1- وَعَلَّمَ آَدَمَ الْأَسْمَاءَ كُلَّهَا
2- قَالَ يَا آَدَمُ أَنْبِئْهُمْ بِأَسْمَائِهِمْ
3- وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَائِكَةِ اسْجُدُوا لِآَدَمَ
4- وَقُلْنَا يَا آَدَمُ اسْكُنْ أَنْتَ وَزَوْجُكَ الْجَنَّةَ
5- فَتَلَقَّى آَدَمُ مِنْ رَبِّهِ كَلِمَاتٍ
6- إِنَّ اللَّهَ اصْطَفَى آَدَمَ
7- إِنَّ مَثَلَ عِيسَى عِنْدَ اللَّهِ كَمَثَلِ آَدَمَ
8- وَاتْلُ عَلَيْهِمْ نَبَأَ ابْنَيْ آَدَمَ بِالْحَقِّ
9- ثُمَّ قُلْنَا لِلْمَلَائِكَةِ اسْجُدُوا لِآَدَمَ
10- وَيَا آَدَمُ اسْكُنْ أَنْتَ وَزَوْجُكَ الْجَنَّةَ
11- يَا بَنِي آَدَمَ قَدْ أَنْزَلْنَا عَلَيْكُمْ لِبَاسًا
12- يَا بَنِي آَدَمَ لَا يَفْتِنَنَّكُمُ الشَّيْطَانُ
13- يَا بَنِي آَدَمَ خُذُوا زِينَتَكُمْ عِنْدَ كُلِّ مَسْجِدٍ
14- يَا بَنِي آَدَمَ إِمَّا يَأْتِيَنَّكُمْ رُسُلٌ مِنْكُمْ
15- وَإِذْ أَخَذَ رَبُّكَ مِنْ بَنِي آَدَمَ
16- وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَائِكَةِ اسْجُدُوا لِآَدَمَ
17- وَلَقَدْ كَرَّمْنَا بَنِي آَدَمَ
18- وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَائِكَةِ اسْجُدُوا لِآَدَمَ
19- مِنْ ذُرِّيَّةِ آَدَمَ
20- وَلَقَدْ عَهِدْنَا إِلَى آَدَمَ
21- وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَائِكَةِ اسْجُدُوا لِآَدَمَ
22- فَقُلْنَا يَا آَدَمُ إِنَّ هَذَا عَدُوٌّ لَكَ
23- فَوَسْوَسَ إِلَيْهِ الشَّيْطَانُ قَالَ يَا آَدَمُ
24- وَعَصَى آَدَمُ رَبَّهُ فَغَوَى
25- يَا بَنِي آَدَمَ أَنْ لَا تَعْبُدُوا الشَّيْطَانَ
______________________________________________________________________________________________
CIISE CALAYHIS- SALAAM
Magaca Ciise waxaa Qur’aanka kariimka lagu xusay 25 mar. Haddaba waxaynu kasoo billaabi doonaa sida tartiibka Qur’aanka annagoo u xusi doonna sida ay u kala horreeyaan kasoo billaaw koow Al Baqra illaa hoos.
