30.9 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

Arrimo cusub oo kusoo kordhay shirka Jubbooyinka ee Muqdisho (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada online) Muqdisho waxaa Maanta Maalintii Labaada ka Furmay Shirka aayaha Gobolada Jubbooyinka , waxaana Madaxsha shirka ku sugan Dhamaan Ergadii kulankaasi ka qeyb galayay ee Gaaraya 150-Ka kana kala socday Labada Dhinac.

Wara ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Ergadii Shalay kulanka ka qeyb galay inay diideen Maanta ka qeyb galka Shirkaasi Kuwaas oo sida la sheegay tirsanaya Cadaalad Xumo lagula dhaqaaqay .

Maxamuud Seyid Aadan oo hore u ahaa Mudane Ka Tirsanaa Baarlamaankii Dowlada KMG aheyd  qeybna ka ahaa Ergadii Kulanka Shalay qeybta ka ahaaayaa sheegay  inay iminka iska diideen ka qeyb galka shirkaas  kadib Cadaalad Darro ay arkeen.

Qaar ka mid Ergadii Kulanka ee kasoo Jeeda Gobolka gedo aya la sheegayaa inay shirka ka qeyb galkiisa ka dhago adeegeen , Waxaana arintaasi ay sabab u dhigeen inay jirto dhaliilo ay shirkaasi kartabanayaan

Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia Ckariin Xuseen Guuleed, ayaa sheegay in Qaabka Shirka aergada loo soo xulau ay aheyd mid Cadaalad ah oo laga soo fikiray .

Wuxuu sheegay in Khilaaf mar waliba uu jiri karo Balse wuxuu sheegay in Jubbooyinka ay qeyb ka tahay Goobaha ay Colaadaha Dagaaladii ugu dambeeyay ay saameyn ku yeesheeen.

Mr Guuleed ayaa sheegay in Wixii ka dambeeyay Shirkii ADIS ABaba ee ay ku heshiiyeen Labada dhinac si loo dhameyo Khilaafaadka ka dhex jira Jibbooyinka waxaana uu tilmaamay inay Qeyb ka yihiin Iftiin Xasan Baasto, Cumar Curaale, Barre Hiiraale iyo Cabdi Baaleey oo Axmed Madoobed dagaal Toos ah kula soo galay Kismaayo.

Shirka Maanta ayaa ahaa mid Saxaafada loo diiday oo ay dibad joog ka ahaayeen , waxaana lagu wadaa in Shirkan si rasmi ah Bari uu soo dhamaado .

Halkaan Hoose ka dhageyso Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia

Halkaan ka dhageyso Wasiirka Arimaha Gudaha

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Maxay beesha Habar-Gidir ku diiday shirka Jubbooyinka, Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay shalay magaalada Muqdisho isugu yimaadeen waxgaradka Beesha  habar Gidir, ayay ku qaadaceen shirka dib u heshiisiinta Beelaha daga Jubooyinka, ee shalay ka furmay Muqdisho.

Xildhibaanada baarlamaanka ka tirsan,kuwo hore xildhibaano usoo noqday,siyaasiyiin,waxgarad iyo haween kasoo jeeda Beesha Habar Gidir ayaana kulankaasi ka qeyb galay, iyagoo sheegay in shirkaasi uu gaar u yahay Maamulka KMG ee Axmad Madoobe.

Beesha Habar Gidir ayaa ku doodeysa in wado qaldan loo maray shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka, isla markaana la xaqiray awoodii ay ku lahaayeen jubbooyinka, saami aad u yarna laga siiyay ergada shirka ka furmay Muqdisho.

Waxay sheegeen xubnaha shirka beesha Habargidir isugu timid ineysan aqoonsan doonin wixii kasoo baxa shirkaasi, isla markaana aysan u arki doonin shir dib u heshiisiineed, maadaama ay qeyb ka aheyd qabiilooyinkii ku dagaalamay Jubbooyinka.

