30.9 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

Maxkmadda London oo gaartay go’aan Soomaalida farxad geliyey (Dhageyso)

London (Caasimada Online) – Maxakadda Sare ee London ayaa ku amartay bangiga Barclays in aanu joojin karin adeegga uu hayo Dahabshiil, taasoo ka dhigan in macaamiisha shirkadda ay awoodi doonaan inay sii wadaan dirista lacagaha ay u diraan eheladooda ama ay sii wadaan maalgashiga iyo dib u dhiska dalkooda.

Bangiga Barclay’s ayaa horey u qorsheeyay inuu joojiyo adeegyada uu u fidiyo xawaaladaha Soomaalida, gaar ahaan Dahabshiil, kadib markii ay soo baxeen walaac dalalka reer Galbeedku ay ka qabaan lacago la isdaba mariyo.

Shirkadda Dahabshiil ayaa ah tan ugu balaarran shirkadaha xawaaladaha  Soomaalida, waxaana ay si gaar ah ugu adeegtaa ilaa iyo 100,000 Somali ah oo ku nool dalka Britian, waana taa sababta uu xaakimka maxkamadda sare ee London uu u taageeray dacwadda Dahabshiil.

Madaxa shirkadda Dahabshiil Cabdirashid Maxamed Saciid oo VOAda uga warramay arrintan ayaa ku tilmaamay guul ay gaareen dhammaan shacabka Somaliyeed iyo shirkadda Dahabshiil.

Wareysiga Cabdirashid halka Hoose ee qoraalkan ka dhageyso.

Caasimada Online

Xafiiska London

[email protected]

DHAGEYSO: Tarsan oo hadal aan looga baran ka yiri Muqdisho iyo Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Onine) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa ka dhawaajiyay iney isku xermeen Muqdisho iyo Kismaayo, isla markaana wuxuu fariin cod dheer ah xambaarsan u diray shacabka Soomaaliyeed.

Tarxan ayaa hadalkan ka jeediyay xasho uu xalay maamulka Gbolka u sameeyay ergada ka qeybgaleysa shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka.

“Muqdisho iyo Kismaayo wey isku xermeen, Muqdisho ma socon karto Kismaayo la`aanteed, Baydhabo iyo Hargeysana kadaalika. Gobol wax noqon karana ma jiro isagoo aan ku xirneyn gobolada kale” ayuu yiri Mudane Tarsan.

Tarsan wuxuu sheegay in Muqdisho la’aanteed aysan waxba noqon karin magaalooyinka kale maadaama buu yiri ay Hooyadii dalka tahay Muqdisho.

Dhanka kale waxaa munaasabada cashada ka hadlay Axmad Madoobe oo ka mahad celiyay munaasabada loo sameeyay ergada, isagoo sheegay in wax kasta ay diyaar u yihiin oo xal lagu gaari karo, isagoo sheegay iney diyaar u yihiin iney gogol nabadeed u fidiyaan beelaha Gobolada Bay iyo Bakool ee dhaliilsan shirka dib u heshiisiinta iyo maamulka hoggaamiyo.

Dhageyso Hadalka  Tarsan iyo khudbadaha kale

Khudbadaha

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Reer Gedo oo diiday Shirka Muqdisho

Luuq  (Caasimada online) Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Gedo ee Dowladda Maxamed Cabdi Kaliil, wuxuu sheegay in reer Gedo ay ka soo horjeedaan Shirka ka soconaya Muqdisho maalintii seddexaad ee aayaha Jubbooyinka iyo Gedo looga hadlayo.

Wuxuu sheegay in dhankooda aysan waxba ka quseyn waxaa kasoo baxa shirka Muqdisho ka soconayo ee ay goboshiisa ay dhigtay dowlada Somalia loogana hadlayo xalinta qilaafaadka gobolada Jubboyinka iyo gdo ka taagan

Maxamed Cabdi Kaliil , wuxuu shaaca ka qaaday inay isu diyaariyeen ka qeyb galka shirka Muqdisho hayeeshee dowlada Somalia ay ka wayeen ixtiraam iyo xushmeyn sidaasi darteedna ay dib uga laabteen go’aankoodii ahaa ka qeyb galka shirkaas.