1- وَآَتَيْنَا عِيسَى ابْنَ مَرْيَمَ الْبَيِّنَاتِ
2- وَمَا أُوتِيَ مُوسَى وَعِيسَى
3- وَآَتَيْنَا عِيسَى ابْنَ مَرْيَمَ الْبَيِّنَاتِ
4- اسْمُهُ الْمَسِيحُ عِيسَى ابْنُ مَرْيَمَ
5- فَلَمَّا أَحَسَّ عِيسَى مِنْهُمُ الْكُفْرَ
6- يَا عِيسَى إِنِّي مُتَوَفِّيكَ
7- إِنَّ مَثَلَ عِيسَى عِنْدَ اللَّهِ كَمَثَلِ آَدَمَ
8- وَمَا أُوتِيَ مُوسَى وَعِيسَى
9- وَقَوْلِهِمْ إِنَّا قَتَلْنَا الْمَسِيحَ عِيسَى ابْنَ مَرْيَمَ
10- وَعِيسَى وَأَيُّوبَ وَيُونُسَ
11- إِنَّمَا الْمَسِيحُ عِيسَى ابْنُ مَرْيَمَ رَسُولُ اللَّهِ
12- وَقَفَّيْنَا عَلَى آَثَارِهِمْ بِعِيسَى
13- عَلَى لِسَانِ دَاوُودَ وَعِيسَى ابْنِ مَرْيَمَ
14- إِذْ قَالَ اللَّهُ يَا عِيسَى
15- إِذْ قَالَ الْحَوَارِيُّونَ يَا عِيسَى
16- قَالَ عِيسَى ابْنُ مَرْيَمَ
17- وَإِذْ قَالَ اللَّهُ يَا عِيسَى
18- وَزَكَرِيَّا وَيَحْيَى وَعِيسَى
19- ذَلِكَ عيسَى ابْنُ مَرْيَمَ
20- وَمُوسَى وَعِيسَى ابْنِ مَرْيَمَ
21- إِبْرَاهِيمَ وَمُوسَى وَعِيسَى
22- وَلَمَّا جَاءَ عِيسَى بِالْبَيِّنَاتِ
23- وَقَفَّيْنَا بِعِيسَى ابْنِ مَرْيَمَ
24- وَإِذْ قَالَ عِيسَى ابْنُ مَرْيَمَ
25- كَمَا قَالَ عِيسَى ابْنُ مَرْيَمَ
_________________________________________________________
-Haddii aad u fiirsato magaca Aadam tartiibkiisa sida ay aayaduhu u kala horreeyaan marka laga soo billaabo suuradda 2d (Al Baqra) ee hoos loosocda, aayadda kowaad ee ay ku kulmayaan Ciise waa aayadda 7d, ee kujirta suuradda Aali Cimraan.
-Haddii aad u fiirsato magaca Ciise tartiibkiisa sida ay aayaduhu u kala horreeyaan marka laga soo billaabo suuradda 2d (Al Baqra) ee hoos loosocda, aayadda kowaad ee ay ku kulmayaan Aadam waa aayadda 7d, ee sidoo kale kujirta suuradda Aali Cimraan. Subxanallaah!! ma ogtahay aayaddaasi waa aayaddii mucjisada abuurka Aadam iyo Ciise ka sheekeyneysay, ee aynu ciwaanka hore kusoo xusnay?
Mucjiso kale ayaa jirta halkanna, haddii aad eegto magaca Aadam tartiibka loogu xusay Qur’aanka, marka19d, wuxuu magaciisa kujirtaa suuradda Maryam. Haddii aad eegta tartiibka loogu xusay magaca Ciise aayadaha ka warramaya magaciisa, waxaad arkaysaa in marka 19d uu magaciisa kujira suuradda Maryam. Subxanallaah!!. Subxanallaah!!, Subxanallaah!!. Haddii aad tirisa mid weliba tartiibta uu Qur’aanka ugu soo arooray, marka aad soo gaadho mid weliba aayadda 19d ee magaciisa lagu xusay, aayaddaasi waxay kujirtaa suuradda Maryam. Subxanallaah!!
Subxanallaah!!.
Subxanallaah!!
Ma ogtahayse inay suuraddaasi Maryam tahay suuradda 19d ee kusoo aroortay tartiibka Qur’aanka? Waa arrin mucjiso ah. Aayadda 19d ee marka laga hadlaya tartiibka loogu xusay Aadam Qur’aanka, waxay kujirtaa suuradda 19d ee Qur’aanka (Maryam). Tartiibka Ciise loogu xusay Quraankuna marka 19d, waxaa lagu xusay suuradda 19d ee Qur’aanka (Maryam).