Sawirrada kullanka

14

2434445463

 

Isku aaadka Horyaalka Heerka 1-aad ee Dalka oo la shaaciyay

Muqdisho (Caasimada online) Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa maanta shaaciyay isku aadka horyaalka heerka 1-aad ee dalka oo lagu wado in uu ka furmo garoonka stadium Banaadir maalinta jimcaha ee taariikhduna ku beegan tahay 8-da bisha November 2013.

Isku aadka ayaa looga dhawaaqay kulan heer sare ah oo maanta ka dhacay hotelka Global ee magaalada Mqudsiho.Kulanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay dhamaan xubanaha guddiga fulinta ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo madaxda naadiyad heerka 1-aad ee tartanka ka qeyb geli doona.

Sida ku cad isku aadka maanta la shaaciyay waxaa cayaata furitaanka isaga hor imaan doona naadiga heegan oo kaalinta 2-aad ka galay horyaalkii sanadkii hore iyo naadiga Gaadiidka oo ka mida naadiyada dib usoo noolaady ee horay dalkauga jiri jiray.

Tartanka ayaa la cayaari doonaa 5 maalmood todobaadkiiba waxaana la nasanayaa maalmaha sabtida iyo Axada oo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu sheegay in dadweynaha Soomaaliyeed ee kubada cagta jecel fursad loo siinayo in ay daawadaan cayaaraha kale ee caalamka oo inta badan Axad iyo Sabti la dheelo.

“Shaqada dib u dhiska ee ka socotay garoonka Banaadir ayaa dib u dhac u keentay tartankan oo lagu waday in uu furmo bishii September 5-teedii—wali qeybta VIP-da ee garoonka dhismeheedii inta badan wa dhiman yahay waxaase xiriirku go’aan ku gaaray in tartanka la bilaabo maadama sanadku sii dhamaanayo”ayuu munaasabada ka sheegay xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab.

Waxaa uu xoghayuhu intaa raaciyay inkastoo wali VIP-du aanay dhameystirneyn hadana in qeybaha kale ee garoonku ay awood u leeyihiin in tartan lagu marti geliyo madaama qeybo badan oo muhiim ah la dhameystiray.

“Waxaan ka rajeyneynaa FIFA in ay soo dhameystirto inta ka hartay dhismah aVIP-da oo ah qeybta bisha bilicda garoonka”ayuu yiri xoghayaha guud cabdi Qani Saciid Carab oo sheegay in qeybtaas dhismeheedu sii soconayo tartankana lagusii garab wadi doono.

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cali Siciid Guuleed Rooble oo kulankii maanta hogaaminayay ayaa ugu dambeyntii ku dhawaaqay in horyaalku uu si rasmi ah u furmi doono maalinta jimcaha ee inasoo aadan.

Somali Football federation Media Department
Email:[email protected]

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho

DUBAI oo noqotay magaalo Puntland

Dubai (Caasimada Online) Wariye ka tirsan VOA-da oo booqatay magaalada Dubai ee xarunta dalka isku taga imaaraadka carabta, ayaa soo sheegtay in magaalada ay noqotay meel ay isku bandhigaan musharrixiinta u taagan doorashada maamulka Puntland oo dhaceysa horaanta sannadka na soo aadan 2014-ka.

Wariye Faadumo Yaasin, ayaa sheegtay in magaalada laga dareemayo olole ballaaran oo ku aadan doorashadda Puntland oo ay u taagan yihiin 10-musharrax oo uu ku jirro madaxweynaha hadda xilka haya ee Cabdiraxmaan Faroole.

Magaalada Dubai waxaa ku nool Soomaali badan kuwaasoo ganacsiyo kala duwan ka sameeyay halkaas, waxaa kaloo jirta Soomaali ku jirta maamulka Imaaraadka carabta.

Musharrixiinta isku soo bandhigay Dubai, waxaa ka mid ah ra’iisal wasaarihii hore ee XKMG ah Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” iyo ganacsato caan ah.

