31.9 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

Galmudug oo ka Jawaabtay eedeyntii Puntland ee C/kariin Xuseen Guuleed

Gaalkacyo (Caasimada online) Maamulka Galmudug ayaa si cad waxay u beeniyeen eedeyn lasoo yaartay Maamulka Puntland oo ku aadan in Wasiirka Arimaha GudahaSomalia uu ka dambeeyay Dagaal ka dhacay Deegaanka Godob e duleedka Magaalada Galkacyo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Galmudug Axmed Maxamuud Xasan “Axmed Baasto”, oo shir jaraa’id ku qabtay Koonfurta Magalaada Galkacyo, Wuxuu si cad u sheegay in warkaas uu yahay mid Been Abuur ah isagoona ku tilmaamay mid laga Xumaado.

“Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia, Diyaar uma aha mana doonayo inuu kala geeyo Bulsho wada Nool , waliba si nabad ah , Mana Doonayo inuu kala geeyo Puntland iyo Galmudug Xaqiiqdii eedeyntaas maaha mid laga Fiirsaday ama Wasiirku uu u qalmo” ayuu yiri  Axmed Baasto

Axmed Baasto, ayaa sheegay in C/kariin Xuseen Guuleed wasiirka Arimaha Gudaha Somalia uu 16-kii bishii Febraayo, uu Magaalada Garoowe kaga qaybgalay aaskii loogu sameeyay Allaha u naxariistee Sheekh C/qaadir Nuur Faarax “Gacamey”.

“Puntland iayada ayaa dooneyso inay dagaalka Godob ka dhacay u leexiso, waana la garanayaa cidda dagaalkaas uu u dhexeeyo , laakiin waxaan cadeynayaa in eedeyntaas ay tahay mid been abuur ah ” ayuu hadalkiisa sii  raaciyay

Hadalkan wuxuu yimid kadin markii Dagaal shalay ka dhacay deegaanka Godob,  uu Wasiir Ku xigeenka Amniga Puntland uu ku eedeeyay inuu ka dambeey Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia.

Caasimada online

Xafiiska Gaalkacyo

[email protected]

KENYATTA oo helay war farxad leh !!!

Naiorbi (Caasimada Online ) – Dacwaddii madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ee maxkamadda dambiyada ee adduunka dib ayaa loo dhigay.

Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in dacwadda madaxwene Kenyatta la dhagaysan doono bisha labaad ee Feburari ee sanadka 2014.

Dwacwadda madaxweynaha ayaa la filayay inay billaabato 12-ka bisha soo socota ee Novembar.

Weerarkii Westgate

Qareennada Kenyatta ayaa ku dooday in madaxweynuhu looga baahan yahay gudaha dalka, kaddib weerarkii xarunta ganacsi ee Westgate.

Kenyatta ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu ku lug lahaa qalalaasihii Kenya ka dhacay doorashadii 2007-da kaddib.

Madaxweyne kuxigeenka Kenya William Ruto ayay isaguna dacwad taas la mid ah uga socotaa maxkamadda dambiyada ee adduunka.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Dhacdo lama filaan ah oo 5 qof ay ugu dhinteen degmada Janaale

Janaale (Caasimada online) Sida wararka aan ka heleyno Degmada Janaalle ee Gobolka Shabeelaha Hoose ay sheegaya, Shan Ruux ayaa Geeriyootay Qof haween ahna waxaa soo gaaray Dhaawac kadib markii uu kusoo dumay darbi ay Hoos fadhiyeen.

Guddoomiyaha Magaalada Marka Maxamed Cusmaan Yariisoow oo warbaahinta la hadlay wuxuu  xaqiijiyay geerida shanta ruux,  waxaana uu shaaca ka qaaday in afar kamid ah meydkooda laga soo saaray bur-burka darbiga, halka ruux kale isaga oo dhaawac ah lala cararay, kadibna dhexda uu ku geeriyooday.

Suuqa Khudaarta ee degmada Janaale ayaa la sheegay inuu ku yaalay dhismaha Dumay , waxaana sababta keentay inuu dumo loo aaneyay indhismahaasi Mid qadiini ah.

Qofkii Haweeneyda aheyd ee Dhaawaca uu soo gaaray ayaa dhaawaceeda waxaa loola soo cararay Cusbitaalada ku yaala Muqdisho iyadoona dadkii Geeriyaadoayna laga soo saaray dhismaha Hoostiisa.

Gudoomiyaha Magaalada Marko Maxamed Cusmaan Yariisoow ayaa Burlashada reer Janaale uga Tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay halkaas.

Si kasto waa Dhacdo saameynteeda wadato , waxaana jira Dhismayaal badan oo ku yaala Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Gobolada Dalka Kuwaas oo ah kuwo Qadiimi ah , inkatoo ay jiraan dad ku hoos nool.

Caasimada online

Xafiiska Janaale

[email protected]

Warbixin ku saabsan culimo Soomaali ah oo ku jira xabsi ku yaal Mareykanka

0

San Diego (Caasimada Online) –Walaalayaal  waxaan safar kooban oo dacwadeed  ku gaaray,Magaalada SanDiego Ee Gobalka California,halkaas oo ay ku xiranyihiin culimo uu ka mid yahay Iimaamkii Masjidul-al ansaar Sheekh Maxamed khadar.

Waxaan jeclaystay inaan walaalaha iyo asxaabta u soo gudbiyo warbixintan kooban oo ku saab san xaalada guud ee walaalaha iyo meel oo xaal maraayo.

Guud ahaan xaalada caafimaad ee walaalaha way wanaagsan tahay,walaw qof xiran oon xoriyadiisa haysan,aad garan kartaan xaalkiisa,cidii xabsi gashay unbaa arinkaas aad u garanayso.

Sidoo kale xaalada xaasaskii culimada iyo caruurahooda aad ayay u wanaagsanayd,walow aad dareemay- -saan aabo la’aanta dhibkay leedahay, arrinkaasna waxaa dareemayo agoomaha iyo hoyadii hayso.

Walaalayaal waxaa noo suuro galay aniga iyo culimadii aan wada soconay inaad Qadka telefonka  aanu kala hadalno Sheekh Maxamed Khadar,wuxuuna noo sheegay inay aad u wanaagsanyihiin isaga iyo walaal ay isku meel ku xiranyihiin.Runtii sheikha waxaa ka muuqaday farxad iyo sugnaan,sabar iyo kal sooni buuxdo oo uu rabigii ku qabay inuu san hoojinaynin .

