Muqdisho (Caasimada online) Qaramada Midoobey, ayaa oglaatay inay dowlada Somalia ka taageerto Tayeenta iyo qalabeynta Ciidamada xooga dalka Somalia kadib wada hadal dheer oo ay arintaas kala sameeyeen Wadamada Africa ee Ciidamadoodu ay Somalia ka joogaan iyo Wasiirka arimaha dibada Somalia.
Ku xigeenka Ra’isul wasaarah Somalia Ahna wasiirka Arimaha Dibada Somalia Fowsiyo Yuusuf Xaasji Aadan oo maanta dib dalka ugu soo laabatay in QM ay raali ka noqtay raagiirida iyo qalabeynta Ciidamada dowlada Somalia.
Waxay sheegtay inay Golaha Ammaanka ay qeyb ka yihiin waxyaabihii ay isla soo meel dhigeen in Tababaro dheeri ah la siiyo ciidamada dowlada Somalia iyo in laga taageero dhanka qalabka oo muhiim gaar aha u leh Ciidamada.
Wasiirka Arimaha Dibada Somalia waxay ka dhawaajisya inay Newyork kkulamo iyo Shirar muhiim ahaa inay kula soo qaadatay madax ka tirsan Dowladaha qeybta ka ah Golaha ammaanka ayeey sheegtay in ugu dambeyn la isla gartay taageerada ciidanka dhanka tababarka iyo saadka.
Wasiir Fowsiyo waxa ay sheegtay inay ku bixiyaan juhdi badan oo ku aadan sidii Golaha ammaanka ay uga dhaadhicin lahaayeen taageerada ciidanka Dowladda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa Golaha ammaanka waxa ay la hortagtay qorshe ku aadan in ciidanka Dowladda Soomaaliya loo taageero si lamid ah ciidanka Amisom inkastoo xubnaha QM ay kacaga jiideen qorshahaasi inkastoo markii dambey qeybo ka mid ah Codsiga dowlada Somalia la aqbalay
Dad badan wxay aamin san yihiin in hadii Daryeel wanaagsan ay helaan Ciidamada dowlada Somalia laga maarmi karo Cidamo ajnabi ah oo amniga dalka ilaaliya.
Riyadh (Caasimada Online) Dowladda Saudi Arabia, ayaa bilaabeysa maanta oo Isniin ah raaf ku saabsan dadka sharci darada ku jooga dalkaas iyo kuwa warqadaha dal ku jooga uu ka dhacayo.
Habeenkii xaley, waxaa magaalooyinka waaweyn ee dalka Saudi Arabia ka billowday diyaar garow ku aadan siddii ciidamada ammaanku ay u soo qabqaban lahaayeen dadka sharci darada ku jooga dalka Saudi Arabia.
Dowladda waxa ay maalmahan dadka sharci darada ku jooga dalka Saudi Arabia u sheegtay in dalka isaga baxaan kuwa heestana warqadaha sharciga ay cusbooneestaan.
Wariye ku sugan Saudi Arabia oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in ciidamada dalkaas ay maanta bilaabayaan howlgal ka dhan ah dadka sharci darada ku jooga dalkaas.
Dadka ayaa guryaha loogu gali doonaa, waxaana laga qabqabanayaa waddooyinka, sida ay lee yihiin hey’addaha ammaanka.
Maxaa arrintan u sabab ah?
Arrintan waxaa sabab u ah, dalka Saudi Arabia waxaa ku batay soo galootiga sharci darada ku jooga dalka, waxaa shaqo la’aan ay ku dhacday muwaadiinta waddankaas, maadama aad looga jecelyahay ajnabiga.
Arrimahaas oo isbiirsaday ayaa keentay in dowladda Saudi Arabia ay ku dhawaaqdo raafkan ballaaran, waxaa kaloo tallaabo sharci ah laga qaadi doonaa dadka ay u shaqeeyaan soo galootiga sharci darada ku jooga dalka.
Waxaana labadii maalmood ee la soo dhaafay la arkayay dad badan oo safaf dhaadheer ugu jira siddii ay u cusbooneensiin lahaayeen sharciga ay ku joogaan dalkaas.
Arrimahan oo kale markii ay ku dhaqaaqdo dowladda waxa ay durba kala kulantaa dhaleeceyn hey’addaha xuduuqda aadaha iyo dowladaha reer galbeedka.
Saudi Arabia waxaa ku nool Soomaali badan kuwaasoo badankood ku galay dalkaas qaab sharci daro ah.