Bulshada reer Puntland ee ku nool Dubai waxa ay si weyn u hadal hayaan doorashada ka dhaceysa deegannada Puntland, waxaana ay lee yihiin waxaan u baahanahay ayey lee hoggaamiye daacad ah oo hormariya Puntland.

Dadka odorasa arrimaha Puntland waxa ay lee yihiin doorashadda sannadka dambe, isbadal ay ku keeni kartaa Puntland, waxaana laga yabaa in ay ka dhacaan isbadallo xooggan ama uga yaraan uu xafiiska yimaado hoggaamiye cusub.

Wariyaha oo wareysatay qaar ka mid ah Soomaalida ku nool Dubai, waxa ay lee dahay  magaalada ma ahan in doorashada Puntland ay u noqotay meel lagu soo bandhiggo ee waxa weeye goob Soomaalida oo dhan ay ku soo bandhigaan hamigooda siyaasadeed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka |Dubai

[email protected]

VIDEO+SAWIRO: Xildhibaano ka tirsan BFS oo Belguim u yimid aqoon kororsi

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka DFS ayaa waxa ay soo gaareen caasimada midwoga Yurub ee wadanka Belguim kuwaasi oo ka kooban lix xubnood ka tirsan gudiga xuquuqul insaanka.

Wafdigan ayaa waxaa horkacayey guddoomiye kuxigeenka baarlamaanka Somaliya Jeylaani Nuur Iikar waxaana ay u socdaan ka qeybgalka todobaad aqoon kororsi ah oo loo sameynayo xubno ka socda baarlamaanada Somaliya iyo Uganda.

Waxaana tababarkan siineysa hay’ada Midowga Yurub u qaabilsan tababarada xildhibaanada Africa oo dhan waxaana si gaar ah loo bari doonaa ilaalinta xuquuqul insaanka.

Xildhibaan Bihaar Ugaas oo ah xogheynta gudiga xuquuqul insaanka oo socdaalkan ay ku yimaadeen Belguim la hadlay saxaafadda ayaa saxaafadda u sheegay inuu aqoon kororsigan u yahay mid qiimo weyn ugu fadhiya islamarkaana ay jecel yihiin sidii ay wixii ay bartaan dalka dib ugula laaban lahaayeen.

” Waxa aan halkan ka baran doonaa waxaa ka mid ah qaabka loo difaaco xuquuqul insaanka. Waxaana nala wadaagi doonaa aqoon kororsigan baarlamaanka Uganda.” ayuu yiri Xildhibaan Bishaar Ugaas.

Sidoo kale waxaa uu xildhibaan Bishaar Ugaas uu walaac ka muujiyey xaalka xuquuqul insaanka dalka Soomaaliya, isagoona si gaar ah dowlada Soomaaliya ugu eedeeyey inaysan wax badan ka qaban arrintaasi. Isagoona ka tacsiyeey geeriyda ku timid allaha u naxariistee Wariye Maxamed Maxamuud Timacade.

Xildhibaan Muuse Shiikh Cumar oo dhankiisa ka hadlay halkaasi ayaa sheegay inay midowga Yurub uga mahadcelinayaan dadaalka ay kor ugu qaadayaan aqoonta xildhibaanada baarlamaanka iyo gudiyada ay leeyihiin, sida midka ay iminka Belguim ku yimaadeen.

Xildhibaan Qaali Ahmed Diiriye ayaa sheegay inay wafdigooda astaan u yihin sidii loo tayey lahaa shaqada baarlamaanka Soomaaliya,iyaddoona sidoo kale rajo wanaag ka muujisay tababarka ay kala noqon doonto Belguim inay kula noqoneyso baarlamaanka Soomaaliya.

 

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo tababar loo keeno wadanka Belguim waxaase uu yahay gudigii labaad ee casumaadka hela baarlamaanka Midowga Yurub si uu tababar u siiyo.

