31.9 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

Foodda Beenleyda ah ee Maskaxda qofka iyo Mucjisada Qur’aanka

Sanada dhowr ah ka hor ayay ahayd markii caalim ku takhasusay culuumta casriga iyo sayniska una dhashay dalka Kanada uu sheegey in maskaxda bini aadamku ay dhowr qeybood u qeybsanta, iyadoo dhowr jiha kala taal. Qeyb weliba waxay qaabilsantahay howl gaar ah ayuu caalimkaasi sheegey, isagoo qeybta ku taal dhanka hore ee wejiga dushiisa (naasiyah) foodda ku tilmaamay inay tahay qeybta qaabilsan beenta iyo gafafka. Sidoo kale wuxuu sheegey inay tahay qeybtan qeybta gaadha ama qaadata go’aannada, iyadoo uu kusheegey inay tahay midda hoggaamisa qofka bini aadamka ah.

Qeybtaasi ayaa ku beeggan halka loo yaqaan maskaxda VMPC ama ventral medial prefrontal cortex, waana qeybta hore ee maskaxda ee afka Carabiga loo yaqaan ”Naasiyah”, soomaaliguna lagu yiraahda ”Foodda”.

Daraasad kale oo taa kadib sanadkii 2007 lagu sameeyay jaamacadda University of Penssylvania ayaa lagu sheegey in dadka dembiyada gala ama ficillada xun xun sameeya in wejigooda jabhadda (foodda) aanay lamid ahayn foodda dadka kale, waxayna sheegeen in laga dheehan kara fooddiisa inuu qofkaasi yahay dembiile. Culimada sidaa tiri waxaa kamid ahaa Dr KnightRobbert, oo kamid ahaa raggii daraasaddaasi ka qeyb qaatay.

Quraanka Kariimka ah ee qiimaha badan ee Ilaahay inagu sharfay, ayaa innaga (kulanka Muslimiinta) inoo sheegay cilmigaasi 1400 sano kahor, markuu Ilaahay inoo sheegey in fooddu tahay beenley, sidoo kale ay tahay halka laqaban doono dembiilayaasha.

Waa kan Ilaahay oo inoo caddeynaya 1400 sano kahor in fooddu ay tahay halka laqaban  doona dembiilayaasha maadaama ay tahay tii ku xambaartay dembiga, Alle sarreeye wuxuu yiri

(يُعْرَفُ الْمُجْرِمُونَ بِسِيمَاهُمْ فَيُؤْخَذُ بِالنَّوَاصِي وَالْأَقْدَامِ) 

[الرحمن: 41].
”Waxaa lagu gartaa dembiilayaasha astaamahooda, waxaana la qaban ‘‘Naasiyah”, foodda iyo gomadaha oo lagu tuuri naarta”. Ar- Raxmaan: 41dSidoo kale Alle isagoo inoo sheegaya in fooddu ay tahay beenta meesha laga soo iqtiraaca wuxuu yiri(كَلَّا لَئِن لَّمْ يَنتَهِ لَنَسْفَعًا بِالنَّاصِيَةِ. نَاصِيَةٍ كَاذِبَةٍ خَاطِئَةٍ)
(سوره العلق).
”Sidaa ma ahee hadduusan ka reebtoonin, waxaan qaban foodda. Food beenley ah, gafna badan”. Al Calaq: 15d- 16d.Intaa dabadeed, bal waxaan is weydiinnaa xilliga uu Muxammad (NNKH) la yimid Quraankani, ma waxaa jirey qalabka casriga ee immika lagu ogaaday xaqiiqdan? Mise Muxammadkii (NNKH) saxaraha Carbeed ku noolaa ayaa isaga uun xilligaasi haystay qalabkaas oo iktishaafay xaqiiqdaan? Haddii arrintu aanay sidaasi ahayn, oo laga wada marag kaca in aanay qalabkani casriga ahi jirin xilligaasi, ma waxaa jira cid kaloo la timid xaqiiq sidan u cad oo aanan ahayn Nebi Muxammad (NNKH)? Halkee buu kala yimid Muxammad (NNKH) warkan xaqiiqda ah? Dabcan waa xag Alle..Waxaa kaloo isweydiin mudan mar kale, muxuu Nebi Muxammad (NNKH) ducadan ugu cel celin jirey asxaabtiisiina uu u baray?(اللهم إني عبدك بن عبدك بن أمتك ناصيتي بيدك ماض في حكمك عدل في قضاؤك أسألك بكل اسم هو لك سميت به نفسك أو أنزلته في كتابك أو علمته أحدا من خلقك أو استأثرت به في علم الغيب عندك أن تجعل القرآن ربيع قلبي ونور بصري وجلاء حزني)

Haddii aad fiirisa ducadani waa duca caan ah, Nebiguna (NNKH) wuxuu yiri ”Qofkii hammi iyo walwal uu daboolo oo aqriya Alle wuu ka qaadaa hammigaasi”. Ibn Xibbaan ayaa kusoo weriyey kitaabka Ar- Raqaaeq, Axmedna wuxuu kasoo weriyey Ibnu Mascuud. Markaad aqrisa ducadan waxaad ka dhex heleysaa oraahda ah ”Naasiyatii biyaddek”, taasoo lamacna ah ”Fooddeydu waxay ku jirtaa awooddaada” Haddii aynu soo xusnay in fooddu ay culimada casriga ahi ku sheegeen mid go’aannada gaadha, muxuu Nebi Muxammad (NNKH) u oran jirey ”Fooddeydu Ilaahayoow!! waxay ku jirtaa awooddaada”? Dabcan macnuhu waxaa weeye taladeyda iyo go’aannadeyda oo idil adiga ayaa ka masuul ah oo aan amarradaada kusocdaa, haddii aan go’aan qaadanayana waa mid aad adigu ka raalli tahay. Xaqiiqadani waxay ina xasuusinaysaa gallada Eebbe inoo galay iyo inuu naga mudan yahay mahad dhammaanteed, oo aynu xaggiisa u laabanno. Fadliga Islaannimada ee uu ina siiyey waa mid aan dheernahay umadaha koonka ee aanan Islaamka ahayn. Waxay tani ina xasuusineysaa markale inaan kuduceysanna mar waliba oo aan ku cel celinna qowlka Alle kor ahaaye ee ah

(إِنِّي تَوَكَّلْتُ عَلَى اللَّهِ رَبِّي وَرَبِّكُمْ مَا مِنْ دَابَّةٍ إِلَّا هُوَ آَخِذٌ بِنَاصِيَتِهَا إِنَّ رَبِّي عَلَى صِرَاطٍ مُسْتَقِيمٍ) 

[هود: 56].WQ: Mohammed Dahir Abdi
Email: [email protected]
_____________________________________________
Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka caasimada.net, lama daabacan kara idan la’aan.

