28.1 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

Mas’uul ka tirsan DF oo la xiray

Muqdisho (Caasimada online) Sida wararka aan ku heleyino waxaa maanta xabsiga loo taxaabay   Gudoomiye kuxigeenka degmada Xamar weyne Maxamed Macalin Abuukar kadib markii sida la sheegay uu ka hor yimid amar kasoo yeeray wasaarada adeega bulshada.

Dhowaan ayay wasaarada adeega Bulshada gaar ahaan weybteeda waxbarashada waxay dadkii deganaa ay ka saartay xarumihii Maktabada Qaranka inkastoo  maamulka degmada Xamar weyne uu arintaasi ka hor yimid sida la sheegay .

Is qab qabsiga la xiriira dhismaha Maktabada Qaranka ayaa waxay sababtay in xabsiga la dhigo  Gudoomiye kuxigeenka degmada Xamar weyne Maxamed Macalin Abuukar.

Xoghayaha maamulka degmada Xamar Weyne Maxamed Nuur  ayaa xaqiijiyey xariga Gudoomiye kuxigeenka degmada X/weyne Maxamed Macalin Abuukar inkastoo markii dambe lasoo daayey.

Waxa uu sheegay in xariga gudoomiye abuukar uu ahaa mid si khaldan loo maray islamarkaana ay taliska Booliska ka dambeeyeen xarigiisa sida uu hadalka u dhigay

Xukuumada Somaliya ayaa sheegtay inay dib u howlgalineyso dhawaan Maktabadii Qaranka Soomaaliyeed iyadoona dhowaan ka saartay dad halkaasi deegaansaday 20-kii sano ee ugu dambeysay.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Professor caana oo Somalia lagu dilay

Marka (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta  Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaas galabta lagu dilay Prafisoor caan ah.

Dad goobjoogayaal ah ayaa u sheegay warbaahinta in la Profisoorka la dilay in la oran jiray allaha u naxariistee Professor Maxamuud Kolo.

Waxaa toogtay marxuumka laba nin oo bastoolado ku hubeysan kuwaasoo ku toogtay Laamiga Wajeer, gaar ahaan agagaaraha Hotel Aaran, xilli uu ku sii jeeday hoygiisa.

Waxaa kaloo dilka Profirsoorkan xaqiijiyay gudoomiyaha Degmada Marka, Maxamed Cusmaan Cali (Yariisow), oo la hadlay Warbaahinta maxaliga.

Si kastaba, Marxuum Kolow, ayaa mid ahaa barrayaasha Jaamacadda Plasma faraceeda Magaalada Marka. sidoo kalle wuxuu ahaa Maamulaha Iskuulka Hoose, Dhexe iyo Sarre ee Cali Bin Abii Daalib ee Magaalada Marka.

 Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Mid ka mid ah beelaha ku dagaalamaya Jowhar oo DF Somalia eedeeyay

Jowhar (Caasimada Online) Mid ka mid ah beelaha ku dagaalamay duleedka magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeellaha Dhexe, ayaa dowladda ku eedeeyay in ay ka dambeeso dagaalada ka socday halkaas.

Nabadoon Cusbow oo la hadlay mid ka mid ah labada beel ee ku dagaamay duleedka Jowhar ayaa u sheegay Idaacaddaha Muqdisho in dagaalka maanta ay ka qayb qaateen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya in u fasaxay beesha kale in duulaan lagu qaado sida uu hadalka u dhigay.

“Meesha xasuuq ayaa ka dhacay dad badan ayaa la dilay oo rayid ah,meydadka shacabka ayaa daadsan duleedka Jowhar,dhibaatada ugu daran waxaa geystay ciidamo ka tirsan dowladda oo watay baabuur Cabdi Bile ah kuwaasoo Jowhar ka yimid shaati dowlad ayaa naloo is-ticmaalay guryo iyo hanti fara badan ayaa nalaga baabi’iyay” ayuu yiri nabadoonkaas.

Si kastaba, waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay dagaalka maalintii labaad ka dhacay duleedka Jowhar in ka badan 50 qof ayaa ku dhintay oo u badan rayid, waxaa la gubay guryo iyo hanti kale.