Maxaa isku mid kadhigey tartiibka loogu xusay magaca Aadam Qur’aanka kariimka marka laga soo billaabay kor suuradda (Al Baqrah) ee lamaraya aayadda tartiibka 19d inay kujirta suuradda tartiibka 19d ee suuradaha Qur’aanka (yacni suuradda Maryam)?
Maxaase isku mid kadhigay tartiibka loogu xusay magaca Ciise Qur’aanka kariimka, marka laga soo billaabo kor suuradda (Al Baqrah) ee la maraya aayadda tartiibka 19d inay kujirta suuradda 19d ee tartiibka Qur’aanka (yacni suuradda Maryam)?
Ogoow suuradda keliya ee bisin lagu tiriya waa suuradda Al Faatixa ee ka kooban toddobada aayadood. Bal bisinku marka waa immisa xaraf? Waa 19 xaraf. Subxanallaah!!. Waxaa laga yaabaa inaad tiraahda maxaa isku keenay Al Faatixa iyo raqamkan 19d. Laakiin ha illaawin raqamka 7 iyo mucjisada Al Faatixa iyo saamaynta ay ku lahayd aayadda kujirtay Aali Cimraan ee aynu soo xusnay, sidoo kale raqamka 19 waa raqam mucjisaad, ay iyana saamayn ku leedahay suuraddan Al Faatixa, iyo meelo badan oo kamid ah Qur’aanka.
Magaca Aadam ayaa ka kooban sida Qur’aanka uu ugu soo arooray ee Carabi ahaanta saddex xaraf (آدم), Aadam-na wuxuu ku dhashay oo Ilaahay sameeyay aabbe iyo hooyo la’aan, sidaa darteed saddex aayadood oo kamid ah suuraddaasi (Al Faatixa) ayaa ka kooban middiiba 19 xarfood (aayadda 1d, ta 5d iyo tan 6d). Subxaanaka yaa Ilaah!!.
Magaca Ciise ayaa ka kooban sida Qur’aanka uu ugu soo arooray ee Carabi ahaanta afar xaraf (عيسى), Ciisana wuxuu ku dhashay aabbe la’aan oo qura, hooyana wuu lahaa, sidaa darteed afarta aayadood ee kale ee kamidka ah suuradda Al Faatixa kama koobno 19 xaraf. Subxanallaah!!.
Raqamka 7, iyo raqamka 19 waa labo raqam oo mucjiso ah, Qur’aanku aad baa loogu xusay, labada raqamba saamayn bay ku yeelatay suuradda Al Faatixa. Sababtu maxay tahay? Suuradda Al Faatixa waa Ummul kitaab.
Waa yaabe Ilaahay muxuu ugu beegay labadan raqam Aadam iyo Ciise? Tani waxay kutusineysaa mucjisada Qur’aanka, iyo inuu yahay waxyi xag Alle ka yimid, oo kitaab lamid ahi aanu jirin. Raqamka 19d iyo raqamka 7d waa labo raqam oo xataa xilligan aynu joogna casriga tiknoloojiyada saamayn kuleh cilmiga sayniska iyo tiknoloojiyada casrigan.
Raqamka 19 meelo badan ayaa Qur’aanka kariimka aad ku arkaysaa. Qur’aanku wuxuu ka kooban yahay 114 suuradood, laakiin 113 ayaa bisinmalla ka billaabato. Sidaas oo ay tahay bisinka Qur’aanka wuxuu kusoo arooray 114 mar. Suuradda Al Towbah, malahan wax bisin ah, laakiin suuradda Namal dhexdeeda ayaa lagu xusay mar kale bisinka. Haddaba bisinka wuxuu ka kooban yahay 19 xaraf.. Subxanallaah!!