DAAWO: Muqdisho iyo damaashaadka

0

Caasimada Online:  Xeebta Liido ee Degmada Abdulaziz ee Magaalada Muqdisho waa xeeb marti galineyso shacab tiradooda kor u dhaafaya kumanaan qof oo u soo dabaal tagaya ayagoo badankooda ka yimid Wadamada Qurbaha.

Shacabka ku nool muqdisho ayaa aad ula dhacaya sida Jimcaha la iskugu balansanayo Xeebta Liido iyo damaashaadka ka dhacaya maalintaasi ayadoo aad weyneyso jaanis aad ugu dabaalato sababo dadka oo aad u badan ee nala daawo Muuqaalka guud ee Xeebta Liido.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Marka & Yariisoow (Bulxan & Gurxan)

Gudoomiyaha degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose, Maxamed Cismaan Yariisow ayaa dadkii bukaanka ahaa ee qabay cuddurka Aids-ka ka saaray cusbataalkii magaalada Marka. Haddaba, Bulxan & Gurxan oo ah labba jaajaale maxay ka yidhaahdeen bukaankii loo diiday dawooyinkii ay bixin jirtay hay’adda COSV?

Bulxan:

Dhagarta laga galay dadkaa
Dhaawaca cudur halisi hellay
Dhibaatiyo ciil la badday
Ninkaa dhoosha ka qoslayee
Banaanka dharka u dhigoow
Kollay maba aad dhammide
Dhallaan raad-laad tahaye
Miyaanad dhiigiyo uus lahayn?
Darreen iyo dhimmir lahayn?
Sideed dad dhibaato qaba
Bukaanoo cudur ku dhacay
Dhakhtarka uga baacisaa?
Maxaa kugu dhacay Yariis?
Ma dhuuni ayaad rabtaa?

Gurxan:

Hayaddii Dhaqaalihii ma bixin
Dheeftiyo Doolarkii la waah
Dhuunigiyo deeqdii yarayd
Dharaarahan maanu hellin
Dhammaan dadka Aids qaba
Dadkaa dhakhtarka u raboow
Haddaad lacag dhiibaysaan
Xawaaladda soo dhiggoo
Dhergiya maamulkiyo duqay
Haddii kale dhaantadiyo
Dhagaha jabaqda nooga daa!

Waxa Curiyay (W/C): Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-Assad)
Barmaamijkii Murtisoor (Bulxan & Gurxan)
W/C: Axmed-Assad
Facebook: Axmed.Assad
Email: [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

Madaxtooyada oo faahfaahisay safarka Madaxweynaha ee Kismaayo (Sawirro)

M/weynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa ka dagay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, waxaana uu Safarkaan noqonayaa kii ugu horeeyay ee uu ku tagay magaalada Kismaayo tan iyo intii uu noqday M/weynaha Soomaaliya .

Eng. Yariisoow oo ah afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya, oo wareysi gaar ah siinayay Idaacada VOA ayaa sheegay in ujeedka uu M/weynaha u tagay Kismaayo ay tahay sidii loo dar dar galin lagaa Heshiiskii dhawaan lagu gaaray magaalada Addis-Ababa, kaasoo ay kala saxiixdeen DFS iyo maamulka KMG ah ee Jubba.

Eng. Yariisoow, ayaa sidoo kale sheegay in M/weynaha inta uu joogo magaalada Kismaayo uu u kuur gali doono Xaalada guud ee magaalada, sidoo kale waxa uu sheegay inuu la kulmi doono M/weynaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe.

Mar Eng. Yariisoow la weydiiyay in Safarka M/weynaha ee Kismaayo uu salka ku haayo sidii Axmed Madoobe loogu soo qancin lahaa inuu kasoo qayb galo Shirka 2da November ka dhici doona magaalada Muqdisho, ayuu Yariisoow sheegay ineeysan taas la xiriirin, balse M/weynaha safarkiisa uu qayb ka yahay Safar uu mudooyinkaanba ku kala bixinayay qaybaha kala duwan ee dalka.
Shirka 2da November ee Muqdisho:

Bisha November 2deeda, oo ay maalmo yar naga xigaan ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir lagu heshiisiinayo beelaha daga Jubooyinka, kaasoo qayb ka ahaa heshiiskii ay DFS iyo maamulka Jubba ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Qaar kamid ah Ergada Shirkaan ka qayb galaysa, ayaa la sheegayaa ineey durbaba kusii qul qulayaan magaalada Muqdisho.

Maamulka uu Hogaamiyo Axmed Madoobe, ayaa iyagu horay u qaadacay shirkaas, laakiin Safarka M/weyne Xasan Shiikh uu maanta ku gaaray halkaas, ayaa lagu wadaa inuu badalo Fikirkii hore ee Axmed madoobe islamarkaasna uu M/weynaha ku qancin doono ineey kasoo qayb galaan shirka 2da November ka furmaya Muqdisho

madaxkiskis1kis2kis3kis4kis5kis6kis7madax

Dhageeyso Gen Fartaag oo ka hadlaya Socdalka Madaxwaynaha ee Kismayo

Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Jubba General Fartaag ayaa ka war bixiyay Socdaalka Madaxweynaha waxuuna sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh si aan caadi aheyn loo soo dhaweeyay uuna la dhacay sida loogu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo.

General Fartaag waxuu ka hadlayaa Socdaalka madaxweynaha iyo Wafdiga Madaxweynaha inta qeyb uu ka kooban yahay iyo dhanka amaanka sida loo sugay maanta ee dhageeyso Codka General Fartaag.

HALKAAN KA DHAGEEYSO:

VIDEO: Ma aamineeysaa in ay Bilicdaan lee dahay Magaalada Hargeysa

0

Caasimada Online: Muuqaalka & Bilicda Magaalada Hargeysa ma aamineysid in ay tahay sidaan ayadoo mar qura is badashay kadib dhismooyin iyo horumar cusub oo ku soo kordhay magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland.

Hadaba Hargeysa waxaa ka soconaya hormaro aan indhaha laga qabsan karin oo ku aadan dhanka bilicda Magaalada iyo dhanka horumarka ganacsi iyo dhismooyinka sida xowliga uga soconaya magaaladaasi nala daawo muuqaalkani video-ga.

HALKAAN KA DAAWO:

Xasan Sheekh oo gaaray Kismaayo

Kismaayo (Caasimada online) Madaxweynaha Somaia iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Socdaalka Madaxweynaha ee Kismaayo, waxaa ku wehliyay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumad Somalia, iyagoona si Nabad ah ku tagay Garoonka Kismaayo.

Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Jubba,  AMISOM, iyo shacab badan ayaa ku sii sugnaa Garoonka Diyaarahada Kismaayo kuwaas oo ka qeyb qaadanaya Soo dhaweynta Madaxweynaha Somalia.