Dhinaca kale, magaalada Muqdisho iyo magaalada Jowhar waxaa ka socda kulamo looga hadlaayo siddii loo damin lahaa dagaal beeleedka ka taagan magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow, ayaa  maanta sheegay in ay wadaan dadaalo, Ciidan lagu kala dhex dhigaayo beelaha ku wada dagaalamaaya deegaanada Geeda Barkaan iyo Timire.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Shir muhiim u ah SOMALIA oo maanta lagu qabtay waddanka Finland

Helsinki (Caasimada Online) Magaalada Helsinki ee waddanka Finland waxaa maanta oo Khamiis ah lagu qabtay shir hal maalin qaatay oo looga hadlaayay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan siddii loo dhaqan galin lahaa qoddobadii ka soo baxay shirkii hiigsiga cusub ee New Deal ee dhawaan  ka dhacay xarunta Midowga Yurub ee Brussels.

Shirka oo ay ka qaybgaleen madax ka socotay Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo Soomaalida dalka Finland ayaa lagu soo bandhigay fursadaha ay heesato Soomaaliya maanta iyo sida looga faa’ideeesan karo.

Wariyaha Qaaradda Yurub ee Shabakadda Caasimada Online oo shirka joogay ayaa soo sheegay in shirka ay ka hadleen wasiiradda horumarinta dalalka Finland iyo UK, kuwaasoo sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay in laga caawiyo arrimo ay ka mid yihiin, ammaanka, horrumarka, dhaqaalaha iyo dib u dhiska.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay wasiirka arrimaha dibedda Sweden, taasoo tegtay magaalada Muqdisho, waxa ay sheegtay in magaalada ay ku soo aragtay wax yaabo badan oo horrumar ah.

Si kastaba, shirka ayaa gabagabadiisa la isku raacay in dowladda fedaraalka Soomaaliya lasiiyo taageero dhinaca diplomaasiyada ah taasoo loo marsiinaayo QM iyo Midowga Afrika.

Waa shirkii seddaxaad oo sannadkan  loo qabto Soomaaliya, kaasoo ay garwadeen ka tahay Midowga Yurub oo bixiya dhaqaalaha ugu badan ee la siiyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, labo shir oo hore ayaa ka dhacay magaalooyinka London iyo Brussels.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Yurub

[email protected]

 

DAAWO: Nolosha dadka araga la ee Muqdisho ku nool & Sida ay u nol yihin

Magaalada Muqdisho oo ah caasimada dalka Soomaaliya waxaa ku nool Kumanaan dadka araga la ee aan waxba arki karin, kuwaasi noloshooda kala gedisan tahay, waxayna isugu jiraan kuwo noloshooda iyaga maareeya, kuwo eheladooda caawiya iyo kuwo aan nolol haysan.

Kaam ku yaal magaalada Muqdisho oo ay ku nool yihiin dadka Indhoolayaasha ah, oo isugu jira dad waayeel ah, Caruur iyo haween, waxay intooda badan noloshooda ku maareeyaan siyaabo kala duwan.

Muuqaalkaan oo si gaar ah ugu hadlaya nolosha dadka Indhoolayaasha ayaa waxaa qeyb ka ah Caruur yaryar oo u nool sida ay dadka caadiga ah u nool yihiin, waxayna heleen fursado waxbarasho iyagoo farta Barelka la yiraahdo ay wax ku bartaan maadooyinka kala duwan ee dadka caadiga ah bartaan.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA: 

 

Beesha Caalamka oo wax ka weydiisay Madaxweynaha & Wasiirka maaliyadda sababta ay isku casishay Yusur Abraar

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa goordhow lagu soo gabagabeeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho shir ay qaateen wafdi ka socda beesah caalamka, Baanka Adduunka, UNSOM, xubno ka socday Midowga Afrika, madaxweynaha Soomaaliya iyo wasiirka maaliyadda.