Wuxuu bisinku ka kooban yahay 19 xaraf, haddii aad 114-ta bismillaahir- Raxmaanir- Raxiim ee Qur’aanka kusoo aroortay aad u qeybiso 19-ka xaraf ee uu ka kooban yahay bisinka, waxaa kuusoo baxaya raqamka 19. Subxanallaah!!. Sida aynu soo xusnayna suuradda Al Faatixa waa suuradda kaliya ee bisinka ay ka billaabatay lagu tiriya, ayadoo saddex aayadood oo kamid ah aayadaheeduna ay middiiba ka kooban tahay 19 xaraf.
Haddii aad eegto suuraddii ugu horreysay ee Qur’aanka kariimka soo degta waa suuradda Al Calaq, taasoo ka kooban 19 aayadood, subxanallaah. Qur’aanku wuxuu ka kooban yahay 114 suuradood, Al Calaqna waxay tartiibka Qur’aanka uga jirtaa suuradda 96d, laakiin haddii aynu hoos kasoo tirinna waxay noqonaysaa suuradda 19d. Subxanallaah!.
Shanta aayadood ee kujirta suuradda Al Calaq ee Qur’aanka ugu soo hor dagtay waxay ka kooban yahiin isku darkooda 19 erey ama kalmadood. Subxanallaah!!.
Shanta aayadood ee kujirta suuradda Al Calaq ee Qur’aanka ugu soo hor dagtay waxay ka kooban yahiin isku darkooda 76 xarfood. Haddii aad marka inta aayadood ee suuraddu ay ka kooban tahay (19 aayadood) aad isku dar darto, afar mar marka aad isku darto 19 waxaa kuusoo baxaysa 76. Taa macnaheedu waxaa weeye 76 haddii aad u qeybiso 4 meel (ka dhig afarta xaraf ee uu ka kooban yahay magaca Ciise, ama afarta jiha ee koonka, amaba afarta waqti ee sanadka), waxaa kuusoo baxaya raqamka 19, subxanallaah!!.
Suuradda Al Calaq waxay ka kooban tahay 304 xaraf, haddii laga yimaada shanta aayadood ee usoo hor degtay suuraddaasi, marka la tirinaya aayada kale ee shantaasi ka dambeeyay aayadda kowaad waa aayadda 6d ee suuradda, waxayna ka kooban tahay 16 xarfood. Haddaba 304 (oo ah inta xarfood ee ay suuradda ka kooban tahay) haddaynu u qeybinno 16 (oo ah inta xarfood ee ay ka kooban tahay aayadda koowaad, marka laga yimaada shanta aayadood ee ugu soo hor degtay- macnaha waa aayadda 6d ee suuradda), waxaa inoosoo baxaya raqamka 19, subxanallaah!!.
Haddaynu eegno suuradda Nuux, waxay ka hadlaysaa iyada dhan qisadii Nebi Nuux nabadi dushiisa ha ahaatee. Aayadda 14d ee suuradda Cankabuut Ilaahay wuxuu inoogu sheegay in Nuux qoomkiisa uu wacdinayay oo dhex joogay muddo 1000 sano oo 50 sano dhiman ah, taasoo ka dhigan inuu qoomkiisa wacdinayay muddo 950 sano ah. Haddaba suuradda Nuux ma sheegin inta sano ee uu qoomkiisa wacdinayay, balse waxay xustay dacwadii iyo risaalada siduu qoomkiisa ugu sheegayay oo uu u gaarsiiyey ee ay iyagana uga dhoohnaayeen oo ay dhegaha uga daboolanayeen.
Haddii marka aynu eegno suuradda Nuux waxay ka kooban tahay 950 xaraf, taasoo xaraf kastaahiba uu ka dhigan yahay sanad kamid ah fitradii uu Nuux qoomkiisa wacdinayay. Taa macnaheedu waxaa weeye haddii Ilaahay ku xusay muddadii Nuux qoomkiisa uu wacdinayay inay ahayd 1000 dhiman 50 sano tirada keliya ee aanan jajabka ahayn ee haddii 50 lagu dhufta ay imanaysa 950 waa raqamka 19. Subxanallaah!!
