31.9 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

Faallo: Hasha Geela iyadaa cunaysa iyadaana cabaadaysa

Faaladaan kooban waxay uga soo maaxatay ama aan qalinka u qaatay markii aan arkay sida reer galbeedka ay maalmahan uga qeylinyay dadka magangalyo doonka ah ee ku soo firxaday wadamada reer galbeedka gaar ahaan Yurub.

Shantii sano ee u danbaysay waxaa soo batay dadka magangalyo doonka ah ee Ka soo cararaya wadamadooda sababo la xariira dhibaatooyin badan oo ka jira wadamada ay ka soo cararayaan magagalyo doonku. Mahmaahda soomaalida inta badan ku salaysan reer Guuraaga ayaa sabatay inaan mahmaahdan aan cinwaan uga dhigo maqaalka intii aan si fican u fahansaneyn mahmaahdaan ayaan rabaa inaan u balaariyo.

Hasha geela iyadaa marka hora qaninaysa markii iyada laqaniino waa cabaadaa saas ayay ku timid hasha geela iyadaa cunaysa iyadaana cabaadaysa oo qeylinasa,marka wadamada reer yurub ama reer galbeedka,iyagaa dalal degan ku duulaya oo faragalin maletari iyo mid siyaasadeed ku samayanaya dalal degan kadibna dadkii ayaa ka soo qaxaya,markaas kadiba reer galbeedka ayaa qeylinaya oo cabaadaya oo dhahaya dadbadan ayaa soo galay wadamadeena oo dhib dhagu hayo Maalmihii u danbeeyay saxaafada caalamka ayaa aad uga hadlaysay dhibka dadka magangalyo doonka,waxaana arinkaas uu ajandaha ugu sareeya ka noqday shirkii madaxda yurub ee 25 bishan ka dhacay Magaalada Brussels.

Wadmada reer yurub ayaa aad uga yaaban daadka qaxootiga ah ee ku soo jabay kuwaaso ka soo degaya xeebaha talyaaniga,waxaana wadamadaas qaxootiga ay ka imaanayaan ka mida Suuriya,Soomaaliya ,Suudan,afganistaan,Ciraaq,libiya Masar Eretiriya iyo Itoobiya Inta badan Wadamadaas waxaa faraglin ku haya wadamada reer galbeedka waxaana wadamadaas si tuus ah iyo si dadban u faragaliyay reer galbeedka.

Suuriya waxa hada ka socda waxaa kaalin weyn ka gaystay reer galbeedka oo aad u taageera mucaaradka dagaalamaya,liibiya weerer tuus ah ayay ku qaadeen Afganistaan sidoo kale,Ciraaq sidoo kale,soomaaliya Sidoo kale Eriteriya waxay ku hayaan cunaqabateyn siyaasadeed sidoo kale suudaan faraha ayay kula jiraan intaas oo wadan oo dadku ka soo carayaan iyagaa faraha kula jira Marka in dadka Guryahooda laga soo qaxiyo kadibna laga cabaado waa hasha Geela iyadaa cunaysa iyadaana Cabaadaysa,marka waa in la ogaadaa in dadkaan aysan iska soo carareyn balse ay jiraan daruufo adag oo kaalin muhiima ay ka ciyaarayso siyaasadaha reer galbeedka ay wadamadaas kalu dhaqmayaan ayaa sababaysa in dadkaan ay soo qaxaan.

Reer galbeedka oo awal sanadahaan danbe la daala dhacayay Dhaqaala xumida soo wajahday wadamadaas,ayaa hadana waxaa ugu darsamay dhibaatooyinka dadka magangalyo doonka ah Laga soo bilaabo geeska afrika ilaa bartamaha qaarada yurub ku sii xiji laga bilaabo jasiiradaha indonesiya ilaa bartamaha Ustaraliya ku sii dar laga soo bilaabo afrika ilaa xaduudka maraykanka iyo Mexcio magangalyo doonku waxuu noqday mid aad u socda,iyadoo laga qeylinayo xowliga xad dhaafka ah ee sii kordhaya taasoo soo jiidatay indhah caalamka.

Hadaba waxaa haboon in reer galbeedka inay ka fekeraan in dadku inta uusan soo qaxin ay marka hore ay wadamada ay ka imaanayaan ay kula dhaqmaan siyaasad furfuran Waxay dhaqaatiirtu tiraa cudurka in la daweeye waxaa ka sahlan in marka hore laga hortago.

W/Q :Bile G. Ahmed
[email protected]
Rotterdam, Netherlands

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

WarbixinL Beesha Sade oo shirweyne ku qabaneysa gobolka Gedo (Ujeedka)

Gobolka Gedo  ee dhaca Konfur Galbeed  Somalia ayaa waxaa  si  xowli ah uga socda  Qabanqaabada Shirweyne   lagu magacaabay Midnimo One kaas oo   ay ka soo qayb galayaan   Siyaasiyiinta  Odayaasha Dhaqanka  Aqonyahanada iyo  qurbajoogta beesha Sade.

Shirkaan ayaa waxaa uu gobolka gedo ka bilaabanayaa  dhamaadka bishaan  Octobar  waxaana  ergadi ugu horaysay  ay maalinta bari ah ka kala imanayaan Dagmoyinka Gobolka Gedo iyo waliba Magaalada Muqdisho oo uu ka so baxayo wafdiga ugu culus  kaas oo ay ka mid yihiin .