Kulanka oo ahaa mid albaabada uu u xiran yahay, ayaa looga hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ka mid tahay sababihii keenay in ay is-casisho guddoomiyihiin bangiga dhexe ee Soomaaliya Yussur Abraar oo si lama filaan ah shaqada uga tegtay.

Markii uu kulanka dhammaaday waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka maaliyadda iyo qorsheenta, Maxamuud Xasan Suleymaan Cawil, wuxuuna sheegay in dhammaan wax yaabaha looga hadlay shirka la isla afgartay.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in wafdiga beesha caalamka uu madaxweynaha uga warbixiyay sababihii keenay in uu is-casilo, wuxuuna sheegay in mardhow la magacaabi doono guddoomiye cusub isla markaana si weyn loo maamuli doono dhaqaalaha beesha caalamka ka soo xarooda.

Wasiirka ayaa mar uu soo hadal qaaday hadallo badan oo suuqa galay ay yihiin kuwa been oo lagu xumeynayo dowladda sida uu hadalka u dhigay in kastoo uusan faah-faahin wax yaabahaas.

Si kastaba, waxaa soo badanaya tuhunka besha caalamka ay ka qabaab sababta keentay in ay is-casisho guddoomiyihii baanka dhexe ee Soomaaliya.

Waxaa horey shaqada uga tagay guddoomiyihii hore Cabdisalaan Hadliye, kaasoo ay la degtay warbixin ay soo saareen guddiga dabagalka hubka ee QM ee waddamada Somalia iyo Eriteria.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DHAGEYSO: Warar dheeri ah oo kasoo kordhay xiisada Khaatumo & Puntland

Taleex (Caasimada Online) Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Maxamed Yuusuf Jaamac Indho Sheel oo ka hadlay Shirka Maamulkoodu uu ku yeelanayo degmada Taleex eee gobolka Sool ayaa sheegay inaysan jirin cid is hor istaag  ku sameyn kato Shirka Khaatumo3 ee ladoonayo in degmadaasi lagu qabto.

Wuxuu sheegay in iminka uu soconayo shir hor dhac u ah shirka khaatumo3 ee maal maha soo aadan lagu wado inuu ka furmo deg,ada talex ee gobolka Sool ee Maamulka khaatumo State.

Maxamed Yuusuf, Madaxweynaha Khaatumo wuxuu sheegay in Ergadii ka qeyb gali lahaa Shorka khaatumo 3 inau joogaa degmada Taleex sida ugu dhowna uu shirkaasi u furmi doono.

“Si kasto shirka khaatumo waa mid dhici doono mana aha mid mid cid aan uga heebeysan doono ,ergadii ka qeyb gali laha wey joogaan , waxaaana iminka soconaya shirar hordhac u ah shirka khaatumo3 ” ayuu yiri Maxamed Yuusuf

Dhowaan madaxweyne kuxigeenka Maamulka Puntland wuxuu sheegay in degmada Taleex  aan lagu qaban karin shir aan lagu soo war galin Maamulka puntland .

Halkaan Hoose ka dhageyso Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha khaatumo

Caasimada online

Xafiiska Taleex

[email protected]

Shir muhiim ah oo Muqdisho ka furmay

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa goordhow ka furmay shir looga hadlaayo arrimaha caafimaadka Soomaaliya.

Shirka oo ay ka qaybgalayaan i ka badan 400 oo dhakhaatiir kuwaasoo ka kala yimid dalka iy dibediisa, waxaa furay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Raysal wasaaraha ayaa sheegay in shirkan maanta ka furmay Hotelka City Palaza uu yahay mid muhiim ah, isla markaana la doonayo in looga arrinsado bal heerka caafimaadka ee dalka.

Wuxuu ka codsaday dhakhaatiirka iyo mas’uuliyiinta kale ee ka qaybgaleysa shirka in looga baahan yahay siddii wax looga qaban lahaa dawooyinka dhacay ee dalka la keeno.

Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in xukuumadiisa ay hal wasaarad ka dhigi doonto wasaaradda caafimaadka.