Dowladda, Somalia ayuu ku eedeeyay in ay xagal daacin ka dhex bilowday beelaha degga Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo. ,waxaana uu sheegay in beel hgaaar ah ay siisay awooda goboladaas sida uu sheegay .

Odayaasha dhaqanka ee shirkaas Jubbooyinka iyo Gedo u matalya ayuu ka dalbaday inay ka fiirsadaan dowlada Somalia oo uu sheegay inay u kala eexaneyso beelaha goboladaas, waxaana uu sheegay in go’aanka uu yahay mid iyaga gacantooda uu ku jiro.

Si kasto tan iyo markii u bilaawday shirka arimaha Jubbooyinka iyo Gedo waxaa soo ifbaxayay dhaliilo ay muujinayaan beelaha qaar oo ku aadan inay dowlada Somalia  beelaha gaar ay u eexaneyso .

Caasimada online

Xafiiska Luuq

[email protected]

Safaaradda Masar oo Muqdisho dib looga furayo

Muqdisho (Caasimada Online) Dowladda Masar ayaa shaacisay in maalmaha soo socda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ay ka furan doonto safaarad cusub, waana markii ugu horreysay oo in kabadan 20 sanno ay saafad ka furato Soomaaliya.

Safiirka cusub oo lagu magacaabo Maxamuud Cowl,ayaa hadda soo gaaray magaalada Nairobi ee caasimada Kenya, waxaana  uu ku soo wajahan yahay magaalada Muqdisho.

Safiirka cusub ayaa la magacaabay bishii June ee sannadkan, waxaana diplomaasigan uu horrey uga soo shaqeeyay waddamo dhowr ah oo ay ku jirto Saudi Arabia.

Dowladda Masar, waxa ay sheegtay in la  dhammeestiray dhismaha safaaradda cusub oo laga dhisaayo meel bannaanka ah caasimada Muqdisho.

Xafaladda furitaanka safaaradda cusub waxaa ka qaybgali doona diplomaasiyiin iyo mas’uuliyiin ka socda Masar waxaana ka mid ah wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Maxamed Kamaal Camar.

Masar waxa ay ku biiri doontaa waddamo badan oo safaarado dib uga furtay caasimada Muqdisho dhowrkii sanno ee la soo dhaafay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

DHAGEYSO: Qorshaha DFS ee beelaha dhaliilsan Shirka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Xukuumada Somalia ayaa sheegtay in Siyaasiyiinta iyo waxgaradka dhaliilsan Shirka Muqdisho in arintooda lagu xalin doono  shirka dhowaan lagu wado inuu Kismaayo ka furmo.

Wasiirka  arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumada Somalia C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa sheegay inay jiraan Siyaasiyiin iyo waliba beelo badan oo dhaliilsan shirka Muqdisho maalintiisii Seddexaad ka socda ee arimaha Jubbooyinka looga hadlayo.

Wuxuu sheegay in Shirkan midka xiga ee Kismaayo dhowaan ka dhici doono in lagu soo afjari doono colaadaha Jubbooyinka , waxaana uu sheegay in Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Shirka muqdisho iminka ka maqan in arintooda shirkaas dambe lagu xalin doono.

Dhamaan dhinacyada Jubbooyinka kasoo jeeda ee isugu jira kuwa shirka qeybta ka ah iyo kuwa dhaliilsanba inay taageeraan go’aanada shirkaasi kasoo baxa si looga gudbo is jiid jiid dambo oo jubbooyinka ka dhaca .

Beelaha qaar ayaa sheegaya in la xaqiray laguna sameeyay cadalad daro weyn sida ay ku dacwoonayaan waxaana jira kulamo gaar gar ah oo ay yeelanayaan inkastoo waqtiga shirka uu dhamaad ku dhawyahay saacada soo aadana lagu wado inuu soo idlaado .