Sheekh Maxamed khadar wuxuu salaan noogu soo dhiibay dhamaan culimada iyo jaaliyadii sida aan kala harka lahayn ugu gurmatay.intaas kadib:-

Walaalayaal waxaa idinkugu danbaysay in sheikha iyo walalaha laxirnaa ay yiraahdeen(jury)gii loo saaray Ama (Xeerbeegto) waa danbeelayaal(Guilty),laakin dib loo dhigay ku dhawaaqidii xukunka walaalaha.

Runtii waxay noqotay arinka ay juryga sheegayn arin lala fajacay,oo marna aan lafilaynin,marka la eego siday dacwada ku socotay iyo sida ay kala ahayd dooda dacwad oogayaasha iyo doodada difaacayaasha culimada.

Si kastaba ha ahaatee waxay dalbadeen Qareenada Wadaadada in dacwada dib loo eego,waxana xareeyeen appeal(Rafcan),Waxaana ladhagaysanayaa appealkooda bisha November,13 keeda ee fooda nagu hayso,waxaana larajaynayaa in dib loo eego dacwada culimada.

Hadabo haloo soo duceeyo Walaalaha xiran,waxaan u awoodno maanta waxaa ugu muhiimsan ducada,waana hubka kaliya ee aan haysano oon isku hubno,marka walalayal hala badiyo walaalaha ducadooda iyo dhamaan musimintba.

اللهم فك قيد أسرانا وأسرى المسلمين.. وردهم إلى أهلهم سالمين..
اللهم إنهم في حاجة عاجلة إلى رحماتك.. فأنزل عليهم رحماتك يا رحمن يا رحيم..
اللهم من آذاهم فآذه ومن عاداهم فعاده.. لا إله إلا أنت العزيز الحكيم..

W/Q Sh Abdalla Abul-Fadli
Halgan.net

Xamar oo si cusub loo faa’iideysanayo

Ku dhawaad bil tan iyo markii loo raray suuqa Bacadlaha ee lacag la’aanta ah, ayay waratadii horay wax ugu gadi jirtay dhinacyada waddada ee degmada Xamar Weyne waxay ay sheegayaan in ganacsigii uu kor u kacay oo ay sidan ku dareemayaan ammaan dheeri ah.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa 825 ah waratadii wax ku iibin jiray dhinacyada waddooyinka waxa ay 4-tii October u rareen dabakaayooyin uu maamulku ka dhex sameeyay gudaha Bacadlaha taasoo qayb ka ah qorshayaal ballaaran oo lagu khafiifinayo ciriiriga magaalada ka jira isla markaana kor loogu qaadayo ammaanka, sida uu afhayeenka maamulka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan sheegay.

Waratada, oo si sharci-darro ah uga gacansan jiray waddada dhinacyadeeda, ayaa hadda ka nastay in ay badeecadooda ku dhex iibiyaan duruufaha qalafsan ee ka jira waddada dhinacyadeeda, ama si joogta ah ugu jiraan orod iyaga oo ka cararaya ciidamada dawladda hoose, ayuu sheegay.

Shamso Maxamed, oo ah 36-jir kabo ku gadi jirtay Via Roma, ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay dabakaayadeeda cusub oo ay ka mahadcelinayso in maamulka gobolka ay u suuragashay in uu siiyo goob lacag la’aan ah.

“Waxaan ka nastay kuleeylka qoraxda, boorkii badnaa iyo in mar walba ciidamada ammaanka ay nakala ceeyrshaan,” ayay sheegtay. “Ma ahan mid la soo koobi karo dareenkeyga farxadeed oo waxaan helay goob si lacag la’an ah aan ugu ganacsan karo.”

Helitaanka meel rasmi ah oo ay ku ganacsato, ayay sheegtay, in uu sidoo kale gacan ka siiyay in ganacsigeedu bullaalo iyada oo sidaa ku sameeysanaysa macaamiil si rasmiya ugu soo noqnoqota.

“Dadka ma jecla inta badan in ay wax ka iibsadaan qof marba meel la taagan ganacsigiisa,” ayay tiri Maxamed, iyada oo intaa ku dartay in hadda macaamiisheeda ay garanayaan halka ay ugu soo hagaagi karaan haddii ay u baahdaan.

“Waxaan hadda helaa maalintii faa’ido dhan $15 illaa inta u dhaxeysa $20 halka markii hore aan heli jiray $5” ayay tiri.

Cali Jaamac, oo ah 42 jir gada dharka, ayaa sheegay in sidoo kale noloshiisu si fiican isku baddashay tan iyo markii uu ka soo guuray waddooyinka oo uu dukaan ka sameeystay suuqa Bacadlaha.

“Waxaan mar walba ka walwali jiray halka aan gacansigeena geeysan doonno haddii nala ka mamnuuco in aan ku shaqeeysanno waddooyinka,” ayuu yiri. “Ilaah baa mahad leh hadda waxaan helay meel munaasib ah oo aan miiskayga dhigto.”

Maaddaama suuqa oo dhan la xiri karo habeenkii isla markaana dabakaayo kasta loo xiri karo si gaar ah, wuxuu sheegay, in soo raridda ay isaga iyo waratada kale — ee sida joogtada ah uga welweli jiray in laga xado badeecadooda — u oggolaatay in ayan welwelin oo ay helaan nafis dheeri ah.

“Waan ka tagi karaa badeecaddeeyda [habeen] walba oo waxaan soo noqon karaa subixii iyada oo aan waxba iga maqneeyn,” ayuu yiri. “Waxaan u mahad celinayaa maamulka gobolka Banaadir sida uu noo caawiyay.”

Maamulka Banaadir ayaa sheegay in uu qorsheeynayo in ay qorshe kaa la mida u diyaariyaan waratada ku ganacsata waddooyinka kale ee degmooyinka Muqdisho.

“Madaama dadkani ay yihiin nolol raadis waxan wadnaa qorsho aan ku dooneeyno in aan dadka ku ganacsada goobaha sharci-darada ah u helno goobo ganacsi oo lacag la’an ah,” ayuu afhayeenka gobolku yiri, isaga oo intaa ku daray in waratadu ay xilligan caqabad ku yihiin bilayska marka ay fulinayaan howlgallada ammaanka.