Intaas kaddib waxaa goobta ka hadashay wasiirka adeega bulshadda Dr. Maryan Qaasim, waxaana ay sheegtay in wasaaradeedu ay wax badan ka qabatay in la baaro dawooyinka iyo qalabka caafimaad ee la keeno dalka.

Waxa ay sheegtay in shirkan uu noqon doono mid la doonayo bal in dhakhaatiirta iyo hey’addaha caafimaadka in ay gacan ka geestaan siddii wax looga qaban lahaa dawooyinka dhaca ee dalka la iska keeno.

Ugu dambeen duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa isna sheegay in dhakhaatiirta ka qaybgaleysa shirka in looga baahan yahay siddii ay gacan ugeesan lahaayeen in dalka laga hirgaliyo nidaam caafimaad oo tayo leh.

Shirkan ayaa muddo seddax cisho socon doona, waxaana gabagabadiisa laga saari doonaa war-murtiyeed looga hadlaayo qoddobada looga hadlay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dagaal maalintii 2aad ka socda Jowhar

Jowhar (Caasimada Online) War hadda soo dhacay wuxuu sheegayaa in dagaallo kale ay ka dhaceen duleedka degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka oo uu dhexeeyo beelo wada deggan halkaas ayaa la sheegayaa in uu goordhow dilaacay sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Ma cadda khasaaraha uu geestay dagaalka oo mardhow uun billowday, balse waxaa la maqlayaa daryanka rasaas xooggan oo ay adeegsanayaan labada dhinac.

Magaalada waxaa ka socda dedaalo ku aadan siddii lagu damin lahaa dagaalka ka socda bariga waqooyi ee magaalada Jowhar, waxaana meelaha dagaalada ay ka socdaan la sheegayaa in magaalada ay u jirto lix km.

Dagaalkan ayaa shaley ka billowday deeganno ku yaalla duleedka magaalada Jowhar, waxaana ku dhintay in ka badan 14-qof tir intaas kabadana waa ay ku dhaawacmeen sida ay lee yihiin ilaha caafimaadka.

Dhinaca kale, waxaa maanta magaalada Jowhar la gaarsiiyay gargaar ay dirtay dowladda, kuwaasoo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka ka barakacay fatahaada wabiga Shabeelle.

Gargaarkan ayaa waxaa halkaas geesay AMSIOM sida uu noo sheegay wariye ku sugan magaalada Jowhar.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Ammaanka PUNTLAND oo si aad ah loo adkeeyay “Maxaa soo kordhay?”

Garoowe (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya deegannada Puntland ayaa sheegaya, in la adkeeyay ammaanka magaalooyinka waaweyn ee Puntland, iyadoo loo diyaar garoobayo doorashooyinka maamulkaas oo dhawaan laqaban doono.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in ciidamada ammaanka lagu amray in ay digtoonaadaan oo ay taxaddar muujiyaan si loo khalkhal garin doorashada madaxweynaha maamulka Puntland.

Wuxuu kaloo sheegay Faroole in ay ku kal soon yihiin in ay si nabad galyo leh ay ku dhacdo doorashadda soo socota oo ka duwan kuwii kal hore ka dhacay deegannada Puntland.

Ciidamada ammaanka ayaa baaraya gawaarida iyo dadka la socda, waxaana bar control kasta la dhigay ciidamo badan kuwaasoo heegan ku jirra.

Doorashada Puntaland waxaa ilaa hadda isku soo taagay 11- musharrax oo uu ku jirro Faroole oo sannad kale ku darsaday xilligii loogi talagay in uu joogo xafiiska.

Dad badan oo odorosa arrimaha Puntland waxa ay lee yihiin doorashadan waa ay ka duwan tahay kuwii hore, waayo dad culus ayaa ku jirra oo uu ka mid yahay Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Muxuu Axmed Madobe ka yiri 6 qodob ee shirkii Jubbooyinka ee Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online)  Magaalada Muqdisho waxaa habeenkii xaley lagu qabtay xaflad lagu sagootinaayo ergooyinka iyo mas’uuliyiinta ka qaybgashay shirkii arrimaha Jubbooyinka ee ka socday magaalada.

