31.9 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

VIDEO: Hooyadii Nolosha lagu gubay oo ka hadashay Dhacdaasi “Daawo”

Caasimada Online:  Hooyo Xaliimo Cali Cambar oo haysataTodobo caruur ah ayaa arin laga naxo waxaa u geystay nin ay kala tageen kaasoo basiin ku bilbilay kadibna dab qabad siiyay, sidoo kale waxaa ninkaasi uu dilay nin kale oo horay caruur u dhashay haweeneydaasi kaasoo dab uu qabad siiyay u geeriyooday.

Dhacdadan xanuunka badan oo horay aan u daabacnay, balse muuqaal ahaan aan u soo gudbin ayaa waxaa ka sheegeyneyso Hooyo Xaliimo Cali Cambar oo muuqaal laga naxo ka muuqdo dabkii uu ku gubay ninkii horay u qabi jiray, kaasoo ka maseyray ninka ay ilmaha u dhashay oo u soo martiyay.

DIGNIIN ha daawan hadaadan awoodin muuqaalka oo naxdin leh….

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

Sawirro + Warbixin: Is-beddelka Favori ay ka sameyneyso garoonka Muqdisho

Waxaa ii suurta gashey in Xafiiskiisa ku wareysano Madaxa Shirkadda FAVORI Cismaan Basay oo u dhashey Wadanka Turkiga waxaana wax ka weydiiyey Arimo ku saabsan Shirkadda FAVORI iyo qaabka ay Shirkadda u Dhiseyso Garoonka Aadan Cadde iyadoo Xilga aan Wareysanayey Garoonka ka soo degayey Diyaarado kala duwan kuwaa oo sidey rakaab iyo kuwa Ganacsi waxaana Shaqada kala Maareynayey Shaqaalaha Shirkadda FAVORI Sidoo kale Shirkada FAVORI waxay Garoonka ka bilowdey Dib dhis aad u balaaran waxaana uu Wareysigii aan la yeelaney Cismaan Basay uu u dhacay Sidatan:

Su’aal :Shirkadda FAVORI waa Shirkad Noocee ah ?

Jawaab: FAVORI waa Howlgal cusub oo Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Soomaaliya ay ka wado Shirkad Turki ah oo ka shaqeeysa Dhinaca Amaanka iyo Dhismaha Garoonka Magaalada Muqdishu ee Caasimada Soomaaliya Shirkadda FAVORI waa Shirkad Xarunteedu ay tahay Dalka Turikga oo ka tirsan HAWASH Group oo ka howlgala Garoomadda ugu caansan Dalka Turkiga iyo Dalal badan oo Caalamka ku yaala,waxayna ka Caawinayaan Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde ee Muqdhishu dhinaca Saadaasha Hawada ,Dhismaha iyo Amaanka sidoo kalana ay ku taageerayaan Qalab lagu Hormariyo Garoonnka Magaalada Muqdishu.

Su’aal : FAVORI ma jirtaa Dal aan Soomaali aheyn oo haray ay uga soo shaqeysay?

Jawaab: FAVORI waa qeyb naga mid ah balse Kooxdeena waxay ka soo Shaqeeyeen qaar ka mid ah Dalalka Caalamka oo ay ku jirto Dalka Turkiga.

Su’aal: Maxaad ku Doorateen ka FAVORI ahaan inaad ka Shaqeysaan Dalka Soomaaliya?

Jawaab :Soomaaliya waa Dal aan Walaalo nahay oo u baahan Horumin islamarkaana laga caawiyo dib u Dhiska iyo Amaanka sidaas ayaan u dooranay inaan ka shaqeyno Dalka Soomaaliya.

Su’aal: Maxaad uga Badelan tihiin Shirakadii idinka horeysay ee SKA?

Jawaab: Wax weyn ayaan uga badelanahay bal eeg Shirakadii naga horaysay ee SKA waxa ay ka qabatay Garoonka hadana eeg waxa ka socda Garoonka.

Su’aal:Maxaad ka qabaneysaan Garoonka oo aad ku soo Kordhinaysaan?

