31.9 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

KENYA oo carradii ay ka qaaday West Gate kala dul dhacday 15 qof

 Nairobi (Caasimada online) 15 Sarkaal oo ka tirsan Saraakiisha Waaxda Socdaalka ee dalka Kenya, ayaa shaqadii laga ceyriyay kadib markii lagu helay Dambiyo lagu soo oogay , sida ay xaqiijisay dowlada dalkaas.

Dambiyada Saraakiishan lagu helay waxaa ka mid ah inay dad Ajaaniib ah ka iibiyeen waraaqaha sharciga aqoonsiga iyo basaboorka dalkaas, waxaana sida dowladu ay sheegtay Ragaasi loo arkay inay Dhibaato ku yihiin dalkaas.

Wasiirka Arimaha Gudaha Dalka Kenya, ayaa sheegay in Saraakiishaas lagu badali doono saraakiil kale oo Cusub si howsha ay halkeeda uga sii wadaan, kadib hadal uu jeedayay Shalay oo Jimco aheyd

Wasiirka ayaa cadeeyay in raga ay shaqada ka eryeen ay ku jiraan saraakiil sar sare, iyo sidoo kale kuwo Dhexe, waxaana uu si cad u sheegay in ragaas ay yihiin Dambiilayaal , sidaasi darteedna maxkamad lala tiigsan doono.

“Raggan Cusub ee aan Xilkan ku aaminay waxay noqon doonaan kuwo ka fog ee xasho iyo Musuq Maasuq, Dambigii Saraakiishii horana maaha mid la isaga harayo waa in qofkii qalad galaa uu Ciiqaabtiisa u helaa ” ayuu yiy Joseph Ole Lenku

Wasiirka arimaha gudaha dalka Kenya wuxuu sheegay in Kenya ay dib u eegis iyo Baaritaano ku sameyn doonto Sharciyadii iyo Baasabooradii la biyay  Labadii sano ee ugu dambeysay si loo ogaado Dadka xaqa u leh adeegsiga Sharciga kenya Sida uu  wasiirku sheego

“Madaxda Dowladda Kenya,  waxay doonayaan in ay adkeeyaan sida lagu heli karo Sharciyada dalkaasi, si ay meesha uga baxdo khatarta ka dhanka ah ee amniga dalkeena” ayuu hadalkiisa sii raaciyay .

Hadalka wuxuu imaanaya xilli la aaminsan yahay in qaar ka mid ah ragii fuliyay weerarkii Westgate ay heesteen Sharciga dal ku jooga Kenya.

Caasimada online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Soomaalida oo ka xumaatay hadal xun oo ka soo yeeray Kenya (Muxuu ahaa)

Nairobi (Caasimada Online) Qoxootiga Soomaalida ee ku nool xeryaha gobalka waqooyi berri ee dalka Kneya, ayaa ka walwalsan hadal ka soo yeeray wasaaradda arrimaha gudaha Kenya, kuwaasoo amray in qoxootiga lagu celiyo dalkooda.

Qaar ka mid ah dadkaas oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay aad uga xumaadeen hadalka ka yeeray wasiirka arrimaha gudaha Kenya.

Xeryaha qoxootiga Kenya waxa ay hooy u tahay Nus Malyuun qof oo u badan Soomaali kuwaasoo ka soo cararay dagaallo ka dhacay dalkooda 22-kii sanno ee la soo dhaafay.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dul qaadkii uu ku dhammaaday maadama qaraxyada ka dhaca Kenya laga soo abaabulo xeryaha qoxootiga Kenya.

Kenya ayaa sheegtay in la bilaabayo siddii qoxootiga loogu celin lahaa dalkooda, maadama xagga ammaanka uu soo hagaagay.

Qaar badan oo ah dadka qoxootiga ayaa ku dhashay xeryaha qoxootiga Kenya oo ah kuwa ugu waaweyn caalamka ee martigaliyay qoxooti badan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

DHAGEYSO: Beesha Hawiye oo digtay

Nairobi (Caasimada Online) – Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, waxaa maalmihii tagay ka dhacay shir la sheegay in looga arrinsanayo aayaha gobollada dhexe ee dalka Somalia iyo sidii maamul loogu sameyn lahaa.

Si kastaba odayaasha dhaqanka ee Beelaha Hawiye, ayaa ka soo horjeestay shirkaas, kana digay islamarkaana ku baaqay in si deg deg ah looga tanaashulo.

Guddoomiyaha Odayaasha Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa shirkaasi ku tilmaamay mid luggooyo ku ah dadka deegaanka oo aan loo dhameyn, sidaa darteedna laga waantoobo.

Xaad, ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka laga lee yahay shirkaasi uu yahay sidii la isaga hor keeni lahaa dadka deegaanka, colaadna loo abuuri lahaa.

Waxa uu ku hanjabay in haddii dadka ku howlan arrimahaasi aysan si deg deg ah u joojin inay ku kacin doonaan dadka deegaanka sida uu hadalka u dhigay.

Halkan ka dhageyso Xaad

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

DF: Qofkii baasaboorka cagaaran lagu arko waxaa loo aqoonsan argagixiso

Muqdisho (Caasimada Online) Dowlada Somalia waxay go’aan cad kasoo saartay Isticmaalka Baasaboorka Cagaaran ee Soomaaliya , ee la isticmaali jiray Xilligii Hore, iyadoo sheegtayin aan marnaba Baasaboorkaasi la isticmaali karin.

Hogaanka  waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/laahi Gaafoow Maxamuud, Wuxuu Cadeeyay  in la mamnuucay isticmaalka Baasaboorka cagaaran ee Somalia Sidaasi darteedna loo baahan yahay inay dadku ka digtoonaadaan.

Qofkii lagu arko isticmaalka Baasaboorka cagaaran ayuu sheegay inuu yahay dambiile dalka dambi kagalay Sidaasi Darteedna maxkamadna lasoo taagi doono,  si loo waafajiyo  sharciga dalka u yaalo .

” Qof kasto oo Muwaadin Somali ah waxaa laga rabaa in hadii uu qaadanayo Baasaboor uu qaato E Passport ,  kaas oo hada Soomaalida oo dhan ay adeegsadaan, Qofkii lagu arkaa isagoo adeegsanaya Baasaboorkii hore ee Cagaarka ahaa waxaan u aqoon sandoonaa inuu yahay Argagixiso” ayuu Yiri  Gaafoow.

“Dadkii Somalida ahaa ee aaday xajka Sanadkan Dhamaan waxay qaateen Baasaboorka Cusub ee Somalia ee E Passport, Taasina waa tilaabadii ugu horeysan oo ay qaado laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowlada Somalia weyna ku guuleysatay” ayuu Hadalkiisa sii raaciyay.

Waaxda Socdaalka ayaa sidoo kale Gubtay Baasabooro Badan oo ahaa Nuucii hore ee Cagaarka ahaa , waxaana General, Gaafoow uu ku cel celiyay in Qofkii lagu arkaaa adeegsiga Baasaboorkaas Cagaaran maxkamad lala tiigsan doono Dambiilana uu yahay sida uu sheegay.

Si kasto dowlada Somalia ayaa ku dadaaleysa  adeegsiga hal Baasaboor oo ay ka mideysan yihiin dhamaan Somalida inkastoo dadka qaar  ay aragtiyo kala duwan arintan ka qabaan

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xafiiska R/Wasaare Saacid oo ka hadlay Xiisad ka taagan Baladxaawo

Muqdisho (Caasimada Online) Sarkaal sare oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon, ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo shaqaaqooyinka ka soconaya Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Aaden Aw Xirsi oo horayna u ahaa Guddoomiyaha isla Gobolkaa Gedo ayaa ayaandarro ku tilmaamay in shacabka Magaalada Beled Xaawo ay ku dhex dagaallamaan kooxo hubaysan oo u adeegaaya dano ka baxsan kuwa Gobollada iyo kuwa dalkaba.

Aw Xirsi oo saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa ayaa wuxuu sheegay in dadka dagaalladan abaabulaya ay yihiin kuwo la yaqaan, dadka gobolka iyo dawladduna ay mustaqbalka la xisaabtami doonaan, cid walibana ay ka jawaabi doonto kaalintii ay ku lahayd dhiigga micne-darrada ah ee ku daadanaya gobolka dhexdiisa.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Aw Xirsi yiri “Cadawgii umadda Soomaaliyeed ayaa 20 KM oo keliya u jira Beled Xaawo, kuwaasi oo keliya ayaana u baahan in guluf lagu kiciyo dagaal kharaarna lala beegsado.”

Mar la weydiiyey waxa ay dawladda dhexe doonayso in ay ka qabato shaqaaqooyinka, ayuu Aw Xirsi sheegay in ay si degdeg ah Gobolka u gaari doonaan xildhibaanno iyo madax heer gobol iyo heer qaran ah.