HALKAN KA DAAWO WARKAASI OO MUUQAAL AH KALA BAXAY UNIVERSAL  TV:

Wixii warar ah ee kusoo kordha socdaalka xildhibaanadan kala soco wararkeena danbe iyo warbaahinta caasimada  oo halkaasi ku sugan.

Ciidan lagu maxkamadeeyey Muqdisho

Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Somalia ayay Maanta Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida waxay ku xukuntay Xarig labo sano ah kadib Amardiido uu sameeyay.

Afhayeenka maxkamada ciidanka qalabka sida ee dowladda Soomaaliya C/laahi Maxamed Muuse Keyse, wuxuu sheegay in sarkaalka la xukumay uu sameeyay amardiidoSidoo kalena uu gacan uqaaday  sarkaal kale oo ka sareeyay.

Wuxuu sheegay in maxkamada ciidanka qalabka sida ay u fariisatay 3/11/2013 dacwadan loo heystay Gaashaanle Sare Maxamed Yuusuf Xuseen oo ku magacdheer Kalafoge,  oo ka tirsan ciidamada dowlada Somalia

Waxaa laga qaaday Xilkii uu u hayay Ciidamda dowlada Somalia, waxaana Sidoo kale lagu xukumay in Muddo Laba sano ah uu xabsi ku jiro iyadoo Ciqaab looga dhigayo qalad ay Sheegtay maxkamadu inuu Sharciga ka galay.

Maxkamada Ciidamada qabalka sida ayaa inta badan Fulia Xukuno isugu jira Xarig sanado ah Ganaax iyo Waliba xukuno dil ah .

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka C/laahi Maxamed Muuse Keyse,

Maxkamada

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Mucjisada magaca Allaah & awooda ku xeeran marka lagu dhowaaqo + Video

0

Caasimada Online:  Muuqaal ku tusinaya Mucjisada Magaca Allah iyo Qiimaha uu lee yahay taa oo hadii aa daawato aad la ilmeyn doonto waxaadna arkeysaa arimo ku tusinaya in Xoolaha xitaa ay garanayaa Magaca iyo Qiimaha Magaca Allah.

Hadaba nala daawo muuqaalkaan cajiibka ah ee ku cibro qaadashada mudan waana Video si aad ah looga daawanaya Barta Muuqaalada ee Youtube-ka ee daawasho wacan.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Mas’uul ka tirsan DF oo la sheegay in ay xireen ciidamada Ethiopia oo hadlay

Dooloow (Caasimada Online) Gudoomiyaha maamulka degmada Doolow ee dowlada  Soomaaliya C/rashiid Xasan C/Nuur, “Janan”ayaa beeniyay wararka ku aadan in ciidamo ka tirsan dowlada Ethiopia ay xereen mar sii horeysay.

Mudooyinkii Dambe waxa Soo ifbaxayay wararka Sheegaya in Gudoomiyaha Dooloow Xabsiga ay dhigen Ciidamada Ethiopia ee Gobolka Gedo ku sugan , inkastoo iminka C/rashiid Xasan  uu si cad u beeniyay warkaas.

Wuxuu sheegay inuu Warkaasi uu yahay mid been abuur ah oo aysan waxba ka jirin waxaana uu tilmaamay inuu Camaareynayo , isagoo Meesha ka qaasar Sabab Ciidamada Ethiopia a isaga ku xiri karaan .

Mar uu ka hadlayay Xiisada wali ka jirta Degmada Bedel Xaawo ee Gobolkaasi Gedo ayuu sheegay inay tahay mid aad looga Xumaado, waxaana uu ku baaqay in Wax waliba lagu dhameeyo wadad hadal labada Dhinac ee is hayana inay Xalka nabada Raadiyaan .

Inkastoo Saraakiish Ciidamada Ethiopia aysan ka hadlin hadana waxaa jiray warar Soo baxayay oo sheegayay in la Xiray C/rashiid Xasan C/Nuur, “Janan” Gudoomiyaha Degmada Dooloow ka gadaal markii lagu eedeeyay inuu wax ka hurinayo Colaada Gobolka inkastoo la sii dayay markii dambe, Walow uu warkaasi beeniyay.