Wafiga Madaxweynaha ayaa iminka ku sugan Xarunta Madaxtooyada Kismaayo, waxaana Afhayeenka Madaxtooyada uu sheegay inuu Socdaalka madaxweynha uu qeyb ka yahay heshiiska dowlada iyo Maamulka Jubba .

Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam Axmed Maddoobe ayaa dhankiisa dheegay  inay farxad u tahay in Madaxweynaha Somalia ay Kismaayo kusoo dhaweeyaan.

Madaxweynaha oo Dhow jeer ka baaqday Safar uu ku tagi lahaa Kismaayo isagoona ugu dambeyn maanta gaaray halkaasi, waxaana lagu wada ainuu kulan la qaato Mas’uuliyiinta Maamulkaas si arimaha labada dhinac ay kaga munaaqashoodaan .

Waa markii ugu horeeysay oo uu madaxweyne Xasan Sheekh tago Kismaayo Tan iyo Markii xilka madaxweynenimo loo doortay.

Isgaarsiinta ayaa hawada laga saaray , taas oo ay dadka qaar ay ku sifeynayaan inay inay qeyb ka tahay sugidda dhanka amniga inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in iminka ay dib usoo laabatay

 

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

Musharixiinta PUNTLAND oo loo digay

Taleex (Caasimada online) Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Puntland  C/samad cali Shire oo Maanta shir Jaraa’id ku qabtay degmada Taleex ee gobolk Sool ayaa ka hadlay Arimo babadan oo kala duwan.

Ugu horeyn wuxuu ka hadlay Arimo ay ka mid yihiin Socdaalkiisa degmada Taleex, warar kasoo baxay qaar ka mid ah Musharixiinta Madaxtinimo ee maamulka Puntland iyo Shir ka dhacay Degmada taleex.

Wuxuu si caro leh uga hadlay Warar kasoo baxayay qaar ka mid ah musharixiinta u taagan qabashada Xilka Madaxtinimo ee Maamulka Puntland oo ku aadan inuu C/samad Cali Shire Fidno ka dhex wado dadka dega gobolka Sool Gaar ahaan Degmada Taleex.

C/samad Cali Shire, ayaa Hadalkaaas ku tilmaamay mid laga Xumaado , waxaana Musharixiinta uu ka dalbaday inay dib u eegaan Dastuurka Puntland , waxaana uu ka dalbaday inay hadalkaas ka laabtaan”

“Musharixiintu Dib ha ugu laabtaan Dastuurka Puntland u yaala , waana inay ka towbad keenaan hadalada Keeni kara qaran dumiska oo ay ku dhawaaqeen, waana uga digeynaa hadaladaas oo kale  ” ayuu yiri C/samad Cali Shire

Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sidoo kale si wada jira uga hadlay musharixiin war saxaafadeed kasoo saaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug iyo sidoo shir lagu baaqay in uu ka dhaco gudaha degmadani Taleex.

Wuxuu sheegay  in xukuumada Puntland ee xiligani ay soo dhoweynayso cid walba oo u taagan xilka madaxtinimo ee Puntland ayna si wacan u dhici doonto doorashada Puntland ee fooda inagu soo haysa isla mar ahaan taana wax shir ah uu san ka dhici doonin gudaha degmadani Taleex.

Si kasto Khaatumo State ayaa dhowaan ka dhawaajisay in Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire  uu fara galin qaawan ku hayo Maamulkooda .

Caasimada online

Xafiiska Taleex

[email protected]

Faalo: Naxariis miyaa taal Naar ka boodka Afrika?

Muqdisho (Caasimada online) 22 sano ka hor ayay jabhado qori la ordaya weerar ku qaadeen xarunta aqalka Madaxtooyada  oo qiyaastii 1km oo dhinaca waqooyi ah uga beegan xarunta idaacadda Kulmiye Mgaalada Muqdisho.

Mashaqada ka dhalatay gadoodkii ay sameeyeen  jabshadahaasi waa hal qabsiga qof kasta oo doonaya inuu wax u sheego  dadkaan  u heelan inay is faquuqaan meeshii ay Aayahooda ka tashan lahaayeen.

Shalay  waxay  Shabakada wararka  Kulmiye  baahisay  war tilmaamaya  in  wiil Soomaaliyeed laga soo tarxiilay dalka Koofur Afrika halka 7 kalana   ay ku jiran Xabsiga ujeedada loo xirayna ay tahay in dalkooda Hooyo loo soo celiyo.

Dowlada Koofur Afrika ayaa la sheegay inay sharciga u diiday dhalinyaradaas  go’aana ay ku gaartay inaysan dalkeeda sii joogin maadaama ay yihiin looma ooyaan la sii diiday warqadaha qaxootiga ee u saamixi lahaa sii joogista gudaha dalka Koofur afrika.

Warkaas wuxuu dhaliyay muran xoogan taana micnaheedu ma aha inuu ahaa mid khaldan laakiin dhageystayaasha idaacadda iyo qaar ka mida bahda Kulmiye ayaa la yaabay sababta ay dowlada Koofur afrika uga dhaqaaday arintaas.

Qaar baa madaxa gacanta saartay oo yiri Koofur afrika waxay caruurteena dishaba hadda way soo tarxiileysaa ?

Anigu lama laaybin sheekadaas waayoo waxaan hayay xog ka badan mida la isku tuurtuurayo.

Dalka Koofur afrika waxaan tagay afar sano ka hor xiligaas oo Muqdisho ay dagaalo xoogan ka socdeen nabad maanta la wada hestana aysan jirin.

Waxaan ahayn 4o qof oo Soomaaliyeed habeenka  aan xadka dalkaas ka talaabeynay.

Xarun ka tirsan  waaxda socdaalka K/Afrika oo ku taala xadka ay wadaagaan dalalka Zimbaabwi iyo South afrika ayaa nala ka siiyay   warqad na fareysa in 14 gudaheed aan ku qaadano sharciga qaxootiga ee dalkaas.

Magaalada Joohaanisbeeg oo ka fog xadka dalkaas ayaan u jaheysanay ayadoo qosolka naga baxaya aawadeed nala moodayo dad il muuqati u jira  Dahab iyo luul aan la isku haysan oo farqaha laga buuxsan karo.

Sarkaal Boolis ah oo taagnaa goob u dhaw busteejada laga raaco gawaarida aada Joohaanisbeeg ayaa noo yeeray kaas oo nagu yiri maanta ayaa baahi idin kuugu danbeysa.

Dadkii ila socday way qosleen lkn anigu waan xanaaqay waayo raashin la cuno meynaan weydiisan.

Muhimada aan idinkuugu sheegana waxay tahay in dad South afrikaanka ahi ay aaminsan yihiin in Soomaalidu ay yihiin dad faqri wada ah oo baahidu ay u soo daweysay karfantii lagu aasi lahaa.

Gaari Bus ah ayaana naga qaaday xadka kaas oo na geeyay xaafada ay Soomaalidu ku badan tahay ee Mayfar oo Johaanisbeeg ka tirsan,Halkaas ayaa lgu kala tagay xataa qaarkeen way hilmaameen ismacsalaameynta ay isku lahaayeen dadka isla soo qariibay.

