31.9 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

War culus oo goor dhow ka soo baxay 8 musharax oo u tartamaya Puntland

Bayaan

Ka Soo Baxay Qaar ka mid ah Murashaxiinta

Xilka Madaxweynaha Puntlanad

29ka Oktoobar, 2013

Murashaxiinta magacyadoodu hoos ku taxan yihiin waxay u tartamayaan xilka madaxweynaha dawladda Puntland marka la gaaro doorashada ku muddaysan in ay dhacdo 8da bisha Jannaayo ee sannadka 2014. Ka dib markii ay in muddo ah wadar ahaan u qiimeynayeen xaaladda dhaqaale, amni iyo siyaasadeed waxaa u wada muuqatay in ay Puntland soo food saartay xaalad khatar ah oo ay tahay in dadkeedu ka badbaadiyo. Isla murashaxiintaasi waxay isla hubsadeen in sida keliya oo ay Puntland uga badabaadi karto khatarta ay tahay in Puntland ay ka dhacdo doorasho xalaala ah. Sidaas awgeed waxay isla garwaaqsadeen, murashaxiinta kalena ugu baaqayaan, in aan u tartamidda xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka aanay ka indhasaabin khatarta puntland ku soo fool leh ee ay u midoobaan sidii ay ku qabsoomi lahayd doorasho xalaal ah.

Tan iyo maalinti xafiiska loo dhaariyey, madaxweyne Cabdiraxmaan dadaalkiisa oo dhan wuxuu isugu geeyey sidii uu ugu raagi lahaa madaxweynenimada. Sannadki dheeraadka ku ahaa xilli xakuumadeedki rasmiga ahaa iyo abaabuliddi dorashooyin golayaasha degaanka, ayada oo aanay jirin ururro siyaasadeed oo ku tartamaya, waxaa loogu googol-xaareyey doroorasha madaxweyne oo ah run ahaanti “nin dooran doorta”. Shacabka Puntland wuxuu 14kii Agoosto ku guuleystey in aan maamulka madaxweyne Faroole u meel-marin doorashadi la shaaciyey in ay qabsoomeyso 15kii isla bishaas.

Murashaxiintu, ka dib marki ay dhinac walba ka fiiriyeen waxay isla gaareen qodobbada hoos ku qoran oo ay hubaan inay cabbirayaan dareenka shacabka ee la xariira shuruudaha ay ku dhici karto doorasho xalaal ah.

1-Dammaanad-Qaadidda Isimmada

Qabsoomiddii shirweynihii asaasidda Puntland waxaa guddoomiyey Isimmada Puntland. Waxaa kaloo ay tahay in la is-xusuusiyo in doorashadii labaad iyo tii saddexaad ay adkaan lahayeen inay qabsoomaaan haddii anayn Isimadu faragelin ku samayn xiisadihii siyaasadda ee jirey. Maa daama aan weli lagu guuleysan in Puntland u tallawdo tartan xisbiyo badan, mar kasta oo loo noqdo habka ku dhisan qaab beeleedka, waa Isimmada kuwa go’aaminaya qofka noqonaya xildhibaan Golaha shacabka. Arrimahaas oo dhan waxay ka marag kacayaan in mas’uuliyadda ugu dambaysa ee aayaha siyaasadda uu weli saaranyahay Isimmada. Sidaas awgeed, murashaxiinta bayaankan saxiixay, waxay ku baaqayaaan qabsoomidda Shirkii Isimmada ee uu gogoshiisa dhigay ku-simaha Boqorku, welina aan la laabin..

2-Olole Doorasho oo Xor Ah

In kasta oo nidaamka doorashada ee hab beeleedka ku dhisan aaney si toos uga gayb-gelayn dadweynuhu, waxaa haddana hubaal ah in xildhibaannada wax dooranaya ay ka soo jeedaan qaybaha bulshada iyo degaannadda Puntland oo dhan, sidaas awgeedna ay lagama maarmaan tahay in ay saamayn ku yeeshaan natiijada. Siyaabaha dadweynahu saamaynta ugu yeelanayo natiijada doorashada waxaa ka mid in la abaabulo fagaare murashaxiintu ku soo bandhigayaan afkaartooda muddo ka hor maalinta doorashada. Fagaarahaasi waa inuu ahaado mid dhex-dhexaad ah murashaxiintana loo dejiyo jadwal iyo wakhtiyo isku mid ah. Hadal jeedinta murashaxiinta waa in si toos ah looga baahiyo isgaarsiinta Tvda iyo idaacadaha una furnaato su’aalaha dadweynaha.

3-Guddiga Xallinta Khilaafaadka

Guddigii Xallinta Khilaafaadka ee Golihii shacabka ee koowaad waxaa la qabtay doorashadii madaxweynaha ka dib iyo marki ay kale tageen shirweyinihi dastuuriga ahaa iyo isimaddii kor-joogtaynayey socodka shirweynaha. Sidaas awgeed, ma jirin wax diidma ah oo ka hortimi inuu magacaabo madaxweynihii markaas la doortay. Dororashadii labaad, waxaa jirey murashixiin uu hormuud ka ahaa Madaxweyne faroole oo ka hor yimi in madaxweynihii markaas xilka hayey uu magacaabo guddigaas. Dhex-dhexaadin Isimadda iyo xubnihi uu magacaabay madaxweynihi markaas oo ahaa muwaaddiniin bulshada sumacad ku leh, aqlabiyaddii murashaxiintuna waa ay ku qanceen. Doorashadii saddexaad oo ahayd tii lagu doortay madaxweyne Faroole, in madaxweynihi xilka hayey uu magtacaabo guddigaas waxaa ka hor yimi murashaxiin uu afhayeen u ahaa madaxweynaha hadda xilka haya, ugu dmabaytiina waa la wada magacaabay. Murashaxiinta baaqan saxiixay waxay doonayaan in Guddiga Xallinta Khilaafaadka ay ka wada tashadaan dhammaan murashaxiintu, wixii khilaaf oo ka dhashan loo bandhigo Isimmada si ay guddoon uga gaaraan.