Maalintii shalay ayaa Ciidanka Ilaalada ee Madaxtooyada Garoowe, waxay si sharci darro ah, jid gooyo ugu sameeyeen Baabuur loogu talo galay in lagu sugo Amniga Murashax Dr. Abdiweli Mohamed Cali.
Ilaalada Madaxtooyada oo fulineysa Amarkan khaldan ee foolxumada ah ayaa weeraray Gaarigii iyo raggii gaariga waday halkaasna ku dhaawacy qaar ka mid ah, Baabuurkii iyo qaar kalena Afduub Garowe ugu kaxaystay kuna xirtay Xabsi ku yaal Madaxtooyada.
Waxaan ka digeynaa in Doorashadaani aysan noqon Doorashadii Labaad ee Amni Darro Awgeed loo baajiyo. Waxaan ugu baaqayaa Shacabka reer Puntland oo ay ugu horeeyaan Issimada, Siyaasiyiinta, Aqoon yahanada, Culimada, Haweenka, Dhalinyarada iyo Murashaxiinta in ay kala shaqeeyaan Ciidamada Amniga sidii Puntland Amnigeeda loo sugi lahaa Maalin walba iyo wakhtiga doorashada si wadajir ah.
Ciidanka Amniga ee Puntland waxaan ugu baaqayaa in ay ka feejignaadaan inaan loo isticmaalin siyaasad guracan, balse ay ku dhiiranaadaan ilaalinta iyo dhowrista amniga sidii hore looga bartay.
Hogaanka Wakhtigiisii dhamaaday waxaan ugu baaqayaa in ay dhowraan sharciga, joojiyaan falalka amni darrada ah, kana shaqeeyaan Maslaxadda Guud, Ciidanka Amniga aan loo isticmaalin in lagu caburiyo Murashaxiinta, Saxaafadda, Shirarka wax qeybsiga beelaha, Shirarka Issimada, laguna boobin hantida gaarka loo leeyahay.
Taageerayaasha, Murashax Dr. Abdiweli Mohamed Ali, waxaan ugu baaqaynaa in Nabadda iyo Xasiloonida la adkeeyo, lagana qaadan wax Ficil ah, Falalka Amni Darada ah ee khaldan si caadifadi ku jirto.
Tartanka Doorashooyinku colaad ma ahan, waa afkaar, waa is dhexgal Bulsho, waa tartan Siyaasadeed, waa qabyaalad ka guur oo Dimoqraadiyad iyo Cod Xor ah u guur.
Shirkan Wuxuu qeyb ka yahay heshiis dowlada Somalia iyo Maamulka Jubba ay kusoo kala saxiixdeen Magaalada Adis Ababa ee Dalka Ethiopia , Inkastoo Dhowr Jeer uu Qabsoomida Shirkaan uu hakad ku yimid Qilaaf taagnaa awgiis hadana Maanta ayaa qorshuhu uu yahay inuu si rasmi ah uu u furmo.
Waxaa iminka Muqdisho ku sugan Ergooyin kala Matalayay Dowlada Somalia iyo Maamulka Jubba, waxaase Durba Qeylo dhaan ay kasoo yeertay Ergada Maamulka Jubba u matalaya Shirka , oo Sheegaya in dowlada Somalia ay ku dhaqaaqday qilaano .
Cabdi Ibrahim Cabdi waxaa Xildhibaan Hore uga tirsanaa dowladaii KMG aheyd iminkana ah mid ka mid ah Ergada Kismaayo ka timi ee Maamulka Jubba Matalaya, Warbaahinta ayuu u sheegay in hadii Tuhun ay qabaan uu run noqdaahi inay ka baxayaan Shirka Gabi ahaan .
Wuxuu sheegay in dowlada Somalia ay si cad u sheegtay isla-markaana lagu heshiiyay in dhankeeda Ergada ka imaanaya ay yihiin 50 Xubnood Balse Dhanka Jubba kuwa ka imaanaya ay yihiin 100, sidaasina lagu heshiiyay .
Heshiiskan ayuu sheegay in Xitaa QM loo gudbiyay, Balse wuxuu sheegay in Markii Muqdisho ay yimaadeen inay arkeen Ergo ka badan kusii lagu Heshiiyay waxaana uu sheegay in Hadii ay S i rasmi ah u cadaato inay Ergada ka badan yihiin 50 Xubnood gabi ahaan shirka ay isaga bixi doonaan .
Dowlada Somalia wuxuu ka dalbaday adkeynta iyo dhowrsita Qodobada ay kusoo wada heshiiyeen si wax waliba xal buuxa looga gaaro.
