28.1 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

Dhageyso: Is-casilaaadii Yusur Abraar oo aan weli la isaga harin

Muqdisho (Caasimada Online) Wasiirka Maaliyada xukuumada Somaliya Maxamuud Xasan Suleymaan ayaa maanta waxaa wax laga weydiiyay sababaha xilligan kusoo beegay is casilaada Gudoomiyihii Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Yusur Abraar

Saxaafada ayaa kulanka  dibad joog ka aheyd xilliga la weydiinayay su’aalaha, iyadoo markii kulanka soo dhamaaday ay saxaafada kaga warbixiyeen Wasiirka Maaliyada xukuumada Somaliya Maxamuud Xasan Suleymaa iyo Gudoomiyaha gudiga Maaliyada ee baarlamaanka Somalia Xildhibaan Sheekh Aadan Madeeriyo

Xildhibaanka ayaa  sheegay in  su’aalaha ay weydiiyeen Wasiirka uu si wanaagsan uga jawaabay waxaana uu tilmaamay in iminka ay ka qanceen wasiirka sida uu hadalka u dhigay .

Ugu horeysay waxaa Wasiirka wax laga weydiiyay waxa keenay inay  casisho Yusur Abraar oo aheyd Gudoomiyaha Bankiga dhexe, iyo waxa uu kala socdo  sida uu sheegay Xildhibaan  Sheekh Aadan Madeer .

Maxamuud Xasan Suleymaan Wasiirka Maaliyada Somalia oo la hadlay wariyeyaasha ayaa dhinaciisa ku gaabsaday in saddexdii su’aalood ee la weydiiyay uu ka jawaabay, isla markaana uu kulanka ku soo dhamaaday jawi wanaagsan muddo labo saac oo uu socday kadib .

Yusur Abraar oo aheyd gudoomiyihii Bankiga dhexe ayaa xilkaasi si rasmi ah isaga casishay 30-kii bishii hore kdib mudo todobaadyo ah oo ay xilkaas heysay .

Yusur Abraar ayaa ku sugan magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaas oo ay warbixin ku aadan arrimaha is casilaadeeda kusiin doonto Midowga Yurub

Halkaan ka dhageyso Su’aalaha Wasiirka la weydiiyay

Halkaan ka dhageyso Su’aalaha Wasiirka LA WEYDIIYAY

Halkaan Hoose ka dhageyso Jawaabaha Wasiirka Maaliyada

Halkaan ka dhageyso Jawaabaha Wasiirka

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dagaal ka socda duleedka Jowhar Xilli Madaxweynaha Somalia uu kusii jeedo

Jowhar (Caasimada online) Wararka ka imaanaya duleedka dhanka bare ee magaalada Jowhar ayaa sheegaya in halkaasi uu iminka ka soconayo dagaal toos ah oo u dhexeeya beelo halkaasi wada dega.

Inkastoo aan wali si rasmi loo ogeen khasaaraha dhabta ah ee dagaalka, hadana dadka deegaanku waxay soo sheegayaan in dagaalku uu yahy mid aad u xoogan hubka nuucyadiisa kala duwana labada dhinac ay isku adeegsanayaan.

Goob joogayaan ku sugan duleedka dhanka bari oo ah halka uu dagaalka iminka ka soconayo, inuu u dhexeeyo laba beelood oo gobolkaasi wada dega maal mihii ugu dambeeyayna ugaasri isku haya .

Dhanka kale garoonka diyaaraha ee magaalada Jowhar waxaa ku sugan Madaxda Maamulka gobolka Sh/Dhexe iyo kan degmada arday, qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo AMISOM.

Saacadaha soo aadan ayaa lagu wadaa in magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe, inay gaaraan  Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo

Wariye ku sugan Jowhar oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in ammaanka magaalada aad loo adkeeyay isla markaana magaalada iyo xurunta maamulka ay ka socoto diyaar garow ku aadan soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa soo arki doonaa dhibaatada uu geestay wabiga Shabeelle oo fatahaad ka sameeyay qaybo badan oo ah gobalka Shabeellaha Dhexe.

Wadiga madaxweynaha ayaa la sheegay in ay wadaan gargaar la siinaayo dadka ku barakacay fatahaada wabiga.

 

Xafiiska Jowhar

[email protected]

 

Axmed Madoobe iyo xubnihii la socday oo ka baxay shirkii Jubbooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) War hadda soo dhacay wuxuu sheegayaa in xubnihii uu watay hoggaamiyaha kumeel gaarka ee Jubba Axmed Maxamed Islaam in ay ka baxeen halka ay ka socoto xafladda gunnaadka shirka arrimaha Jubbooyinka.

Arrintan ayaa timid markii la arkhriyay war-murtiyeed ka soo baxay shirkii ka socday magaalada Muqdisho ee looga hadlaayay aayaha Jubbooyinka.

Xafladda oo ka socota xarunta nabad sugida ee Habar Khadiijo ee degmada Cabdi Casiis ayaa waxaa ku sugan madaxda dowladda oo uu ku jirro madaxweynaha, diplomaasiyiin, xubno ka socda QM iyo ergada ka qaybgashay shirka.

Axmed Madoobe iyo ergada ka socotay ayaa xafladda isaga baxay markii lagu dhawaaqay in lagu saxiixo shirka Dowladda,IGAD iyo QM, lagana bixiyay Axmed Madoobe.

Markii arrintaas lagu dhawaaqay buuq ayaa dhacay, balse waa la xaliyay hadda, oo dib ayaa loo soo celiyay Axmed Madoobe iyo xubnaha la socoday.