Gudomiyaha Ahlusunnada Konfureed Sh Maxamed Aw-libaax.

Gudomiyaha  Gobolka Gedo  Maxamed Cabdi Kaliil

Ex Xildhibaan Maxamuud Sayid Adan

Gudomiyaha  Dagmada Garbaharey

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Gobolka Gedo

Odayaasha dhaqanka Gobolka gobolka Gedo  ee ku sugan Magaalada Muqdisho Aqonyahano iyo waxgarad kale waxaana wafdigaasi magaalada Muqdisho bari subax  ka soo racayaan diyaarad qaas ah .

Sh Maxamed Aw-libaax oo ka mid ah  Gudiga  Shirkaasi  oo si kooban  uga hadlay Ujeedada Shirka Midnimo One ayaa waxaa uu sheegay in wajiga kowaad lagu  xalin doono  xisadii ka tagnayd balad xaawo ayado wajiga labaad uu noqon  doono midka ugu muhiimsan socona doono mudo waxaana loga tashanaya  ayaha Gobolada Beesha ay sida goonida ah u dagto iyo kuwa ay wax ka dagto sido kale waxaa isla shirkaani loga tashanaya dhamaystirka Maamulka Gobolka Gedo  iyo go,an ka qaadashada Shir bilowga  bisha soo socota ka dhacaya  Magaalada Muqdisho oo loga hadlayo arimaha Jubboyinka ayu yiri   Sh Maxamed Aw-libaax

Shirweynaha  Midnimo One  ayaa waxaa uu noqonaya  Midki ugu balaranaa oo gobolka Gedo ka dhaca 10 ki sano ee ugu  danbaysay kaaso oo laga tashanayo Mustaqbalka Siyaasadeed iyo mid Maamul  ee  Beesha Sade.

Muuse Abdi Saciid

Baladxaawo- Somalia

DHAGEYSO: Shirkad TURKISH ah oo la wareegeysa Dekeda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada online) Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia ayaa Maanta si rasmi ah u ansixiyay Shirkad Cusub oo laga leeyahay dalka Turkiga laguna magacaabo (Albeyraad) Taas oo si toos ah ula wareegeysa Dekeda Muqdisho.

Afhayeenka Xukuumada Somalia Ridwaan Xaaji C/wali ayaa sheegay in Shirkadan ay si toos ah ula wareegeyso howsha Dekeda Muqdisho , isla -markaana ay ka shaqeyn doonto Tayeenta iyo Qalabeynta Dekada.

“Hadda dhaqaalaha kasoo Xarooda Dekedda Muqdisho Maalinti waa 200$  ilaa 30o$  (Laba boqol ilaa Seddex Boqol oo Doolar, Balse Shirkadaanw axay Balan qaaday in Maalintii Dekedda Qarashka kasoo Xaroodo ay gaarsiin doonto 6.5 Million Doolar” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumada Somalia.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay balan qaday Tababaridda Shaqaalaha Dekedda Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in golaha wasiirada ay go’aan sadeen inay ansixiyaan howsha shaqo ee Shirkadan.

Ridwaan Xaaji, afhayeenka Xukuumada Somalia, wuxuu sheegay in sidoo kale Kulankoodi Maanta ay kaga hadleen Miisaaniyada dowlada Somalia oo uu sheegay inay gaartay heerkii ugu sareeyay tan iyo wixii ka dambeeyay dowladii dhexe ee dalka.

Si kasto Golaha wasiirada ayaa kulan aan Caadi aheyn waxay ku yeesheen Muqdisho , waxaana shir gudoominayay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somala.

Waa shirkadii Labaad oo Turki ah oo la wareegay Mid ka mid ah ilaha Dhaqaale ee ugu Muhiimsan Somalia , waxaana arintan ay timid Xilli Hore Shirkad Turki ay ula wareegtay howshii Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Halkaan Hoose ka dhageyso Ridwaan Xaaji C/wali

Halkaan ka dhageyso Afhayeenka Xukuumada Somalia

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

 

DAAWO: Ma aamineysaa in sidaan uu yahay Garoonka Aadan Adde Airport.

0

Caasimada Online:  Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Adde Airport ma aamineysa sida uu maanta yahay iyo howlaha ka muuqanaya gudihiisa marka aad daawato Muuqaalkani laga soo duubay.

Bilic ahanan iyo Muuqaal ahaan waxaa is badalay guud ahaan inta badan Muuqii uu lahaan jiray Garoonka Aadan Adde Airport kaas oo aad ka dheehan kartid in uu mashquul saa’id noqday ee nala daawo Muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Video: Weriye Timacade oo la aasay

Allaha u naxariistee Wariye Maxamed Maxamuud Tima-cadde oo xalay u geeriyooday dhaawacii soo gaaray toddobaadkii hore ayaa maanta lagu aasay qabuuro ku yaal isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

 

DHAGEYSO: Universal TV: DFS ayaan u heesanaa dilka wariye Tima-Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) Maamulka TV-ga Universal ayaa dowladda ka codsaday in ay gacanta ku soo dhigaan kooxii dilay wariye Maxamed Maxamuud Tima-Cadde oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray

Madaxa TV-ga bariga iyo bartamaha Afrika Cabdulaahi Xirsi Kulmiye, oo saxaafadda kula hadlay Isbitaal Madiinka oo lagu aasay marxuumka ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay siddii ay gacanta ku soo dhigi lahayd kooxda dishay wariyaha.