Jawaa:Mar hore ayaan Qorshaha aan ku soo kordhinayno Garoonka kala hadalnay DowladdaFederaalka oo aan ka balan qaadnay inaan ka dhigno lix Kun iyo Shanta Boqol ee Garoonka ka Kooban yahay inaan dib u habeyn ku sameyno oo aan balaarino Dhabaha Diyaaradaha ku soo degaan ama ka Duulaan,waxaana ku xiri doonaa Kaamerooyinka Qarsoon ee wax Duuba iyo sidoo kale inaan u sameyno Booliska Garoonka ID Cards gaar u ah waxaana keeni doonaan Qalab dhinaca Amaanka oo gaar ah. Qorsahaha Mustaqbalka aan ka leenahay waxa weeyaan inuu Garoonka Muqdishu la mid noqdo Garoomada Caalamiga ah sid kuwa Europe oo kale, waxaana ka raja qabnaa in Garoonka Muqdishu ay ka duulaan Duulimaadka Caalamiga ah.

Su’aal: Ma dhihi karnaa Shirkada FAVORI Garoonkaan Dayactir bay ku sameynaysaa keliya ?

Jawaab :Haa waa sidaas hada waxaad arki kartaa Dhismooyin cusub oo laga Dhisaayo Gudaha iyo Dibada Garoonka Magaalada Muqdishu.

Su’aal: Markaad dhistaan Garoonkaan kadib imisaad Maamuli doontaan?

Jawaab: Heshiiskeena waxa uu gaarsiisan yahay 15 Sanno , waxaana ka raja qabnaa Dhismahaan hada socda inuu dhamaado Sanadka soo socda Bisha Jun.

Su’aal: Dhismaha aad ka sameynaysaan Garoonka Muqdishu ma mid aad uga ekeysiinaysaan kuwa Turkiga ku yaalaa mise waa qaab ka badalan?

Dabcan Way dhici kartaa inaan u dhisno sida kuwa ku yaala Dalka Turkiga ama waxaan u Dhisi doonaa sida Garoonada Caalamiga hadana waa uu socdaa Dhismihiisa.

Su’aal: ma noo sheegi kartaa Qaybaha ka duwan ee aad Garoonka ka dhiseysaan

Jawaab: Sida aad ka arkeysaan Naqshadda Garoonka waa mid Caalami ah waxaana u Dhseynaa Dhowr qaybood, Qayb waxaa ka dhoofaya ama ka soo degeya Rakaabka , Qayb waxaan ugu talagaley Diyaaradaha ganacsiga iyo kuwa Qaadka keena , Qayb waa VIP oo waxaa ka soo degaya ama ka Dhoofaya Madaxda Dowladda , qaybahaas oo dhan waxaa ku Rakib naan doona Kaamerooyin casri ah oo Dhinaca Amaanka ah.

Su’aal: Qarashka ku baxay Garoonkaan imisa ayey noqoneyaa?

Jawaab:Inkastoo maalin kasta Qarashka uu kordho hadana waxaa ku baxaya in kabadan 25 Milyan oo Doolar

Su’aal Shirkadda FAVORI ma Shirkad Madaxbanaan baa oo ay leeyihiin Ganacsato mise waxaa iska leh Dowladda Turkiga?

Jawaab: Maya gabi ahaanba waa Shirkad Ganacsi oo gaar loo leeyahay oo ka kooban laba qeybood kana dhisan Wadanka Turkiga waxayna ka shaqeeyaan Dalalka Kosovo, Sudan iyo Soomaaliya, waxayna leedahay 5000 qof oo amaanka ka shaqeeya iyo qeybo kale oo Dhismaha ka shaqeeya, marka waa Shirkad aad u xoogan oo ka dhisan Dalka Turkiga.

Su’aal: Qarashka ka soo baxa Garoonka side loo qeybsanayaa?

Jawaab: Waxaa loo qeybsanayaa 45% waxaa leh Dowladda 55% waxaa leh Dowladda sidaas ayaa Qarashka loo qeysan doonaa

Su’aal: FAVORIi ahaan maxaad ka Faa’iidaysaan inaad ka shaqeysaan Soomaaliya Garoonkaana aad Maamushaan muda 15 Sanno ah?