Si kasto Shirka Arimha Jubbooyinka ayaa lagu balan sanaa inuu si rasmi ah u Furmo Shalay hayeeshee Dib u dhac ku yimid Ergadii Kismaayo ka imaneysay ayuu U baaqday , waxaase lahu wadaa inuu Maanta Si rasmi ah u Furmo.
London (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa shaaciyay inuu soo dhisayo xukuumad ka kooban 23 Wasiir isla markaana uu dhawaan ku dhawaaqi doono sida ugu dhaqsaha badan.
Mr. Saacid ayaa xaqiijiyay wararka maalmahan la isla dhex marayay ee sheegayay in isku shaandheyn uu ku sameyn doono Golahiisa isagoo tilmaamay in uu dhawaan ku dhawaaqi doono Gole Wasiiro oo ka kooban 23 xubnood.
“Golaha Wasiirrada aan soo dhisayo waxay noqon doonaan 23 wasaaradood iyo in la mid ah, waayo maalintaan soo magacaabayay 10-ka wasiir xaalad ayaa jirtay, maalintaas sax bay ahayd in Soomaalida la simo iyo in dumar ay helaan xaqooda, balse maanta xaalad taas ka duwan ayaa jirta,” ayuu yiri Ra’iisul Waasare Saacid.
Wareysi uu siiyay TV-ga Universal ayuu ku sheegay in kordhinta tirada wasiirrada ay tahay mid la doonayo in howlaha xukuumadda lagu ballaariyo iyo isbadal ay ku doonayaan iney ku ballaariyaan howlaha Xukuumadda.
Sababta ay xukuumadda u ballaarinayaan Xukuumadda ayuu sheegay Ra’iisul Wasaaraha iney tahay iney horyaalaan howllo fara badan oo qeyb ka ah dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dalka lagu sameynayo sedaxda sano ee soo socoto/
Mar uu ka hadlayay xiriirka wada shaqeyn ee kala dhaxeeyo Madaxda Dowladda ayuu sheegay RW in ay tahay mid wanaagsan uuna rajeynayo iney noqoto mid waqtiga dhiman ay ku wada dhameystaaan.
“Madaxdii dowladihii hore inkastoo wax badan ay qabteen haddana waxay maareyn kari waayeen tafaraaruqa, balse innaga waxaan kaga duwannahay inaan maareynay tafaraaruq soo dhexgala hay’adaha sare ee dowladda, waxaana rajeynaynaa in si wadajir ah aan ku gaarno sannadka 2016-ka oo ay ku eg-tahay xilliga ay dowladdu shaqeynayso,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Beydhabo (Caasimada Online) Beydhabo waxaa Wali ka soconaya Qorshaha Maamul Mideysan oo ay yeesheen Lixda Gobol ee Sh/Hoose, Gedo, Labada Jubba , Baay iyo Bakool , Kaas oo ay wadaan Siyaasiyiin iyo Waxgarad is Abaabulay.
Inkastoo taasi ay jirto Hadana Muqdisho waxaa Maanta ka furmi Doono Shir looga hadlayo aayaha 3- gobol oo ka mid ah kuwa ay siyaasiyiinka ku kulansan Beydhabo ay tirsanayaan Sida Gedo, iyo Ladabada Jubba , waana Sababata keeneysa in dad badan ay siyaabo kala duwan u fasirtaan arintan .
Malaaq Shiino, wuxuu ka mid yahay ragga Horboodaya Dhismaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia Warbaahinta ayuu uga warbixiyay Shirka Muqdisho iyo waxa ay ka filayaan dhankooda iyo Aragtidooda ku aadan shirkaas.
Wuxuu sheegay in Dowlada Somalia ay ku dhaqmeyso Laba Waji oo ah in marna ay aqbasho Dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed Somalia Marka ay Gooni ula Buusanto ama si gaar ah ay ula safato Maamulka Jubba ee Axmed Madoobe uu hogaamiyo.
Malaaq Shiino, wuxuu sheegay in dowlada Somalia laga rabo inay hal wado ku toosto , waxaana uu sheegay inuusan dhankiisa aqoon saneyn Maamulka Jubba , isagoo sheegay in Jubbooyinka iyo Afar gobol oo kale inay ku howlan yihiin Sidii maamul mid ah ay ugu sameyn lahaayeen.