Bacaadlaha, labada dabaq ah ee la dayac-tiray oo ku yaal degmada Xamar Weyne waxa dib loo furay November-tii hore kadib markii uu xirnaa ku dhawaad 20 sano. Dad ayaa si sharci darro ah ku degganaa dhismahan uu leeyahay gobolka Banaadir, illaa markii laga saaray February 2012-kii.

Dukaamada suuqa oo ay tiradoodu tahay 2,056 ayaa hadda lagu guuleeystay in la wada kireeyo, iyada oo ganacsatada deggan ay bixiyaan lacag u dhexeeysa $50 illaa iyo $200 bishiiba taasoo ku xiran hadba baaxadda dukaanka, sida ay sheegayaan mas’uuliyiintu.

Guddoomiyaha Degmada Xamar Weyne Cabdullaahi Sahal Gardhuub ayaa soo dhaweeyay guusha laga gaaray suuqa, laakiin waxa uu sheegay in xukuumadda looga fadhiyo in ay qaaddo tallaabooyin dheeri ah si loo sugo ammaankiisa.

“Waa in shaqo badan laga qabtaa suuqa nabadgelyadiisa, sida in bilayska loo tababaro ilaalinta [dhismaha] iyo in lagu rakibo kaamarado si ay gacan uga gaystaan sugidda ammaanka dadweynaha,” ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in tallaabooyinka saxda ah ee hadda la qaado ay hadhoow mas’uuliyiinta amniga ka caawin doonaan xallinta dambiyada.

Isha: Sabahi Online

Video: Xaaladda gabdhihii Somalida ee Syria u jihaad tegay & fariinta Aabahod

Caasimada Online:  Aabaha dhalay labo gabdhood oo ka tegay magaalada Oslo si ay ugu biiraan kooxaha Islaamiyiinta dalka Siiriya ayaa sheegay in gabdhihiisa ay galeen gudaha dalka Siiriya, isagoo tilmaamay in gabdhahiisa lagu tashkiiliyay Norway.

Maxamuud Cabdullaahi oo ah aabaha labadan gabdhood oo lagu kala magacaabo Ramla oo 16 jir ah iyo Ugbad oo 19 jir ayaa sheegay in marna uusan dalka Norway dib ugu laaban doonin ilaa uu ka helo labadiisa gabdhood, waayo buu yiri gabdhaheyga waa jeclahay

Wareysi uu siiyay BBC ayaa wuxuu kaga waramay fariin ay gabadhiisa weyn u reebtay ka hor inta aysan bixin, fariintaasi oo ay ugu waramayeen go’aankooda, taasoo u qorneyd sidan e nala daawo muuqaalka…

HALKAAN KA DAAWO:

Shirkii Jubooyinka oo maanta furmaya

Shir dib-u-heshiisiin ah oo loo qabanayo bulshada ku nool gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa la filayaa in uu galabta ka furmo magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa ka qeyb-galaya ma’suuliyiin ka socota dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, maamulka KMG ah ee Jubba iyo wakiillo ka socda beesha caalamka, waxaana looga hadli doonaa heshiisiinta beelaha wada dega gobolladaas, dhameystirka maamulka KMG ah ee Jubba iyo hergalinta federaalka.

Ergooyin ka qeyb galaya shirka ayaa lagu wadaa in ay maanta gelinka hore ka yimaadaan magaalada Kismaayo, sida ay sheegtay Laanta Af-Soomaaliga ee BBC.

Dowlada Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in shir dib-u-heshiisiin loogu qaban doono magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo beelaha dega Jubbooyinka iyo Gedo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalin ka hor booqasho qaadatay labo maalmood ku tegay magaalada Kismaayo, halkaas oo uu kula kulmay madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe iyo dadka deegaanka.

MASAAJID MASAAJIDO DHALAY !!!!!!!

Waa Barnaamij Sil-silad ah oo aynu uga hadli doono Goobaha  ay ku cibaadaysato Somaalida  iyo dhibka ku dhacay, ee   ku kala yaalo Daafaha Caalamka,& Dalka Gudihiisa, oo aynu Marba  Wadan     ku soo qaadan doono, haduu Rabbi idmo,  waxaan ku hormarin doonaa Bar-naa-mijkeena  Wadanka Canada Magaalada Toronto.

Masaajid Masaajidyo dhalay

 Qaybta koowaad

Masaajid Masaajido Dhalay

aayad salaad

No partner has He. And this I have been commanded and I am the first [among you] of the Muslims.”

Waxaad Dhahdaa Salaaddayda,Waxaan Gowrici,Noloshayda iyo Geeridayduba  Eebaa iska leh  Eebaha Caalamka ah.

Ayadani  waxay inagu baraarujinaysaa wax walboo aad samay naysid oo wanaag ah in Alla Dardiisa ama u dhawaasho Alle ay kaa tahay.

Wadanka Canada waxaa uu ka mid yahay meelaha ugu badan oo ay Soomalidu Usoo qaxday Alla Sub-xaanahu watacaalaa uu ku xafiday dejiyayna,  oo ay iyaga iyo caruurtooduba ay ku noolyihiin, oo ay ku haystaan ,nolol wanaagsan ,ilaahay sub-xaanahu watacaalaa in loo shukriyo  maadaama dhibkii wadankeena ka dhacay uu ka soo bad-baadiyay, uuna keenay wadan ay ku cibaadaysan karaan, maxay sameeyeen, oo aayadaani ALLA dartiis wanaagooda ma usameeyeen,mise tii Tolka ayaa ka way naatay.bal aqristow inyar baan kaa tusinayaa in badana way qarsooyihiin oo lagama hadli karo  oo maba uqaadanaysid ma Somalida Canada ee magaalada Toronto ayaa sidan ah hala yaabin waa xaal aduun iyo shaydaan ka adkaaday , bal ila aragay sidan.