Wuxuu sheegay in maalin kasta aan loo joogi karin wariye la dilay kooxdii dishana lama yaqaano.

“Dowladda iyada masuul ka ah wariyaasha, waxaan ka rabnaa in ay gacanta ku soo dhigto cida dishay Tima-Cadde, waa ka xunahay nama qabaneyso dowladda tunka ayaan uga dhaganahay ilaa inta ay ka keeneyso ninka dilay wariyaha” ayuu yiri agaasimaha.

Sidoo kale, waxaa goobta lagu aasay marxuumka  ka hadlay mulkiilaha TV-ga Universal Eng Abuukar Axmed isagoo sheegay in ay aad uga xun yihiin dilka wariye Tima-Cadde, wuxuuna sheegay in dowladda looga baahan yahay in ay gacanta ku soo bandhigto dadkii dilay wariyaha.

Ugu dambeen, wariye Cabdisalaan Herari oo isna hadlay ayaa sheegay Isbitaalka Madiina in uu noqday meelaha lagu aaso wariyaasha ilaa shan wariye oo kale ayaa horrey loogu aasay ayuu yiri.

Marxuum Tima-Cadde waa wariyihii 7-aad ee sannadkan lagu dilo Soomaaliya oo loo arko meelaha ugu khatarta badan ee caalamka lagu dhibaateeyo saxaafadda.

Halkaan ka Dhageyso Cabdisalaan Herari

Cabdulaahi Xersi

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Yaasiin Maaxi: “Wadankeena Somalia Waa Cusub baa u baryay”.

Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed ee “SSUP” Mudane Yaasin Maaxi Mo’allin oo amaan xoogan u jeediyay Madax Dowlada Somalia oo uu ku tilmaamay Saddex Mas’uul oo Dalkooda Iyo Dadkooda u istaagay taasna ay ku timid Guulaha Taariikhiga ah & Madaxda Dalka Somalia soo gaaraya.

Mudane Maaxi ayaa Guul Taariikhi ah ku tilmaamay Wafdiga uu hogaaminayay Ku-xigeenka Xogaha Guud ee Qaramada Midoobey Jan Eliasson ee booqday Muqdisho & Xafiiska Cusub ay ka fureyn Magaalada Caasimada ee Muqdisho waxuuna ku tilmaamay Mudane Jan Eliasson in uu yahay Shaqsi mar walba ku hamin jiray in Somalia ay mar kale lugaheeda ku istaagto waxuuna ka sheekeeyay aqoonta uu u lee yahay Mas’uulkaa ka tirsan Golaha Qaramada Midoobey.

“Jan Eliasson waxuu soo noqday Wasiirka Arimaha Dibadda Wadanka Sweden waxaan kaloo kawada tirsaneynay Xisbiga Social Demokratiga Wadanka Sweden waxuu kaloo ahaa Shaqsi in badan igu dhiira geliyay Siyaasada Somalia in aan ka qeyb qaato waxuuna kaloo ka qeyb qaatay Mudane Jan Eliasson Wada hadaladii Maslaxada ahaa ee laga dhex waday Ali Mahadi & Gen Ceydii”

“Xaqiiqdii Shaqsi ahaan baan u aqaanaa Mudane Jan Eliasson waxaana aminsanahay in uu kaalin mug leh ka qaadan doono dib u dhiska iyo xasiloonida Dalkeena waxaana mar kasta ka wada hadli jirnay sida ugu wanaagsan ee Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed loo bad baadin la haa waxaana oran karaa Mas’uulkani in uu yahay Shaqsi Aqoon iyo fikir dheer ka heesta Dalka Soomaaliyeed” ayuu hadalkiisa ku soo kooban Mudane Maaxi.

Jan.eliasson och Yassin

Dhanka kale Mudane Yassin Maaxi ayaa ka hadlay Go’aanka Geesinimada leh iyo Shaqada Culus ay hayaan Guddiyada kala duwan ee Baarlamaanka Soomaaliya waxuuna Yaasin Maaxi Hambalyo iyo Bogaadin u jeediyay Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ku-xigeenadiisa Koowaad iyo Labaad iyo Xildhibaanada Soomaaliyeed ee ka shaqeynaya her gelinta Xisbiyada Siyaasadeed ee la filaya in Jun 2014 la diiwaan geliyo.

“Waa arinka kaliyah ee wax badan lagu wada qaban karo dhanka Xisbiyada Siyaasadeedyada ee la doonaya in la diiwaan geliyo waxaan aminsanahay in wax badan uu ka badali doono dalka oo ah dhanka horumarka iyo dhanka siyaasadaba”

Ugu Dambeyntii Gudoomiyaha Xisbiga “SSUP” Mudane Yaasiin Maaxi ayaa ku tilmaamay Safarka Maanta ee Wafdiga uu hogaaminayay Ku-xigeenka Xogaha Guud ee Qaramada Midoobey Jan Eliasson ee maanta booqday Muqdisho Xafiis Cusubna furay in Dalka Soomaaliyeed uu waa Cusub u baryay.

BAARLAMAANKU BOOTO BADANAA!!