Caasimada Online

Xafiiska Dooloow

[email protected]

Ghana oo arrimaha Soomaaliya looga been sheegtay iyo sarkaal ka hadlay

Saraakiisha booliska dalka Ghana ayaa beeniyay wararka ku aadan in ciidamo boolis ah oo ka socda dalkasi ay ku sugan yihiin dalka Soomaaliya, kuwaasi oo la sheegay 90 sarkaal oo ciidamada booliska dalka Ghana ah.

Mr Cephas Tetteh, madaxa xiriirka booliska iyo bulshada Ghana ayaa hadalkiisa kusii daray inuusan jirin wax qorshe ah oo saraakiisha amaanka Ghana loogu soo diro dalka Soomaaliya si ay qeyb kaga noqdaan howlgalka AMISOM.

Warka ku aadan in saraakiil ka tirsan Ghana ay ku sugan yihiin Somalia ayaa lagu baahiyay website ay adeegsadan ciidamada AMISOM, kaasi oo lagu sheegay in nabad galyada Soomaaliya ay qeyb ka qaadanayaan.

Saraakiisha ciidamada booliska ee ku sugan Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay gaarayaan 363 sarkal, kuwaasi oo ka kala yimid 7 dal oo ku yaala qaarada Africa oo ay kamid yihiin Nigeria, Uganda, Zimbabwe, Sierra Leone, Ghana iyo Gambia, ayaa lagu yiri warka AMISOM.

Waxaana la sheegay saraakiishaasi inay tababar siiyaan ciidamada booliska dowlada Soomaaliya, waxaana la baraa la dhaqan bulshada iyo gudashada waajibaadkooda.

Inkastoo ay sidaasi ay jirto ayaa haddana dowlada Ghana waxay beenisay in saraakiil boolis ah ay kaga sugan yihiin dalka Soomaaliya, kuwaasi oo tababar bixinaya kana mid ah ciidamada booliska AMISOM.

Maxaadan ogeyn oo ay Soomaalida ku nool dalka Sacuudiga wajahayaan?

Jidah (Caasimada Online) Ciidamada dalka Sacuudiga ayaa Maanta oo Isniin ah Bilaabaya Howlgalo ka dhan ah Dadka Soo galootiga ah ee ku nool Dalkaasi kadibamar kasoo baxay wasaarada Arimaha Gudaha dowlada Sacuudiga.

Cabdi Ibraahim, Wuxuu ka mid yahay Soomaalida ku nool Sacuudiga Warbaahinta ayuu u sheegay inay qabaan Casi  ku aadan Raafkan ay bilaabayaan Ciidamada Dowlada Sacuudiga ee Lagu baacsanayo Ajaaniibta soo galootiga ah Somalidana ay qeybta ka tahay .

Wuxuu sheegay in Cadsi ay qabaan Darteed iminka ay ku jiraan guryaha Dhexdooda oo aysan Magaalada Aadi karin , waxaase uu sheegay in Wasaarada Arimaha Gudaha dalkaasi ay ka dhawaajisay in Xafiisyada, Goobaha Shaqada iyo Xaafadahadaba ay ciidamadu ay howlgada ka bilaabi doonaan .

” Dowlada Sacuudiga  waxay ku Amartay Ciidamadeeda inay Baaraan Xaafadaha Min Guri Giri , xaafis Goob Shaqo Mana aha Somaliada oo Kaliya waxa la baadi goobayo , waxaa  ka mid ah , Yemen , Erhtiopian, Indonesian, Syrian, adigu dalal badan ayaa ka mid ah .

Sacuuda ayaa ka mid ah dalalka ay inta badan Soomaalida u shaqo doontaan , waxaana sidoo kale ku nool Ajaanib kale oo kala taga qeybo ka mid ah wadamada Aasiya iyo qaar ka mid ah dalalka Africa oo Ethiopia ay ka mid tahay .