Somalida iyagoo qax ah bay sagaashameeyadii xoog u soo galeen Canada intooda badana waxay joogaan Magaala Toronto,  Muslimiin badan  ayaa kaga soo horeeyay Somalida oo kasoo kala jeedo Eeshiyan iyo Dad  asalkoodu yahay Carab oo Misaajido  dhisay kheyr Allaha siiyo,Somaalidu intooda badan waxay isugu imaanjireen Misaajidka Jami masjid oo ay ku soo wada  dukan jireen iskuna arki jireen, intaa kadib shirar ay Somaalidu kujirto ayaa biloowday, si loo dhiso Misaajido kale Somaalida iyo qolooyin eeshiyaan ah ( ASIA) baa ku heshiiyay in la dhiso Masaajid  kale oo weyn Culumo Somaaliyeed ayaa wax qayb ka noqdeen soo ururinta lacagihii lagu dhisi lahaa masjidka cusub, nasiib wanaag waxaa si dhaqso ah loo helay lacago fara badan oo inteeda badan shacabka  Somaaliyeela laga soo ururiyay waxaana loo sheegay in Muslimiintu ay ubahaan yihiin in ay dhistaan Masaajid kale maa daama ay baahi jirto ilaahay baa u fududeeyay  Qoladii eeshiyaanka iyo Somaalidu waxay  dhiseen maaasjidka  weyn ee quruxda badan ee Tariq Masjid .

Muddo yar kadib wadaadadii Somaalida  ayaa  xogaa   la riixay oo kuwii Eeshiyaanka  ayaa riixay,  wadaado  Somaalida ah ayaa seeftooda gasha kala baxay oo fursad u arkay sida xaalku yahay afka ayay kala fureen waxay yiraahdeen war Somaaliyeey cod dheer, Ruux walboo Somaali ah  ayaa qayla dhaantii war Somaaliyeey ku soo baxay jeebkana gacanta kula boobay deen iyo deeq waxay Somaalidu heli kareen way isku keeneen, Somaalida oo dhan aan cid ka maqan ma aysan jirin isna wada jecel, waxay iska soo ururiyeen lacag aan la qiyaasi Karin, ALLA mahadii waxaa si sahal ah loo dhisay Masaajid qurux badan  waxaana loogu Magac daray Khaalid Bin waliid waa nimco Alle lakiin Alla dartiis lacagta   uma aysan dhiibin waxay u dhiibeen war Somaaliyeey,

Masaajidkan  muddo yar kolkii uu furnaa baa hoosta layska taabtay oo Somaalidii kaaligoodii ayaa isku soo haray qolo xarfaan ah ayaa xukunka inay la wareegaan  oo meeshii cilad ayay ka bilaabeen Qabyaaladii  iyo wasaqdii Dalkeena lagu soo dumiyay ayaa halkaani lalayimid, isha ayaa lasku qabtay oo dagaal hoose iyo is jiid jiid baa halkaasi ka biloowday oo war yaa hebal ah ayaa ka bilaabatay oo sheeko dheer baa dhacay ilaa meel xun ayaa la isla gaaray oo aan halkaan lagu sheegi Karin  dagaalkaasi waxa uu dhex maray wadaadadii shalay Dadka Somaali ahaan waxay uga soo ururinaayay ileen lug baa qaarkooda uduugneed, oo Somaali uma  ay dhisaynin waxa ay  udhisayeen  Tolkiisa,& danahooda gaar ahaaneed,ceeb baa halkaasi ka dhacday Qoloooyin  ayaa dibada loo tuuray.

Qolooyinkii  lasoo tuuray   waxay bilabeen war yaa Toleey iyo Tolbeelayeey waa arinta ugu sahlan ee Somaalida lagu kicin karo ee  wax looga qaadi karo, Qolooyinkaan qoloba jufadeeda hoose bay kula noqotay hala yaabin  Masaajidka KHaalid bin waliid waxa uu dhalay masaajido  faro badan sida  Daarul hijra,Bukhaari masjid,Al-Rowda,Abuu Dardaar- Bakaaro masjid,Alxikma,iyo kuwa kaloo fara badan, Masaajidaan way is dhal dhaleen hadii labo wadaad oo shalay saaxiibo ahaa xoogaa  mid hadii la qarjuufto waxaa usahlan in uu wacdo Tolkiisa loona furo masaajidka Tolka,

Magaalada masaajido badan waxaa loo yaqanaa Masaajidkaas waxaa ubadan oo ku dukado Reer hebel  waxaad dareemaysaa Meeshii Baytulaahi ahayd in laga dhigay Beytul Qabiil ama meeshii Tolka ku kulmi lahaa , meelo qaar waxaad arkaysaa jufo kaligood ay  joogaan oo qof  qof soo habaabay ama meel kale ka gaari waayay  ayaad ku arkaysaa lakiin waa nasiib daro ku dhacday wadaadadii iyo ummadii kale.Musiibadaan qof ka hadlo majirto maxaa yeelay qofkii ka hadlo waxaa dhacayso Tolkaada ama kuwa kale inay kula dagaalamaaan maxaa yeelay  howshooda ayaad soo dhex gashay ileen wadaadka Tolkiisa jeebka ayay ugu jiraan oo waxa uu leeyahay reer hebel sow ma aragtaan masaajidkooda waxa walbo ayay uqabtaan  marka si Ganacsigiisa aan loo arkin majeclo qolada kale masaajidkooda in laga hadlo, culimada waxay noqdeen rag daneestayaal ah salaada way dukadaan cilmiga way yaqaanaan laa kiin shaydaankii baa ka adkaaday oo uqrxiyay Qabiilka , waxaa  laga yaaba Misaajidaan faraha badan ee ka hoos dhashay masaajidka khaalid bin waliid in ay iyagana kala sii ja jabaan oo ay iyagana ay sii dhalaan masaajido kale oo faro badan, qaar baa hadaba isku dhagan.

Waxaa kaloo jiro arin qosol badan aqristoow dadka Toronto ay wada ogyihiin lakiin in laga hadlo majeclo  barnaamijkaan waan ugu hadlaynaa qaybo ka mid ah foolxumada ay reer Toronto haysato  waxa jiro  Radiyo  uu maamulo nin Somali ah  markaad dhagaysato daqiida kuugu horayso waxaad ogaanaysaa  qolada iska leh, Raadiyahan waxuu si toos ah ucayaa qolo kale muusikda ay caanka kutahay ee laga soo dooyaa waa Ciyda Dameeraha( Qaylida Dameerka) qolada laga caayo Radiyahan si ay isaga difaacaan  waxay fureen Radio cusub oo ay ku difaacaan Reerkooda ileen halkaani la isma dagaali  karo waxaa furan kun farsamo sida  afka iyo kan qoraalka.