Jawaab Maku siin karo Faa’iida rasmiga ah hada, laakiin way cadahay Maalgalinta aan ku sameynayno Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdshu, Faaiidana way imaan doontaa markii aan dhameyno howlaha aan ka wadno Garoonka.

Su’aal: Heshiiskiina ma waxa uu ku ekyahay Garoonkaan Aadan Cadde mise waxaa jira Garoona kale oo ku yaala Soomaaliya oo aad wax ka qabaneysaan?

Jawaab: Hada ma jiro Heshiis kale oo ka baxsan Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdishu

Su’aal: Shaqaala badan baa la shaqeynayay Shirkadii SKA ee aad badasheen side baad ka yeeshen Shaqaalahaasi?

Jawaab: Horay ayaan u balan qaadnay inaan shaqada ka jooojin doonin Shaqaalihii la shaqeyn jiray SKAD Hamaantoodana hada way noo shaqeeyaan oo ma jiro qof aan Shaqada ka joojinay.

Su’aal: Ma abuureysaan Shaqooyin ka badan kuwii hore Garoonka uga jirey?

Jawaab: In shaqa badan la abuuro waxay ku xiran tahay baaxada Garoonka iyo baahida markaas soo baxda marka waa sameynaynaa shaqa abuuris waana qaadan doonaa hadba Shaqaalihii aan u baahno.

Su’aal: Yaa ka Mas’uul ah Amaanka Garoonka mise adinka ayaa ka wada shaqeynaayo Maamulka iyo Amaanka Garoonka?

Jawaab: Anagoo raaceyno Heshiiska aan wada galnay Dowladda waxaa Mas’uuliyada ugu weyn ee Amaanka leh Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM laakiin anagu waxaa qaadeynaa Mas’uuliyada Amaanka Gudaha Garoonka Muqdishu gaar ahaan Baarista Boorsooyinka iyo qalabka lagu baaro Dadka

fav 1fav 2fav 3fav 4fav 5fav 6fav 7


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail [email protected]
E-Mail [email protected].

Afweyne iyo Tiicey oo maanta Beligium lagu maxkamadeynayo

Brussels (Caasimada online) Dowlada Belgium-ka ayaa Maanta oo Arboco ah waxay Maxkamad Soo taageysa Maxamed Cabdi Xasan Afweyne oo hore uga Tirsanaa Burcada Badaha Somaliya  iyo Madaxweynihii hore ee maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cabdulaahi Aadan Tiiceey.

Afweyne, ayaa loo heystaa Abaabulka iyo Maxkaxda Afduubka Markab laga lahaa Dalka Belgium-ka Sanadkii 2009-kii , inkastoo waayihii Dambe Afweyne uu ahaa ruux Ganacsade ah.

Dowladda Belgium ayaa dabin udhigtay  labadan Ruux kadib markii laga soo dhaadhiciyay Fikir ah inay Sameynta Filim ka hadlay qaabka Afduubka Burcad badeeda Soomaalida, kadibna markii ay dalkaasi tageen xabsiga loo dhaadhiciyay.

Safiirka Midowga Yurub ufadhiya Dowladda Soomaaliya Dr Cali Fiqi ayaa  hore usheegay in maanta labadaan ruux maxkamada lasoo taagayaa, iyadoo ay jiraan qareeno udoodaya.

Qaar kamid ah ehelada labada ruux ayaa ku sugan dalka Belgium-ka iyaga oo si dhaw ula socda xaaladaha Afweyne iyo Tiiceey, oo Dowladda Belgium-ka uxiran.

Afweyne ayaa si cad u sheegay inuu ka tanaasulay falalka burcadnimada ah inkastoo dowlada Belgium-ka ay ku dacwooneyso inuu hanti badan ka sameeyay Falkaan .

Dowlada Somalia oo ka hadashay dhowaan Xariga Afweyne waxay ku sheegtay nay ka xuntahay uuna garab xoogan ku siinayay sidii dhalinyarada looga wacyi galin lahaa arimaha Burcad Badeednimada ah.