Wixii ku soo kordha warkan kala soco Shabakadda Caasimad Online

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

KASHIFAAD: Tiro koob shirqool ah oo ka socda Soomaaliya (Dad tiradooda la yareen doono & kuwo la badin doono)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tirakoob qiyaas ah ayaa si qarsoodi ah waxaa ku wada UNFPA iyo Wasaaradaha Qorsheynta Dawladda Federaalka Somaliya, Puntland iyo Somaliland. Natiijada tiro koobkan ayaa noqon doonta in Gobolo tirada dadkooda la badin doono iyo kuwo la yareyn doono!!!

Hayadda UNFPA iyo Wasaaradaha Maaliyadda/ Qorsheynta ee dawlada Federaalka Soomaaliya, Puntland iyo Somaliland ayaa Tirakoob qiyaas ah si qarsoodi ah uga wada guud ahaan dalka Soomaaliya, oo haatan caalamku ula xiriiro sidii 3 dawladood sida aad ku aragtaan Link-gaan. Halkan dhag sii.

Tirakoobkaan qiyaasta lagu saleynayo ayaa hadii aan la sixin oo aan laga qeyb gelin aqoonyahanada iyo Maamulada Gobolada Soomaaliya dhamaantood waxa uu noqon doona mid caalamku ku saleeyo mashaariicda horumarinta iyo dib u dhiska dalka Soonaaliya.

Hay,adda UNFPA oo hogaan ka ah qorshahaan Tirakoob qiyaaseedka ah ayaa ku guul dareysatay in qorshahaani noqdo mid lagala tashado dhamaan madaxda 18-ka Gobol ee Soomaaliya, sidoo kale UNFPA iyo Wasaarada Maaliyadda iyo Qorsheynta Federaalka Soomaaliya waxaa ay si ku talagal ah uga qariyeen qorshahaan Tirakoob qiyaaseedka ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo dhamaan qabaailka Soomaaliya ee 5-ta ah ku mideysan yihiin iyo sidoo kale golaha wasiirada Fedeeraalka iyo Madaxda Maamulada Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya sida Banaadir, Bay, Bakool, Sh/hose, Sh/Dhexe, Hiiraan, Galgaduud, Mudug, Gedo, Jubada Dhexe iyo Jubada Hoose.

Tirakoob qiyaaseedkaan ayey aheyd in bulshada la fahamsiiyo (Civic education), loo sameeyo Gudiga Qaranka ee Tirakoob qiyaaseedka Soomaaliya iyada oo loo marayo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Tirakoob qiyaaseedkaani dhib kuma qabaan Maamulada Somaliland iyo Puntland maadaama Hay,adda UNFPA ee hogaaminaysa Tirakoob qiyaaseedka iyo deeq bixiyayaasha caalamku ay si toos ah ula wadaan mashruucaan wasaaradaha Qorsheynta Somaliland iyo Puntland, maadaama labadaan Maamul wasaaradahooda ay si dhab ah u metelaan shacabka ku nool goboladaas, Sidoo kale masuuliyiinta fulinaya qorshahaan Tirakoob qiyaaseedka ayaa sida la sheegay tashi buuxa kala leh Baarlamanada Puntland iyo Somaliland , sidoo kale waxaa qorshaha Tirakoob qiyaaseedkaan qeyb ka ah Aqoonyahanada iyo madaxda Maamulada Gobolada Somaliland iyo Puntland, Labadaan Maamul ayaa uun laga filan karaa inay ka soo baxdo qiyaas tirakoobeed sax ah ama la buun buuniyey si goboladaas ugu qeyb qaataan mashaariicda dib udhiska iyo horumarinta caalamka ka fulin doono Soomaaliya oo ay ugu horeyso barnaamijka NEWDEAL.

Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo ka kooban 11 Gobol oo kamid ah 18-ka Gobol ee Soomaaliya ayaa noqon doona gobolo tirada dadka ku nool aan la helin ama si ku talagal ah hoos loogu dhigo, Maadaama madaxda wasaarada Maaliyada iyo Qorsheynta dawladda Federaalka Soomaaliya ee metelaysa Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay noqdeen kuwo qorshahaan la socodsiiya Madaxda Maamulada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya Tirakoob qiyaaseedkaan ay ku metelayaan Goboladaan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Hay,adda UNFPA ayaa Tirakoob qiyaaseedkaan sida suuqa madaw ah ku socda la wada Masuuliyiinta wasaarada Maaliyada iyo Qorsheynta oo ka kooban:-

1- Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta , waa Mr. Mohamud Hassan Suleyman, wuxuu kasoo jeedaa Puntland, beesha Majeerteen, Cumar Maxamuud. Wasaaradda uu wasiirka ka yahay wuxuu ku yimid inuu Puntland kasoo jeedo, magaca wasaarada waa Wasaaradda Maaliyada iyo Qorsheynta dawladda Federaalka Soomaaliya, balse dhab ahaan metesho Gobolada Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya, oo iyagu noqday gobolo ayaan daran, oo xubnaha Baarlamaanka ugu jiraahi yihiin dad ka dhacsan qorshayaasha ka socda Soomaaliya.

2- Agaasimaha Wasaarada Maaliyadda ee dawladda Federaalka Soomaaliya Ms Faadumo ayaa lagu Magacaaba, waxaa ay kasoo jeedaa Beesha Dir/Biimaal, ma ahan qof fahansan qorshahaan Tirakoob qiyaaseedka Soomaaliya.

3- Agaasimaha Wasaarada Qorsheynta: Waa nin aad ugu dhow wasiirka Maaliyada iyo Qorsheynta , Beel ahaan kasoo jeeda Beesha Ogaadeen.