Kanada waa meel ay misaajidada is dhalaan  xafiisayadu ay is dhalaan Radiyaashu ay is dhalaan waxaa kaaga sii daran Maqayaadaha way is dhalaan Reer walbo maqayad baa ufuran oo waa macruuf hadii aad aamini karto iyo hadii kale kanada waa hoyga Qabiilka  waxay joogaan 1990  Dadkooda weli kama ilbixin Qabiilka qolooyinka isboortiga ayaad isleedahay  xogaa way ka ilbaxeen  lakiin  waxay leeyihiin kooxo Qabiil ku dhisan iyo weliba  farsamooyin aan caadi ahayn bay ku dabaaq tamaan qolooyin kaan isboortiga   way isku gaban yihiin

Toronto Misaajid Misaajid dhalay, Radiyo radiyo dhalay, Maqaayad maqayad dhashay,kooxo isboorti isbooti dhalay, macallin duqsi quraan macalinka kale dhalay yaabka yaabkiisa

Qormada xigto waxaan uga hadli doonaa Masaajida Magaalada SAN DIEGO oo ka tirsan  GOBOLKA L/A wadanka Maraykana lasoco waa qormo run sheeg ah magaalaasi aan kaaga haayo  ceebo badan oo ka dhacay.Qormada sadexaad ayaa ka qosol badan waxaan kaaga hayaa wadanka swedhan magaalada Stockholm  wadanka Sweden , qormada xigto ee tan afraad waa magaadalada Muqdisho oo aad layaabi doonto waxa ka dhacay, iyadana haduu rabi idmo, waxaa ku xegi doono magalada Marko cadeey oo aad layaabi doontaan,waxaa ku xegi doono magaaalada Ber bera qiso ka dhacaday xili hore ,magaalaada Oslo wadanka Norwey oo aad layaabi doonto , maagalada Nayroobi oo kaa yaabin doonto warka laga haayo,iyo magaalooyin faro badan ,Masaajid masaajido dhalay Macallin macallin dhalay, Maqaayad maqaayad dhashay,Mashruuc mashruuc dhalay,Radiyo Radiyo dhalay, isboorti isboorti dhalay, joornaal, joornaal dhalay Magaalda Toronto waa magaaladii bareejada magaaladii Tolka.

W/D: Maxamed Adkeeste

Axmed Madoobe & Ergada Maamulka JUBBA oo Kismaayo kasoo duulay

Kismaaayo (Caasimada online) Waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo kasoo kicitimay Labo diyaaradood oo wada Hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” iyo  Ergadii Maamulka Jubba uga qeyb gali lahaa Shirka Muqdisho.

Wararku waxay sheegayaan in Ergooyinkan ay u badan yihiin kusoo Soo dhisay Maamulkii Jubbaland Balse Dhowaan loo badalay Maamulka Jubba Axmed Madoobadana uu Majaraha u hayo.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubba ayaa sida la sheegay qeyb ka ah Ergada Maamulka Jubba u matalaya Shirka Muqdisho inkastoo la soo sheegayo in wali Garoonka Diyaaradaha Kismaayo ay ku sugan yihiin .

Sida qorshuhu uu yahay Waxaa lagu wadaa in Madaxda maamulka Jubba iyo Ergada  Shirka Muqdisho u matalaya inay yimaadaam Muqdisho Galinka Dambe ee Maanta .

Inkastoo uu dhawaan si cad u diiday inuu ka qeyb gali shorka Muqdisho Hogaamiyaha Maamulka Jubba hadana wuxuu wacad ku maray inuu ka qeyb galayo shirka Xal u raadinta Jubbooyinka e Muqdisho ka Furmaya , kadib wada hadal dhexmaray isaga iyo Dowlada federaalka Somalia.

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

P/Land oo ku faantay culimo ay maanta dileen ciidankeeda, eedeysayna DF

Garowe (Caasimada Online) – Dowladda Puntland ayaa qoraal ka soo saartay iskahor imaad dhex maray ciidamadadeeda iyi kuwa Gal-Mudug, kadib markii Puntland ay weerartay culimo ku siyaareysanayey deegaanka Godad, oo 30 KM ka xiga bariga Gaalkacyo.

Puntland ayaa sheegtay inay dishay lix ruux ayna dhaawacday tiro kale, waxaana ay sheegtay in dadkaasi ay ahaayeen maleeshiyo, halka Galmudug ay sheegtay inay ahaayeen culimo.

Puntland waxay sheegtay in weerarkan ay ku qabatay gaari tikniko ah oo qayb ka ahaa ilaa 20 gaadiidka dagaalka iyo saadka iskugu jiray, inkasta oo aan la xaqiijin karin sheegashadaas.

‘’Weerarkan waxa uu ahaa mid militeri oo qorshaysan kaasi oo ay soo qaaden maleeshiyo beeleed ka soo jeeda Koonfurta Galkacayo’’ Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Puntland.

Puntland waxay sheegtay in sirdoonkeedu ka war heleen Hub DF ka soo dejisay garoonka Bandiiradlay oo 60 KM u jirta Galkacayo ayna maamulaan Galmudug, uuna soo dhiibay wasiirka arrimaha gudaha Cabdikariin Guuleed oo ka soo jeeda Koonfurta Galkacayo.

Wasiir Guuleed kamahadal eedeyntaas, waxaase maamulka Galmudug uu sheegay in Puntland ay mar marsiiyo u sameysaneyso shacab ay leysay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada Online

SAWIRRO: Maxaa ka cusub socdaalkii madaxweyne Xasan ee Kismaayo?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo gabagabeeyey booqasho labo maalin ah ee uu  ku joogay magaaladda Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubadda Hoose.

Madaxweynaha oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaaladda Kismaayo ayaa kulamo la qaatay maamulka KMG ee Jubba, Odayaasha  Dhaqanka, Ganacsatada, Ururadda Bulshadda, Dhalinyaradda iyo dhammaan bulshadda qeybaheeda kala duwan.

Qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka oo kulanka ka hadlay ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku ammaanay dulqaadka iyo kalsooni gelinta shacabka Jubbooyinka iyo sidoo kale la tashiyadda Madaxweynahu  horay ugu tegey qaar ka mid ah goboladda  dalka Somaaliya.