Xafladda oo ka dhacday xarunta Villa Somalia waxaa ka qaybgalay madaxda dowladda iyo mas’uuliyiin kale oo lagu casuumay.

Dadka ka hadlay waxaa ka mid ahaa hoggaamiyaha kumeelgaarka ee Jubba, Axmed Madoobe oo xafladda ka sheegay in lixda qoddobo ee ka soo baxay wajiga koobaad ee shirka ay dan weyn ugu jiraan beellaha degga gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

Wuxuu sheegay in aysan jirin wax khilaaf ah oo ka dhashay qoddobada iyo sida loo saxiixay, wuxuuna sheegay in uu isaga damaano qaadayo cid kasta in uu qancin doono.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo isna hadlay ayaa ku celiyay in dowladda aysan diyaar u ahayn in ay iska horkeenaan beelaha degga gobalada Jubbooyinka iyo Gedo, wuxuu kaloo sheegay in cid kasta oo diiddan ama wax saluugsan ay diyaar u yihiin in ay qanciyaan.

Dhinaca kale, waxaa saakay magaalada Muqdisho ka socota qaban qaabada siddii dib loogu celin lahaa ergooyinka ka yimid magaalada Kismaayo.

Waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho hadda ku sugan dhammaan ergooyinka ka qaybgalay kuwaasoo ku sii jeeda magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Beelaha Harti, Laylkase iyo Awrtable “Axmed Madoobe nama matalo anaga”

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah beelihii ka qayb galay shirka arrimaha Jubba ee shalay ku soo xirmay magaalada Muqdisho ayaa qaadacay war murtiyeedka ka soo baxay shirka, sheegeyna in maamulka Axmed Madoobe uusan matalin.

Oday Xaamid Maxamed Xuseen oo ka mid ah ergadii shirka ka qayb galay ee ka socday magalada Kismayo ayaa sheegay shirka inuu noqday mid waji kale yeeshay, sida uu hadalka u dhigay, ayna meesha soo galeen dad aan matalin beelaha Gobaladaasi dega.

‘’Waxaan la isku ogayn ayaan meesha ku aragnay taasaana keentay inaan shirka ka baxno’’ Ayuu yiri Oday Xaamud.

Waxa uu raacshay in dadka saxiixay heshiiskan ay kala ahaayeen lix qof oo uu sheegay inay horey Qas iyo dagaalo uga sameeyeen magaalada Kismayo iyo lix laga keenay magaalada oo tageersanaa Axmed Madoobe, iyadoona uu ku sheegay waxaan la qaadan Karin heshiiska Muqdisho.

Waxa uu sheegay dadka saxiixay warmurtiyeedka intooda badan inay yihiin dad aan matalin masiirka shacabka Jubbooyinka,sidaasi darteena shirka ay isaga soo baxeen Odayaashii ka socday beelaha kala ah Harti, Laylkase, Meheriiyo Awrtable.

Dhanka maamulka Jubaland ayaan weli wax war ka soo saarin saluugsiga qaar ka mide beelaha goboladaasi, waxana dhowaan idiin soo gudbin doonaa aragtida maamulka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Warbixin: Maxaadan ogeyn oo muhim u ah Somalia oo ka dhacaya Yurub?

Helsinki (Caasimada Online) Waddanka Finland waxaa maanta oo Khamiis ah ka dhacaya shir muhiim ah oo looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya.

Shirka oo ka dhacaya xarunta safaaradda Britain ee dalka Finland, waxaa ka qaybgali doona diplomaasiyiin iyo safiiro ka socda waddamada daneeya arrimaha Soomaaliya.

Shirkan waxaa loo bixiyay “Soomaaliya waxaa la joogaa xilligii wax la qaban lahaa” , wuxuu daba socdaa labo shir oo ka kala dhacay London iyo Brussels sannadkan 2013-ka.

Beesha caalamka ayaa hadda u soo jeesatay siddii ay wax ula qaban lahayd dowladda fedaraalka Soomaaliya, waxaana hadda la sheegayaa in tagaeero xooggan ay heshay dowladda.

