadka kala qeybiya Suuriya & Turkiga.

Hadaba Arinkani ku cusub dhaga Dadka Soomaaliyeed nala Daawo Muuqaalkania daa nixi doono Gabdho Soomaali ah oo u jihaad tagay Wadanka Suuriya.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Raali-Gelin ku socota M/weyne Xasan, Xuseen Damuumaaye & Aqristayaasha

Maamulka Caasimada Online, waxa uu raali gelin buuxda ka bixinayaa war si qaldan ugu baxay website-ka 22-kii bishan october oo ku saabsanaa in madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu shaqada ka ceyriyey Xoghayihii Guddiga Amniga ee dowladda Somalia Xuseen Damuumaaye.

Warkaasi waxa uu ahaa mid aan sax ahayn, balse ilo-wareedyo aan aaminnay ay u sheegeen wakiil wareedka Caasimada Online ee Muqdisho.

Caasimada Online waxa ay raali gelin buuxda siineysa Xoghayihii Guddiga Amniga ee dowladda Somalia Xuseen Damuumaaye, madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, madaxtooyada Somalia, hay’dda nabad sugidda iyo aqristayaasha.

Waxaan madaxtooyada Somalia uga mahad naqeynaa inay nala soo socodsiisay in warkaas aanu sax ahayn, waxaana aqristayaasha iminka u xaqiijineynaa in Xuseen weli uu xilkiisa hayo, warkii qaldanaana laga saaray bogga.

Ma qaldame waa Alle. Caasimada Online oo mar walba ku dadaasha baahinta warar xaqiiq ah waxa ay aad uga xun tahay in qaladkaas uu ka dhacay, waxaana ku dadaali doonnaa in wararka aan qoreyno ay noqdaan 100% sax Insha allah.

Mahadsanidiin
Tifaftiraha Caasimada Online
Ahmed Ali
Washington DC

Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii Janaale oo la keenay Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho, waxaa galabta la keenay qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qarax maanta duhurkii ka dhacay Suuqa Xoolaha ee degmada Janaalle ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyaha degmadaas Maxamed Idiris Cabdi oo la hadlay warbaahinta gudaha, ayaa sheegay in qaar ka mid dadkii ku dhaawacmay qaraxa oo xaaladood ay halis ahayd loo soo qaaday Isbitaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in howgallo ay ka sameeyeen goobta qaraxa uu ka dhacay lagu qabqabtay dhowr qof oo lagu tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen weerarkaas.

Inta la ogyahay 14-qof ayaa ku dhinta in ka badan 15-kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxa maanta oo ahaa kuwa gacanta laga tuuro sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Degmada Janaalle maalinta Khamiista ayey dadka si weyn u yimaadaan suuqa oo ay keenaan xoolo maadama ay beeraleey yihiin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Shirweyne looga hadlayo Caafimaadka Somalia oo Muqdisho ka dhacaya

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta looga dhawaaqay shirweyne qaran oo looga hadlaayo arrimaha caafimaadka Soomaaliya.

Wasiirka horumarinta iyo adeega bulshadda Dr. Maryam Qaasim oo shir saxaafadeed ku qabatay garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaa sheegtay in bisha soo socota ee November uu ka furmi doono shirweyn looga hadlaayo horrumarinta caafimaadka dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegtay in shirkaas uu dhici doono 7-da bisha soo socota isla markaana uu socon doono muddo seddax cisho, ayna ka soo qaybgali doonaan dhammaan dhakhaatiirta ka howlgala dalka iyo kuwii howlgabka noqday.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegtay in shirkaas looga gun lee yahay siddii loo ogaan lahaa heerka caafimaad dalka iyo sida loo horrumarin karo, maadama 22-kii sanno ee la soo dhaafay aysan jirin cid ka warqabta xaalada caafimaad ee dalka.

Wasiir Maryan Qaasim, ayaa intaas ku dartay in muddadii burburka lagu arkay Soomaaliya cuduro aan la garaneynin iyo in la keenay dalka dawooyin dhacay iyo kuwa tayadooda ay lii dato oo ay ku xanuunsadeen dadka waaweyn iyo carruurta.