4-Amniga Xilliga Doorashada

Ciidammada Daraawiishta iyo Booliska muddo ayay mushahar la’aan ahaayeen waxaana jira culays dhaqaale oo ay la il-daranyihiin. Sidaas awgeed waxaa lagama marmaan ah in ciidammada aminga la siiyo dhammaan mushaharooyinka ay ku leeyihiin maamulka. Ciidanka Caasimada laga bilaabo 1da Nov. cidda keliya ee lagu hallayn karo waa ciidanka daraawiishta iyo taliskooda uu madaxda ka yahjay Gen.Siciid Maxamad Xirsi (Siciid Dheere). Tirada, nooca hubka iyo hab-dhaqanka ilaalada gaarka ah ee murashaxiinta, oo uu ku jiro Madaxweynuhu, waa in la isla cayimo taliyaha Daraawwishtuna uu la socodo dhaq-dhaqaaqooda.

5-Doorasho Hufan

Aqlabiyadda shacabka iyo dhammaan murashaxiinta la tartamaya madaxweynaha xilka haya waxay doonayaan in Puntland ay ka dhacdo doorasho ka hufan musuq-maasuq. Sidaas awgeed, waxaa lagama maarmaan ah in la isla meel dhigo qaab maangal ah oo lagu hubinayo in aan dhaq-dhaqaaqa maaliyadda iyo agabka guud ee dadka ka dhexeeya aan adeegsigooda murashaxna gaarkiisa u bursan.

6-Goob-joogayaal Caalamiya

Heerka ay marayaan xiisadaha doorashadu iyo ifafaalayaasha muuqda oo u adeegaya in aan puntland ka dhicin doorasho xalaal ah waxay tilmaamyaan lagama maarmaanimada goob-joogayaal caalamiya oo isha ku haya dhamman hab-socdka doorashada.

ALLAA MAHAD LEH

Murashaxiinta Baaqan Wada gaarey

1-Gen. Cabdullahi Siciid Samantar

2-Dr. Maxamad Cali Yuusuf

3-Dr. Yaasiin Faarax Cartan

4-Eng. Cali Xaaji Cabdulle Dhegoole

5-Prof. Cabdi Weli Maxamad Cali (Gaas)

6-Dr. Saadiq Eenow

7-Cali Cabdi Awaare

8-Prof. Axmad Cabbaas Axmad (Gacma Gaab)

Doorka dowlada dhexe ee Somalia iyo doorashada madaxnimo ee Puntland

Inta dulmi xaqa ka mudan yahay,    Inta danbiile Garsoor yahay                                          

Doorashada maamulka Puntland waxay ku beegan tahay Janaayo 8, 2014 hadaba waxaa isweeydiin mudan doorkee ayeey  dowlada dhexe ku leedahay doorashada Puntland maadaama laga soo gudbay dowlad ku meelgaar ah ?? yaase garsoor cadaaladeed oo xalaal ah mudan in uu ka noqdo maamulo doorashadaa Puntland ?? mise Faroole ayaa mudan in uu garsoore ka noqodo doorashadaa,waxaan soo xusuustay Cabdulle Rage iyo deeleeydii ku jirtay ee aheeyd inta danbiile garsoore yahay,darajana qabiil tahay dulmi xaqa kla mudan yahay in aan tiriyo deeleey dareenkeeyga ma ogola.

Hadaba sidee ninkii loolanka ku jiraa uu u sameeeyn-karaa xeerarka doorashada,sidee ninki loolanka ku jiraa amniga u sugi karaa,ayaa damiinad qaadaya wafdiga ka imaanaya gobolada iyo degmooyinka Puntland,xor ma u noqon karaan Isamada iyo cuqaasha Puntland soo xulida xildhibaanada dooran doono hogaanka Puntland ?? musharxiinta oo ka kala imaanaya dalka iyo dibada yaa qaadaya amnigooda mise Faroole ayeey magan u noqonaayaan ??  haddii aanan la helin heykal dowladeed oo dhexdhexaad ka ah arimaha aan kor ku soo sheegay sow Faroole fursad awoodeed uma helaayo in uu wax is-dabamariyo ama awood ku muquuniyo doorashada taana waa mid u sahleeysa Faroole in uu ku guuleeysto xilika,iyada oo la ogyahay Garwe in eey tahay degmada uu ka soo jeedo Faroole awood ciidan iyo mid maaliyadeedba in uu ku leeyahay halkaana aad aay ugu  fududahay in uu maroorsado talada Puntland.

Puntland waxaa xiligaan ka jira loolan siyaasadeed oo abuurikara dagaal ama colaad ku habsata shacabkaa  waayay hogaan xalaal ah balse doorashada Puntland lagu qeexay Hag-bad ama shalango meerto ah oo aanan marna ka gudbin haraagii SSDF ,haddii aad dib u fiiriso Puntland waxaa ku heshiiyay ilaa seddex urur qabiil sida jabhada SSDF ku mideeysnaa Majeerteen oo kaliya halka dhulbahante iyo warsabgeli eey lahaayeen jabhadii USP oo uu hogaankeeda hayay Maxed Cabdi Xaashi,sidaa oo kale waxaa ku jiray Jabhadii SND ( Ortoble iyo Leeyla-Kase) ,hadaba jabhadahaa ku heshiiyay dhismaha Puntland miyeey xaqooda ka heleen mise aad ayaa loogu duudsiyay waxii aay u soo halgameen.