Dalka Koofur afrika wuxuu ka kooban yahay 9 gobol oo qaar ka mida dadka aadaya laga codasado inay dardaarmaan.

Malakamoodku ma dagana gobolada la iskaga digayo hasa ahaatee waxaan ku weynay gacal badan oo wax soo kordhi is dhahayay

Gobolada Eastren Capen iyo westrn cape ayaa aad loo shareestaa walow naari aysan meel qabow lahayn.

Wiil aan saaxiiba ahayn oo aan u sheegay inaan aado magaalada PE oo ka tirsan gobolka Eastren cape ee Soomaalida lagu laayo ayaa naxdin la dhacay asigoo balanqaaday inuu iga warqabi doono.

Saaxiibadii igu soo daweeyay halkaas qaarkood ifka ayay ka tageen kuwa kalana waxaa soo gaaray dhaawacyo ha tarmina iyo taagtaagsada ku yiri.

Laba ka mid ah Shan dukaan oo aan ku sugnaa mudadaii ku dhaweyd afarta sano ee aan dalkaas joogay ayaa la nalaku gubay .

Weeraro ka badan 50 jeer oo nala ku soo qaaday ayaa lagu dilay rag  aynu dalkaas isku baranay oo xabadaha cadawgu haleeleen walow shaqsi ahaan aysan dhibaato i soon gaarin.

Inkastoo Saxaafadda Soomaaliya ay qatar badan tahay oo lagu tilmaami karo qalinka  dhiig leh haddana markii aan soo laabanayay waxaan niyada ku hayay inaan diirada Saaro dhibaatooyinka lagu hayo walaalaheena Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koofur afrika.

Ayadoo shabakada Kulmiye ay balanqaadeyso xog dheeri ah oo ku aadan sheekooyinka qaracanka leh ee aan idiin dul maray ayaan dadka aan u soo joogin mashaqada Koofur Afrika islamarkaana la yaabay tarxiilka lagu sameynayo dhalinta Soomaaliyeed ee dalkaas u haajiray weydiinayaa su’aal ah Naxariis miyaa taal Naar ka boodka Afrika ?

Qoraalka Faaladan waxay u gaar tahay qoraha  oo kaliya , waana mid ay ka madax Banaantahay Caasimada online

W/Diyaariyey:C/risaaq Cumar Axmed (Siiriya)

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Madaxweyne FAROOLE oo kala diray Baarlamaankii PUNTLAND

Garoowe (Caasimada online) Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole, ayaa Maanta si rasmi ah u kala diray Baarlamaanka Maamulkaasi kadib kulan ka dhacay Xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Garoowe.

Baarlamaanka Puntland ayaa Maanta la isgu yeeray Waxaana loo sheegay in Maanta ay aheyd waqtigii ugu dambeysa ee Shaqadooda Xubin Baarlamaanimo ee Puntland.

Faroole ayaa Ka dhawaajiyay in Sida Tastuurka Maamulkaasi ku qoran ay tahay in 31-102013 la kala diro Baarlamaanka Maamulka Puntland si loosoo Magaccaabo Baarlamaanka Cusub ee maamulkaas.

Axmed Ceydiid oo kamid ah xafiiska Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa Saxaafada u aqriyay Warqada Ruqsada Mudanayaasha Baarlamaanka Puntland, taas oo sida la sheegey aheyd mid Dastuuri ah .

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ee Waqtigiisa uu dhamaaday ayaa sheegay in Marba hadii Baarlamaanka la kala diray loo baahan yahay in Maamulka Puntland uu xushmad iyo Tixgalin gaar aha Siiyo Baarlamaankii mudada la soo shaqeeyay.

Dhowaan ayaa la filayaa in lasoo Xulo Xubno Baarlamaan Cusub ah oo ka mid noqday Maamulka Puntland iyadoona Doorashada Maamulkaasina ay soo dhowdahay.

Halkaan ka dhageyso Baarlamaanka Puntland oo lakala diray

Shiine Cabdi Axmed

Caasimada online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

Kismaayo : Diyaar garow loogu jiro Soo dhaweynta Madaxweynaha Somalia

Kismaayo (Caasimada online) Kismaayo waxaa ka soconaya abaabulka Soo dhaweynta Madaxweynaha Somalia oo lagu wado in saacadaha soo aadan ay gaaraan .

Ganacsiga magalada ayaa Al-baabada la isugu laabay , waxaana dhamaan shacabka lagu amray inay qeyb ka qaataan soo dhaweynta Madaxweynah Somalia

Sawirada Madaxweynaha Somalia ayaa ayaa lagu dhajiyaya Darbiyada ku yaala hareeraha wadooyinka Kismaayo , waxaana hareeraha wadooyinka Kismaayo ku sugan Shacab weyne aad u badan .

Qeybaha kala duwan ee Bulshada sida ururada Dhalinyarada ayaa ka qeyb qaadanaya Soo dhaweynta Madaxweynaha Somalia , waxaana sidoo kale soo dhaweynta Madaxweynaha Qeyb ka ah Madax ka tirsan Maamulka JUBBA.

S i kasto Kismaayo waxaa maanta ka soconaya Abaabulka Soo dhaweynta Madaxweynaha Somalia oo dhowr jeer oo hore ka baaqday Safar uu ku tagi lahaa Kismaayo , waxaana iminka kismaayo ku sugan wafdi hor dhac u ahaa madaxweynaha Somalia.

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

Dhageyso: Wafdi Hordhac u ah Madaxweynaha oo Kismaayo gaaray

Kismaayo (Caasimada online) Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada hoose, waxaa gaaray wafdi Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo hordhac u ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaanada ayaa ah kuwa kasoo jeeda Gobalka waxaana si wanaagsan loogu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.

Shacab badan iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Degmada Kismaayo ayaa ku sugan Garoonka, kuwaasi oo diyaargaroow ugu jira soo dhaweynta Madaxweynaha oo saacadaha soo socda la filayo inuu halkaasi gaaro.

Sidoo kale Wafdigan waxaa ka sii horeeyay Wafdi uu Hogaaminayay Agaasimaha Hey’ada Nabad sugida iyo sirdoonka Somalia Bashiir Maxamed Goobe, kaas oo kulan la qaatay Mas’uuliyiinta  Maamulka KMG ah ee Jubba.

Bashiir Goobe ayaa Madaxda Maamulka Jubba wuxuu kala hadlay Sugidda amniga Mdaxweynaha Somalia, waxaana Kismaayo ka soconayo Ddaalo lagu soo dhaweynayo Imaatinka Madaxweyne Xasan Sheeekh.

Ciidamo ka socda kuwa Alfa Group ayaa gaaray Kismaayo si ay u xaqiijiyaan Amniga Madaxweynaha Somalia inta uu ku sugan yahay Kismaayo , waxaana la adkeynaya Amniga Magaalada.