Madaxweynaha  oo  boqolaal dadweynaha kula hadlay xarunta jamaacadda ee Magaaladda Kismaayo ayaa sheegay qorashaha Dowladda iyo mowqifkeedda ku adaan gobolada Jubbooyinka Isla-markaana shacabka Goboladda Jubbooyika ammaan u jeediyey.

Kulan Madaxweynaha  Soomaaliya uu la qaatay Maamulka KMG ee Jubba ayaa waxaa la isku afgartay in ay kasoo qeyb galaan shir Muqdisho ka furmi doono maalinta berri.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh oo ay la socdaan Wasiirka Arrimha Gudaha, Xildhibaano iyo Masuuliyiinta Maamulka KMG ee Jubba ayaa kormeer ku tegay dekadda magaaladda Kismaayo.

xasan kis 1xasan kis 2xasan kis 3xasan kis 4xasan kis 5

Wixii Faah Faahin ah kala xiriir: Malik Abdalla Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Villa Somalia, Muqdishu m[email protected]

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Wiilka Adan Cadde oo maanta xil culus loogu doortay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) –  Munaasabad maanta ka dhacday magaalada Muqdisho lagu dooortay hogaanka midowga dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo loo doortay Prof Cismaan Aadan Cabdulle Cismaan oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii ugu horeyeey ee dalkeena Soomaaliya.

Munaasabadani ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta adeega bulshada Maxamuud Macalin Yaxye dhaqaatiir ka kala socota gudaha iyo dibadda oo ay ku jiraan dhaqaatir ka socotay dalalka Jaamacadda Carabta iyo Turkiga iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

Golaha dhexe iyo guddoomiyahoodaba waxa ay doorteen in uu u noqdo guddoomiyaha ururka dhaqaatiirka soomaaliyeed Prof Cismaan Aadan Cabdulle.

Dhamaan dadkii ka soo qeyb galay kulanka ayaa sheegey in loo baahanyahay in bulshada soomaaliyeed laga haqab tiro dhinaca caafimaadka sida uu sheegay  Cabdulaahi Maxamed Shirwac oo ku hadlayay magaca ururada bulshada rayida ah ee  soomaaliyeed.

“Waxaam u baahanahay in ururkan uu qeybta uga aadan wax ka qabto dhibaatada ka taagan dhanka caafimaadka,dowladana waxaa loo baahanyahay in ay nidaam iyo sharci u sameeyso arrimaha caafimaadka”Ayuu yiri Shirwac.

Prof Cismaan Aadan Cabdulle oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii ugu horeyeey ee dalkeena Soomaaliya oo maanta loo doortay guddomiyaha midowga dhaqaatiirta soomaaliyeed ayaa sheegey in uu kala shaqeyn doono dhaqaatiirta soomaaliyeed sidii loo horumarin lahaa adeegyadii caafimaadka.

“Mas’uuliyadda maanta leey dhiibay waa mid KMG ah waajibkeeygana waxaa waaye in aan dhaqaatiirta ku garab galo waaya aragnimadeeyda aniga iyo ragga ila midka ah ee saaxiibadeeyda ah sidii loo sameeyn lahaa ama loo aasaasi lahaa xirfad caafimaad oo aqoon ku saleeysan si loo horumariyo caafimaadka dalka iyo sidii bulshada soomaaliyeed looga saari lahaa dhibaatada ka heysata dhanka caafimaadka,ummad caafimaad qabta ayaa gaarto horumar dhaqaale iyo mid dhaqan intaba”ayuu yiri Prof Cismaan Aadan C/lle.

Wasiir ku xigeenka horumarinta adeega bulshada Maxamuud Macalin Yaxye oo ugu dambeyntii ka hadlay kulanka ayaa ku dhawaaqay in dhawaan magaalada muqdisho lagu qaban doono shir heer qaran ah oo looga hadlayo arrimaha caafimaadka dalka.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in marka uu shirka dhaco ka dib la soo saari doono sharciga caafimaadka ee dalka,isagoo sheegay in gacan bir ah lagu qaban doono qofkii jabiyo sharcigaasi.

Sanadkii 1999 ayaa la aasaasay ururka midowga dhaqaatiirta soomaaliyeed oo maanta loo doortay in uu hogaamiyo Prof Cismaan Aadan C/lle,waxana ujeedka loo aasaasay ururkan ay aheyd sidii looga fogaan lahaa habacsanaan ku timaada nidaamka caafimaad ee bulshada maadaama ay meesha ka baxday dowladii dhexe  ee Soomaaliya.

Isha: Radio Muqdisho

DHAGEYSO: Madaxweynaha oo hadal taariikhi ah ka jeediyay Kismaayo

Madaxweynaha J.F Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay gaaray magaalada Kismaayo  ayaa maanta Jaamacadda kismaayo kula hadlay odoyaasha dhaqanka ee gobollada jubbooyinka iyo boqolaal dadweyne ah.

Madaxweynaha ayaa khudbad dheer  oo dhinayo badan taabaneeyso u jeediyay dadkii isugu yimid jaamacadda kismaayo.

Qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka ee gobollada jubbooyinka oo ka hadlay goobta ayaa madaxweynaha ku ammaanay booqashada uu ku yimid magaalada Kismaayo iyo dadaalka uu ku doonayo in dadka ku nool gobolladda dalka uu uga dhaadhiciyo siyaasadda dowlada federaalka,islamarkaana uu uga xog wareysto dhibaatooyinka ay qabaan.

Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Shiikh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in xarunta jaamacada kismaayo mudo 9 bilood ah ay fadhiyee ergadii soo dhistay maamulka KMG ah ee Jubba.