Caasimada online

Xafiiska Brussels

[email protected]

Fadeexada ciidamada Uganda ee Somalia oo korortay iyo askar la xeray

Ku dhawaad 40 askarta dowlada Uganda oo ay ku jiraan guuto ciidamo ah ayaa dib looga yeeray dalkooda, waxaana lagu xeray dalkaasi, kadib markii la sheegay inay xatooyo ku sameeyeen howgalka Somalia, sida uu sheegay afhayeenka ciidamada meletariga Uganda Col. Paddy Ankunda, maalintii shalay.

Qaar ka mid ah askarta la xeray ayaa ku eedeysan xatooyo ku aadan hubka iyagoo ku iibiyay suuqa madow, halka kuwa kale la sheegay inay ku eedeysan yihiin iibsiga shidaalka gaadiidka, iyagoo qiyaamau nolosha askar badan oo howlgalka ku jirta.

“Waxaan u eegnay eedeymahaasi si taxadar leh, iyadoo qaar saraakiil ah askarba ay ku lug lahaayeen iibinta cuntada iyo shidaalka iyo qalabka howlgalka, ma u ogolaan doono cadowga noocaasi ah inay jibiyaan howlgalka midowga Africa”ayuu yiri Ankunda.

Dowlada Uganda ayaa ku deeqday ciidanka ugu badan 17 kuna ee askari eek u sugan Soomaaliya, waxaana sida uu sheegay qaar kamid ah saraakiishaasi la saari doono maxkamad maalmaha soo socda, sida ankunda laga soo xigtay.

Kulankii ugu dambeeyay ee madaxweynaha Uganda uu la yeeshay qaar kamid ah askartiisa ayuu ku helay xog ku aadan in saraakiisha qaar ay iibsadaan hubka iyo agabka kale ee howlgalka, waxaana laga soo xigtay wargeysta Daily Monitor in madaxweynaha xiligaasi uu ku baraarugay waxa ciidamada Uganda ay kala kulmaan howlhalka AMISOM.

Afhayeenka ciidamada meletariga ayaa xaqiijiyay in qaar kamid ah askarta dowlada oo dib ugu laabtay dalka Uganda iyo saraakiishoodaba lagu eedeynayo dambiyada lana xeray 40 kamid ah ciidamadaasi.

 Caasimada

Xafiiska Kampala

[email protected]

Dhageyso : Saacid oo lagu eedeeyay abaabulka Xiisada Ka taagan G/Gedo

Balad-Xaawo (Caasimada online) Ra’isul wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid , ayaa lagu eedeeyay inuu ka dambeeyo Xiisada Colaadeed ee Muddooyinkan ka taagneyd degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo.

Nabadoon Maxamed Xassan Baana oo kamid ah Odayaasha kasoo jeeda gobolka Gedo, ayaa sheegay in Ra’isul wasaare Saaacid uu yahay shaqsiga kadambeeya colaada Gobolka Gedo.

” Wixii ka dambeeyay Markii Ra’isul wasaaraha Somalia uu Booqday Garbahaareey, waxaa soo baxayay Qilaaf  u dhexeeyay Mas’uuliyiinta Gobolka, Ma garanayo Sababta, laakiin waa Saacid Ninka uu gobolka Gedo uu ka dagi la’yahay” Ayuu Yiri Nabadoon Baana.

Mudooyinkii ugu dambeeyay Xiisad Colaadeed ayaa ka taagneyn gobolka Gedo Taas oo u dhexeysay Maamulada Ahlu Sunna iyo dowlada Somalia oo Gobolkaasi ku wada Sugan , Gaar ahaan Xiisada ayaa ka jirtay Degmada Balad-Xaawo.

Ciidamo ka socda Dowlada Ethiopia ayaa tagay Gobolkaasi Gedo Sabab la xiriirta Xalinta Xiisadaasi inkastoo wali xal buxa aan laga gaarin hadana waxaa jira waan waan arintasi xal loogu raadinayo.

Dowlada Somalia ayaa lagu dhaliilay ka aamusnaanta Xiisada Badal-Xaawo, taas oo ugu dambeyn keentay in arintaas lagu eedeeyo Xafiiska Ra’isul wasaaraha Somalia, walina kama aysan soo bixin wax jawaab ah .