USP & UND ragii ku abtirsanayay xaqiiqdii aad ayeey ugu hungoobeen waana aay ku dulmanaayeen  dhismaha maamulka Puntland,xiligaan goboladii aay degenaayeen waxaa uu gacanta ugu jiraa Somaliland halka belweeynta Leeyla-Kase lagu xasuuqay Gaalkacayo xiligii C/weli  ahaa r/wasaare,qorshahii lagu gumaaday xaafada Garsoor (Leeyla-Kase )  ee degmada Gaalkacayo waxuu ahaa mid aay Farooole iyo C/weli kuwada heshiiyeen sabbabta oo ah waxaa socday shirkii Garowe 1 &2 ,xiligaan waxaa muuqda in  Farole uu aad u kala fogeeyay xiriirkii Odayaasha dhaqanka iyo wadatashiga Bulshada,waxaa uu xirxiray Odayaal dhaqanka door wanaagsan ku lahaa dhulka Puntland ,waxaa uu xirxiray beel-daajiyaal Isimo iwm waxuu Faroole ahaa madaxa burcadbadeedka xeebaha Puntland sida degmooyinka Baargaal, Laas Qoray, Xaafun, Beyla, Eyl, iyo Garacad halkaas ayuuna  ka helay maaliyad xooga leh ee uu maanta ku tartamayo,iyada oo uu caalamka u aqoonsaday Faroole in uu yahay madaxa burcadbadeeda Somali ayaa C/weli noqday r/wasaare dowladii Sheekh Shariif halkaana waxaa uu caalamka ka dhaadhiciyay C/weli in Faroole yahay shaqsi la dagaalama burcadbadeeda caalamkana kaga soo qaatay hanti faro badan la dagaalanka burcadbadeeda Puntland,Faroole waxaa uu Puntland u ogolaaday in aay ka howlgalaan shisheeye oo aana  sumcad iyo xurmo ku laheeyn Somalia sida shirkada SARACEN oo aay leeyihiin calooshod u shaqeeystayaal south Afrikan ah iyada oo la ogyahay in dowladdii C/weli iyo Un kaba aay ku amreen in aay dalka dhaqsi ugu baxdo balse weli ka shaqeeysa dhulka Puntland,C/weli arimaha aay isku qabteen Faroole waxaa ugu badan lacag laga qaatay shirkadaa SARACEN iyo lacago lagu qaatay shirkii Garowe 1 & 2 suaasha jirtaa waxaa aay tahay xiligii C/weli  ahaa r/wasaare dowladii Sheekh Shariif aad ayu ugu qanacsanaa howsha Faroole waday maxaa maanta keenay in leeyskaga horyimid ka dib C/weli markii uu ku hungoobay doorashadii 2012 loolanka doorashada madaxweeynaha dowlada federaalka ?? akhristow adba garo hal booli ah nirig xalaala ma dhasho waxaa aay isku haytaan boobkii iyo biliqadii hantida Somali xiligii C/weli Gaas uu ka dhacay umada Somali sida uu idaacadaha uu uga sheegayo maalin walba.

C/weli mar uu isku soo taagayay musharxnimada doorashada Puntland waxaa uu cadeeyay in Faroole uu ka jeediyay caalamka,waxaana uu sheegay in Puntland uu u soo dhacay hantidii Somali ee Talyaaniga tiil ,hantidaa oo FAO ayaa Somalida uga qoondeeysay horumarka Beeraha 22 sanno loo ururinayay Somali ,C/weli waxaa uu umada u sheegay in xiligaan Beero Somali jirin balse mudan tahay in madaarka Bosaaso lagu dhiso, asaga oo isku muujinayo in uu ahaa shaqsi Puntland wax weeyn u qabtay balse iloobay in uu ahaa r/wasaare Somali ee uusan aheeyn r/wasaare Puntland,waxaa uu qiray in hati faro badan oo loogu talo galay dib u dhiska gobolka Banaadir uu u soo xaawilay Puntland una soo dhiibay Saciid Qorsheel oo ahaa r/dowlo ka mid ahaa wasiirada dolwda ku meelgaarka aheeyd,alow haddii xishood la áan loo dhimanayo C/weli ayaa u dhiman lahaa sabbabta oo ah weli waxaa uu caalamka u sheegaya in uu cadaadala ka fogaaday Puntlandna uga hiiliyay umada Somali.

Dowlada dhexe oo ah dowlad aan ku meelgaar aheeyn waxaa quman in aay Puntland colaada iyo saxansaxada dagaal iyo mida awoodeed ka hortagto iyada oo aay muujineeyso in aay masuul ka tahay dhamaan shacabka Somali,dowlada dhexe hogankeeda waxaa doortay dhamaan Odayada dhaqanka ee Somali sida Iimaan,Ugaas Isim,Garaad iwm sabbabta oo ah Odayaadaa waxaa aay dhaleen xildhibaanda federaalka oo ka kooban dhamaan Somali sidaas awadeed xildhibaanada Somalia waxaa aay awooda hogaanka u doorteen Prof.Xassan iyo Jawaari halka Dr,Saacid laga soo dhex xulay shacabka Somalida,sow ma qumana dowlada sidaa ku timid oo mataleeysa dhamaan Somali in aay garsoor ka noqoto doorashada Puntland dhistana gudi dhexdhexaad ka ah doorashada Puntland,gudi awoodiisa tahay ilaalinta masuqmaasuqa iyo awood iskugu shaagashada doorashada.

Haddii dowlada dhexe gabto howshaa waxaa soo baxeysa in awooda dowlada dhexe noqoto magac u yaal,dhismaha Jubba in aay ku howshaa midka Puntlandna ka jiifataa waa waxa laga baranayo dowlada dhexe,waxaana soo baxeeysa aayaha danbe in dowlada dhexe aayan awood ku lahaan dhismaha dowladgoboleeyada sida G.dhexe  Ex Banaadir dadka asaga ayaa sameeysanayaa maamulkiisa balse dowlada dhexe waa in aay marqaati ka noqotaa oo aay xalaaleeysaa hogaanka lagu heshiiyay in uu ku yimid dariiqii xalaasha ahaa,waxa Khaatumo loo diidan yahay in aay ka tashadaan aayahooda,dowlada dhexe waa ku waajib in aay taageeraan shacabka khaatumo oo u istaagay midnimada iyo dhowrida ama xafidida calankii Somali,waxeey diideen calanka Puntland waxeeyna ogol yihiin calankii soo jireenka ahaa xaqiiqdiina waa aay u dhinteen,dowlada dhexe waa in aay garab istaagtaa shacabkaa dulman cadeeysaana xaqooda ka mid ahaanshaha dowlada fedraalka.

Xildhibaanada Puntland kaga jira dowlada dhexe ayaa laga rabaa in aay kala tashato dowlada dhexe sidii door shariif ah ugu qaadan lahaayeen loolanka siyaasadeed ee Puntland,waxaad arkeeysaa in jajuub leeysku hayo,idaacadaha leeysga dhiibayo hadalo aan ku qumaneeyn muraxiinta Puntland,C/weli waxaa uu adeegsaday alkoliistayaal ayaa soo xukumay Puntland halka Faroole dhahayo Buufiskii daawadii ayuu soo iloobay,waa nin daawo ku socdo.Alow sahal umuuraha.