Dabagal aanu ku sameynay qorshahaan ayaan ukulele ogaanay in siminaar loogu qabtay magaalada Mogadishu Tiro dad ah oo qaraabo dhow la ah masuuliyiinta kor qoran iyo qaar yar oo ay u ogolaadeen qaar ka mid ah Shaqaalaha wasaarada Maaliyada iyo Qorsheynta Dawladda Federaalka Soomaaliya oo haatan metesha 11-ka Gobol ee Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya.

Sidoo kale xiriir Lala sameeyay Madaxda Maamulada Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, ayaa sheegay inaysan qorshahaan waxba kala soconin, aysana jirin dad metelaaya gobolada ay madaxda u yihiin, sidoo kale aqoonyahanka Soomaalida, Baarlamanka Federaalka , Xukuumada Federaalka Marka laga reebo qaar kamid dadka kasoo jeeda Maamulada Somaliland iyo Puntland oo iyaga si toos ah UNFPA ay qorshahaan ula wado ayaa sheegay inaysanba maqlin, suuragal na ahayn in Tirakoob qiyaaseed qarsoodi ah in lagu saleeyo tirada dadka Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Su,aasha Jawabta u baahan waxaa ay yihiin oo laga sugayo Madaxweyne Hasdan Sheekh, Raisul wasaare Saacid, gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Jawaari, golaha wasiirada Federaalka iyo Baarlamaanka:-

1- Mar hadii la sheegay in Kumeel Gaarkii laga baxay, Baarlamaanka, xukuumada, iyo masuuliyiinta dwladda Federaalku yihiin Soomaaliyoo dhan sababta UNFPA iyo deeq bixiyayaasha caalamka ay Soomaaliya Weli ula xaajoonayaan sidii 3 dawladood?

2- Madaxda Dawladda Federaalka, Xukuumada iyo. Baarlamaanku maxay kala socdaan qorshahaan qarsoodiga ku socda, balse saameyn weyn yeelan doona?

3- UNFPA maxaa ku Kalifaya in ay qarsoodi ku wado mashruucaan oo kale oo saameynaya mustaqbalka dhamaan Gobolada Soomaaliya, oo aan laga sheegin saxaafada gudaha, oo aan la samaynin in dadka la fahamsiiyo Tirakoob qiyaaseedkaan iyo sida loo fulinaayo (civic education), sidoo kale maxaa ku Kalifaya in Gobolada Soomaaliya qaarkood ay la xiriirto Maamulada local-ka ahaa Halka Gobolada Koofurta iyo Bartamaha aayahooda ay gacanta u geliso masuuliyiin aan matalin goboladii ay kasoo jeedeen??

3- Deeq bixiyayaasha Caalamka maxaa ku kalifaya inay maalgeliyaan qorshe aan cadeyn, suuqa madow ku socda oo aan laga tala gelin Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya madaxdooda, Baarlamaankooda, Maamulada Goboladooda aqoonyahankooda (The $6.9 USD PESS survey, funded by contributions of UN agencies, DfID, EU, DANIDA, SIDA and the African Development Bank).

Iyada oo sida xaqiiqda ah aan haatan Soomaaliya laga sameyn Karin oo ay tahay in loo maro qaab qiyaaseed ayaa waxaa ay tahay in qorshahaan Dawladda Federaalka , UNFPA iyo deeq bixiyayaasha caalamku in dib loogu noqdo, laga faaiideysto mashruucaan, civic education loo sameeyo shacabka, dhamaan madaxda Maamulada Gobolada, Baarlamaanka iyo in badan oo kamid ah aqoonyahanka Soomaaliya laga qeyb geliyo qorshahaan.

Tirakoob qiyaaseedkaan hadii aan wax laga badelin wuxuu bulshada Soomaaliyeed ka dhex abuuri doonaan khilaaf cusub, iyada oo wixii kasoo baxa aan lagu qanci doonin.

Soomaalida Mareykanka oo guulo taariikhi ah ka gaaray doorashada

Cabdi Warsame iyo Axmed Xasan oo ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Mareykanka ayaa noqday Soomaalidii ugu horreysay oo ku guuleysta golayaasha deegaanka Mareykanka, kaddib markii ay heleen codad ku filan guushooda.

Xaafadda lixaad ee magaalada ayaa waxaa doorashadeeda ku guuleystay Cabdi Warsame oo 35-jir ah, isagoo bedelaya madaxii hore ee xaafaddaas, Robert Lilligren oo muddo 12-sano ah xukumayay deegaankaas.

cabdi warsameAnigu waxaan ahay Marekankan ku faraxsan in asalkeygu yahay Somali,” ayuu ka yiri Cabdi Warsame xaflad weyn oo loogu dabaal-dagayay guushiisa oo ka dhacday magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Sidoo kale, Warsame ayaa sheegay in xilka loo doortay uu yahay mid uu ku matalayo qof walba, haddii uusan sidaas yeelinna ay sababi karto inuu ku guul-darreysto howshiisa.

Axmed_XasanDhanka kale, Axmed Xasan ayaa ku guuleystay doorashada golaha deegaanka Clarkston oo ka tirsan gobolka Georgia oo uu daggan yahay, isagoo helay codad gaaraya 59.6% codadkii la dhiibtay, isgaoo aad uga horreeyay xubnihii la tartamayay.

Axmed iyo Warsame ayaa la sheegay inay noqdeen labadii qof ee Somali ah oo markii ugu horreeyay ku guuleysta doorashada golayaasha deegaanka dalka Mareykanka, waxaana tani ay indha u soo jeedisay Soomaalida ku nool dalka Mareyknaka.

Doorashadan ay ku guuleysteen labadan qof ee Soomaalida ah ayaa waxay noqonaysaa mid taariikhi ah marka loo eego Soomaalida-Mareyknaka oo inta badan halkaas tagay wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii Soomaaliya oo laga joogo 22-sano. 