Dalka Finland waxaa ku nool Soomaali badan kuwaasoo tegay markii ay Soomaaliya ka dilaaceen dagaalkii sokeeye 22-kii sanno ee la soo dhaafay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Helsinki

[email protected]

MIDOWGA AFRICA sidee ayey u arkaan shirkii Jubbooyinka ee Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay qoddobada ka soo baxay shirkii Jubbooyinka ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika arrimaha Soomaaliya Maxamed Salaax Annadiif, ayaa war-qoraal ah oo uu saaray wuxuu ku sheegay in shirkaas uu ahaa mid guul ku soo dhammaaday isla markaana wax badan ka tari doona arrimaha Jubbooyinka.

Danjire Annadiif ayaa tilmaamay in ay si weyn ula dhaceen qaabka ay u wada hadleen dhammaan dhinacyada ka qaybgalay shirka, wuxuuna kula dardaarmay in ay ka dhabeeyaan hirgalinta qoddobada ka soo baxay shirka.

Wuxuu sheegay in Midowga Afrika uu mar walba uu taageersan yahay wax kasta oo nabad lagu raadinaayo isla markaana lagu dhexdhexaadinaayo dhinacyada is-haya.

Hadalka Annadiif ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay jiraan weli beelo iyo dad saluugsan qaabka loo qabtay shirka arrimaha Jubbooyinka oo wajiga koobaad uu ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana dhimman wajiga labaad oo lagu wado in uu ka dhaco Kismaayo.

Ugu dambeen wuxuu ammaanay dowladdaha Soomaaliya iyo Ethiopia kuwaasoo dedaal ballaaran galiyay qabsoomida shirka arrimaha Jubbooyinka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]  

Dhageyso: Shirkii Jubooyinka oo la yiri “Waxaa loogu daneyey beel gaaar ah”

Muqdisho (Caasimada Online ) Qaar ka mid ah waxgaradka Jubbooyinka ayaa dhaliil ka muujiyay shirkii arimaha Jubbooyinka ee Muqdisho lagu so gabagabeeyay , waxaana ay shirkaasi ku tilmaameen mid aan xalaal aheyn sida ay ka dhawaajiyeen.

Suldaan Siciid Diriye Maxamed, wuxuu ka mid yahay waxgaradka kasoo jeeda jubbooyinka , wuxuu sheegay in shirka mudada afarta maalin ah Muqdisho ka soconayay ee aayaha Jubbooyinka looga hadlayay inuu yahay mid aan  wax micno ah u sameyneyn dadka dega Jubbooyinka iyo Gedo

Wuxuu sheegay in shirkaas uu yahay mid dad gaar ah ay wataan , waxaana uu ku billowday ajande la’aan sida uu sheegay waxaana sidoo akle uu tilmaamay in shirkaas uu ku dhamaaday fashil sida uu hadalka u dhigay .

“ Ugu horeyn magaca shirka wuxuu ahaa shir Jubbooyinka iyo Gedo looga hadlayo laakiin saas meysan noqon ee qolo gaar ah ayaa dhinac loola saftay oo lagu yiri waxaad rabtaan keensada  sidaas darted maaha shir sax ah , ayuu yiri Suldaan.

Wuxuu sheegay in shirka ay ka qeyb galeen hayeeshee maalintii Koowaad ay isaga bexeen iyagoo cadaalad xumo tirsanaya , waxaana uu sheegay in arintooda aysan jirin cid dheg jalaq u siisay sidaasi darteedna wuxuu sheegay in muuqaato sida uu sheegay in markii horaba aan raali laga aheyn balse dano gaar ah laga lahaa .

“ Muhiimadu maaha in warqado lakala saxiixdo ama meel la isugu yimaada ama la wada hadlo laakiin muhiimadu waa in laga dhabeeyo ku dhaqanka waxyaabaha lagu heshiiyay  laakiin heshiis markiisii horaba baadil ahaa siduu ku suuga galayaa” ayuu yiri Suldaan siciid diriye

Muddo afar maalin ah oo Muqdisho ka soconayay shirka arimaha Jubboyinka ayaa si rasmi ah Muqdisho loogu soo gabagabeeyay , waxaana lagu wadaa dhowaan in qeybta labaad ee shirkan inuu ka  furmo magaalada Kismaayo.