Axmed Madoobe ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka codsaday in uu soo xiro shirkii kismaayo eelagu soo dhisay maamulka KMG ah ee Jubba si ergadu ay uga qeyb galaan shirka dib u heshiisiinta ah oo ay dowlada soomaaliya ku qabaneeyso magaalada muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu rajeynayo in shirka dib u heshiisiinta ee muqdisho ka furmayo lagu soo afjaro khilaafaadka ka dhex jira dadka wada dega gobolladda Jubbooyinka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu danbeeyntii ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in maanta laga bilaabo uu shirkii kismaayo xiranyahay ergooyinkii ka qeyb galayna loo baahanyahay in ay yimaadaan magaalada muqdisho,si ay uga qeyb galaan shirka dib u heshiisiinta ah oo la filayo in uu ka furmo magaalada muqdisho,si loogu dhameeyo khilaafaadka ka jira gobolladda jubbooyinka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowlad la,aan iyo maamul la,aan aysan noolaan Karin dadka deegaanka,taasina uu cadawgu uga faa’ideeysanayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in loo baahanyahay in dadka ku dhaqan gobolladda Jubbooyinka loo sharaxo heshiiskii ka dhacay magaalada Adis Ababa si u ogaadaan waxyaabihii lagu soo heshiiyay.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socdo ayaa sidoo kale maanta booqasho indh-indheyn ah ku tagey dekadda magaalada Kismaayo,isagoo ku soo wareegay qeybaha ay ka koobantahay.

Madaxweynaha ayaa warbixin ku aadan qaabka ay u shaqeyso dekadda magaalada Kismaayo ka Dhageystay maamulka Dekadda.

Halkan ka dhageyso hadalka Madaxweynaha

DIYAARADO dagaal oo maalinkii labaad dul heehaabaya hawada Kismaayo‏

Kismaayo (Caasimada Online) – Magalada Kismaayo ee xarunta Jubbada hoose Soomaaliya waxaa dul heehaabaya tan iyo shalay diyaarado nooca qumatiaga u kaca oo ay leeyihiin ciidamda Kenya oo qayb ka aha hawlgalka Amisom ee Somalia.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan magalada ayaa u sheegay bogga Caasimada Online in diyaaradaha ay ilaa iyo shalay dul marayeen magaalada ayadoo loo maleynayo in ay ka qayb qaadanayaan sugida ammaanka magalada oo uu ku sugan yahay madaxweynaha Soomaailya Xasan Sheekh Maxamuud.

Saraakisha ciidanka ammaanka MKG Jubba kama aysan hadlin diyaradaha dul waregaya magalada sidoo kale waxaa wali gaabis ah isu socodka dadka iyo gaadiidka magalada ayadoo tan iyo shalay ay magalada ka go’antahay isgaarsiinta sababa ammaan.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh, ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo, oo uu kulamo kula qaatay maamulka Jubba iyo dadka deegaanka, ayada oo la filayo inuu maanta kasoo laabto.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

Puntland iyo Galmudug oo dagaalamay iyo culimo la sheegay in la laayey

Wararka laga helayo Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in Ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug uu maanta iska hor imaad ku dhaxmaray Deegaanka Godod oo dhaca Woqooyiga Gobolka Mudug.

Waxaa lagu soo waramayaa in Ciidamada Galmudug ay Saaka ku Baxeen Deegaanka Godod oo horey ugu sugnadeen Ciidamada Puntland.
Dadka Deegaanka ayaa ku waramay in iska horimaadka ay ku dhaawacmeen Labo askari oo ka tirsan Galmudug.

Warar kale ayaa iyaguna sheegaya in Maleeshiyo Kasoo jeeda Maamulka Puntland ay weerar ku soo qaadeen Culumo ka soo Jeeda Galmudug, siyaaro dhiganayey, taasi oo dhalisay iska hor imaadka.

Galmudug ayaa sheegtay in 4 Ruux oo culimo ah ay ku geeriyootay in kabadan intaasna ey dhaawacmeen ka dib markii Culumada Ka soo jeeda Galmudug oo Siyaaro dhiganayey ay Soo weeraren Meleeshiyo Beeleed ku abtirsata Puntland.

Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Galmudug Axmed Max’ed Cumar ayaa sheegay in dagaalka ay soo qaadeen Maleeshiyo Puntland ah kuwaa oo Dilay Culumo iyo Dad waayeel ah oo dhiganaey Siyaaro.
Wasiirka waxuu intaa ku daray in ay macqul tahay in uu khasaaraha intaa ka badan yahay,maadaama dhulka lagu dagaalamay uu yahay dhul miyi ah.

Illaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin dhinaca Puntland.

MUQDISHO: Lambarkii 888 oo dib loo howl geliyey (Ma taqaan lambarkaas?)

Taliska ciidanka Booliska Somaaliyeed ayaa sheegay in ay dib u howlgeliyeen nambarkii Oto oto ama 888 ee la wici jiray marka ay xaalad degdeg ah jirto.

Taliyaha booliska Soomaliyeed jeneraal Cabdixakiim Daahir Saciid ayaa sheegay in uu nambarka dadka ka caawin karo wargelinta booliska marka ay arkaan falal halis ah, qaraxyo, dab kacay, shil, xanuun degdeg ah oo ku soo booday qof iyo falal la xiriira amni-darro.

Jeneraal Saacid waxaa uu sidoo kale sheegay in ay sameeyeen gaadiidka gurmadka degdegga ah iyo qol isku xira telefoonnada, raadiyeyaasha iyo ciidamada marka ay timaado xaalad degdeg ah.

Wuxuu ka codsaday bulshada ku nool Muqdisho in ay soo wacaan nambarka 888 marka ay arkaan waxyaabo amniga wax u dhimaya, isla markaana ay la shaqeeyaan booliska iyo ciidamada amniga.

Nambar 888 wuxuu ka mid yahay adeegyadii booliska ee ku burburay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Axmed C/Salaan iyo CC Shakuur oo u ololeynaya sii deynta Xasan Daahir

Muqdisho (Caasimda Online) – Axmed C/salaan iyo C/raxmaan C/shakuur , ayaa dadaal xoogan waxay ugu jiraan sidii lagu sii deyn lahaa Sheekh Xasan Daahir Aweys oo u xiran dowlada Somalia .

Safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya Axmed C/salaan Xaaji Aadan, iyo C/raxmaan C/shakuur Warsame, oo isna ka tirsan La taliye-yaasha Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxay siyaabooyin kala duwan ay u wajaheen Odayaasha Beesha Cayr Habargidir si arinta Sheekha ay kala Hadlaan.

Labadan Mas’uul ayaa odayaasha Beesha Ceyr ka dalbaday inay inay faraha kala Baxaan arinta Sheekha iyo Cadaadinta ay ku hayaan Madaxtooyada Somalia , iyagana ay dhabarka u xiranayaan sii deynta Wadaadka.