Isha: HOL

Warbixin: Isbaheysigii Barre Hiiraale oo is khilaafay hal arrina isku heysta

Muqdisho (Caasimada online) Sida wararka aan ku heleyno waxaa khilaaf uu soo kala dhexgalay isbaheysiga uu hogaamiyo Barre Aadan Shire ” Hiiraale” kadib markii ay isku qabteen cidda isbaheysigaasi u saxiixeysa warmurtiyeedka qodobada kasoo baxa shirka Muqdisho maalintii Afaraad ka soconaya.

Wakiil Barre Aadan Shire ee lagu magacaabo Cabdi Shire ayaa doonayay inuu dhanka isbaheysiga u saxiixo warmurtiyeedka hayeeshee waxaa arintaasi ka biyo diiday sida la sheegay Iftiin Xasan Baasto oo dhankii isaga doonaya inuu isaga dhanka is baheysiga wax u saxiiso.

Arintan ayaa la sheegayaa inay keentau muran iyo khilaaf hor lhe, waxaana xalka arintaasi ku howlan Cumar Buraale iyo Cabdi laabeey oo iyana is baheysiga qeyb ka ah.

Axmed Madoobe ayaa doonaya inuu dhanka Maamulka KMG ah ee Jubba uu u sixiixo dowlada Soomaaliyana ay keensato qof dhankeeda u saxiixo qodobada shirka kasoo baxa .

Inkatoo wali dowlada Somalia aysan arintaan wali go’aan ka gaarin hadana waxay ku howlan tahay xalinta iyo ka hor taga xiisad mar kale khilaaf abuuri kata oo jubbooyinka iyo Gedo ku aadan .

Isbaheysiga uu wakiilka ka yahay Cornel Barre ayaa khilaafay go’aanka Axmed madoobe inkastoo dhexdooda iminka uu khilaaf kasoo cusboonaaday kaa oo ku aadan cida Isbaheysigaas u saxiixeysa Warmurtiyeedka shirka .

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Xasan Sheikh oo laba arrin oo xikmad leh xalay ka sheegay Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamud ayaa Casho Sharaf u sameeyay ergadii ka socotay Jubbooyinka.

Cashada ka hor ayaa waxaa lasoo bandhigay heeso wadani ah iyo riwaayado muujinayo dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya.

Sidoo kale casho sharafta waxaa lagu casuumay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Mudane Teodrus Adhonom, Madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo Hogaamiyaha maamulka KMG ee Jubooyinka Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

xasan casho (1)Madaxweynaha DFS Mudane Xassan Sh. Maxamud ayaa wuxuu yiri “ Shalay ninkii ku mashquulo berri ayaa dhaafto” sidaas darteedna kula dar darmay ergada Jubooyinka iyo Madaxda in ay gacmaha is qabsadaan kana shaqeeyaan midnimadda iyo horumarka umadda Soomaaliyeed eek u nool goboladda.

“Waxaan u rabnaa nabad iyo maamul wanaag dhamaan goboladda Soomaaliya. Muhiimadda waxa weeye Soomaaliya oo mid ah oona nabad ah”.

xasan casho (2)Madaxweynaha ayaa wuxuu sheegay “Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya caawa wuxuu marayaa meshii ugu wanaagsaneyd. Baal cusub ayaa noo bilawday waana u mahad celinayaa Dowladda Itoobiya dadaalka ay ku bixineyso in ay Soomaaliya nabad ka dhalatto.

“ Waxaa la yaab ah in Wasiirka arimaha Dibadda ee Itoobiya uu Muqdisho seexanayo si nabad ahna ku dhex socdo. Dad aan Wasiir iyo wax u dhaw aheyna ay dhahaan Muqdisho ama Soomaaliya waa khatar oo lama tegi karo.” Taasna waa mid aan la yaabnay.

xasan casho (3)Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa bogaadin iyo hambalyo u soo jeediyay Maamulka KMG iyo ergooyinka Jubbooyinka.

Wixii faah-faahin ah kala soo xiriir:Malik Abdalla,Agaasimaha Warfaafinta Villa, Somalia, Muqdisho, [email protected]

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Dhageyso: Soomaali guul weyn kasoo hooyey doorashooyinka Mareykanka

Minneapolis (Caasimada Online) – Cabdi Warsame oo ah mid ka mid ah Soomaalidii ka tartamaysay doorashooyinka gobolka Minnesota ayaa ku guuleystay xilka Golaha Deegaanka ee magaalada Minneapolis, gaar ahaan degmada 6aad.

Mr. Warsame ayaa ka guuleystay Robert Liligram oo xilkaas soo hayey 12kii sano ee u dambeeyey.

Wareysi arrintaas ku saabsan hoosta ka dhageyso.

Caasimada Online

Xafiiska Minneapolis

[email protected]

Dhageyso : Xiisad dagaal oo ka jirta Xadka SOMALIA iyo ETHIOPIA

Balanbal (Caasimada inline) Degmada Balanbal ee Gobalka Galgaduud wararka aan ka heleyno waxay sheegayaan in halkaasi ay ka jirto  xiisad udhaxeysa ciidamada  New Police iyo maleeshiyo hubaysan, kuwaas oo isku horfadhiya deegaano hoostaga Degmada Balanbal.

Xiisadu waxay timid kadib markii Ciidamada New Police ay deegaano hoostaga Degmada Balanbal, dadkii daganaa ay ka barakiciyeen , kadib markii sida la sheegay ay kasoo tallaabeen xadka Soomaaliya iyo Ethiopia.

Nabadoon Xasan Xuseen Cabdi, wuxuu ka mid yahay Odayaasha ku nool Degmada Balanbal, warbaahinta ayuu u sheegay in deeganada ciidanka New Police dadkii ay ka barakiciyeen ay kamid yihiin deeganada Cali Khaliif iyo Qoorcade oo hoostaga Degmada Balanbal kuna yaala xadka Soomaaliya iyo Ethiopia.