Aqbalitaan Wax waliba oo kasoo baxa shirkan ayuu sheegay inay tahay mid aad u adag , waxaana si cad uu u sheegay in dhankooda aysan aqbali doonin isla-markaana wax ka quseeya aysan jirin shirka Maanta Muqdisho ka furmaya.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo Beydhabo Booqday Dhowaan , wuxuu aqbalay Dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed Somalia inkastoo Madaxda kale ee dowlada Siyaasad ahaan aysan Fikirkaas la wadaagin .
Caasimada Online: Magaalo Maxda Muqdisho oo sanadkaan ka soo kabaneysa dhibtii ugu badneyd ee gaartay 23 sano ee la soo dhaafay ee burbur iyo amaan darada taa oo haatan ka soo wanaagsananeyso sanadihii ugu dambeeyay.
Muqdisho Bilic ahaan iyo Muuqaal ahaan labaduba waa is badashay dhanka amaanka oo asna soo hagaagaya waxaana dareemeysaa in magaalada Muqdisho ay haatan cagta saartay wadadii nabadda iyo dib u helida Qaranimadii Soomaalinimo ee nala daawo Video-gaan.
Luwandha (Caasimada online) Kooxo hubaysan ayaa waxay ganacsade Soomaaliyeed ay ku dileen magaalada Luwandha ee dalka Angola kuwaasi oo la sheegay inay u adeegsadeen aalata toorayda, taasi oo sababtay in ganacsadaha Soomaaliyeed goobta uu ku ruuxbaxo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda soo weerartay ganacsadaha Soomaaliyeed ay ahaayeen tiro dhalinyaro ah kuwaasi oo ganacsadaha ku weeraray goobtiisa ganacsi.
Ganacsadaha Soomaaliyeed ee la dilay oo lagu magacaabo Axmed Cabdi ayaa qolyihii ka danbeeyay dilkiisa mid kamid ah waxaa gacanta ku dhigay ciidamada amaanka ee magaaladaasi kuwaa oo dhigay xabsi ku yaala magaalada si cadaalada loo hor keeno.
Soomaalida ku ganacsata dalka Angola ayaa waxa ay dalbabeen in gacan ku dhiiglaha cadaalada la hor keeno si looga fogaado dhibaata dheeraad ah oo gacansatada Soomaaliyeed ee dalkaasi la geeyo.
Dilka Axmed ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi lagula dhaqaaqo.
Muqdisho (Caasimada online) Xubno ka kala socda Ra’isul wasaaraha Somalia iyo Madaxda Maamulka JUBBA ayaa goor dhaw gaaray Hotel-ka Jazeera ee Magaalada Muqdisho halkaas oo uu ka furmi doono Shirka Aayaha gobolada Jubbooyinka iyo Gedo .
Wakiilada ka kala socda labada dhinac ayaa la xaqiijiyay in labadooduba ay kasoo Ambo bexeen Xarunta madaxtooyada Somalia , iyadoona siyaabooyin kala gedisan loogu soo dhaeeyay hotelka Jazeera ee magaaladsa Muqdisho.
Ka qeyb galayaasha kulanka ayaa intooda ugu badan waxay xaadir ku yihiin Xarunta kulanka Waxaana ka mid ah Xubnahaasi dadka ugu Cad Cad Ras’isul wasaare Saacid iyo Hogaamiye Axmed MADOOBE inkasyoo wali Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Somalia uusan goobta gaarin , waxaase lagu wadaa inuu isaga daah furo sida wariyaasha goobta shirka ku sugan ay soo warinayaan .
Waxaa wanaagsan Rajada laga qabo shirka Muqdisho ee aayaha Gobolada Jubbooyinka iyo gedo inkastoo ay jiraan dhaliil ay muujinayeen Ergada Shirka ee Maamulka Jubba Matalaya kuwaas oo sheegay in Dowladu ay u muuqato mid balan ka bax sameysay.
Ujeedka Shirkana ayaa ah Xalinta dhibaatooyinka iyo Khilaafaadka ka dhex aloolsan dadka dega Jubbooyinka iyo Gedo, si loo helo hanaan nabadeed oo ay shacabka dega Goboladaasi ay ku wada noolaan karaan .
Muqdisho (Caasimada Online) Dowlada Somalia waxay sheegtay Dhowaan inay Bixineyso Mushaaraadka Ciidamadeeda Bil waliba, Halka markii hore Bilooyin Badan ay ka maqnaan jireen Xaquuqihii ay Xaqa u lahaayeen , waana mida loo aaney jiray in Shacabka ay kusoo laabtaay kadibna Boob ay kula dhaqaaqaan .