Halkaan ka dhageyso Eedeynta Ra’isul wasaaraha loo jeediyay

Nabadoon Maxamed Xassan Baana Xogta Wararka

Caasimada online

Xafiiska Balad-Xaawo

[email protected]

 

Warbixin: Intee bay la egtahay sirta uu bixiyay jaajuus Edward Snowden?

0

Tan iyo markii uu baxsaday ninka horay ula shaqeyn jiray sirdoonka Maraykanka ee Edward Snowden, waxaa soo baxayay warar ka caraysiiyay xulafada Maraykanka oo ku saabsan basaasidda Maraykanka. Hadaba intee bay la egtahay sirta uu bixiyaya Snowden?

Edward Snowden ayaa horay ugu shaqeyn jiray hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA-da isla markaasina bixiyay sir ku saabsan qaabka sirdoonka Maraykanka ay u xadaan una dhagaystaan telefoonnada dadka iyo xiriirka Internatka, Snwoden waxa uu haatan magangalyo ahaan ku joogaa dalka Ruush-ka waxaana maraykanka uu u haystaa inuu qiyaanay

snowdenWargayska The Guardian ayaa daabacay in sirdoonka Maraykanka ay dhagaysteen dad dhowr milyan gaaraya telefoonno ay leeyihiin, wargayska waxaa uu sheegay in shirikadaha telefoonnada ay ku wareejiyeen sirdoonka Maraykanka macluumaadka macaamiisha telefoonnada.

Dhacdadaasi waxa ku xigtay warar ay wadajir u qoreen wargeysyada Washigton Post iyo the Guardian oo sheegayo in sirdoonka maraykanka ay sidoo kale duubtaan boogagga dadweynaha ay ku wada xiriiraan ee Facebooga, google-ka, Microsoft iyo Yahoo isla markaasina ay aaladahani ku xirteen barnaamij ay kala socon karaan oo lagu magacaabo Prism.

Aaldan iyada ah ee lagala socon karo xiriirka Internetka dadka ku dhexmara ayaa la sheegayaa inay lagu sameeyey xitaa dalka Talyaaniga oo lagala socday taasoo lagu dhagaysanayay xiriirka uu ra’iisul wasaaraha Talyaaniga samaynayay.

Maraykanka oo xadayay Shiinaha

chin

Edword Snowden ayaa sidoo kale sheegay in maraykanka wadamada uu dabagalay amama ka xaday macluumaadka ay ka mid yihiin Shiinaha iyo Hong Kong, Goobaha uu sida gaarka ah u bartilmaameedsadayna waxaa ka mid ah jaamacadaha, Ganacsiga iyo dadweynaha sare. Snowden ayaa qeexay inay jabiyeen oo xadeen shabakado waawayn oo u sahlay isgarsiinta ay wadaagaan kumanaan computer ah.

29-kii bishii June sirdoonka maraykanka waxay u dhaceen oo basaaseen xafiisyada Midowga Yurub eek u yaala maraykanka iyo Yurub sida ay qortay jariirada Germany Der Spiegel.

Qoraallad la helay ayaa sheegay in la dhagaysanayay waxa ka dhex socday xafiisyada Midowga Yurub ee magaalada Brussels ee dalka Beljiam.

Yurub maxaa ku dhacay

Dowladda Jarmalka ayaa shir ugu yeertay Safiirka Maraykanka ee dalkaas kaddib markii warbaahinta Jarmalka ay sheegtay in telefoonnada gacanta ee hoggaamiyaha Jarmalka Anjela Merkel.

Arrintan ayaa looga hadlay shir madaxeedka Midowga Yuru, iyagoo Maraykanka ka codsaday inuu faafaahin ka bixiyo arrintaas.

Madaxda Midowga Yurub waxay ka digeen in is aaminaadda udhexaysa waddanada xulafa ah uu dhaawac soo gaari karo.