Halkaan Hooe ka dhageyso Codka Suldaanka

Suldaan Siciid Diye Maxamed Jubooyinka

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

Dunida Maanta & Taknoolajiyadii ugu cajiibsaneyd oo la soo saaray (Video)

0

Horudhac:  Soomaalidu waxeey tiraahdaa Nin aduunyo joogoow maxaa aragti kuulaaban taa oo ay ula jeedaan qof kasta oo dunidaan ku sii ceesho wax kasta wuu arkayaa waxaan taa uga gol lee yahay maanta heerka Tignoolajiyada Casriga waxeey gaartay Kaamirad lagu sheegay in ay Maskaxda qofka Bini’aadamka ah la shaqeyneyso.

Hadaba aqristoow waa kanaa muuqaal ku tusinaya arin kaa yaabin doono oo Telefonka Iphone-ka loo isticmaalayo taa oo ku tusineysa in aduunka maanta wax kasta lagu soo kordhin karo ee nala daawo Muuqaalkani adaa yaabi doonee.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Carafaad oo la ggaaday in la sumeeyay

Ramallah (Caasimada Online) – Baaris Seyntifik ah oo lagu sameeyay samballo laga soo qaaday meydka hogaamiyihii geeriyooday ee Falastiiniyiinta Yasser Arafat ayaa laga helay maadada Radio Actifka oo heerkeedu sareeyo, sida ay sheegtay warbaahinta iyo xaaskii uu ka geeriyooday.

Warbixin ka koobanta 108 bog oo ay soo saareen seynisyahanno u dhashay dalka Sweden – oo ka howlgala jaamacadda Lausanne, oo ay uu helay Telefishinka Al-jazeera, lana tusay shirkado kale oo warbaahineed, ayaa laga ogaaday in xadi aan caadi aheyn oo maadadaasi halista ah laga helay shacaano laga soo qaaday feeraha iyo gumaarka meydkii carafaad, iyo ciidda halkii uu yaalay meydkiisa.

Haweeneyda uu ka dhintay Carafaad , oo la yirahdo Suha, ayaa u sheegtay wakaalada wararka ee Reuters arbacadii shalay – in waxa la ogaaday uu yahay dambi dhab ah oo lagu dilay ninkeedii – waxey sheegtay in dhimashada seygeeda ee sanadkii 2004tii uu ahaa shirqool siyaasadeed.

Caasimada Online

Xafiiska Doxa

[email protected]

Shacabka Sh/dhexe oo dhibkii hayay dhib loogu sii daray (Faah-faahin)

Jowhar (Caasimada online) Gudoomiye kuxigeenka gobolka Shabeelaha Dhexe Yuusuf Cabdi Cabdule, wuxuu sheegay in la sameeyay goobo gaar u ah oo lagu xaanaaneeyo dadkii ay sameynta ku yeesheen Fatahaada webiga Shabeelle gaar ahan deegaanada ku dhow dhow magaalada Jowhar.

Arintan waxay ka dambeysay kadib markii dadkaasi ay ku hanti beeleen Fatahaada webiga Shabeelle , waxaana wali xiran wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar sababato la xariiri biyo buux dhaafiyay wadadaasi darteed.

Iyadoo ay taasi jirto hadana qeybo ka mid ah duleedka magaalada waxaa ka soconaya dilal aano qabiil salka ku heysa shalayna waxaa ka dhacay dagaal toos ah oo beelo gobolkaasi wada dega u dhexeeya .

Tuulada Geedo Barkaan oo duleedka dhanka bari Jowhar  uga beegan ayuu dagaalku ka dhacay waxaana uu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah inkastoo inta ay la egyihiin aan la xaqiijin .

Shalay Xarunta gobolka Sh/Dhexe ee jowhar waxaa gaaray Madaxweynaha Somalia oo tan iyo markii la doortay markii labaad halkaasi tagay iyo wafdi uu hogaaminayay .