Taliyaha Ciidamada Maamulka Jubba Cornl: Maxamuud Qaalib,  ayaa sheegay in madaxdii Muqdisho ka timid ee hordhaca u ahaa madaxweynaha Somalia ay isla af garteen sidii loga wada qeyb qaadan lahaa Xaqiijinta Amniga Madaxweynaha Somalia.

Halkaan Hoose Ka dhageyso  Maxamuud qaalib

Maxamuud qalib

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

 

Hargeysa oo lala dagaalamayo qatar!!

Jariimooyinka hubeeysan ee ay ka dambeeyaan burcadda waddooyinka ayaa ku soo kordhay gobolka Somaliland 18-kii bilood ee la soo dhaafay, laakiin mas’uuliyiinta ammaanka ayaa sheegaya inay dagaal kula jiraan arrinkaas.

Kooxo dhallinyaro burcad ah, oo markii hore u abaabulnaa qaabka kooxaha kubadda cagta ama mid xaafadeed, ayaa hadda jariimooyin iyo rabshado ka fuliya xaafadaha Hargeysa, ayuu sheegay Guuleed Axmed, oo ah agaasimaha Xarunta Xuquuqda Aadanaha ee saldhiggeedu yahay Hargeysa.

“Waxa ugu wayn [dambiyadan dhaca] waa kufsi-wadareedyo ay haweenka kula kacaan, iyadoo xadgudubyada kufsigu dalka ugu sii kordhayaan si joogto ah,” ayuu yiri Axmed.

Mid ka mida xaaladihii ugu foosha xumaa wuxuu ahaa kufsigii laba gabdhood ay Hargeysa ugu geeysteen 21 nin habeenimadii 25-kii July. Wax yar kadib, dhammaan raggaas waxaa lagu helay dambi intooda badanna waxaa lagu xukumay xabsi toban sano ah.

Ayaamahanna, xaaladaha dhaca ayaa isku baddalay kuwo halis ah, iyada oo xubnaha burcaddu isticmaalayaan faasas, middiyo, toorreeyo iyo xittaa dhagxaan si ay u handadaan dadka, ayuu sheegay Axmed.

“Dilalka ka dhasha dambiyadan dhallinyaradu ku hawlan yihiin, qaarkood waa kuwo si fool-xun oo arxan-darro ah loo fuliyay,” ayuu yiri.

Tusaale ahaan, 2-dii October, afar nin ayaa Mustafa Cabdi Xasan oo dhawaantan un qalin-jabiyay ku weeraray isgooys ku yaal waqooyiga Hargaysa waxayna ku amreen in uu siiyo taleefankiisa moobiilka. Markii uu diiday, ayay dhagxaan ku tuuryeeyeen illaa uu ka dhacay kadibna tooray ayay ku dileen, sida ay sheegtay saxaafadda maxalliga ah.

“Kooxo kala gaddisan ayaa ka jira xaafad ama degmo kaliya oo ka mida Hargeysa,” ayuu yiri Axmed. “Waxay xilliyada habeenkii, iyo xataa mararka qaarkood maalintii, ay jidadka dhigtaan dhagxaan si ay baabuurta maraysa lacag uga qaadaan.”

Maahan in qofina u baqo noloshiisa ama hantidiisa, xukuumaddana waxa waajib ku ah in ay taa hubiso, ayuu yiri.

Dhibaatada burcadda waxaa wax looga qaban karaa iyada oo isbaddal lagu sameeyo ciidanka bilayska, iyada oo dib loo hagaajinayo sumcad xumada u dhex taal shacabka isla markaana kor loo qaado awoodiisa, ayuu sheegay. Haddii ay bilaysku si joogto ah uga dhex shaqeeyn lahaayeen xaafadaha, burcaddu awood uma yeelateen in ay isu tagto oo ay is abaabusho.

“Waa in xaddiga bilaysku noqdo mid kaafiyi kara baahida amniga oo dhan,” ayuu yiri Axmed.

Magaalooyinka kale oo waaweeyn oo ku yaal gobolka Somaliland ayaa sidoo kale waxa ka jira koror dhinaca rabshadaha ay sameeyaan burcaddu.

Muwaadiniinta oo ka hadlaya dhaqdhaqaaqyada burcadda

Cabdinuur Maxamed Xasan, oo daggan degmada Axmed Dhagax, ayaa sheegay in uu ka naxay markii uu arkay in walaalkii 14-jirka ahaa iyo ciyaalkii xaafadda uu kula soo koray ay noqdeen burcad fulisa tallaabooyin sharci-darro ah.

“Markaan canaantay, kana reebay, waxa gurigayga soo weeraray 12 ilaa 13 dhallinyaro, budad, mindiyo iyo baangado ku hubaysan. Markii guriga laga xidhay ee ay u dhici kari waayeen, waxay burburiyeen laambadaha dibadda guriga sudhnaa,” ayuu Xasan sheegay.

Bishii August, ayuu ku qanicyay walaalkii in uu isaga baxo kooxda, ayuu sheegay, laakiin burcaddii ayaa ku hajabay in ay aargoosan doonaan haddii aan la siin 132,000 oo shilin ($20), oo ah ganaax ku culus qoyska.

“Waxan uga soo saaray burcadda sababtoo ah waxa uu dhibaato ku hayay bulshada sidoo kalena ma dooneeyn in ay isaga dhibaato soo gaarto,” ayuu Xasan yiri isaga oo ka hadlaya walaalkiis. “Laakiin, markaan bixiyay lacagta ganaaxa, oo ka mida shuruudaha u yaal in qofku uu kaga bixi karo kooxda, wax dhib ah kalama kulmin.”

Meel kale oo ka mida Hargaysa, ayuu Maxamed Xirsi oo deggan xaafadda Xareed, waxa uu sheegay in biloowgii sannadka, ay xaaskiisa iyo gabdhihiisu aanay aadi karin suuqa wixii ka dambeeya 6-da maqribnimo sababtoo ah dhibaatada burcadda.

Laakiin toddobaadyadii dhawaa, ayuu sheegay in uu arkay ugu yaraan afar gawaarida bilayska ah oo gaaf-wareegaya xaafaddiisa ammaankuna uu soo hagaagayo.

“Dhallinyaradii dhibaatada ka waday xaafaddeeyda waa la qabqabtay, howlgallada bilayska ee habeenkii ayaana naga bi’inaya cabsidii jirtay,” ayuu yiri.

Bilayska oo lagu dhiirriyay in uu yareeyo cabsida dadweynaha

Dhinacooda, ayay mas’uuliyiinta ammaanku waxa ay qaadayaan tallaabooyin ay ku tirtirayaan khatarta jariimo ee ay wadaan dhallinyarada burcadda ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde iyo Taliyaha Bilayska Sarreeye Guuto Cabdullaahi Fadal Iman ayaa 8-dii October ku dhawaaqay in ay 540 askari oo bilays ah u saareen in ay habeenkii ku wareegaan Hargaysa si loola dagaallamo rabshadaha lagu dhinto ee ay geeysteen qowlaysatadu ee dhacay biloowgii bishan.