Baarlamaanka Soomaaliya waxaa lagu soo xulay 4.5, waxa uu ka kooban yahay 275 Xildhibaan, oo masuul ka ah 10 Milyan oo Soomaali ah, Halkii Xildhibaan waxa uu masuul ka yahay (36,363 qof), wuxuu magacooda ku qaataa Mushaar iyo Gunno,wuxuu xilka iyo Darajada ku helay Magacooda,nasiib xumo xildhibaan Bulshada soo dhex galo oo la nool lama hayo, Xildhibaan dadka Xoolo siiya ama Dhaqaaleeya waa yar-yahay, Xildhibaan Ummadda la Xanuunsada waa yar yahay, Xildhibaanada Xilka loo idmay sida badan Ma gutaan, Shirarka Baarlamaanka waa ka maqan yihiin, Qaar waxay iska jiifaan Hoteelada Xamar, Qaarna waxay Dalxiis ugu maqan yihiin Dunida Afarteed geesood.

Shirka Baarlamaanka Mar waa la qabtaa marna waa Baaqdaa , sida badan ma nasto, Doodahooda iyo Dadaalkooda wax dadka soo gaaray maaha, hase yeeshee dadaalkoodu ma yara, Kalfadhiyada shirarkooda ma yara, buuqoodu ma yara, Mooshin keenid kama Tanaasulaan, Cod u qaadida kalsoonida aad iyo aad ayey u jecel yihiin, Haye yeeshee wax soo saarkoodu aad iyo aad ayuu u hooseeyaa, Baahidii Bulshadu ka sugeysay wali ma buuxin, sida badan Baled iyo Baadiyo war uma hayaan, waxay noqdeen Lax Dhukan Abaar moog, waxaa jiro tiro yar oo xildhibaano ah, oo si geesinimo ah oo Naf hurid ah Goboladii ay ka soo jeedeen howlo shaqo u tagay,balse aan buuxin Karin baahida ay bulshadoodu qabto, isagoo u soo balan qaado wixii ay u baahan yihiin,

Waxaa Dhagaheenna marar badan ku soo dhaca in Kalfadhii Baarlamaanka uu u baaqdey Kooram la’aan ,waxaana markii arrintaan ay badatey Boorka iska jafey Gudoomiyha Baarlamaanka Mudane Maxamed Shiish Cismaan Jawaari oo digniin u direy Xildhibaanada ka maqan Kalfadhiyada Baarlamaanka , hase yeeshee weli waxaa taagan Arrintii uu digniinta ku bixiyey Afhayeenka Baarlamaanka, iyadoo Shacabka ay is lahaayeen Talaabo ayaa la qaadi doonaa ,waxaana arrinkaan mar aan wax ka weydiiney Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ayaa yiri” Digniinta Gudoomiyha waa mid aan shaqeynetyn waayo Xildhibaanka waxaa soo xushey Beeshiisa marka Xildhibaan ku yimid magac beeleed way adag tahay in Tilaabo laga qaado marka arrinta ku Gudoomiyaha waxay ahayd in si kale loo dhigo.

“inta Doorasho ay ku imaanayaan Xildhiobaanada waxaan ku talin lahaa in Arrimaha qaar Xaal Mastuur lagu dhameeyo “ayuu yiri Xildhibaan ka ka tirsan Baarlamaanka oo diidey in Magaciisa la sheego waxaa uu sii raaciyey” wax badan baan Xildhibaan ahaa, Xildhibaanada maanta joogo waa kuwii ugu qaboobaa uguna Jilicsanaa ee uu soo maro Baarlamaanka Soomaaliyeed waayo dib u eeg Dowladihii soo marey Xildhibaanadooda waxay ahaayeen kuwa aad ula Xisaabtama Xukuumadda iyo Dowladda marka taas waxaa caddeynaya in Dolwadihii na soo marey qaar ay yeesheen ilaa Saddex Raiisul wasaare Laba Gudoomiye Baarlamaan waxaan ku talin lahaa Xildhinaanada maanta jooga in ay Boorka ha iska Jafaan waayo Amaanka ma fiicna , Dhaqaalaha ma fiicna Ciidamada Mushaar ma qaataan , Shaqaalaha Dowladda kaba sii daran waxa jira weli Musuq Maasuq iyo wax is daba marin”

Xildhibaan kale oo diidey in Magaciisa la sheego ayaa dhaliiley u jeediyey qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka kuwaa uu sheegey in aad ugu bateen Warbaahinta loona adeegsado mararka qaar Siyaasado Xukuumada iyo Dowladda looga soo horjeedo waxaa uu sii daba dhigey “Xidhibaan Sharaf leh baa tahay meelaha qaar ma wanaagsan in aad ka hadsho weliba Baarlamaanku waxaa uu leeyahay Guddiyo iyaga ayaa ku haboon in ay ka qayb galaan Doodaha qaar laakiin dood wax Dumineysa kuma haboona in uu Xildhibaanku ka qayb galo welibana ay caadifad ku jirto soomaalida waxay tiraahdaa meel waliba ka Muuqo waa lagu Muuna Beelaa “

Hadalka Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa dadka qaar ay leeyihiin haddii uusan fulin Karin oo uusan talaabo ka qaadi Karin Xildhiaanada waxay ahayd in uu iska Amuso waxayna Soomaalida Tiraahdaa “Af Daboolan Dahab waaye” hadii kale Gudoomiyaha Baarlamaanka waa in uu ka dhabeeyaa oo wixii Xeer hoosaadka u ogal yaha ku Dhaqaaqoy si ay Adaab u yeeshaan Xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood oo u soo joogey Fowdada iyo qar iska Tuurnimada sidaa darteed,Xildhibaanada Soomaaliyeed Xilkii loo idmay sida badan Ma buuxin, Baahidii Shacbigu wali waa taagan tahay, Bootada Baarlamaankana waa badan tahay balse la arki doonee Bootada Baarlamaanka Halka ay ku Dhamaato.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail [email protected]

E-Mail [email protected].

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay u gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

Dhageyso; Waxa KISMAAYO ka Cusub

Kismaayo (Caasimada online) Hilowle Aadan Maxamed, Waxa uu  ka mid yahay Mas’uuliyiinta Maamulka KMG ag ee Jubba, Warbaahinta ayuu uga warbixyay habka ay u wajahayaan shirka arimaha Jubbooyinka ee Muqdisho ay ka socoto qaban qaabadiisa.

Waxa uu sheegay in ay ku  jiraan diyaar garowgii ugu dambeeyay ee ay kaga qeyb galayaan Shirka Muqdisho, isagoona ka dhawaajiyay in guddigii Farsamada ee Maamulka Jubba la dhisay, imikana ay socoto Xulista Ergada 100-ka gaaraya ee Shiraasi uga qeyb galaya .

“Waxaan wadnaa Diyaar Garowgii ugu dambeeyay ee aam Muqdisho ku gaari laheyn Si aan u soo aragno Fikradaha dadka Siyaasad ahaan Na Mucaaradsan si loo dhiso maamul iyo Nabad waarta oo ka dhalata Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo” ayuu yiri Hile Aadan.

Maamulka Jubba ayaa dhowaan si cad u diiday ka qeyb galka Shirka Muqdisho , Waxaana ay ku tilmaameen mid hareer marsan qodabadii ay dowlada Somalia kula soo heshiiyeen Magaalada Adis Ababa.

Waxaana imika Muqdisho iyo Kismaayo ka soconaya qaban qaabo loogu diyaar garoobayo ka qeyb galka Shirkaasi  looga hadlayo arimaha Jubbooyinka iyo Gedo.

Halkaan Hoose Ka dhageyso  Hilowle Aadan Maxamed,

Hilowle Aadan Maxamed

 Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

 

 

 

Sababta shirkadda Favori ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ula wareegtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta, boostada iyo Is-gaarsiinta C/llaahi Ciilmooge ayaa shalay mar kale hor-tagay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, kana hadlay Shirkadda FAVORI.

Ciilmooge oo horey 13dii Bishaan u hortagay Baarlamaanka ayaa shalay mar labaad wax laga weydiiyay Heshiiska Dowladda ay la gashay Shirkadda maamusha Garoonka Aadan Cadde.

Wasiirka Warfaafinta, boostada, Is-gaarsiinta iyo gaadiidka Soomaaliya ayaa Su’aalo laga weydiiyay Heshiiska ay Xukuumaddu la gashay FAVORI LLC, wuxuuna Wasiirka heshiiskaas ku tilmaamay mid lagu guuleystay oo faa’iddooyin badan u keenaya Dowladda.
Wasiirka ayaa Xildhibaannada u akhriyay heshiiska qaybtiisii Labaad, isagoo sheegay in heshiiskan uu yahay mid lagu horumariyo adeegyada gaadiidka dalka sida garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa Su’aalo iyo talooyin u jeediyay Wasiirka Warfaafinta, iyadoo Wasiirka uu ka jawaabay su’aalahaasi, inkastoo Xildhibaanada qaar ay soo jeediyeen in la cadeeyo qodobada qaar ee ku jira hishiiska ahdaafta iyo ujeedooyinka, halka xildhibaanada qaar ay bogaadiyeen hishiiskani.

C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa sheegay in Dowladda ay xaq u leedahay inay Heshiis la gashay Shirkadaan, wuxuu yiri:“… Wasaaraddu awood iyo sharciba waxay u leedahay inay ogolaato hagaajinta, dib u dhiska iyo horumarinta hannaanka gaadiidka Soomaaliya oo uu ku jiro Garoonka Aadan Cadde..”

Wasiirka oo Amaanaya Shirkadda ayaa yiri: “Shirkaddana waa mid ku xeel-dheer arrimo badan oo isugu jira dhismayaasha nabadgalyada ee gaadiidka iyo maamulka,”

Ciilmooge oo ka Jawaabaya farqiga u dhxeeya Shirkada SKA oo horey Garoonka u maamuleysay iyo Shirkadda hadda maamusha ee Favori, ayaa sheegay shirkadda Favori in ceymis ay ku jirto oo wax badan ay kaga badalantahay shirkadaha kale islamarkaana daqliga ay ku kala duwanyihiin labada shirkadood.

“… SKA waxay ku billowday daqliga ay dowladda kusoo wareejinayso 35%, waxaana gaarsiinnay 40%. Balse shirkaddan cusub waxay ku billaabaysaa 45%, waana caddanay saddexda sano ee soo socota halka la gaarsiin karo. Isagoo xusay in dhaqaalaha ku baxaya uu gaarayo 18-milyan oo doollar…”

Ciilmooge ayaa sheegay in Heshiiska Shirka Favori ay la saxiixdeen ay kamid ahayd in mudo 8 Bilood ah Garoonka Aadan Cade ay ka dhigto Garoon Casri ah, asagoona Xusay in sidoo kale Garoonka Diyaradaha Muqdisho ay ka mamnuuci doonan “in Hub lala galo”.