Safaaradaha la basaasay

Yurub waxaa ka dhacay dibedbaxyo looga soo horjeeda basaasidda Maraykanka

Ilaa 30 safaradood ayaa la sheegay inay basaasayeen sirdoonka Maraykanka.

Waddamada la bartilmaameedsaday waxaa ka mid ah Faransiiska, Talyaaniga, Greeg iyo waddamo aan Yurub ahayn sida Japan, Koonfur Koreya iyo Hindiya.

Safaarada Midowga Yurub ee New York iyo Washington ayaa la sheegay in la basaasay.

Sharciga Maraykanka oo la jebiyay

Qoraallada uu soo bandhigay Edward Snowden ayaa muujinayo in Maraykanka uu jebiayay sharciga sirriyada ee dadka Maraykana.

Waxaa si khalad ah loo dhagaysnayay telefoonnada dadka Maraykanka oo loogu shakinayay khalad aanay iyagu galin.

DAAWO: Soomaalida South Afrika oo arrin aan looga baran sameeyay

0

Caasimada Online: Soomaalida ku nool Wadanka Koofur Afrika ayaa la maqli jiray in mar walba la dilo ama la gubo ayagoo kala kulmaya Shacabka Wadanka Koofur Afrika Boob Hantiyeeyd iyo Mid Nafeedba waxaana soo baxay Arin ka duwan taa.

Hadii aad maqli jiray Soomaalida Koofur Afrika waa la dilaa waa la dhacaa ogoow waa dad yaqaano ganacsi iyo is dhaxal gal waxeyna ka qeyb qaataan Xafladaha Dhaqamada ama arimaha la isku soo bandhigo dhanka hidaha iyo dhaqanka ee nala daawo sida ay uga yaabsadeyn Mujtamaca South Afrikaanka.

HALKAAN KA DAAWO:

 

SAWIRRO: M/weynaha oo wax ka furay mashruuc 150 sano lagu riyoonayey

Tareenkani cusub ee badda hoosteeda maraya waxa uu ka gudbaya khooriga loo yaqaanno Bosphorus, waxanu isku xidhaya xeebaha Yurub iyo Aasiya markii ugu horraysay taariikhda.

Ra’iisalwasaaraha Turkiga Racip Erdogan ayaa rasmi ahaan u furay mashruucii u horeeyey ee tareen badda hoosteeda maraya oo isku xiraya labadan qaaradood.

Hirgalintan mashruucan waxay ka dhabeysay riyadii Sultaankii xukumay Turkiga 150 sano ka hor oo mashruucan oo kale ku fakaray, si loo helo jid loo bixiyey ‘Jidkii Xariirta’ oo lagu hammiyayey in la xidhiidhiyo ilaa iyo Shiinaha.

Waxaa ku baxay mashruucan 3 bilyan oo euro, waxaana iska kashaday Turkiga iyo Japan.

Markii xariga laga jaray mashruuca oo ay ka qayb galeen madax badan oo adduunka ka kala socotay oo lagu martiqaaday ayaa musiga dalka Turkiga la garacay oo loo dabaaldegay.

Dhaqan ahaanna magaalada Instanbul waxay u taagnayd magaalo kulmisa xadaaradaha Aasiya iyo dhinaca kale kuwa reer Yurub, sidaasi awgeedna waxa munaasabaddani loo sameeyey xaflad weyn oo caalami ah oo lagu casuumay madax adduunka ka kala timid.

Madaxda ka qayb gashayna waxa ka mid ah madaxwweynaha dawladda Federaalka ah ee Somali, Xassan Sheikh Mohamoud.

Ra’iisalwasaaraha Turkiga Recep Erdogan waxa uu ku tilmaamay mashruucani in aanu ahayn mid u gaar ah Turkiga oo qudha, laakiin u faa’iideynaya ban’iiaadamka oo dhan.

Munasaabadaan oo ay kasoo Qabgaleen Madaxweynayaal farabadan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud lagu casumay in uu Qudbad u jeediyo Shacabka Turkiga, halka ay dhageysataal ahaayeen Madaxweynaha Japan, kan Romaaniya, Bulgariya iyo kuwa kale oo badan.