“Maanta ayay ugu dhaw dahay in xal waara laga gaaro arrinta waqtiga soo jiitantay ee Gobollada Jubbooyinka, waana wax aad looga xumaado in iyadoo ay dawladda dhexe iyo Maamulka Jubba ku hawlan yihiin Shirka Dib-u-Heshiisiinta ee uu wejigiisa hore ka dhacayo Magaalada Muqdisho, ay shaqsiyaad dhawr ihi hannaankaa dhabar wareemaan, dhiig hor lehna ku daadiyaan gobolkaa ay mashaqadu daashatay.” ayuu hadalkiisa ku soo gebaggabeeyey.

Waa markii ugu horraysay ee uu sarkaal sare oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya uu si toos ah uga hadlo colaadaha ka soo cusboonaatay Waqooyiga gobolka Gedo.

Colaadahan ka soo cusboonaaday Waqooyiga Gobolka Gedo, ee galaaftay nolosha ugu yaraan saddex qofood, ayaa waxay u dhexeeyaan Ahlusunna Waljamaaca oo horay ugu biirtayDawladda oo dhinac ah iyo Ciidamo kuwa dawladda ka tirsan laakiin si gaar ah uga amar qaata guddoomiyaha Degmada Doolow.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Daawo Video: Shacabka Muqdisho oo ka cabanaya arrin quseysa noloshoda

Caasimada Online: Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay arin soo wajahday taa soo ah mid ku xiran Nolosha Shacabka Soomaaliyeed oo in muddo ah arinkani isticmaalayay ayagoo aad uga muujiyay walac xoogan.

Hadaba Maxuu yahay arinka ay ka cabanayaan oo Noloshooda ku xiran Shacabka Muqdisho nala Daawo Muuqaal ay ku jiijinayan Dareenkooda Shacabka Muqdisho oo aad ka dheehan karto in ay soo wajahday dhibaato dhanka Nolosha…

HALKAAN KA DAAWO:

 

Warar dheeri ah: Dagaalkii ka dhacay…

Buulo-Xaawo (Caasimada Online) Waxaa saaka deggan xaaladda magaalada Balad-Xaawo ee gobalka Gedo, kaddib markii halkaas uu shaley ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna.

Waxaa caadi ku soo noqday xaaladda magaalada gaar ahaan ganacsiga iyo isku socodakad iyo gaadidka gudaha magaalada.

Waxaana la sheegayaa in ay socdaan waan waan la doonayo siddii lagu damin lahaa xiisadda weli ka taagan magaalada Balad-Xaawo.

Inta la ogyahay seddax qof oo ay ku jiraan dhinacyadii dagaalamayay ayaa ku dhintay tiro aan la sheegina waa ay ku dhaawacmeen.

Magaalada weli waxaa ku sugan ciidamadii dagaalamay, in kastoo wax dagaal ah uusan hadda ka socon.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maamulka Idaacadda Shabeelle oo ka hadlay xariga loo geestay Idaacadooda

Netherlands (Caasimada Online) Maamulka Idaacadda Shabeelle ayaa ka hadlay xarig maanta loo geestay Idaacadda oo ka mid ah Idaacadaha ugu afka dheer ee ka howgala caasimada Muqdisho.

Maxamed Amiin Sheekh Caddow oo ah guddoomiye ku-xigeenka Idaacadda oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay Idaacad dhan oo shaqeeneysa in muddo shan cisho ah loo qabto in ay ka guurto dhismaha ay deggan tahay.

Maxamed Amiin ayaa sidoo kale caddeeyay in dhismaha Idaacadda ay daggan tahay ay heshiis la galeen dowladii hore ee ku-meel-gaarka ahayd, taasoo loo oggolaaday in muddo shan sanno ay deganaan karto dhismaha sida uu hadalka u dhigay.

“Dhawaan markii la keenay Idaacadda warqad lagu amraayo in ay muddo shan cisho ay uga guurto, waxaan dacwad geesanay hey’addaha caddaaladda sida maxkamadda gobalka iyo mid sare dhammaantood waa ay ka gaabsadeen inay noo gar naqaan annaga iyo wasaaradda arrimaha gudaha” ayuu yiri Maxamed Amiin.

Wuxuu sheegay guddoomiye ku-xigeenka Idaacadda in dhismahan  ay uga baxday lacag gaareysa 45,000 oo dollar.

Mar la weydiiyay in lagu eedeeyay Idaacadda in ay daba dhigatay mas’uuliyiinta dowladda oo ay wax ka sheegaan, wuxuu sheegay Idaacadooda in ay ugu horeyso siddii Soomaaliya ay horrumar u gaari lahayd, waana tan sababtay ayuu yiri Idaacadda in ay ka soo guurto dhismihii horrey ay u daganeed oo ku yiilay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Waxaa kaloo la weydiiyay in wax dhibaato ah loo geestay shaqaalaha iyo maamulka Idaacadda intii uu howgalka socday, wuxuu tilmaamay in wax yeelo aan la gaarsiin shaqaalaha, balse Idaacadda hawada laga saaray isla markaana maamulka Idaacadda ay la wareegeen ciidamo ka tirsan dowladda.

Si kastaba, Idaacadda Shabeelle ayaa ka mid ah Idaacadaha sida gaarka loo lee yahay ee aadka loo dhageesto.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dagaal ka dhacay iyo xiisad weli caawa ka taagan magaalada…!

Baladxaawo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladxaawo ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in halkaas maanta uu ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamo ka tirsan dowladda.

Inta la ogyahay seddax qof ayaa ku dhintay in ka badan shan kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaalka maanta ka dhacay Buulo-Xaawo.

Ilaa hadda magaalada waxaa ka taagan xiisad dagaal, waxaana magaalada gaaray ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Axmed Madoobe sid ay lee yihiin dadka deeganka.

Magaalada waxaa lagu arkay ciidamo ka yimid magaalada Kismaayo, sidoo kalena waxaa magaalada Garbahaarey laga dareemayaa xiisad dagaal.

Si kastaba, waxaa socda waan ay wadaan siyaasiyiin iyo xildhibaanno ka soo jeeda gobalka Gedo, waxaana la filayaa in magaalada ay gaaraan xubno ka socda dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Dagaalka ayaa ka billowday markii qarax lagu dilay sarkaal ka tirsan maamulka Ahlu Sunna ee magaalada Buulo-Xaawo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

SOOMAALI lagu dilay MINNEAPOLIS

Minneapolis (Caasimada Online) Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xaley labo qof oo Soomaali midna ku dilay mid kalena ku dhaawacay magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota.

Warbaahinta Maraykanka ayaa warisay in labadan nin la toogtay iyagoo watay baabuur oo ay ka yimaadeen shaqada.

Haashi Shaafi oo madax u ah urur ay lee yihiin Soomaalida Minneapolis oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in ay ka naxeen dilka labada nine e Soomaalida.

Wuxuu sheegay in labada markii la tooganayay ay ka yimaadeen shaqo isla markaana ay ku socdeen gurigooda.

Mr. Xaashi ayaa intaas ku daray in ay socdaan baaritaan ku aadan siddii gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxii ka dambeeyay dilka iyo dhaawaca loo geestay labada nine e Soomaaliga.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Soomaali lagu dilo magaalada Minneapolis halkaasoo ay ku noon yihiin Soomaalida ugu badan Sooomaalida   labo nin oo Soomaali ah.

Soomaalida ku dhaqan magaalada minnapulis ayaa aad uga xumaaday dilka loo geestay wiilka Soomaalida mid kalena lagu dhaawacay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minna;ulis

[email protected] 

Dad laga soo ceyriyey Villa Somalia oo sheegay in qabiil ahaan loo beegsaday

Muqdisho (Caasimada Online) Idaacadda SKY ee magaalada Muqdisho, ayaa wareysatay nin la sheegay in uu ka tirsanaa shaqaalaha xarunta Villa Somalia, wuxuuna sheegay in qaar ka mid ah shaqaalihii hore ee Shariif Sheekh Axmed in la buriyay.

Mukhtaar Abuukar Macalin, ayaa sheegay inta badan shaqaalihii Villa Somalia xilligii Shariif Sheekh Axmed la badalay laguna badalay shaqaale cusub oo uu keensaday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ninkan ayaa sheegay in labadii qof ee ugu dambeeyay ee laga ceyriyay uu ku jiray darawalkii madaxweynihii hore ee Shariif Sheekh Axmed.

“Villa Somalia waxaa ka socota shaqo ceyrin lagu hayo beesha agoon yere, ilaa sagaal qof oo beeshaas ah ayaa laga ceyriyay bilaa sabab la’aan, waxaana lagu bedalay shaqaale qaraabo la ah madaxweyne Xasan Sheekh, arrintaas ma u dul qaadan karno.” ayuu yiri Mukhtaar Abuukar.

