28 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Cumar Faaruq oo Addis Ababa ku xiran

0

Addis Ababa (Caasimada Online) Ilo xog ogaal ah oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegay in Cumar Faaruq Cismaan oo hoggaamiya garab ka mid ah NUSUJ uu ku xiran yahay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Cumar Faaruq ayaa la sheegay in lagu xiray garoonka diyaaradaha Addis Ababa, kaddib isagoo ka qaybgalaya shir ay lahaayeen hoggaamiyaasha warbaahinta Afrika.

Si dhab ah looma oga wax yaabaha loo heesto balse ilaha warkan aan ka soo xiganay ayaa noo sheegay in lagu lee yahay lacago badan, waxaana ku leh Hotel lagu magacaabo Jubeele oo ku yaalla magaalada Addis Ababa.

Cumar Faaruq waa xoghayaha guud ee garab ka mid ah NUSUJ oo ah hey’ad sheegta in ay ku mideesan yihiin oo ay wax u qabato saxaafadda Soomaaliya.

Waxaa jira labo garab oo NUSUJ ah kuwaasoo si yaabo kala duwan uga shaqeeya Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho, labadaas garab waa kuwa is khilaafsan waxaana la kala safan wariyaasha iyo hawlwadeenada warbaahinta Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Dabeelo wata roobab xooggan oo 100 qof ku dilay Puntland (Faah-faahin)

0

Garoowe (Caasimada Online) Roobab iyo dabeelo xooggan oo ku dhfutay deeganno badan oo ku yaalla  Puntland.

Inta la ogyahay 100 qof ayaa ku dhimmitay dabeelaha iyo roobabka oo ka socda deegannada Puntland labadii maalmood ee la soo dhaafay sida ay lee yihiin mas’uuliyiinta maamulka Puntland.

Meelaha sida weyn ay roobabka iyo dabeelaha ugu dhufteen ayaa ka mid ah deeganka Eyl waxaana lagu soo warramayaa in ugu yaraan 20 qof ay ku dhinteen oo ay ku jiraan seddax carruur ah.

Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Faroole oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in lagu soo wargaliyay ilaa 100 qof in ay ku dhinteen dabeelaha iyo roobabka ka da’aya deegannada Puntland.

Wuxuu kaloo sheegay Faroole in xoolo badan ay dileen dabeelaha iyo roobabka, balse qiyaas dhab ah ma heyno ayuu sheegay.

Wuxuu sababta ku sheegay in taleefonada meelaha ay roobabka ka da’ayaan ay jaran yihiin oo gooyeen roobabka iyo dabeelaha ka socda deegannada Puntland.

Dhinaca kale, magaalada Garoowe waxaa looga dhawaaqay guddiga xaalada deg dega ah iyo gargaarka maamulka Puntland kuwaasoo soo qiimeen doona dhibaatada ay geesteen roobabka.

Waxaa jirta cabsi la xiriirta in dabeelo xooggan oo wata roobab ay ku dhuftaan qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

VIDEO: Shalay & Maanta Sidaan ayeey Muqdisho isku badashay. “Daawo”

0

Wadooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu arkayaa gawaari nuucyadii ugu dambeeyay ee caalamka laga isticmaalo kuwaa oo aad ugu soo madanaya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Shacabka Muqdisho ayaa ku damaashaadaya Wadooyinka waaweyn ee halboowlaha u ah isu socodka Gawaarida iyo Dadweynaha taa oo amcnaheedu yahay in amaanka Magaalada ay soo hagaageeyso.

Amaanka Mqudisho waxuu ka soo hagaagayaa siduu uu ahaan jiray ayadoo xoogaa cabsi dhanka in gawaarida laga iska dhaco ay taa meesha ka baxday oo haatan uu jiro ilaada wadooyinka iyo ciidamo boolis ah oo daadsan wadooyinka Muqdisho ee nala daawo Damaashaadka Shacabka Muqdisho iyo Wadooyinka waaweyn ee Magaalada.

HALKAAN KA DAAWO:

Ehellada AUN Wariye Tima-Cadde oo lacago la siiyay (Faah-faahin)

0

Muqdisho (Caasimada Online) Wariyaasha ku nool magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa lacago ay soo direen waxaa maanta la siiyay ehelka iyo xaasaska uu ka tagay wariye Maxamed Maxamuud Tima-Cadde oo dhawaan u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerarr kooxo hubeysan ay u geesteen.

Abwaan Cabdulaahi Cismaan Guure oo ah aggaasimaha Idaacadda maxaliga ee Kulmiye iyo Cabduqaadir Faarad Dulyer oo ah wakiilka TV-ga Kalsan ee Muqdisho oo lacagtaas loo soo wakiisahay ayaa gacanta ka saaray ehelka Tima-Cadde.

Abwaan Guure oo saxaafadda la hadlay  ayaa sheegay in lacagtan oo dhan 4-kun iyo lixdan iyo labo oo dollar,ay soo dhiibeen wariyaal Soomaali ah oo ku nool magaalada London.

Wuxuu sheegay in wariyaashaas ay aad uga xumaadeen dilka Marxuum Tima-Cadde.

Lacagtan ayaa loo qaybiyay xaasas uu qabay marxuumka iyo kuwa ay kala tageen oo ilmo u hayay, waxaana ay u mahadceliyeen wariyaashii soo dhiibay lacagtaas.

Marxuum Tima-Cadde, ayaa ka mid ahaa tira wariyaal ah oo lagu dilay Muqdisho sannadkan, kuwaasoo ay dileen rag aan heybtooda lagan.

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay meelaha ugu khatarta badan ee saxaafadda ka howlgasho aduunka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DF Somalia oo qarisay fal kufsi oo ay ku kaceen Amisom, Sidee loo qariyey?

0

Nairobi (Caasimada Online) Warbixin ay soo saartay maanta oo Isniin ah hey’adda xuquuqda aadanaha ee HRW ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay qariyeen fal kufsi oo ay ku kaceen ciimo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Human Rights Watch ayaa sheegtay in dowladda ay ugu baaqday dowladda inay ka warbixiso kufsiga iyo tacadiyada kale ee loo geestay gabar Sooomaaliyeed oo xaas ah oo ay kufsadeen ciidamada AMISOM bishii August ee sannadkan.

Hey’adda ayaa sheegtay in dowladda ay guddi u saartay xadgudubka loo geestay haweeneydaas balse ilaa hadda waxba lagama hayo guddigaas ayey sheegtay hey’addu.

HRW ayaa sheegtay in haweenaydan oo wadatay ilmo yer xoog ay ku wadeen ciidamo ka tirsan dowladda kuwaasoo u geeyay ciidanka AMISOM dabadeedna waa ay kufsadeen.

Human Rights Watch ayaa sidoo kale sheegtay in falkaas oo dhacay 9-kii bishii August ee sannadkan 2013- ay ka soo wareegatay seddax bil ilaa haddana dowladda aan wax cad aysan u soo gudbin dadka shacabka.

Madaxa xuquuqda aadanaha dumarka ee HRW Liesl Gerntholtz,ayaa sheegtay in dowladda looga baahan yahay in wax ka qabato falalka kufsiga ee dhaca Muqdisho.

Ugu dambeen HRW ayaa dowladda ka cosatay in la joojiyo xadgudubka ka dhanka ah bini’aadinimada gaar ahaan kuwa ay geestaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

AMISOM waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo ku dhow 18,000 oo askari kuwaasoo ka socda waddamada Uganda, Burundi, Djibouti, Sierra Leone iyo Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Cornel Buule” Qofkii yiri Ciidamada DF ha isku dhiibaan Raaskambooni waa …

0

Kismaayo (Caasimada online) Cornel: Maxamed Buule oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada dowlada Somalia ee ku sugan duleedka magaalada Kimaayo ee xarunta  gobolka Jubbada Hoose ayaaa sheegay inay suuro gal aheyn inay isku dhiibaan Maamulka Jubba ee Axmed Madooe uu hogaamiyo.

Wuxuu sheegay inuusan waxba ka gelin heshiis Muqdisho lagu kala saxiixday balse ay quseyso isaga arimaha ciidanka jooga duleedka Kismaayo sida uu shaaca ka qaaday .

Cornel: Buule, wuxuu sheegay in loo baahan yahay in Ciidamada Maamulka Jubba ee Kismaayo ku sugan inay isku soo dhiibaan ciidamada dowlada Somalia si buu yiri maskaxdooda looga masaxo qabiil iyo qabyaalad.

” Qofkii yiri Ciidamada dowlada ha isku dhiibaan kuwa Raaskambooni waa qof dambiile ah oo mudan in dambigiia lagu qaado lana tuso ciqaab adag ” ayuu yiri Cornel Buule.

Dowlada Somalia iyo Maamulka Jubba ayaa dhowaan shir Muddo Seddex maalin ah socday ku heshiiyay in ciidamada dowlada Somalia ee Duleedka Kismaayo ku sugan iyo Kuwa Maamulka Jubba in la isku daro lagana dhigo kuwo mideysan  lana qarameeyo .

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

 

DHAGEYSO: Isbaheysiga Barre Hiiraale oo qaatay go’aan wax weyn ka beddeli doona xaaladda magaalada Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Afhayeenka Col, Barre Hiiraale  ayaa sheegay inay guud ahaan taageereen hishiiska Muqdisho lagu gaaray ee ku saabsanaa arrimaha Jubooyinka kaasi oo uu ku sheegay inay u yeeleen tixgelinta nabada shacabka iyo maslaxada gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

Xasam Qaasim Warsame, ayaa sheegay inay dagaal diyaar u aheyn inay  ku aadaan magaalada Kismaayo balse taasi badelkeeda ay diyaar u yihiin meelmarinta hishiiskii Muqdisho ka dhacay.

” Waxaan ku sheegayaa in aan  duuduub u qaadanay hishiiska Jubooyinka, waxaana taasi u yeelnay maslaxada dadka jubooyinka iyo aragtida wixii dib u hishiisiin ah ee dadka loo rabo. Mana rabno in aan hadda dagaal ku qaadno Kismaayo haddii aan cid kale inagu kalifin” ayuu yiri Xasan Qaasim Warsame.

Mar uu ka hadlayey dib u noqoshada Kismaayo iyo ka mid noqoshada maamulka Juba ee uu hogaamiyo Ahmed Madoobe ayuu sheegay inay diyaar yihiin ka qeybgalka maamulka inta dhiman oo ay xaqa u leeyihiin. Balse wixii dib ugu noqosho ah Kismaayo ay wali wadahadal ka socdaan.

” Waxaan ku sheegayaa in aan diyaar u nahay ka qeybqaadasha maamulka inta dhiman in aan ka mid noqono oo waliba wixii aan xaqa u leenahay in aan ka qaadano, taasina waxaan la sugeynaa markii maamulka uu ina soo gaaro. ” Ayuu yiri Xasan Qaasim isagoona kasii hadlaya arrinta ciidankooda dib loogu celinaya Kismaayo ayuu yir.

” Arrinta ciidanka ma ahan mid wali soo dhamaatay waxaana wada dowlada iyo beesha caalamka waxaana eegi doonaa waxa ay inoo soo gudbiyaan. Haddii ay wax inoo qalma keenan waan soo dhaweyn doonaa, haddiise wax aan inoo qalmin inoo soo gudbiyaan waxaan u sheegi doonaa inan yeeli doonin. Haddase waxaan ku leeyahay howsha ciidanka iyo dib u celintiisa ma soo dhamaan” ayuu yiri Xasan Qaasim Warsame.

Hadalka afhayeenka Col, Barre Hiiraale ayaa ka duwan kuwii uu horey u jeedin jiray oo ahaa hanjabaado dagaalo ay ku qaadayaan Kismaayo iyo maamulka Juba. Waxaana arrintaasi inay isbadesho sabab u ah hishiiskii Jubooyinka oo uu wakiilkooda Muqdisho Abdi Shire Warsame uu u saxiixay hishiiskaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga

Afhayeenka-Barre-Hiiraale-Xasan-Qaasim-Warsame

Isha: Kismaayo24

 

Kooxo hubeysan oo toogasho ku dilay wasiir ku xigeenkii warshadaha ee…

0

Tehran (Caasimada online) Wasiir ku xigeenka warshadaha Iran ayaa la sheegay inay dileen kooxo hubeysan oo aan la garanaynin.

Safdar Rahmatabadi oo ah wasiir ku xigeenkii warshadaha Iran ayaa la sheegay in gaari uu ku waday fagaaraha Sabalan e caasimada Tehran gelinkii dambe ee shalay markii la dooganayay waxaana rasaaska marqura ay kaga dhacday madaxa iyo xabadka, sida wakaalada wararka qaranka Iran ay baahisay.

Sarkaal booliska ka tirsan ayaa u sheegay wakaalada in dadka weerarka qaaday ay u muuqdeen inay saarnaayeen gaariga wasiir ku xigeenka ayna la hadleen ka hor inta aysan rasaasta ku furin.
Lama hayo xaqiiqo iyo faahfaahin ku aadan sababta loo bartilmaameydsaday wasiir ku xigeenka warshadaha dalka Iran.

Booliska ayaana sheegay inay bilaabeen baaritaan arintaasi lagu ogaanayo, iyadoo aysan jirin koox sheegatay inay ka dambeysay dilka wasiir ku xigeenki warshadaha dalka Iran.

Dilka masuuliyiinta ayaa ah mid aan ku cusbeyn dalka Iran, waxaana sidoo kale dilal kale oo horay loogu geystay dadka sida aad u yaqaana Saynis-ka iyo arimha hubka Nuclear-ka.

Horaantii bishaan qaadi iyo wadahiisii gaariga ayaa lagu dilay gobolka Sistan Baluchistan, oo ku yaala xuduuda dalalka Afhganistan iyo Pakistan.
Wasiirka ku xigeenka warshadaha ee dalka Iran ee la dilay ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladii Mahmoud Ahmadinejad.

Toogashada wasiirka ayaa kusoo beegantay, iyadoo dowlada Iran ay wadahadal kula jirto lix dowlad ee u quwada weyn dunida oo ay ka wadahadlayaan arimaha hubka nuclear-ka Iran.

Kulamada nabadeed ee Geneva ayaa waxaa lagu soo jeediyay in la yareeyo cunuqabateynta saran dowlada Iran.

Maamulka Yahuuda Israel oo horay Iran ay ugu hanjabeen dhanka amaanka ayaa kasoo horjeesaday wahadalada ka dhacay Geneva.

Caasimada Online

Xafiiska Tehran

[email protected]

DHAGEYSO: Halis aysan dad badan ka war-heyn oo ka socota Somalia

0

Roobab wata dabeylo ayaa ka socda degmada Bender Beyla iyo deegaanada u dhow ee gobolka Bari.

Dabeylahan iyo roobabkan oo la sii saadaaliyey ayaa bilaabmay habeen hore.

In kasta oo khasaare dhimasho iyo dhaawac ahi uusan jirin, haddana dabeylaha ayaa wata qabow daran oo aanay dadka deegaanku aqoonin siday ula tacaali lahaayeen.

Xoolihii ayaa sidoo kale daaq la’aan jooga, maaddaama aan dibadda loo bixi karin. Deegaanka Eyl ee gobolka Nugaal ayaa isagu xaalkii ka sahlan yahay sidii la saadaaliyey.

Sidoo kale, Wararka ka imanaya deganaka Gardufuu ee Puntland ayaa sheagaya in dabaylo xooggan iyo roobab ay ku dhufteen deganakaasi.

Wareysiyo ku saabsan wararkii ugu dambeeyay ee roobabkaas halkan hoose ka dhageyso.

Dhageyso: SOMALI banaanbax ka dhigtay Minnesota Hal arina dalbatay

0

Minneapolis (Caasimada online) Banaanbaxaan oo ay kasoo qeyb galeen dhalinyaro iyo haween Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota  ayaa waxay kaga dalbanayeen dowlada Mareykanka inay cadaalada hor keenaan dadka ka dambeeya dilka dhalinyarada Soomaaliyeed.

Qaar kamid ah dadka banaanbaxaya dhigayay ayaa ku qeylinayay erayo ay kamid yihiin waxaan doonaynaa cadaalada, waxaan doonaynaa sharciga in la horkeeno dadka ka dambeeya dilalka Soomaalida.

Sidoo kale dhalinyarada ayaa ku dhawaaqayay “joojiya dilka joojiya toogashada” kadib markii marar badan dhalinyaro Soomaaliyeed lagu dilay gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Maalintii shalay ayay aheyd markii wiil Soomaali ah lagu dilay xaafada Lantern Drive ee magaalada Columbus ee gobolka Ohio oo dalka Mareykanka ah, iyadoo aan la ogeyn sababta dilkaasi ka dambeysay.

Wiilkaasi ayaa waxaa dilay seddex ruux oo madow ahaa kuwaasi oo aan la ogeyn waxay ahaayeen, waxaana ay ka baxsadeen goobta markii dilka ay geysteen kadib, sida dadka Soomaalida ee ku sugan gobolka ay sheegeen.

Halkaan Hoose ka dhageyso codka Somalia Banaanbaxeysa

Halkaan ka dhageyso Somalida banaanbaxa dhigtay

Caasimada online

Xafiiska Minneapolis

[email protected]

Ciidamo AMISOM oo loo diraayo beelo ku dagaalamay Jowhar

0

Jowhar (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas loo diray ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika.

Wariye ku sugan Jowhar ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online, in ciidamada loo diray deegannada lagu dagaalay ay ka ambabaxeen magaalada Jowhar.

Wariyaha ayaa sidoo kale sheegay in shaley iyo maanta ay deggan yihiin goobaha lagu dagaalamay balse ay is hor fadhiyaan beelaha dagaalamay.

Si kastaba, shaley ayey ahayd markii uu wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Soomaaliya mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed uu Muqdisho kula kulmay xildhibaanno ka soo jeeda Shabeelaha Dhexe iyo Maamulka Gobolkaasi .

Wasiirka ayaa u sheegay xildhibaannada ka soo jeeda gobalka in loo baahan yahay in la dhex galo labada beel isla markaana wixii lakala tabanaayo la isku qanciyo iyadoo loo maraayo qaab sharci ah oo ay dowladda ogtahay.

Wasiir Cabdikariin ayaa sidoo kale ku dhawaaqay shir dib u heshiisiin oo labada beelood loo qaban doono kaasoo wejigiiisa koobaaad lagu qabanaayo Muqdisho halka wejigiisa labaadna uu ku qabsoomi doono Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video: Mashruuc dhismooyin casri ah oo laga fulinaya deegaanka Jazeera

0

Caasimada Online:  Ganacsata Soomaaliyeed & kuwo Ajaanib ah ayaa fulinaya Mashruuc laga hergalinayo Deegaanka Jazeera ee Magaalada Muqdisho kaas oo noqonaya mid laga dhiso Guryo qaab casri ah loo dhisayo oo ah xaafad ka mid ah Deegaanka Jazeera.

Mashruucaan oo nuuciisa la soo bandhigay ayaa ah mid aan horay loo arag ayaa laga fulinayaa deegaanka Jazeera waxaana aad ugu farxay Shacabka Soomaaliyeed ee arkay mashruuca iyo qaabka loo fulinaya ayaa aad ula dhacay ee nala daawo mashruuca iyo qaabka uu yahay.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Maxay QM ka tiri xaaladda iminka ee dalka Soomaaliya (Warbixin)

0

Nairobi (Caasimada online) Wakiilka gaarka ee Qaramada Miudoobay u qaabilsan Qaramada Midoobay Nicholas Key ayaa ka hadlay siyaasada dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in iminka xaalada ay tahay mid mareysa meel wanaagsan.

Mr Key, ayaa sidoo kale sheegay in dalka Soomaaliya uu ku tilaabsanayo horumar dhanka amaanka iyo wadahadalada loo marayo sidii loo xalin lahaa qilaafkaadka siyaasadeed ee ka taagan dalka Soomaaliya.

“Fursada la abaauray iminka waxay tahay  in dhibaatooyinka Soomaaliya lagu sameeyo ka shaqeynta sidii loo wadaagi lahaa ilaha dhaqaalaha iyo awooda maamulka ee dhexmarta dhinacyada kala duwan ee danaynaya wadanka, iyadoo u maraya hab federal ah aad ayaana ugu faransanahay in shacabka Soomaaliyeed ay ku mashquulaan sidii ay u yeelaan dodo iyo habsiyaasadeed oo lagu dhameeyo arimaha taagan” ayuu yiri Mr Key.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dalka laga qabtay afar shaqo oo ay ugu horeyso isticmaalida Xafiisyo muhiim ah oo ka shaqeeya dhisada Nabada iyo dib u heshiisiinta.

Ugu dambeyn Mr Key ayaa sheegay in waqtigan la joogo xilligii dadka fikradaha kala duwan ee dalka ka jira ay ku dhameyn lahaayeen khilaafkooda wada hadal iyo wada xaajood ayna u wadaagi lahaayeen kheyraadka dalka yaala.

Caasimada online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Dhageyso: Wareysi aan la yeelanay Haweeney ka tirsan HRW

0

Nairobi (Caasimada online) Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkuugu soo gudbineynaa wareysi aynu la yeelanay u qaabilsanaha Hayada Xuquuqda aadaha ee Qaaramada africa dhanka baaritaanada Haweenayda lagu magacaabo Laetitia Bader oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya waana su’aalo iyto Jawaabo .

“Waxaan si qote dheer ah u daba soconay kufsiga iyo shilka kufsiga ee ka dhacay Muqdisho, ee lagu eedeeyay ciidamada AMISOM waxaana arintaasi aan ula soconaya si taxader leh , dowlada ayaa ugu dambeyn kusoo biirtay baaritaanka arintaan, laakiin waxaan kuu xaqiijin karaa in wax badan aan baaritaan sameynay  waxaan sidoo kuu xaqiinayaa in seddex goobjoogayaal ah an loola dhaqmin si wanaagsan iyo haweenaydii iyaga nafsad ahaanteeda la kufsaday”

Warsaxaafadeedkiina waxaad ku sheegtay in dowlada looga baahan yahay sameynta baaritaan cusub, ka hor baaritaanka dowlada iyo AMISOM mala xiriirteen.

“Haa waan la xiriirnay labada dhinac afhayeenka AMISOM iyo madaxda dowlada Soomaaliya ee lugta ku leh baaritaanka kufsiga si aan isugu dayno una fahano waxay ay ku ogaadeen baaritaanka maxaa yeelay waxay sameeyay warbixino yar oo saxaafada ay siiyeen bilihii lasoo dhaafay waxaana ula xiriiray inaan weydiiyo halka baaritaanka uu ku dambeeyay taasina waa sababta aan labada dhinac ula xiriirnay,

Hadda waxaan helnay waxay tahay waxa dowlada Soomaaliya iyo AMISOM ay ka yiraahdeen labada dhinac waxaana arintaan aan xaqiiqsanay markii aan doodo badan la yeelanay labada dhinac dowlada iyo AMISOM”

Haweenayda la kufsaday wax xiriir ah mala sameyseen?

“Hagaag sidaan ku sheegnay war saxaafadeedkeena waxay si qoto dheer ah noogu qeexday sida loo afduubtay 8 August 2013 waxaana afduubtay, waxay noogo sheegtay ciidamada dowlada Soomaaliya oo u qaadeen goob ay noogo sheegtay inay yaaleen gaadiidka AMISOM oo ilaa shan goobood ah halkaasi oo markii dambe kufsi loogu geystay”

Qoraalkii aad soo saarteen markaan ku laabano waxaad dhahdeen dowlada way iska dhigtay arintaan, Maxaad kala jeedaan?

“Waxaa iminka seddex bilood laga joogaa markii dowlada Soomaaliya arintaan ay u magacowday gudi farsamo mana jirto ilaa iyo hadda wax warbixin rasmi ah oo laga hayo, oo ku aadan waxay ka heleen baaritaanka waxaa sidoo kale muhiim ah in hayadaha amaanka ay ka gaabiyeen arintaan, laakiin waxaan rajaynaynaa inay ka hadli doonaan arimahaan oo idil”

Ugu taladaada labada dhinac maxay tahay

“Waxaan ugu baaqayna dowlada Soomaaliya inay qaado baaritaan cusub oo ah mid madax banaan oo cadaalad ah, iyo raadinta warbixino dheeri ah oo kufsiga ku aadan, oo laga soo saaro dadka ku lugta leh arintaan, gabadha waxay leedahay qoys waxaana laga heli karaa warbixin kale oo arintaan ku saabsan, sidoo kale waxaan ugu baaqaynaa AMISOM oo dambigan lagu eedeynayo  horayna aan uga dalbanay inay hubiyaan haddii ay hayaan wax cadeymo muujinaya dambigaan kufsiga ah iyo baaritaanada dhankooda sameeyaan”.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Laetitia Bader

HRW

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Mucaaradka Syria oo sharuudo ku xeray ka qeyb galka shirka la qorsheynayo dhamaadka bishan November

Mucaaradka ugu weyn Syria ayaa sheegay inay ka qeyb galayaan wadahadalka la qorsheeyay ee dhanka nabada ah, haddii xaalada qaar laga wadahadlo.

Isbahaysiga qaranka Syria ayaa ku baaqay in la damaanad qaado hayadaha gargaarka inay maraan deegaanada la hareereeyay iyo in la sii daayo maxaabiis siyaasad ahaan u xeran.

Waxay sidoo kale sheegay in shir kastaa oo la qabtoo natiijadiisa uu noqonayo siyaasad kala guur ah.

Qaramada Midoobay Mareykanka iyo ruushka ayaa isku dayaya in shirkaasi la qabto dhamaadka bishaan November iyadoo la doonayo in lagu qabto magaalada Geneva.

 

Isbahaysiga qaranka Syria ayaa gaaray hishiiskaani kadib markii muddo labo maalin ah wadahadalo ay ka dhacayeen magaalada Istanbul ee dalka Turkey.

Madaxa shaqaalaha hogaanka isbahaysiga Monzer Azbik ayaa war kasoo baxay xafiiskiisa waxaa lagu sheegay in Al Asaad inuusan door ku laheyn xiliga KMG iyo mustaqbalka Syria.

Waxaa jiro qodobo ay soo jeediyeen oo aan la wadahadli Karin ka hor inta aan la damaanad qaadin oo ay kamid yihiin in hayadaha caalamiga loo ogolaado inay tagaan deegaanada dhanka dowlada gacanta ugu jiro.

 

 

DF oo ka hadashay heshiiskii maanta ay la gashay Kenya iyo noociisa

0

Nairobi (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay heshiis seddax geesood ahaa oo maanta ka dhacay magaalada Nairobi, kaasoo looga hadlay sida ugu haboon ee loo celin karo qoxootiga Soomaalida ee buux dhaafiyay xeryaha gobalka waqooyi bari Kenya.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo la hadashay goordhow VOA-da ayaa sheegtay in heshiiska ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo ay ku jirto QM hey’adda qoxootiga u qaabilsan ee UNHCR.

Waxa ay sheegtay in heshiiskan uu soo socday muddo dheer, waxaana dalbatay ayuu yiri in qoxootiga ay dib u laabtaan dowladda Kenya.

Wasiiradda ayaa sidoo kale sheegtay inaysan jiri doonin dad si qasab ah loo celiyo, qofkii doonaya in uu dib ugu laabto waddankiisa ayaa la celin doonaa kii kale wuu sii joogaya.

“Dadka waxaa loo kala saari doonaa qaybo qaybo, waxaa horrey u tagay xeryaha saraakiil ka socda seddaxda dhinac heshiiska gaaray kuwaasoo dadka weydiinaya bal qofka doonaya dibedda in uu sii aado iyo qofka ay wax u dhimman yihiin ma dhici doonto in si qasab ah loo celiyo” ayey tiri Fowsiyo.

Waxaa la weydiiyay doorka UNHCR, waxa ay shegtay in UNHCR iyo hey’addo kale oo ay ka mid yihiiin UNICEF iyo WFP ay noqon doonto in ay gacan ka geestaan celinta dadka faraha badan ee doonaya dalka.

Waxa ay sheegtay in horrey ay Soomaaliya u tageen ilaa 80,000 oo qof kuwaasoo ka tagay xeryaha qoxootiga dalka Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Qoddobo Muhiim ah oo looga hadlay shirkii Nairobi ee Maanta (Warbixin)

0

Nairobi (Caasimada Online) Magaalada Nairobi waxaa goordhow lagu soo gabagabeeyay shir seddax geesood ah oo u dhexeeyay Soomaaliya, Kenya iyo Qaramada Midoobay hey’adeeda u qaabilsan qoxootiga ee UNHCR.

Shirka waxaa looga hadlay arrimo badan gaar ahaan siddii qoxootiga Soomaalida ee ku nool xeryaha dib loogu celin lahaa dalka Soomaaliya.

Shirka waxaa si weyn diirada loogu saaray in dadka doonaya in ay dib ugu laabtaan Soomaaliya, si nabadgalyo leh loo sagootiyo.

Shirka marka uu soo dhammaaday waxaa shir jaraa’id qabtay madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto, kaasoo sheegay in la isku raacay in qoxootiga Soomaalida ee ku nool Kenya dib loogu celiyo Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in la gaaray xilligii dib loo celin lahaa dad lagu qiyaasay nus malyuun oo qoxooti ku ah dalka Kenya.

Mr. Ruto ayaa tilmaamay in maanta la isku raacay in la sameeyo guddi ka kooban dowladaha Kenya, Soomaaliya iyo UNHCR kuwaasoo billaabi doona bal in ay odorosaan siddii dib loogu celin lahaa qoxootiga Soomaalida ee buux dhaafiyay Kenya.

Wuxuu sheegay in la joogo xilligii qoxootiga dib loogu celin lahaa dalkooda.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya oo isna shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in xittaa Soomaalida sharci darada ku jooga magaalada Nairorbi dib loogu celin doono qoxootiga isla markaana dib loogu soo celin doon waddankooda.

Wasiirka Arrimaha dibeda Soomaaliya, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya uusan ka imaan qorshaha qoxootiga Soomaalida dib loogu celinaayo waddankooda, waxa ay sheegtay in go’aankaas ay qaadatay dowladda Kenya markii dhowr mar la weerarray waddankeeda.

Waxa ay sheegtay in Soomaaliya ay xilliga diyaar u tahay in Soomaalida ay ku soo laabtaan waddankooda, waxaa kaloo ay sheegtay in ku dhawaad 80 kun oo qoxooti ah ay hadda dib ugu laabteen waddankooda kuwaasoo ka tagay dalka Kenya.

Waxaa kaloo ay sheegtay in wixii ka dambeeyay qarixii Westgate Mall uu kordhay dalabka Kenya ee ku aadan in qoxootiga Soomaalida dib loogu celiyo waddankooda.

Ugu dambeen mas’uul u hadlay hey’adda UNHCR ayaa ku celceliyay in loo baahan yahay qaab sharciga waa faqsan oo aan ahayn xoog iyo juujuub loo isticmaalo dadka doonaya in ay dib ugu laabtaan waddankooda.

Si kastaba, si dhab ah looma sheegin marka uu billaaban doono qorshaha qoxootiga doonaya in ay dib u laabtaan la qaadayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Video: 4 dhallinyaro Somali ah oo goob shiishad London ah lagu togtay

0

Caasimada Online: Afar dhalainyaro oo Soomaali oo ku nool magaalada London ee dalkaas Ingiriiska ayaa waxaa la sheegay in lagu qaaday weerar iyadoona uu mid ka mid ahaa Soomaalidaas lagu dilay weerarkaas oo uuna ku geeriyooday goobtaas.

Soomaalidaan weerarka lagu qaaday ayaa waxaa la sheegay inay ku sugnaayeen meel maqaaxi ah oo lagu cabo shiishada xilligii weerarka lagu soo qaadaayey, Dhalinyaradaan Weerarkaas ninka Soomaaliga ah ee ku geeriyooday ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Ismaaciil Cabadulaahi Sugaal, sadaxda nin ee dhaawaca ah ayaa mid ka mid ahna waxaa la shegay inuu dhaawaciisu uu yahay mid halis ah, ee Nala Daawo Muuqaalka Goobta ka dhacay weerarka.

HALKAAN KA DAAWO:

 

 

Sawirro: Hadal dad badan ku farxeen oo maanta kasoo yeeray Xasan Sh.

0

Mogadishu (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegey in qodobadii ka soo baxay shirweynihii Qaran ee Caafimaadka in Dowladdu ay dhaqangelineyso si caafimaadka dalka loogu sameeyo dib-u-habeyn.

Shirweynaha caafimaadka dalka oo mudada sedax maalin ka socday magaalada muqdisho ayna ka qeyb galayeen quburo iyo xirfadlayaasha caafimaadka ayaa waxaa laga soo saaray shan qodob oo saldhig u noqonaya horumarinta caafimaadka dalka Soomaaliya. Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Horumarinta Addeega Bulshada ayaa waxaa lagu casuumay dhaqaatiirta iyo xirfadleyda Soomaaliyeed ee ku howlan arrimaha caafimaadka oo ay ka mid ahaayeen macallimiin jaamicadaha caafimaadka dalka.

Qodobada ka soo baxay shirka ayaa ahaa in la hagaajiyo maamulka iyo maareeyntiisa, Istraatejiyad iyo Siyaasad Caafimaadka Dalka, Sharciyada caafimaadka, hoggaanka, iyo in la xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga hay’adaha caalamiga ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo soo xiray shirweynaha caafimaadka ayaa yiri “Dowladdu ahmiyad gaar ah ayey siineysaa tayeynta caafimaadka oo ah aasaaska nolosha iyo in dowladdu ay dhaqangelin doonto shanta qodob ee aad ka soo saarteen shirweynahan muhiimka ah.”

“Waxaan balan qaadeenaa wixii karaankeena ah in aan ku kabno hooyada, canuga iyo waayeelka soomaaliyeed in uu caafimaad helo iyo in qof waliba oo soomaali ah uu meesha uu joogo uu ka helo meel uu daawo u doonto marka uu xanuunsado” Ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Shirweynahan ayaa ka mid ahaa shirar ay dowladdu horey u qabatay oo looga hadlayey arrimaha muhiimka ah. Ujeedada shirarkan qaran ayaa ah in shacabka laga qeybgaliyo tallooyinka muhiimka ah si ay dowladdu u dhaqangeliso fikir Soomaaliyeed oo ay khubaradii Soomaaliyeed falanqeeyeen, ka doodaan, go’aanno muhiim ahna ka soo saareen.

caaf (1)caaf (2)caaf (3)caaf (4)caaf (6)caaf (5)caaf (7)caaf (8)caaf (9)caaf (10)caaf (11)caaf (12)

DEG DEG: Shir Soomaaliya, Kenya iyo QM uga furmay Nairobi + Ujeedada

0

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya waxaa goordhow ka furmay shir seddax geesood ah oo looga hadlaayo siddii qoxootiga Soomaalida ee ku nool xeryaha Kenya dib loogu celin lahaa waddankooda.

Wariyaha Shabakadda Caasimada Online ee Nairobi oo ku sugan xarunta shirka ayaa sheegaya in shirka uu goordhow ka furmay xarunta KCB ee Nairobi.

Wuxuu kaloo sheegay shirka oo ay ka qaybgalayaan Soomaaliya, Kenya iyo Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qoxootiga UNHCR in la filaayo in ay heshiis ku kala saxiixdaan wasiiradda arrimaha dibedda Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale shirka waxaa ka qaybgalaya Madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Rutto iyo safiiradda caalamka ee u jooga Kenya gaar ahaan kuwa deeq bixiyaasha.

Kenya waxa ay martirgalisay ku dhawaad hal milyan oo qof oo ah qoxooti Soomaali ah kuwaasoo ka soo cararay dagaalada ka socday wadankooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Dibad bax aan noociisa horey loo arag oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay dibad bax looga soo horjeedo askari ka tirsan dowladda oo wiil caseeye ah ku dilay isgoyska Zoobe.

Haween iyo dhallinyaro careesan ayaa dibad bax ka dhigay afaafka hore ee xarunta dambi baarista CID, waxaana ay ku dhawaaqayeen hadallo ka dhan dowladda, iyo in la soo xiro askariga dilay wiilka caseeya ah.

Intaa kaddib waxaa goobta soo gaaray ciidamo kuwaasoo soo qabtay askariga dilay wiilka caseeya, waxaana lagu xiray xarunta CID-da sida uu sheegay goobjooge.

Dhacdadan ayaa waxa ay noqotay mid aad looga hadalhayo maanta magaalada Muqdisho gaar ahaan nawaaxiga Zoobe oo meel aad u camiran.

Dadka dibad baxayay ayaa gooyay wadooyinka, waxaana ay hakad galiyeen baabuurta dadweynaha iyo kuwa gaarka loo lee yahay oo aad u isticmaala isgoyskaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]