Madaxweynaha oo Shalay gaaray Turkiga ayaa Qudbad Taariikhi ah ka jeediyay Maalin Taariikhi u ah Turkiga iyo Qaaradaha Yurub iyo Aasiya, wuxuuna Shacabka Turkiga uga mahadceliyay garab istaaga iyo wallaaltnimada dhabta ah oo ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed.

Sawirrada munaasabadda

xas 1xas 2xasan 2xas 3xas 4xas 5

Barre Hiiraale oo qaatay go’aan aan la fileyn oo niyad jab ku ah DF + Cod

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Col. Barre Hiiraale, ayaa ku gacan seeray ka qeyb galka shirka arrimaha Jubbooyinka ee lagu wado inuu dhowaan ka furmo magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Afhayeen u hadlay garabka Barre Hiiraale, Xuseen Qaasim ayaa wareysi uu dhowaan bixiyey ku sheegay in aysan aadi doonin Muqdisho si ay uga qeyb galaan shirkaas.

Waxa ay tani imaneysaa ayada oo dhowaan dowladda Somalia ay dadaal u gashay in ay Axmed Madoobe ka dhaadhiciso in Barre uu ka qeyb galo shirka, ciidankiisana ay soo galaan Kismaayo, taasi oo uu aqbalay.

Go’aanka cusub ee kasoo baxay maamulka Barre Hiiraale, ayaa waxa ay waxba kama jiraan ku tilmaameen inay ciidankooda tagayaan Kismaayo, waxaana afhayeenkiisa uu sheegay in dowladda Somalia ay qaadatay go’aan aan cidna la ogeyn.

Waxa uu ku eedeeyey dowladda inay ka daahday inay si wada hadal ah wax ku dhameyso, sidaa darteedna ay iminka xoog dib ugu qabsan doonan Kismaayo, oo ay dagaal qaadi doonaan.

Go’aanka kasoo baxay dhinaca Barre ayaa dhabar ka toogasho ku noqonaya dowladda oo u muuqatay mid ugu dambeyn xal u heshay arrimihii murugsanaa ee Jubooyinka.

Halkan hoose ka dhageyso hadalka afhayeenka Barre

Xasan-Qaasim-Warsame-Afhayeenka-Col-Barre-Hiiraale-1

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Dhageyso: Galayr oo hadal xasaasi ah ka hor sheegay BF iyo dacwad caalami ah oo laga gudbiyey DF Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamanka Somalia, ayaa weli mucaaradsan qaabkii shirkadda SKA ee maamuli jirtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde looga ceyriyay halkaas iyo imaatinka shirkadda Favori ee laga lee yahay Turkiga.

Prof. Cali Khaliif Galayr, ayaa hadal uu ka hor jeediyey baarlamanka waxa uu ku sheegay inaysan dhib lahayn in shirkadda SKA lagu beddeli Favori, balse qaabkii loo beddelay ay qaldanayd.

Waxa uu sheegay in SKA ay dowladda la gashay qandaraas waqtiyeysan, islaamrkaana ayada oo uu qandaraaskii dhammaan la ceyriyey loogana baxay ballantii.

Galayr, ayaa sheegay in SKA ay dacwad caalami ah ka gudbisay dowladda Somalia, islamarkaana loo baahan yahay in dowladda ay u diyaar garowdo qaabkii ay isku daafici lahayad.

Halkanka dhageyso Hadalka Galayr

CALI KHALIIF GALAYDH

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

Itobiya oo sharaf tirtay xabsina dhigtay guddoomiyihii Dowladda Somalia ee…!

Dooloow (Caasimada online) Wararka laga helayo degmada Doolow ee gobolkaGedo ayaa  sheegaya in ciidamada Ethiopia ay xabsi dhigeen Guddoomiyaha degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Saraakiisha Ciidamada Ethiopia ee ku sugan gobolka Gedo ayaa C/rashiid Janan,  waxay ku eedeeyeen inuu isagu ka dambeeyay dagaalkii dhowaan ka dhacay degmada B/xaawo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Muddo Saacado kooban ah Xabsiga la dhigay Gudoomiyaha Doolooe, iyadoona Mudadii uu Xabsiga ku jirayna waxlaga weydiiyay waxa uu ka ogyahay Dagaalkii Dhowaan Balad-Xaawo ka dhacay.

Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Dooloow ee Gobolka Gedo,  ayaa sheegay in Saaco ka dib Ciidamada Ethiopia ay soo daayeen Gudoomiye C/rashiid Janan,

Saraakiisha Ciidamada Ethiopia ee Xiray Gudoomiyaha ayaa waxay Gudoomiyaha ugu hanjabeen Sida la sheegay in hadii mar kale ay uga shakiyaan inuu abaabulayo dagaal ka dhan ak B/xaawo ay Xabsi aan kasoo noqosho laheyn u diri doonaan .

Sidoo kale waxay ku amreen inuu ka qeyb qaato Raadinta Nabad iyo Xasilooni ka dhalata Degmada B/Xaawo ee gobolka Gedo, iyo sidoo lagu heshii shiin lahaa Ciidamada dowlada Somalia iyo kuwa Ahlu sunna ee Dhowaan degmadaasi isku qabtay.

Arintan wali kama aysan hadlin Saraakiisha Ciidamada dowlada Somalia ee Maamulkaas, hayeeshe wali Waxaa taagaan Xiisadii dhowaan ka dhalatay Degmada B/Xaawo ee Gobolka Gedo.

Caasimada online

Xafiiska Dooloow

[email protected]

DAAWO: Bilicda & Horumarka ka hir galay Sanadkan Magalada Muqdisho?

0

 Caasimada Online: Magaalo Madaxda Muqdisho waa magaalo weyn oo miisaan culus ku leh dalkeena mudadii dowlad la’aanta aheyd waxaa gaaray jab xoogan oo burbur iyo barakicin labaduba watay balse haatan Muqdisho waxeey noqotay Muqdisho Cusub ee aan idiin baro.

Muuqaal ahaan Muqdisho ma moodid Muqdishadii 23 sano lagu dagaalamayay balse waxaa haatan arkeysaan waa NEW MUQDISHO oo aan idinku tusinaya magacaa cusub in ay timid Muqdisho Cusub oo kaa yaabin doonto muuqeeda iyo quruxdeedaba.

HALKAAN KA DAAWO:

 

 

Wasaarada Arimaha Gudaha oo Balan qaad u sameysay Maamulka D/Balcad

Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ayaa maanta kormeer ku tagey degmada Balcad ee gobolka shabeelada dhexe iyagoo sheegay in lacag gaareysa 200’000 oo Doolar lagu bixinayo horumarinta adeegyada bulshada ee degmaadas.

Wafdigan oo uu hogaaminayay agaasimaha guud ee amniga ee wasaarada arrimaha gudaha ayaa gaaray degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe,  iyagoo kulamo la qaatay ururada bulshada odayaasha dhaqanka ururka haweenka dhalinyarada  iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada Balcad waxeyna isku afgarteen baahida loo qabo in la horumriyo adeegyada bulshada.

Agaasimaha guud ee amniga wasarada arrimaha gudaha Xuseen Cabdi Aadan iyo Dr. C/laahi Xeydar oo ka mid aha wafdigaasi islamarkaana ay wehliyeen saraakiil ka socotay hey’ada socdaalka aduunka ayaa balan qaaday Laba Boqol Oo Kun Oo Doolar oo lagu dayactirayo adeegyada bulshada gaar ahaan Iskuulada, cisbitaalada iyo xarumaha maamulka degmada.

Qaar la mid ah dadka ku nool degmada Balcad oo iyagu kulamada la qaatay wafdigaasi ayaa muujiyay baahida ay u qabaan in la horumariyo adeegyada bulshada ee degmadaasi iyagoo si diiran usoo dhaweeyay dhaqaalaha ay balanqaaday wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka.

Gudoomiyaha degmada Balcad Cismaan Xaadoole ayaa sheegay ineybaahi weyn u qabaan horumarinta adeegyada bulshada isagoo uga mahadceliyay wasaarada arrimaha gudaha dhaqaalaha ay ugu yabooday degmada balcad ee G/Sh/Dhexe.