28 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Calanka dalka oo la suray dukaamada Muqdisho kaddib amar kasoo baxay…!

0

Muqdisho (Caasimada Online) Maamulka Gobalka Banaadir ayaa digniin u jeediyay mulkiilayaasha leh xarumaha ganacsiga ee ku yaalla qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho, waxaana lagu amray in goobahaas la suro calanka Soomaaliya.

Wariye ka tirsan Shabakadda Caasimada Online oo maantay booqday suuqa Xamarweyne iyo goobo ganacsi ayaa sheegaya in uu soo arkay in goobahaas lagu dhajiyay calanka Soomaaliya.

“Maamulka Gobalka Banaadir ayaa nagu soo wargaliyay in goob kasta oo ganacsi lagu dhajiyo calanka Soomaaliya, cidii sidaas sameen weynso waxaa laga qaadayaa 500 oo shilling Soomaali ah” ayuu yiri Axmed Cismaan oo carwo ku leh Suuqa Xamarweyne.

Magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanaya xarumaha ganacsi ee waaweyn ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Shaley ayay ahayd markiii qaybo ka mid ah wadooyinka Muqdisho lagu dhajiyay nalal samaafarayaasha ee ku shaqeeya tamarta cadcadeeda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Abwaan Soomaalida ku weyn oo caan ahaa ayaa ku geeriyooday London

0

London (Caasimada Online) Magaalada London ee dalka Britain, waxaa ku geeriyooday Allaha ha u naxariisto Abwaanka weyn ee  Sahal Macalin Ciise.

Wariyaha Shabakadda Caasimada Online ee London ayaa sheegay in abwaanka uu xanuusanayay muddooyinka dambe.

Allaha ha u naxariisto Abwaan Sahal Macalin Ciise ayaa ka mid ahaa abwaanada ugu caansan dalka Soomaaliya, waxaana uu sameen jiray heesaha afka Maayka ah.

Sahal Macalin Ciise (Midig) iyo Ibraahim Baafo (Bidix)
Sahal Macalin Ciise (Midig) iyo Ibraahim Baafo (Bidix)

Waxaa uu sameeyay heeso badan oo uu qaaday fannaanka weyn ee Xasan Aadan Samatar, waxaana uu caan ku ahaa HEESAHA HUBUROW.

Haddaba maamulka iyo shaqaalaha Shabakadda Caasimada Online, waxa ay halkan tacsi uga dirayaan ehelka iyo dhammaan dadka uu ka baxay marxuum Sahal Macalin Ciise gaar ahaan fannaaniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Caasimada Online

Xafiiska WararkaYurub

[email protected]

Somalia & Kenya oo kala saxiixanaya heshiis & qorshihi Kenya oo fashilmay

0

Barnaamijka Martida Makroofanka ee idaacadda VOA waxa uu todobaadkan uu ku saabsanyahay xaaladda Soomaalida Kenya ku nool iyo qorshaha dib u celinta qaxootiga Soomaalida, waxaana marti ku ah Safiirka Somalia u fadhiga dalka Kenya Maxamed Cali America.

Dowladaha Kenya iyo Somalia ayaa maanta la filayaa inay kala saxiixdaan heshiis ku saabsan dib u celinta qaxootiga Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Maxamed Cali America ayaa VOA u sheegay in heshiiska ay labada dal gaareen u dhigayo in qaxootiga aan qasab dib loogu celin karin Soomaaliya, balse ciddii doonaysa ay si mutadawacnimo ah ugu noqon doonto Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa soo geba gebeynaya handadaaddii iyo qorshihii ay muddo wadday Kenya, oo ahaa inay qasab ku celineyso qaxootiga Soomaalida ah.

Qeybta hooose ka dhageyso barnaaamijka Martida Makrafoonka.

Video: Sh Umal oo kashifay kana digay arrimo Somalia lagu burburinayo

0

Nairobi (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa khudbadii Jimcaha waxaana uu uga hadlay khatarta ay leedahay in magac diin iyo dan qabiil umada lagu burburiyo,loona gacan geliyo dalkooda gaalo iyo Cadow.

Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa aad uga dheeraaday in qof walba oo muslin ah uu diintiisa ilaashado waxaana uu  uga digay in ay ku kadsoomaan kuwa magaca diin ku burbiriyey dalka iyo Diinta iyaga oo laayey culumadii dalka Soomaaliya kuwii ugu waaweyn.