Dhawaan ayay dowlada dalkaasi waxay si cad u sheegtay inaysan aqbali karin in qof sharci la aan ah ama aan wakiil lag aheyn inuu ku noolaado dalkaasi .

Halkaan ka dhageyso Cabdi Ibraahim

Cabdi Ibraahim

Caasimada online

Xafiiska Jidah

[email protected]

Mid ka mid ah beelaha ka qeyb galaya shirka Jubooyinka oo go’aan gaartay

 Muqdisho (Caasimada Online) Mid ka mid ah beelaha ka qaybgalay shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka ayaa maanta markii la furay shirka isaga baxday, waxaana ay sheegtay in shirkaas loo qabtay labo beel oo kaliya.

Beesha shirka ka baxday oo ah Dir, ayaa afhayeen u hadlay oo lagu magacaabo Axmed Maxamed oo loo yaqaano Macalin Barre, wuxuu shir jaraa’id ku qabtay Hotel ku yalla Muqdisho, wuxuu sheegay in shirkaas loo qabtay beelaha Daarood iyo Hawiyo sida uu hadalka u dhigay.

“Annigoo ku hadlaya beesha dir,waxaan halkan ka sheegayaa in shirkii maanta ka dhacay Muqdisho in aan isaga baxnay, waayo ma ahan shir naquseeya” ayuu yiri Macallin Barre.

Wuxuu baaq u diray beelaha kale ee ka qaybgalaya shirka, wuxuuna ka codsaday in ay shirka isaga baxaan.

Ugu dambeen, Macalin Barre, ayaa tilmaamay in ay baaq degdeg ah  u dirayaan xildhibaannada iyo wasiirrada ka soo jeeda beesha Dir ee ku jirra dowladda, waxaana uu yiri waa in ay 48-saac gudahood ay isugu yimaadaan shir ka dhacaya Muqdisho kaasoo loogu sheegayo go’aanka beesha ay ka qaadatay shirka Jubbooyinka ee Muqdisho.

Ma jirto ilaa hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda oo ku aadan beesha Dir oo shirka isaga baxday.

Dhinaca kale, shir looga soo horjeedo shirka Jubbooyinka ayaa maanta ka furmay magaalada Baydhabo, waxaana looga hadlayaa siddii maamul gobaleed loogu sameen lahaa lix gobal oo ay ku jiraan Jubbooyinka iyo Gedo.

Shirkaas waxaa dabada ka riixaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo siyaasiyiin caan ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

“Madaxweyanaha waxa uu la wareegay shaqadii Saacid tiisana Faarax C/qadir ayaa la wareegay” Waxaa sidaas yiri….!

Muqdisho (Caasimada Online) Isagoo la hadlaayay Idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho, aqoonyahan Maxamed Amiin, wuxuu sheegay madaxweynaha Soomaaliya in uu la wareegay howshii uu lahaa raysal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Wuxuu aqoonyahankan sheegay in shaqadii madaxweynaha uu la wareegay wasiirka madaxtooyada Faraax Cabduqaadir sida uu hadalka u dhigay.

“Anniga haddii aan qiimeen ku sameeyo sida ay hadda wax ku socdaan, madaxweynuhu wuxuu la wareegay shaqadii raysal wasaaraha isaga ayaa aada safarada dibedda iyo kuwa gobalada, shaqadii madaxweynaha waxaa iska heesta Faraax Cabduqaadir oo ah wasiiru dowlaha madaxtooyada” ayuu yiri aqoonyahan Maxamed Amiin.

Wuxuu kaloo sheegay in raysal wasaaraha uu u jiro magac ahaan balse shaqadiisa oo dhan uu ku fadhiyo madaxweynaha, taasna dowladnimo ma ahan ayuu yiri markale.