Wuu sii hadlay, wuxuuna yiri “Waxaa xarunta madaxtooyada la keenay shaqaale u badan xisbiga PDP, arrintaasna waa in ay wax ka qabtaan madaxweynaha iyo wasiiru dowlaha madaxtooyada Faarax Sheekh Cabduqaadir ” ayuu markale yiri.

Si kastaba, ma ahan markii ugu horeysay oo warar noocan oo kale laga helo xarunta Villa Somalia, waana dhaqan inta badan ay lee yihiin madaxda isbadaleysa oo inta badan shaqaalaha meesha jooga haddii uu yimaado qof cusub waa la badalaa badanaa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Villa Somalia oo la dhaliilay

Muqdisho (Caasimada online) Ku dhawaad Todobo ruux oo ka mid ahaa Shaqaalaha Madaxtooyada Somalia, kuna heyb ahaa Madaxwenihii hore ee dowlada KMG aheyd Shariif Shiikh Axmed ayaa Shaqadii laga eryay sida warar soo baxayo ay sheegayaan.

Mukhtaar Abuukar Macalin, waxa uu ka mid yahay sida uu sheegtay waxgaradka kasoo jeeda  Beesha Madaxweynihii hore ee Somalia,  Agaasimaha Madaxtooyada ayuu ku eedeeyay, in gelinkii dambe ee Khamiistii uu shaqada ka ceyriyay, laba kamid ah darawaladii  Shariif Sheekh Axmed,  Hayeeshee Iminka darawalo u ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh

Wuxuu sidoo kale sheegay in hore Villa Somaliya looga ceyriyay shan kaloo, kamid ah Shaqaalaha Villa Somalia ka hawlgala, ee ku heybta ah Shariif Sheekh Axmed, isagoo sheegay inuusan sababta ogeen ilaa iminka

Shaqaalaha shalay laga fariisiyay Shaqada lagana ceysriyaya Madaxtooyada Somalia , ayuu sheegay in xitaa loo diiday, wixii Xuquuq ahaan, ee ay ku lahaayeen Dowladda.

Heshiis ay wada galeen  Madaxweynihii hore ee dowladii KMG aheyd iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu tilmaamay inay qeyb ka heyd inaan shaqaalaha Madaxtooyada aan shaqada laga eryin balse iminka Balantaas uu ka baxay Madaxweynaha

Mukhtaar Abuukar Macalin, ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyay Idaacada SKY NEWS ee magaalada Muqdisho.

Halkaan ka dhageyso Mukhtaar Abuukar Macalin

Halkaan ka dhageyso Muqtaar Abuukar maclin

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Isku day dil & Mas’uuliyiin Somaliland ah oo Madaxa isugu Jara

Hargaisa (Caasimada online) Habeeno ka hor Magaalada Hargeisa ee xarunta Maamaulka Soomaaliland waxaa  uu isku day dil ka badbaaday Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiille oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliland.

Xildhibaankan Bad baaday ayaa sheegay inay arintan  ka dambeeyeen qaar kamid ah wasiirada maamulka Somaliland ee uu higaamiyo Axmed Siilaanyo.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliland ,Cabdullaahi Maxamed Daahir oo qeyb ka ah dadka lagu eedeeyay isku dayga dil oo arintaasi ka hadlay ayaa sheegay in hadal;kaas uu yahay mid aan la isaga hari doonin .

Wuxuu  sheegay in tayay eedeyntaasi mid la doonayo in meel loogu dhaco sharaftiisa waxaana uu Tilmaamay  in axkamad uu la tiigsan doono Xildhibaan Maxamed Faarax hadii uu cadeymo keeni waayana sharci uu ka qaban doobo sida uu sheegay

Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka Somaailand ee UCID Jamaal Cali Xuseen oo dhankisa arintan ka hadlay ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaailand ay ku lug lahaadaan qorshe lagu khaarijinayo mid kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliland oo sida uu sheegay howl u haya shacabka Somaliland.

Warar soo baxaya ayaa sheegay in ruuxii falkan geystay oo wali ku dhuumaaleysanayo magaaalada Harigeisana , Ciidamada maamulka Somaliland ayaa la tilmaamaya inaysan wali sameyn Howlgalo arintaasi ku aadan oo ay ku daba galayaan ruuxii isku dayay inuu xildhinaaanka qaarijiyo , taas oo shaki ku abuurtay shacabka reer Hargaisa sida ay sheegeen

Halkaan Hoose dhageyso codka Jamaal Cali Xuseen

Jamaal Cali Xuseen

Halkaan Hoose dhageyso codka Cabdullaahi Maxamed Daahir

Cabdullaahi Maxamed Daahir

Caasimada online

Xafiiska Hargaisa

[email protected]

Xiisad ka dhex taagan ciidamada DF & Ahlu Sunna & dagaal laga cabsi qabo

Baladxaawo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Balad-Xaawo ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in halkaas ay saaka ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhexeesa ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna.

Degmada ayaa xaley la sheegay in ay ka dhaceen is-rasaaseen u dhexeesa labada dhinac, waxaana magaalada saaka ka taagan xiisad dagaal.

Magaalada waxaa ku sugan ciidamada Ahlu Sunna, halka ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin banaanka magaalada sida ay sheegayaan dadka goobjoogayaasha ah.

Xiisadan ayaa ka dhalatay markii sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ay dhaawaceen ciidamada Ahlu Sunna, sidoo kale waxaa magaalada ka dhacay qarax lagu weerarray ciidamada Ahlu Sunna.

Waxaa socota waan-waan ku aadan siddii lagu damin lahaa xiisada ka taagan magaalada Balad-xaawo.

Labada dhinac waxa uu mid kasta ku eedeenayaa in ay ka dambeeyaan xiisadda ka taagan magaalada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Warbixin: Gole arrimaha Jubbooyinka loogu tala galay oo lagu dhawaaqay

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maalintii shaley looga dhawaaqay golle ay ku mideesan yihiin siyaasiyihiin iyo xildhibaanno horre, kuwaasoo ka arrinsan doona mustaqbalka iyo isku soo dhaweenta bulshadda ku dhaqan gobalada Jubbooyinka.

Guddigaas waxaa madax looga dhigay Col Cabaas Maxamuud Caddow, wuxuu la hadlay VOA-da wuxuuna sheegay in guddigooda loo sameeyay siddii la isku soo dhaween lahaa beelaha degga Jubbooyinka.

Wuxuu sheegay in guddigooda uu ka shaqeen doono siddii uu u hirgali lahaa shirarka dib u heshiisiinta ee ka kala dhacaya Muqdisho iyo Kismaayo.

Mar la weydiiyay sida ay u arkaan heshiiskii dhexmaray wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka Axmed Madoobe, wuxuuu sheegay guddigooda in ay soo dhaweenayaan wax kasta oo ku saabsan siddii nabad loogu soo dabaali lahaa Jubbooyinka.

Ugu dambeen, Col Cabaas ayaa sheegay in la kulmi doonaan wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya isla markaana ay kala hadli doonaan qorshaha shirarka lagu kala qabanaayo Kismaayo iyo Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]   

MUCJISADA QUR’AANKA ee ku aadan Nebi AADAM (CS) iyo Nebi CIISE (CS).

يقول تعالى: (إِنَّ مَثَلَ عِيسَى عِنْدَ اللَّهِ كَمَثَلِ آَدَمَ خَلَقَهُ مِنْ تُرَابٍ ثُمَّ قَالَ لَهُ كُنْ فَيَكُونُ)

 [آل عمران: 59]

”Tusaalaha Ciise Alle agtiisa waa sida tusaalaha Aadam, carro buu Alle ka abuuray (Aadam), dabeetana wuxuu ku yiri ahaw waana ahaaday”. Aali Cimraan 59d.

Markay Masiixiyiintu la yaabeen abuurka Ciise ee aabba la aanta, oo ay qariibsadeen kana weyneeyeen martabaddiisii aadannimo, oo ay kusheegeen Ilaahay, baa Eebbe aayaddan Qur’aaniga ahi uu ku nafiyey sheegashadooda, wuxuuna oranayaa hadday la yaabayaan abuurka Ciise, Ilaahay agtiisa waa sida abuurka Aadam oo kale. Macnaha Ciise haddii aabbe la aan la abuuray, Aadamba aabbe iyo hooyo toona malahayn. Sidaa darteed baa Ilaahay tusaale uu usoo qaatay abuurka Ciise inaanu ahayn qudrad Ilaahnimo loogu nisbeyn karo Ciise, saa maxaa yeelay Ilaahay wuxuu abuuray mid isaga ka mucjiso weyn oo aanan aabbe iyo hooyoba lahayn.