Wuxuu sheegay in ciidamada New Police ay soo dhoobteen soohdinta Soomaaliya iyo Ethiopia, ayna  halkaasina ka wadaan handadaad ku aadan dhibaateynta shacabka reer miyiga ah sida uu shaaciyay .

Nabadoonkan ayaa sheegau in Dowladda Soomaaliya ay udireen baaq ku aadan sidii wax looga qaban lahaa ciidanka New Police ee dhibaatada joogtada ah ugeysta dadka ku nool nawaaxiga Degmada Balanbal ee Gobalka Galgaduud.

dhowaan deegaano ka tirsan gobolkaas waxaa ku dagaalamay ciidamada New Police iyo Maleeshiyo degaanka ah taasi oo sababtay khaasro nafeed iyomid haniyadeed intaba .

Halkaan ka dhageyso codka Nabadoonka

Halkaan ka dhageyso Nabadoon Xasan

Caasimada online

Xafiiska Balanbal

[email protected]

XOG: Hal arrin oo shirka Jubbooyinka ee Muqdisho caqabad ku noqotay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay galab dib u dhac uu ku yimid in lasoo gabagabeeyo shirka dib u heshiisiinta ergooyinka madalaya gobolada Jubbooyinka oo mudo sedax cisho ku shirsanaa Muqdisho, kadib khilaaf ka dhashay ciddii saxiixi laheyd war murtiyeedka qodobada heshiiska.

Wararka laga helayo xubno ka qeybgalay shirka ayaa sheegaya in muran ku saabsan qodobada qaar uu soo kala dhex galay xubnaha ergooyinka ee kala matalayay dhinacyada Jubooyinka iyo in la isku mari waayay saxiixa war murtiyeedka laga soo saari lahaa shirka.

Sida ay ku waramayaan ilo-wareedkan Hoggaamiyaha Maamulka KMG ee Jubba Axmad Madoobe ayaa diiday in war murtiyeedka shirka uu saxiixo Cabdi Shire oo adeer u ah Col. Barre Hiiraale, halka dhinacyada kale ay Axmad Madoobe u doorteen inuu u saxiixo.

Caqabadaasi oo dhalisay in xeritaanka shirka uu dib ugu dhaco illaa maanta, waxaana uu Axmad Madoobe ka codsaday Wasiirka Arrimaha Gudaha C/kariin Xuseen Guuleed in uu isaga saxiixo war murtiyeedka.

Buuq badan ayaa arintan ka dhashay iyo in uu saameeyo xeritaanka shirka oo lagu waday iney kasoo qeybgalaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Wasiirka arrimaha dibada Itoobiya oo Muqdisho u yimid ka qeybgalka xaflada xeritaanka shirka, xalayna seexday Muqdisho.

Hase ahaatee waxaa socda dadaalo arintan lagu xalinayo, iyaddoo xalay Madaxweynaha uu casho sharaf ugu sameeyay Madaxtooyada Axmad Madoobe iyo ergooyinka madalaya gobolada Jubbooyinka, rajana laga qabo in maanta shirka lasoo afjaro.

shirkajubooyina2shirkajubooyina3shirkajubooyina4shirkajubooyina5shirkajubooyina6

Midowga Yurub oo ka doodaya Soo afjarida Howlgal Somalia ay ka wadaan

Muqdisho (Caasimada online) Ururka Midowga Yurub ayaa ka doodaya sidii loo soo af-jari lahaa gabi ahaanba Weerarada ay qaadayaan Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ee ka qowleysta Xeebaha Soomaaliya kuwaasii oo sanadihii ugu danbeeyay weeraradooda hoos ay u dhaxeen.

Wakaalada Wararka ee dalka Kuwait ayaa baahisay in Wadamada Midowga Yurub ay ka fikirayaan suurta galnimada in gabi ahaaba laga waayo Xeebaha Soomaaliya iyo Goobaha ka baxsan dagaalada ay qaadayaan Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida kuwaasi oo dhibaatooyin ku haya Maraakiibta iyo Doonyaha isticmaala Marin Biyoodka Mashquulka badan ee Soomaaliya.

EU-da ayaa si loo soo afjarayo Burcad Badeeda tilmaantay inay kordhinayaan Taageerada ay la garab taagan yihiin Ciidamada Midowga Yurub ee howlgalka la dagaalanka Burcad Badeeda u jooga Xeebaha Soomaaliya,waxayna si gaar ah u sheegeen inay kordhinayaan Tirada Ciidamada iyo Tayadooda ah.

Saraakiil ka tirsan Midowga Yurub oo si hoose ula hadlay Wakaalada wararnka Kuwaite (KUNA),ayaa shaaca ka qaaday in Qorshahooda uu yahay sidii loo weyn lahaa dhalinyarada inta badan caadeysatay inay Weerarada ay ku qaadaan Maraakiibta iyo Doonyaha,waxaana Sidoo kale iyagana meesha ay ku jiraan Kooxaha ka soo ifabaxday dalka Nigeria.

Weeraradii Kooxaha Burcad Badeeda Soomaaliya ayaa sanadigii ugu danbeeyay hoose u dhac ku yimid.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Daawo Video: Dekedda Muqdisho oo la ballaarinayo (Muuqaal cajiiba ah)

Caasimada Online:  Dekeda weyn ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo aad u mashquul ah ayaa waxaad ka dheehan kartaa Muuqaalkani in uu ku tusinaya Horumarka weyn ee isbadalka ah ee ka biloowday Magaalada Muqdisho in ay qeyb ka tahay Dekeda Magaalada Muqdisho.