Halkaan Hoose ka dhageyso Wasiirka Arimaha gudahja somalia

Wasiir

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xildhibaano iyo Jaaliyadda Holland oo kullan muhiiim ah yeeshay + Video

Xildhibaanadii baryahanba socdaalka ku marayey qaarada Yurub ayaa waxaa ay markii ugu horeysay soo gaareen wadanka Netherlands caasimadiisa Amsterdam halkaasi oo ay kula kulmeen qaar ka mid ah jaaliyada Soomaaliyeed ee wadankaasi.

Kulankan xildhibaanada oo ahaa mid ay soo qabanqaabisay hay’adda HIRDA ee fadhigeedu yahay Amsterdam balse howlo caawinta waxbarashada, caafimaadka, haweenka iyo dib u dhiska dalka ka wada Soomaaliya ayaa waxaa marti ku ahaa xildhibaanada kala ah Xildhibaan Bishaar Ugaas, Xildhibaanad Qaali Ahmed Diiriye iyo Xildhibaan Muuse Shiikh Cumar.

IMG_6856

Waxaana shirkan looga wadahadlayey sidii ay xildhibaanada xog dhab ah uga siin lahaayeen jaaliyada xaalka Soomaaliya iyo dadaalada ay wado dowlada Soomaaliya, waxaana dhankoodana ay doonayeen inay dhageystaan aragtida qurba-joogta ee ku aadan dib usoo celintii sharaftii dalka Soomaaliya.

Xildhibaan Bishaar Ugaas ayaa ugu horeyntii waxaa uu sheegay in dalka iminka uu kasoo kabsanayo ammaan xumadii wixii ka danbeeyey bishii sideedad isagoona si gaar ah dowlada ugu ammaanay inay laamaheeda ammaanka ku shaqada leh arrintaasi waqti badan geliyeen.

IMG_6847

Dhinaca kale waxaa uu sheegay inuu dalka horumar xoogan oo ah dib u dhisida uu ka socday oo ay qeyb arrintaasi ka ahaayeen qurba-joogta Soomaaliyeed,kuwaasi oo uu sheegay in aan la’aantood wax badan dalka ka qabsoomeyn.

Xidhibaanad Qaali Ahmed Diiriye ayaa waxay sheegtay inay  ku faraxsan tahay la kulanka jaaliyada Soomaaliyeed ee Holland islamarkaana wixii ay aragti soo gudbiyeen ay la wadaagi doonaan xubnaha kale ee Baarlamaanka marka ay ku noqdaan, iyaddoona rajo wanaag  ka muujisay in siyaasada door muuqda laga siiyo haweenka Soomaaliyeed.

IMG_6889

Xildhibaan Muuse Shiikh Cumar ayaa isagana sheegay in dowlada hadda jirta ay ku guuleysatay dib usoo celinta xirirkii siyaasadeed oo ay dunida kale la laheyd. Waxaana uu si gaar ah u sheegay inay Muqdisho maalinkasta yimaadaan madax dalal magac leh kuwaasi oo dib u howlgelinaya safaaradihii ay lahaayeen iyo soo magacaabista safiiro u jooga Muqdisho.

IMG_6904

Dhinaca Jaaliyada:

Ali Awaare oo ah  agaasimaha jaaliyada Amsterdam ayaa waxaa uu sheegay inay soo dhaweynayaan dadaalada ay dowlada wado laakiin waxa uu baarlamaankan yimid Holland ka  codsaday ka shaqeynta marka uu xilkooda dhamaado inay dalka gaarsiiyeen doorasho xor ah iyo nidaamka xisbiyada badan, si looga gudbo buu yiri arrintan qabiilada wax lagu soo xulayo.

IMG_6845

Ruqiyo Cadow oo ah guddoomiyaha ururka AASIYA oo shirkan  kasoo qeybgashay ayaa waxaa ay ku tilmaantay waqtiga hadda lagu jiro mid muujinaya rajo dowladnimo oo cagta la saaray, Waxaase ay dhaliil xoogan u jeedisay fariin laga sii daayey TV-GA QARANKA  taasi oo lagu sheegay mid lagu doonayo in dib loo soomaaliyeeyo dadka Qurba-joogta ah kuwaasi oo lagu tilmaamay inaysan qalbiga Soomaali ka aheyn.