Cabashada dadka ayaa ah mid aan Harin, waxaana Maalinba maalinta kasii dambeysa Sii kordhaya qeylo dhaanta ay shacabka Soomaaliyed Muujinayaan Gaar ahaan kuwa Reer Muqdisho, taas oo ku wajahan dhac iyo Boob ay ku hayaan rag Dareeska Ciidamada dowlada Somalia ku labisan .
Degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan iyo Hurwaa, waa Degmooyinka ugu badan oo ay Cabashada dadku ay inta badan kasoo yeeraan , kuwaa oo ay ku dalbanayaan in ay helaan gurmad deg deg ah ayna u baahan yihiin ku noolaanshiyaha amni la isku haleyn karo.
Mid ka mid ah Shacabka ku nool Xaafada Cali Turcaaye ee Degmada Yaaqshiid ayaa Warbaahinta u sheegay in Xaafadooda lagu soo daadiyay ciidamo Cudud badan leh, Hase yeeshee ay dib ugu laabteen Shacabka isla-markaana ay kula dhaqaaqeen Boob aad u xoogan.
Wuxuu sheegay in Habeen iyo Maalin aysan u kala soocneyn Ciidamadaas Dhobaatooyinka ay qabaana ay tahay mid taagan oo aan hakad laheyn , waxaana uu shaaca ka qaaday in markii hore dhibtooda ay ku koobneyd oo kaliya habeenkii Balse iminka Maalin iyo Habeen ay isku mid u tahay.
Muqdisho (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya degmada Deynuunaay ee gobalka Baay ayaa sheegaya in halkaas ay ka dhacday dhacdo xanuun badan, markii askari ciidamda dowladda uu dilay shan qof oo ka tirsan hal qoys.
Degmada Deynuunaay ayaa 18km u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay
Askariga ayaa la sheegay in markii uu laayay shantan qof ee ka tirsan halka qoys in uu goobta ka baxsaday, waxaana gaaray goobta ay wax ka dhaceen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Ma cadda ilaa hadda wax yaabaha sababay in uu askarigan dilo shantan qof ee ka tirsan halka qoys.
Deynuunaay waxa ku yaalla xeryo ciidan oo ay deggan yihiin AMISOM sidoo kale waxaa ku taalla xero lagu tabbabarro ciidamada dowladda fedaraalka Soomaaliya.
Wixii ku soo kordha kala soco Shabakadda Caasimada Online.
Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdishukuur Cali Mire oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in shirku uu furmi doono maalinta berri ah.
Wasiirka ayaa sheegay in dhammaan shirka wax yaabaha loogu talagalay in ay dhimmeestiran yihiin, wuxuu kaloo sheegay in dhammaan ergooyinka ka qaybgalaya shirka ay soo gaareen magaalada Muqdisho.
Shabakadda Caasimada Online, ayaa ogaatay in shirka uu ka dhici doono Hotel Jazeera oo ku yaalla meel ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana la sheegay in muddo Shan cisho uu socon doono shirka sida ay lee yihiin ilo xog-ogaal ah oo aan la hadalnay.
Sida lagu wado shirka waxaa ka qeyb-galaya siyaasiyiin iyo odayaal ka soo jeeda gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, waxaana ku jirra hoggaamiyaha kumeel gaarka Axmed Madoobe, Wakiilo ka socday Barre Hiiraale,Cumar Buraale, Cabdi Baalleey kuwaasoo dhammaantood sheegtay madaxweynayaasha Jubbooyinka.
Dhinaca kale, waxaa la adkeeyay ammaanka halka uu shirka dhacayo, waxaana la joojiyay in gaadidka dad weynaha ay adeegsadaan halkaas.
Ciidamo badan ayaa la dhigay agagaarka hotelka uu shirka ka dhacayo.
London (Caasimada Online) – Kooxaha burcad badeedda Soomaalida ah ee ka howgala Geeska Afrika ayaa madax-furasho ahaan u helay lacag gaaraysa $400 milyan, muddadii u dhaxeysay sanadihii 2005 ilaa 2012, sida lagu sheegay warbixin ay soo wada saareen Qaramada Midoobay iyo Bankiga Adduunka.
Warbixintu waxay sheegtay in lacagtaas xooggeeda aanay qaadan burcad badeedda, balse ay gacanta u gashay dad maalgashi ku sameystay kooxahaas, kuwaas oo lacagta u sii isticmaalay fal-dambiyeedyo ay ku jiraan ka ganacsi hub iyo tahriibinta dadka.
Shakhsiyaadka laf-dhabarka u ah maalgashiga burcad badeedda waxay qaateen 30 boqolkiiba ilaa 50 boqolkii lacagtii madax-furashada ahayd ee la qaatay toddobadaas sano.