Aayaddani waa aayadda qura ee ay ku kulmaan amaba lagu wada xusay mar qura Aadam iyo Ciise. Waxay kujirtaa suuradda saddexaad ee Qur’aanka (Aali Cimraan). Aayad kale oo ay ku kulmaan Aadam iyo Ciise ma jirta. Sidaas oo ay tahayna aayaddani waxaa lagu xusay kalmadda ah  (مثل),  taasoo macna ahaan ah ”tusaale’‘, ama”sida oo kale”, waxayna isla aayaddani kusoo laabatay kalmaddaasi labo mar (Mathala Ciisaa, ka- mathal Aadam). Haddaba aayaddani waxay tilmaantay Aadam iyo Ciise inay isku tusaale yahiin, amaba isku mid.

Sidee baa Ciise uu ula mid yahay ama ula tusaale yahay Aadam? Aynu bal qeexno mucjisada ay aayaddani xambaarsan tahay.
-Aadam waa Nebi, Ciisana sidaa oo kale waa Nebi.
-Aadam wuxuu dhashay aabbe iyo hooyo la’aan, xaalad ka duwan dhalashada dadka (mucjiso), Ciisana aabbe la’aan xaalad ka duwan dhalashada dadka (mucjiso)

Intaas oo qura maahan halka ay iska miitaalaan, laakiin mid weliba waxaa magaciisa Qur’aanka kariimka uu kusoo arooray 25 mar. Waxaa cajiib ah in aayad qura ay ku kulmaan 25-kaas mar, taasoo ah aayadda aynu kor kusoo xusnay.

Aayadda qura ee magaca Aadam iyo Ciise ay ku kulmaan ayaa waxay xambaarsantahay mucjiso aad uweyn. Bal aynu dib u jalleecna aayadda.

يقول تعالى: (إِنَّ مَثَلَ عِيسَى عِنْدَ اللَّهِ كَمَثَلِ آَدَمَ خَلَقَهُ مِنْ تُرَابٍ ثُمَّ قَالَ لَهُ كُنْ فَيَكُونُ)

 [آل عمران: 59] 

Haddii aad u fiirsato aayaddani  waxay kujirtaa suuradda 3d ee Qur’aanka (آل عمران), taasoo ka kooban 7 xaraf oo Carabi ah. cibaaradda ugu muhiimsan ee aayadda ee uu Ilaahay tusaalaha Ciise ugu soo qaatay inuu lamid yahay tusaalaha Aadam, ayaa iyana ka kooban 7 kalmadood 

(إِنَّ مَثَلَ عِيسَى عِنْدَ اللَّهِ كَمَثَلِ آَدَمَ).

إِنَّ  —  مَثَلَ  — عِيسَى  —  عِنْدَ   —- اللَّهِ  —  كَمَثَلِ  — آَدَمَ

1–     2—      3 —-    4 —     5 —     6  —   7


Cibaarraddan gaaban ee kujirta aayaddan ee ka kooban toddobada kalmadood, Ilaahay wuxuu inoogu caddeynayaa mucjisada abuurka labadan Nebi ee Aadam iyo Ciise, nabadi dushooda ha ahaatee. Wuxuuna Ilaahay aayaddani mucjisada ahi inoogu tilmaamayaa Allahii abuuray labadan Nebi ee aayaddani mucjisada ahi (ee toddobada kalmadood ka kooban) ku kulmiyay inuu yahay midka abuuray toddobada samadood, iyo inuu yahay Allihii soo dejiyey toddoba soo laalaabato (macnaha suuradda Al Faatixa oo ka kooban 7 aayadood) iyo Qur’aan weyn (Sabcan minal mathaani, wal Qur’aanal Caziim). 

وَلَقَدْ آتَيْنَاكَ سَبْعاً مِّنَ الْمَثَانِي وَالْقُرْآنَ الْعَظِيمَ 

Al Hijr: 87d.

Laakiin waxaa isweydiin mudan maxay tahay calaaqada ka dhaxaysa suuradda Al Faatixa iyo aayaddan, bal garannay toddobada samadoode? Ugu horreyn toddobada samadood waa aayad kowni ah oo kamid ah, aayadaha koonka ee Eebbe. Sidaa darteed buu Ilaahay u doortay suuradda Al Faatixa inuu kala mid dhigo toddobada samo oo ka dhigey toddoba aayadood. 

وَلَقَدْ آتَيْنَاكَ سَبْعاً مِّنَ الْمَثَانِي وَالْقُرْآنَ الْعَظِيمَ 

Al Hijr: 87d

Calaaqada ka dhaxaysa suuradda Al Faatixa iyo aayaddani waxay tahay in aayaddu tahay aayad Qur’aani ah, Faatixaduna ay tahay Ummul kitaab, yacni hooyadii Qur’aanka, sidaa darteed buu Ilaahay leeyahay ”Dhab ahaan waxaanu kusiinnay (Muxammadoow!! ”S.C.W”) toddoba soo noqnoqota, iyo Qur’aan weyn”. Al Hijr: 87d.

Haddaba aayaddan uu Ilaahay ku miitaalaya Aadam iyo Ciise waxay u waadixineysaa dadka kusheegay Ciise inuu yahay Ilaahay inay ka waantoobaan oo gartaan mitaalkiisa inuu yahay miitaalka Aadam oo kale, oo ay rumeeyaan Qur’aanka, sidaa darteed baa Eebbe udoortay in kalmaduhu ay noqdaan 7 xaraf, halka muhiimadda ugu weynna ay tahay rumeynta Qur’aanka kariimka ahi oo ay Faatixadu u tahay Ummul kitaab. Ilaahay wuxuu Qur’aanu usoo qaatay cibaarada ah ”Qur’aanal caziim”, halka suuradda Al Faatixana uu usoo qaatay cibaarada ah ”Sabcan minal mathaani”, yacni toddobo soo noqnoqota. Sidaa oo kale Ilaahay cibaarada u soo qaatay Ciise ayaa ah weedha ”Mathala Ciisaa”, halka Aadamna uu usoo qaatay ”Ka mathali Aadam”.

Muhiimaddu ay aayaddu ka hadlaysa waxay tahay inay gartaan Allihii abuuray toddobada samadood inuu yahay midka abuuray Aadam iyo Ciisaba, ee aanu Ciise ahayn Ilaah, iyo inay gartaan in Eebbe yahay kan soo dejiyey toddobada aayadood ee Al Faatixa (Ummul kitaab) iyo Qur’aanka weyn. Sidaa darteed maadama suuraddani Al Faatixa ay tahay Ummul Kitaab, saamayn bay ku leedahay mucjisada aayaddani. Laakiin waxaa cajiib ahaan lahayd oo aad la yaabi lahayd haddii aynu kasii hadali lahayn mucjisada suuradda Al Faatixa iyo raqamka toddobo in ka badan intaan.

Mahan suuradda Al Faatixa oo qura suuradda saamaynta kuleh raqamkaasi, balse waxaa jira suurada kale oo la wadaa saamaynta raqamkaasi iyo mucjisaadkiisa. Bal suuradda Al Acraaf iyo raqamka toddobana aynu yara taabanno. Ugu horreyn suuradda Al Acraaf waxay tartiibka Qur’aanka uga jirtaa raqamka 7d, magaceeduna wuxuu ka kooban yahay 7 xaraf, aayadaheeduna waxay ka kooban yahiin 204 aayadood. Haddaba haddii aynu ku dhufanno tartiibka ay Qur’aanka ugu jirta (tartiibka 7d) aayadaheeda oo ah 206, aayadood waxaa markaasi inoosoo baxaya raqamka ah 1442. 

Ugu horreyn bal anagoo ka duuleyna raqamka toddoba aynu isku keenna toddobada suuradood ee ugu aayadaha badan Qur’aanka kariimka.

1. Suuradda Al Baqrah: 286 aayadood
2. Suuradda Ash- Shucraa: 227 aayadood
3. Suuradda Al Acraaf: 206 aayadood
4. Suuradda Aali Cimraan: 200 aayadood
5. Suuradda As- Saafaat: 182 aayadood
6. Suuradda An- Nisaa: 172 aayadood
7. Suuradda Al Ancaam: 165 aayadood. Kadib aynu isku darno cadadka aayadahaasi toddobada suuradood.

Al Baqrah: 286 + Ash- Shucraa: 227 + Al Acraaf: 206 + Aali Cimraan: 200 + As- Saafaat: 182 +An- Nisaa: 172 + Al Ancaam: 165 natiijadu waa 1442. 

Ma xasuusataa natiijadan (1442)? Waa natiijadii aynu helnay marka aan horey isugu soo dhufannay aayadaha suuradda Al Acraaf iyo tartiibka ay Quraanka uga jirto. Immikana markaynu isku darnay aayadaha toddobada suuradood ee ugu aayadaha badan Quraanka kariimka, waxaa inoo soo baxay isla tiradii. Haddii marka aynu tiradaasi u qeybinno toddobada suuradood si isla eg, maxaa inoo soo baxaya?