W/Q: Dr. Ali. A. Hirabe                                                                       

[email protected]  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

Sawirro: Sida sanad ka hor ay ahayd & sida laga dhigay Muqdisho qaarkeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, waxaa ka socda dib u dhis iyo dib u dayactir, ayada oo ujeedkuna uu yahay in meel kasta oo magaalada ka mid ah ah laga dhigo meel indhuhu jecleestaan.

Meelaha dhismaha uu ka socdo waxaa ka mid ah xarumaha dowladaha hoose, gaar ahaan degmooyinka.

Degmada Dayniile, ayaa lagu sameeyey dayactir xooggan, waxaana dib loogu soo celiyey sidii ay ahayd beri samaadkii.

Waxaad nala aragtaa sida Dayniile ay ahayd sanad ka hor iyo sida iminka laga dhigay.

dayniile 1dayniile 2dayniile 3T3T3T3T3dayniile 9dayniile 10dayniile 11dayniile 12dayniile 13dayniile 15dayniile 14dayniile 16

Daawo Video: Jinni ilaalo u ah Obama

Caasimada Online:  Muuqaal kaa yaabin doona ayaa laga sii daayay qaar ka mid ah Tv-yada Caalamka kaas oo lagu sheegaya in ilaalada Madaxweyne Obama ay ka mid yihiin Jini taaa oo ka yaabisay Caalamka oo idil.

Arinta la yaabka leh ayaa ah qaabab kala duwan ayaa loo soo qabanayaa muuqaalka jiniga ay sheegayaan kaas oo iftiin iyo mugdiba ifaya taa oo shaki badan gelisay dadka daawaday Video-gaan ee nala Daawo adaa yaabi doonee “Subxaanallaah”

HALKAAN KA DAAWO:

Dhageyso: Xildhibaan geriyooday

Muqdisho (Caasimada online) Allah ha u naxariistee Waxaa Magaalada Nairobi ee Caasimada  dalka Kenya ku geeriyooday Xildhibaan Cumar Maxamed Isloow, oo kamid ahaa Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia

Xildhibaanka ayaa Mudooyinkanba waxaa lagu Baxnaaninayay Cusbitaal Ku yaala magaalada Nairobi iyadoona ugu dambeyn uu u geeriyooday Xanuunkii hayay.

Fadhi Maanta ay yelan lahaayeen Mudanyaasha Baarlamaanka Somalia aya baaqday sabab la xiriirta Geerida Xildhibaanka , waxaana ka tacsiyadeeyay Geeridiisa Gudoonka Sare ee Baarlamaanka Somalia.

Gudoomiye Kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Somalia Mahad Cabdala Cawad, iyo Xildhibaano badan oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo ka hadlay Geerida Marxuum Cumar Islaaw, waxay ku sheegeen inuu ahaa halyeey daacad ahaa .

Halkaan ka dhageyso Xildhibaanada iyo Gudoomnka Baarlamaanka

Halkaan Hoose ka Xildhibaanada Baarlamaanka

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Madaxweynaha oo aaday Turkey-ga

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa caawa ka ambabaxay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, iyagoona ku sii jeeda dalka Turkiga kaddib markii casuumad ay ka heleen madaxweynaha dalkaas Cabdalle Guul.

Wafdiga madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ku sii dhaweeyay madax ka tirsan dowladda, waxaana madaxweynaha la socda qaar ka mid ah golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya, sida uu soo sheegayo wariyaha Shabakadda Caasimada Online ee Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta Turkiga uu joogo wuxuu la kulmi doonaa dhiggiisa dalkaas Cabdalle Guul iyo madax ka tirsan dowladda Turkiga.

Ma cadda wax yaabaha sida gaarka ah ay uga hadli doonaan labada madaxweyne, balse illo ku dhowdhow xafiiska madaxweynaha ayaa ku soo warramaya in ay ka hadli doonaan siddii loo xoojin lahaa calaaqaadka ka dhexeeya labada dowladood.

Turkiga waxaa uu hadda ugu horeeyaa waddamada doonaya in Soomaaliya ay horrumar ku tallaabsato, waxaana magaalada Muqdisho ay ka wadaan dhismooyinka wadooyinka iyo  adeegyada muhiimka ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Ciidamada Dowladda F Soomaaliya oo sarkaal sare looga dilay magaalada..!

Jowhar (Caasimada Online) Degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe, ayaa lagu toogtay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Xuseen Cumar Hilowle oo loo yaqaanay (Moojo-Moojo) waxaana dilay kooxo ku hubeysan bastoolado xilli uu ku sii jeeday gurigiisa sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Kooxda dilka geestay ayaa la sheegay in goobta ka baxsadeen, waxaana dilka kaddib goobta soo gaaray ciidamada dowladda kuwaasoo billaabay baaritaano ku aadan siddii gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxihii weerarka geestay, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in magaalada caawa lagu soo rogay bandow.

Ma jirto cid ka hadashay dilka sarkaalkan, waxaana dilka kaddib magaalada lagu soo daadiyay ciidamo fara badan sida ay lee yihiin dadka goobjooga.

Ma ahan markii ugu horeysay oo sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda lagu dilo magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Daawo: Arxan darrida Sacuudiyaanka & sida loo galayo wiilasha Soomaalida

Caasimada Online:  Waxaa wax laga xumaado ah in Wiilasheena Soomaaliyeed ee u shaqo doontay Wadanka Sacuudiga in ay tacadiyo kala kulmaan Shacabka Sacuudiyaanka ah iyo Askartooda taas oo ku tusineyso arin laga xumaado.

Hadaba hadii sidaa ay u dhaqmayaan Shacabka Sacuudiyaanka ah iyo Askartooda maxeey Dhalanyaradeena Soomaaliyeed ugu sii socdaan Wadankaa aan oolin Naxariis oo sidaa xun loola dhaqmayo Daawo Muuqaal laga naxo.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Odayaasha Beesha Ceyr oo canaantay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia

Muqdisho (Caasimada online) Kadib Markii Odayaasha iyo Dhaqanka Beesha Ceyr ee Habargidir, ay caro xoogan ka Muujiyeen Weerarkii lagu qaaday Xarunta Idaacada Shabeelle , ayaa waxaa arintaasi kala hadlay Wasaarada Arimaha Gudaha Somalia.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ahna Amniga Qaranka ee Xukuumada C/kariin Xuseen Guuleed, oo Axadii shalay Kulan la qaatay Odayasha iyo Waxgaradka Beesha Ceyr wuxuu kala hadlay Xiritaankii Idaacada Shabeelle kadib markii odayaashu ay ka dalbadeen inuu Fah Faahiyo Sababta uu arintaasi u amray.