” Ma aqbali karno in fariin shaki gelineysa Soomaalinimadeena laga sii daayo TV-ga Qaranka uu leeyahay waliba mid muujineysa  ku xadgudub xuquuqdeenii muwaadinimo. Haddiise la joojin waayo arrintaasi waxaan idin sheegayaa in cida Soomaalisan qurba-joogta iyo gudaha-joogta ay yihiin Qurba-Joogta” ayey tiri Ruqiyo Cadow.

IMG_6879

Abdi Ali Xoosh oo ah guddoomiyaha ururka African Daryeel ayaa xildhibaanada ka codsaday inay si weyn oo dhab ah ugu shaqeeyaan shacabka, waxaana uu si gaar ah uga dalbaday in aan waxba laga badelin 10 wasaaradood ee hadda dhisan.

” 10 wasaaradood oo hadda inoo dhisan waxaan codsan lahaa in na loo daayo, sababtoo ah sanadkii ay jireen wax badan ayey qabteen, haddii kale sheekadii qabiilka ayaa dib loogu noqonayaa.” ayuu yiri Abdi Ali Xoosh.

IMG_6867

Abwaanad Jawaahir Ahmed ayaa guud ahaan dowlada Soomaaliya gaar ahaan baarlamaanka kula dardaarantay inay ka shaqeeyaan midnimada islamarkaana ay tusaalooyin fiican ka qaataan dalalkan horumaray oo ay yimaadaan.

Sahro Muuse ayaa dhankeeda waxaa ay sheegtay in ay muhiim tahay wasaarad ku shaqo leh dib u dejinta dadka qurba joogta ah lagu soo daro xukuumada cusub ee la soo dhisayo, maadaama bay tiri dad badan ay iminka diyaar u yihiin dib ugu noqoshada Dalka Soomaaliya.

IMG_6741IMG_6739

Fadumo Maxamed Farax oo ah agaasimaha hay’adda HIRDA ee kulankan qabatay ayaa ugu danbeyntii qaadatay hadalka xiritaanka  waxaana ay sheegtay inay baarlamaanka ka filayaan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen gobollada ay kasoo kala jeedaan oo ay tahay inay tagaan si baahida dhabta ah ay usoo gudbiyaan oo aysan Muqdisho un iska fadhiyin. Waxaana sidoo kale ay si gaar ah uga dalbatay haweenka ku jira baarlamaanka oo ay Qaali Ahmed Diiriye ka socotay inay ka shaqeeyaan sidii lagu joojin lahaa gudniinka fircooniga oo ah  bay tiri mid qatar ku ah nolosha dumarka.

Waxaana ugu danbeyntii halkaasi la guda galay casho sharaf loo sameeyey xildhibaanadan da’dayar ee socdaalka ku maray qaarada Yurub dalal ka mid ah kuwaasi oo markii uu kulankaasi dhamaaday dib ugu noqday wadanka Belguim oo uu shir uga socdo.

IMG_6895

HALKAN KA DAAWO WARKA KULANKAASI EE UNIVERSAL KA BAXAY: 


Sayid Ali Maxamed “Caseyr”
Amsterdam, Netherlands.

IMG_6900IMG_6890IMG_6887IMG_6885IMG_6884IMG_6858IMG_6839IMG_6838IMG_6835IMG_6829IMG_6827IMG_6816IMG_6775IMG_6762IMG_6763IMG_6798IMG_6801IMG_6807IMG_6843

Isbaheysiga Col. Barre oo si hordhac ah u aqoonsaday maamulka Jubba

Muqdisho (Caasimada Online) Sida warar soo baxaya ay sheegayaan isbaheysiga uu hogaamiyo Cornel Barre Aadan Shire “Barre Hiiraale”  ayaa si hordhac ah u aqbalay aqoonsiga  maamulka KMG ah ee Jubba ee Axmed Madoobe uu hogamiyo .