Suuradda labaad ee Qur’aanka ugu soo hor dagtay waa suuradda Qalam, aayadda ay kudhamaato suuraddaasi waxay ka kooban tahay 19 xarfood. Suuradda saddexaad ee Qur’aanka ugu soo hor degtay waa suuradda Al Muzammil, waxayna ka kooban tahay 57 kalmadood. Haddaba tartiibka ay soo degista Qur’aanka uga jirta haddii uu yahay saddex, dabeetana aynu tirada kalmadaheeda (57 kalmadood) u qeybinno halka ay tartiibka soo degista uga jirta (3), waxaa inoo soo baxaya raqamka 19, subxanallaah!!.
Suuradda afraad ee soo dagtay waxay ahayd suuradda Al Mudathir, waxaa suuraddaasina lagu xusay raqabka 19, (eeg aayadda 30d ee suuraddaas- calayhaa tiscata cashar). Suuraddaasi Mudathir aayaddeeda lagu xusay raqamka 19 waa aayadda 30d. Haddii aad eegto aayadda kowaad ee suuraddaasi illaa aayaddeeda 30d ee lagu xusay raqamka 19, waxay ka kooban yahiin 95 kalmadood. Haddii aad soo qaadato labada raqam ee isdul fuulo (95), raqamka dambe (5), oo aad u qeybiso labada raqam oo is wata (95/5) waxaa kuusoo bixi doona raqamka 19, subxanallaah!!.
Suuradda ugu dambeysay ee Qur’aanka soo dagtay waa suuradda Al Nasr, waxayna ka kooban tahay 19 kalmadood ayada dhan, halka aayadda kowaad ee suuraddaasi ay ka kooban tahay 19 xarfood. Subxanallaah!!.
Waxaan marka si degen is weydiinnaa raqamka 7, kaasoo Ilaahay uu ku kulmiyey Aadam iyo Ciise, (suuradda Aali Cimraan), waana aayadda keliya ee ay ku kulmaan labada magac ee labadaasi Nebi. Raqamka 19-na Ilaahay waa ku kulmiyey labadani Nebi (suuradda Maryam), labadaasi suuradoodna (Aali Cimraan iyo Maryam), waxay magacyo ka kala wataan hal aalu bayt oo ah, Nebi Ciise hooyadiis Maryam iyo awoowgiis dhalay hooyadiisa Maryam ee Cimraan.
Labada suuradoodba waxay ka sheekeeyaan dhalashadii mucjisada ahayd ee Ciise, sidoo kale waxaa labada suuradoodba kuxusan bishaaradii malaa’ikta ee Maryam, sidoo kale waxaa labada suuradoodba kuxusan bishaaradii Zakariyah loogu bishaareeyay Yaxya nabadi dushooda ha ahaatee. Labada suuradoodba waxay wadaagaan waxyaabo badan oo aanay wadaagin suurada kale, sida magaca Maryam, Ciise, Aadam, Zakariyah iyo Yaxya nabadi dushooda ha ahaatee, oo labaduba lagu wada xusay. Haddaba ma wax kale baynu awoodnaa inaaynu niraahna Subxanallaah!! mooyaane!!?
Bal aynu ku laabanno raqamka 7 iyo mucjisadiisa. Aayadaha uu kusoo arooray magaca Aadam iyo tartiibkooda marka aynu kasoo billawno kor oo aynu marayna aayadda 7d, waa aayadda keliya ee ay ku kulmaan Nebi Ciise iyo Nebi Aadam, waxayna kujirtaa suuradda Aali Cimraan.