Wuxuu sheegay inay Warqad usoo Gudbisay, Wasaarada Isgaarsiinta oo ay ku dalbaneysay in Idaacada Shabelle laga saaro Dhismaha, ay deggan tahay, Maadaama Sida uu sheegay loo Baahday, waxaana uu sheegay in Xilligaasi kadib Wasaradiisu ay Muddo Shan Cesho ah u qabteen Idaacada hayeeshee ay ka dhago adeegtay.

Odayaasha iyo waxgaradka Ceyr ee la kulmay Wasiirka, waxay  u sheegeen inaysan ku qancin Sababtaasi , waxaana ay u Sheegeen in hadii Xifaaltan uu kala Dhexeeyo Milkiilaha Idaacada C/Maalik Yuusuf Maxamuud,loo baahan yahay ijnuu Odayaasha kusoo wargilo Balse Tilaabadaas ay aheyd mid aan iyaga u Cuntamin.

“Xasrinta lacago Fara badan  ayaa laga qaatay, sidaasi darteed wixii maqnaado mas’uuliyadeeda waxaa qaadayo wasaarada Arimaha gudaha oo aad adiga madaxda ka tahay” ayay ku yiraahden odayaasha Ceyr wasiirka Arimaha Gudaha Somalia.

Odayaasha ayaa sheegay in Dowlada Somalia ay Beesha Ceyr si gaar ah u bartilmaameydsaneyso , iyagoona sheegay inaysan garaneyn sababta.

Milkiilaha Shabakada Warbaahinta ee Shabelle (Shabelle Media Network) C/Maalik Yuusuf Maxamuud, wuxuu sheegay in ay ka maqan tahay adduun lacageed oo dhan seddex boqol iyo konton kun oo dollarka Mareykanka ($350,000US).

Kulankii shalay ayaa noqday mid aan la isku afgaran , hayeeshee waxaa la balamay in mar kale kulan kale ay isugu yimaadaan

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

SAWIRRO: Xasan Sheekh oo la Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Holland

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Maanta  Xarunta Madaxtooyada Somalia wuxuu kulan kula qaatay Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Holland.

Labadan Mas’uul ayaa ka wada hadlay Arimaha Xiriirka labada dal iyo sida Soomaaliya looga gacan siin karo Xaqiijinta amniga iyo  horumarinta adeegyada Bulshada Sida Ganacsiga iyo Hirgalinta Shirkado laga leeyahay dalka Hooland oo Somalia ka shaqwo Bilaaba  .

Madaxweynaha oo kulankaasi ka dib Warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay inay Soo dhaweynayo Imaanshiyaha Mas’uulkan iyo sida dowlada Holland ay kaga go’an tahay Caawinta dowlada Curdunka ah ee Somalia.

Sidoo kale Wasiirada Arimaha Dibadda Holland, aya dhankeeda sheegtay in Somalia ay iminka Cagta saartay wadada Nabadda iyo Horumarka sidaasi Darteedna loo baahan yahay in la garab is taago.

Waxay Tiri “Mahadsanid in badan mudane madaxweyne xaqiiqdii sharaf weyn ayay ii tahay inaan imaado halkaan Muqdisho, Villa Somalia, fursadna aan u yeesho inaan la sheekaysto madaxweynaha, ugu horeynta dowladiisa iyo shacabka Soomaaliyeed aan ugu mahad celiyo guulaha ay gaareen labadii sano ee lasoo dhaafay”

“Anaga iyo hayadaha caalamiga waxaan aad ugu faraxsanahay inaan aragno horumarka laga gaaray dalka Soomaaliya, laakiin waxaan ku faraxsanahay inaan madaxweynaha Soomaaliya in anagaba aan isla garano wadada nabada lagu gaarayo” ayay Tiri Wasiirada Arimaha Dibadda Holland

Sidoo kale waxay Hadalkeeda intaasi kusii dartay “Halkaan kaliya u aan imaan arimaha siyaasada waxaa sidoo kale jirto shirkado Holland-es ah oo doonaya inaan halkaan ka shaqeeyaan, si ay gacan kaga geystaan horumarka dalka Soomaaliya, tanina waa arinta uu madaxweynaha ka dhawaajiyay ee wadada shaqeynta wadajirka ah ee dhanka siyaasada iyo dhaqaalaha, waana sii wadi doonaa la shaqeynta dowlada madaxweynaha sanadaha soo socda”

Dhanka kale Madaxweynaha Somalia ayaa ka Baaqday Safar uu Maanta ku tagi lahaa  Magaalada Kismaayo ee Xurunta Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lasoo sheegayo in wali ay ku sugan yihiin Shacabkii ka qeyb qaadan lahaa Soo dhaqeynta Madaxweynaha Somalia.

Madaxweynaha ayaa Lagu waday in Maanta uu Gaaro Kismaayo inkastoo aan la ogen waxa keenay inuu ka baaqdo Safarkaas, dhowaan ayay aheyd markii Sidan oo kale uu ka ga Baaqday Safar uu Kismaayo ku tagi lahaa.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Labada Mas,uul

Codadka Madaxweynaha Wasiirada Arimaha Dinbada Hollad

Sawirrada Kullanka

wasiir holland (1)wasiir holland (2)wasiir holland (3)wasiir holland (4)wasiir holland (5)wasiir holland (6)wasiir holland (7)wasiir holland (8)wasiir holland (9)

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Kulan aan Caadi aheyn oo ka dhacay Xarinta AMISOM ee Xalane

Muqdisho (Caasimada online) Kadib Kulan ay maanta Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho ay ku wada qaateen Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Somalia Madax ka socotay QM, Midowga Africa, Bank- aduunka, Hey’ada OIC,.

Ra’isul wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayaa sheegay inay ka wada hadleen Sidii loo sii dar dargalin lahaa Heshiiskii Brussels ee dhaqaalaha Badan Somalia loogu yaboohay.