Si kastaba markii ugu horeysay oo hadalkan oo kale la sheego, waxaa horey u jiray khalfoof iyo siwir gacmeed muujiya sida uu ra’iisal wasaaruhu habsaam uga yahay shaqadiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Axmed Madoobe oo amaanay Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) Hoggaamiyaha maamulka kumeel gaarka ee Jubba, Axmed Maxamed Islaam oo loo yaqaano Axmed Madoobe, oo maanta ka hadlaayay shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka ayaa khudbadiisa ku soo hadal qaaday dowladda Ethiopia iyo doorkii ay ku lahayd shirkii Addis Ababa ku dhexmaray dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo maamulkiisa.

Wuxuu si gaar ah u amaanay dowladda wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia, Dr. Tedros Adamos, wuxuu sheegay in uu ninkaas habeen iyo maalin uu ku dedaalay siddii heshiis iyo is-afgarad uu u dhexmari lahaa ergadii dowadda iyo maamulka Jubba.

“Waxaan rabaa in aan halkan ka sheego shirkii Addis Ababa, dad badan waxa ay u heestaan in uu ahaa mid si fudud ku dhacay,maya sidaas ma ahayn, waxaa doorweyn ku lahaa dowladda Ethiopia, Ethiopia waxa ay rabtaa Soomaaliya oo nabad ah, wasiirka arrimaha dibedda hadal ladii uu sheegay waxaa ka mid ahaa Ethiopia ma ahan tii aad taarikhda ku soo barateen, waa mid dooneysa in ay gogol nabadeed u fidiso Soomaaliya” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale, hoggaamiyaha kumeel-gaarka ee Jubba wuxuu amaanay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, wuxuu tilmaamay intii uu socday shirkii Addis Ababa, taleefonka kama bixin oo waxa ay la haayeen waa in aad heshiis gaartaan oo aad tanaasulaad muujisaan.

Ugu dambeen nuxurka khudbadii Axmed Madoobe, waxaa ku jirtay mar uu la hadlaayay ergada joogtay shirka oo uu lahaa haddii dooneysaan in uu hirgalo shirkan waa in la muujiyaa tanaasulaad iyo wax wada qabsi iyadoo loo daneenaayo dadka degga Jubbooyinka.

Shirka arrimaha Jubbooyinka ayaa socon doona muddo seddax cisho ah, waxaana gabagabadiisa lagu wadaa in uu ka hadlo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Shir kan Muqdisho ka dhan ah oo maanta Beydhabo ka furmay

Beydhabo (Casimada Online) Beydhabo waxaa Maanta ka furmay Shir  looga soo horjeeday Shirka Muqdisho Maanta Ka furmay ee looga hadlayay aayaha gobolada Jubbooyinka iyo Gedo , laguna dhameystirayay Qorshaha Maamulka Koonfur Galbeed Somalia.

Suldaan Shariif Cali Xasan Ibraahim, oo ka mid ah dadka hor bodaya Dhismaha Maamulka Koonfur galbeed Somalia ayaa sheegay in Ujeedka Shirkoodu inuu yahay  mid ay uga soo horjeedaan shirka Muqdisho maanta ka Furmay.

Sidoo kale Wuxuu sheegay in Kulankooda maanta ay uu salka ku hayay dhameystirka Maamulka Koonfur Galbeed Somalia, si sida ugu dhaw Lixda gobol ee Baay , Bakool Labada Jubba, Gedo iyo Sh/hoose .

“Dhowaan waxaan si cad u sheegnay markii uu naga batay ciilka iyo carada dowlada Somalia inaan kalsoonidii kala laabanay, Laakiin Guddomiyaha Baarlamaanka Somalia oo nooyimid isaga iyo 60 Xildhibana waxay noo sheegeen inaan Sameysan karno Maamulkeena Laakiin iminka waxaa muuqaneysa in balantaasi laga baxay Muqdishana shaqsiyaad lagu kool koolinayo ” ayuu yiri Suldaanka .