“Wasaaraddu waxay awood u leedahay inay ka shaqeyso horumarinta ilaha dhaqalaaha dalka oo uu garoonku ka mid yahay, waxaana shirkadda FAVORI LLC kula heshiinay inay muddo kooban ku horumariso garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, innagoo ku dabo-galayna howlaha ay qabanayso” ayuu ku yiri Wasiirka.

Sharciga Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qaba in Heshiis walba oo ay Dowladda gasho uu maro Saddex akhrin, lagana doodo.

Isha: KON

Maxay DFS ka tiri xarigga AFWEYNE?

Muqdisho (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya waxay ka hadashay xarig Dowladda Belguimka ay ugeysatay hogaamiye hore  uga tirsanaa kooxaha Burcad badeeda Soomaalida oo dhawaan Belguimka lagu xiray.

Taliyaha ciidamada badda Soomaaliya ,Faarax Qare ayaa wax looga xumaado ku wuxuu tilmaamay xariga Maxamed Cabdi Xasan Afweyne Dowladda Belguimka ay ugeysatay waxaana uu sheegay in Afweyne uu ka tanaasulay Burcad badeednimadana iminkana uu ahaa ruux ganacsade ah

Wuxuu sheegay in Afweyne uu ka gacan siiyay Dowlada Soomaaliya sidii dhalinyaro badan looga soo saari lahaa Burcad badeeda Soomaalida oo loogu sheegi lahaa in falalka Burcada badaha ay tahay arin aad uxun iminka uu ahaa in wanaagsan oo falkaasi gabi ahaanba isaga baxay.

“Xariggiisa waan ka Xumaha Faarax ahaan, in la yiraahdo Film Burcad Badeeda ku saabsan ayaad noo Duubeysa Kadibna Xarig loogu Badalo waa Qiyaano weyn Hadii ay Dambi Cad ku hayaan waxay aheyd inay dowlada Xageeda usoo Maraan, Laakiin Maaysan Dhicin Waa ayaan darro weyn nin Dhalinta ka wacyi galinayay Arintaasi in isagii loo xiro” Ayuu yiri Faarax Qare

Maxamed Cabdi Xasan Afweyne, iyo Madaxweynihii hore ee maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cabdulaahi Aadan Tiiceey, ayaa iminka waxaa gacanta ku haya Dowladda Belguimka kadib markii lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha dalkaas.

Afweyne ayaa Si cad wuxuu u sheegay inuu ka tanaasulay falkii Burcad nimada ahaa, waxaana waayihii dambe uu ahaa ruux ganacsade ah , hayeeshee Dowlada Belgium-ka ayaa ku eedeysay inuu Hantidaas badan ka tabcay falka Burcad Badeednimada ah .

Dowlada Belgium-ka ayaa Afweyne ku eedeysay inuu ahaa Hogaamiyaha Koox Burcad Badeed ah oo 2009k—qabsaday Markab laga lahaa dalkaas.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

VIDEO: Magaalo NORWAY ku taalla oo arrin cajiib ah ku dhaqaaqday (Daawo)

BALCAD MEDIA: Magaalo ku taalla dalka Norway oo lagu magacaabo Rjukan ayaa waxey la timid qorshe ay kaga baxayaan dadkeeda mugdiga uu keeno xilliga qaboobaha iyadoo rakibatay muraayad reflection ama soo celin kusameyneysa qoraxda miraayaddaasoo iftiim iyo kuleel yar siin doonta magaaladaas halkii ay ka heli laheyd qorraxda.

Miraayaddan ayaa lagu xeray meel buuro korkeeda ah iyadoo laga hagayo qalabka kumbituutarka waxaana ay miraayaddaas iftiimineysaa gabi ahaanba bartamaha magaaladan Rjukan oo ah magaalo yar oo 90 mile u jirta caasimadda dalkaasi ee Oslo.

Qorshahaan miraayaddan qorraxada siineysa magaaladani ayaa la furayaa bisha Oktober markii ay tahay 31 waxaana ay qorrax miraayadeedkani siin dooonta iftiin ilaa iyo 6,500 oo isku wareeg foot ah, iyadoo ay dadka daganina ku munaacafadsan doonaan ee daawo Muuqaalkani Cajiibka ah.

HALKAAN KA DAAWO

 

Allaha ha u naxariisto : Wariye Tima-Cadde oo Muqdisho lagu aasay

Muqdisho (Caasimada Online) Allaha ha u naxariisto waxaa maanta oo Axad ah magaalada Muqdisho lagu aasay Wariye Maxamed Maxamuud Tima-Cadde oo xaley u dhintay dhaawac ka soo gaartay weerar kooxo hubeysan ay ku qaadeen dhowr cisho ka hor degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Wariyaha ayaa xilligaas waxaa ku dhacday ilaa lix xabadood, waxaana la geeyay dhaawiciisa Isbitaal Madiina, halkaas tiro ka labo jeer qaliin lagu sameeyay sida ay sheegeen dhakhaatiirta.