Bal adba malee!! 1442/7= 204.  Ma xasuustaa raqamka aanu ku helnay natiijadan? Waa raqamka inta aayadood ee ay ka kooban tahay suuradda toddobaad ee Qur’aanka kariimka (suuradda Al Acraaf). Subxanallaah!!.

Intaas oo mucjiso ah kadib, haddii aynu eegno sida aynu arki doonno, qaabka tartiibka ama silsiladda uu magaca Aadam ugu soo arooray Qur’aanka kariimka, marka aynu joogno raqamka 14d, waxaanu arki doonnaa inay kujirta aayaddaasi suuradda Al Acraaf, taasoo ka dhigan raqamkii toddoba oo labo jibaaran. Subxanallaah!!

Hadda bal aynu u laabanno  mucjisada raqamka toddoba (7), iyo aayaddii kore ee aynu soo xusnay. Kolleey intaasi kuma ekaan doono, ee bal aynu marko hore qeexa inta aayadood ee ay kusoo kala arooreen magacdooda labadan Nebi. Marka hore aanu ku hormarno Nebi Aadam nabadi dushiisa ha ahaatee.

AADAM CALAYHIS- SALAAM 

Magaca Aadam waxaa Qur’aanka kariimka lagu xusay 25 mar. Haddaba waxaynu kasoo billaabi doonnaa sida tartiibka Qur’aanka annagoo uxusi doonna sida ay u kala horreeyaan kasoo billaaw koow Al Baqrah illaa hoos.

1- وَعَلَّمَ آَدَمَ الْأَسْمَاءَ كُلَّهَا

2- قَالَ يَا آَدَمُ أَنْبِئْهُمْ بِأَسْمَائِهِمْ

3- وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَائِكَةِ اسْجُدُوا لِآَدَمَ

4- وَقُلْنَا يَا آَدَمُ اسْكُنْ أَنْتَ وَزَوْجُكَ الْجَنَّةَ

5- فَتَلَقَّى آَدَمُ مِنْ رَبِّهِ كَلِمَاتٍ

6- إِنَّ اللَّهَ اصْطَفَى آَدَمَ

7- إِنَّ مَثَلَ عِيسَى عِنْدَ اللَّهِ كَمَثَلِ آَدَمَ

8- وَاتْلُ عَلَيْهِمْ نَبَأَ ابْنَيْ آَدَمَ بِالْحَقِّ

9- ثُمَّ قُلْنَا لِلْمَلَائِكَةِ اسْجُدُوا لِآَدَمَ

10- وَيَا آَدَمُ اسْكُنْ أَنْتَ وَزَوْجُكَ الْجَنَّةَ

11- يَا بَنِي آَدَمَ قَدْ أَنْزَلْنَا عَلَيْكُمْ لِبَاسًا

12- يَا بَنِي آَدَمَ لَا يَفْتِنَنَّكُمُ الشَّيْطَانُ

13- يَا بَنِي آَدَمَ خُذُوا زِينَتَكُمْ عِنْدَ كُلِّ مَسْجِدٍ

14- يَا بَنِي آَدَمَ إِمَّا يَأْتِيَنَّكُمْ رُسُلٌ مِنْكُمْ

15- وَإِذْ أَخَذَ رَبُّكَ مِنْ بَنِي آَدَمَ

16- وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَائِكَةِ اسْجُدُوا لِآَدَمَ

17- وَلَقَدْ كَرَّمْنَا بَنِي آَدَمَ

18- وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَائِكَةِ اسْجُدُوا لِآَدَمَ

19- مِنْ ذُرِّيَّةِ آَدَمَ

20- وَلَقَدْ عَهِدْنَا إِلَى آَدَمَ

21- وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَائِكَةِ اسْجُدُوا لِآَدَمَ

22- فَقُلْنَا يَا آَدَمُ إِنَّ هَذَا عَدُوٌّ لَكَ

23- فَوَسْوَسَ إِلَيْهِ الشَّيْطَانُ قَالَ يَا آَدَمُ

24- وَعَصَى آَدَمُ رَبَّهُ فَغَوَى

25- يَا بَنِي آَدَمَ أَنْ لَا تَعْبُدُوا الشَّيْطَانَ
______________________________________________________________________________________________

CIISE CALAYHIS- SALAAM

Magaca Ciise waxaa Qur’aanka kariimka lagu xusay 25 mar. Haddaba waxaynu kasoo billaabi doonaa sida tartiibka Qur’aanka annagoo u xusi doonna sida ay u kala horreeyaan kasoo billaaw koow Al Baqra illaa hoos.

1- وَآَتَيْنَا عِيسَى ابْنَ مَرْيَمَ الْبَيِّنَاتِ

2- وَمَا أُوتِيَ مُوسَى وَعِيسَى

3- وَآَتَيْنَا عِيسَى ابْنَ مَرْيَمَ الْبَيِّنَاتِ

4- اسْمُهُ الْمَسِيحُ عِيسَى ابْنُ مَرْيَمَ

5- فَلَمَّا أَحَسَّ عِيسَى مِنْهُمُ الْكُفْرَ

6- يَا عِيسَى إِنِّي مُتَوَفِّيكَ

7- إِنَّ مَثَلَ عِيسَى عِنْدَ اللَّهِ كَمَثَلِ آَدَمَ

8- وَمَا أُوتِيَ مُوسَى وَعِيسَى

9- وَقَوْلِهِمْ إِنَّا قَتَلْنَا الْمَسِيحَ عِيسَى ابْنَ مَرْيَمَ

10- وَعِيسَى وَأَيُّوبَ وَيُونُسَ

11- إِنَّمَا الْمَسِيحُ عِيسَى ابْنُ مَرْيَمَ رَسُولُ اللَّهِ

12- وَقَفَّيْنَا عَلَى آَثَارِهِمْ بِعِيسَى

13- عَلَى لِسَانِ دَاوُودَ وَعِيسَى ابْنِ مَرْيَمَ

14- إِذْ قَالَ اللَّهُ يَا عِيسَى

15- إِذْ قَالَ الْحَوَارِيُّونَ يَا عِيسَى

16- قَالَ عِيسَى ابْنُ مَرْيَمَ

17- وَإِذْ قَالَ اللَّهُ يَا عِيسَى

18- وَزَكَرِيَّا وَيَحْيَى وَعِيسَى

19- ذَلِكَ عيسَى ابْنُ مَرْيَمَ

20- وَمُوسَى وَعِيسَى ابْنِ مَرْيَمَ

21- إِبْرَاهِيمَ وَمُوسَى وَعِيسَى

22- وَلَمَّا جَاءَ عِيسَى بِالْبَيِّنَاتِ

23- وَقَفَّيْنَا بِعِيسَى ابْنِ مَرْيَمَ

24- وَإِذْ قَالَ عِيسَى ابْنُ مَرْيَمَ

25- كَمَا قَالَ عِيسَى ابْنُ مَرْيَمَ
_________________________________________________________

-Haddii aad u fiirsato magaca Aadam tartiibkiisa sida ay aayaduhu u kala horreeyaan marka laga soo billaabo suuradda 2d (Al Baqra) ee hoos loosocda, aayadda kowaad ee ay ku kulmayaan Ciise waa aayadda 7d, ee kujirta suuradda Aali Cimraan.

-Haddii aad u fiirsato magaca Ciise tartiibkiisa sida ay aayaduhu u kala horreeyaan marka laga soo billaabo suuradda 2d (Al Baqra) ee hoos loosocda, aayadda kowaad ee ay ku kulmayaan Aadam waa aayadda 7d, ee sidoo kale kujirta suuradda Aali Cimraan. Subxanallaah!! ma ogtahay aayaddaasi waa aayaddii mucjisada abuurka Aadam iyo Ciise ka sheekeyneysay, ee aynu ciwaanka hore kusoo xusnay?

Mucjiso kale ayaa jirta halkanna, haddii aad eegto magaca Aadam tartiibka loogu xusay Qur’aanka, marka19d, wuxuu magaciisa kujirtaa suuradda Maryam. Haddii aad eegta tartiibka loogu xusay magaca Ciise aayadaha ka warramaya magaciisa, waxaad arkaysaa in marka 19d uu magaciisa kujira suuradda Maryam. Subxanallaah!!.  Subxanallaah!!, Subxanallaah!!. Haddii aad tirisa mid weliba tartiibta uu Qur’aanka ugu soo arooray, marka aad soo gaadho mid weliba aayadda 19d ee magaciisa lagu xusay, aayaddaasi waxay kujirtaa suuradda Maryam. Subxanallaah!!