Warbixinta ayaa ku talisay in la dabagalo dhabbayaashii la isugu kala gudbiyay lacagtaas.
Stuart Yikona oo wax ka qoray warbixinta ayaa sheegay in aanay burcad badeeddu caqabad ku ahayn oo keliya xasilloonida iyo amniga, balse ay awood u leedahay qalqal-gelinta dhaqaalaha gobolka iyo kan caalamka.
Xeebaha Soomaaliya waxaa ku sugan maraakiib dagaal oo shisheeye oo ka hor tagaya falalka burcad badeedda oo bilooyinkii la soo dhaafay hoos u dhacay.
Garoonka Aadan Cadde, waxaa soo caga dhigatay Diyaarad uu la socdo M/weynaha Maamulka KMG ah ee Jubba, Axmed Madoobe.
Axmed Madoobe, oo hogaaminayo wafdi katirsan maamulkiisa, ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo shirka dib u heshiisiinta beelaha dega gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo la filayo inuu galabta ka furmo magaalada Muqdisho.
Maamulka Axmed Madoobe, ayaa horay u qaadacay ineey ka qeyb galaan shirka Galabta ka furmi doona magaalada Muqdisho, laakiin wadahadalo labadii maalmood uu halkaas kula soo qaatay M/weynaha Soomaaliya, ayaa loo maleeynayaa inuu badalay mowqifkii hore ee Axmed Madoobe.
Waxaa laga dhur sugayaa shirka galabta lagu wado inuu ka bilowdo Muqdisho, iyadoo la filayo inay kasoo qeyb galaan in ka badan 100 ergo oo ka kala socdo maamulka KMG Jubba, ergooyinka gobollada Jubbooyinka ^ Gedo iyo masuuliyiin ka socda dowladda federaalka.
Qaar ka mid ah ergooyinka soo dhisay maamulka KMG jubba ayaa maanta u dhoofay caasimada dalka ee Muqdisho, ayagoo halkaas kaga soo qayb galaya shir dib-uheshiin ah oo loo qabanayo qabaa’ilada daga jubbooyinka oo ay dirir iyo colaad daba dheerato mudo fog kala dhextaalay.
Sadax duyuuradood oo ah nooca dadka qaada ayaa maanta soo caga dhigtay garoonka diyaradaha magalada muqdisho ayado ka soo kicitantay Kismaayo. Diyaarada koobaad ayaa qaaday xubno koban oo uu ka mid yahay hogaamiyaha mamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Labada diyaaray ayaa daabushay qaar ka mid ah ergooyinka maamulka Jubba soo dhisay ee ku sugnaa magalada Kismaayo ergyooyinkan oo kor u dhaafayay 200 ayaa maanta laga qaaday Kismaayo ayagoo la geeynayo Muqdisho si halkiaasi ay kaga qayb galaan shirka dib u heshiisnta ee ay dowalda Federaalka Soomaliya qabanayso.
Ergooyin baaqi ku ah kismaayo ayaa lagu wadaa in ayagana loo qaado Muqdisho si ay qayb iyagana kaga noqdaan wada hadalada lagu wado in ay ka furmaan Muqdisho kwuaas oo lagu soo afjarayo qilaafka dabada dheeraaday ee ka jira Jubbooyinka.
Arrintani ayaa ka dambeeysay kaddib markii madaxweyna Ummada Soomaaliyeed Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay magalada Kismaayo asagoo ugu baaqay odayaasha wax garadka iyo dadka ku dhaqan Jubbooyinka uu ugu baaqay in ay miiska wada hadalka iskugu imadan tani ayaa noqoneeyso Hormar cusub oo ay dowalada Soomaaliya ka gaartay arrimaha qalafsanaa ee Jubbooyinka
Washington DC (Caasimada Online) – Guddoomiyihii Bankiga Dhexe ee Somalia Yussur Abraar, ayaa dhowr maalmood ka hor sheegtay inay shaqadii ka tagtay, una dirtay madaxweynaha Somalia warqad is-casilaad ah.
Yussur, ayaa ku dooday in sababta ay shaqada uga tagtay ay tahay musuq maasuq ka dhex socda dowladda Somalia, ayna jiraan xubno ka tirsan DF oo ku cadaadinaya inay ku soo biirto musuq maasuqaas, sida ay hadalka u dhigtay.