Wuxuu sheegay inay Bilaabeen qaabkii ugu haboonaa ee sida uu sheegay looga Faa’iideysan lahaa Dhaqaalihii loogu yaboohay Shirkii Hiigsiga Cusub ee Somalia Dhaqaalaha Badan loogu yaboohay.

Ra’isul wasaare Cabdi Faarax ayaa sheegay inay Magacaabeen Guddi daba gal kus sameeya Dhaqaalaha  Brussels kasoo xarooda si dhaqaalahaasi loogu hago  qaabkaugu haboonaa iyo sido lagu dabooli lahaa Baahiyaha Jira.

Caalamka ayuu ka dalbaday, inay ka Dhaqaalaha ay ugu balan qaadeen Shirkii BRUSSELS inay ka dhabeeyaan , isla markaana ay u fududeeyaan, sida uu sheegay.

Ugu Dambeyn wuxuu sheegay in Xukuumadiisa ay la imaan doonto Howl  lku saleysan Aqoon sida uu hadalka u shigay .

Halkaan ka Dhageyso Ra’isul wasaare Saacid

Saacid

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

Tahaniyad Meher oo farxad leh

arooska hassan maxamed omar aroosada fathi daa.uud hussein 

Waalidiinta hooya bishaaro jimcaale iyo aabe daa.uud hussein 
Aabo maxamed omar iyo hooyo xabiibo hussein fiidow 
maslax daa.uud husen 
cabdullahi daa.uud husen
ubah daa.uud husen
anab daa.uud husen
ifraax da.uud husen
ikraan daa/uud husen
nadiifo daa.uud husen
sagal burahan aden 
cabdulqaadir cabdi ladiif
cabdiqadir minhaaj cabdi
roodo ahmed sabriye
ramlo ahmed sabriye
fathi ahmed 
hodan awees 
ramadaan jamaal 
zamzam ali
mulki maxamed muuse 
deeqo ALi salaad
ikraan Ali salaad 
ASAD Ali salaad 
Aaliya awes macalin nuur 
miima awees macalin nuur
neeruus awees macalin nuur
bilan cabdulaahi siyaad 
iyo dhamaan bahda saxafada 
fardowsa maxamed cabdule 
shaadiya muxud cabdi
nasra mahamud dagan 
shukri siidow hassan 
fardowsa sh. hassan kuuriya
rahma abdulaahi siyaad vienna
Ahmed Ali sheikh
abdifatah muxudiin nuur lajeclow
maxamed abdulaahi aden sidii 
cabdi shakuur farah egale 
bilaal idiris maxamed 
dhamaan dadakaas waxeey hambalyo udirayaan 
arooska iyo aroosada kalaha fahti daa.uud husen iyo hassan maxamed omar 
oosaakay maherkoodi kadhacay magalada muqdisha caasimada dalka somaliya 
iyagoo kala joga helsinki filand bern switzerland waaan leedhahay iskuwaara ubad kheerqaba kalahela
 

Dhageyso: DF: Xilligan kadib tuugmo iyo Madax salaax wuu dhamaaday

Muqdisho (Caasimada online) Wasiirka wasaarada Warfaafinta Xukuumada Federaalka Somaliya C/llaahi Ciilmoge Xersi ayaa si toos ah u sheegay inay dhamaatay Xilligii Tuugmada wax lagu raadin jiray iminka wixii ka dambeeyana dowladu aysan Baryootan la gali doonin Hey’adaha An diiwan gashaneyn ee dalka ka shaqeeya.

Wuxuu sheegay in Dowlada Somalia ay sanad jirsatay halkaasi sanana ay ay waday  Codsiyo ku aadan inay is diiwaan galiyaan hey’adaha iyo Shirkadaha ka shaqeeya dalka Balse ay qaar kood ka dhago adeegeen.

Wasiir Ciilmooge ayaa shaaca ka qaaday  in iminka wixii ka dambeeya ay adeegsan doonaan awood dowladanimo , taas oo kula dhaqaaqayaan dadka horjeesta sharciga ay soo bandhigaan.

Wuxuu sidoo kale Sheegay inaysan ogolaan doonin sharciga oo lagu xad gudbo si sharci daro ah, Ciddi taasi lagu arkana ay tallaabo ka qaadayaan sida sheegay.

Hadalkan wuxuu imaaanaya Xilli Idaacada Shabeelle al-baabada la isugu laabay Maalin ka hor markii lagu eedeeyay inay ka dhago adeegtay amar kasoo baxay wasaeada Arimaha Gudaha Somalia.

Halkaan Hoose Ka dhageyso C/llaahi Ciil Mooge

Ciil mooge

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

FAROOLE: Musharax ilaalo Sameysan karo Ma jiro Inagaa ilaalineyno

Garoowe (Caasimada online) Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole aya Si cad wuxuu uga horyimi d Sameysashada ilaalo ay yeeshaan Musharixiinta kula loolamaya Xilka Madaxtinimada ee Maamulka Puntland.

Wuxuu sheegay inaysa Aqbali doonin hadii ay yihiim Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland, in Musharixiintu ay sameystaan Hub iyo Ciidan qaab Beeleed u  Amnigooda ilaliya.

Maamulkeygu Marna Ma ogolaan Doono in Ciidamo Beeleed Tikniko Saaran oo Amnigooda Suga, Musharixii u Baahan Ciidamo Dheeraad ah inagaa u taagan Xaajinta Amnigiisa ” ayuu Yiri Faroole

Wuxuu sheegay Faroole in Puntland ay leedahay Cadowl Gudaha ah iyo Mid Dibada ah Sidaasi awgeedna loo baahan yahay in Gacmaha la is qabsado lagana wada shaqeeyo Sugidda Amniga inta ay socoto Doorasha.

Bisha Janaayo ee Sanadka Cusub waxaa lagu wadaa in deeganada maamulka Puntland ay ka dhacdo doorashooyinka madaxtinimada maamulka Puntland oo siyaasiyiin kala duwan ay ku tartamayaan.

Caasimada online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

Wiliam Ruto oo uu xaalku ku xun yahay

Hague (Caasimada Online) – Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto waxa kaliya oo looga cudurdaari karaa maxkamadda loogu haysto dambiyadiisa la xiriira aadamiyadda ee ka hor socota Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) markii ay jiraan “duruufo aad u murugsan”, sidaana waxaa xukun ay soo saartay ku sheegtay maxkamadda.