Subxanallaah!!.

Subxanallaah!!

Ma ogtahayse inay suuraddaasi Maryam tahay suuradda 19d ee kusoo aroortay tartiibka Qur’aanka? Waa arrin mucjiso ah. Aayadda 19d ee marka laga hadlaya tartiibka loogu xusay Aadam Qur’aanka, waxay kujirtaa suuradda 19d ee Qur’aanka (Maryam). Tartiibka Ciise loogu xusay Quraankuna marka 19d, waxaa lagu xusay suuradda 19d ee Qur’aanka (Maryam).

Maxaa isku mid kadhigey tartiibka loogu xusay magaca Aadam Qur’aanka kariimka marka  laga soo billaabay kor suuradda (Al Baqrah) ee lamaraya aayadda tartiibka 19d inay kujirta suuradda tartiibka 19d ee suuradaha Qur’aanka (yacni suuradda Maryam)?

Maxaase isku mid kadhigay tartiibka loogu xusay magaca Ciise Qur’aanka kariimka, marka laga soo billaabo kor suuradda (Al Baqrah) ee la maraya aayadda tartiibka 19d inay kujirta suuradda 19d ee tartiibka Qur’aanka (yacni suuradda Maryam)?

Ogoow suuradda keliya ee bisin lagu tiriya waa suuradda Al Faatixa ee ka kooban toddobada aayadood. Bal bisinku marka waa immisa xaraf? Waa 19 xaraf. Subxanallaah!!. Waxaa laga yaabaa inaad tiraahda maxaa isku keenay Al Faatixa iyo raqamkan 19d. Laakiin ha illaawin raqamka 7 iyo mucjisada Al Faatixa iyo saamaynta ay ku lahayd aayadda kujirtay Aali Cimraan ee aynu soo xusnay, sidoo kale raqamka 19 waa raqam mucjisaad, ay iyana saamayn ku leedahay suuraddan Al Faatixa, iyo meelo badan oo kamid ah Qur’aanka.

Magaca Aadam ayaa ka kooban sida Qur’aanka uu ugu soo arooray ee Carabi ahaanta saddex xaraf  (آدم), Aadam-na wuxuu ku dhashay oo Ilaahay sameeyay aabbe iyo hooyo la’aan, sidaa darteed saddex aayadood oo kamid ah suuraddaasi (Al Faatixa) ayaa ka kooban middiiba 19 xarfood (aayadda 1d, ta 5d iyo tan 6d). Subxaanaka yaa Ilaah!!.

Magaca Ciise ayaa ka kooban sida Qur’aanka uu ugu soo arooray ee Carabi ahaanta afar xaraf (عيسى), Ciisana wuxuu ku dhashay aabbe la’aan oo qura, hooyana wuu lahaa, sidaa darteed afarta aayadood ee kale ee kamidka ah suuradda Al Faatixa kama koobno 19 xaraf. Subxanallaah!!.

Raqamka 7, iyo raqamka 19 waa labo raqam oo mucjiso ah, Qur’aanku aad baa loogu xusay, labada raqamba saamayn bay ku yeelatay suuradda Al Faatixa. Sababtu maxay tahay? Suuradda Al Faatixa waa Ummul kitaab.

Waa yaabe Ilaahay muxuu ugu beegay labadan raqam Aadam iyo Ciise? Tani waxay kutusineysaa mucjisada Qur’aanka, iyo inuu yahay waxyi xag Alle ka yimid, oo kitaab lamid ahi aanu jirin. Raqamka 19d iyo raqamka 7d waa labo raqam oo xataa xilligan aynu joogna casriga tiknoloojiyada saamayn kuleh cilmiga sayniska iyo tiknoloojiyada casrigan.

Raqamka 19 meelo badan ayaa Qur’aanka kariimka aad ku arkaysaa. Qur’aanku wuxuu ka kooban yahay 114 suuradood, laakiin 113 ayaa bisinmalla ka billaabato. Sidaas oo ay tahay bisinka Qur’aanka wuxuu kusoo arooray 114 mar. Suuradda Al Towbah, malahan wax bisin ah, laakiin suuradda Namal dhexdeeda ayaa lagu xusay mar kale bisinka. Haddaba bisinka wuxuu ka kooban yahay 19 xaraf.. Subxanallaah!!

Wuxuu bisinku ka kooban yahay 19 xaraf, haddii aad 114-ta bismillaahir- Raxmaanir- Raxiim ee Qur’aanka kusoo aroortay aad u qeybiso 19-ka xaraf ee uu ka kooban yahay bisinka, waxaa kuusoo baxaya raqamka 19. Subxanallaah!!. Sida aynu soo xusnayna suuradda Al Faatixa waa suuradda kaliya ee bisinka ay ka billaabatay lagu tiriya, ayadoo saddex aayadood oo kamid ah aayadaheeduna ay middiiba ka kooban tahay 19 xaraf.

Haddii aad eegto suuraddii ugu horreysay ee Qur’aanka kariimka soo degta waa suuradda Al Calaq, taasoo ka kooban 19 aayadood, subxanallaah. Qur’aanku wuxuu ka kooban yahay 114 suuradood, Al Calaqna waxay tartiibka Qur’aanka uga jirtaa suuradda 96d, laakiin haddii aynu hoos kasoo tirinna waxay noqonaysaa suuradda 19d. Subxanallaah!.

Shanta aayadood ee kujirta suuradda Al Calaq ee Qur’aanka ugu soo hor dagtay waxay ka kooban yahiin isku darkooda 19 erey ama kalmadood. Subxanallaah!!.

Shanta aayadood ee kujirta suuradda Al Calaq ee Qur’aanka ugu soo hor dagtay waxay ka kooban yahiin isku darkooda 76 xarfood. Haddii aad marka inta aayadood ee suuraddu ay ka kooban tahay (19 aayadood) aad isku dar darto, afar mar marka aad isku darto 19 waxaa kuusoo baxaysa 76. Taa macnaheedu waxaa weeye 76 haddii aad u qeybiso 4 meel (ka dhig afarta xaraf ee uu ka kooban yahay magaca Ciise, ama afarta jiha ee koonka, amaba afarta waqti ee sanadka), waxaa kuusoo baxaya raqamka 19, subxanallaah!!.

Suuradda Al Calaq waxay ka kooban tahay 304 xaraf, haddii laga yimaada shanta aayadood ee usoo hor degtay suuraddaasi, marka la tirinaya aayada kale ee shantaasi ka dambeeyay aayadda kowaad waa aayadda 6d ee suuradda, waxayna ka kooban tahay 16 xarfood. Haddaba 304 (oo ah inta xarfood ee ay suuradda ka kooban tahay) haddaynu u qeybinno 16 (oo ah inta xarfood ee ay ka kooban tahay aayadda koowaad, marka laga yimaada shanta aayadood ee ugu soo hor degtay- macnaha waa aayadda 6d ee suuradda), waxaa inoosoo baxaya raqamka 19, subxanallaah!!.

Haddaynu eegno suuradda Nuux, waxay ka hadlaysaa iyada dhan qisadii Nebi Nuux nabadi dushiisa ha ahaatee. Aayadda 14d ee suuradda Cankabuut Ilaahay wuxuu inoogu sheegay in Nuux qoomkiisa uu wacdinayay oo dhex joogay muddo 1000 sano oo 50 sano dhiman ah, taasoo ka dhigan inuu qoomkiisa wacdinayay muddo 950 sano ah. Haddaba suuradda Nuux ma sheegin inta sano ee uu qoomkiisa wacdinayay, balse waxay xustay dacwadii iyo risaalada siduu qoomkiisa ugu sheegayay oo uu u gaarsiiyey ee ay iyagana uga dhoohnaayeen oo ay dhegaha uga daboolanayeen.

Haddii marka aynu eegno suuradda Nuux waxay ka kooban tahay 950 xaraf, taasoo xaraf kastaahiba uu ka dhigan yahay sanad kamid ah fitradii uu Nuux qoomkiisa wacdinayay. Taa macnaheedu waxaa weeye haddii Ilaahay ku xusay muddadii Nuux qoomkiisa uu wacdinayay inay ahayd 1000 dhiman 50 sano tirada keliya ee aanan jajabka ahayn ee haddii 50 lagu dhufta ay imanaysa 950 waa raqamka 19. Subxanallaah!!

Suuradda labaad ee Qur’aanka ugu soo hor dagtay waa suuradda Qalam, aayadda ay kudhamaato suuraddaasi waxay ka kooban tahay 19 xarfood. Suuradda saddexaad ee Qur’aanka ugu soo hor degtay waa suuradda Al Muzammil, waxayna ka kooban tahay 57 kalmadood. Haddaba tartiibka ay soo degista Qur’aanka uga jirta haddii uu yahay saddex, dabeetana aynu tirada kalmadaheeda (57 kalmadood) u qeybinno halka ay tartiibka soo degista uga jirta (3), waxaa inoo soo baxaya raqamka 19, subxanallaah!!.