Qaar ka mid ah Bulshada reer Jowhar ayaa sheegaya in ay yihiin dad labada dhinac ka gubtay , waxaana ay taasi ku macneeyeen in dagaal qabaa’ileed uu markale kasoo cusboonaaday gobolka iyo in Fatahaada wabiga ay saameyn weyn ku yeelatay .

Waxaa Xusid in dhowaan meelahaan ay heshiis buuxa ku wada gaareen magaalada Jowhar kaas oo uu gar wadeen ka ahaa gudoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe Cabdi Jiinoow Calasoow.

Caasimada online

Xafiiska Jowhar

[email protected]

DHAGEYSO: DFS oo la eedeeyey

Muqdosho (Caasimada online) Dowlada Somalia ayaa ku guul dareysatay wax ka qabashada Xiisadaha kasoo cusboonaaday gobolada Sh/Dhexe iyo Mudug sida uu sheegay nabadoon Faarax Gacameey oo ka mid ah waxgaraka Somaliyed.

Nabadoonka ayaa sheegay in  wax ka qabashada iyo dhamaynta colaadahaasi ay u istaageen isaga  iyo Nabadoono kale oo isku xilqaamay dhameynta xiisadaha goboladaasi iminka ka taagan

Sababta keentay inay iyagu is abaabulaan ayuu ku sheegay inay go’aansadeen kadib markii ay arkeen in dowlada Somalia ay arimahaasi ay ka indho xiran tayay waxaana uu tilmaamay in ku dadaali doonaan  nabad kusoo dabaalida gobolada iminka colaaduhu ay ka jiraan  

 Laabada gole ee dowlada Soomaaliya ee kala ah golaha sharci dejinta iyo kan xukuumada Somalia ayuu sheegay Nabadoon gacameey inay ku fashilmeen hir gelinta howlihii loo idmaday, waxaana uu ka dalbaday gudashaya waajibaadkooda shaqo.

Wuxuu sheegay in dowlada Somalia ay ka gaabisay Arimaha Somaliland Puntland iyo shirka Beydhabo ka soconaya oo uu sheegay in dhamaan ay u baahan yihiin in xal laga gaaro .

Dowlada Somalia dhowaan waxay ka dhawaajisay in is badal wanaagsan dalka u horseedi doonta , iyadoona iminka dalka uu ka jiro khilaaf ku aadan  Maamul u sameynta gobolada dalka.

Halkaan Hoose ka dhageyso nabadoon gacameey

Halkaan ka dhageyso Codka Nabadoon Gacameey

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Shir muhima oo ka furmaya Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaa maanta oo Khamiis ah ka dhacaya shirweyne muhiim ah oo looga hadlaayo arrimaha caafimaadka Soomaaliya.

Shirka oo lagu qaban doono Hotel Jazeera oo udhow garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaa ka qaybgalaya dhakhaatiir ka yimid dibedda iyo kuwa Soomaaliya jooga, sidoo kale waxaa lagu casuumay wakiilo ka socda hey’addaha caafimaadka maxaliga iyo kuwa caalamka.

Shirka waxaa furi doona ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Saacid “Shirdoon” waxaana uu ka sheegi doonaa halkaas sida dowladda ay u dooneyso in wax uga qabato xaaladda caafimaadka dalka iyo la baaro dawooyinka iyo qalabka caafimaad ee dalka la iska keensado.

Sidoo kale, shirkan waxaa ka hadli doonta wasiirka horumarinta iyo adeega bulshadda Dr. Maryam Qaasim, taasoo soo bandhigi doonta qorshaha ku aadan wasaaradda adeega bulshadda ee ku aadan xaaladda caafimaadka dalka.

Shirkan waxaa taageeraya Qaramada Midoobay, gaar ahaan hey’adda caafimaadka dunidda ee WHO.

Waxaa laga soo gabagabeen doonaa sagaalka bishan oo ku beegan maalinta Sabtida ee soo socota, waxaana gabagabadiisa laga saari doonaa war-murtiyeed looga hadlaayo arrimaha shirka looga hadlay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]