“Maxkamadda Racfaanka waxa ay arrin munaasib ah u aragtay in ay ka noqoto” xukun ay horay u gaartay oo Ruto looga cudurdaaray in uu ka soo qayb-galo inta badan fadhiyada ka socda maxkmadda Hague, ayuu yiri Garsoore Sange-Hyun, sida ay sheegtay AFP.

Si kastaba ha ahaatee, garsoorayaasha racfaanku waxa ay isku raaceen in “duruufaha aadka u adag ay maxkamaddu uga cudurdaari karto eedeeysanaha in uu si joogto ah u yimaado maxkamadda,” ayuu yiri.

Xukunkii Jimcaha, ayay garsoorayaashu waxa ay sheegeen in eedeeysanuhu “uusan kaliya ahayn qof si qaboow isagala soconaya maxkamadda ee uu yahay qof si firfircoon uga qaybqaadanaya”.

Sidaa darteed, go’aanka Ruto looga cafinayo qaybo ka mida maxkamadda waa in xaalad-xaalad loo eegaa maqnaanshihiisuna “waa in uunan noqon arrin la xukmiyay”.

Maqnaanshe waliba waa in uu ku xaddidan yahay “wax aad u mihiim u ah”, ayuu yiri Song, garsoorayaashuna waa in ay tixgaliyaan dhammaan khiyaarada kale, sida in la baddalo taariikhda maxkamadda. Dhaqan-galka markiiba yimid ee xukunkani ayaa noqday in garsooraha maxkamadda Chile Eboe-Osuji uu Ruto u cudurdaaray illaa iyo 31-ka October in uu maqnaado si uu u soo guto waajibaadkiisa rasmiga ah xilliga uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku maqan yahay Rwanda.

ICC-da ayaa horay uga cudurdaartay Ruto in uu soo xaadiro maxkamadda bishii September si uu markaa uga soo shaqeeyo mashaqadii ka dhacday suuqa dukaameeysiga ee Westgate ee Nairobi.

Maxkamadda Kenyatta ee ICC-da ayaa u muddeeysan in ay bilaabato 12-ka November, inkasta oo hadda kaliya looga baahan yahay inuu maxkamadda hortago fadhiga furitaanka, kan go’aan xukun rididda iyo marka ay dhibbanayaashu ku markhaati furayaan.

SHAQADII WAAYAY JIDKIINA HELAY!!

0

Waxaa la iga reebay Diyaaraddii aan raaci lahaa, yurub dhexdeeda Garoon ku yaalla , wax la iska kay dama meeriyo marba qolo ii imaaddo ayaa markii danbe waxaa igu soo haray nin iyo haweeneey , waxay ii kexeeyeen xafiis qaruurad ka samaysan oo diyaaradda duusha iyo tan dagaysaba aan ka arki karto , qaboojiye dhex yaallay ayay intay farta iigu tilmaantay igu tiri maxaad cabbi kartaa ? Waan soomanahay ayaan iri ! markaasay inta dhoola caydas been ah ku dartay tiri oo ma shakhsi diimeed baad tahay ( diinta aad u haysta ) ? Waaba sababta aan dunida u joogo ayaan ugu hadal laabay ! Waa arin xiisa leh ayay tiri intay dhaqaaqday .

Waraaq qaar ahaan lagu feegaaray iyo laba qalin ayaa saaran miiska aan dul fadhiyo , waxaa si qamar sanaaci ah maankayga ugu soo dhacay Dr Nihaad Maxamuud ( mahsanid ayaan cod la maqli karo ku iri ) anigoo ku dhaqmaya tubtii Dr Nihaad ayaan qalinkii inta qaatay sawiray caruur ku cayaaraysa goobaha dhallaanka lagu cayaarsiiyo , Ma ahayn wax aan jeclaa inaan sameeyo laakiin waa dhaxalkii Dr Nihaad wixii maantaa aan is iri waa ku anfacayaan .

Xoogaa kadib ayaa waxaa soo galay gabadhii iyo ninkii oo wada socda sidii qof daallan ayay waraaqo badan oo aan isku habaysnayd oo ay xanbaar sanayd miiskii shax ku siisay xoogaa kadibna way aruursatay waxayna ku darsatay kuwaan ku falaaday , lama yaabin ee waan malaynayay inay qaadato kumana mala khasaarin .

Muddo dheer ayay maraan mar igu hayeen gadaalkii ayay si bareer ah u yiraahdeen ‘’ waxaan u baahanahay caawintaada ‘’!! si qaboow ayaan u iri waan jeclahay inaan cid kasta oo caawin iga doonta gacan ku siiyo wixii hagaagsan, farxadooda ayaa wajigooda aad ka dareemaysay, dareenkaas anigoo ka faa’iidaysanaya ayaan waydiiyay bal inay yaqaaniin cidda abuurtay , Ninkii wuxuu yiri ‘’ Ilaahay ‘’ Gabadhiina waxay tiri anigu maba aaminsani .

Intii yarayd ee aan ka bartay diinta Islaamka ayaan dhagahooda gaarsiiyay wixii aan markaas xasuustay , sheekadii ayaa la yara macaanaatay Ninkii, gabadhiina intay dhibsatay ayay banaanka u baxday , aniguna dan kamaan galine waxaan la wadaagay su’aalihii iiga imaanayay jawaab waxaan u heli karay , ku dhawaad 20 daqiiqo markaan anigu uun hadlayay ayuu inta si xushmad leh iiga dhexgalay yiri . sheekadan maan sii wadan karnaa mar kale waayo hadda waa inaan boxo waan ku khasbanahay, Haa ayaan iri goortaad doontid iyo halka munaasab ah , ‘’ Hagaag ka waran Baarka Khamriga ee …………. Meel fiican ayuu ku yaallaaye’’ waan ka xumahay anigu Khamriga ma fuudo ayaan iri , ‘’ Oo waligaa maadan xitaa dhadhamin ‘’ Haa oo dadka Muslimiinta ah waa ku danbi, intuu qosol dhag ka siiyay ayuu yiri ‘’ Dilka dadka waa idiin caadi Khamrigana waa idinku danbi ‘’ jawaabta amuurtaas ayaa igu cuslaatay oo qolo qolo u dirikeenna iyo qabiil jacaylkeena ilamuu garanayo , dagaalada fidnada ahna war mooge ayuu ka yahay .