يقول تعالى: إِنَّ مَثَلَ عِيسَى عِنْدَ اللَّهِ كَمَثَلِ آَدَمَ خَلَقَهُ مِنْ تُرَابٍ ثُمَّ قَالَ لَهُ كُنْ فَيَكُونُ)
[آل عمران: 59]
Aayadaha uu kusoo arooray magaca Ciise iyo tartiibkooda marka aynu kasoo billawno kor oo aynu marayna aayadda 7d, waa aayadda keliya ee ay ku kulmaan Nebi Aadam iyo Nebi Ciise, waana aayadda aanu immika kor kuxusnay. Subxanallaah!! Subxanallaah!! Subxanallaah!!.
Maxaa isku beegay labada magac in mid weliba uu tartiibkiisa toddobaad kusoo beegmo aayaddan, oo misna ay aayaddani noqota aayadda keliya ee ay ku kulmaan labada magac? Subxanallaah!!.
Waxaa kaloo misna cajiib ah aayaddu waxaa kujira kalmad labo mar kusoo laablaabatay, taasoo labada marba kala sidata labada magac ee Nebiyada ku xusan aayadda (Aadam iyo Ciise), weedhaasi waxay tahay (مَثَل), labada mar ee ay kusoo laablaabatay aayaddu iyo sida ay labada magac ukala sidata waa sidan (مَثَلَ عِيسَى),Macnaha tusaalaha Ciise, (كَمَثَلِ آَدَمَ) waa sida tusaalaha Aadam. Haddii aynu eegno cibaarada tusaalaha Ciise waxay ka kooban tahay 7 xarfood .
م — ث — ل ___ ع — ي — س —- ى
1 —2 — 3 ___ 4— 5 — 6 —- 7
Cibaarada ah (كَمَثَلِ آَدَمَ), iyana waa toddoba xarfood, bal u fiirso!!
ك — م — ث — ل ا — د — م
1– 2 — 3 — 4 5 — 6 — 7
Waxaa misna cajiib ah weedhaasi (مَثَل), ee labada mar kusoo laabatay aayadda ee mar kastaahiba wadata Nebi kamid ah labada Nebi ee ay xustay labada mar ee ay kusoo laabatay aayadda dhexdeeda ee ay sidata labada magac, waxaa udhaxaysa cibaara kale oo oranaysa (عِنْدَ اللَّهِ), taasoo ka kooban toddoba xarfood, Subxanallaah!!. Ilaahay wuxuu Aadam iyo Ciisaba ku abuuray weedh uu ku qatimay aayaddaasi, taasoo ah labo kalmadood oo isdul saaran oo ah (كُنْ فَيَكُونُ), macniyanna ah ”Ahaw, waana ahaaday”. Haddaba cibaaradani (kunfayakuun), waxay ka kooban tahay iyana toddoba xarfood. Sidaa daraaddeed cibaaradani waxay caddeyneysaa in Ilaahay yahay mid abuuray toddobada samadood iyo dhulka iyo waxa udhaxeeyaba, dabeetana yiraahdaa amar iyo go’aan markuu gaaro (كُنْ فَيَكُونُ), ‘‘Ahaw!!, shaygiina waa ahaadaa”.
Sidoo kale cibaarada cabbireysa dhihidda Ilaahay uu oranaya go’aan ama amar markuu gaaro (كُنْ فَيَكُونُ), ee kujirta aayadda waa cibaarada oranaysa (ثُمَّ قَالَ لَهُ), waxay cibaaradanina ka kooban tahay saddex kalmadood, oo ka kooban 7 xarfood. Subxanallaah!!. Waxaa kaloo cajiib ah, labada magac ee aayadda kusoo aroortay waa Ciise (عيسى) , oo ka kooban 4 xaraf iyo Aadam (آدم), oo ka kooban saddex xaraf. Haddii aynu isku darno 4 iyo 3 waxaa inoo soo baxaya raqamka 7.
SOO KOOBID
Cibaarada kowaad ee aayadda waa sidan (مَثَلَ عِيسَى), waxayna ka kooban tahay labo kalmadood oo isku darkooda ah 7 xarfood marka laga reebo ismu towkiidka Inna.