Markii ay taariikhdu ahayd 21-kii October, ayuu Iman warbixin la siiyay saxaafadda ku sheegay, in ay qabteen 265 qof.

Dadka la qabtay ayaa isugu jira xubno ka tirsan burcadda, tuugo, kuwa ka ganacsada manadooriyaha, sakhraamiin, iyo dambiilayaal kale, ayuu yiri Iman, oo soo bandhigay faasas, tooriyo, baangado, middiyo iyo maandooriye uu bilaysku ka qabtay tuhmanayaasha intii lagu jiray soo xirxiriddooda.

“Hubkan ayay dhexdooda isu adeegsanayeen, bulshadana ku dhibaataynayeen,” ayuu yiri.

Warancadde ayaa sidoo kale ku eedeeyay garsoorka in ay si hoose ula shaqeeyaan burcadda.

“Waxan ka xunnahay in aan halkan ka sheegno in qaar ka mida maxkamadeheennu ay la shaqeeyaan dhallinyarada,” ayuu Warancadde ka sheegay shir-jaraa’id oo uu qabtay 26-kii October kadib kulan uu la yeeshay Golaha Ammaanka Qaranka. “Marka dhallinyarada loo soo xiro kufsi iyo dhac, ayay maxkamaduhu sii daayaan kadib markay ka qaataan laaluush yar.”

Ciidamada ammaanku waxay boqolaal burcad ah ku qabteen xaafada intii ay wadeen gaafwareegga habeenimada, laakiin mid ka mida xabsi ma aadin, ayuu sheegay Warancadde. “Ma aqbali karno arrinkaas maxkamadaha ayaanunna kala hadli doonnaa,” ayuu yiri.

Maxkamadaha ayaanan si rasmi ah uga jawaabin eedeeynta iyada oo iskuday la damcay in uu faallo arrinkaas khuseeysa uga helo mas’uuliyiinta aan lagu guuleeysan.

Awoodda dhallinyarada oo laga faa’idaysto

Jirteeyoo ay dhawaanahan jireen qorshayaal looga hortagayo jariimada oo ay sameeyeen mas’uuliyiina amniga Somaliland, haddana waxa wali loo baahan yahay tallaabooyin dheeraad ah oo lagu cirib-tiro halista laga mutto burcadda taasoo ah in dhallinyarada la galiyo howlo waxtar leh, ayuu yiri xildhibaan Siciid Maxamed Cismaan.

Warbixinaha aannu Bilayska iyo masuuliyiinta Xabsiyada ka helay, 95% maxaabiista waxay da’doodu u dhexaysaa 15 iyo 25-jir,” ayuu Cismaan, oo ka tirsan guddi-hoosaadka arrimaha bulshada ee Golaha Guurtida sheegay.

“Waa xoog laga faa’iidaysan waayay,” ayuu yiri. “Hadday arrimahani sii socdaan, waxay keenayaan nabadgelyo-darro wayn … Hargeysa waa magaalada ugu cabsida badan xilligan, waana in la buuxiyo goldaloolooyinka [ammaanka] ee jira iyadoo la kordhinayo saldhigyada bilayska, wacyigelin la sameeynayo, sidoo kalena dhalinyarada barnaamijyo kale lagu jeediyo.”

Si kastaba ha ahaatee, Cusmaan waxa uu rajo weyn ka muujiyey in Sharciga Bilayska Somaliland, kaas oo uu soo ansixiyey Aqalka Sare ee baarlamaanku 29-kii October, uu qayb ka noqon doono xallinta dhibaatooyinkan.

Kaalinta Idaacadda Shabelle iyo Sharaf Dhaca Saxaafiyiinta Muqdisho

Waxaan ahay sida ay ila tahay nin saxafi ah Mudo dheerna kasoo shaqeeyay Warbaahino kala duwan oo isugu Jira kuwa leyska maqlo, iyo Kuwa La Qoraba, taasina waxaa ay ka dhigan tahay in anigu aan waxbadan ka ogahay xaalada saxafiyiinta ka howlgala Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somaliya wallow iminka aan dalka ka maqanahay saxaafadiina aan sidii hore uga shaqeyn.

Ma aanan jecleen Indhawaalaba in aan wax ka sheego arimaha Saxafiyiinta ka howlgala Somaliya Gaar ahaan magaalada muqdisho wallow ay dhibaatoyin badan darsaan dhanka kalena aniga iyo dadka ila fakerka ah ay aamin sanyihiin in qeyb iyuga ay ka yihiin dhibaatooyinkaas saxaafadu ay la kulmaan.

In aan qaato qalin aniga oo raba in aan wax ka iraahdo xaaladihii ugu danbeeyay ee saxafiyiinta Muqdisho waxaa igu kalifay kadib markii aan arkay qoraal uu kusoo daabacay Faarax Blue Aalada facebook, kaas oo ah sxb aan Mihnad wadaag Nahay waxaana uu ka hadlayay ama qoraalkiisu uu ahaa sidan:-

“Dood Wariyaasha u furan – Milkiilaha Idaacadda Shabelle wuxuu leeyahay waxaa Idaacada laga dhacay 300,000 oo Dollar waa laca badan.

1. Maxaa lacag intaas la eg Idaacadda dhex dhigay? ma bangiga Keydkaa?

2. Markii la yiri guriga dowladda ka baxa maxay lacagtan badan ugu kireysan waayeen guri bishii kiradiisu tahay 1,000 Dollar oo kaliya?

3. Xagee lacagtan laga keenay markii hore, ma Idaacad Xamar ku taal ayaa hanti intaas la eg soo xareyn karta?

Dowladda dheesha ha laga dhaafo!” 

Qoraalkan oo aad iisoo jiitay ayaa igu kalifay in aan Aqriyo bal Fikradaha Bulshada iyo saxafiyiinta ee Qoraalkan aniga oo eegay Commentiga waxaana halkaasi Durbadiiba iiga Muuqday waxbadan oo qaarkood ay qalbigeyga ka guuxayeen, dabcan hadii la soo koobona hadafka qoraaladu dhamaan waxa uu ahaa in dadku ay u arkayeen shabelle warbahinta kaliya ee aanan u qalmin matalida saxafiyiinta in ay tahay .

Hadafkeyga ma aha in aan si Qayaali ah u dhaliilo qolo ama shaqsi ee waxaa muhiim ah in aan Wax ka iraahdo Fikradeyda aan Xaqa u leeyahay Aniga oo dhanka kalena aysan iga aheyn difaacid aan usameynayo dowladda Madaxweyne Xasan sheikh uu hogaamiyo oo aan Ayada Qudheedu ku Dhaliilsanahay dayacaada saxafiyiinta.