Wariyaha ayaa xaley ku geeriyooday Isbitaal Madiina xilliga Muqdisho 11:00pm sida ay Caasimada Online u shegeen ehelkiisa.

Waxaana maanta lagu aasay Qabuuraha Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, iayadoona Aaskiisa ay kasoo qeyb galeeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Somalia , Bahda warbaahinta iyi dadweyne aad u badan oo ay qeyb ka ahaayeen Ehelada Marxuumka.

Marxuum Tima-Cadde ayaa ifka uga tagay xaas, waxaana uu ka mid ahaa wariyaasha ugu firfircoon ee ka howlgala Muqdisho isagoona ka tirsanaa shaqaalaha TVga Universal ee magaalada Muqdisho.

Waa wariyihii toddobaad oo sannadkan lagu dilo Soomaaliya, oo ka mid ah meelaha ugu khatarta badan ee saxaafadu ka howgasho caalamka.

Ugu dambeen, maamulka iyo shaqaalaha Shabakadda Caasimada Online, waxa ay Tacsi tiiranyo leh u dirayaan ehelka iyo dhammaan asxaabta uu ka baxay wariye Maxamed Maxamuud Tima-Cadde, waxaana alle uga baryeenaa inuu Janada galsho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DFS oo sheegtay xarigga Shabeelle inuusan ahayn caburin saxaafadda

Muqdisho (Caasimada online) Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Cabdulaahi Cilmooge Xirsi oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay xarigga Idaacadda Shabeelle in uusan salka ku heynin caburin saxaafad, wuxuuna sheegay Idaacadda Shabeelle in ay ka dhaga adeegtay amaro loo soo jeediyay.

Wasiirka ayaa sheegay Idaacadda Shabeelle in lagu amray in ay ka guurto dhismaha ay daganeed oo ay lahayd dowladdii hore, sidoo kale ay ka dhaga adeegtay in ay isoo diiwangaliso.

Wasiirka wuxuu ku celceliyay in aysan dowladda caburin doonin saxaafadda madaxa banaan, isagoona intaas ku daray in loo baahan yahay Idaacadaha in ay is-diiwangaliyaan.

Wasiirka ayaa dhinaca kale, sheegay in Idaacadaha ku yaalla Muqdisho looga baahan yahay in ay isoo diiwangaliyaan ilaa 10-ka bisha November, ciddii muddadaas isku soo diiwangalin weysa wuxuu sheegay in la xiri doono oo amar buuxa la siiyay wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka.

Ugu dambeen wasiirka wuxuu ka tacsiyeeyay geerida wariye Maxamed Maxamuud Tima-Cadde oo xaley u dhintay dhaawac ka soo gaartay rasaas ay ku fureen dableey aan haybtooda lagaran degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay wasiirka in ay baari doonaan dilka wariyaha isla markaana caddaaladda la horkeeni doono dadkii ka dambeeyay dilkiisa.

Si kastaba, Idaacadda Shabeelle ayaa maalintii labaad hawada ka maqan, waxaana weli dhismaha xarunta ku jira ciidamo ka tirsan dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DEG DEG: Weriye Timacade oo goor dhow ku geeriyooday Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa waxaa goor dhow isbitaalka Madina ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday wariye Maxamuud Maxamuud Timacadde, oo dhowr maalmood ka hor lagu dhaawacay magaalada Muqdisho.

Timacade waxa uu ahaa wakiil wareedkii TV-ga Universal ee magaalada Muqdisho.

Timacade ayaa koox dabley waxa ay ku dhufteen 6  xabad 22-kii bishan, ayaga oo doonayey inay dilaan, balse waqtigiisa ay ka harsaneyd dhowrka maalmood ee uu ku jita Isbitaalka Madiina.

Maalmihii dhowaa ayuu Weriyaha ku sugnaa xaalad halis ah, ayada oo dhaqaatiirtuna ay isku dayayeen inay bad baaadiyaan, balse waqtigiisa uu intaas ku ekaa.

Weriye Timacade ayaa noqday dhibanihii ugu dambeeyey ee silsilado qaarijin oo ka dhan ah suxufiyiinta Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

SOMALILAND oo Baasaboor gooni u ah sameesaneysa (Faah-faahin)

Muqdisho (Caasimada Online) Maamulka Somaliland ayaa maanta oo Sabti ah sheegay in ay dhawaan hirgali doonaan baasaboor nooca Electricni ah oo ay yeelan doonaan dadka ku dhaqan deegannada maamulka Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland Cali Maxamed Waran-Cadde oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in Somaliland ay sameesan doonto baasaboor caalami ah oo lagu safri kari waddamada caalamka si lamid ah kan Soomaaliya ee E Passport.

Wasiirka ayaa sheegay in baasaboorka cusub lagu dhaqan galin doono ilaa inta ka dhimman sannadkan ama billowga sannadka 2014-ka.

Wasiir Waran Cadde ayaa tilmaamay in aan lagu safri karin baasaboorka E Passport ee Soomaaliya lee dahay, maadama Somaliland ay ka madax banaan tahay Soomaaliya inteeda kale.