Hadaba Muuqaalkani waa mid ka tarjumaya howlaha cusub ee la doonaya in lagu soo kordhiyo dekeda weyn ee Muqdisho iyo sida la doonayo in loo dhiso dhismooyinka cusub ee lagu soo kordhinaya Dekeda Magaalada Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Xog: Shirka Jubooyinka ee Muqdisho oo laga wareejiyay halkuu ka socday

Muqdisho (Caasimada online) Shirka Muqdisho maalintii afaraad ka socda laguna waday in shalay lasoo gabagabeeyo hayeeshee dib u dhac uu ku yimid ayaa maanta waxaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xaflada xiritaanka shirkaasi in laga badalay hotel-ka jazeera ee Muqdisho halkaas oo seddexdii maalin ee ugu dambeysay uu shirkaasi ka soconayay , waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in loo wareejiyay shirka xarunta nabad sugida ee Habar Qadiijo.

Ilaa iminka si rasmi ah looma oga waxa keenay is badalkan hayeeshee Wariyaha caasimada online ee shirkaas qeybta ka ahaa ayaa sheegaya in wali ay ku sugan yihiin Hotel Jazeera , hayeeshee lagu soo war galiyay in shirka halkaasi laga badalay .

Wuxuu sheegay in qeybta Warfaafinta Madaxtooyada Somalia inay ksuoo war gelisay in shirka loo badalay xarunta hey’ada nabad sugida Somalia ee habar Qadiijo halkaas oo xaflada gaba-gabeynta shirka lagu qabanayo.

Sida qorshuhu uu yahay waxa la filayaa in xaflada xiritaanka shirka inay kasoo qeyb galaan Madaxweynaha,  Ra’isul wasaaraha, Wasiirka arimaha dibada Ethiopia, wasiiro ka tirsan xukuumada Somalia, madax ka socota QM iyo xubno kale oo heer caalami ah .

Dhinacyada kasoo jeeda Jubbooyinka ayaa shalay ku heshiin waayay shirka arimaha Jubbooyinka ee Muqdisho , taas oo keentay in waqtigii xiritaanka shirkaas inuu dib u dhac ku yimaado .

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

MAXAAN ka faa’iidnay FEDERAALKA?

Laga soo bilaabo sanadkii 2004 oo aheyd markii deegaanka Embagati ee Dalka Kenya lagu unkay dowladii Federalka Ku meel gaarka aheyd ee uu Hogaaminayay Col.Cabdulaahi Yuusuf Axmed taasoo ku timid abaabul ay waday Qaramada Midoobay iyo Dowladda Kenya ee Dariska la ah Soomaaliya Dowladaas oo lagu unkay Nidaamka Federaaliga kaasoo noqday wado ay qaadeen dowladihii ka danbeeyay ee ay ugu horeysay Dowladii KMG aheyd ee lagu dhisay Jabuuti Sanadkii 2009 ,taasoo ay ku bahoobeen xubnihii Dowladii KMG aheyd ee TFG iyo dhinacii Mucaaradka Saldhigoodu ahaa Asmara Eritrea ee la magac baxay Ururka dib u Xoreynta Soomaaliya oo uu hogaaminayay Shariif Sheekh Axmed kaasoo loo doortay Madaxweynaha Dowladda Federalka KMG ee Soomaaliya.

Haddaba maadaama aan ogaanay sida uu nidaamka Federaalka kusoo galay Soomaalida ,waxaa muhiim ah in aan ogaano waa maxay Federaal?

Federaal waxaa lagu magacaabaa Nidaam Dowladeed ay isku maamulaan Gobolo balse hoos yimaada Dowladda dalkaasi ka jirta oo lagu magacabo Dowladda Dhexe taasoo siyaasad ahaan hogaamisa dalka,balse arimaha gudaha aan ku faragelin Dowlad Goboleedyada maadaama nidaamka Federaaliga uu qabo in Dowlad Goboleed kasta uu xaq u leeyahay in dadkiisu ay doortaan Madaxda hoggaamineysa ayna qeybsadaan Golaha deegaanka ama Xildhibaanada sidii ay ku heshiiyaan ama uu qorayo Dastuurka dalka ee lagu heshiiyay.

Hadaan abaarno ujeedada Qormada oo ah Maxaan ka faa,iidnay federaalka Soomaali ahaan ,mase ku haboontahay soomaaliya iyo Soomaalidu in ay qaataan nidaamka federaaliga?

Dad Badan oo Soomaali ah iyo kuwo kale la socda arimaha Siyaasadeed ee Soomaaliya waxay aaminsanyihiin in Nidaamka federaaliga uusan ku habooneyn Soomaaliya,isla markaana u keenayo kala fogaasho iyo qeybin Siyaasadeed,mid dhaqan iyo Mid Dhaqaalo, maadaama Federaalka loogu tala galay dalalka Leh Qowmiyado iyo Diimo kala duwan oo fara badan.

Sida aan wada oganahay Dalka Soomaaliya, waa dal Baaxad ahaan aan sidaa usii weyneyn ,isla markaana ay ku noolyihiin dad ku wada hadla hal luqad oo ah Afka Soomaaliga isla markaana heysta diinta islaamka ,hadana aan kusii kala duwaneyn oo aan aheyn Shiico iyo Sunno ,balse ah Sunni dhamaantood,taasoo muujineysa in Soomaalidu ay isku dhaqan yihiin ,isla markaana uusan dhib ka taagneyn isla noolaashadooda, waxaana taa Cadeyn u ah, Soomaalida oo ku barakacay Gudaha dalka isla markaana isla degay oo is dhex gal aad u fiican yeeshay, isla markaana leh iskaashi Ganacsi iyo mid dhaqan ,iyagoo xitaa iska guursada oo xidid noqda,iyagoo qofka ka yimid koofurta Fog ee Soomaaliya lagu arkayo isagoo si caadi ah ugu nool Bariga fog iyo Galbeedka Xeebaha badda Cas ama Gobolada Bari iyo Waqooyiga Soomaaliya wax dhibaato ahna aan ku qabin Nolosha .

waxaa kaloo jirta in Nidaamka Federaalka aysan Soomaalidu dhameyn oo aan lagu ansixin cod qaadid,waxaana saxiixay dad u badan Dagaal oogayaashii Soomaaliya iyo qaar kale oo aan fahansaneyn waxa uu yahay Federalisim ama Nidaamka Federaalka waxaana la sheegaa in dadkaasi ay ku jireen kuwo aan Magacooda qori Karin iska daa in ay wax aqriyaan oo ay fahmaane.