Waxaan u fidiyay casuumaad Makhaayad harkeedu wacan yahay la iskuna cidlaysan karo , warsan iyo guddoon, wuxuu iga raali galiyay diyaaraddii la iga reebay iyo wakhtigay iga dayaceen, anigoo marna xanaaqsan marna ismoodaya nin waajib soo gutay ayaan ku noqday meeshaan xalay seexday oo ay noqotay inaan laba casho oo kale sii joogo.

Waxaa la gaaray ballankii aan la lahaa ninkaan u bixiyay Joon , si aad ah ayaan isugu hub aruur sanahay oo ninkasta wuxuu is lahaa kan kale shabaqaaga ha soo galo , kaan la maaganaa ayaase labadayabada u manaafacaad badan adduun iyo aakhiraba kuu ila doonayana waa dhalanteed adduun iyo dhib inaan gaarsiiyo dadkuu ilaahay walaalaha iiga dhigay ( Muslimiinta) .

Anigoo kaashana adobe audition ayaan isku soo jar jartay dhawr cod oo aan kasoo qaatay dhawr sheekh oo kala duwan hadallo ay u jeediyeen dad ay doonayeen inay islaamka soo galaan haba ugu badnaado Sheekh Khalid Yaseen , Joon dhankiisa ma dadaal yarayn ee wuxuu soo diyaarsaday wax kasta oo uu iigu biirin lahaa basaasiinta uga soo war sheekoota dadkooda wuxuu is lahaa adduun u sheeg halkaan Afrikaanka ah asagaa soo rukuuciye , laakiin wuu ku mala khasaaray oo cidaan Ilaahay ahayn igama mudna rukuuc iyo sujuud .

2 sano iyo 9 bilood kadib kulankaas ayaa waxaa iisoo dhacay farriin danabeed ( Email ) aan markii 1 aad ka helay Joon maanlintaan wada qadaynay ka dib wuxuu iigu soo qoray farriin hal sadar ah oo ahayd ( Shaqadii waayay jidkiina helay ).

W/Q: Aadam Zaki
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

Video: Aroos cajiib ah oo Turkey loogu dhigay lamaanihii Turkiga & Somalida

Caasimada Online:  Warbaahinta dalka Turkiga ayaa aad ugu hadlay mid ka mid ah Shaqaalaha Hay’addaha samafalka ee Turkiga oo 19-kii bishan ku guursaday Muqdisho gabar Soomaaliyeed, guurkaasoo shacabka Muqdisho ay ku tilmaameen mid bog cusub u furay shacabka labada dal iyo xiriirka cusub ee dhinaca guurka.

Wiilka Arooska ah oo lagu magacaabo Muhamet Birlik iyo gacalisadiisa ayaa xafladii Muqdisho mid la mid ah ku dhigtay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, iyagoo faraxsan ayey ka ciyaareen sida muuqaalkaan aad ka aragtaan, iyagoo labadooda ka muuqday wejiyadooda farxad aan lasoo koobi karin ee nala daawo Muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Xiisadda Balad-Xaawo oo Noqtotay mid la isku Farmuqo & eedeyn Cusub

Balad-Xaawo (Caasimada online) Xiisad Colaaded ayaa wali waxay ka taagan tahay Deegaanada gobolka Gedo taas oo u dhexeyso Mas’uuliyiinta dowlada Somalia ee Gobolkaas, iyo Madaxda Maamulka Ahlu Sunna.

Inkastoo ay taasi ay jirto ayaa hadana Saraakiisha Ciidamada dowlada Somalia ee Gobolkaasi, waxay eedeyn dusha uga tuureen Gudoomiyaha Gobolkas Diyaad Cabdi Kaliil.

Gaashaanle C/rashiid, Wuxuu ka mid tahay Saraakiisha Ciidamada dowlada Somalia ee Gobolkaasi Gedo, wuxuu sheegay in Qilaafka iyo Shaqaaqada ka taagaan Gobolkaasi uu ka dambeeyo Gudoomiyaha Gobolka.

“Iska daa inuu gobolka dhibaatidiisa wax ka qabtee isagaa sii qaribay, Lixdi Bilood ee uu Ra’isul wasaaraha Sida KMG ah ugu Magacaabay waxay aheyd in horumarin lagu sameeyo gobolka inta ay dowlada Somalia ka Maamusho” ayuu yiri Gaashaanle C/rashiid.

“inuu Umadda wax u qabto oo uu Nabadeeyo Iska Daayee isagaaba Colaad dhex dhigay Qilaafka dadka aan isku fikirka aheyn isaga nakala geeyay, Ma aqaan wuxuu damacsan yahay Muqdisho muqdisho waxaa loogu ditray waa inuu Dhibaatooyinka gobolka wax ka qabto laakiin waxba muusan qaban ” ayuu hadalkiisa Sii raaciyay

Gudoommiyaha Gobolka Gedo Diyaad Cabdi Kaliil ayaa hore u Beeniyay inuu lug ku leeyahay Dhibaatada ka taagan gobolka , Waxaana uu sheegay inay soo Afjari doonaan Dhowaan.

Dhanka kale Sarkaal ka tirsan maamulka Degmada Beladxaawo oo lagu magacaabo Buule Qaloocoow oo la hadlay warbaahinta ayaa Dowladda Soomaaliya ku dhaliilay inay ka gaabisay kaalintii ay ku laheyd xiisadaha ka taagan Beladxaawo.

Wuxuu sheegay in Dowladda ay ku ceebeysan tahay xiisadaha Beladxaawo iyo sidii loo qaboojin lahaa, maadaama doorka Dowladda Soomaaliya uu yahay nabada dalka, balse xitaa aysan marnaba ka hadlin arimaha Beladxaawo ka taagan.

Gedo waxaa ka taagan Shaqaaqo iyo dhiilo colaadeed oo u dhexeysa Ururka Ahlu Sunna Gobolada Koonfureed iyo Saraakiisha Ciidamada dowlada Somalia.

Caasimada online
Xafiiska Balad-Xaawo
[email protected]