Cibaarada labaad ee aayadda waa sidan (عِنْدَ اللَّهِ), waxayna sidoo kale ka kooban tahay labo kalmadood oo isku darkooda ah 7 xarfood.
Cibaarada saddexaad ee aayadda waa sidan (كَمَثَلِ آَدَمَ), waxayna sidoo kale ka kooban tahay labo kalmadood oo isku darkoodu ah 7 xarfood.
Cibaarada afraad ee aayadda waa sidan (ثُمَّ قَالَ لَهُ), waxayna ka kooban tahay saddex kalmadood oo isku darkoodu ah 7 xarfood.
Cibaarada shanaad ee aayadda waa sidan (كُنْ فَيَكُونُ), waxayna ka kooban tahay 2 kalmadood oo isku darkoodu ah 7 xarfood.
Labada magac ee kusoo kala aroortay aayadda waa Ciise (عيسى), oo afar xaraf ka kooban iyo Aadam (آدم), haddii la isku darana waa 7 xarfood.
Weedha labada mar kusoo laabatay aayadda iyo qaabka ay ugu soo laabatay waa sidan (مَثَلَ), oo ka kooban saddex xarfood, iyo (كَمَثَلِ), oo ka kooban afar xarfood, kuwaasoo markii la isku daro noqonaya 7 xarfood.
Ismu towkiidka ugu horreeya aayadda ee (إِنَّ), waa weedh ka kooban 2 xarfood. Haddii aan soo qaadanna marka weedha ugu dambeysa ee aayadda waxaan heleynaa inay tahay (فَيَكُونُ), taasoo ka kooban shan xarfood, marka aynu isku darnana weedha ugu horreysa aayadda oo ka kooban 2 xarfood iyo weedha ugu dambeysa oo ka kooban 5 xarfood, waxaa inoosoo baxaya raqamka 7. Subxanallaah!!.
Waxaa kaloo mucjiso ah aayaddu waxay tilmaamaysaa in Ilaahay ka abuuray Aadam carro, haddii aan soo qaadanno magaca Aadam (آدم), wuxuu ka kooban yahay saddex xarfood, ereyga carro (تراب), ee ku xusan aayaddu isaguna wuxuu ka kooban yahay 4 xarfood, isku darkooduna waa 7 xarfood. Haddii aad u fiirsata sidoo kale aayaddu waxay tilmaamaysaa weedha wuxuu ka abuuray (خَلَقَهُ), taasoo ka kooban 4 xarfood, magaca Aadam ee ay weedhaasu qeexeysa ee lagu xusay aayadduna wuxuu ka kooban yahay saddex xarfood (آدم), isku darkoodu markaasi waa toddoba xarfood.
Waxaa kaloo cajiib ah labada Nebi mid weliba waxaa Qur’aanka kariimka lagu xusay 25 mar, haddii labada raqam ee is dul saaran aan kala dhigno oo aynu dhexdooda dhigna calaamadda ku dar (+), waxaa inoosoo bixi doona (2+5) raqamka 7. Subxanallaah!!.
Dhanka kale, aayaddani mucjisada cajiibka ahi xambaarsan waa aayadda 59d ee suuradda Aal Cimraan, haddaba haddii aynu kala dhigna labada raqam ee isdul saaran oo aynu dabeeta dhex dhigna calaamadda ku darta (+), markaasu waxaa inoo soo bixi doono (5+9) raqamka 14, kaasoo haddaynu u qeybinno labada magac ee suuradda lagu xusay aanu raqamka 7. Subxanallaah!!._________________________________
WD: Mohammed Dahir Abdi
Email: [email protected]
Xafiiska Caasimada Online ee Finland _________________________________
Afeef: Qormadani waxay gaar u tahay qoraha iyo webka caasimada.net. Lama daabacan karo idin la’aan.