Sh. Maxamed Cabdi Umal ayaa sheegay in Soomaaliya ay karaamo iyo sharaf lahayd xiligii ay dowladdi dalka ka  jirtay balse ay kuwa qaab qabiil isku abaabulay ay dalkii ku burburiyeen jabhado.

Sh. Maxamed Cabdi Umal ayaa sheegay sidoo kale in dalka  lagu burbiyey magac diin oo ajandooyin kale huwan waxaana uu Sheekhu umada ugu baaqay in ay culumada iyo cilmiga ku xirmaan xiligan oo ah xili fitno lagu jiro kana digtoonaadaan dhagarta loo maleegayo.

Hoos Ka Daawo Khudbadii Sheekh Maxamed Cabdi Umal Xafidahulaah

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

 

 

 

DEG DEG: Wiil Soomaaliyeed oo lagu dilay Columbus, Ohio (Faah-Faahin)

0

Columbus (Caasimada Online) War hadda naga soo gaaray magaalada Columbus ee gobalka Ohio ayaa sheegay in wiilk Soomaaliyeed lagu dilay xaafadda Lantern Drive.

Wariye Deeqo Shirre oo ku sugan magaalada Columbus ayaa sheegtay  in wiilka ay dileen kooxo hubeysan oo aan la garaneynin heybtooda.

Waxa ay sheegtay in ay dileen seddax nin oo madow ah kuwasoo markii ay dileen wiilka Soomaaliga goobta ka baxsaday.

Waxaa goobta soo gaaray ciidamo kuwaasoo wada baaritaan, mana jirto cid ka hadashay dilka wiilka Soomaaliga.

Ma ahan dilkii ugu horeeyay oo Maraykanka loogu geesto qof Soomaali ah, bishii hore ayey ahayd markii wiil Soomaali ah lagu dilay magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minneapolis

[email protected]

VIDEO: 23 sano kadib oo arrin lagu farxo ay ka hir gashay Muqdisho

0

Caasimada Online: Burburkii Soomaaliya kadib 23 sano waxaa maanta Muqdisho laga hirgeliyay nalalka kala haga Gaadiidka iyo dadka ee wadooyinka, waxaana tallaabadani ay muujineysaa in Muqdisho ay kasoo kabaneyso burburkii iyo nidaam la’aantii ka jirtay 23 sano.

Hadaba Darawalada dhashay xiligii Burburka Dalka kadib & sida ay u hoggaansamay sharcigan cusub ee Taraakif la’aanta ah ee nalalka kala hagayo gaari walbo iyo dadka, Nala Daawo Muuqaal kaa ilmeysiin Doono.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Laba warqad oo jahwareer ka abuuray Muqdisho & Odayaal qeyliyey (Sawirro)

Odayaal Dhaqameedyo kasoo jeeda deegaanka Gobalka Banaadir ayaa ugu baaqay Dowladda in ay wax ka qabato Dhul danta guud ah oo ay dhisanayaan dad shaqsiyaad ah.

Odayaashaan oo manta shir isugu yimid ayaa waxa ay baaq udireen Masuuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ugu sareeyaan Madaxweynaha, Gudoomiyaha Barlamaanka, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Maamulka Gobolka Banaadir, waxa ayna ka codsadeen in ay soo faragaliyaan Dhul la sheegay in uu yahay danta guud, gaar ahaan gaar ahaan jardiin ku yaalla isgoyska Falooransa oo ka tirsan Degmada Warta nabadda Ex Wardhiigley ee Gobalka Banaadir.

Xabiibo Ismaan oo leh booska ku dhagan Dhulka Banaan ee Jardiinada ah oo iyadana goobjoog eheed kulanka ayaa waxa ay tilmaantay in ay dacwad iyo cabashaba ugudbisay Dowlada hoose ee gobalka Banaadir kadibna lasoo siiyay warqad ay dowladda hoose ku amreeyso in aan ladhisan Karin guud ahaan dhulalka jardiinada ah ee kuyaala dhamaan dagmooyinka Gobalka Banaadir.

Si kastaba waxay sheegtay in ninkii boobka ku dhisananay dhulkaasi jardiinada ah isna lasoo siiyay warqad ruqso ah oo iyana kasoo baxday isla dowladda hoose markii ay isku dayday in ay is hortaagto howsha dhisidana la jirdilay dhaawacna loo geestay.

Sidoo kale Xabiibo ismaan waxa ay tibaaxday in iyadu ay xitaa diyaar u tahay in ay dhisto jardiinkaas maadaama uu ku dhaganyahay dulka ay iyadu dagantahay.

oday dh 1oday dh 2oday dh 3oday dh 4jar

Gaas iyo qorshaha berri ee Puntland

Gaalkacyo (Caasimada Online) Sida uu sheegayo wariyaha Shabakadda Caasimada Online ee magaalada Gaalkacyo, waxaa maalinta berri lagu wadaa in uu billaabo olalihiisa doorasho ra’iisal wasaarihii ugu dambeeyay ee dowladda KMG ah Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta tegay Gaalkacyo.

Mudane Gaas ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay waxaana la dajiyay Hotelka Taar ee ku yaalla Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaana ammaankiisa si weyn u ilaalinaya ciidamada ammaanka magaalada iyo taageerayaashiisa.

Waxaa dadka soo dhaweeyay Gaas ka mid ahaa wasiiro horey uga tirsanaa maamulka Faroole, waxaana ka muuqatay wasiirkii hore ee arrimaha Haweenka Caasho Geelle.

Marwo Caasho ayaa si weyn uga soo horjeeda Madaxweyne Faroole iyo maamulkiisa waxaa ay u olaleeneysaa siddii uu ugu guuleesan lahaa Gaas doorashadda dhaceysa 8-da bisha Janaayo ee sannadka dambe.

Gaas ayaa ka mid ah musharrixiinta ugu cad cad doorashada Puntland oo markan wax badan ka baddellan kuwii hore sid aay lee yihiin dadka odorosa arrimaha Puntland.

Magaalada Gaalkacyo waxaa laga dareemayaa caawa diyaar garowga olalaha uu berri soo bandhigaayo Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Magaalada waxaa tan iyo maanta lagu arkayay dad wata sawirka Gaas, kuwaasoo ku dhawaaqaya in ay u baahan yihiin isbadal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Puntland & beeneyn cusub oo hor leh

Garoowe (Caasimada Online) Maamulka Puntland ayaa sheegay in aysan cidna uga qaybgalin shir heer qaran oo looga hadlaayay arrimaha caafimaadka kaasoo maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Wasiirka caafimaadka maamulka Puntland Dr: Cali Cabdullaahi Warsame oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa beeniyay in ay ka qayb galeen shirka looga hadlayo arimaha caafimaadka.

Wasiirka ayaa tilmaamay dadka qaybgalay shirka ee watay magaca Puntland in yihiin kuwo aan matalin maamulkooda, shirkaasina aaneyn cidna u dirsan .

Mar uu ka hadlaayay sababta ay uga qaybgali waayeen shirka, wuxuu tilmaamay in wax xiriir ah uusan ka dhexeynin dowladda dhexe ee Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Puntland ayaa dhowr goor oo horey beenisay inay ka qeyb gashay shirar badan oo ka dhacay Muqdisho, oo dad deegaankaas ku abtirsada ay joogeen.

Sidoo kale maamulka Somaliland ayaa horrey u beeniyay hadal ka soo yeeray wasaaradda adeegga bulshadda oo shirkan qabtay taasoo sheegtay in xirfadlayaal ka socda Somaliland ay shirka ka qaybgaleen balse Somaliland hadalkaas waxa ay ky tilmaamtay mid been abuur ah, Soomaaliyana aysan waxbo ugu darsaneen.

Shirka waxaa laga soo saaray qoddobadan muhiimka ah:-

1: In la sameeyo maamulka caafimaadka iyo maareeyntiisa

2: In la sameeyo siyaasad iyo istiraatiijiyad caafimaad

3: In dib loo habeeyo nidaamka iyo sharciyada caafimaadka

4: In la xoojiyo hogaanka iyo maareeynta guud ee caafimaadka

5: In la xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga ay wasaaradda caafimaadku la leedahay hay’adaha si loo helo wada shaqeyn fiican,taasi oo horseed u noqoneeysa ka faa’ideysiga dhaqaalaha kooban ee soo gala dalka xaga caafimaadka.
Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Wabixin: Digniin culus oo loo jeediyay dadka Soomaalida ee ku nool xeebaha

Boosaaso (Caasimada Online) Waxaa caawa la soo saaray digniin ku saabsan dabeelo xooggan oo ku wajahan qaar ka mid ah bartamaha Soomaaliya.

Cabdulaahi Iidaan Ismaacil oo ka tirsan xafiiska saadasha ee Djibouti ayaa VOA u sheegay in jirto digniino ku aadan dabeelo ku dhufan kara Soomaaliya gaar ahaan deegannada ku dhow xeebaha.

Wuxuu sheegay in xilligan oo kale sannad kasta ay soo baxaan digniino la xiriira dabeelo ka dilaaca xeebaha Soomaaliya.

Meelaha uu carabka ku adkeeyay waxaa ka mid ah degmada Eyl ee Puntland, halkaas oo sannadkii 2004-ta ay ka mid ahayd meelihii ay  ku dhufatay dabeesha Sunaamida.

Dabeeshan ayaa loo bixiyay Tropical Cycle waxaana meelaha ay ku wajahan tahay ka mid ah waddamo ku yaalla Afrika iyo Aasiya sida ay lee yihiin dadka yaqaana cimilada.

Dhinaca kale, aggaasimaha hay’adda maaraynta masiibooyinka iyo arimaha bini’aadamtinimada ee Puntland ee Hadma Cabdulaahi Ceyrow oo la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha Puntland ayaa ku wargaliyay dadka degen dhulka xeebaha inay feejignaan dheeri ah muujiyaan si aanay waxyeelo ugu geysan duufaanta xooggan oo la sheegay inay bilaabanayso caawa sagaalka fiidnimo.

Agaasimaha ayaa sheegay duufaantaan inay  saacaddiiba jarayso masaafo dhan 80 km, Wuxuuna sheegay inay kasoo bilaabanayaan degmada Ayl ee gobolka Nugaal kana tirsan deegaanada kuyaala xeebaha badweynta Hindia.

Ugu dambeen wuxuu sheegay in dhammaan dadka ka agdhow xeebaha ay u direen digniin la xiriirta in ay dabeelo ku soo wajahan tahay degmada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Djibouti

[email protected]

Maxaa ka cusub dagaalkii Cadaado?

Cadaado (Caasimada Online) Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in magaalada lagu soo rogay bandow kaddib markii maanta uu ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamada maamulka Ximin iyo Xeeb iyo maleeshiyo beeleed is baheestay.

Wariye ku sugan Cadaado oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegay in magaalada caawa lagu soo daadiyay ciidamo badan kuwaasoo hegan ku jirra.

Arrintan ayaa ka dambeesay markii shan qof ay ku dhaawacmeen iska hor imaad maanta magaalada ku dhexmaray ciidamada maamulka Ximin iyo Xeeb iyo maleeshiyo deeganka ah.

Ilaa hadda waxaan ka hadlin wixii ka dhacay maanta Cadaado maamulka Ximin iyo Xeeb.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Sawirro: 23 sano kadib Muqdisho oo laga hirgaliyay samaafaraha wadoyinka

Muqdisho Caasimada online Muqdisho  waxaa maanta laga gaaray nalalka Samaafaraha (Traffic Lights), muddo 23-sano ah oo dalka bur bur uu ka jiray  ka dib .

Wadada Hormarta Guriga hooyooyinka ee degmada Xamar weyne iyo sidoo kale Golihii Murtia iyo Madadaalada qaranka ee National Theatre ayaa la sheegay in laga hir galiyay.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan, oo  wuxuu sheegay in muddo 23 sano kadib, ay ku guuleysteen in ay dib u soo celiyaan Samaafarihii kala hagaayay gawaarida.

Gaadiidka qaar ee sida qaldan u adeegsada wadooyinka ayuu sheegay in arintan ay wax badan ka qaban doonto , isagoona arintan ku sheegay guul usoo hoyotay bulshada reer Muqdisho.

Afahayeenka Gobolka Banaadir, wuxuu sheegay in guud ahaan wadooyinka magalada ay ka hir galintoonaan isla-markaana kuwan iminka laga hirgaliyaya wadadan maka almukarama  ay yihiin kuwo hor dhac ah oo kaliya.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada ee Wadooyinka Magaalada Muqdisho Cali Barre Xersi, oo dhankiisa Saxaafada la hadlay,  ayaa si aad ah usoo dhaweeyay hawsha uu suura galiyay Maamulka Gobolka Banaadir.

Taliyaha, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in soo celinta nidaamkii hagista ee gaadiidka, ay yareyn doonto shilalka xilliyada qaarkood ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Dadka qaar ayaa is weydiinaya Muqdisho Ma maka al-mukarama oo kaliya mase horumarka wadadaasi waxaa loogu daneynayaa madaxda dalka imaaneysa inkastoo uusan daah saarneynwax qabadka maamulka Gobolka sida dadka qaar ay kuu sheegayaan.

Halkaan ka dhageyso Samaafadaha Muqdisho laga hirgaliyay

100305_001

sama 1sama 2sama 3sama 4sama 5

[email protected]

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

Somaliland oo ka hadashay sababta uu ku baaqday shir ay la yeelaneysay DFS

Hargeysa (Caasimada Online) Maamulka Somaliland ayaa maanta oo Sabti ah ka hadlay sababta uu ku baaqday shir ay la lahayd dowladda fedaraalka Soomaaliya kaasoo shaley ka dhici lahaa dalka Turkiga.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa u sheegay VOA-da in shirka uu baaqday kaddib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay ku mashquulsan tahay shirar looga hadlaayo arrimaha maamul u sameenta.

“Shirka waxaa lagu waday in uu furmo shaley, balse waxaa xiriir nala soo sameeyay danjiraha Turkiga u fadhiya Muqdisho, wuxuu noo sheegay in dowladda ay codsaday in dib loogu dhigo shirka, wuxuu na weydiiyay goorma ayaad jeceshihiin in shirkaas uu dhaco, waxaan u sheegnay toddobaadka koobaad ee bisha December ee sannadkan” ayuu yiri Wasiirka.

Mar wax laga weydiiyay arrinta hawada Soomaaliya oo lagu soo wareejiyay dowladda Soomaaliya, wuxuu sheegay in arrintaas ay xiriir la sameeyeen wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya isla markaana guddi farsamo loo saari doono kuwaasoo ay kala hadli doonaan Qaramada Midoobay.

Dhinaca kale, waxaa maanta gaaray magaalada Hargeysa Wafdi ay hoggaamineyso madaxa la dagaalanka burcad-badeeda caalamka Donny Hob.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland. Cali Maxamed Waran Cadde  oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in wafdigan ay kormeereen marsada Berbera.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay isla garteen siddii loo dhisi lahaa ciidamadda badda Maamulka Somaliland.

Wafdiga ay hoggamineyso Danny Hob ayaa booqan doona mashaariicda Midowga Yurub uu ka hirgaliyay Somaliland oo ay ka mid yihiin xabsiyo oo loogu talagalay in lagu dhaqan celiyo burcad-badeeda Soomaalida.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

VIDEO: Dadka qaba Streska oo daawo Cajiib ah loo helay. “Arin Cajiib ah”

Caasimada Online: Maska Dilaaga jebisada ayaa dalka Indonisiya waxaa loo isticmaalaa in lagu yareeyo walwalka iyo walbahaarka, iyadoo sidoo kale loo isticmaalo in dadka u daliigto una jimciso.

Arintan oo dunida soo jiidatay ayaa waxaa jira xarumo waaweyn oo daliiga jebisada oo dhowr qeybood u kala baxa, waxayna qofka ay u daliigto jebisada ay dareemeysaa furfurnaan jirkiisa ah ee nala daawo Muuqaalkaan cajiibka ah..

HALKAAN KA DAAWO: 

 

Beesha Abakar Murusade oo kullan xasaasi ah ku yeelatay Muqdisho

Waxaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho kulan dhaqameed balaaran oo ay yeelatayBeesha Abakar oo ka mid ah beelaha Murusada .

kulankaan oo kadhacay Hotel Ramada ee magaalada Moqdishio , Oo ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka Beesha Abakar ayaa waxaa sidoo kale lagu casuumay dhaqanka beel waynta Murasde.

Kulankaa oo ay ka soo qayb galeen 120 qof , aya

a waxaa uu u jeedkiisau ahaa in la soo bandhigo odayaal dhaqameedyo cusub oo ku soo biiray hogaanka beesha Abakar kuwaasi oo ay tiridooda gaareeysay 5 xumnood .

Kulanka ayaa waxa lagu sheegay in uusan shaqo ku lahayn wax siyaasad ah, waxa ayna ka hadeleen inta badan odayaashii meesha ka hadlay taariikh dhaqameedka ay soo martay beesha Abakar.

Kulankan ayaa waxa ay sheegeen odayaasha ,in laga shaqaynayay muda 8 bilood ah sidii uu ku qabsoomi lahaa.

Gudoomiya golaha dhaqanka beesha Abakar Nabadoon Cabdi Macalin Maxamaduud oo meesha ka hadlay yaa waxaa uu sheegay , in uu dhaqanka u taaganyahay sidii uu ugu shaqayn lahaa danaha Abakar iyo guud ahaan tan Murusade .

Nabdoon Cabdi ayaa waxa uu sheegay in ay muhim tahay in la shaqeeya mideenta Beel waynta Murasade iyo hormarkeeda , si loogu sii gudbo danaha Somaaliyeed.

Sidoo kaleNabadoon Aadan Sheekh Nuur ( Qooje) oo ah Gudoomiya kuxigeenka goalha dhaqanka Beesha Abakar ayaa wax wax uu sheegay in uu yahay ujeedkooda sidii danaha beesha looga shaqayn lahaa , waxa uuna sheegay Qooje in uu dhaqankoodu ku saleeysanyhay shareecada islaamka.

Sidoo kale dhamaan odayaal dhaqameed yadee kale oo ka socday qeebaha gale ee Beesha Murusadsade ayaa waxa aya hanbalyeeyeen kulankaan iyaga oo sheegay in uu yahay mid kudayasha mudan, waxa ayana balan qaadeen in ay lashaqeeyaan dhaqanka Abakar ayaga oo hanbalya u diray xumnaha cusub Allana uga baryay in uu u fududeeya howshaan culus oo loo igmaday

1=Nabadoon Cabdi macalin maxamuud gudoomiyaha

2=Nabadoon AadanQooje sheekh Nuur gudoomiye ku xigeen

3 Nabadoon sheekh cali yuusuf sabariye

4 Nabadoon sheekh cali  yuusuf daameey cigalle

5= Nabadoon siciid malin maxamuud kuuloow

456789321

Cabdiweli Gaas oo tegay Gaalkacyo

Muqdisho (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya Raysal wasaarihii hore ee DKMG Cabdiweli Maxamed Cali Gaas in uu ka degay garoonka marxuum C/llaha Yuusuf ee ku yaalla Magaalada Gaalkacyo.

Dadweyne fara badan ayaa ku soo dhaweeyay halkaas kuwaasoo sheegay in ay ku farraxsan yihiin imaashiyaha Gaas magaalada Gaalkacyo.

Wariye ku sugan Gaalkacyo oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegay in Cabdiweli markii uu gaaray magaalada uu la hadlay saxaafadda, isagoona caddeeyay in uu yahay musharrax u taagan doorashadda maamulka Puntland oo dhaceysa horaanta bisha Janaayo ee sannadka dambe 2014-ka.

Musharrax Gaas ayaa baaq u diray ciidamada ammaanka Puntland wuxuuna u sheegay in aan loo isticmaalin dano gaar ah, wuxuuna sheegay in looga baahan yahay ciidanka in ay dhexdhexaad ka noqdaan doorashadda oo aysan cidna la safan.

Ugu dambeen ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay haddii uu ku guuleesto doorashadda maamulka Puntland in wax badan ka qaban doono arrimaha Puntland sidoo kalena uu calaaqaad wanaagsan la yeelan doono dowladda dhexe iyo bulshadda caalamka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Dagaal culus oo ka dillaacay Cadaado

Cadaado (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa sheegaya in halkaas maanta uu ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamada maamulka iyo maleeshiyaad hubeysan.

Inta la ogyahay shan qof ayaa ku dhaawacmay dagaalka ka dhacay Cadaado.

Dagaalka ayaa billowday markii ciidamada ammaanka Maamulka Ximin iyo Xeeb ay howllo burburin ah ka sameeyay wadooyin la mamnuucay.

Xaaladda magaalada ayaa kacsan waxaana la soo sheegayaa in xiisad ay ka taagan tahay magaalada sida uu soo sheegay wariye aan wareysanay.

Ma cadda ilaa wax yaabaha dagaalka maanta ka qarxay magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud.

Wixii ku soo kordha kala soco Shabakadda Caasimada Online

Faroole oo billaabay olalaha doorasho ee Puntland 2014 “Intee ayuu tegay?”

Garoowe (Caasimada Online) Madaxweynaha Maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa billaabay olalaha uu ku jirro in uu mar seddaxaad uu ku guuleesto doorashada maamulkaas oo lagu wada in ay dhacdo horaanta sannadka na soo aadan.

Faroole ayaa shaley tegay deeganka Caano-yaskax oo 90 km dhinaca Bari uga beegan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, wuxuuna halkaas kula kulamay dadka bulshadda ku dhaqan.

Sida ay lee yihiin wariyaasha Garoowe ku sugan, Faroole ayaa dadka kala hadlay in doonayo siddii uu wax uga qaban lahaa dhibaatooyin laga soo wariyay deegankaas oo ay ugu horeyso biyo la’aan.

Faroole ayaa loo sheegay in deeganka ay ka jirto baahiyo waaweyn sida Isbitaal la’aan iyo goobo waxbarasho oo ay u baahan yihiin ubadka ku nool deeganka.

Madaxweynaha ayaa ballan qaaday in uu wax ka qaban doono baahiyaha ay sheegeen dadka ku dhagan deeganka Caano-Yaska wuxuuna ayagana u sheegay in ay ka  faa’ideystaan mashaariicda horumarineed ee uu Midowga Yurub ka wado deegaannada maamulka Puntland.

Faroole ayaa sidoo kale dadka deegaanka ku baraarujiyay inay ka shaqeeyaan sidii ula dagaalami lahaayeen kooxaha xaalufiya deegaanka iyo weliba inay ka shaqeeyaan xoojinta nabadgelyada guud.

Si kastaba, Puntland iyo meelo badan oo caalamka waxaa ka billaabatay ololaha doorashada maamulkaas oo kolkan ka duwan wax badan kuwii hore.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

 

Wasiirka arrimaha dibedda Somalia oo loola cararay isbitalka Nairobi kadib..!

Nairobi (Caasimada online) Wararka aan ka heleyno magaalada Nairobi ee caasimada Kenya waxay sheegayaan in cisbitaalka guud ee magaalda la dhigay ra’isul wasaare ku xigeenka Somalia ahna wasiirka arimaha dibada Somalia Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan kadib markii xanuun uu kusoo booday.

Wasiirka oo shalay gaartay Nairobi si ay uga qayb gasho kulan looga hadlayo arrimaha qaxootiga oo ka furmaya Nairobi  ayaa la sheegay in mar qura xanuun deg deg ah uu kusoo booday.

Inkatoo xilligan xaalkeeda caafimaad sida la sheegayo uu yahay mid soo reynaya,  haddana waxaa la sheegay inay miir daboolantay marlkii xanuunkan uu ku soo booday walina lama sheegin waxa xanuunkaasi  uu yahay.

Dowlada Somalia wali kama aysan hadlin xanuunkan isbitaalka loo dhigay  wasiirada arimaha dibada Somalia iyo waxa ay kala socoto .

Sidoo kale dowlada Kenya oo ah halka iminka wasiirada ay ku xanuunsaneyso ayaan iyana dhankeeda arintan ka hadlin .

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Xog cusub oo laga helay qaraxii Hotel Makah Al-Mukarrama (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa faah-faahin laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerarr habeenkii xaley lagu qaaday Hotelka Makah Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho.

Inta la ogyahay lix qof ayaa ku dhintay weerarrka in ka badan 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen sida ay lee yihiin hey’addaha ammaanka dowladda.

Dadka ku dhintay qaraxa waxaa ka mid ah sii hayihii safaaradda Soomaalida ee UK Marxuum Cabduqaadir Cali oo loo yaqiinay Dhuub.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ayaa isla xaley tegay Hotelka la weerarray oo ku yaalla wado muhiim ah oo ay maamusho dowladda Soomaaliya.

Waxaa inta uusan qaraxa dhicin  oo loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu qabtay gudaha Hotelka wiil dhallinyarro ah oo watay Computer Laptop.

Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa si isku mid ah u cambaareeyay weerarkaas, waxaana hadda goobta ku sugan ciidamo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]