Yussur ayaa ku warrantay in dowladda Somalia ay ku cadaadisay inay soo bixiso lacagta malaayiinta dollar ah ee Somalia uga xayiran Bankiyada adduunka, taasi oo ay sheegtay inay ku gacan seertay, waa sida ay hadalka u dhigtay’e.
Warkaasi oo lagu daabacay inta badan website-yada Soomaalida, ayey Caasimada Online go’aansatay inay dib ugu laabato xogta ay sheegtay Yussur oo ay hubiso sheegashada Yussur ka hor inta aan la qorin warkeeda.
Caasimada Online, ayaa ku guuleysatay inay hesho xog xasaasi ah, oo sheegeysa in sababta Yussur ay shaqada guddoomiyaha Bankiga dhexe uga tagtay ay tahay markii ay ka war heshay in dowladda ay ogaatay arrimo qarsoonaa, sidaa darteedna inta aan xilka laga qaadin ay isaga tagto.
Waxa ay Caasimada Online ogaatay in Yussur ay hadda ka hor ku lug yeelatay dhowr kiis oo wax is daba marin ah oo ay sameeyeen shirkado ay xubin ka ahayd ama ay maamuleysay, kuwaasi oo intooda badan ka dhacay gobolka Virginia ee dalka Mareykanka.
Yussur Abraar
Yussur, ayaa inta u dhaxeysay bilihii August illaa November ee sanaddii 2002 lagu maxkamadeeyey magaalada Alexandria ee gobolka Virginia, ayada oo loo heysto lacag kumanaan dollar ah oo shirkad ay madax ka ahayd oo la yiraahdo Warsan International Corporation ay lunsatay.
Maxkamadda la saaray Yussur ayaa ka dambeysay kadib markii ay soo dacweysay shirkad kale oo ay lee yihiin rag Nigerian ah oo lagu magacaabo Global Transit Limited.
Waxaa lagu heystay Yussur iyo shirkadeeda Warsan inay lunsadeen lacag dhan 75,000 oo dollar, balse laga doonayey lacag mag dhow ah oo gaareysa illaa 40 MIlyan oo dollar, marka dul saarka lagu daro (Interest).
Waxaa sidoo kale loo qabsaday inay ka baxday heshiisyo dhowr ah, oo ay la gashay Global Transit, sida ku cad documents-yada maxkamadda federaalka ee qeybta bari ee Alexandria, oo ay heshay Caasimada Online.
Kiiska ayaa ugu dambeyn looga guuleystay Yussur iyo shirkadda Warsan oo ay CEO ka ahayd, kadibna lagu riday xukun.
Kadib markii ay Yussur iyo shirkadda Warsan la xukamay, ayaa waxa ay danta ku qasabtay inay xareyso Bankruptcy (Musalafnimo ama Kicid), si ay uga bad baado inay guddo lacagta tirada badan, oo ay is daba marisay.
Mareykanka, ayaa waxaa xeer ah in marka shirkad ay xareyso Bankruptcy (Musalafnimo) inaysan wax lacag bixineyn.
Sidaa darteed, ayaa Yussur waxay ka guurtay Maraykanka iyada oo shaqooyiin ku meel gaar ah ka heshay African Development Bank, ayada oo ilaaa inta aysan shaqadan qaadan ka shaqaynaysay African Bank si ku meel gaar ah oo qaadanaysa ilaa 13000 oo Euro ah bishii.
Dowladda Somalia iyo Madaxweyne Xasan Sheekh marnaba ma ogeyn xogtan cusub, markii xilkan loo magacaabay Yussur, balse dib ayey ka ogaadeen, waxaana lagu billaabay baaritaan, taasina waxa ay dhalisay inay shaqada isaga tagto, inta aan la ceyrin.
Bal aqriste ka feker sheegashada Yussur ee ah in ay diiday soo bixinta lacagta Somalia uga xayiran bankiyada caalamka, sidaasna ay isku casishay.
Aan dib ugu laabanno sheegashada Yussur
Ma kula tahay in soo bixinta lacagtaas ay sidaas u fududahay, oo saxiixeeda kaliya ay ay ku xiran tahay?. Imisa sano ayey dowladihii Somalia soo maray arrintaas isku dayayeen, kuna guul darreysteen. Haddiise ayada ay soo bixin karto maxaa u diidaya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka?. Haddii Somalia ay la soo baxdo lacagta uga xayiran dunida, maxaa ku jaban, soo hantidii dalka maaha, soo dalka uma baahna, mase tahay arrintaas mid musuq maasuq ah?. Haddiiba ay dhacdo in lacagtaas la soo bixiyo, soo ma ahan mid aan qarsoomi karin oo caalamka oo idil ogaanayo, sidee ku noqon kartaa musuq maasuq?