Isbaheysigan oo dagaal toos ah Kismaayo kula galay Hogaamiyaha Maamulka Jubba ayay Guddiga farsamada shirka dib u heshiisiinta ee ka socda Muqdisho waxay sheegeen inay diyaar u yihiin Nabad ka dhalata Jubbooyinka

Sarkaal ka tirsan Isbaheysiga uu Barre Hiiraale Hogaamiyo ayaa sheegayinay aqoonsadeen  si hordhac ah Maamulka Jubba ee ka arimiya gobolada Jubbooyinka Axmed Madoobana uu majaraha u hayo.

Abuukar Macalin oo ah Sarkaal ka tirsan Isbaheysiga kasoo Horjeeda Axmed Madoobe ayaa Shaaca ka qaaday in  iyaga oo fiirinaya nabadgelyada gobolada Jubbooyinka ay si hordhac ah u aqoonsadeen maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Wuxuu sheegay inaysan jirin wado ay kaga hor imaan karaan ama ay ku diidi karaan Maamulkaasi oo uu tilmaamay inuu aqoonsi iyo garab buuxo ka heysto dowlada Federaalka ah ee Somalia .

“Annaga iyo maamulka Jubba ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe waxaan isla go’aansanay in nabadda laga wada-shaqeeyo, sidoo kale heshiiska aan sida hordhac ah u gaarnay waxa uu dhigayaa in marka uu xilka ka dhamaado maamulka Axmed Madoobe ay dhacdo doorasho xor ah oo aan wax faragelin ah lagu sameynaynin” ayuu yiri Abuukar Macalin

Waxaa la qorsheynayaa in Shirka arimaha Jubbooyinka iyo Gedo oo maalintiisii Seddexaad galay in galabta lasoo gaba gabeeyo , iyadoona ay xusid mudan tahay in shirkan wajigiisa Labaad Kismaayo lagu qaban doonoi dhowaan .

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawirro: A/Madoobe iyo Axmed Diiriye oo xabadka isa saaray iyo hadal qiimo leh oo uu Diiriye jeediyey (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Marar badan ayey Axmed Diiriye iyo Axmed Madoobe hawada isu marsiiyeen hadallo kulul ayaga oo siyaasad ahaan iska soo horjeeda, balse sheeko taas ka duwan ayaa xalay ka dhacday Muqdisho.

Labada Axmed ayaa ka wada qeyb galaya shirka arrimaha Jubbooyinka ee magaalada ka socda, waxaana markii ugu horeysay ay yeesheen kullan fool ka fool ah, kadib xaflad xalay ka dhacday Muqdisho.

Warbaahinta ayaa soo sawirtay labada Axmed oo gacmaha is heysta, islamarkaana xabadka isa saaray.

Dhinaca kale hadal uu ka jeediyey munaasabadda, ayaa Axmed Diiriye, waxa uu ka sheegay inay muhim tahay in laga wada shaqeeyo sidii Somalia ay horey ugu socon lahayd, la iskana hilmaamo wixii hore.

Axmed Diiriye waxa uu si gaar ah Axmed Madoobe uga dalbaday cafis, sheegayna in dhankiisa uu cafiyey, isaga oona ka qosliyey oo sacab badan ka muteystay ka qeyb galayaasha shirka.

Halka ka hoose ka dhageyso codka Axmed Diiriye.

Axmed-Diiriye

Halkan ka daawo sawirrada.

laba axmedlaba axmed 2

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Howlaha garoonka AADAN CADDE oo halis ugu jira inay istaagaan, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Muran soo kala dhex galay maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde International ee magaalada Muqdisho iyo wasiirka warfaafinta, boostada iyo is-gaarsiinta Somalia, ayaa halis gelinaya howlihii shaqo ee garoonka.

Arrintan ayaa la xiriirtay amar uu wasiirka soo saaray oo maamulka garoonka uu diiday, taasi oo la xiriirta in kaar aqoonsi ay yeeshaan shaqaalaha.