Mudo sanado ah ayaa dalku waxa uu wajahayay xaalado Cakiran hadii aan doobirka ku eego dhanka saxafiyiinta oo ah Maqsadkeyguna rag badan ayaa la dilay kuwo kalena waa la dhaawacay iyadoo ay intaasi oo leysku daray in ka badana ay dalka isaga carareen, dilalka iyo beegsigaas qofba qoluu ku tilmaamaa ayada oo ay iska indha tiraan dadku in saxafiyiinta qudhoodu ay qeyb ka noqon karaan.

Haa.! dabcan anigu waxaan aaminsanahay in saxafiyiintu qeyb ay ka noqon karaan dhibaatada ku dhaceysa ayaga, mana ula jeedo  dhaxdooda ayaa is dila, ee waxaan rabaa in aan tilmaamo in ayagu ay sabab lagu dilo keenaan mararka qaar, xiliyana ayba ku dhacdo dhibaato aan qasdiga ayuga aheyn, inkastoo sidoo kale ay saxantahay Aaminsanaanta ah in saxaafadu indho u yihiin bulshada ayna jiri karaan rag doonaya in indhaha ay tiraan Bulshada.

Hadaan wax yar dul istaago Ujeedkeyga qormadan idaacada shabelle waxa ay ka mid aheyd idaacadihii ugu shacbiyada badnaa ee dalka lkn anigu waxaan aaminsanahay in shacbiyadaasi ay heshay aysan uga fa’ideysan Gudbinta Fikrad Iijaabi ah (Fikrad sax ah) lkn ay sameysay taas badalkeeda.

Magacii ay sameysay waxa uu kalifay in maamulku siduu doono ka dhigto shaqaalaha oo ay awoodbeelaan ragii rugcadaaga ahaa ee aan Ciyaarta Qaadan Taasina waxa ay keentay in ay isaga tagaan ka shaqeynteeda ama dalka oo Idil.

Balse taas badalkeeda waxaa yimid dhalinyaro aqoon yar oo dantoodu tahay sideen magac ku yeeshaa maamulkuna kaga fa’ideystay sideen dhaqaale ku kasbaa,! asiga oo wado kasta u maray dhaqaalo raadintaas, eegid la’aan xaquuqda saxafiga iyo Waxyaabaha ka iman kara marka uu sheego waxayaabahaasi dhaqaalaha lagu doonayo.

Inta aan ku safrayay meelo ka mid ah wadamadan afrika ayaa dad badan oo aan la kulmay waxa ay iweydiyeen saxafi miyaad ahaan jirtay ka shaqeeya muqdisho.? haa marka aan ku iraahdana falcelinta ugu badani waxa ay aheyd in la caayo ama la ijaafeeyo raga saaxafada ah ee muqdisha jooga taas oo igu kaliftay in marar badan aan ka baqdo sheegashada saxafinimada aniga oo ilaashana sumcadeyda shaqsiyadeed, maadaama dadku wanaag badan aysan ka maqal qaab shaqadooda sanadihii ugu danbeeyay.

Ceebtaasi oo dhan ee ku dhacday saxaafada yaa u sabab ah?

Hadaan anigu isku dayo waxaa u sabab ah all-maamulada Idaacadaha iyo qeybaha kale ee warbaahineed  lkn ragu isku danbi ma aha ee anigu waxey ila muqataa inta kale oo leysku geeyay waxaa uga shar iyo ceeb keenis badan saxaafadu, “warbaahinta shabelle” oo raga iska leh ay ku takri falaan shaqaalahooda iyo Qawaaniinta Saxaafada mid kalena warkii daa.

Run ahaantii maanan ugu talo galin in qoral intan la eg aan qoro ee Qalinka ayaa iga Yara Fakaday lkn waxaan isku dayi doonaa Qormooyin ka hadlaya Guud ahaan saxaafada Somaliya Gaar ahaan Shabelle iyo warbaahinta la midka ah in aan soo diyaarin doono hadii waqtiga ii samaxo lkn aan dib idin xasuusiyo maqaal dad badan ay amaaneen oo labo sano ka hor uu ka diyaariyay Saaxiibkey Abdikamil Yusuf Mohamud Idaacadda Shabelle kaas oo aan qormadeyda kusoo qatimayo.

W/Q Abdifatah Mohamud Ahmed “Abaal” 

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

Xaalka Degmada Ceel-Waaq oo alow Sahal ah iyo Ciidamo is hor fadhiya

Ceel waaq (Caasimada online) Wararka aan ka heleyno Degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasy ka jirto Xiisad Colaadeed , iyadoona halkaas ay ku sugan yihiin ciidamo Kenyan ah iyo Ciidamo Somali ah .

Warar ayaa sheegay in Ciidamada Somalida ah ee la socda Ciidanka Kenya ay isku Maandhaafeen Maamulida degmada, waxaana ay u kala safteen qaab ku dhisan mid beeleed.

Ciidamo uu wato Cornel: Cabaas Gureey ayaa iyana qaab gooni u saftay, waxaana ay qabsadeen inta Badan Xarumaha Degmadaasi inkastoo Ciidamada Kale oo uu hogaaminayo Sarkaal magaciisa lagu sheegay Sahal uu cidamadiisa Banaanka ula baxay.

Cornel: Cabaas Gureey ayaa sheegay inay go’aan ku gaareen in la dilo Askarigii isku dayo inuu khilaafo Maamulka , waxaana uu intaas kusii daray in dagaal sanad ka hor Ceel waaq ka dhacay Askar badan looga dilay .

Si kasto Xaalka ayaa ah mid wali kacsan waxaana muuqanaya in Khilaafka labada ciidan uu yahay mid tagan iyadoona dadka deegaanka ay muujinayaan Cabsi dagaal.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Cornel Cabaas

HALKAAN-RIIX-SI-AAD-U-DHAGEYSTO-CODKAA

Caasimada online

Xafiiska Ceel-Waaq

[email protected]

DHAGEYSO: Baarlamaanka PUNTLAND oo Maanta la kala dirayo (Sabab)?

Garoowe (Caasimada online) Sida qorshuhu uu yahay waxaa Maanta lagu wadaa in lakala diro Baarlamaanka Puntland , kadib markii uu ka dhamaaday waqtigii loo id maday inay ka shaqeeyaan Maamulka Puntland .

Maanta oo ay Taariikhdu Ku beegan tahay 31-10-2013 ayaa ah Waqtiga ugu dambeya ee Shaqada Baarlamaanka Puntland waxaana lagu wdaa in isla maanta loo sheego inay shaqadoodi u dhamaatay sidaasi darteedna lakala fasaxo.