Suuradda afraad ee soo dagtay waxay ahayd suuradda Al Mudathir, waxaa suuraddaasina lagu xusay raqabka 19, (eeg aayadda 30d ee suuraddaas- calayhaa tiscata cashar). Suuraddaasi Mudathir aayaddeeda lagu xusay raqamka 19 waa aayadda 30d. Haddii aad eegto aayadda kowaad ee suuraddaasi illaa aayaddeeda 30d ee lagu xusay raqamka 19, waxay ka kooban yahiin 95 kalmadood. Haddii aad soo qaadato labada raqam ee isdul fuulo (95), raqamka dambe (5), oo aad u qeybiso labada raqam oo is wata (95/5) waxaa kuusoo bixi doona raqamka 19, subxanallaah!!.

Suuradda ugu dambeysay ee Qur’aanka soo dagtay waa suuradda Al Nasr, waxayna ka kooban tahay 19 kalmadood ayada dhan, halka aayadda kowaad ee suuraddaasi ay ka kooban tahay 19 xarfood. Subxanallaah!!.

Waxaan marka si degen is weydiinnaa raqamka 7, kaasoo Ilaahay uu ku kulmiyey Aadam iyo Ciise, (suuradda Aali Cimraan), waana aayadda keliya ee ay ku kulmaan labada magac ee labadaasi Nebi. Raqamka 19-na Ilaahay waa ku kulmiyey labadani Nebi (suuradda Maryam), labadaasi suuradoodna (Aali Cimraan iyo Maryam), waxay magacyo ka kala wataan hal aalu bayt oo ah, Nebi Ciise hooyadiis Maryam iyo awoowgiis dhalay hooyadiisa Maryam ee Cimraan.

Labada suuradoodba waxay ka sheekeeyaan dhalashadii mucjisada ahayd ee Ciise, sidoo kale waxaa labada suuradoodba kuxusan bishaaradii malaa’ikta ee Maryam, sidoo kale waxaa labada suuradoodba kuxusan bishaaradii Zakariyah loogu bishaareeyay Yaxya nabadi dushooda ha ahaatee. Labada suuradoodba waxay wadaagaan waxyaabo badan oo aanay wadaagin suurada kale, sida magaca Maryam, Ciise, Aadam, Zakariyah iyo Yaxya nabadi dushooda ha ahaatee, oo labaduba lagu wada xusay. Haddaba ma wax kale baynu awoodnaa inaaynu niraahna Subxanallaah!! mooyaane!!?

Bal aynu ku laabanno raqamka 7 iyo mucjisadiisa. Aayadaha uu kusoo arooray magaca Aadam iyo tartiibkooda marka aynu kasoo billawno kor oo aynu marayna aayadda 7d, waa aayadda keliya ee ay ku kulmaan Nebi Ciise iyo Nebi Aadam, waxayna kujirtaa suuradda Aali Cimraan.

يقول تعالى: إِنَّ مَثَلَ عِيسَى عِنْدَ اللَّهِ كَمَثَلِ آَدَمَ خَلَقَهُ مِنْ تُرَابٍ ثُمَّ قَالَ لَهُ كُنْ فَيَكُونُ)

 [آل عمران: 59]

Aayadaha uu kusoo arooray magaca Ciise iyo tartiibkooda marka aynu kasoo billawno kor oo aynu marayna aayadda 7d, waa aayadda keliya ee ay ku kulmaan Nebi Aadam iyo Nebi Ciise, waana aayadda aanu immika kor kuxusnay. Subxanallaah!! Subxanallaah!! Subxanallaah!!.

Maxaa isku beegay labada magac in mid weliba uu tartiibkiisa toddobaad kusoo beegmo aayaddan, oo misna ay aayaddani noqota aayadda keliya ee ay ku kulmaan labada magac? Subxanallaah!!.

Waxaa kaloo misna cajiib ah aayaddu waxaa kujira kalmad labo mar kusoo laablaabatay, taasoo labada marba kala sidata labada magac ee Nebiyada ku xusan aayadda (Aadam iyo Ciise), weedhaasi waxay tahay (مَثَل), labada mar ee ay kusoo laablaabatay aayaddu iyo sida ay labada magac ukala sidata waa sidan  (مَثَلَ عِيسَى),Macnaha tusaalaha Ciise, (كَمَثَلِ آَدَمَ) waa sida tusaalaha Aadam. Haddii aynu eegno cibaarada tusaalaha Ciise waxay ka kooban tahay 7 xarfood .

م  — ث —  ل     ___     ع  — ي  — س  —- ى

1  —2 —  3    ___        4—   5 —  6 —-    7

Cibaarada ah (كَمَثَلِ آَدَمَ), iyana waa toddoba xarfood, bal u fiirso!!

ك — م — ث — ل       ا  — د  — م

1– 2 — 3 — 4      5 — 6 — 7

Waxaa misna cajiib ah weedhaasi (مَثَل), ee labada mar kusoo laabatay aayadda ee mar kastaahiba wadata Nebi kamid ah labada Nebi ee ay xustay labada mar ee ay kusoo laabatay aayadda dhexdeeda ee ay sidata labada magac, waxaa udhaxaysa cibaara kale oo oranaysa  (عِنْدَ اللَّهِ), taasoo ka kooban toddoba xarfood, Subxanallaah!!. Ilaahay wuxuu Aadam iyo Ciisaba ku abuuray weedh uu ku qatimay aayaddaasi, taasoo ah labo kalmadood oo isdul saaran oo ah  (كُنْ فَيَكُونُ), macniyanna ah ”Ahaw, waana ahaaday”. Haddaba cibaaradani (kunfayakuun), waxay ka kooban tahay iyana toddoba xarfood. Sidaa daraaddeed cibaaradani waxay caddeyneysaa in Ilaahay yahay mid abuuray toddobada samadood iyo dhulka iyo waxa udhaxeeyaba, dabeetana yiraahdaa amar iyo go’aan markuu gaaro  (كُنْ فَيَكُونُ), ‘Ahaw!!, shaygiina waa ahaadaa”.
Sidoo kale cibaarada cabbireysa dhihidda Ilaahay uu oranaya go’aan ama amar markuu gaaro (كُنْ فَيَكُونُ), ee kujirta aayadda waa cibaarada oranaysa  (ثُمَّ قَالَ لَهُ), waxay cibaaradanina ka kooban tahay saddex kalmadood, oo ka kooban 7 xarfood. Subxanallaah!!.  Waxaa kaloo cajiib ah, labada magac ee aayadda kusoo aroortay waa Ciise (عيسى) , oo ka kooban 4 xaraf iyo Aadam (آدم), oo ka kooban saddex xaraf. Haddii aynu isku darno 4 iyo 3 waxaa inoo soo baxaya raqamka 7.

SOO KOOBID

Cibaarada kowaad ee aayadda waa sidan (مَثَلَ عِيسَى), waxayna ka kooban tahay labo kalmadood oo isku darkooda ah 7 xarfood marka laga reebo ismu towkiidka Inna.

Cibaarada labaad ee aayadda waa sidan (عِنْدَ اللَّهِ), waxayna sidoo kale ka kooban tahay labo kalmadood oo isku darkooda ah 7 xarfood.
Cibaarada saddexaad ee aayadda waa sidan (كَمَثَلِ آَدَمَ), waxayna sidoo kale ka kooban tahay labo kalmadood oo isku darkoodu ah 7 xarfood.
Cibaarada afraad ee aayadda waa sidan  (ثُمَّ قَالَ لَهُ), waxayna ka kooban tahay saddex kalmadood oo isku darkoodu ah 7 xarfood.

Cibaarada shanaad ee aayadda waa sidan (كُنْ فَيَكُونُ)waxayna ka kooban tahay 2 kalmadood oo isku darkoodu ah 7 xarfood.

Labada magac ee kusoo kala aroortay aayadda waa Ciise (عيسى), oo afar xaraf ka kooban iyo Aadam (آدم), haddii la isku darana waa 7 xarfood.
Weedha labada mar kusoo laabatay aayadda iyo qaabka ay ugu soo laabatay waa sidan (مَثَلَ)oo ka kooban saddex xarfood, iyo (كَمَثَلِ), oo ka kooban afar xarfood, kuwaasoo markii la isku daro noqonaya 7 xarfood.