Wasiirka warfaafinta Somalia C/llaahi Ciil Mooge ayaa Warqad kasoo baxday xafiiskiisa waxaa lagu amray dhamaan shaqaalaha garoonka Muqdisho in ay qataan ID Card-yada ay bixineyso shirkada Favori ee dhawaan la wareegtay maamulka garoonka.

Ciil Mooge, ayaa amar ku siiyey ciidanka amniga ee garoonka in aysan gudaha garoonka u ogolaan inay galaan shaqaale aan ID-gaas wadanin.

Hasa yeshee arrintaas ayaa waxaa kaso horjeestay maamulka garoonka Muqdisho oo iyana warqad qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in amarka wasiirka uu yahay mid aan suurta galaynin.

Maamulka, ayaa sheegay in Wasiirka warfaafinta uu qaadayo masuuliyada haddii ay joogsato shaqada garoonka Aadan Cadde, maadama uu ciidanka aminga amar ku siiyey inaysan garoonka galin shaqaale aan wadan aqoonsi.

Arrintan oo u muuqata mid wax ku ool ah, islamarkaana ka hortagi karta falal amni darro, ayaan la ogeyn sababta ay ku diideen maamulka garoonka.

Waxaa hadda la isku dayayaa in la isku dhoweeyo labada dhinac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wafti ka socda ETHIOPIA oo Muqdisho u tagaya dhameyntii wixii ay billaabeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Saacadaha Soo aadan lagu wadaa inay Muqdisho Soo Gaaraan Wafdi ka socda dowlada Ethiopia oo qeyb ka qaata Xiritaanka Shirka Jubbooyinka ee halkaasi ka socda

Ujeedada waftiga Ethiopia ayaa lagu sheegay ogaanshiyaha Qodobada ay kala saxiinayanaan  dhinacyada ka qeyb galaya shirka, Maadaama Ethiopia ay laheyd Fikrada Shirkan .

Dhinaca kale Xukuumada Somalia ayaa Ergada Shirkaasi ka dalbatay Dhaqan Gelinta Qodobada lagu Heshiiyo.

Wasiirka Arimaha Gudaha  iyo Amniga qaranka Xukuumada Somalia C/kariin Xuseen Guuleed,  wuxuu sheegay in Galabta uu Shirku soo dhamaan doono Isla markaana la isku diyaarinayo wixii galabta ka dambeeya Shirka Wajigiisa Labaad ee Kismaayo ka dhici doono dhowaan .

Shacabka Dega Gobolada Jubbooyinka ayuu Wasiirku ka dalbaday inay Taageeraan Qodobada ka soo baxa  iyo Heshiisyada kasoo baxa Shirkaas Si codaalada Jubbooyinka looga Gudbo.

Shirka Lagu wado in galabta lagu soo gabagabeeyo Muqdisho ayaa waxaa la filayaa inuu Soo Xiro Wasiirka Arimaha Dibada Ethiopia Sida qorshuhu uu yahay .

Waxaa Jira Shirar Kan Muqdisho looga Soo hor jeedo oo Beelaha qaar ay ku qabanayaan Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Gobolada dalka Sida Beydhabo.

Beelaha qaar ayaa saluugsan qaabka shirka iyo Habka loo soo Xulay Ergada shirkaasi ka qeyb galaya waxaana ay sheegayaan in beel gaar ah loo hiiliyay .

Xog Hoose oo ay Heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Duhurnimada Maanta uu Muqdisho ka Dhici doono Shir Qaar ka mid Beelaha Jubbooyinka ay yeelanayaan kaas oo loogha soo horjeeda Shirka Maalintii Seddexaad maanta galay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

 

Video: Cabdisalan Hareri iyo Muqdisho (Muuqaallo iyo barnaamij cajiib ah)

Caasimada Online:  Wariye Abdisalaan Hareeri oo Warbixin Muuqaal ah ka diyaariyay Amaanka 16 Degmo ee Gobolka Banaadir & Xiliga habeenka waxuuna ku soo wareegay guud ahaan Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho xili saq dhexe ah.