Maxamed Jaamac oo ah wariye ku sugan Gaalkacyo Ayaa warbaahinta u sheegay in Shaqada Baarlamaanka Puntland ay ku egtahay Maanta, waxaase uu sheegay inuu jiro walaac ku aadan in dib u dhac uu ku yaado howsha kala dirida Baarlamaanka .

Wuxuu sheegay in marka lakala dirayo la isugu Yeerayo Baarlamaanka, Xukkumada  Hey’adaha Cadaalada, kadibna Baarlamaanka loo sheegayo inuu waqtigoodii Dastuuriga ahaa uu ka dhamanaaday sidaasina ay ku kala dareerayaan.

Waxaa dhanka kale soconaya Sida uu Tilmaamay Xulista Xubnaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland ka mid noqonaya taas oo ay ku howlan yihiin waxgaradka iyo Odayaasha reer Puntland.

Puntland ayaa laga sugayaa inay yeelato Hogaan Cusub ama midka iminka talada haya bilowga sanadka 2014-ka Xiligaas oo doorashada Madaxtinimada Maamulkaasi ay dhici Doonto.

Halkaan Hoose ka dhageyso  Wariye Maxamed Jaamac

Maxamed Jamac

Caasimada online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

 

DAAWO: Dagaal dhex maray Somalida South Africa & Kooxo Burcad ah.

Caasimada Online:  Wadanka Koofur Afrika ayaa waxaa ka soconaya Boob xoogan oo ay geeysanayaan Shacab ka careeysan Dowlada Hoose ee Wadankaasi ayagoo boob u geeysanaya Dukaamanka dadka aanan u dhalan wadankaasi oo ay ku jiraan Soomaali.

Hadaba Soomaalida ku nool Wadankaasi ayaa iska caabin xoogan ka hor geeyay dadkaasi ayagoo iska celinaya ay duubeyn Tv-yada Wadankaasi waxeyna kaga hor tageyn in la boobo hantidooda ee nala daawo muuqaalkani video-ga.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Meydka Xildhibaan Cumar Islow oo laga bixiyay lacag badan oo lagu lahaa

Nairobi (Caasimada Online) Warar ay heshay Shabakadda Caasimada Online, ayaa muujinaya in la bixiyay lacagtii lagu lahaa marxuum Xildhibaan Cumar Islow oo shaley ku dhintay cisbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Marxuumka ayaa la sheegay in lacag badan lagu lahaa intii uu ku jiray Isbitaalka Akh- Khaan ee magaalada Nairobi.

Waxaa lacagta bixiyay xildhibaanno iyo ganacsade ay qaraabo yihiin marxuumka, waxaana loo oggolaaday in meydka xildhibaanka lagu wareejiyo ehelkiisa.

Maamulka cisbitaalka Akha-Khaan ee Nairobi, ayaa ka dhawaajiyay in aan la qaadi Karin meydka marxuumka, ilaa inta laga bixinaayo 120,000 oo dollar oo lagu lee yahay.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya oo uu ka tirsanaa xildhibaanka geeriyooday, arrintan waxbo kama bixin waxaana lagu eedeeyay in ay gabeen oo ay dayaceen xildhibaanka intii uu ku jiray cisbitaalka Nairobi.

Marxuumka ayaa wuxuu ka mid ahaa xildhibaannada sida weyn uga dhexmuuqday xildhibaannadii dalka soo maray, wuxuu kaloo uu ahaa sharci yaqaan, isagoona dowladii hore ee milltariga ka soo noqday aggaasimaha hey’adda nabad –sugida.

Meydka xildhibaan Cumar Islow ayaa lagu wadaa in maalmaha sococda la geeyo magaalada Muqdisho halkaas ayaanna lagu aasi doonaa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Alfa Group oo la geeyey Kismaayo iyo Madaxweyne Xasan oo ku wajahan

Kismaayo (Caasimada Online)Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in halkaas galabta ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa gaashan ama Alpha Group oo ah ciidamo si gaar ah u tabbabaran.

Wariye ku sugan Kismaayo oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in ciidankan galabta markii ay gaareen magaalada in halkaas lago soo dhaweeyay, waxaana la arkayay iyagoo saaran baabuurta dagaalka ee ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka Jubba.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana caawa magaalada lagu arkayaa ciidamo badan, dadka magaalada ayaa goorhore guryahooda ku xarooday.

Ciidamada maanta gaaray Kismaayo ayaa tiradooda lagu sheegay 150-askari, kuwaasoo si gaar ah u tabbabarran.

Dhinaca kale, magaalada Kismaayo waxaa laga dareemayaa diyaargarowga madaxweynaha Soomaaliya oo maalinta berri booqasho ku tagaya.

Madaxweynaha ayaa la kulmi doona mas’uuliyiinta maamulka kumeel gaarka ee Jubba iyo bulshadda qaybaheeda kala duwan.

Ma cadda madaxweynaha iyo wafdiga la socday inta ay joogi doonaan magaalada Kismaayo, balse waxaa la aaminsan yahay in booqashadooda ay qaadan doonto muddo hal maalin ah..

Haddii madaxweynaha uu berri tago Kismaayo waa markii ugu horreysay oo uu booqdo Kismaayo tan iyo markii la doortay sannadkii horre.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Isticmaalka Aalada Cusub ee Somali face oo Maanta Hirgashay

Nairobi (Caasimada online) Isticmaalka aalada Somface.ocm ayaa kusoo korortay Maanta aaladaha lahga Isticmaalo Xilligan 2013, Taas oo ah mid u gaar ah Soomaalida.

Aaladan ayaa ah mid u gaar ah Bulshada Soomaaliyeed waxaana laga Soo gaabiyay Somali Face, oo ugu dambeyna laga dhigay SomFace.com waana aalad sida FaceBook-ga oo kale ah

Ibraahim Cali Cabdi Kalafoge, oo ah Aas aasaha Fikradan ayaa sheegay inuu Fikirkan mar hore uu hindisay hayeeshee Maanta ay u hirgashay .

Wuxuu meesha ka saaray inay jiraan Shirkado iyo Hey’ado ka gacan siisay Suura Galnimada Arintan ,  balse wuxuu Cadeeyay inay Jiraan Shaqsiyaad si gaar ah u Caawiyay isaga.

Aaladan oo ah mid si aad ah u shaabahda Fcebook-ga ayuu sheegay Kalafoge, inuu kaga gol lahaa arintan in somalidu ay si aad ah u garaneyso Isticmaalka Face Booka sidaas si lamid ah ay uga dhursugayaan inay aadalan u adeegsadaan.

Aaladan oo uu Tilmaamay inay Maanta ay  hawada soo gashay ayuu sheegay inay durba isi soo diiwaan galiyeen isla-markaana ay isticmaalayaan dad Gaaraya (2000 ) laba kun oo Qof

Halkaan Hoose ka Dhageyso braahim Cali Cabdi Kalafoge

Ibraahim Cali Cabdi Kalafoge

Caasimada online

Xafiiska Nairobi

[email protected]