Ismu towkiidka ugu horreeya aayadda ee  (إِنَّ), waa weedh ka kooban 2 xarfood. Haddii aan soo qaadanna marka weedha ugu dambeysa ee aayadda waxaan heleynaa inay tahay (فَيَكُونُ), taasoo ka kooban shan xarfood, marka aynu isku darnana weedha ugu horreysa aayadda oo ka kooban 2 xarfood iyo weedha ugu dambeysa oo ka kooban 5 xarfood, waxaa inoosoo baxaya raqamka 7. Subxanallaah!!.

Waxaa kaloo mucjiso ah aayaddu waxay tilmaamaysaa in Ilaahay ka abuuray Aadam carro, haddii aan soo qaadanno magaca Aadam (آدم), wuxuu ka kooban yahay saddex xarfood, ereyga carro (تراب), ee ku xusan aayaddu isaguna wuxuu ka kooban yahay 4 xarfood, isku darkooduna waa 7 xarfood. Haddii aad u fiirsata sidoo kale aayaddu waxay tilmaamaysaa weedha wuxuu ka abuuray (خَلَقَهُ), taasoo ka kooban 4 xarfood, magaca Aadam ee ay weedhaasu qeexeysa ee lagu xusay aayadduna wuxuu ka kooban yahay saddex xarfood (آدم), isku darkoodu markaasi waa toddoba xarfood.

Waxaa kaloo cajiib ah labada Nebi mid weliba waxaa Qur’aanka kariimka lagu xusay 25 mar, haddii labada raqam ee is dul saaran aan kala dhigno oo aynu dhexdooda dhigna calaamadda ku dar (+), waxaa inoosoo bixi doona (2+5) raqamka 7. Subxanallaah!!.

Dhanka kale, aayaddani mucjisada cajiibka ahi xambaarsan waa aayadda 59d ee suuradda Aal Cimraan, haddaba haddii aynu kala dhigna labada raqam ee isdul saaran oo aynu dabeeta dhex dhigna calaamadda ku darta (+), markaasu waxaa inoo soo bixi doono (5+9) raqamka 14, kaasoo haddaynu u qeybinno labada magac ee suuradda lagu xusay aanu raqamka 7. Subxanallaah!!._________________________________

WD: Mohammed Dahir Abdi
Email: [email protected]
Xafiiska Caasimada Online ee Finland                                                                                             _________________________________

Afeef: Qormadani waxay gaar u tahay qoraha iyo webka caasimada.net. Lama daabacan karo idin la’aan.

Maxaa keena Findoobka? (Qooq mise wax kale, ogow xaqiiqda!)

Fianankaan waxa ay ka soo bixi karaan sanka kaliya ama wejiga oo idil, waxayna ka dhashaan qanjirro oogeed oo aad u yaryar oo soo saara dheecaan saliid ah oo maqaarka subkiya, qanjiradaas ayaa ka xirma afka kadibna bararaan markii la riixane waxaa ka soo baxa wax cad oo adag oo malax oo kale ah.

Inkastoo waxa toos u keeno finankaan aan la ogeyn laakiin waxaa jira waxyaabo badan oo dadajiya ama saacida soo bixitaankiisa oo ay ka mid tahay daawooyinka qaar, heerka hormoonnada qofka, bakteeriyo, qanjirrada finanka oo aad u shaqeeya iyo diiqada (welwelka iyo fekerka)
Cunnooyinka qaar waxaa la sheegay in ay xiriir la leeyihiin findoobka sida shokolaatada, caanaha, cunada leh karbohaydareetka, Vitamiinka A iyo E-ga.

Nadaafadda waxay dowr weyn ka ciyaartaa furidda afka qanjirrad saliidda ee xirmay si aysan finan cusub u samaysmin.

Acne waa dhibaato ay ka sheegtaan in ka badan 85% dhalinyarada mana ahan cudur halis ah, dhibaatada ugu weyn uu keeni karane waa wajiga oo haaro yeesho, dhaawac nafsaani ah, niyad jab iyo ka go’idda bulshada (tanoo u badan gabdhaha).

Findoobka waxaa loo isticmaalaa daawooyin badan oo ay ka mid tahay bamaatooyin la marsado laakiin waxaa kugu haboon in aad u tagto dhakhtar maqaar si loo arko finanka aad ka cabanayso.

W/D: Xiriirka Caafimaadka Soomaaliyeed

Dhageyso: Dhisme maamul cusub oo ka soconaya magaalada….!

Marko (Caasimada Online) Gudoomiyaha Degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, Maxamed Cusmaan Cali Yariisoow, ayaa sheegay in magaaalada Marko uu ka soconayo abaabul ku aadan sidii loo soo dhisi lahaa Maamul Heer degmo iyo mid Gobol ah .

Waxgad ka kala socda degmooyinka gobolka Sh/Hoose ayuu sheegay in ay ku sugan yihiin Magaalada Marko isla-markaan looga fadhiyo in Shanta Bisha soo aadan ay soo Xulaan Xubnaha Baarlamaanka gobolka si dhankooda ay gudoomiye Baarlamaan ay usoo doortaan.

“Ergo gaaraya 300 ayaaa arintan ku howlan iyaga ayaa soo Xulaya Baarlamaaanka oo gaaraya 27 Xubnood, Baarlamaanka gudoomiye ayay magacaabnayaan kadibna waxaa la dhisayaa Gudoomiyaasha Degmooyinka gonolka si iyana ay usoo doortaann gudoomiyaha gobolka Sidaas ayay howsha isagu xiran tahay” ayuu yiri Yariisoow

Wuxuu sheegay in qorshahan uu yahay mid uu ka war hayo gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose isla markaana arintaan looga gol leeyhay hetaanka midnimada iyo maamul ay u siman yihiin shacabka gobolka

Arintan wali kama uusan hadlin Gudoomiyaha gobolka SH/Hoose , hayeeshee hadalkan wuxuu imaanaya xilli qaban qaabo maamul sameyn ah uu ka soconayo magalada beydhabo ee xarunta gobolka Baay, kaas oo ay wadaan siyaasiyiin is abaabulay sidoo kalena Magaalada baladweyne waxaa ka socconaya qorshaha maamul  u sameynta gobolka Hiiraan

Halkaan ka dhageyso YARISOW Gudoomiyaha Marko

Marka

Caasimada online

Xafiiska Marko

[email protected]

VIDEO qiiro leh: Farqiga qiimaha nafta Soomaalida maanta iyo tii hore

Caasimada Online:  General Maxamed Deeqoow “Genaral Jaksan” oo ka mid ahaa Saraakiishii Taraafikada Soomaaliya ayaa ka sheekeynaya Arin kaa oohineysa oo hadii aad daawato aan hubo in aad ilmeyn doonto Qiimaha Dowladnimo ay lee dahay.

Hadaba Muuqaalkani waa mid ka hadlaya Dhacdo Cajiib ah oo ka dhacday Wadankeena Somalia gaar ahaan Magaalada Muqdisho taa oo ah “Hooyadii rida gaariga ka dilay ee loo gurmaday iyo hooyada iyada caruurteeda la xasuuqay ee aan loo garaabin…” ee nala Daawo Muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Dhageyso: Madaxweyne Xasan oo la gudiga golaha amaanka ee M/A

Muqdisho (Caasimada Online) Afhayeenka Aqalka madaxtooyada Somalia ahna la taliyaha Madaxweynaha Somalia Engneer C/raxmaan Cumar Cismaan yariisoow, ayaa warbaahinta wuxuu uga warbiaya gudi ka socday Gudiga golaha amaanka ee Midowga Africa .

Wuxuu sheegay in Ujeedka ay gudigan ay soomaaliya ay u yimaadeen inay tahay u kuur galida xaalada am nee Somalia iyo baahiyaha Ciidamada dowlada Somalia iyo Kuwa AMISOM .

Afhayeenka ayaa sheeegay in Guddigaas oo ka koobanyihiin 15 da,l ay kaliya ka maqan tahay Dowlalada Masar, inkastoo sababta uusan sheegin balse wuxuu sheegay inay iminka diyaar u yihiin iay muujiyaan taageerada ay u hayaan dowlada Somalia.

Gudigan ayuu sheegay inau aqbalen isla-markaana ay u hagaansameen fikirkii madaxweynaha Somalia ee ahaa in la qalabeeyo isla markaana la tayeeyo coodamada Somalia taas uu ku sheegay inay tahay mid guul ah .

“ Markii ugu horeysay Taariikhda caalamka Somalia ayaa Caalamka waxaa  kala hadli doona Gudiga Golaha Amniga ee Midowga Africa, waxaana QM la hor geyn doono warbixin loga codsanayo in ciidamada Somalia la qalabeeyo isla-markaan laga dhigo kuwo tayeeysan” ayuu yiri Yariisoow.

Hadii la tayeeyo ciidamada dowlada Somalia ayaa la aamin san yahay in ay awod uyeelan karaan xaqiijinta amniga dalka isla-markaana laga maarmi karo ciidamo shisheeyo  .

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimama@live