Si kastaba, hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya iyadoo shaley taliyaha laanta socdaalka iyi jinsiyadah dowladda Soomaaliya, Gen Gaafow Maxamuud uu sheegay in aan lagu safri karin baasaboorkii hore ee cagaarka, wuxuuna sheegay ciddii lagu arko iyadoo ku socdaaleysa in loo arki doono dad xiriir la leh Argagixisada ama dano gaar leh.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

Shaqaalaha Shabeelle oo dib u helay xoriyadooda & warar dheeraad ah

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa goordhow dib u helay xoriyooda  shaqaalaha Idaacadda Shabeelle ee magaalada Muqdisho oo maanta barqadii ay xireen ciidamada nabad sugida.

Wariye Maxamed Bashiir Xaashi oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in la soo daayay shaqaalihii la xiray, balse jirdil iyo tacadiyo kale loo geestay intii ay ku jireen xarunta nabad sugida CID-da.

Wuxuu sheegay in qalabka Idaacadda la burburiyay isla markaana xoog ay ku soo galeen dhismaha Idaacadda ciidanka soo weerarray.

Dhinaca kale, Agaasimaha Idaacadda Shabeelle, Cabdimaalik Yuusfu Maxamuud oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in ay ku xiran yihiin isaga iyo shaqaalaha Idaacadda xarunta CID-DA.

Wuxuu sheegay in jirdil loo geestay intii ay ku xirnaayeen xarunta CID-da, wuxuuna sheegay in ciidamada soo weerarray xarunta ay qaateen wixiii agab ee yaalay Idaacadda oo ay ku jireen kaamirooyinka.

Wuxuu sheegay in sidoo kale ciidamada ay dhaceen lacag cadaan ah oo taalay dhismaha Idaacadda sida hadalka uu u dhigay.

Ugu dambeen wuxuu sheegay in dhismaha Idaacadda ay daganeed sharci maadama ay heshiis la gashay wasaaradii hore ee gaadidka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Daawo Video: Somaligii soo abaabulay Weerarkii Westgate oo la aqoonsaday.

Caasimada Online:  Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Abdulkadir Mohamed oo ka yimid Wadanka Mareykanka ayaa la sheegay in uu ahaa Horjoogihii soo Abaabulay Weerarkii Mall-ka ganacsiga ee Westgate waxaa warbixin dhinacyo badan taabaneyso Iyo Nolashiisa ka diyaarisay Tv-ga BBC-da.

Abdukadir ayaa la sheegay in uu ahaa Horjoogihii Weerarkii lagu baaba’ay ee Suuqa Ganacsiga Westgate waxaana wariyihu soo qaadanayaa Muuqaalo kala duwan oo ku saabsan Muuqaalka Abdulkadir Mohamed ee nala Daawo waxuuna warbixinta ku jirta in uu isticmaalay Daroogo Abdulkadir…

HALKAAN KA DAAWO:

WAR HADDA SOO DHACAY: Ciidamo ka socda Ethiopia oo gaaray Balad-Xaawo

Balad-Xaawo (Caasimada Online) War hadda soo dhacay wuxuu sheegayaa in goordhow magaalada Balad-Xaawo ee gobalka Gedo ay gaareen ciidamo badan oo ka socda Ethiopia, kuwaasoo doonaya in ay kala dhex galaan ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna oo halkaas ku dagaalamay.

Dad ku sugan Balad-Xaawo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay arkeen baabuurta dagaalka oo ka soo talaabay dhinaca Doolow kuwaasoo gudaha u soo galay magaalada.

Magaalada Balad-Xaawo waxaa weli ka taagan xiisad dagaal oo u dhexeeya ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna.

Ciidamada Ethiopia ee gaaray Buulo-Xaawo ayaa la sheegay in ay halkaas u tageen siddii ay u kala qaadi lahaayeen ciidamada ku dagaalamay magaalada.

Dagaalka labada dhinac waxaa ku dhintay inta la ogyahay seddax qof tira aan la cayimina waa ay ku dhaawacmeen sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DHAGEYSO; Ciidamada DFS oo weerar ku qaaday Idaacadda Shabeelle

Muqdisho (Caasimada Online) Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa goordhow weerar ku qaaday xarunta Idaacadda Shabeelle ee magaalada Muqdisho.

Idaacadda oo hawada ku jirtay xilligii la weerarrayay ayaa waxaa laga maqlayay weerar dhexmarayay shaqaalaha Idaacadda iyo ciidamada nabad sugida.

Waxaa ilaa hadda gudaha Idaacadda ku jira ciidamo ka tirsan dowladda, kuwaasoo qabqabtay dhammaan shaqaalaha ku jiray Idaacadda isla markaana xiray.

Sidoo kale waxaa hawada laga saaray dhammaan Idaacadaha Shabeelle iyo SKY oo labaduba uu iska lee yahay hal mulkiile.

Dhawaanhan, waxaa khilaaf uu ka dhex jiray Idaacadda Shabeelle iyo wasaaradda arrimaha gudha Soomaaliya, kaddib markii wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka uu warqad u geeyay dhawaan Idaacadda taasoo lagu amaray in muddo shan cisho ay uga guuraan dhismaha ay deggan yihiin oo ay lee dahay wasaaradda gaadidka iyo cirka.

Wariye ka tirsan Shabakadda Caasimada Online oo goobta tagay ayaa sheegay in dhammaan shaqaalihi Idaacadda in lagu daad gureeyay baabuur nooca shabqlaha, waxaana loo qaaday xarunta CID-da.

Halkaan ka dhageyso sida ay wax u dheceen

Shabelle

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Shabakadda Caasimada Online