Barnaamijkaan oo looga hadlaya Waxqabadka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo qaabab kala duwan uga howl galaya Xiliga Habeenkii Magaalada Muqdisho waxaadna ku arki kareysaa Barnaamijkaan Qaabka habeenkii loo sugo Amaanka Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Qoraal muhim ah: Baraha Internet-ka & ceebeynta gabdhaha Soomaaliyeed

Isticmaalka aan wanaagsaneyn ee ay dhallinyarada Soomaalida qaarkood ee Shilindoonka ahi ku sameynayaan Mareegaha Online-ka (Websites) ee ay sameysteen waxaa maalmahaan si baahansan ugu soo kordhay meel-ka-dhac wax laga wada xumaado ah oo lagu sameynayo gabdhaheenna Soomaaliyeed, islamarkaana lagu tumanayo sharaftooda, iyadoo loo saarinayo muuqaallo aan wanaagsaneyn oo ay ka dhex muuqdaan dad aan sinjigooduba Soomaali ahayn, islamarkaana lagu soo qorayo ereyo soo jiidan kara dadka si ay gujiyaan, kuwaasi oo ay ka mid tahay “Daawo gabar Soomaaliyeed oo fal dhaqan xumo ah ku kacday, gabar Soomaaliyeed oo nin ajnabiya la tumatay,” iyo waliba hal-ku-dhigyo kaloo badan oo wada been abuur ah.

Waxaan ugu baaqayaa shaqsiyaadkaan Soomaalida ah ee ficilkaan xun joogteeyey in ay isaga fogaadaan, oo ay joojiyaan sharaf dilka warbaahinta loo adeegsanayo oo ay sida bareerka ah ugu sameynayaan gabdhaha Soomaaliyeed ee qiimaha leh. Siday aniga ila tahayna walaalkayga howshaan ku jirow isaga daa dhowrkaan arrimood:

  • Gabdhaha aad  xumaanta aysan falin ku sheegayso waxaa ka mid ah: Walaashaa, hooyadaa, iyo guud ahaan inta aad dumar ehel wadaagtaan, maadaama ay magaca Soomaali ka siman yihiin, waana kugu ceeb iyo liidnaan in aad intaasiba xumaan ku sifeyso, kuna cambaarayso.
  • Dhanka kale, waa kugu dambi in aad baahiso muuqaallada aan wanaagsaneyn in ay daawadaan bulshada Soomaalida oo ah dad musliimiin ah.
  • Sidoo kale, maadaama aad warbaahin ay bulshadu u siman tahay ku gudbinaysid, muuqaallada qaarkood ma ahan kuwo ku habboon in ay daawadaan carruurta iyo dadka qaarkiis.
  • Dhaqaalaha yar ee kugu qasbay in aad falkaan sameyso ma ahan mid xalaal ah oo aad ku kasbatay wadiiqo wanaagsan.

Guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee isticmaala Internet-ka waxaan iyagana ugu baaqayaa in aysan daawan ama rumeynin haddii ay arkaan ciwaannada ku saabsan sheekooyinkaan been abuurka ah. Sidoo kale kuwa adeegsada baraha bulshada ee Facebook iyo Twitter-ka in ay iska xannibaan (Block) ama ay dacweeyaan (Report or as spam) dadka soo gudbiya (share) waxyaabahaan aan fiicneyn ama xun-xun.

By Maxamed Faarax Talyaani

Wasiirada arimaha dibadda Kenya iyo Ethiopia oo Muqdisho soo gaaray

Muqdisho (Caasimada online) Sida warar aan heleyno ay sheegyaan waxaan maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ay kala hogaaminayaan wasiirada arimaha dibada dalalka Kenya iyo Ethiopia oo deris la ah Somalia.

Wafuudan ka kala socota Kenya iyo Ethiopia ayaa qeyb ka noqon doona dhameystirka Shirka arimaha Jubbooyinka iyo Gedo .