Hadaan eegno ififaalaha ka muuqanaya Nidaamka Federaalka ee Soomaaliya isla markaana aan si taxadir leh u dhuuxno Mirihiisa, waxaan arkeynaa in Madaxda ismaamul goboleedyada qaar ay kasoo yeerayaan erayo aan ku bishaareynin kheyr isla markaana muujinaya Midnimo la,aan iyo Qeybin Jaceyl,waxaana ka mid ah erayada har iyo habeen kasoo yeeraya Madaxweynaha Maamul goboleedka la magax baxay Puntland ee ka arimiya Gobolada bari ee Soomaaliya C/Raxmaan Faroole isagoo dhowr jeer ku hanjabay in uu ka baxayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuna eedeeyay Madaxweynaha Dowladda Federalka Xasan Sheekh Maxamuud in uu jabiyay Dastuurkii lagu heshiiyay, isagoo ka careysnaa Shirkii deeqda loogu uruurinayay ee ka Dhacay London uuna marti gelinayay Ra,iisul Wasaaraha Britian Mr.David Cameron ,waxaan warar hoose ay sheegayeen in Faroole uu si gaar ah uga carooday in aan shirkaasi looga qeyb gelin Xubin ka socda Puntland ,isla markaana Saluugay qaabka loo maamuli doono lacagaha Soomaaliya loogu Deeqay Shirkaasi oo aheyd Balaayiin Dolarka Mareykanka.

Marka la eego cawaaqibka ay keeni karaan Hadalada mas,uuliyadda aysan ku dheehneyn ee kasoo baxaya Horboodayaasha ismaamul Goboleedyada qaar waxay calaamad u yihiin in ay mustaqbalka in imaan karto Burbur ku yimaada midnimada Soomaaliya iyo in Maamul kasta uu dhinac u goosto Gobolka uu ka taliyo.

Waxaa kaloo qalad siyaasadeed ah in dalku yeesho Madaxweynayaal badan,waxaa haboon in Madaxa Maamul Goboleedka uu u shaqeeyo sida Gudoomiye gobol oo kale isla markaana loo aqoonsado Maamul hoosaad ka arimiya gobol isla markaana aan loogu yeerin Madaxweyne maadaama ay ku dhalineyso isla weyni iyo amar ku taagleyn, eedaas waxaa qeyb weyn ka qaadanaya Saxaafadda oo buunbuunisa mid kasta oo gobol yar ka sheegta maamul,iyagoo Wararka ciwaan uga dhiga MADAXWEYNAHA MAAMULKA HEBEL AYAA SHEEGAY SIDAAS IYO SIDAAS ,taasoo ku dhiira gelisa in uu Mar kasta Qabto Shir saxaafadeed si uu u galo ciwaanada Wararka.

Gabagabadii waxaa lagama maarmaan ah Midnimada iyo wadajirka Soomaaliya,waxaana mudan in laga eego xalka Soomaaliya waxa ay
wadaagaan Soomaalidu ee aan loosoo safrin fikiro ka yimaada qaarado fog fog ,kuwaasoo aan reebi doonin cawaaqib lagu Mahdiyo.

Soomaaliya waa Mid ,waa Xidid iyo walaalo ku wada abtirsada Samaale, isla markaana ku hadla 1 Luqad,oo heysta Diinta islaamka, iyo
dhaqanka Soo jireenka suuban ee Soomaaliyeed, waa in aan la qeybin ee leysu keeno ,waana in Soomaalidu dib uga fikirtaa Nidaamka Federalka.

Waxaa Xaqiid ah in Soomaalidu aysan waxba ka faa,iidin Federaalka, balse ay kusii kala tagayaan , Soomaalidu isuguma imaan karaan wax aan ka aheyn Sharciga islaamka iyo Dhaqankii xeer beegtida ee geedka hoostiis lagu goyn jiray garta.

W/Q: Bashiir Moh,ed ( Saadaal)
Mogadishu-Somalia
Email:[email protected]

Madaxweyne Xasan oo tagay Jowhar

Jowhar (Caasimada online)  Wafidi uu hogaaminayo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa daqiiqado ka hor gaaray Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Magaalada Jowhar ku tagay diyaarad nuuca Helicopter ah, taas oo ka degatay Garoonka Kubadda cagta ee magaalada iyadoona amniga si aad ah loo adkeeyay.

Waxaa wafdiga madaxweynaha Magaalada kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka sida gudoomiye ku xigeenka gobolka Sh/Dhexe Yuusuf Cabdi C/le iyo gudoomiyaha degmada Jowhar Maxamed Amiin Cismaan Xaaji Cabdule Caqiil iyo mas’uuliyiin kale .

Madaxweynaha ayaa la kulamaya Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Odayaasha dhaqanka gobolka Haweenka iyo Dhalinyarada gobolka inkastoo aan la shaacin waxyaabaha kulamadaas diirada lagu saari doono.