Warar ayaa sheegaya in Siyaasiyiin, wax-garad, Odayaal Dhaqameedyo iyo dhalinyaro ka soo jeeda jilibka Ayaanle Cayr, ee uu ka dhashay Sheekh Xasan Daahir Aweys, ayaa waxay shir xasaasi ah ay ku yeesheen Hotel Muqdisho Kutaala

Warar Hoose ayaa sheega in Jufada Hoose ee uu kasoo jeedo Sheekha inay diideen Dhaq dhaqaaqyada ragan ay wadaan , waxaana ay sheegeen in hadii qeybaha kale ee Beesha xitaa ay sii deynta Sheekh ka laabtaan ay iyaga soo deysanayaan.

Qaar ka mid ah odayaasha Beesha Ceyr ayaa sheegay inay in ragan ay kala qeybinayaan odayaasha taasina ay tahay mid laga xumaado .

i Dowladaha Qatar iyo Turkiga ayaa sidoo kale  dhex dhexaadin ka dhex wada Madaxda Dowladda iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Cabdi Cartan Max’ud oo jeediyey talo ah qaabka loo xulayo xildhibaanada PL

KU : Isimadda , Nabadoonada iyo Acyaanta Lawadagta xulista Golaha Shacabka PL

Ujeddo: talo soo jeedin ku aadan xulista xildhibaanadda goloha shacabka ee puntland

Sida la ogyahay waxaa bedertan loogu jiraa kamid noqoshada xubnaha Golaha Shacabka ee  Puntland ( Parliamentary Team ) iyadoo aad meelo  badan oo magaalada   bosaaso ah sida Hoteladda waaweyn ku arkayso  rag kooxo kooxo ah oo fooda iskula jira badankooduna ay ku xaragoonayaan cimaamado rishwaani ah oo garabka usaaran , koofiyado barawaani ah oo ay madaxa kusitaan iyagoo ku mardaadiyaya dhengad xardhan oo dheeh   biro dahabi  iyo qalin lagu qurxiyey wata , kuwasoo logu yeerayo  nabadoonada iyo odayasha reer hebel.

photoWaxaa sidoo kale iyana horta kaga jira oo olaha wada rag damac iyo hunguriga siyaasadeed wado oo aad xiiq iyo xamaasada kadareemayso . ma ba,nee hadii tab ka roon taas oo golle shacaba ( Barlamaan) lagu helo lama waayine ladiidey waxaa dhibaato ah in mudo dhow iyo toban sanadood ah ay ku soo noqnoqdaan Golaha shacabka puntland qaar badan oo ay haboonaan lahayd in lagu bedelo kuwo katayo roon .
Waa araar intaasiye aan abaaro murtida aan doonayo inaan ka iraahdo erayo aan is leeyahay hadaad ujeediso akhyaar aaminsan inay ka arimiyaan aayatiinka ubadkooda wax ku ool bay u ahaan lahayd.

Hadaba odayaaal anigoo idin xusuusinaya murtida hoos ku xusan :.

  1. Talaadaan la ruugin waa lagu rafaadaa
  2. Talo adaa ku noole iyadu kuguma noola
  3. intaadan falin kafiiirso
  4. ninkii lawga isku dhufta isagaa udhutiya
  5. ninba tacabkii taloy kamaal
  6. nin hagraday dhulkiisii hilibkiisii buu cunay
           iyo qaar kaloo badan oo aad wada taqaanniin .
waxaan adeerayaal , awoowayaal , abtiyaal , ilma adeerayaal aan idin leeyahay waa MAANTA IYO MUSTAQBALKII UBADKIINA . ilaahay ha idin ku toosiyee . idinkaa laydin kasugayaa , ha fududaysanina ee ka fiirsada cidda aad uxulanaysaan xubnaha xildhibaanka golaha shacabka pl .
waxaan talo idiin kusoo jeedinyaa in halbeega aad ku cabiraysaan xulashada xubnaha baarlamaanku noqdo IKHLAAS  qofka loo qaaadanayo ahaado :.
  • Qof aan dalka iyo dadka midna denbi kagelin, aqoona leh
  • Qof uu xanuujinayo xilka loo dhiibey
  • Qof xurmada naftiisu la weyn tahay
  • Qof alle ka cabsigu dabar u yahay
  • Qof geesi ah , codkarna ah
  • Qof muruu,a leh
  • Qof cadaalada usaaxiib ah
  • Qof qadarin u hayo gollaha uu ka mid noqonayo iyo golayaasha kale ee dawladdu ee uu wada shaqaynta la yeelan doono
  • Ha ahaado qof dowladnimada aaminsan oo qaranimada meteli kara
  • Qof buuxiyey shuruudii dawladda ee xubnaha golaha baarlamaanka lagu xulayey
   Gabagabadii  saaxiibayaal waxaan idin leeyahay waa muhiim inaad xusuusanaataan in ILAAHAY hortiisa iyo umadda horteeda wax layska waydiin doono masuuliyadda odoynimo. xussuusnaada in arintu ku iba,la ,dahay (SAAD UBEERATO BAAD UGOOSATAA )
    Ugudanbayn: anigoo iidin haya qadarin iyo xurmo weyn iga gudooma salaan
                                            wabilaahi watfiiq
                                         CABDI CARTAN MAXAMUUD
tell: 00252590724008
bosaaso -somalia

Madaxweyne Xasan Sh. oo la kulmay ganacsatada Jubbooyinka

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay magalada Kismaayo qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee gobolka Jubbada Hoose kulanka ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada MKG Jubba.

qaar ka mid ah ganacsatada ayaa warbaahitna u sheegay in ay madaxweynaha kala hadleen sidii loo hor marin lahaa ganacsaiga Soomaaliya Xaaji Yasiin Jaamac oo ah gudomiyaha rugta ganacsiga iyo warshada jubbooyinka ayaa sheegay in ay farxad u tahay in la helo iskaashi buuxda ganacsatada Soomaaliyo dhex mara.
Madaxwenaha Soomaaliya ayaa isna ka hadlay madasha asagoo sheegay in loo baahan yahay kobac in lagu sameyo ganacsaiga Somaaliya ayadoo la dardar galinayo iskaashi.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay oo khamiis ahayd tagay magalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba.
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo