28 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

Shir ka dhan ah shirkii Jubooyinka ee Muqdisho oo maanta dhacaya, Xagee?

Baydhabo (Caasimada Online) Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, waxaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo shir looga hadlaayo maamul u sameenta lix gobal oo ku yaalla Koonfur-Galbeed.

Wariye ka tirsan Shabakadda Caasimada Online oo ku sugan Baydhabo ayaa soo sheegaya in magaalada maanta oo Sabti ah laga dareemayo diyaargarowgii ugu dambeeyay ee shirka, waxaana magaalada ku soo qulqulaya ergooyin ka imaanaya magaalada Muqdisho.

Si kastaba, shirkan waxaa looga soo horjeeda shirkii ka dhacay Muqdisho ee looga hadlay arrimaha Jubbooyinka, waxaana dabada ka riixaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo siyaasiyiin caan ah.

Magaalada Muqdisho, waxaa dhowrkii cisho ee la soo dhaafay ka dhacay kulamo looga hadlaayo siddii uu ku qabsoomi lahaa shirkan oo gobalada maamulka loo sameenaayo ay ku jiraan Jubbooyinka iyo Gedo.

Wixii ku soo kordha kala soco Wararka dambe haddii alle idmo

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Afgooye

[email protected]

Daawo Video: Horumarka suuqa weyn ee Bakaraha & bilicda uu yeshay

Caasimada Online: Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku guuleestay in uu wax weyn ka badalo Suuqa Weyn ee Bakaaraha oo ah Xarunta Ganacsi ee Dalkeena Somalia waxuuna Maamulka sameeyay arimo badan oo marka aad aragto aad la yaabeyso sida uu isku badalay Suuqa Bakaaraha iyo Nidaamka loo sameeyay Suuqa.

Bilicda Suuqa ayaa ah mid muuqaal ahaan ka duwan sidii uu ahaan jiray Suuqaasi Sanadihii dambe balse waxa aad is lee dahay Sidaan miyuu isku badalay Suuqii Weynaa ee Bakaaraha waana arin ka mid ah Isbadalka Xoogan ee Horumarka leh ee ka soconaya Magaalada Muqdisho ee nala Daawo Video-ga.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Madaxweynaha Somalia oo maaanta oo soo xiraya shir muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa goordhow lagu soo gabagabeen doonaa shirkii looga hadlaayay arrimaha caafimaadka.

Shirka oo ay ka qaybgalayaan dhakhaatiir iyo xirfadlayaal caafimaad ayaa maalintii Khamiista ka furmay Hotelka City Palasa oo ku yaalla Waqooyiga Muqdisho.

Wariyaha Shabakadda Caasimada Online ee Muqdisho oo ku sugan goobta shirka ayaa soo sheegaya in la filaayo madaxweynaha Soomaaliya uu soo xiro shirka.

Wasiirka adeega bulshadda xukuumadda Soomaaliya Dr. Maryan Qaasim oo goordhow ka hadashay shirka ayaa sheegtay in loo baahan yahay shirkan in ay ka soo baxaan wax yaabo muhiim u ah shacabka Soomaaliya.

Waxa ay sheegtay in adeega caafimaad ee dalka 22-kii sanno ee la soo dhaafay uu aad liitay isla markaana dowooyin dhacay la keenay dalka.

Waxa ay ugu baaqday dhakhaatiirta iyo xirfadlayaasha caafimaadka ee ka qaybgalay shirkan in loo baahan yahay wax ka qabtaan xaaladda caafimaadka dalka.

Caasimada Online

Xafiika Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Maamulka Isbitaal-ka Madiina oo ka warbixiyay dhaawacyo loo keenay

Muqdisho (Caasimada Online) Maamulka Isbitaalka Madiina ayaa ka warbixiyay dhaawacyo xaley la soo gaarsiiyay Isbitaalka kuwaasoo ku wax yeeloobay weerarrkii xaley lagu qaaday Hotel Al-Mukarrama.

Madaxa caafimaadka Isbitaal Madiina, Mrs Duniyo oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in afar qof oo dhaawac loo keenay Isbitaalka in ay geeriyoodeen saacadihii la soo dhaafay.

Waxaa kaloo ay sheegtay Isbitaalka Madiina in la keenay 30 qof oo ku soo dhaawacmay weerarrkii habeenkii xlaey lagu qaaday Hotel Makah Al-Mukarrama.

Isbitaalka ayaa hadda waxaa ku sugan ehalada dadkii wax ku noqday weerarrka iyo ciidamada dowladda.

Ilaa hadda marka la isku geeyo tirada dadka ku dhintay weerarrkii xaley waxa ay gaareysaa ilaa 9 qof, waxaana laga yaabaa in tirada ay intaas ka badato, sida ay lee yihin ilaha caafimaadka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Sawirro: DF oo ka hadashay qaraxa & sii hayihii safaaradd UK oo ku dhintay

Muqdisho (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa goordhow ka hadashay qaraxa caawa ka dhacay Hotelka Makah Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Cabdikariin Xuseen Guuleed oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen ilaa afar qof 15 kalena ay ku dhaawacmeen.

Wasiirka waxaa kaloo u sheegay in gacanta ku hayaan nin dhallinyaro oo la sheegay in uu ku jiray gudaha Hotelka kaasoo watay Computer Laptop oo wax yaabo ay ka qarxeen.

Dhinaca kale Afhayeenka DF Cabdiraxmaan Yarisow ayaa xaqiijiyay in Abdulkadir Ali oo loo yaqaano “Dhuub” oo ahaan jirey Sii Hayaha Safaarada Soomaaliya ee UK uu ku dhintay Qaraxii Caawa ka dhacay Hotel Maka Al-Mukaramma.

“Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhu Raajicuun, waxaa caawa magaalada Mogadishu ku geeriyooday Mudane Abdulkadir Ali oo loo yaqaano Dhuub oo ahaan jirey Sii Hayaha Safaarada Soomaaliya ee UK. Gacan ka xaq daran baa dishay oo qaraxii Makka Al-Mukarama buu u chintzy. Allaha u naxariisto Dhuub, janadii fardowsa Allaha ka waraabiyo, ummadda Soomaaliyeed iyo ehelkiisana Samir iyo Iimaan EEBBE ha ka siiyo,”ayuu yiri Eng.Yarisow.

Ammaanka Hotelka iyo wadadda Makah Al-Mukaram ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la geeyay ciidamo ka tirsan dowladda.

Hotelka Maka Al-Mukarrama ayaa wuxuu ku yaalla wado muhiim oo ay maamusho dowladda Soomaaliya, waxaana la dhisay dhawaan in kastoo uu ka mid ahaa Hoteladii caanka ahaa ee ku yiilay magaalada Muqdisho.

Wadadda Maka Al-Mukarrama ayaa la sheegaa inay tahay mida ugu ammaanka badan dalka Soomaaliya, waxaana gacanta ku heysa dowladda.

Ma jirto ilaa hadda koox sheegatay qaraxa caawa ka dhacay Hotelka Al-Mukarrama.

qarax 1qarax 2qarax 3

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Weerar lagu qaaday xabsiga Boosaaso oo saraakil dhowr ah lagu laayey

Dagaal muddo saacad ku dhow socdey ayaa caawa ka dhacay xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso.

Dagaalka ayaa dhex maray ciidamada asluubta iyo koox dabley ah oo hubeysan. Rasaasta ay labada dhinac is weydaarsanayeen waxaa laga maqlay dhammaan xaafadaha magaalada Boosaaso.

Inkasta oo faah faahin dheeri ah aan arrintan laga haynin, waxaa hadana warar hordhac ah oo soo baxayaa ay sheegayaan in iska hor imaadkaas ay labo sarkaal ku dhinteen labo kalena uu dhaawac kasoo gaaray.

Mid kamid ah askarta geeriyootey ayaa ahaa taliye ku xigeenkii xabsiga, waxaa sidoo kale uu dhaawac fududi soo gaarey taliyaha xabsiga Shire Siciid.

Docda kale qaraxyo saddex ahaa iyo rasaas goos goos ah ayaa laga maqlay jidka laamiga ah ee magaalada dhex mara iyo xaafadda biyo-kulule.

Isha: HM

Warar cusub oo kasoo kordhay qaraxii ka dhacay Hotel ku yaalla Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa faahin laga helayaa qarax caawa ka dhacay Hotelka Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho.

Inta la ogyahay labo qof ayaa ku dhintay in ka badan afar kalena waa ay ku dhaawacmeen, sidoo kale waxaa laga maqlayaa rasaas dhismaha Hotelka sida uu sheegay wariye ka tirsan Shabakadda Caasimada Online oo ka agdhow Hotelka.

Si dhab ah looma oga khasaaraha intaas dhaafsan ee ka dhashay qaraxa ka dhacay Hotelka, oo xilligaas ay ku sugnaayeen dad aad u badan.waayo waxaa la xiray wadadda oo dhan.

Hotelka Al-Mukarrama waxaa deggan xildhibaanno ka tirsna baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’iiliyiin kale, sida aan wararka ku heleeno.

Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in qof walxaha qarxa waday ay ciidamada ammaanka ka qabteen goobta inta uusan qaraxa dhicin.

Qarax ayaa wararku waxa ay sheegayaan in la tuhmayo inuu ka dambeeyey nin dhalinyaro ah oo watay Laptop.

Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday Isbitaalka Madiina, halkaasoo hadda lagu daweynayo sida ay lee yihiin ilaha caafimaadka.

Ma jirto ilaa hadda cid ka hadlay qaraxa caawa ka dhacay Hotelka Maka Al-Mukarrama oo ka mid ahaa hoteladii hore balse dhawaan dib loo dhisay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

 

Dhageyso: Wararkii ugu dambeeyey ee Xiisadii gobolka Shabeelaha Dhexe

Jowhar (Caasimada online) Wararka ka imaanaya duleedka magalada Jowhar ee xarunta  gobolka shabeelaha dhexe oo labadii maalin ee ugu dambeeyay ay dagaalo ku dhex marayeen maleeshiyo beeleedyo halkaasi wada dega ayaa sheegaya in haatan ciidamo ka tirsan dowlada Somalia iyo kuwa AMISOM ay  kala dhex galeen labada dhinac.

Gudoomiyaha degmada Jowhar Maxamed Amiin Cismaan Xaaji Cabdule Caqiil oo faah faahin ka bixinayay ciidamaada kala dhex galay labada dhinac ayuu sheegay inay ku guulees joojinta Xiisada  halkaasi ka jirtay.

Wuxuu sheegay in haatan ciidamada dowlada ay kala dhex galeen labada dhina iminkana xaalku uu yahay mid aad u degan , waxaana uu sheegay in haatan ay isugu yeereen odayaal ka kala socda maleeshiyo beleedka dagaalka uu u dhexeeya si xiisada loo dejiyo isla markaana wax waliba wada hadal lagu dhameeyo.

Caqiil oo ka warbixinayay saameynta mudadii uu dagaalka socday ayuu sheegay in ay ila gubeen labada dhinac tuulooyin gaaraya ila Seddex tuulo , waxaana uu cadeeyay in khsaare intaasi ka badan inuu jiro

Dhanka kale Taliyaha guutada koowaad ee ciidanka xoogga dalka ee kusugan Sh/dhexe Korneel Maxamuud Maxamed Koronto ayaa sheegay  inay ciqaab marsiin doonaan hogaanka odayaasha beelaha dagaalamay maadama uu sheegay inay xabad joojinta jabiyeen.

Taliye Koronto waxa uu sheegay inay mar walbo iyagu isku dayeen sidii nabad ay ugu wada noolaan lahaayeen beelaha wada daggan halkaasi.

Labadii maalin ee ugu dambeeyay deegaano ku dhow magaalada Jowhar kuna beegan dhanka bari magaalada waxaa ka dhacayay dagaal u dhexeeyey Maleeshiyo beeleedyo gobolkaasi wada dega.

 

Halkaan Hoose ka dhageyso codka Gudoomiyaha degmada jowhar

Maxamed Amiin Cismaan Xaaji Cabdule

Caasimad online

Xafiiska Jowhar

[email protected]

VIDEO: Bilicda Muqdisho oo Barnaamij Cajiib ah laga diyaariyay.

0

Caasimada Online:  Muuqaalka Muqdisho & Bilicda Magaalada oo Barnaamij Cajiib ah uu ka diyaariyay Tv laga lee yahay Wadanka taliyaaniga ayaa waxuu soo duubay 16 degmo Gobolka Banaadir & Muuqaalkooda.

Barnaamijkaan ayaa waxaa lagu soo qaadanayaa Goobaha ilqabadka leh ee Magaalada Muqdisho & Dhismooyinka Qurxoon ee ka hir galay Sanadkaan marka aad u fiiriso Sanadihii hore ee nala daawo Barnaamijkaan Xiisaha Badan.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Horyaalka heerka koowaad ee dalka oo maanta Furmaya

Muqdisho (Caasimada online) Saacadaha soo aadan waxaa lagu wadaa in garoonka kubadda Cagta ee Garoonka Conis Stadium Ciyaaraha Horyaalka heerka koowaad ee dalkeena Soomaaliya.

Garoonka oo dhowaan dib u dayac tir ka helay Xiriirka Kubada Cagta Aduunka ee FIFA iyadoona naqshad ahaan garoonkaasi lala mid dhigay sida garoomada caalamka oo kale .

Ciyaar daah fur u aheyd Garoonka Conis oo maalin ka hor ka dhacday ayaa waxaa isaga hor yimid Kooxaha Banaadir iyo Elman, waxaana ciyaartan ay aheyd Koobka loo yaqaano Super Cup-ka Somalia

Waxaana natiijada ciyaartaasi ay ksuoo idlaatay 5-4 oo guushu ay ku raacday kooxda kubada cagta ee Elman kadib rogoorooyin  ay labada dhinac wada tuurteen  iyadooona  mudadii 90-ka daqiiqo aheyd ee iyaartaasi ay kusoo dhamaatay bareejo 1-1 ah .

Maanta ayaa si rasmi ah lagu wadaa inay u furmaan Horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya .

Kooxaha Horyaalka ka qeyb qaadanaya oo ah sideed kooxood ayaa waxay kala yihiin:-

1-Elman
2-Gaadiidka
3-Savaanah
4-Heegan
5-LLPP Jeenyo
6-Horseed
7-Dekedaha
8-Banaadir

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Talyaaniga oo lagu xiray nin Somali ah oo door ku lahaa geerida dad badan

Roma (Caasimada Online)Wakaalada Wararka AFP ayaa maanta oo Jimco ah qortay in booliska dalka Talyaaniga ay xireen nin Soomaali ah oo la sheegay in door ku lahaa doon ku degtay xeebaha jaziirada Lampedusa oo ay ku dhinteen 336 qof.

Ninkan oo ah 24-jir ah ayaa la qabtay isagoo joogay xer ka mid ah xerooyinka la dajiyay dadkii la socday dooni ku degtay xeebaha Talyaaniga seddaxdii bishii October ee sannadkan.

Waxaa gartay ninkan oo aan magaciisa la sheegin dadkii la socday doonta ku degtay xeebaha Talyaaniga, waxaana wariye ka tirsan BBC-da oo ku sugan Roma Allan Johnston uu soo sheegay in inta aan la xirin ninkan dadkii meesha joogay ay dhaheen waan dileynaa.

Waxaa lagu eedeeyay inuu  ka mid ah kooxo maleeshiyo oo ku sugnaa Libya kuwaasoo hablaha kufsan jiray isla markaana lacago baad ah ka qaadi jiray dadka socotada ee ku sugan dalka Libya.

Afhayeen u hadashay booliska magaalada Palermo ee gobolka Sicily ee dalka Talyaaniga ayaa sheegtay in ninka la aqoonsaday xilli su’aalo la weydiinayay dadka soo galootiga ah ee ka badbaaday musiibadii Lampedusa.

Waxay tilmaantay in sidoo kale lagu eedeeyay gabbood-fallo dhinaca galmada ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Mas’uul sare oo ka tirsan DF Somalia oo maanta lagu dilay magaalada…

Baydhabo (Caasimada Online) War hadda soo dhacay wuxuu sheegayaa in goordhow lagu dilay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay, guddoomiye xaafadeed.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Warbaahinta in guddoomiye xaafadeedka uu toogtay askari ka tirsan dowladda fedaraalka kaddib markii ay murmeen.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Ibraahim Madoobe, wuxuuna guddoomiye ka ahaa xaafadda Bardaale ee magaalada Baydhabo sida ay lee yihiin dadka deeganka.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray waxa ay sheegayaan in maamulka Baydhabo ay gacanta ku soo dhigeen askariga dilay guddoomiye xaafadeedka.

Ma jirto ilaa hadda cid ka hadashay dilka guddoomiye xaafadeedka magaalada Baydhabo.

Aammaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaalada berri ka furmaya shir looga hadlaayo maamul u sameenta lix gobal oo ku yaalla koonfur galbeed ee dalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Musharraxiinta Puntland oo dhoolatus u sameeyay C/raxmaan Faroole

Nairobi (Caasimada Online) Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa hjabeenkii xaley ka dhacday xaflad ay qabsadeen qaar ka mid ah musharrixiinta isku soo taagay doorashadda maamulka Puntland oo dhaceysa 8-da bisha Janaayo ee sannadka soo socda 2014-ka.

Xafladda oo ay ka qaybgaleen musharrixiin caan ah, waxa ay goobta ku soo bandhigeen hamigooda siyadda ee ku aadan doorashadda iyo haddii ay ku guuleestaan waxyaabaha ay qaban doonaan.

Dadka ka soo muuqday xafladda waxaa ka mid ah, Ra’iisal wasaarihii hore DKMG ah Cabdiweli Gaas, Dr.Saadaq Eenow iyo Xaaji Maxamed Yaasin.

Waxa ay ku baaqeen musharrixiintan in doorashadda Puntland ay noqonto mid si xalaal ah u dhacda, iyagoona ka codsaday ciidamada iyo shacabka in aysan la safan cid gaar ah.

Doorashadda maamulka Puntland ayaa kolkan wax badan ka badallan kuwii horre, waxaana loo badinayaa in la cuni doono Faroole sida ay lee yihiin dadka wax odorosa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

 

Hadal ka soo yeeray DF oo si aad uga careysiiyey Somaliland (Muxuu ahaa?)

Hargeysa (Caasimada Online) Maamulka Somaliland ayaa si weyn uga soo horjeestay hadal ka soo yeeray dowladda Soomaaliya oo ah xirfad layaal caafimaad oo ka socda Somaliland in ay ka qaybgalayaan shirka looga hadlaayo  hannaanka caafimaadka dalka Soomaaliya.

Wasiir ku-xigeenka caafimaadka Somaliland Nimco Sheekh Qowdhan oo la hadashay BBC-da ayaa sheegtay in qof xil ka haya wasaaradda caafimaadka maamulka Somaliland aaney ka qaybgaleynin shirkaas.

Waxa ay beenisay hadal ay sheegtay wasiirka adeegga bulshadda Dr. Maryam Qaasim taasoo sheegtay in shirka Muqdisho ay ka qaybgalayaan xirfadlayaal ka yimid Soomaaliya oo dhan sida Burco, Laasacaanood, Gaalkacyo, Kismaayo iyo meelo kale oo dalka ah.

Hadalkaas wax ka jirro ma ahan wax qorsho ah isuguma jirto Somaliland iyo Somalia, cid Director oo shaqo heysa oo ka qaybgashay shirkaas ma jiraan” ayey tiri Nimco Qowdhan.

Waxaa la weydiiyay maxaa dhib ah oo ku jirra in la hormariyo caafimaadka guud ee dalka?

Waxa ay sheegtay in wax dhib ah aysan ku jirin balse waxa ay sheegtay in horrey ay u sameesteen caafimaadkooda oo qorshohooda uu gaar u yahay.

Si kastababa, Somaliland dhowr jeer oo horre ayey sheegtay in ay ka soo horjeedo qorshe guud oo ay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday.

Somaliland waxa ay mar kasta iska riixdaa Soomaaliya sidaas oo ay tahay haddana wali waxa ay la’dahay aqoonsi caalami ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]  

Kenyatta oo ballan-qaad uusan oofin karin sameeyey, xilli Kenya xaalkeeda ay dunida oo idil ka yaaban tahay

Isaga oo daba socda ballamihii uu u qaaday in uu musuqmaasuqa la dagaalamayo iyo in tallaabooyina uu u qaadayo in madaxda arrimahaas gacmaha kula jiro awoodda laga qaadyo, ayaa Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta wuxuu bilaabay bog cusub oo internetka ah oo shacabku ay si toos ah xafiiskiisa ugu sheegayaan xaaladaha musuqmaasuqa.

In kasta oo go’aanka maxadwaynaha ee soo dhexgalkiisa shakhsiyadeed ee arrintan inta badan loo arkay in ay tahay tallaabo Kenya u fiican — taas oo sumcad hoosaysa musuqmaasuqa ku lahayd sanado badan — ayaa shacabka qaarkood aysan wali ku qanacsanayn in sheegitaanka musuqmaasuqu uusan arrintan waxba ka qabanaynin.

Bogga musuqmaasuqa ka dhanka ah ayaa qayb ka ah rugta cusub ee madaxwaynaha ee internetka www.president.go.ke.

Dadka soo booqanaya rugtaas internetka ayaa soo gudbin kara fiidiyow, sawiro, cajalado maqal ah iyo dukumantiyo kale si ay eedaymahooda u xoojiyaan.

Si loogu dhiiri galiyo shacabku in ay musuqmaasuqa soo sheegaan, ayaa rugtu waxay kuwa isticmaala u oggolaanaysaa in aysan isa sheegin, sida ku qoran bayaan ka soo baxay xafiiska Kenyatta October 30-keedii. Dadka ayaa sidoo kale cabshooyinka ku soo gudbin kara iyaga oo isticmaalaya warbaahinta bulshada, ama iyaga oo farriin qoraal ah u diraya lambarkan 33000.

Bilaabidda rugtan ayaa imaanaysa wax ka yar hal bil markii Guddiga Kenya ee Anshaxa iyo La dagaallanka Musuqmaasuqa (EACC) uu qabtay shan qof oo hore uga tirsanaa Hay’adda Guriyaynta Qaranka (NHC) iyaga oo lagu haysto arrimo ku saabsan musuqmaasuq, iyo iyada oo guddigu uu bilaabay baadhitaan ku aaddangarsoorka oo lagu tuhunsan yahay musuqmaasuq.

Ochieng Khairalla, agaasimaha guud ee Isutaga Shacabka ee Dhaqanka Dastuuriga, ayaa ammaanay tallaabada uu madaxwaynuhu arrintan sida shakhsiga ah uga qayb qaadanayo, isaga oo sheegay in ay arrintani dardar galinayso dagaalka lagula jiro musuqmaasuqa.

“La dagaalanka akhlaaq darradan ayaa sanado badan u guuxaysay madaxwayne in uu ka qaato [go’aan ka dhan ah]. Madaxwayne Kenyatta ayaa arrintan iska xilsaaray. Madaxda iyo shacabka musuqmaasuqa ku jira ayaa haysta sabab ay aad ugu walwalaan,” ayuu yiri.

Geesinimo kasta oo ay tahay, ayaa tallaabada Kenyatta si kastaba ha ahaatee ay dhalin kartaa cadho siyaasadeed, Khairalla ayaa ka digay.

“Musuqmaasuqa ayaa leh qaab uu dagaal rogaal celin ah u qaado. Kuwa lagu tuhmo musuqmaasuqa ayaa laga yaabaa in ay dagaalka siyaasadeeyaan, laakiin madaxwaynaha ayaa u baahan niyad samida dhammaan Kenyaanka si uu dagaalka ugu guulaysto,” ayuu yidhi.

Madaxwaynaha ayaa u bahaan in uu wax ka qabto cabashooyinka sharciga ah ee uu helayo si uu fariin adag u diro oo ah in ay ka dhab tahay in uusan musuqmaasuq u dulqaadanaynin, Khairalla ayaa yidhi.

In kasta oo uu soo dhaweeyay dadaalka cusub ee Kenyatta, ayaa Boniface Mwangi oo ah la dagaalame dhinaca musuqmaasuqa ahna wariye sawirqaade ah ayaa sheegay in ay arrinatn tilmaan u tahay in madaxwaynuhu uusan kalsooni ku qabin awoodda EACC ee ah in ay shaqada si fiican u qaban karto.

“Waxaan leenahay hay’ad ka dhan ah musuqmaasuqa [EACC) oo u xilsaaran la dagaallanka ka dhanka ah [musuqmaasuqa], laakiin waxay u muuqataa in ay shaqadii ku badan tahay,” Mwangi ayaa sidaas sheegay.

“Ugu dambayntii, arrinta madaxwaynaha ayaa mas’uul ka ah, isaguna ma rabo in uu dhabarka u rito guuldarrada hay’adahaas,” Mwangi ayaa sidaas sheegay.

Dhanka kale, Khamiistii (November 7-deedii) ayaa xafiiska madaxwaynuhu wuxuu Twitter ku sheegay in warbixinnada musuqmaasuqa ee ay dawladdu ururisay loo gudbin doono EACC-da.

Cabashooyinka oo la soo gudbinayo

Ilaa Isniintii (November 4-teedii), ayaa rugta Kenyatta ee musuqmaasuqa ka dhanka ah loo soo gudbiyay 2,000 oo cabasho, Dennis Itumbi, oo ah guddoomiyaha Unugga Xidhiidhka Istaraatiijiyada Maxadwaynaha ee internetka, warbaahinta cusub iyo arrimaha qurba joogta, ayaa sidaas yidhi.

Sida uu qabo Itumbi, ayaa dadaalka madaxwaynaha uu dhamaystirayaa barnaamijta kale ee wax ka qabanaya musuqmaasuqa ee waddanka oo dhan, kuwaas oo ay ku jiraan shaqada ay dhaqdhaqaaqayaasha musuqmaasuqa ka dhanka ah ay wadaan sida Antony Ragui oo kale, oo ah aasaasihii rugta “Waxaan Bixiyay Laaluush”, kaas oo daba gal ku samaynayay musuqmaasuqa Kenya ilaa November 2011.

Itumbi ayaa sheegay in dawladdu ay qorshaynayso in ay codsato warbixinnada lagu uruuriyay rugta Ragui si ay xaaladahaas u baadho.

“Madxawaynaha ayaa u gudbin doona xaaladaha la soo gudbiyay qaarkood hay’adaha jira, isaga ayaana si shakhsi ah ula socon doona baadhitaannada socda iyo tallaabooyinkii laga qaaday,” Itumbi ayaa sheegay. “Madaxwaynaha ayaa xil gooni ah iska saaraya dagaal wada jir loogu jiro kaas oo waddanka oo dhan isu keenay isaga oo adeegsanaya warbaahinta bulshada.”

Dhiniciisa, ayaa Ragui waxa uu sheegay in ilaa Khamiistii uusan wax hadal ah ka maqal madaxda dawladda.

“Haddii uu madaxwaynuhu ila soo hadli lahaa, waxaan u soo jeedin lahaa in aan isku darno labada rugood si ay u [noqoto] hal rug oo aad u karti badan oo musuqmaasuqa la dagaalanta,” ayuu yidhi.

“Waxaan hayaa warbixinno sugan oo ku saabsan musuqmaasuqa oo dhinac walba ah, kuwaas oo aan diyaar u ahay in aan tuso madaxwaynaha si tallaabo looga qaado. Wadajir ayaan dadaalkeena isugu dari karnaa madaxwaynuhuna wuxuu noqon karaa qofka dagaalkan hoggaaminaya,” ayuu ku daray.

Shacabka oo natiijada dareen isku jira ka qaba

Si kastaba ha ahaatee fal celinta Kenyaanka ee dadaalka maxadwaynaha ayaa ah mid isku dhafan.

Kenya ayaa lagu yaqaanaa musuqmaasuq gaamuray, iyada oo hay’adda arrimahan daba gasha ee Transparency International Cabbirkeedii Aragtida Musuqmaasuqa ee 2012 ay ka dhigtay lambarka 139 ee dhamaan waddamadii la baadhay oo ahaa 176, taas oo waddanka lambar kow galay uu ka dhigan yahay midka ay shacabku u arkaan in uusan musuqmaasuq lahayn.

Dan Wanga,oo ah 34 jir deggan Eldoret, ayaa ka mid ah kuwa sida fiican u soo dhoweeyay tallaabadan. Musuqmaasuqa iyo ammaan darridu waxa alla waxay qaadataba waa in lala dagaalamaa, sababta oo ah waxay curyaaminayaan horumarka, ayuu yidhi.

“Waa arrin fiican in madaxwaynuhu uu la dagaallanka musuqmaasuqa hoggaaminayo. Rugtan ayaa abuuraysa kuwo arrimahn sheega oo qarsoon, waxayna kaalmaynaysaa in musuqmaasuqu hoos u dhaco sababta oo ah in badan oo madaxda dawladda ka tirsan waxay ogaanayaan in si toos ah loo sheegi karo,” Wanga ayaa yiri.

Mohammed Indakwa, oo deggan Gaarisa oo alaabta korantada ka ganacsada, ayaa sheegay in ay aad ugu badan tahay in si toos ah uu musuqmaasuqa ugu gudbiyo rugta madaxwaynaha.

“Waxaa jirta fursad ah in madaxwaynuhu warbixintayda uu wax ka qabto marka loo fiiriyo rugaha kale ee madaxa bannaan. Sababta oo ah madaxwaynuhu wuxuu soo saari karaa amar baadhitaan,” 38-jirkan ayaa sidaas sheegay.

Sharon Atieno, 25 jir, oo ah ardayad ku jirta sannadkii saddexaad ee isgaadhsiinta Jaamacadda Daystar, ayaa arrintan ka shakisan.

“Rugtan ayaa ku soo beegmaysa wakhti uu jiro sharcigo ku aadan xakamaynta warbaahinta,” Atieno ayaa sidaas tidhi. Maadaama ay warbaahinta Kenya hormood ka ahayd soo bandhigidda musuqmaasuqa, waxay shaki ka muujisay in dawladda oo “doonaysa cabudhinta warbaahinta” ay ka go’antahay in ay dhibaatadan xaliso.

Intaas waxaa dheer, in madaxwaynuhu marka hore uu wax ka qabto xaaladaha musuqmaasuqa oo haddaba la shaaciyay ka hor inta uusan codsanin cabashooyin hor leh in la soo gudbiyo, ayay tidhi.

“Waxaa haddaba jira fadeexooyinka Anglo-Leasing iyo Goldenberg, kuwaas oo waddanku ku waayay balaayiin heshiisyo aan caddayn. In wax laga qabto musuqmaasuqaas aadka u wayn ayaa noqon kara bilaw fiican, tilaami karana in ay arrintan dhab ka tahay,” Atieno ayaa sidaas sheegtay.

Isha: Sabahi Online

Baydhaba oo berri laga billaabi doono qorshihii lasoo dhisayey muddo

Baydhabo (Caasimada Online) Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, waxaa maalinta berri ah si rasmi ah uga furmaya shirka maamul u sameenta lix gobal oo ku yaalla Koonufurgalbeed ee dalka Soomaaliya.

Malaakh Cali Cabdi Raxmaan Shiino, oo ka mid ah wax garadka ku howlan shirkaas in qabsoomo ayaa u sheegay Idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho in maalinta berri oo Sabti ah uu Baydhabo ka furmaayo shirka maamul u sameenta lixda gobal.

Wuxuu sheegay in magaalada inta badan ay soo gaareen ergada ka qaybgaleysa shirkaas, isagoonta intaas ku daray in maalinta Isniinta ay ku dhawaaqi doonaan in la billaabayo qabashada araajida musharrixiinta xilka madaxweynaha ee maamulkaas.

Mar uu ka hadlaayay shirkaas in ay la ogtahay dowladda, wuxuu sheegay in shirkaas ay taageersan yahay dowladda fedaraalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeen Malaakha wuxuu ka soo horjeestay shirkii arrimaha Jubbooyinka ee ka dhacay wajigiisa koobaad magaalada Muqdisho, wuxuuna shirkaas ku tilmaamay mid aan loo dhameen.

Ma cadda shirka iska soo horjeeda sida ay ku maareen doonto dowladda fedaraalka oo labadaba taageersan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video: Qaabka keydka Idaacada Radio Muqdisho loo casriyeynayo (Daawo)

0

Caasimada Online:  Dowladda ayaa ku dhawaaqday in la casriyeeyo keydka Raadiyaha Qaranka ee “RADIO MUQDISHO” , waxaana wasiirka warfaafinta oo mar uu maanta booqday xarunta idaacadda uu xarigga ka jaray mashruuca lagu casriyeynayo keydkaasi.

Horumarka nuucaan ayaa qeyb ka ah isbadalka xoogan ee ka socda Magaalo madaxda Muqdisho taa oo ku tusineysa in wadadii nabadda cagta la saaray.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Dhageyso: Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka gobolka Shabeelaha Dhexe

Jowhar (Caasimada Online) Maamulka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay caqabada ka heysta xalinta xiisadaha kasoo cusboonaaday gobolkaasi inay tahay goobaha dagaalkaasi uu ka dhacay iyo magalada Jowhar oo kal go’an .

Gudoomiye ku xigeenka Sh/dhexe Yuusuf Cabdi Cabdule wuxuu Sheegay in roobab xoogan oo ka da’ay gobolka ay saameyn xoogan ku yeesheen wadada u dhexeysa Deegaanka Sabuun oo dagaalka uu kasoo bilowday markiisii hore iyo Magalaada Jowhar .

Ciidamo u gaar ah oo sida uu sheegay maamulku uu ugu talo galay inay maleeshiyo beeleedkaasi ay kala dhex galaan ayuu sheegay in ilaa iminka ay san u suura galin inay gaaraan goobaha dagaalka uu ka dhacay .

Wuuxuu sheegay inay ka war heleen in Tuulaada Geedo Barkaan oo dagaalka xoogiisu uu ka dhacayay Magaalada Jowharna qiyaastii 6-KM  inuu ka war helay in dab la qabasiiyay balse uusan arintaas si rasmi u shaacin karin.

Xiisadan wuxuu sheegay inay salka ku heyso Dhul beereed , waxaana uu sheegay in hore arintan xal loooga gaaray balse dad dano gaar ah ka leh ay mar kale soo cusbooneysiiyeen .

Deegaanada dagaalka uu ka socday lanbadii maalin ee ugu dambeeysay ayuu sheegay in ay yihiin deegaano ka maqan gacanta dowlada Somalia, waxaana uu sheegay in ciidamada Maamulkaasi ay ku egyihiin Xaafada Buulo Sheekh ee magaalada Jowhar hayeeshee xilliyada qaar ay si socod iyo kormeer ah ay ku tagi jireen haatana uu roobku sameyn ku yeeshay.

Deegaano dhanka Bari kaga beegan Jowhar waxaa labadaii maalin ugu dambeysay ka dhacayay dagaalo toos ah oo u dhexeeya  maleeshiyo beeleedyo halkaasi wada dega.

Halkaan Hoose ka dhageyso Yuusuf Cabdi Cabdule

Yusuf Cabdi Cabdulle

Caasimada online

Xafiiska Jowhar

[email protected]

Ciidamo loo diray Jowhar iyo xaaladda oo maanta deggan

Jowhar (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Johar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dowladda ay ciidamo u dirtay labo beelo oo ku dagaalamaya duleedka Jowhar.

Wariye ku sugan Jowhar oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegay in magaalada ay saakay ka ambabaxeen ciidamo dowladda iyo kuwa AMISOM kuwaasoo ku sii jeeda tuulooyin dhinaca barri ka xigga magaalada Jowhar.

Ciidamadan ayaa la doonayaa in ay kala dhex galaan beelo isku heesta dhul daaqsin oo maalintii labad ku dagaalamay halkaas.

Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in xaaladda maanta ay deggan tahay goobihii lagu dagaalamay, waxaana ilaa hadda socda waan-waan iyo ukala dab qaadid labada dhinac.

Inta la ogyahay 50 qof ayaa ku dhintay dagaalka labada maalin ka socday duleedka Jowhar, waxaa la gubay guryo iyo hanti aad u badan, sidoo kale waxaa barakacay dad iyo duunyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live,com

Qarax goor dhow ka dhacay Hotel ku yaalla magaalada Muqdisho

Hotel Maka Al-mukarama oo ku yaalla waddada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa goor dhowka dhacay qarax u ekaa inuu fashilmay, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Qarax ayaa wararku waxa ay sheegayaan in la tuhmayo inuu ka dambeeyey nin dhalinyaro ah oo watay Laptop.

Ugu yaraan laba qof, ayaa laasoo weriyey in ay ku dhaawacmeen qaraxan oo ahaa mid aan xooganeyn, oo mid ka mid ah uu yahay ninkii dhalinyarada ahaa ee Laptop-ka watay.

Muuqaal ahaan meesha uu qaraxu ka dhacay, ayaa waxaa weeyaan maqaaxida ay galbihii ku shaahaan dadka u nasashada tagga Hotel Maka Al-mukarama.

Mid kamid ah dadkii ku sugnaa Hotel Maka Al-mukarama xilligii uu qaraxu dhacaayay, ayaa sheegay in ninka watay Laptop-ka uu iska dhigay, nin sawiraan ka qaadaayo oo kale.

“Ninkaan Laptop ayuu watay, wuuna soo dul istaagay, wuxuu iska dhigay sida nin na sawiraayo oo kale. Waxaana xigtay qarax yar oo aan maqalnay.” ayuu yiri mid kamid ah dadkii ku sugnaa Hotel Maka Al-mukarama.

Qaraxa oo dhacay xilligii Salaadda Maqribka ee caawa, ayaa waxaa ku baxay Ciidanka Nabad Suggida ee Dowladda ee aaggaasi ka hawlgala, waxayna xaqiijiyeen in ay gacanta ku soo dhigaan ninkii Laptop-ka watay.