Ma ahan in Caasimada Online ay difaaceyso Dowladda Somalia, hase yeeshee mar walba waxaan banaanka soo dhignaa xaqiiqda.
Waxaan hoos idin kugu soo lifaaqnay dhammaan docuemnets-yadii Maxakamadda United States Bankruptcy Court, Eastern District of Virginia, Alexandria Division, si aad u aragtaan.
Beydhabo (Caasimada online) Wararka aan ka heleyno Magaalada Xarunta u ah Gobolka Baay ee Beydhabo, waxay sheegayaan in halkaas ay maanta gaareen Ergooyinka ka kala socdo Gobolada Sh/hoose , Jibbooyinka iyo Gedo, iyaoona ay hore u sugnaayeen kuwo ka yimid Gobolada Baay iyo Bakool.
Suldaan Xeydar Suldaan Suufi, oo hogaaminaayay Ergooyinkaan, ayaa sheegay inay Magalaada Baydhabo u yimaadeen, sidii loo soo dhisi lahaa Maamulka Gobolada Koonfureed Somalia Xilli uu Saxaafada kula hadlayay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Beydhabo.
Wuxuu sheegay in Dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed uu iyaga oo qura uu u xayiraana lana sugayay in Muddo ah balse iminka ay yimaadeen , wixii xilligaan ka dambeeyana dhismahaa maamulkaas la dedejin doono.
Gudoomiyaha Gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow, iyo Xubno uu Hogaaminayo ayaa qeyb ka ahaa Soo dhaweynta Wafdigan waxaana Wafdigaan la geeyay Xarunta ADC ee Magaalada Beydhabo.
Cabdi Aadan Hoosow, Gudoomiyaha Gobolka Baay Wuxuu sheegay in ergadan laga sugayo soo dhisidda Maamul Mid ah oo ay yeeshaan Gobolada Lixda ah ee Sh/Hoose, Baay, Bakool Gedo iyo Balada Jubbo.
Maalmaha Soo aadan ayaa lagu wadaa inay soo dhameystiraan Maamulka Goonfur Galbed Somalia , inkastoo Siyaasada Dhismaha maamulkaas ay wataan rag Shaqsiyaad ah , inakstoo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia uu aqbalay dhowaan Dhismaha Maamulkaas.
Dowlada Somalia ayaa la daalaa dhceysa Qancinta Maamulka Jubba iyo ragga Siyaasada ahaan ay isaga soo horjeedaan waxaana dad badan ay qabaan Dhibaato kale oo culeyskeeda leh
Muqdisho (Caasimada online) Inta la Xaqiijiyay ilaa iminka Afar Qof ayaa ku geeriyootay oo laba kamid ah ay Haween ahaayeen , waxaana Dhaawac uu soo gaaray Afar kale kadib markii Gaari uu ku Fariin Goostay Goob ay dad badan ku sugnaayeen.
Gaarigan oo ahaa mid Xamuul ah ayaa waxa uu ku fariin koostay Barqonimadii maanta goob ay ku sugnaayeen Dad badan oo Shacab ah Agagaarka Masjidka Biya-maaloow ee magaalada Muqdisho.
Qof goob jooge ah ayaa sheegay in markii ugu horeysay ee uu Gaarigan Fariin goostay uu laba Ruux dilay Wadihii gaarigana uu isku dayay inuu yareeyo Khasaaraha hayeeshee ay dantu u awood sheegatay.
Gaariga ayaa ugu Dambeyn ku dhacay Dhisme ay ku sugnaayeen dad badan taas oo Khasaaraha ugu badan ee Shilkii Maanta uu ka dhashay, waxaana halkaasi isugu soo baxay dad weyne badan oo Gurmad ahaa.
Ciidamo ka tirsan kuwa dawlada oo ku sugnaa Saldhiga degmada H/wadaag ayaa qeyb ka ahaa dadkii gurmadka usameeyey shacabkii waxyeelada maanta kasoo gaartay Shilka gaari ee ka dhacay agagaarka Masjidka Biya-maaloow.
Dadkii uu dhaawaca soo gaaray ayaa waxaa loola cararay Xarumaha Caafimaad ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in Gaariga Dhibkan geystay uu ka soo Shiraacday Dekeda Magaalada Muqdisho .
Bur Burka Wadooyinka Muqdisho, iyo Xirfad yarida Wadayaasha Gaadiidka ayaa loo aaneeyaa inta badan Shilalka gawaarida .