Wararka ayaa sheegaya in wafdigan ay muqdisho u yimaadeen inay wax ka ogaadaan waxa labada dhinac ee Maamulka Jubba iyo dowlada Somalia ay ku wada heshiisheen mudadii Seddexda maalin aheyd oo ay kulan sanaayeen .

Dowlada Ethiopia ayaa laheyd fikrada shirarka Muqdisho iyo Kismaayo ee lagu dhameynayo xiisada ka taagan Jubbooyinka iyo Gedo , iyadoona qeyb ka ah siyaasada dhismaha Maamulka Jubba ee KMG ah .

Sidoo kale dowlada Kenya ayaa ciidamo waxay  ka joogaan Somalia waxaana sidoo kale ay qeyb ka tahay Siyaasada dhismaha Mamulka jubba iyadoona la sheego in Axmed Madoobe ay Gadaal ka riixeyso .

Dowladaha Kenya iyo Ethiopia ayaa faraha kula jira siyaasada Somalia gaar ahaan Jubbooyinka iyo Gedo , waxaana lagu wadaa in Galabta si rasmi ah Shirka Muqdisho ee aayaha Jubbooyinka iyo Gedo in lasoo gaba gabeeyo.

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

Maxaa Muqdisho caawa ka socda ?

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho, waxaa caawa ka socota xaflad casho sharraf ah oo loo sameenaayo ergada ka qayb galeysa shirka dib u heshiisiinta shacabka Jubbooyinka oo maalintii labaad maanta galay.

Xafladan oo uu soo qaban  qaabiyay guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, waxa ay hadda ka socotaa Hotelka City Palaza oo ku yaalla degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.

Wariye ka tirsan Shabakadda Caasimada Online oo jooga xafladda, ayaa soo sheegaya in xafladda ay joogaan dhammaan ergadii ka qaybgaleysa shirka oo uu ku jirro Axmed Madoobe, sidoo kale waxaa xafladda ku sugan wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan DFS.

Waxaa kaloo xafladda dadka maa weelinaya fannaaniin iyo kooxaha dhaqanka, waxaana xafladda ka muuqata farxad.

Waxaa lagu wadaa xafladda in ay ka hadlaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo hoggaamiyaha maamulka kumeel gaarka ee Jubba Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected] 

Beelo kale oo kuu gacan seeray shirka Jubbooyinka ee Muqdisho + Dhageyso

Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaanada Kasoo  Jeedda Beelaha Digil iyo Milifle ayaa maanta waxay si cad u sheegeen inay kasoo horjedaan Shirka Maalintiisa Labaad ka soconaya Mahaalada Muqdisho .

Gudoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Dowladii KMG aheyd Sheekh Aadan Maxamed Nuur ” Sheekh Aadan Mdoone” ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay mid aan ka Turjumeyn aaayaha iyo Xalinta Khilaafaadka ka jira gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Wuxuu sheegay Sheekh Aadan Madoobe in dowlada Somalia ay qorsheyneyso inay dhulkoda Siiso Sida uu sheegay dad aan u dhalan Waxaana uu ku goodiyay inasay dowlada Dhabarka u ridaneyso wixii ka dhaca Goboladaasi.

Xildhibaa Sheekh Shaacir. oo isna dhankiisa Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah ay siineyso Hayeeshe aysan aqbali doonin in dhul ay xaq u leeyihiin sida uu sheegay in cid kale si xaq daro ah loogu gacan geliyo.

Xilshibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade, wuxuu sheegay  in Wadamada Africa , Caalamka iyo Wadamada Deriska ah uu ku wargalinayo in dhankooda aysan waxba ka galin shirka ka soconaya magaalada Muqdisho.

Xildhibaanadan Kasoo Jeedo Beelaha Digil iyo Milifle ayaa Maaanta kulan ka dhan ah Shirka Muqdisho Maalintiisa labaad ka dhacay ku yeeshay Xarunta golaha Shacabka .

Halkaan ka dhageyso Codka Xildhibaada Shirka Muqdisho diidan

Halkaan ka dhageyso Xidhibaada diidan shirka Muqdisho

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]