Magaalada ayaa go’doon ugu jirta Fatahaad Webiga Shabeelle uu ka geystay deegaano ka tirsan gobolkaas gaar ahaan Tuulooyin u dhaw magaalada Jowhar.

Waa safarkii labaad ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku gaaro magaalada Jowhar mudo Laba bil gudohooda ah tan iyo markii uu qabtay xilka madaxweynenimada Somalia

Caasimada online

Xafiiska Jowhar

[email protected]

Ciidamo ajnabi ah oo caawa lagu arkay degmada HOBYO

Hobyo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya degmada Hobyo ee gobalka Mudug ayaa sheegaya, in halkaas caawa lagu arkay ciidamo ajnabi ah, kuwaasoo la socday diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Dad ku sugan HOBYO ayaa warbaahinta maxaliga u sheegay in ay arkeen dhowr ajaaniib ah, kuwaasoo la socday diyaaradaha Helekobtariska, waxaana ay sheegeen in markii ay soo gaareen degmada laga dareemay cabsi ballaaran.

Ilaa hadda ma cadda ciidamada caddaanka ah ee caawa lagu arkay Hobyo, balse waxaa sheegis mudan in halkaas dhowr jeer lagu arkay ciidamo shisheeye, maadama ay hooy u tahay kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Dhawaan waxaa Hobyo tegey Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Cabdi Cawaale Qeybdiid iyo saraakiil Maraykan ah, waxaana uu Sheegay Cabdi Qaybdiid in la dhisi doono dekedda Hobyo.

Hobyo waa deegan muhiim ah, in kastoo ay ku taallo goob ay sheegtaan maamulada Galmudug iyo Ximin iyo Xeeb.

Ilaa hadda lama soo sheegin wax howlgallo ah oo ay sameeyeen ciidamadan caddaanka ah ee caawan tegegay HOBYO.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

[email protected]

Shir Xasaasi ah oo caawa ka soconaya Villa Somalia {Maxaa looga hadlayaa?}

Muqdisho (Caasimada Online)War hadda na soo gaaray wuxuu sheegayaa in caawa kulan xaasi ah uu ka socdo xarunta madaxtooyada Villa Somalia.

Kulanka waxaa uu u dhexeeya madaxweynaha, wasiiru dowlaha madaxtooyada XKS,hoggaamiyaha kumeel gaarka ee Jubba iyo wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia.

Ilo diplomaasiyiin oo ku sugan xarunta Villa Somalia, ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online, in kulanka looga hadlaayo shirka arrimaha Jubbooyinka ee maalmahan ka socday magaalada Muqdisho iyo sida loo xiri doono.

Kulankan, waxaa kaloo looga hadlayaa khilaafyo cusub oo soo wajahay gabagabada shirka, taasoo sababtay in maanta uu dib u dhaco in la soo xirro shirka oo seddax cisho ka socday caasimada Muqdisho.

Si dhab ah looma ogga wax yaabaha keenay in shirkan uu caawa dhaco, laakin waxaa jirra culeyso badann oo dowladda ka soo wajahay shirka ay ku qabtay Muqdisho.

Magaalada waxaa tan iyo shaley ka socday kulamo gaar gaar ah, kuwaasoo lagu diiddan yahay shirkan, waxaana kulamadaas ka qaybgalay siyaasiyiin caan ah, xildhibaanno iyo xubno kale.

WARAR DHEERAAD AH: Maxaa dib u dhigay shirka maanta in la soo xiro?

Waxaa sabab u ah waxaa la isku khilaafay cidda lagu saxiixayo shirka gabagabadiisa, waayo waxaa la rabay in la dhaho Axmed Madoobe iyo dowladda ayaa lagu kala saxiixayaa.

Waxaa jirta warar sheegaya in shirka uu dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo maamulka kumeel gaarka ee Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Booliiska Kenya oo Soomaalida ka qab qabanaya Xaafadda Islii ee Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) Wariyaha Shabakadda Caasimada Online ee Nairobi ayaa soo sheegaya in booliska Kenya ay billaabeen qabqabashada Soomaalida ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ee caasimada Kenya.

Wuxuu sheegay wariyahu in dhowr qof laga qabqabtay magaalada Nairobi tan iyo weerarrkii Westgate Mall bishii September, kuwaasoo qaar kood xittaa leh sharciyo.

Booliska ayaa sheegay in howgallo ay ka billaabeen xaafadda Islii, waxaana ay shaaciyeen in howlgaladan ay yihiin kuwa caadi ah.

Dhallinyarrada Soomaalida ee ku nool xaafadda Islii ayaa cabsi ay la soo daristay, waxaana

Xaafadda Islii waxaa ku nool Soomaali badan, kuwaasoo halkaas ku heesta ganacsiyo qaarna deegan ayey ku yihiin markii ay ka soo carareen dagaaladii ka socday waddankooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Sawirro: Madaxweynaha oo la kulmay wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta Madaxtooyadda ku qaabilay ra’’sulwasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimahha dibadda de dowladda Itoobiya Mudane Dr. Tedros Adhonom.

Madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya ayaa waxa ay ka wad hadleen xiriirka soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada dal iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen dalgaalka lagula jiro kooxaha argagixisada qatarta ku ah ammaanka labada dal.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibbadda ee dalka Itoobiya oo saaka soo gaaray magaalada muqdisho ayaa ka qeyb gali doono munaasabadda  maalinta bari ah lagu xirayo shirka dib u heshiisiinta shacabka Jubbooyinka oo maalmahaan ka socday magaalada muqdisho.

Xasan iyo Adhorem ( (1)Xasan iyo Adhorem ( (2)Xasan iyo Adhorem (Xasan iyo Adhorem ( (3)Xasan iyo Adhorem (1)