Waa shirweynihii ugu horeeyay oo looga hadlaayo arrimaha caafimaadka Soomaaliya, oo lagu qabto dalka Soomaaliya muddadii burburka dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dad loo xirxiray qarixii Baladweyn

Baladweyne (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, ayaa sheegaya howlgallo lagu laga sameeyay xaafadaha magaalada in lagu qabqabtay dhowr qof oo ay ku jiraan odayaal, kuwaasoo lagu tuhunsan yahay in wax la maleegeen weerarkii Baladweyne.

Mid ka mid ah saraakiisha ammaanka magaalada Baladweyne ayaa warbaahinta u sheegay in dadka la soo qabtay ay ku socoto baaritaan.

Magaalada wali waxaa ka socda howlgallo lagu soo qabqabanaayo dadkii ka dambeeyay weerarkii Baladweyne.

Ma jirto ilaa hadda koox sheegatay wararkii Baladweyne oo uu fuliyay ruux ismiidaamiyay.

Waxaa la adkeeyay ammaanka magaalada Baladweyne gaar ahaan xarumaha maamulka iyo goobaha ciidamada shisheeye ay ku sugan yihiin.

Caasimada Online

Caasimada Online Muqdisho

[email protected]

Maamulka Gobalka Hiiraan oo ka soo horjeestay shir Nairobi ka dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) Maamulka gobalka Hiiraan ayaa ka soo horjeestay qoddobadii ka soo baxay shir looga hadlaayay maamul u sameenta gobalada dhexe oo ka dhacay Nairobi.

Guddoomiyaha xilkiisa uu dhammaaday ee gobalka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ay ka shakisan yihiin qorshaha wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, kuwaasoo shirar kala duwan ka wada magaalada Baladweyne iyo magaalada Nairobi.

Wuxuu nasiib daro ku tilmaamay in wafdi uu hoggaaminaayo agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo xildhibaanno ay hadda ku sugan yihiin Baladweyne halkaasna ay ka wadaan siddii maamul cusub oo dadka ay soo doortaan looga sameen lahaa gobalka Hiiraan.

Sidaas oo ay tahay haddana wuxuu yiri waxaa kaloo jirra xubin ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha in uu ka qaybgalay shir ka dhacay Nairobi, oo looga hadlay maamul u sameenta gobalada dhexe, isla markaana uu akhriyay warsaxaafadeedkii ka soo baxay shirkaas.

“Wasaaraddu waxaa looga baahan yahay in ay kala cadeeso gacanteeda midig iyo mida bidix wax yaabaha ugu jirra, waayo maxaa keenay in labo shir ay ku qabto Baladweyne iyo Nairobi, annaga kama qaybgalin shirkaas” ayuu yiri Laqanyo.

Wuxuu yiri “Reer Hiiraan ma ahan dad ka soo horjeeda dastuurka iyo dowladnimada balse ma dooneyno in wax yaabo aan la fahansaneen loo keeno”

Si kastaba, magaalada Baladweyne waxaa ka socday shirar looga hadlaayo maamul u sameenta gobalka Hiiraan maadama maamulkii hore uu waqtigiisa dhammaaday.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DEG DEG: Qarax Khasaaro geestay oo goor dhow ka dhacay magaalada…

Afgooye (Caasimada Online) War hadda soo dhacay wuxuu sheegayaa in qarax goordhow uu ka dhacay degmada Janaalle ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Inta la ogyahay seddax qof ayaa ku dhintay in ka badan toddobo kalena waa ay ku dhaawacmeen sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Qaraxa oo ahaa miino nooca rumuudka ayaa la sheegay in uu ka dhacay goob ay joogeen dadweyne fara badan.

Waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan dowladda kuwaasoo gurmad u fidinayay dadkii ku dhaawacmay qaraxa.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxa qaraxa ka dhacay degmada Janaale, waxaana wararka ay lee yihiin haweeney ayaa qaraxa  wadatay mana cadda in ay ka mid ahayd dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay.

Wixii ku soo kordha kala soco Shabakadda Caasimada Online.