Muqdisho waxaa Maanta ka furmay Shir looga hadlayo aayaha Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, inkastoo Beydhabana uu ka furmay mid kaas kasoo horjeeeda oo looga hadlayi aayaha Lix gobol oo Koonfurta Somalia ka mid ah .

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka  Suldaan Shariif Cali Xasan Ibraahim

Suldaan Shariif cali xasan Ibraahim

Caasimada online

Xafiiska Beydhabo

[email protected]

Sawirro: Shirka Jubooyinka oo furmay iyo Axmed Madoobe oo hadlay + Cod

Muqdisho (Caasimada online) Sida wararka aan iminka heleyno ay sheegayaan Goor dhaw u Furmay Shirka Arimaha Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo iyadoona ka qeyb galayaasha kulankaasi ay iminka ku wada sugan yihiin Madasha kulanka ayna soconayaan Qudbadaha Mas’uuliyiinta labada dhinac.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)oo madasha kulanka ka hadlay wuxuu inuu ugu baaqayo  Dadka kasoo jeeda Jubbooyinka inay gacmaha is qabsadaan kana tanaasulaan is qab qabsiga ka dhex jira.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia C/kariin Xuseen Guuleed,  wuxuu sheegay in Shirkan uu yahay kii lagu dhameyn lahaa Colaada Jubbooyinka ka jirta  isla-markaana uu qeyb ka yahay Waxyaabihii ay kusoo heshiiyeen Maamulka Jubba iyo Dowlada Somalia.

Wuxuu sheegay in dad badan ay is weydiinayaan Shir 3 Maalin kaliya soconayo miyaa khilaaf jira lagu dhameyn karaa ? Taasina wuxuu sheegay inay ka rajeynyaaninaysan niyad jab ku keeni doonin isla-markaana uu guul ku dhamaan doono

” Waxaa macquul ah inay dadka Soomaaliyeed is weydiinayaan Shir Seddex maalin soconayo Xal laguma gaari karo laakiin waxaan qabaa fikir ah Dadka Soomaaliyeed waxaa looga bartay waxyaabo Mucjiso ah ama aam mcquul gal aheyn sidaas darteed waxaan rajeynayaan in mudadaasi kooban la isku fahmi doono gacmahana la is wada qabsan doono ” ayuu Yiyi Wasiirka arimaha Gudaha Somalia.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia

wasiirka

Hogaamiyaha Maamulka Jubba ayaa sheegay dhankiisa in Shirkaan uu yahay mid weyn oo hordhac u ah shirka Wajiga labaad ee Kismaayo ka dhici doono kaas oo khilaafaadka Jubbooyinka lagu soo af jari doono .

Dhankooda ayuu sheegay inay mar waliba diyaar u yihiin nadab ku wada noolaanshiyaha shacabka wada dega Jubbooyinka iyo Gedo , ayna rajeynayaan inay waxyaabo mira dhan inay kasoo baxaan shirkan .

Halkaan Hoose ka dhageyos Codka Axmed MADOOBE

Axmed madoobe

jub 1jub 2jub 3jub 4jub 5jub 6jub 7

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DAAWO VIDEO: Bilicda iyo horumarka Garoonka Caalamiga ee Aadan Adde.

0

Caasimada Online: Garoonka Aadan Adde oo noqday Bilicda Koowaad ee Magaalada Muqdisho asagoo si xowli ah ay uga socdaan howlo shaqo oo indhahaada soo jidaayaan kuwaa oo u badan diyaarado aan horay looga baran oo soo caga dhiganaya Garoonka Caalamiga ah ee Aadan adde Airport.

Dhanka kale Garoonka ayaa waxaa buux dhaafiyay Shacab aad u fara badan oo ka soo laabanaya Qurbaha ayagoo dib ugu soo noqonaya Magaalada Caasimadda ah ee muqdisho oo laga dareemayo daganaansho ka roon sidii hore ee nala daawo muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO: